-
Content Count
206,548 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal-yahannada kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya dhufeysyada iyo goobaha ay kaga sugan yihiin buuraha Al-Bari ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland. Muuqaallada Daacish ay soo bandhigeen ayaa waxaa ka muuqda dagaalyahannada oo ku hoos jira buuro, ayaga oo taagan banaan, iyo mar ay daawanayaan taleefishin aad u yar oo u hoos yaalla buur. Tirade dagaalyahanada ee ka muuqda sawirrada ay Daacish soo bandhigeen ayaa ah illaa dhowr iyo toban dagaalyahan. Muuqaalada ay baahisay kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo maanta rag hubeysan ay dileen askari ka mid ah ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso, mid kalena ay dhaawaceen. Askartan ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada, waxaana la sheegay in dilkooda ka dib ay halkaasi isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, hase yeeshee kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso iyo sidoo kale magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)– Somali military has vehemently denied US claims to have carried out drone strike against Al Shabaab. A colonel, Bulle Mohamed Ibrahim, called claims made by US as ‘baseless and absurd one’, saying Somali army killed 18 militants in operation near Kismayo, some 500km south of Mogadishu. “There was no US airstrike in Somalia, which killed 18 Al-Shabaab militants, but, it was an operation carried out by Somali army forces”, he said. In a statement, U.S. Africa Command said the strike killed 18 Al-Shabaab militants in Janaa Abdalla area, some 50km northwest of Kismayo town after U.S. and Somali troops came under attack by Al Shabaab. “The US military carried out an airstrike, in a bid to participate in a “Somali partner forces-led operation against Al-Shabab,” said a memo obtained by Caasimada Online. The United States has carried out more than 20 airstrikes against Al-Shabab in Somalia in 2018. The special operations forces have also been rotating through the country for several years to bolster local and regional forces. The U.S. military partners with the African Union Mission to Somalia, or AMISOM, during combined counter-terrorism operations against al Shabab training camps and terrorist leadership. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel in Somalia. In early June, one U.S. soldier was killed and four more were wounded during an attack by Al-Shabab militants that consisted of small-arms fire and mortars near Kismayo, a town some 500km south of Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Maalmihii u danbeeyay waxaa sii xoogeysanayay falalka amaan darri ee ka jira gudaha dalka Itoobiya xilli xukuumadda dalkaasi ay isku dayeysay iney soo afjarto kala duwanaanta ka dhex taagan qowmiyadaha kala duwan ee dalka. Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Gambela ee galbeedka caasimadda Addis Ababa ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan saaka lagu soo daadiyay xaafadaha iyo waddooyinka isla markaana ay bilaabeen qabqabashada dadka ka dib markii magaaladasi ay ka dhaceen falal dilal ah. Sida aan ka soo xigannay ilo wareedyo xagga saxaafadda ah, koox hubeysan ayaa gsaaka udaha magaaladasi ku dishay wiil dhalinyaro ah iyadoona arrinkaas loo sababeynayo aanooyin qabiil. Ciidamada Booliska ee sida Milatariga u tababaran ayaa xiray goobaha ganacsiga iyo waddooyinka qaar, waxaana ay qabqabteen tiro badan oo dhalinyaro ah. Dhanka kale, isla magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayay howlgallo raaf ah ka dib markii dhalinyaro loo maleynayo iney taabacsan yihiin xisbiyada Oromada ay ku kaceen falal ka dhan ah qowmiyadaha kale. Falalkaas ayaa sidoo kale loo sababeeyay khilaaf ka dhex oogan xisbiyada Oromada iyo kooxaha Mucaaradka ee dhawaan nabadda qaatay, waxaana la soo sheegay in axsaabta qaar ay labo u kala jabtay isla markaana hadda ay ku loollamayaan deegaanada dhaca mandiqadda Addis Ababa. Dalka Itoobiya oo dhawaan ay ka dhaceen isbadallo siyaasadeed oo waaweyn ayaa hadane la rumeysan yahay in wali ay aasan yihiin aanooyinka u dhexeeya qowmiyadaha, waxaana hadda billowday dhalleeceymo loo jeedinayo R/Wasaare Abiy Axmed oo la xiriira inuu dhinac la noqday qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Oromada. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Bosaso[Puntland Post]-Ciidamada amniga ee Magaalada Bosaso ayaa soo qabtay ragii geysatay weerarkii saaka ka dhacay Boosaaso, oo lagu dilay Askar ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amniga ayaa u xaqiijiyey Puntland Post in la qabtay Ragii dilka geystay islamarkan ay goor dhow saxaafad ay u soo bandhigi doonana. wixii ku soo kordha dib ayaa idinku soo gudbin’doonaa. The post Deg Deg ” Dablay saaka Askar ku dishay Bosaso oo Gacanta lagu soo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Onlnie) – Waxaa sii xumaanaya amniga magaalada Muqdisho oo gaaray heer ay sii xoogeysato cabsida bulshada ku dhaqan caasimadda Soomaaliya. Qaraxyada, dilalka qorsheynsan iyo baabuurta lagu dhajiyo waxyaabaha qarxa ayaa noqday kuwo faraha ka bixiyey amnigii magaalada. Waxaa ugu dambeeyey isku daygii dil ee sabtidii loo geysan rabay Professor Yaxye Caamir oo bedelkiisa uu dhintay walaalkiis ka yar, kaasi oo watay baabuurkiisa oo qarax loogu xiray. Hase ahaatee, Yaxye Caamir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka wax dila ee ku sugan Muqdisho aysan ahayn Al Shabaab oo kaliya balse ay jiraan qeybo kale oo siyaabo kala duwan wax u khaarajiya. Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay 7 koox, ayaan magacaabin balse waxaa jira in ka badan 7 dhinac oo Muqdisho isku dila, Hadaba, yey noqon karaan? 1 – Al-Shabaab – Shaki cidna ugama jiro in Al-Shabaab yihiin kuwa dilka ugu badan geysta, ee ku sugan magaalada, iyagu xataa taas ma difirsana oo ay weyba sheegtaan marka ay dad dilaan. Sidoo kale inta badan qaraxyada magaalada Muqdisho ayaga ayaa fuliya oo sheegta. 2 – Ciidamada Dowladda – Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalinta koowaad ee dilalka ku haystaan Al-Shabaab. Waxay dhacaan shacabka oo mararka qaar dilaan, waxay rasaas isaga furaan baabuurta rayidka. Ayaga dhexdooda ayaa is-dila oo ku dagaalama lacagaha baadda ah ee ay dadka ka dhacaan. 3 – Sirdoonka shisheeye – Muqdisho waxaa ku dhex jira dad u shaqeeyaa sirdoon shisheeye, oo ayagana dila sirdoonka kale ee u shaqeeya dalal kale. Arrimahan waxaad ugu lug leh sirdoonka u shaqeeya dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka, Qatar, Sacuudiga, Turkey, Ethiopia, Kenya, Mareykanka iyo dalal kale. 4 – Ganacsatada – Ganacsatada ayaa iyaguna ah kuwo geysta dilal ay la bartilmaameedsanayaan ganacsatada kale ee uu kala dhexeeyo loolanka ganacsi! Kiisaskan ayaa inta badan dhaca marka ganacsi uu ku taajiray qof, uu qof kale lasoo gala ama suuqa ka saaro, taasi oo mararka qaar kuwooda aan iimaanka lahayn ku hogaamisa falal aan la mahdin. 5 – Shaqaalaha – Shaqaalaha ka tirsan hay’adaha kala duwan sida shirkadaha, dowladda iyo UN-ta ayaa iyaguna is bartilmaameedsada oo kala disha shaqooyinka. Arrintan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah kala dilashada xilalka dowladeed, oo mararka qaar xitaa ay isku sameeyaan dadka aadka isugu dhow, xitaa xildhibaanada ayaa kala disha boosaska. 6 – Aanooyin – Waa arrin soo jireen ah in qabiilada ay isu dilaan aanooyin iyo utumo hore iyaga oo kala aarsanaya dhacdooyin dil oo muddo hore dhacay. Waxaa jira kiisas la xaliyey, oo dadkii dadkooda laga dilay aysan weli ka sabrin, ama qabiilo waagii hore laga awood badnaa, oo aan aarsan karin balse hadda fursad helay, ayaga oo kusoo gabanaya magaca Al-Shabaab kadibna sidaas ku aarsada. 7 – Amisom – Ciidamada Amisom waxay sidoo kale kaalintooda ku leeyihiin dilalka Muqdisho, ayaga inta badan dilalkooda waxay dhacaan marka ay baabuur jiirsiiyaan shacab ama rasaas aan loo meel-dayin furaan. Arrimaha yaabka leh ayaa ah dhammaan in dilalkan markay dhacaan aan laga war-hayn, oo badanaa la yiraahdo un qof shacab ah ayaa la dilay, maadaama xogtooda hoose aan laga-warhayn. Waxaa sidoo kale durba dusha loo saaraa Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 6aad ee kalfadhiga 4aad uga dooday xad gudubkii banii’aadnimada ka baxsanaa ee lagu gubey Axmed Mukhtaar Saalax. Guddiga arrimaha bulshada golaha shacabka oo ka hadlay arrimihii quurkasiga ahaa ee ninkii todobaadkii hore lagu gubey Muqdisho ayaa soo jeediyey in cadaaladda la marsiiyo dakii ka dambeeyey. Xildhibaan Cabdi Shire waxaa uu dalbaday in lammaanihii loo dhigo aroos qaran. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna goobta hadlay waxaa uu yiri “Baarlamaanku waa in hayb sooca ay ka curiyaan ama ka sameeyaan sharci adag, Waxaan ka codsanaynaa hey’adaha dambi baatista waa in nidaam cadaaladeed ay ku baaraan dhacdii lagu dilay ninkaas, oo aaney wax u dhicin sidii aan arki jirnay Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin oo ka mid ahaa xildhibaannadii arrintan ka hadlay waxaa uu yiri ” Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane. Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin(Shambaro) oo sii hadlaya waxaa halladiisa ka mid ahaa “Jareerteena Mareykanka joogta waxaa loo ogol yahay iney guursdaaan gabdhaha caddaanka ah, Soomaalideenna nalooma ogola, oo waa la is gubaa. Xildhibaan Maxamed Gacal oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ayaa ku dheeraatay xadgudubyada iyo xalka. Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa soo jeediyay in boqol dollar xildhibaanadu iska jraaan si loogu caawiyo qoyska uu ka dhintay ninkii la gubay Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u-eegista xeer hoosaadka golaha shacabka. Source: goobjoog.com
-
Jamaal Qaasim Mursal oo ah xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka kaas uu shaqao joojin ku sameeyey Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ah wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ayaa tillaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah, oo aan loo marin waddo sax ah. Jamaal Qaasim Mursal, oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Aniga waxaa isoo magacaabay ra’isul wasaare, 3 sano ayaan joogaa wasaaradda Batroolka, xataa inta aanan noqon xoghaya joogtada ah waxaa soo ahaa la-taliye, agaasime waaxeedka qorsheynta iyo agaasime waaxeedka maaliyadda, shaqo badan ayaa soo qabtay ilaa maanta aan gaarsiinno halka ay joogto”. Jamaal Qaasim Mursal, oo xil ka qaadistiisa qaabka ay ku timid ka hadlayey waxaa uu yiri “Xil ka qaadista waxaa ay soo socotay 3 bil, wasiirka waxaa uu wasaaradda keenay agaasime guud, isaga oo leh waxaa isoo dhiibay madaxweynaha, oo waa amar madaxweyne, si qasabna ugu wareejiyey maamulka iyo maaliyadda wasaaradda, hadda agaasimahaas waa joogaa, sifo sharci ah kuma joogo, ee rabitaan shakhsiga ah ee wasiirka ayuu meesha ku joogaa”. Mar aan wax ka weydiiney waxa laga yeelayo shaqo joojintiisa, Jamaal Qaasim Mursal waxaa uu yiri “Aniga sidaan kuu sheegay ra’isul wasaare ayaa isoo magacaabay, waxaan xafiiska uga tagi karaa Dekereeto uu isaga soo saaray, inta ka horeysa shaqadeyda waan wataa, wasiir xil igama qaadi karo, oo sharci kuma saleysna. Ugu dambeyntii, xogyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Jamaal Qaasim Mursal waxaa uu wasiirka wasaaradda Cabdirashiid Maxamed Axmed ku eedeeyey inuu dhibaato ka dhex wado wasaaradda Batroolka, isla markaana uu ka shaqeynayo lugooyo iyo inuu rabitaankiisa shakhsiga ah iyo sida uu rabo ka yeesho wasaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka mid ah Ciidanka gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland lagu dilay magaaladaas, mid kalena lagu dhaawacay. Dilka iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri. Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay ka baxsadee. Ciidamada Puntland ayaa durba howlgal ka bilaabay magaalada Boosaaso, iyadoo weli aanay jirin cid howlgalka lagu soo qaban. Magaalada Boosaaso ayaa Xiligan Waxaa ku sugan Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo dhowaan kasoo laabtay socdaal uu ku tagey gobolka Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Askari Ka Tirsan Ilaalada Madaxtooyada Puntland Oo La Diley
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in koor dhow ay rag hubeysan dileen askari ka mid ah ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland ee magaaladaasi, mid kalena ay dhaawaceen. Askartan ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada, waxaana la sheegay in dilkooda ka dib ay halkaasi isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey. Ciidamada Puntland ayaa durba howlgal ka bilaabay magaalada Boosaaso, iyadoo weli aanay jirin cid howlgalka lagu soo qaban. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Jamaal Qaasim Mursal oo ahaa xogheyihii joogtada ahaa ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, loona wareejiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanka oo warqaddan ku saxiixan, waxaa uu cuskaday qodobo badan oo ay ka mid yihiin: 1. Wada shaqeyn la’aanta joogtada ah ee ka timid dhanka xogheyaha iyo curyaaminta habsami u socodka howlaha wasaaradda 2. Bixinta siraha muhiimka ah ee wasaaradda ee loo gudbiyo dad kale oo ka baxsan wasaaradda 3. Ku xad-gudubka hannaanka kala sareynta shaqada iyo hab maamulka guud ee wasaaradda 4. Cabashada shaqaalaha iyo howl-wadeennada wasaaradda Dhinaca kale, ma jirto war ka soo baxay Jamaal Qaasim Mursal ee la xiriira shaqo joojinta lagu sameeyey iyo sida uu u arko eedeynta wasiirka.
-
NAIROBI (Caasimada Online) – Kenya’s military says its forces have launched a dawn operation against Al Qaeda inspired group of Al Shabaab. KDF Colonel, Public Affairs, Paul Njuguna said the militaray forces killed 10 Al-Shabaab militants and recovered seven AK47 rifles, ammunition during in Lamu operation Njuguna says 3 Kenyan military officers sustained injuries from the raid and were airlifted to Nairobi for medical treatment. “Our Kenyan army pursues other terrorists who fled with injuries in Taksile area, North of Pandanguo”, he said. He uged locals to participate in weeding out lurking Al Shabaab elements in their midst, in order to assist in the progressive pacification of Lamu. There was no immediate comment from the group over the claims made by Kenyan military. In 2011, Nairobi sent its troops into Somalia to thwart deadly border cross attacks and kidnappings allegedly carried out by Al Qaeda inspired group Al Shabaab. Kenya has soldiers serving under African Union peacekeeping mission in Somalia to help the weak-western backed government battling against Al Shabaab. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
-
Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddiisa. Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa loo magacaabay Cabdicasiis Ibraahim Aadan, kaidb markii uu qaraxii Soobe ee 14 Octoober ku dhintay masuulkii xilkaas horey u hayay oo la oran jiray Abuukar Daahiye. Dhanka kale Wasiirka batroolka iyo macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradiisa Jamaal Qaasim Mursal. Jamaal Qaasim Mursal ayaa shada looga joojigay digreeto ku taariikheysnayd 22-kii bishan September, waxaana lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aan, bixin sirta muhiimka ah iyo curyaamin shaqo. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Xoghaye joogto oo la magacaabay iyo mid shaqo joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliand, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xalay ka qayb galay xaflad ballaadhan oo loo qabtay jaaliyadda Sucuudiga ee ku nool Somaliland, xafladani oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Guddomiyaha Xisbiga UCID, Maayirka, maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa, Guddomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somaliland, masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kala duwan. Xaflada waxa kale oo loogu hambalyaynaayay xuska aas-aaska boqortooyadda sucuudiga, waxaana si weyn uga war bixiyay xidhiidhka siyaasadeed ee u bilaabmay sucuudiga iyo Somaliland Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaanu sheegay in dawladda sucuudiga ay kala hadlayaan sidii loogu xaji lahaa baasaaboorka Somaliland, waxaanu wasiirku xusay in sucuudigu uu danaynayo xidhiidh wanaagsan oo uu la yeesho dalkani Jamhuuriyadda Somaliland. Guddomiye ku-xigeenka baarlamanka Somaliland, iyo guddomiyaha xisbiga UCID ayaa iyaguna halkaasi kusoo ban dhigay fursadaha Somaliland ugu jira xiisaha caalamku u hayo gobolka geeska afrika, waxaana ay bogaadiyeen wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa si faah-faahsan uga war bixiyay xidhiidhka soo jireenka ah iyo cilaaqadka cusub ee u bilawday Somaliland iyo Sucuudiga waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Somaliland iyo dalka Sucuudigu waxay leeyihiin taariikh dheer oo uu ka dhaxeeyay xidhiidh dhinac walba leh, waxaanu jecelnahay ka dawlad ahaan inaanu halkaasi kasii wadno, sucuudiga iyo Somaliland waxa imika u bilaabmay iskaashi weyn, aad iyo aad ayaan usoo dhawaynayaa, Somaliland waa meel-istiraataji ah oo cid-waliba danaynayso sucuudiguna waxa uu kamid yahay dalalka danaynaya annaguna waanu sii laban-laabi doonaa cilaaqaadka sucuudiga” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeeka Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii dhowaan uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkaasi oo ahaa dhex dhexaadinta madaxda Gal-Mudug oo uu qilaaf baahsan ka dhexjiro. Shirkaasi ayuu madaxweynuhu iclaamiyay in uu dhaco maanta oo Isniin ah 24-ka September. Madaxda Gal-Mudug ayaa isku qilaafay ka qeeybgalka shirkaasi iyadoo madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka soo horjeeystay. Madaxda Gal-Mudug ayaa waxaa ka dhexjira qilaaf aad u baahsan iyaga dhowaan labo xildhibaano oo kala joogo Cadaado iyo Dhuusamareeb ay xilalkii ka qaadeen madaxda sare ee maamulkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta garoonka Banaadir lagu soo gebagabayn doonaa tartanka kubadda cagata ee degmooyinka Gobolka Banaadir 2018. Tartanka oo ay ka qayb galeen 17 degmo ee gobolka Banaadir, waxaa uu Finil-ka isugu soo haray degmooyinka Waaberi iyo Shibis. Waaberi ayaa sanadkii afaraad oo xiriir ah kasoo muuqanaysa fiinaalka tartanka kubadda cagta degmooyinka, waxayna horay ugu guulaysatay 2017 , halka, 2014iyo 2015Xamar Wayne iyo Boondheere ay kaga guulaysteen. Shibis ayaa dhankeeda sanadkan bilow uu yahay sida tartankan joogtada looga dhigay 2014, basle waxaa hogaaminaya Macallin Aways Laalaash oo Horay Waaberi koobka uga qaaday isagoo hogaaminaya Boondheere sanadki 2015. Dhanka kale waxaa galabta la ciyaari doonaa Kulanka kaalinta saddaxaad oo oo ay ku loolami doonaan degmooyinka Shangaani iyo Hodon, waxaana jiri doonaabaalmarino la bixin doonowaxaana kamid ah. 1. Kooxda ugu wanaagsan, 2. 11 ciyaaryahan ee ugu wanaagsan tartanka 3. Laacibka ugu wanaagsan 4. Laacibka goolasha ugu badan ka dhaliyay tartanka 5. Gool-hayaha ugu wanaagsan Abaalmarin lacageed ooay heli doonaan degmooyinka saddaxda kaalin e eugu horaysay ku dhamaysta. iyo Abaalmarino kale oo muhiim ah . Kulanka kaalinta saddaxaad Shangaani vs Hodon 3:30 Galabnimo Kulanka fiinaalka: Waaberi vs Shibis 7:00 Fiidnimo Wararka waxaa ay sheegayaan in bahada Jecel ciyaaraha oo lacag la’aan ku daawan doona kulanka Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kenya (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya weerarada ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadan Saldhigyada iyo Goobaha muhiimka ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM. Weerarada ugu badan ayey maleeshiyada u adeegsataa ku dhuf oo ka dhaqaaq, halka qaarna ay ku qabsadaan Hub, Gaadiid iyo Maxaabiis. Maleeshiyada ayaa weerarada si simin ugu qaado wadamada Somalia iyo Kenya oo daris ah, isla markaana si wada jira ula dagaalama Al-Shabaab. Dowlada Kenya oo ka duuleysa weerarada sii xoogeysanaaya ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in Maleeshiyada looga adkaan karo hal talaabo. Kenya waxa ay sheegtay in talaabada keliya ee looga guuleysan karo Al-Shabaab ay tahay in deegaanada ay heystaan, gaar ahaan Keymaha ay ku dhuumaaleystan loo adeegsado Diyaaradaha suntan buufiya. Taliyaha ciidamada Booliska dalka Kenya Joseph Boinnet oo magaalada Nairobi kulan guud kula qaatay Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay adag tahay in laga guuleysto Al-Shabaab. Joseph Boinnet, waxa uu sheegay in arrinka ugu sahlan ay tahay in la rusheeyo goobaha ay keli ku yihiin Al-Shabaabka sidaana loogu fuliyo howlgalka. Waxa uu Mr Joseph Boinnet tilmaamay in xalka ugu dhow uu yahay in Keymaha ay ku jiraan Al-Shabaabka lagu tijaabiyo Sunta loo isticmaalo diyaaradaha yaryar ee meelaha fog taga, wuxuuna carab ***** in sidaa ay tahay qaabka looga guuleysan karo Al-Shabaab. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in rusheynta ay u sahleyso inay soo gurtaan Al-Shabaabka ka hor inta aysan ka bixin suntan, hase yeeshee Kenya ayaan laheyn diyaaradaha Sunta buufiya. Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Kenya ayaa walaac xoogan ka qabta in weerar uu uga imaado Al-Shabaab waxaana xusid mudan in asbuuc gudahiisa ay laba mar ka digeen weeraro. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Jamaal Qaasim Mursal oo ahaa xogheyihii joogtada ahaa ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, loona wareejiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanka oo warqaddan ku saxiixan, waxaa uu cuskaday qodobo badan oo ay ka mid yihiin: 1. Wada shaqeyn la’aanta joogtada ah ee ka timid dhanka xogheyaha iyo curyaaminta habsami u socodka howlaha wasaaradda 2. Bixinta siraha muhiimka ah ee wasaaradda ee loo gudbiyo dad kale oo ka baxsan wasaaradda 3. Ku xad-gudubka hannaanka kala sareynta shaqada iyo hab maamulka guud ee wasaaradda 4. Cabashada shaqaalaha iyo howl-wadeennada wasaaradda Dhinaca kale, ma jirto war ka soo baxay Jamaal Qaasim Mursal ee la xiriira shaqo joojinta lagu sameeyey iyo sida uu u arko eedeynta wasiirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas ayaa daboolka ka qaaday inuu doonaayo in uu shakiga ka saaro xukunada iyo maxkamadeynta dhalinyarada ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish. C/weli Gaas, waxa uu sheegay in qorshaha shaki ka saaridiisa ay tahay in Maxkamada iyo xukunada kala duwan lagu hubsado Al-Shabaabka iyo Daacishta dhibta kawada deegaanada maamulkiisa. Waxa uu sheegay in Maxkamadaha maamulk aysan ridin xukunada looga bartay waxa uuna cadeeyay in taasi ay mugdi galinkarto dagaalka lagula jiro waxa uu ugu yeeray argagixisada. “Cidna kama yeeli doono in Al-Shabaab iyo Daacish ay ku nooladan deegaanadeena, taasi bedelkeeda waxaanu diyaar u nahay in si is dabajooga loo xukmiyo Al-Shabaabka iyo Daacish” C/weli Gaas oo kulan la qaatay Saraakiisha amniga ayaa sheegay in arrin muhiima ay tahay in danbiyada ay galeen dhalinyarada Al-Shabaabka iyo Daacish lagu qaado waxa uuna tilmaamay in Puntland aysan ka raali noqon doonin argagixisada. Waxa uu Gaas Saraakiisha amniga u sheegay in muujin la’aanta Al-Shabaab iyo Daacishta joogta deegaanada maamulka iyo kuwa ku jira Xabsiyada ay far ku godeyso howsha Saraakiisha waxa uuna ku baaqay in sharciga la horgeeyo. Waxa uu carab ***** in Maxaabiista ku jirta Xabsiyada ay mudan yihiin in dhamaantooda la taago Maxkamada si buu yiri dhinac loogu tuuro kiiskooda Sidoo kale, Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac waxa uu sheegay in Hogaamiye Gaas uu faray hay’addaha amniga in sharciga la marsiiyo dhalinyarada Al Shabaab iyo Daacish ka tirsan ee xabsiyada ku jira. Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Gaas uusan raali ka ahayn in Al Shabaab gacanta lagu soo dhigay iney xabsiyada Puntland isaga sii jiraan. Dhinaca kale, Gaas ayaa shacabka gobolka Bari ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’addaha ammaanka Puntland si looga hortaggo dilalka qorsheysan iyo weerarada Al Shabaab iyo Daacish. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in mar kale uu dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkaani ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in lagu dhex dhexaadiyo madaxda Galmudug ee uu ka dhaxeeyo khilaafka xoogan. Shirkan oo qorshaha uu ahaa inuu furmo maanta oo bisha September ay tahay 24, ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa sidii loo soo afjari lahaa khilaafyada raagay ee maamulka ka dhexeeya. Waxaa sidoo kale si gaar ah loogaga doodi lahaa shirka sidii xal looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee joogtada ka dhex noqday madaxda maamulka iyo dagaalada soo noqnoqday ee ka dhaca deegaanada Galmudug. Dib u dhaca shirka ayaa loo sababeynayaa kadib markii Hogaamiyaha maamulka Galmudug uu si cad u diiday ka qeybgalka shirka wuxuuna tilmaamay dhibaatada Galmudug in laga soo abaabulay madaxtooyada Somalia. Sidoo kale, Hogaamiye ku-xigeen Maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Garabka isaga taabacsan ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweyne Farmaajo, waxayna dhankooda tilmaameen inay diyaar u yihiin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya wallow uu wakhtiga maanta ku egyahay. Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka ka jira Galmudug ayaa wuxuu soo maray marxalado kala duwan, mar walbana dowladdu waxa ay u taagan tahay sidii xal loogu heli lahaa kala aragti duwaanshaha siyaasadeed ee ka jira deegaankaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho. Kulankooda maanta ayeey uga doodi doonaan xeer-hoosaadka golaha shacabka oo wax ka bedal lagu sameeyey, islamarkaana horey loogu qeybiyey. Xildhibaannada ayaa ka doodi doona arrimaha xeer-hoosaadkan, iyadoo kulankana uu goor dhow furmi doono. Ammaanka nawaaxiga xarunta golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyey, waxaana gaadiidka shacabka loo diidayaa iney ka gudbaan wadada isku xirta Dabka iyo Sayidka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii Al-shabaab ayaa weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka DFS ku lahaayeen duleedka degmadaasi. Inta la xaqiijiyey Saddex qof ayaa ku dhaawacantay dagaalkan, iyadoo khasaarahana intaasi ka badan karo. Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda ayaa sheegay iney ka war hayeen dagaalkan, islamarkaana ka hortageen ciidankii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday. Xaaladda guud ee degmada Qoryooley ayaa manta deggan, iyadoo Al-shabaab ay dib uga laabteen halkii ay soo weerareen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Ex xildhibaan Xasan Cali Cabdi (Xasan Dhuxul) oo kamid ahaa baarlamaankii Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News isagoo ku sugan magaalada Baladweyne, kaga hadlay magacaabis uu madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare sameeyay oo ku aadan maamulka gobolka Hiiraan. Wuxuu eedeeyn u soo jeediyay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare isagoo ku sheegay masuuliyad darro magacaabista uu sameeyay. Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Waare ayaa magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Daba-geed. Waxaa sidoo kale uu ka hadlay muran xagga canshuuraha gobolka oo in muddo ahba taagnaa kaasoo kal hore sabab u noqday iyo dhammaan maamulka gobolka Hiiraan iyo kii degmada Baladweyne looga yeero magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SIYAASI-XASAN-CALI-CABDI-23-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com