-
Content Count
206,533 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sucuudi Careebiya waxa ay ka mamnuucday Falastiiniyiinta sida KMG ah u haysta baasaboorada Jordan in ay soo galaan dalkeeda, taas oo u diideysa boqolaal kun oo dad ah in ay gutaan waajibaadka Xajka iyo Cumrada, madaxda shirkadaha dalxiiska ee Falastiin iyo Jordan ayaa sidaas u xaqiijiyey Middle East Eye. Dhawr shirkadaha bixiya fiiseyaasha, ayaa sheegay in lagu wargaliyey bilowgii bishan in aysan fiiseyaal u soo dalbin qof doonaya in uu ku safro baasaboor Jordan ah oo KMG ah walow wali aan si rasmi ah loo shaacin. Tallaabadaas waxa ay si toos ah u saameyneysaa ku dhawaad 634,000 oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ku nool Jordan iyo dhulka ay Israel haysato ee Bariga Jeerusalaam, halkaas oo ay malaayiin xujey ah ugu soo safraan sanad walba magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina. Baasaboorka KMG ah ee Jordan waa dikuminti dhaca muddo shan sano oo loo sameeyo Falastiiniyiinta ku nool dhulka bariga Jeerusalaam ee ay Israel haysato. Qaxootiga Falastiin ee ka yimid marinka Gaza ee ku nool Jordan waxaa lagu qiyaasaa 150,000, kuwaas oo sidoo kale loo sameeyo baasaboorka KMG ah, halka Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee ay Israel haysato si sharci ah loogu ogol yahay in ay codsadaan. Qofka haysta baasaboorka KMG ah lama siiyo lambar aqoonsi ah taas oo ka dhigan in uusan ahayn muwaadin buuxa. Falastiiniyiinta ku nool Bariga Jeerusalaan waxa ay baasaboorka u adeegsadaan dikuminti safar ahaan ah oo ay uga kala gooshaan dalalka gaar ahaan kuwa ay ku badan yihiin Carabta aan dal ahaan u aqoonsaneyn Israel ama dikumintiyada safar ee ay sameyso Israel. Kamal Abu Dhiab oo ah madaxa bulshada dalxiiska ee Jordan iyo waaxaha socdaalka ayaa u sheegay MEE in hay’adda lagu wargaliyey “Hadal loogu sheegay telefoonka” sharciga qunsulka Sucuudiga ee Cammaan. “Waxaan xaqiijin karaa in ay nagu wargaliyeen in aynaan soo dirin baasaboorka KMG ah ee Jordan si loo helo Fiise. Qunsuliyadda Sucuudiga ayaan dhawaan nagu wargalisay, farriintooda qoraal ma ahayn laakiin hadal,” ayuu yiri Kamal Abu Dhiab. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiayah Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu booqday Qoyska Marxuum Axmed Dowlo ee dhawaan la dilay lana gubay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyey dilkaas Gacanta lagu haayo,isla markaana ay jiraan xildhibaan iyo Siyaasiyiin doonaya in la siidaayo. “Waxaa jira Xildhibaano doonaya in Xabsiga ay ka siidaayaan dadkii gubay Axmed Mukhtaar,mana ka yeeli doono,waxaan idiin sheegayaa inay cadaalada mari doonaan dadkii ka dambeeyey dilkaas. Dhacdadii lagu dilay laguna gubay Axmed dowlo ayaa waxa ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay inta badan Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin intaba. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Duqa-Muqdisho-yariisow.mp3 Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland oo ku astaysan 24 September 2018 ee ku beegan Isniinta maanta ayaa xilkii looga qaaday,taliyihii qeybta Booliiska gobolka Nugaal, Gaashaanle Sare.Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangoolli),waxaana xilkaas si ku meel-gaar ah loogu magacaabay Sarreeye Guuto. Muxiyadiin Axmed Muuse. Gen. Muxiyadiin ayaa sidoo kale wareegtada loogu magacaabay taliyaha xasilinta gobolka Nugaal. Muxiyadiin ayaa hore u ahaa taliyaha la-dagaallanka Argagixisada iyo Daroogada,sidaasi darteed wuxuu isku’hayn doonaa saddex jago oo kala ah;xilkiisi hore iyo laba maaanta loo magacaabay. Labada xil ee maanta Muxiyadiin loo magacaabay ayaa kala ah,taliyaha xasilinta gobolka Nugaal iyo sii hayaha xilka taliska qeybta gobolka Nugaal,sida ku xusan wareegtadan,maadaama xilkii laga qaaday taliyihii qyebta Booliiska Nugaal,Gaashaanle sare Faarax Galangoolli. Halkaan ka akhriso wareegtada xilka-qaadista Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu atahay 24 Sep 2018 waxaa uu magacaabay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal. Wareegto Madaxweyne Lr.12 Sep 22, 2018, kuna saabsan xasilinta Gobolka Nugaal. Ku: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntlnd Og: Duqa Degmadda Garoowe Og: Madaxweyne ku xigeenka Ujeedo: Magacaabid Taliayaha Xasilinta Gobolka Nugaal Waxaa dhammaan masuuliyiinta ay warqadani tooska iyo ogaysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in madaxa ladagaalanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal, waxaana sidoo kale laga qaaday xilkii taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Galangooli waxaana xilkaas si ku meel gaara ah usii haynaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmaed Muuse, Sidaa daraadeed waxaa dhammaan lafarayaa hay’adaha Dowladda in ay si buuxda ula shaqeeyaan ugana danbeeyaan dhammaan arrimaha amniga Gogobolka Nugaal Taliyaha xasilinta. Sidoo kale waxaa taliyaha hawshaan loo igmaday la farayaa in uu gacan bira ku qabto amniga gobolka gaar ahaan caasimadda kna nadiifiyo kooxaha buracadaa ee dhibaatada ku haya bulshada deegaanka. Fulin wacan Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowladda Puntland -DHAMMAAD- PUNTLAN POST The post Taliyihii Booliiska Nugaal oo xilkii laga xayuubiyay appeared first on Puntland Post.
-
Soldiers from the Kenya Defence Forces (KDF) on Monday killed 10 Al-Shabaab militants and recovered seven AK47 rifles, ammunition during a dawn operation in Lamu County. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 6aad ee kalfadhiga 4aad uga dooday xad gudubkii banii’aadnimada ka baxsanaa ee lagu gubey Axmed Mukhtaar Saalax. Guddiga arrimaha bulshada golaha shacabka oo ka hadlay arrimihii quurkasiga ahaa ee ninkii todobaadkii hore lagu gubey Muqdisho ayaa soo jeediyey in cadaaladda la marsiiyo dakii ka dambeeyey. Xildhibaan Cabdi Shire waxaa uu dalbaday in lammaanihii loo dhigo aroos qaran. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna goobta hadlay waxaa uu yiri “Baarlamaanku waa in hayb sooca ay ka curiyaan ama ka sameeyaan sharci adag, Waxaan ka codsanaynaa hey’adaha dambi baatista waa in nidaam cadaaladeed ay ku baaraan dhacdii lagu dilay ninkaas, oo aaney wax u dhicin sidii aan arki jirnay Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin oo ka mid ahaa xildhibaannadii arrintan ka hadlay waxaa uu yiri ” Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane. Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin(Shambaro) oo sii hadlaya waxaa halladiisa ka mid ahaa “Jareerteena Mareykanka joogta waxaa loo ogol yahay iney guursdaaan gabdhaha caddaanka ah, Soomaalideenna nalooma ogola, oo waa la is gubaa. Xildhibaan Maxamed Gacal oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ayaa ku dheeraaday xadgudubyada iyo xalka. Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa soo jeediyay in boqol dollar xildhibaanadu iska jraaan si loogu caawiyo qoyska uu ka dhintay ninkii la gubay Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u-eegista xeer hoosaadka golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Digteeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo ku taariikhaysan 24 Sep 2018 ee ku beegan maanta ayaa xilka looga qaaday,guddoomiyihii gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Fara-weyne. Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal u magacaabay,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) oo hore mar u soo noqday duqa degmada Garoowe ee caasimadda Puntland. Halkaan ka akhriso digreetada Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal. Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal 2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. -DHAMMAAD- PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — At least a soldier from Puntland was killed and 4 others, including a soldier injured in ambush gun attack by gunmen in Bosaso town, north of Somalia. The surprise attack happened in Bosaso town, after gunmen opened fire on two soldiers walking, leaving a soldier dead and another wounded. The soldiers reportedly opened several bullets to response to attack, leaving three other civilians injured, a witness, who asked to be anonymous said. The attackers escaped from the crime scene, before the arrival of the Puntland security forces. He says the victims were immediately rushed into hospital. Puntland security soldiers arrived at the area and launched an operation over the attack. No arrests have been made so far. There was no group says it carried out the assassination attack. But, a Islamic State (IS) faction in Somalia has grown significantly over the past year, carrying out attacks in Puntland. A report by UN sanctions monitors said the Islamic State has been receiving some funding from Syria and Iraq. In February, Islamic State gunmen stormed a hotel in Bosaso, the economic capital of Puntland, leaving several people dead. In May, the faction carried out its first suicide attack at a police checkpoint near Bosaso, killing five people. However, UN report raised concerns that the Bari region could become a potential haven for foreign fighters as the extremists are driven out of their strongholds in Syria and Iraq. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaal-yahannada kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya dhufeysyada iyo goobaha ay kaga sugan yihiin buuraha Al-Bari ee gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland. Muuqaallada Daacish ay soo bandhigeen ayaa waxaa ka muuqda dagaalyahannada oo ku hoos jira buuro, ayaga oo taagan banaan, iyo mar ay daawanayaan taleefishin aad u yar oo u hoos yaalla buur. Tirade dagaalyahanada ee ka muuqda sawirrada ay Daacish soo bandhigeen ayaa ah illaa dhowr iyo toban dagaalyahan. Muuqaalada ay baahisay kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo maanta rag hubeysan ay dileen askari ka mid ah ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso, mid kalena ay dhaawaceen. Askartan ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada, waxaana la sheegay in dilkooda ka dib ay halkaasi isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, hase yeeshee kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso iyo sidoo kale magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)– Somali military has vehemently denied US claims to have carried out drone strike against Al Shabaab. A colonel, Bulle Mohamed Ibrahim, called claims made by US as ‘baseless and absurd one’, saying Somali army killed 18 militants in operation near Kismayo, some 500km south of Mogadishu. “There was no US airstrike in Somalia, which killed 18 Al-Shabaab militants, but, it was an operation carried out by Somali army forces”, he said. In a statement, U.S. Africa Command said the strike killed 18 Al-Shabaab militants in Janaa Abdalla area, some 50km northwest of Kismayo town after U.S. and Somali troops came under attack by Al Shabaab. “The US military carried out an airstrike, in a bid to participate in a “Somali partner forces-led operation against Al-Shabab,” said a memo obtained by Caasimada Online. The United States has carried out more than 20 airstrikes against Al-Shabab in Somalia in 2018. The special operations forces have also been rotating through the country for several years to bolster local and regional forces. The U.S. military partners with the African Union Mission to Somalia, or AMISOM, during combined counter-terrorism operations against al Shabab training camps and terrorist leadership. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel in Somalia. In early June, one U.S. soldier was killed and four more were wounded during an attack by Al-Shabab militants that consisted of small-arms fire and mortars near Kismayo, a town some 500km south of Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Maalmihii u danbeeyay waxaa sii xoogeysanayay falalka amaan darri ee ka jira gudaha dalka Itoobiya xilli xukuumadda dalkaasi ay isku dayeysay iney soo afjarto kala duwanaanta ka dhex taagan qowmiyadaha kala duwan ee dalka. Wararka maanta naga soo gaaraya magaalada Gambela ee galbeedka caasimadda Addis Ababa ayaa sheegaya in Ciidamo fara badan saaka lagu soo daadiyay xaafadaha iyo waddooyinka isla markaana ay bilaabeen qabqabashada dadka ka dib markii magaaladasi ay ka dhaceen falal dilal ah. Sida aan ka soo xigannay ilo wareedyo xagga saxaafadda ah, koox hubeysan ayaa gsaaka udaha magaaladasi ku dishay wiil dhalinyaro ah iyadoona arrinkaas loo sababeynayo aanooyin qabiil. Ciidamada Booliska ee sida Milatariga u tababaran ayaa xiray goobaha ganacsiga iyo waddooyinka qaar, waxaana ay qabqabteen tiro badan oo dhalinyaro ah. Dhanka kale, isla magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka soconayay howlgallo raaf ah ka dib markii dhalinyaro loo maleynayo iney taabacsan yihiin xisbiyada Oromada ay ku kaceen falal ka dhan ah qowmiyadaha kale. Falalkaas ayaa sidoo kale loo sababeeyay khilaaf ka dhex oogan xisbiyada Oromada iyo kooxaha Mucaaradka ee dhawaan nabadda qaatay, waxaana la soo sheegay in axsaabta qaar ay labo u kala jabtay isla markaana hadda ay ku loollamayaan deegaanada dhaca mandiqadda Addis Ababa. Dalka Itoobiya oo dhawaan ay ka dhaceen isbadallo siyaasadeed oo waaweyn ayaa hadane la rumeysan yahay in wali ay aasan yihiin aanooyinka u dhexeeya qowmiyadaha, waxaana hadda billowday dhalleeceymo loo jeedinayo R/Wasaare Abiy Axmed oo la xiriira inuu dhinac la noqday qowmiyadda uu ka soo jeedo ee Oromada. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Bosaso[Puntland Post]-Ciidamada amniga ee Magaalada Bosaso ayaa soo qabtay ragii geysatay weerarkii saaka ka dhacay Boosaaso, oo lagu dilay Askar ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Amniga ayaa u xaqiijiyey Puntland Post in la qabtay Ragii dilka geystay islamarkan ay goor dhow saxaafad ay u soo bandhigi doonana. wixii ku soo kordha dib ayaa idinku soo gudbin’doonaa. The post Deg Deg ” Dablay saaka Askar ku dishay Bosaso oo Gacanta lagu soo dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Onlnie) – Waxaa sii xumaanaya amniga magaalada Muqdisho oo gaaray heer ay sii xoogeysato cabsida bulshada ku dhaqan caasimadda Soomaaliya. Qaraxyada, dilalka qorsheynsan iyo baabuurta lagu dhajiyo waxyaabaha qarxa ayaa noqday kuwo faraha ka bixiyey amnigii magaalada. Waxaa ugu dambeeyey isku daygii dil ee sabtidii loo geysan rabay Professor Yaxye Caamir oo bedelkiisa uu dhintay walaalkiis ka yar, kaasi oo watay baabuurkiisa oo qarax loogu xiray. Hase ahaatee, Yaxye Caamir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka wax dila ee ku sugan Muqdisho aysan ahayn Al Shabaab oo kaliya balse ay jiraan qeybo kale oo siyaabo kala duwan wax u khaarajiya. Yaxye Sheekh Caamir oo sheegay 7 koox, ayaan magacaabin balse waxaa jira in ka badan 7 dhinac oo Muqdisho isku dila, Hadaba, yey noqon karaan? 1 – Al-Shabaab – Shaki cidna ugama jiro in Al-Shabaab yihiin kuwa dilka ugu badan geysta, ee ku sugan magaalada, iyagu xataa taas ma difirsana oo ay weyba sheegtaan marka ay dad dilaan. Sidoo kale inta badan qaraxyada magaalada Muqdisho ayaga ayaa fuliya oo sheegta. 2 – Ciidamada Dowladda – Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalinta koowaad ee dilalka ku haystaan Al-Shabaab. Waxay dhacaan shacabka oo mararka qaar dilaan, waxay rasaas isaga furaan baabuurta rayidka. Ayaga dhexdooda ayaa is-dila oo ku dagaalama lacagaha baadda ah ee ay dadka ka dhacaan. 3 – Sirdoonka shisheeye – Muqdisho waxaa ku dhex jira dad u shaqeeyaa sirdoon shisheeye, oo ayagana dila sirdoonka kale ee u shaqeeya dalal kale. Arrimahan waxaad ugu lug leh sirdoonka u shaqeeya dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka, Qatar, Sacuudiga, Turkey, Ethiopia, Kenya, Mareykanka iyo dalal kale. 4 – Ganacsatada – Ganacsatada ayaa iyaguna ah kuwo geysta dilal ay la bartilmaameedsanayaan ganacsatada kale ee uu kala dhexeeyo loolanka ganacsi! Kiisaskan ayaa inta badan dhaca marka ganacsi uu ku taajiray qof, uu qof kale lasoo gala ama suuqa ka saaro, taasi oo mararka qaar kuwooda aan iimaanka lahayn ku hogaamisa falal aan la mahdin. 5 – Shaqaalaha – Shaqaalaha ka tirsan hay’adaha kala duwan sida shirkadaha, dowladda iyo UN-ta ayaa iyaguna is bartilmaameedsada oo kala disha shaqooyinka. Arrintan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah kala dilashada xilalka dowladeed, oo mararka qaar xitaa ay isku sameeyaan dadka aadka isugu dhow, xitaa xildhibaanada ayaa kala disha boosaska. 6 – Aanooyin – Waa arrin soo jireen ah in qabiilada ay isu dilaan aanooyin iyo utumo hore iyaga oo kala aarsanaya dhacdooyin dil oo muddo hore dhacay. Waxaa jira kiisas la xaliyey, oo dadkii dadkooda laga dilay aysan weli ka sabrin, ama qabiilo waagii hore laga awood badnaa, oo aan aarsan karin balse hadda fursad helay, ayaga oo kusoo gabanaya magaca Al-Shabaab kadibna sidaas ku aarsada. 7 – Amisom – Ciidamada Amisom waxay sidoo kale kaalintooda ku leeyihiin dilalka Muqdisho, ayaga inta badan dilalkooda waxay dhacaan marka ay baabuur jiirsiiyaan shacab ama rasaas aan loo meel-dayin furaan. Arrimaha yaabka leh ayaa ah dhammaan in dilalkan markay dhacaan aan laga war-hayn, oo badanaa la yiraahdo un qof shacab ah ayaa la dilay, maadaama xogtooda hoose aan laga-warhayn. Waxaa sidoo kale durba dusha loo saaraa Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 6aad ee kalfadhiga 4aad uga dooday xad gudubkii banii’aadnimada ka baxsanaa ee lagu gubey Axmed Mukhtaar Saalax. Guddiga arrimaha bulshada golaha shacabka oo ka hadlay arrimihii quurkasiga ahaa ee ninkii todobaadkii hore lagu gubey Muqdisho ayaa soo jeediyey in cadaaladda la marsiiyo dakii ka dambeeyey. Xildhibaan Cabdi Shire waxaa uu dalbaday in lammaanihii loo dhigo aroos qaran. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna goobta hadlay waxaa uu yiri “Baarlamaanku waa in hayb sooca ay ka curiyaan ama ka sameeyaan sharci adag, Waxaan ka codsanaynaa hey’adaha dambi baatista waa in nidaam cadaaladeed ay ku baaraan dhacdii lagu dilay ninkaas, oo aaney wax u dhicin sidii aan arki jirnay Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin oo ka mid ahaa xildhibaannadii arrintan ka hadlay waxaa uu yiri ” Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane. Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin(Shambaro) oo sii hadlaya waxaa halladiisa ka mid ahaa “Jareerteena Mareykanka joogta waxaa loo ogol yahay iney guursdaaan gabdhaha caddaanka ah, Soomaalideenna nalooma ogola, oo waa la is gubaa. Xildhibaan Maxamed Gacal oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ayaa ku dheeraatay xadgudubyada iyo xalka. Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa soo jeediyay in boqol dollar xildhibaanadu iska jraaan si loogu caawiyo qoyska uu ka dhintay ninkii la gubay Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u-eegista xeer hoosaadka golaha shacabka. Source: goobjoog.com
-
Jamaal Qaasim Mursal oo ah xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka kaas uu shaqao joojin ku sameeyey Cabdirashiid Maxamed Axmed oo ah wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ayaa tillaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah, oo aan loo marin waddo sax ah. Jamaal Qaasim Mursal, oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa waxaa uu yiri “Aniga waxaa isoo magacaabay ra’isul wasaare, 3 sano ayaan joogaa wasaaradda Batroolka, xataa inta aanan noqon xoghaya joogtada ah waxaa soo ahaa la-taliye, agaasime waaxeedka qorsheynta iyo agaasime waaxeedka maaliyadda, shaqo badan ayaa soo qabtay ilaa maanta aan gaarsiinno halka ay joogto”. Jamaal Qaasim Mursal, oo xil ka qaadistiisa qaabka ay ku timid ka hadlayey waxaa uu yiri “Xil ka qaadista waxaa ay soo socotay 3 bil, wasiirka waxaa uu wasaaradda keenay agaasime guud, isaga oo leh waxaa isoo dhiibay madaxweynaha, oo waa amar madaxweyne, si qasabna ugu wareejiyey maamulka iyo maaliyadda wasaaradda, hadda agaasimahaas waa joogaa, sifo sharci ah kuma joogo, ee rabitaan shakhsiga ah ee wasiirka ayuu meesha ku joogaa”. Mar aan wax ka weydiiney waxa laga yeelayo shaqo joojintiisa, Jamaal Qaasim Mursal waxaa uu yiri “Aniga sidaan kuu sheegay ra’isul wasaare ayaa isoo magacaabay, waxaan xafiiska uga tagi karaa Dekereeto uu isaga soo saaray, inta ka horeysa shaqadeyda waan wataa, wasiir xil igama qaadi karo, oo sharci kuma saleysna. Ugu dambeyntii, xogyaha joogtada ah ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka Jamaal Qaasim Mursal waxaa uu wasiirka wasaaradda Cabdirashiid Maxamed Axmed ku eedeeyey inuu dhibaato ka dhex wado wasaaradda Batroolka, isla markaana uu ka shaqeynayo lugooyo iyo inuu rabitaankiisa shakhsiga ah iyo sida uu rabo ka yeesho wasaaradda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in askari ka mid ah Ciidanka gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland lagu dilay magaaladaas, mid kalena lagu dhaawacay. Dilka iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Boosaaso ee Gobalka Barri. Kooxda dilka geysatay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay ka baxsadee. Ciidamada Puntland ayaa durba howlgal ka bilaabay magaalada Boosaaso, iyadoo weli aanay jirin cid howlgalka lagu soo qaban. Magaalada Boosaaso ayaa Xiligan Waxaa ku sugan Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo dhowaan kasoo laabtay socdaal uu ku tagey gobolka Sanaag. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Askari Ka Tirsan Ilaalada Madaxtooyada Puntland Oo La Diley
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in koor dhow ay rag hubeysan dileen askari ka mid ah ciidanka ilaalada madaxtooyada Puntland ee magaaladaasi, mid kalena ay dhaawaceen. Askartan ayaa ku sugnaa meel aan ka fogeyn madaxtooyada, waxaana la sheegay in dilkooda ka dib ay halkaasi isaga baxsadeen raggii falkaasi ka dambeeyey. Ciidamada Puntland ayaa durba howlgal ka bilaabay magaalada Boosaaso, iyadoo weli aanay jirin cid howlgalka lagu soo qaban. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Jamaal Qaasim Mursal oo ahaa xogheyihii joogtada ahaa ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanka ayaa shaqo joojin lagu sameeyey, loona wareejiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdirashiid Maxamed Axmed, wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanka oo warqaddan ku saxiixan, waxaa uu cuskaday qodobo badan oo ay ka mid yihiin: 1. Wada shaqeyn la’aanta joogtada ah ee ka timid dhanka xogheyaha iyo curyaaminta habsami u socodka howlaha wasaaradda 2. Bixinta siraha muhiimka ah ee wasaaradda ee loo gudbiyo dad kale oo ka baxsan wasaaradda 3. Ku xad-gudubka hannaanka kala sareynta shaqada iyo hab maamulka guud ee wasaaradda 4. Cabashada shaqaalaha iyo howl-wadeennada wasaaradda Dhinaca kale, ma jirto war ka soo baxay Jamaal Qaasim Mursal ee la xiriira shaqo joojinta lagu sameeyey iyo sida uu u arko eedeynta wasiirka.
-
NAIROBI (Caasimada Online) – Kenya’s military says its forces have launched a dawn operation against Al Qaeda inspired group of Al Shabaab. KDF Colonel, Public Affairs, Paul Njuguna said the militaray forces killed 10 Al-Shabaab militants and recovered seven AK47 rifles, ammunition during in Lamu operation Njuguna says 3 Kenyan military officers sustained injuries from the raid and were airlifted to Nairobi for medical treatment. “Our Kenyan army pursues other terrorists who fled with injuries in Taksile area, North of Pandanguo”, he said. He uged locals to participate in weeding out lurking Al Shabaab elements in their midst, in order to assist in the progressive pacification of Lamu. There was no immediate comment from the group over the claims made by Kenyan military. In 2011, Nairobi sent its troops into Somalia to thwart deadly border cross attacks and kidnappings allegedly carried out by Al Qaeda inspired group Al Shabaab. Kenya has soldiers serving under African Union peacekeeping mission in Somalia to help the weak-western backed government battling against Al Shabaab. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
-
Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddiisa. Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa loo magacaabay Cabdicasiis Ibraahim Aadan, kaidb markii uu qaraxii Soobe ee 14 Octoober ku dhintay masuulkii xilkaas horey u hayay oo la oran jiray Abuukar Daahiye. Dhanka kale Wasiirka batroolka iyo macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa shaqo joojin ku sameeyay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradiisa Jamaal Qaasim Mursal. Jamaal Qaasim Mursal ayaa shada looga joojigay digreeto ku taariikheysnayd 22-kii bishan September, waxaana lagu eedeeyay wada shaqeyn la’aan, bixin sirta muhiimka ah iyo curyaamin shaqo. PUNTLAND POST The post Soomaaliya: Xoghaye joogto oo la magacaabay iyo mid shaqo joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliand, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xalay ka qayb galay xaflad ballaadhan oo loo qabtay jaaliyadda Sucuudiga ee ku nool Somaliland, xafladani oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, Guddomiyaha Xisbiga UCID, Maayirka, maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa, Guddomiye xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somaliland, masuuliyiin iyo Siyaasiyiin kala duwan. Xaflada waxa kale oo loogu hambalyaynaayay xuska aas-aaska boqortooyadda sucuudiga, waxaana si weyn uga war bixiyay xidhiidhka siyaasadeed ee u bilaabmay sucuudiga iyo Somaliland Wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, waxaanu sheegay in dawladda sucuudiga ay kala hadlayaan sidii loogu xaji lahaa baasaaboorka Somaliland, waxaanu wasiirku xusay in sucuudigu uu danaynayo xidhiidh wanaagsan oo uu la yeesho dalkani Jamhuuriyadda Somaliland. Guddomiye ku-xigeenka baarlamanka Somaliland, iyo guddomiyaha xisbiga UCID ayaa iyaguna halkaasi kusoo ban dhigay fursadaha Somaliland ugu jira xiisaha caalamku u hayo gobolka geeska afrika, waxaana ay bogaadiyeen wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa si faah-faahsan uga war bixiyay xidhiidhka soo jireenka ah iyo cilaaqadka cusub ee u bilawday Somaliland iyo Sucuudiga waxaanu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku “Somaliland iyo dalka Sucuudigu waxay leeyihiin taariikh dheer oo uu ka dhaxeeyay xidhiidh dhinac walba leh, waxaanu jecelnahay ka dawlad ahaan inaanu halkaasi kasii wadno, sucuudiga iyo Somaliland waxa imika u bilaabmay iskaashi weyn, aad iyo aad ayaan usoo dhawaynayaa, Somaliland waa meel-istiraataji ah oo cid-waliba danaynayso sucuudiguna waxa uu kamid yahay dalalka danaynaya annaguna waanu sii laban-laabi doonaa cilaaqaadka sucuudiga” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeeka Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa dib u dhac ku yimid shirkii dhowaan uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirkaasi oo ahaa dhex dhexaadinta madaxda Gal-Mudug oo uu qilaaf baahsan ka dhexjiro. Shirkaasi ayuu madaxweynuhu iclaamiyay in uu dhaco maanta oo Isniin ah 24-ka September. Madaxda Gal-Mudug ayaa isku qilaafay ka qeeybgalka shirkaasi iyadoo madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka soo horjeeystay. Madaxda Gal-Mudug ayaa waxaa ka dhexjira qilaaf aad u baahsan iyaga dhowaan labo xildhibaano oo kala joogo Cadaado iyo Dhuusamareeb ay xilalkii ka qaadeen madaxda sare ee maamulkaasi. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dib u dhac ku yimid shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.