Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,548
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beddeshay hogaanka booliska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, xilli toddobaadyadii tagey uu aad u xumaaday ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xilka laga qaaday illaa toddoba ka mid ah taliyayaasha booliiska ee degmooyinka gobolka Banaadir. Degmooyinka taliyayaashooda xilka laga qaaday ayaa kala ah Kaxda, Waaberi, Warta Nabada, Xamar-Jajab, Heliwaa, Shibis iyo Dharkeyley, sida ay sheegayaan wararka Magaalada ayaa waxaa dhowaanahan ka dhacayey dilal qorsheysan iyo qaraxyo dad badan ay ku dhinteen. Sabtidii waxaa dhacay laba qarax oo mid ka mid ah laga dilay Proff. Yaxye Sheekh Caamir waalaakiis. Sidoo kale dilalka qorsheysan ayaa si maalinle ah uga dhaca magaalada, ayada oo lagu ugaarsado dadka dowladda la xiriiro, ciidamada dowladda iyo shacabkaba.. Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sheegaya in tallaabada ay dowladda qaaday looga gol leeyahay in xukuumadda ay ku iibsato waqti dheeraad ah, xilli cadaadis xooggan uu kaga imanayo baarlamanka, ayada oo xildhibaanada ay u yeereen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Guddoonka Gollaha Aqalka Sarre ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay warbixin ka timid hoggaanka u sarreeya dowlad goboleedka Galmudug. Warbixintani oo loo soo dhiibey Guddi uu Gollaha Aqalka Senate-ka dhowaan u diray caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ku lifaaqan tabashooyinka ay dowladda Galmudug ka tirsanayso xukuumadda Muqdisho. Guddiga loo direy Galmudug oo ka koobnaa xubno Senate-ka ka tirsan ayaa inta badan waxay kasoo jeeda degaannada Galmudug, waxayna ka dambeysay markii uu xumaadey xiriirkii dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Senator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) oo kamid ahaa xubnaha Guddiga, kaa soo saxaafadda uga warbixiyey safarkii ay ku gaareen Galmudug wuxuu tilmaamay in ay la soo shireen madaxweyne Axmed Ducaalle Xaaf iyo madax kale oo hoggaanka maamulka tirsan kuwaasoo Dhuusamareeb ku sugan. Kulamada ay la yeesheen dhinacyadda kala duwan, kuwaasi oo ahaa is-xogwareysi ayuu cod dheer ku sheegay Senator Qeydiid inay salka ku hayeen sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka ka dhex taagan Galmudug iyo Xukuumadda federaalka. Wafdigii aqalka odayaasha ee tegay Dhuusamareeb ayaa kulamo la soo qaatay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir kulamadaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiye xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamaanka Galmudug iyo masuuliyiin kale. HOOS KA DHAGEYSO SEN. CABDI QEYBDIID: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SEN-CABDI-QEYBDIID-24-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. BOSSASO(HOL) – The president of the semiautonomous northern Somalia state of Puntland fired a senior army commander and the governor of a key region on Monday with immediate effect amid criticism over security lapse in the region. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay Xildhibaanada BFS garabka PDP iyo Dhalinyaro qeyb ka ah Xisbigiisa. Xasan Sheekh oo kulanka ula gol lahaa is arag iyo xog wareysi ayaa waxaa halkaa khudbado ka jeediyay tirro Xildhibaano ah oo si guud uga hadlaayay xaalada uu ku jiro dalka. Xildhibaanada oo uu kamid ahaa Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay inay muhiim tahay iska warqab iyo in laga wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa isbedel ka dhacaa dalka. Waxaa kulanka sidoo kale ka muuqday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo isagu lahaa kulminta Xildhibaanada iyo dhalinyarada qeybta ka ah Xisbiga PDP. Boorsaani ayaa goobta ka sheegay in dib loo soo nooleyn doono iska warqabka waxa uuna aad u bogaadiyay sida uu u qabsoomay kulanka. Kulamadan iyo kuwo ka horeeyay ayaa qabsoomidooda waxa ay ka danbeysay kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu 30kii Bishii hore ku soo laabtay Muqdisho. Xasan ayaa markii uu yimid Muqdisho shir uu ku qabtay ka sheegay in uu u yimid in uu ogaado xogta dalka,waxaa kale oo uu xusay in uu marayo dhamaan Gobollada dalka oo uu booqan doono.
  5. Xildhibaan hore Daahir Cabdulqaadir Muuse(Daahir Ciirro) ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga warramay isbedal uu madaxweynaha dowladda Puntland DR Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku sameeyay maamulkii iyo taliskii booliska gobolka Nugaal. Wuxuu sheegay siyaasigu in isbeddalka uu madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas sameeyay marka loo eego ragga uu u magacaabay guddoomiyaha iyo taliska qeybta booliska ee gobolka Nugaal loo fasiran karo in Madaxweynuhu ilduufay. Arrintaas wuxuu ku sababeeyay in gobolka Nugaal aan muddo loo magacaabin masuuliyiin wax u qaban karta. Wuxuu soo dhoweeyay tallaabada madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas uu ugu magacaabay gobolka Nugaal maamulka cusub, isagoo maamulka sheegay inuu ka filayo in wax badan uu ka qaban doono xaaladaha amni darrada ay kamid tahay. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-DAAHIR-CIIRRO-24-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Labo ruux oo galabta koox hubeysan ay ku dishay degmnada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Dilalka loo kala geystay labadani ruux ayaa ka kala dhacay laba xaafad oo isla degmada Afgooye ah. Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa rag iyo dumar waxaana xaafadda Ceelqode ay kooxda hubeysan ku dileen ninka halka Haweeneeyda lagu dilay xaafadda Daahisooy. Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in dableeyda dilalka fulisay oo mooto Bajaaj ku socday ay baxsadeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in labada ruux ee Afgooye lagu dilay ay kamid yihiin ergadii soo xushay baarlamaanka Soomaaliya. Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin dilalkani galabta ka dhacay degmadaasi. Ciidanka ayaa dilka kaddib sameeyay howlgallo lagu sheegay in ammaanka ay ku sugayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. MOGADISHU (Xinhua) -- A total of 35 al-Shabab militants were killed and several others injured after an exchange of fire between Somali national army, backed by African Union forces, and the militants in Qoryoley, a town in lower Shabelle region, in southern Somalia, officials said on Monday. Source: Hiiraan Online
  8. Hay’adda Waddooyinka DPL Puntland Highway Authority Date: September 24, 2018 PRESS STATEMENT PHA RESPONDS TO THE GERMAN MISSION TO KENYA PRESS STATEMENT JALAM-HARFO ROAD REHABILITATION WORK CONTINUES DESPITE GIZ ABANDONING ITS CONTRACTUAL OBLIGATIONS Puntland Highway Authority (PHA) responds to the press statement by German Mission to Kenya published on September 6, 2018. That statement highlighted the German Federal Government’s decision to terminate the cooperation between GIZ and PHA. The statement further summarized the root causes behind this unfortunate development in the following two main categories: “Despite significant and promising results in the beginning of the project in 2016, the contributors of the project subsequently realized that the cooperation between the implementing partners in Puntland was gradually The process led to fundamental principles of transparency and accountability being no longer sufficiently in place during the actual construction works”. Repeated attempts by the German Embassy and GIZ to restore an enabling environment for external support did not result in the required Consequently, the cooperation between GIZ and PHA had to be terminated. The federal Government as well as the Government of Puntland State of Somalia have been informed accordingly. Firstly, PHA would like to point out that, contrary to the above press statement, there have been no “gradual deterioration of cooperation between implementing partners in Puntland” at any time, nor there was any kind of “process leading to fundamental principles of transparency & accountability” being eroded. If the term “contributors” mentioned above is intended to mean the financial contributors of the project, EU and Germany in this case, the parties have not been directly involved in the project activities on the ground. Both have neither attended any of the project meetings with local partners, and have never communicated a single concern of any kind to the implementing partners working in Puntland. On the question of fundamental principles of transparency & accountability being eroded, please note that the requirements for accountability and transparency is most pronounced with regards to financial management. The project’s financial management was always, and still is, tightly under the control of GIZ. In case the donor funds allocated for the project were in the hands of the local partners, GIZ team could have reason to raise concerns of transparency & accountability. When they have full control of both technical and financial matters of the project, as is the case now, there can be no excuse for them to openly discredit and defame the Somali people in general, and Puntlanders and their government in particular. Secondly, regarding the so-called “repeated attempts by the German Mission in Kenya and GIZ to restore an enabling environment for external support” . Let us again point out that there was never any communication of that sort received by anyone of the implementing partners on the ground. In fact even the steering committee for the project which consisted of all major stakeholders have never been convened to discuss project issues of concern, if any. GIZ project team under the leadership of Mr. Christoph Schmidt was the party in direct communication with donor partners (the EU & Germany). We believe that the source of such damaging reports to the German Mission in Kenya must have come from none other than this team. The team’s distortions of facts have apparently worked for them. The German Mission in Kenya wrote in the press statement “We are aware of the importance of the Garowe-Galkayo corridor as a lifeline for the economy of the country and the wider region. However, we as international partners can not compromise on quality in implementation and accountability and transparency in using donor funds”. PHA take this opportunity and ask the German mission in Kenya to have its facts checked and not add insult to an injury. Project records and other internal written communications provide a stark contradiction between the press statements by the German Mission in Kenya and the realities on the ground. One compelling evidence of such a contradiction is the latest email from Mr. Schmidt to the CEO of Puntland Highway Authority on January 25, 2018. That was 2 or 3 weeks before the team themselves disappeared into thin air. The email’s core message is quoted below: With regards to PHA accounting systems, Mr. Schmidt wrote to the CEO: “Thank you all for the meeting this week and the developed way ahead. Especially regarding the financial obligations within the existing financing agreement of PHA and GIZ, significant progress has been made. We can state that the existing accounting systems of PHA are sound and reflect about 53% of the government contributions towards the SRMP project as established in a joint exercise conducted by GIZ and PHA. That is a very good result and we thank especially finance department and CEO for the efficient cooperation”. On the Technical side, Mr. Schmidt wrote: “We remain committed to follow the agreed approach of joint surveys and measurements on site by GIZ/PHA. To that end, GIZ will provide an international consultant and an additional total station as soon as possible (next week). We strongly believe that by doing so, both parties will be able to fulfill their contractual obligations resulting from both the construction contract and the financing agreement”. Summing-up, the above statements quoted from Mr. Schmidt’s email reflects the true condition of the project at the end of January this year. The meetings referred to in the email were held at PHA offices in Garowe on 22 and 24 January 2018, the last between the parties. GIZ once again has failed to follow through their agreed approach of joint surveys and measurements and as such have not succeeded to fulfill their latest commitments. With only 4 months left of the 42-month original project time, not much to show for the past 38 months and worse of all not even a clear workable strategy at this 11th hour for the way forward, GIZ team simply chose to disappear, abandoning their core contractual obligations well documented in the signed stakeholder agreements listed below. Stakeholder agreements There are a number of signed agreements which together form the basis of the current project implementation work. They are as follows: The original agreement between the government of the Federal Republic of Germany and the government of Somali Democratic Republic on technical cooperation dated 28 June 1979. This serves as bases for all other subsequent agreements in all parts of Somalia The Implementation agreement in support to Road Authorities in Somalia between the government of Puntland and GIZ signed on 24 October 2015. This agreement specified implementation time frame of 42 months starting December 2014 and ending May 2018. the contract between EU/Germany on the one hand and GIZ on the other hand, signed on 20 December 2014. EUR 9 Million was provided as the first allocation to support the transport sector in Puntland. The amount included the costs incurred by the German Implementing Organization, GIZ. GIZ was the party charged with the execution of the agreements and as such had the responsibility to take the lead. The Financing Agreement between GIZ and Puntland Highway Authority signed in Garawa on September 3rd 2016 after the GIZ’s own Commercial Suitability Assessment was found to be successful. The GIZ prepared construction contract documents signed between the winning contractor (ICC) and the Contracting Authority (PHA) signed on April 1, 2018. The Inception Report prepared by GIZ in May 2015 and jointly presented by GIZ/PHA in a well-attended Validation workshop held in Garawa on December 2nd 2015. The Inception report intended to serve as the Road Map for the entire project implementation work. The above documents contain all relevant contractual obligations and guiding principles for each of the parties involved in this project. These documents will be the basis used to identify the party responsible for the mess we find ourselves in. In the meantime no party deserves to be subjected to the whims of an individual who may totally lack the right attitude for team work. Truth will prevail The government and people of Puntland acknowledge that Germany ranks among the most prominent development partners in Somalia and that “The Sustainable Road Maintenance Project” (SRMP) is partly funded by them. We are certainly grateful to the people and government of Germany. We would like to add that we are also aware GIZ is doing good work in many parts of the world and therefore do not deserve to be blamed as an organization for the failures of individual teams. Its the SRMP team working in Somalia, the program manager in particular, that we believe should do the right thing and accept responsibility for this failed mission. Sufficient evidence exists to show that the government of Puntland have provided full support for the project, including financial contributions from its meagre resources. The government also fully cooperated with the GIZ team and gave them the lead, hoping good results will be delivered. The party that failed to deliver their contractual obligations must take responsibility for it. Somalia may be one of the world’s poorest and most fragile countries today. But let it be clear, its proud people will not bow down to the veiled threats of suspension of financial support because they have called a spade a spade. Nor that our people will sell their dignity or accept undeserved humiliation in exchange for the HOPE of receiving some donated funds. More so if those funds are in the hands of incompetent team intent to cover up their own failings. Puntland Highway Authority (PHA) will take full responsibility for its actions. GIZ is expected to do the same. To that end, PHA proposes the appointment of a third party jointly selected by the two sides of this dispute and let their findings be final. We only ask for a fair treatment from our international donor partners, nothing more, nothing less. THE TRUTH WILL EMERGE AND MOST CERTAINLY PREVAIL. E N D ENG. Abdirazak Yusuf Elmi Chief Executive Officer Puntland Highway Authority (PHA) HQ office, Puntland, Garowe, Somalia, Tell: +252 90 7757000, Email: ibnyousef@yahoo.co.uk , ceo.puntlandhighwayauthority@gmail.com The post PHA RESPONDS TO THE GERMAN MISSION TO KENYA PRESS STATEMENT appeared first on Puntland Post.
  9. Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa digreeto xilalkii kaga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Nugaal mudane Cumar Cabdullaahi Faraweyne iyo Taliyihii qaybta Booliska gobalka Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Faarax Warsame (Galangoole) isagoo xilalkaas u magacaabay masuuliyiin cusub. Madaxweyne Gaas ayaa Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal u magacaabay Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) oo mar soo noqday duqa caasimadda Garoowe, halka uu taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal u xushay si KMG ah General Muxiyadiin Axmed Aw-muuse kaasoo mar soo noqday taliye xigeenka booliska Puntland. Isbeddalkaan uu sameynuhu ku sameeyay maamulkii iyo taliskii booliskii ee gobolka Nugaal ayaa ku soo aadaya xilli waayadii dambe ammaanka uu sii xumaanayay. Waxaa magaalada ku sookordhay waxaa weeye dhallinyaro xeyn xeyn u abaabulan oo duhur cad xataa dadka talfoonnada gacanta kaga furta waddooyinka magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Despite being a slow-moving disaster, famine is notoriously difficult to predict. The reason for this, experts say, is that severe food shortages are hardly ever about food supply alone.... Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishire Jaamac (Ciyaar jecel) oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa si kulul uga hadlay sida foosha xun ee loo dilay isla markaana lagu gubay Axmed Mukhtaar Dowlo. Xildhibaan Ciyaar jecel, waxa uu sheegay inuusan garankarin waxa ay Umadda Soomaaliyeed ku kala duwan yihiin waxa uuna ku baaqay in DFS ay aroos Qaran u sameyso wiilka iyo gabadha leysku diidan yahay. Waxa uu Xildhibaanku sheegay in dhacdadaasi aawgeed dowlada Somalia laga doonaayo inay ku sara qaado qiimaha lamaanaha falkaasi aawgood loo sameeyay wuxuuna soo jeediyay in aroos heer Qaran loo dhigo si loo tiro murugada dhacday. Xildhibaan Ciyaar jecel, ayaa sheegay in amniga magalada Muqdisho uu gaaray in mudo Afar Cisho ah uusan hurdin, isagoo sabab ka dhigay in dadka nolosha lagu gubaayo. Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Ciyaar jecel ayaa ahaa “Afartii cisho ee u dambaysay hurdo ma ladin, waa wax laga naxo in magaalada dhexdeeda qof nool lagu gubo” “Waxaan u sheegayaa Xildhibaanada in arrinkaasi uu Baarlamaanka mas’uuliyad ka saran tahay inay ka dhiidhiyaan si aanu mar kale u dhicin”. Xildhibaanka ayaa hadalkaan ka sheegay kulan maanta uu baarlamaanka ku lahaa Xarunta Golaha Shacabka ee magalada Muqdisho, isagoo Xildhibaanada kale ku baraarujiyay in xanuunka ay la qeybsadan qoyskaasi. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadii lagu dilay laguna gubay Axmed dowlo ayaa waxa ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay inta badan Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin intaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Laba ka mid ah Ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Ergadan la khaarijiyay oo midi ay haweeney aheyd ayaa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dilka Ergada ayaa waxaa fuliyay maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado oo la socday mootada loo yaqaano (Vikon) waxa ayna dilka koowaad xaafada Ceel Qode ugu geysteen Xasan Caalin. Maleeshiyaadkan ayaa dilka Xasan Caalin kadib u soo talaabtay xaafada Daahisooy, halkaasi oo ay ku dileen Aamino Mayow, labadan ruux waxaa si gaar ah loogu dilay meel aan ka fogeyn guryahooda, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa. Labada marxuum ayaa Xildhibaanada ku soo doortay degaanada Koonfur Galbeed waxaana lasoo sheegayaa in maalmihii ugu dbeysay loo diraayay fariimo hanjabaado ah. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale labada ruux ka toogtay qeybta sare ee jirka, kadibna goobta ka baxsaday, sida ay ku warameen goobjoogayaal. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada Al Shabaab ayaa dilalka ugu badan u geysta Ergooyinka soo xulay Xildhibaanada waxaana loo sababeynayaa inay diideen lacago lagu xujeeyay bixinteeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta tigreeto xilalkii kaga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne iyo Taliyihii qaybta booliska gobalka Gaashaanle sare: Cabdiraxmaan Faarax Warsame (Galangoole) isagoo xilalkaas u magacaabay masuuliyiin cusub. Madaxweyne Gaas ayaa Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal u magacaabay Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) halka uu taliyaha qaybta Booliska Gobalka uu si ku-meel gaar ah ugu magacaabay General: Muxiyadiin Axmed Aw-muuse. Cabdisalaan Gurjir ayaa horay usoo noqday duqa caasimada Puntland markii ugu horeysay ee ay Dawlada Puntland Golle degaan u samaysay degaamooyinka, halka Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse ciidamada Puntland kasoo qabtay xilal kala duwan sida taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska isagoo hadana ah taliyaha laanta ladagaalanka argagixisada. Madaxweyne Gaas ma asiibay isbadelkan? Inkastoo su’aashan dadku qaarba si uga jawaabayaan hadana waxaa la oran karaa isbadelkani waa mid mudo la sugaayey oo wakhtigiisii kasoo dib dhacay sababtoo ah Garowe oo ah magaaladda ugu weyn gobalka Nugaal mudaba waxaa ka jirey xaalado maamul xumo oo sababay amaan xumo waayadan kusoo korartay magaalada. Duhur cad ayey bartmaha magaalada dhalinyaro abaabulan dadweynaha kaga qaadayaan mobilada iyo wixii kale ee ay sitaan, waxaa in mudo ahba magaalada faro kulul ku hayey ciidamo wata direyska ciidamada iyo dhalinyaro dharka shacabka xiran oo qoryo la dhex maraaya bartmaha caasimada kuwaas oo ah ciidamadii la isugu geeyey degaanka Tukaraq, mana jirin maamul iyo boolis magaaladda ka xakameeyey ciidankan hubka culus iyo midka fududba magaalada iskala soo galaaya. Maxaa xligan kusoo beegay isbadelka? Dadka reer Puntland qaarba si ayey u fisireen waxa xiligan kusoo beegay isbadelka uu madaxweyne Gaas kusameeyey maamulka gobalka iyo qaybta Booliska xili mudo xilleedkii Dawlada ay mudo kooban ka harsan tahay, wuxuuse isbadelkani kusoo aadey xili dhawaan Bulshadda Gobalka Nugaal kulan ay isugu yimaadeen tallo ku gaareen inay amaanka Gobalka gaar’aan caasimada Garowe isku-taagaan iyagoo aan maamul gobal, qayb boolis iyo Dawlad dhexe toona ku-tashanayn maamada lagu eedeyey inay ku guul-daraysteen shaqooyinkii loo igmaday. Wax garadka Garowe oo hormuud u ahaa isku-tashigan ayaa go’aansaday in magaaladda loo sameeyo boqol askari oo boolis ah oo suga amaanka caasimada maadama doorashooyinkii Puntland fooda ina kusoo hayaan ayna magaalada kusoo kordheen falal aan horay looga aqoon oo amaanka ka dhan ah. Ciidankan ayaa durba la diyaariyey waxaana laga qarameeyey ciidanka Booliska, waxayna wax garadka magaaladu go’aan ku gaareen inay ka madax banaanadaan taliska qaybta Booliska iyo Maamulka Gobalka Nugaal. Hadaba isbadelkan cusub ayaa u muuqada mid uu Madaxweyne Gaas kaga jawaabey wallaacii dadweynaha xili uu arkay inay shacabku ka tashanayaan inay amaankooda ku halleeyaan maamulka uu Madaxweynaha ka yahay oo ku guul daraystay wax yaabihii dadweynuhu u igmadeen oo uu amaanku ugu horeeyey. Arintan ayaa u muuqata tallaabo uu Dr. Gaas isku dayaayo inuu kusoo celiyo kalsoonidii dadweynuhu u hayeen Dawladiisa ay mudada kooban u hartay maadama uu isku diyaarinaayo inuu mar kale u tartamo kursiga uu hada ku fadhiyo. Isku soo wada duubo masuuliyiinta la magacaabay oo ah kuwo horay loosoo tijaabiyey ayaa la rajeynayaa inay wax badan ka badeli doonaan maamulka iyo nabadgelyada Gobalka Nugaal. PUNTLAND POST The post Faallo: Isbadelka lagu saameeyey Maamulka iyo Taliska Booliska Gobalka Nugaal ma yahay mid la asiibay? appeared first on Puntland Post.
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Cabdikariin Shiekh Muuse Qalbidhagax oo dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaal Itoobiya. Qalbidhagax oo ahaa shaqsiga ugu hadal haynta badan ee bulshada Soomaalida dhexdeeda ayaa loo gacan galiyey sirdoonka Itoobiya iyaga oo ka kaxeystay gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho, markii laga soo qabtay Gaalkacyo. Hase ahaatee, kaddib markii uu talada Itoobiya la wareegay Abiy Axmed waxaa la sii daayey Qalbidhagax, taas waxa ay dhalisay dood ku saabsan cidda lahayd mas’uuliyadda soo deytiisa. Safiir Soomaaliya u jooga Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho sii deyntii Qalbidhaax kaddib ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya codsi uga yimi darteed ay Itoobiya ku sii deysay Qalbidhagax. Si kastaba, gudoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo ra’iisul wasaare Itoobiya Abiy Ahmed sii deynta Qalbidhagax. “Waxaan rabaa in aan u gudbiyo Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sida aan uga mahadcelinayo fududeynta sii deeyntiisa iyo is bedelka dhaqan qaale iyo dastuur ee ka scoda Itoobiya.” I want to extend my sincere appreciation to the Ethiopian Prime Minister, Abiy Ahmed – for facilitating his release from custody and thank the PM for the socio- economic and constitutional reforms taking place in Ethiopia. pic.twitter.com/8hl2Ir7A9b — Hon. Aden Duale (@HonAdenDuale) September 24, 2018 Qalbidhagax tan iyo markii la soo daayey waxa uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya xilli ONLF iyo Itoobiya wadahdallo uga furmeen dalka Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  15. MOGADISHU (HOL) – Mogadishu mayor has warned against impunity in the prosecution of several people arrested in connection with the grisly murder of a man who was lynched by a mob in a marriage dispute case in the Somali capital last week. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU (HOL) – Mogadishu mayor has warned against impunity in the prosecution of several people arrested in connection with the grisly murder of a man who was lynched by a mob in a marriage dispute case in the Somali capital last week. Source: Hiiraan Online
  17. Riyadh (Caasimada Online) – Sucuudi Careebiya waxa ay ka mamnuucday Falastiiniyiinta sida KMG ah u haysta baasaboorada Jordan in ay soo galaan dalkeeda, taas oo u diideysa boqolaal kun oo dad ah in ay gutaan waajibaadka Xajka iyo Cumrada, madaxda shirkadaha dalxiiska ee Falastiin iyo Jordan ayaa sidaas u xaqiijiyey Middle East Eye. Dhawr shirkadaha bixiya fiiseyaasha, ayaa sheegay in lagu wargaliyey bilowgii bishan in aysan fiiseyaal u soo dalbin qof doonaya in uu ku safro baasaboor Jordan ah oo KMG ah walow wali aan si rasmi ah loo shaacin. Tallaabadaas waxa ay si toos ah u saameyneysaa ku dhawaad 634,000 oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ku nool Jordan iyo dhulka ay Israel haysato ee Bariga Jeerusalaam, halkaas oo ay malaayiin xujey ah ugu soo safraan sanad walba magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina. Baasaboorka KMG ah ee Jordan waa dikuminti dhaca muddo shan sano oo loo sameeyo Falastiiniyiinta ku nool dhulka bariga Jeerusalaam ee ay Israel haysato. Qaxootiga Falastiin ee ka yimid marinka Gaza ee ku nool Jordan waxaa lagu qiyaasaa 150,000, kuwaas oo sidoo kale loo sameeyo baasaboorka KMG ah, halka Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee ay Israel haysato si sharci ah loogu ogol yahay in ay codsadaan. Qofka haysta baasaboorka KMG ah lama siiyo lambar aqoonsi ah taas oo ka dhigan in uusan ahayn muwaadin buuxa. Falastiiniyiinta ku nool Bariga Jeerusalaan waxa ay baasaboorka u adeegsadaan dikuminti safar ahaan ah oo ay uga kala gooshaan dalalka gaar ahaan kuwa ay ku badan yihiin Carabta aan dal ahaan u aqoonsaneyn Israel ama dikumintiyada safar ee ay sameyso Israel. Kamal Abu Dhiab oo ah madaxa bulshada dalxiiska ee Jordan iyo waaxaha socdaalka ayaa u sheegay MEE in hay’adda lagu wargaliyey “Hadal loogu sheegay telefoonka” sharciga qunsulka Sucuudiga ee Cammaan. “Waxaan xaqiijin karaa in ay nagu wargaliyeen in aynaan soo dirin baasaboorka KMG ah ee Jordan si loo helo Fiise. Qunsuliyadda Sucuudiga ayaan dhawaan nagu wargalisay, farriintooda qoraal ma ahayn laakiin hadal,” ayuu yiri Kamal Abu Dhiab. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  18. MOGADISHU (HOL) – Leaders of Somalia’s regional states did not turn up to a meeting with the country’s president which was scheduled to take place in the capital, Mogadishu on early Monday. Source: Hiiraan Online
  19. MOGADISHU (HOL) – Nearly a dozen soldiers and militants have been killed in an al-Shabab attack on an army base in southern Somalia, the latest in series of deadly attacks on army bases in recent months, officials and residents say Monday. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiayah Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar cismaan Yariisow ayaa Maanta waxa uu booqday Qoyska Marxuum Axmed Dowlo ee dhawaan la dilay lana gubay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadkii ka dambeeyey dilkaas Gacanta lagu haayo,isla markaana ay jiraan xildhibaan iyo Siyaasiyiin doonaya in la siidaayo. “Waxaa jira Xildhibaano doonaya in Xabsiga ay ka siidaayaan dadkii gubay Axmed Mukhtaar,mana ka yeeli doono,waxaan idiin sheegayaa inay cadaalada mari doonaan dadkii ka dambeeyey dilkaas. Dhacdadii lagu dilay laguna gubay Axmed dowlo ayaa waxa ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay inta badan Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin intaba. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Duqa-Muqdisho-yariisow.mp3 Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
  21. Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland oo ku astaysan 24 September 2018 ee ku beegan Isniinta maanta ayaa xilkii looga qaaday,taliyihii qeybta Booliiska gobolka Nugaal, Gaashaanle Sare.Faarax Cabdiraxmaan Warsame(Galangoolli),waxaana xilkaas si ku meel-gaar ah loogu magacaabay Sarreeye Guuto. Muxiyadiin Axmed Muuse. Gen. Muxiyadiin ayaa sidoo kale wareegtada loogu magacaabay taliyaha xasilinta gobolka Nugaal. Muxiyadiin ayaa hore u ahaa taliyaha la-dagaallanka Argagixisada iyo Daroogada,sidaasi darteed wuxuu isku’hayn doonaa saddex jago oo kala ah;xilkiisi hore iyo laba maaanta loo magacaabay. Labada xil ee maanta Muxiyadiin loo magacaabay ayaa kala ah,taliyaha xasilinta gobolka Nugaal iyo sii hayaha xilka taliska qeybta gobolka Nugaal,sida ku xusan wareegtadan,maadaama xilkii laga qaaday taliyihii qyebta Booliiska Nugaal,Gaashaanle sare Faarax Galangoolli. Halkaan ka akhriso wareegtada xilka-qaadista Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu atahay 24 Sep 2018 waxaa uu magacaabay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal. Wareegto Madaxweyne Lr.12 Sep 22, 2018, kuna saabsan xasilinta Gobolka Nugaal. Ku: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Ku: Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntlnd Og: Duqa Degmadda Garoowe Og: Madaxweyne ku xigeenka Ujeedo: Magacaabid Taliayaha Xasilinta Gobolka Nugaal Waxaa dhammaan masuuliyiinta ay warqadani tooska iyo ogaysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in madaxa ladagaalanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse loo magacaabay Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal, waxaana sidoo kale laga qaaday xilkii taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Galangooli waxaana xilkaas si ku meel gaara ah usii haynaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmaed Muuse, Sidaa daraadeed waxaa dhammaan lafarayaa hay’adaha Dowladda in ay si buuxda ula shaqeeyaan ugana danbeeyaan dhammaan arrimaha amniga Gogobolka Nugaal Taliyaha xasilinta. Sidoo kale waxaa taliyaha hawshaan loo igmaday la farayaa in uu gacan bira ku qabto amniga gobolka gaar ahaan caasimadda kna nadiifiyo kooxaha buracadaa ee dhibaatada ku haya bulshada deegaanka. Fulin wacan Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dowladda Puntland -DHAMMAAD- PUNTLAN POST The post Taliyihii Booliiska Nugaal oo xilkii laga xayuubiyay appeared first on Puntland Post.
  22. Soldiers from the Kenya Defence Forces (KDF) on Monday killed 10 Al-Shabaab militants and recovered seven AK47 rifles, ammunition during a dawn operation in Lamu County. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 6aad ee kalfadhiga 4aad uga dooday xad gudubkii banii’aadnimada ka baxsanaa ee lagu gubey Axmed Mukhtaar Saalax. Guddiga arrimaha bulshada golaha shacabka oo ka hadlay arrimihii quurkasiga ahaa ee ninkii todobaadkii hore lagu gubey Muqdisho ayaa soo jeediyey in cadaaladda la marsiiyo dakii ka dambeeyey. Xildhibaan Cabdi Shire waxaa uu dalbaday in lammaanihii loo dhigo aroos qaran. Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo isna goobta hadlay waxaa uu yiri “Baarlamaanku waa in hayb sooca ay ka curiyaan ama ka sameeyaan sharci adag, Waxaan ka codsanaynaa hey’adaha dambi baatista waa in nidaam cadaaladeed ay ku baaraan dhacdii lagu dilay ninkaas, oo aaney wax u dhicin sidii aan arki jirnay Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin oo ka mid ahaa xildhibaannadii arrintan ka hadlay waxaa uu yiri ” Maxaa naloo dilaa, maxaa naloo dhacaa, maxaa naloo kufsanaa haddii aan nahay Jareer, dadka ayaan la mid nahay, oo diinta ayaa na walaaleysay! Haddii Guurka Jareer la isku dilaa, waxaan leeyahay idinku is guursada gabdho qurxoon waa inaga buuxaane. Xildhibaan Maxamed Nuur Iftin(Shambaro) oo sii hadlaya waxaa halladiisa ka mid ahaa “Jareerteena Mareykanka joogta waxaa loo ogol yahay iney guursdaaan gabdhaha caddaanka ah, Soomaalideenna nalooma ogola, oo waa la is gubaa. Xildhibaan Maxamed Gacal oo ah guddoomiye ku-xigeenka guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ayaa ku dheeraaday xadgudubyada iyo xalka. Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse ayaa soo jeediyay in boqol dollar xildhibaanadu iska jraaan si loogu caawiyo qoyska uu ka dhintay ninkii la gubay Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka hadlay dib-u-eegista xeer hoosaadka golaha shacabka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. Digteeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo ku taariikhaysan 24 Sep 2018 ee ku beegan maanta ayaa xilka looga qaaday,guddoomiyihii gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Fara-weyne. Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal u magacaabay,Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) oo hore mar u soo noqday duqa degmada Garoowe ee caasimadda Puntland. Halkaan ka akhriso digreetada Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal. Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal 2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. -DHAMMAAD- PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii gobolka Nugaal oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
  25. MOGADISHU (Caasimada Online) — At least a soldier from Puntland was killed and 4 others, including a soldier injured in ambush gun attack by gunmen in Bosaso town, north of Somalia. The surprise attack happened in Bosaso town, after gunmen opened fire on two soldiers walking, leaving a soldier dead and another wounded. The soldiers reportedly opened several bullets to response to attack, leaving three other civilians injured, a witness, who asked to be anonymous said. The attackers escaped from the crime scene, before the arrival of the Puntland security forces. He says the victims were immediately rushed into hospital. Puntland security soldiers arrived at the area and launched an operation over the attack. No arrests have been made so far. There was no group says it carried out the assassination attack. But, a Islamic State (IS) faction in Somalia has grown significantly over the past year, carrying out attacks in Puntland. A report by UN sanctions monitors said the Islamic State has been receiving some funding from Syria and Iraq. In February, Islamic State gunmen stormed a hotel in Bosaso, the economic capital of Puntland, leaving several people dead. In May, the faction carried out its first suicide attack at a police checkpoint near Bosaso, killing five people. However, UN report raised concerns that the Bari region could become a potential haven for foreign fighters as the extremists are driven out of their strongholds in Syria and Iraq. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com