-
Content Count
206,533 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa difaacay mid ka mid ah xildhibaanada beesha Murusade oo lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu damaanad kusii daayo dadkii gubay Axmed Mukhtaar Saalaax. Axmed Mukhtaar Saalax ayaa toddobaadkii tagey lagu dilay baangado kadibna la gubay, kadib markii wiil uu adeer u yahay uu guursaday gabar kasoo jeeda beesha Abgaal, balse hooyadeed ay ahayd Murusade. Reerka gabadha ee Abgaal ayaa gabadhooda ka furtay wiilka una diiday, kana fogeeyey, balse markii laga reebi waayey iska siiyey wiilka. Si kastaba, qoyska hooyadeed ee Murusade ayaa taas qaadan waayey kuwaas oo kadib weeraray adeerkiisa oo dilay kadibna gubay. Yariisow oo shalay booqday qoyska dhibka gaaray ayaa yiri “Waxaa jira Xildhibaano doonaya in Xabsiga ay ka sii daayaan dadkii gubay Axmed Mukhtaar, mana ka yeeli doono, waxaan idiin sheegayaa inay cadaalada mari doonaan dadkii ka dambeeyey dilkaas” Hadalkaas kadib ayaa waxaa baraha bulshada ku baahay war ku saabsan in xildhibaanadaas uu ka mid yahay Xuseen Iidow oo beesha Murusade kasoo jeeda, balse waxaa taas meesha ka saaray Yariisow kadib qoraal uu xalay soo dhigay facebook. Yariisow ayaa qoraalka ku yiri “Ma haboona in la siyaasadeeyo warkii ahaa in caddaalad la soo saaro danbiilayaashii ka danbeeyey falkii waxuushnimada ee loo geystay marxuum Axmed Dowlo oo Xildhiban Xuseen Iidow wax lug ah kuma laha damaanad raadinta falgaboodkan waana la siyaasadeeyey” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Salaan Cumar Hadliye ayaa dalbaday inaan la qarin oo shaaca laga qaado qabiilka ay kasoo jeedaan dadkii dilay kadibna gubay Axmed Dowlo. Axmed Mukhtaar Saalax ayaa toddobaadkii tagey lagu dilay baangado kadibna la gubay, kadib markii wiil uu adeer u yahay uu guursaday gabar kasoo jeeda beesha Abgaal, balse hooyadeed ay ahayd Murusade. Reerka gabadha ee Abgaal ayaa gabadhooda ka furtay wiilka una diiday, kana fogeeyey, balse markii laga reebi waayey iska siiyey wiilka. Si kastaba, qoyska hooyadeed ee Murusade ayaa taas qaadan waayey kuwaas oo kadib weeraray adeerkiisa oo dilay kadibna gubay. Si kastaba, warbaahinta Soomaalida, ayaa ka gaabsanayey inay magacaaban qabiilka dhibka gaystay. Qoraal uu soo dhigay Twitter ayuu Hadliye dadka dhacdooyinka wax ka qora [Suxufiyiinta] ku dhaliilay inay kaliya sheegayaan qabiilka Axmed Dowlo ee Jareerweyne balse aysan sheegeen kuwa dhibka gaystay. “Dadka wax ka qoraya dilka Muqdisho, maxaynaan u sheegeen magacyada dadka dambiga foosha xun u gaystay walaalkeen Axmed Dowlo, ama aynan u shaacineen qabiiladooda, maadaama aan mar walba ka hadleyno qabiilka Axmed. Yaa yiri wuxuu kasoo jeedaa qabiil laga tiro badan yahay. Ma waxaa jira tira-koob la sameeyey”. To those who wrote abt murder in Mog, why we are not saying the name(s) of those who committed the heinous crime against the late brother Ahmed Salat or their clan affiliation since we keep talking about the late Ahmed’s clan. Who said he is from minority clan? Is there census? — AbdusalamHOmer (@AbdusalamHOmer) September 24, 2018 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baghdad (Caasimada Online) – Hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ayaa u baxsaday dalka Afghanistan, isaga oo sii maraya dalka Iran, warbixin soo shaac baxday maanta ayaa sidaas shaaca ka qaaday. Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay inuu gaaray gobolka Nangarhar oo ku yaalla bariga magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan, kuna teedsan xuduudka dalka Pakistan. Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka dalka Pakistan ayaa sheegay in Al-Baghdadi uu soo maray magaalada Zahedan ee dalka Iran oo dhinaca koonfur galbeed xuduud kala wadaagta dalka Afghanistan, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Asharq Al-Awsat. Asharq Al-Awsat ayaa intaas ku daray in la rumeysan yahay in Al-Baghdadi uu u baxsaday Afghanistan si uu uga badbaado howlgalka ay toddobaadkii tagey billaabeen ciidamada isbaheysiga caalamiga ah, oo taageeraya kooxaha mucaaradka Syria. Warar is-khilaafsan ayaa dhowaanahan kasoo baxayey halka uu ku sugan yahay Al-Baghdadi. Bishii August, hogaamiyaha Daacish ayaa jeediyey khudbaddiisa ugu horreysay kadib sanad uu aamusnaa, isaga oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay dagaalka sii wadaan, inkasta oo ay la kulmeen guulo-darrooyin. Ma cadda halka lagu duubay muuqaalkaas. Al-Baghdadi ayaa sidoo kale dhowr mar la sheegay in la dilay, ayada oo ay ugu dambeysay bishii July. Si kastaba, Mareykanka ayaa ku adkeystay in warbixinadooda sirdoon ay sheegayaan inuu weli nool yahay. Caasimada Online Xafiiska Baghdad Caasimada@live.com
-
Soomaliya wax badan baan is lahaa Cunsuriyad kama jirto oo dadku waa isku diir , isku dhaqan iyo isku af ..laaakin socodka cajaladda taariikhda run bey ka sheegayaan haddii ay tilmaamaan heyb sooc baahsan oo saameyn ku leh dhaqanka dadka . Waxa ay socodka cajaladda taariikhdu kugu xukumayaan in aad rumeysato in Soomaaliya ay jiraan dad kala sarreeya oo qaarkood qaarka kale ee ay isku ayniga yihiin yaso oo hoos u eego iyadoo aaney jirin wax farqi ah oo muuqda oo u dhaxeeya . Dhaqamadaas hooseeya ee taqliidga ah kuna dhisan badownimada iyo aqoon-diin la’aanta weli waxay hareynaynayaan oo ka jiraan meelo Soomaaliya ka mid ah oo jaranjarada dhaqanka ay dadka u kala qaaday GUN IYO GOB, aan la ogeyn meel laga soo tixraacay marka laga reebo sheekooyin quraafi ah iyo kutiri ku teen ka fog xaqiiqda cilmina aan ku dhisneyn. Dhaqankaas aflagaadada iyo yasidda ku yimid ayaa xilligan oo aynu joogno qarnigii 21aad ay dadka qaar doonayaan in ay u isticmaalan xaqiiqda nolosha kuna dumiyaan nolosha qowmiyado dhan oo ku nool Soomaaliya oo awood waxqabad iyo waxtar ku leh bulshada dhexdeeda. Maanka dadka ku nool dunida xilligan ma qaadi karo in ay jiraan dad wanaagsan iyo dad xun isir ahaan, dad sarreeya iyo kuwo laga sarreeyo, , dad daciif ah oo liita iyo dka ad xooogan oo awood leh. Muxuu ku fekerayaa qofka xilligan qaba in uu yahay qof dun sarreysa oo xariir ah uu ka sameysan yahay kan kalena u heysta in laga abuuray dun lufad ah , qaab daran oo aan qiimo laheyn. Boon, Midgaan, Jareer iyo cid kasta oo la itaal ah ma waxaa loo asteeyey YARUURAC, aan xitaa loo quurin in in cad u qalma ay ka helaan xitaa maamulada tuulooyinka ugu yar yar dalka lagana ilaaliyo wax kasta oo ay sharaf ku mudan karaan. Ma tan baa tan keentay in asaagood beelaha kale ay bar ka noqdaan oo aan beelo buuxa loo aqoonsan. Cunsuriyadda aan is lahaa kama jiri karto Soomaaliya..waa ka jirtaa waayo seere ama xuduud ayaa u kala yaalla beelahaas la xaniinyo siibay iyo kuwa kale oo goodiskoodu ku salysan yahay hub iyo awood . Maxaan kaga duwnaan karnaa Caddaankii Koofur Afrika xoogga ku heystay iyo Madowgii silicaan ogeyn la soo mariyey ee kelyo adeyg iyo niyad bir ah ku jabiyey heeryadii cunsuriyadda ee dulsaarnaa. Haddii Soomaalida xilligan dad u gubeyso isma geyno iyo gabadheyda uma qalmo jareer iyo midgaan , arrintan ma laga yaabaa aakhirka in ay Somaalida labo janbi ama labo gees u kala jabiso oo uu abuurno dareen halgan Soomaalida dhexdeeda ah oo ay qolo ku sifoobeyso cunsuriyiin aan waxba ka duwaneyn kooxaha KULUKLIX Clan ee Ku can baxay heybsooca ama ka daran. Bulshooyinkan ma ahaanayaan kuwo mar walba laga awood roon yahay oo sidii xilliyo horeba ay u ahaayeen awood jirta ayey dhici kartaa in ay ka baxaan baraarug la’aanta ilaa Soomaalidu boogta soo wada taabato lana gaaro in ay kacaan dabeylaha isbedelka , waqtiguna ka wareego dadka maanta ka gacan sarreeya. YAA JAREERWEYNIYA..YAA MIDGAANIYA inta aan xabarwacashadu gaarin , dadkna wax aaney mudneyn yaan lagu dayin .. Qeyladu maanta meel walba wey wada gaartay ..beelahana lagu xalin karo GACMO GEEL JIRE HOOS BAA LOO DHAQAA ee waa in Soomalliya lagu arkaa dhowris dhab ah oo xuquuqda aadanaha ah haddii kale xukuumadaha jira waxay hoosta ka riixayaan mustaqbalka isir sifeyn lagula kaco dadka ..laakin taas maaha mid socon karta. W/Q: Maxamed Shiil
-
Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, aqristoow sideedaba, marka aad ummad dhan hogaamiye utahay, waxaa muhiim ah inaad fahmikarto, meesha eey kujirto danta dadka, iyo deegaanka aad matasho, qorshe-siyaasadeedkii lagu xaqiijin lahaana latimaado, hadiise xisaabta isaga kaa khaldanto, waxaad gacmahaada kuburburineeysaa danahii ummada aad hogaanka u aheyd, waxaana suurtagal ah, in aad jeebka ugu dhacdo, oo aad madiidan, iyo sumeeynu-dhaan-raacday unoqoto, duul kaloon wadin danta deegaanka aad matasho.Waa arinta heeysata hogaamiyaha maamulka Gal-Mudug: Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Soomaaliduse usoo gaabsato: Xaaf. Hogaanka maanta ee Gal-Mudug (Xaaf), wuxuu kala garan la’yahay, cadowgiisa iyo saaxiibkiisa. Wuxuu jeebka ugu dhacay, koox aan danta maamulkiisa wadin, xaqiiqdiina cadowga koobaad ee Gal-Mudug ah. Waxaa lookaashanayaa in dowlada dhexe lagula dagaalo, ama ugu yaraan lagu jageesto, iyadoo kooxdaani rabto, ineey dowlada dhexe umuujiyaan, ineey maamullada kaloo dhan ku abaabulikaraan, sidaa daraadeedna tahay, in dowlada dhexe ufuliso, danahooda gaarka ah. Xaaf wuxuu maanta jeebka ugu dhacay, oo madiidan, iyo sumeeynu-dhaan-raacday unoqday, Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ah isla ninkii shalay dadaalka ugu badan kubixiyey, in maamulkaa aanu dhismin. Waa isla ninkii shalay buuq, iyo sawaxan meelkasta la taagnaa, iyo in maamulkuba sharcidaro yahay, oo dastuurka aanu waafaqsaneyn. Ogoow hade waa ninkii dhowrka mar dagaalka kusooqaaday, iyadoo maamulka Gal-Mudug curdan yahay, si uu ukala daato. Waa kuwii ujaasuusay ciidamada cirkee Mareeykanka, kunasoo hogaamiyey, taasoo keentay in wiilal ciidamada maamulka Gal-Mudug ah, Mareeykanku ulaayo sidii ineey argagixiso, iyo Al-Shabaab yihiin. Markii waxaa oo dhan wadashaqeyn waayeen, ayuu Gaas kudadaalay inuu maamulka sikale udumiyo, sidaana Xaaf ugu qanciyey, inuu kusoobiiro gole doowlada dhexe lagula loolamayo, oo uu Gaas dhisayo, taasoo keentey in mas’uuliyiintii maamulka kala jabaan (Divide and conquer), heer xaalku gaaray, in dhamaan mas’uuliyiintii maamulka ugu sareeysey-Marka Shaakir laga reebo-Xilka ka kala qaadaan, baarlamaano kala fadhiya magaalooyinka Dhuusamareed iyo Cadaado. Marka uu Cabdiweli Gaas waxaa oodhan maamulka Gal-Mudug umaleegayo, Xaaf wuxuu ku koox yahay Cabdweli Gaas. Markuu Gaas garwaaqsaday nooca hogaan ee Xaaf, ayuu maantana ugu daray inuu kusoo qaado dagaal dhaqaale (Economic war), iyo sidii loo curyaamin lahaa Dekada Hobyo, ee lagu talajiro in maamulka Gal-Mudug loodhiso, iyadoo dakad aad ugu dhow, looga garab dhisayo magaalo xeebeedka Garacad, ee isla gobolka Mudug ah. Wuxuu sidoo kale kuxumeeynayaa reer Bariga Boosaaso, ee mudo dagaalka xun uu kaladhexeeyey, illaa eey sameeyeen kacdoon lamagacbaxay: “Kacdoonka Beelaha Bari” ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaanay “KBB”, hogaamiyana uu u ahaa: Cabdisamad Maxamed Galan, kadib markuu Cabdiweli Gaas cidkastoo reer Bari ah kasifeeyey madaxtinimada gobolka Bari, iyo xilalkii kale ay kawada hayyeen, guud ahaan maamulka Puntlad, isagoo kuwada badalay ilma-Adeeradiisa kawada yimid gobolka Mudug. Waxaa sidoo kale jirta inuu juffadiisa hoose larabo inuu uga tago Dakad dhaxal ah oo ugaar ah, xitaa hadaanu xukunka kusoo noqon, illeen qabyaaladu sidii basal lafiiqay beey hoos usiidagtaaye. Xilligii mudane C/Kariin Xuseen Guuleed hogaamiyaha u ahaa Gal-Mudug, maamulku wuxuu si wanaagsan ula shaqeeynayey, xukuumadii xiligaa jirtey ee Qabyo/Damjadiid. Xiligaa weey fududeyd in madaxda maamulka Gal-Mudug kahelaan dowlada dhexe, wixii eey rabaan suurtagalna ah. Waa sax in mudane C/kariin Guuleed ka mid ahaa madaxda ugu sareeysa ee Damjadiid, xukuumadii Qabyo/Damjadiidna murug iyo maalba kubixisey in maamulkaa dhismo, mudane C/Kariin Xuseen Guuleed-na madax ka noqdo, hadana danta guud ee ah in maamulku dowlada dhexe aan looga dhawaan, ama looga turjumin, wuxuu rabana kahelo, dowladana hesho maamul lashaqeeya, waa lagu guuleeystay, foowdada maanta xirkaha goosateyna majirin. Mudane C/kariin Xuseen Guuleedna waakan iska casilay markii lagu kacay, intuu maamullka Gal-Mudug gaari lahaa meesha aadka uu foosha xune maanta Xaaf iyo hogaan xumidiisa gaarsiiyey. Talo soojeedin (Recommendations) 1-Waa in shir degdeg ah isugu yimaadaan, dhamaan oday-Dhaqmeedyada beelaha walaalaha ah ee kumidoobay, wada dhisteyna maamulka Gal-Mudug, gaar ahaan Ugaasyada, xaliyaana qaska iyo foowdada xargaha goosatay, ee kajirta maamulka Gal-Mudug. 2-Sidii hore udhacdayba waa ineeysan beesha Xaaf kadhashay qaban shir beeleed gaar ah, oo Xaaf lagu taageerayo, ama lagu badbaadinayo, laguna weerarayo madaxda kalee kasoo horjeeda iyo dowlada dhexeba, taasoo waxoo dhan foolxumeeyneeysa, ummadana siikala fogeeyneeysa. Sidii kii odey-dhaqameedyada caanka ah kujireen sida: Abuukar Ganeey, oo ah gudoomiyaha odayaasha dhaqan beesha Habargidir, ugaaska beesha Ceyr: Cabdi Daahir iyo garaadka beesha Sacad: Qoorweyn, kana dhacay xamar, gaar ahaan Hotel Saxafi, taariikhdu markeey aheyd 26-kii September 2017-ka, qabyaalad qayaxana kula safteen Xaaf, kuna weerareen dowladii dhexe, iyagoon habayaraatee wax dhaliil ah aan usoojeedin Xaaf, soona hadal qaadin, xitaa mas’uuliyiintii maamulka GM ugu sareeysey, ee uu Xaaf **********nimada kula kacayoo iska xirxirtay, oo nasiibdarro! Markaa odayaal-beeleedkaasi shirayaan uxirnaa Xaaf. 3-Hogaanka xilka laga wada qaadaye maamulka Gal-Mudug, waxaa ku haboon ineey khilaafkoosa sihoose uxalistaan, hadii odayaashaa kusoobaxaana udhago nuglaadaan, hadiise taa dhiciweeyso, waa muhiim in Xaaf oo mushkilada asalkeeda ah lagu qanciyo inuu iscasilo, ama go’aan mideeysan laga wadaqaato, xitaa hadii danta loo arko in dhamaan inta xilka iska kala qaaday, meesha kawada baxaan, si Xaaf looga badbaadiyo maamulka, waa xal. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa shaaca ka qaaday in Umadda Soomaaliyeed laga doonaayo inay ka faa’iideystaan hiilada uu adduunka la garabtagan yahay. Wasiirka oo maalmahan ku sugnaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay buuxin doonto booska Madaxweynaha waxa uuna tilmaamay in shirka sanad laha ah ee QM uu ahmiyad gaara u leeyahay Somalia. Waxa uu sheegay in mudada uu joogo magaalada New York ee dalka Maraykanka ay wada kulmeen madax kala duwan, hase yeeshee waxa uu cadeeyay in adduunka oo idil uu u heelan yahay Somalia, balse cida la doonayo inay ka faa’iideysato ay tahay Soomaalida. Wasiir Cawad waxa uu tilmaamay in Umadda Soomaaliyeed laga doonaayo hal arrin oo kaliya taa oo ah inay dhexda u xirtaan sida ay uga faa’iideysan lahaayen adduunka. “Waxaan arkay adduun u heelan Somalia, waxa aan umadda Soomaaliyeed u sheegayaa in marka hore laga doonaayo keliya inay u istaagan ka faa’iideysiga adduunka oo aan is leeyahay waa tan kaliya ee lagu gaari karo horumarka” Waxa uu Cawad carab ***** in aduunka qudhiisa uu aaminsan yahay in Somalia ay cariirsaneyso booska ay kaga jirto dowladaha Africa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in hormar lagu gaari karo Soomaali oo mideysan. Sidoo kale, Cawad ayaa cadeeyay in madaxda uu la kulmay ay gabi ahaan Somalia u sameeyen ballanqaadyo waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay xooga saari doonaan sida ay uga faa’iideysan lahaayen. Si kastaba ha haatee, Somalia ayaa inta uu socdo shirka magaalada New York ee dalka Maraykanka madaxda adduunk ka iibin doonto isbedelada ka jira Somalia iyo baahida ay u qabto in la garab istaago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah UCID ee Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland ay caqabad ku yihiin dowlado dhowr ah oo ka tirsan Jaamacada Carabta. Waxa uu sheegay in calaaqaadka Somaliland kala dhexeeya carabta uu mar hore soo bilowday, balse aysan iminka la socon siyaasada adduunka ka socta. Feysal isagoo tilmaamaya heerkiisa luqada carabiga ayuu yiri “Anigu af carbeedka ma aqaano, barigii ay Masaaradi noodhigi Jirtayna daaqadda ayaan ka dhici Jiray” Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Somaliland ay ahmiyad gaara u leedahay inay ka faa’iideysato xiriirka ay la leedahay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ka faa’iideysigaasi ku tilmaamay mid horumar gaarsiinkara Somaliland. “Anagu aqoonsigeena waxaa hortaagan dhowr dal oo koow ay ka tahay carabta, Siyaasada jaamacada carabta waxa ay aheyd siyasada Masar ee Niilka, waxa ay dooneysay inay jirto Somalia oo awood leh si Niilka ay uga xigsato Ethiopia” Waxa uu Feysal sheegay in ictiraafka Somaliland ay tahay mid ku xiran midnimada gudaha ee Somaliland, isagoo tilmaamay in cid aan mideysneen aan la dooneynin. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dulqaad ay u baahan tahay gaarista aqoonsi rasmi ah, balse uu rumeysan yahay in ictiraafkooda uu yahay mid ku imaankara xoojinta dowladaha carabta. HOOS KA DAAWO FEYSAL WARAABE OO ICTIRAAF BAADI GOOB UGU JIRA
-
Waaberi ayaa xalay sanadkii Labaad oo xiriir ah loo Caleemo saaray Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir kaddib markii ay gool madi ah uga badisay Shibis. Qeybta hore ee ciyaarta ayeey la timid goolkii qura ay Waaberi ku qaadday Koobka. Waaberi oo Finalka ka dhigatay hoygeeda ayaa xalay markii Labaad oo xiriir ah qaadday tartanka degmooyinka gobalka Banaadir. Taageerayaal tiro badan ayaa u gurbaan tumayey Waaberi oo isla koobkan sanadkii hore xilli habeen ah ka qaadday Hodan xalayna Shibis ayey ku yiraahdeen Shib dhaha. Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Waaberi guddoonsiiyey koobka degmooyinka. Xigasho: GOOL FM Source: goobjoog.com
-
DOHA: H H Sheikha Moza bint Naseer, Chairperson of Silatech’s Board of Trustees, and Ahmed Isse Awad, the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, attended yesterday in New York the signing of three agreements to economically empower Somali youth by securing more than 75,000 jobs in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Luka Modric Luka Modric xidiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka Kurawaatiya ayaa markii kowaad caawa ku guuleystay abaal marinta (Ballon d’Or) xidiga ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka sanadkan 2018. Modric ayaa abaal marintan kaga guuleystay xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah, wuxuuna codka ugu badan ka helay tababaryaasha iyo kabtanada xulalka qaramada adduunka si la mid ah saxaafada iyo jamaahiirta adduunka oo mid kastaaba boqolkiiba 25% ka yahay codka wax lagu go’aamiyo. Luka Modric ayaa UEFA Champions League kula guuleystay kooxdiisa Real Madrid sanadkii saddexaad oo xiriir ah, sidoo kalana xulkiisa Kurawaatiya markii ugu horeysay gaarsiiyay kama dambeystii koobka adduunka 2018. Sidaan oo kale Modric ayaa sanadkan abaal marinta xidiga ugu fiican qaarada Yurub kaga guuleystay Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah. FIFA ayaa abaal marintan ku bixisay xaflad ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska. PUNTLAND POST The post Modric oo ku guuleystay xidiga adduunka 2018 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beddeshay hogaanka booliska qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, xilli toddobaadyadii tagey uu aad u xumaaday ammaanka magaalada caasimada ah ee Muqdisho, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xilka laga qaaday illaa toddoba ka mid ah taliyayaasha booliiska ee degmooyinka gobolka Banaadir. Degmooyinka taliyayaashooda xilka laga qaaday ayaa kala ah Kaxda, Waaberi, Warta Nabada, Xamar-Jajab, Heliwaa, Shibis iyo Dharkeyley, sida ay sheegayaan wararka Magaalada ayaa waxaa dhowaanahan ka dhacayey dilal qorsheysan iyo qaraxyo dad badan ay ku dhinteen. Sabtidii waxaa dhacay laba qarax oo mid ka mid ah laga dilay Proff. Yaxye Sheekh Caamir waalaakiis. Sidoo kale dilalka qorsheysan ayaa si maalinle ah uga dhaca magaalada, ayada oo lagu ugaarsado dadka dowladda la xiriiro, ciidamada dowladda iyo shacabkaba.. Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sheegaya in tallaabada ay dowladda qaaday looga gol leeyahay in xukuumadda ay ku iibsato waqti dheeraad ah, xilli cadaadis xooggan uu kaga imanayo baarlamanka, ayada oo xildhibaanada ay u yeereen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddoonka Gollaha Aqalka Sarre ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay warbixin ka timid hoggaanka u sarreeya dowlad goboleedka Galmudug. Warbixintani oo loo soo dhiibey Guddi uu Gollaha Aqalka Senate-ka dhowaan u diray caasimadda maamulkaasi ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ku lifaaqan tabashooyinka ay dowladda Galmudug ka tirsanayso xukuumadda Muqdisho. Guddiga loo direy Galmudug oo ka koobnaa xubno Senate-ka ka tirsan ayaa inta badan waxay kasoo jeeda degaannada Galmudug, waxayna ka dambeysay markii uu xumaadey xiriirkii dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. Senator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid) oo kamid ahaa xubnaha Guddiga, kaa soo saxaafadda uga warbixiyey safarkii ay ku gaareen Galmudug wuxuu tilmaamay in ay la soo shireen madaxweyne Axmed Ducaalle Xaaf iyo madax kale oo hoggaanka maamulka tirsan kuwaasoo Dhuusamareeb ku sugan. Kulamada ay la yeesheen dhinacyadda kala duwan, kuwaasi oo ahaa is-xogwareysi ayuu cod dheer ku sheegay Senator Qeydiid inay salka ku hayeen sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafka ka dhex taagan Galmudug iyo Xukuumadda federaalka. Wafdigii aqalka odayaasha ee tegay Dhuusamareeb ayaa kulamo la soo qaatay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir kulamadaasi waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa guddoomiye xigeenka koowaad iyo kan labaad ee baarlamaanka Galmudug iyo masuuliyiin kale. HOOS KA DHAGEYSO SEN. CABDI QEYBDIID: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/SEN-CABDI-QEYBDIID-24-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan aan caadi aheyn la qaatay Xildhibaanada BFS garabka PDP iyo Dhalinyaro qeyb ka ah Xisbigiisa. Xasan Sheekh oo kulanka ula gol lahaa is arag iyo xog wareysi ayaa waxaa halkaa khudbado ka jeediyay tirro Xildhibaano ah oo si guud uga hadlaayay xaalada uu ku jiro dalka. Xildhibaanada oo uu kamid ahaa Faarax Sheekh C/qaadir ayaa sheegay inay muhiim tahay iska warqab iyo in laga wada shaqeeyo sidii lagu gaari lahaa isbedel ka dhacaa dalka. Waxaa kulanka sidoo kale ka muuqday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) oo isagu lahaa kulminta Xildhibaanada iyo dhalinyarada qeybta ka ah Xisbiga PDP. Boorsaani ayaa goobta ka sheegay in dib loo soo nooleyn doono iska warqabka waxa uuna aad u bogaadiyay sida uu u qabsoomay kulanka. Kulamadan iyo kuwo ka horeeyay ayaa qabsoomidooda waxa ay ka danbeysay kadib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu 30kii Bishii hore ku soo laabtay Muqdisho. Xasan ayaa markii uu yimid Muqdisho shir uu ku qabtay ka sheegay in uu u yimid in uu ogaado xogta dalka,waxaa kale oo uu xusay in uu marayo dhamaan Gobollada dalka oo uu booqan doono.
-
Xildhibaan hore Daahir Cabdulqaadir Muuse(Daahir Ciirro) ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga warramay isbedal uu madaxweynaha dowladda Puntland DR Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku sameeyay maamulkii iyo taliskii booliska gobolka Nugaal. Wuxuu sheegay siyaasigu in isbeddalka uu madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas sameeyay marka loo eego ragga uu u magacaabay guddoomiyaha iyo taliska qeybta booliska ee gobolka Nugaal loo fasiran karo in Madaxweynuhu ilduufay. Arrintaas wuxuu ku sababeeyay in gobolka Nugaal aan muddo loo magacaabin masuuliyiin wax u qaban karta. Wuxuu soo dhoweeyay tallaabada madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas uu ugu magacaabay gobolka Nugaal maamulka cusub, isagoo maamulka sheegay inuu ka filayo in wax badan uu ka qaban doono xaaladaha amni darrada ay kamid tahay. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-DAAHIR-CIIRRO-24-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Labo ruux oo galabta koox hubeysan ay ku dishay degmnada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Dilalka loo kala geystay labadani ruux ayaa ka kala dhacay laba xaafad oo isla degmada Afgooye ah. Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa rag iyo dumar waxaana xaafadda Ceelqode ay kooxda hubeysan ku dileen ninka halka Haweeneeyda lagu dilay xaafadda Daahisooy. Dadka degaanka oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in dableeyda dilalka fulisay oo mooto Bajaaj ku socday ay baxsadeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in labada ruux ee Afgooye lagu dilay ay kamid yihiin ergadii soo xushay baarlamaanka Soomaaliya. Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin dilalkani galabta ka dhacay degmadaasi. Ciidanka ayaa dilka kaddib sameeyay howlgallo lagu sheegay in ammaanka ay ku sugayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Xinhua) -- A total of 35 al-Shabab militants were killed and several others injured after an exchange of fire between Somali national army, backed by African Union forces, and the militants in Qoryoley, a town in lower Shabelle region, in southern Somalia, officials said on Monday. Source: Hiiraan Online
-
PHA RESPONDS TO THE GERMAN MISSION TO KENYA PRESS STATEMENT
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hay’adda Waddooyinka DPL Puntland Highway Authority Date: September 24, 2018 PRESS STATEMENT PHA RESPONDS TO THE GERMAN MISSION TO KENYA PRESS STATEMENT JALAM-HARFO ROAD REHABILITATION WORK CONTINUES DESPITE GIZ ABANDONING ITS CONTRACTUAL OBLIGATIONS Puntland Highway Authority (PHA) responds to the press statement by German Mission to Kenya published on September 6, 2018. That statement highlighted the German Federal Government’s decision to terminate the cooperation between GIZ and PHA. The statement further summarized the root causes behind this unfortunate development in the following two main categories: “Despite significant and promising results in the beginning of the project in 2016, the contributors of the project subsequently realized that the cooperation between the implementing partners in Puntland was gradually The process led to fundamental principles of transparency and accountability being no longer sufficiently in place during the actual construction works”. Repeated attempts by the German Embassy and GIZ to restore an enabling environment for external support did not result in the required Consequently, the cooperation between GIZ and PHA had to be terminated. The federal Government as well as the Government of Puntland State of Somalia have been informed accordingly. Firstly, PHA would like to point out that, contrary to the above press statement, there have been no “gradual deterioration of cooperation between implementing partners in Puntland” at any time, nor there was any kind of “process leading to fundamental principles of transparency & accountability” being eroded. If the term “contributors” mentioned above is intended to mean the financial contributors of the project, EU and Germany in this case, the parties have not been directly involved in the project activities on the ground. Both have neither attended any of the project meetings with local partners, and have never communicated a single concern of any kind to the implementing partners working in Puntland. On the question of fundamental principles of transparency & accountability being eroded, please note that the requirements for accountability and transparency is most pronounced with regards to financial management. The project’s financial management was always, and still is, tightly under the control of GIZ. In case the donor funds allocated for the project were in the hands of the local partners, GIZ team could have reason to raise concerns of transparency & accountability. When they have full control of both technical and financial matters of the project, as is the case now, there can be no excuse for them to openly discredit and defame the Somali people in general, and Puntlanders and their government in particular. Secondly, regarding the so-called “repeated attempts by the German Mission in Kenya and GIZ to restore an enabling environment for external support” . Let us again point out that there was never any communication of that sort received by anyone of the implementing partners on the ground. In fact even the steering committee for the project which consisted of all major stakeholders have never been convened to discuss project issues of concern, if any. GIZ project team under the leadership of Mr. Christoph Schmidt was the party in direct communication with donor partners (the EU & Germany). We believe that the source of such damaging reports to the German Mission in Kenya must have come from none other than this team. The team’s distortions of facts have apparently worked for them. The German Mission in Kenya wrote in the press statement “We are aware of the importance of the Garowe-Galkayo corridor as a lifeline for the economy of the country and the wider region. However, we as international partners can not compromise on quality in implementation and accountability and transparency in using donor funds”. PHA take this opportunity and ask the German mission in Kenya to have its facts checked and not add insult to an injury. Project records and other internal written communications provide a stark contradiction between the press statements by the German Mission in Kenya and the realities on the ground. One compelling evidence of such a contradiction is the latest email from Mr. Schmidt to the CEO of Puntland Highway Authority on January 25, 2018. That was 2 or 3 weeks before the team themselves disappeared into thin air. The email’s core message is quoted below: With regards to PHA accounting systems, Mr. Schmidt wrote to the CEO: “Thank you all for the meeting this week and the developed way ahead. Especially regarding the financial obligations within the existing financing agreement of PHA and GIZ, significant progress has been made. We can state that the existing accounting systems of PHA are sound and reflect about 53% of the government contributions towards the SRMP project as established in a joint exercise conducted by GIZ and PHA. That is a very good result and we thank especially finance department and CEO for the efficient cooperation”. On the Technical side, Mr. Schmidt wrote: “We remain committed to follow the agreed approach of joint surveys and measurements on site by GIZ/PHA. To that end, GIZ will provide an international consultant and an additional total station as soon as possible (next week). We strongly believe that by doing so, both parties will be able to fulfill their contractual obligations resulting from both the construction contract and the financing agreement”. Summing-up, the above statements quoted from Mr. Schmidt’s email reflects the true condition of the project at the end of January this year. The meetings referred to in the email were held at PHA offices in Garowe on 22 and 24 January 2018, the last between the parties. GIZ once again has failed to follow through their agreed approach of joint surveys and measurements and as such have not succeeded to fulfill their latest commitments. With only 4 months left of the 42-month original project time, not much to show for the past 38 months and worse of all not even a clear workable strategy at this 11th hour for the way forward, GIZ team simply chose to disappear, abandoning their core contractual obligations well documented in the signed stakeholder agreements listed below. Stakeholder agreements There are a number of signed agreements which together form the basis of the current project implementation work. They are as follows: The original agreement between the government of the Federal Republic of Germany and the government of Somali Democratic Republic on technical cooperation dated 28 June 1979. This serves as bases for all other subsequent agreements in all parts of Somalia The Implementation agreement in support to Road Authorities in Somalia between the government of Puntland and GIZ signed on 24 October 2015. This agreement specified implementation time frame of 42 months starting December 2014 and ending May 2018. the contract between EU/Germany on the one hand and GIZ on the other hand, signed on 20 December 2014. EUR 9 Million was provided as the first allocation to support the transport sector in Puntland. The amount included the costs incurred by the German Implementing Organization, GIZ. GIZ was the party charged with the execution of the agreements and as such had the responsibility to take the lead. The Financing Agreement between GIZ and Puntland Highway Authority signed in Garawa on September 3rd 2016 after the GIZ’s own Commercial Suitability Assessment was found to be successful. The GIZ prepared construction contract documents signed between the winning contractor (ICC) and the Contracting Authority (PHA) signed on April 1, 2018. The Inception Report prepared by GIZ in May 2015 and jointly presented by GIZ/PHA in a well-attended Validation workshop held in Garawa on December 2nd 2015. The Inception report intended to serve as the Road Map for the entire project implementation work. The above documents contain all relevant contractual obligations and guiding principles for each of the parties involved in this project. These documents will be the basis used to identify the party responsible for the mess we find ourselves in. In the meantime no party deserves to be subjected to the whims of an individual who may totally lack the right attitude for team work. Truth will prevail The government and people of Puntland acknowledge that Germany ranks among the most prominent development partners in Somalia and that “The Sustainable Road Maintenance Project” (SRMP) is partly funded by them. We are certainly grateful to the people and government of Germany. We would like to add that we are also aware GIZ is doing good work in many parts of the world and therefore do not deserve to be blamed as an organization for the failures of individual teams. Its the SRMP team working in Somalia, the program manager in particular, that we believe should do the right thing and accept responsibility for this failed mission. Sufficient evidence exists to show that the government of Puntland have provided full support for the project, including financial contributions from its meagre resources. The government also fully cooperated with the GIZ team and gave them the lead, hoping good results will be delivered. The party that failed to deliver their contractual obligations must take responsibility for it. Somalia may be one of the world’s poorest and most fragile countries today. But let it be clear, its proud people will not bow down to the veiled threats of suspension of financial support because they have called a spade a spade. Nor that our people will sell their dignity or accept undeserved humiliation in exchange for the HOPE of receiving some donated funds. More so if those funds are in the hands of incompetent team intent to cover up their own failings. Puntland Highway Authority (PHA) will take full responsibility for its actions. GIZ is expected to do the same. To that end, PHA proposes the appointment of a third party jointly selected by the two sides of this dispute and let their findings be final. We only ask for a fair treatment from our international donor partners, nothing more, nothing less. THE TRUTH WILL EMERGE AND MOST CERTAINLY PREVAIL. E N D ENG. Abdirazak Yusuf Elmi Chief Executive Officer Puntland Highway Authority (PHA) HQ office, Puntland, Garowe, Somalia, Tell: +252 90 7757000, Email: ibnyousef@yahoo.co.uk , ceo.puntlandhighwayauthority@gmail.com The post PHA RESPONDS TO THE GERMAN MISSION TO KENYA PRESS STATEMENT appeared first on Puntland Post. -
Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa digreeto xilalkii kaga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Nugaal mudane Cumar Cabdullaahi Faraweyne iyo Taliyihii qaybta Booliska gobalka Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Faarax Warsame (Galangoole) isagoo xilalkaas u magacaabay masuuliyiin cusub. Madaxweyne Gaas ayaa Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal u magacaabay Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) oo mar soo noqday duqa caasimadda Garoowe, halka uu taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal u xushay si KMG ah General Muxiyadiin Axmed Aw-muuse kaasoo mar soo noqday taliye xigeenka booliska Puntland. Isbeddalkaan uu sameynuhu ku sameeyay maamulkii iyo taliskii booliskii ee gobolka Nugaal ayaa ku soo aadaya xilli waayadii dambe ammaanka uu sii xumaanayay. Waxaa magaalada ku sookordhay waxaa weeye dhallinyaro xeyn xeyn u abaabulan oo duhur cad xataa dadka talfoonnada gacanta kaga furta waddooyinka magaalada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Despite being a slow-moving disaster, famine is notoriously difficult to predict. The reason for this, experts say, is that severe food shortages are hardly ever about food supply alone.... Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdishire Jaamac (Ciyaar jecel) oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa si kulul uga hadlay sida foosha xun ee loo dilay isla markaana lagu gubay Axmed Mukhtaar Dowlo. Xildhibaan Ciyaar jecel, waxa uu sheegay inuusan garankarin waxa ay Umadda Soomaaliyeed ku kala duwan yihiin waxa uuna ku baaqay in DFS ay aroos Qaran u sameyso wiilka iyo gabadha leysku diidan yahay. Waxa uu Xildhibaanku sheegay in dhacdadaasi aawgeed dowlada Somalia laga doonaayo inay ku sara qaado qiimaha lamaanaha falkaasi aawgood loo sameeyay wuxuuna soo jeediyay in aroos heer Qaran loo dhigo si loo tiro murugada dhacday. Xildhibaan Ciyaar jecel, ayaa sheegay in amniga magalada Muqdisho uu gaaray in mudo Afar Cisho ah uusan hurdin, isagoo sabab ka dhigay in dadka nolosha lagu gubaayo. Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaan Ciyaar jecel ayaa ahaa “Afartii cisho ee u dambaysay hurdo ma ladin, waa wax laga naxo in magaalada dhexdeeda qof nool lagu gubo” “Waxaan u sheegayaa Xildhibaanada in arrinkaasi uu Baarlamaanka mas’uuliyad ka saran tahay inay ka dhiidhiyaan si aanu mar kale u dhicin”. Xildhibaanka ayaa hadalkaan ka sheegay kulan maanta uu baarlamaanka ku lahaa Xarunta Golaha Shacabka ee magalada Muqdisho, isagoo Xildhibaanada kale ku baraarujiyay in xanuunka ay la qeybsadan qoyskaasi. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadii lagu dilay laguna gubay Axmed dowlo ayaa waxa ay noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay inta badan Bulshada Soomaaliyeed,Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin intaba. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Laba ka mid ah Ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Ergadan la khaarijiyay oo midi ay haweeney aheyd ayaa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dilka Ergada ayaa waxaa fuliyay maleeshiyaad ku hubeysnaa bastoolado oo la socday mootada loo yaqaano (Vikon) waxa ayna dilka koowaad xaafada Ceel Qode ugu geysteen Xasan Caalin. Maleeshiyaadkan ayaa dilka Xasan Caalin kadib u soo talaabtay xaafada Daahisooy, halkaasi oo ay ku dileen Aamino Mayow, labadan ruux waxaa si gaar ah loogu dilay meel aan ka fogeyn guryahooda, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoog ahaa. Labada marxuum ayaa Xildhibaanada ku soo doortay degaanada Koonfur Galbeed waxaana lasoo sheegayaa in maalmihii ugu dbeysay loo diraayay fariimo hanjabaado ah. Maleeshiyaadka ayaa sidoo kale labada ruux ka toogtay qeybta sare ee jirka, kadibna goobta ka baxsaday, sida ay ku warameen goobjoogayaal. Si kastaba ha ahaatee, maleeshiyada Al Shabaab ayaa dilalka ugu badan u geysta Ergooyinka soo xulay Xildhibaanada waxaana loo sababeynayaa inay diideen lacago lagu xujeeyay bixinteeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta tigreeto xilalkii kaga qaaday Gudoomiyihii Gobalka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne iyo Taliyihii qaybta booliska gobalka Gaashaanle sare: Cabdiraxmaan Faarax Warsame (Galangoole) isagoo xilalkaas u magacaabay masuuliyiin cusub. Madaxweyne Gaas ayaa Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal u magacaabay Cabdisalaan Xassan Xirsi(Gujir) halka uu taliyaha qaybta Booliska Gobalka uu si ku-meel gaar ah ugu magacaabay General: Muxiyadiin Axmed Aw-muuse. Cabdisalaan Gurjir ayaa horay usoo noqday duqa caasimada Puntland markii ugu horeysay ee ay Dawlada Puntland Golle degaan u samaysay degaamooyinka, halka Muxiyadiin Axmed Aw-Muuse ciidamada Puntland kasoo qabtay xilal kala duwan sida taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska isagoo hadana ah taliyaha laanta ladagaalanka argagixisada. Madaxweyne Gaas ma asiibay isbadelkan? Inkastoo su’aashan dadku qaarba si uga jawaabayaan hadana waxaa la oran karaa isbadelkani waa mid mudo la sugaayey oo wakhtigiisii kasoo dib dhacay sababtoo ah Garowe oo ah magaaladda ugu weyn gobalka Nugaal mudaba waxaa ka jirey xaalado maamul xumo oo sababay amaan xumo waayadan kusoo korartay magaalada. Duhur cad ayey bartmaha magaalada dhalinyaro abaabulan dadweynaha kaga qaadayaan mobilada iyo wixii kale ee ay sitaan, waxaa in mudo ahba magaalada faro kulul ku hayey ciidamo wata direyska ciidamada iyo dhalinyaro dharka shacabka xiran oo qoryo la dhex maraaya bartmaha caasimada kuwaas oo ah ciidamadii la isugu geeyey degaanka Tukaraq, mana jirin maamul iyo boolis magaaladda ka xakameeyey ciidankan hubka culus iyo midka fududba magaalada iskala soo galaaya. Maxaa xligan kusoo beegay isbadelka? Dadka reer Puntland qaarba si ayey u fisireen waxa xiligan kusoo beegay isbadelka uu madaxweyne Gaas kusameeyey maamulka gobalka iyo qaybta Booliska xili mudo xilleedkii Dawlada ay mudo kooban ka harsan tahay, wuxuuse isbadelkani kusoo aadey xili dhawaan Bulshadda Gobalka Nugaal kulan ay isugu yimaadeen tallo ku gaareen inay amaanka Gobalka gaar’aan caasimada Garowe isku-taagaan iyagoo aan maamul gobal, qayb boolis iyo Dawlad dhexe toona ku-tashanayn maamada lagu eedeyey inay ku guul-daraysteen shaqooyinkii loo igmaday. Wax garadka Garowe oo hormuud u ahaa isku-tashigan ayaa go’aansaday in magaaladda loo sameeyo boqol askari oo boolis ah oo suga amaanka caasimada maadama doorashooyinkii Puntland fooda ina kusoo hayaan ayna magaalada kusoo kordheen falal aan horay looga aqoon oo amaanka ka dhan ah. Ciidankan ayaa durba la diyaariyey waxaana laga qarameeyey ciidanka Booliska, waxayna wax garadka magaaladu go’aan ku gaareen inay ka madax banaanadaan taliska qaybta Booliska iyo Maamulka Gobalka Nugaal. Hadaba isbadelkan cusub ayaa u muuqada mid uu Madaxweyne Gaas kaga jawaabey wallaacii dadweynaha xili uu arkay inay shacabku ka tashanayaan inay amaankooda ku halleeyaan maamulka uu Madaxweynaha ka yahay oo ku guul daraystay wax yaabihii dadweynuhu u igmadeen oo uu amaanku ugu horeeyey. Arintan ayaa u muuqata tallaabo uu Dr. Gaas isku dayaayo inuu kusoo celiyo kalsoonidii dadweynuhu u hayeen Dawladiisa ay mudada kooban u hartay maadama uu isku diyaarinaayo inuu mar kale u tartamo kursiga uu hada ku fadhiyo. Isku soo wada duubo masuuliyiinta la magacaabay oo ah kuwo horay loosoo tijaabiyey ayaa la rajeynayaa inay wax badan ka badeli doonaan maamulka iyo nabadgelyada Gobalka Nugaal. PUNTLAND POST The post Faallo: Isbadelka lagu saameeyey Maamulka iyo Taliska Booliska Gobalka Nugaal ma yahay mid la asiibay? appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Cabdikariin Shiekh Muuse Qalbidhagax oo dhawaan laga soo daayey xabsi ku yaal Itoobiya. Qalbidhagax oo ahaa shaqsiga ugu hadal haynta badan ee bulshada Soomaalida dhexdeeda ayaa loo gacan galiyey sirdoonka Itoobiya iyaga oo ka kaxeystay gudaha dalka, gaar ahaan Muqdisho, markii laga soo qabtay Gaalkacyo. Hase ahaatee, kaddib markii uu talada Itoobiya la wareegay Abiy Axmed waxaa la sii daayey Qalbidhagax, taas waxa ay dhalisay dood ku saabsan cidda lahayd mas’uuliyadda soo deytiisa. Safiir Soomaaliya u jooga Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho sii deyntii Qalbidhaax kaddib ayaa warbaahinta u sheegay in dowladda Soomaaliya codsi uga yimi darteed ay Itoobiya ku sii deysay Qalbidhagax. Si kastaba, gudoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in uu uga mahadcelinayo ra’iisul wasaare Itoobiya Abiy Ahmed sii deynta Qalbidhagax. “Waxaan rabaa in aan u gudbiyo Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed sida aan uga mahadcelinayo fududeynta sii deeyntiisa iyo is bedelka dhaqan qaale iyo dastuur ee ka scoda Itoobiya.” I want to extend my sincere appreciation to the Ethiopian Prime Minister, Abiy Ahmed – for facilitating his release from custody and thank the PM for the socio- economic and constitutional reforms taking place in Ethiopia. pic.twitter.com/8hl2Ir7A9b — Hon. Aden Duale (@HonAdenDuale) September 24, 2018 Qalbidhagax tan iyo markii la soo daayey waxa uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya xilli ONLF iyo Itoobiya wadahdallo uga furmeen dalka Eritrea. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com