Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,548
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The State Department says the death of an American diplomat in Madagascar is being investigated by U.S. and local authorities. Source: Hiiraan Online
  2. A hunt for suspected Al-Shabaab militants who fled with gunshot wounds has been intensified in Taksile and Pandanguo, Lamu County, shortly after 10 other militants were killed during an ambush on their hideout by Kenya Defence Forces (KDF) soldiers on Monday morning. Source: Hiiraan Online
  3. Fourteen-year-old Paballo (Pabi) Leqhotsa jumps out of the pilot seat of a four-seater Cessna monoplane giddy with delight. Source: Hiiraan Online
  4. An NGO has partnered with government agencies to help Garissa residents obtain birth certificates and identity cards. Source: Hiiraan Online
  5. The Wajir County Senator, Dr. Ali Abdullahi Kabreta now wants his constituents to forgive him for his inactivity since his election. Source: Hiiraan Online
  6. African diplomats will talk business Friday with Minnesota business-and-trade officials at a private luncheon at the University Club of Saint Paul in connection with the 30th anniversary of St. Paul-based Books for Africa. Source: Hiiraan Online
  7. The former Northern Blues coach has revealed joining the Mogadishu-based club to prove his worth Source: Hiiraan Online
  8. The Port of Mogadishu was a major transit route for European traders since the 1960s, but was shut down after war broke out in 1991. Source: Hiiraan Online
  9. As world leaders gather for this week’s 73rd UN General Assembly, dozens of events fill the UN’s official calendar and several times as many are scattered around the sidelines in New York. Here are the main humanitarian crises we'll be watching for progress on, and why. Source: Hiiraan Online
  10. Russia said on Monday it would supply an S-300 surface-to-air missile system to Syria in two weeks despite strong Israeli objections, a week after Moscow accused Israel of indirectly causing the downing of a Russian military jet in Syria. Source: Hiiraan Online
  11. Immigrants from Ethiopia and Somalia are putting a strain on Mandera Referral Hospital forcing the county to spend nearly Sh1 billion annually to carter for the foreigners. Source: Hiiraan Online
  12. A very late election night victory rally in Michigan for candidate Rashida Tlaib on Aug. 7, followed a week later by an election night victory rally in Minnesota for candidate Ilhan Omar, marked an inflection point in American politics. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa xariga taliyaha hoggaanka caafimaadka NISA, Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal oo ay ciidamada hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ay habeenkii sabtida kala baxeen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xariga Dr. Gacal uu ka dambeeyo taliyaha qeybta sirdoonka NISA, Zakariye Ismaaciil Xirsi. Ilo-wareedyo ka tirsan NISA ayaa Caasimada Online u sheegay in maalmo ka hor inta aan la xirin Dr. Gacal uu muran xooggan dhex-maray isaga iyo Zakariye, kaasi oo la xiriiray xubno Shabaab ah oo NISA u xirnaa oo la sii daayey. Xubnaha oo la sheegay inay ahaayeen laba sarkaal, oo ayaga oo dhaawac lasoo qabtay, ayaa waxaa daweynayey Dr. Gacal, waxaase la sheegay inuu mar qura waayey, kadibna markii uu weydiiyey loo sheegay in lagu sii daayey amarka Zakariye Ismaaciil Xirsi. Gacal iyo Zakariye ayaa la sheegay in kadib uu dhex-maray muran xooggan, ayada oo Gacal uu ku hanjabay inuu arrintan shacabka usoo bandhigi doono. Ka hor inta aan loo magacabain hoggaanka sirdoonka NISA, Zakariye Ismaaciil Xirsi, waxa uu ahaa madaxa amniyaatka Al-Shabaab, waxaana kadib uu isku dhiibay dowladda, ayada bilo kadibna uu ku biiray hay’adda NISA. Sidoo kale, Gacal ayaa dhowr toddobaad un ka hor lasii daayey markii sidan oo kale loo xiray, isaga oo aan wax eedeyn ah loo jeedin, waxaana jira isku day la doonayo in lagu beddelo gabar ay ilmo-adeer yihiin Zakariye, balse uu qabo nin ay shirkad yihiin agaasimaha NISA, Calool-Kuus. Xarigiisa ayaa dad ku dhow rumeysan yihiin inuu ku lug leeyahay xogta badan ee uu hayo ee NISA iyo Shabaabka ku dhex jira. “Gacal waxaa la isku dayey in la aamusiyo, kadib markii la qarxiyey baabuurkiisa, markii uu ka bad-baadayna waa la xiray si uusan cidna ula hadal” ayuu yiri qof ku dhow oo codsaday inaan la magacaabin Dad isaga ku dhow ayaa sidoo kale sheegay in qaraxiisa laga yaabo inay Shabaabka fuliyeen ayaga oo xog ka helaya xubno ku dhex jira hay’adda. Xariga Dr. Gacal ayaa marka lagu daro warkii uu horey u sheegay agaasime ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla, ayaa waxaa cad in kooxda Al-Shabaab ay si buuxda ula-wareegtay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. The United Nations refugee agency has urged Kenya to adopt a policy of inclusion instead of using camps in refugee protection. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU- Somalia president Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo was in attendance on Monday evening when residents of the capital gathered to watch a football game in the capital, Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa difaacay mid ka mid ah xildhibaanada beesha Murusade oo lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu damaanad kusii daayo dadkii gubay Axmed Mukhtaar Saalaax. Axmed Mukhtaar Saalax ayaa toddobaadkii tagey lagu dilay baangado kadibna la gubay, kadib markii wiil uu adeer u yahay uu guursaday gabar kasoo jeeda beesha Abgaal, balse hooyadeed ay ahayd Murusade. Reerka gabadha ee Abgaal ayaa gabadhooda ka furtay wiilka una diiday, kana fogeeyey, balse markii laga reebi waayey iska siiyey wiilka. Si kastaba, qoyska hooyadeed ee Murusade ayaa taas qaadan waayey kuwaas oo kadib weeraray adeerkiisa oo dilay kadibna gubay. Yariisow oo shalay booqday qoyska dhibka gaaray ayaa yiri “Waxaa jira Xildhibaano doonaya in Xabsiga ay ka sii daayaan dadkii gubay Axmed Mukhtaar, mana ka yeeli doono, waxaan idiin sheegayaa inay cadaalada mari doonaan dadkii ka dambeeyey dilkaas” Hadalkaas kadib ayaa waxaa baraha bulshada ku baahay war ku saabsan in xildhibaanadaas uu ka mid yahay Xuseen Iidow oo beesha Murusade kasoo jeeda, balse waxaa taas meesha ka saaray Yariisow kadib qoraal uu xalay soo dhigay facebook. Yariisow ayaa qoraalka ku yiri “Ma haboona in la siyaasadeeyo warkii ahaa in caddaalad la soo saaro danbiilayaashii ka danbeeyey falkii waxuushnimada ee loo geystay marxuum Axmed Dowlo oo Xildhiban Xuseen Iidow wax lug ah kuma laha damaanad raadinta falgaboodkan waana la siyaasadeeyey” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdi Salaan Cumar Hadliye ayaa dalbaday inaan la qarin oo shaaca laga qaado qabiilka ay kasoo jeedaan dadkii dilay kadibna gubay Axmed Dowlo. Axmed Mukhtaar Saalax ayaa toddobaadkii tagey lagu dilay baangado kadibna la gubay, kadib markii wiil uu adeer u yahay uu guursaday gabar kasoo jeeda beesha Abgaal, balse hooyadeed ay ahayd Murusade. Reerka gabadha ee Abgaal ayaa gabadhooda ka furtay wiilka una diiday, kana fogeeyey, balse markii laga reebi waayey iska siiyey wiilka. Si kastaba, qoyska hooyadeed ee Murusade ayaa taas qaadan waayey kuwaas oo kadib weeraray adeerkiisa oo dilay kadibna gubay. Si kastaba, warbaahinta Soomaalida, ayaa ka gaabsanayey inay magacaaban qabiilka dhibka gaystay. Qoraal uu soo dhigay Twitter ayuu Hadliye dadka dhacdooyinka wax ka qora [Suxufiyiinta] ku dhaliilay inay kaliya sheegayaan qabiilka Axmed Dowlo ee Jareerweyne balse aysan sheegeen kuwa dhibka gaystay. “Dadka wax ka qoraya dilka Muqdisho, maxaynaan u sheegeen magacyada dadka dambiga foosha xun u gaystay walaalkeen Axmed Dowlo, ama aynan u shaacineen qabiiladooda, maadaama aan mar walba ka hadleyno qabiilka Axmed. Yaa yiri wuxuu kasoo jeedaa qabiil laga tiro badan yahay. Ma waxaa jira tira-koob la sameeyey”. To those who wrote abt murder in Mog, why we are not saying the name(s) of those who committed the heinous crime against the late brother Ahmed Salat or their clan affiliation since we keep talking about the late Ahmed’s clan. Who said he is from minority clan? Is there census? — AbdusalamHOmer (@AbdusalamHOmer) September 24, 2018 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Baghdad (Caasimada Online) – Hogaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar al-Baghdadi ayaa u baxsaday dalka Afghanistan, isaga oo sii maraya dalka Iran, warbixin soo shaac baxday maanta ayaa sidaas shaaca ka qaaday. Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay inuu gaaray gobolka Nangarhar oo ku yaalla bariga magaalada Kabul ee caasimadda Afghanistan, kuna teedsan xuduudka dalka Pakistan. Ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka dalka Pakistan ayaa sheegay in Al-Baghdadi uu soo maray magaalada Zahedan ee dalka Iran oo dhinaca koonfur galbeed xuduud kala wadaagta dalka Afghanistan, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee Asharq Al-Awsat. Asharq Al-Awsat ayaa intaas ku daray in la rumeysan yahay in Al-Baghdadi uu u baxsaday Afghanistan si uu uga badbaado howlgalka ay toddobaadkii tagey billaabeen ciidamada isbaheysiga caalamiga ah, oo taageeraya kooxaha mucaaradka Syria. Warar is-khilaafsan ayaa dhowaanahan kasoo baxayey halka uu ku sugan yahay Al-Baghdadi. Bishii August, hogaamiyaha Daacish ayaa jeediyey khudbaddiisa ugu horreysay kadib sanad uu aamusnaa, isaga oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay dagaalka sii wadaan, inkasta oo ay la kulmeen guulo-darrooyin. Ma cadda halka lagu duubay muuqaalkaas. Al-Baghdadi ayaa sidoo kale dhowr mar la sheegay in la dilay, ayada oo ay ugu dambeysay bishii July. Si kastaba, Mareykanka ayaa ku adkeystay in warbixinadooda sirdoon ay sheegayaan inuu weli nool yahay. Caasimada Online Xafiiska Baghdad Caasimada@live.com
  19. Soomaliya wax badan baan is lahaa Cunsuriyad kama jirto oo dadku waa isku diir , isku dhaqan iyo isku af ..laaakin socodka cajaladda taariikhda run bey ka sheegayaan haddii ay tilmaamaan heyb sooc baahsan oo saameyn ku leh dhaqanka dadka . Waxa ay socodka cajaladda taariikhdu kugu xukumayaan in aad rumeysato in Soomaaliya ay jiraan dad kala sarreeya oo qaarkood qaarka kale ee ay isku ayniga yihiin yaso oo hoos u eego iyadoo aaney jirin wax farqi ah oo muuqda oo u dhaxeeya . Dhaqamadaas hooseeya ee taqliidga ah kuna dhisan badownimada iyo aqoon-diin la’aanta weli waxay hareynaynayaan oo ka jiraan meelo Soomaaliya ka mid ah oo jaranjarada dhaqanka ay dadka u kala qaaday GUN IYO GOB, aan la ogeyn meel laga soo tixraacay marka laga reebo sheekooyin quraafi ah iyo kutiri ku teen ka fog xaqiiqda cilmina aan ku dhisneyn. Dhaqankaas aflagaadada iyo yasidda ku yimid ayaa xilligan oo aynu joogno qarnigii 21aad ay dadka qaar doonayaan in ay u isticmaalan xaqiiqda nolosha kuna dumiyaan nolosha qowmiyado dhan oo ku nool Soomaaliya oo awood waxqabad iyo waxtar ku leh bulshada dhexdeeda. Maanka dadka ku nool dunida xilligan ma qaadi karo in ay jiraan dad wanaagsan iyo dad xun isir ahaan, dad sarreeya iyo kuwo laga sarreeyo, , dad daciif ah oo liita iyo dka ad xooogan oo awood leh. Muxuu ku fekerayaa qofka xilligan qaba in uu yahay qof dun sarreysa oo xariir ah uu ka sameysan yahay kan kalena u heysta in laga abuuray dun lufad ah , qaab daran oo aan qiimo laheyn. Boon, Midgaan, Jareer iyo cid kasta oo la itaal ah ma waxaa loo asteeyey YARUURAC, aan xitaa loo quurin in in cad u qalma ay ka helaan xitaa maamulada tuulooyinka ugu yar yar dalka lagana ilaaliyo wax kasta oo ay sharaf ku mudan karaan. Ma tan baa tan keentay in asaagood beelaha kale ay bar ka noqdaan oo aan beelo buuxa loo aqoonsan. Cunsuriyadda aan is lahaa kama jiri karto Soomaaliya..waa ka jirtaa waayo seere ama xuduud ayaa u kala yaalla beelahaas la xaniinyo siibay iyo kuwa kale oo goodiskoodu ku salysan yahay hub iyo awood . Maxaan kaga duwnaan karnaa Caddaankii Koofur Afrika xoogga ku heystay iyo Madowgii silicaan ogeyn la soo mariyey ee kelyo adeyg iyo niyad bir ah ku jabiyey heeryadii cunsuriyadda ee dulsaarnaa. Haddii Soomaalida xilligan dad u gubeyso isma geyno iyo gabadheyda uma qalmo jareer iyo midgaan , arrintan ma laga yaabaa aakhirka in ay Somaalida labo janbi ama labo gees u kala jabiso oo uu abuurno dareen halgan Soomaalida dhexdeeda ah oo ay qolo ku sifoobeyso cunsuriyiin aan waxba ka duwaneyn kooxaha KULUKLIX Clan ee Ku can baxay heybsooca ama ka daran. Bulshooyinkan ma ahaanayaan kuwo mar walba laga awood roon yahay oo sidii xilliyo horeba ay u ahaayeen awood jirta ayey dhici kartaa in ay ka baxaan baraarug la’aanta ilaa Soomaalidu boogta soo wada taabato lana gaaro in ay kacaan dabeylaha isbedelka , waqtiguna ka wareego dadka maanta ka gacan sarreeya. YAA JAREERWEYNIYA..YAA MIDGAANIYA inta aan xabarwacashadu gaarin , dadkna wax aaney mudneyn yaan lagu dayin .. Qeyladu maanta meel walba wey wada gaartay ..beelahana lagu xalin karo GACMO GEEL JIRE HOOS BAA LOO DHAQAA ee waa in Soomalliya lagu arkaa dhowris dhab ah oo xuquuqda aadanaha ah haddii kale xukuumadaha jira waxay hoosta ka riixayaan mustaqbalka isir sifeyn lagula kaco dadka ..laakin taas maaha mid socon karta. W/Q: Maxamed Shiil
  20. Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, aqristoow sideedaba, marka aad ummad dhan hogaamiye utahay, waxaa muhiim ah inaad fahmikarto, meesha eey kujirto danta dadka, iyo deegaanka aad matasho, qorshe-siyaasadeedkii lagu xaqiijin lahaana latimaado, hadiise xisaabta isaga kaa khaldanto, waxaad gacmahaada kuburburineeysaa danahii ummada aad hogaanka u aheyd, waxaana suurtagal ah, in aad jeebka ugu dhacdo, oo aad madiidan, iyo sumeeynu-dhaan-raacday unoqoto, duul kaloon wadin danta deegaanka aad matasho.Waa arinta heeysata hogaamiyaha maamulka Gal-Mudug: Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Soomaaliduse usoo gaabsato: Xaaf. Hogaanka maanta ee Gal-Mudug (Xaaf), wuxuu kala garan la’yahay, cadowgiisa iyo saaxiibkiisa. Wuxuu jeebka ugu dhacay, koox aan danta maamulkiisa wadin, xaqiiqdiina cadowga koobaad ee Gal-Mudug ah. Waxaa lookaashanayaa in dowlada dhexe lagula dagaalo, ama ugu yaraan lagu jageesto, iyadoo kooxdaani rabto, ineey dowlada dhexe umuujiyaan, ineey maamullada kaloo dhan ku abaabulikaraan, sidaa daraadeedna tahay, in dowlada dhexe ufuliso, danahooda gaarka ah. Xaaf wuxuu maanta jeebka ugu dhacay, oo madiidan, iyo sumeeynu-dhaan-raacday unoqday, Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas, oo ah isla ninkii shalay dadaalka ugu badan kubixiyey, in maamulkaa aanu dhismin. Waa isla ninkii shalay buuq, iyo sawaxan meelkasta la taagnaa, iyo in maamulkuba sharcidaro yahay, oo dastuurka aanu waafaqsaneyn. Ogoow hade waa ninkii dhowrka mar dagaalka kusooqaaday, iyadoo maamulka Gal-Mudug curdan yahay, si uu ukala daato. Waa kuwii ujaasuusay ciidamada cirkee Mareeykanka, kunasoo hogaamiyey, taasoo keentay in wiilal ciidamada maamulka Gal-Mudug ah, Mareeykanku ulaayo sidii ineey argagixiso, iyo Al-Shabaab yihiin. Markii waxaa oo dhan wadashaqeyn waayeen, ayuu Gaas kudadaalay inuu maamulka sikale udumiyo, sidaana Xaaf ugu qanciyey, inuu kusoobiiro gole doowlada dhexe lagula loolamayo, oo uu Gaas dhisayo, taasoo keentey in mas’uuliyiintii maamulka kala jabaan (Divide and conquer), heer xaalku gaaray, in dhamaan mas’uuliyiintii maamulka ugu sareeysey-Marka Shaakir laga reebo-Xilka ka kala qaadaan, baarlamaano kala fadhiya magaalooyinka Dhuusamareed iyo Cadaado. Marka uu Cabdiweli Gaas waxaa oodhan maamulka Gal-Mudug umaleegayo, Xaaf wuxuu ku koox yahay Cabdweli Gaas. Markuu Gaas garwaaqsaday nooca hogaan ee Xaaf, ayuu maantana ugu daray inuu kusoo qaado dagaal dhaqaale (Economic war), iyo sidii loo curyaamin lahaa Dekada Hobyo, ee lagu talajiro in maamulka Gal-Mudug loodhiso, iyadoo dakad aad ugu dhow, looga garab dhisayo magaalo xeebeedka Garacad, ee isla gobolka Mudug ah. Wuxuu sidoo kale kuxumeeynayaa reer Bariga Boosaaso, ee mudo dagaalka xun uu kaladhexeeyey, illaa eey sameeyeen kacdoon lamagacbaxay: “Kacdoonka Beelaha Bari” ee marka magaciisa lasoo gaabiyo looyaqaanay “KBB”, hogaamiyana uu u ahaa: Cabdisamad Maxamed Galan, kadib markuu Cabdiweli Gaas cidkastoo reer Bari ah kasifeeyey madaxtinimada gobolka Bari, iyo xilalkii kale ay kawada hayyeen, guud ahaan maamulka Puntlad, isagoo kuwada badalay ilma-Adeeradiisa kawada yimid gobolka Mudug. Waxaa sidoo kale jirta inuu juffadiisa hoose larabo inuu uga tago Dakad dhaxal ah oo ugaar ah, xitaa hadaanu xukunka kusoo noqon, illeen qabyaaladu sidii basal lafiiqay beey hoos usiidagtaaye. Xilligii mudane C/Kariin Xuseen Guuleed hogaamiyaha u ahaa Gal-Mudug, maamulku wuxuu si wanaagsan ula shaqeeynayey, xukuumadii xiligaa jirtey ee Qabyo/Damjadiid. Xiligaa weey fududeyd in madaxda maamulka Gal-Mudug kahelaan dowlada dhexe, wixii eey rabaan suurtagalna ah. Waa sax in mudane C/kariin Guuleed ka mid ahaa madaxda ugu sareeysa ee Damjadiid, xukuumadii Qabyo/Damjadiidna murug iyo maalba kubixisey in maamulkaa dhismo, mudane C/Kariin Xuseen Guuleed-na madax ka noqdo, hadana danta guud ee ah in maamulku dowlada dhexe aan looga dhawaan, ama looga turjumin, wuxuu rabana kahelo, dowladana hesho maamul lashaqeeya, waa lagu guuleeystay, foowdada maanta xirkaha goosateyna majirin. Mudane C/kariin Xuseen Guuleedna waakan iska casilay markii lagu kacay, intuu maamullka Gal-Mudug gaari lahaa meesha aadka uu foosha xune maanta Xaaf iyo hogaan xumidiisa gaarsiiyey. Talo soojeedin (Recommendations) 1-Waa in shir degdeg ah isugu yimaadaan, dhamaan oday-Dhaqmeedyada beelaha walaalaha ah ee kumidoobay, wada dhisteyna maamulka Gal-Mudug, gaar ahaan Ugaasyada, xaliyaana qaska iyo foowdada xargaha goosatay, ee kajirta maamulka Gal-Mudug. 2-Sidii hore udhacdayba waa ineeysan beesha Xaaf kadhashay qaban shir beeleed gaar ah, oo Xaaf lagu taageerayo, ama lagu badbaadinayo, laguna weerarayo madaxda kalee kasoo horjeeda iyo dowlada dhexeba, taasoo waxoo dhan foolxumeeyneeysa, ummadana siikala fogeeyneeysa. Sidii kii odey-dhaqameedyada caanka ah kujireen sida: Abuukar Ganeey, oo ah gudoomiyaha odayaasha dhaqan beesha Habargidir, ugaaska beesha Ceyr: Cabdi Daahir iyo garaadka beesha Sacad: Qoorweyn, kana dhacay xamar, gaar ahaan Hotel Saxafi, taariikhdu markeey aheyd 26-kii September 2017-ka, qabyaalad qayaxana kula safteen Xaaf, kuna weerareen dowladii dhexe, iyagoon habayaraatee wax dhaliil ah aan usoojeedin Xaaf, soona hadal qaadin, xitaa mas’uuliyiintii maamulka GM ugu sareeysey, ee uu Xaaf **********nimada kula kacayoo iska xirxirtay, oo nasiibdarro! Markaa odayaal-beeleedkaasi shirayaan uxirnaa Xaaf. 3-Hogaanka xilka laga wada qaadaye maamulka Gal-Mudug, waxaa ku haboon ineey khilaafkoosa sihoose uxalistaan, hadii odayaashaa kusoobaxaana udhago nuglaadaan, hadiise taa dhiciweeyso, waa muhiim in Xaaf oo mushkilada asalkeeda ah lagu qanciyo inuu iscasilo, ama go’aan mideeysan laga wadaqaato, xitaa hadii danta loo arko in dhamaan inta xilka iska kala qaaday, meesha kawada baxaan, si Xaaf looga badbaadiyo maamulka, waa xal. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa shaaca ka qaaday in Umadda Soomaaliyeed laga doonaayo inay ka faa’iideystaan hiilada uu adduunka la garabtagan yahay. Wasiirka oo maalmahan ku sugnaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in wasaaradiisa ay buuxin doonto booska Madaxweynaha waxa uuna tilmaamay in shirka sanad laha ah ee QM uu ahmiyad gaara u leeyahay Somalia. Waxa uu sheegay in mudada uu joogo magaalada New York ee dalka Maraykanka ay wada kulmeen madax kala duwan, hase yeeshee waxa uu cadeeyay in adduunka oo idil uu u heelan yahay Somalia, balse cida la doonayo inay ka faa’iideysato ay tahay Soomaalida. Wasiir Cawad waxa uu tilmaamay in Umadda Soomaaliyeed laga doonaayo hal arrin oo kaliya taa oo ah inay dhexda u xirtaan sida ay uga faa’iideysan lahaayen adduunka. “Waxaan arkay adduun u heelan Somalia, waxa aan umadda Soomaaliyeed u sheegayaa in marka hore laga doonaayo keliya inay u istaagan ka faa’iideysiga adduunka oo aan is leeyahay waa tan kaliya ee lagu gaari karo horumarka” Waxa uu Cawad carab ***** in aduunka qudhiisa uu aaminsan yahay in Somalia ay cariirsaneyso booska ay kaga jirto dowladaha Africa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in hormar lagu gaari karo Soomaali oo mideysan. Sidoo kale, Cawad ayaa cadeeyay in madaxda uu la kulmay ay gabi ahaan Somalia u sameeyen ballanqaadyo waxa uuna dhankiisa ka sheegay inay xooga saari doonaan sida ay uga faa’iideysan lahaayen. Si kastaba ha haatee, Somalia ayaa inta uu socdo shirka magaalada New York ee dalka Maraykanka madaxda adduunk ka iibin doonto isbedelada ka jira Somalia iyo baahida ay u qabto in la garab istaago. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah UCID ee Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland ay caqabad ku yihiin dowlado dhowr ah oo ka tirsan Jaamacada Carabta. Waxa uu sheegay in calaaqaadka Somaliland kala dhexeeya carabta uu mar hore soo bilowday, balse aysan iminka la socon siyaasada adduunka ka socta. Feysal isagoo tilmaamaya heerkiisa luqada carabiga ayuu yiri “Anigu af carbeedka ma aqaano, barigii ay Masaaradi noodhigi Jirtayna daaqadda ayaan ka dhici Jiray” Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Somaliland ay ahmiyad gaara u leedahay inay ka faa’iideysato xiriirka ay la leedahay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, isagoo ka faa’iideysigaasi ku tilmaamay mid horumar gaarsiinkara Somaliland. “Anagu aqoonsigeena waxaa hortaagan dhowr dal oo koow ay ka tahay carabta, Siyaasada jaamacada carabta waxa ay aheyd siyasada Masar ee Niilka, waxa ay dooneysay inay jirto Somalia oo awood leh si Niilka ay uga xigsato Ethiopia” Waxa uu Feysal sheegay in ictiraafka Somaliland ay tahay mid ku xiran midnimada gudaha ee Somaliland, isagoo tilmaamay in cid aan mideysneen aan la dooneynin. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dulqaad ay u baahan tahay gaarista aqoonsi rasmi ah, balse uu rumeysan yahay in ictiraafkooda uu yahay mid ku imaankara xoojinta dowladaha carabta. HOOS KA DAAWO FEYSAL WARAABE OO ICTIRAAF BAADI GOOB UGU JIRA
  23. Waaberi ayaa xalay sanadkii Labaad oo xiriir ah loo Caleemo saaray Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir kaddib markii ay gool madi ah uga badisay Shibis. Qeybta hore ee ciyaarta ayeey la timid goolkii qura ay Waaberi ku qaadday Koobka. Waaberi oo Finalka ka dhigatay hoygeeda ayaa xalay markii Labaad oo xiriir ah qaadday tartanka degmooyinka gobalka Banaadir. Taageerayaal tiro badan ayaa u gurbaan tumayey Waaberi oo isla koobkan sanadkii hore xilli habeen ah ka qaadday Hodan xalayna Shibis ayey ku yiraahdeen Shib dhaha. Madaxwaynaha dalka, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Waaberi guddoonsiiyey koobka degmooyinka. Xigasho: GOOL FM Source: goobjoog.com
  24. DOHA: H H Sheikha Moza bint Naseer, Chairperson of Silatech’s Board of Trustees, and Ahmed Isse Awad, the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, attended yesterday in New York the signing of three agreements to economically empower Somali youth by securing more than 75,000 jobs in Somalia. Source: Hiiraan Online
  25. Luka Modric Luka Modric xidiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka Kurawaatiya ayaa markii kowaad caawa ku guuleystay abaal marinta (Ballon d’Or) xidiga ugu wanaagsan kubadda cagta adduunka sanadkan 2018. Modric ayaa abaal marintan kaga guuleystay xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah, wuxuuna codka ugu badan ka helay tababaryaasha iyo kabtanada xulalka qaramada adduunka si la mid ah saxaafada iyo jamaahiirta adduunka oo mid kastaaba boqolkiiba 25% ka yahay codka wax lagu go’aamiyo. Luka Modric ayaa UEFA Champions League kula guuleystay kooxdiisa Real Madrid sanadkii saddexaad oo xiriir ah, sidoo kalana xulkiisa Kurawaatiya markii ugu horeysay gaarsiiyay kama dambeystii koobka adduunka 2018. Sidaan oo kale Modric ayaa sanadkan abaal marinta xidiga ugu fiican qaarada Yurub kaga guuleystay Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah. FIFA ayaa abaal marintan ku bixisay xaflad ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska. PUNTLAND POST The post Modric oo ku guuleystay xidiga adduunka 2018 appeared first on Puntland Post.