Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,548
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maamulka Magaalada Garoowe ee Caasiamda puntland ayaa sheegay in wadaan baaritaan ku aadan Shaqsi lagu soo eedeeyay in Xaaskiisa uu dilay. Dhacdadaan ayaa ka dhacday mid kamid ah xafadaha Garoowe gaar ahaan wadada Sodonka, iyadoo marxuumadda dilka loo geeystay la xaqiijiyay in galinkii danbe ee shalay la aasay. Cali Salaad Diiriye, guddoomiye ku xigeenka magaalada Garoowe ayaa sheegay in shaqsiga dilka geystay gacanta lagu hayo, islamarkaana ciidanka dambi baarista ay wadaan sida ay ku ogaan lahaayeen qaabka dilka uu dhacay. “Hadda waxaa socda baaritaanka, waxaana la xaqiijinayaa sida ay wax u dhaceen iyo sidoo kale qaabka ninkan u diley xaaskiisa iyo waxa sababay” Dhacdadan ayaa ah mid aad iyo aad looga hadalhayo guud ahaan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. While Israel laid claim to being the first country ever to use the US-made F-35 fighter jet in combat, the US may follow suit soon, according to defense officials. Source: Hiiraan Online
  3. Two Horn of African countries – Somalia and Ethiopia along with East African neighbours Kenya and Uganda were the worst affected by natural disasters leading to internal displacements, a September 2018 report has noted. Source: Hiiraan Online
  4. Somalia’s capital city of Mogadishu exploded into excitement last night, as two football teams from Benadir Region, where the capital lies, tussled it out for the final place in the month-long district soccer tournament. Source: Hiiraan Online
  5. An evacuation at Valleyfair on Saturday night led to confusion, concern and many questions among guests and KARE 11 viewers. Source: Hiiraan Online
  6. A Kenyan journalist and TV presenter has won this year's BBC World News Komla Dumor Award. Source: Hiiraan Online
  7. Nomadic herders across Africa can work in tandem with farmers and produce sustainable food without damaging the land or harming the planet, experts and pastoralists said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  8. Haramain railway connecting Mecca and Medina part of plan to increase visitor numbers Source: Hiiraan Online
  9. In a village outside Rwanda's capital Kigali, a group of boys are spending a rainy afternoon learning how to stop gender-based violence and the power imbalances in the #MeToo era. Source: Hiiraan Online
  10. Kenya Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma is calling on the international community to place integration of terror merchants who quit the vice, at the heart of sharing information on violent extremism. Source: Hiiraan Online
  11. Donald Trump’s determination to withdraw from the Iran deal is pushing American allies away from the US financial system. Source: Hiiraan Online
  12. When President Trump first announced restrictions on travelers from Muslim countries, Fardousa Jama attended a rally at a Mankato coffee shop. She was there with other community activists who were trying to come up with a way to respond to the so-called Muslim ban. Source: Hiiraan Online
  13. Security agencies hunting Al-Shabaab militants who fled on Monday at Taksile in Pandanguo have cautioned hospitals in Lamu, Tana River, and Garissa counties against treating individuals with gunshot wounds. Source: Hiiraan Online
  14. US. Marine Corps F-35B Joint Strike Fighters have reportedly conducted reconnaissance missions over or near Somalia and were ready to respond to requests for close air support from American forces in that country during their first-ever deployment to the Horn of Africa region aboard the USS Essex amphibious assault ship. Source: Hiiraan Online
  15. President of Djibouti Ismail Omar Guelleh said that Saudi Arabia has assumed a vital role to normalize the relations between his country and Eritrea and to create a serious desire to reach a final settlement of the differences between the two countries. Source: Hiiraan Online
  16. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamanka Kenya, Faarax Macallin Dawaar ayaa sheegay in siyaasaddii Ethiopia ee Soomaaliya ku wajahneyd uu is-beddel weyn ku yimid, islamarkaana Itoobiya ay markan ka go’an tahay nabadda Soomaaliya. Tan iyo markii uu talada Itoobiya la wareegay Ra’iisul Wasaaraha Isbadal doonka ah Dr Abiy Ahmed waxaa si dhab ah is bedel ugu yimi siyaasaddii iyo diblomaasiyaddii kala dhexeysay Soomaaliya, ayada oo labada dal ay aad isugu soo dhowaadeen. Faarax Macallin oo ah siyaasi aad ugu dhuun dhuleela siyaasadda mandiqadda Geeska Africa oo arintaas ka aragti dhiibaya ayaa beegsaday barta uu ku leeyahay Twitter-ka. Ethiopian Government policy towards Somalia has changed drastically. Dr Abiye believes the peace, unity & territorial integrity of Somalia is sacred. Dr Abiye & Afeworki will help Villa Somalia to eradicate AlShabaab & restore peace within months.Uhuru stand up to be counted too. — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 21, 2018 “Siyaasaddii Itoobiya ee ku wajahneyd Soomaaliya aad ayey isu bedeshay. Dr Abiy waxa uu aamiinsan yahay nabadd, midnimada iyo karaamada dhulka Soomaaliya in ay yihiin kuwa sharfan. Dr Abiy iyo Afwerki waxa ay Villa Somalia ka caawin doonaan si ay xididdada ugu siibi lahayd Al-Shabaab iyo sidii ay nabadda bilo gudohood ugu soo celin lahayd. Uhuru, sidoo kale istaag si laguugu tashado.” Waxaa xusid mudan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya isaga oo talada haya muddo shan bilood ah, wali ma qaabilin hoggaamiye maamul gobolleed oo ka tirsan Soomaaliya, taas oo cagsi ku ah siyaasaddii ku dhisneyd qeybi oo xukun ee ay caanka ku ahayd TPLF. Arrintan ayaa timid, kaddib heshiis ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed oo dhigayey in labada dal ay ilaaliyaan madax banaanida midda kale. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  17. Maamulka Somaliland waxa uu shalay Hargeysa ku soo dhaweeyeen Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka tirsan Jabhadda ONLF. Tallaabadan waxa ay fajaciso ku noqotay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Somaliland oo joobjoog u ahaa tacadiga uu maamulkooda ku hayn jiray xubnaha OLNF. Somaliland waxaa laga dhoofin jiray saraakiisha ka tirsan ONLF oo gabaad ka soo dhigta gobolada Waqooyiga Soomaaliya siiba meelaha ay ka arrimiyaan Somaliland. Gooni kuma aha Somaliland maamulada caadeystay in ay Itoobiya weji uga raadsadaan u gacan galinta mujaahidiinta ONLF. Puntland, Galmudug iyo waliba Dowladda Federaal-ka Soomaaliya ayaa ficilladaas gurracan qeyb ka gaystay. Balse soo dhoweyntii Qalbi-Dhagax loogu sameeyey Hargeysa waxaa igaga baxay saddex arrimood. 1 – Munaafaqnimada siyaasiyiinta Somaliland Siyaasiyiinta Somaliland waxa ay muujiyeen weji munaafaqnimo ah, maadama ay bedeleen mawqifkii ay ka taagnaayeen ONLF oo ay u yaqaaneen urur argagixiso ah. In ayaga oo xubnaha ONLF u dhiibi jiray Ethiopia ay iminka soo dhoweeyaan sarkaal sidoo kale Ethiopia loo dhiibay waxay muujineysaa kaliya in ujeedkoodu aanu ahayn wax ka baxsan ceebeynta dowladda federaalka Soomaaliya. 2 – Dhimashada TPLF TPLF oo muddo 27 sano ah ka talineysay Itoobiya ayaa cadaadis ku saari jirtay maamulada Soomaaliya ka jira in ay u soo gacan galiyaan cid walba oo siyaasadeeda liddi ku ah, ONLF ayaana ugu weyneyd! Qalbidhagax oo lagu soo dhaweeyey Hargeisa, waxa ay tusaale u tahay jabka soo gaadhay jabhadda Tigreyga ah ee TPLF iyo sida Soomaalida ay dhinac uga raaceen is-beddelada Abiy Ahmed, oo ay u hilmaameen cabsidii ay ka qabeen TPLF. 3 – Reer Somaliand oo weli ay ku jirto Soomaalinimo Dadka reer Somaliland, mar haddii calanka shanta gees, oo qeyb ka ah calanka ONLF ay ku soo dhaweeyeen Hargeysa, waa astaan muujineysa in weli ay ku jirto Soomaalinimo. Qalbi-Dhagax kuma aysan soo dhoweyn shacabka Somaliland wax ka baxsan inuu yahay qof Soomaali ah, oo dhibaato loo gaarsiiyey Soomaalinimo. Ogow calanka shanta gees ee xiddig ah leh, waa mid ka turjumaya qadiyadda Soomaali weyn! W/Q: Yuusuf Axmed Guuleed Hargeysa, Somaliland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  18. Sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegeen, Madaxweynaha Puntland ee waqtigu kasii dhamaanayo ayaa waxaa uu damacsan yahay inuu dagaal ka bilaabo furinta hore ee Tukaraq inta aan la gaarin doorashada ka dhaceysa maamulkaan Jan, 2019. Gaas oo maalmihii lasoo dhaafey booqaho ku joogey gobolka Sanaag hadana ku sugan magaalada Boosaaso ayaa inta uusan magaalada Garowe ka ambabixin waxaa uu kulan la qaatey qaar ka tirsan saraakiisha ciidamada ee ku sugan aaga hore ee tuulada Tukaraq isagoo u sheegey iney u diyaar garoobaan duulaan lagu qaado ciidamada kasoo horjeeda ee Somaliland balse arinkaas ayay ku tilmaameen mid aan suurtagal aheyn waqtigaan lagu jiro. Madaxweyne Gaas, ayaa damacsan in doorashada soo socota ku carqaldeeyo dagaalo cusub. Dhinaca kale xogtaan ayaa waxay sheegeysaa in furinta hore ee ciidamada “Tukaraq” ay shalay tageen Sadex Wasiir oo ka tirsan xukuumada Gaas kuwasoo kulan la qaatey saraakiisha ku sugan halkaas. Sida xogo lagu kalsoon yahay xusayaan Wasiiradaaan ayaa fariin ay ka wadaan Madaxweynaha Puntland u geeyey saraakiisha ciidamada taasoo aheyd iney diyaar garoobaan balse waaku gacan seyreen. Sidoo kale waxaa wayadaan dambe aad u xumaa xiriirka u dhexeeya Taliyaha guud ee ciidamada Puntland iyo Madaxweyne Gaas kadib markii warar soo baxeen sheegaya inuu damacsan yahay inuu badalo balse arinkaan ayaa dib u dhac ku yimid kadib markii saraakiil sare oo laga codsadey iney xilkaan qabtaan ka cududaarteen. Tuulada Tukaraq ayaa waxaa ciidamada Somaliland qabsadeen Jan,2018, iyadoo mudado Sideen bilood ah maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Gaas ku guuldareytey inuu dib ugu soo celiyo gacanta maamulkaan. Madaxweyne Gaas oo hadda ku sugan magaalada Boosaaso ayaa waxaa maalintii shaley lagaga diley labo askari oo ka tirsan ilaaladiisa gaarka ah iyadoo loo maleynayo in falkaan ay gaysteen kooxaha argagixisada ah ee kusoo xoogeystey wayadaan dambe gobolka Barri. Isha: Garowe Online
  19. Maputo (Caasmadda Online) – Waxaa wadama dhaca koonfurta Qaaradda Afrika oo Mozambique ugu horeyso ciidankooda amaanka ay geliyaan heegan buuxa, kadib markii la sheegay in Al-shabaab halkaasi ku fideen. Hay’adda International Crisis Group (ICG ) ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ee Wadamada Kenya iyo Uganda. Warbixintaan ayaa waxaa lagu soo aadiyey Shan sano kadib markii uu dhacay weerarkii Khasaaraha badan geystay ee Westgate ee magaalada Nairobi. Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay ilaa 67 qof iyadoo ay Al-Shabaab heyteen xarunta ilaa Afar maalmood. Weerarkaas ayaa muujiyey awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka geysato meelo ka baxsan Soomaaliya isla markaasna ay la wareegto xarun weyn oo ganacsi. ICG ayaa warbixinteeda xoogga ku saartay sida ay tahay khatarta Al-Shabaab ee Gobolka Afrikada Bari iyo waxyaabaha iska badalay dhanka Amniga . Hey’adda ayaa xustay inay Al-Shabaab u wareegsadeyn Wadanka Tanzania halkaas oo ay ku sugan tahay koox kale oo Argagixiso kadib qorshahaan cusub oo ka hirgalay Wadamada Kenya iyo Uganda. Tanzania waxaa ka jirta koox araggaxiso ah oo Al-shabaab loogu yeero lana sheegay in ay xirriir la leeyihiin Al-shababka Soomaaliya ka daaalama. Ciidanka Wadanka Mozambique kuwooda xuduudaha ayaa lagu sameeyay is bdedel sida laga xigtay saraakiil ka titsan milatriga dalkaasi . “Waan badalnay habkii sugitanka amniga xuduudadaha dalkeena gaar ahaan mida aan Tanzania la wadaagno ayuu yiri sarkaal sare oo ka tisran Militariga Mozambique.”. Wadanka Maali aya sidoo kale lagu soo waramayaa in ay sameyeen is bdedlka dhanka Ciidamada xuduudaha , waxana dhamaan tani ay la xiriirtaa Khatarta Al-shabaab iyo cabsida laga qabo oo sii kordheysa. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya oo maanta la kulmay xoghaya guud ee qaraamnada midoobey ayaa sheegay in loo baahanyahay in dalalka Afrika laga garab siiyo ciribtirka Argagixisada oo uu sheegay in ay saameeyeen ku yeeshen Nolasha Bulshada Afrika. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Nairobi (Caasimada Onlin) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalada Nairobi Dowlada Kenya ayaa loogu deeqay diyaarado dagaal nooca qumaatiga u kaca. Diyaaradaha oo tiro ahaan dhan 9 Diyaaradood ayaa waxaa loogu talo galay dagaalka ka dhanka ah Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab. Waxa ay qoreen Wargeysyada in diyaaradahaasi ay Kenya ka heshay dowlada Imaaraadka Carabta oo si gaara u daneysa dowladaha xeebaha leh ee Africa. Diyaaradahan qumaatiga u kaca ayaa waxaa dowlada Imaaraadka carabta kala wareegay Xoghayaha Difaaca Kenya Raychelle Omamo iyo Taliyaha Ciidanka Cirka Gen Francis Ogolla. Diyaaradaha ayaa sidoo kale lagula kala wareegay garoonka ciidanka Cirka Kenya ee ku yaala deegaanka Nanyuki ee bartamahaa Dalkaasi. Xoghayaha Difaaca Kenya Raychelle Omamo, ayaa sheegtay in Diyaaraduhu ay taageero ka geeysan doonaan Howlgalka goobaha Dagaalka, gurmadka iyo daad gureeynta Daawada. Ciidanka Kenya ayaa Diyaaradahaan u adeegsan kara howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxa ayna ka qeybqaadan doonaan dagaalka ay Kenya kula jiraan Al-Shabaab. Sidoo kale, kororka diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa muujineysa in dowlada Kenya ay ku biireyso dalalka France, Singapore, Thailand, Australian, Brazil, Denmark iyo UAE oo militari-goodu ay isticmaalaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Nuucoodu yahay AS350. Sidoo kale, Dowladda Kenya ayaa xiligan u xusula duubaneysa in ay adkeeyso awoodeeda military, Diyaaradaheeda Cusubna waxay si gooni ah uga qayb qaadan doonaan Howlgal muddo ka socda Kaynta Gobolka Xeebta ee Lamu oo Al-shabaab ay deganyihiin. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay laba jibaari doonto dagaalka ay kula jirto maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia iyo Kenya. Caasimada Onlin Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  21. Hordhac: Hore waxaan idiinkusoo bandhigay Siyaasiyiintii ugu caansanaa ee naftooda ku waayey siyaasadihii ay ku jireen dartood, kuwaas oo shirqoolo qarsoodi ah lugu laayey. Qaybtan maanta waxaan idiinkusoo bandhigayaa 10ka Madaxweyne ee ugu hantida badan madaxda caalamka, iyadoo boqorada wadamada carabtu ay kaalmaha sar sare uga jiraan liiskan. Vladimir Putin (Ruushka) – $40 billion Madaxweynaha hada talada dalka Ruushka haya, Vladimir Putin ayaa kaalinta koowaad ka galay tobanka madaxweyne ee ugu hantida badan madaxweynayaasha caalamka. Hantida madaxweyne Putin ayaa lugu qiyaasay in ay kor u dhaaftay 40 bilyan oo doolar ($40 billion dollar), doorashadii 2007 ee uu ku guulaystay Putin waxa uu wakhtigaas sheegay in hantidiisu aad u yartay isagoo sheegay keliya in uu haysto hanti dhan 150 kun oo doolar (150,000 dollar), sidoo kale waxa uu hadda leeyahay 11 meelaha lugu raaxaysto, inkastoo warbixin aan la cadeyn ay sheegayso in hantida Putin dhantahay 70 bilyan oo doolar, warbixinta ayaa tiradda ku dartay shirkado waaweyn oo ka shaqeeya gudaha dalka Ruushka, shirkadahaas oo kamid yihiin “Shirkada ugu weyn dhanka saliidaha ee Surgutneftegaz, iyo shirkada kootada ku haysata gaasta dabiiciga ah ee Gazprom”, si kastaba ha ahaatee ilaa hadda waxa la isku waafaqsan yahay hanti dhan 40 bilyan in haysto madaxweyne Putin. 3. Hassanal Bolkiah,(Suldaanka M/Goboleedka Brunei) – $20 billion Brunei waa maamul goboleed iskii isku maamula oo kuyaal waqooyiga Island, isma laha sida uu dhulkeedu u yaryahay iyo sida Suldaanka maamulaa u qanisanyahay, Suldaan Haji Hassanal Bolkiah ayaa gacantisa waxa ku jira hanta dhan 20 bilyan oo doolar iyo in badan uu si hoose gacanta ula jiro. Waxaa kamid ah hantida uu leeyahay Suldaan Haji Hassanal mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn uguna qaalisan ee baabuurta, baabuurtaas ayaa ah kuwo qaalli ah oo ku kooban aduunka, waxa uu furay laba dumar ah inkasta oo uu hantidiisii ku qoray xaaskiisii ugu horeeyey, qoyskiisu waxa uu ka koobanyahay 7 hablood iyo 5 wiil oo uu dhalay iyo 10 caruur ah oo ay caruurtiisu sii dhashay. Khalifa bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka – $15 billion Madaxweyne ku xigeenka dalka Isku taga Imaaraadka Carabta ayaa la ogyahay in uu yahay hantiile, laakiin hadda waxaa la ogaaday in madaxweynaha Imaaraadku yahay kan ugu hantida badan dalkaasi, hantida Madaxweyne Khalifa Bin Zayed Al Nahyan ayaa lugu qiyaasay 15 bilyan oo doolar. Boqor Khalifa ayaa xilka Imaraadka qabtay kadib markii aabihii geeriyooday 3-dii Novermber 2004, Zayed Al Nahyan oo ilaa 1994-kii ahaa boqorka dalkaas, hadaba Khalifa ayaa leh Shirkad maalgashi oo Abu-dhabi ka shaqaysa, halka inta kale qoyskiisuna ay leeyihiin hanta dhan 150 bilyan oo doolar isku dar idilkoodba. Mohammed Bin Rashid Al Maktoum – (M/kuxigeenka UAE – $4 Bilyan Mohammed bin Rashid Al Maktoum waa amiirka Dubai sidoo kale waa Raysal wasaaraha iyo Madaxweyne ku xigeenka Isku taga Imaraadka, isagoo xilalkan haye ilaa bishii January 2006-dii. Hantida Raysal-wasaarahan ayaa lugu qiyaasay kudhawaad 4 bilyan oo doolar, Amiirkan ayaa inta badan sheerer ku leh shirkada ugu waaweyn ee dalkaas, halka uu dhaxalkiisa kuwada qoray 4 wiil oo uu dhalay iyo qaar kamid ah xaasaskiisa, sidoo kale waxa uu leeyahay 4 hablood oo ay qabaan qaar kamid ah sheekhyada ugu caansan dalkaasi. Sidoo kale waa siyaasiga leh dhismaha labaad ee aduunka ugu weyn. Hans-Adam II – Siyaasi Jarmal ah – $4 Bilyan Magaciisu waa wiilka boqor Liechtenstein, waxaanu liiska hore kaga jiraa kuwa ugu hantida badan dalkiisa, inta badan waxa uu ka helay hantidan qoyskooda oo ku caan ahaa farshaxanimadda, sidoo kale waa mulkiilaha Shirkada LGT Banking Group. 2004 ayey ahayd markii in badan oo kamid ah hantidiisa iyo awoodiisa maamul uu ku wareejiyey wiil uu dhalay oo la yidhaah Alois, Guud ahaan hantida qoyskiisa oo keliya ayaa lugu qiyaasay 7.6 bilyan, waana mid kamid ah qoysaska ugu hantida badan guud ahaan Yurub. Hamad Bin Khalifa II (Amiirkii hore ee Qatar) – $2.5 Bilyan Tani waa ta ka dhigtay in dalka Qatar uu kamid noqodo wadamada ugu qanisan caalamka oo dhan, waxaana tusaale u ah Amiirkii hore ee dalkaas oo lugu qiyaasay hantidiisa 2.5 bilyan oo doolar, Amiir Hamad Bin Khalifa ayaa xukumaayey Qatar 1995-kii ila 2013, kadib markii uu dhaxlay aabihii oo geeriyooday, isla markaana waxa uu kasoo jeedaa qoys ku abtirsada madaxtinimadda. Hamad bin khalifa ayaa ilaa markii uu aabihii noolaa waxa uu ahaa isha ugu weyn ee dhanka maaliyada ugu deeqa Shabakada Wararka ee Al-Jazeera, sidoo kale waxa uu maalgashadey inta badan kooxa kubada cagta, ilaa uu isku dayey in uu iibsado ilaa kooxaha Rangers FC iyo Manchester. Mohammed VI (Boqorka Marooko) – $2.5 Bilyan Mohammed VI, waxa uu lahaa halhay caan baxay oo odhanaaya “Sida boqorka taajir u noqo”, taas oo uu isagu iska hadlaayey, boqor Mohamed VI waxa uu xilka boqortooyada dalka Marooko qabtay sanadkii 1999kii kadib markii aabihii uu geeriyooday. Hantidiisa waxaa boqorkan lugu qiyaasay ku dhawaad 2.5 bilyan oo doolar. Laakiin nasiib xumo shacabka uu u taliyaa uma farxsana sida uu isagu u yahay maamule bangi oo kale, in kastoo mudaharaado dalkaas ay ka dhaceen mudaharaado lagagasoo horjeedo musuq-maasuq iyo balamo uu ka baxay oo lugu eedeeynaayey mudo badan, waxa uu balan-qaaday in aanu noqon doonin boqorka mustaqbalka oo uu iska wareejin doono xilka uu umadda u hayo. Boqorkan ayaa inta badan hantidiisa waxaa ka mid ah shirkad uu shuraako kuleeyahay oo la yidhaah ONA Group, sidoo kale waxa uu leeyahay inta badan shirkada macdanaha qodoa iyo kuwa suuqa u iibgeeya. Sebastian Pinera (Madaxweynaha Chile ) – $2.4 bilyan Waa madaxweyn sida la rumeysan yahay xukuma wadan layaab badan, Sebastian Pinera oo ah madaxweyna Chile waxaa lugu qiyaasay hantida uu leeyahay ku dhawaad 2.4 bilyan oo doolar. Waa mulkiilaha tilifiishan gaar uu u leeyahay oo la yidhaah Chile-vision, xarunta warbaahineed ee uu leeyahay ayaa loo sababeeyey guushiisii doorashadii 2010kii oo uu Sebastian ku guuleystay qalabiyad aad u badan. Sidoo kale waa mulkiilaha koox caan ah oo dhanka kubada cagta ah oo la yidhaah Colo-Colo, sidoo kale madaxweynahani waxa uu gacanta ku hayaa guud ahaan kaadhadhka lacaga ee dalkaas laga isticmaalo taas oo la aaminsanyahay in hantidiisa ay ka mid tahay, sidoo kale 27% waxa uu leeyahay shirkada diyaaradaha ee LAN Airlines, shirkadan oo uu saami kulahaa ilaa 1994kii. Tixraac: Wikipedia Organization W/Q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland
  22. Hargeysa (Caasimada Onlin) – Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii hore ayaa markii ugu horeysay ka hadlay suuragalnimada xiriir diblumaasiyadeed oo dhexmara Sacuudiga iyo Somaliland. Buubaa waxa uu sheegay inay suuragal tahay in Sacuudiga uu xiriir la sameeyo Somaliland, waxa uuna tilmaamay in xiriirka boqortooyada uu uga wanaagsan yahay kan dowladaha kale ee carbeed. Sacuudiga ayuu sheegay in xiligaan uu aad ugu dhow yahay dowlada Mareykanka sidaa aawgeed ay suuragal tahay inay u maraan aqoonsigooda. Waxa uu sheegay in waayadan ay soo baxayeen warar sheegaya in Sacuudiga uu aad u daneynaayo Somaliland waxa uuna arrinkaasi ku sheegay mid fursad weyn u ah Somaliland. “Wey suuroobi kartaa in Sacuudiga uu xiriir dhow la sameeyo Somaliland waayo adduunka waxa uu iminka ogaaday in Somaliland ay u diyaarsan tahay dowladnimo, waxaanu ka faa’iideynaa horumar anagoo ku gaareyna danaheena siyaasadeed” “Waxaa wanaagsan inaynu Siyaasadeena wax ka bedelno, oo aynu la jaanqaadno is bedelada ka socda Geeska Afrika, doorkeenana qaadano”. Buubaa waxa uu sheegay inaanu xiligan u baahneyn dhaqaale balse ay u baahan yihiin keliya in Somaliland ay hesho aqoonsi ay ku gaari karto horumarkeeda. Sidoo kale, Dowlada Sacuudiga ayuu sheegay in laga doonayo in Somaliland aysan ku xisaabin Somalia inteeda kale, waxa uuna ku baaqay inay ka fal celisho baaqyada Somaliland. Haddalka, Buubaa ayaa muujinaya in Somaliland ay aqoonsiga ka raadineyso dowladaha Carbeed oo badankooda ku xiran mareykanka. Caasimada Onlin Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  23. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Ismaaciil Hurre Buubaa haddana ka tirsan madaxda xisbiga mucaaradka Waddani ee Somaliland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland. Wuxuu sheegay in wada hadalladaasi oo sanadihii dambe hakad galay ay yihiin kuwa caqabad weyn ku ah isfahamkii labada dhinac ee Muqdisho iyo Hargaysa. Waxaa uu sheegay in qowmiyadda Soomaalida ay wanaagsanaan lahayd in ay gartaan waxa ay aqoonsadeen, shucuubta ku nool dowladaha dariska ah sida Itoobiya iyo Eratariya oo dhowaan ka heshiiyay colaado malaayiin qof ay ku dhinteen oo muddo 20 sano ka dhex aloosnaa. “Arrintaas waxaa u arkaa caqabad aad iyo aad u culus oo geeddi u socodka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Somalilandba dhibaato weyn ku ah oo loo baahan yahay si hufan, oo deggan oo waaqica ku salleysan wada hadalkii la furo” ayuu yiri siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa. Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Farmaajo ayuu ku eedeeyay in aynaan u soo jeedin dib u habaynta dastuurka KMG ee dalka u degsan si ay u kala caddaato awoodaha ay kala leeyihiin dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/ISMAACIIL-HURRE-BUUBAA-25-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo ka faallooda siyaasadda gobolka Afrika ayaa ka hadlay dhacdooyin ka soo cusboonaaday meelo kamid ah wadanka Itoobiya gaar ahaan magaalo madaxda Addisababa iyo gobolka Soomaalida. Wareysi uu siiyay Goobjoog News ayuu ku sheegay in dibadbadyada rabshadaha wata ee ka dhacay Addisababa iyo Jigjiga ay ka turjumayaan Raysal wasaare Abiy oo aan u diyaargaroobin awoodda uu la wareegay. “Waxaad mooddaa su’aalihii dowladdii hore la hor dhigay oo la xiriira cadaalad darro, dhaqaale xumo, Oromada oo weli leh dhulkeennii waa naga la heysta iyo runtii isfaham la’aan iyo nacayb ka dhaxeeya siyaasiyiinta gaar ahaan Amxaarada iyo Oromada” ayuu yiri Proff Faysal Rooble. Waxaa uu tilmaamay in dhibaatooyinkani ay si sahlan ku dhammaan karaynin islamarkaana inta laga xallinayo arrimaha cadaaladda oo tabasho ay ka jirtay illaa Haila Sallasa iyo arrinta dhaqaalaha oo ka taagan gudaha Itoobiya. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay rabshado ka soo cubsoonaaday magaalada Jigjiga oo maalin dhoweyd dhacay. Wuxuu sheegay in ay jirto cabsi kale oo la xiriirta in mudaharaadyo ay ka curtaan gudaha Soomaali Galbeed. Professor Faysal Rooble ayaa ugu dambeeyn wareysiga uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay waxa uu ula muuqdo xalka guud ahaan federaalka Itoobiya iyo gobolka Soomaalida oo xaruntiisu tahay magaalada Jigjiga. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/FAISAL-ROBLE-25-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. One of President Trump’s favorite attacks on his political opponents is to say that the world is “laughing” at the United States. But on Tuesday, during Trump’s speech to the United Nations General Assembly Source: Hiiraan Online