Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,575
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Caasimada Online)–Somalia’s Puntland military court has sentenced alleged Al Qaeda linked Al-Shabaab and Islamic State groups’ members to death and life to in prison. In a statement, the court said six men, who were allegedly having links with Al Shabaab and Islamic State groups have been brought before the court on Wednesday. Three of the six men had been sentenced to death, while the other three were also sentenced to life in prison, but one of them was sent to medical check-ups. Here are defendants’ names being sentenced to death 1) Hassan Lamo Aden, Islamic State member 2) Yasin Osman Abi Salah, Islamic State member 3) Hassan Mohamed Ali Ibrahim, Al-Shabaab member Here are the names of defendents’ names being sentenced to life in prison 1) Hussei Jailani – Al Shabab member 2) Abdi Omar – Al Shabaab member 3) Bishar Al Shabaab member The court suggested that Hassan Mohamed to be sent into medical treatment. The court also sentenced Mohamed Jam’a, a Puntland soldier to remain five years in jail over civilian killing as he was ordered to pay composition to the victim’s families. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  2. Washington (Caasimada Online) – Bankiga Adduunka ayaa ansixiyey lacag 80 milyan oo dollar ah oo dayn ahaan loo siinayo Soomaaliya, si ay ugu maal-geliso is-beddelada maaliyadeed ay waddo dowladda, waana dayntii ugu horreyey ee Soomaaliya loo ansixiyo muddo 30 sano ah. Bankigan oo fadhigiisu yahya magaalada Washington ayaa hakiyey xiriirkii Soomaaliya sanadii 1991-kii, balse waxa uu dib u billaabay taageerada Soomaaliya sanaddii 2003, ayada oo xiriir toos ahna uu la sameeyey dowladda Soomaaliya sanaddii 2013. Guddiga Bankiga ayaa ansixiyey lacag $60 milyan ah oo loogu talo-galay mashruuca dib u habeynta maaliyadada Soomaaliya iyo $20 milyan oo loogu talo-galay mashruuca xoojinta awoodda dakhliga gudaha. “Dayntan waxa ay taariikh muhiim ah u tahay horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Bankiga Adduunka. Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale sheegay inuu kala shaqeyn doono dowladda federaalka horumarinta adeegyada ay ka midka yihiin waxbarashada, caafimaadka, helista biyo nadiif ah, iyo maal-gelinta dadweynaha. Bankiga adduunka ayaa dhinaca kale sheegay inuu rajeynayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordho inta u dhaxeysa 3.5 illaa 4.5 boqolkiiba inta u dhaxeysa sanadaha 2019 illaa 2022. “Ayada wax soo saarka beeraha uu yahay isha dhaqaale ee ugu muhiimsan Soomaaliya, ayaa haddana waxaa mar walba dhibaateeya arrimo lama filaan ah, sidaas darteedna waxa ugu weyn ee dhaqaajin doona gacansiga Soomaaliya ayaa ah maaliyadda, gaadiidka iyo isgaarsiinta” ayuu yiri Bankiga. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  3. The World Bank has approved $80 million in loans to Somalia to fund public finance reforms, marking the first disbursement to the government of the conflict-ridden country in 30 years, the bank said. Source: Hiiraan Online
  4. Waxaa maanta baaqday kulan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeelan lahaayeen xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankaasi ayaa lagu waday in looga doodo arimo la xariira xeer hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya uu ku shaqeeyo. Kulankaasi ayaa u baaqday kooram la’aan iyaga oo aan soo xaadirin tiradii Xildhibaanada laga doonayay in ay kulankaasi ka soo qeeybgalaan. Gudoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in uu baaqday kulankii Baarlamaanka ee maanta oo arbaco ah. Waxaa xusid mudan in markii ugu horeeysay xarunta Baarlamaanka laga aqriyay magacyada xildhibaanada shirka ka maqnaa. Waa markii ugu horeeysay ee uu baaqdo kulan kamid ah kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Kulankii Baarlamaanka maanta oo Baaqday appeared first on Puntland Post.
  5. NAIROBI (Caasimada Online) – The World Bank has approved $80 million in loans to Somalia to fund public finance reforms, marking the first disbursement to the government of the conflict-ridden country in 30 years, the bank said. The Washington-based lender, which suspended ties with the country when war broke out in 1991, resumed support for Somalia in 2003, at the time saying it would focus on HIV/AIDS and livestock programmes with other organisations, but it has not approved any direct lending to the government to date. It reopened direct ties with Somalia’s federal government in early 2013. Its board had approved financing of $60 million for the Recurrent Cost and Reform Financing Project and $20 million for the Domestic Revenue and Public Financial Management Capacity Strengthening Project, it said in a statement late on Tuesday. “They (loans) represent a milestone in Somalia’s development and reconstruction,” the bank said. The bank said it would also work with the government in Mogadishu to improve services like education and healthcare, access to clean water, energy and finance for its citizens – under a programme called Country Partnership Framework. Somalia’s economy was forecast to grow by an average of between 3.5 and 4.5 percent annually in 2019-2022, when the partnership on social services will run, the bank said. “While agriculture is key to the economy, it remains vulnerable to shocks. As such, services will continue to be a main driver of growth, especially in the financial, transport and communication and trade sectors,” the lender said. Hit by decades of conflict at the hands of clan militias, Somalia has over the past several years also been pummelled by an insurgency by al Qaeda-linked al Shabaab, famines and maritime piracy. Parts of the country are still plagued by militant violence, but a degree of stability in the capital in recent years has begun to draw investment from locals and Somalis living abroad. Last week, the International Monetary Fund said it expected the economy to grow by 3.1 percent this year from 2.3 percent in 2017, as it recovers from drought last year. Sources: REUTERS
  6. Maamulka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey howlgallo waddo furis ah oo ciidamada xoogga dalka ka sameeyeen deegaanno ku dhow magaaladaasi. Xasan Macallin Cumar oo ah guddoomiyaha magaaladaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay si buuxda u fureen wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka. Waxa uu tilmaamay guddomiyaha in laga saaray dagaalyahannadii Al-shabaab, haatanna si caadi ah loo adeegsan karo. “Wadada Muqdisho iyo Marka ee xeebta ah hadda waa nabad, nimankii Al-shabaab ahaa waa laga saaray, dhibna kama jiro oo ciidanka xoogga dalka ayaa gacanta ku haya amniga” Muddo badan Al-shabaab ayaa ku sugnaa qeybo ka mid ah wadada dheer ee isku xira Muqdisho iyo Marka, iyadoo ay jireen mararka qaar dagaallo ka dhaca wadadaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. MOGADISHU (Caasimada Online)–Kenya Air Force says it has acquired nine Fennec helicopters from the United Arab Emirates, amid rising deadly cross-border attacks by Al Shabaab in Somalia. Kenya’s Air Force chief, Maj-Gen Francis Ogolla received helicopters at the Laikipia Air Base in Nanyuki, said, Cabinet Secretary for Defence Raychelle Omamo. Omamo told journalists that the new aircraft would be used to support combat operations, search-and-rescue and medical evacuations, and escort heavy lift helicopters. Fennec, an Airbus AS350, is a single-engine light utility helicopter originally designed and manufactured in France by Airbus Helicopters. The UAE Army Aviation Brigade and the Air Force Special Operations Command operate a number of AS550C3 Fennec helicopters. The country received the helicopters from Airbus in 2008. Kenya will now join France, Singapore, Thailand, Australian, Brazil, Denmark and the UAE militaries, which are currently using the helicopter. The aircraft, with a grey paint scheme, were received in Nairobi early this month before they were moved to Nanyuki.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Amarkii ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya dul dhigtay hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya, inay muddo 3 bilood ah xafiisyadooda Nairobi ugu soo raraan Muqdisho, ayaa u muuqda mid dhaqan galaya. Hay’adda UNICEF ayaa noqotay tii ugu horeysay ee usoo guurta Muqdisho, kadib markii wasiirka qorsheynta Soomaaliya iyo Madaxa Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF ay shalay si wadajir ah xariga uga jareen dhismaha cusub ee xafiiska UNICEF ee Soomaaliya. Shaqaalihii Hay’adda UNICEF ee ka howlgali jiray dalka Kenya ayaa maanta wixii ka dambeeya shaqadooda ay tahay gudaha dalka Soomaaliya, taasoo muuqal wanaagsan ka bixinaysa u hogaasanaanta hay’adda baaqii dowladda ee ahaa in dalka ay mudo kooban ugu howlgalaan. Madaxda Bariga iyo Koofurta Africa ee Hay’adda UNICEF Leyla Bakar ayaa tiri “Waxaan maanta u soo wareejinay xafiiska maamulka Magaalada Muqdisho kaas oo si wadajir ah uga shaqeyn doona Muqdisho iyo qeybaheeda kala duwan, muhiimad gaar ah ayee ii leedahay maanta in halkan aan joogno”. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaayay in maanta micno weyn dalka ugu fadhiyo xafiiska Soomaaliya ee UNICEF si rasmi ah in dalka uga shaqo bilaabo, isla markaana uu shaqo abuur ay u noqon doono Muwaadiniinta. Amarka dowladda Soomaaliya ee soo baxay 29-kii August ayaa Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, wuxuu ku yiri “Waxaan u sheegeynaa hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya mashaariicda Soomaaliya inay Soomaaliaya joogaan, waddanka deggan yihiin, shaqaale Soomaaliyeed qortaan, canshuur bixiyaan, xarumahooda waddanka ahaado, waqtigii Nairobi la joogi jiray, oo Soomaaliya loo iman jiray shaqo maalin ah, ama 2 maalin ah waa dhammaatay” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa manta xukunno kala duwan ku riddey 10 qof oo dambiyo kala duwan loo haystay. Ugu horreyn maxkamadda ayaa eedeysanayaashan kala ah: Xasan Laamow Aadan oo lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Daacish Yaasiin Cismaan Saalax oo lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Al-shabaab Xasan Maxamed Cali Ibraahim oo lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, dhammaantood lagu xukumay dil toogasho ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxay xukun xabsi daa’in ah ku riddey Saddex kale oo iyaguna ku eedeysan ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab, kuwaasi oo kala ah: Xuseen Jeylaani Xasan Cabdi Cumar Iftiin Bishaar Cismaan Seed Waxaa maxkamadda ciidamada Puntland ay sidoo kale ammartay in dhaqtar loo diro eedeysane Xasan Maxamed si loo hubiyo caafimaadka maskaxdiisa. Maxkamadda ayaa Labo xidigle Maxamed Jaamac oo loo haystay inuu qof diley ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ah iyo bixinta diyada marxuumkii uu diley. Ugu dambeyn, maxkamadda ciidamada Puntland ayaa ayaa Shan Sano oo xabsi ah ku riddey Xasan C/qaadir Yuusuf, waxaana dib xorriyaddiisa loogu soo celiyey C/laahi Maxamed Axmed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka socda Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka,waxaana ilaa hadda hadlay madaxda ugu saameynta badan xilligan,sida Madaxweynaha Iraan,kan Mareykanka, midka Turkiga, Ra’isalwasaaraha France iyo hoggaamiyayaal kale oo ay ku jiraan boqorro iyo Amiirro. Xasan Ruuxaani-Iraan: “Dhaqaale argagixin” Madaxweynaha Iraan,Xasan Ruuxaani“Cunaqabateynta uu Mareykanka saaray Iraan waa aragixiso dhaqaale,amaanka adduunka oo dhan ayaa halis ku jira,waxaana sidaas yeelaya dalal yar, kuwaas oo aan xushmeyn xeerarka caalamka,kuna caanbaxay sharaf dilka iyo mas’uuliyad xumada.” “Waxaa nasiib xumo ah in caalamka maanta wajahayo madax yar oo isku dayay in ay caalamka ku xukumaan danahooda gaarka ah iyo rabitaankooda,iyaga oo u maraya argagixisanimo,isir naceyb, iyo dhaqankii naaziyiinta oo la dhiirrageliyo”. “Trump, waxaa uu raadinayaa in uu afgambiyo hoggaanka sare ee Iraan,waxaana uu u marayaa argagixinta dhaqaalaha Iraan,isaga oo cunaqabateyn saaraya”. Sheikh Tamim-Qadar : “Diid in qasab laguugu maamulo,laguna xalliyo murannada”. Sheekh Tamiim, AMiirka Qadar.Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim,ayaa sheegay in dalkiisa uu diiday in qasab lagu maamulo,khilaafaadkana xoog lagu xalliyo. Tan iyo go’doomintii dalalka Khaliijka,markii 2aad ayaan ka khudbeynayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobey,Qadar,maanta ayey ka dhaqaale xooggan tahay sidii hore kana wanaagsan tahay,wax kasta waa la isku dayay si loo dhibaateeyo Qadar, laakiin dhinaca ay nala rabeen dhinac ka duwan ayaan u soconnaa”. Boqor Cabdalla-Jordan “Diida xalka hal dal oo Israel ah kuma jiree” Boqor Cabdalla, JoordanBoqor Cabdallaha Joordan ayaa hoggaamiyayaasha Caalamka ugu baaqay in ay isugu tagaan sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa colaadda Israel iyo Falastiin. “waxaan hoggaamiyayaasha halkan jooga xusuusinayaa xalka Israel iyo Falastiin kuam jiro dowlad kali ah oo Israel ah oo la aqoonsado,ee waa in la helaa laba dowladood oo Falastiin iyo Israel ah” “Qalalaasaha iyo dhibka ugu badan ee ka jira bariga dhexe waa dafiraadda xuquuqda Falastiiniyiinta”. Emmanuel Macron- France “ waa in wadahadal lagu dhameeyaa muranka Heshiiskii Nukliyeerka ee Iraan”. Emmanuel Macron,Madaxweynaha France.“wadahadal ayaa ugu wanaagsan in lagu wajaho,wax ka qabashada heshiiska Iraan iyo Caalamka ee dhinaca Nukliyeerka,waana in aan la aqbalin cunaqabeynta Mareykanka ee Iraan”. “waan xallin karnaa guud ahaa xolaadda iyo is fahamwaaga Bariga dhexe,xalkuna waxaa uu ku jiraa laba dowladood oo Israel iyo Falastiin ah”. Erdogan- Turkiga ‘xal siyaasadeed waa in loo helaa Syria” Erdogan, Madaxweynaha Turkiga.Recep Tayyip Erdogan,ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha Caalamka in ay xal siyaasadeed oo waara ka gaaraa colaadda Dalka Syria,ka hor inta aysan xaaladda bani’adamnimo ka darin. “Turkiga iyo Ruushka waxaa ay todobaadkii la soo dhaafay ku heshiiyeen in la sameeyo aag ka caaggan dagaalka Gobolka Idlib,halkaas oo ay mucaarid heystaan kuna noolyihiin 3milyan oo qof” “kuwa hubeya,qalabeeya sidoo kalena kumamaan Gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha siiya argagixisada,waxaa ay mustaqbalka u dambeyn doonaan murugada”. “Qaramada Midoobey waxaa ay ku fashilantay xallinta dhibta shucuubta dalalka Palestine, Myanmar iyo Bosnia,adduunyadu waa iska indha tirtay,laakiin Turkiga kama jeedsanayo” “kuwa ka aamusan Falastiin,Bosnia, Rahinga iyo dadka kale ee dhibaateysan,kaliya argagixisada ay dhiirragelinayaan”. Trump –Mareykanka “la ganacsiga China ee aan dheelli tirneyn lama aqbali karo”. Donald Trump.Madaxweynaha Mareykanka.Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanka uusan aqbaleyn in Ganacsiga China iyo Mareykanka uu China kaliya ku faa’ido,kuna khasaaro Mareykanka. “Labaatankii Sano ee la soo dhaafay,waxaa uu uu Mareykanka ku khasaaray China lacag dhan $13 Tiriliyan oo dollar,mana aha wax sii socon kara, China waxaa ay xaddaa dadka caqliga iyo wax soo saarka leh ee Mareykanka,waxaana Mareykanka ka cowdaa shaqo la’aan”. “Iraan waa in caalamka oo dha go’doomiyaa,waa in la diidaa shidaalkeeda,hoggaamiyayaasha Iraan waxaa ay qas,bur burin iyo dil kawaddaa deriskeeda Bariga dhexe”. “Kheyraadka Iraan,hoggaamiyayaasha dalkaas iyaga ayaa isku bacrimiya,dalalka deriska la ah khasaare badan ayaa ka soo gaaray qorshaha gardarrada ah ee is fidinta” Guterres- Qaramada Midoobey: “ma sameyneyno wax nagu filan”. Guterres, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.“Adduunku waxaa uu ka cabanayaa is aaminaad darro, iyo amar ku taagleyn,dadka adduunka waxaa ay luminayaan aaminaadda siyaasadeed,awoodeed iyo dimuqraadiyadda ee caalamka,inta badan adduunka waa isku xiranyahay,haddana dib ayaa loo socdaa”. W/D: Adam Ibrahim Farah (Showqi).
  11. Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulanka xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Sida uu ku waramayo weriyaha Goobjoog News ee golaha shacabka, waxaa soo xaadiray 120 xildhibaan halkii laga rabay inuu kooramka ku buuxsamo 139 xildhibaan. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa amray habdhoraha golaha Shrma’arke Garaad Saleebaan in uu golaha ka hor akhriyo magacyada xildhibaannada maqan ee 155-ta ah. Guddoomiyaha ayaa la sheegayaa inuu u cudur-daaray 16 xildhibaan, oo qaarkooda jiran yihiin, qaar safar dibadda ah jiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. New York (Caasimadda Online) – Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ka socda Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka,waxaana ilaa hadda hadlay madaxda ugu saameynta badan xilligan,sida Madaxweynaha Iraan,kan Mareykanka, midka Turkiga, Ra’isalwasaaraha France iyo hoggaamiyayaal kale oo ay ku jiraan boqorro iyo Amiirro. Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim ayaa hadal culus ka jeediyeyShirka Qaramada Midoobe ayaa halkaas ka sheegay hadalo aysan jecleysan Dowladda Sacuudiga iyo Dowladaha kale ay Xulafada yihiin. Amiirka Dalka Qadar Sheekh Tamiim,ayaa sheegay in dalkiisa uu diiday in qasab lagu maamulo, khilaafaadkana xoog lagu xalliyo. “Tan iyo go’doomintii dalalka Khaliijka,markii 2aad ayaan ka khudbeynayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobey,Qadar,maanta ayey ka dhaqaale xooggan tahay sidii hore kana wanaagsan tahay” ayuu yiri Boqorka Tamiim. Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu mar kale yiri : ” Wax kasta waa la isku dayay si loo dhibaateeyo Qadar, laakiin dhinaca ay nala rabeen dhinac ka duwan ayaan u soconnaa”. Hadalkaan ayaa durba qabsaday Baraha Bulshada ee dadka u dhashay Sacuudiga iyo Imaaraadka, wuxuuna dowladahaas ku noqoday laf dhuungashay maadaama uu Boqorka si cad Qaramada Midoobay uga hor gudbiyey in dalkiisas uu hormary. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Aqlibiyadda Baarlamaanka dalka Kenya Aadan Barre Ducaalle ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka dalbaday in uu dalka Badbaadiyo. Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ku socoto Waddo aan lagu Farxin, Maadaama maamul goboleedyadda ay diideen Baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ay muhiim tahay xal ka gaaridda Khilaafka Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyadda, waxaana Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday in uu ka roonaado maamulada. Aadan Barre Ducaalle ayaa sheegay inta ay dowladda Soomaaliya ay ku mashquulsaneyd Maamul goboleedyadda in Ammaanka Caasimadda uu faraha ka baxay. Waxaa uu tusaale u soo qaatay dilalkii ka dhacay Muqdisho ee ardeyda iyo dadka kaleba loo geystay. Khilaafka ka dhex taagan maamulada iyo dowladda dhexe ayaa gaaray meel Sare ka dib maamul goboleedyadda ay ku dhawaaqeen in ay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya. Waxaa uu Aadan ku dooday in Federaalka Soomaaliyaba loo sameeyay khilaaf iyo waqti iska lumin, marka loo eego sida ay ku socoto Siyaasadda Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu ugu baaqay in uu isaga ka roonaado dowlad Goboleedyada maaddaama isaga ay hoostagaan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa raali gelin looga bixiyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas, kaasi oo ka dhan ah dadka ka soo jeeda Maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya. Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa si gaar ah waxaa raali gelinta buuxdaloogu diray Maamulka iyo Shacabka Koofur-Galbeed hadalkii Madaxweyne Gaas ee ku jiray khudbad uu uga hadlayay Al-Shabaab. Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas. Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.” Hadaba hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland
  15. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa raali gelin ka bixiyey khudbad uu sheegay inuu uga hadlayey Al-shabaab iyo deegaanno uu soo hadal qaaday. War Saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland waxaa ka mid ahaa “Dowladda Puntland waxaa ay u sheegeysaa shacab weynaha koonfur galbeed in Puntland iyo koonfur galbeed ay isku mid yihiin, kana mideysan yihiin ladagaalanka cadawaga Al-shabaab, isla markaana hadalka madaxweynaha uu quseeyey cadawga Puntland iyo koonfur galbeed ee Al-shabaab oo keliya. C/weli Gaas oo maalmo ka hor ka hadlayay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, Halkan hoose ka akhriso, qoraalka oo dhameystiran. Source: goobjoog.com
  16. Bosaso[Puntland Post]- Maxkamadda ciidamada qalabka sida shan gobal oo ka tirsan Puntland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku riday saddex nin oo ku eedaysan kamid ahaanshaha ururada Daacish iyo Al-shabaab. Saddexda xubnood ee dilka lagu xukumay waxaa lagu kala magacaabaa Xassan Laamow Aadan ka tirsan ururka Daacish ,Yaasiin Cismaan Cabdi Saalax ka tirsan ururka Al- shabaab iyo Xassan Maxamed Cali Ibraahim ka tirsan Al-shabaab. Maxkamaddu waxaa ay sidoo kale xabsi daa’in ku xukuntay saddex nin oo kale oo lagu kala magacaabo Xuseen Jaaylaani, Cabdi Cumar iyo Bishaar kuwaas oo la sheegay in ururka Al-shabaab xubno ka yihiin , iyagoona lagu soo qabtay howlgalo laamaha amaanka ee gobalka Bari sameeyeen . Xassan Maxamed oo isna kamid ahaa xubnihii maxkamadda la horkeenay ayaa maxkamaddu sheegtay inay aqbashay codsiga qareenkiisa ,kaas oo la xiriiray in baaritaan caafimaad lagu sameeyo si loo hubiyo . Laba xidigle Maxamed Jaamac oo ka tirsanaa ciidamada Guuto bari kuna eedaysnaa in uu dil gaystay ayey maxkamaddu sidoo kale ku xukuntay shan sano oo xarig ah iyo bixinta makta marxuumka uu dilay. la soco Faah-Faahin Puntland Post. The post Maxkamada ciidamada Puntland oo xukuno riday appeared first on Puntland Post.
  17. Dowladda Kenya ayaa la sheegayaa in 9 helicopter ay ka soo iibsatay Imaaraadka si adkeeyo amnigeeda gaar ahaan la-dagaalanka Al-shabaab. Wasiirka gashaandhigga ayaa kula wareegtay saldhigga militari ee Laikipia Air Base oo ku yaallo Nanyuki. Ms Omamo oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay “waxaa loo adeegsan doonnaa howl-gallada, gaar ahaan raadinta, bad-baadinta, dawo qaadista iyo galbinta helicopterrada waawey”. Fennec, waa nooca Airbus AS350, waxaa ay leedahay hal matoor, waxaa sameysay shirkadda Faransiiska ee Airbus ee diyaaradaha helicopterrada. Waxyaabaha loo adeegsan karo waxaa ka mid ah: inay garaacdo taangiyada, dagaalka cirka ah, tageerro dhulka ah, wax qaadista, gurmadka, galbinta, waxaa kale oo ay qaadi kartaa hub iyo gataallo. Kenya waxaa ay ku biirtay dalalka heysto helicopterrada noocaan ah sida France, Singapore, Thailand, Australian, Brazil, Denmark iyo Imaaraadka. Diyaaradahan waxaa ay soo baxeen 1990. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Xukuumadda Puntland ayaa raalli-gelin ka bixisay hadal muran badan dhaliyay oo madaxweyne,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) uu ka sheegay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag xilli uu booqasho ku joogay. Madaxweyne Gaas oo bulshada ku boorrinayay in Al-shabaab laga sifeeyo degaannada ay kaga sugan yihiin Puntland ayaa xilligaas adeegsaday ereyo cara-dhaliyay oo ahaa”wiil ka yimid Diinsoor iyo Buurhakaba oo kaba dacas ah qaba” hadalkaas oo dad badani u fasireen in madaxweynuhu liidayo dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya. Hase yeeshee war-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in hadalka madaxweynaha ay si qaldan u turjumeen,dad raadinaya kla qeybinta bulshada Soomaaliyeed iyo in ay dhibaato ka dhex abuuraan. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in madaxweyne Gaas uu ka hadlayay Al-shabaab ee aysan sax ahayn, warka laga faafiyay ee ku aaddan, in shacabka Koonfur Galbeed madaxweynuhu u gefay. Xukuumadda Puntland waxay raalli-gelin buuxda siisay shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed, sida lagu sheegay war-murtiyeedka. PUNTLAND POST The post Puntland oo raalli-gelin ka bixisay hadal madaxweyne Gaas jeediyay appeared first on Puntland Post.
  19. Aaska Marxuum Axmed Dowlo Magaalada Muqdisho waxaa todobaadkii hore ka dhacay dil heybsooc guur oo loo geystay Allaha u naxariistee nin geerashle ahaa oo lagu magacaabi jiray Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed Dowlo). Axmed Dowlo oo ka soo jeeday beesha Jareer-weyn, si anxandaro ahna loo dilay ayaa sababsaday sida la sheegay wiil uu adeer u yahay oo guursaday gabar ka soo jeeda mid kamid ah beelaha ku xoogan Muqdisho. Marxuum Axmed Dowlo Dilka Marxuum Axmed Dowlo ayaa khamiistii la soo dhaafay ka dhacay xaafadda Towfiiq ee magaalada Muqdisho, kadib markii sida la sheegay goobtiisa shaqo ay ku soo weerareen dhowr qof oo ku hubeysnaa middiyo, baangado iyo leebooyin, iyadoo markii dambana baasiin iyo dab la qabadsiiyay. Ka hor inta aan la dilin Marxuum Axmed Dolwo, waxaa loo soo diray hanjabaad iyo iyadoo gurigiisa lagu tuuray bam gacmeed aan khasaare geysan, sida ay sheegeen eheladiisa Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshadu ku xiriirto aad u heystay sawiro aad looga naxo oo muujinaya jirka Marxuumka oo gubtay, waxaana dareen kala duwan ka muujiyay falkaas foosha xun dadweynaha Soomaaliyeed, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda. Qaar kamid ah masuuliyiin dowladda Soomaaliya oo ay kamid yihiin Xildhibaano ayaa soo jeediyay in aroos qaran loo sameeyo lamaanaha uu dartood u dhacay dilkan, balse dadka qaar ayaa qaba in arrintan aysan xal u noqon karin “aroos qaran” ee dowladdu soo saarto sharci wax looga qabanayo gabood-fallada noocaan ah. Waxaa la sheegay in falkan ay u xiran yihiin dhowr qof, inkastoo dowladda Soomaaliya aysan faahfaahin ka bixin. Marxuum Axmed Dowlo ayaa ifka uga tagey laba xaas, 12 caruur ah, iyo aabihiis oo waayeel ah, shalay ayaana lagu aasay qabuuraha magaalada Muqdisho. Lamaane, Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar iyo Ruqiya Cabdulaahi Maxamed Lamaanaha aadka isu caashaqay ee dartood u dhacay falkan foosha xun ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar iyo Ruqiya Cabdulaahi Maxamed. PUNTLAND POST The post Nin loo gubay heybsooc guur oo lagu aasay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhbibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal dheer oo isug jiray digniin iyo talo soo jeedin ku socotay lamaanihii dartood loo dilay loona gubay Axmed Dowlo oo ahaa nin u xamaasho ilmihiisa kadib heybsooc guur. Mahad Salaad ayaa talo ahaan ugu soo jeediyey lamaanahaan inay joojiyeen ololaha ay ka wadaan warbaahinta isla markaasna ay ka shaqeeyaan sidii uu qoyskooda u noqon lahaa mid duceysan ayna u heli lahaayeen Awlaad duceysan. Haddaba halkaan hoose ka akhriso Qoraalka uu soo dhigay Bartiisa Facebook: Dhalinyarada yaan la marin habaabin! Maalmahaan waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha dhex wareegayay dhacdadii xanuunka badneed ee lagu gubay walaalkeen Ahmed Alle ha-u-naxariistee. Waxaan aad ula yaabay buunbuuninta xad dhaafka ah ee dhacdadaan xanuunka badan oo xitaa gaartay in wiilka nasabkiisa laga been sheego! Qof waliba waxaa sugeysa maalin uu Alle hor istaagi doono. Xubnaha jirkiisuna ku marqaati furi doonaan, xumaan iyo samaan wixii uu shaqeystana la horkeeni doono, abaalmarinteedana uu heli doono. Lkn lamaanahaan isdoortow talo iga dhageysta oo talo waayeel iga dhageysta: Wiilyahow waxaan talo kugu siin lahaa buundhuunintaan dhalanteedka ah inta iska dhaaftid hadii run ay kaa tahay in aad gabadha jeceshahay aadna rabto owlaad baarri ah in Eebe kaa siiyo. Sidaan kuma dhaqanto gabar hooyadeed, habaryarteed iyo abtigeed xasbi kujiraane, dhaqankaaga wax ka badal oo reer xididkaa la xaal. Dad samo jecle ah oo dhaqanka Soomaaliyeed iyo midka Islaamnimo garanaya la tasho oo xali dhibka ka dhex jira qoyskaaga iyo midka xaaskaaga. Iskana dhaaf dadkaan ku marin habaabinaya oo siyaasadeynaya dhibka qoyskaaga maslaxad kuuma haayaane. Gabaryahay waxaan ku leeyahay guri lagu nastoo lagu nagaado iyo owlaad baarri kuu ah hadaad rabto waalidkaa ka duco qaado. Dhaqanka kaa muuqdana wax ka badal. Qosol iyo warbaahin laga soo muuqadana kuuma taalee dib iskugu laabo. Sababtoo ah hooyadii sagaalka bilood caloosha kugu soo qaaday, naaskeeda kusoo nuujisay, dhabarkeeda kugu soo xanbaartay, sababna u ahayd quruxda kaa muuqata Alle ka sokow ayaa maanta xabsi u jiifta adiga daraadaa. Marka meesha ka kac oo inta marada dhexda ku xiratid isku maslax Aabe iyo Hooyo, Awoowe iyo Ayeeyo, Adeer iyo Abti, Aboowe iyo Abaayo, Seedi iyo Dumaashi. Dadka buunbuuninaya qadiyada wiilkaan iyo gabadhaan waxaan leeyahay wax xun ayaa dhacay oo dhaqanka Islaamnimo iyo midka Soomaalinibaba ka baxsan marka walaaloyaalow kuwii dhintay ee xaqdarada lagu dilay danbi ha usoo jiidinina, dhalinyaradaan iscalmadayna gurigooda ha duminina. Kala fogaansho qoyskaan dhismayana horseed ha u noqonina ee hadii aadnan wanaag kusoo kordhinayn dhibkiina kala hara. Mahadsanidiin. Hon. Mahad Salad Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Ankara (Caasimadda Online) – Amina Erdogen oo ah Marwada Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegtay in dalkeeda uu kaalinta koowaad ugu jiro howlaha gargaarka Bani aadamnimo ee Caalamka. Iyada oo ka hadlaysay Shir looga hadlayay Gargaarka Bani aadamnigada iyo dhaqaalaha ku baxa ayay soo qaadatay in dalal dhowr ah ay taageereen. “Waxaan kaalin muhiim ah ka ciyaarnay gurmadyada la siiyo dalalka u baahan in lagu caawiyo” ayay tiri Amina Erdogen. Waxa ay intaa ku dartay in ay sii wadi doonaan kaalmadooda ay ku gaarsiinayaan dadka u baahan, waxa ayna meesha ka saartay in in ay deyn ugu dhigayaan dalalka ay gacan siinayaan. Amina ayaa tiri “Waxaan Nolol iyo Cadalad u rajeynayaa Walaalaheen Soomaaliya, Yemen, Siiriya, Gaza iyo Myanmar”. Gargaarka ay dhiibayaan ayay tilmaantay in ay waajib ku tahay in ay siiyaan dadka u baahan, iyada oo intaa sii raacisay in waddooyinkii gargaarka ay sameeyeen ay ahayd tallaabo kusoo beegan tahay xiligeeda. Wadamada kale ee Caalamka ayay ku bogaadisay Marwo Amina Erdogen in ay ku daydaan Turkiga oo kaalin Muuqata ku leh dalalka kor ku xusan ee dadkooda la daalaa dhacayaan duruufaha heysta. Sanadkii tagay 2017-kii gargaar ay siiyeen 134 dal waxa ay tilmaantay in ay ka fa’ideysteen 201.5 Milyan oo qof oo ah shaqsiyaadka Mudan in ay gacan gurmad gaarto. Amina ayaa sheegtay in gargaarkaas uu dhaliyay in dadkaas jaceyl u qaadaan Dowladda Turkiga, iyagana aysan dayaci doonin dadkaas oo si lamid ah u jecel yihiin sida ay hadalka u dhigtay. Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in aan go’i doonin Gargarkooda, waxa ay raacisay in ay gaarayaan Myanmar, Marinka Gaza iyo dalal kala duwan oo Afrika ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Hargeysa (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland gaaray Sarkaalka ONLF Cabdikariim Xaaji Muuse Qalbi-dhagax. Qalbi-Dhagax ayaa markii uu gaaray Somaliland kulamo hordhac ah la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo kuwa xisbiyada mucaaradka. Cabdikariim Qalbi-dhagax ayaa noqonaaya sarkaalkii ugu horeeyay ee ONLF ah oo lagu soo dhaweeyo Hargeisa. Qalbi-dhagax ayaa hadal kooban oo uu u jeediyay dadweynaha soo dhoweeyay wuxuu ku sheegay inuu salaan uga sido dadka reer Somaliland hogaamiyaha iyo xoghayaha guud ee Jabhada ONLF. Waxa uu Qalbi-Dhagax tilmaamay in Ujeedka socdaalkiisa uu yahay sida loo balaarin lahaa ONLF iyo in socdaal kawarqab ah ay la sameeyan maamulka Somaliland, isagoo ka mahadnaqay soo dhoweynta diiran ee uu kala kulmay hargeysa. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu isaga ka danbeeyay talaabada Qalbi-Dhagax uu ku yimaaday Somalinad. Feysal waxa uu tilmaamay in wakhti badan uu galiyay sida Qalbi-Dhagax uu ku geyn lahaa Hargeysa waxa uuna cadeeyay in ujeedkiisa uu yahay in meesha laga saaro tashwiishka Somaliland iyo ONLF. “Aniga ka Feysal Cali Waraabe ahaan ayaa ka danbeeyay in Qalbi-Dhagax uu soo gaaro Somaliland, waxaa muhiim ah in la sameeyo isku soo dhawaanshi shexmarta Somaliland iyo ONLF” Sidoo kale, Feysal Cali ayaa cod dheer ku sheegay in xisbigiisa uu ka faa’iideysan doono Qalbi-Dhagax maadaama uu aad ugu wacan yahay dhinaca wax toosinta. Haddalka Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo beegmaya xili maamulkii hore ee Axmed Siilaanyo uu Ethiopia u gacan galiyay Saraakiil ka tirsanaa ONLF. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)- Dhalinyaro si iskooda isu xilqaamay ayaa kulan lagu taageerayay Mukhtaar Roobow Cali inuu isu soo taago qabashada xilka madaxweynimo ee Koofur Galbeed ku qabtay magaalada Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeybgalay dhalinyaro aqoonyahno ah oo qeybaha bulshada ka kala socda, kuwaas oo sheegay in ay kulanka kaga arinsadeen doorashada dhowaan lagu wado in ay ka dhacdo maamulka Koofur Galbeed. Prof. Shaafici oo kamid ah aqoonyahnadii kulanka ka hadashay ayaa waxaa suu heegay in uu aaminsan yahay in Mukhtaar Roobow uu yahay shakhsi isbedel dhab ah ka sameyn kara deegaanada Koofur Galbeed isla markaana uu ka codsanayo in uu isu soo taago xilkaas. “Malaaqyada, beesh caalamka iyo dhamaan shacabka reer Koonfur Galbeed waa ay garanayaan weyna ogyihiin iney muhiim tahay in la doorto qof nabad kusoo dabaali kara deeganadaas, waxaa muhiim ah in aan la khamaarin, sidaa darteed ayaan Sheekh Muqtaar Roobow uga codsanaya inuu isu soo taago xilka madaxtinimada, sidoo kale xildhibaanada waxaan ka codsanaya iney taariikh iyo xusuus ka tagaan ayuu yiri Shaafici. Dhammaan dhalinyaradii kulanka ka qeybgashay ayaa si isku mid ah u uga codsaday Sheekh Mukhtaar Roobow in uu kamid ah noqdo musharaxiinta ka qeybgali doonta tartanka doorashada madaxtinimada Koofur Galbeed Soomaaliya. Dhanka kale, kulankaas lamid ah ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, dhalinyarada magaaladaas ayaa soo agaasimay kulanka waxaana ka qeybgalay qeybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada Baydhabo. Dadkii kulanka ka hadlay ayaa Mukhtaar Roobow Cali ka codsaday in uu isu soo sharaxo madaxtinimada Koofur Galbeed isla markaana waxaa ay golaha wakiilada Koofur Galbeed ka dalbadeen in ay u daneeyaan masiirka dadka ku dhaqan gobolada maamulka Koofur Galbeed. 17ka bisha November ee sanadkan ayaa sida uu qorshuhu yahay la qaban doonaa doorashada madaxtinimada ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, kaas oo ay ku loolamayan musharxiin badan. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho caasimada@live.com
  24. Nairobi (Caasimada Online)-War ay soo saartay dowlada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay jiraan Isbitaalo ku yaala dalka oo lagu daweeyo dhaawacyada maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Warbixintaan oo aad u dheered ayaa waxaa lagu sheegay in Isbitaaladaasi uu xiriir kala dhexeeyo Al-Shabaab kaa oo ku eg daweynta Al-Shabaabka ku dhaawacma weerarada ka dhaca Kenya. Hay’adaha amaanka Kenya oo qeyb ka ah warbixinta ayaa sheegay in digniino gaara ay u dirayaan Isbitaallada ku yaalla degaannada Lamu, Tana River, iyo Garissa oo lagu hoyaadiyo dhaawacyo dhowr ah oo ay leeyihiin Al-Shabaab. Isbitaaladaasi ayaa la sheegay in ay daweeyaan dadka ka tirsan Al-Shabab ee ku dhaawacma dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Kenya. Booni Joseph Kanyiri oo ah Agaasimaha howlgalka ciidamada Keynya oo isagana la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay heleen xog ku saabsan in Isbitaallada qaar daweeyan dhawacyada Al-shabaab, xitaa qaarkood loo qaado Isbitaalo ku yaala gudaha Kenya. Booni Joseph Kanyiri, ayaa si cad u sheegay in Al-Shabaabka lagu daweyay isbitaalada kor ku xusan ay dhamaantooda ku dhaawacmeen dagaal Khamiistii lasoo dhaafay dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Al-Shabab. Sidoo kale, macluumaadkasi ayuu sheegay inay ka heleen dharcad laga hirgaliyay deegaanada ay ku yaalan Isbitaalada kor ku xusan ee lagu daweeyay Al-Shabaabka. Dhinaca kale, waxa ay dadka deegaanka ka codsadeen inay la socdaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaabka iyo dadka aan la muuq aqoon ee deegaanadooda ku cusub. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  25. Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in duufaano xoogan ay kusoo fool leeyihiin deegaanada maamulka. Axmed Muumin Seed, Wasiirka wasaarada beeraha Somaliland oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay jirto cabsi xoogan ku aadan duufaanta. Waxa uu tilmaamay in duufaanta ay wadato roobab lixaad leh oo saameyn weyn ku yeelankara inta badan deegaanada maamulka. Wasiirka waxa uu cadeeyay in duufaanta dabeysha wadata ay kusoo beegan tahay bisha soo socota ee Octoober iyo bilaha ka dambeeya, sida uu hadalka u dhigay. Roobabka duufaanta wata ayuu sidoo kale sheegay in xoogooda ay saameyn ku yeelan doonaan gobolada bariga ka ah Somaliland, waxa uuna ku baaqay in mar waliba shacabka laga doonaayo inay u diyaar garooban. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland loogu baahan yahay iney sameeyaan feejignaan dheeri ah loona baahan yahay iney wada shaqeyn dhaw la yeeshaan hay’addaa shaqada ku leh ee Somaliland. Haddalka Wasiirka Beeraha Somaliland ayaa kusoo beegmaya xili Somaliland ay horay u marti galisay roobab dabeylo watay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com