Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,575
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sheegay in Djibouti iyo Ereteriya gaadheen isfaham guud oo lagu dejinayo xaaladii adkayd ee labada wadan u dhaxaysay mudada dheer. Madaxweyne Geele oo u waramay wargeyska Al Sharqal Aawsat ee dalka Sucuudiga, wuxuu sheegay inuu isfahamka labadan wadan ka shaqeeyay boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, oo uu sheegay inuu sidoo kale sabab u ahaa heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya. “Waanu soo dhawaynaynaa heshiiska oo bilow u noqonaya aasaaska isfaham iyo nabad waarta oo labada wadan ka dhex dhalata oo boggii colaadaha ee labada wadan bedela. Waanu taageersanahay waanan bogaadinaynaa bilowga uu sameeyay boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis.” ayuu yidhi, madaxweyne Geele, waxaanu intaas raaciyay. “Waxaanu sidoo kale qirsanahay in dedaalkan deeqsinimada leh ee Sucuudi Carabiya aanu ahayn oo keliya balanqaad uu ku caawinayo nabadda iyo degenaanshaha Geeska Afrika, ee laakiin uu sababay in nabad waarta laga dhex dhaliyo wadamada Itoobiya iyo Ereteriya oo si caalami ah faa’iido u leh, taas oo xaqiijinaysa in boqortoyada Sucuudigu ka mid tahay tiirarka nabadda, ammaanka iyo degenaanshaha gobalka iyo dunidaba.” Mar la weydiiyay mustaqbalka xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya, wuxuu yidhi “Xidhiidhka labada wadan wuu xumaa tobankii sanno ee u dambeeyay, laakiin hadda waxaanu galnay wanaajinta xidhiidhka oo ah wejiga koowaad, oo aanu uga mahadcelinayno Sucuudiga iyo dalalka kale ee gobalka.” Madaxweyne Geele, wuxuu sheegay in labada dal oo heshiis gaadhaa ay wax weyn ka tarayso degenaanshaha gobalka, waxaanu yidhi, “In wanaag lagu shaqeeyo iyo rabitaan dhab ahi si loo gaadho heshiis lagu dejiyo is af-garan waaga u dhexeeya labada dal, wuxuu jidka u xaadhi doonaa nabadgelyo balaadhan, degenaansho labada wadan iyo gobalkba ah.” Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Ucid, Eng Feysal Cali Waraabe oo magaalada Hargeysa ay ku kulmeen Sarkaalka ONLF C/kariin Qalbi-Dhagax ayaa sheegay in Somaliland ay u maamuustay si ku haboon. Feysal Waraabe, waxa uu sheegay in kulanka magaalada Hargeysa ku dhexmaray isaga iyo Qalbi-Dhagax uu ahaa mid ay kusoo koobeen dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa. Feysal Waraabe, waxa uu sheegay inuusan horay u arag qof ka mowqif adag Qalbi-Dhagax, waxa uuna tilmaamay inay ka go’an tahay sida Somalia leysugu soo celin la’aan. “Qalbi-Dhagax waxa uu aad uga dulqaad badan yahay Soomaalida kale waayo waxa uu u istaagay in Soomaalida ay wada nooladan iyadoo aan leys faquuqin ama lagu wada noolan kala fogaansho” “Inta aan wada hadleynay Qalbi-Dhagax waxa uu hadalkiisa u badnaa in laga heshiiyo khilaafyada ka dhex jira dowlada Somalia iyo Somaliland, dabcan anagu ma diidanin in lagu wada noolaado derisnimo” Feysal waxa uu tilmaamay in Qalbi-Dhagax, uu ka xaqiijiyay inuu u istaagayo sida Somalia leysugu soo dhaweyn lahaa isla markaana uu ka bilaabi doono Somalia iyo Somaliland. “Anagu waanu soo dhaweyneynaa in meesha laga saaro waxyaabaha khilaafka dhaliyay, adduunka waxa ay wada dhaqmaan iyagoo aan isku calool fiyooben hadana isma qabtaan, marka waan soo dhaweynayaa dadaalkiisa” Sidoo kale, Feysal Cali waxa uu arrin aad u fool xun ku sheegay talaabadii ay dowlada Somalia markii hore ku dhiibtay Qalbi-Dhagax, waxa uuna carab ***** in dhiibitaankiisa uu ahaa mid albaabo kheyr qaba u furay. Dadka ku lug lahaa dhibaatooyinka uu soo maray Qalbi-Dhagax ayuu ugu baaqay inay ka dhaqaan Sarkaalka wallow uusan sheegin cid gaar ah. Si kastaba kulanka Feysal Cali Waraabe iyo Qalbi-Dhagax oo ahaa xog wareysi ayaa waxa uu kusoo dhamaaday in ahmiyada lasiiyo sida ay Soomaalidu ugu wada noolaan laheyd nabad iyo colaad la’aan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Garyaqaan Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame, oo wareysi dhinacyo kale duwan taabanaya siiyay Goobjoog News ayaa kaga warramay arrimo quseeya siyaasadda dalka. Marka ugu horreeysa waxaan wax ka weydiinnay bal inuu ka warbixiyo arrimaha maalmahani la isla dhexmarayo oo ku aaddan baaqashada madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee shirkii Qaramada Madoobe kaasoo madaxweynuhu uu ka baaqsanayo sanadkii labaad. Abuukaate Cabdiwaaxid ayaa qaba aragtida ah in madaxweyne Farmaajo inuu ka baaqdo shirkaasi ay Soomaaliya oo uu matalo ceeb ay ku tahay. Waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha la xiriira dhalashada Shisheeye oo madaxda dalka, wasiirro iyo xildhibaanno ay maanta heystaan. Garyaqaanka ayaa sheegay in ay muhiim ahaan lahayd, in madaxdu ay ka tanaasulaan dhalashooyinkaasi iyagoo qiimeyn iyo qaddarin gaar ah siinaya shacabka Soomaaliyeed. Dhanka kale, Abuukaate Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo Goobjoog News ay wax ka weydiisay khilaafka siyaasadeed ee weli ka dhex taagan xukuumadda Muqdisho iyo dowladaha afarta ah sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland ayaa daboolka ka qaaday in madaxda u sarreeysa Villa Somalia aynaan aaminsanayn nidaamka federalism-ka. Waxa uu ku eedeeyay Madaxtooyada in ay iyadu ay isku heysato golihii sharci dejinta ee aqalka hoose iyo xukuumaddiiba taasna ay meesha ka saarayso in uu dhaco isla xisaabtan dhab ah. Wasiirka koowaad ee xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayuu ku eedeeyay inuu noqday nin isku heyn waayay nidaamka federaalismka ee maamullada ay ku dhisan yihiin. Abuukaate Cabdiwaaxid, ayaa horay uga soo shaqeeyay wasaaradda beeraha iyo xeer ilaalinta dowladdii dhexe ee dalka soo martay, waxaana hadda uu ka shaqeeyaa xafiiska xeer ilaalinta gobolka Ohio ee dalka Maraykanka. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhammeystiran: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GARYAQAAN-CABDIWAAXID-26-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Hirshabeelle ayaa xilkii guddoomiyenimo ka xayuubisay guddoomiyihii maamulka degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Kaddib digreegto kasoo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, ayaa waxaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii degmada Warshiikh mudane Axmed Xuseen Axmed (Shiidka). Isla wareegtada ka soo baxday wasiir daakhiliga Hirshabeelle Caadle ayaa lagu xusay in xilkaasi guddoomiyaha degmada Warshiikh loo magacaabay Cumar Maxamed Cumar. Magaalada Warshiikh ee Shabeellaha Dhexe ayaa kamid ah magaalooyinka dhaca xeebaha dalka oo haddii ay hesho dhisme fiican, kamid noqon karta goobaha loo dalxiiska tago. HOOS KA AKHRISO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. NAIROBI (Reuters) - The World Bank has approved $80 million in grants to Somalia to fund public finance reforms, marking the first disbursement to the government of the conflict-ridden country in 30 years, the bank said. Source: Hiiraan Online
  6. Madaxweynaha dowladda Jubbaland ee Soomaaliya, Mudane Axmed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta kormeer ku gaaray degaanka Baar-sanguuni oo dhawr bilood ka hor ciidanka Jubbaland, kuwa xoogga dalka iyo AMISOM ay kala wareegeen Xarakada Alshabaab. Axmed Madoobe ayaa u kuurgalay howlgallada ay wadaan ciidanka Jubbaland ee aaggaasi ku sugan isagoo sidoo kale dhex lugeeyay xeryaha ciidanka ay ku leeyihiin degaanka. Ciidamada ayuu faray madaxweyne Axmed Islaam in ay ka shaqeeyaan sidii ay dib ugu soo guryo noqon lahaayeen dadkii shacabka ahaa ee ku barakacay dagaalladaasi dhowaan halkaas ka dhacay, isgaoo intaas ku daray in Alshabaab ay ka saaraan guud ahaan gobollada Jubbooyinka. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu halkan u yimid si uu waqti ula qaato ciidamada, uuna arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag uu ka muuqdo. Deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 45 KM u jira magaalada Kismaayo ayaa qabsashadii ciidanka huwanta ah kaddib waxaa dhacayay weerarro ay Alshabaab ku qaadayeen degaanka. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Mid kamid ah Hotelka lacagta ugu badan lagu seexdo ee ku yaal Magaalada Muqdisho ayaa la dajiyey Labadii Lamaane oo dartood loo dilay loona gubay Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Dowlo. Dowladda Soomaaliya ayaa dajisay lamaanahaan Hotel lagu seexdo habeenkii inta u dhaxeyso 100-150 Dollar. Sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Labadaan Lamaane ayaa loo dhigayaa aroos cusub oo ku celis ah waxayna todobada uga bixi doonaan Hotelkaas. Lama sheegin ciddda sida gaarka ah u bixineysa kharashkan, waxaase hore u balanqaaday madaxtooyada Soomaaliya, sida uu sheegay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada. Labadaan Lamaane ayaa waxaa daraarood loo dilay nin Adeer u ahaa wiilka gabadha guusaday kaasoo lagu magacaabi jiray Axmed Dowlo waxaana dil naxariis darro ah u geystay qoyska Gabadha uu guursaday. Dadkii ka dambeeyey dilka ayaa waxay ku jiraan gacanta dowladda waxaana la rajeenayaa in dhawaan lasoo taago Maxkamad si looga abaalmariyo dambigii ay geysteen inkastoo ay socdaan olole lagu doonayo in arrintaas looga hortago. Labadaan Lamaane ayaa asbuucaan qabsaday Baraha Bulshada iyo dhammaan Saxaafadda, wuxuuna kiiskaan noqday midkii ugu naxdinta badnaa ee ku saabsan heybsooc Guur . Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  8. Qalbi Dhagax iyo Guddoonka gollaha wakiillada Somaliland ayaa maanta ku kulmay magaalada Hargaysa. Cabdikariin Qalbidhagax oo maanta booqday xarunta baarlamaanka Somaliland ayaa waxaa uu Somaliland ugu baaqay inay ka qayb-qaadato dib u heshiisiinta dadka soomaaliyeed. Qalbi Dhagax ayaa la kulmay golaha sharci dejinta ee Somaliland gaar ahaan gollaha wakiillada. Kulanka kaddib ayaa saxaafadda waxaa si wadajir ah ula hadlay guddoomiyaha gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-BAASHE-IYO-QALBI-DHAGAX-26-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo maanta ka hadlayay kulankoodii gollaha shacabka baarlamaanka federaalka kaasoo u baaqday kooram la’aan ayaa ka hadlay hab dhaqanka guddoonka gollahaasi. Wuxuu sheegay xildhibaanku in ay qalad tahay iyadoo guddoomiyihii gollaha shacabka mudane Maxamed Mursal uu xaadir ku yahay madasha inuu xildhibaannada cannaanto guddoomiye xigeenkiisa koowaad. Xildhibaanka ka tirsan gollaha shacabka Shariif Cabdalla ayaa su’aal galiyay sababta arrintaas keentay, isagoo sheegay in guddoomiye xigeen uu xildhibaannada la hadli karo marka guddoomiyaha uu maqan yahay. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/CODKA-XIL-SHARIIF-CABDALLA-26-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. NAIROBI (HOL) - A roadside bomb blast hit a convoy of Kenyan military on Wednesday, leaving several soldiers injured, officials say. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ay ku bixisay dib u soo celinta kalsoonida beesha Caalamka ee ku aaddan hufnaanta hay’adaha maaliyadda dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha iskaashiga wada jirka ah ee Soomaaliya iyo Golaha Bangiga Adduunka (2019-2022) uu ka tarjumayo horumarka Xukuumadda Soomaaliya ay ka sameeysay dib-u-habeeynta laamaha maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadista ilaha dakhliga dalka. “Barnaamijyada ay ansixiyeen Golaha Bangiga Adduunka ee ku saabsan maalgelinta adeegyada asaasiga ah, dhammaystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista fursadaha shaqo waxa ay dhiirrigelin u yihiin qorsheyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in fulinta barnaamijyadaas horumarineed lagu jaan gooyo baahiyaha shacabka, gaar ahaan kobcinta ganacsiga dadka dan yarta ah, kor u qaadista fursadaha waxbarashada, yareynta saboolnimada iyo shaqo la’aanta ka jirta dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Golaha Maamulka ee Bangiga Adduunka (WBG) iyo Hay’adda lacagta (IMF) sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysanayaan qorsheyaasha ku saabsan hirgelinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Barnaamijka iskaashiga wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka ayaa salka ku haya kor u qaadista dakhliga, dhisidda awoodda Dowladaha Hoose, kobcinta adeeggyada asaasiga ah ee bulshada, horumarinta ganacsiga iyo taabbo gelinta maalgashi horseeda in si xawli ah dib loogu dhiso dalka. –DHAMMAAD–
  12. BOSSASO (HOL) – A military court in northeastern Somalia has sentenced three men to death by firing squad, after they were found guilty of joining an armed group affiliated with Islamic State group (IS) and al-Shabab group respectively. Source: Hiiraan Online
  13. Bosaso (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaaalada Garoowe lagu dhaawacay mid kamid ah Nabadoonada maamulka kuwooda ugu caansan. Nabadoonka ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay dhaawaceen ciidamouu watay Taliyihii hore ee Qeyb Booliska Puntland Faarax Warsame. Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray nabadoon Haariye ayaa dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha dhexe ee jirta, sida ay sheegen dad goobjoogayaal ahaa. Ciidamada ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen dhaawaca Nabadoonka kadib, waxa ayna dadka qaar soo warinayaan in qorshaha uu ahaa mid lagu khaarijin lahaa Nabadoonka. Cali Salaad oo ah Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay ku raad joogan dadkii falkaasi gaystay oo aan gacan lagu heyn. Waxaa uu tilmaamay Gudoomiyuhu in dhaawac uu soo gaaray Nabadoonka, islamarkaasna lagu dabiibayo cisbitaalada ku yaala magaalada Garoowe. Si kastaba ha ahaatee, dhaawaca Nabadoonka ayaa kusoo beegmaya xili maalmo un ka hor Ilaalada Madaxtooyada Puntland ay toogteen Nabadoon isna caan ahaa. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  14. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe], ayaa maanta booqday deegaanka Baar-sanguuni oo dhawr bilood ka hor laga saaray ururka Al-shabaab. Madaxweynaha Jubbaland, ayaa kormeeray deegaanka iyo meelaha ku dhaw oo ay ciidamada Jubbaland ka wadaan hawl-gallada kukla halday ciidamada, isagoo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan sidii isku socodka Dadweynahu u noqon lahaayeen kuwo wanaagsan, ayna Al-shabaab ka saaraan Goobaha ay weli kaga sugan yihiin Gobollada Jubbooyinka. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu halkan u yimid si uu waqti ula qaato ciidamada maamulkiisa, una arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag iyo mooraal wanaagsan uu ka muuqdo. Kooxda Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox argagaxiso ah ayuu sheegay in lagaga guulaysan karo dagaallada haddii weerar midaysan lagu qaado, isagoo intaas ku daray inaysan jirin awood ay leeyihiin. Deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50-km dhaka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa dhawr jeer ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab. Ugu dambeyn, Deegaanka ayaa waxaa sannadkan lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Mareykanka ee Somalia ku sugan, kuwaasoo halkaas u tagay inay ka fuliyaan weerar ka dhan ah Al-shababa. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubaland iyo xubno saraakiil ah oo Maanta booqday Baar-sanguuni appeared first on Puntland Post.
  15. Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday fariisimaha ay Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose. Hogaamiyuhu wuxuu booqday deegaanka Baar-sanguuni Halkaas oo dhowr bilood ka hor laga saaray maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo muddo heystay. Hogaamiyaha ayaa kormeeray deegaanka iyo meelaha ku dhow oo ay Ciidamada Darawiishta Jubbaland ka wadaan howlgalo sifayn ah isagoo kala hadlay in la dardar galiyo sidii isku socodka dadweynahu u noqon lahaa mid wanaagsan iyadoo Al-Shabaab laga saarayo deeganada ay wali ku Suganyihiin. Hogaamiyuhu wuxuu sheegay in uu halkan u yimid si uu waqti ula qaato Ciidamada una arko duruufta ay ku shaqaynayaan wuxuu xusay in niyad wanaag iyo mooraal wanaagsan uu ka muuqdo. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa fariisimaha kusoo arkay ciidamo diyaarsan oo xiligaasi ku guda jiray howlahooda shaqo. Ciidamada uu Axmed Madoobe kusoo arkay fariisimaha qaar ayaa ku jiray heegan buuxa oo ay uga gaashamanayeen Al-Shabaab. Shabaab, ayuu sheegay in lagaga guulaysan karo in weerar midaysan lagu qaado taas oo meesha ka saaraysa in ay isku gurmadaan.
  16. Bosaaso (Caasimadda Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaq Militari oo xoog leh oo ay ka wadaan qeyb kamid ah deegaanada Maamulka Puntland. Qeybo kamid ah Buuraha Galgala ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ay wadaan ciidamo loo malaeenayo inay Shabaab ka tirsanayeen kuwaas oo indha duubtay. Lama ogo illaa hadda ujeedada ka dambeyso dhaqdhaqaaqaas iyo ujeedada ka dambeyso waxayna arrintaan kusoo aadeysaa kadib hadalkii dooda badan dhaliyey ee uu Cabdiweli Gaas sheegay, ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab u sheegay inay ka yimaadeen Baay iyo Bakool. Hadalka uu jeediyey Cabdiweli Gaas ayaa ahaa: “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.” Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo la hadlay Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijiyey inay arkeyn ciidamo aad u badan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo u eg inay yihiin weerar. Al-Shabaab ayaa muddo badan ku jiro Buurahaas waxayna dhawr jeer dagaalameyn ciidamada Maamulka Puntland oo weli ku guuleysan la’ inay buurahaas ka saaraan Al-Shabaab. Ururkaan ayaa dhawr jeer weerar kusoo qaaday Saldhigyo ay ciidamada Puntland meelahaas ku leeyihiin waxaana mararka qaad u suurtagasho inay gacanta ku dhigaan. Sidoo kale waxaa Magaalada Boosaaso maalmihii dambe kusoo badanayey dilalka ay geysanayaan kooxo hubeysan oo aan la garaneyn inay ka tirsan Yihiin Shabaab ama Daacish waxaana ugu dambeysay dilkii maalmo ka hor loogu geystay laba ka tirsan ilalaalada Cabdiweli Gaas oo aan waqtigaas ka fogeyn halka uu dilka ka dhacayey. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  17. NAIROBI (HOL)– Kenyan majority leader criticized Somali government and regional for engaging in an ‘unfavorable’ political crisis, urging willingness in enabling progress towards ending the crisis pitting the central government and regional states. Source: Hiiraan Online
  18. NAIROBI – Kenyan majority leader criticized Somali government and regional for engaging in an ‘unfavorable’ political crisis, urging willingness in enabling progress towards ending the crisis pitting the central government and regional states. Source: Hiiraan Online
  19. Hargeysa (Caasimada Online)-Sarkaalka ONLF Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi dhagax) oo weli ku sugan magaalada Hargeysa ayaa maanta kulan la qaaray qaar kamid ah madaxa ugu sareysa baarlamaanka maamulka Somaliland. Qalbi-Dhagax, ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan dhinacyada xalka waara u raadinaaya Somalia. Qalbi-Dhagax, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in Somaliland ay kaalin weyn ka cayaarto dib-u-heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed oo ku kala tagay colaadihii laga soo gudbay. Waxa uu Qalbi-Dhagax sheegay in loo baahanyahay in madaxda Somaliland ay ka shaqeeyan sidii loo heshiisiin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay dhibaatooyinka ka jiraan ee mandiqada Geeska Afrika, sida uu haddalka u dhigay. Nuqul kamid ahaa haddalka Qalbi-Dhagax ayaa ahaa “Somaliland waa inay ka qeyb qaadataa daminta colaada iyo nabadeynta Umadda Soomaaliyeed ee dhiban meelkasta oo ay joogaan” “Waanu la socnaa Somaliland waa dad jecel in horumar la gaaro oo Soomaalidu nabad ahaato balse waxaa la doonayaa in wixii karaankooda ah ay la qabtaan Soomaalida kale” Waxa uu tilmaamay inay muhiim tahay in Soomaalidu ay qudhooda wax qabsato waxa uuna arrin muhiima ku tilmaamay in isha lagu hayo arrimaha nabad gelyada iyo horumarka inta xalka laga gaarayo. Waxa uu sheegay in Somalia ay kasoo bogsaneyso dhibaatooyinkii ragaadiyay dhan waliba, hase yeeshee waxa uu ku baaqay in culeyska la saaro arrimaha siyaasada ee ka jira mandiqada Geeska Afrika. Sidoo kale, waxaa aad u adkaan doonta in Somaliland oo siyaasad ahaan iska fogeyso Soomaalida kale ay dhaqan galiso dalabka ka qeybqaadashada dib u heshiisiinta Soomaalida. Si kastaba ha ahaatee, Qalbi-Dhagax ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu kusii nagan doono magaalada Hargeysa, waxaana u harsan la kulanka Hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (PP) ─ Iyadoo maalihii u dambeeyay la isla dhex-marayay hadallo kala duwan oo ku aaddan baaqashada Madaxweyne Farmaajo uu ka baaqday markii labaad shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Somalia wuxuu sharraxaad ka bixiyay sababta keentay in madaxweyne Farmaajo uu ka baaqdo shirka QM ee New York ka socda. Wasiir Axmed Ciise Cawad oo shirka ku matalaya Somaila, ayaa BBC-da u sheegay in madaxweynaha uu u kala hormariyo hawlaha u yaalla sida ay u kala muhiimsan yihiin. ”In madaxweynaha uu shirka ka baaqdo khasab ma aha inay sabab yeelato, balse waxay noqon kartaa inuu arrimo ka muhiimsan tagitaankiisa New York waqtigan la joogo ay jiraan, marka in la’is-weydiiyo oo lala yaabo ma aha. Madaxweynaha ayaa qiimeeya sida ay u kala horreeyaan, una kala muhiimsan yihiin hawlaha uu qabanaayo, waana dhaqan adduunka ka jira, wax Somalia kaliya u gaar ah ma ahan,” ayuu yiri Wasiir Cawad. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in sannadkan ay sidoo kale shirkan guud ka maqan yihiin madaxda dalalka dariska la ah Somalia iyo kuwa kale, sida Itoobiya, Eritrea, Jabuuti iyo Suudaan, kuwaasoo uu sheegay inay shirkan ku matalayaan wasiirradooda arrimaha dibadda. Dhanka kale, Ddadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in tani ay u baahan tahay fasiraad dheeraad ah, waxaana aqoonyahanka ka hadlay ka mid ah; Dr Ibrahim Bursalid oo BBC-da u sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo loo sababayn karo arrintan. ”Walow aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa in madaxweynaha Somalia uusan aadin shirkan muhiimka ah markii labaad, waxaan la ogeyn inay ka tahay biseyl siyaasadeed iyo Quud-darreyn ku aaddan dhalashadiisa Mareykanka,” ayuu yiri Dr. Bursaliid. Dr. Cabdiwahaab Sh. C/samad oo isna ka faalooda arrimaha caalamka ayaa dhankiisa qaba in labo mid uun ay tahay, kuwaasoo uu ku kala sheegay. ”In madaxweynaha uu waayay wax uu la hor-tago shirkan, maadaama Amniga dalka aan horumar laga samaynin, Dowlad-goboleedyadana ay is khilaafsan yihiin. Waxaa laga yabaa inuu is- leeyahay tan xalli, kaddibna shirarka xiga ee Qaramada Midoobay ka qayb-gal, adigoo haysta wax cad oo muuqda. Waxaa kaloo suurta gal in uusan dooneyn inuu wareejiyo baasaboorkiisa Mareykanka madaama waqti yar ay u hartay uusanna hubin inuu mar labaad soo laaban doono iyo in kale.” ayuu yiri Dr. C/wahaab Sheekh. Laakiinse, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Axmed Cawad ayaa sheegay inaysan jirin wararkaas oo dhan, dadka siyaasadda falanqeeyana ay fiicnaan lahayd shaqo kale inay ku mashquulaan. ”Farmaajo madaxweyne Mareykan ma ahan, waa madaxweynaha Somalia. Xeel dheerayaasha sheegaaya in labo madaxweyne oo Mareykan aysan hal mar wada joogi karin Mareykanka waa kuwa aan aad u xeeldheereyn, madaxweynuhu waa uu imaan karaa Mareykanka laakiin go’aanka isaga ayaa leh, mana haboonna in la yiraahdo maxaad u tagi waysay,” ayuu mar kale yiri wasiirka. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan sheegay in sababta uu shirka Qaramada Midoobay uga Qayb-gali waayay ay tahay maadaama uu ku mashquulsan yahay xallinta khilaafka maamul goboleedka Galmudug, balse masaalix badan oo hadii madaxweynaha uu tago shirkaasi u hirgali lahaa Somalia ayaa u muuqda hadda in ay meesha ka bexeen. PUNTLAND POST The post Sababta Madaxweyne Farmaajo ka baajisay Shirka Golaha Guud ee QM oo la Shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  21. Qaar kamid ah haweenka beesha West Burco Clan ee ku nool magaalada Ceerigaabo ayaa sheegay in xukuumadda Muuse Biixi ay beegsi ku hayso ragoooda,waxaana ay taageero buuxda u muujiyeen jabhadda u hoggaamiyo Korneyl Caarre ee ku sugan qeybo kamid ah gobolkaasi. Haweenkan oo hengel cas(Asay)madaxa ku xidhay ayaa sheegay in maamulka Muuse Biixi uu dagaal qaawan ku qaaday beesha West Burco Clan,islamarkaana uu amar ku bixiyay in la laayo saraakiil ciidan oo ka soo jeeda beesha,kuwaasoo horay uga goostay militariga Somaliland,kuna biiray jabhadda uu hoggaamiyo Korneyl Caarre ee la baxday”Xoreynta Somaliland”. Haweenku waxay intaas ku dareen in ilaa lix kun oo dhalinyaro ka baxday gobolka Sanaag ay ku biireen jabadda Caarre kadib markii ay u dulqaadan waayeen dulmiga joogtada ah ee maamulka Muuse Biixi ku hayo beesha West Burco Clan,sida ay hadalka u dhigeen. Sidoo kale waxay sheegeen in ay taageero buuxda u yihiin raga beeshaas u dhashay ee duurka u galay dagaalka ka dhanka ah xukuumadda Muuse Biixi,maadaama looga garaabi waayay caddaalad-darrada iyo dulmiga ay tirsanayan. PUNTLAND POST The post Ceerigaabo: waxaanu taageersannahay jabhadda Caarre appeared first on Puntland Post.
  22. Jeddah (Caasimada Online) – Jaranjaradii Maxamed Bin Salman uu koray si uu noqdo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga ayaa hogaamisay cadow badan oo uu ku yeesho gudaha iyo dibedda dalkaas. Go’aanka 32 jirkan ayaa qalalaase ka dhex abuurtay gudaha boqortooyada waxaana hadda shaki badan uu ku jiraa amnigiisa, sida uu shaaca ka qaaday Bruce Riedel oo ah agaasimada Mashruuca Sirdoonka ee Machadka Brookings. Warraka ayaa sheegaya in Maxamed bin Salman uu ka war-hayo in amnigiisa halis uu ku jiro. “Isaga oo amnigiisa u cabsanaya, ayaa dhaxal-sugaha waxa uu habeenno badan ku hoydaa doontiisa raaxada ee laga bixiyey nus bilyanka dollar, taasi oo taalla xeebta Jeddah” ayuu Riedel ku qoray wargeyska Al-Monitor. “Waa doon uu ku raaxeysto, balse sidoo kale waa doon uu ku baxsado oo uu ku dhuunto” ayuu yiri Riedel. Xariga uu Bin Salman sanaddii tagtay kula kacay xubnaha ka midka ah qoyska boqortooyada oo uu ku eedeeyey musuq-maasuq, ayaa ahaa qaladkii ugu weynaa ee uu sameeyo, sida uu sheegay Ridel. Waxay tani cadow badan uga abuurtay gudaha, waxayna dadkii maal-gashiga damacsanaa ee dibedda ku beertay cabsi xooggan. Dadka la xiray ayaa waxaa ka mid ahaa amiir Mutaib bin Abdullah, oo ahaa taliyaha ciidamada ilaalada qaranka Sacuudiga, taasi oo ka careysiiyey xubno badan oo qoyska boqortooyada ka mid ah, kuwaasi oo iminka uu iska ilaalinayo. Salman ayaa sii ahaan doono dhaxal-sugaha inta aabihiis nool yahay, hase yeeshee haddii aabihiis dhinto ayaa waxaa aad looga cabsi qabaa in qalalaase uu ka dhex qarxo boqortooyada, islamarkaana magacaabista boqorka cusub ay noqon doonto mid dhiig uu ku daato. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  23. NAIROBI (Caasimada Online)–Kenyan police soldiers on board have come under an ambush attack by Al Shabaab, following roadside bomb explosion in the coastal town of Lamu. The blast hit police vehicle carrying soldiers near Yad area in Lamu town as heavily armed militants launched an ambush attack on soldiers, a witness said. The attack triggered a brief clash between Kenyan police soldiers and Al Shabaab fighters armed with RPGs and machine-guns. Kenyan police says its soldiers had repulsed the militants’ surprise attack, saying heavy loses had inflicted upon the group’s fighters. The group’s media aired that several Kenyan police soldiers had left dead in the attack in Lamu. “We have killed scores of soldiers following bomb explosion hit police vehicle, then, our fighters started shooting at soldiers”, the group said. It remains unclear the exact number of soldiers or militants were killed in the attack. The Islamist militant group in Somalia has also claimed to have carried out massive attack on Kenyan military army camp in the coastal town of Lamu, killing at least ten soldiers. Al Shabaab said its fighters had also captured 3 soldiers alive during the raid. The group vowed to rump its attacks against Kenyan forces in northeastern region, until Nairobi withdraws its forces under Afran Union peaceeping force from Somalia. Kenya says it has suffered since their arrival in Somalia in 2011 – but, adding, it will not affect its mission and will only strengthen their resolve to achieve regional peace. Kenya contributes about 4,000 troops to the 22,000-strong African Union force in Somalia, battling against Al Shabaab. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
  24. New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah ka baaqday ka qeyb galka Shirka Golaha Guud Qaramada Midoobey ee ka dhacaya magaalada New York. Sanadkii hore ayaa waxaa Soomaaliya shirkaas u matalay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre halka sanadkaan loo diray Wasiirka Arrimaha Debadda Axmed Ciise Cawad. Waxaa kasoo baxay baaqashada madaxweynaha Shirka Qaramada Midoobay warar is khilaaf oo kala duwan. Haddaba Wasaaradda Arrimaha Debadda Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisay sababta uu madaxweynaha kulankaas uga baaqday. Wasiirka Arrimaha Debadda Cawad oo wareysi siiyey Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay inuu Madaxweynaha kulankaas uga baaqday iyadoo la qiimeenayo sida ay shaqooyinka u kala horeeyaan. ”In madaxweynaha uu shirka ka baaqdo qasab ma ahan inay sabab yeelato, laakin waxay noqon kartaa inuu arrimo ka muhiimsan tagitaankiisa New York waqtigan la joogo ay jiraan, marka in la’is weydiiyo oo lala yaabo ma’aha” ayuu yiri Cawad. Wuxuu kusii daray “Madaxweynaha ayaa qiimeeya sida ay u kala horreeyaan, una kala muhiimsan yihiin howlaha uu qabanaayo, waana dhaqan adduunka ka jira, wax Soomaaliya kaliya u gaar ah ma aha”. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
  25. Baydhabo (Caasimadda Online) – Mid kamid ah Musharixiinta uu sida weyn loolanka ugala kulmi doono Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koonfur Galbeed uga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Maamulkaas. Maxamed Aadan Fargeeti ayaa Maanta is rasmi ah u shaaaciyey inuu yahay musharax u taagan Xilkaas isla markaasna wuxuu dadweynihii kasoo qeybgalay xafladda u ballan qaaday iyo kuwa Koonfur Galbeed dhammaantood inuu isbadal deg deg ah u sameyn doono Deegaanada uu taliyo maamulkaas. Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Maamulka Koonfur Galbeed, iyo ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Fargeeti oo halkaas khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday sida uu rabo inuu ka dhigo Deegaanada Koonfur Galbeed haddii loo doorto xilkaas. Fargeeti ayaa waxyaabaha uu u qaban doono Koonfur Galbeed doorashadiisa kadib kusoo koobay: 1) Amni: Wuxuu sheegay inuu deegaanada Koonfur Galbeed ka dhigi doono meel amni ah kana maran Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato xoog leh ku heyso deegaanadaas. 2) Cadaalad: Fargeeti ayaa ballan qaaday inuu si siman ugu cadaalad sameyn doono dhammaan qeybaha kala duwan ee Bulshada Koonfur Galbeed. 3) Horumar: Fargeet ayaa shaaciyey inuu xoogga saari doono horumarka deegaanada Koonfur Galbeed isla markaasna wuxuu ballan qaaday inuu wax badan ka badali doono dayacaadda ka muuqato deegaanadaas. 4) Maamul Wanaag: Wuxuu Fargeeti khudbadiisa ku sheegay inuu deegaanadaas ka hirgeli doono Maamul wanaag iyo in xooga la saaro sidii ay iskula shaqeyn lahaayeen shacabka iyo dowladda. Fargeeti ayaa ugu dambeyn ka hadlay shaqooyinka uu qaban doono Maamulka maamulka qabto kuwa dhow iyo kuwa mustaqbalka ah wuxuu u kala qaaday: Hiigsiga: 1) Nabadda, Cadaaladda iyo dhisidda Hey’adaha Dowliga ah. 2) Abuuridda shaqo iyo kobcinta Dhaqaalaha. 3) Tayeynta Ciidamada iyo la dagaalanka nabad diidka. 4) Furitaanka waddooyinka hoos timaado Maamulka Koonfur Galbeed. hiigsiga qaabka loo marayo: 1) Dhisid dowladda si dhow ula shaqeyso Dowladda Dhexe 2) Dhiiragelinta Maalgashiga Hey’adaha Caalamiga ah 3) Xoog saaridda Amniga iyo adeegyada Bulshada 4) Dib u dajinta qaxootiga iyo shaqo abuurid 5) Fiirinta Siyaabaha Hababka Hal abuurka ah si loo ballaariyo Ilaha Biyaha. Halkaan hoose ka daawo Sawirada Xafladdii weyneyd ee Maanta ka dhacday Baydhabo