-
Content Count
206,575 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu maanta ka dhacayo kulan ay yeelanayaan Xildhibaanada Hirshabeelle. Xildhibaanada ayaa kulankooda waxa ay ku soo bandhigayaan mooshin ay ka wadaa xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle madaxweyne Waare. Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu ku guuldareystay howlihii loo doortay islamarkaasina uu xarun ka dhigtay Muqdisho. Xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinka Madaxweyne Waare ay u gudbinayaan maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed. Madaxweyne Waare ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Jowhar: Xildhibaano wada mooshin ka dhan ah Waare appeared first on Puntland Post.
-
Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka war sugto guddiga aqalka sare u diray Galmudug. Waxa ay sheegeen in madaxweynaha uu ku degdegay u yeerista madaxda Galmudug, loona baahan yahay in warbixin ka sugo xubnaha aqalka sare. Aqoonyahannada ayaa sidoo kale sheegay in aqalka sare xubnaha ka socday ee aaday Galmudug ay wax badan ogyihiin, ayna yihiin kuwa kaliya ee wax xallin kara. Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho isugu yeeray madaxda Galmudug si loo xalliyo khilaafkooda, hase ahaatee waxaa ka horyimid madaxweyne Xaaf. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/War-Faadumo-Sheekh-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Soomaali badan oo qaxooti ku ah xeryaha qaxooti ee Kenya ayaa xilligan ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Qaar ka mid ah dadkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in markii la xirey xerada IFO 2 ay la kulmeen dhibaato badan, islamarkaana xilligan aanay helin kaalmadii loo baahnaa. Waxa ay ku baaqeen in loo gurmado haddii ay ahaan lahayd hay’adaha samofalka ah iyo sidoo kale dowladda Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GOOBJOOG-WARBAXINTA-XALADA-NOLOOSHA-XERYAHA-DHADHAAB-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow saaka ah ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Qaraxa ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada maamulka. Qaraxa ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo gudaha Magaalada ka howlgalaayay . Ciidamada AMISOM ayaa furay rasaasta ugu badan Qaraxa kadib waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaya in Qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay ciidamada, iyadoo markii uu dhacay kadib ay halkaasi gaaren gaadiidka gurmadka oo qaaday dad la kulmay Qaraxa iyo rasaasta. Dadka ay waxyeeladu gaartay ayaa la sheegay inay kamid yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM kuwa Jabuuti iyo dad xiliga Qaraxa lugeynaayay goobta. Si dhaba looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco kulan dhexmarayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya iyo dhamaan taliyaasha ciidamada iyo guddiga Difaaca . Guddiga difaaca ayaa u yeeray Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xasan Cali iyo taliyaasha ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Xoghayaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in kala hadli doonaan wasiirka iyo taliyaasha arimaha la xariira dhibaatooyinka ciidamada dowlada ay geystaan. Guddiga ayaa sheegay in ay soo laa laabteen dhibaatooyinka ciidamada dowlada ay geysanayaan islamarkaasina masuuliyadaasi ay qaadayaan wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaasha. Magaalada Muqdisho waxaa ku soo laa laabta dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamada Militariga Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmaya Guddiga Difaaca Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Bangiga adduunka ayaa sheegay in maamulkiisu garteen in Soomaaliya la siiyo deeq lacageed, lagana taageero barnaamijka qorshaha bahwadaagga Soomaaliyeed (CPF) oo afar sano ah, si barnaamijka loo fuliyo waxaa uu bangiga ku deeqay $80 Milyan. Lacagrta $80 million ah ee guddiga sare ee Bangiga adduunka ansixiyay, waxaa loo kale qaaday labo: $60 milyan oo loogu tala galay qarashaadka joogtada ah(mushaar bxiinta) iyo mashruuca dib u habaynta maaliyadda iyo $20 milyan oo kor loogu qaadayo dakhliga gudaha(canshuur uruurinta) iyo mashuurca awood siinta maamulka maaliyadeed ee dawladda. Dhaqaalaha labadaan mashruuc oo ay bixinayso hay’adda bangiga adduunka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ayaa si toos ah lasoo marsiinayaa dawladda Federaalka Soomaaliya maadaama ay horumar ka gaartay dib u dhiska hay’adaha dawliga ah. Soomaaliya ayaa hadda waxaa ay gaartay “pre-arrears clearance grant” ee International development association (IDA), waa qeyb ka mid ah bangiga adduunka, dalalka saboolka ah ayaa la siiyaa deeqo iyo deymo lagu kabayo hey’adaha si ay awood ugu helaan iska bixinta deynta lagu leeyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDSI Mustafa Maxamed Cumar (Cagjar), ayaa daboolka ka qaaday in maamulkiisa uu qaadi doono talaabo dib loogu soo celinaayo dhulal si sharci daro ah loo qaatay. Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga Mustafa Cagjar, ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumada maamulka ay dusha sare kala socto dhulal badan oo ay hada haystaan Saraakiil ciidan oo Ethiopian ah. Cagjar, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Saraakiishaasi ay ka qaadi doonaan, waxa uuna intaa raaciyay in sidoo kale shacabka laga boobay hantidooda ay heli doonaan. Cagjar, waxa uu tilmaamay in maalmaha nagu soo aadan ay isbadalo badan sameyn doonaan, kaasi oo ku aadan dhulalka xooga lagu haysto. Saraakiil Ciidan oo Ethiopian ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in iyagu ay lunsadeen ama ay boobeen hanta ay lahaayeen Shacabka degan dhulka Dowlad Degaanka soomaalida. Sidoo kale, qaar ka mid ah Shacabka ku nool magaalada jigjiga ayaa iyaguna dib looga wareejin doonaa dhulal uu leeyahay maamulka oo ay ku jiraan, waxaana go’aankaasi soo dhaweeyay xukuumada. Dhinaca kale, Saraakiisha Ethiopianka iyo kuwa Soomaalida ee heysta hantida iyo dhulalka maamulka ee sharci darada ah ayaa iminka lagu bilaabay diiwaan galin, si loo dhaqan galiyo amarka Madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa saakay waxay xireen qeyb ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho. Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan wadada isku xirta Isgoysyada KM-4 iyo KM-5 (Zoobe) ee magaalada Muqdisho. Lama oga sababta ka dambeysa in wadadan la xiro, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa gaadiidka u sheegaya iney dib isaga laabtaan. Shacabka isticmaalayey wadadan ee u badan shaqaalaha iyo ardayda ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya. Xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ahaa kuwo laga nastay, wallow weli magaalada uu ka jiro ciriir badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
NAIROBI, Kenya—Countries in the Horn of Africa continue to face a growing threat from extremist Islamic groups, particularly the Somali militant group al-Shabab. Source: Hiiraan Online
-
Attorneys head to court Thursday to argue over whether a criminal case should go forward against a former Minneapolis police officer who fatally shot an unarmed Australian woman who had called 911 to report a possible sexual assault in the alley behind her home. Source: Hiiraan Online
-
Russian Foreign Minister Sergey Lavrov and Somali Minister of Foreign Affairs Ahmed Isse Awad have discussed the prospects of building up political and trade and economic cooperation on the sidelines of the UN General Assembly session, the Russian Foreign Ministry said in a statement. Source: Hiiraan Online
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Maalmahan waxa magaalada Jigjiga ee caasimadda gobolka Soomaalida ka aloosmay xiisad siyaasadeed oo salka ku haysa kala qaybsanaan bulsho oo gobolka ka jirta. Rabshadaha ka aloosmay Jigjiga waxa qarxiyay soo dhawayno loo samaynayay masuuliyiinta u saraysa ururka ONLF oo magaalada Jigjiga ku soo laabtay markii ay la heshiiyeen xukumadda cusub ee Dr Abiy Axmed. Axaddii magaalada Jigjiga waxa soo gaadhay afhayeenka ururka ONLF(Ururka Jabhadda Xoraynta Odaadeeniya) Mudane Cabdiqaadir Xasan Caddaani Hiirmooge waxaana soo dhawayntiisa ka dhashay rabshado u dhexeeya dad diidan iyo kuwo taageersan. Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Mustafe Cagjar waxa uu ku eedeeyay rabshadaha dhallinyaro loo yaqaanay Heego oo taageeri jirtay nidaamkii Cabdi Ilay. Hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in ay rabshaduhu qabyaalad salka ku hayaan, islamarkaana dadka reer Jigjiga badhkood u arko Jabhadda ONLF mid beesha Ogaadeen u gaar ah oo aanay ahayn in Jigjiga lagu soo dhaweeyo. Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ka digay arrinta ah in ONLF beel ahaan loogu diido Jigjiga “Ma in aynu is dillo oo la yidhaahdo ONLF Jigjiga ma soo gali karto waa reer Hebel ba ayaa horumar noqonaysa maanta, Iyana yidhaahdaan waa yahay ‘reer Qabri-bayax ma soo gaadhi karaan Dhagax Buur iyo araarso’ oo marka dadkii walaalaha ahaa la kala qobqobo maaha. Wixii afkaar siyaasadeed ah ee Khaldan tartan siyaasadeed ayaa lagu kala baxaya laakiin, wixii Soomaalinimo ah magaalo kasta oo gobolka ku taalla nin walba oo Soomaali ah wuu tagi kara ganacsi buu ka samaysan kara wuu ku noolaan kara,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha gobolku. Qoraal uu shalay galab boggiisa Facebook ku baahiyay madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar ayuu walaac kaga muujiyay kala qaybsanaanta bulshada ee gobolkiisa “Dadka ku talinayaa xumaan, ficiltan qabiil, qabyaalad iyo tollaa’ay waxay u badan yihiin dad qurbajoog ah oo aan ku gubanayn dabka ay shidayaan marka uu hulaaqo! Ma dhagaysanayno xagjiriinta qabiilka! Waxaan ognahay in ay jiraan dad maslaxo shaqsi ka dhex raadinaya isku dhufushada reeraha. Waxaan ognahay dad dambiyadii ay galeen raba inay kaadh qabiil kaga dhex siibtaan. Waxaan ognahay dad cadaalada iyo sinaanta u arka halis ku soo fool leh oo ka door bidaya qas iyo lab. Dadka activists ka ahna waxaa laga rabaa inay hubsadaan waxa jira inta ayna qiiro jabaan talooyin aan micno lahayn ku soo jeedin. Askargii wiilka xabbada ku dhuftay hala qabto intaadan odhan waxaa ka horeeysa ma la qabtay mise lama qaban inaad hubiso! Intaadan LIVE adigoo afka abur ka tuuraya soo fadhisan oo leh urur hebel baa la beegsanayaa dadka gudaha jooga warayso oo waydii yaa dhibka wada! Ugu dambeeyntii, abaabul qabiil cid samayn kartaa majirto maanta laga bilaabo!.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar. Madaxweyne Mustafe Cagjar shir jaraa’id oo uu arrintan kaga hadlay Isniintii wuxuu bulshada uga digay qabyaaladda iyo in dad hab beeleed isu abaabulay sharciga gacantooda ku fushadaan waxaanu si kulul u eedeeyay kooxda Heego “Iyadoo aan iska ilaalinayno inaan ku xad gudubno cidna, haddana ma ogolaan karno Heego inay calamo noo qaadato dalka qasaan. Cidi lagu arko iyadoo wadata calan ururo ayna horey uga tirsanaan jirin waxaa laga qaadayaa talaabo adag. Lama ogola abaabul aan wax fasax ah loo haysan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Cagjar. Wararka ayaa sheegaya in habeen hore magaalooyinka Jigjiga iyo Dhagax Buur laga qabqabtay dad lala xidhiidhinayo rabshadaha Jigjiga ka dhacay. Waxa ay taasi ka dambeysya amar uu bixiyay madaxweynaha Gobolka oo uu laamaha ammaanka ku amray in Heego tallaabo laga qaado. Gobolka Soomaalida markii uu dhacay nidaamkii Cabdi Ilay oo cadaadis badan ku hayay waxa isugu yimid ururo kala duwan oo qaarkood taageerayeen maamulka hore qaarna ka soo horjeedeen. Taageerayaasha ONLF, ururada qurbaha u badna ee Dulmi Diid, Barbaarta iyo Heego oo hirdan adag soo dhexmaray haddana u muuqda kuwo aanay fikradahoodu isla jaanqaadin ayaa gobolka ka jira. Sida uu sheegay madaxweynaha gobolku waxa kale oo jira beelo kala tirsanaya dulmi uu ku hayay nidaamkii hore sida in meelo dadkii u badna la cadaadiyay ay hadda doonayaan in ay gacantooda iskaga tuuraan waxaanu sheegay in maamulkiisa loo daayo oo aan sharciga gacanta lagu qaadan. Caasimada Online Xafiiska Jig-jiga Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa shaaca ka qaaday in muddo kooban gudaheeda ay kaalin weyn uga qaadan doonto nabadeynta Somalia iyo in dib loo fadhiisiyo Siyaasada Somalia. Wasiirka Arimaha dibada Qadar Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al-thani oo arrintan ku dhawaaqay ayaa sheegay in fulinteeda ay hirgalin doonaan ka hor inta dowlada hadda jirta aysan afar sano jirsan. Al-thani, waxa uu sheegay in Qadar ay Siyaasad fog ka leedahay Somalia, sidaa aawgeed ay ku khasban yihiin inay dadajiyan baahiyaha ay Somalia u qabto Amniga iyo Siyaasad fadhisa. Dadka Sooamaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin kuwo aad ugu nugul Nabadda iyo wada noolaanshaha, balse waxa uu carab ***** inay jiraan dhinacyo aan ku qanacsaneyn degnaanshaha Somalia. “Qadar si naba ugama gaabin doonto is garabtaaga Somalia waayo waxaa na dhiiri galineysa in Soomaalidu ay u nugul yihiin nabadda iyo wax wada qabsiga” Waxa uu Al-thani sheegay in Somalia ay saldhig u noqon doonto dowladaha carbeed isagoo sababta ku sheegay in muddo kooban ay ku jartay talaabo dheer taasina waxa uu ku micneeyay halka ay Somalia saldhigan doonto. “Rajada aan Somalia ka qabno waa mid fog waxaanu aad u rajeyneynaa in saldhig ay u noqoto wadamada muslimka ah, waayo adduunka waxa uu isha ku hayaa Somalia oo kasii boganeyso burburka” Al-thani oo qeyb ka ah Shirka 73-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in madaxda dowladaha qaniga ah uu kala hadli doono arrimaha Somalia isagoo ballanqaaday in ay xooga saari doonaan sidii looga qeybqaadan lahaa is garabtaaga dowlada Somalia. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Qadar oo dano Siyaasadeed ku qabta Somalia ayaa dooneysa in dowladaha carbeed ee Khaliijka ay ka xigsato Somalia oo dhawaan kaga hiilisay Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa si adag uga hadlay falalka amni darro oo ay geysanayaan Al-Shabaab. Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dhex nool yihiin bulshada Soomaaliyeed taasina ay u fududeyneyso inay geystaan dilalka ugu badan. Waxa uu sheegay in Al-Shabaab aysan ka imaan banaanka magaalada Muqdisho, balse ay yihiin kuwo ku dhex nool shacabka magaalada Muqdisho, taasina ay sababtay inay kordhiso dilalka. Danjire Francisco Madeira, waxa uu tilmaamay in maalmihii lasoo dhaafay ay saa’id ahaayen dilalka waxa uuna Hay’adaha amaanka ku booriyay inay ka feejignaadan qalalaasaha amni ee Al-Shabaabka ka dhexwadan Somalia. Waxa uu Danjire Francisco Madeira, carab ***** in dhankooda ay diyaar u yihiin wado waliba oo lagu cuuryaamin karo Al-Shabaab waxa uuna talaabooyinkooda noocaa ah ku sifeeyay mid abaal leh. “Sida ay wax u dhacaan waxaa kaaga muuqanaya inay yihiin kuwo horay loo sii diyaariyay waa in si wada jir ah looga hortagaa Al-Shabaab” “Al-Shabaab waxa ay lafdhabar u yihiin burbur iyo dhibaatooyin nololeed, waxaa looga gaashamankaraa in leyska kaashto la dagaalankooda” Danjire Francisco Madeira oo booqday Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Somalia ayaa sidoo kale sheegay in AMISOM ay kaalin weyn ka qaadan doonto dhismaha ciidamada Xoogga dalka. Sidoo kale, Madeira waxa uu ballanqaaday in amniga Somalia ay u gacan galin doonaan ciidamo dhanwaliba ka diyaarsan oo isaga filan Al-Shabaab. Haddalka Madeira ayaa kusoo beegmaya xili AMISOM ay qeyb weyn ka yihiin dhinacyada loo xil saaray soo saarista ciidamada la wareegi lahaa amniga Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Yuusuf Garaad Cumar ayaa baaq u diray golaha shacabka Soomaaliya, isaga oo shaaca ka qaaday in laga marin habaabiyey hawlahoodii. Yuusuf waxa uu sheegay in xoogagga isku haya siyaasadda Soomaaliya ay keentay in xildhibaanada ku adkaato in ay aragtidooda dhibitaan. Ma uusan shaacin waxa ay yihiin xoogagaas, balse waxaa loo qaatay dowladda iyo mucaaradka. Qoraalka uu maanta soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri: “Xildhibaanka waxaa ku waajib ah in arrin kasta oo la horkeeno Baarlamaanka uu ra’yi ama haddii ay gaarto uu cod ka dhiibto. Ma ahan in Baarlamaanka la cuuryaamiyo si looga manaafacaadsado laba dhinac oo is diiddan.” Qoraalka Yusuf Garaad ayaa ku soo beegmaya xilli ay doodo iska soo horjeeda ay baarlamaanka ka jeedinayeen xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa taageersan dowladda. Sidoo kale waxa ay shacabka aad u dhaliileen dooddii uu amniga ka yeeshay baarlamaanka oo u muuqatay mid siyaasadeysan, taasi oo dowladda si aad ah loogu garaacay. Waxaa ay xildhibaanada qaar isu weearayeen si shaqsiyan ah halkii ay la imaan lahaayeen doodo caadimad qaba. Xildhibaanka waxaa ku waajib ah in arrin kasta oo la horkeeno Baarlamaanka uu ra’yi ama haddii ay gaarto uu cod ka dhiibto. Ma ahan in Baarlamaanka la cuuryaamiyo si looga manaafacaadsado laba dhinac oo is diiddan. #Somalia — Yusuf Garaad (@ygaraad) September 26, 2018 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya xogta laga helayo Saraakiisha Darawiishta oo sheegaya inuu jiro khilaaf xoogleh oo u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha ciidamada Difaaca Puntland Sareeyo Guuto Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere). Khilaafkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo arrimo la xariira dhismaha ciidamada Darawiishta iyo xaalada dagaal ee ka jirta gobalka Sool, walow Mas’ uuliyiintan sare aysan weli banaanka soo dhigin xiriirka sii xumaanayey muddooyinkii danbe. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu muddooyinkii danbe baadi-goob ugu jiray Taliyihii uu ku bedali lahaa Siciid Dheere oo ah nin khibrad dheer ku leh ciidamada isla markaana muddo dheer soo hayey xilka Taliyaha Guud ee ciidamada Difaaca, Siciid Dheer ayaa sidoo kale horey xilal uga soo qabtay Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Gaas ayaan ku guuleysan inuu ka dhabeeyo isbedaladii uu sheegay inuu ku sameyn doono ciidamada Darawiishta markii uu xilka qabtay. Ciidamada Darawiishta ayaa xiligan waxa ka muuqda dayac weyn oo uga yimid dhinaca Madaxtooyada Puntland oo ay hoos tagaan, ciidamada Darawiishta ayaa hada lagu tilmaamaa kuwa ugu liita dhinaca qaadashada Mushaharka, Qalabeynta iyo daryeelka guud marka lala barbar dhigo ciidamada kale ee Puntland sida kuwa Ciidanka Madaxtooyada, PSF, Marineska, Asluubta, iyo waliba Booliiska. Waxaan sidoo kale lagu guuleysan in la meel mariyo talooyin badan oo uu horey usoo jeediyey Taliye Siciid Dheere oo la sheegay inuu si weyn u saluugsan yahay taageerada uu ka helay xafiiska Madaxweynaha. Khubarada Militariga ayaa marar badan sheegay in qaab dhismeedka ciidamada Darawiishta ee hoos taga Madaxtooyada uu yahay mid u baahan wax ka bedal. Waxaa horey loo soo jeediyey in Puntland dhisato Wasaarada Difaac oo qaabilsan qorshaha ciidamada oo leh miisaaniyad cad oo lagu qalabeeyo ciidamada, halka Darawiishta la hoos geeyo Madaxtooyada oo leh ciidamo kale oo u gaar ah oo aan hoos imaan Taliska Daraawiishta. Madaxtooyada ayaa mar walba xooga saarta qalabeynta ciidanka Madaxtooyada halka Darawiishta uu weli heysto Dayac xoogan. Warar aan si madax banaan loo xaqiijin karin oo laga soo xiganayo Saraakiil ka tirsan Darawiishta ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas ka codsaday in Taliye Siciid Dheere inuu xilka iska-casilo xili ciidamada ay ku mashquulsan yihiin xiisada ka taagan Tukaraq. Wararkaasi ayaa intaas ku daraya in Taliye Siciid Dheere ka digay kana soo horjeestay in hawlgalada ciidamada lagu soo beego xiliga Doorashada Puntland taasi oo shaki abuuri-karta. Taliyaha Darawiishta ayaa la sheegay in dhankiisa uu si weyn u dhaliilsan yahay qaabkii loo maareeyey hawlgalka Tukaraq oo la sheegay inuu doonayey bilihii hore inuu qaado tilaabooyin milatari, hase-yeeshee qorshahaasi ay ka cago-jiiday Madaxtooyada. Arrintaani ayaa dhabar jab ku noqotay qorshihii kowaad oo ay saraakiisha militariga Puntland ka damacsanaayeen jiida Tukaraq. Taasi oo jirta ayaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha dhawaan codsaday in hawlgalo cusub la bilaabo xili ay soo dhawaatay Doorashada Puntland oo ay ka harsan tahay muddo sadex bilood ah. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xiriiro kala duwan la sameeyey Qaar kamid ah Saraakiishii hore ee militariga Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Puntland inay xilkaasi qabtaan, kuwaasi oo la sheegay inay intooda badan ka cudur-daarteen in xiligan ay qabtaan xilka uu hayo Siciid Dheere, dhinaca kale waxaa todobaadkan soo baxaya warar sheegaya in Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobalka Nugaal oo ay xiriir fiican leeyihiin Madaxweynaha la filayo in loo magacaabo hogaanka Darawiishta, balse warkaasi maaha mid ay weli xaqiijisay Madaxtooyada Puntland.