-
Content Count
206,566 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dabley hubaysan ayaa saaka aroortii Magaalads Muqdisho waxa ay ka gaysteen dil, kadib markii ay beegsadeen wiil dhalinyaro ah. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Masaajidka Cabdalla iyo Cawareera oo ku yaallo Degmada Warta Nabadda. Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxa ay tahay meel lagu qaxweeyo oo dhalinyarada ay isugu yimaadaan, waxaana halkaasi ka baxsaday dableydii dilka gaysatay. Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho maalmahan dambe, waxaana dilalkaasi gaysanaya dableyda hubaysan. Isla degmada Wrata-Nabadda, ayaa waxaa dilkaas kadib ka dhacay dil labaad, ayada oo wiil dhallinyaro ah lagu toogtay isgoyska Aadan Cadde, gaar ahaan agagaarka masjidka Al-khaaliq. Kooxda dilka gaysatay ayaa goobta ka baxsaday, mana jiraan fahfaahin ku saabsan wiilka la dilay, inkasta oo goobjoogeyaal ay sheegeen inuu ahaa shacab. Dhinaca kale, qarax ayaa ka dhacay suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha. Qaraxa oo warar kala duwan kasoo baxaya ayaa la sheegay in qaraxu ka dhacay Isgoyska Bakaaraha, iyadoo goobta qaraxu ka dhacay lagu arkay dad dhaawac ah, waxaana qaraxa lagu weeraray askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda. Ciidamada halkaasi ku sugnaa ayaa rasaas furay, iyadoo lagu kala cararray, wuxuuna isgoyska Bakaaraha noqday goob qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka dhacaan oo intooda badan ay sheegato kooxda Daacish. Dhinaca kale, Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xirnaa, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada magaalada gudaheeda qaarkood. Isgoyska Banaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale ayaa xiran, ciidanka dowladda ayaana ku sugan, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Ma cadda sababta wadooyinkaan loo xiray, balse Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegaya sababo dhanka ammaanka ah in loo xiray wadada. Ciidamada Booliska ee wadadan ka shaqeeya ayaa qoryaha Ak47 la garwaaxsan wadada kuwaasi oo celinaya gaadiidka ay wataan dadka shacabka, waxayna fasaxayaan kaliya kuwa dowladda. Magaalada Muqdisho ayaa xirnaanshaha wadooyinka waxa ay iska tahay arrin caadi ah oo badi dadka la qabsadeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
he US Department of Defense (DoD) announced on 24 September that it had awarded a USD12.3 million contract to the North Carolina-based company URS Group to carry out emergency runway repairs at Camp Baledogle (Bahle Dogli) in central Somalia. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–Somali army forces launched military offensive against Al-Shabaab militants near the coastal town of Marka, some 91km south of Mogadishu capital. The military operation was conducted in Jilib Marka area near the town, killing at least 16 militants, including a foreign jihadist fighting alongside Al Shabaab. Somali army commander, Omar Dheire says the operation was meant to flash Al Shabaab militants out of the town. He says at least 16 militants, including a foreign jihadist from Afghanistan named as Nasir Al-Jabiri were killed in the operation. “We are committed to eradicate the group’s fighters in Lower Shabelle region. We will continue such operations until Al Shabaab militants are eliminated”, he said. There was no immediate comment from Al Shabaab group over the claims. Earlier last month, Somali army forces, along with African Union peacekeeping troops have re-captured Marka town from Al Qaeda inspired group of Al Shabaab. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. A 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in goor dhow uu halkaasi ka dhacay qarax aad u xooggan. Qaraxan ayaa ka dhex dhacay maqaayad Shaaha lagu cabo oo ku taalla degmadaasi, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha halkaasi ka dhashay. Sidoo kale lama xaqiijin karo in qaraxan ka dhacay Maqaayadda uu yahay Miino goobta ku diyaarsaneyd iyo ismiidaamin. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa hadal uu ka jeediyey munaasabad looga hadlayey horumarinta waxbarashada waxa uu ka hadlay arrimo ku aadan siyaasiyiinta. Waxa uu sheegay in ay jiraan siyaasiyiin carreysan, kuwaasi oo dalka aan dan ka lahayn, islamarkaana shacabka niyad jebiyey. Madaxweynaha waxa uu sheegay in madaxdii iyo siyaasiyiintii dadku eeganayeen ay ka hadlaan hadallo niyad jab ah ay shacabka iyaguna niyad jabayaan. “Siyaasiga xanaaqsan shacabka hanaga niyad jabin, siyaasiga hanaaqsanow umadda rajada haka qaadina” ayuu yiri madaxweynaha. Ugu dambeyn, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalal badan ay soo mareen burbur balse laga gudbay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Codka-Farmaajo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa faah faahiyey lacag $80 Milyan ah oo Bankiga Adduunka ugu deeqay Soomaaliya. Bayle ayaa sheegay in lacagahaasi yihiin kuwo si toos ah loo soo marin doono Soomaaliya, looguna talogalay dib u dhiska iyo sidoo kale dib u habeynta hay’adaha dowladda. Waxa uu sidoo kale sheegay in markii ugu horreysay tahay dal deyn lagu leeyahay oo Bankiga Adduunka lacag ugu deeqo. Sababaha ugu weyn ayuu ku sheegay iney tahay kadib markii Soomaaliya ay la timid hanaan maaliyadeed oo muuqata. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Wasiirka-Maaliyadda-Craxmaan-Ducaale-Bayle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qeeybgalayay ololaha dib u nooleeynta waxbarasho Soomaaliya Ayaa hadalo kulul ka jeediyay islamarkaasina ka hadlay siyaasiin uu sheegay in ay dalka xaalado qalalaaso ah ku abuurayaan. ” Siyaasiyiinta xanaaqsan waxa ay ka hadlaan waxa xun,dadka ayay niyo jebinayaan,waxa ay leeyihiin dalkaan wuu bur buray ee Beesha Caalamka hanaga soo gaarato ciidan malihin ayuu yiri Madaxweynaha” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in siyaasiinta ay dadka Soomaaliyeed rajadii ka tireeyn sida uu yiri “Hadalka siyaasiinta xanaaqsan dadkii waxa uu gaarsiiyay in ay niyad jabaan oo ay is dhiibaan Dhimashaa dhaanta qof nool oo is dhiibay qof nool oo dhintay waa qof rajadii ay ka dhimatay” hadalkaan ayaa u muuqda mid madaxweyne Farmaajo uu ku weerarayo madaxda maamul Goboleedyada iyo siyaasiinta ka soo horjeedo dowlada Soomaaliya. Hoos ka Dhageyso Codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/Farmaajo-Puntland-Post.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo” Siyaasiga Xanaaqsan Mustaqbalka Soomaaliya Dan kama laha” appeared first on Puntland Post.
-
Ha’yadda la dagaalanka AIDS-ka Puntland (PAC) ayaa maanta tababar uga furtay xarunteeda Garowe Culumaa’udiin ka kala yimid gobolo kala duwan. Tababarka ayaa loogu talagalay in lagu iftiimiyo doorka culimada xaga wacyigalinta cudurka HIV/AIDS iyo siday uga qayb qaadan la haayeen yaraynta faquuqa iyo takoorka lagu hayo dadka la nool cudurkan. Tababarka ayaa socon doona 5 maalmood, waxaana laga soo saari doonaa hage wacyigalineed oo xaga ka hortaga, daawaynta iyo daryeelida cudurka HIV/AIDS ah, kuna salaysan diinta iyo dhaqanka suuban. Waxaa kaloo la rajaynayaa inay ka soo baxdo fariimo la isku raacay oo wacyigalinta cudurkan ah, taas soo lagu soo qaadan doono khudbadaha jimcaha. Culumada diintu waxay udub dhexaad u yihiin wacyigalinta bulshada cudurka HIV/AIDS, waxayna Hay’adda PAC rajaynaysaa iyadoo ku kalsoon aqoonta la galiyey, inay doorkooda qaadan doonaan si loo yareeyo faafista cudurkan. PUNTLAND POST The post PAC oo tababar uqabatay wadaadada diinta Puntland appeared first on Puntland Post.
-
BOSASO[Puntland Post]-Kulankan oo ahaa mid bulshada loogu soo bandhigayey sidii ay uga qaybqadan lahaayen dhamaystirka adeegyada waxbarasho ee dugsiga ay wax ku bartaan ardayda qaba baahiyaha gaar ah gaar ahaana kuwa maqal la’, kaasi oo sanad kahor laga hirgeliyey magalada Bosaso. Dr. cabdiraxman Xassan Maamulaha Dugsiga ayaa sheegay in hadafka loo aas aasay dugsigan ay tahay sidii ardayda maqalka naafada ka ah loogu heli laha waxbarsho lamid ah tan ardayda maqalkoodu taamka yahay. Mid kamid ah waalidinta ardayda baahiyaha gaar ka ah qaba oo kahadlay kullanka aay sheegay in dugsigan uu yahay mid waxbadan kusoo kordhinaya bulshada loona baahan yahay in laga qaybqaato. Suldaan Maxamed Muuse Maxamud Geel-xoor oo in ku dhow muddo laabatn sano ka shaqaynayey wax u qabashada dadka baahiyaha gaar ka ah qaba, ayaa bulshada ku booriyey in maamulka dugsiga ay gacan kusiiyaan sidii dugsigu usii shaqayn lahaa. waa Markii ugu horaysay oo dugsi noocan oo kale ah laga furo magaalada Bosaso, waxaana loo arkaa mid ay ka faa’idaysan doonaan ardayda maqalkoodu uusan dhamaystirnayn. The post kulan loogu Qaremayey Ardayda Maqalka Naafada ka ah oo Bosaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey furitaanka Ololaha dib usoo nooleynta Waxbarashadda Dadweynaha ayaa ka hadlay waxyaabo badan. Madaxweynaha ayaa magaca cusub u bixiyey Siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ee mucaaradka dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, isagoo ku tilmaamay inay yihiin (Siyaasiyiin Xanaaqsan). “Siyaasiga xanaaqsan waa kan dhaha ha nala dhexgalo, waa kan hanjebiya shacabka, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay masoo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar malah, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahan” ayuu yiri Madaxweynaha. Isaga oo sii hadayay ayuu sheegay in Siyaasiyiinta xanaaqsan ay dadka gaarsiiyeen inay isdhiibaan oo ay rajada ka qaadaan taasina ay dadku dhimasho u dhaanto. “Siyaasiga xanaaqsan dadka qalbi jabka iyo niyad jabka uu ku riday wuxuu sababay inay is dhibaan, qofka bani’aadankana markaa rajadii ka qaado waa dishay , dhimashaa dhaanta” ayuu sii raaciyey. “Siyaasiga xanaaqsanow shacabka ha naga qalbi jebinina , Siyaasiga xanaaqsanow dadka rajada ha ka qaadina” ayuu hadalka kusii daray. Madaxweynaha ayaa ugu dambeytii ku baaqay in carruurta Goobaha waxbarashada loogu dhigo sharafta iyo dadnimada Soomaaliyeed, iyo si aysan u marin wadada Siyaasiga Xaqaanqsan. Ereygaan ayuu Madaxweynaha kusoo ceceliyey dhawr jeer, ilaa hadda si gaar ah uma uusan magacaabin Shakhsi ama koox gaar ah balse waxaa la dareemayaa inuu ula jeedo Siyaasiyiinta dowladda kasoo horjeedo.. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Madax-Weynaha-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Marka (Caasimadda Online) – Ciidanka Xoogga Dalka oo dhawaan howgallo ay ka fuliyeen Deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxay ku dileen 16 maleyshiyaad ah oo uu ku jiro horjooge sare oo ka tirsan Ajaaniibta Kooxda Alshaab. Taliyaha Qeybta 12 April ee Ciidanka Xoogga dalka sareeye guuto Cumar Dheere oo la hadlay Idaacadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xaqiijiyay in howlgalka degaanka Jilib marko lagu dilay horjooge u dhashay dalka Afgaanistaan, kaasi oo lagu magacabo Naasir Aljaabiri. Abaandullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage oo goob fagaaro ah kula hadlay dadka ku nool deegaanada Al-shabaab laga saaray ee hoostaga dagmada Marka ayaa sheegay in ay dhamaatay hantidii baadda ahayd ee Al-shabaab ka qaadi jireen shacabka ku dhaqan deegaanadaasi. Sareeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka lagu xoreeyay degaanadan lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab, islamrkaana howgaladan ay sii socon doonaan inta laga xoreynayo deegaanada wali ku harsan gacanta kooxdan Argagixsada ah. Shacabkii dhibka ku qabay marista Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Marko ay aad u soo dhaweeyeen dhibka laga dulqaaday, islamarkaana hadda Xaaladda deegaandii laga xoreeyay Al-shabaab ay deggan yihiin. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howgallo ka wada deegaanada ku harsan Gacanta Kooxdan arxanka daran ee Alshaab iyagoo dilay horjoogyaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan Kooxdaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – Diblomaasiyiin ku sugan dalka Jabuuti ayaa xaqiijiyey in Somaliland 21-kii Sebtembar uu booqday Somaliland Ku xigeenka madaxa Sirdoonka ee dowladda Sacuudi Carabiya General Ahmad Hassan wuxuuna la kulmay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muse Biixi Cabdi. Kulankan oo si qarsoodi ah u dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo General Ahmad Hassan Mohammed Asiri ayaa looga hadlay Wada shaqeyn cusub oo dhanka Sirdoonka ah oo dhexmaraysa Somaliland dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Xubno ka mid ah Somaliland ayaa xaqiijiyay in kulanka looga hadlay Ballaarinta Saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta ee Berbera. Diyaaradaha duulimaadka ee 21-kii Sebtembar ee Madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport (HGA) ma muujin duulimaadyo ka yimid dhanka Sacuudi Carabiya, laakiin ilo kale waxay tilmaamayaan in General Asiri uu ka yimid dhanka Jabuuti uuna soo raacay diyaarad Ganacsi.. Kulanka Muuse iyo Axmed lama shaacin,waxa looga hadlay sidoo kale imaanshahiisa lama sii sheegin. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan tagi doona dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta si uu aqoonsi uga raadiyo dowladdahaasi oo si weyn uga soo horjeedda dowladda Soomaaliya ka dib markii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dhexdhexaad ka noqotay Khilaafka dalalka Khaliijka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Somaaliyeed ayaa maalmahaan ku talinayey in dawladda dhexe iyo dawlad-gobaleedyadu heshiiyaan! Lkn su’aalahaan ma is weydiiyeen? 1-Dhismihii dawlad-gobaleedyada ma loogu tala galay in ay la heshiiyaan dawladda dhexe? Mise kala qeybin iyo kala dhantaal awooda dawladda dhexe ayaaba loo dhisay? 2-Dadka iyo gobalada ay madaxda u yihiin ma ka haystaan taageero? Mise awooda dawlado shisheeye iyo beesha caalamka ayey ku goodiyaan mar kasta? 3-Somaali miyaa heshiis iyo rabitaan ku dhisatay dawlad gobaleedyada? Mise waa la dul-saaray? 4-Dhismihii dawlad gobaleedyada guul iyo horumar miyaa lagu gaaray? Mise waxaa laga dhaxlay khilaaf, muran, magac-xumo, dawkad-xumo iwm? Haddii aad dhageysateen khudbadii ugu danbeysay ee Micheal Keating ka jeediyey Golaha Ammaanka waxa uu xusay “Nasiib-darro markii iigu horeysay ee aan Somaaliya tegay 2014 kii, waxaan ugu tegay dawlad gobaleedyada oo xiriirkii u jaray dawladda dhexe, 4 sano kadib oo aan Somaaliya kasoo tegayna waxaan kasoo tegay iyaga oo xiriirka u jaray”. IGAD waa urur gobaleed ay ku midaysanyihiin 8 dawladood oo degan geeska Afrika loona dhisay ka hortaga xasaradaha, colaadaha iyo abaaraha geeska Afrika. Nasiib darro 25 tii sano ee ugu danbeysay waxaa hoggaankeeda gacanta ku dhigay Tegreegii Ethiopia haystay waxa ayna ku hoggaamiyeen Caqliyadii Gumeystaha ee aheed kala-qeybin, kala qobqob, isku jebin, daciifin awooda dawladaha gobalka oo noqday kuwa ugu khilaafka iyo dagaalada badan adduunka oo laba laba isu wada haystay intii ay talada hayeen Tegreegu sida; 1-Kala go’ii Sudan iyo South Sudan. 2-Sudan iyo Uganda oo xiriirkii kala goostay. 3-Ethiopia iyo Eritrea oo dagaal lagu hoobtay dhex maray xiriirkina kala goostay. 4-Eritrea iyo DJibouti oo dagaal dhex maray, xiriirkina kala goostay. 5-Dagaaladii Sokeeye ee Somaaliya iyo South Sudan oo ay sii huriyeen, kuna sababeen khasaare aadmi iyo dib u dhac dawladnimo. 6-Sudan iyo Eritrea oo ay ka go’doomiyeen caalamka intiisa kale. 7-Somaaliya iyo Eritrea oo ay Cunaqateen saareen. 8-Eritrea oo ay IGAD iyo ururka Afrika ka saareen. 9-Kenya kaliya oo ka nabad gashay oo iyaduna isu dhiibtay ilaa ay ONLF iyo Mucaaradka kasoo afduubtaan Nairobi dawladda Kenya na ka aamusto. 10-Dawladaha reer galbeedka iyo Carabta qaarkood oo ay Wakiil uga noqdeen geeska Afrika. Tegreegu markii uu qabsaday Ethiopia iyo IGAD waxa uu Somaaliya u qorsheeyey in ay ku jirto; khilaaf, kala qoqob, dagaal qabiil, qax, go’doomin, dawlad la’aan iwm. Markii ay arkeen in Somaalidii bislaatay, kana daashay dagasladii qabiilka, dawladna ay rabto ayey mar labaad qorsheeyeen in ay ku kala qoqobaan kuna daciifiyaan awoodeeda; FEDARAAL IYO DAWLAD-GOBALEED! 2012 kii waxa ay heleen Siyaasiin yar oo ka baqeysa soo noqoshada dawlad dhexe oo xoog leh iyo Sh. Shariif oo ka baqaya in uu waayo doorashada, waxa ayna ka saxiixeen laba Mashruuc iyaga oo aan ka fikirin waxa ay dhali karaan mustaqbalkaSomaaliya: 1-Dastuurka qabyada ee federaalka oo madax iyo majaha isaga xiraya dawladda dhexe iyo kuwa gobalada, laguna diyaariyey Addis-ababa kadibna lagu saxiixay Nairobi. 2-Qorshe xasilin iyo maamul u sameyn Koofurta Somaaliya oo IGAD Mas’uul ka tahay. Qorshahaas ayaa lagu dhisay: Jubbaland, Koofur-galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, Xasan Sheakh ayaa isku dayey in uu diido qorshihii laga saxiixay Sh. Shariif markii uu arkay khaladaadka iyo gefka madax-banaanida ee ku jira , culays ay saartay Ethiopia iyo IGAD ayuu aqbalay 6 bill kadib. 3-Puntland oo ujeedkii loo dhisay 20 sano ka hor uu ahaa in ay noqoto maamul lagu gaaro dawladnimadii Somaaliyeed sida ku cad baaqii odayaashii asaasay; ayaa Siyaasiyiin yar iyo IGAD ka dhigeen Hooyada Fedaraalka iyo Dawlad gobaleedyada. 4-Somaliland oo markii hore lagu dhisay Caadhifad SNM oo aysan u dhameyn beelaha deegaanka ayaa markii danbe taageero iyo dhiirigelin ka heshay IGAD iyo Tegreegii hogaaminayay. Hadaba Somaalidu ma gaartay xilligii dib u eegis lagu sameyn lahaa labadan Mashruuc ee Fedaraalka iyo Dawlad-gobaleedka iyada oo laga faa’iidaysanayo isbedelka Gobalka geeska Afrika oo ka guuray Siyaasadihii hore ee IGAD iyo Tegree? Mise weli waxaa jira Qabiilaysi, Gobalaysi, Cabsi awooda dawladda dhexe, bisayl la’aan iwm???. W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal) Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay caqabad ku yihiin Xukuumada Soomaaliya. Wasiir Goodax ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixin la’yihiin hindiso sharciyeedyo ay u soo gudbisay Xukuumada. Wasiirka ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada in aanay diyaar u aheyn in ay ansixiyaan qorshayaasha kaabaya shaqada Xukuumada. Waxa uu ugu baaqay in Baarlamaanku ay anisixiyaan sharciyada horyaala, si shaqada xukuumada ay u qabsato. Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa baryihii ugu dambeysay doodo culus ka yeelanayay xaaladaha amniga dalka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/09/Cod-Goodax-Barre-PP.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiir Goodax:- “Waxaan ka shaqeyn la’nahay Xildhibaano” appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa digniin culus kasoo saartay faragalin uu dalka Shiinaha ku sameeyo doorashada aqalka Congaresska mareykanka. Doorashada aqalka Congaresska mareykanka ayaa dhaceysa 6 bisha November, waxaana laga qabaa walwal dhanka Shiinaha. Madaxweynaha dalkaasi Mr Donald Trump ayaa digniintaasi ku sheegay in Shiinaha uu doonayo in faragalin toosa ay ku sameeyo doorashada aqalka Congaresska, iyadoo la maraayo wadada Ruushka. Waxa uu Trump eediisa ku sheegay in shiinaha marnaba uusan dooneyn guulo uu gaaro xisbiga Jamhuuriga ee uu hogaamiyo. Waxa uu ku sheegay in taasi ay tahay sababo la xiriira shaqada adag uu ka qabtay siyaasada mareykanka iyo ganacsiga dibada. Isaga oo ka hadlay kulanka golaha amaanka QM ee ka socda magaalada Newyork ayaa waxa uu sheegay in shiinaha isku dayayo ficilo ka dhan ah maamulka Trump. Mr Donald Trump, waxa uu ka meermeeray bayaaninta eediisa ma uusan soo bandhigin cadeymo muujinaya eeda uu soo jeediyay. Sidoo kale, haddalka Mr Donald Trump ayaa waxaa mid aan xaqiiq aheyn ku sheegay xukuumada shiinaha oo iyadu beenisay eeda loo jeediyay ee ku aadan inay faragalin ku heyso dorashada. Xukuumada Shiinuhu waxa ay sheegtay in aysan dooneyn in ay ku lug lahaato ama fara galin ay ku sameyso siyaasada dalalka dibeda sida uu sheegay wasiirka arimaha dibeda Wang Yi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu maanta ka dhacayo kulan ay yeelanayaan Xildhibaanada Hirshabeelle. Xildhibaanada ayaa kulankooda waxa ay ku soo bandhigayaan mooshin ay ka wadaa xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle madaxweyne Waare. Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweyne Waare uu ku guuldareystay howlihii loo doortay islamarkaasina uu xarun ka dhigtay Muqdisho. Xildhibaanada ayaa sheegay in mooshinka Madaxweyne Waare ay u gudbinayaan maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed. Madaxweyne Waare ayaa wajahaya cadaadis uga imaanaya Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Jowhar: Xildhibaano wada mooshin ka dhan ah Waare appeared first on Puntland Post.
-
Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka war sugto guddiga aqalka sare u diray Galmudug. Waxa ay sheegeen in madaxweynaha uu ku degdegay u yeerista madaxda Galmudug, loona baahan yahay in warbixin ka sugo xubnaha aqalka sare. Aqoonyahannada ayaa sidoo kale sheegay in aqalka sare xubnaha ka socday ee aaday Galmudug ay wax badan ogyihiin, ayna yihiin kuwa kaliya ee wax xallin kara. Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho isugu yeeray madaxda Galmudug si loo xalliyo khilaafkooda, hase ahaatee waxaa ka horyimid madaxweyne Xaaf. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/War-Faadumo-Sheekh-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Soomaali badan oo qaxooti ku ah xeryaha qaxooti ee Kenya ayaa xilligan ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah. Qaar ka mid ah dadkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in markii la xirey xerada IFO 2 ay la kulmeen dhibaato badan, islamarkaana xilligan aanay helin kaalmadii loo baahnaa. Waxa ay ku baaqeen in loo gurmado haddii ay ahaan lahayd hay’adaha samofalka ah iyo sidoo kale dowladda Kenya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GOOBJOOG-WARBAXINTA-XALADA-NOLOOSHA-XERYAHA-DHADHAAB-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow saaka ah ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Qaraxa ayaa jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada waxaana lasoo sheegayaa in Qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada maamulka. Qaraxa ayaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo gudaha Magaalada ka howlgalaayay . Ciidamada AMISOM ayaa furay rasaasta ugu badan Qaraxa kadib waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaya in Qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay ciidamada, iyadoo markii uu dhacay kadib ay halkaasi gaaren gaadiidka gurmadka oo qaaday dad la kulmay Qaraxa iyo rasaasta. Dadka ay waxyeeladu gaartay ayaa la sheegay inay kamid yihiin ciidamo ka tirsan AMISOM kuwa Jabuuti iyo dad xiliga Qaraxa lugeynaayay goobta. Si dhaba looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco kulan dhexmarayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya iyo dhamaan taliyaasha ciidamada iyo guddiga Difaaca . Guddiga difaaca ayaa u yeeray Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xasan Cali iyo taliyaasha ciidamada xooga dalka Soomaaliya. Xoghayaha Guddiga difaaca Golaha Shacabka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in kala hadli doonaan wasiirka iyo taliyaasha arimaha la xariira dhibaatooyinka ciidamada dowlada ay geystaan. Guddiga ayaa sheegay in ay soo laa laabteen dhibaatooyinka ciidamada dowlada ay geysanayaan islamarkaasina masuuliyadaasi ay qaadayaan wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaasha. Magaalada Muqdisho waxaa ku soo laa laabta dhibaatooyinka ay geysanayaan ciidamada Militariga Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirka Gaashaandhiga oo la kulmaya Guddiga Difaaca Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
-
Bangiga adduunka ayaa sheegay in maamulkiisu garteen in Soomaaliya la siiyo deeq lacageed, lagana taageero barnaamijka qorshaha bahwadaagga Soomaaliyeed (CPF) oo afar sano ah, si barnaamijka loo fuliyo waxaa uu bangiga ku deeqay $80 Milyan. Lacagrta $80 million ah ee guddiga sare ee Bangiga adduunka ansixiyay, waxaa loo kale qaaday labo: $60 milyan oo loogu tala galay qarashaadka joogtada ah(mushaar bxiinta) iyo mashruuca dib u habaynta maaliyadda iyo $20 milyan oo kor loogu qaadayo dakhliga gudaha(canshuur uruurinta) iyo mashuurca awood siinta maamulka maaliyadeed ee dawladda. Dhaqaalaha labadaan mashruuc oo ay bixinayso hay’adda bangiga adduunka u qaabilsan horumarinta caalamiga ah ayaa si toos ah lasoo marsiinayaa dawladda Federaalka Soomaaliya maadaama ay horumar ka gaartay dib u dhiska hay’adaha dawliga ah. Soomaaliya ayaa hadda waxaa ay gaartay “pre-arrears clearance grant” ee International development association (IDA), waa qeyb ka mid ah bangiga adduunka, dalalka saboolka ah ayaa la siiyaa deeqo iyo deymo lagu kabayo hey’adaha si ay awood ugu helaan iska bixinta deynta lagu leeyahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDSI Mustafa Maxamed Cumar (Cagjar), ayaa daboolka ka qaaday in maamulkiisa uu qaadi doono talaabo dib loogu soo celinaayo dhulal si sharci daro ah loo qaatay. Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga Mustafa Cagjar, ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumada maamulka ay dusha sare kala socto dhulal badan oo ay hada haystaan Saraakiil ciidan oo Ethiopian ah. Cagjar, waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Saraakiishaasi ay ka qaadi doonaan, waxa uuna intaa raaciyay in sidoo kale shacabka laga boobay hantidooda ay heli doonaan. Cagjar, waxa uu tilmaamay in maalmaha nagu soo aadan ay isbadalo badan sameyn doonaan, kaasi oo ku aadan dhulalka xooga lagu haysto. Saraakiil Ciidan oo Ethiopian ah ayaa waxaa lagu eedeeyay in iyagu ay lunsadeen ama ay boobeen hanta ay lahaayeen Shacabka degan dhulka Dowlad Degaanka soomaalida. Sidoo kale, qaar ka mid ah Shacabka ku nool magaalada jigjiga ayaa iyaguna dib looga wareejin doonaa dhulal uu leeyahay maamulka oo ay ku jiraan, waxaana go’aankaasi soo dhaweeyay xukuumada. Dhinaca kale, Saraakiisha Ethiopianka iyo kuwa Soomaalida ee heysta hantida iyo dhulalka maamulka ee sharci darada ah ayaa iminka lagu bilaabay diiwaan galin, si loo dhaqan galiyo amarka Madaxweynaha. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa saakay waxay xireen qeyb ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho. Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan wadada isku xirta Isgoysyada KM-4 iyo KM-5 (Zoobe) ee magaalada Muqdisho. Lama oga sababta ka dambeysa in wadadan la xiro, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa gaadiidka u sheegaya iney dib isaga laabtaan. Shacabka isticmaalayey wadadan ee u badan shaqaalaha iyo ardayda ayaa la arkayaa iyaga oo lugeynaya. Xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ahaa kuwo laga nastay, wallow weli magaalada uu ka jiro ciriir badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com