Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,566
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa si kulul uga hadlay falkii bahalnimada ahaa ee toddobaadkii hore qaab cunsurinimo ah loogu gubay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabay Axmed Dowlo. Yuusuf Garaad oo arrintaas ka hadlaya ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray dhigaalkan hoose. “Mas’uul iyo Muwaaddin kasta oo Soomaali ah oo daneynaya in Soomaaliya ay hesho nabad waarta iyo caddaalad sugan, kuna tallaabsato horumar muuqda waa in uu u dhabba galaa waxna ka qabtaa ama ugu yaraan uu ka yiraahdaa dilka Allah ha u naxariistee Axmed Mukhtaar Saalax (Axmed – Dowlo). Waxaa la ii sheegay in Axmed nolosha lagu gubay xaafadda Towfiiq, Degmada Yaaqshiid, caasmiaddeenna Muqdisho Kahmiis ay bishan September ahayd 20, sannadkan 2018. Muwaaddin Axmed waxaa lagu dilay maxaad u noqotay qabiilka aad tahay! Ma isagaa doortay oo ku biiray mise Allah ayaa ka beeray? Si kale haddii aan u dhigo waxaa lagu dilay, maxaa aabbahaa kuu dhalay! In qarnigan muwaaddin Soomaali ah ay Soomaali kale nolosha ku gubto, isla markaana aan Dowladda iyo shacabkuba aanay aad uga gilgilan oo kaalinta kaga aaddan ka soo bixin si aan lala daahin, waxay diri kartaa farriin gurracan, waxayna dib noogu celineysaa casri jaahiligii ka horreeyay diinteenna. Anigu si adag ayaan u cambaareynayaa falkaas ciddi geysatay iyo cid kasta oo ka raalli ah. Madaxdeydana waxaan ka dalbayaa in ay baaritaan iyo xaqiijin ka dib ay sugaan caddaaladda.” Dihinaca kale hadalka Yusuf Garaad ayaa imaaneya xilli ay wali xiran yihiin qoyskii geystay falkaas halka dowladda Soomaaliya ay Hotel ay todobada ku qaataa dejisay labadii lamaane ee ay dhibta ka soo bilaabatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. The full brunt of the sun pierces through the plastic roof of Hassan Noor’s one-room home in Dadaab, a refugee camp located in northeastern Kenya. Source: Hiiraan Online
  3. BERLIN (Reuters) - Chancellor Angela Merkel said on the eve of talks with President Tayyip Erdogan that Germany wanted to work with Turkey economically, but added she would also raise sensitive issues of human rights and prisoners with him. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay oo Taariikhdu Tahay 27/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay Eedeysanayaasha kala ah Daahir Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha waaxda Dib U dejinta Barakacayaasha Ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka iyo Maxamed Cumar Macallim oo ahaa Xoghayaha Joogtada ah Ee Wasaaradda Gargaarka oo ahaa maqane. Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed. Sidoo kale waxaa dacawada ka soo qeyb galay Xeer Ilaaliayaha Guud Ee Qaranka Dr.Axmad Cali Daahir iyo ku xigeenadiisa, waxaa kaloo goob joog ahaa Qareenada difaacayay Eedaysane Daahir Maxamed Nuur waxayna Maxkamddu guda gashay Dhagaysiga Dacwadda loo heystay Eedaysanayaasha. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim Maxamed ayaa U aqriyay Eedda loo haysto Eedaysanayaasha uu goob joog ahaa Daahir maxamed nuur, waxaana dooda qaatay Xeer ilaalinta oo ku oogeysay Dacawadda loo haysto eedeysanayaasha. Qareennada difaacayay Eedeysane Daahir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ka difaacay Eedda lagu soo oogay Muwakilkooda kuwaas oo soo bandhigay difaacooda sharci. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir ayaa mar kale balamiyay dhagaysiga dacwada maalinta khamiista soo socota inta ka harsan.
  5. The symbolic vote by Canadian legislators is in response to crimes committed against the Rohingya minority in Myanmar Source: Hiiraan Online
  6. UK, Somalia, Italy and Ethiopia brought together international partners in support of Somalia’s security, political and economic reforms. Source: Hiiraan Online
  7. Dadaab MP Mohammed Dahiye has urged President Uhuru Kenyatta to order opening the Kenya-Somalia border. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Canab Xassan Cilmi ayaa booqatay gabadhii iyo wiilkii dhawaan qaabka cunsuriyadda ah dhibaatada weyn loogu geystay magaalada Muqdisho. Canab oo qoraal gaaban soo dhigtay barteeda Facebook ay ku sheegtay in aan loo dul qaadan doonin wixii hadda ka dambeeya in falalka noocaas ah bulsho ugu soo dhex laabato. Xildhibaanada oo arrintaas ka hadlaysa waxa ay tiri: Hablaha Soomaaliyeed waxaa waajib ah in ay helaan farxadda ah jecel yihiin, haybsoocna looguma diidi karo qof ay doonayaan in ay nolosha la wadaagam. Waxaan ka shaqeyn doonnaa in dhacdan foosha xun dib dambe umadda Soomaaliyeed ugu soo laaban.” Dhacdadan foosha xun ayaa sidoo kale waxaa ka dooday xildhibaanada golaha shacabka oo sheegay in ay sharci adag ka soo saari doonaan falalka noocaas ah. Xildhibaan Canab Xassan Cilmi oo ka mid ah hormuudka dadka u dooda xuquuqul insaanka iyo gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed ayaa hore u ahayd gudoomiye ku xigeenka ururka haweenka ee gobolka Banaadir ka hor inta aysan noqon xildhibaan qaran, sanadii 2016. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. New York (Caasimadda Online) – Xilli ciidamada Kenya ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ay wajahayaan dhiigbax joogta ah ayna ku adagtahay in ay dagaalka sii wadaan waqti dheer ayay xukuumadda Nairobi taageero ka dalabtay ‘Beesha Caalamka’. Uhuru kenytatta ayaa waxa loogu yeero Q.Midoobe ka codsaday in dowladdiisa ay taageero dhaqaale iyo mid melleteri siiyaan si ay uga adkaato wax uu ku sheegay Argagaxiso. isagoo Khudbad ka jeedinayay shirka Golaha ammaanka ee magaalada New York ayuu sheegay in dowladda Kenya ay wajaheyso culeysyo dhanka dhaqaalaha iyo melleteriga ah si ay isaga caabiso xarakada Jihaadiga ah ee Al Shabaab, markii uu khudbadda dhameeyay ayuu kulamo gaargaar ah laqaatay madaxweynayaal reerglabeed ah dhammaantoodna wuxuu ka codsaday in ay ka taageeraan dagaalka ciidamadiisu uga jiraan Soomaaliya. Tallaabadan ay Kenya ku codsatay taageero caalami ah ayaa kusoo aadaysa xilli Al Shabaab ay sare uqaadday weerarada ay ka fulinayso gudaha wadanka Kenya iyo qaraxyada iyo weerarada tooska ah oo ay melleteriga Kenya ugu geysanayso gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose. Xildhibaanno iyo siyaasiyiin Kenyaan ah ayaa iyana xukuumadda ku cadaadinaya in ay ciidamadeeda kalasoo baxdo Soomaaliya si wax looga qabto ammaanka gudaha wadankaasi. Melleteriga Kenya ayaa kusoo biiray Ciidamada AMISOM sanaddii 2011 wuxuuna ku lug lahaaday xasuuq dad shacab ah loogu geystay gobollo dhaca Koonfurta dalka. Weerarkii ugu cuslaa oo Kenya ay kala kulantay Kooxda Al-Shabaab gudaha Soomaaliya wuxuu ahaa midii guutooyin katirsan ciidamadeeda cagta lagu mariyay deegaannada Ceel Cadde iyo Kulbiyoow. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
  10. Beijing (Caasimada Online) – China ayaa ku eedeeysay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu aflagaado u geystay kaddib markii uu ku eedeeyey in ay doonayaan faragalinta doorashooyinka soo socda ee Congress-ka Mareykanka. Trump waxa uu ka sheegay Golaha Ammaanka kulan ay Arbacadii yeesheen in Beijing ay faragalin ku hayso doorashada dhexe ee bisha November dhici doonta iyaga oo ka soo horjeeda sharciyada adag ee uu ganacsiga ka soo saaray. “Ima doonayaan ama annaga in aan guuleysanno, maxaa yeelay waxaan ahay madaxweynihii ugu horreeyey oo China kula loolama ganacsiga guulo ayeyna ka gaarnay ganacsiga,” ayuu yiri Trump. Laakiin mar uu saxaafadda Beijing khamiistii kula hadlayey afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibedda ee China Geng Shuang waxa uu sheegay in Beijing aysan farogalin umuuraha wadamada kale. “Waxaan kula talineynaa Mareykanka in uu joojiyo eedeyntan iyo aflagaadan aan dhammaaneyn,” waxaa siyaas yiri Geng. “Jooji hadaladan qaldan iyo ficiladan dhaawacaya xiriirka labadeena dowladood iyo danaha aas aasiga ah ee labada dal, dadkooda.” Dhinaca kale Geng waxa uu sheegay in iskaashiga China iyo Mareykanka caadi yahay. “In sidan loo qeexo sida in dowladda China isku dayeyso farogalinta doorashada Mareykanka waa been aan sal iyo raad lahayn,” ayuu sii raaciyey. Caasimada Online Xafiiska Islamabad Caasimada@live.com
  11. Jeelka Bosaso Puntland ayaa markii ugu horeysay weerartay ciidamo ka tirsan oo ka gadoodsanaa sida la sheegay mushaar la’aan, waxaana ka dhashay falkaas khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Laamaha amniga gobolka Bari oo ay gacan siinayaan ciidamada Madaxtooyada ayaa maanta galinkii dambe weerar ku qaaday ilaalada Jeelka Boosaaso oo ka gadoodsanaa mushaar la’aan. Sarkaal ka tirsan ciidamada amniga gobolka Bari oo codsaday in aan mgaaciisa la xigan ayaa PUNTLAND POST u sheegay in saaka ilaalada Jeelka Boosaaso ay gadood sameeyeen, ayna xireen taliyaashoodii, iyadoo dowladda ay isku day-day in ay waan-waan la gasho, balse wax xal ah laga waayay, ugu dambeyna ay weerar ku qaadeen ciidamo huwan ah. Rasaas xoogan oo ilaa caawa soo gaartay ayaa Boosaaso laga maqlayay galinkii dambe ee maanta, waxaana ugu dambeyn ciidamadii huwanta u suurta gashay in ay gacanta ku dhigeen Jeelka , iyadoo ciidamadii gadoodsanaa qaarna la qabtay, kuwana ay baxsadeen. Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa inta la hubo ah hal qof oo dhimasho ah iyo mid dhaawac ah, PUNTLAND POST ayaa loo xaqiijiyay in ruuxa dhintay uu yahay maxbuus ku xirnaa Jeelka, oo markii dagaalku dhacay ay halkaas ku xirnaayeen boqolaal maxaabiis ah oo u badan Al-shabaab iyo Daacish. Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo magaalada Boosaaso uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas, oo intuu xilka hayay ay soo noq-noqdeen gadoodka ciidmado ka canabaya mushaar la’aanta. PUNTLAND POST The post Bosaso: Puntland oo weerartay ciidamo gadoodsan appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Nin ku hubeysnaa qori uu Waaxda Faanoole ee degmada Kaaraan ku dilay wiil ay qaraabo ahaaye. Dilka oo si kadis ah u dhacay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ka dhashay muran maandooriye oo dhexmaray gacan ku dhiiglaha iyo Marxuumka. Dadka deegaanka ayaa soo warinaaya in labada ruux ee midi la dilay ay ahaayen qaraabo wada socon jiray, hase yeeshee ay ku kala fogaaden maandooriyaha. Maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegay in gacan ku dhiig laha ay horgeyn doonaan sharciga, isla markaana uu guran doono waxa sharciga uga soo baxa. Maamulka ayaa sheegay in marxuumka lagu dhuftay 6 xabadood oo kaga dhacday qeybaha sare ee jirka. Hay’adaha ammaanka oo ku baxay falkan ayaa gacanta ku dhigay gaari NOAH ah oo uu watay ninka dilka geystay ee baxsaday. Sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay qalab lagu diyaarinayay maandooriyaha. Meydka ninka la dilay ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee dowlada Somalia ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan la dhaqan galin doono xeer heer wasiir ah, kaa oo lagu howlgalin doono shuruucda uu gaadiidku lahaa. Wasaarada ayaa sheegtay inay muhiim tahay in dib loo soo saari shuruucda xeerkan oo ka kooban 24 qodob ay ku dhaqmi doonaan gaadiidleeyda inta laga soo saarayo sharciyadii uu hore u lahaa gaadiidka dalka. Cali Gacal Gaaboow, oo ah Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada Somalia, ayaa sheegay in marka Baabuurta lasoo dejinayo lasiin doono Taariko ganacsi oo gaar ah. Waxa uu Agaasimuhu tilmaamay in qofka laga iibinayo lagu siin doono Buugga iyo Aqoonsiga uu wato, wuxuuna sidoo kale sheegay in la diiwaan gelin doono dhammaan geerishyada Magaalada ku yaalla. Agaasimaha ayaa sheegay in Xeerkan uu suurto gelin doono in la mamnuuco Baabuurta uu isteerinkoodu yahay dhanka Midig, lana soo celin doono nidaamkii hore Isteerso bidixda si loo badbaadiyo Nafta iyo hantida shacabka raacaya Gaadiidka Dad weynaha. Nuqul kamid ah haddalka Agaasimaha ayaa ahaa “Xeerkani wuxuu suurto gelinayaa haddii la dhaqan geliyo in Baabuurtaana la joojiyo, Baabuurtii Waddanka tiillayna ay si nadaam ah u socdaan, xeerkaan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay, marka hay’adaha ay tahay in ay xeerkan dhaqan geliyaanna waa war gelinnay waana la socodsiinnay, waxaana rajeyneynaa in marka lagu dhaqmo xeerkaas uu Magaalada Muqdisho is beddel badan ka yimaaddo”. Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha carab ***** in shilalka iyo ciriiriga mararka qaar ka jira magaalada Muqdisho uu ku sababeeyay xeerka wadda marista oo qaldan. Wuxuuna sheegay in aysan mar kale soo degi doonin Gaadiid leh shukaan midig leh, kuwa haatan yaallana la marin doono guddiga imtixaanaadka tababarna la siin doono. Si kastaba ha ahaatee, Agaasimaha ayaa sheegay inay soo celin doonaan dhammaan shuruucdii gaadiidka iyo waddooyinka, islamarkaana aan la hubin doono caafimaadka wadaha, Da’da iyo bad qabka gaadiidka si ay u yaraadaan shilalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda daahfurka barnaamijka dib u habaynta Waxbarashada Dadaweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda in dib loo xoojiyo nidaamkii waxbarasho ee lacag la’aanta ahaa ee ka jiray dalka. Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey kumannaan arday ah oo wax ka barata 24 Iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho, ayna dhigtaan ku dhawaad 15-kun oo arday, iskuulladaas oo maanta si rasmi uga mid noqday nidaamka waxbarashada dawliga ah ee dalka. “Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo, waana waajib dastuurku na faraayo. Maanta awooddeeda Alle waa uu nasiiyay, waxaana ka shaqeynaynaa fulinta qorshaha ah in xuquuqda waxbarasho ee caruurta Soomaaliyeed aan dib usoo celino.” Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dalka ayaa soo bandhigtay qorshaha ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta ah, iyadoona ku dhawaaqday in macalimiinta iyo maamulka dugsiyada ku biiray nidaamka waxbarashada dowliga ah ay ka mid noqon doonaan shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasaaradda ayaa la wadaagtay Madaxweynaha nuqullo ka mid ah manhajka mideysan ee waxbarashada, waxa uuna kula dardaarmay khubarada Soomaaliyeed ee gacanta ku haysa manhajka ay xoogga saaraan kor u qadista wadaniyadda, isdhexgalka bulshada iyo kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigtay qorshaha tayeynta macalimiinta oo wajigiisa koowaad lagaga hirgelinayo Caasimadaha Dowladda Goboleedyada xarumo lagu tababaro macalimiinta oo noqonaya madal ay isku dhaafsadaan macalimiinta khibradahooda dhanka waxbarista, sarena loogu qaadayo xirfadahooda. Madaxweyne Famaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhanka waxbarashada, isagoona tilmaamay in dhaqangelinta manhajka mideysan ee waxbarashada dalka uu qorshe istaraatiiji ah u yahay mustaqbalka waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey dalladihii aan dowliga ah ee waxbarashada iyo aqoonyahannadii Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey samato bixinta waxbarashada dalka iyo badbaadinta mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed xilliyadii burburka. Halkaan hoose ka akhriso Liiska Iskuulada ee Dowladda lagu wareejiyey, Tirada ardayda iyo Macalimiinta TIROKOOB: ~Tirada guud ee Dugsiyada waa 24 ~Tirada macalimiinta 713 ~ Tirada Ardayda waa 14,803 ~Magacyada Dugsiyada: 1. Bartama 2. Wiilwaal 3. Agoonta Gabdhaha Boondheere 4. Axmed Kadare 5. Macallin Jaamac 6. Cabdicasiis 7. 11 Janaayo 8. Yaasiin Cismaan 9. Gaashaanle 10. Agoonta Wiilasha Kaaraan 11. Hawlwadaag 12. 21 November 13. Dayniile 14. Xasan Qariidi 15. Maxamuud Hilowle 16. Maxamuud Mire 17. Godey 18. Maxamuud Hilowle 19. Maxamuud Mire 20. Cali Xuseen 21. 20 Disembar 22. Axmed Waayeel 23. Aqoon Dirsad 24. Jabuuti
  15. MOGADISHU (HOL) – Somali president fiercely attacked opposition politicians Thursday, accusing them of playing a double game in ongoing political challenges with the government which is struggling to contain a new surge in violence...... Source: Hiiraan Online
  16. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in laba qof oo rayid ahi ku dhinteen, laba askarina ay ku dhaawacmeen kadib markii maanta galinkii dambe dagaal dhex maray ciidamo ka tirsan maamulka Puntland iyo ciidamada ilaalada xabsiga Boosaaso. Rasaas aad xooggan oo Labada dhinac iswaydaarsanayeen ayaa laga maqlayey inta badan magaaladda, sida ay sheegayaan dadka deegaanka. Wararku waxay intaa ku darayaan in dhawaqa rasaastu uu si is daba joog ah u socoday mudo nusa saac ka badan. Labada qof ee rayidka ah ayaa la sheegay in ay rasaastu ku dhacday iyaga oo magaalada dhex maraya, halka labada askari ee dhaawacmayna ay ka mid yihiin ciidamada maamulka Puntland. Iska hor imaadkan ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay kadib markii ciidamadda Ilaaladda Xabsiga oo ka cabanaya mushahar la’aan mudo dhawr bilood ah ay xoog ku qabsadeen dhismaha xabsiga oo ay diideen in gudaha ay u galaan mas’uuliyiin Puntland ka tirsan. Markaas kadib ayaa la sheegay in ciidamadii ilaalada u ahaa mas’uuliyiinta iyo kuwii xabsiga qabsaday ay isku dhaceen. Xaaladda ayaa la sheegay inay iminka degan tahay. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalinba Maalinta ka dambeyso isa soo taraya wararka ku saabsan falkii argagaxa lahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo lagu gubay Allaha u naxariistee Marxuum Axmed Dowlo. Markii hore kaliya waxaa arrintaan ka hadlayey qoyska uu ka baxay Marxuumkaas, waxaana wax war ah laga waayey qoyska kale ee dhalay Gabadha isla markaasna dilka geystay. Waxaa hadda bilowday hadallada qoyska Gabadha dhalay oo banaanka soo dhigay arrimo ay sheegeen inaan dadka loo sheegin, oo qisadaan kasii dhigaya mid halisteeda leh isla markaasna ay noqon doonto mid lagu wareero xalinteeda. Qofkii ugu horeeyey ee kamid ah qoyska Gabadha oo arrintaan ka hadlay ayaa noqday wiil la dhashay gabadha sababtay kiiskan ee Ruqiya C/llaahi Maxamed, ninkan oo ay isku hooyo yihiin Ruqiya laguna magacaabo Axmed Iidow ayaa sheegay in gabadha aan la bixin, isla markaana si sharci darro ah oo an xalaal ahayn uu ku heysto wiilka la baxsaday. Wiilkaan ayaa tilmaamay in Ruqiya ay tahay Gabar yar oo 15 jir ah isla markaasna ka tirsan bah yarta qoyskaan oo ka kooban laba bah, isagoo intaas ku daray inay gabadhaan ku jirtay waxbarasho heerka Dugsiga sare. Wuxuu intaas ku daray in gabadhaan loo waday Dalka Turkiga si ay halkaas ugu dhameystirato wabarashadeeda. Mar uu wiilkaan ka hadlayey in Gabadhaan uu bixiyey aabaheed ayaa warkaas ku tilmaamay inuu yahay mid been abuur ah, wuxuuna xusay in aabaheed uu xanuunsanaa oo maanta uun (shalay) uu kasoo baxay Isbitaal, isla markaana aysan jirin cid gabaddhaasi bixisay oo ay doonayaan in dib loogu soo celiyo Gurigeeda. “Gabdhaas ma jirto cid bixisay, mana bixin doono, xaaraan ayaa lagu heystaa, waxa socdo waa sino, waa arrin dan laga leeyahay.. gabadhaas waa la sixray, hal mar xitaa ma hadlin markii TV-ga lasoo fariisiyey…” ayuu yiri Axmed oo la dhashay gabadha isagoo ku dhaartay inuu xaqiiqo sheegayo, waxaan si toos ah looga wareystay Facebook xalay. Wiilka ayaa ka dhawaajiyey in Gabadha Hooyadeed ay xirneyd muddo 5 berri ka hor inta uusan dhicin falkii lagu dilay Axmed Dowlo oo aysan iyada qeyb ka aheyn. Wiilka ayaa sidoo kale Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay iska hubiso kiiskaan isla markaasna ayusan ku fududaan inay kharash ku bixiso wax ayan hubsan oo sharci darro ah sida uu isaga hadalka u dhigay. Dadka Soomaaliya ayaa markii hore kaliya xoogga saarayey hadalada dhinaca qoyska wax laga dilay mana jirin hadda ka hor hadal kasoo yeeray qoyskaan Aabaha dhalay gabadha ayaa lagu wadaa inuu ka hadlo kiiskan, waxaana la sheegay inay isku beel yihiin guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow, halka ay caddaatay in hooyada dhashay ay xildhibaan ahaan is xigaan C/Weli Maxamed Qanyare oo ay isku jufo yihiin. Sidoo kale waxaa daqiiqado ka hor hadashay islaan kale oo sheegtay inay Habaryar u tahay Gabadha muranka ka dhashay taasoo sheegtay inaysan sheekada aheyn sida loo wariyey . Waxay sheegtay haddii ay dhab tahay in Qabiilada dhan ay iska guursan karaan oo aysan Soomaalida heybsooc aqoon laga rabo Xildhibaanada arrintaan ka hadlayo inay iyaga gabdhahooda iyo wiilashooda ku daraan Beelaha la yaso sida ay hadalka u dhigtay. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka wiilka hadlay https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/10000000_267172433926814_6756459619373023232_n.mp4
  18. JOHANNESBURG (AP) - The European Union says it has approved 100 million euros ($116 million) in its first-ever budget support to Somalia’s government in the latest sign of confidence in a country long shattered by conflict. Source: Hiiraan Online
  19. Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa waxa ay meelmariyeen dhaqaalihii ugu horreeyey abid ee ay ku tageerayaan miisaaniyadda Soomaaliya. Lacagta lagu kabi doono miisaaniyadda Soomaaliya ayaa gaareysa €100 million waxa ayna bilaaban doontaa rubuca dambe ee 2018 ilaa iyo 2021. Lacagta miisaaniyadda lagu kabayo waxaa la soo marsiin doonaaa dowladda Soomaaliya, iyada oo la adeegsanayo nidamka ka jira dalka. Fulinta waxa ay bilaaban doontaa October kaddib markii lagu heshiiyey tallaabooyinkii ilaalinta, taas oo u ogolaaneysa in la dhiso awoodda dowladda Soomaaliya iyo maamul gobollleedyadeeda. Tani waxay ka dambeysay markii ay yaraatay cabsidii laga qabay in lacagtan lagu aamini karo dowladda, sidoo kalenna qiimeyn lagu sameeyey habka hanti-dhawridda Soomaaliya, taasi oo muujisay is bedello lagu sameeyey hab maamulka maaliyadda dalka. Midowga Yurub waxa uu Soomaaliya ka taageeri doonaa marka laga yimaaddo taageerada miisaaniyadda ee sidoo kale loo yaqaan (Dowlad dhisidda iyo qandaraaska adkeysiga), Federal-ka iyaga oo u soo maraya xoojinta maaliyadda ay dowladda u gudbineyso dowladdaha xubnaha ka ah. Waxa ay xoojin doontaa heshiiska bulsho ee u dhexeeyey dowladda Federal-ka ah iyo shacabka Soomaaliya iyada oo si tartiib tartiib ah u kordhin doonta awoodda mas’uuliyiinta Soomaalida u leeyihiin bixinta adeegyada aas aasiga ah. Ansixinta taageerada miisaaniyadan waxa ay qeyb ka tahay jawaabo baaxad leh oo ay caalmaku ka bixineyso tallaabooyinka wax ku oolka ah ee ay dowladda Federal-ka Soomaaliya ka bixisay isbdelka siyaasadeed iyo fulinta. Tallaabadan ayaa imaaneysa hal maalin kaddib markii uu Bankiga aduunka ku dhawaaqay markii ugu horreeysay in Soomaaliya ay gacan ka heli doonto taageerada caalamiga ah ee horumarka ‘Interational Development Assistance iyaga oo dhaqaale taagulo ah siin doona dowladda Federal-ka markii ugu horreeysay 30 kaddib. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  20. MOGADISHU (Caasimada Online) — Saudi Arabia’s deputy intelligence chief arrived in Hargeisa town, after departing from Djibouti on a commercial flight. Major Gen. Ahmad Hassan Mohammad has met with President of self-declared state of Somaliland, Muse Bihi Abdi, discussing on wide range of issues, including the on-going military base building by United Arab Emirates in Berbera. The Major Gen, Mohammad reportedly conveyed a message from Crown Prince Mohamed Bin Salman to President Bihi, a source said. President Muse Bihi Abdi is set to be heading to Jeddah to meet Saudi Arabia’s Crown Prince Mohamed Bin Salman. Major Gen, Mohammad’s visit to Somaliland is said to be a very interested in a military base in Berbera along side its ally, the United Arab Emirates. The highly secretive meeting between President Muse Bihi Abdi and General Ahmad Hassan Mohammad Asiri is another sign of newly energized diplomatic overtures by the Kingdom to Somaliland. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay dhibaato ku hayaan howlaha Xukuumadda, islamarkaana ay ku mashquulsan yihiin Waxyaabo aysan dani ugu jirin Umadda Soomaaliyeed. Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in Xildhibaanada Golaha Shacabka had iyo jeer ay jecel yihiin in ay hor istaagan shaqooyinka Xukuumadda. Waxaa uu tilmaamay in xildhibaanada Golaha Shacabka laga doonaayo in ay gutaan Waajidka Saaran oo aysan Mashquul ku noqon howlaha loo xil saaray xukuumadda Soomaaliya. Hadalka Wasiir ayaa muuqday mid looga jawaabayay eedeeyn maalmihii lasoo dhaafay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u jeediyeen xukuumadda Soomaaliya,taasoo ah in ay ku fashilantay howlaha Ammaanka ee dalka. Kulankii Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa shalay baaqday ka dib markii la waayay Kooramkii lagu furi lahaa Baarlamaanka Soomaaliya. Hoos ka dhageyso codka Goodax https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/goodax.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. MOGADISHU (Caasimada Online) — A roadside bomb explosion has ripped through an African Union peacekeeping forces’ armored personnel carrier in central Somalia. The explosion hit armored convoy carrying Djibouti-an troops with African Union peacekeeping force on Thursday in Baladweyne town, some 335km north of Mogadishu, a witness said. He says the blast went off while the African Union troops have been on petrol in the town. It is unclear how many soldiers were killed or injured in Thursday’s bomb explosion. The peacekeepers reportedly opened fire to response to the bomb attack, causing untold number of casualties. There was no immediate claim of responsibility for the explosion. But, such attacks are often carried out by Al Qaeda inspired group Al Shabaab battling Somali army forces and African Union troops in Somalia. Last month, a Djibouti-an soldier was killed and two others injured following landmine explosion hit an armored vehicle in Buloburde town in central Somalia. Al-Shabab has been waging an insurgency in Somalia for more than 10 years. However, a 22,000-strong African Union force is in the country to help the government fight the al-Qaeda-linked militants. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  23. BRUSSELS (Caasimada Online) – The European Union approved in full its first ever budget support operation in Somalia. Amounting to a total of €100 million to be disbursed from the fourth quarter of 2018 until 2021. This budget support will be channelled through the Somali government using country systems. Implementation will start in October following an agreement on safeguard measures, which will enable greater capacity support to Somalia and its state-members, better risk mitigation, verification and audit, as well as on performance indicators to incentivise reforms in the areas of public financial management, rule of law, fisheries, education among others. With this budget support operation (also called State Building and Resilience Contract in Somalia), the European Union aims to support federalism in Somalia through increased and improved inter-governmental fiscal transfers from the Federal Government to its Federal Member States. It will also reinforce the social contract between the Federal Government and the Somali population by gradually increasing the role of the Somali authorities in the provision of basic services. The approval of this budget support programme is part of a broader international response to the Federal Government of Somalia’s positive track record on policy reform and implementation. It comes a day after the World Bank announced its first International Development Assistance (IDA) financing for the Federal Government in more than 30 years, worth $80 million, and follows a recent positive interim assessment by the IMF of its third Staff Monitored Programme. This combined response opens entirely new opportunities in Somalia’s state- and nation‑building. It will contribute to foster greater standards of governance and accountability from the Federal Government and Federal Member States. It will also contribute to continue reinforcing international trust in the Federal Government in view of building a strong reform track record for International Financial Institutions arrears clearance and Heavily Indebted Poor Countries Decision point. The EU, the largest donor to Somalia, is committed to support the country to achieve its development objectives in line with the National Development Plan. This coupled with the formalization of the economy and the debt relief could propel the country into a new era of prosperity. PRESS RELEASE
  24. Tehran (Caasimada Online) – Muuqaal baahay ayey Iran ugu hanjabtay caasimadaha Sucuudiga iyo Imaaraadka in ay ku duqeyn dooonto gantaalo ay ciqaab culus uga dhigeyso oo ah kuwa riddada dheer. Warbaahin ka ag dhaw xoogagga mayalka adag ee ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ugu hanjabay caasimadaha Sucuudi Careebiya iyo Imaaraadka Carabta in ay ku duqeynayaan gantaalaha ballistic-ga. Wakaaladda wararka Iran ayaa soo dhigtay muuqaalka oo muujinaya xoogagga mayalka adag ee ah ilaalada kacaanka oo gantaalada riddada dheer ku ku foorariyey dhinaca Abu Dhabi iyo Riyaad. Muuqaalka waxa uu sidoo kale u hanjabayaa Israel. Muuqaalka oo hadda la tirtiray waxaa uu ka soo muuqday Twitter-ka, isaga oo gobolka ka abuuray xiisad kaddib markii ay kooxo maleeshiyaad ah ay weerareen ciidamo Iran-niyiin ah oo dhoolatus sameenayey. Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, waxa uu weerarki ka dhacay Ahvaz, oo ay ugu yaraan 25-ka qof ku dhinteen kuna dhaawacmeen 60-ka kale ku eedeeyey dowladaha gacanka ee uu taageero Mareykanka. Cabsidan waxa ay sii kicisay xasillooni darrddii ka jirtay gacanka Persia xilli Iran lagu soo rogay cunaqabateynta markii uu Mareykanka ka baxay heshiiskii Nuliyeerka ee uu Tehran kula jiray, halka Sucuudiga iyo Imaaraadkana ay guuldarro kala kulmeen dagaalka socda ee Yaman. Dhinaca kale Iran waxa ay aqoonsatay shan nin oo ka dambeeyey weerarka iyada oo ku eedeysay in ay ka dambeeyeen Carabta gooni u goosadka ah ee dalkeeda. Ugu yaraan laba ka mid ah ragga la qabtay waxaa lagu arkay muuqalka ay baahiyeen dowladda Khilaafada Islaamka ee Daacish, oo iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Iran laba jeer ayey caro darteed u ridday gantaaleheeda sanadihii dhawaa. 2017 waxa ay ku duqeysay kooxaha ka dagaalama Suuriya iyada oo ka jawaabeysay weerar ay Tehran ku qaadeen Khilaafada Islaam-ka kooxda sheegata. Hadana bishan waxa ay ku weerartay kulan ay Waqooyiga Ciraaq ku lahaayeen Kurdiyiiinta Iran ee gooni ogoosadka ah. Caasimada Online Xafiiska Jeddah caasimada@live.com
  25. The Istanbul-based Humanitarian Relief Foundation (IHH) completed the construction of an orphanage in Somalian capital Mogadishu to commemorate a Turkish teenager martyred by PKK in 2017. Source: Hiiraan Online