Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,575
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ethiopian officials have revoked land leases in Addis Ababa that were held by dozens of investors, including Ethiopian-born Saudi billionaire Mohammed Hussein al-Amoudi. Source: Hiiraan Online
  2. Turkish President Recep Tayyip Erdogan is set to open one of Europe's largest mosques in Cologne on Saturday as he wraps up a controversial visit to Germany, with police deploying in force amid planned protests. Source: Hiiraan Online
  3. Five men have been charged for terrorism after attempting to kill Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. Source: Hiiraan Online
  4. HANOI—Last month, Aung San Suu Kyi, Myanmar’s de facto civilian leader, appeared at a panel hosted by Singapore’s ISEAS-Yusof Ishak Institute. At the event, one attendee asked her what had surprised her most since taking power in 2016, citing a long list of struggles the country faces, from the sluggish economy to ethnic conflict. Source: Hiiraan Online
  5. National assembly majority leader Aden Duale has hit out at Amani National Congress party leader Musalia Mudavadi accusing him of overseeing the finance ministry during the Golden-berg. Source: Hiiraan Online
  6. The Supreme Court has allowed Wajir Governor Mohamud Abdi to file new evidence as he fights to retain his seat. Source: Hiiraan Online
  7. Kathryn Mayorga, 34, claims the Portuguese football player raped her in a Las Vegas hotel room, according to German media outlet Der Spiegel. The magazine says Ronaldo paid her $375,000 for her silence. Source: Hiiraan Online
  8. A reproduction of a 19th-century purple dress with white lace collar is positioned on a stand, as if waiting for its owner to slide it on. Source: Hiiraan Online
  9. President of the University of Jigjiga, Abdulaziz Ibrahim who sparked a storm of controversy by firing more than thirty staff a year ago has himself been let go. Source: Hiiraan Online
  10. Brett Kavanaugh may yet be confirmed. Senate majority leader Mitch McConnell may somehow find a way to unravel it, and President Trump could still balk. Source: Hiiraan Online
  11. The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Friday awarded 30 police officers deployed in Somalia to boost stabilization efforts for their distinguished service. Source: Hiiraan Online
  12. A former head of Ethiopia’s Jail Ogaden and regional prison commissioner has been arrested by authorities, an activist in the country Somali Regional State, SRS, has reported. Source: Hiiraan Online
  13. The IFJ and its affiliate, the National Union of Somali Journalists (NUSOJ), have formally called on the UN Human Rights Council to take action to stop attacks against the country’s journalists. Source: Hiiraan Online
  14. Young married mother Duniyo Adan Mohamed, 19, breastfeeds her seven month-old son before she sets off for school in the southwestern Somali town of Baidoa in the morning. She leaves some bottled milk for the baby with her mother, who babysits until Duniyo gets back from class at noon. Source: Hiiraan Online
  15. Director of Public Prosecutions (DPP) Noordin Haji has publicly admitted to receiving ‘countless’ death threats since taking up office in April. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Habeen kasta marka ay saacadda tahay 3:00 AM, waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka kaca diyaarado ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas shaaca ka qaaday siyaasiga Faarax Macallin oo aad ugu dhow dowladda Soomaaliya. Qoraal uu soo dhigay twitter-kiisa ayuu Faarax Macallin ku sheegay in diyaaradahan oo ay leeyihiin milatariga Mareykanka islamarkaana ah kuwa xamuulka ay isaga gudbaan garoonka Aadan Cadde iyo kan Balidoogle, kadibna ay usii duulaan goob aan la aqoon. Waxaa sidoo kale jira, ayuu yiri, konteenaro la eg 40ft oo wax aan la aqoon looga qaado Buur-Hakaba iyo Baraawe. “Habeenk kasta, abaare 3:00 oo gow ah, diyaaradaha xamuulka milatariga Mareykanka ayaa isaga goosha garoonak Muqdisho iyo Balidoogle, xilli mugdi ah, sir bandanna la qariyo, ayaga oo aada meel aan la aqoon. Sidoo kale konteenaro 40ft ah ayaa laga qaadaa Buur-Hakaba iyo Baraawe. Ma waxay xadaan macdanta?” ayuu Faarax ku yiri qoraalkiisa. Isla qoraal kaas xigay oo uu raaciyey ayuu Faarax Macallin uga codsaday madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre inay ka dhabeeyaan ballan-qaadkoodii ahaa inay soo celinayaan madaxbanaaninda iyo qarannimada Soomaaliya, oo ay la socdaan waxa ka dhacaya gudaha dalkooda. Waxa uu ka codsaday inay Mareykanka ka dalbadaan inay shaaca ka qaadaan dhammaan waxyaabaha ay ka samaynayaan gudaha Soomaaliya. “Dalkiina dib usoo ceshta” ayuu Faarax Macallin ku yiri Farmaajo iyo Kheyre. Every night at around 3 o’clock in the morning heavy American military transport planes shuttle between Mogadishu Int. Airport & Balidogle airport under cover of darkness &secrecy to unknown destinations. 40ft containers are also moved from Buur Hakaba& Barawa. Stealing minerals! — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 27, 2018 Farmaajo/Kheyre took oaths to restore the sovereignty of Somalia, and restore they must do. The President /Prime Minister must know what is happening in their own country. Read Americans the riots act by demanding full disclosure of what they have been doing. Reclaim yr nation. — Farah Maalim (@FarahMaalimM) September 27, 2018
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa facebook soo dhigay hadal jawaab u ah khudbaddii uu madaxweyne Farmaajo ka jeediyey magaalada Muqdisho khamiistii, ee uu siyaasiyiinta mucaaradka ugu magac daray “Siyaasiga xanaaqsan” Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi. Maadada “Siyaasiga Faraxsan & kan Xanaaqsan “ oo caruurta iskuulada Xamar dhigata lagu soo kordhiyey manhajkooda! Buug uu qoray Mudane Maxamed C/hi Farmaajo. “Goob walba kalimadeeda ayey leedahay لكل مقام له مقال! Goob tacsi taallo loogama waramo damaashaad, goob dib u heshiisiin lagu hayana laguma xuso dagaal hadaladiis, akhyaar waaweyn sheekada caruurta looma sheego, ilmo yaryarna sheeko odoyeed ma xamili karaan.. iwm. ilmo yaryar oo iskuullay ah, guryahoodii salaaddii subax ka dib laga soo kaxeeyey, ayagoo dharkii iskuulka ku labisan oo aan quraac soo cunin hool lagu soo xareeyey, wax ka badan 5 saacadood iska fadhiyey halkaas, duruusta Iskuulka loogu dhigi jirayna ay ka mid aheyd is-ixtiraamka iyo tarbiyadda wanaagsan, in madaxweynihii dhibkaas oo dhan loo soo marsiiyey in ay wax un ka kororsadaan ay noqotay ayagoo goobtaas kala gaddoomay “darsi nacayb & karaahiyo muujinaya” iyo gocasho hadallo ku taagnaa madaxweynaha, inkastoo Soomaalidu ay ku maahmaahdo “Matag meel Aad rabto kuguma simo”, madaxweynuhu uma muuqan cidda u uu khudbaynayo, ee waxaa u muuqday cid kale oo tabasho uu ka qabay markaas. Ardayda yaryar ee horfadhiday madaxweynaha, waxey xaq u lahaayeen in waxbarashada ay lacagta ku dhigtaan madaxweunuhu u ballanqaado in iskooladii dawladda dib loo furayo Lacag la’aanna looga dhigi doono, jaamacadihii dalka dib loo hawlgalinayo” marka ay jaamacadaha ka soo baxaana shaqooyin la siin doono, sidoo kale waalidka ku dhibban Waxbarashada iyo caafimaadka caruurtaas waxey filayeen in culeyska ka heysta Waxbarashada iyo caafimaadka ilmahooda oo ay xaq ugu leeyihiin in dawladdu daboosho, ballanqaad ay ka maqlaan madaxweynaha, laakin uma aysan fadhin in hadallo cuqdad iyo caro ka muuqato ilamahooda lagula dul dhaco. Si kastaba, Mudane Madaxweyne, Armuu xaalka dalku ka durugsan yahay farxad & Xanaaq caruur yaryar hortooda laooga sheekeeyo! Mas’uuliyadda kaa saaran dal qeyb ka mid ah alshabaab heysto, maamuladii goboladu ay hogaankaada iyo siyaasadaaba calaamad su’aal saareen, magaalada Muqdishana xaalkeeda laga warqabo, intaas mas’uul ay heysato ma farxi karee, see wax yihiin? ogowna dalku inuusan doorasho ku jirin, oo aan la indha-sarcaadin karin dadka, dhabta in loo soo jeesto, oo arrimaha dawlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta hogaanakaada dhallilshan ay sheegayaan jawaab aan ahayn “Farxad iyo Xanaaq” ka bixi.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii madaxweyne Farmaajo uu shalay ku dhaleeceeyey siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Madaxweynaha ayaa shalay magaca cusub u bixiyey Siyaasiyiinta kasoo horjeedo dowladda Soomaaliya, ee mucaaradka dowladda iyo madaxda maamul goboleedyada, isagoo ku tilmaamay inay yihiin (Siyaasiyiin Xanaaqsan). “Siyaasiga xanaaqsan waa kan dhaha ha nala dhexgalo, waa kan hanjebiya shacabka, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay masoo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar malah, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahan” ayuu yiri Madaxweynaha. Si kastaba, qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku sheegay in hadalladaas aysan ahayn kuwa ku haboon madaxweyne doonaya inuu dadkiisa isku soo dhooweeyo. Hoos ka aqriso qoraalkiisa. “Khudbada iyo hadal jeedinta hogaamiye dal colaad ka soo baxaya oo baahi wayn u qaba in dadkiisa la isku dumo dawladiisana dib loo dhiso, waa kartida uu u leeyahay in uu shacabkiisa la wadaago sida uga haboon ee caqabadaha ku horgudban looga gudbi karo, halista ku xeeran looga baxsan karo, fursadaha horyaalana looga faa’iidaysan karo. Waxaa kaloo laga doonayo in uu leeyahay awood iyo fasaaxad hadal jeedin oo uu dadkiisa ku qancin karo, ku soo jiidan karo, kuna dhiiragelin karo” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland ayaa la sheegay in bilihii lasoo dhaafay dadaal weyn ugu jiray inuu xarun ama Saldhig Militari kasiiyo Dowlada Ruushka degmada xeebta saaran ee Saylac. Xogtan ayaa soo baxeysa xili ay kulamo u socdaan Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Ruushka oo kulamo gooni ah ku yeeshay magaalada New York ee uu ka socdo shirweynaha 73aad ee Qaramada Midoobay. Qorshahan oo uu si weyn u daneenayey Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi ayaa la sheegay inuu kusoo dhamaaday fashil kadib markii ay dowlada Ruushka ka gaabsatay inay qaabisho wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland oo damcay inay booqdaan magaalada Moscow ee caasimada Ruushka. Degmada Saylac oo ah deegaan xeebeed taariikhi ah ayaa aad ugu dhaw dalka Jabuuti oo ay hada saldhigyo ku leeyihiin militariga dalal kala duwan oo ay ku jiraan Maraykanka, Faransiiska iyo China. Maamulka sida weyn u doonaya aqoonsiga ayaa rajeenayey in dowlada Ruushka ay ka caawiso dhinaca aqoonsiga inay yihiin dal madax banaan, taasina ugu bedasho Ruushka dhul balaaran oo ay kasiin lahayd degmada Saylac. Siyaasiyiinta Somaliland ayaa istusay in Ruushka taageeradii uu siiyey hogaamiyaha Siiriya Bashar Al Assad mid lamid ah siin doono Somaliland hadii uu aqoonsado, walow dadaalkaasi ka socday Hargeysa la sheegayo inaan lagu guuleysan. Somaliland ayaa horey heshiis saldhig militari u saxiixday Dowlada Imaaraadka Carabta oo ay ku wareejisay dhul balaaran oo ku yaal degmada Berbera, walow heshiiskaasi la saxiixay hase yeeshee dhismaha saldhigaasi ayaa la sheegay inay dib u dhacyo ku yimaadeen. Kulankii Federaalka iyo Ruushka Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Sergey Lavrov iyo Wasiirka Soomaaliya Axmed Cawad oo hada ku sugan shirweynaha Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen uga wadahadlay xiriirka labada dal. Dowlada Ruushka ayaa sheegtay in ay dooneyso inay xoojiso xiriirka iskaashi iyo ganacsiga ay la leeyihiin Wadanka Soomaaliya. Ruushka ayaa kamid ahaa wadamadii qeybta weyn ka qaatay dhismaha militariga Soomaaliya laga soo bilaabo xiligii dowladihii Rayidka iyo militariga ee Soomaaliya, isla markaana dhisay madaarka weyn ee magaalada Berbera oo ay hada maamulka Somaliland ku wareejisay Imaaraadka Carabta. Moscow ayaan soo hadal qaadin baaqyada iyo codsiyada uga imaanayey Maamulka Somaliland balse sheegtay inay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyihiin dowlada Federaalka ee Soomaaliya. Maxamed Cismaan, HM
  20. Premier League leaders Liverpool face unbeaten Chelsea for the second time this week in an early-season clash between two title contenders at Stamford Bridge. Source: Hiiraan Online
  21. Khartoum (Caasimada Online) – Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Suudaan ayaa lunsaday Lacag kor u dhaafeysa 12000$ “Labbo iyo Toban kun oo Doolar” ka dib markii ay is daba mariyeen habkii lacagaha ay ku bixin Jireen Muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee u baahan Baasaboorka, taa oo aheyd in Account lagu shubo Lacagta lagu dalbado Baasaboorka. Xafiiska ayaa Ardayda faray in shaqsi walba uu kaash ahaan u bixiyo Lacag dhan 160$ “Boqol iyo Lixdan Doolar” si loogu dalbo Cusbooneysiinta Baasaboorkiisa. Arintan ayaa dhacday intii ay Safaaradda Joogeen Diblumaasiyiintii hore ee ay Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ku amartay in ay dib ugu soo laabtaan dalka ka dib markii lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo wax is daba marin. Cabdullaahi oo ah Madaxii hore ee Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha Safaaradda ayaa ku dooday in sii haayihii hore ee Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule uu ku amray in Lacagta uu Kaash ahaan uga qaado Muwaaddiniinta, ka dibna uu isagga ku wareejiyo, balse hadalkaa ayaa u eg mid iska dheh ah Maadaama Xafiiska Jinsiyadaha uu si toos ah u hoos tagi jiray Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya. Sii haayaha Cusub ee Safaaradda ayaa markii hore tilmaamay in aanu shaqo ku lahayn wixii isagga ka horeeyay, balse Ardaydii la dulmay oo uu hadalkaa u cuntami waayay ayaa u sheegay Mudane Cismaan in Lacagta ay ku bixiyeen Magac Dowladeed, ayna tahay in uu xaqoodii uga doono Dowladda si ay Baasabooradooda u helaan, isagga oo ugu danbeyn balan qaaday in uu Dacwadda ardayda u gudbin doono Xafiisyada ay quseyso ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. In ka badan Toddobaatan Arday ayaa is diiwaan galiyay ka dib markii uu sheegay Sii haayaha Cusub ee Safaaradda Suudaan Mudane Cismaan Axmed Maxamed in loo baahanyahay tirada Ardayda ee lacgata laga dhacay, iyadoo Warbixinta ay Wakaaladda AANA heshay ay sheegaysa in tirada Ardayda la dhacay ay intaa ka badan tahay maadaama ay jiraan dhalinyaro wax ka barata Gobolada kala duwan ee Suudaan kuwaa oo aannan hadda wali soo gaarin Khartuum si ay liiska dulmanayaasha uga mid noqdaan. Baasaboorada Shan bilood ka hor halka Muwaadinka ugu muddada yar uu Baasaboorka ka maqanyahay Bil iyo wax la jira. Qaar ka mid ah Ardayda la dhacay oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in aanay wali u jeedin Yididiilo muujinaysa in ay xaqooda heli doonnaan ayna ku qasbanyihiin sida muuqata in ay Lacag cusub bixiyaan si Baasaboorada dib loogu dalbo. Mid ka mid ah Ardayda Dulman oo aan mar sii horeysay la xariirnay ayaa yiri sida tan “Tiradeenu aad ayey u badantahay, waxaa nagu jira arday Jaamacadihii dhamaystay oo Master u aadi lahaa Waddamo kale, qaar daganaashihii ka dhacay oo Maalinkii u dhashaba Ganaax lacageed ku socoto inta ay daganaasho ka saaranayaan, Qaar baa Caafimaad u aadi lahaa dallal kale. Waad dareemi kartaa nin Qurbo jooga oo Baasaboorkii ka dhacay. Run ahaantii Ardaydu waxay dareemayaan dulmi loogu gaystay Magaca Dowladdooda, waxay lacagta ku baxsheen Xafiis Dowladeed iyagoo u dhiibay shaqaale Dowladeed. Waxaa Nasiib darro ah in la iska indho tiro Cabashadeenna, jawaab cadna aannan nala siin ilaa iyo hadda. Waxaa Nasiib darro kale ah in Ninkii xoolaheenna qaatay uu wali Khartuum ku damaashaadayo isagoo baal maray amarkii ahaa in Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee Suudaan jooga ay labbo Asbuuc ku soo xaroodaan. Waxa aan Dowladda Soomaaliya uga fadhinaa in ay la xisaabtanto Tuugadii ina dhacday, inagguna xaqeena inoo soo celiso”. Inkastoo Safaaraddu ay faafisay Warqad ay ku sheegayso in arinta foosha xun ee lagula kacay ardayda ay gudbisay, isla markaana ay Jawaab ka sugeyso Hay’addaha ay quseyso ee Dowladda ayaa haddana waxa ay Ardaydu shaki galinayaan Xaqiiqda warka Safaaradda maadaama in ku dhow laba Asbuuc aanay wax Jawaab ah ka imaan dhanka Dowladda Soomaaliya.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in weerar dhowr jiho ah ay ku qaadi doonaan maamulka Somaliland oo ciidamo ay ka joogan qeybo kamid ah Gobolka Sool. Dagaalkan ayaa waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha gobalka Sool ee Puntland Cabdiraxmaan Abukar Geelle oo sheegay in ciidamada Somaliland ay wadaan sal balaarsi iyo xadgudub xuduud. Guddoomiyaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in dhawaan ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamada Somaliland ee ku sugan gobalka Sool. Waxa uu Gudoomiyaha Gobolka sheegay in shacabka Gobolka laga doonaayo inay ka qeybqaatan dagaalka, isla markaana hagaan ciidamada maamulka. Waxa uu shacabka gobolka Sool ka dalbaday in aysan niyad jabin oo ay ka qeyb qaataan dagaalka ciidamada Puntland ay ku qaadi doonaan Ciidamada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, dagaalka ay ku qaadi doonaan ciidamada Somaliland kaga sugan Gobolka ayuu sheegay inuu noqon doono mid ay qaadan maalmaha nagu soo aadan. Haddalka Guddoomiyaha ayaa imanaya xili ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ay isku horfadhiyaan deegaano ka tirsan Gobalka Sool. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu dagaal afka ah u dhexeeyo Iran iyo Israel ayaa waxaa QM la hordhigay sawirada dhul baaxad weyn oo Iran u ah Keydka Hubka Nukliyeerka. Ra’isul wasaaraha Isarela Benjamin Netanyahu oo qeyb ka ah madaxda lagu casuumay shirka golaha loo dhan yahay ee QM, ayaa madaxda adduunka tusay halka lagu keydiyo Hubka Nukliyeerka ee Iran. Waxa uu Netanyahu sheegay in Iran ay leedahay xarumo qarsoodi ah oo lagu keydiyo Hubka Nukliyeerka iyo Kiimikada halista ah wuxuuna ugu baaqay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay goobtaasi booqdan. Sawirada uu shirka kusoo bandhigay ayaa waxaa lagu soo koobay dhamaan xarumaha Keydka u ah Iran, isagoo halkaa kaga dhawaaqay in Iran ay halis ku tahay adduunka. Sawiradan oo Netanyahu uu ku sheegay xog sir ah ayaan ahayn markii ugu horeysay oo uu hogaamiyaha Israel kusoo bandhigo warbixino uu sheegay inay sirdoonkiisa ka heleen Tehran, bishii May ee sanadkan ayuu sidan oo kale magaalada Tel Aviv ugu soo bandhigay xogo ka dhan ahaa Iran. Netanyahu, waxa uu sheegay in halista Iran ay saameyn weyn ku yeelankarto adduunka oo idil, waxa uuna QM si degdeg ah uga dalbaday in baaritaan lagu sameeyo xarumaha keydka hubka. Netanyahu, waxa uu tilmaamay in Iran ay adduunka ka dhaadhicisay inay hakisay isticmaalka Hubka culus, hase yeeshee ay si xooli ah u sameeyan Hubka u kala goosha qaaradaha fog. Xogta uu soo bandhigay Netanyahu kadib ayuu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku dhawaaqay inuu burburiyey heshiiskii Iran ee la saxiixay 2015. Trump ayaa burburinta heshiiskaasi u adeegsaday xogtuu soo bandhigay Netanyahu. Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka Trump, Israel iyo Sacuudiga ayaa bilihii ugu danbeeyay ku jiray olole xoogleh oo lagu burburinayo heshiiskii beesha caalamka iyo Iran wada saxiixdeen 2015, taa oo ugu danbeyntii uu Trump ku dhawaaqay burburinteeda. Sidoo kale, Seddexda dhinac ee Mareykanka, Israel iyo Iran ayaa hada mar kale dib u bilaabay olole horleh oo u muuqdo inuu salka ku hayo abaabul dagaal oo ay xulafadaasi doonayaan in lagu qaado Tehran, arrintaasi oo uu ka digay Madaxweynah Iran Xasan Rouhani oo isaguna khudbad kasoo jeediyey Shirweynaha UN-ka. Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka iyo Israel ayaa u mindiyo sifeysanaaya Iran, waxaana aad loo saadalinayaa in awood Militeri loo adeegsado burburinta xarumaha keydka Iran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Maxamud Maxamed Culusoow oo ah khabiir dhanka dhaqaalaha ah oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya iyo deeqaha dhaqaale oo caalamku uu ku baritaaro dalka. Diktoorka oo aan su’aalnay waxa ka jira in lacagtani 80 Million ee dollar in ay tahay mid cusub oo hadda Soomaaliya la siinayo ayaa sheegay in barnaamij billoowday 2013-kii uu yahay qorshahaasi. Guddoomiyihii hore ee Bank dhexe ee dalka Soomaaliya DR Culusoow ayaa daboolka ka qaaday in deeq bixiyeyaasha caalamka ay ka caga jiidayaan kaalmeynta xukuumadda federaalka waa dhinaca dhaqaalaha. Waxaa uu soo hadal qaaday in Miisaaniyaddii dowladda uga imaan jirtay beesha caalamka ay hoos u dhacday arrintaasina ay saameyn dhaqaale xumo keeni karto. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay leedahay saameynteeda oo bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo waxyaabo kale oo lagu dabbari jiray dhaqaalaha adduunka laga helo ay istaagi karaan. “Runtii waxay ku yeelanaysaa haddaad fiiriso miisaaniyadda 2018-ka 274 Million oo dollar ayay ahayd, dowladda federaalka lacagta canshuurta oo inta badan dekadda ka soo galaysa waa 156 Million oo dollar 118 million waxay ahayd lacag ka imaanaysa dibadda, marka Lacagtaasi dibadaha ka imaanaysa waxaa kamid ah 80-ka Million ah 100-ka million ayaa kamid ah, waxaana lagu bixiyaa inta badan shaqaalaha dowladda ama dowlad goboleedyada ama waxyaabaha kale ee qarashka tababarrada iyo gaadiidka, waxyaabaha dhacay waxaa kamid ahaa waxaa ku jiri jiray ciidamada xataa mushaarka la siiyo booliiska iyo Millateriga oo waayadii dambe Millateriga waa laga gooyay, haddii lacagtii la waayo meelahaas oo dhan mushaarkiina la bixin waayo saameyn waa imaanaysa” ayuu yiri DR Maxamuud Maxamed. Waxaa sidoo kale wareysigayaga wax kaga weydiinay qaabka ay ku sahlanaan karayso in dib loo yegleelo hannaankii maaliyadeed iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka. Dr. Culusow, ayaa soo qabtay jagooyin kale duwan sida Wasiirka Wasaaradda Beeraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Oo Dhammeystiran: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAREYSI-DR-CULUSOOW-28-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo maalinkii Khamiista ahaa ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ku qaaday siyaasiyiinta uu mucaaradada kala kulmo iyo maamul goboleedyada ku kacsan dowladdiisa ee xiriirka u jaray, isagoo ugu yeeray kalmadda ah “Siyaasiga Xanaaqsan”. Madaxweyne Farmaajo ayaa sida la xasuusto weerarro afka ah ku qaaday dadka dhaliila maamulka Villa Somalia, waxaana la xasuusta sidaas oo kale in madaxweynuhu uu siyaasiyiin u dhaleeceeyay 10-11-2017 xilli habeenimo ah. Haddaba, iyadoo ay arrintaas jirto ayaa dadka siyaasadda odrosa uga hadlayaan siyaabo kale duwan. Danjire Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim) oo la hadlay Goobjoog News islamarkaana ay wax ka weydiisay hadalkani ayaa sheegay in kalmadda uu madaxweynaha ugu yeeray siyaasiyiinta ka soo horjeeda ee ah “Siyaasiga Xanaaqsan” ay wanaagsanaan lahayd in halkii uu Arday iyo Maato kala hadli lahaa uu ka jeediyo fadhiga baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu qabaa danjiraha in marka la eego halbeegga khudbaddii madaxweyne Maxamed Farmaajo ee hadalkaasi uu ku soo hadal qaaday ay ka muuqatay caro oo isagu laftiisu uusan xanaaq ka marnayn. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/FALANQEYN-YAA-AH-SIYAASIGA-XANAAQSAN-28-09-2018-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com