-
Content Count
206,577 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxa golaha aqlabiyada Barlamanka ahna mudanaha magaalada Garissa ee Gobolka W/Bari Kenya Aden Bare Ducaale, ayaa qaadacay qorsho uu mucaaradka Kenya ku doonayo in lagu bedelo Dastuurka Kenya. Qorshahani oo ah afti loo qaadayo Dastuurka ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay Mudanayaal ka tirsan xisbul xaakimka haya talada Kenya oo uu Hoggaaminaayo Aden Bare Ducaale. Aden Bare Ducaale, oo ka goosa heysta Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa sheegay in qorshaha wax ka bedelka Dastuurka iyo Aftida ay tahay mid u taalla madaxweyne Kenyatta. Aden Bare Ducaale ayaa yiri “Dastuur afti loo qaadayo ma jirto dalka waxa uu leeyahay Madaxweyne isaga ayey howshaasi go’aan ka gaaristeeda u taal”. Aden Bare Ducaale, waxa uu carab ***** in qorshaha Xildhibaanada Mucaaradka uu yahay mid lagu doonaayo in la jaanrogo Dastuurka, waxa uuna tilmaamay in arrinkaasi uu yahay mid daba socda olole uu daah furay hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Third Way Allaince Ekuru Aukot oo uu afti uga aruurinayo muwaadiniinta kenya. Sidoo kale, hogaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Third Way ayaa waxyaabaha sida gaarka ah u doonayo ah in laga yareeyo kuraasta badan ee barlamaanka iyo kuwa aqalka hoose ee dowlad degaaneedyada oo uu sheegay in aysan dani ugu Jirin hormarka kenya. Si kastab aha ahaatee, Xildhibaanada Mucaaradka Kenya iyo Madaxdooda ayaa ku daah furay magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu ee bartamaha Kenya mashruuca aftida laga qaadayo Kenyanka waxaana Hoggaamiyaha xisbiga Third Way Ekuru Aukot, wallow aan la saadaalinkarin sida uu ku hirgali doono. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Falastiin ayaa markii ugu horeysay Dacwad heer caalami ah ka gudbisay dowlada Mareykanka ee uu Hoggaamiyo Donald Trump. Dacwadani oo ka dhan ah Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa loo gudbiyay Maxkamada danbiyada dagaalka aduunka. Falastiin ayaa dacwadeeda ku qeexday go’aanka safaarada mareykanka uu ku leeyahay Israel looga soo raray magaalada Tel Aviv. Qoraal uusoo saray garsooraha Maxkamada caalamiga ah ee loo yaqaan ICJ ayaa dowlada falastiin waxay ku sheegtay talaabada Mareykanka uu safardiisa ugu raray magaalada Jerusalem ay tahay mid aan fadhin. Dacwada falastiin ay ka gudbisay Dowlada Mareykanka ayaa waxaa sidoo kale lagu qeexay in ay jabineyso xiriirka caalamiga ah ee diblumaasiyada oo lagu saxiixay magaalada Vienna sanadkii 196. Sidoo kale, Dacwada ay gudbisay falastiin ee gaartay Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ayaa waxaa lagu cadeeyay in xukuumada washington ay ku xadgudubtay madax banaanida. Dhinaca kale, Madaxda Falastiiniinta ayaa Maxkamada ka dalbaday in si dhaqsi ah ay ugu dhawaaqdo in sharci daro ay tahay talaabada ay dowlada Mareykanka uu safaaradiisa ugu raray magaalada Jerusalem ee dhulka Falastiin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweyne Gaas iyo Gen. Siciid Dheere Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Taliyaha guud ee ciidamada Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa is fahan ka gaaray khilaaf muddooyinkii dambe ka dhexeeyay oo la xiriiiray xaalada gobolka Sool, sida ay ogaatay PUNTLAND POST. Muddooyinkii dambe waxaa soo ifbaxay khilaaf ka dhexeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas iyo Gen. Siciid Dheere, kaas oo salka ku yahay xaalada gobolka Sool iyo ciidamada mudada dheer heeganka ku jira ee fadhiya Tukaraq oo ay ku jiraan kuwo ay soo u ruuriyeen qabaa’ilada Puntland markii dowladdu ka codsatay taageero. Sida ay ogaatay PUNTLAND POST Gen. Siciid Dheere ayaa ogaysiiyay madaxweyne Gaas in tuusan aadin safarkii Sanaag in uu ka tagayo xilka taliyenimo, isagoo ku sababeeyay in ku jiro han siyaasdeed oo ah in uu u tartami doono doorashada madaxtinimada Puntland 2019, basle MadaxweGaas oo mudadii dheerayd oo ciidamadu fadhiyeen Tukaraq aan amar dagaal siin ay ka hor yimid arrintaas, isagoo ka codsaday in uu xilka sii hayo sida uu sheegay inta uu xoreynayo magaalada Laascaano oo muddo 12 sano ah ka maqnayd gacanta Puntland. Gen. Siciid Dheere ayaa u arkayay in xiligan kala guurka ah aysan macquul ahayn in Puntland dagaal la gashao Somaliland, Madaxweyne Gaas-na uu lumiyay fursad uu ku xoreyn-karay gobolka Sool. Arrintan oo Madaxweyne Gaas iyo Gen. Siciid Dheere ay muddo isku diidanaayeen, waxaa markii dambe soo dhexgalay isimo ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Islaan Ciise Islaan Muuse iyo Suldaan Siciid Garaase, kuwaas oo kulan ay la qaateen u kala dab qaaday. Sareeyo Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa ugu dambeyn lagu qanciyay in uu xilka siihayo, halka Madaxweyne Gaas uu isku xiray shuruud ah in dhawaan uu bixin doono amar ah dagaal lagu qabanayo Laascaanood, isagoo sida la sheegay qabsaday muddo 45 cisho ka yar. Sida dastuurku qabo Madaxweynaha Puntland ayaa ah Taliyaha guud ee ciidamad, balse Gen. Siciid Dheere ayaa si hab-maamuus ah ugu magacaaban xilkaas tan iyo 2009, markaas oo uu ka degay taliya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Gen. Siciid Dheere oo ah khabiir dagaal, guulo waaweyna ka soo hoyiyay dagaalo badan oo uu hogaamiye ka ahaa tan iyo intuu ciidamada ku jiray, ayaa Madaxweyne Gaas u arkaa in haddii uusan wadan guul ka gaari-karin dagaal uu la galo Somaliland. Gen. Siciid Dheere- Galgala Gen. Siciid Dheere ayaa mudada aan kor ku soo sheegnay kadib ka tegi doona xilka uu hayo, wuxuuna ku dhaqaaqi doonaa in uu yahay Musharax u tartamaya doorashada Puntland ee Janaayo 2019 ,halka Madaxweyne Gaas uu magacaabi doono Taliye cususb, haddii uu ku guuleysto qorshihiisa Sool iyo haddii kalaba. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas oo xil-hayntiisa ay ka dhiman tahay wax ka yar boqol maalmood ayaa hadda qorshihiisa kowaad ka dhigaya dagaal uu la galo Somaliland, taas oo sababi karta in doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyaay Janaayo 2019 ay dib dhacdo. Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool waxaa tan iyo 8-dii Janaayo 2018, ka aloos-nayd colaad u dhexaysa Puntland iyo Somaliland, kadib markii Somaliland soo weerartay tuulada Tukaraq oo Kastam iyo fariisin ciidan u ahayd Puntland. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas iyo Gen. Siciid DHeere oo xal ka gaaray arrin ay isku khilaaf sanaayeen appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga Hospital Named After Meles Zenawi Changing Its Name
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Reflecting the changing times, a referral hospital in Jigjiga city, the capital of Somali regional state, is dropping its former name and assuming a new one. The hospital in question is Meles Zenawi Memorial Referral Hospital located in Jigjiga, Somali regional state of Ethiopia. Source: Hiiraan Online -
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Taariikhdu Tahay 29/09/2018 u fariisatay dacwad ciqaabeed loo haystay sagaal eedeysane oo ka shaqeynaayay waaxda Canshuuraha Dekadda Magalaada Muqdisho, waxaana lagu soo eedeyay inay lunsadeen hanti Dowladeed Gaar ahaan waaxda Canshuraha Dekadda Magaalada Muqdisho. Ugu horayn Waxaa Maxkamadda furay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garyaqaan Muuse Macallim wuxuuna aqriyay Eedda loo haysto sagaalka eedaysane, waxaana dacwada ka soo qeyb galay ku-xigeenada Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku oogaayay Dacwada loo haysto sidoo kale waxaa goob joog ahaa qareenada difaacaya eedaysanayaasha. Intaa kadib waxaana dooda qaatay Qareennada difaacayay Eedeysanayaasha,kuwaasi oo soo bandhigay difaacooda sharci. Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in ay Maxkamaddu ka soo saari doonto Qaraar, sidoo kale waxaa dib laga soo sheegi doono dhageysiga dacwadan inta ka harsan.
-
Hi Dadka ka faalooda arrimaha ciidanka ayaa sheegaya in ka bixitaanka ciidamada dowladda ee tuulooyinka dalka ay caqabad ku noqon karto dadaaladda Shabaab looga saarayo meelaha wali maamulkooda kusoo hoosjira. Alshabaab ayaa maanta si nabad ah ula wareegay degaanno hoostaga degmada Balcad oo magaaladani Muqdisho jihada waqooyi kaga beegan 30 KM. Col. Shariif Rooboow oo kamid ah saraakiishii hore ee xoogga dalka ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegaya in tallaabada Xarakada Alshabaab ay ku wareegeen degaanno hoostaga Balcad ay wax weyn u dhimi karto ammaanka magaalada Muqdisho. “Saameyn weyn ayay ku yeelanaysa ammaanka magaalada Muqdisho sababtoo ah ammaanka oo sii xumaa ayay Alshabaab la wareegayaan degaanno kale” ayuu yiri Col Shariif Rooboow. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/COL-SHARIIF-ROOBOOW-29-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Iyadoo saacaihii hore ee maanta ay soo baxayeen warar sheegaya in Alshabaab ay la wareegeen degaanno dhowr ah oo hoos yimaado degmada Hobyo ayaa arrintaa waxaa beeniyay guddoomiyaha degmadaasi. Guddoomiyaha magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug Cabdullaahi Axmed Cali oo ku magac dheer Fat ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu ku sheegay in wararkaasi meel laga soo xigtay aynaan garanaynin. Wuxuu sheegay in ay jiraan degaanno Alshabaab ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan oo Hobyo iyo Xarardheere hoostaga balse wararka sheegaya in Hobyo ay gacantooda ka baxday ayuu ganafka ku dhuftay guddoomiyaha. Xaaladda magaalada xeebeebta ah oo dhacda bartamaha Soomaaliya ayuu sheegay in ay wanaagsan tahay islamarkaana wax dhib ah uusan ka jirin. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/GUDDOOMIYAHA-HOBYO-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliye ku xegeenkii Nabad sugidda Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cismaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in xilligan aysan sax aheyn in qal-qal iyo kala shaki laga dhex abuuro taliska Nabad Sugidda, waxaana uu tilmaamay in tallaabadaasi ay fursad siinayso Alshabaab. ‘’isqab-qabsigani waa midka kaliya ee xagal daacinaya nidaamka sir doonka Soomaaliya maadaama dhexdoodii ay isku noqdeen hogaanka nabad sugiddda, waana muhiim in la helo istaraatiijiyad Ammaanka lagula socdo’’ sidaas waxaa yiri Ismaaciil Daahir Cismaan taliye ku xegeenkii nabad sugidda Soomaaliya. Dhanka kale taliye ku xigeenkii hore ee NISA ayaa sheegay in Soomaaliya aanay xilligaan u diyaarsaneyn iney isaga baxaan ciidamada AMISOM. Ismaaciil Daahir Cismaan ayaa u sheegay Goobjoog in weli aanay jirin ciidan Soomaaliyeed oo u diyaar ah iney la wareegaan ammaanka dalka ‘’AMISOM way sii joogaysaa waayo markaad fiiriso qariiradda laga sameeyey Febraayo 2017 inta meelood ee Alshabaab ay joogeen iyo hadda Xaalku sida uu yahay farqi weyn ayaa u dhexeeya, beesha Caalamku kuma kalsoona in Ciidamada Soomaaliya hada lagu haleeyo Ammaanka wadankooda’’ sidaas waxaa yiri Ismaaciil Daahir Cismaan taliye ku xegeenkii nabad sugidda Soomaaliya. Warka Taliye ku xegeenkii Nabad sugidda Soomaaliya Ismaaciil Daahir Cismaan waxa uu imaanaya xilli dowladda Ingiriiska ay dalbatay in la kordhiyo dhaqaalaha la siiyo Ciidamadda AMISOM si ay u sii joogaan wadanka oo ay u gacan siiyaan Dowladda Federalka. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Dhan: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Ismaacil-Daahir-Cismaan-Taliye-ku-xigeenkii-hore-ee-NISA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo inta badan dalka ay kusii kordhayaan dadka isticmaala daroogada ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah Culimada Soomaaliyeed. Sheekh Cali Wajiis, ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay waxyaabaha maanka dooriya oo uu sheegay in lagu beero qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in isticmaalka maandooriyaha uu yahay mid xadka ka baxay isla markaana Somalia ay gaartay heer ay dibadaha u dhoofiso. Waxa uu tilmaamay in daroogooyinka lagu beero Somalia ay badi yihiin kuwo ka baxa jiinka webiga kuwaa oo miraha kasoo go’a loo dhoofiyo dalka dibadiisa, halka qaarna lagu isticmaalo gudaha dalka. “Dooroogada ka baxda Somalia waa noocyo kala duwan marka ay soo go’do ayaa la qalajiyaa kadibna waxaa loo dhoofiyaa dibadda” “Waxaa lagu beeraa Gobolada dhan gaar ahaan hareeraha Wabiyada dalka mara waxaana gurta dad ku shaqeysta” Wuxuu tilmaamay Sheekha in dekadaha dalka mar walba la isku dayo in laga soo dajiyo daroogada oo markii la qabto la gubo, kuwaa oo uu cadeeyay inay ka halis badan tahay kuwa dalka laga dhoofiyo. Wadaadka waxa uu carab ***** in gudaha magaalada Muqdisho ay ku yaalan goobo badan lagu iibiyo daroogada qeybahooda kala duwan kuwaa oo loo iibtago, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis ayaa dowlada Dhexe ugu baaqay inay ka hortagto daroogada sida caadiga ah loogu kala iibsado gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho. Dhinaca kale, waxa uu ka digay in dowlada Somalia ay indhaha ka qabsato daroogada laga dhoofiyo garoomada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Aabaha dhalay Wiilkii guursaday gabadha ay muranka badan ka dhalatay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Mukhtaar Saalax ayaa markii ugu horeysay saxaafadda uga waramay sida ay u dhacday dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday Muqdisho. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in wiilkiisa lagu magacaabo Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar uu guusaday Gabadhaas, isla markaana la isku qabsaday. Wuxuu sheegay in markii labadaan Lamaane is guursadeyn ay gabadha hooyadeed dalbatay in Gabadheeda loo furo, isla markaasna aysan ku qanacsaneyn in lasii qabo. Wuxuu tilmaamay inuu wiilkiisa ku amray furitaanka Gabadha, markaasna lagu furay Hal dalaaqo, sida uu isaga hadalka u dhigay, balse wuxuu sheegay inay hooyada dalbatay in gabadheeda loogu furo laba dalaaqo. Cabdiraxmaan ayaa xusay inay aqbaleyn codsiga Hooyada dhashay gabadha uu guursaday wiilkiisa sidaasna loogu furo Laba dalaaqo, wuxuuna sheegay inuu hooyada u sheegay inay gabadheeda ceshato. Aabahaan ayaa intaas ku daray in markii gabadha la furay hooyeedna loo dhiibay ay mar kale kasoo baxsatay qoyskeeda xilli saq dhexe ah. Wuxuu tilmaamay inay subiixii hore guriga ugu imaadeyn Hooyadii iyo nin qori wato looguna hanjabay in la dili doono haddii uusan gabadha keenin xilli uu isaga ku doodayey inuusan gabadha isaga soo wadan balse ay jeclaatay wiilkiisa. Muran dheer kadib wuxuu xusay inay isku raaceyn Saldhigga sidaasna xabsiga loogu dhigay gabadha Hooyadeed iyo isagaba. Halkaan hoose ka daawo sheekadaan oo ah mid dheer oo uu ka sheekeeyey Aabaha wiilka dhalay. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/10000000_485551935293897_6295733598448254976_n.mp4
-
Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo fadhiga maanta ka hadlay ayaa ku dhaliilay guddoonka gollaha shacabka in wax badan la isdabamariyay oo nidaamku siduu ahaa aan loo wajahin. Wasiirkii hore ee dastuurka Soomaaliya mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa carrabka ku dhuftay in muhiim ay tahay “Waxaa u baahannahay in la helo xiriir ka dhaxeeya gollayaasha maamullada iyo gollaha shacabka” ayuu yiri xildhibaan Faarax Cabdulqaadir. Halkan Hoose Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/COD-XILDHIBAAN-FAARAX-CABDULQAADIR-29-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ah gollaha shacabka xildhibaannadii maanta kulanka ka hadlay ayaa soo jeediyay dhaliil ah in la hareermaray habraacii xeer hoosaadka. “Waxaa muuqata in la hareermaray oo la dhinac maray habraacii xeer hoosaadka baarlamaanka federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Waxaa uu sheegay in qaladaadka jira la saxo si loo hagaajiyo shaqada gollaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/COD-XILDHIBAAN-CABDIRISAAQ-MAXAMED-29-09-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dawladda Puntland oo hadiyad Mahadcelin ah guddoonsiisay Madixii Mashruuca Capacity Injection ee World Bank Dr. Alex Appiah. Masuulkan oo u wareegay Washington DC, oo ah xaruunta dhexe (HQ) ee Baanka adduunka ah. Dawladda ayaa Dr. Alex uga mahad-celisay, wada shaqaynta, taageraadda iyo dadaalkiisii ku aadanaa hirgalinta mashruuca CIP. Dhankiisa Dr. Alex Appaiah, ayaa Dawladda Puntland aga mahadceliyeey haddiyad sharafeed-ka, wuxuuna si gaar ah ugu mahadciliyaya madaxdda Dawladda Puntland, oo ugu horeeyo, Madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirada, iyo madaxdda kale ee Dawladda, sida ay u garab istaageen taageero buuxdana u siiyeen hirgalinta mashaariic World Bank, qaasatan mashruuca CIP. Mashruuca CIP oo Sadex Sano Jirsaday. Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dawladda wuxuu Dawladda ka taageeraa dib-u-habaynta iyo casriyeenta shaqaada iyo shaqaalaha dawladda, taas oo Dawladda guulo waa wayn ka gaartay, gaar ahaan Sida Dib-u-eegista, iyo casriyeenta qaab dhismeedka dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda (Organizational Re-structuring & Modernization), taaso oo lagu nidaamiyay maammulka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda. Waxaa Wasaaradaha iyo Hay’addaha loo sameeyey shaqo qeexis, iyo nidaam maammul, iyadoo dhammaan meesha laga saaray Agaasime-yaashii Guud ee tiradda badnaa, lagu-na so koobay Hay’ad iyo Wasaarad-kasta hal Agaasime Guud, sida Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqalaha, Wasaaradda Amniga. Waxuu kale mashruuca CIP Dawladda ka taageeray, taariikhda marka u horaysey Puntland iyo Soomaaliya oo dhan in sameeyo Tirikoob-ka Shaqaalaha Ray’idka ee Dawladda (Civil Servant Head Count), iyadoo mid mid loo tira koobay dhammaan shaqaalaha Dawladda , lana isticmaalay tagnalojidda casriga ah ee Biometric Registration & Verification (BVR), tirokobkaas oo laga sameeye dhammaan sagaalka Gobol ee Dawladda Puntland. Dawladda Puntland waxay kale ku guulaysatay dib-u-eegista Sharciga Shaqaalaha Ra’yidd (Law lrb 5) iyo siyaasadaha ama (Civil Service Administrative Rules and Regulation) kuwaa dib u casriyeeyn ku sameeyay hab maamulka shaqada iyo shaqaalaha Dawladda, sida xuquuqda, waajibaadka, nidaamka shaqaalaynta, hawl-gabka (Pension) iyo arrimo kale. Mashruuca CIP waxuu kale ka taageeray Dawladda aasaaska Machadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda (Institute of Public Administration & Management), halkaas oo lagu tababaray shaqaale kor u dhaafaya sadax boqol (300+). Waxay kale Dawladda u dirtay todobaatan (70) shaqaalo wax barasho Jaamacadeed (Bachelor & Masters) oo dibadda ah. Dawladda iyadoo kaashanaysa mashruucan waxay kale ku gulaystay inaay shaqalayso shaqaale kor u dhaafaya boqol iyo sodon (130+) oo shaqaalo ra’yid ah, iyadoo loo maray nidaamka tartanka furan, halkaa oo ay ka faa’iidayteen dhalinyaro badan oo aqoon-yahan ah oo dalka wax ku bartay. Shaqaalahan oo ka kooban Agaasime Waaxeed (Directors), Madax Qeybeed (Section Heads), Xeeldheere (Experts), iyo La’taliyayaal (Advisors) kuwaas oo Wasaaradaha, iyo Hay’adaha Dawladda laf-dhabar u ah. Dr. Alex Appaiah ayaa ku amaanay, hormarka ballaaran ee Dawladda Puntland ka gaartay Civil Service Reform, ee tusaalaha u noqday Soomaali inteeda kale; wuxuuna yiri“Waxaa sharaf wayn ii ah oo aan nasiib ku leeyahay in aan qayb ka noqday horumarka balaaran aad gaarteen, waxaan inagu kula dardaarmayaa shacab iyo Dawladba in aad dadaalkiina meesha ka sii wadaan, oo higsigiina horumarineed ilaashataan, horay-na aad u socataan, Bangiga Addunkuna idinku garab istaago dadaalkiina horumarineed. Waxuu Dr. Alex si gaar ah ugu mahadciliyay Xafiiska Xariirka Mashruuca CIP (Project Coordination Unit); asago sheegay in team-ka xafiiskaas ay si masuuliyadd iyo xeeldheerinimo leh (responsible expertise) ay u xariiriyaan mashruuca. Horumarka la gaaray oo ka markhaati kacayo hawl karnimadooda. Waxuu yiri “Ayagana waxaa ku baruurinayaa inay halkaa shaqadda wacan ee ay hayaan halkeedda ka sii wadaan.” Mashruuca CIP ee World Bank ayaa waxuu hirgilintiisa ka bilaabmay Puntland dabayaaqadiis 2015, waxuu-na so conayaa ilaa 2020. Mashruucaan oo fulintiiso ama hirgilintiiso ay waddo Dawladda Puntland, ayaa aad ugu faa’iidasatay, marka loo fiiriyo Dawladda Federal-ka iyo Somaliland oo ayaguna mashruuca dhinacooda ka fulinayo. Dr. Alex Appaiah bilad sharaf-ka guddoomay xiriiriyaha mashruuca (Project Coordinator) Mudane Maxamed C/llahi Maxamed iyo team-kiisa, asago ugu mahadcilyay Dr. Alex, wadashaqaynta iyo guulaha la ma ilawaan-ka ah ee la gaaray inti wada shaqaynta ka dhexeesay. The post Puntland oo Sagootisey Madixii hore Mashruuca Tayaynta Hay’adaha dawladda ee CIP appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Axmed Baarqab ayaa sheegtay in ay jiraan goobo ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaasoo la geeyo haweenka Jirkooda ka ganacsada, taasina ay tahay wax aan la aqbalikarin. Gudoomiye Jawaahir waxa ay sheegtay in ay jiraan gabadho la Afduubtay oo ilaa iyo hadda aan la sheegi karin meel la geeyay,taasina ay muujinayso in ay jiraan kooxo gaar ah oo dumarka dhibaato badan ku haya. “Waxaa jira markii aad tagto xilliyada habeenkii liido gabdho badan oo bajaaj lagu keenayo, waxaan jira meel la yirahdo backa sii,tasina ay tahay faaxisho aad u badan,anaga waxaana nahay haween mar walba qaxaan ka hadalnaa dhibaatada haweenka loo geysanayo. Xilliyadda habeenkii ah ayay sheegtay in Muqdisho lagu qabto Bandhigyo ay kala duwan oo lagu fasahaadinaayo Hablaha kunool gobolka Banaadir. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xustay in Ciidamada Booliska laga rabo in ay baadigoob ku sameeyaan Hablaha ka yimid UK oo Gudaha Magaalada Muqdisho lagu La’yahay. Waa markii ugu horreysay oo Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab uu ka soo yeero hadalkaas,iyada oo hadalheynta Magalada uu noqday Warkaasi ka soo baxay. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Jawaahir-baarqab.mp3
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye. “Maadaama uu dalku yahay Federaalka, Caasimadduna ay ka ballaaratay intii hore waxaa muhiim ah in laga wada-xaajoodo mustaqbalka sidii loo gaarsiin lahaa sohdinta hadda jira labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka doorka ay ka qaadanayaan federaaleynta dalka, gaar ahaan sidii bulshadu u noqon lahayd kuwa faham u leh hannaanka federaalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay ahmiyadda ay arrimahan u leeyihiin wadatashiga dadweynaha, si go’aanada la qaadanayo u noqdaan kuwa ku saleysan rabitaanka bulshada. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa warbixin ka siiyey Duqa Muqdisho howllaha uu guddigu qabto, isagoo faah faahin dheerna ka bixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan sameynta sohdimaha maamullada dalka. PUNTLAND POST The post Muqdisho oo lagu qabtay shir looga hadlay sidii loo ballaarin lahaa Bedka Caasimadda appeared first on Puntland Post.
-
Safaaradda Soomaaliya ee Sudan welin waxaa ka taagan dhibaato lagu hayo ardayda Soomaaliyeed ee Sudan wax ka barata, iyadoo hada laga qaado lacago baad ah ama Laaluush. Safaaradda maxay aradaydu uga baahan yihiin? Sida lagu yaqaano shaqada safaarad waa in mawaadinka Safaaraddaas ay matasho laga ilaaliyo wax kasta oo dhibaato ah, hase yeeshee Safaaradda Soomaalidu ku leedahay Sudan howshaas maqabayee eeardayda ayaa lagu cadaadiyaa weliba xilka iyaga lagu matalo ayaa lagu handadaa sida ay telephone ka iigu sheegeen ardayda qaar kamida oo Baasabooraddii lagu heysto ku dhowaad Sanad. Aradyga Soomaaliga ah ee Baasaboorka Soomaaliya dalbada waxaa laga qaadaa lacag dhan $165 Dollar safaaradaha kale ardayda wadamada kale lacagtan oo kale lagama qaado oo ugu qaalisan dalabka Baasaoorka Soomaaliya, laaluush qasab ah ayaa lag qaada ardayda waana $70 Dollar tasoo wadarta ka dhigaysa $ 235 dollar “Qali sanaa” Baasaboorku kaaga sii darane lamaba helaayo. Warkaan qeybtiisu tahay laaluush bixin ayaa ayaa ka jaawaabtay waxaana nala hadlay Cabdalla oo ah howlwadeen katirsan Safaaradda “kuwa aan Baasaboorka la siin ee uu ka maqan yahay waxa ay mafkast aflagaadeeyaan Safaaradda iyo shaqadeeda kuwo arday ah ayaa la dagaalanaa oo xitaa tahriibka ka ganacsada kuwana shahaado aan sax aheyn ayey sameystaan waanku dhibtoonay mamulidda arday” Ardayda ila hadashay badankood waxa ay sheegeen in cabashadooda aa waxaba laga qaban tan iyo markii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu Suudaan tagay. Goor sii horeysay warbaahinta waxaa loo sheegay war ahaa in loo yeeray dhammaan shaqaalaha Safaaradda si xal loogu helo cabashada ardayda, xal lama gaarin weli. Markii howl wadeenadda Safaaradda loo yeeray kadib waxaa la sheegay in shaqaalaha isbadal lgu sameeyey hase ahaatee Ardaydu waxa ay leeyihiin weli qaskii aa ka dacwoonay ayaa taagan. Shaqaalihii la sheegay in la badalay miyaa shaqeeya Mise? 79 arday oo suudaan jaamacado kala duwan ka dhigta ayaa Goobjoog News u sheegay in weli howl wadeenaddii ayka dacwoodeen aan isbadal muuqda lagu sameyn. Waxaa dadkii laga cabanayey ee weli shaqeey kujira laba howl wadeen oo magacyadooda lagu soo koobay Cabdullaahi iyo Seynab. Si dhammaan dhibaatooyinka safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ardaydu ayka tirsanayaan looga gudbo waxaa lagama maarman ah in safaaraddu qabato howshii loo igmaday, ardayduna ay muujiyaan ixtiraam ku aadan dulqaad ay u yeeshaan sugidda Baasaboorka maalmo ama bilo hadba inta uu ka maqnaado. Cali Aadan Muumin Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ayaa Maalintii Arbacada waxaa lagu qabtay lacago dollar been abuur ah oo aad u badan, taas oo la doonayey in laga dhoofiyo halkaas, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online. Qaar ka tirsan howlwadeenada Garoonka oo diiday in magacooda loo isticmaalo warbixintaan ayaa Shabakadda Caasimada Online u xaqiijiyey in Gaaroonka lagu qabtay lacagtaas, islamarkaana la xiray dadkii waday. Illo wareedyadaas ayaa sidoo kale xaqiijiyey inay lacagtaas gaareysay ilaa dhowr boqolaal oo kun oo Dollar waxaana dhoofin rabay Ganacsato Soomaaliyeed, oo kusida boorsooyinka lagu safro markii la qabanayey. Sida xogta aan ku helnay waxaa xiran dhammaan ganacsatadi howshaas loo qabtay oo hadda u xiran Dowladda Soomaaliya isla markaasna waxaa hadda ku socdo baaritaan lagu ogaanayo halka lacagtaas loo waday iyo Meesha lagu daabacay. Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo halka lacagtaas loo waday iyo tirada xaqiiqda ah oo ay aheyd balse warar hordhac ah oo aan helnay ayaa xaqiijinayo in lacagtaas lagu sameeyey Makiinado yaalo Magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ayaa hadda gacanta ku heyso lacagtaas waxaana la filayaa in Saxaafadda loosoo bandhigo marka uu soo dhamaado baaritaanka lagu hayo ganacsatadii lacagtaas lagu qabtay. Amaanka Garoonka Muqdisho iyo baaritaanada ayaa si weyn loo adkeeyey tan iyo markii ay Kooxda Al-Shabaab qorsheeyeen weerar uu sameeyey Ismiidaamiye rabay inuu qarxiyo mid kamid ah Diyaaradaha isticmaalo Garoonkaas. Sidoo kale garoonka waxaa joogo qubaro dhanka baaritaanada qaabilsan oo ajaanib ah kuwaas oo si weyn uga qeyb qaato baaritaanada waxyaabaha laga dhoofinayo Garoonka iyo kuwa lasoo dajinayo. Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
A court in Wajir postponed hearing of a gang-rape case after a witness failed to turn up. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada xasilinta magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen magaaladaasi iyo sidoo kale dagaal xalay ka dhacay magaalada Garoowe. Howlgalka ayaa inta uu socday waxay ciidamadu la kulmeen weerar sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Sarreeyo Guuto Muxudiin Axmed Muuse oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalena iska difaaceen rag hubeysan oo doonayey in ay ciidanka ka qabsadaan waxyaabihii howlgalka lagu qabtay. Waxa uu taliyaha sheegay in dagaalkii xalay ku geeriyootey haweeney xabad wiifto ah ugu tagtay hoygeeda sidoo kalena dhanka askarta ay Labo qof ka dhaawacantay. Taliye Muxudiin ayaa sheegay iney ku raad joogaan cid walbo oo weerarkaasi ka dambeysay, isaga oo tilmaamay in weerarkii xalay ay soo qaadeen dad doonaya in magaalada lagu dhex iibiyo Qamrada iyo Xashiiska. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa habeennadii ugu dambeeyey faraha kasii baxayey, waxaana magaalada ka dhacay rasaas qaarkeed la ogeyn waxa ay ahayd iyo burcad dhac geysaneysay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — The Islamist group Al-Shabab fighters have seized control of key areas near Bal’ad town, some 30km north of Somali capital Mogadishu. The group’s masked militants flooded to three villages near the town on Saturday after Somali army forces and African Union troops suddenly pulled out, a witness said. He says heavily armed Al-Shabaab fighters had re-seized all Mukay, Dheere and Yaaq areas near Bal’ad town. “Hundreds of gun-toting Al-Shabab fighters have moved back into in villages near Bal’ad town without fighting or firing a single shot after the coalition forces withdrew”, he said. He says the Islamist group’s fighters raised its flags inside the areas and started to preach to residents and warning to collaborate with Somali forces and African Union troops. It remains unclear the withdrawal made by Somali army forces backed African Union peacekeepers in Somalia. The group was ousted from the capital, Mogadishu, in August 2011, but still has a presence in large areas of southern Somalia and often stages attacks across Somalia. Somalia has remained in the grip of on-again, off-again violence since the outbreak of civil war in 1991. Al-Shabaab, which is waging an insurgency against the Somali government, has recently suffered several significant blows, losing most of its strongholds in southern and central to Somalia army and and African Union troops. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano hoos yimaada Degmadaas, ay la Wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab. Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaanada lagu magacaabo Yaaqle, Dhagaxow, Kooreebe iyo tuulooyin kale,halkaasi oo ay Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen saldhigyo. Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa deegaanada maanta Al-Shabaab ay Wareegeen ay isaga baxeen, isla markaana ay u soo ruqaan sadeen dhanka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Sidoo kale waxaa la sheegay in shabaab ay goob fagaaro ah ay isugu keeneen dadkii ku noolaa deegaanada ay gacanta ku dhigeen,isla markaana khudbad u jeediyay. Dhinaca kale Degmada Balacd ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo dhanka al shabaabkii la wareegay deegaanada hoos yimaada degmadaas. Maamulka degmada Balcad iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaano ka tirsan Shabeellaha dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–Somalia’s semi-autonomous state of Puntland says its forces have captured an assortment of weapons and ammunition from the breakaway Somaliland soldiers following an ambush attack. Puntland military said its forces launched a surprise attack on Somaliland forces near Tukaraq town in Sool region, north of Somalia. It’s not yet clear the exact figures of the casualties on both warring sides, apart from the seizure of assortment of weapons and claims. Somaliland, a self-declared state, internationally considered to be an autonomous region of Somalia. There was no immediate comment from Somaliland over the claims made by Puntland. The tension in Tukaraq has been simmering in the past months after Somaliland troops seized control of the strategic town following an incursion against Puntland Defense forces. Earlier this year, the outgoing of UN’s envoy for Somalia, Michael Keating called on leaders of both states on a mission to de-escalate the tension and avert bloodshed in the already volatile region. However, Puntland and Somaliland fought sporadic battles since 2002 over the control of disputed regions in northern Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ka wada hadlay ballaarinta Sohdimaha ay Caasimaddu leedahay. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay baahida loo qabo in Caasimaddu ay sii ballaarato, maadaama xiligan ay ku nool yihiin tiro aad uga badan waqtiyadii hore, isagoo xusay in bulshada Caasimaddu ay tallo ahaan u soo jeediyeen in la gaarsiiyo labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye. “Maadaama uu dalku yahay Federaalka, Caasimadduna ay ka ballaaratay intii hore waxaa muhiim ah in laga wada-xaajoodo mustaqbalka sidii loo gaarsiin lahaa sohdinta hadda jira labada Wabi ee Balcad iyo Afgooye”. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka doorka ay ka qaadanayaan federaaleynta dalka, gaar ahaan sidii bulshadu u noqon lahayd kuwa faham u leh hannaanka federaalka. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay ahmiyadda ay arrimahan u leeyihiin wadatashiga dadweynaha, si go’aanada la qaadanayo u noqdaan kuwa ku saleysan rabitaanka bulshada. Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka Mudane Khaliif Cabdikariin Maxamed ayaa warbixin ka siiyey Duqa Muqdisho howllaha uu guddigu qabto, isagoo faah faahin dheerna ka bixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee horyaalla, gaar ahaan sameynta sohdimaha maamullada dalka.
-
Iyadoo weli ay jirto Hadalheyntii ku aadaneyd Gabood Falkii loo geystey Mawaadin Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax ( Axmed Dowlo) ka dib markii inta la diley lana Gubey marka waxaa la sheekeystey nin Saaxiibkey ah oo ay Deris ahaayeen Axmed Dowlo waxaa uu ii sheegey in uu ahaa nin Weyn looga yaqaaney Xaafadda welina lahaa Asxaab iyo Saaxiib badan sidoo kale Axmed wuxuu nin Deeqsi ah oo hadana Kaftan badan. “Xaafadaan ayuu ku dhashey muddo dheer baan Deris ahayn waxaa uu u dhaqdhaqaaqi jirey Caruurtiisa iyo Carurta adeerkii isaga ayaan waxay Quutaan u soo dhicin jirey marka Dhacdaan Shaqasiyan aad baan uga naxay waayo Axmed Dowlo waxan kala qayb galey Guurka Sadex Haween ah oo ka soo jeeda Beelaha Shiikhaal, Sacad oo Caruur hore ugu dhaley balse kala tageen hadda waxaa uu qabey Laba Haween mid ay tahay Gaaljecel “Axmed Markii uu wiilka adeerka u ahaa uu gabadhaan Jeclaadey wuxuu ku doodi jirey maxaad noogu diideysaan aniga ayaa soo guursadey reero idinka Laf weyn waa sida uu ku Kaftami jirey Axmed Dowlo hase yeeshee Axmed waxaa uu ka qayb galey kulamo badan oo lagu Xalinayey Guurka Ruqiyo iyo Maxamed Cabdiramaan iyadoo inta aan la diley waxaa uu u Gogol Fariistey Wiilka uu adeerka u yahay hase yeeshee waxaa uu Goob joog u ahaa Dhacdooyin Xiriir oo lagula kacay Qoyskiisa “ ayuu yiri waxaa uu sii raaciyey “ Falka Axmed Dowlo marka uu dhacay waxaa dhowr maalmood Xiran Hooyada Dhashey Gabadha waxaan la waayey Cid damiinata, waxaana Maalinkii Khamiista Falka Dhacay ayaa Labada Dhinaca looga yeerey Maxkamada hase Yeeshee intii Maxkamada lagu maqnaa ayaa Koox kale Taageersan Mowqifka Hooyada waxay soo weerareen Axmed Dowlo, iyadoo inta uu socdey Weerarka Axmed Dowlo Waa iska caabiyey hase yeeshee Nabar Gaadmo ah oo lala heley ayaa sababatey in uu Dhulka ku dhaco ka dib Shiidaal lagu bilbiley oo Taraq lagu Shido” ayuu yiri Saaxiibkey oo inta raaciyey “Inta uu socdey Dilka ayaa waxa Dhacay in Haweeney ka mid ahayd Dadkii dilka ka qayb qaatey markey aragtey in Xaalka faraha ka baxay ayey ku Dhaqaaqdey in ay wax ka damiso Dabkii lagu shidey Axmed Dowlo , waxaa markiiba goobta yimid Ciidamo Booliska oo Xirey intii Dil Wadareedkaas ka qayb qaadatey waxaana Bulshada u sheegaya in Hooyada Gabadha Dhashey maalinka uu Dilka Dhacayey ay Xiran tahay hase yeeshe Abaabulka qayb ku la lahayd waxana Kiiska u Xiran Lix Qof oo shan ka mid ah ay ahaayen Fuliyayaashii ee Labada Dhinac ee Reerka ” Intii Axmed Dowlo uu ku jirey Qaboojiyaha Isbitaalka Digfeer ayaa Aabaha Dhaley Wiilka waxaa u la kulmey nin Turki ah oo isbitaalka ka shaqeeya waxaana looga turjumey Dhibaatada loo geystey Axmed Dowlo waxaana loo sheegey in Wiil uu adeer u ahaa oo loo diey Gabar u jeclaadey markaasuu Ninkii Turkiga ahaa waxaa uu la soo boodey “Falkaas aad baan uga Xumahay ee Maxaad nooga soo doonaeysey Gabar Turki ah anagaa ku siin lahayne“ Isku soo duubo Axmed Dowlo waxa lagula kacay Fal aad u Fool Xun waana Dhacdo ma Hadho sidaa Darteed waxaan Dhihi lahaa in Dadkii ka dambeeyey Falkaas Hayb Sooca ah in Cadaaladda la horkeeno ama diyo ay bixiyaan Beeshii dhibka Geystey si la isugu Calool Fiyoobaado islamarkaana uu u Guuleysto Guurka Ruqiya Maxamed Cabdiraxmaan W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk Tel 00252615532494