Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,577
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Prime Minister Ruhakana Rugunda on Thursday warned world leaders gathered for the 73rd session of the UN General Assembly (UNGA) in New York that any reduction of peacekeeping troops in Somalia should match the strengthening of the country’s security forces. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Ugandha Dr.Ruhakana Rugunda ayaa QM uga digay qorshaha lagu doonayo in lagu dhimo ciidamada AMISOM ee Somalia. Wuxuu sheegay in qorshahaasi uu wax u dhimayo dadaalka loogu jiro xoojinta amaanka Somalia iyo kor u qaadista tayada ciidamada Somalia. Waxa uu hadalkaasi ka sheegay shirweynaha 73-aad ee Golaha guud ee QM waxa uuna hoosta ka xariiqay in dhimis waliba oo lagu sameeyo ciidamada jooga Somalia ay xagal daacineyso hormarka Siyaasada iyo amaanka Somlia. Dr. Ruhakana Rugunda, waxa uu carabka ku dhuftay in xaalada amaan ee Somalia soo hagaagtay tan iyo markii ciidamada AMISOM loo soo daabulay Somalia oo iminka laga joogo 11 Sano. Mar uu ka hadlaayay dagaalka Al-Shabaab waxa uu sheegay in haatan 80% Al-Shabaab laga xureeyay dhulka ay heysteen, isla markaana dowlada Somalia iyo Hay’adaha shisheeye ee ka shaqeyn jiray dibadda ay usoo wareegen Muqdisho, taa oo xoojineysa guusha la gaaray. Waxa uu intaa ku daray in Somalia ay tusaale weyn u tahay iskaashiga u dhexeeya QM iyo Midowga Africa si loo xaliyo mashaakilka Africa. Inkabadan 6,000 askari oo Ugandhees ah ayaa ku sugan Somalia, waana dalka ugu balaaran ee ciidamada ugu badan ay ka joogan Somalia. Dalalka kale ee ciidamada ka joogan Somalia ayaa waxa ay kala yihiin Jabuuti, Ethiopia, Kenya, Burundi iyo Ugandha. Bishii Augusta 2016 15-ka xubnood ee Golaha amaanka QM waxay soo saaren qaraar ku baaqaya in dadaalka ugu badan la galiyo xoojinta ciidamada Qaranka Somalia, si ay u hantaan amaanka dalkood ee xiliga mudada dheer. ISHA Daily Monitor Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Xukuumada Somalia ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso sida loo xoojin lahaa barnaamijka Isxilqaan oo si hordhac ah iminka uga dhaqan galay Somalia. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somalia Jamaal Xasan Ismaaciil oo ka qeyb galayay shir looga hadlayay sidii looga qeyb qaadan lahaa Barnaamijka Isxilqaan ayaa sheegay in Wasaaradda ay saxiixday heshiisyo kala duwan oo xoojinaaya barnaamijka isxilqaam. Waxa uu Wasiir ku-xigeenku sheegay in Heshiisyadaasi ay u baahan tahay in si wada jira looga shaqeeyo dhaqan galkooda isla markaana leyska kaashto sida looga miro dhalin lahaa. Wasiir ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Heshiisyada qaar oo ay la gashay Beesha caalamka uu yahay mid ku aadan dib u dhiska iyo soo celinta bilicda dalka. Waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay goob joog ka aheyd heshiis dhawaan ay Wasaaradda arrimada dibadda la saxiixatay Beesha Caalamka, taa oo sahashay inay kordhaan Heshiisyada ay galayaan. Waxa uu carab ***** Wasiir ku-xigeenka in dib u dhiska dalka uu u baahan yahay iskaashi, waxa uuna cadeeyay in Heshiisyada heerka caalami keliya uusan waxba u tareynin, isla markaana la doonayo in lagu sii shaqeeyo barnaamijka isxilqaam. Sidoo kale, waxa uu Wasiir ku-xigeenta tilmaamay in Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somalia ay waddo qorshayaal lagu dhisayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo Gobollada dalka. Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka faa’iideystan barnaamijka isxilqaam, isagoo ka dalbaday inay heegan u galaan sida ay u dhisan lahaayen dalkooda. Dhinaca kale, heshiisyada heerka caalami ayuu sheegay in ilaa iyo xad ay ka faa’iideysan doonto Somalia, hase yeeshee dal waliba uu dadkiisa dhisto. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Axmed Ciise Cawad, ayaa u sheegay Golaha guud ee QM in dowladiisa curdunka ah ay talaabooyin muuqda ka qaaday la dagaalanka Maleeshiyada Al-Shabaab. Cawad, waxa uu ugu baaqay QM in la qaado cunaqabateynta Hubka ee mudada dheer saran Somalia. Wuxuu yiri “Qaadista cunaqabateynta Hubka waxay sare u qaadi doontaa dagaalka aan kula jirno maleeshiyaadka xagjirka ah, iyadoo awooda xoojinta dagaalka u suurtagalin karto ciidamada Somalia inay gacan sare yeeshan” ayuu yiri Wasiir Cawad oo ku hadlaayay magaca Madaxweynaha Somalia. Dhanka kale, Wasiir Cawad waxa uu sheegay in dadka da’da yar aysan kusii biireynin Al-Shabaab, isla markaana aragtida Al-Shabaab aad loo taageersaneyn. Cawad, waxa uu intaa ku daray in dowlada Somalia ay arrintaa la kaashato hogaamiyayaasha Diinta, Dadka da’da yar iyo Odayaasha sidii looga hortagi lahaa aragtida naceybka Al-Shabaab. Cawad, waxa uu intaa ku daray in Taliyayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab ay ka faa’iideysteen cafiska dowlada isla markaana si nabad galyo ah isugu soo dhiibeen dowlada. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku dayeysa in dowlad Islaami ah ka dhisaan Somalia, waana Kooxda xagjirka ee dhimashada badan ka geystay Somalia. Geesta kale, Cawad ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in la taageero howlgalka Somalia inta ay Soomaaliya kala wareegeyso amaanka dalka. ISHA AP Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Beledweyne (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu iminka ka socdo degaanka Beerxaano oo ka tirsan Gobalka Hiiraan. Dagaalka oo aad u xoogan ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu u dhexeeyo ciidamada xooga oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhinac ah. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka leysu adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhawaqa rasaasta iyo Madaafiic laga maqlayo tuulooyin ka agdhow goobta uu dagaalka ka soconayo. Gaadiid dagaal oo gurmad u ah ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa ku qulqulaaya goobta dagaalka, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka uu aad u xoogan yahay. Xaalada degaanka ayaa waxaa ay tahay mid aad u kacsan, iyadoona Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wadaan degaano hor leh oo ku yaala duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan. Dhianaca kale, waxaan ilaa iyo hada la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, wallow la maqlaayo dhawaqa gaadiidka gurmadka ee daabula dhaawacyada. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
  6. Mogadishu (HOL) - A Somali journalist, Munasar Mohamed, based in the Somali capital Mogadishu, said he had been receiving threatening phone calls and text messages since the past few days. Source: Hiiraan Online
  7. Wasiirka arrimaha Dibedda Somalia Axmed Ciise Cawad oo sabtidii ka hadlay kulanka sanadlaha ah ee jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin argixisada, horumarrada jira, AMISOM, sidii Soomaaliya looga qaadi karaa cunaqabateynta iyo maalgeshi. “In kasta uu Soomaaliya ay ku tilaabsatay “tallaabooyin aad u fiican”, oo xagga isbadal siyaasadda iyo dhaqaalaha ah, hadana weli waxaa uu dalka loolan kula jiraa argigixisada” sidaasi waxaa sabtidii jimciyadda qaramada midoobey ka hor sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Cawad Wasiir Cawad waxaa uu intaasi raaciyey in xal waara arrintan loo helo, waxaa ay u baahantahay qaab wejiyo badan. Mr. Cawad waxaa kale uu shirka sanadlaha ah ee jimciyadda qaramada midoobey ka hor sheegay “Iyada oo kaashaneysa saxiibadeed, qaranka waxaa uu xididad u siibay shabakada argigixisada iyo goobaha ay ku dhuuntaan, arrintaasi waxaa lala kaashtay culimaa’udiinka, oday dhaqameedka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badalo faafitaanka fikradaha ay ku jiraan naceynbka iyo mayal adeegga diinta”. Wasiirka waxaa uu ku dooday in fikradaha Al-shabaab iyo Al-qaa’ida aaney aheyn kuwa dadka soo jiita, waxaa intaas dheer dadka oo hubka iska dhiibaya. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Cawad waxaa uu qaramada midoobey ugu baaqay inay ka qaaddo cunaqabateynta hubka si ciidamada xoogga dalka ay awood ugu yeeshaan inay baabi’iyaan kooxaha argigixisada ah, weliba waqti kooban. Waxaa kale uu u mahadceliyey AMISOM iyo shaqadaalaheeda, isaga oo ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyaan nabadeynta Soomaaliya, isaga oo intaa ku daraya inay “abaal ku leeyihiin”. Ugu dambeyntii, wasiir Cawad waxaa sheegay in Soomaaliya iyo saaxibadeed ay raadinayaan fursado ganacsi iyo mid maal-geshi in loo helo Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. When Nassir Abdallah Skanda was cleared of terror charges last year, his family was relieved. It was a chance for the 31-year-old to rebuild his life. But that may be no more. Skanda has not been seen since September 14 when he was picked up by armed men. Source: Hiiraan Online
  9. Barakacayaal ku sugan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ka cabanaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah, waxaana ay sheegeen iney u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo. Qaar ka mid ah barakacayaashan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in aanay jirin wax ay haystaan, waxaana ay tilmaameen in wax walbo u baahan yihiin. Waxay sidoo kale sheegeen barakacayaashan iney kasoo barakaceen colaadaha ka jira qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Shabellaha Hoose. Dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale hay’adaha samofalka ah ayeey ugu baaqeen in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan. Magaalada Muqdisho waxaa Labdii bil ee ugu dambeysay soo gaaray boqolaal qoys oo kasoo barakacay colaadaha ka jira gobolka Shabellaha Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/WAR-CABDIWAHAB-BARAKACAYAASHA-DAYNIILE-_2-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbatay Qaramada Midoobay in dalka laga qaado xayiraadda saaran ee dhanka hubka ah. Axmed Ciise Cawad oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyey golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay wuxuu sheegay in xayiraaddan oo la qaado ay sahleyso in Soomaaliya hesho awood ciidan iyo in laga adkaado waxa loogu yeero argagaxisada. Dhanka kale, wasiirka ayaa ku amaanay doorka AMISOM ee ku aadan nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in kaalin weyn ka qaataan howlaha lagu xasilinayo dalka. Waxa uu sheegay iney yihiin geesiyaal naftooda u huray badbaadada Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in ay sii socdaan howlgallada Midowga Africa ee Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Flash1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. MOGADISHU, Sept. 28 (Xinhua) -- The African Union Mission in Somalia (AMISOM) on Friday awarded 30 police officers deployed in Somalia to boost stabilization efforts for their distinguished service. Source: Hiiraan Online
  12. Dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab ayaa shalay la wareegay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe, si gaar ahna u hoostaga degmada Balcad. Saakay ayaa lasoo sheegayaa in halkaasi laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo, iyadoo ciidanka xoogga dalka isku diyaarinayaan iney dib ugu laabtaan deegaannadaasi. Al-shabaab ayaa dadka meel fagaare ah kula hadlay shalay, waxayna u sheegeen iney iyaga la shaqeeyaan. Waxaa jira dad isaga barakacay deegaannada ay Al-shabaab qabsadeen, kuwaasi oo ka baqayey in waxyeello ay soo gaarto. Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee Sh/dhexe ayaa sheegay in dib ugu laabanayaan dhammaan deegaannadan oo shalay ciidanku si iskood ah isaga soo baxeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Cismaan-Cabdalla.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. NAIROBI, Kenya (AP) — The first Kenyan feature film to premiere at the Cannes Film Festival has received overwhelming audience support since a court temporarily lifted a ban imposed by censors over the film’s gay content, a lawyer said Friday. Source: Hiiraan Online
  14. UNITED NATIONS (AP) -- The Latest on the U.N. General Assembly (all times local): Source: Hiiraan Online
  15. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dil xalay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug loogu geystay haweeney ka mid ahayd dadka deegaanka. Dhallinyaro ku hubeysnaa Mindiyo (Tooreey) ayaa haweeneydaan weeraray xilli ay meel waddo ah mareysay, kadibna gaarsiiyey dhaawac halis ah. Sida ay dadka deegaanka sheegeen, dhaawicii soo gaaray haweeneydan ayeey ugu geeriyootey isla xalay isbitaalka magaalada Gaalkacyo. Ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ay sameeyeen waxay ku soo qabteen dhowr qof oo arrintan lagu tuhunsan yahay. Ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa maalmahan dambe faraha kasii baxayey, waxaana magaaladaasi kusoo batay rag dadka ku dhaca Mindiyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Amal Fathy, an actor and a former activist, uploaded a video to her Facebook account in May detailing how she was sexually harassed during a visit to her bank and criticising the government’s failure to protect women. Source: Hiiraan Online
  17. Ethiopian Jews have taken to the streets many times, demanding equality before the law in Israel. In 2015 protests took place against discrimination. But do the activists think anything has changed between now and then? Source: Hiiraan Online
  18. Getting a TV job in the immediate aftermath of the 9/11 terror attacks in the US with a name like Ubah Mohamed was not easy. Source: Hiiraan Online
  19. U.S. and Canadian negotiators could wrap up a Nafta deal as soon as Saturday in their bid to avoid a fight that imperils $500 billion in annual trade, said people familiar with the talks said. Source: Hiiraan Online
  20. Somalia's foreign minister is telling the U.N. General Assembly that his young government has made significant strides in fighting violent al-Shabab militants, and called on the world body to lift its long-standing arms embargo. Source: Hiiraan Online
  21. New York (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa la kulmay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda Maraykanka ee Africa Tibor Nagy, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah. Wasiir Cawad ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala hadleen, kana codsadeen labada qodob oo kala ah Aqoonsiga baasaboorka Soomaaliya, iyo in Soomaaliya laga qaado xayiraada dhinaca socdaalka ah ee ka saaran dalka Mareykanka. Wasiirku waxa uu sheegay inay Mareykanka u sheegeen inay Soomaaliya muhiim u tahay inay aqoonsadaan baasabaoorka Soomaaliya si la mid ah Waddanka Norway oo dhawaan aqoonsaday baasaboorka Soomaaliga. Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka caawisa dhinaca Amniga, haba ugu weynaatee tababarka ciidamada iyo sidoo kale fulinta weeraro cirka ah oo lala beegsado goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamo Mareykanka oo kooban ayaa ku sugan Muqdisho iyo garoonka Balidoogle ee duleedka Muqdisho, halkaasi oo ay ku caawiyaan ciidamada kumaandooska Soomaaliya, si weeraro qorsheysan loola beegsado horjoogeyaasha Al-Shabaab. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Codka-Cawad.mp3Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  22. Marka (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa ugu yaraan 300 oo caruur yaryar u qortay dgaalayahanno ahaan, 10 malamood ka hor, ayaga oo kuwa kalena raadinaya, sida ay sheegeyso xog aan helnay Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Shabaabka ay 300 oo caruur ah ka qafaasheen ama ka ururiyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, 10-kii maalmood ee tagay, ayada oo kooxda ay ku jirto olole xooggan oo ay ku xoojineyso ciidanka u dagaalama. Caruurta la qafaashay ayaa la sheegay inay da’doodu u dhaxeysaa sagaal iyo 16 jir. Ilo-wareedyada warkan laga soo xigtay oo u badan shaqaalaha arrimaha bani’aadannimada ayaa ku warramay in dadka la qafaashay ay qeyb ka yihiin ugu yaraan 2,500 oo dagaalyahan oo u qorsheysan Shabaabka inay qortaan 30-ka malmood ee soo socda. Al-Shabaab ayaa weydiisay dadweynaha ku nool deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose inay 30-ka malamood ee soo socda gudahood ku keenaan caruurta dhiman ee ay dagaalyahanno ahaanta u rabaan. Dadka deegaankaa ayaa sheegay inaysan jirin wax ay sameyn karaan oo aan ka ahayn inay u hogaansamaan amarka iyo dalabka Shabaab, haddii kale noloshooda ay halis galeyso. Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Right Watch ayaa horey u shaacisay in Shabaabka ay caruur u qortaan dagaalyahanno ahaan. Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Somaliland ayaa ugu baaqday Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya oo uu u xaliyo sidii uu u xaliyay arrimaha Itoobiya-Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo khilaafaadka Koonfurta Suudaan. Wakiilka Somaliland u jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Mr. Axmed Xasan Cigaal, oo u waramay wakaaladda wararka Itoobiya ee Walta, ayaa sheegay in Somaliland aad u soo dhawaynayso isbedelada uu Raysal wasaare Abiy Axmed ka hirgeliyay gobalka Geeska Afrika. Mr. Cigaal wuxuu sheegay in isbedelada uu sameeyay raysal wasaaraha Itoobiya ay burburiyeen buuro kala dhex yaalay dalalka Itoobiya iyo Ereteriya, Djibouti iyo Ereteriya iyo dib u heshiisiinta uu ka dhex dhaliyay madaxda dalka Koonfurta Suudaan, “Waxa aanu raysalwasaaraha ka rajaynaynaa in uu sida oo kalena u soo jeesto Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu yidhi Wakiilka Somaliland. Waxa kale oo uu wakiilka Somaliland sheegay inuu ku rajo weynyahay in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee ka badheedha aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, “Waxaanu rajaynayaa in Itoobiya noqoto dalka u horeeyay ee dunida u sheega in Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado.” Ayuu yidhi Wakiilku. Waa markii u horaysay ee ay dawladda Somaliland ugu baaqdo raysalwasaaraha Itoobiya inuu u soo jeesto arrinta ka dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  24. Abaare 1976, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxa uu golihii dhexe ee gacaanka ka ansixiyey in dib loo soo celiyo Wasaaraddii Arrimaha Gudaha balse magaceeda loo bedelo Wasaaradda Dowladaha Hoose iyo horumarinta Miyiga. Wasaaradda markii hore waxaa madax ka ahaa Jaamac Maxamed Qaalib balse markii 1975kii meesha laa saaray loo bedelay Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada. Hase ahaatee, Madaxweyne Siyaad Barre AUN oo dareemay culeyskii ay ka haysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa goostay in uu soo celiyo dibna ugu magacaabo General Qaalib,balse iyada oo magac kale huwan. Bilowgiiba, Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu bilaabay dardar galinta hawlaha Wasaaradda isaga oo goostay in mashaariic laga fuliyo degmooyinka dalka. Waqtigaas degmooyinka waxa ay u kala qeybsanaayeen saddex qeybood oo kala darajo ah; A,B, C. A – Waxa ay soo saari jireen wax ka badan inta ay ku dabaraan dhaqaalaha uga baxa hawlaha degmada B – Waxa ay ku filnaayeen in ay iyaga uun is maareeyaan C –Iyagaa la kabi jiray Maxaa kala qabsaday gudoomiyihii degmada Buurhakaba, MD Siyaad Barre (AUN) iyo Wasiirkii Dowladaha Hoose & Horumarinta Miyiga? Buurhakaba waxa ay ku jirtay degmooyinkii A-da ahaa ee uu dakhligii ka soo xeroon jiray aad u badnaa. Wasiir Jaamac oo taas ka duulaya waxa uu tegay degmada isaga oo doonayey in uu ka jawaabo baahidihii biyo la’aanta ahayd ee ka jirtay. Degmada xilligaas waxaa ka jirtay biyo la’aan aad u ba’an oo bulshada waxa ay meelo fog fog biyo uga soo dhaansan jireen Dameerro. Taas oo ay jirto, waxaa xilligaas sanado ka horreeyey isaga oo boqasho ku tagay WAR u sameeyey Xuseen Kulmiye Afrax (AUN) balse markii uu Jaamac Qaalib tagay waxaa ka buuxay dhoobo. Wasiir Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu go’aansaday in uu dhoobo qaado, ballaariyo oo uu jay ku shubo WARTA balse waxaa ka diiday gudoomiyihii DEGMADA oo lagu magacaabi jiray SANDHEERE oo u sheegay in bulshada degmada ay rabaan in loo sameeyo SHINEEMO! Jaamac Maxamed Qaalib wuu ka diiday isaga oo u sheegay in uu been sheegayo ee uu isagu doonayo SHINEEMADA! Iyada oo ay halkaas sheekadu joogto, waxaa Buurhakaba soo maray Madaxweyne Siyaad Barre oo u socda Baydhabo balse intuu uu bulshada salaamayey ayuu SANDHEERE u sheegay in dadweynaha doonayaan SHINEEMO kana codsanayaan in uu dhagax dhigio! Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu dhagax dhigay Shineemadii waxa uuna sii watay safarkiisii! Maxaa xigay? Gudoomiyihii degmada waxa uu taar u soo diray Jaamac Maxamed Qaalib oo uu kaga dalbanayo in la soo daayo lacagta lagu dhisi lahaa Shineemada! Markan isaga oo is bidaya awood maadaama Madaxweynaha dhagax dhigay! Hase ahaatee, Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib wuu ka diiday isaga oo ku sii socday barnaamijkiisii hore ee ahaa hagaajinta WARTA. Maxaa dhacay? Gudoomiyihii oo xanaaqsan waxa uu warqad dacwad ah u soo qoray Madaxweyne Siyaad Barre isaga oo u sheegay in Jaamac Qaalib diiday dhisidda Shineemadii uu isagu dhagax dhigay! Madaxweyne Siyaad Barre (AUN) waxa uu waqrad ay ku qoran tahay laba sadar u soo qoray Jaamac Maxaed Qaalib oo uu kaga dalbanayo in uu uga soo warbixiyo sida ay xaaladdu tahay. Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu ugu jawaabay warqad saddex bog ah oo uu ku faahfaahiyey sidii ay wax u jireen! Muxuu xaal ku dambeeyey? Madaxweyne Siyaad Barre waxa uu wacay gudoomihii degmada Buurhakaba waxa uuna ku amray in uu ku socdo qorshaha Wasaaradda! Waxaan soo xigtay oo iiga sheekeeyey General Jaamac Maxamed Qaalib oo ahaa barahaygii Jaamacadda ee Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya. W/Q: Mohamed Kaafi Email: Muhamedkaafi@Gmail.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Yusuf Garaad Cumar ayaa xujeystay mudaneyaasha baarlamaanka dowladda Federaal-ka ee Soomaaliya isaga oo hadal qabsanaya gudoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale. Aadan Barre Ducaale ayaa ku faanay waxqabadkiisa mudaddii uu ahaa xildhibaanka magaalada Gaarisa oo uu sheegay in uu is bedel weyn oo dhinaca waxbarashada ah ka sameeyey magaalada, kuna soo kordhiyey isbeddelo badan. Ducaale oo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Markii la i dooranaayay magaalada Gaarisa waxay lahayd 5 madaaris oo Thanaawi ah [yacni Dugsi Sare]. Maanta 36 madaaris ayaa ka dhisan”. Yusuf Garaad oo taas daba socda ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraalkaas waxa uuna raaciyey: “Waa ayo Xildhibaanka Soomaaliya ee la tartami kara oo magaaladiisa intaa ku kaalay? Fadlan gacanta taag”. Xujada Yusuf Garaad ayaa laga dhadhansan karaa in uu ku dhiirigalinayo xildhibaanada Soomaaliya iyada oo ay farriitu u muuqato “Fadhiga ka kaca!” …Mudane Aden Barre Ducaale: “…Markii la i dooranaayay magaalada Gaarisa waxay lahayd 5 madaaris oo Thanaawi ah [yacni Dugsi Sare]. Maanta 36 madaaris ayaa ka dhisan”. Waa ayo Xildhibaanka Soomaaliya ee la tartami kara oo magaaladiisa intaa ku kaalay? Fadlan gacanta taag. pic.twitter.com/KFeCaF8jz5 — Yusuf Garaad (@ygaraad) September 26, 2018