Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,579
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhambaalkaani wuxuu ku socdaa Madaxa Dowlad Goboleedka K/Galbeed Shariif Xasan Sh.Aadan, waana tusaale iyo wax xasuusin laga yaabo inay anfacdo isaga iyo wixi la jaanqaada. Waxaa jiray beri nin nolosha aad ugu dhibtooday oo ugu dambeynti go’aan ku gaaray inuu is-dilo. Asagoo socda meel xeeba ee u dhaw jabal ama buur uu rabay inuu iska tuuro, ayaa waxaa ka hor yimid nin aad u lebis fiican oo weydiiyay “xageed ku socotaa”..markaasuu ku yiri “waxaan rabaa inaan is-dilo oo noloshi ayaa aad iigu adkaatay”.. Ninkiibaa ugu jawaabay “waxba ha-isdilin, aniga waxaan ahay MALAKUL MOWT wixi manta ka dambeeyana waad I arki doontaa ee qofki aan ka fadhiyo lugaha waa ruux nolaa naaya ee Qur’aan saar, lacagna ka qaado…laakin qofki aan madaxa ka fadhiyo u sheeg dadkiisa in qofkaani ay tiisi gashay”. Ninkii wuxuu naqday maal-qabeen la wada yaqaanno magac fiican iyo ictiraaf ku yeeshay bulshadi oo dadki oo dhan ay radinayaan. Maalinti dambe ayuu xanuunsaday markaasaa MALAKUL MOWTKI ka soo fadhiistay madaxa..markaasuu lugaha xejiyay..Malaki waa soo wareegtay uu madaxi ka fadhiistay..markaasuu isku dayay inuu lugaha u wareejiyo…markaasaa la yiri manta ama madaxa I xeji ama lugaha manta waa maalintaadi ee bal xasuuso maalinti aan kaa soo celiyay inaad is-disho!!! Haddaba Shariif Xasan manta waa maalintaadi, ma ahan saadaalin inay dhimaneyso, ee ama Baydhabo ka dhuumo ama god qodo ee gal waxaa la soo gaaray xilligaad socoheysay ee Ilaahey dembi dhaaf weydiiso iyo inaad ka sabarto jagadaan dhibka badan kaa qanciyo waayoo dadka ku taagersan iyo kuwa kaa soo horjeeda waxaa laga yaabaa in tiro ahaan ay isla egyihiin..waxaana iga tala ah inad dadka ka qariso wejigaaga ood meel kale raadsato iskana illawdo ood isku qanciso in Madaxweyennimo dambe iyo adiga aad kala socoteen…ma laga yaabaa inaad ku qanacdo hadalkaan oon wax dan ah ka lahayn Koofur/Galbeed ciddi madax ka noqota. W/Q: Axmad Calasow
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbi siyaasadeedka cusub ee magaalada Muqdisho laga sameeyey, islamarkaana uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu sameeyey isbeddel lama filaan ah oo dhinaca magaca ah. Xisbigan oo magaciisa hore uu ahaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda ama Union for Peace an Democracy (UPD), ayaa waxaa loo beddelay Midowga Nabadda iyo Horumarka ama Union for Peace an Development (UPD), kadib markii muran la geliyey laguna qabsaday magacii hore. Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa markii xisbigaas lagu dhawaaqay durba sheegtay in magaca xisbiga uu leeyahay isaga, islamarkaana kooxda Xasan Sheekh ay bililiqeysatay. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya inuu magacaas isaga la baxay sanaddii 2011. Kooxda Xasan Sheekh ayaa markii hore ku doodday in magaca ay qaadaan karaan maadaama uusan Cabdullaahi Sheekh Xasan si rasmi ah u diiwaan gashan. Si kastaba waxaa hadda muuqata inay magacaas ka tanaasuleen una daayeen Cabdullaahi Sheekh Xasan. Xisbiga cusub ee Union for Peace an Development (UPD) ayaa waxaa si rasmi loogu dhawaaqi doonaa xaflad weyn oo maalinta khamiista ah lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xisbigan cusub ayaa waxaa ku midoobay kooxaha Damu-Jadiid, Daljir iyo Kutladda Horusocod, waxaana la sheegay inay xubno ka yihiin ilaa 80 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi oo ku magac-dheer Indha-qarshe, ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saaray qorshooyin uu sheegay in lagu doonaayo in lagu iibiyo dhulalka ciidamada. Indha-qarshe, waxa uu sheegay inay la socdaan in shaqsiyaad gaara ay ku howlan yihiin iibinta dhulalka ciidamada Xoogga, waxa uuna ku goodiyay in dadkaasi lagu soo oogi doono danbi Qaran. Waxa uu ka digay in dhulkaas la iibiyo,isla markaana aanan marnaba la aqbaleyn in dhulkii ciidanka ay dad Shacab ah iibsadaan. Waxa uu tilmaamay in ciidamada Xoogga ay dhulal badan ku leeyihiin min caasimad ilaa iyo Gobol, waxa uuna cadeeyay in dhamaantooda la doonaayo in ciidamada looga dhiso xirooyin inta lagu guda jiro 2019. “Waxaa socda qorsho dib loogu dhisayo Xarumihii Ciidamada xoogga dalka waxaa jira dad ku sheekeeya in ciidamada aysan u baahneyn dhulalkooda burbursan adeer yaan been niila sheegin cidii laga iibiyaa dhul ay leeyihiin ciidamada waa laga qaadi doonaa” Indha-qarshe, waxa uu sheegay inay jiraan Xarumo badan oo dalka ku yaalla oo uu ciidanku lahaa balse dad Shacba ah ay gacanta ku hayaan, isla markaana dowladda ay dayactir iyo dib u dhis ku sameysneyso lana doonayo in laga raadsado guryo kale. Haddalka Taliyaha CXD Daahir Aadan Cilmi ayaa imaanaya xili inta badan dhulalka xirooyinka u ahaa ciidamada Xoogga ay guryo u yihiin dad shacab ah, halka ciidamadu ay yihiin kuwo aan heysan xirooyin ku filan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Raysal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta tegay xarunta guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka. Diinwaagaliyaha xisbiyada qaranka ayuu sheegay in uu ku soo wareejiyay foomka xisbiyada iyo sharuucdooda. Ra’iisal wasaare xigeenku, mudane Mahdi baa hadalkiisa intaa ku daray in ay soo wadaan xisbi sal weyn oo dastuur iyo siyaasad laga baaraandegay wata. Qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso xisbigani oo ka soconaya Villa Somalia ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbahaysi ay ku midoobeen seddex xisbi siyaasadeed oo heysta aqlabiyadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu guddoomiye KMG ah u yahay madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Horay Villa Somalia ayaa loogu eedeeyay in ay ku mashquulsan tahay olaha doorashada 20250-ka ee Soomaaliya. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/RW-ku-xigeynka-Mahdi-Guled-oo-la-soo-wareegay-Fomka-diiwaan-gelinta-Xisbigooda.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxamed Taakooy, ayaa wareysi uu siiyay mareegta Goobjoog News kaga hadlay howlgalladii u dambeeyay ee ciidamada AMISOM iyo kuwadowladda ee wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburde oo ku wada yaalla gobolka. Wuxuu sheegay in howlgalka oo socda maalmo uu qorshahoodu yahay sidii loo furi lahaa waddooyinka isku xira degmooyinka gobolka oo badi u xirnaa muddo sanado ah colaado awgood. Guddoomiye xigeenka amniga Hiiraan baa sidoo kale waxaan wax ka weydiinnay duqeyn diyaaradeed oo shalay galab Hiiraan ka dhacday iyo dagaalladii dhacay khasaaraha ka dhashay. Dagaallada u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab oo dhinac ah ayaa ku dagaallamay degaanno dhowr ah oo xiriiriya magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburde. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/GUD-XIGEENKA-HIIRAAN-AMNIGA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa gallinkii dambe ee maanta xabsiga u taxaabay shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Hirshabeelle. Shaqaalahani oo ka howlgalayay xarunta maaliyadda gobolka ee magaalada Baladweyne ku taalla ayaa caawa xabsiga ku hoyanaya. Goobjoog News ayaa ogaatay in amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar lagu xiray shaqaalahani. Xubnaha la xiray ayaa la garanayn sababta xarigooda ka dambeeysa, waxaase warar horudhac ah ay sheegayaan in muran uu soo kala dhex galay, waxaana sidoo kale tiradooda lagu sheegay inay yihiin labo qof oo rag iyo dumar. Waa amarkii ugu horreeyay oo ka soo baxa guddoomiyaha dhowaan loo magacaabay gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/MSIYAAD-XARIGA-02-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in gudaha bishan October 2018 magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia looga dhawaaqo Xisbi cusub oo ay hoggaamin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Xisbigan ayaa waxaa isku dubaridkiisa ku howlan Wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta gaaray Xarunta Guddiga doorashooyinka madaxa banaan. Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka oo maraayay nidaamka dalka ayaa halkaa ka soo qaatay xeerka asxaabta siyaasadda iyo shuruudaha diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadeed iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay hanaanka sharciyeyenta xisbiga cusub. Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mr. Mahad Guuleed oo warbaahinta qaar kula hadlay xarunta ayaa sheegay in uu xarunta ku maraayay sharciga axsaabta oo loo siman yahay. ”Xisbi weyn ayaanu soo wadnaa oo ah xisbiga xisbiyada, madaxweynuhuna uu hormuud u yahay, siyaasaddii guushii Febraayo-na lagu hogaamin doono” Waxa uu Mahad Guuleed sheegay in gaaristiisa xarunta ay tahay si uu u guddoom xeerka asxaabta siyaasadda dalka, si loo waafajiyo Xisbiga dhowaan lagu dhawaaqo doono oo ay Hoggaamin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre. Xisbiga talada dalka haya ayaa la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqo, iyadoo in muddo ah soo socotay diyaar garowga Xisbiga dowladda ee (Nabad Iyo Nolol) oo la filayo inuu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo. Xisbiga diiwaan galintiisa ay socto ayaa waxaa la filayaa in loogu wanqali doono Nabad Iyo Nolol oo iminka ka dhaqan galay dalka oo idil. Ololaha bilowga ah ee xisbiga Nabad Iyo Nolol waxa uu soo ifbaxay labo maalin un ka hor markii magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ah kaa oo uu Hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, waxaa muddo sannad iyo bar ah laga joogaa markii la doortay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xiligaasi oo ay Soomaaliya ka baxday ololihii doorashada ee muddada socday. Si kastaba ha ahaatee, dadka aragtida fog ayaa qaba in DFS ay iminka ku mashquushay sidii dib loogu soo dooran lahaa si ay wax muuqda uga qabato amniga iyo dhisida ciidan qaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland iyo xildhibaan Cadiraxmaan Cismaan Jaamac(Shaadh) oo kamid ah golaha guurtida maamulkaas,ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar),kaasoo ahaa in madaxweyne farmaajo diyaar u yahay in uu booqdo Hargeysa,haddii Somaliland ogolaato. Labada xildhibaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si wadajir ah u sheegay in ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya uu yahay nin reer Somaliland ah oo u shaqa-tegay magaalada Muqdisho,islamarkaana uusan hadalkiisu wax dhib ah ku hayn Somaliland,balse marnaba aan la aqbali Karin in Farmaajo Hargeysa yimaado isagoo xil iyo mas’uuliyad u haya Soomaaliya. Xildhibaannadu waxay intaas raaciyeen in wadada keliyah ee madaxweyne farmaajo ku tegi karo Somaliland,isagoo xilka haya ay tahay,in uu marka hore u aqoonsado dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo deris la’ah,haddii kalese ay tallaabo sharci ah ka qaadayaan,sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale xildhinaabbadu waxay sheegeen in ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ee ay hadalkiisa ka jawaabayeen,haddii uu isagu shakhsi ahaan Somaliland ku laabanayo cafis loo fidin doono,balse marka hore ay waajib ku tahay in uu ka tego mas’uuliyadda uu Soomaaliya ka hayo. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Somaliland oo Farmaajo u hanjabay appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (PP) ─ Cilmi-baaris ay si Wadajir ah u sameeyeen Hay’adaha Farsight Africa iyo IPSOS, ayaa muujineysa in xilligaan uu jiro hoos dhac ku yimid kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabeen Hay’adaha Dowladdu Federaalka Soomaaliay, marka loo eego sannadkii hore ee 2017-kii. Cilmi-baarista ayaa muujisay in Dowladdu Federaalka ah ay ku taagan tahay dhabbihii Dowladnimada, balse ay hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabay, sida madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Garsoorka iyo Baarlamaanka. Madaxa fulinta hay’adda Farsight Africa, C/risaaq Aadan Maxmaed ayaa ku sheegay cilmi-baritsan inay xoogga ku saareen arrimaha ugu muhiimsan sida Amniga, Garsoorka iyo Kalsoonida Shacabku ay ku qabaan dowladda. Madaxa fulinta hay’adda Farsight Africa ayaa wuxuu sheegay ujeedada ay arrintan u sameeyeen inay tahay sidii ay u dhiiragelin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, wuxuu xusay shan bilood kaddib markii la doortay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo inay sameeyeen cilmi-baaris xilligaana uu helay kalsooni badan, laakiinse markan ay hoos uga dhacday 19% cilmi-baaristii sannadkii hore, sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay in kalsoonida ay ku qabaan shacabka hoos uga dhacday 21%. Golaha wasiirada ayuu sheegay in dhankooda ay hoos u dhacday kalsoonida ay ku qabaan shacabka 37%, taasoo uu ku sabeeyay inta badan inaan lala socon shaqadooda. Kalsoonida shacabka ay ku qabaan in dowladda ay wax ka ammaanka Muqdisho ayaa waxaa lagu qiyaasay inay tahay 3%5, waxaana shacabka saameyn ku yeelatay qaraxii 14-kii Oktoobar, weerarada xarumaha DFS iyo dilalka magaalada ka dhaca. Dhanka shacabka ayaa Dowladda ku kalsoon in ay wax ka qabaneyso arrimaha dhaqaalaha 62%, halka kalsoonida lagu qabo Cadaaladda in dowladda wax ka qabato ay tahay 49%. Ugu dambeyn, Cilmi-baaristan ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adaha Farsight Africa iyo IPSOS, ayaa waxaa ka qayb-galay xubno kala matalayay Dowladda Somalia iyo mucaaradka oo labadooda dhinac eedeeyay qaabka loo soo bandhigay cilmi-baaristan. PUNTLAND POST The post Kalsoonida ay shacabku ku qabeen Dowladda Soomaaliya oo si aad ah hoos ugu dhacday appeared first on Puntland Post.
  10. Garoowe (Caasimada Online) – Maleeshiyada Daacish ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyada weerar abaabulnaa oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee Puntland. Weerarka oo ahaa mid lagu laayay ajaaniib kasoo jeeda dalka Ethiopia ayaa waxaa sheegtay isla markaana ku faanay xagjiriinta Daacishta Somalia. Toogashada oo dhacay xalay fiidkii ayaa waxa ay si gaara uga dhacday xaafada Suwayta oo ku dhow aaga Dakada Boosaaso waxaana lagu dilay 4 Ethiopian ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromo. Isla weerarka ayey Daacish ku dhaawacday laba kale oo ajaaniib ah oo iminka lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada. Waxay ku sheegen qoraalkooda in weerarka ay si gaara u fuliyeen rag hubeysan oo qeyb ka ah shaqsiyaadka camaliyaadka khaaska ah fuliya kuwaasi oo ay tilmaameen inay si nabad gelyo dilka kadib goobta uga baxsadeen. C/salaam Bashiir, oo ah Duqa degmada Boosaaso ayaa xaqiijiyay raggii dilka geystay inay baxsadeen, balse ay jiraan baaritaan ay wadaan ciidamada ammaanka. Dilka ay ku faantay Kooxdan Daacish ee ku cusub Somalia ayaa kusoo beegmaya xili dhalinyaro u badan rag iyo dumar una dhashay dalka Ethiopia ay ku nool yihiin magaalada Boosaaso ee Puntland. Dhinaca kale, maamulka Puntland ay la tacaalaya xal u helida beegsiga lagu hayo ajaaniibtan oo Seddexdii bil ee ugu danbeysay sii kordhaayay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa boggaadiyey dar-darta ay ku socoto howlaha dib loogu hagaajinayo Garoonka Cayaaraha ee Staadiyo Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay barnaamij qeyb ka ah Ololaha Is-xilqaan oo 100 dumar ah shaqo loogu abuuray, si ay u dar-dargeliyaan nadaafadda iyo dib u habeynta Garoonka. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay muddo labo bilood gudahood ah in lagu dhameystirayo wajiga koowaad howlaha dib u habeynta garoonka oo qeyb ka tahay Nadaafadda iyo nalayn lagu sameynayo si loogu qabto Cayaaraha Maamullada ee dhowaan nagu soo fool-leh. “Hawshan dib loogu hagaajinayo garoonka StadiumMuqdisho waxay qeyb ka tahay qorshaha noo dagsan oo muddo labo bilood gudahood ah lagu dhameystirayo qeybta hore ee dib u howlgelinta Garoonka si loogu qabto Cayaaraha Maamullada Gobollada iyo Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Eng. Yariisow. Ugu dambeyn, Ololaha Is-xilqaan ee laga sameeyay Garoonka Cayaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiye-xigeenka Howllaha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta-Nabadda, Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare iyo 100-ka qof ee shaqo abuurka loo sameeyey si ay nadaafadda Garoonka u dar-dargeliyaan. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Shaaciyay xilliga uu Hawl-geli doono Garoonka Stadium Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. War-murtiyeed ka soo baxay guddiga joogtada ah ee aqalka sare Baarlamanka Soomaaliya ayaa looga hadlay khilaafka curyaamiyay hay’adihii maamulka ee u dhexeeya madaxda sare dowlad goboleedka Galmudug. War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in dhinacyada is-khilaafsan ee madaxda Galmudug ay weli ku jiraan dhaqdhaqaaqyo nidaam burburina oo ay ku duminayan haykalkii dowlad goboleedka Galmudug,waxaana mas’uuliyiinta loogu jeediyay baaq ka kooban saddex qodob oo ku saabsan in la ilaaliyo midnimada iyo wada-shaqeynta hay’adaha dastuuriga ah ee Galmudug. Guddiga joogtada ah waxay sidoo kale war-murtiyeedkooda ku sheegeen in aysan aqoonsaneyn xil ka qaadista ay isku-sameeyeen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ee mas’uuliyiinta Galmudug,waxaana ay ugu baaqeen qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug in ay ka qeyb qaatan dadaallada xal u raadinta khilaafkaasi. halkaan ka akhriso war-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Aqalka sare oo war ka soo saaray khilaafka Galmudug appeared first on Puntland Post.
  13. The United States believes Russia is developing a ground-launched system in breach of a Cold War treaty that could allow Russia to launch a nuclear strike on Europe at short notice, but Moscow has consistently denied any such violation. Source: Hiiraan Online
  14. National Assembly Majority leader Aden Duale has lost his elder sister to cancer. The Garissa Township Member of Parliament said on his Twitter handle his sister.... Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday hoggaamiyaha taageerada ugu badan ka haysta shacabkiisa marka lala barbar dhigo 10 hoggaamiyo oo dunida caanka ah. Xog uruurin ama qiimeyn ay sameysay hay’adda IPSOS/Farsight Africa Research ayaa sheegtay in Madaxweyne Faraamjo shacabkiisa ka haysto tageero boqolkiiba 67 (67%) waaa sanadkan 2018 oo uu ku dhaw yahay sanad guuraddiisii labaad halka uu marka uu talada dalka qabtay uu haystay boqolkiiba 86 (86%). Xogtan waxa ay muujineysaa in Madaxweyne Farmaajo haysto kalsooni shacab oo ka badan 10-ka hoggaamiye ee hoos ku xusan inta ay ka haystaan shucuubta ay hoggaamiyaan. Dhinaca kale Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa shacabka Soomaaliyeed tageero weyn ka haysta marka la eego qiimeynta ay sameysay isla hay’adda qiimeysay kalsoonida uu shacabka Soomaaliyeed ka haysto bulshada Soomaaliyeed. Ra’usl Wasaare Xassan Cali Kheyre waxa uu haystaa boqolkiiba 62%, waana sanadkan 2018 halka 2017 uu haystay boqolkiiba 83%. Walow ay caqabado waa weyn soo food saareen dowladda Soomaaliya ee ay gadh wadeenka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre, hadana waxa ay la yimaadeen waxqabad muuqda oo ay bulshadu u riyaaqday sida horumar dhinaca ammaanka ah, siyaasadda loo dhan yahay, hagaajinta hannaaka dhaqaale ee dalka iyo la dagaalanka musuq maasuqa. Halkaan hoose ka akhriso Liiska Madaxweynayaasha uu ka taageero badan yahay Farmaajo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare e xukuumadda Soomaaliya Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta iskuullada dowladda u qeybiyay buugaagta manhajka ee dhowaan ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Iskuulladan oo ku yaalla gobolka Banaadir isla markana ah dugsiyadii dhowaan dowladda ay la soo wareegtay ayaa mid mid u galay fasallada isagoo ardeydda u qeybiyay bugaagta cusub. Agaasimaha waaxda dugsiyadda wasaaradda waxbarshada Soomaaliya Muuse Maxamed Caraale ayaa bogaadiyay manhajka waxbarashada dalka isagoo kula dardaarmay walidiinta inay ka shaqeeyan sidii loo kobcin lahaa garaadka caruurtooda. Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa sheegay in iskuullada ay la soo wareegta dowladda intooda badan loo qeybiyay manhajkan cusub. “Maanta waxaa nasiib u yeeshay in iskuulladii dhowaan la soo wareegtay wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare in u qeybiyo bugaagtii ay wax ku baran lahayeen, intooda badan waa la soo qeybiyay”ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Feysal Cumar Guuleed. Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa tilmaamay in wasaaradda waxbarashada ay la soo wareeji doonto dhammaan iskuullada ay leedahay dowladda, islamarkana loo dhameystirayo manhajka waxbarshadda dalka. “ Bulshada Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in maanta ay lee yihiin manhaj mideysan oo wax lagu barayo ardaydda Soomaaliyeed”ayuu yiri Mudane Feysal Cumar Guuleed. Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay inay la soo wareegto 24 iskuul oo ku yaalla gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Onilne) – Sida ay wararka ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online waxaa xilkii laga qaaday Guddoomiyihii Degmada Dayniile Cabduweli Nuur Faarax. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa xilka looga qaaday Guddoomiyaha. Sidoo kale waxaa xilkaas loo magacaabay Maxamed Abuukar Jacfar oo mar soo noqday guddoomiyaha degmada Howl-Wadaag iyo taliyaha Ciidanka xasilinta Caasimadda walow markii dambe la kala diray. Ilaa hadda faahfaahin lagama bixin sababta keentay in xilka laga qaado mana lagu faahfaahin degreetada soo baxday. Gudoomiyaha Xilka laga qaaday ayaa Guddoomiyaha Degmada Dayniile ahaa wax ka yar lix bilood. Wixii kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Cilmi baaris ay wada jir ah u sameeyeen hay’adaha Farsight Africa iyo IPSOS ayaa muujineesa in hoos dhac kalsoonida dadweynaha ay ku qabaan hey’adaha dowladdu ay jirto xilligan marka loo eego sanadkii 2017-kii. Cilmi baarista ayaa dhinaca kale muujisay in dowladdu ay ku taagantahay dhabbihii dowladnimada balse ay hoos u dhacday kalsoonidii lagu qabay sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, garsoorka iyo baarlamaanka. Hay’adaha sameeyey daraasadda ayaa waxa ay su’aalo weydiiyeen 1,500 oo qof oo Soomaali ah oo ku kala nool magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya, sida Muqdisho, Kismaayo, Beledweyne iyo Garoowe. Waxyaabaha dadka wax laga weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo garsoorka, ayada oo magaalooyinka ay ku kala duwaanayeen heera kalsoonida. Hay’adda waxa ay sheegtay in kalsoonidii lagu qabay madaxweyne Farmaajo tan iyo markii la doortay, oo ahayd 89% ay hoos u dhacday 19%, halka Kheyre uu lumiyey 21%. Sanadkii 2017-kii, heerka kalsoonida madaxweynaha waxay mareysay 86%, balse haatan ay tahay 67%, tan oo weli ah tiro aad u sarreysa marka la barbardhigo inta badan madaxda dunida. Sidoo kale, kalsoonida ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ay ku qabaan shacabka ayaa hoos u dhacday oo gaartay 62% halka sanadkii 2017-kii ay ahayd 83%. Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cilmi-baaristan, ayna ku faraxsan yihiin in dadku aaminsan yihiin in dowladda ay jidka toosan ku socoto. Cabdirisaaq Aadan Maxmaed, oo ah madaxa fulinta hay’adda Farsight Africa oo wareysi siiyey idaacadda VOA-da ayaa ka warramay cilmi baaristan iyo waxa ay ku saleeyeen. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/1be8ae13-3a71-40ae-9269-bc86a16da856_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. MOGADISHU (Caasimada Online) —The chilling news of abduction cases are increasingly rising in Somali capital Mogadishu, amid families concerning for their children’s safety. The abduction cases, mostly took place at places of worships, business centers and outside of children’s houses. Caasimada Online learned that the child kidnappings are allegedly carried out by unknown men on rickshaws in Somali capital. The child abduction cases were reported to have taken place in Warta-Nabadda, Wadajir and Dharkenley districts in the capital. The worrying trend as child abductions come days after 11-years-old boy was kidnapped while heading on his way to home in Mogadishu. UN calls to stop children abduction in Somalia The Independent Expert on the situation of human rights in Somalia, has called for the immediate release of all children kidnapped or recruited as fighters in the country’s armed conflict. “The abduction of children by the Al Shabaab group and their recruitment and use by government security forces in the armed conflict constitute a grave violation of the children’s rights,” the expert said in a statement. UN commended the government for measures taken so far to rehabilitate children captured in combat, and for recognizing that such children were victims, but he urged the authorities to act now to stop children being used in the fighting. The expert also called on the government to build rehabilitation centres to address the plight of children associated with Al Shabaab. However, UN expert called for a comprehensive review of the country’s traditional dispute resolution framework and urged steps to ensure that traditional elders protected women against female genital mutilation, rape and other sexual and gender-based violence while respecting international human rights standards. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer Al-Shabaab kala wareegay deegaano badan waxaana dhacdo kadib inay mar kale Al-Shabaab kusoo laabtaan halkii laga saaray taasoo caqabad ku noqotay inay Dowladda Soomaaliya Dhawaan ayey aheyd markii Ururka Al-Shabaab ay la wareegeyn Tuulooyin hoos tago Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaanada ay Al-Shabaab la wareegeyn kadibna ay isaga baxeyn ayaa waxaa kamid ahaa Yaaqle, Dhagaxow,Kooreebe iyo tuulooyin kale,halkaasi oo ay Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen saldhigyo. Haddaba Su,aasha is waydiinta mudan ayaa ah waa maxay Sababta ay Dowladda Soomaaliya ugu guuleysan la’dahay dagaalada Al-Shabaab. Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir oo horay uga tirsanaa ciidamada Soomaaliya ayaa Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga u sheegay inay arrintaas sabab u tahay seddex arrin oo waaweyn oo haddii aan la xalin aan guul laga gaari doonin dagaalada AL-Shabaab. 1) Maamul Goboleedyada Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir ayaa Maamul Goboleedyada ku eedeeyey inay yihiin sababta ugu weyn ee looga adkaan waayey Ururka Al-Shabaab. Wuxuu sheegay inaysan dowladda kala shaqeyn sidii dagaal loogu qaadi lahaa Al-Shabaab isla markaasna maamul loogu sameyn lahaa deegaanada la qabsado. Maamul Goboleedyada ayaa ku sheegay inay yihiin kuwa mar walba cuuryaamiyo Shaqada Dowladda iyo dagaalada ka dhanka ah AL-Shabaab. 2) Awoodda Hubka Generaalka ayaa qodobka labaad ku sheegay inuu yahay inaysan Dowladda heysan hub ka culus midka ay Al-Shabaab heysato taasna ay keentay inaan la kala adkaan, wuxuuna yiri “labo qolo oo hub isku nooc ah heysata ma kala adkaan karaan, sidaas awgeed waa in dowladda laga qaado xayiraadda dhinaca hubka” . Wuxuu Qaramada Midoobay ku eedeeyey inaysan diyaar u aheyn awood siinta Dowladda Dhexe oo u baahan inay hesho hub ka weyn kana awood badan kuwa ay Al-Shabaab ku dagaalamaan. 3) AMISOM Janaraal Maxamed Ibraahim Guubir ayaa Ciidamada AMISOM ku eedeeyey inaysan daacad ka aheyn helidda Ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh . Wuxuu sheegay inay AMISOM dowladda ka ilaaleyso inay hesho isku filnaansho dhanka Maamulka iyo Ciidanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho, October 02 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa boggaadiyey dar-darta ay ku socoto howlaha dib loogu hagaajinayo Garoonka Cayaaraha ee Staadiyo Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay barnaamij qeyb ka ah Ololaha Is-xilqaan oo 100 dumar ah shaqo loogu abuuray, si ay u dar-dargeliyaan nadaafadda iyo dib u habeynta Garoonka. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay muddo labo bilood gudahood ah in lagu dhameystirayo wajiga koowaad howlaha dib u habeynta garoonka oo qeyb ka tahay Nadaafadda iyo nalayn lagu sameynayo si loogu qabto Cayaaraha Maamullada ee dhowaan nagu soo fool-leh. “Howshan dar-darta ku socota ee dib loogu hagaajinayo garoonka StadiumMuqdisho waxay qeyb ka tahay qorshaha noo dagsan oo muddo labo bilood gudahood ah lagu dhameystirayo qeybta hore ee dib u howlgelinta Garoonka si loogu qabto Cayaaraha Maamullada Gobollada iyo Gobolka Banaadir”. Ololaha Is-xilqaan ee laga sameeyay Garoonka Cayaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye-ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Guddoomiye-xigeenka Howllaha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waaberi iyo Warta-Nabadda, Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare iyo 100-ka qof ee shaqo abuurka loo sameeyey si ay nadaafadda Garoonka u dar-dargeliyaan.
  22. IPSOS oo shirkad laga leeyahay Mareykanka iyo Farsight Africa Research oo ah shirkad Soomaaliyeed ayaa si wadajir ah u sameeyey baaritaan ah sida ay dadka Soomaaliyeed ugu kalsoon yihiin hey’adaha iyo mas’uuliyiinka dalka. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee qoraalka ku soo baxay waxaa ka mid ahaa: in dadka Soomaaliyeed ay kalsoonidii kala laabteen madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre. Tusaale ahaan: Madaxweyne Farmaajo 2017 dadku waxaa ay kalsooni ku qabeen 86% halka 2018 ay kalsoonida hoos u dhacday oo ay gaartay 67%. Ra’isul wasaare Kheyre sanadkii 2017-dii, kalsoonida lagu qabay waxaa ay qaareysay 83% halka sanadkan ay hoos u dhacday oo ay gaartay 62%. Hey’adaha Dowladda ayey sidoo kale sheegeen sida ay dadka kalsooni ugu qabaan, Baarlamaanka federaalka ah sanadkii hore waxaa ay heysteen kalsooni ah 73%, sanadkan waa 50%, golaha xukuumadda 2017-kii waxaa ay kalsooni heysteen 86% halka 2018 ay heystaan 49%, garsoorka sanadkii hor waxaa uu ahaa 79% halka sanadkan uu yahay 36%. Ciidamada oo kale, Booliiska waxaa ay kalsoonidooda aheyd 2017-kii ilaa 74% halka sanadkan ay hoos ugu dhacday 61%, xoogga dalka sanadkii hore waxaa ay kalsoonida dadka gaartay 88% halka sanadka ay hoos ugu dhacday 63%. Qaramada Midoobey iyo AMISOM: Qaramada midoobey sanadkii hore waxaa ay dadka kalsooni ku qabeen 73% halka sanadkan uu yahay 48%, AMISOM kalsoonida ay dadku ku qabeen 2017-kii waxaa ay aheyd 59% halka 2018 ay hoos ugu dhacday 39%. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Qudus (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa cadaadis xooggan iyo dhibaato cusub ku biirisay caqabadaha ay wajahayaan dadka degan magaalada barakeysan ee Qudus ee ku hoos nool gumeysiga Yahuudda, kadib markii ay ka jartay taageeradii ay siin jirtay. Saraakiil ka tirsan maamulka magaalada Qudus ayaa wargeyska Alkhaleej Online u sheegay in Sacuudiga uu dhaqaalihiisa u adeegsanayo inuu ku qasbo dadka degan magaalada inay u hoggaansamaan siyaasadda cusub ee madaxweyne Donald Trump ee gadaal ay ka riixayaan Yahuudda. Labadii bil ee ugu dambeysay, magaalada barakeysan ayaa la kulantay hoos u dhac xooggan oo ah xagga gargaarka bani aadannimo, waxbarashada iyo mashruucyadii ay Sacuudiga mal-gelin jireen, ee lasoo marsiin jiray Bankiga Horumarinta Islaamka ee fadhigiisu yahay magaalada Jeddah.. ‘Tani waa ciqaab dadka Qudus ay kala kulmayaan Riyadh, kadib markii ay diideen inay aqbalaan heshiiska madaxweyne Trump ee looga magac daray (Heshiiska qarniga), ee dhigaya in Qudus ay noqoto magaalo Yahuudda ay leeyihiin” ayuu yiri sarkaalka. Sarkaalka ayaa sheegay in tageerada Sacuudiga oo ahaan jirtay 60 milyan oo dollar bishii, laga soor eebay kaliya 7 milyan. Waxa uu intaas ku daray in markii ay dowladda Sacuudiga weydiiyeen sababta looga jaray dhaqaalaha, loo sheegay inay la xiriirto dhibaatooyin dhaqaale oo Scauudiga soo wajahay, balse ay ogyihiin in xaqiiqda ay tahay in arrintan la xiriirto siyaasad. Khaleej Al-Khatib oo ah madaxa dhaq-dhaqaaqa Islaamiga ah ee Qudus ayaa sheegay in Sacuudiga ay ka shaqeynayaan danta Mareykanka iyo Yahuudda, aysanna yaab lahayn tallabada ay qaadeen. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  24. MOGADISHU (Caasimada Online)–Pressure is mounting on Somaliland and Somalia to sit on a round table and sort their political and border disputes. The international community wants talks between the leadership in Hergeisa (Somaliland) and Mogadishu (Somalia) to re-open dialogue to end the cold war between them. Somaliland has stated they are ready for a fresh round of talks after the Netherlands and Danish envoys to Kenya (and Somalia) said they would be ready to help initiate dialogue. Nairobi has been identified as one of the potential venues for the talks which have previously collapsed after agreements have been signed with both sides accusing each other of reneging on the signed deals. Somaliland, a former British protectorate proclaimed independence from the rest of Somalia after the collapse of the central government of Somalia led by the late dictator General Mohamed Siad Barre in 1991. However, the international community is yet to recognize Somaliland’s sovereignty though the nation has diplomatic relations with several countries where it has liaison offices. Somaliland is pushing for complete freedom from the rest of Somalia while the Federal Government of Somalia wants to retain the unity of Somalia. The two countries have failed to agree on several issues among them the control of airspace despite several meetings to resolve the issue. Since 2012, there have been several meetings and talks between Somaliland and Somalia, including Istanbul II Communiqué, where the two parties agreed on establishing the Air Traffic Control Board (headquartered in Hargeisa, Somaliland) and four members of technical committee (two from Somaliland and two from Somalia). This agreement was supported by the United Nations envoy in Somalia/Somaliland and the head of the UN Assistance Mission in Somalia at the time, Nicholas Kay, who described the agreement as a model for other areas of mutually beneficial cooperation. The U.N.’s aviation agency began controlling air traffic over Somalia after the county descended into civil war. Due to security concerns, the organization worked from Kenya until 2017 when the government of Somalia took the control of the airspace from ICAO. In March this year, Somali government relocated 34 air control personnel who were working in Nairobi to operate in the Somali capital, Mogadishu before officially starting operations in August to the chagrin of Somaliland. Because of tension between Somaliland and Somalia, Somaliland had banned all UN flights from landing at its airports and threatened to close its airspace to UN flights if the Istanbul II agreement was not implemented. The ban was later lifted. The Istanbul agreement allowed for a strategy to manage the two countries airspaces through a joint body to be established in Hergeisa. The body was also to be responsible for equitable sharing of revenues. This week, Somaliland envoy to Kenya Bashe Awil Omar separately met the ambassadors from Netherlands and Denmark to Kenya with the two European envoys promising to push for fresh talks to end the impasse to be held in Nairobi. Denmark ambassador to Kenya Mette Knudsen said it was vital for the two countries to sort their differences and work together Sources: CAPITAL FM
  25. Wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland ayaa talaadada maanta ah shaacisay in canshuur lagu soo rogay warqadda dalaaq-muujinta ee caddeyn ahaanta loo raaciyo furniinka. Wasaaradda ayaa lacag dhan $20 Dollar oo canshuur ah ku waajibisay nin kasta xaaskiisa fura ee soo raaciya warqadda dalaaq-muujinta ah,inkastoo aan qoraalka lagu xusin halka lacagtaasi lagu shubayo. Go’aanka wasaaradda Maaliyadda ayaa ku soo beegmay,xilli haatan shaqo la’aanta baahsan iyo sixir bararka nolosha saameeyay ee degaannada Puntland ka jira uu siyaadiyay,burburka qoyska iyo furniinka deg deg ah. Sidoo kale shaqaalaha dowladda oo aan mudda dheer mushahar iyo xuquuq helin, ayaa la sheegayaa in ay u badan yihiin qoysaska burburay ee furniinkoodu tiro beelay,maadaama wasaaradda maaliyaddu ku fashilantay bixinta xuquuqda shaqaalahaasi. Dhinaca kale dadka qaar ayaa wasaaradda ku eedaynaya ”in ay macaash ka dhex raadinayso burburka qoysaska” ee awalba ka dhashay mushahar la’aanta iyo sicir bararka sabab’saday nidaam-xumida waasaradda Maaliyadda. PUNTLAND POST The post Puntland oo furniinka canshuur ku soo rogtay appeared first on Puntland Post.