-
Content Count
206,580 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxaa maanta kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka qeyb galaya guddoomiyaha KMG ah ee xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Sheekh Maxamud. Mudane Xasan Sheekh Maxamud waa madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa horay loogu dhaariyey xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, inta noloshiisa ka dhimman. Berri oo khamiis ah ayaa lagu wadaa in Muqdisho ka dhacdo xaflad weyn, oo lagu daah-furayo xisbiga “Midowga Nabadda iyo Horumarka”, oo ah xisbi ay ka tirsan yihiin inta badan xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah. Wixii ku soo kordha, Kala soco Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday qaraarka kamid noqoshada Qaramada Midoobay ee dhowris xuquuqda naafada. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa talaadadii shalay xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York ee dalka Mareykanka ku saxiixday qaraarka Qaramada Midoobey ee dhowrista xuquuqda naafada. War qoraala oo ka soo baxay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah. Xukuumadda Soomaaliya ayaa 28, June 2018 ansixisay hindise sharciyeedka hay’adaha dadka naafada ah oo Golaha wasiiraadda horkeentay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka. Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii 178-aad ee saxiixa xeerka dhowraya xuquuqda naafada, iyadoo dad badan oo naafo ah oo dalka jooga ay u baahan yihiin daryeel. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo saxiixday qaraarka Qaramada Midoobay ee Naafada appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa maanta hakad ku jira shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Arintaan ayaa ka dambeeysay kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha haga diyaaradaha markii ay soo dagaan ee loo yaqaano Marshall. Waxaa khilaaf uu soo kala dhexgalay shaqaalahaasi haga diyaaradaha iyo shirkada Favori ee laga leeyahay Turkiga ee maamusho garoonka Muqdisho. Shaqaalaha ayaa ka biyo diiday shaqo joojin lagu sameeyay mid kamid ah shaqaalahaasi Marshall-ka loo yaqaano ee diyaaradaha haga. Dhamaan shaqaalaha ayaa go’aansaday in ay shaqada joojiyaan maanta oo Arbaco ah inta laga xalinayo khilaafkaasi. Dowlada Soomaaliya wali kama hadlin arintaasi hayeeshee waxaa socdo dadaalo lagu xalinayo khilaafkaasi oo ay wado wasaarada duulista hawada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Shaqadii garoonka diyaaradaha Muqdisho oo maanta hakad ku jirta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha aqalka sare ee dalka ayaa u muuqda kuwo ku fashilmay dalab ay ku doonayeen in xaruntooda lagu geeyo ciidamo ka tirsam AMISOM oo xaqiijiya amniga xarunta. Sanatorada Golaha ayaa muddo dhowr jeer Taliska AMISOM ka dalbaday in ciidamo suga amnigooda ay ka howlgalshaan xaruntooda, hase yeeshee ma aysan helin Jawaab ku aadan dalabkooda. Sanatorada Golaha ayaa shaki dhanka amaanka ah ka qaba xarunta ay ku shaqeeyan taa oo soo dadajisay inay dalbadaan ciidamo AMISOM ah. Mid kamid ah xubnaha Golaha ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Taliska AMISOM ay u direen codsiyo dhowr ah oo ku aadan inay usoo diran ciidamo la socda amniga Xarunta, balse aysan helin wax jawaab ah. Waxa uu sheegay in amniga xarunta ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada NISA, waxa uuna qorshaha Golaha uu ahaa in AMISOM lagu bedelo ciidamada xaruntaasi iminka jooga ee NISA. Golaha aqalka Sare ayaa ku howlan xalinta Khilaafka ka dhex aloosan dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada, waxaana xusid mudan in xarunta ay tahay mid aad u mashquulbadan. Sidoo kale, Xarunta Golaha ayaa dhinaca ku heysa dhismaha Xarunta Sirdoonka Somalia oo amaankeeda aad loo adkeeyay, waxaana suuragal ah in laga maarmo in xaruntaasi la geeyo ciidamo AMISOM ah. Si kastaba ha ahaatee, inta badan amniga xarumaha Dowlada ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamo taabacsan Taliska AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha CXD Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka u dhaxeeya dadka Shacabka iyo Al-Shabaab ee maalmahaan ka socday deegaano ka tirsan Sh/Dhexe. Indha-qarshe, ayaa sheegay inay la socdaan dagaalka iyo khasaaraha ka dhasha waxa uuna tilmaamay inay qaadayan talaabo lagu taageerayo shacabka dagaalka kula jira Al-Shabaab. Waxa uu Indha-qarshe sheegay in Taliska CXD uu qabo dareen ku aadan colaada shacabkaasi kala dhexeysa Al-Shabaab waxa uuna ku dhawaaqay inay garab siinayaan dadka Sh/Dhexe. Indha-qarshe, waxa uu sheegay in DFS ay ka faa’iideysaneyso kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay diyaar u yihiin inay ku gacan siiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Indha-qarshe, waxa uu sheegay in dhankooda ay ka go’an tahay in sanadkaan iyo kan soo socda gudihiisa ay Al-Shabaab ka saaraan guud ahaan dalka, sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale General Indha Qarshe ayaa wuxuu ka hadlay hawlgalada ka soconaya qeybo ka mid ah bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kaasi oo qorshihiisa uu yahay sidii la isugu furi lahaa wadooyinka ay xireen ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiye ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin Cumar Camey ayaa markii ugu horeysay ku amray Hay’addaha ka howgalla gudaha Puntland inay joojiyaan shaqaalaha ajnabiga ah ee ay ka keensayaan dalka dibadiisa. Cabdi Xakiin Cumar Camey, ayaa sheegay inay khalad tahay in Muwaadiniin shaqo la’aan ah dalka dibadiisa laga keeno shaqaale, waxa uuna ka digay in dalka lasoo galiyo Ajaaniib shaqo doon ah. Cameey, waxa uu tilmaamay in xad dhaaf ay yihiin Ajaaniibta usoo shaqo doonta Puntland, waxa uuna Hay’adahaasi ku amray inay hakiyaan shaqaaleysiinta Ajaaniibta. Waxa uu sheegay kororka shaqaalaha ajnabta inay xiriirweyn laleedahay shaqo la’aanta haysata dhalinyarada Puntland. Waxaa Camey sheegay in shaqo la’aantu sabab u tahay amni xumada iyo in Daacish iyo Al-Shabaab fursad u helaan inay dhalinyarada ku soo xero galiyaan lacago aan badnayn oo loogu adeegsanayo inay dalkooda ka dhigaan meel amni darro ah. Sidoo kale, Hogaamiye Camey ayaa carab ***** in Shaqo la’aan baahsan ay xilligan ka jirto Degaanada Maamulka Puntland iyo Qaar ka mid ah Gobalada dalka. Dhinaca kale, Cameey ayaa ku celcelshay in Hay’adii jabisaa amarka maamulka ay ka saari doonaan dalka oo dhan, waxa uuna ku baaqay in la joojiyo shaqaalaha Ajaaniibta ee dibadda laga keeno. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay taageero buuxdo siinayaan shacabka billaabay iney la dagaallamaan Xarakada Al-shabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe) ayaa sheegay in shacabka ay u adkeysan waayeen dhibaatada Al-shabaab, waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u qorsheysan tahay in sanadka soo socda dalka oo dhan ka saaraan Al-shabaab. “Waxaan ballanqaadnay inaan Labo jibbaarno dagaalladii iyo howlgalkii ka dhanka ahaa Al-shabaab, islamarkaana taageerno shacabka Soomaaliyeed ee raba in dulliga iska qaadaan, ciidanka xoogga dalka waxaa u qorsheysan in sanadka soo socda iyo sanadkaan inta ka harsan ay dalka ka xoreeyaan nimankaan nabad diidka ah ee dalka dhibka ku haya” ayuu yiri taliyaha. Shacab u dhaqan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa bilaabay iney la dagaallamaan Al-shabaab, iyadoo weli xiisad Labada dhinac u dhaxeyso halkaasi laga soo sheegayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in kulan ay magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa, iyadoo maanta looga hadlayo sii wadista ka doodista heer-hoosaadka golaha shacabka. Xildhibaannada ayaa sii wadan doona dooddooda la xiriirta xeer-hoosaadka, iyadoo xildhibaannada qaar oo hadlay sheegeen in qodobo badan ay kasoo horjeedaan. Sidoo kale, xildhibaannada maanta hadli doona ayaa iyaguna ka aragti dhiibanaya qodobada muranka uu ka taagan yahay ee xeer-hoosaadka. Ammaanka guud ee xarunta golaha shacabka iyo waddooyinka gala xarunta ayaa aad loo adkeeyey. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa talaadadii xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York ku saxiixday qaraarka Qaramada Midoobey ee dhowrista Xuquuqda Naafada. Soomaaliya ayaa noqoneysa dalkii 178aad ee saxiixa xeerkan dhowraya xuquuqda Naafada, arrinkaas oo ahmiyadiisa ay ka hadashay dowladda. Qoraal yar oo ka soo baxay dowladda federaalka, waxaa lagu sheegay “ dowladda Soomaaliya, waxaa ay u istaagtay ilaalinta xuquuqda dadka naafadaha ah”. June 28, 208: Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuummada Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyay hindise sharciyeedka hey’adaha dadka naafada ah oo ay golaha hor-keentay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul Insaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay xalay saq dhexe diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in duqeyntan lala eegtay xubno ka mid ah Al-shabaab oo halkaasi ku sugnaa. Waxaa jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta oo duqeyntan ka dhalatay, balse lama oga inta khasaaruhu la egyahay. Lama oga weli diyaaradahan duqeynta fuliyey dalka laga leeyahay, balse inta badan weerarada sidan oo kale ah waxaa fuliya diyaaradaha Maraykanka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay qaadeen weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab, isla markaana ay dileen ilaa 9 ka tirsan kooxda. Weerarka ayaa jawaab u ahaa mid ay Al-shabaab ku soo qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Warbixin ay soo saareen Mareykanka waxaa lagu sheegay in weerarkan ay qaadeen maalintii isniinta, kaas oo dhacay meel dhacda 40km waqooyi galbeed magaalada Kismaayo. Weerar oo iska kaashadeen Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaa qoraalka lagu sheegay in Al-shabaab looga dhaawacay dad kale, sidoo kale weerarka ayaa la sheegay in ay rayidku ka badbaadeen, oo aan khasaare jirin. Mareykanka waxaa uu sanadkan Al-shabaab ku qaaday 24 weerar, kooxdan oo ay Washington ku sheegtay midda ugu khatarsan dalalka saxaraha ka hooseeya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
At least 73,000 have been displaced in the clashes that followed last week's killing of four people in eastern Ethiopia's Benshangul/Gumz region, the state broadcaster said Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Mozambique will on Wednesday put on trial 180 national and foreign citizens accused of involvement in deadly Islamist attacks in the northern province of Cabo Delgado, sources said. Source: Hiiraan Online
-
Uganda is experiencing ‘relative quiet’ and remains less vulnerable to Al Shabaab extremism attacks compared to her East African neighbors, Kenya and Tanzania – a new report has revealed. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ah xubin kamid ah xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda ayaa si carro leh uga jawaabay warbixin lagu soo daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Fiqi ayaa sheegay inay Wakaalataan tahay mid ka dhaxeyso Ummadda Soomaaliyeed isla markaasna aysan aheyn in loogu adeego siyaasiyiin gaar ah. Fiqi ayaa aad uga carooday qeyb kamid ah warbixin lagu soo qoray Wakaaladda oo ku saabsaneyd Ra’isulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi oo booqday Xarunta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka. Ereyga uu fiqi sheegay inay qalad aheyd in la adeegsado ah ayaa ah “Xisbul Haakim” maadaama uu sheegay inaysan jirin meel ay ku tartameen Xisbiyo sidaasna uu talada dalka ugu guuleystay Xisbi la dhihi karo Xisbul Haakim. Haddaba Halkaan hoose ka akhriso hadalka Fiqi uu soo dhigay Bartiisa Facebook: Waxaa ii soo dhacday daqiiqado ka hor, fariinta hooose oo ka timid Wakaaladda wararka Soomaaliyeed (SONNA), oo inta aan ka ogahay ah wakaalad dawladeed oo umadda ka wada dhexeysa. “Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa booqday xarunta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka,isagoo ka soo qaatay xeerka Axsaabta iyo Shuruudaha Diwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka,si loo waafajiyo Dastuurka Xisbul Xaakimka oo dhawaan looga dhawaaqi doono magaalada Muqdisho. SONNAWES. Waxaa la yaab leh, ayagoo ah wakaaladdii xogta iyo wararka dalka in ay baahiyaan loogu talagalay in ay qaldaan waxyaalo asaasi ah, sida xisbul xaakim, goormaa dalkaan xukunkiisa xisbiyo ku tartameen oo xisbi ku guuleystay xukunka dalka si loo yiraahdo “xisbul xaakim”. Tan kale in xisbi la furtaa muwaadiniinta oo dhan ayey ka dhexeysaa, laakin in mid gaar ah wararkiisa si gaar ah looga tabiyo warbaahin umadda ka dhexeysa soo qalad iyo cadaalad darro umadda laga galayo maahan! Talo, hawlwadeenada wakaaadda iyo warbaahinta qaranka waxaa looga baahan yahay in ay dhowraan sumcadda hey’adaha dawladeed ee ay gacanta ku hayaan, ka digtoonaadaan in xisbi gaar ah loo adeegsado, ama si siman xisbiyada wararkooda loo baahiyo. Dhanka kale waxaan soo dhowaynayaa in la galo tartan saldhiggiisu yahay “Xisbiyo”,lana samaysto summado xisbiyeed, Isla markaana waa in laga fogoodaa in hantida qaranka loo adeegsado dano gaar ahaaneed sida Xisbi oo kale.
-
A shortage of qualified workers is good incentive for change. Germany's coalition government has reached a deal on several key immigration issues, including making it easier for non-EU citizens to work in the country. Source: Hiiraan Online
-
When the the non-Muslim world thinks of clothing for observant Muslim women, they tend to picture unflattering and loose silhouettes in drab, dark colors. But style options are endless as long as modesty is a component: some women choose to cover their hair with turban styles, others with hijabs wrapped in soft layers to frame the face; and others do not cover their hair at all, choosing to focus on long dress lengths and sleeves. Source: Hiiraan Online
-
Riyadh (Caasimada Online) – Kaddib markii Mohammed bin Salman uu noqday qofka labaad ee ugu awoodda qasriga boqortooyada Sacuudi Careebiya, waxa uu diiradda saaray sidii uu u burburin lahaa qoyska caanka ah Bin Laden. 2015-kii, xlligaas oo uu ahaa 29 jir, Maxamed Bin Salman waxa uu ku dhawaaday Bakr bin Laden, oo ah gudoomiyaha shirkadda weyn ee dhismaha ee Bin Laden Group, waxa uu u sheegay sida laga xiganayo lix qofood oo waxa dhexmaray loo sheegay, in uu ka dalbaday in uu doonayo in la shiraakoobo shirkadda. Amiirka waxa uu dalabkiisa u arkayey mid wadanninimo taas oo uu uga caawinayo shirkadda si ay uga gudubto dhibaatada dhaqaale. Bakr bin Laden, maadama uu yahay madaxa shirkadda dhismaha ee ay qoyska uu ka dhashay Osama Bin Laden, islamarkaana boqortooyada ka heli jiray qandaraasyo, waxa uu u nuglaa codsiyada boqortooyada. Laakiin waxa uu markan diiday dalabkii Amiirka, wuxuuna dalbaday waqti uu kula tashado saamileyda kale ee qoyska. Bilihii ku xigay, Amiir Mohammed bin Salman, oo ay dadka inta badan u garan ogyihiin MBS, awooddiisa wey sii korotay. Dhinaca kale shirkadda Bin Laden, waxa ku yimi hoos u dhac awoodeed oo aad u hooseeya. Markii uu xukunka qabsaday Bin Salman, mid ka mid ah tallaabooyinka dowladda qaaday 2015 waxa ay ahayd in dib u eegis lagu sameeyo qandaraasyada dowladda, iyada oo diiradda la saarayo mashaariicda waa weyn kuwaas oo ay ku tiirsanaayeen kooxda Bin Laden. September 2015, maalmo kahor xilligii gudashada Xajka wiish dhisme oo ay leeyihiin kooxda Bin Laden, oo ku dhacay Masjidka weyn ee Makka ayaa sababay dhimashada 107 ruux. Dowladda waxa ay tallaabo ka qaaday shirkadda, iyada oo ka mamnuucday qandaraasyadii ay heli jireen halka ay xannibaad safar ku soo rogtay madaxda sar sare ee shirkadda. Sidoo kale waxa ay dowladda Wasaaradda Maaliyadda ku amartay in ay dib u eegis ku sameyso maashaaricda ay hadda haystaan, iyaga oo u aaneeyey tayo xumadooda. Mas’uul sare oo ka tirsan shirkadda Bin Laden iyo Ilo wareed ka ag dhaw qoyska ayaa sheegay in shilkaas uu dowladda siiyey albaabkii ay shirkadda ka soo geli lahaayeen. Markii la waayey lacagtii ay ka heli jireen dowladda, dhaqaalaha shirkadda Bin Laden hoos u dhac ayaa ku yimi, waxa ayna joojiyeen mushaaraadkii ay siin jireen tobanaan kun oo shaqaaleheeda ah taas oo horseeday rabshado. Bartamihii 2016 waxaa inta badan joogsaday shaqadiii dhisme ee shirkadda Bin Laden oo ay ku jiraan dhismeyaal aas aasi u ahaa qorshaha is bedel ee Maxamed Bin Salman. Habeenkii ay bisha November ahayd 4, 2017, mas’uuliyiinta Sucuudiga wax ay xireen Bakr bin Laden iyo 200 oo ka mid ah madaxda waa weyn ee boqortooyada Sacuudiga, waa tallaabo ay ugu yeeraan mas’uuliyiinta in ay kula dirirayaan mausuq maasuqa. Sidoo kale, Daraasiin ka mid ah qoyska Bin Laden oo ay ku jiraan carruurta ay dhaleen walaalahood waxaa laga xannibay akoonnadoodii iyo safaradda dibedda. Bakr waxa u bilowday xarig soconayey muddo ka badan 10 bilood. Sida kuwo badan oo kale waxaa lagu hayey Hotel-ka Rits-Carlton ee ku yaal Riyaad. Sidaas oo kale waxaa lagu hayey walaalahiis Saleh iyo Saad kuwaas oo saamiley waa weyn shirkadda ka ah. Walaalaha kale ee Bin Laden – Omar, Ahmed, Mohamed Abdullah iyo Yahya waxaa muddo yar iyagana lagu hayey Hotel-ka, sida laga soo xiganayo afar qof oo xiriir la leh qoyska. 23kii April, dowladda oo soo mareysa shirkadda Istidama Holding Company waxa a la wareegtay 36.2% saamiga shirkadda Bin Laden, iyada oo ka faa’iideysaneysa dhibaaooyinkii garay. Waxa ay taas ka dhigneyd intii ay saamiga u lahaayeen Bakr iyo Saleh, sidaas waxaa laga soo xiganayaa dikuminti ay heshay Reuters oo ka timi Wasaaradda Ganacsiga. Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda ayaa u xaqiijiyey Reuters in Wasaaradda Maaliyadd ay leedahay Istidama. Si Shaaric ah looma yaqaan shirkadda maadama aysan ahayn mid diiwaan gashan, Reuters wey ku adkaatay in ay xiriir la sameyso shirkadda. Dowladda waxa ay sameysy guddi shan nin ka kooban oo la socday sida shirkadda Bin Laden loo maamulo. Xubnaha waxaa ka mid ah Abdulrehman al-Harkan,oo hore u ahaa madaxii fulinta ee shirkadda horumarinta Dar Al Arkan ee fadhigeedu yahay Riyaad; Khaled Nahas, oo ah xubin ka mid ah petrochemical producer Saudi Basic Industries Corp; iyo Khalid al-Khowaiter, madaxa maaliyadda ee at Advanced Electronics Company, shirkad Teknooloji oo ay sameysay dowladda. Dadkan ay dowladda magacowday ayey dad badan u arkaan in ay maamulidda shirkdda loolan ugu jiraan. “Gundhigga waxa weeye in dowladdu la wareegtay,” waaa sidaas yiri qof Jidda jooga. Saddex meelood labada meel shirkaddda Bin Laden ka soo hartay waxaa wali haysta 15 da’yar ah oo la dhashay walaaha Bin Laden, sida laga soo xigaayo dikuminti ay leedahay Wasaaradda Ganacsiga. Laba qof oo ka tirsan qoyska Bin Laden ayaa lagu daray gudiga shanta ah ee kor joogteenaya habka shirkadda loo maamulayo, Yaha kaas oo jooga xafiiska dame iyo Abdullah, abukaate wax ku soo bartay Jaamacadda Harvard kaas oo gacanta ku haya danaha shirkadda ee Mareykanka. Sidaas darteed shirkadda Bin Laden Group ayaa ayada oo hadda aad u liidata, waxaa qeyb ka mid ah yeeshay Maxamed Bin Salman. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
-
Dunidan aan ku Nool nahay Waxaa ka jira Dhaqan Siyaasadeed oo ah Hal mar ayaad Fursad Siyaasadeed lee dahay, Hadaad markaa ka Faa’iideysan waydo Hoggaankaa lagugu aaminay, oo ay kugu Cadaato in Xilkaaga ka soo bixi weyday waa inaad ogolaataa in aad Siyaasada Ka fariisato. Waa inaad noqota nin Aqbalay Fashilkii Siyaasadeed ee uu ka hantiyay Tijaabadii iyo Hoggaankii loo dhiibay, ee uu ku Furay Geediga Ruun aan Cows iyo Biyo toona laheyn, lagana Dhaxlay Dhib iyo Daal ka dhashay Waqtigii Dheeraa ee la soo socday. Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, oo ahaa nin Siyaasadda Soomaaliya ku soo galay Waji Cusub oo aysan Bulshadu horey u Arag Xiligiisii, una Hamuum qabto Haggaankiisa, waxaa uu ka tagay Dal Soomaaliyeed oo aan la Dhaqaajin, lana Dibin daab-yeeyay Dadkiisii. Waxaan Arkayaa Mudane Xassan Sheekh oo Haatan ku Mashquulsan inuu Mar kale dib u soo koro Masraxa Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya, Yag leelayna Xisbi Siyaasadeed, la Sheegay inuu Gun dheer yahay, kuna Mideysan yihiin Xubno Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ah. Waa Arrin I Cajab gelisay, waana mid aan Horey u Filayay inaan Arki doono Damac Xassan Sheekh Weli uu ka lee yahay Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya, maadama Siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan Aqoon Fashil haduu ku Taabto Fadhi Wanaag ku Bedel, taas oo ah tan Hor-taagan in Soomaaliya horey u Socoto. Madaxweynihii Hore ee JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Isagu Sidee isku Arkaa? Taariikh-du se Sidee u Aragtaa ? Waa inaan Wax Iska Waydiino Ma Shacabka Soomaaliyeed ayaa liita oo wax Magarato ah Mise Madaxda Soomaaliyeed ayaa ah dad aan damiir lahay oo aan xishoon. oo aan Khaladka ka ay galaan aan xisaabin. Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo Socdaalkiisii uu dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, waxaa soo baxayay inuu noqonayo Hoggaanka Xisbi Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin Mucaaradka, kaas oo ka qeyb-galaya Doorashada 2020-ka, taas oo si Rasmi ah loogu dhawaaqay 30-September-2018-ka. Xisbigan cusub oo loo bixiyey yahay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda, ayaa waxaa ku Midoobay Xisbiga Daljir, Kutlada Horu-socod, PDP iyo Siyaasiyiin, mana aha Aragti ahaanteyda Xisbi lagu abuuray dareen dad kala gadisan iyo qadiyada dalka soomaaliya dhibaatada dheeraatay looga saarayo. Waxaa Is-weydiin Mudan Xisbiyadda iyo Siyaasiyiin ku Midoobay Xisbigan Cusub, Sidee u tir-tiri karaan Taariikh-da Madow ee u Gashay Masraxa Siyaasadda Soomaaliya Xassan Sheekh, iyadoo Xusid mudan tahay in Siyaasiyiinta Xisbigan qeybta ka ah inay ahaayeen kuwii ugu Caansanaa ee Dhaliili jiray Siyaasadda Fashilmatay ee Mr. Xassan. Xassan Sheekh Maxamuud, waxaa taabtay Fashil Siyaasadeed intii u dhaxeysay 2012-2016-kii, ee uu Hoggaanka u hayay Siyaasadda Soomaaliya, waxaa uu Soomaaliya Dhaxal siiyay Ceebo aysan Hortiis laheyn, waxaana uu Hanjab ku riday Shacabka Soomaaliyeed oo Qaarkood Ilmo ilaa ay haatan ka Qubaneyso. Maxaad Ka Xasuusataa Hoggaamintii Fashilmatay Ee Madaxweynihii Hore Mudane Xassan Sheekh ? Anigoon Aragti ahaanteyda aan soo Koobi Karin Xasuusihii Xumaa ee laga Dhaxlay Hoggaamiyihii ku Fashilmay Siyaasadda Xassan Sheekh, ayaa waxaan ku soo koobi Doonaa 5 Qodob, oo ay Muhiim aheyd inuu Mr. Xassan uga baxo Damaca weli uga jira Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya. 1)Aqoontiisa Siyaasadeed oo Saldhig u Noqotay Abuurida Ururo gaar ah. 2)Dhicida iyo boobka Dhaqaalaha Wadanka iyo Xilalkii dawladda. 3)Magacaabista iyo Is-qabashada Ra’iisulwasaarayaal badan. 4)Fashilinta Siyaasadii Arrimaha Dibedda Soomaaliya, oo Meeshii ugu Hooseysay Gaartay. 5)Sharci u Sameyn-sashada iyo Dhaca Dhulkii Danta Guud ee Muqdisho ku yaallay. 7)Dilka xildhibaano iyo siyaasiin iyo dad qiimo kuleh bulshada 8 Fadeexadii Gobalka hiiraan iyo Galmudug Qasbida shacabka 9)xil u dhiibida wiila u adeer u yahay Taliyaasha Ciidanka Qaranka sida NISA 10)Iska horkeenida madaxda maamul gobaleedyada bur burinta heshiisyada laga lay. Talo ku Socota Madaxweynihii Hore ee JF Soomaaliya Xassan Sheekh. Soomaalidu Waxa ay ku Maah-maahdaa “Baso Waa Baso, Si Kastoo Loo Subko”, Sidoo kale Waxa ay ku Maah-maahdaa Soomaalidu “Wax Tagay Tiigsimaad ma Leh”, Mudane Xassanow hadii aad Hoggaan Siyaasadeed oo Wanaagsan lee dahay, horaan kuugu soo Aragnay Hoggaan xumi. Waxaa ku haleelay Fashil Siyaasadeed oo aan Marnaba Fursad ku siin doonin inaad Hoggaamiso Siyaasadda Soomaaliya, “adna Waxba Carro iyo Ceeb ha ka sii Fagin”, Fadlan Jaanis sii Siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ee Damacuna uga jiro inay Hoggaan-shaan Dalka. Danjire Maxamed Caalim Aqoonyahan Soomaaliyeed, oo Muddo 30 Sanno ahna kusoo Dhex jiray Siyaasadda Soomaaliya. Email: Caalim68@hotmail.com Telfoon: +358458712195 Helisink, Finland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, aqristoow safaaradaha Soomaaliya waxbadanoo kamid ah musuqmaasuqa xad dhaafka ah ee kasocda, weey kadharagsan yihiin ardeyda, ganacsatada, iyo qoysaska dalalkaa jooga, mahubo in dowlada dhexee loowada dhanyahaye hadda jirtaahi, sidaa si la mid ah iyana uga dharagsan tahay. Aan toos ugalee anigoon wadamo gaar ahna tilmaamin, hadana dalalka qaar ee safaaradaha aan kuleenahay, waxeey bixiyaan deeq-waxbarasho/Minxooyin/Scholarships, ama hadaan sikale udhahno, waxbarasho lacag la’aan ah, oo nuuckasta isugu jirta.Waxbarashadaas lacag la’aanta ah, waxaa loogu deeqay ummadeena Soomaaliyeed, ee dhibka dagaalka sokeeye uu haleelay. Waxaana loogu dhiibaa safaaradaha dalalkaa inooga wakiiilka ah. Meeshii ummada Soomaaliyeed, si xalaal ah, oo cadaaladi kujirto, lagusoo gaarsiin lahaa, ayaa nasiibdarro! Waxaa gatoo booba, dhaqaalana kasameeya deeqdaa waxbarasho, ee loogu talagalay ardeyda Soomaaliyeed, safiirka, kuxigeenkiisa, iyo inta sida hoose ugala shaqeeysa. Waxaa deeqdaa waxbarasho lagu gataa, qiimo kala duwan, waxaana loogadaa, qaab qabyaaladeed, mararka qaarna, sida loo kala dhaqaale badanyahay. Tusaale ahaan; kuraasta deeqda waxbarasho, ee caafimaadka (Medicine), waxaa lagu kala gataa, inta udhaxeeysa: Lix kunoo doolar-Illaa-toban kunoo doolar ($6000-to-$10,000). Kuraasta Injineerinka (Engineering), iyana waxaa lagu kalagataa: Sadex kunoo doolar-illaa-lix kunoo doolar ($3000-to-$6000). Taqasusyada kalee waxbarasho, sida shareecada, ganacsiga, dhaqaalaha, arimaha qaanuunka, saxaafada……iwm iyaga waxa lagu kala gataa: Kun iyo shan boqoloo doolar-illaa-sadex kunoo doolar ($1500-to-$3000). Waxaa intaa kuusiidheer, in kuraasta ama boosaska deeqaha waxbarasho, ee sanadkasta dowladahaa bixiyaan, aaneey aheyn hal iyo labo kursi, oo xaqiiqdii tira badan yihiin. Nasiibdarro! Dhaqaalahaa ardeyda Soomaaliyeed, ee masaakiinta ah laga qaado, masoogaaro dowlada Soomaaliya, oo jeebka shaqsiyaad gaar ah, ayey si toos ah ugu dhacdaa, sida: Safiirka, Kuxigeenkiisa, iyo inta ka agdhow. Waxaa intaa kuusii dheer, marka kuraastaa madaxda safaaradu isla gataan, lacagtana sida eey hore ugu heshiiyeen ukala qeybsadaan, ayaa hadana waxaa jira, kuraas dheeri ah, oo eey uqaraab tagaan. Waxaa jira wadamo qani ah, sida Carabta guud ahaan, gaar ahaana kuwa Khaliijka, kuwaasoo kahela sanadkasta, deeqo waxbarashoo aaneey ubaahneyn. Qaar kamid ah safaaradaha Soomaalida, oo arintaa kadharagsan, ayaa uqaraab iyo lufluf taga safaaradaha dalalkaa, si kuraastaa wadamadaa kale aaneey ubaahneyn ugasoo qaataan, iyagoo kusoo tuugsanaya, in dalkeenu burburay, xarumihii waxbarshoo dhanna inaga baaba’een, cidkastana aan uga baahi badannahay deeqahaa waxbarasho, sidaa daraadeedna ummada Soomaaliyeed lasiiyo, kuraasta deeqahaa waxbarasho. Marka lasoo siiyana, nasiibdarro! Waxeey sidaa si lamid ah, hadana uga gadaan ummadii Soomaaliyeed, ee madaxooda, iyo magacooda deeqahaa waxbarasho, eey kusoo qaadeen, iyagoo uga iibinaya, qaabkii iyo qiimihii aan hore usoo sharaxnay. Safaaradaha marka eey sidaa uga gadanayaan, ummadeena Soomaaliyeede tabaaleeysan, kuraasta deeqihii waxbarasho, ee iyaga loogu talagalay, waxeey ku andacoodaan, in dhaqaalahaa eey ukaashanayaan qarashaadka safaarada, sida: Korontada, biyaha, ijaarka guriga iyo mushaarka….iwm. Hadana qaarkoodbaa guryo waaweynoo dibadaha ah kadhistay. Waxaase xusid mudan, in safaaradaha qaar waxkastoo qarashaad ah, eey kabixiyaan dowladaha eey inoo fadhiiyaan. Taasoo masiibo qaran inoo keentay. Halkan kafiiri qormo aan arintaa kasameeyney. Sababta kuqasbeeysa Ummadeena Soomaaliyeed, ineey safaaradahaa kagataan kuraasta deeqda waxbarasho, ee magacooda lagusoo qaaday, looguna talagalay in lacag la’aan, si cadaalad ah loogu qeeybiyo ayaa ah, waa marka koobaade, hadii eeysan lacagtaa bixin, cidkaloo bixineeysa ayaa hore looga gadanayaa, cid waxkaqaadeeysa madaxdaa safaaradaana, aaneey hore ujiri, sidii burburkaba udhacay, waloow hadda xaalku isasoo badalayo, oo eey muuqato in safaaradaha eey laxisaabtameeyso xukuumada Nabad iyo Nolol. Tusaale waxaa inoogu filan, arintii kadhacday safaarada Suudaan. Tan labaad hadii aad dhahdo si shaqsi (Private), ayaan isaga bixinayaa, dadka intiisa badan ma awoodi karaan, maxaayeelay booska caafimaadka, marka aad wadamada qaar, adiga qarashka iska bixineeyso sanadkii, waxaa laga yaabaa, in lagu dhoho iskabixi sanadkii: Kow iyo labaatan kunoo doolar ($21,000/year), sidaa daraadeed, waxaa ummada udhib yar, ineey waxoo dhan iska bixiyaan, inta udhaxeeysa: Lix kunoo doolar-illaa-toban kunoo doolar ($6000-to-$10,000). Wixii intaa kadambeeyana qarashaadka nolosha (living cost) ardeyga, waalidka iska bixiyo, waloow eey xaq ugu lahaayeen safaarada, in si lacag la’aan ah lagusiiyo deeqda waxbarsho. Waxyaabaha ugu calool xumada badan, ayaa waxaa ka mid ah, sida safaaradaha qabyaalad ugu bixiyaan kuraasta deeqaha waxbarasho, maxaayeelay iyadoo dadka lacag wax looga wadagadayo, ayaa hadana labadii qofoode lacagta wada bixin lahaa, midkood lacagta looga qaadayaa, oo lagu hormarinayaa oo lagu tixgainayaa qaab qabyaaladeed. Waxaa sidoo kale dhacda, in qof saf (Line) mudo sanado ah kujiray, oo sugayey ineey usoo baxdo deeqdaa waxbarasho, laga hormariyo qof hada cunigiisa dugsigii sare soodhameeyey, balse dhaqaale hoogan heeysta, bixinayana lacag kabadan tii lagula heshiiyey, qofkaa safka sanadaha kujiray. Nasiibdarro! Cid uu uga dacwoodo malaha, maxaayeelay marka horaba, warqad cadeyn ah lagama siinayo lacagtii uu bixiyey. Waxaa sidoo kale jira, dadka tahriibayaasha ah, ee qaab mukhallasnimo ah safaaradaha ugu soosaaraan, dhaqaalana uga qaataan, fiisooyinka dalalkaa eey kusoo dhexmarilahaayeen. Safaaradaga qaar waxaa lagu eedeeyaa ineey xitaa kaganacsadaan Soomaalida kuxiran dalalkaa eey joogaan.Kabasii darane, qaarbaa ganacsato usoo galiya dalalkaa badeecooyin kotorabaan ah. Talooyin soojeedin (Recommendations) Safaaradaha isu badalay dhiig-miiratada, mukhallasiinta, iyo kuwo kaganacsada kotorabaanka, fadlan dowlada hadda jirta, gaar ahaan Wasaarada Arimnaha Dibada Soomaaliyeed, wax hakaqabato, arimahaa oo dhanna, marka hore si dhab ah ha ubaarto, xaqiiqda marka eey ogaatana, si dhab ah, oo degdeg ah wax ha uga qabato. Maxaa yeelay Ummada Soomaaliyeed iyagaa ka mas’uul ah, iyaga cid aan aheyn, oo eey sugayaana majirto. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay ku khasban tahay inay xal waara u raadiso dalalka dhaca Qaarada madow ee colaaduhu ka jiran. Ra’isul wasaare Abiye oo ka qeybgalaayay shir looga hadlaayay Amniga iyo Xasiloonida ayaa sheegay in dowladiisa ay ahmiyad gaara siineyso degnaanshiyaha dowladaha kale ee Africa. Abiy Axmed, waxa uu sababta ku sheegay in nabad la’aanta ka jirta wadamada deriska la’ah dalkiisa ay saameyn xoogan ku yeelankarto Ethiopia, waxa uuna carab ***** in Nabadda Ethiopia ay tahay mid ku xiran tan Somalia. Waxa uu tilmaamay inay doonayaan in Ethiopia ay hesho Nabad iyo Xasilooni balse taasi ay ku imaankarto keliya iyaga oo marka hore Nabad iyo wada shaqeyn ka dhex abuura dalalka ku hareersan Ethiopia iyo kuwa aan ku hareereysneen. Nabada Ethiopia ayuu sheegay inay tahay mid ku xiran Nabad ka dhalata Somalia iyo South Sudan oo uu cadeeyay inay saameyn ku yeelan karaan Ethiopia oo iminka nabdoon. “Nabada Ethiopia waxa ay ku xiran tahay Somalia iyo South Sudan oo helaa degnaanshi, maxaa yeelay waxa aanu wadaagnaa soohdin dalka deriska kula ah oo aan heysan Nabad waxa ay meesha ka saareysaa in adigana aad heshaa Nabad” Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladiisa ay dhibka intaa la’eg u martay sida ay Ethiopia ku heli laheyd nabad waarta, waxa uuna meesha ka saaray inay ka raali noqon doonaan carqalad loo geysto amniga. Waxa uu tusaale usoo qaatay qaar kamid ah dhalinyarada dalkiisa oo caqabad ku ah amniga hase yeeshee waxa uu ku goodiyay in dadka noocaasi ah ay muteysan doonaan ciqaab adag oo aan cafis laheyn. Dadka kasoo jeeda deegaanada Soomaalida iyo Oromada ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamada isla markaana ka fogaadan carqalada ay ku hayaan amniga, isagoo Hay’adaha amaanka ku amray in sharciga ay horgeeyan dadka dhibta ku haya amniga. Sidoo kale, nabada Ethiopia ayuu sheegay inay mas’uul ka yihiin dhamaan dadka ku nool dalka maadaama nabad xumo ay wada saameyneyso dadka dhan. Geesta kale, Abiy Axmed ayaa dhinacyada dhaliilsan Siyaasada ay ku shaqeyneyso dowladiisa ugu baaqay in dhankooda ay ka raacan muwaadiniinta kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com