Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,588
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDS Mustafe Maxamed Cagjar ayaa markii ugu horeysay dowlada Ethiopia ka dalbaday in maamulkiisa laga qayb galsho shirka golaha ee maamulka talada dalkaasi haya ee la magacbaxay EPDRF. Madaxweyne Cagjar, ayaa golaha maamulka talada dalkaasi haya ka dalbaday in loo sahlo kamid noqoshada shirarka waxa uuna tilmaamay in ahmiyad gaara uu u leeyahay shirarkaasi. Cagjar, waxa uu sheegay in maamulkiisa xiligaan uu u baahan yahay inuu ka dhexmuuqdo maamulada kale ee ka jira Ethiopia, isagoo carab ***** in taa lagu gaari karo in Golaha maamulka talada dalkaasi haya laga helo aqbalaad. Mustaf Cagjir waxa uu xusay in arrintasi maamulkiisa ay u horseedi doonto horumar iyo sidoo kale inay helaan isku filnaasho, maadaama ay hadda ka soo kabsanayaan rabshado colaadeed. Waxa uu tilmaamay in maamulkii hore ay ka dhaxleen kacdoono iyo dhibaatooyin sababay kalsooni daro, hase yeeshee ay iminka doonayaan inay u talaaban isbedel iyo wax wada qeybsi. Waxa uu Madaxweyne Mustafe Maxamed cagjar sidoo kale sheegay inuu rajo wayn ka qabo in xubno badan ay ku yeeshan golaha Wasiirada ee ka soo jeeda qowmiyada Soomaalida ah ee degan degaanada ay maamusho Ethiopia. Haddalka Cagjar ayaa muujinaaya in maamulka Soomaalida uu dhibaatooyin kala kulmay ridista Cabdi Cumar, taa oo sababtay kacdoon ku daatay dhiig badan. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dhawaan ay Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday in lasoo daabacayo lacago cusub ayaa waxaa haddana soo baxaaya culeysyo ku xeeran daabacaada lacagta cusub ee Sh/So. Culeyska ka taagan daabacaada lacagta cusub ayaa la sheegay inay isugu jirto bixinta lacagaha lagu daabacaayo iyo shuruudo kale oo dhowr ah. C/raxmaan Ducaalle Bayle, Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay markii hore dowladda in lagu xiray shuruudo badan oo ku saabsan soo daabicista lacagtan cusub, taasi oo keentay in dowladda xilligan ay caqabad wajahdo. C/raxmaan Bayle ayaa qiray dhammaanba shuruudihii lagu xiray dowladda inay ka gudubtay balse ay harsan yihiin kuwa kale oo ku xayiran soo daabicista lacagta cusub ee la doonaayo in laga dhaqan galiyo dalka. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la kulmeysa caqabado dhowr ah kuwaa oo xalintooda ay tahay mid ku xiran bixinta lacago shuruud ah. Dowlada ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo heli lahaa lacag cusub oo Shillinga Soomaaliga, taasi oo hadii la soo daabaco wax badan ka bedeleysa dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa meesha ka saaray in dowlada Somalia ay ka gaabin doonto wax ka qabashada culeysyada lasoo darisaya, waxa uuna ballanqaaday in xal ay u heli doonaan culeyska ka heysta daabacaada. Haddalka Beyle ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan dowlada Somalia ay ku dhawaaqday soo daabicida lacago cusub oo tayo leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qaraxyo xoogan ay ka dhaceen meel ku dhow Warshada Baastada ee degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir. Qaraxyada ayaa lasoo sheegayaa inay ahaayen laba Qarax oo is xig xiga kuwaa oo Jugtooda inta badan laga wada maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxyada ayaa la sheegayaa in lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka Warshada Baastada ee magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Qaraxa kadib ay ciidamadu rideen rasaas xoogan iyadoo ay ciidamadu isku gadaamen laba gaari oo jugta Qaraxa xoogiisa ay gaartay. Ciidamada AMISOM aya inta badan Qaraxyo lagula eegtaa agagaarka Warshada Baastada ee degmada Hiliwaa ee Gobalka Banaadir kuwaa oo ay ka dhashaan khasaaro kala duwan. Ilaa iyo wali ma cadda Khasaaraha ka dhashay qaraxyada, waxaana sida la tilmaamay qaraxyada ay ahaayeen miinada nooca dhulka lagu aaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay wadato kana dambeyso mushraxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota. Qoraal uu soo dhigay facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur su’aal kaga keenay sababta warbaahinta qaranka ay u tebisay musharaxnimada Roobow, islamarkaana aysan u tebin xisbiga Xasan Sheekh uu shalay Muqdisho ku daah-furay. “TV-ga qaranka Soomaaliya wuxuu baahinayaa warbixinta Mukhtar Robow. TV ga qaranka marna ma baahin muuqaal ku saabsan Xisbiyada Dalka ka jira, gaar ahaan Xisbiga Wadajir. Tani waxay cadayn u tahay in ololaha doorashada Mukhtar Robow laga soo abaabulay Madaxtooyada iyo Hay’adda NISA” ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraalkiisa. Si kastaba, hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa muuqday mid aan sax ahayn kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay xalay si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Halkan ka aqriso warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Magaalo madaxda Puntland ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ay wadaan qaar ka tirsan Xildhibaano waqtigu kasii dhamaanayo kuwaas oo fulinaya qorshe Madaxweyne Gaas damacsan yahay inuu wax kaga badalo Dastuurka maamulkaan. Qorshaha Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali dabada ka riixayo waxaa horgale u ah Maxamad Farax Nuux ( Nuux Dheere) kaasoo lagu doonayo in markale isku day lagu sameeyo sidii kororsiimo loogu sameyn lahaa tirada mudanyaasha aqalka wakiilada Puntland halka tirada Madaxweyne ku xigeenada la rabo in laga dhigo Labo. Tiro Xildhibaano ah oo Nuux Dheere horkacayo kuwaasoo aan beelahooda ka haysan ogolaansho iney markale kamid noqdaan aqalka Wakiilada Puntland ayaa waxay qoreen mooshin ay Gudoomiyaha Barlamanka kaga dalbanayaan in kulan aan caadi aheyn isugu yeero aqalka balse waa uu ku ku gacan-sayrey. Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo aan weli ku dhawaaqin inuu musharax yahay islamarkaana lug jiid kuwada magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka ayaa dad xogogaal ah ee la hadlay warsidahaan waxay u sheegeen inuu ka shaqeynayo sidii carqalad u galin lahaa doorashada soo socota ee Puntland. Xildhibaan Nuux Dheere oo kamid ahaa guddiga maaliyada aqalka Wakiilada ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu qayb ka ahaa 5-tii sano ee lasoo dhaafey dhibaatooyinka maaliyadeed ee ka dhacey Puntland kadib markii uu curyaamiyey mid-kamid ah hay’dahii ilaalin lahaa ku dhaqanka misaaniyada ay maamusho hay’adda fulinta dowlada. Talaabooyinkaan iyo kuwo lamid ah kuwasoo Cabdiweli Gaas damacsan yahay in dib u dhac ku sameeyo doorashada madaxtinmo ee Puntland ayaa waxaan ku baraarugsaneyn inta badan Musharaxiinta damacsan iney u tartamaan xilka Madaxweynaha Puntland sanadka 2019. Wax ka badalida Axdiga maamulkaan ayaa sida qodobka 139 ee Dastuurka Puntland dhigayo waxaa ku xiran shuruudo adag kuwasoo u baahan ugu yaraan labo kalfadhi ee Barlamaan. Barlamanka Puntland ayaa kafadhigiisa ugu dambeeyey ee lagu kala dirayo waxaa uu furmayaa October 25,2018 iyadoo muddo kooban ay xubnaha ku dhameytiri doonaan howlihii ka qabyada ahaa kalfadhigii kan ka horeyeey kadib-na Gudoonka golaha waxaa uu Xildhibnada waqtigu ka dhamaadey u kala fasaxayaa sidii beelahooda uga doonan laheyeen iney dib u soo doortaan. Xigasho: Garoowe Online
  6. Wasaaradda Amniga ee dowladda federaalka Somaaliys ayaa qoraal ay soo saartey ku Sheegtay in Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur aanu weli buuxin Shuruudihii looga qaadi lahaa Cunaqabataynta Caalamiga ah ee saarnayd, taasina ay ka reebayso inuu isku soo sharaxo Madaxwayninimadda Koonfur Galbeed Somalia. Rooboow ayaa Shalay ku dhawaaqay inuu u tartamayo Madaxwaynanimadda KGS. Source: goobjoog.com
  7. Paris (Caasimada Online) – Aqoonyahan iyo qoraa Sacuudiyaan ah, oo si aad ah u dhaliila dowladda Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay dhismaha dhaqdhaqaaq mucaarad ah oo ka shaqeyn doona dalka dibeddiisa, sida uu qoray website-ka caanka ah ee Arabai21. Marzouk Mashan al-Otaibi ayaa Dhaqdhaaqa Isku-keeniadda Qaranka kaga dhawaaqay gurigisia ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana durba uu soo jiitay taageerada dad badan oo Sacuudiyaan ah oo aan ku qanacsaneyn dowladda hadda maamusha dalkaas. Al-Otaibi waa qoraagii hore ee wargeysyada dalka Sacuudiga ee kala ah Makkah iyo Al-Sharq, wuxuuna sidoo kale macallin ka ahaa qeybta kimisteriga ee Jaamacadda King Saud University. Bayaan uu soo saaray oo loogu talo-galay dadka Sacuudiga ayaa Al-Otaibi wuxuu ku yiri “Maamulka Al-Saud waa uu idin bahdilayaa, waa idin adoonsanayaa, waana idin ciqaabayaa” Isaga oo ka hadlayey dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ayuu yiri “Wuxuu iska indho-tirayaa dhammaan dhaqamadii Carabta iyo Islaamka, wuxuu xirayaa haweenka, dadka da’da ah iyo caruurta. Xitaa dadka qaar wuxuu jir-dilay illaa ay ka naf baxaan”. Dhaqdhaqaaqan cusub ayaan la ogeyn sida uu saameyn uga sameyn karo gudaha dalka Sacuudiga, maadaama uu yahay dibad joog. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  8. The victims are mostly local politicians, typically rivals of those entrenched in the party’s machinery and its corruption, and killings take place mostly in rural KwaZu-Natal. Source: Hiiraan Online
  9. HAWASSA, Ethiopia (Reuters) - Ethiopia’s government is failing to protect its citizens amid escalating ethnic violence that has displaced nearly a million people in the last six months, the head of a national human rights body that reports to parliament said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  10. The Garissa government has signed a long-term joint work plan with Unicef Kenya to build MCAs’ capacity to play their oversight role and improve accountability in the area of children rights. Source: Hiiraan Online
  11. ISTANBUL (Reuters) - Turkey will not leave Syria until the Syrian people hold an election, Turkish President Tayyip Erdogan said on Thursday. Source: Hiiraan Online
  12. Sponsors for Cristiano Ronaldo have said they are "concerned" by rape accusations against the soccer superstar. Italian champions Juventus, however, have supported their player, praising him as a "great champion." Source: Hiiraan Online
  13. Hassan Mohamed Dhabar, 27, was glad to join the team of workers hired to build a new road in Baidoa, southern Somalia, after staying unemployed in one of the IDP camps for several months: Source: Hiiraan Online
  14. ATHENS (Reuters) - Women in Greek migrant camps are too scared to leave their tents at night or use communal showers, and many pregnant women have to sleep on the floor in unsanitary conditions, Amnesty International said on Friday. Source: Hiiraan Online
  15. US First Lady Melania Trump has arrived in Nairobi on the third day of her solo trip to Africa to promote health and education. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Wasaarada Amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba. Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulainaysana go’aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaliya cafiska ugu fidiyey dhamaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay. Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha. Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen. Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed. Ugu dambayn, Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalku waxay ku wargelinaysa Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha aan kor kuso xusnay ee ku saabsan dooroshooyinka soo socda.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay Muqdisho lagu daahfuray xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin bulshada caan ka ah, aqoonyahan, indheergarad, haween, dhalinyaro iyo dhammaan qeybalaha kala duwan ee ku nool guud ahaan jamhuuriyadda Soomaaliya. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, waxaa guddoomiye KMG u ah Xasan Sheekh Maxamud, oo ahaa madaxweynihii 8-deedaad ee Soomaaliya 2012-2017. Haddaba, khudbad uu goobta ka jeediyey waxaa uu xusay inuu yahay nin tanaasul, oo wixii hore uu ka soo tagay, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “umadaha dagaallada sokeeye ka soo baxay, taariikhdii la soo dhaafay, waa lagu kala aragti duwanyahay, geesigii shalay ninbuu burcad u yahay, burcadkii shalayna ninbuu geesi u yahay, laakin aniga waxaan rabaa hal meel in aan ka qaato, taariikhdii la soo dhaafay, wixii wanaagsanaa oo dhacay ayaan rabaa in aan ka qaato”. Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh mar uu ka hadlay Somaliland waxaa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaba in loo tago arrintaas waxaa uu ka yiri “Walaalaha waqooyiga ee sida taarikhda halkan looga dhawaajiyey, soo keenay midnimada iyo walaaltinnimada halkan u yimid, oo la isugu biiray, kuna sameysantan jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960, runtii waxaa ay mudanyihiin in taariikhda lagu xuso, wanaaggaas iyo niyad samida Soomaalinnimada ay maalintaas noola yimaadeen, maanta duruufta waa isbadashay, oo walaalahaas waa maqanyihiin, oo waxbey tabanayaan, magaca dowladnimada ayey wax ku tabanayaan, magaca dowladnimada in lagu dhibay, oo wax looga bi’iyey ayey tabanayaan, waxaa ila haboon marka dadka Soomaaliyeed dowlad iyo shacaba in aan walaalahaas garawshiyo siinno, markeenna aan u geynno, oo aan u tagno, oo aan midnimadii , dowladnimadii iyo walaaltinimadii in aan qaadno, oo aan agtooda geyno, waan hubaa in aaney nagu soo celineynin”. Xasan Sheekh waxaa uu soo jeediyey in Somaliland iyo Puntland looga deydo waxa ay ku fiicanyihiin“Somaliland ayaa kiis ah, oo tijaabo ah, oo doorashooyinka iyo nidaamka ay sameysay iyo baahinta xukunka ilaa heer degmo ay u gaarsiiyeen, waa tarjubo Soomaaliyeed oo la qaadan karo, degenaashiyaha iyo nabadda ka qaadasho ayey leedahay, Puntland oo ku xigta ayaa sidoo kale ah, degenaashiyaha iyo nabadda iyo horumarinta, waayo-aragnimo iyo ka qaadasho ayey leedahay”. Mudane Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in joogo xilligii gorgortanka, wadahadalka ee laga soo tagay kaligii-taliyennimada “In qof ama wiil Soomaaliyeed inta soo baxo aniga ayaa dalka xoog ku qabsaday, anigaana u taliya inta ha laga baxo inuu yiraahdo, oo keligiis oo talada maroorsado, waa laga soo quustay, reer reer qurac la yiraahdo inat isku tagaan, wiilashooda qoryo u dhiibaan, dalkan xoog ku qabsaneynaa ay dhahaan iyadana waa laga yimiday, oo waa laga soo quustay, maxaa soo haray marka? Waxaa soo haray in si nabad ah, oo wadajir ah, oo wadatashi ah, loo tashado, oo talada loo wadaago fursadda hartay waa middaas, waa midda aan waayihii dhowaa ku soo mashquulsaneyn, hadda iyo mustaqbalka soo socdana aan ku soo mashquuli-doonno”. Ugu dambeyntii, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh waxaa uu soo jeediyey in la ixtiraamo xeerarka iyo hey’adaha dastuuriga ee dalka ka jira iyo muddada xil-heynta, isaga oo arrintaas ka hadlayey waxuu yiri “Muddada talada laguu igmaday markay dhammaato, si qaanuuni ah, oo nidaami ah in aad uga tago, oo aadan talada ka sii laalacshoomin, oo aadan raaracsoomin”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ka dhacay duqeymo diyaaradeed oo qaarkood ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah, waxaana si kulul uga hadlay Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Wasiir Aadan Aw Xirsi ayaa sheegay in duqeymaha laga fuliyo deegaanada Al-Shabaab ay dhiiri gelineyso in dad horleh ku biiraan Al-Shabaab, ayaga oo ka carreysan xasuuq loo geysanayo. “Duqaymaha cirka ee aan loo meel-dayin wax weyn uma dhimaan argaggixisada, balse waxay kordhiyaan dadka ku biiraya Al Shabaab” ayuu yiri wasiir Aw Xirsi. Waa wasiirkii ugu horeeyey ee ka tirsan Jubbaland oo si kulul uga hadla duqeymaha dadka rayidka ah khasaaraha ka soo gaaran ee ka dhaca deegaano ka tirsan Gobolada dowlad Goboleedka Jubbaland. Kooxda Al-Shabaab ayaa horey marar badan usoo bandhigtay caddeymo muujinaya in duqeymaha la sheego in lagu dilay xubno ka tirsan kooxdaas, mararka qaar lagu xasuuqo dad shacab ah. Waxaa ugu dambeysay duqeyn bishii tagtey ka dhacday magaalada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo gantaalo ay ku dhaceen isbital, laguna xasuuqay dad shacab ah, oo ay ku jiraan carruur iyo haween. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Wada hadaladii u socday labada xisbi mucaarad iyo xisbiga haya talada dalka ayaa burburay, waxaana hakad galay wada shaqayntii labada dhinac. Waxa sidaas ku dhawaaqay labada xisbi mucaarad, iyadoo ay goob-joog yihiin labada guddoomiye ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Kulan ay labada xisbi mucaarad ku qabsadeen xarunta xisbiga UCID, ayaa waxay ku sheegeen in xisbiga KULMIYE burburiyay wada hadaladaas, isagoo wax dabacsanaan ah ka muujin waayay sida ay ku doodeen arrimihii la isku hayay oo uu xisbiga UCID sheegay inuu soo jeediyay qodob dhexdhexaad ah. Burburka wada hadalada ayaa salka ku haya in komishanka doorashada la kala diro ama in tiradooda laga dhigo 9 xubnood. Murashixii madaxweyne-xigeen ee UCID Axmed Cabdi Abyan oo saxaafadda kula hadlay madashaas, ayaa yidhi “Xisbiga UCID wuxuu soo jeediyay si aragtiyaha la isugu soo dhaweeyo oo uu ku dhexdhexaadinayay soo jeedin hore u jirtay ayna qabeen KULMIYE iyo UCID markay mucaaradka ahaayeen oo ah in komishanka laga dhigo 9 xubnood si asxaabtu u soo magacaaban karaan laba, laba halka ay hadda ka magacaabaan xubin, xubin, labadaas soo jeedin xisbiga KULMIYE wuu diiday in komishan la kala diro oo ah aragtidii Waddani iyo soo jeedintii UCID oo ahaa in la kordhiyo komishankana way diideen, masuuliyadda arrintaasi waxay saarantahay oo eedeeda qaadaya kulmiye iyo xukuumadda. Doorasho aan loo dhamayn oo asxaabtu u dhammayn wadanka ka qabsoomi mayso, qodobka labaad annaga albaabadayadu way furanyihiin, wada hadaladuna way hakadeen sababtana waxa iska leh Kulmiye oo aan wax tanaasul iyo dabacsanaan ah ka muujnin mawqifyadiisii.” Sidaas ayuu yidhi masuulkaas xisbiga UCID ka tirsani. Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo isna u hadlay xisbiga Waddani ayaa yidhi “Inooma cusba in komishan la kala diro hore ayaa loo soo kala diray iyadoo ay weliba doorashooyin sanka inagu soo hayaan oo diiwaangelin ay qabteen ayaa la kala diray 2008 komishankii, markaas kan waxa loogu dhegay waxaan la garanayn, sababta loo kordhin la’yahay wax la qaadan karo maaha oo mar walba aan siidhi wadaha kaaga badsado iyana wax meesha taala maahee haddii xaaladaha hore waxa lagu sii daayaa ay jiraan maalin walba inay sidaas ku socoto dalka, cadaaladda iyo dimuqraadiyadda midna uma wanaagsana, marka xisbiyadu tartamayaan in la yidhaahdo qolana 5 hala timaado qolana 2 cid walba way dareemi karaysaa” Wuxuu intaas ku daray “markaas labadaas mawiqf ee Waddani midna doorashadii midna uu komishankii iska taagay qoraalna uu ugu gudbiyay daneeyayaasha oo madaxweynuhu kow ka yahay; markay eedaymo caynkaas ahi guddiga doorashooyinka ka yimaadaan inuu guddi baadhiseed u xilsaaro oo waxay la timaado dabadeed ku go’aan qaato, lixdaas bilood madaxweynuhu talaabadaas ma qaadin, markhaatiga uu u furay ee uu yidhi komishanku way wanaagsanyihiin hawl wanaagsan ayuu qabtay, cabashada laga soo qorayna sharciga ma waafaqsana oo xeer ay ku fadhido iyo wax uu u caskaday aanay jirin. Iyadoo duruufahaasi jiraan labada xisbi mucaarad danta qaranka kamay tagin , kulamo badan oo ka dhacay madaxtooyada way ka soo qayb galeen oo arrimaha qaranka ay talooyin wax ku ool ah ka soo jeedinayeen kulamadaas ayuu ku yimid in doorashooyinkii oo u eg inay xiligoodii dib u ga dhacayaan in laga wada hadlo qaabkii diyaar garow loogu geli lahaa arrimahaas doorashoyinka.”
  20. Waa kuma Cabdi Faarax Juxaa? Juxaa waxa uu ku dhashey miyiga gobolka Nugaal qiyaastii 1965, waxbarashadiisa asaasiga ah waxa uu ku qaatey magaalada Garoowe, kadib isaga oo yar waxa uu u talaabey dalka Itoobiya si u uga mid noqdo Jahmaddii SSDF ee dagaalka kula jirtey Dowladdii Kacaanka. Muddadii uu ka tirsanaa Jamhadda waxa uu kamid noqdey hawlwadeenadii Radio Halgan ee ay iska lahaayeen Jamhadihii hubeysnaa, kadib waxa uu nasiib u helay waxbarasho deeq ah dalkii la oran jirey Czechoslovakia, gaar ahaan qaybta hadda loo yaqaan Czech Republic, waxaana uu halkaas ku bartey Saxaafadda, bilowgii sagaashamaadkii waxa uu u wareegay Waqooyiga Ameerika halkaas oo uu magangelyo ka helay. Sanadkii 2005 ayuu dib ugu soo laabtey Soomaaliya, waxaana uu shaqo cilmibaaris ah ka helay hay’adda PDRC, taas oo wadada u furtey in uu dalka ku sugnaado isla markaana ka qabto shaqooyin kala duwan. Bilowgii soo gelitaanka Siyaasadda Sanadkii 2009 ayaa Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole u magacaabey in uu noqdo wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, xilkaas waxa uu hayey muddo shan sano. Mudadii uu xilka Wasiirka Waxbarashada hayey waxaa la sheegaa in uu wax badan ka beddalay Wasaaradda, waxyaabaha lagu xusuusto waxaa kamid ahaa: In uu wax ka qabtey dalladihii waxbarashada ee gacanta ku dhigey nidaamka waxbarashada ee dalka oo dhan, kuwaas oo horseeday in waxbarashada asaasiga ah ay noqoto mid jiho iyo jaah lahayn oo ku xiran dalal shisheeye manaahijtooda, sidoo kale waxa uu gacantooda ka soo saarey Waxbarashadii deeqda ahayd ee ay heli jireen Daladuhu. Mideynta imtixaanada shahaadiga ah. Awood siinta Agaasimayaasha Wasaaradda oo shaqadooda u madaxbanaanaa. Dejinta qorshaha shanta sano ee Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid mudadii uu haa Wasiirka waxaa lagu tilmaamaa in uu ahaa siyaasi madax-banaan, tusaale ahaan kama mid noqon isjiid-jiidkii siyaasadeed ee Puntland ka aloosmey 2012-2013 kadib marii Xukuumaddii Faroole ku dhawaaqdey hal xisbi oo ay sheegtey in golaha Wasiirada, Baarlamaanka iyo Agaasmiayaashuba ay Xisbigaas ka wada tirsan yihiin, Juxaa kama mid noqon Xisbigii Horsed sida uu sheegay, Madaxweynihii xiligaas Faroole waa ku ixtiraamay aragtidiisa, sidoo kale Juxaa kuma dhex milmin siyaasiyiintii Madaxweynaha shukaanta la qabsadey ee Aaran Jaan. Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mar kale ayaa Cabdi Faarax Siciid Juxaa ku soo laabtey siyaasadda, waxaana bishii Maarso 2017 loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, waa xilkii u weynaa ee uu qabto, Juxaa xilkaan muddo dheer ma hayn waxaa khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Raysalwasaare Kheyre, kadib markii uu shaqo joojin ku sameeyey Xoghayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim oo lagu eedeeyey in uu noqdey shakhsi xitaa ka awood badan Wasiirka, laakiin waxaa la saftey Raysalwasaare Kheyre oo saaxiib iyo xigtoba la ahaa Yaxye, Juxaa oo kamid ahaa Wasiiradii ka yimid dhanka Madaxweynaha ayaan ka helin wax difaac ah Madaxweynaha, taas oo ugu danbeyn sababtey in uu xilkiisii waayo. Juxaa Mudadii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa Dowladda federaalku lugaha la gashey khilaafyadii u weynaa ee Dowlad goboleedyada, Cabdi faarax Siciid ayaa la sheegaa in uu khilafkaas dhinac ka istaagey oo difaacey nidaamka federaalka, waxaana si gaar ah libin ugu haya Galmudug. Dhaliilaha markii uu ahaa Wasiirka Waxbarashada Puntland Marka laga yimaado guulaha uu ka gaarey wax ka beddelka Wasaradii Waxbarashada ee Puntland 2009-2013, waxaa jira dhaliilo loo jeediyo wasaaradda waxaana ugu weyn qaabka loo maamuley deeqaha Waxbarashada in aan loo sineyn oo iskoolada ku yaala caasimadda Puntland ee Garoowe ay heleen ardeydii ugu badneyd, eeda ugu badan ayaa ahayd deeqdii Waxbarashada ee Turkiga ee imtixaankeeda lagu qaadey magaalada Gaalkacyo. Imtixaanka ayaa la sheegaa in ay u fariisteen 5000 oo ardey, hal maalin gudaheedna lagu saxey, ardeyda ayaa u fadhiyey saddex saddex iyo ka badan. Wasaaradda ayaa isku difaacdey in imtixaankaas ay maamushey Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Muqdisho, Imtixaankaas ayaa lagu eedeeyaa in si bakhtiyanasiib ah loo qaadey, ardeyda oo dhana aan fursad la wada siin ee ay ka faa’ideysteen ardeydii soo gaari kartey oo keliya. Wasaaradda oo iska difaaceysey eedaha loo jeediyey ayaa soo saartey magacyada ardeydii ku guuleystey deeqdii waxbarashada ee Turkigia 2011, iskoolka ay ka soo baxeen iyo gobolka ay asal ahaan ka soo jeedaan, taas oo ahayd fadeexad kale. Afartii sano ee u danbeysey waxaa hoos u dhacay ardeydii kaalimaha kowaad ku soo bixi jirey Iskoolada Gambool iyo Cumar Samantar, gaar ahaan sanadkan waxaa la dareemay in hoos u dhac weyn ku yimid iskuuladaas, Siyaasi Cabdi Faarax juxaa ayaa ku dooda in xiligiisi ay awood saari jireen iskoolada Public ah sida Sheekh Cismaan, Gambool iyo Cumar Samanter taas oo sababtey in iskooladaas qaar kamid ah ardeyda wax ka dhigataa ay kaalimaha hore galaan kuwaas oo urursan jirey deeqda waxbarasho ee ugu badan, laakiin hoos u dhaca hadda ku yimid ayuu ku sababeeyey in Wasaaraddu mar kale xoog saartey iskoolada sida gaarka ah loo lee yahay, ee aysan jirin wax si gaar ah ay iskooladaasi waagii hore u heli jireen oo ay hadda waayeen. SHAKHSIYADDA SIYAASI JUXAA Cabdi Faarax waa nin bulshaawi ah, aftahan ah, oo aan isla weyneyn, kusoo dhex koray dabaqad shaqo, yaqaan nolosha dhabta ah, dadka sida weyn u yaqaanaa waxay shegaan in Cabdi Faarax Juxaa yahay shakhsi aaminsan fikir siyaasadeed, xitaa u labista sidaa siyaasiyiinta Leftist ama Socialist ah, xiriir lama laha odoyaasha qabiilka mana ahan nin dhexgal ku leh arrimaha beelaha, oo door weyn ka ciyaara siyaasadda Puntland. Doorashada Puntland 2019 Siyaasi Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) waxa uu kamid yahay Siyaasiyiin ka badan 10 oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland 2019, FJuxaa ayaa kamid ah siyaasiyiinta leh khibradda siyaasadeed kana soo shaqeeyey Puntland iyo federaalkaba. Fursadaha uu lee yahay ma ahan kuwo la saadaalin karo, waxaana ay ku xiran tahay Xildhibaanada la soo doorto haddii ay yihiin kuwo aaminsan fikir siyaasadeed sida isaga oo kale iyo in ay yihiin Xildhibaano aaminsan siyaasadda dhabta ah ee dalka ka jirta oo ah Ganacsi iyo kala xoogsi, si kastaba saadaasha dhabta ah waxaa la heli karaa maalmaha doorashada Puntland. Horseed Media Team
  21. Waa maxay cunsuriyad? erayga cunsuriyad waxaa lagu qeexaa in uu yahay “marka dadka qaar ay aaminaan fikrado ka soo horjeeda dadka kale oo ku dhisan dhaqan ama diin. Waxay aaminaan in ay ka wanaagsanyihiin ama ka fiicanyihiin kuwa kale” taasoo keenta in markaas ay dhalato cunsuriyad xaga ficilka ah sida in loo diido adeegyada iyo in lala qeybsado nolosha. Dhaqanka soomaalida wali kama dhaman cunsuriyada. Waxa jiraay dad la cunsuriyeeyo malin walbo oo lagu yeero erayo xun sida “Laangab” iwm. Cunsuriyadaas xitaa waxay gaadhay in laga dhigo sharci oo lagu daro dastuurka wadanka iyadoo loogu yeeray 4.5 system taasoo dadka qaar laga dhigay in ay nusyihiin. Waa dadka isku dhiiga ah, isku dalka ah, isku luuqada ah, iskuna diin aah. Dhibaato walbo oo bulsho qabsato waxaa lagu xaliyaa in marka hore asaaskeda la ogaado. mar hadiibo dasturki umada soomaaliyeed uu ba qeexayo in dadka qaar aay nuus yihin oo aysan ku xaquuq aheyn umada laga tiraada badan yahay sidee xaal waro loga garaa midab takoorka umada kuso badanaayo. Dadka laga tiraada badan yahay aya la kulmaan dhibatooyin badan sida shaqo la aan, dil jogto ah iyo in laga faano gurkooda. Dhibka umadas heysto ma ahan mid qoral lagu so koobi karo. Ayantan waxa wali si weyn loo hadal hayaa guurki sababta uu noqday in la dilo Aabe soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ahmed Dowlo, waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn loo wada cambaarayey culimo caamo iyo siyaasiyin badan. Lamaanaha guurkooda sababta uu noqday in la dilo wiilka adeerkis arimo la xariiro xeeb sooc ayanan wali jirin wax ila iminka maxkamad lasoo taage. Tobon sideed sano ka hor bey aheyd kalkii Soomaali qorshaha 4.5 ee aan saldhiga laheyn isku deyday, si ku meel gaar ah, in ay ku caano maasho. Tobon sideed sano kadib, “caano la maaley” iyo meel la gaaray Soomaali Maxamed mahayso wax guul ah oo 4.5 ay soo hoydeyna ma jirto. Balse waxay abuurtey nacayb iyo faham guud oo bulsho kuna aadan xaqdarada ay 4.5 u horseeday dib u soo abuurista hab-maamulka Soomaaliya danaheeda. Nidaamkani wuxuu si cad iyo si dadban ku abuurey dhamaan bulsho weynta Soomaali cuqdad nafsi iyo xanuun eexasho la sharciyeeyey. Xumaha 4.5 kuma eka oo kaliya danaha siyaasasadeed ee shacabka Soomaali ee loo qoondeeyay 0.5, balse waa mid falsafad, sharci-dajin, iyo dhaqan ahaan u taabanayo dhamaan bulshada iyo shacabka Soomaaliya si wadajir ah. Sidaa darteed, 4.5 waa qorshe-marinhabiibin, Soomalina ka gilgilatey, maantana, 18 sano kadib, u baahan in la saxo qaladaadkeeda iska cad. Ficilkaas daryeelka dano-bulshada, waa waajib hor-u-socodnimo oo dhamaan Soomaalida dan-guud u ah inta laga gaarayo hirgalinta nidaam cadaalad iyo sinaan raad-raac leh ka abuurmayo Qore: Mohamed Abdi Mohammed E-mail: mohdjumbo@gmail.com facebook: https://m.facebook.com/?ref=opera_speed_dial
  22. Qoraalkan wuxu si qaas ah ugu hadlayaa waxa sababa in siyaasiyiinta south Africanka loo dila ayada oo lagu wareera cida beegsata. Bilowgii 2016 ilaa hada waxa la dilay ilaa 90 siyaasi oo south African ah, kuwa magac iyo maamus kuleh siyaasada dalkaas, waxa dilay dabley hubeysan. (sida laga soo xigtay university of cape town and Global initiative against transnational crimes). Badi madaxda la dilay waxa ay katirsanaayeen xisbiga ka arimiya south Africa ee ANC, waxa ugu weyn ee loobeegsadayna ay tahay musuqmaasuq iyo tira yar oo sheegay inuu musuqmaasuq jira sidaas awgeedna la dilay. Hadaba sababta ugu weyn ee ay isu dilaan siyaasiyiintan aya lagu ogaaday inay tahay kursi, dhaqaalo, shaqooyin iyo mashruucya la lunsada. Inta udhaxeysi 2011 ilaa 2017 waxa la dilay 90 siyaasi oo katirsan xisbiga ANC. Kadib markii si shirqool ah loo dilay siyaasi rug cadaa ah oo loo yaqaan Mr. Maraqa aya duqa magaalada dilka uu kadhacay sheegay in “ay fiicneed inan demoqaraadiyada qaadano, waayo waxan ogaanay cadawga dadka dila inay yihiin xukuumada. Magaalada pretoria ANC councilor ayaa ladilay ayada oo sadax caruurteeda ah gaariga kuwadata. Waxa la dilay kadib markii ay kudhawaaqday in baaritaan lagusameeyo waaxda guriyeenta ee dowlada (government housing). Waxa si shirqool ah oo siyaasadeysan loo beegsaday siyaasiyiin badan oo musuqmaasuq kulug lahaa iyo kuwa ka hadlay musuqmaasuq inuu jira ama baaritaan lasameeyo. Dad badan oo qabiir ku ah arimahan aya waxay sheegeen in siyaasiyiinta ay noqdeen sida maafiyada camal. Musuqmaasuqa dhacay waxa kamid ah dhismaha Memorial hall ka oo lasheegay in 2 million kubaxday dib udayactirka laakiin an wali waxba laga qaban. Madaxweynihii hore Jacob zuma oo asagana la ogaaday inuu si musuqmaasuq ah gurigiisa malaayiin dollar ku dayactiray. Xaqiiqdii musuqmaasuq ama corruption wadamada Africa oo dhan wuu kajiraa lakin waxa layaab leh siyaasiyeen sida mafiyada sisily iyo naples kajira udhaqma. Siyaasiyiin mafia ah (political mafia) oo is ugaarsanaya, si shirqool ah isu dilaya ayaga oo adeegsanaya dhalinyara hubeysan oo si xirfadeysan utoogta dadka aya waxay noqotay mid lala yaaba, Maadama amni xuma ay kajirta somalia qaasatan caasimada somaliya, hadana mar walba waxa ladilaa ama labeegsadaa siyaasiyiin kujira dowlada ama kuwa hore, ganacsata ama wax garad. Maadaama dil walba loosaariya Al-shabaab lagama yaaba inay jiraan gooxo kale oo oo siyaasiyiin mafia ah (political mafia) ama ganacsata mafia (business mafia) ah dilalka kadambeeyaan? Shabakadaha mafiyada ah waxay kajiraan meel walba oo dunida kutaal. Waxay yeelan karaan wajiya badan oo kala duwan. Qubara kaso shaqeeyay somalia aya ila wadaagay in somalia ay ka jiraan mafiya fara badan, kala duwan, wajiya badan leh. ilaa 100 koox oo maafiya ah inay kashaqeeyaan somalia Magacyadooda waxa kamid ah Al-shabaab, AF IYO UUR ISQILAAFSAN, QAWDA MAQASHII WAXNA HA UQADAN, iyo kuwo kale oo fara badan. . Siyaasiyiinta waxay unoolyihiin sida ayaga oo bari dhiman raba, boqolaal siyaasi aya ladilay 2009 – 2018. Kuwa harayna dhamaantood waa wada geeri suga yaal, waxay daganyihhin hotela aad loo waardiyeeya, ama gurya ciidama badan waardiyeeyaan, gaqaari xabada Karin. su’aasha ugu weyn aya ah ma ogyihiin waxa dila markii laga reebo mafiyada shabaab? Ilama ahan inay jiraan dad daraasaad madax banaan kusameeyay inay jiraan arimahan dilalka qorsheysan ee lala beegsada wax garadka, bulshada ama siyaasiyiinta. Haday jiraana, mayihiin daraasada kamadax banaan mafiyada? Hadaba siyaasiyiinta south Africa waxa ugu dambeentii la ogaaday baaritaana iyo daraaseen dheer kadib inay tahay sadax maado oo musuqmaasuq ah sida 1. Lacag 2. Awood (power) 3. Qandaraaska dowlada (government contracts). In lamusuqmaasuqa lacagta, shaqooyinka, awooda, qandaraasyada aya la ogaaday inay sababtay dhimasha badan. Markad aqrisid aqbaartaas aya waxa kusoo baxeysa in laga yaabo in loodila siyaasiyiinta, wax garadka, iyo ganacsatada somalia inay tahay wax laxirrira musuqmaasuq sida inlaga disha boosaska ama shaqada ay hayaan, qaarkood kala fikir duwnaasho ayada oo inta kale lacaga iyo siyaabo kale ay eersadaan. Markii ay jiraan mafia kala duwan qaarkood awood leeyihiin aad bay u adagtahay in laga adkaato. Dagaalkoodana wuxu qataa boqolaal sana in laga taqalusa. W/Q: Mahad hassan Mahadhassan045@gmail.com Xigasho: New York Times
  23. Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), Baydhabo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay tagitaankii Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) ee magaaladda Baydhab iyo in uu ka qayb gali karo tartanka madaxtinimada Koofur Galbeed. War-saxaafadeed goor-dhaweyd ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan la-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba, ay qaaday talaabooyin ay kamid yihiin heshiiskii ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada Booliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyadii ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago ay cadaynayso in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta, welina ay saaranyihiin cunaqabatayntii dowladaha caalamku saareen, taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed. Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku wargelisay Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha ay sheegtay ee doorashada madaxtinimada maamulkaas loogu diiday Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur). Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) ayaa shalay gaaray maagalada Baydhabo, isagoo ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed oo dhacaysa 17-ka bisha soo socota ee November. Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya PUNTLAND POST The post Mukhtaar Roobow oo loo diiday doorashada Koonfur Galbeed, maxay tahay sababtu? appeared first on Puntland Post.
  24. Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed. Dilkaan loo geeystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Soshanguve oo u dhow magaalada Pretoria ee caasimada South Africa. Muwaadiniintaasi ayaa iyaga oo ku sugan goobtooda ganacsi waxaa weerar ku soo qaaday burcad South Africaan ah halkaasi ku dilay. Allaha u naxariistee muwaadiniinta la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Muumin Xuseen Wehliye iyo Aweys Sheekh Cali. Kooxihii burcada ee dilkaasi ka dambeeyay ayaa goobta isaga baxsaday sida ay inoo sheegeen ganacsatada Soomaalida ee goobtaasi ka dhowaa. Ciidamada Booliska ayaa soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay kuwaasi oo meeydadka muwaadiniinta halkaasi ka qaaday. Waxaa soo laa laabta dilalka iyo dhibaatooyinka Soomaalida loogu geeysto magaalooyinka Dalka South Afirka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka. Wasaarada Amniga Gudaha Dowlada Federaalku Iyadoo ka duulaysa xilka iyo waajibaadka dastuurka ku meel gaarka ah u igmaday gaar ahaan La-socodka xaaladaha amni ee wadanka iyo Dabagalka heshiisyadii horey loola galay hay’adaha caalamka kuna salaysan iskaashiga iyo wadashaqaynta amniga guud ee dalka, deriska iyo caalamkaba. Hadaba, Wasaarada Amniga Guduhu iyadoo gudanaysa waajibaadkeedaka fulainaysana go’aanki madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaliya cafiska ugu fidiyey dhamaan horjoogayaasha iyo xubnaha ka tirsan ururada argagixisada ah ee ku sugan wadanka gudahiisa, waxay dadaal dheer u gashay sidi looga miro dhalin lahaa cafiska Madaxwaynahu ku dhawaaqay. Talaabooyinka ay Wasaardu qaaday waxa ka mid ah, heshiiski ay la gashay bulshada caalamka ee lagu (hakiyey) xayiraadi saarnayd Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur), hase ahaatee ay shuruudo ku xirnaayeen in dhamaan laga wada qaado cunaqabatayntii saarnayd, sida, xayiraada dhaqdhaqaaqa, xayiraada boliska caalamka iyo xayiraada dhinaca dhaqaalaha. Sidaas darteed, Wasaarada Amnigu iyadoo tixraacaysa heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, tix gelinaysana xuquuqda muwaadinku u leeyahay inuu xil isu soo taago waxay cadaynaysaa in aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta aan soo sheegnay welina ay saaranyihiin cunaqabataynti dowladaha caalamku saareen. Taasina ay ka reebayso tartanka doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka koonfur Galbeed. Ugu dambayn, Wasaaradda Amniga Dowlada Federaalku waxay ku wargelinaysa Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dhamaan asbaabaha aan kor kuso xusnay ee ku saabsan dooroshooyinka soo socda.