Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,591
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha caafimaadka, shaqada iyo arrimaha bulshada, Hawlaha guud, Beeraha, Xannaanada xoolaha iyo Ganacsiga. Khayre ayaa xarumaha Wasaaradaha uu booqday kulammo kula qaatay Wasiirrada iyo Wasiir ku-xigeennada, wuxuuna wasiir waliba ka waraystay qorshayaashii u degsanaa iyo wixii ka hir-galay. Sidoo kale, Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee DF, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo hadba horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa bilooyin ka hor sidaan oo kale u booqday qaar ka midah wasaaradaha xukuumadda, isagoo wareysiyo kala duwan la yeeshay hawl-wadeennada waasaradahaas, taasoo keentay in laga eryo shaqooyin xubno muhiim ah. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan golaha baarlamaanka Somalia ay su’aalo badan ka keeneen habka shaqo ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Somalia, isla markaana u yeeray qaar ka mid ah wasiiradda xukuumadda Khayre. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Wasaaradaha Dalka appeared first on Puntland Post.
  2. Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen wafdi ka socda Dowlada Somalia oo isugu jira Taliyayaal iyo mas’uuliyiin ka kala socta Golayaasha dowlada. Wararku waxa ay sheegayaan in Socdaalka wafdigan uu yahay mid xal looga gaarayo arrinta Sheekh Mukhtaar Rooboow oo laba cisho un ka hor laga mamnuucay inuu isku sharaxo xilka maamulka Koonfur Galbeed. Wafdiga arrinta Mukhtaar Roobow u gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa Hogaaminaya Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Somalia Xuseen Cismaan Xuseen iyo xubno kamid ah Golayaasha kale ee DFS. Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Somalia Xuseen Cismaan Xuseen iyo Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, ayaa waxa uu hadda shir khaasa uga socdaa magaalada Baydhabo, waxaana banaan joog ka ah Madaxda maamulka. Waxaa lasoo sheegayaa in kulanka intiisa badan diirada lagu saarayo sida laga yeeli lahaa arrinta Mukhtaar Roobow ee la xiriirta isu sharxida doorashada Koofur Galbeed. Mukhtaar Rooabow ayaa lagu wargalinayaa inuu dib uga laabto ku dhawaaqidiisa Doorashada iyadoo la dhoorayo sharciga adduunka maadaama wali loo aaminsan yahay inuu yahay xubin aan cafis ka dalban shacabka. Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili Wasaarada amniga Somalia ay sheegtay in Rooboow, aaney u tartami karin doorashada Koofur Galbeed, maadaama wali aanu laga wada qaadin cunaqabteyntii ay saartay Beesha Caalamka. Lama oga sida uu arrinku noqon doono waxaana suuragal ah in mas’uuliyiinta dowlada ee gaaray magaalada Baydhabo ay go’aan ka gaaran Roobow oo u muuqda mid is adkeynaaya. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  3. Paris (Caasimada Online) – Hadalheyn weyn ayaa ka dhalatay ka bixitaankii uu Sacuudiga kasoo baxay qoraaga weyn ee reer Sacuudi kaasoo lagu magacaabo Marzuuq Al-Cuteybi, oo hadda magangalyo ku joogo Magaalada Caasimadda u ah France ee Paris. Ka tagista uu ninkaan isaga tagay dalka Sacuudiga ayaa keentay falcelin weyn oo Gudaha iyo Debadda Sacuudiga ah kadib markii uu ku dhawaaqay dhisitaanka Dhaqdhaqaaq mucaarad ku ah Sacuudiga oo ay ku midoobeyn Tobanaan kun oo ka tirsan mucaaradka waxa loogu yeero (Nidaamka cusub ee Aala Sacuud). Ka tagistii Sacuudiga uu ka tagay Al-Cateybi ayaa dharbaaxo kale oo kulul ku ah Nidaamka Sacuudiga ee Ololaha caburinta ku hayo xubnaha mucaaradka ku ah. Cuteybi oo aan rabin inuu banaanka usoo bixiyo qorshihiisa mustaqbalka fog iyo sababta uu uga soo baxay Wadankiisa ayaa wareysi xasaasi ah siiyey Jariirada Al- Khaliij Online. Jariiradaan oo intii ay wareysanayey Cuteybi waydiisay waxbaayo badan ayaa waxaa kamid ah wixii uu ka hadlay dhibaatooyin xoog leh oo ay Sacuudiga wajaheysiga waqti xaadirkaan. Qoraagaan ayaa ku sheegay sababtii uu Sacuudiga uga soo baxay inay tahay xaaladda adag ee hadda ka taagan dalkaaas “ Inkastoo nidaamyadii hore ay wadeyn caburin , haddana Nidamka cusub ee Maxamed Bin Salman wuxuu soo dhaafay dhammaan xuduudihii loogu tagalay waxaana dalka ku socdo burburin gudaha ah waxayna taas keentay inuu dalka galo musuq maasuq aan horey loo arag” ayuu yiri. Isagoo hadalka sii wato ayuu yiri “ Waxa loogu yeero Dowladda Jaziiradda Carabta waxay u baahan tahay in si deg deg looga soo gaaro lana badbaadiyo, taasna waa arrinta keentay inaan isku keeno dhammaan dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ku ah Sacuudiga ee ku kala sugan Gudaha iyo Debadda”. Qoraagaan ayaa banaanka soo dhigay inay jiraan dad badan oo la xiray isla markaasna lagu sameeyey xad gudubyo waaweyn. “ Hoggaamiyaha Hadda talada hayo wuxuu sii badiyey xarigga loo geysanayo shacabka iyo Ihaaneysiga dadka xiran oo loo geystay cadaab midkii ugu darnaa, sidoo kale dadka la xiray waa la hor geeyaa Maxkamado qarsoon oo aysan jirin damaanad sharci ah iyo Cadaalad”. Sidoo kale wuxu sheegay inay jiraan Ilmo yar yar oo la dilay kuwaas oo xirnaa sanado badan, wuxuuna arrintaas ku sheegay inay tahay mid aan loo dulqaadan karin isla markaasna aan la fiirsan karin inta dadka dhan laga dhameenayo sida uu hadalka u dhigay. Dhawaan ayey aheyd markii illo wareedyo ka tirsan Hey’adaha Xuquuqul insaanka Sacuudiga ay shaaaciyeen inay Dowladda Sacuudiga xiray sanadkii 2017 ilaa 3 kun oo qof oo ra’iyi ahaan khilaafsanaa Boqortooyada, waxayna dadkaas isugu jireyn dad leh khibrado kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Culimo ah, kuwa bartay Cilmiga qaanuunka iyo kuwa kale oo ku takhasusay Saxaafadda. Sidoo kale illo wareedyo kale ayaa Majaladda Al-Khaliij Online u sheegay in Boqortooyada ay xirtay Haween badan oo qaarkood lala xiray carruur yar oo ay dhaleyn kuwaas oo ku jiro xabsiyo aan lagu ilaalin xuquuqda Bini’aadamka. Mar la waydiiyey qoraagaan sababta uusan arrintaas usoo bandhigin intii uu sugnaa gudaha Sacuudiga ayuu ku sheegay inaysan macquul aheyn inuu Gudaha Sacuudiga kaga hadlo tacadiyada ay dowladda Wado, wuxuuna sheegay in lagu dari lahaa liiska dadka xiran haddii uu ka hadli lahaa intii uu halkaas joogay. Ugu dambeyntii Qoraagaan weyn ayaa sheegay inuu hadda isaga iyo mucaaradka Sacuudiga iskala shaqeyn doonaan sidii dadka xiran loo soo deyn lahaa sidoo kalana loo joojin lahaa caburinta lagu hayo inta aan xirneyn ee loo diiday inay ka hadlaan dhibaatada dalkooda ka taagan. Dowladda Sacuudiga ayaa hadda wajaheyso mucaaradkii ugu badnaa, waxayna dowladda xarig iyo jirdil isugu dartay dhammaan dadka Mabda’ ahaan kasoo horjeedo, waxaana dadka la xiray ku jirana Culimo waaweyn oo caan ku ahaa faafinta Diinta Islaamiga kuwaas oo aan la ogeyn halka la geeyey iyo Nolol iyo Geeri midda ay ku sugan yihiin. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  4. Sidii aan dhawaan uga soo sheekeennay taariikhdii uu Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaarkee (AUN), sidoo kalena soo noqday Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, ee uu uga qariyey heshiiskii uu la galay Midowgii Soofiyeeti ee ku saabsanaa dhisidda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo qalabeyntooda waxa ay dhalisay khilaaf iyo kala tag isaga iyo Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan. Cabdrashiid Cali Sharmaarke (AUN) xilligaas uu heshiiska la galayo Midowgii Soofiyeeti waxa uu ahaa Ra’iisul Wasaare balse xeelad iyo sir qarin qotodheer ayuu ku helay saxiix Madaxweyne oo uu heshiiska ku meel maro, waxa uuna ka saxiixay guddoomiyihii Baarlamaanka ee waqtigaas Cabdullaahi Jaamac Qaalib kaddib safar uu u Italy ugu baxay Madaxweyne Aadan Cadde. Sidee ayuu uga falceliyey Madaxweyne Aadan Cadde? Madaxweyne Aadan Cadde isma dhibin oo si shaacsan uma muujin in uu ka calool goostay Ra’iisul Wasaarihiisa balse waxa uu sugay in uu uga aar goosto doorashada soo socota oo uu fursad u heli doono in uu markale soo magacaabo Ra’iisul Wasaare. Sidii uu rabay Madaxweyne Aadan Cadde ayaa dhacday waxaana sanadkii 1964 loo dareeray doorashooyinkii Baarlamaanka oo ay aqlabiyadda heshay SYL oo ay ka wada tirsanaayeen. Madaxweyne Aadan Cadde waxa uu soo magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo noqday Ra’iisul Wasaarihii dalka. Hase ahaatee, waxaa magacaabistiisa diiday oo siin waayey codkii kalsoonida Golihhii Baarlamaanka oo ku celiyey Madaxweyne Aadan Cadde. Yeelkeede, Madaxweyne Aadan Cadde wuu ku adkeystay xulashadiisa oo markale ayuu magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo markii dambe helay codkii kalsoonida. W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi) Email: Muhamedkaafi@Gmail.com
  5. Bosaso-[Puntland Post]-Tababarkaanayaa loo qabtaySarifley-da lacagahaqalaadee MagaaladaBosaso. Tababarkaan ayaa ujeedadiisu ay had kor u qaadida xirfaddaha ganacsiga ee sariflayaasha. Waxana ka soo qeybgalay 45 ganacsade oo sariflayaasha Bosaso ah. ka qeybgalayaasha aya waxa lagu tababarayeye mawwduucyadan kala aha . Hal-abuurkafursadahaganacsigaiyo utoog-heyntakhatarahaganacsi. Maamulkaganacsigaiyohorumarintiisa BangiyadaIslaam-kaiyoAdeeg-yada ay qabtaan. Furitaanka tababarka ayaa waxaa ugu horeyntii Furey Madaxa suuq-geynta Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Muuse Siciid Xasan ka qeybgalayaasaha ayaa dhankooda boogaadiyey tababarka ugana mahadceliyey Bangiga Amal, kana codsaday bangiga in ay sooceliyan Tababarada noocaan ah. Ugu dambeyntii waxa goobta ka hadlaya madaxa hormarinta ganacsiga ee gobalada Bari, iyo Sanaag Bari ee Bangiga Amal Jaamac Ciise Maxamud oo sifaahfaahsan ugu hadlay tababarka iyo in Bangiga Amal ujeedooyinkiisa ay ka mid tahay in hormarinta bulshada . The post Bangiga Amal oo Tababar uqabtay sariflayaasha lacagaha qalaad ee Boosaaso. appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto uu soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa lagu mamnuucay in dekadda Muqdisho laga soo dejiyo mooto Bajaaj cusub. Gudoomiye Yariisow ayaa sidoo kale Mamnuuucay in waddooyinka laga soo galo Muqdisho laga soo galiyo wax Mooto ah. Sababta ayaa lagu micneeyay in ay bateen cabashooyinka dadweynaha iyo hey’addaha amniga ay kasoo jeedinaayan wadayaasha mooto bajaajka. Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale sheegay mashquul xoogan ( saxmad) ku haayan wadooyinka maadaama ay aad u bateen tirada mootooyinka bajaajta ka howl-gala gobolka Banaadir. Mootooyin aad u badan ayaa ka hawlgala Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ciriiri xooggan ku haya isticmaalka wadooyinka Muqdisho. Saxmadda ugu badan ee wadooyinka Muqdisho ka jirta ayaa ah ciriiriga mootooyinka ay sababaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhawaan, hay’ada Farsight Africa Research oo kaashaneysa hay’ad caalami ah oo la yiraahdo IPSOS waxa ay soo bandhigeen kalsoonida xilligaan shacabka ku qabaan madaxda dowladda ugu sareysa sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Daraasadda ayaa sheegtay inay hoos u dhacday taageerada shacabka ay hayaan dowladda, gaar ahaan madaxda sare, ayada oo madaxweynaha ay taageersan yihiin 67% shacabka, halka uu ra’iisul wasaaraha uu haysto 62%. Daraasadaas ayaa waxaa laga sameeyey magalooyinka Garoowe, Muqdisho, Cadaado, Beledweyne, Kismaayo iyo Baydhaba. Madaxda hay’adda Cabdirisaaq Maxamed Aadan ayaa waxa uu sheegay in kadib natiijada ay soo bandhigeen ay cadaadis xooggan kala kulmayaan dowladda federaalka iyo mucaaradka intaba, ayada oo labada dhinacba aysan ku qanacsaneyn. Isaga oo la hadlayay Warbaahinta Dalsan ayaa waxa uu sheegay in xilligaan ay eedeyn kala kulmayaan Dowladda iyo Mucaaradka dowladda intaba, oo midba aanu si ugu qanacsaneyn natiijada daraasadda.. Hoos ka dhageyso Cabdirisaaq Maxamed Aadan https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/43108484_185798548998785_4091307664879910912_n_1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa lagu mamnuucay in dekadda Muqdisho laga soo dejiyo mooto Bajaaj cusub. Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale Mamnuuucay in waddooyinka laga soo galo Muqdisho laga soo galiyo wax Mooto ah. Sababta ayaa lagu micneeyay in ay bateen cabashooyinka dad weynaha iyo hey’addaha amniga ay kasoo jeedinaayan wadayaasha mooto bajaajka. Guddoomiye Yariisow ayaa sidoo kale sheegay mashquul xoogan ( saxmad) ku haayan wadooyinka maadaama ay aad u bateen tirada mootooyinka bajaajta ka howl-gala gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. MOGADISHU (Caasimada Online)–Mozambique’s police force says at least 90 people have been killed since Islamist group Al-Shabaab attacks began last year in the north of the northern province of Cabo Delgado. Bernadino Rafael, head of Mozambique’s police force, said the group known locally as Al-Shabab, was formed in 2015 as a religious organisation and has no known links to the Somali jihadist group of the same name. Rafael said its security forces made progress in fighting the group in Mozambique He says Mozambique’s police soldiers had detained 280 people in connection with being members of Al-Shabaab. “We have deactivated jihadist camps as we have arrested 280 suspects, 180 of them are now on trial”, he said. “Mozambique’s defence and security forces continue working to ensure that people who live in conflict prone areas work with us”, he said. All 28 million Mozambicans need to help to win this fight against the insurgents, according to a statement by police in Mozambique. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  10. S First Lady Melania Trump arrived in Egypt on Saturday on the final leg of a solo four-nation tour of Africa that will see her visit the Pyramids. Source: Hiiraan Online
  11. 185 Leyli Sarkaal oo Soomaali ah ayaa maanta tababar Ciidan loogu soo gabagabeeyey Saldhigga Turkiga ee Muqdisho. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa maanta tababar u xiray Ciidan isugu jira Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno oo Muddo hal sano ah tababar ku qaatay gudaha Dugsiga tababarka Turkisom ee magaaladda Muqdisho, waxaana maanta loo dhaariyay Ciidankaasi kamid noqoshada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka dawladda Turkey ee Soomaaliya, Wakiilo ka socday Ciidanka Xoogga Turkiga, Saraakiil iyo Madax ka socday Wadamada Caalamka iyo qaar kamid ah Ehelada Ciidanka maanta tababarka loo xiray, si ay ula qeybsadaan Farxadda. Ciidankaan ayaa muddadii tababarka uu u socday waxaa la baray Casharo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Sharciyadda Ciidanka Xoogga dalka, Habka dagaalka oo Baraatiko ay la socoto iyo Xogta Milatariga, si kor loogu qaado Xirfadooda. Taliyaha Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom S/guuto Cumar Faaruuq ayaa sheegay in saraakiishaan maanta la dhaariyey ay isugu jiraan Ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, waxaana uu xusay ay qaateen tababaro kala duwan oo heer sare ah. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Saraakiisha cusub ee tababarka loo xiray, waxaana uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu dhismayo, isla markaasna hadda uu ku jiro ciribtirka Maleeyshiyada Kooxda arxanka darran ee Al-shabaab. Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad celiyay dawladda Turkiga sida ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka. Dhinaca kale Saraakiisha Dugsiga tababarka Ciidanka ee TurkSom, ayaa sheegay in dhawaan Imtixaano ay qaadeen inay ka gudbeen 185 Arday oo loo qaatay in loo tababaro Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno. Source: goobjoog.com
  12. MOGADISHU (Caasimada Online) –“Inside al-Shabaab: The Secret History of al-Qaeda’s Most Powerful Ally” (Indiana University Press), by Harun Maruf and Dan Joseph The deadliest terror attack in Africa’s history began with a loaded truck barreling down a busy street in Somalia’s capital, seemingly bound for the international airport and the embassies sheltering there. The truck instead detonated in Mogadishu traffic, killing well over 500 people. Somalis who had witnessed decades of chaos were horrified. In a rare protest, they marched by the thousands to defy the Islamic extremist group that is now the deadliest in sub-Saharan Africa, the al-Qaida-linked al-Shabab. On Oct. 14, Somalia marks the anniversary of the bombing. Many around the world barely took note of the attack, though it was easily one of the worst since 9/11. Anyone with interest in the spread of extremism, however, should read the new book “Inside al-Shabaab: The Secret History of al-Qaeda’s Most Powerful Ally.” Imagine, it says, a Washington where the U.S. government controls the White House, a few adjacent buildings and the highway to the airport while insurgents hold the rest. “Every so often, the insurgents fire mortar shells toward the White House.” This has been Mogadishu over the years as the extremists, some of them raised in the United States, surge and retreat. The authors, Voice of America journalists Harun Maruf and Dan Joseph, interviewed al-Shabab members, defectors and others to tell a fluid tale of how an Islamic nation once known for its moderation, not unlike the Afghanistan of a certain age, slid into the hands of young men trained in Osama bin Laden’s camps abroad. “This was the start of the battle between al-Qaeda and America,” one al-Shabab leader later said of the battle for Mogadishu in the early 1990s as bin Laden-backed local fighters attacked U.S. troops who tried to restore order after the fall of dictator Siad Barre. The “Black Hawk Down” attack in 1993 that saw U.S. soldiers dragged through the streets led the U.S. military to leave Somalia alone for two decades. Inspired, a new generation of hard-line Islamic fighters – al-Shabab is Arabic for “the youth” – took shape. The book describes the surprising internal debates over the years as some members of a group known for harsh dictates and brazen bombings argued that only a more accepting approach would win over Somalia’s people as it pursued an Islamic state. In one of the book’s more extraordinary sentences, Maruf and Joseph write that “al-Qaeda encouraged al-Shabaab to be flexible.” The world’s first extremist group to use Twitter to claim a major attack, al-Shabab has been relatively organized, with financing from taxes on captive communities, piracy off the long Indian Ocean coast and, in at least one town, the yanking out of civilians’ gold teeth. For military enthusiasts, “Inside al-Shabaab” has vivid descriptions of street-by-street fighting in Mogadishu as the extremists pushed the fragile Somali government to the edge of the sea. For those wondering how Somalia has never been able to shake off the threat, the book has piercing details of what still goes wrong both among Somalis and in the international community. “My soldiers have to offer to share their lunch,” one commander of the African Union peacekeeping force said of Somali partner forces, long unpaid, who looked on hungrily. Widespread corruption, deeply held clan rivalries, exasperation from both Western and African allies, all have affected the fight against al-Shabab. Now the country, with a Somali-American president who spent years as a bureaucrat in Buffalo, New York, faces the nervous prospect of taking over its own security from the A.U. force in the few years ahead. Officials with the U.S. military, which under President Donald Trump has increased drone strikes in Somalia and put about 500 personnel on the ground, have warned that Somali forces are not ready. And now a new threat has emerged: “Inside al-Shabaab” devotes a chapter to the rise of fighters who have pledged allegiance to the Islamic State organization. ISIS these days might be fading or fleeing. But “by almost any tangible measure … al-Shabaab grew stronger throughout 2017,” the new book says. The U.S. has made gestures of confidence in Somalia, appointing its first ambassador in a quarter-century and even presenting President Mohamed Abdullahi Mohamed with a trucker cap bearing the phrase “Make Somalia great again.” Meanwhile, al-Shabab’s grip on the countryside ebbs and flows. The extremists have taunted Trump as a “brainless billionaire.” And every few weeks or so, they sneak into Mogadishu with bombs and, at the gates of a hotel or government compound, explode. “They are part of the society, a cancerous part, they reappear in wherever you clean them from,” one Somali army colonel says in “Inside al-Shabaab.” ”If we don’t get a trained, strong Somali army it will be difficult to defeat them.” Sources: AP
  13. Mo Farah takes on former training partner and race rival Galen Rupp on Sunday at the Chicago Marathon as the British athletics great continues his quest to establish himself as a force in the ultimate distance event. Source: Hiiraan Online
  14. Nairobi (Caasimadda Online) – Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa lagu wada in dhawaan ay shir ku qabsadaan madaxda maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, kaas oo ay uga hadlayaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowladda iyo dowlad goboleedyada. In kastoo si rasmi ah aan loo shaacin ajandaha ay shirkooda uga hadlayaan ayaa haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Cabduweli Gaas uu u sheegay in uu jiro kulan ay garwadeen ka yihiin Beesha Caalamka iyo Urur Goboleedka IGAD. Waxaa lagu waddaa in kulanka looga hadlo sidii loo soo afjari lahaa Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Xubin ka mid ah Guddiga fulinta Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa xaqiijiyay in ay sidoo kale dhaceen kulamo dhexmaray madaxda maamul goboleedyadda ee hadda ku sugan Kenya, sida Madaxweynaha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Xaaf ayaa la sheegay in uu kulankaasi kaga qeyb galay Khadka taleefanka. Qodobadda looga hadlay Kulanka dhex maray Maamul Goboleedyada dhexdooda ayaa waxaa ka mid ah Sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta maamul goboleedyadda, Dadaallada Aqalka Sare iyo Beesha Caalamka. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ahna Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa golaha usoo bandhigay dhexdhexaadin ay garwadeen ka yihiin beesha caalamka iyo IGAD oo ku aadan soo afjaridda khilaafka golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan sheegay in marnaba dadka Soomaaliyeed aysan dhex dhexaadin doonin ajnabi, islamarkaana aayahooda ay iyaga ka tashan doonaan. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  15. Aresa Irrigation Scheme in Mandera County relies on water from seasonal River Daua that flows from the neighbouring Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  16. Musharrax madaxweyne K/galbeed, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo maanta la kulmay xildhibaannada K/galbeed iyo sidoo kale waxgaradka maamulkaasi ayaa ka hadlay arrimo badan. Inkastoo uusan soo hadal qaadin go’aankii wasaaradda amniga DFS ee ahaa inaanu ka qeybgali karin doorashada madaxweyne ee maamulkaasi ayuu hadana wuxuu sheegay inuu yahay musharrax xilkaasi u taagan. Waxa uu sheegay in haddii la doorto wax badan uu ka qaban doono arrimaha amniga, islamarkaana Al-shabaab ka saari doono gobollada K/galbeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/ROOBOW.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Musharax hadda u taagan qabashada xilka Maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay shir weyn oo uu kaga hadlayey Musharaxnimadiisa. Munaasabada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed,Siyaasiyiin, Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Baydhabo.. Shiikha ayaa khudbadiisa ku sheegay in wixii uu u qaban doono Koonfur Galbeed uu kusoo bandhigi doono Xildhibaanada hortooda balse wuxuu hadda kasii hadlay qodob kamid ah waxyaabaha uu qaban doono haddii la doorto. Muqtaar Roobow oo khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in hadii Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay doortaan uu Shacabka u furi doonaan wadooyinka ay Shabaab iyo qabaa’ilada ay xirteen. Wuxuu Shiikha Sheegay in haddii loo doorto inuu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu isku furi doono jidka u dhaxeeyo Afgooye iyo Baydhabo. “Waxaan ku celinayaa maanta inaan musharax u ahay madaxtinimada Konfur Galbeed waxaan Ka shaqeyn doonaa saddex qolo oo Wadooyinka ay u xiranyihiin hadii aad i doorataan “Alshabaab iyo Qabaa’ilada Wadooyinka KG xirtay wa idinka hor wareejinayaa ayuu yiri Muqtaar roobow. Roobow ayaa tilmaamay in jidkaas uu u xiran yahay Seddex koox oo uu ku kala sheegay inay kala yihiin: 1) Xarakada Al-Shabaab oo uu markii ugu horeysay u adeegsaday inay yihiin Khawaarij 2) Ciidamo u abaabulan hab beeled. 3)Sidoo kale wuxuu qolada seddexaad ku sheegay inay yihiin kuwa xiran dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo dhibaato ku hayo jidkaas. Wuxuu ballan qaaday inuu jidkaas ka dhigi doono mid nadiif ah oo ay si nabadgalyo ah ku isticmaali doonaan dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa warbixin uu saaray uga hadlay khilaafka ka dhex aloosan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada iyo waxa sababta u ah, waxaana uu soo jeediyo tallaabooyin haddii la qaado xal u noqon kara xiisadda siyaasadeed. Warbixinta ayaa tiri “Waa hubaal in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta aysan la curan baaqii dhawaan madaxda maamul-goboleedyadu ay kasoo saareen Kismaayo. Muddo dheer ayuu is-afgaran-waagu hoos ka hulaaqayey, sidii dhimbil dab ah oo danbas daboolay. Tan iyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalsooni xumada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu marba marka ka danbeeya waa ay soo if-baxaysey. In kasta oo ay jiri karaan sababa kale, waxa ugu weyn oo isafgran-waagu uu salka ku hayey waa laba faham ama fekar oo isa saamaynayey” “Tan hore, madaxda dowladda federaalku waxa ay aamineen in dowlad goboleedyadu ay fidsadeen fasirkooda awoodaha uu siinayey dastuurka ku meel gaarka ah intii ay jirtey dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh. Dareenkaas dowladda federaalka waxa uu oranayey, dowlad goboleedyadu, waxay noqdeen kuwo xarga goostay oo gacanta kula jira dhammaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan kuwa dastuurku sida gaarka ah uu ugu asteeyey dowladda federaalka” “Midda labaad, goboleedyadu waxa ay ku qanceen in maamulka Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay in awoodda oo idil uu Muqdisho isugu geysto. Waxaa kale oo ay goboleedyadu aamineen in qayb ka mid aragtidaas awood aruursiga ee dowladda federaalka ay tahay in xukunka laga tuuro madaxda gobolada, laguna beddelo shakhsiyaad daacad u ah Villa Soomaaliya, maadaama ay doorashooyin kusoo fool-leeyihiin dhammaan dowladgoboleedyada” Warbixinta machadka ayaa sidoo kale tiri “Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu, talaabooyinkan ayay qaadi karaan, si ay xal uga gaaraan xiisadda ka dhex aloosan:” Si uu kalsooni u dhiso, derbiga kala-shakiga iyo colaadana u jabiyo, Madaxweyne Farmaajo sida ugu deg-degsan wadahadal toos ah ha ugu baaqo madaxda dowlad goboleedyada, hana u caddeeyo in uu diyaar u yahay in uu magaalo madaxyada gobolada ugu tagayo, sida Garoowe. Madaxda goboleedyadu kalsooni dhisidda madaxweynaha, jawaab ha uga dhigaan in ay aqabalaan baaqiisa, meeshana ha ka saareen in shisheeye uu dhex-galo. Ahmiyadda koobaad ee kulankaasi ha noqoto: b) shaaca ka qaadid iyo ballan-qaad dhab ah oo dowladda federaalku ku bixinayso inay ka waantoobayso, joojinaysana faragelinta iyo gacma-gacmaynta siyaasadaha hoose ee -goboleedyada. Dowladda federaalku waa inay sidoo kale ballan-qaaddo inay oggoshahay in doorasho xor ah oo xalaal ah, oo aanay cidna u hiillinayn, cidna ka hiillinayn ay ka dhacdo gobollada. t) dowlad goboleedyadu waa inay si caddaan ah u ballan-qaadaan in ay ka hirgelinayaan gobolladooda doorasho xor ah oo xalaal ah, ayna u oggolaadaan korjoogto rasmi ah oo bulshada rayidka ah . j) dowlad goboleedyadu waa inay ballan-qaadaan inay dowladda federaalka uga danbaynayaan siyaasadda arrimaha dibadda, difaaca, lacagaha, socdaalka iyo kuwa kale oo si cad dastuurku dowladda federaalka ugu asteeyey. x) waa in laga tashado dib u yagleelidda Madasha Hoggaanka Qaran oo noqon karta gole madaxda heer qaran iyo heer gobol ay ku midaysan yihiin, taas oo lagu gorfaynayo loogana heshiinayo arrimaha masiiriga ah. kh) Dib u aasaasidda Madasha Hoggaanka Qaran waa inaysan keenin wiiqidda awooddii baarlamaanka ee sharcidejin iyo inaysan la wareegin awoodihii golaha wasiirada. Labada dhinac – dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu – waa inay ku heshiiyaan qorshe-hawleed ku aaddan sidii loo dhamaystiri lahaa arrimaha masiiriga ee laga daahay hirgelintooda, si aysan u soo noqon xasillooni darrada siyaasadeed ee taagan. Arrimaha in la iska afgarto u baahan waxaa ka mid ah, qabyo tirka dastuurka, dimuqraadiyeynta dalka sida in lagu heshiiyo hannaan doorasho oo xalaal ah, wadaagga khayraadka, haykalka amniga qaranka, hannanka garsoorka federaaliga ah iyo maxkamadda dastuuriga ah. Baarlamaanku waa in uu derso, kaddibna ansixiyo ama diido wixii madaxda siyaasaddu ku heshiiyaan. Haddii la iimaansado, mudanyaasha Aqalka Sare waa ay awoodaan inay xalliyaan khilaafka dhex yaalla dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, maaddaama ay labadaba ku daaban yihiin. Sidaas darteed, dadaalladda Aqalka Sare waa in lasoo dhaweeyo, lana taageero. Ilaa hadda safarradii xaqiiqo raadinta ahaa ee ay ugu bexeen xakamaynta khilaafku tillaabo ammaan mudan ayay ahayd. Iyaga oo ku kulmaya Madasha Hoggaanka Qaran, dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyadu waa inay isku bahaystaan badbaadinta Galmudug. Goboleedkaan oo in badan oo siyaasiiinta Soomaalidu ka soo jeedaan (sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha), wuxuu si weyn ugu baahan yahay xasillooni, dibu-heshiisiin iyo doorasho dimuqraadi ah. Sida ay hadda Galmudug u taal, oo ah inay madaxweyne, kuxigeen, ra’iisul wasaare, iyo baarlamaan kala fadhiya magaalooyiin kala duwan tahay, ma aha mid sii socon karta. Dowladda federaalku dib ha uga noqoto siyaasaddeeda cusub ee xaddidaysa hannaanka Somaliland ay ku hesho deeqaha bini’aadamnimo iyo taageerada horumarineed, taas ayaana keeni karta in ay dib u hirgalaan wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ee hakadku galay. Dowladda federaalka ahi waa in ay si buuxda u dhowrto xuquuqaha, mabaadii’da iyo dhaqanka dimuqraadiyadda ee dastuurka ku cad, gaar ahaan xuquuqda xor u ahaanshaha in dadku ay dareenkooda cabbiri karaan, xuquuqda dadku in ay kulamo qabsan karaan iyo xuquuqda in dowladda laga caban karo, lalana xisaabtami karo. Duudsiga xuquuqaha aasaasiga ah iyada oo baahi amni lagu marmarsiyoonayo xasilloonina uma keenin dowladda federaalka, kamana dhigin mid horumarsan. Waxaaba la oran karaa, waxa ay ka dhigtay, mid taag daran, oo nugul, ka mashquulsan hawlihii aasaasiga ahaa ee u yaalay, kuna jirta jaah-wareer joogto ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa shir isu’gu yeertay suxufiyiinta ka hawlgala degaannada Puntland,gaar ahaanna magaalada caasimadda ah ee Garoowe. Qoraal ka soo baxay,Xafiiska agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta Puntland oo ku taariikhaysan 6 bishan October ee ku beegan Sabtida maanta ah, ayaa lagu wargeliyay suxufiyiinta in ay soo xaadiran shirka ay iclaamisay wasaaraddu,balse qoraalka laguma xusin ajandaha shirkaasi. “Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan weriyaasha ka hawlgala degaannada Puntland gaar ahaan caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, in ay isugu yimaadaan xarunta dhexe ee Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland” ayaa lagu yidhi qoraalka. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in shirka lagu qabanayo xarunta wasaaradda Warfaafinta ee Garoowe,maalinta berri ah oo ku beegan,Axad 7 October 2018,saacaddu marka ay tahay 9:00am subaxnimo. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo shir isu’gu yeertay suxufiyiinta appeared first on Puntland Post.
  20. Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Somaliland,Jaamac Ismaaciil Cige(Jaamac Shabeel) ayaa Sabtida maanta ah sheegay, in ciidamo hubaysan ay ka hor istaageen xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa. Xubno ka tirsan guddiga fulinta xisbiga Kulmiye ayaa maalmo ka hor shaaciyay,in ay xilka qaadis ku sameeyeen Jaaamac Shabeel,islamarkaana ay ka saareen xubinnimadii Xisbiga,sida ay hadalka u dhigeen. Hase yeeshee , Jaamac Shabeel ayaa gebi ahaanba ka horyimid go’aanka xubnahaasi,waxaana uu golaha dhexe ee xisbiga ku wargeliyay in ay kulan deg deg ah isu’gu yimaadan lixda bishan October oo maanta ku beegan. Haddaba Jaamac Shabeel oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa,ayaa sheegay in ciidamo hubaysan ay u diideen in uu galo xarunta xisbiga,sidoo kalena la xidhay weriyaal isaga la socday . halkaan ka daawo shirka jaraa’id PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Jaamac Shabeel oo loo diiday xarunta xisbiga Kulmiye appeared first on Puntland Post.
  21. Bosaso[Puntland Post]-Shir si heer sare ah loosoo qaban-qaabiyey ayaa maanta uga furmay Hotel Buutaan ee magaalada Bosaso; dhaqanka, culimadda, aqoonyahanka, dhalinyarada iyo waxgrad-ka beelaha xuseen Talareer(Siwaakhroon). Shirkaan ayaa waxaa gogoshiisa dhigay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin(Beeldaaje Calbari), Shirkaan ayaa ujeedadiisu aheyd katashiga iyo meelmarinta xubnaha Golaha Shacabka Puntland -2019, u meteli doona beesha siwaakhroon. Furintaankii shirka ayaa Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin u sheegay guurtidii iyo waxgaradkii beesha siwaakhroon in ujeedada shirkaani tahay in ismada iyo waxgrad-ka beeshu si mug leh uga tashadaan soo xulidda xubnaha beesha uga mid noqonaya Golaha Shacabka Puntlanad 2019, beeldaajaha ayaa dardaaran dheer u jeediyey isimada iyo wax-gradka shirka in ay soo xulaan xubno ku sifoobay xilkasnimo, aqoon iyo hufnaan isla markaan loo tixgeliyey wax-qeybsiga beesha dhexdeeda. Waxa sidoo kale beeldaajuhu sheegay in cidda howshaani u taalo ay tahay nabadoonada iyo wax-gradka isna uu la ogaanayo waxa ay ku heshiiyaan. Shirkaan ayaa ahaa mid ay beeshu mudo sugeysay ayna ku dhammaayeen nabadoonadda iyo wax-garadka beesha oo isaga kala yimi dhammaan deeganada beeshu degto ee Gobolada gardafuu, bari iyo sanaag. Shirkaan oo laqorshayey in uu soo afmeermo maalmaha foodda inagu soo haya ayaa waxaa lagu lafa guridoonaa hoshaan iyo howlo kale oo beesha u yaala. Sidaas iyo Warsan The post Beesha Siwaakhroon oo Bosaso ku qabatay kulan ay uga tashanayso xubnaha uga mid noqonaya Barlamaanka Puntland 2019 appeared first on Puntland Post.
  22. Gaalkacyo(Caasimada Online) – C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo maalmihii dambe socdaal ku marayey qeyb kamid ah Magaaloyinka Soomaaliya ayaa sheegay inuu heysto fursad qaali ah oo uu ku dacweyn karo qaar ka tirsan madaxda ugu sareyso dalka. Qalbi Dhagax oo dadweyne badan kula hadlayey Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed dartiis iyo Baarlamaanka Soomaaliya ku cafiyey dacwaddii uu rabay inuu ka gudbiyo madaxda ugu sareyso Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay ku gudgudbeyn shakhsi ahaan. Waxa uu tilmaamay inuu haysto awood badan oo shacabka Soomaaliyeed ah sidoo kalena haystay fursado uu madaxda dalka ugu dacweeyo maxkamado caalami ah. Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay iney u muujiyeen dareen dhab ah oo ku aadan iney la xanuunsanayan dhibta soo gaaray, sidoo kalena Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka horyimaadeen wixii lagu sameeyey. Qalbi Dhagax aya sidoo kale sheegay in dowladda federaalka dhibaatooyinka haysta ay ka mid tahay in aysan raaligelin ka bixin qaladaadka ka dhaca. Dowladda Soomaliya ayaa Qalbi Dhagax u dhiibtay Dowladda Itoobiya ka hor inta uusan dalkaas ka dhicin isbadalka weyn waxaana markii Abiy Ahmed noqday Ra’isulwasaaraha dalkaas u suurtagashay inuu xabsiga kasoo baxo. Dowladda Soomaaliya ayaa taageero badan ku lumisay tallaabadii ay Qalbi Dhagax ugu dhiibtay Dowladda Itoobiya, ilaa haddana lama hayo cid ay mas’uuliyadda kiiskaas dusha ka saaran tahay inkastoo ay Dowladda sheegtay inuu Sanbaloolshe ka dambeeyey arrintaas. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Qalbi Dhagax: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/WAR-CALI-CEYN-GAALKACYO-.mp3Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa xal laga gaaray murankii ka taagnaa Booska Xildhibaano ee uu baneeyey Dhahar Cali Faarax, kaaso lacag dhowr boqol oo kun dollar ah ka qaatay Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Murankaan ayaa si weyn ugu xoogeystay gudaha Beesha, waxayna qaar ka tirsan Odayaasha Beesha Wansengeli soo saareyn digniin ku aadan inuu Wasiir Jamaal ka shaqeenayo sidii Beesha la isaga hor keeni lahaa. Wararkii ugu dambeeyey ee arrintaan ku saabsan ayaa sheegayo in Odoyaasha beesha Warsangali gaar ahaan Dubays oo kursigii golaha shacabka ay lahaayeen jufada Sin Laawe, Dubays ee Warsangali ku wareejiyey jufo kale oo aan laheyn kursiga oo ah reer Guuleed, waana jufada uu ka dhashay wasiirka qorsheynta ee dowladda federaalka Jamaal Maxamed Xassan. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi ayaa sheegay in kursigan ay ku wareejiyeen reer Guuleed kadib rabitaanka xildhibaankii is-casilay iyo rabitaanka jufada Sin Laawe oo uu ka dhashay. Beesha Dubeys ayaa laheyd 2 Xildhibaan, oo ku kala asteysnaa sidan: (1): Warsangali/ Dubays/ Sin Laawe (2). ): Warsangali/ Dubays/ Qoob. Halka Jufada reer Guuleed ee wasiirka aaney laheyn wax xildhibaan ah. Markii uu geeriyooday xildhibaan Daahir Xaaji Geelle, kursigii waxaa la siiyey isla beeshii, oo waxaa badalay walaalkii, laakin hadda markii uu is-casilay Dhahar Cali Faarax Dhahar, waxaa dhacday in kursiga laga wareejiyey beeshii laheyd, oo lagu wareejiyey beesha reer Guuleed ee uu ka dhashay Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan. Doorashada kursiga waxaa ay dhaceysaa berri oo Axad ah, October 7, 2018, waxaa lagu wadaa inuu ku soo baxo Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xassan maadaama kursiga isaga la siiyey kadib markii ay ka tanaasuleen beshii laheyd, lama oga waxa uu xildhibaankii is-casilay iyo beeshiisa kursiga laheyd ay ku badasheen si xaqoodii ay jufo kale u siiyaan. Laakin waxaa la hubaa in Dhahar Cali Faarax Dhahar oo ahaa xildhibaankii kursiga iska casilay loo Magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Jabuuti, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiska. Sida ay Caasimadda Online xogta ku heshay Wasiir Jamaal ayaa Booskaas ku bixiyey lacag aad u badan oo aan si rasmi ah tiradeeda loo ogeyn balse la sheegay inay kor u dhaafeyso Laba Boqol oo kun oo Dolar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay la wareegto cutubkii u horeeyay Ciidamada uu tababaray Turkiga ee ku jira Saldhigga Milateri ee ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Turkiga ayaa u tababaray dowladda Soomaaliya kumanaan askar oo la siiyay tababar casri ah, iyadoo horay dhowr cutub tababar loogu soo gabagabeeyay xerada. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya munaasabadda lagu wareejinayo Ciidamada uu Turkiga tababaray oo qeyb ka noqon doona Ciidanka xoogga dalka. Ammaanka Waddooyinka soo gala Saldhigga Turkiga illaa qeybo ka mid ah degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa la adkeeyay, iyadoo munaasabadda maanta lagu wareejinayo Ciidamada loo tababaray dowladda ay goobjoog ka noqon doonaan qaar ka mid ah Safiirada Beesha Caalamka u fadhiya Muqdisho Dhanka kale waxaa maanta lagu dhaariyay 47 Saraakiil iyo Layli Saraakiil,kuwaas oo uu tababaray Turkiga ayaa maanta lagu dhaariyay Muqdisho. Munaasibaddan waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka mid ah Milatariga Soomaaliya sida Taliyaha Ciidanka Milatariga Daahir Aadan Cilmi, Taliyihii hore C/Wali Jaamac Gorod, Wasiirka Gaashaandhigga Amar-dambe, Guddoomiyaha Gobolka Yariisow iyo xubno kale. Munaasibadda dhaarinta kaddib ayaa waxaa goobta khudbado ka jeediyay mas’uuliyiintii ka qeybgalay,waxaana ay saraakiisha iyo saraakiil xigeenta kala jebiyay kula taliyeen in ay daacad u noqdaan dalkooda. Saraakiishan ayaa tababaranayay muddo sanad ah,waxaana tababarka bixinayay saraakiil ka socoto Turkiga oo saldhigga gacanta ku haya. Dadka ka qeybgalay munaasibadda waxaa ka mid ahaa Waaliddiinta iyo Ehelka Saraakiisha dhameystay tababarka oo waalidkood la casuumay. Turkiga ayaa dowladda Soomaaliya ka taageera dhinacyo badna, iyadoo Safaaradda ugu weyn ee Afrika uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.
  25. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay baahiyern Wargeysyada kasoo baxa dalka Mozambique maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ay ka geysteen Mozambique ku dilay 90 ruux tan iyo markii ay bilaabeen weerarada. Weerarada oo ahaa kuwo gaadma ah ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay 70 kale oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Booliska Mozambique. Taliyaha booliska dalka Mozambique Bernadino Rafael oo ay xiganayeen Wargeysyada ayaa xaqiijiyay in khasaaraha dhimasho ee weerarkaasi uu yahay 90 qof, halka dhaawaca uu gaaray 70 kale. Waxa uu sheegay in tirada guud ee dadka ku maqan Alshabaab ay suuragal tahay inay kasii badan yihiin tirada lasoo sheegay. Bernadino Rafael, ayaa sheegay in Kooxda Jihaadiyiinta dalka Mozambique ay argagax ku abuuren dadka muwaadiniinta ku nool waqooyiga dalka. Bernadino Rafael, waxa uu sheegay in Kooxda Alshabaab ay gubeen tuulooyin badan halka ay ka dileen Saraakiil iyo Shacab tan iyo markii ay Shabaab dilalka ka bilaabeen gudaha dalka. Sidoo kale, Maleeshiyaadkan ayaa dhaqaalaha ugu badan ka hela iibinta Alwaaxa iyo Macadanta oo ay ku badan yihiin ganacsiga dalkaas. Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xiriir la leh ayaa ka bilowday dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaareen dalka Mozambique. Si kastaba ha ahaatee Bernadino Rafael oo ah Taliyaha ayaa sheegay in dalkiisa uu ka gaashaman doono weerarada kaga imaada Alshabaabka dalkiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com