Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,591
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Caasimada Online)–UN says Somali migrants are heading to Mogadishu capital after returning voluntarily from Tanzania, where they had been detained. UN Migration Agency (IOM), assisted up to 17 Somali migrants in returning voluntarily from Tanzania, as the migrants embarked on an unsuccessful journey to South Africa. Tanzania’s Commissioner General of Immigration (CGI), Gerald Kihinga, has hailed latest efforts by IOM for its continuing support in managing migration. Kihinga welcomed the collaboration and coordination between Tanzania and Somalia in attending to the increasing numbers of Somali migrants entering Tanzania irregularly. IOM’s intervention was made under the auspices of the EU-IOM Joint Initiative for Migrant Protection and Reintegration in the Horn of Africa. The latest return will bring the number of Somalis assisted by IOM under the EU-IOM Joint Initiative to 82 since March 2017. Tthe EU-IOM Joint Initiative aims to assist at least 1000 Somali returnees before March 2020. The assistance was provided in close coordination with the governments of Somalia and Tanzania and will enable the Somali returnees to build a future back home. UN says the migrants will receieve medical check-ups, housing, group and psychosocial counselling, along with longer-term support towards developing job skills. The EU-IOM Joint Initiative facilitates orderly, safe, regular and responsible migration management through the development of rights-based and development-focused procedures and processes on protection and sustainable reintegration. Southern Africa is still a preferred destination for migrants from East and the Horn of Africa. However, the southern route – largely to South Africa – also has its share of hazards, including the risk of arrest for those without the requisite documentation, or for those who overstay their welcome in the transit countries. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  2. MOGADISHU (Caasimada Online) — The UN Refugee Agency (UNCHR) said it has facilitated the voluntary return of more than 2,000 Somali refugees from Yemen, through a program called Assisted Spontaneous Returns (ASR) it started in 2017. Since the start of this year, 1,321 migrants from Somalians living in Yemen have returned home. The most recent trip took place August 6, with 116 refugees sailing from the port of Aden, in Yemen, to the port of Berbera, in Somalia. The program is administered by UNHCR in cooperation with the International Organisation for Migration (IOM) and the authorities of Yemen and Somalia. 270,000 refugees in Yemen The ASR program began in 2017 in response to demand from refugees for UNHCR help in returning home. Yemen currently hosts over 270,000 refugees, the vast majority of whom (256,363) are Somali. Some 45 per cent are hosted in the south of the country, in Kharaz refugee camp – Yemen’s only refugee camp – and in the Basateen urban settlement in Aden. The most recent transfer in August was delayed for two months due to inclement weather conditions. Among the refugees on board were female heads of households, several students who are hoping to resume their educations, and a critically ill patient who travelled with his son, family members and a medic. Refugee assistance program UNHCR said the ongoing conflict in Yemen has affected not just Yemenis but also refugees living in the country. It said refugees are particularly vulnerable to early marriage, child labour, and detention. Through the ASR programme, UNHCR provides an assistance package to refugees both in Yemen and Somalia. In Yemen, the package includes a multi-purpose cash grant to procure basic necessities for the journey and consolidate any outstanding debts or financial obligations. In-country and international transport assistance is provided by IOM, as well as medical care. UNHCR also facilitates exit permits and travel documentation in cooperation with the Yemeni and Somali authorities. On arrival in Somalia, returnees receive a reinstallation cash grant and an allowance, together with a package consisting of household items, food assistance through WFP, and an education allowance for primary school children. PRESS RELEASE
  3. Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu soo dhamaaday kulankii u dhaxeeyey xubno ka socday Dowladda Soomaliya oo uu hoggaaminayey Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Xuseen Cismaan xuseen (Calool Kuus) iyo Musharaxa u taagan xilka Maamulka Koonfur Galbeed Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Kulankaan oo soo bilowday Xalay isla markaasna bilowgiisii aan si fiican la iskula fahmin ayaa daqiiqado ka hor kusoo dhammaaday Magaalada Baydhabo. Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah xogheynta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Dowladda iyo Musharaxa ayaa gaaray heshiis iyo isfagarad. Kulanka oo lahaa qeybo kala duwan ayaa ugu dambeyntii waxaa lagu heshiyey inuu Roobow sii wato musharaxnimadiisa isla markaasna uu noqdo hoggaamiye hoos imaado Dowladda Dhexe kuna shaqeeyo amarada Dowladda sida ay xogta hoose ku heshay Shabakadda Caasimadda Online. Dowladda Soomaaliya ayaa Mukhtaar siisay raaligelin ku aadn warqaddii kasoo baxday Dowladda inkasto arrintaan aan la hubin. Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay soo saarto waraaq kale oo ay ku caddeyneyso inay ka laabatay go’aankii hore ee ahaa in Abuu Mansuur laga joojiyo musharaxnimadiisa. Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa xaqiijiyay in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan. Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo. Wafdigii Dowladda ka socday oo ay ku jireen qaar ka tirsan Xildhibaanada Koonfur Galbeed ku matalo Dowladda Dhexe ayaa la filayaa inay saacadaha soo socdo kasoo duulaan Magaalada Baydhabo maadaama uu soo dhammaaday kulankii labada dhinac u dhaxeeyey. Dhanka kale Sida ay ogaatay Caasimadda Online, madaxda dalka ayaa isla ogeyn waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Amniga, waxaana la xaqiijiyey in waraaqdaas laga soo qoray Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre uusan xataa war u heyn Wasiirka Amniga. Sidoo kale waxaa soo baxayo warar kala duwan oo ku aadan in Waraaqdaas cadaadiskeeda ay ka timaaday Beesha Caalamka, iyadoo warar aan la hubin sheegayaan in Beesha Caalamka aysan lug ku laheyn isla markaasna aysan ka warqabin waraaqda kasoo baxday Wasaaradda Amniga. Wixii warar ah ee kusoo korhda waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah Caasimada Online Xafiisaka Baydhabo Caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa digniin culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka, iyagoo ku eedeeyay inay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa uga digay goobaha waxbarashada inay iska ilaaliyaan inay xiriir la sameeyaan dowladda Federaalka. Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan in manhajka cusub ee Waxabarshada ee dhowaan dowladda soo bandhigtay, kaasoo uu xusay inay ka hor imaaneyso Diinta Islaamka. Cali Dheere ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo khaldan, kaasoo ka ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isagoo caddeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan. Hadalka ka soo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya, iyadoo dhowaan dowladda la wareegto Iskuul, isla markaana la soo bandhigay Manhaj Waxbarasho oo ka bilaabanaya Dugsiyada Hoose illaa Dhexe. Digniinta ugu Dambeeysay ee Dhinaca wax barashadda ee Al-shabaab waxay ku soo aadeysaaa iyadoo Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya ay horumar ka sameysay Nidaaminta manaahijta waxbarashadda ee lagu dhigo Dugsiyadda hoose, dhexe iyo sare. Dalladaha Waxbarashadda oo muddo fog iyo xilligaan la joogaba tiir muhiim ah u ah Waxbarashadda Soomaaliya ayaa Dowladda kala shaqeeyay Hagaajinta Waxbarashadda Dalka. Go’aanka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa u Muuqda mid lagu curyaaminayo waxbarashada maadaama ay u muuqatay inay dalka ka hirgeli rabto waxbarasho tayo leh oo keeni karto inay dadka fahmaan Qorshayaasha ka baxsan Diinta Islaamka oo ay Kooxdaan ka waddo Gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Dhawaan Dowladda Soomaliya ayaa la wareegtay qaar ka tirsan Iskuuladii Dowladda laheyd ee Caasimadda ku yaalay oo gaarayo ilaa 24 Iskuul, iyadoo ilaa 13 kun oo arday loo diyaarinayo inay helaan waxbarasho lacag la’aan ah, waana qeyb kamid ah sababta keentay hadalka Al-Shabaab. Ma jiraan Weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Dalladaha waxbarashada ee ka howgala Dalka. Caasimada Online Xafiisaka Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Jowhar (Caasimadda Online) – Waraka ka imaanaya Magaalada Jowhar Ee Xarunta G/Sh/Dhaxe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay magaaladaasi Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Xildhibaanada Hir-Shabeelle oo maalin ka hor mooshin ka gudbiyay. Kulamadan ayaa yimid kadib markii xildhibaano gaaraya 57 xildhibaan ay Madaxweynaha Maamulkaasi ka gudbiyeen mooshin xil gudasha la’aan sida ay sheegeyn. Madaxweynaha ayaa xildhibaanada uu kulanka la yeeshay waxaa uu kala hadlay in ay dib uga noqdaan mooshin ay gudbiyeen islamarkaasina arinta si hoose loo xaliyey. Maxamed Cabdi Waare oo ku sugnaa Maalmihii dambe magaalada muqdisho ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada jowhar si uu u dajiyo xaalka jowhar oo mar qura laga war helay arimo mooshin oo ka jira. Kulamada uu xildhibaanada la qaatay madaxweyne Waare ayaa waxaa ay xildhibaanada kaga dalbadeeyn in uu dhamaan xaliyo tabashooyinka ay usoo jeediyeen xildhibaanada sida xildhibaano ka tirsan baarlamanka Hir-shabelle ay tibaaxeyn. Wariyeyaasha ku sugan magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in Madaxda Hirshabeelle ay dadaal ugu jiraan kala fur-furida Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Madaxweyne Waare. Wararka ayaa sheegaya in kulamada ay isugu jireen kuwo gaar gaar ah iyo kuwo guud oo Madaxda Hirshabeelle lakala qaateen Xildhibaanada, waxaana inta badan looga hadlayay sidii loo xalin lahaa tabashada Xildhibaanada. Ilo ku dhow dhow Xildhibaanada ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar la qanciyay, balse ay jiraan Xildhibaano kale oo ka biya diidan inay ka laabtaan Mooshinkan. Madaxweyne Waare ayaa qabsatay caqabadii uu ka digayay ee aheyd labo geeriyaad, kaddib markii uu balanta uga baxay saaxibadiisa maamul goboleedyada, isla markaana heshiis la galay dowladda Federaalka iyo Mooshin uga yimid Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, inkastoo dowladda Federaalka uu taageero ka heysato. Caasimada Online Xafiisaka Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka qorsheynta DFS, oo noqday Xildhibaan Doorasho kursi ka banaanaa Golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Dorashadan oo natiijadeeda la sii ogaa, waxaa ku guuleystay Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaaal Maxamed Xasan, kadib markii uu helay 49 cod, oo kaimd ah codadkii 51 ergay oo codeynaysay, halka ay xumaadeen 2 cod. Kursiga uu ku guuleystay Jamaal Maxamed Xasan waxaa horey u baneeyay Dhahar Cali Faarax oo la sheegay si iskiis ah inuu isku casilay, kadibna loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti, xildhibaanka hore ayaa la sheegay in dowladdu ku qancisay kursiga inuu u baneeyo Wasiirka ay isku beeshayihiin ee Jamaal Maxamed Xasan. Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Khayre ayaa u muuqata inay dadaal ku bixinayso sidii ay aqlabiyad ugu yeelan lahayd Golaha shacabka, taas oo meesha ka saari karta in Xukuumadda la xisaabtan uga yimaado Baarlamaanka. Mid kamid ah Xildhibaan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore soo jeediyay in il gaar ah loo yeesho sida ay Xukuumaddu ugu mil-mayso Golaha shacabka, wuxuuna soo jeediyay in la xadido awooda Wasiirrada ku jira Baarlamaanka, si aysan meesha uga bixin isla xisaabtan. Inta badan Xukuumadda uu hoggaamiyo Khayre ayaa ah Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo qaar kamid ah la magacaabay bilihii ugu dambeeyay ee sanadkan. Doorashadan kurisga Xildhibaan ee Golaha shacabka Baarlamaanka feeraalka Soomaaliya ayaa ka dhacday xarunta Golaha Wakiiladda Punrland, waxaana goob-joog ka ahaa Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo masuuliyiin ka tirsan Puntland. Doorashadan heer Federaal ee ka dhacday Garowe ayaa ku soo aaday iyadoo dhawaan Puntland sheegtay in ay xiriirka wada shaqeyneed ee ay dowladda Federaalka. ha PUNTLAND POST The post Garowe: Wasiir Jamaal oo noqday Xildhibaan cusub appeared first on Puntland Post.
  7. Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa ku dhawaaqay in wasiirka wasaaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu noqday xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarkamaanka federaalka ah. Kursigan oo ay ku tartamayeen Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamud Cabdullahi Maxamed waxaa codeeyey 51 ergo. Jamaal Maxamed Xasan waxaa u codeysay 49 ergo, Maxamud Cabdullahi waxbo ma helin halka 2 cod halaabeen. Kursigaan doorashadiisu dhacday ayaa waxaa iska casilay Dhahar Cali Faarax kadib markii loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Garoowe (Caasimadda Online) – Maanta oo Axad ah ayaa waxaa Magaalada magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ka dhacday doorashada kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kursigaan doorashadiisu maanta ay dhacday ayaa waxaa iska casilay Dhahar Cali Faarax kadib markii loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti. Xubnaha kurisgan ku tartamay waxaa kamid ahaa wasiirka wasaradda Qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo Maxamuud Cabdullaahi Maxamed, iyadoo magaaladaasi ku sugan yihiin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo ay horkacayso guddoomiyaha guddigaasi Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey). Dhammaan ergadii Kursigan dooranayey oo ahaa 51 ayaa codadkooda siiyey Wasiir Jamaal marka laga reebo laba cod oo halowday. Ma jirin hal cod oo uu helay ninkii la tartamayey Jamaal ee lagu magacaayey Maxamuud Cabdullaahi Maxamed. Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu Jamaal helay codad gaarayo ilaa 49 cod halka lama cod ay gubteen. Qaabka uu Wasiir Jamaal u guuleystay ayaa ah qaab aan horey loo arag waxaana muuqatay in Booskaas la iibsaday sidoo kalana waxa la yaabka leh ayaa noqotay in qofkii la tartamayey uusan xataa helin hal cod. Wasiir Jamaal ayaa horey loo aaminsanaa inuu booskaas iibsaday, sidoo kalana Odayaasha East Sanaag Clan ayaa k dhaadhacsiyyey inay kursigaan kusoo wareejiyeen jufadiisa oo aan markii hore laheyn booskaas sida aad ku akhrisateen wararkeenii hore. Caasimada Online Xafiisaka Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay weli ka socda wadahadallo u dhaxeeya xubno ka socda Dowladda Somaliya iyo Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) oo ah musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed. Wadahadaladaas ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka socda taliyaha Ciidanka Nabdsugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo Fowziya Maxamed Sheekh oo ah Gudoomiyaha Guddiga amniga ee Golaha Shacabka. Wadahadal lagu waday in uu xalay qabsoomo ayaan dhicin kaddib markii ay shalay magaalada Baydhaba gashay in Taliyaha Nabad Sugidda uu wato Ciidan ay xirayaan Mukhtaar Rooboow taas oo shaki kala dhex gelisay labada dhinac. Wafddiga ay dirtay Dowladda ayaa 5tii Galabnimo ee shalay gaaray Baydhaba,waxaana ku adkaatay in ay magaalada galaan kaddib markii dadweynaha Magaalada oo maqlay war sheegaya in Mukhtaar Roobow la xirayo ay kacdoon sameeyeen. Waxaana kaddib ay wafddiga xaqiijiyeen in aysan wadan ciidan sidoo kalena u socon in ay xirayaan Mukhtaar Roobow,waxaana markii dambe loo oggolaaday in ay magaalada galaan. Ilo ku dhow labada Dhinaca ayaa xaqiijiyay in Hotelka uu Wafddiga degay ay gacanta ku hayaan ilaalada Mukhtaar Roobow,waxaana uu Mukhtaar u sheegay taageerayaashiisa in uusan dhib jirin sidaas darteedna ay nabad ku seexdaan. Kulan ay xalay goor dambe yeesheen ayaa Mukhtaar loogu sheegay in aysan jirin waxa suuqa la geliyay ee ah in la xirayo,waxaana ay labada dhinaca isku afgarteen in maanta ay kulan rasmi ah yeeshaan kana wadahadlaan xaaladda taagan. Maanta gelinka dambe ayaa la sheegayaa in la soo gaba gabeeyanayo Wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mukhtaar Roobow uga socda Magaalada Baydbaba. Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa maalma ka hor sheegtay in Muqtaar roobow uusan u tartami karin Madaxweynaha Koonfur Galbeed walow Muqtaar roobow uu ka dhega adeegay Go’aanka Wasaaradda Amniga. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa horey uga soo baxay Uruurka Al-Shababa, wuxuuna heshiis la galay Dowladda Federaalka Soomaliya, wuxuuna ololahaan waday waqti badan iyadoo aan la ogeyn sababta keentay inay hadda Dowladda soo saarto culeys. Warar hoose oo heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa muujinayo inay Dowladda Soomaaliya cadaadis kala kulmeyso Beesha Caalamka inkastoo warkaas uusan aheyn mid la hubo 100%. Wixii warar ah ee kusoo kordha wadahadalka labada dhinac kala soco Caasimadda Online. Caasimada Online Xafiisaka Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Naiorib (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo culeys badan kala kulmayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ka bilaabay Ololo xooggan. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Magaalada Nairobi kulamo kula qaatay odayaal ka socday Beesha Ogaadeyn oo uu isaga isugu yeeay. Sida uu Caasimadda Online u xaqiijiyey mid kamid ah Odayaashii ka qeybgalay kulankaas, Axmed Madoobe ayaa Odayaasha u sheegay inay Dowladda Dhexe ay ka shaqeeneyso sidii qabiilkiisa loola dagaalami lahaa. Axmed Madoobe ayaa Odayaashaas u sheegay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Dowladda oo ku dhisan qaab Qabiil, waxaana muuqato inuu arrintaas fursad uga dhiganayo sidii uu usii dheereysan lahaa waqtiga kursigiisa oo ay ka dhiman tahay waxyar loona diyaar garoobayo doorasho cusub. Shirka Odayaasha iyo Axmed Madoobe oo ahaa mid saxaafadda loo diiday isla markaasna alabaabada u xirnaa ayaa halkaas Odayaasha uga sheegay in Fahad Yaasiin oo ah Taliye ku xigeenka Nabadusgidda uu yahay Cadawga ugu weyn ee Beesha Ogaadeen, wuxuuna ka codsaday in ay warbaahinta la hadlaan si ay Soomaalida u gaarsiiyaan hawlaha ay Dowladda Federaalka ka waddo Jubbaland. Lama oga sida ay beesha uu ka dhashay u aqbali doonaan xeeladda cusub ee Axmed Madoobe maadaama haatan ay jirto mucaarado xooggan oo ka imaanaya beelaha aan ahayn Maxamed Subeer, gaar ahaan Cowlyahan. Axmed Madoobe ayaa Xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna hadda ku sugan yahay dalka Nairobi halkaas oo uu kaga qeybgalay Shir ay Maamulada la yeesheen Beesha Caalamka. Qaar ka tirsan Odaasha Beelaha Jubbaland ayaa Axmed Madoobe ku eedeyey inuu ka shaqeenayo burburinta Maamulkaas, sidoo kalana waxay ku eedeeyeen inuu xilalka maamulkaas intiisa badan uu u dhiibay Beesha Ogaadeyn. Maamulka Jubbaland ayaa waxaa ku mideysan Beelo badan, waxaana muuqato in inta badan aysan ku qanacsaneyn maamulkaas, maadaama Axmed Madoobe lagu eedeeyey inuu yahay shakhsi aan dhex dhexaad u aheyn Beelaha halkaas dago. Caasimada Online Xafiisaka Nairobi Caasimada@live.com
  11. Sh. Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaa Ururkii Al-Shabaab isla markaasna dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku soo taagay xilka musharaxnimo ee Maamulka Koonfur Galbeed. Sh. Mukhtaar Roonow Abuu Mansuur ayaa Baydhabo kaga dhawaaqay inuu xilkaas u taagan yahay uuna Baarlamaanka Koonfur Galbeed ka codsanayo inay ku taageeraan. Haddaba waxaa is waydiin mudan, muxuu Roobow kusoo kordhin karaa Deegaanada Koonfur Galbeed. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka taliyo ilaa Seedex Gobol oo kala ah: Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose waana seddex Gobol oo lagu tiriyo inay kamid yihiin meelaha ugu badan ee Soomaaliya wax soo saarkeedu uu ku jiro. Haddii uu Roobow kusoo baxo Koonfur Galbeed isla markaasna loo caleemo saaro waxaa la filayaa inuu Deegaanadaas kusoo kordhiyo Shan qodob oo kala ah: Al-Shabaab: Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur haddii uu Madaxweyne u noqdo Koonfur Galbeed waxaa suutageli doonto in Al-Shabaab laga waayo ama laga ciribtiro seddexda Gobolka ee uu Maamulkaan ka tiliyo oo la ogyahay inay hadda Al-Shabaab aad ugu xooggan yihiin. Roobow Abuu Mansuur oo ah nin horey uga tirsanaa Ururkaas, wuxuu aqoon buuxda u leeyahay meelaha ay Al-Shabaab ka jilicsan yihiin, sida loo wajihi karo iyo qaabka ugu fudud ee loola dagaalami karo. Niyad jab weyn ayey Al-Shabaab ku noqon doontaa inuu Roobow noqdo Madaxweyne Koonfur Galbeed maadaama ay ogyihiin inuu Roobow yahay hoggaamiye dhiiragelin badan isla markaasna keesan karo ciidamo daacad u ah. Qabiilada: Koonfur Galbeed waxaa ka jiro loolan adag oo u dhaxeeyo Qabiilada halkaas ku midoobay, waxaana suurtageli doonto in xal waaro loo helo arrintaan isla markaasna ay midoobaan dhammaan Beelaha isla dhistay maamulkaas haddii uu Madaxweyne noqdo Roobow oo ah nin ay ka heybeyteen dadka Koonfur Galbeed. Deegaanada Maamulka: Seddexda Gobol ee uu maamul Koonfur Galbeed ka taliyo waxay kamid yihiin Gobolada ugu wax soo saarka badan dalka, saas oo ay tahayna way dayacan yihiin mana jirto cid ku dhiiran karto inay maalgeshi ku sameysato maadaaama ay halkaas ku xooggan yihiin Ururka Al-Shabaab oo aan horumar u ogoleyn deegaanadaas. Haddii uu Roobow meesha soo galo waxaa suurtageli doonto in Al-Shabaab halkaas laga sifeeyo isla markaasna ay soo baxdo fursad deegaanadaas lagu maalgashto ayna u noqdaan meelaha ugu badan laga soo saaro dakhliga dalka. Haddii ay taas dhacdana waxaa sare u kici doonto dhaqaalaha ay helaan dadka deegaanada Koonfur Galbeed ku nool waana hiigsiga ugu weyn oo ay leeyihiin. Ciidamo: Haddii uu Roobow noqdo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed waxaa suurtageli doono inuu maamulkaas helo ciidamo daacad ah, Balwad laheyn, laguna aamini karo dalka iyo Koonfur Galbeed intaba. Roobow Abuu Mansuur wuxuu caan ku yahay inuu dadka ka dhaacdhacsiiyo Fikradiisa iyo sida uu wax u rabo, wuxuuna awood buuxda u leeyahay inuu abuuro Ciidamo ay leedahay Koonfur Galbeed kuwaas oo aan lamid aheyn kuwa hadda joogo oo aan laheyn awood ay isaga celiyaan Al-Shabaab sidoo kalana ay ku sugaan amniga Koonfur Galbeed maadaama ay yihiin kuwa aan gelin Mas’uuliyad. Waxaa diyaariyey: Cabdullaahi Ibraahim Yarow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa daaboolka ka qaaday inay diyaar u yihiin wadahadal iyo midow ay la yeeshan Somalia inteeda kale. Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan caqabad ku aheyn midowga Soomaaliweyn hase yeeshee ay doonayan in marka hore ay hubiyaan in Somalia ay diyaar u tahay midnimada. Haweeneyda lagu magacaabo Adna Aadan Ismaaciil oo ah Ergeyga Somaliland u qaabilsan wadahadalka dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegtay in ay suuragal tahay in ay dib u midooban labada dhinac. Adna Aadan, waxa ay sheegtay in midowga labada dhan uu ku imaankaro keliya in Somalia ay marka hore diyaar u tahay in la dhowro nidaamka dowladnimo, maadaama ay Somalia ka jiraan sharciyo kala duwan. Iyadoo u warameysay Idaacada VOA laanteeda Afka Somalia ayey tiri “Somaliland diyaar ayey u tahay inay la midowdo Somalia inteeda kale waa haddii laga helo Somalia shuruudaha, waayo labada dhanba waxa ay doonayaan nabad” “Midowga labada dhinac waxa uu yahay mid ku xiran in Somalia marka hore ay hesho dowlad dhameystiran oo ay soo doortan shacabka” Adna ayaa sheegtay in Somaliland ay ka tanaasuli karto gooni isu taagga haddii Somalia inteeda kale ay ka dhalato dowlad ay shacabka doortan islamarkaana garawshiyo ka bixiso tabashada Somaliland. Adna waxa ay carab dhabtay in Somaliland aysan caqabad ku aheyn wadahadalka labada dhinac, waxa ayna taa bedelkeeda sheegtay inay aad usoo dhaweynayaan wadahadal iyo midow dhexmara labada jiho. Dowladaha Holland iyo Denmark ayaa dhawaan bilaabay dadaalo ay wadahadal iyo midow uga dhex abuurayan Somalia iyo maamulka Somaliland oo ka gadoodsan Somalia inteeda kale. Danjirayaasha labada dal ee ka howlgala Kenya ayaa horaantii asbuucii tagay wadahadal la yeeshay mas’uuliyiin ka kala socda labada dhinac waxaana lagu wadaa in Somaliland ay muujiso tanaasul. Dhinaca kale, wadahadallada Dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka bilowdaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay digniino culus siisay dhammaan daladaha waxbarashada ee ka jira dalka. Maleeshiyada ayaa daladahaasi ku eedeysay in ay wada shaqeyn dhow la leeyihiin dowladda Federaalka ah ee Somalia oo ay u arkaan caqabad hortaagan. Hanjabaada daladaha ayaa waxaa jeediyay Afhayeenka maleeshiyada Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo sheegay in Al-Shabaab ay digniino kama danbeyn ah u dirayaan daladaha ka howlgala dalka. Cali Dheere, waxa uu sheegay in daladaha waxbarasho ee ka howlgala Somalia ay indho u yihiin dowlada Somalia, waxa uuna ka digay in daladahaasi ay dhaliilsadan digniintooda. Cali Dheere waxa uu sheegay in ay Iskuulada iyo Jaamcadaha ka mid yihiin meelaha ay beegsanayaan Hay’adaha shisheeye ee faafinaya aragtiyo kale sida uu yiri. Waxa uu Cali Dheere tusaale u soo qaatay Hay’adda UNESCO oo uu sheegay in manhaj wax u dhimaya caqiidada Islaamka ay ku faafineyso dugsiyada waxbarashada iyo Jaamadaha. Sidoo kale, Cali Dheere ayaa madaxda daladaha ee wada shaqeynta la leh Hay’adaha shisheeye ugu hanjabay inay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan. Si kastaba ha ahaatee,dhawaan ayay aheyd marka ay Dowladda Somalia ay sheegtay in dhamaan la mideeyay daladaha waxbarasho, iyada oo 3dii sano ee ugu dambeesana ay imtixaan midaysan ay wasaaradu ka qaadaysay ardayda shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Maaliyada xukuumada Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ka hadlay qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso xarunta Golaha Murtida iyo wacyigalinta tiyaatarka Qaranka. Wasiir Beyle, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka go’an tahay inay dib usoo celiso dhismihii qurxanaa ee xarunta Golaha Murtida, waxa uuna tilmaamay in iminkaba la bilaabay dadaalka lagu dhisaayo. “Dowladu wey ka go’an tahay in xarunta lagu soo celiyo dhismaheedii hore waxaanu isla garanay inay muhiim tahay in dalka uu helo tiyaatar lagu dhiirankaro oo ay ku kulmaan dhalinyarta Soomaaliyeed kuwooda fanka jecel” Wasiir Bayle, ayaa sheegay in dhawaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ay dhagax dhigi doonan xarunta Golaha Murtida iyo Wacyigalinta tiyaatarka qaranka, wuxuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaatan dhismaha lagu sameyn doono xaruntaasi. Xarunta Golaha Murtida iyo Wacyigalinta tiyaatarka Qaranka ayaa ka mid ah meelihii ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka, Balse waxaa xusid mudan in ay hada ay socdaan ololo lagu Dayactirayo Xaruntaasi. Sidoo kale, Beyle ayaa cadeeyay in dowlada Somalia qudheeda ay garwaaqsan tahay in muhiim ay tahay in la helo tiyaatar dib loogu soo nooleeyo howlaha Fanka iyo suugaanta. Haddalka Wasiir Beyle, ayaa u muuqanaya mid ay dowlada Somalia ku muujineyso ahmiyada uu u leeyahay tiyaatarka Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Istanbul (Caasimadda Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qoraagii Sacuudiga Jamaal Khashogi oo lagu waayey Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu dhex dilay Qunsuliyaddaasi. “ Baaritaanada hordhaca ah oo ay sameeyeen Booliska Dalka Turkiga ayaa sheegaya in Mr. Khashoggi lagu dilay gudaha Safaaradda dalka Sacuudiga ee Istanbul, waxaan rumeysanahay inuu dilkaan ahaa mid qorsheysan kadibna meydkiisa loo soo bixiyey banaanka Safaaradda” sidaas waxaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay mid kamid ah Saraakiisha dalka Turkiga ee wada baaritaanka ku aadan kiiskaan oo noqday mid hadal heyntiisu uu qabsaday guud ahaan Turkiga. Wakaaladda Wararka Reuters ayaa shaacisay war ay ka soo xigatay Ilo mas’uuliyiinta Amniga dowladda Turkiga ka mida oo sheegay inay gaareen qiimeyn ah in qoraaga lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, kadibna meydkiisa laga saaray xarunta Qunsuliyadda. Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa laga soo xigtay in dilka Qoraaga oo ahaa nin ku kacsan nidaamka Boqortooyada Sacuudiga uu ahaa mid hore loo sii qorsheeyay. Saraakiisha Amniga Turkiga ayaa sheegay in saraakiil Sacuudiyaan oo gaaraya 15 qof ay Qunsuliyadda tageen maalintaasi uu ballanta ku lahaa Qunsuliyadda, iyagoo isla maalintaasina ka dhoofay dalka Turkiga. Illo wareedyada si rasmi ah uma shaacin sida ay u aaminsan yihiin inuu dilkaas u dhacay, Balse Qunsulka Sacuudiga u joogo Istanbul Mohammad al-Otaibi ayaa Sabtidii sheegay inay diyaar u yihiin inay Booliska Turkiga ka caawiyaan baaritaanka Khashoggi, wuxuuna meesha ka saaray inay iyada ku lug leedahay sababtii loo waayey. Qunsulka Sacuudiga ayaa laga soo xigtay in Kaamerooyinka xarunta Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul aysan shaqeynin oo aysan suuragal ahayn in la ogaado xilliga uu qoraaga galay ama ka baxay xaruntooda. Khashoggi oo ku noolaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay Magaalada Washington isagoo ka cabsaneyey inay Sacuudiga ku ciqaabto Ra’yigiisa uu kaga soo horjeedo Boqortooyada ayaa la sheegay inuu Safaaradda u doontay Waraaq meher xaas uu rabay inuu guursado sida ay sheegtay Gabadh uu rabay inuu guursado oo ku sugeysay banaanka hore ee Safaaradda taasoo sheegtay inaysan weli heyn meel uu Wariyahaan kaga soo baxay Safaaradda, waana arrinta weyn uu keentay in dilka wariyaahaan looga shakiyo Safaaradda Sacuudiga ee Istanbul. Tan iyo markii la waayey Qoraagaan, waxaa jiray warar is khilaafsan oo kasoo baxayey Mas’uuliyiin ka kala tirsan Sacuudiga iyo Turkiga, Ankara ayaa sheegtay inaan weli la heyn caddeyn muujineyso inuu qoraagaan kasoo baxay Dhismaha Safaaradda, Halka Ridyadh ay sheegtay inuu Xarunta Safaaradda kasoo baxay isla Maalintii uu galay. Hadidi ay xaqiiq noqoto in Qoraagaan lagu dhex dilay Gudaha Safaaaradda Sacuudiga ee Istanbul Waxay sababi doontana inuu xumaado xiriirka Sacuudiga iyo Turkiga, waxaana warkan uu yahay mid si weyn looga naxay oo faahfaahintiisa la sugayo. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  16. Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ay ka dhacdo doorashada kursi ka bannaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Kursigaan doorashadiisu maanta ay dhacayso ayaa waxaa iska casilay Dhahar Cali Faarax kadib markii loo magacaabay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti. Xubnaha kurisgan ku tartamaya waxaa ka mid ah wasiirjka wasaradda qorsheynta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, iyadoo magaaladaasi ku sugan yihiin guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka oo ay horkacayso guddoomiyaha guddigaasi Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kulan la yeeshay xubno ka socday beesha caalamka, waxaana kulankaasi looga hadlay arrimaha la xiriira khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe. Madaxda beesha caalamka la kulantay waxaa ka mid ah kuwa maamullada Puntland, Galmudug Hirshabelle iyo sidoo kale K/galbeed. Waxyaabaha ugu weyn ee laga hadlay ayaa ah in beesha caalamka iyo IGAD ay soo kala dhexgalaan maamulladan iyo DFS. Dhanka kale, xubnaha beesha caalamka ka socday ayaa iyaguna ka dalbaday maamul goboleedyada iney soo gabagabeeyaan khilaafkan si aanay u hakan howlaha horumarinta Soomaaliya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Doorashada kursi kamid ah aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Doorashada Kursigan oo uu iska’casilay xildhibaan,Dhahar Cali Faarax ayaa dib u dhac ku yimid,kadib markii sida la sheegay ay isku’qabsadeen laba jifiyood oo ka tirsan beesha Dubays ee East Sanaag Clan,hase yeeshee waxaa khilaafkaasi lagu xalliyay kulan wadajir oo ay todobaadkii hore Garoowe ku yeesheen isimida labada dhinac iyo guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee Soomaaliya. Kulanka ayaa laga shaaciyay in jifida Sinlaawe oo awal kursigan lahayd ay ku wareejisay jifida reer Guuleed oo ay ka wada-tirsan yihiin beesha Dubays ee East Sanaag Clan,sidaasi darteedna la xalliyay murankii labada jifiyood,balse lama sheegin wax lagu qanciyay qoloda kursiga wareejisay. Xubno ka soo jeeda jifida reer Guuleed oo uu ku jiro wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya,Jamaal Maxamed Xassan ayaa maanta ku tartamaya kursiga,laakiin dad xog’ogaal ah ayaa aaminsan in xubinta uu wasiirku mar horeba gatay ee doorasho maqaar-saar ah loo qabanayo. Madaxda sare ee xukuumadda Soomaaliya ayaa la rumaysan yahay in ay kaalin weyn ka qaateen,sidii uu kursigaa ugu soo bixi lahaa wasiir Jamaal,si ay Xukuumadda iyo Baarlamanka isu’gu milmaan. PUNTLAND POST The post Garoowe: Doorasho natiijadeeda la sii ogaaday appeared first on Puntland Post.
  19. Aqoonyahan C/raxmaan Daqare oo wax badan kala socda siyaasadda guud ee dalka, islamarkaana ku taqsusay maamulka iyo maareynta hay’adaha dowliga ah ayaa ka hadlay khilaafka kasoo cusboonaaday Hirshabelle. Daqare ayaa sheegay in xilligan aanay Hirshabelle qaadi karin khilaaf soo noq-noqday, islamarkaana muhiim ay tahay iney is fahmaan madaxda sare ee Hirshabelle iyo xildhibaannada. Waxa uu tilmaamay in horey loo tuuray madaxweynihii ugu horreeyey ee Hirshabelle, haatanna miiska lasoo saaray midkii Labaad. Aqoonyahankan ayaa ku taliyey in laga shaqeeyo danta shacabka Hirshabelle, islamarkaana xilligan aanay wax dan ah ugu jirin Hirshabelle mooshinka laga keenay madaxweyne Waare. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Wareysi-Craxmaan-Daqare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay ololaha doorasho ee xilligaan waqtigiisa kasoo hormaray, kaasi oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah shacabkan ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo sidoo kale dowladda ay mashquul ku noqotay ololahan, bedalkii dalka wax loo qaban lahaa. Waxa ay tani ku tilmaameen arrin la doonayo in lagu hakiyo shaqooyinkii shacabka ay ka sugayeen dowladda, islamarkaana hadda la isku sii diyaariyo doorasho aan xilligeeda la gaarin, taasi oo ah 2020. Ugu dambeyn, qaar ka mid ah shacabka la hadlay Goobjoog ayaa ugu baaqay cid walbo oo arrimahan ku lug leh iney ololaheeda la sugto xilliga loogu talogalay, inta ka horreysana ay ka shaqeeyaan howlaha kale ee dalka u baahan in loo qabto. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/VOX-POP.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. ANKARA (Reuters) - Turkish President Tayyip Erdogan said on Saturday he had ordered his ministers to stop receiving consulting services from U.S. firm McKinsey, after a government deal with it came under fire from the main opposition. Source: Hiiraan Online
  22. Muruq-maalka ka shaqeeya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in shaqooyinkoodii ay qaban jireen ay saameyn ku yeelatay ololaha doorashooyinka ka soconaya magaaladaasi. Waxa ay sheegeen in mas’uuliyiinta badankood ay ku mashquuleen sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen doorashooyinkaas, taaasina ay keentay in shaqa la’aan ay soo wajahdo. Sidoo kale waxa ay tilmaameen in doorashooyinkii hore ee ka dhacay Puntland aanu wax saameyn ah ku yeelan, balse tani ay sabab u noqoto in shaqooyinkooda ciriir galaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warbixinta-Saamaynta-Xoogsatada-garowe-ku-yeelatay-doorashada-6-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. When Agnes Mutemi discovered that her first-born daughter Nambia was mentally ill at the age of two, her first reaction was to be ashamed. She remained in denial for several years until she found a school which specialised in caring for children with disabilities. Source: Hiiraan Online
  24. Siyaasiyiin kasoo jeedda deegaannada Hirshabelle ayaa ka hadlay khilaafka soo noq noqday ee maamulkaasi. Waxa ay sheegeen in xalka ugu dhow ee khilaafyada kusoo noqnoqday Hirshabelle ay tahay iyadoo meesha laga saaro madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdi Waare. C/kariin Nuur Xasan, wasiirkii hore ee bay’ada Hirshabelle oo ugu horreyn hadlay ayaa sheegay in khilaafyada badan ee kusoo noqnoqday maamulkaan uu sabab u yahay hoggaanka hadda jira oo shaqadoodu aanay hufneen. Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda ganacsiga Hirshabelle, C/laahi Cali Cilmi ayaa isna sheegay in uusan dhammaaneyn khilaafkan inta laga helayo isbedal dhab ah oo dhanka hoggaanka. Sidoo kale, aragti tan la mid ah waxaa qaba wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Horshabelle, Maxamed Cabdi C/laahi Gabiley, isaga oo tilmaamay in mooshinka laga keenay madaxweyne Waare yahay mid sharci ah. Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kasoo jeeda Hirshabelle ayaa qaba aragti ahaan in meesha uu ka baxo madaxweyne Waare oo ay sheegeen in shaqadii loo baahnaa aanu qaban. Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa mooshin kalsooni kala noqosho ah waxa ay shalay ka keeneen madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, waxaana ka guddoomay mooshinkan guddoomiyaha baarlamaankaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/War-Faadumo-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. ISTANBUL — Turkish investigators believe a prominent Saudi journalist who contributed to The Washington Post was killed in “a preplanned murder” at the kingdom’s consulate in Istanbul, the Post reported Saturday night, citing two anonymous officials. Source: Hiiraan Online