Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,591
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay inay Dayniile noqoto degmada kaliya oo ay ku taalo Saldhig Militari. Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka hadlayay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in degmada ay noqoto xero milateri. “17-ka degmo ee Gobolka Banaadir degmada Dayniile ayaa ka jirto degmo ay Ciidamo Milateri degan yihiin, in degmo ay Milateri degenaadaan wax socon karo ma ahan, mana loo dulqaadan karo”ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow oo intaa ku daray in Madaxda dalka haddii aanay arrintan ogeyn ay ogeysiinayaan. Wuxuu Degmada Dayniile ku tilmaamay inay noqotay mid uu booqdo Taliye kasta oo ciidamada loo soo magacaabo isla markaasna uu sheego inuu booqday Xarumo Militari oo ku yaal Degmada Dayniile. “Maalin kasta Wasiir cusub iyo Taliye cusub ayaa la soo magacaabaa, shaqo kasta uu qabto wuxuu dhahaa waxaa soo kormeeray xeryaha ciidanka Dayniile, horta Dayniile yaa habaaray oo degmooyinka kale u duceeyay, haddii ay noqonayaan in ciidan ay degmada joogaan waa ciidanka booliska oo shacabka kalsooni ku qaba”ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow. Degmada Dayniile ayaa waxay ka tirsan tahay 17 degmo ee Gobolka Banaadir waxaana ku yaalo Xeryo Militari oo ay kamid yihiin Kulliyaddii Jaalle Siyaad, Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xarumo kale oo ay daganaan jireyn Ciidamadii Dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Hadalka Mustaf Dhuxulow ayaa hadal heyn weyn ka dhex abuuray Baraha Bulshada ee Soomaalida, wuxuuna noqday hadal fasiraad kala duwan laga bixiyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Qaahira (Caasimadda Online) – Soo jeedintan oo ay aad uga yaabeen dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka Masar ayaa waxaa xillibaanada soo jeediyay kamid ah xillibaan Maxmuud Badar. Xillibaannada ayaa dugsiyada Quraanka lagu barto ku sheegay meel laga soo saaro waxay ugu yeereen xagjirnimada, iyagoona usoo jeediyay wasaaradaha howshoodu tahay arimahaas iney albaabada isugu laabaan dugsiyadaas. Qoraalka ay soo saareen xillibaanadan katirsan baarlamaanka wadanka Masar waxay ku sheegeen in manaahijta laga dhigo dugsiyadaas ay mamnuucayaan arimo badan oo ay igu u arkaan xalaal, sida heesaha, isdhexgalka ragga iyo dumarka iyo arimo kale. Dadweynaha Islaamka ee ku kala sugan Daafaha adduunyada ayaa si weyn uga hor imaaday tallaabada ay soo jeediyeen baarlamaanka Masar oo ah mid aan laga fileyn. Arintan ayaa muujineysa dagaalka lagu soo qaaday diinta islaamka iyo dadka muslimiinta ee kunool wadanka Masar, waxayna muujineysaa wejiga dhabta ah ee maamulka afgembiga uu hogaamiyo Siisi. Siisi oo ahaa Taliyihii Ciidamada Xoogga Masar ayaa dalkaas afgambi ku qabsaday markii uu jagada ka xoogay Maxamed Mursal oo Maalin cad ay doorteen Shacabka Reer Masar. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  3. Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaadda subax iyo kuwa u sii socday Masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan. Dadka degmada ayaa ku war geliyay guddoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen 17-kii bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan. Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi, waxaana xafiiska xeer ilaalinta weydiistay Garsoorayasha Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii sagaalaad (9) ee sanadkan Baaritaan dheeraad kadib waxa ay soo dhameystireen galdacwadeedka eedeysane Dable Booliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa. Maxkamdda ayaa u fariisatay dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha,waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhaca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda. Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhaca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa. Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhaca dadweynaha. Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow. Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar kamid xaafadaha magaalada, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan dhaca dadweynaha. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo rafcaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Wararka naga soo gaaraya magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in maxkamad halkaasi ku taala ay goordhow biloowday dhageeysiga dacwada loo heeysto madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar. Maxkmada ayaa kal hore muddo 14-cisho ah dib u dhigtay kiiska dacwada loo heeysto Cabdi Maxamuud Cumar iyada oo dib maanta u biloowday. Maxkmada ayaa waxaa hadda ay si toos ah u dhageeysaneeysaa marqaatiyaal kala duwan oo sheegaya in Cabdi Maxamuud Cumar uu galay dambiyo kala duwan. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo heeystaa dilal ,xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, iyo eedeeymo kale. Ciidamada dowlada Itoobiya 27-dii bishii Agosto ayaa xabsiga u taxaabay Cabdi Maxamuud Cumar. Hooyada dhashay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhowaan sheegtay in wiilkeeda jirdil baahsan loogu geeysto gudaha xabsiga iyada oo sheegtay in gudaha xabsiga uu ku xanuunsanayo. Maxkamada ayaa laga yaabaa in ay ku xukunto xukun aad u aad u adag sida ay sheegayaan dad arimahaan si dhow u la socda. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dhageeysiga Dacwada loo heeysto Cabdi Maxamuud Cumar oo bilaabatay appeared first on Puntland Post.
  5. Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta mar kale kasoo hor muuqday maxkamada magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia. Maxkamada ayaa waxaa goordhow ka bilowday dhageysiga Kiiska loo heysto Cabdi Cumar oo dhawaan lagu soo oogay tacadiyo uu kula kacay dadka shacabka. Maxkamada ay ka socto dhageysiga dacwada ayaa waxaa ku sugan Qareenada iyo qaar kamid ah qoysaska Ex Madaxweyne Cabdi Cumar, waxaana halkaa ka muuqda dukumiintiyo lagu diiwaan galiyay kiiska dacwadaha maxbuuska. Dacwadda dhageysigeeda ay maanta bilaabatay ayaa horay u baaqatay muddo 14 cisha ah oo shalay ku ekeyd, waxaana la filayaa in maanta dacwada Cabdi Cumar looga gudbo dhageysiga eedeymaha. Eedeysane Cabdi Cumar ayaa si gaara loogu heystaa kiisas la xiriira dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, balse waxa uu waxkama jiraan ka dhigay dhamaan eedeymahaasi. Cabdi Cumar, waxa uu ku doodayaa in shaqsi ahaantiisa uusan ku tagri falin awooda maamulka, hase ahaatee wax waliba oo dhacay ay ku imaaden talaabooyin lagu ilaalinaayay degnaanshaha dhulka. Ciidamada Koofi casta Ethiopia ayaa Cabdi Maxamuud Cumar kala soo baxay magaalada Jigjiga iyagoo u gudbiyay guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bishii Augosto. Ma cadda halka ay maanta saldhigan doonto dacwada Cabdi Cumar oo u muuqaneysa mid marba marka xigta sii adkaaneysa waxaana xusid mudan in Maxkamada la horgeeyay Hub iyo Dukumiintiyo ku marqaati furaaya Cabdi Cumar.
  6. A TOP Iranian General has vowed to destroy Israel, warning “there will soon be no way to escape but the sea”, raising fears of a major outbreak of conflict in the volatile Middle East. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka UK ee Arrimaha Afrika, Harriet Baldwin oo booqasho ku timid Somalia ayaa ay si kulul uga hadashay Khilaafka Siyaasadeedka u dhaxeeya Madaxda Qaranka Iyo kuwa maamul goboleedyada. Harriet Baldwin, ayaa sheegtay in khilaafka labada dhinac uu yahay mid hoos u dhigaaya dadaalada lagu hormarin lahaa Somalia. Harriet Baldwin, waxa ay tilmaantay inay aad uga xun tahay in Khilaaf ceynkaasi ah uu soo kala dhexgalo Madaxda Qaranka iyo maamulada, waxa ayna ka digtay in xal loo waayo khilaafka. Harriet Baldwin, waxa ay sheegtay in Saddex Boqol oo sano kahor ay dhexdooda uu ka jira khilaaf, isla markaana ay dooneyso inay la qeybsato khibrada ay u leedahaay marka loo eego dalkeeda iyo sida loo xaliyay, waxa ayna tilmaantay in adduunka ay ahmiyad gaara u leedahay midowga Somalia. Harriet Baldwin, oo walaac ka muujisay Khilaafka ayaa ku talisay in wax walba iyo tabashooyinka jira lagu xaliyo miiska wadahadalka. “Khilaaf waxa uu ku imaada si fudud waxaa aad u adkaata in xal loo helo khilaaf, walaaca aan ka muujineyno khilaafka bedelkiisa waxaanu dalbaneynaa in xal loo raadiyo” Waxa ay Harriet Baldwin sheegtay inay ku baaqeyso in leysla fahmo khilaafka jira iyo xalkiisa isla markaana laga wada hadlo iyadoo dib loo eegayo maslaxada shacabka. Sidoo kale, waxa ay bidhaamisay in khilaafyada ceynkaasi ah ay hakiyaan dhamaan shaqooyinka muhiimka ah, balse waxa ay qirtay in Madaxda dalka ay uga danbeyn doonaan arrimaha Somalia. Dhinaca kale, Harriet Baldwin ayaa mar kale ku baaqday in xal loo helo walaaca ay ka qabaan khilaafka u dhexeeya dowlada iyo maamulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online)-Warbixin laga diyaariyay weerarada argagixiso ee ka dhaca caalamka ayaa waxaa lagu muujiyay in hoos u dhac uu ku imaaday kadib markii la wiiqay awoodaha Kooxaha Argagixiso. Warbixinta oo si wad jira ay usoo saaren Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in la wiiqay awoodaha Kooxaha argagixiso 3-dii sano ee la soo dhaafay. Waxaa lagu sheegay warbixinta in weeraradii dhacay sanadii 2017kii ay 23% ka yaryihiin kuwii dhacay sanadkii ka horeeyay ee 2016kii. Warbixin lagu qoray bogga Europeansting ayaa waxaa lagu sheegay in Sanadkii 2017 ay dhaceen 8,584 weerar oo heer caalami ah marka la bar bar dhigo sanadkii 2016ki oo ay dhaceen 11,150 oo weerar ah,waxa ayna dhimashada ka yartahay 7,000 oo qof. Waxaa warbixinta lagu qeexay in weeraradaas ay ka kala dhaceen ilaa 100 dal oo kala duwan balse kuwooda ugu khasaaraha badnaa ayaa si gaara uga dhacay wadamada kala ah Ciraaq, Afghanistan, Hindiya, Pakistan iyo Philippines. Shanta dal ee kor ku xusan isla markaana ay ka dhaceen weerarada ugu badan ayaa ah 59% weerarradii la fuliyay sanadii 2017kii. Waxaa lagu sheegay warbixinta in dalalka ugu badan oo ay ka dhacday dhimashada ay kala yihiin; Afghanistan, Ciraaq, Nigeria, Somalia iyo Syria. Sidoo kale, warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in weerarada ugu badan ay geysteen Xagjiriinta Daacish, hase yeeshee waxaa awoodooda lagu wiiqay dagaaladii adkaa ee ka dhacay Ciraaq iyo Syria. Weerarada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalada Daacish ayaa sanadkii 2017kii hoos u dhacay haddana waxaa jira dalal ay aad u kordheen weerarrada iyo dhimashadaba waxaana ka mid ah; Masar oo ay dhimashada korodhay 124%, Soomaaliya oo ah 100%, iyo Philippines oo ah 20%. Si kastaba ha ahaatee, waxaa leysku raacay in hoos u dhac weyn uu ku imaaday howlgalada argagixiso ee qalqal galiyay adduunka.
  9. Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysnaa ay weerar ku qaaden gaari ay la socdeen dad shacab ah. Dadka la socday gaariga la weeraray ayaa xiligaasi kusii jeeday magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug, iyadoo weerarka uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyootay, Afar kalena way ku dhaawacmeen, waxa uuna xiligaa gaariga maraayay wadada u dhaxeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo. Weerarka gaariga ayaa yimid kadib markii ay darawalka gaariga ku amreen inuu istaago, balse amarka uu ka dhego adeegay. Saraakiisha Amaanka Galmudug ayaan wali ka hadal weerarka lagu qaaday gaariga iyo dadka ay waxyeeladu soo gaartay. Si kastaba ha ahaatee, deegaanka lagu weeraray gaariga ayaa waxaa waayadan isku hayay laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah, kuwaasi oo ku heshiin waayay dhul daaqsimeed. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  10. Markii ay dowladda federaalka ku dhawaaqday inay kasoo horjeeddo musharaxnimada Mukhtaar Roobow ee xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaa billowday dood lagu taageerayo ayada oo qiil laga dhigayo in xubno horey Al-Shabaab uga tirsanaa ama ku dhowaa ay xilal hayaan iminka. Waxaa tusaale loo soo qaatay Sheekh Shariif, oo madaxweyne soo noqday, Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha Jubbaland, iyo Zakariye Ismaaciil Xersi oo ah madaxa sirdoonka NISA. Waxaan rabaa inaan si gaar ah ugu eego qormadan sababta Zakariye iyo Roobow aysan isku mid u ahayn, islamarkaana Zakariye loo aamini karo, oo aan loo aamini karin Roobow. 1 – Zakariye ma qasbaneyn – Markii uu Zakariye dhowr snao ka hor kasoo goostay Al-Shabaab, oo uu dowladda isku soo dhiibay, wuxuu sidaas ku sameeyey doorashadiisa, iyo inuu ogaaday in Al-Shabaab aysan dan u ahayn dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Ma jirin cadaadis saarnaa oo go’aankaas ku qasbay. Hase yeeshee Roobow, wuxuu kasoo baxsaday Al-Shabaab ama laga bad-badiyey, ayada oo naftiisa ay halis ku jirto, oo u baahan dowladda. Inkasta oo Al-Shabaab ay is-khilaafeen, haddana muddo ayuu iskiis u ahaa argagixiso, oo ma dooran inuu dowladda isku dhiibo. 2 – Zakariye waa is-caddeeyey – Zakariye markii uu dowladda usoo goostay, wuxuu si cad u cambaareeyey Al-Shabaab, una sheegay inuu ka baxay. Sidoo kale wuxuu cambaareeyey falalka argagixiso. Roobow warkiisa wuxuu u ekaa nin laba qalbiyeyn ay ku jirto. Xitaa inuu isa soo dhiibay ma sheegin, ee wuxuu yiri “Dowladda wada-hadal ayaa na dhex-maray”, ilaa hadda Roobow ma cambaareyn falalka argagixisanimo. 3 – Zakariye waqti ayuu sugayey – Ka hor inta aan xilka madax sirdoonka NISA laga dhigin, Zakariye sanado badan ayuu dowladda la shaqeynayey. Wuxuu dalka ku biiriyey macluumaad badan oo Al-Shabaab ku saabsan, oo nolol badan ay ku bad-baaday. Waxaa gudbay waqti badan oo dowladdu ku ogaatay inuu daacad yahay. Roobow sanad ka yar ayaa kasoo wareegtay markii uu soo goostay welina lama yaqaan waxa u qarsan. 4 – Zakariye wuxuu ku dhex-jiraa DF – Zakariye, waxa uu ku dhex jiraa dowladda, oo dhinac ugama baxsana, wayna fududahay in la ogaado, xitaa haddii qaladaad laga arko, balse Roobow wuxuu doonayaa inuu maamulo 3 gobol oo Al-Shabaab ay ku xooggan yihiin. Bal qiyaas, hadduu madaxweyne noqdo, oo saddexda gobo gobol ee Baay, Bakool, iyo Shabeellaha Hoose uu hoos geeyo Al-Shabaab. Sidaas darteed Roobow iyo Zakariye isku mid maaha, qiilna loogama dhigi karo in Roobow lagu aamino saddex gobol. W/Q Saciid Axmed Cabdullahi London, United Kingdom Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filaa inuu maalmaha soo socda ogolaado hindise cusub oo noqon-doona Istaraatiijiyad ay Mareykanku ku Maal-geshtaan qaaradda Afrika. Qorshahan Maalgeshiga Mareykanka ee Afrika, waxaa dejiyey shakhsiyaad ku jira Congress-ka, qorshaha ayaa ah mid lagula dagaalayo saameynta dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee Shiinaha ka wado qaaradda Afrika gaar ahaan dalalka ka hooseeya saxaraha. Mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda oo Saxaafadda la hadlay waxaa uu yiri “Qorshahan waxaa uu badal wanaagsan u yahay maalgeshiga Shiinaha”. Qorshahan maalgeshiga Mareykanka oo loogu magac daray “Adeegsiga wanaagsan ee maalgeshi keena horumar”, waxaa ku baxaya $60 billion. Dalalka Afrika ee ka faa’ideysanaya maalgeshiga Mareykanka waxaa ka mid ah dalalka bariga Afrika. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Ilaa 5 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar ay malayshiyaad hubaysan ku qaadeen gaari marayay wadada xiriirisa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee gobolka Mudug. Gaariga la weeraray oo ay la socdeen dad shacab ah ayaa ka yimid dhinaca degmada Hoboyo,waxaana sida la sheegay dhabbaha u galay koox hubaysan oo aan ilaa iyo haatan haybtooda la garan. Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxdii weerarka geysatay ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale maydadka dadkii halkaasi ku dhintay ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland post The post Ilaa 5 ruux oo ku dhintay weerar ka dhacay Mudug appeared first on Puntland Post.
  13. Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay cabasho xooggan kaga muujiyeen amni darro baahsan. Waxa ay sheegeen in canshuur badan ay bixiyaan, hadane aanay jirin cid wax ka qabata cabashadood, maadaama dhibaato lagu hayo. Xilliyada galabkii ayeey sheegeen in suuqa ay soo galaan rag hubeysan oo dhacaya shacabka iyo ganacsatada, walibana dhibaato ku haya dadka. Dowladda ayeey ku dhaliileen iney ka gaabisay wax ka qabashada ammaanka guud ee suuqa Bakaaraha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/GNACSATTDA-BAKAARO-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Xildhibaannadii mooshinka ka keenay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dib uga laabtay mooshinkooda, kadib markii wadahadal uu dhexmaray xildhibaannadan iyo madaxweynaha. Munaasabad xalay ka dhacday magaalada Jowhar, ayaa lagu shaaciyey in mooshinkaasi laga heshiiyey, islamarkaana dib uga laabashadiisa ay kaalin weyn ka qaadatay dowladda federaalka. Cismaan Barre Maxamed, guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in mooshinkaan uu ahaa canaan oo kaliya, loona baahan yahay in uu madaxweynaha iska saxo haddii ay qaladaad jiraan. Mooshinkan ayaa mudadii uu jiray waxa uu caqabad weyn geliyey howlihii shaqo ee maamulka Hirshabelle. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Hirshabelle.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Xubno ka tirsan xildhabaannada Baarlamanka Hirshabeelle ayaa xalay shaaciyay in ay ka laabteen mooshin ay ka gudbiyeen madaxweynaha maamulkaasi,Maxamed Cabdi Waare. Xildhibaannada ayaa ka hor inta aysan go’aankooda ka laaban,waxay kulan albaabafu u xidhan yihiin madaxtooyada kula qaateen madaxweyne Waare. Markii kulankaasi soo dhammaaday ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed wuxuu halkasi kaga dhawaaqay in xubnihii mooshinka keenay ay ka noqdeen,isagoo ku ammaanay in ay shaqadooda gudanayaan. Madaxweynaha Hirshabelle,Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa goobta ka sheegay in mooshinka laga keenay u canaan ahaan u qaadanayo,islamarkaana uu dib u saxayo waxyaabaha lagu dhaliilsanyahay. Xildhibaannada mooshinka gudbiyay ee haatan sheegay in ay ka laabteen oo gaaraya ilaa 50 mudane,ayaa madaxweynaha Hirshabeelle ku eedaynayay xil gudasho la’aan joogta ah iyo in hay’adihii xukuumaddu fadhiid noqdeen. PUNTLAND POST The post Xildhibaanno mooshin ka keenay Waare oo ka laabtay appeared first on Puntland Post.
  16. Muslim Russian fighter leaps into McGregor's corner and sparks scuffles after retaining lightweight title in Las Vegas. Source: Hiiraan Online
  17. October 2018 marks seven years since the Kenya Defence Forces (KDF) crossed the border into Southern Somalia on October 16, 2011 in pursuit of the al-Qaeda affiliated Al-Shabaab group, which had kidnapped foreign tourists and aid workers inside Kenya. Source: Hiiraan Online
  18. Africa's richest man Aliko Dangote has said he needs 38 visas to travel within the continent on his Nigerian passport. Many European nationals, meanwhile, waltz into most Africans countries visa-free. Source: Hiiraan Online
  19. Kylian Mbappe tore Lyon to shreds on Sunday with four goals as a 5-0 thrashing at the Parc des Princes saw Paris Saint-Germain set a new French top-flight record of nine straight wins to start a season. Source: Hiiraan Online
  20. The disappearance and alleged killing last week of dissident Saudi Arabian journalist Jamal Khashoggi while he was visiting the Saudi Consulate in Istanbul is only the latest challenge to a U.S.-Saudi relationship that both governments have diligently cultivated. Source: Hiiraan Online
  21. The world stands on the brink of failure when it comes to holding global warming to moderate levels, and nations will need to take “unprecedented” actions to cut their carbon emissions over the next decade, according to a landmark report by the top scientific body studying climate change. Source: Hiiraan Online
  22. Britain has cautioned against premature withdrawal of African Union troops from Somalia, saying such a move could be detrimental to the stability of the Horn of African nation. Source: Hiiraan Online
  23. Lawmakers for a regional state in Somalia shelved a vote of confidence against their president on Sunday in what appeared to be a tactical retreat following talks with the embattled leader who had to cut short of a trip in Mogadishu amid the looming vote Source: Hiiraan Online
  24. MOGADISHU (HOL) – The Al-Qaeda linked al-Shabab group warned the Somalia’s independent education umbrellas against direct collaboration with the government which is struggling to shake up the country’s education system wrecked by decades of conflict in its efforts to introduce the country’s new education curriculum across the country. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka daraasaadka amniga ee Hiraal ayaa soo bandhigay warbixin xog badan ka bixisay madaxda kooxda Daacish ee dalka Soomaaliya iyio beelaha ay kasoo jeedaan. Haddaba magacyada hoos ka aqriso. Sheikh Cabdulqadir Muumin waa hoggaamiye hore al-Shabaab ee Waqooyi Bari Soomaaliya. Waxa uu oday dhaqameed u yahay beesha Cali Saleebaan, Majeerteen, Daarood waxa uu si weyn u abaabulay hoggaanka DAACISH isaga oo adeegsanaya qaab dhaqan qabiil. Inta badan saraakiishiisa waa weyn waxa ay ka soo jeedaan Cali Saleebaan/Daarood, walow uu Muumin uu isku dayey in uu ku soo daro shaqsiyaad ka soo jeeda bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin qabiilada Mogadishu Clan, kuwaas oo ku badan Al Shabaab. Muumin waxa uu haystaa laba dhalasho oo ay midi tahay UK waxa uuna ku biiray Al Shabaab 2010kii. Waxaa jirta xan sheegeysa in uu xanuunsan yahay. – Mahad Macaim Jajab (Oo Sidoo kale loo yaqaan Caaw Geele), waa hoggaamiyihii hore Dacwada ee AL-SHABAAB, waana ku xigeenka Amiirka. Sida Muumin, waxa uu ka soo jeeda Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood. Sida laga soo xiganayo Mareykanka oo ku daray liiska argagixisada caalamka bishii Febraayo. 2018 waxa uu ahaa mas’uul ka ahaa in uu maraakiib ka caawiyey dagaalyahanno iyo Hub Soomaaliya ka soo galay Yaman. Waxa uu ka soo goostay Al Shabaab bishii December 2015 markaas oo uu ahaa ku xigeenka dhaqaalaha AL-SHABAAB buuraha Golis. Waxa uu saldhiggiisu yahay gobolka Bari. – Cabdiraxmaan Faahiye – oo sidoo kale loo yaqaan (Axmed Aadan, Khaalid, Yacquub iyo Burane), waa Ciise Maxamuud/Majeerteen. Waxaa sidoo kale la warinayaa in uu yahay ku xigeenka Muumin. Waxa uu ka dambeeyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Bosaaso ka dhacay bishii Maajo 2017. Waxa uu ka soo jeeda Dishiishe, Daarood. – Abuu Yusuuf, sidoo kale waa Majeerteen/Daarood waana muwaadin Mareykan ah, waxa uu qaabilsan yahay arrimaha dibedda. – Cabdixakiim Dhuqub, waxa uu hore u ahaa macallin School iyo hoggaamiye Al Shabaab oo gobolka Bari ah. Waxa uu ahaa isku xiraya Al Shabaab iyo koox si gaar ah dagaal yahanada u soo daabusha ilaa iyo 2014/2015. Waa jufada Ismaaciil Cali, Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood waana Ina adeerka Muumin. Dhuqub waa madaxa arrimaha siyaasadda ee DAACISH. – Xamse Farey waa madaxa Dacwada, waxa uuna ka bedelay Mahad Macallin. Waa Majeerteen/Daarood. – Macallin Bashiir oo sidoo kale loo yaqaan (Cabdullaah Buur) waa Majeerteen/Daarood waxaana sidoo kale la wariyey in uu ahaa madaxa Dacwada ee ISIS. -Cabdiqani Luqmaan waa madaxa hawlgaladda Militariga. Waa midkood Cali Saleebaan ama Leelkase. – Abu Xafsa waa Gaaljecel/Mogadishu Clan waana ku xigeenka Luqmaan. Waxaa da’diisa lagu qiyaasaa 30 jir waxa uuna xubin ka ahaa Al Shabaab-ta gobolka Hiiraan. Waxaa ka qabaa in uu yahay diiwaan galiyaha dagaal yahanada Koonfurta Soomaaliya oo uu kala shaqeeyo in loo yaqaan Jabal. – Fahad Aboole waa Ogaadeen/Darood waana madaxa saadka ISIS. – Xamsa waa abaanduule ciidan, waa Xawaadle/Mogadishu Clan. – Jacfar Dabashan waa abaanduule Ciidan. Waa Cismaan Maxamuud/Majeerteen/Daarood. – Cabdirashiid oo loo yaqaan sidoo kale (Mukhtaar), waa madaxa haynta hubka waxa uuna xiriir la leeyahay kooxaha sida sharcu daradda ah ku soo galiya ee ka shaqeeya gobolka Waqooyi Barri (Cauluula iyo Qandala). Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay in uu madax u yahay amniyaadka (Waaxda sirdoonka iyo mukhaabaraadka). -Xubnaha kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah Cabdiwali Maxamed Aw Yusuf “Walah” Waa Jifida Ismaaciil Cali, Cali Saleebaan/Majeerteen/Daarood; Abshir Maxamuud Mire Maxamuud oo sidoo kale loo yaqaan (Abshir Gardheere); Jaamac Ismaaciil Said Saalax oo sidoo kale loo yaqaan (Jaamac Dheere); Axmed Cumar Cali “Beerdhagax” (Waxaa looga shakinsan yaahy in uu hubka keeno); Cabdiraxmaan Yusuf Maxamuud Aadan; iyo Maxamed Bile Gash Yuusuf.