Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,594
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo gordhow ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in shirkii madax goboleedyada dalka ee lagu waday inuu tobanka bishan ka furmo magaalada Garowoe uu dib u dhacay kadib go’aan iyo cadaadis xooggan oo ka yimid beesha caalamka. Shirka ayaa dib loo dhigay illaa 15-ka bishan, sida xubno ku dhow madax goboleedyada ay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Wakiilada beesha caalamka oo laba maalmood ka hor madax goboleedyada kula kulmay Nairobi, ayaa u sheegay in shirka ay dib u dhigaan, ayada oo beesha caalamka ay rajeeneyso inay xal gaaraan ayaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ka hor shirka. Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay rumeysan tahay in qodobo kale oo shir ka dhaca Garoowe kasoo baxa ay kasii dari karaan khilaafka, oo sii fogeyn karaan dowladda dhexe. Beesha caalamka ayaa lagu warramayaa inay iminka wada-hadallo la leedahay dowladda dhexe, oo ay dhankooda dhageysanayaan, waxaana jira dadaal la doonayo in ra’iisul wasaare Kheyre ku tago magaalada Nairobi, si uu ula kulmo. Si kastaba, kheyre ayaa la sheegay inuu ku adkeysanayo inaanu tegi doonin Nairobi, ayada oo uu horey u sheegay inaanu aqbali doonin in daraf saddexaad uu dhex-dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madax goboleedyada. Madax goboleedyada ayaa la sheegaya in ilaa 15-ka bishan siiyeen beesha caalamka, haddii xal lagu gaari waayana ay ka go’an tahay inay shirka qabtaan. Shirka ayaa la filayaa in markii ugu horreysay ay ka qeyb-galaan madaxda xisbiyada mucaaradka dowladda qaarkood, laguna dhiso isbaheysi xooggan oo ka dhan ah dowladda dhexe. Halkan ka aqri xogtaas. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  2. Jowhar (Caasimada Online)-Xogo dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan hanaanka loo maray xalinta Mooshinka laga diyaariyay Hogaamiyaha maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare. Mooshinka oo ahaa mid ay saxiixeen 54 Xildhibaan ayaa waxa uu Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare ku furfuray dhaqaale xoogan oo la sheegay in lasiiyay Xildhibaanada. Waare oo dareensan culeyska Mooshinka uu watay ayaa Xildhibaankiiba siiyay lacag dhan min 2,000 oo dollarka Mareykanka uu kala sii tagay magaalada Muqdisho. Mid kamid ah Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa caasimada Online u xaqiijiyay in Xildhibaanada lagu kala furfuray dhaqaale, isagoo cadeeyay in Xildhibaankiiba uu Hogaamiye Waare siiyay lacag dhan laba kun oo dollar. Xildhibaanka oo ka gaabsaday isticmaalka magaciisa ayaa tilmaamay in Hogaamiye Waare qudhiisa uu qabay dareenka Mooshinka iyo sababaha ka danbeeyay in la diyaariyo Mooshinka, taa oo sabab u noqotay in xal degdeg ah laga gaaro Mooshinka. “Runtii mooshin waliba waxa uu muujiyaa dareen gaara inta badan mooshinada waxaa ay tilmaaman baahi markaa jirta oo la doonayo inuu xaliyo hadba qofka laga keeno mooshinka” Sidoo kale, Mooshinka xalkiisa loo maray dhaqaalaha ayaa Hogaamiye Waare u noqonaaya kii Seddexaad uu ku xaliyay dhaqaale, waxa uuna mar waliba yahay mid dareenkiisa qaba. Si kastaba ha ahaatee, inta badan Xildhibaanada baarlamaanada min heer Federaal ilaa Maamul Goboleed ayaa Mooshinka u adeegsada mid ay ku xaliyaan baahiyahooda gaarka ah. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  3. Bosaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland maanta gaaray wafdi ka socda Guddiga Dastuurka ee heer Federaal waxaana si diiran usoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka. Wefdiga oo xubno dhowra ayaa waxaa horkacaaya Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee BFS Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid). Wefdiga ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ay uga qeybgalaan shirweynaha labaad ee dib u eegista Dastuurka Somalia oo ka ka furmi doona magaalada Garoowe. Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Qeybdiid oo halkaa kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in shirweynaha uu socon doono muddo Seddex cisho ah. Qeybdiid, waxa uu sheegay in shirka uu noqon doono mid daahfur u ah la tashiga cutubyada dib u eegista lagu sameeyey ee 1aad ilaa 5aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya. Sidoo kale, Sanator Qeybdiid waxa uu tilmaamay in shirka ay ka filayaan natiijo aad u wanaagsan oo ku qotoma arrimaha Dastuurka.
  4. Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in lakala qaado Maleeshiyo beeleed muddo 6 sano ah isku hor fadhiyay magaalada Marka ee Xarunta Shabeellaha Hoose. Ciidamada ayaa ku guuleystay in ay maleeshiyaadka ka soo saaraan daaro dhaadheer oo muddo dhufeyso iyo aagag dagaal u ahaa labada dhinac, waxaana ugu dambeyn la isugu keenay barxad weyn oo ku taala bartamaha magaalada. Saraakiisha Ciidanka ayaa halkaas kula hadlay melayshiyaadkaas, iyagoona ku wacyi geliyey ilaalinta nabadda, qiimaha dowladnimada iyo in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah cadowga umadda Soomaaliyeed ee argagixisada Alshabaab. Horjoogeyaashii kooxahan dirirtu ku dhex martay magaalada Marka ayaa soo bandhigay dhibaatada iyo nolol xumida ay ka dhaxleen colaadda soo jiitamaysay muddada 6-da sano ah, iyagoona ballan qaaday in ay ka shaqeynayaan horumarinta deegaankooda iyo xoojinta isku duubnida bulshada magaalada Marka. Sidoo kale, waxgaradkii magaalada Marka ee goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in colaaddan ay ahayd mid ay ka shaqeeyeen argagixisada Alshabaab, balse haatan loo midoobay sidii Shabeellaha Hoose oo dhan looga xoreyn lahaa cadwagan caadeystay dhibaateynta dadka deegaanka. Dhinaca kale, shacabka magaalada Marka ayaa isugu soo baxay fagaareyaasha magaalada si ay u muujiyaan dareenkooda farxadeed ee ku aaddan heshiisiinta dadkan walaalaha ah iyo dib u soo celinta isu socodka magaalada.
  5. Muqdisho (PP) ─ Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxay kaga hadleen ka tashiga furitaanka kal-fadhiga afaraad ee Aqalka Sare, Waxayna sidoo kale iska xog-wareystay halka uu marayo dadaaladii ay wadeen Xubanah Golaha Aqalka Sare ee lagu xalinayay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Dowlad-gobolleedyada dalka. Intii uu kulanku socday ayay xildhibaannadu waxay aragtiyo kala duwan ka dhiibteen furitaanka kal-fadhiga afaraad ee Golaha Aqala sare, waxaana shir-guddoominayay kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdii Xaashi C/llaahi. Hab-dhowraha Golaha Aqala Sare ee Baarlamanka Somalia, Senator C/kaafi Macallim Xasan oo kulan kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la isku-af-gartay in ugu dambeyn kalfadhiga afaraad ee Golaha Aqalka Sare uu furmo 15-ka bishan Oktoobar. Sidoo kale, Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia ayaa muddooyinkii danbe ku mashquulsanaa dhammeynta is-af-garan-waagii soo dhex-galay Dowladda Federaalka Somalia iyo Dowlad-goboleedyada dalka, balse weli ma jiro wax heshiis ah oo ay soo saareen. Dhanka kale, Aqalka Sare ayaa wuxuu horay u diiday in kal-fadhigooda uu la furmo kal-fadhiga afaraad ee Aqalka Hoose oo furmay 10-kii bisii hore ee la soo dhaafay, iyagoo u andacooday inay u yaallaan hawlo u haahan inay wax ka qabtaan furitaanka kal-fadhigooda ka hor. Ugu dambeyn, Aqalka Sare oo xubnihiisu ay ka kooban yihiin 54-xubnood, ayaa matala maamul-goboleedyada dalka ka jira, waxaana hawlahooda inta ay ku wajahan yihiin xal-u-helidda murannada soo dhex-gala Dowladda dhexe iyo dowlad-gobleedyada ay matalaan. PUNTLAND POST The post Xilliga uu furmayo Kal-fadhiga Afaraad ee Golaha Aqalka Sare oo la Shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (PP) ─ Taliska AMISOM ayaa saraakiisha Booliiska Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir ku wareejisay Saldhigga booliiska degmada Deyniile oo ay dayactir ku sameysay dowladda Japan oo kaashanaysa Waaxda Arrimaha Bulshada ee ciidanka Midowga Afrika. Taliyaha booliiska AMISOM, Christine Alalo oo xafladdii lagu wareejinayay saldhiggan ka hadashay ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ka caawinayaan tayaynta kaabayaasha iyo dhismaha awoodda ciidamada. Sido kale, Christine Alalo ayaa sheegtay in AMISOM ay ka go’an tahay inay Tababarto, isla markaana qalabeyso Ciidamada Booliiska Somalia, si ay u helaan xirfado lagama maarmaanka u ah inay daboolaan baahiyaha amni eek a jira dalka. Waxaa saldhigan dayactirka lagu sameeyay lagu soo kordhiyay qaybo cusub waxaana lagu xiray nalalka ku shaqeeya cad-ceedda, iyadoo ciidankana loo qaybiyay 3,000 oo buug, si ay ugu adeegsadaan diiwaan-gelinta dacwadaha, sida ay sheegtay Mss Alalo. Dhanka kale, Taliye kuxigeenka Booliska Somalia, Zakiya Hussein ayaa ugu mahad-celisay AMISOM dadaalkoodii ku aadanaa dayactirka saldhiggan iyo caawinta ciidamada booliiska Soomaaliya. Shacabka ku dhaqan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa aad u soo dhaweeyay saldhiggan dib loogu hir-geliayay deegaankooda, kaas ay sheegeen inuu ka shaqeyn doono amniga guud ee degmadooda. Ugu dambeyn, Booliiska AMISOM ayaa horay tababarro u siiyay ciidammo ka tirsan booliiska Soomaaliya, kuwaasoo ka hawl-gala guud ahaan Gobollada dalka iyo Magaalada Muqdisho, taasoo qayb ka ah qorshaha sugidda amniga guud ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post AMISOM oo Booliiska Somalia ku Wareejisay Saldhig ay Dayactir ku Sameeyeen appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Maxkamadda cidiamada xoogga dalka Somalia ayaa ku ridday maanta xukun xabsi ah, dable booliis Maxamed C/kariin C/llaahi oo laga soo qabtay Agagaarka xaafadda Jaamacadaha ee Degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka kasoo baxay salaadda Subax iyo kuwa kale oo u sii socday masjidka. Askarigan la xukumay ayaa waxaa Guddoomiye Waaxeedka Xaafaddaas iyo Taliyaha Rugta Boliiska ku wargeliyay shacabka, iyadoo ugu dambeyn lagu soo qabtay dambiilahan la xukumay hawlgal ay ciidamadu sameeyeen 17-kii bishii bishii hore. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii hore baaritaan dheeraad kaddib waxay soo dhameystireen Gal-dacwadeedka eedeysanaha, waxayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa. Dhageysiga dacwadda intii ay socotay ayaa mid ka mid ah dadkii dhibaatada uu u geystay wuxuu garsoorayaasha maxkamadda u sheegay in xilliga dhaca uu u geysanayay eedeysanahan uu u cararay masjidka balse nasiib-xumo uu kaga soo daba-galay masjidka oo uu taleefooka ka qaatay. Intaas kaddib, Xeer-ilaalinta ayaa sidoo kale soo bandhigtay teleefoonnadii uu dhacay eedeysanaha, wuxuuna ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, Ismaaciil Salaad Maxamed uu ku dooday in lagu xukumo eedeysanaha xukun tusaale u noqda kuwa weli ku mashquulsan dhacca dadweynaha. Sidoo kale, Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka maxkamadda maadaama uu qirtay dambiyada lagu soo oogay oo dhan. Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed C/kariin 8-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu Col. Xasan C/ramxaaan Aadan Wabiyow u sheegay dhamman dhinacyada ka qayb-galayay dacwadda. Wuxuuna intaas ku daray in eedeysanaha ay furan tahay inuu rafcaan ka qaadan karo haddii uusan xukunka ku qancin. Ugu ambeyn, Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar ka mid Xaafadaha Muqdisho, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan dhaca dadweynaha. PUNTLAND POST The post Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DF oo Xukun ku Ridday Askari dhac geysan jiray appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Caasimada Onlien) – Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda. Waaxda Zakawaat waxa ay soo ururisaa waxyaabaha aan lacagta ahayn ee Shabaab ay dadka ka qaaddo, sida xoolaha iyo dalagyada beeraha kasoo go’a, halka Xafiiska Maaliyadda uu ururiyo lacagta canshuurta ah. Zakawaad waxaa qaada/uruuriya ciidamo laga kala keenay waaxo kala duwan oo ka tirsan Al Shabaab kuwaas oo garab ka hela madax dhaqameedyada. Ciidamadan waxaa la hawl galiyaa marka laga gaaro xilliga qaadista oo caadiyan ah bisha Ramadaan. Qaadista Zakawaadka waxa ay ka bilaabataa 25 halaad oo laga bixiyo hal neef, halka hal Ri’ laga bixiyo afartankii neef oo Ari’ ah. Qaadista Zakawaat-ka si isku mid ah ayaa looga sameeyaa dhammaan deeganada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo ay ku jiraan degmooyinka aysan Al Shabaab gacanka ku hayn. Kuwa Zakawaadka qaada waxa ay xoolo dhaqatada siiyaan warqad caddeyn ah ama Risiit; kuwa lumiya warqadda la siiyo waxa ay bixiyaan canshuur labaad sanadka xiga. Tani waxa ay xaqiijineysaa in xoolo dhaqatada ka maqnaa dhulka Al Shabaab sanadka la qaadayey aysan ka baxsan bixinta Zakada. Qiimaha lacagaha la bixiyo wey ku kala duwan yihiin degmooyinka. Tusaale, Bardaale, sanadkii 2017, Waxaa Alshabaab u suuragashay in ay ka uruuriyaan 2200 (Laba kun iyo laba boqol) oo Ari iyo 171 (Boqol todobaatan iyo kow) Geel. Deegaanada ku dhaw Muqdisho isla sanadkaas, waxaa laga uruuriyey 100 (Boqol) Geel iyo 1500 (Kun iyo Shan boqol) oo Ari. Tani waxa ay ka dhigan tahay in xoolahan ay aad u yar yihiin maadama dadka deegaanka dagan yihiin Beereley iyaga oo ku dhaw Muqdisho oo ay ku teetsan yihiin magaalooyin waa weyn. Sidoo kale, Zakadii laga uruuriyey Baraawe 2017 waxa ay ahaayeen 600 (Lix Boqol) oo Geel iyo 800 (Sideed Boqol) oo Ari; Wanlaweyn waxaa laga uruuriyey 700 (Todobo Boqol) iyo kumanaan Ari ah. Xoolaha waxaa laga iibiyaa ganacsato xiriir la leh Al Shabaab oo laga siiyo qiime ka hooseeya inta uu guud ahaan suuqa laga bixiyo. Qiimaha neefka Geela waa 40 ilaa iyo 600 oo Doolar halka Ari-ga laga bixiyo 30 Doolar Degmooyinka kor lagu soo magacaabay kuma jiraan gacanta Al Shabaab, hadana kooxda waxa ay awood u heshay in ay wax ka bada 1M oo dollar OO Zakawaad-ha ka uruuriso sanadkii 2017. Taas waxa ay bixineysaa tilmaam ah in sanadkii qiyaas ahaan 8 Milyan oo Doolar ayey Zakawaad ahaan uga soo uruuriyaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. Marka lacagta heer degmo laga soo uruuriyo, qeyb ka mid ah waxaa la siiyaa dadka dan yarta ah laakiin inta badan lacagta waxaa loo diraa maamuleyaasha gobolada halkaas oo loogu dhiibo xafiiska Bangiga Maaliyadda. Qeybta xigta warbixintan waxaan ku eegeynaa xafiiska maaliyadda Al-Shabaab, insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. MOGADISHU (Caasimada Online)–Somali police officer has been sentenced to 8-years in prison for his role relating to commit extortion and robbery in the capital of Mogadishu. Mohamed Abdikarim Abdullahi was sentenced to remain 8-years in jail for robbing of mobile phones at gunpoint in Somali capital. The court said he was arrested by security forces after operation in the capital Mogadishu. court heard that Abdullahi was convicted for committing series of robbery. In one case his victim ran into a mosque but Abdullahi followed him inside to take phone. The robbery cases has been rising in the capital for the past months, after country’s security ministry made security soldiers’ reshuffle. Last week, four armed men, whose faces covered with bandanas pointed their handguns (pistols) at dozens of people having lunch at busy restaurant in the country’s largest Bakara market in the capital of Mogadishu. The suspects reportedly robbed up to 30 people from all their money and smart-phones, according to a witness, who asked to be unnamed, because of reprisal attack on his life. Mogadishu capital has been witnessing series of assassinations against Somali soldiers, civil servants, and other senior government staff members as some of the attack were claimed by Al Qaeda linked Al Shabaab group based in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  10. MOGADISHU (Caasimada Online)–UN says the overall food security situation in Somalia has improved due to above average Gu rainfall (April-June) and sustained humanitarian response. The nutrition situation has marginally improved as the improvements, high levels of vulnerability persists, according to UN humanitarian affairs in Somalia In a new report, UN said an estimated 4.6 million people continue to require humanitarian assistance including 1.5 million reported to be in emergency and crisis, 294,000 children are acutely malnourished of which nearly 55,000 are severely malnourished. The risk of disease outbreak is real and protection concerns have increased across the country due to protracted conflict, drought, flooding and IDP evictions. Sustained humanitarian response is required to prevent further deterioration of food security and nutrition situation. As of September 2018, the Somalia Humanitarian Fund has allocated nearly $34 million to 76 projects for life-saving activities in Somalia. The Fund allocated almost $22 million through its 1st Standard Allocation, which included intensified floods response in Bay, Galgaduud, Hiiran and Middle Shabelle. UN says an additional $12 million has been allocated through multiple reserve allocations, including $1 million for the integrated child protection and education response in flood hit areas, $3.5 million in response to the devastation caused by Cyclone Sagar in Awdal region and another $7.5 million to areas most affected by the drought in the North (Bari, Nugaal, Sool and Sanaag). Some $15.6 million or 47 per cent of funding in 2018 has been allocated to national partners. However, UN called for more funding to sustain response in the coming months in order to avoid the deterioration of the situation and to build on the fragile gains made in 2017 and 2018.
  11. Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa faah faahin ka bixiyay tallaabadii lagu joojiyay kulan uu magaalada Garowe ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Xasan Maxamed. Waxaa uu sheegay in sababta ay tahay in maamulka Puntland ay xiriirka u jareen dowladda Dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo Go’aankii Madaxda Maamul goboleedyadda. “Illaa laga heshiiyo oo laga dhaqan geliyo heshiisyadii horay, halkan cidii iska soo gashay oo shirar isaga qabsado waxay noqoneysaa cid dhibaatada dalka qeyb ka ah”ayuu yiri Wasiir Qarjab. Qarjab ayaa sheegay in Wasiiradda Puntland aysan tagi karin Magaalada Muqdisho,islamarkaana aysan la shiri karin Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya. “Waa la joojiyay in la isu gudbo Wasiirada xamar ma tagi karaan shir kama qeyb geli karaan, illaa la heshiiyo”ayuu yiri Wasiir Qarjab. Xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa xumaaday tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay bishii September ee sanadkan, xilligaasi oo mamul goboleedyada ay sheegeen inay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/8-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
  12. NIAROBI (Caasimada Online) —Three Kenya Defence Forces soldiers have been missing since July 24, 2011 while on their routine supply duties at military bases in Wajir County near Kenya border along Somalia. The soldiers lost their way and found themselves deep inside Somalia, according to Assistant Minister for Defence Joseph Nkaiserry. Nkaiserry said the three, Sergeant Said Abdulaziz Haji (driver of the vehicle), Senior Sergeant Jonathan Kipkosgei Kangogo and Corporal Evans Mutoro, were 60km astray in Somalia when they were intercepted by soldiers from Somalia’s Transitional Federal Government (TFG). Mr Nkaiserry added that Sgt Haji stayed with the TFG troops, who later delivered him and his truck to his Kenyan counterparts, while Sgt Kangogo and Cpl Mutoro escaped, fearing that they were in enemy hands. “Up to now, their whereabouts remain unknown,” Mr Nkaiserry, who passed away in June last year, said at the time. He had been promoted to Cabinet Secretary for Interior at the time of his death. PRISONERS It later emerged that the two soldiers fell into the hands of the Somalia-based Al-Shabaab insurgents, who had started making incursions into Kenyan territory in their attempts to establish an Islamic republic in Somalia. The two soldiers became the first Kenyan Prisoners of War (PoW), though it would be another four months before Kenyan troops crossed into Somalia in their first ever foreign incursion to pursue the militants. On October 16, 2011, a battalion of Kenyan troops crossed into Somalia to commence “Operation Linda Nchi” (Operation Protect the Country), which the government said was aimed at neutralising the threat posed by Al-Shabaab. It was hoped that this mission would also lead to the rescue of the two Kenyan soldiers. But seven years down the line, nothing much has been heard from the government or the Department of Defence (DoD) about their fate. MURDER Such official silence embitters Ms Rose Kigen, wife of Sgt Kangogo. Her husband had served in the military for 14 years until his abduction. “I wish the military would be more forthcoming with clearer information about him,” the mother of three said. In February 2013, the insurgents claimed to have executed Sgt Kangogo following the expiry of a deadline they had given the Kenyan government to pull out its troops. Al-Shabaab never released any video of his killing, as it does with those of other captive African Union peacekeeping soldiers. “I still have hope that he is still alive and well. Maybe sick, but alive,” Mrs Kigen said. She had hoped for answers when she visited the Department of Defence (DoD) on Tuesday this week to apply for a certificate of presumption of death, a document which will enable the military to legally declare her husband “missing in action”. FAMILY In turn, this will allow the military to process the full compensation due to her husband. “But even if I get the money, there will always be a hole in my heart, not knowing about his whereabouts,” she said. During her husband’s seven-year absence, their three children have grown to “fine” teenagers, she said. First born Millicent Chepchumba, 23, expects to graduate from Kenya Medical Training College, Nakuru, in December. Second born Edmond Kipngetich, 21, joined the National Youth Service in April this year, while last born Mercy Cheptoo is in Form Two at St Alphonsus Mutei Girls Secondary School. Despite the lack of information from DoD about her husband, she is glad that the military paid out her husband’s full salary, enabling her to educate the children. COMPENSATION Ms Juliet Nekesa, the elder sister of Stg Mutoro, said the DoD split his salary between his wife Sylvia and their elderly parents. “Of course, Sylvia got more because of the children,” she said. Sgt Mutoro joined the military in 2007 and had barely served four years before his disappearance. He and his wife have a daughter who is in Grade Two at a public school in Kakamega. “He is 35 years now and I am sure he would be doing splendid things for himself,” Ms Nekesa said. “I raised him as if he was my own son. His disappearance has devastated me as much as it has our parents.” Since Sgt Kangogo and Cpl Mutoro were abducted before Operation Linda Nchi commenced, their families cannot benefit from the enhanced compensation package paid out to families of soldiers killed under the African Union Mission in Somalia (Amisom), of which KDF is part of.
  13. Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa maanta ka hadlay xayiraadka xagga shirarka iyo la hadalka bulshada oo ay maamulkooda ku soo rogeen mas’uuliyiinka ka socda dowladda federaalka ah. Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo saxaafadda kula hadlayey Garoowe ayaa intaasi raaciyey inay hakiyeen kulankii Wasiirka qorsheynta federaalka Jamaal Maxamed iyo Xaliimo Yarey oo ah guddoomiyaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka kadib markii iyagoo aan cidno wargelin ay doonayeen inay shirar ku qabsadaan Garowe Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo arrintaas ka hadlayo waxuu yiri ‘Halkaan Garowe, waxaa noogu yimid, wasiirkii qorshaynta ee dowladda federalka, wuxuu u yimid inuu u tartamo buuxinta xubin xildhibaan, kama xumin inuu yimaado maadaama ay tahay deegaankii laga doortay, laakiin, waxaanu qalad u aragnaa inuu Garowe ku qabto shirar aanu la socon maamulka kanasoo horjeeda go’aanada shirkii Kismaayo.” Waxaa uu sheegay in illaa laga heshiiyo aysan ogolaan doonin in Puntland iska soo gasho oo ay shirar ku qabsato sida uu yiri“Illaa laga heshiiyo oo laga dhaqan geliyo heshiisyadii horay, halkan cidii iska soo gashay oo shirar isaga qabsado waxay noqoneysaa cid dhibaatada dalka qeyb ka ah”. Kulanka oo shalay baaqday, waxaa lagu qaban lahaa hoolka Jaamacadda PSU Garoowe, Wasiirka Qorsheynta Xildhibaan Jamaal ayaa ku balansanaa inuu ka hadlo deeqaha Caalamiga ah ee Soomaaliya hesho iyo sida loo maamulo. Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer Qaran ayaa ka hadli laheyd geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya 2020. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar, ayaa maanta markii saddexaad lasoo taagey Maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalkaasi. Xubno katirsan qoyskiisa, eheladiisa iyo qareenno u doodaya ayaa ka qeybgalaya dhageysiga Maxkamadda ay dhageysanayso dacwadaha loo haysto Cabdi Maxamuud, iyadoo aan la ogeyn xiliga rasmi ahaan go’aan laga gaari doono. Xeer ilaalinta dacwadaha ku soo oogtay Cabdi Maxamuud Cumar, aya dalbatay in la siiyo 10 maalin oo kale, si ay usoo dhameystiraan cadeymaha buuxa ee eedaha loo heysta Cabdi Maxamuud. Waxey noqoneysaa markii 4-aad ee Maxkamada Addis ku taala la soo taago Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Somalida. Cabdi Maxamuud Cumarayaa lagu xiray Addis Ababa bishii lasoo dhaafay ee August, maalmo kadib markii uu xilka iska casiley, sidoo kalena Baarlamaanka dowlad degaanka uu ka qaadey isaga iyo mas’uuliyiin kale xasaanadda. Waxaa lagu soo eedeeyay Cabdi xad­gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kicinta rabshadihii ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, oo u dhaxeeyay qowmiyadaha degan DDSI iyo musuq­maasuq. Kiisaskan oo aad u culus, ayaa hadii lagu helo Cabdi Maxamuud waxaa la sheegay inuu ku muteysan karo xabsi sanado badan ah, waxaana uu dhawaan codsaday in la cafiyo, isagoo baaqaas u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed. Madaxweynaha cusub ee DDSI, Mustafa Maxamed ayaa markii uu xilka la wareegay balan­qaadey in cadaaladda la marsiin doono cid walba oo dembi ka gashay shacabkiisa. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
  15. Sida lawada og yahay Puntland waxay siweyn isugu diyaarinaysaa Doorashada Madaxtinimada Puntland ee sanadka 2019 iyo xulista xildhibaanadda kamid noqonaaya aqalka wakiilada oo ah kuwa iyagu doorta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa maadama aysan Puntland weli u gudbin doorasho muwaadin weliba codkiisa dhiibto. Xulista Baarlamaanka Gollaha aqalka Wakiiladu waxay ka kooban yihiin 66-xildhibaan oo lagu saleeyey qaab Gobal oo hadana Beelaysan, tusaale Gobal weliba wuxuu leeyahay tiro cayiman haba kala badnaadeene hadana waxay ku salaysan yihiin qabaail oo Beel weliba waxay qaadataa tiro layaqaan wallow ay jiraan Beello reer Puntland ah oo aan Baarlamaanka ka dhex muuqan iyo kuwo u kala qaata qaab meerto ah. Xiligan oo kale waxaa Puntland laga dareemaa xulista xubnaha kamid noqonaaya gollahan sida hadaba ka muuqata guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxaa guud ahaan degaanada Puntland xiligan ka socda rucla orodka loogu jiro xubnaha Baarlamaanka waxayna dadka doonaaya inay noqdaan xubin Baarlamaan ay arjiyadooda u geystaan isimada iyo nabadoonada beelaha oo iyagu ah kuwa iskaleh soo saarista iyo doorashada xubnahan. Musuq-maasuqa Qaar badan oo kamida Dadka u ordaaya Baarlamaanka Puntland ayaa aaminsan inay tahay meel ay dhaqaalle xoogan ka tabci karaan mudada kooban ee ololaha doorashadu socoto, waxayna iyaguna bixiyaan lacago ay ku laaluushaan odayaasha dhaqanka iyo dadka saamaynta kuleh beelaha si ay ugu soo xullaan xubin Baarlamaan, sababta musharaxa xildhibaan uu lacagtiisa ugu bixinaayo sidii uu u heli lahaa xubinta waa un inuu isaguna hello laaluusha uu ka qaato musharixiinta u tartamaaya madaxtinimada Puntland, waxaa la oran karaa masiibadda laaluushku meel walba way gaartay kasoo billow xildhibaan, oday dhaqan iyo mid doonaaya Madaxweyne. Musharixiin durba siisaadiliyey inay laaluushi doonaan xildhibaanada Qaar kamida musharixiinta u ordaaya madaxtinimada Puntland ayaa sii saadaliyey inay laaluushi doonaan baarlamaanka si ay u gaaraan halka ay hiigsanayaan iyagoo weliba xalaaleeyey bixinta laaluushka. Mushrax Faarax Cali Shire oo dhawaan lagu weydiiyey magaalada Qardho inuu Baarlamaanka siin doono laaluush iyo in kale ayaa ku juwaabay inuu bixin doono maadama loo fadwooday ayna suurtagal u ahayn inuu Madaxweyne noqdo haduusan baarlamaanka laaluushin, musharax Faarax ma cadayn cida u fadwootay bixinta laaluushka. Sidoo kale Mushrax Saadiq Eenow ayaa yiri hadal kaas u eg oo ahaa inuu siin doono baarlamaanka hadiyad si ay Madaxweyne ugu doortaan, lama yaqaan waxa ay hadiyadaasi la micno tahay. Niyad jabka Dadweynaha ee Doorashada Dadweynaha reer Puntland marka aad la sheekaysatid waxay quus ka muujinayaan inay soo baxaan Dad u qalma hogaamintooda iyagoo taas ku sababeynaaya musuq-maasuqa iyo laaluush kala qaadashada aan laga xishoonayn ee ka muuqata doorashadan iyo kuwii ka horeeyeyba Tusaalle Dadka qaar ayaa ku oranaaya Musharax hebel waa nin wanaagsan oo u qalma hogaaminta Puntland, waxna ka bedeli kara Dalka hase ahaate jeebkiisu ma buura, taasi waxay la micno tahay inaan la dooran doonin nin aan lacag xoogan wadan oo aan meel kasta laaluush ku awdi karin. Musharax Hebel ayaa soosocda oo qiimihii u sarreeyey ku baayacaaya Baarlamaanka: Kalmadan waxaa adeegsada taageerayaasha musharixiinta doorashadda marka ay dadweynaha ka gadaayaan musharaxooda, waa Borobogaandada ugu badan ee suuqa loo geliyo musharixiinta, Bal u fiirso la oran maayo musharax hebel waa nin wanaagsan oo ay ka go’an tahay inuu Dadka iyo Dalka wax u qabto, Waxa kaliya ee lagu gaddo musharixiinta madaxtinimada Puntland waxay noqotay hebel wuxuu bixinaayaa laaluush xoogan. Maxaa laga fillaayaa hogaan laaluush lagu doortay? Xildhibaanka laaluushka kusoo baxay waa inuu doortaa Madaxweyne uu laaluush ka qaatay si uu u hello dhaqaalihii ka baxay, sidoo kale madaxweynaha laaluushka kusoo baxay waa inuu dhacaa hantida dadweynaha si uu uga hello ugu yaraan dhaqaalihii kaga baxay laaluushkii doorashada, taas waxay la micno tahay inaysan dadweynuhu wax badan ka sugi doonin madaxda laaluushka kusoo baxda. Arintan ayaa ah dhaqan ay Dadweynuhu ka barteen doorashooyinkii horay uga soo dhacay Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya kuwaas oo mar walba ay Baarlamaanka wax doorta dooranaayeen hadba ninka ugu jeebka roon musharixiinta, mana muuqata tab illaa hada lagaga gudbaayo arintan foosha xun halka ayba sii xoogaysanayso. Waxaa ku xiga doona qoraal kale oo kaga hadli doono sida looga gudbi karo musuq-maasuqa iyo kala qaadashada laaluushka xiligan xasaasiga ah ee doorashada. Puntland Post The post Doorashada Puntland 2019: Musharax hebel qiimaha u sareeya ayuu ku baayici doonaa xildhibaanada!! appeared first on Puntland Post.
  16. Turkish President Recep Tayyip Erdoğan's cautious reaction to reports that Saudi journalist Jamal Khashoggi was murdered inside the Istanbul Saudi Consulate was designed to delay a diplomatic crisis with Arab countries, The Guardian newspaper said . Source: Hiiraan Online
  17. Wasiiru-dowlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa todobaadkan booqasho ku yimid Soomaaliya, waxayna tagtey magaalooyinka Hargeysa iyo Somaliland. Haddaba, Harriett Baldwin waxaa ay wareysi gaar ah siisay idaacadda Goobjoog News, ee magaalada waxaa qaaday Axmed Weli Xuseen. Akhriso Halkan: Goobjoog News: Maxaad Ka Wada hadasheen Madaxda Dowladda? Harriett Baldwin: Haa, waan ku faraxsanaa inaan Muqdisho soo booqdo oo aan ra’iisul-wasaaraha kula kulmo Villa Somalia, sida aad ogtahayna UK waxay saaxiib dhaw waqti dheer la ahayd dadka Soomaaliyeed, waxaan halkaan joognay sannado badan innagoo taageereynay geddi-socodka nabadda iyo ammaanka islamarkaana xaqiijinaya gargaar bini’aadannimo oo ku filan inay gaarto dadka ku jiray xilliyadii adkaa, waxaana sidoo kale u sii joognaa halkaan sidii aan mustaqbalka qeyb uga noqon lahayn horumarinta dhaqaalaha kala-guurka amniga, iyo Boliiska waliba rajadeennu waa inaan la sii joognaa dadka Soomaaliyeed sanada na soo aaddan. Goobjoog News: Kaalintiinna Ee Khilaafka Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada? Harriett Baldwin: Waxaan kulanka la qaatay ra’iisul-wasaaraha anigoo ka socda boqortooyada Ingiriiska waxaan sidoo kale uga hadalnay wadahadalladaas arrimo ku saabsan waddamadeenna, tusaale ahaan muddo 300 oo sano ah waxaa jiray wada-xaajood ku aaddan Scotland sidii ay u qeyb uga noqon lahayd dalka Ingiriiska ama Scotland ay u noqon lahayd dalka madax-bannaan, arrinta muhiimka ah waxay tahay inaan xallinnay arrimahaas ee ka jirtay boqortooyada Ingiriiska innagoo u mareyna qaab dimuqraadiyadeed, dood, in loo qaado afti, doorashooyin marka waa muhiim in dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada inay ka wadahadlaan doorka muhiimka ah ee uu siinayo dastuurka si loo helo Soomaaliya xasilloon oo nabad ah. Goobjoog News: UK, ma taageysaa in Xayiraadda Hubka Laga Qaado Soomaaliya? Harriett Baldwin: Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad wanaagsan marka la eego xilliga kala guurka ah ee lagu gaarayo xaalad deggan oo amni ah dalkan ka hirgasha, waxaa jira waxyaabo badan oo aan ka shaqeyneyno adiguna waad ku saxan tahay inaad iftiimiso kaalinta qaramada midoobay, usbuucii hore waxaa ka dhacay Newyork shirkii golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay, waxaana awood u helay inaan shir guddoomiyo isu-imaatin calami ah oo ay qeyb ka ahaayeen saaxiibbo badan oo ka kala yimid adduunka oo Soomaali ah , waxaan isleeyahay rajo wanaag ayaa jira ee horumarka la gaaray ah gaar ahaan horu-kaca dhaqaalaha, waxaan isleeyahay wali caqabado ayaa jira marka la eego xilliga kala guurka labadaba ciidamada Soomaaliya laakiin UK iyo beesha caalamkaba waxay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hay’adaha lana sii adkeeyo joogitaankooda Soomaaliya si ay wax uga qabtaan arrimaha aad I weydiisay. Goobjoog News: Ma Jirtaa Xanta Ah In UK Aqoonsaneyso Somaliland? Harriett Baldwin: Maya, UK uma aqoonsana Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, waana gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaan dhiirigelineynaa dadka Soomaaliyeed iyagoo u maraya geeddi socodka siyaasadeed iyo doodaha dastuurka inay iyagu wadahadlaan go’aanna ka gaaraan sida ugu habboon ee Soomaaliya horey loogu sii wadi karo. Goobjoog News: Sidee Loo Baaqsan Karaa 14 October? Harriett Baldwin: UK waxay muujineysaa sida ay uga xun tahay weerarkii Muqdisho ka dhacay ee sannad-guuradiisii 1aad ay nagu soo fool leedahay waxaana garab taagannahay dadka Soomaaliyeed, waxaan si dhaw ula shaqeyneynaa boliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale ciidamada qaranka Soomaaliyeed markaas ayaan heleynaa Soomaaliya oo nabad iyo ammaan ah mustaqbalka waana ka guuleysan karnaa argagixisada sida Alshabaab.
  18. Residents of Dayniile district in Somalia’s capital of Mogadishu, can now enjoy better-policing services closer to their homes, following the renovation of a hitherto derelict district police headquarters. Source: Hiiraan Online
  19. Incessant attacks on Nigerian waterways are not only sabotaging the nation economy but giving Nigeria bad image before the international community. Source: Hiiraan Online
  20. Wasiiru-dowlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika Harriett Baldwin iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa todobaadkan booqasho ku yimid Soomaaliya. Haddaba, Harriett Baldwin waxaa ay wareysi gaar ah siisay Goobjoog News, waxaa qaaday Axmed Weli Xuseen. Akhriso Halkan: Goobjoog News: Maxaad Ka Wada hadasheen Madaxda Dowladda? Harriett Baldwin: Haa, waan ku faraxsanaa inaan Muqdisho soo booqdo oo aan ra’iisul-wasaaraha kula kulmo Villa Somalia, sida aad ogtahayna UK waxay saaxiib dhaw waqti dheer la ahayd dadka Soomaaliyeed, waxaan halkaan joognay sannado badan innagoo taageereynay geddi-socodka nabadda iyo ammaanka islamarkaana xaqiijinaya gargaar bini’aadannimo oo ku filan inay gaarto dadka ku jiray xilliyadii adkaa, waxaana sidoo kale u sii joognaa halkaan sidii aan mustaqbalka qeyb uga noqon lahayn horumarinta dhaqaalaha kala-guurka amniga, iyo Boliiska waliba rajadeennu waa inaan la sii joognaa dadka Soomaaliyeed sanada na soo aaddan. Goobjoog News: Kaalintiinna Ee Khilaafka Dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyada? Harriett Baldwin: Waxaan kulanka la qaatay ra’iisul-wasaaraha anigoo ka socda boqortooyada Ingiriiska waxaan sidoo kale uga hadalnay wadahadalladaas arrimo ku saabsan waddamadeenna, tusaale ahaan muddo 300 oo sano ah waxaa jiray wada-xaajood ku aaddan Scotland sidii ay u qeyb uga noqon lahayd dalka Ingiriiska ama Scotland ay u noqon lahayd dalka madax-bannaan, arrinta muhiimka ah waxay tahay inaan xallinnay arrimahaas ee ka jirtay boqortooyada Ingiriiska innagoo u mareyna qaab dimuqraadiyadeed, dood, in loo qaado afti, doorashooyin marka waa muhiim in dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada inay ka wadahadlaan doorka muhiimka ah ee uu siinayo dastuurka si loo helo Soomaaliya xasilloon oo nabad ah. Goobjoog News: UK, ma taageysaa in Xayiraadda Hubka Laga Qaado Soomaaliya? Harriett Baldwin: Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad wanaagsan marka la eego xilliga kala guurka ah ee lagu gaarayo xaalad deggan oo amni ah dalkan ka hirgasha, waxaa jira waxyaabo badan oo aan ka shaqeyneyno adiguna waad ku saxan tahay inaad iftiimiso kaalinta qaramada midoobay, usbuucii hore waxaa ka dhacay Newyork shirkii golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay, waxaana awood u helay inaan shir guddoomiyo isu-imaatin calami ah oo ay qeyb ka ahaayeen saaxiibbo badan oo ka kala yimid adduunka oo Soomaali ah , waxaan isleeyahay rajo wanaag ayaa jira ee horumarka la gaaray ah gaar ahaan horu-kaca dhaqaalaha, waxaan isleeyahay wali caqabado ayaa jira marka la eego xilliga kala guurka labadaba ciidamada Soomaaliya laakiin UK iyo beesha caalamkaba waxay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hay’adaha lana sii adkeeyo joogitaankooda Soomaaliya si ay wax uga qabtaan arrimaha aad I weydiisay. Goobjoog News: Ma Jirtaa Xanta Ah In UK Aqoonsaneyso Somaliland? Harriett Baldwin: Maya, UK uma aqoonsana Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, waana gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaan dhiirigelineynaa dadka Soomaaliyeed iyagoo u maraya geeddi socodka siyaasadeed iyo doodaha dastuurka inay iyagu wadahadlaan go’aanna ka gaaraan sida ugu habboon ee Soomaaliya horey loogu sii wadi karo. Goobjoog News: Sidee Loo Baaqsan Karaa 14 October? Harriett Baldwin: UK waxay muujineysaa sida ay uga xun tahay weerarkii Muqdisho ka dhacay ee sannad-guuradiisii 1aad ay nagu soo fool leedahay waxaana garab taagannahay dadka Soomaaliyeed, waxaan si dhaw ula shaqeyneynaa boliiska Soomaaliyeed iyo sidoo kale ciidamada qaranka Soomaaliyeed markaas ayaan heleynaa Soomaaliya oo nabad iyo ammaan ah mustaqbalka waana ka guuleysan karnaa argagixisada sida Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Maamulka Puntland ayaa sharaxaad ka bixiyey sababtii ka dambeysay iney baajiyaan shir uu magaalada Garoowe ku qaban lahaa wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay sababta shirkaasi u joojiyeen ahayd xiriirka dowladda dhexe iyo Puntland oo aan wanaagsaneyn. Waxa uu tilmaamay maadaama la joojiyey wadashaqeyntii la joojiyey aanay xaq u lahayn wasiirada xukuumadda in shirar ku qabsadaan deegaannada Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warka-Wasiir-Qarjab-kaga-hadlay-Joojinta-shirkii-Warbixin-Cawil-cali-jamac-8-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. MOGADISHU (Caasimada Online)–Deadly airstrike has targeted an Al Qaeda linked Al Shabaab camp in southwest of Somali capital Mogadishu. The airstrike took place last night in Kunyo Barrow area, some 65km west of Mogadishu. The fighter jets targeted a camp runs by Al Shabaab, causing untold number of casualty, according to a witness, who asked to be anonymous. It is unclear who carried out the attack. Kunyo Barrow in Lower Shabelle region is an stronghold of Al-Shabaab. There was no word from Al Shabaab over the bombing. Last week, U.S. military says it killed nine al Qaeda linked al-Shabab militants in drone airstrike in southern Somalia. The U.S. Africa Command said one militant was also injured in the strike. The raid was carried out in coordination with the Somali government The U.S. has conducted more than 20 such airstrikes in Somalia this year. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  23. Iskaashatada gaadiidleyda dekadda Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyey hab maamulka dekaddaasi. C/laahi Cali Faarax, afhayeenka iskaashatadan ayaa Goobjoog u sheegay in lacago aad u badan laga qaado gaadiidleyda hadane aanu dekadda ka jirin wax nidaam iyo kala dambeyn ah, wuxuuna ka dalbaday dowladda iney soo farogeliso musuqmaasuq uu sheegay in dekadda uu ka jiro. Waxa uu sheegay in marar badan ay cabashadooda gudbiyeen, balse aanay dowladda waxbo ka qaban. Dowladda ayuu tilmaamay in loo baahan yahay iney wax ka qabato cabashada ay qabaan, islamarkaana aan indhaha laga laaban. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Cabdullaahi-Cali-Faarax-afhayeenka.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. MOGADISHU (Caasimada Online)–At least three people have been killed and four others injured in an attack on bus in central Somalia, a witness said. The attack happened near Galkacyo town, after gunmen opened fire on minibus carrying passengers, leaving 3 people dead, a witness said. He says the bus was heading to Hobyo town. The victims were taken into hospital for medical treatment. It is unclear why the civilians were targeted. Somali regional officials in the town were unavailable to reach on the phone for comments on the attack. There was no immediate claim of responsibility for Monday’s gun attack on civilian bus in central Somalia. Somalia has remained in the grip of on-again, off-again violence since the outbreak of civil war in 1991. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  25. MOGADISHU (Caasimada Online) – Weeks after announcing additional funding to the AU Mission in Somalia to combat terrorism, the United Kingdom has reiterated its commitment to aiding AMISOM through its transition. At a meeting with the AU Special Representative for Somalia on Saturday, visiting UK Minister for Africa Rt. Hon. Harriet Baldwin cautioned, that a premature withdrawal of troops from the Horn of Africa country could be detrimental to the country’s security. She called for a conditions-based, gradual withdrawal of the troops, based on the strength of the Somali security forces. “As you know, the UK has been consistent in saying that in terms of transition to both the Somali National Army and the Somali Police; that this needs to be done on a condition basis, rather than on an artificial time table,” said the minister. Discussions between Minister Baldwin and Ambassador Madeira centred on current developments on the security front, the transition and the prevailing political situation in Somalia. Amb. Madeira expressed gratitude at the outstanding support accorded to AMISOM by the UK government. “Let me effectively thank your government through you, for the immense support we have been receiving from her Majesty’s government. Not only in terms of training; in terms of military support; particularly in the ISR (Intelligence, Surveillance & Reconnaissance),” Madeira stated. He highlighted critical areas of support by the UK government, including troops’ training on countering improvised explosive devices (IEDs). The indiscriminate use of the explosives by anti-government elements, remain the deadliest threat to civilian populations in Somalia. Minister’s Baldwin’s visit to Somalia follows a three-nation tour of Africa by British Prime Minister Mrs. Theresa May last August. While in Kenya, Mrs. May announced a new package of funding to AMISOM worth 7-million pounds, to fight terrorism. “We are leading international efforts to ensure that AMISOM has the funding it needs to support its vital battle against terror,” noted Mrs. May in Nairobi. In Somalia, Minister Baldwin said the UK will continue rallying the wider international community, to provide consistent funding to AMISOM. PRESS RELEASE