Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,591
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maanta kulanka golaha shacabka waxaa soo xaadiray 156 Xildhibaan, ajendaha wauxuu ahaa xisaab xirka dowladda ee sanadkii 2017. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa ugu horeyntii Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim u sheegay in golaha hortiisa uu raali gelin ka siiyo shacabkii maayga ku hadla ee uu qadafka ka galay. Intaasi kadib Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa istaagay, oo bixiyey raalli-gelin, waxaa isna raalli-gelinta aqbalay Xildhibaan maxamed fanax oo goobta ka hadlay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Militariga Mareykanka ayaa talaadadii sheegay inay weerar cirka ah ka fuliyeen Soomaaliya todobaadkan kadib dagaal dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo garab ah iyo Al-shabaab. Africom ayaa intaasi raaciyey in weerarka ay qaadeen 6-dii bishan uu ku dhintay hal Al-shabaab ah, wuxuuna ka dhacay Kunyo Barrow, waqooyiga Kismaayo. “Waxaan ogaannay in aan rayidka waxba soo gaarin dhaawan ama dhimasho” sidaasi waxaa tiri Africom. Weerar kale oo Mareykanku ka fuliyeen agagaarka Kismaayo waxaa ay ku dileen 9 Al-shabaab ah. Dhinaca kale, Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay xukun dil ah ku fuliyeen Shan nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo. Raggan oo da’dooda ay u dhaxeysay 22 ilaa 36 sano ayaa waxa ay Shabaabku ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonka reer galbeedka iyo dowladda Soomaaliya. Raggan ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla Degmada Jillib ee gobolka Jubadda Dhexe, xilli halkaasi la isugu yeeray dadweyne kala duwan oo daawanayay qaabka xukunka dilka uu u dhacay. Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Kenya iyo reer galbeedka ayaa kuu sii siqaya Jamaame oo u jirta 42 KM magaalada Jilib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisa aanu ka qeybgalin shirkii u dambeeyay ee madaxda maamul goboleedyada ay ku yeesheen Nairobi. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in ay tahay nasiib daro in shir uu ka maqanyahay maamulka Hir-shabeelle la qabto iyada oo maamulkiisa uu ka mid yahay maamulada dalka ka jira. Waare ayaa sheegay in Hir-shabeelle aynan aqoonsan doonin islamarkaasina ay ka soo horjeedo wax kasta oo ka soo baxa shirkaasi maadaama Hir-shabeelle aanay ka qeyb galin. Madaxweynaha maamulka Hir-shabelle ayaa ka baaqday ka qeyb galka shirka madaxda maamul goboleedyada oo ka dhacay Nairobi, kadib markii culeysyo ay madaxweyne Waare ka soo wajaheen Baarlamaanka maamulkiisa oo mooshin ka soo gudbiyay. Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan sheegay in heshiis uu la gaaray dowlada dhexe ee Soomaaliya xili uu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Waare “Ma aqbaleyno shirar ay Hirshabeelle ka maqantahay in ay dhacaan” appeared first on Puntland Post.
  4. Berbera (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland Cabdulalahi Ismaaciil seylici iyo Xubno Wasiiro ah oo la socda ayaa waxa ay gaareen Magaalda Berbera,iyada oo halkaasi siwyen loogu soo dhaweeyey. Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa la sheegay inay ka qeyb geli doonaan munaasabad lagu dhagax dhigayo dhismaha dekad labaad oo laga dhisayo Magaladaas,isla markaana ay dhiseyso shirkada DP World. Dekadaan labaad oo Berbera ay ka dhiseyso Shirkada DP World ayaa qeyb ka ahaa heshiiskii Soomaaliland iyo DP World ay horay u kala saxiixdeen,waxana munaasabada ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Muuse Biixi balse ay wax isbedeleen. Shirkada DP World ee laga leeyahay Wadanka imaaraadka Carabta ayaa horay looga mamnuucay Soomaaliya inay ka Shaqeyso,waxaana haatan ay si buuxda u maamushaa dekadaha Berbera iyo boosaaso ee Maamulka Puntland. Waxaa meel xun gaaray xiriirka ka dhaxeyo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta kadib kacdoonkii ay Dowladaha Khaliijka ku qaadeen Qatar markaas oo ay Soomaaliya sheegtay inay dhex dhexaad ka tahay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weli saxiixin go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ay shirkaddaas kaga mamnuuceen Soomaaliya iyadoo aan weli faahfaahin laga helin sababta uuu saxiixi waayey. Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shalay u ambabaxay dalka Sacuudiga waxaana laga yaabaa inay Sacuudiga dhex dhexaadiso Soomaaliya iyo Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  5. Cali Gacal Casir oo Xildhibaano katirsan baarlamaanka Gal-Mudug ay sheegeen in xilka ka qaadeen xilkii gudoomiyaha baarlamaanka Gal-Mudug islamarkaasina doorasho shalay ka dhacday Dhuusamareeb lagu doortay gudoomiye cusub ayaa ka hadlay sida uu arko gudoomiyaha la doortay. Cali Gacal Casiir ayaa gaashaanka u daruuray doorashadaasi isaga oo sheegay in uu isaga yahay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Gal-Mudug doorashadii ka dhacdayna Dhuusamareeb in ay tahay mid sharci daro ah. Cali Gacal ayaa sheegay in hadda ay wadaan qorshaha doorashada Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug xili ay kal hore sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Axmed Ducaale Gelle Xaaf madaxweynaha Gal-Mudug. Waxaa cirka isku sii shareeraya khilaafaadka u dhaxeeya madaxda maamulka Gal-Mudug oo dhamaantood sheegay in ay xilalka iska qaadeen iyaga oo fariisimo ka sameeytay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado oo katirsan Gobolka Gal-gaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Cali Gacal Casir oo ka hadlay Gudoomiyihii lagu doortay Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  6. Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun ku riday eedeeysanayaal ay sheegtay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-shabaab. Maxamed Cabdi Salaad Nuur iyo Gacal Maxamed Cali Maxamed ayaa maanta maxkamada ka soo hormuuqday kuwaasi oo ka tirsan amniyaadka Al-shabaab. Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa labadaan nin ka soo qabtay degmooyinka Cabdicasiis iyo Warta-nabadda ee Muqdisho. Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aamisay in labada eedeysane lagu kala xukumo Maxamed Cabdi Salaad Nuur Sideed sano (8) oo xabsi ciidan ah halka eedeysana Gacal Maxamed Cali Maxamed Sedax sano (3) oo xabsi ciidan sida uu xukunka ku dhawaaqay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Hoos ka Daaawo Sawirada eedeeysanayaasha Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  7. Maamulka Gobalka Sool ee Puntland ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen meel u dhow Deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi. AbuAbukar C/raxmaan Geelle, guddoomiyaha gobolkaas ayaa xusay in dhankoda ay diyaar u yihiin in nabadda la qaato, balse dhanka Somaliland weli ay ku madax adeegeyso in Tukarraq ay iyagu weli maamulaan. Waxa uu sheegay in coalad wax faa’ido ah aanu u lahayn Labada dhinac muhiimna ay tahay in la wada hadlo. Puntland ayuu sheegay in dhankeeda ay xilli walbo goobeysa nabadda dadka Soomaaliyeed ee deriska ah, balse dhanka Somaliland loo taag la’ yahay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Gudoomiyaha-Gobolka-Sool-Ee-Puntland-9-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe 5 qof oo shacab ah ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe. Dadka la toogtay oo dhammaantood rag ahaa ayaa Al-shabaab ku eedaysay in ay la shaqeynayeen sirdoonka dalalka Soomaaliya,Maraykanka iyo Ingiriiska,sida ay daabacday warbaahinta taageerta Al-shabaab. Magacyada ragga la toogtay ayaa lagu kala sheegay; Cabdicasiis Cabdisalaam Sheikh Xasan oo 22 sano jir ah, Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sano jir ah,Jeyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sano jir ah,Cawaale Axmed Maxamed 32 sano jir Iyo Cabdulqaadir Isxaaq Amiin oo aan da’diisa la xusin. Xaakimka Al-shabaab ee xukunka riday ayaa sheegay in dhammaan ragga la toogtay ay maxkamadda ka hor qirteen in ay hoos kala shaqeynayeen sirdoonka Soomaaliya iyo dalalka shisheeye islamarkaana caddaymo kale loo helay denbiyada loo haysto. Ma jirin wax qiraal iyo caddayn ah oo uu soo bandhigay qaaddiga Al-shabaab marka laga reebo hadalka uu afka ka sheegay,taasi oo shaki gelinaysa sax ahaansha xukunka uu riday. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa sidaan oo kale marar badan dad shacab ah u laayay iyagoo ku eedeeyay in ay sirdoon u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo dalal shisheeye intaba. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay 5 qof oo shacab ah appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) -Shabakadaha Dambiyadda ayaa Iran u isticmaalayaa Bar ay marto Dhuxusha Soomaaliya ee sida sharcidarada ah loo dhoofiyo taas oo Al-shabaab ay Malaayiin doolar ka sameeyaan canshuur ahaan, sida lagu sheegay Warbixin uu Qoray Guddiga la soconka Cuneqabateynta Soomaaliya oo ay aragtay Reuters. Warbixin sanadeedka oo aan wali la daabicin ayaa waxaa ay u sheegeysaa golaha Amaanka ee QM in Dhulka iyo Nidaamka Al-shabaab ay Canshuurta kasameeyaan ay ka weeynyihiin midka Dowladda Faderaalka ah ay Canshuurta ka sameeeyso ama ka qaado. Warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab dhuxusha u dhuufiyaan dalka Iiraan iyadoo la isticmaalayo aqoonsiyo qaldan oo ah in Dhuxushaas lagu sameeyey dalka Iiraan. Warbixinta ayaa sheegtay in Doomo yar yar oo lagu dhajiyey Calanka Iiraan lagu dhoofiyo Dhuxusha, waxaana Imaaraadka Carabta lagu sheegay inay tahay meesha ugu badan ee Dhuxushaas la geeyo. “Jawaanadda Dhuxusha ah waxaa lagu qaadaa doomo yar-yar oo watta calanka Iran waxana loo dhoofiyaa Dekedda Al-Xamariya ee Imaaraadka carabta iyagoo doomahaasi isticmaalaaya aqoonsi khaldan oo ah in dhuxusha Iran lagu sameeyay” ay kooxda la socodka Cune qabateynta Soomaaliya warbixintooda ku xuseen. Warbixintu waxay ku qiyaastay in Imaraadka Carabtu uu Dhuxusha Somaaliya ku iibsaday 150 milion oo dollar muddo sanad ah, Imaraadkana dhuxusha waxaa aad loogu isticmaalaa Karista iyo in lagu shido dhalooyinka Shiishadda laga cabo. Dalka Iran ayey Warbxintu sheegtay in uu marin u noqday maraakiibta dhuxusha sida uuna jibiyay mamnuucistii QM ee dhoofinta dhuxusha Soomaaliya kadib markii Cuman ay adkeeysay Hanaanka Kastamyadeeda. Al-Shabaab ayaa la sheegay inay Sanadkii iibka Dhuxusha ka sameeyaan ilaa lacag gaareyso 7.5 Malyan oo Dollar sida ay xustay Warbixinta. Dhanka kal warbixintaan ayaa lagu sheegay inay Shabaab Canshuurta ka qaadaan dhul baaxad ahaan ka weyn midda ay Dowladda Soomaaliya ka qaado Canshuurta. Warbixinta ayaa lagu sheegay in shakhsi kasoo goostay Kooxdaan uu sheegay in Bar Koontarool oo 160Km Waqooyi Galbeed kaga beegan Muqdisho Maalin kasta ay Kooxdaan Canshuur ahaan ka hesho 30 Kun oo Dollar waana Wadada isku xirto Muqdisho iyo Baydhabo. Lacagtaas ay Al-Shabaab ka sameeyaan Bartaas Koontarool ayaa la sheegay inay sanadkii tahay 10 Malyan oo Dollar taasoo ah lacag aad u badan oo kooxdaan ka saacidi karto inay weerarada sii badiyaan. Warkaan ay Daabacday Reuters wali kama aysan hadlin dalalka Imaraadka carabta iyo Iran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan sharci aheyn kulanka la filayo inay Maamulada ku yeeshaan Garoowe. Wuxuu sheegay in wax kasta oo kasoo baxo kulankaas iyo midka ay Maamulada ku yeesheen Nairobi aysan khuseyn Maamulkiisa Hirshabelle. Wuxuu xusay inuusan la qabin Maamulada kale waxyaabaha iyo cabashada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka, isagana uu Mas’uul ka yahay Maamulka Hirshabelle. Wuxuu ku eedeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada kale inay ka baxeyn ballantii lagu galay Kismaayo isla markaasna ay ka shaqeenayaan wax aan dan ugu jirin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Waare waxaa uu sheegay in Hirshabeelle iyo dowlad goboleedyadda uu ka dhaxeeyo xiriir Wanaagsan, balse aysan aqbali doonin Golaha Iskaashiga ay shiraan Hirshabeelle oo aan ogeyn,Maadaama maamulada ay wada dhisteen Golaha. Waare ayaa Dhawaan ku dhawaaqay inuu la heshiiyey Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyadoo Maamul Goboleedyadana ay soo saareen warbixin ay kaga hadlayaan arrintaan oo ay ku sheegeyn inaysan khuseyn Maamulada kale. Wasiir ayaa hadda xiriir fiican la leh Dowladda Dhexe, waxaana muuqato inuu weli jiri jahwareerka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Madaxda Sare ee dalka iyo Maamul Goboleedyada oo aan siyaasad ahaan is keeni karin. Kulanka Garoowe ay ku yeelan lahaayen Maamul Goboleedyada ayaa baaqday Maanta kadib cadaadis xooggan oo uga imaaday Beesha Caalamka. Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Waare https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Waare.mp3Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  11. What’s being billed as the world’s largest sleep study suggests that getting too much sleep might be just as bad as not getting enough of it. Source: Hiiraan Online
  12. Cadaado (Caasimadda Online) – Cali Gacal Casir oo xildhibaano horey ugu shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa wuxuu sheegay in dhawaan magaalada Cadaado ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug. Wuxuu sheegay Cali Gacal in sidoo kale ay bedelayaan guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo lagu tiriyo inuu la safan yahay Galmudug garabka Xaaf. Sidoo kale Cali Gacal Casir ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan qaabka ay u dhaceyso doorashada, islamarkaana diyaarinta doorashada ay hada ku mashquulsan yihiin guddiga doorashada. Go’aankaan ayaa imaanayo xilli ay Xildhibaanada Galmudug Garabka Magaaladaas ku sugan ay Doorteen Gudoomiyaha Baarlamaanka. Fadhiga Baarlamaanka oo uu ku dhawaaqay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in xaadireen 137-Mudane. Saddex Musharax oo ku heeb ah Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Balse Xildhibaanadaan ay sheegeen in ay Xilka ka qaadeen ayaa isku soo taagaay. Wareeggga Koowaad ee Doorashada oo ay ku tartameen 1: Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle axmad, Xildhibaan Aadan Xaaji iyo Xildhibaan Salaad Caynte waxa ay kala heleen. 1:Xildhibaan Ismaaciil 93 Cod 2: Xildhibaan Aadan Xaaji 37 cod 3: Xildhibaan Salaad Caynte 5 Cod Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed ayaa ku guuleystay Doorashada, maadaama uu tanaasulay Xildhibaan Aadan Xaaji oo heystay Wareegga 1-aad 37-Cod. Isla Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo Xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusamareeb u doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka. Arrintaan ayaan la ogeyn Wajiga cusub ay u sameyn karto Khilaafka Ka dhex taagan madaxda Galmudug oo Xil ka qaadis isku sameeyay, iyaga oo kala degay Dhuusamareeb iyo Cadaado. Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Casir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/cod-1-Galmudug-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga Adel bin Ahmed Al-Jubeir. Kulanka oo ka dhacay qasriga ra’iisul wasaaruhu ka deganyahay magaalada Riyaad ayaa horudhac u ahaa kulan uu ra’iisul wasaaraha XFS uu yeelanayo madaxda sare ee boqortooyada Saudi Arabia. Kulanka ay wada qaaateen ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaaa goob joog ka ahaa Wasiirrada arrimaha dibada Axmed Ciisa Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta xukuummadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle. PUNTLAND POST The post Ra’iiusul wasaare Khayrre oo la kulmay wasiirka Arrima Dibadda Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  14. Security footage removed and Turkish staff told to go home on day missing journalist visits Source: Hiiraan Online
  15. Garoowe (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegayo inuu baaqday shirkii madax goboleedyada dalka ee lagu waday inuu Maanta ka furmo halkaas kadib go’aan iyo cadaadis xooggan oo ka yimid beesha caalamka. Kulankaas oo Maanta la filayey ayaa baaqday iyadoo ay Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ay ku maqan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya. Shirka ayaa dib loo dhigay illaa 15-ka bishan , sida xubno ku dhow madax goboleedyada ay u xaqiijiyeen Caasimada Online inkastoo laga cabsi qabo inuusan xataa waqtigaas dhicin cadaadis jiro awgeed. Wakiilada beesha caalamka oo madax goboleedyada kula kulmay Nairobi, ayaa u sheegay in shirka ay dib u dhigaan, ayada oo beesha caalamka ay rajeeneyso inay xal gaaraan ayaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ka hor shirka. Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay rumeysan tahay in qodobo kale oo shir ka dhaca Garoowe kasoo baxa ay kasii dari karaan khilaafka, oo sii fogeyn karaan dowladda dhexe. Beesha caalamka ayaa lagu warramayaa inay iminka wada-hadallo la leedahay dowladda dhexe, oo ay dhankooda dhageysanayaan, waxaana jira dadaal la doonayo in ra’iisul wasaare Kheyre ku tago magaalada Nairobi, si uu ula kulmo. Si kastaba, kheyre ayaa la sheegay inuu ku adkeysanayo inaanu tegi doonin Nairobi, ayada oo uu horey u sheegay inaanu aqbali doonin in daraf saddexaad uu dhex-dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madax goboleedyada. Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho ayaa sheegay inuusan sharci aheyn kulanka la filayo inay Maamulada ku yeeshaan Garoowe. Wuxuu sheegay in wax kasta oo kasoo baxo kulankaas iyo midka ay Maamulada ku yeesheen Nairobi aysan khuseyn Maamulkiisa Hirshabelle. Wuxuu xusay inuusan la qabin Maamulada kale waxyaabaha iyo cabashada ay u gudbiyeen Beesha Caalamka, isagana uu Mas’uul ka yahay Maamulka Hirshabelle. Wuxuu ku eedeeyey Madaxda Maamul Goboleedyada kale inay ka baxeyn ballantii lagu galay Kismaayo isla markaasna ay ka shaqeenayaan wax aan dan ugu jirin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  16. CANBERRA, Australia (AP) — Startping a new life in Australia might not come with views of the Sydney Opera House or surfing at the city's Bondi Beach with the government considering a ban on some immigrants from settling in big cities Source: Hiiraan Online
  17. Japanese prime minister Shinzo Abe has told Myanmar’s leader that a credible investigation into alleged human rights violations against Rohingya Muslims is key to resolving the crisis. Source: Hiiraan Online
  18. TORONTO (Reuters) - Suspended more than a 1,000 feet (300 meters) above downtown Toronto, six new Canadians took the oath of citizenship on Tuesday from the edge of one of the world’s tallest structures. Source: Hiiraan Online
  19. Ethiopian president Mulatu Teshome has announced that the country will in due course roll out a visa-on-arrival regime for all Africans entering the country. Source: Hiiraan Online
  20. Mudane ka tirsan baarlamaanka Somaliland sheegay in uu buray wada hadalkii nabadda ee Tukarraq. Xildhibaan Axmed Maxamed ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay eedeymo kaga yimid dhanka Puntland oo la xiriirta in dagaalka ay ciidankoodu ku horreeyeen. Wuxuu sheegay in dagaalka uu yimid markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga hore ee jiidaha dagaalka. Xildhibaanka ayaa sheegay in ay meesha ka baxeen dedaalladii nabadda oo beesha caalamka ay ka dhex waddey Labada dhinac. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/XILDHIBAAN-SOMALILAND-09-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Dr. Anwar bin Mohammed Gargash oo ah Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta oo ka hadlay kulan looga hadlayay la dagaalanka waxa looga yeero Argagixisada ayaa sheegay in Door wanaagsan ay ka qaateen. Iyaga oo Kaashanaya Boqortooyada Sacuudiga iyo Masar ayuu Dr.Gargaash sheegay in Dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Pakistan ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen Howlgalkaas. Waxa uu tilmaamay in aan Saameyn reebin Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay la dagaalaan Isbaheysigooda. “Kulanka hogaamiyaasha Maanta waa Hogaamiyaasha Berri” ayuu tiri Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka. “Dhalinyarada waa Mustaqbalka Madaxda Dalalkooda, Mas’uuliyadeena waa in aan sii wadnaa Kaalmada iyo Garab istaagga Gudaha iyo Dibadda” ayuu sii raaciyay. Waa uu sii hadlay waxa uu yiri “Waxaan awoodda Saarnaa in Hogaanka Dalalka dhibaatooyinka ka jira ay gaaraan awood ay kula dagaalamaan Argagixisada”. Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka Dr.Anwar Bin Mohamed Gargash ayaa talo uu u jeediyay ku sheegay in habka kaliya looga guuleysan karo Argagixisada dibadda ay tahay in marka hore la cadaadiyo oo la baabi’iyo tan Gudaha. Imaaraatka Carabka ayaa Soomaaliya u tababaray Ciidamo dhowr Dufco ah, waxaana dalka ay ka baxeen Macalimiintii ka socotay iyaga oo qaarkood u wada tababar, kadib Xiriirka Labada Dal oo gaaray Meesha ugu hooseysa, ugu dambeyn waxa ay ka baxeen Dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. In the most detailed Turkish account about the reported murder of Saudi journalist Jamal Khashoggi, a pro-government newspaper released late on Tuesday the alleged names and photos of 15 Saudi nationals it said travelled to Istanbul the day Khashoggi disappeared. Source: Hiiraan Online
  23. Go’aan kama dambeys ah ayaa laga gaaray colaad muddo u dhaxeysay beello walaalo ah, kuwaasi oo ku dagaallamay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool. Sheekh Axmed Ismaaciil Mire oo akhriyey go’aanka lasoo saaray ayaa sheegay in looga baahan yahay Labada dhinac iney adkeeyaan go’aankan, islamarkaana dhan walbo looga baahan yahay fulintiisa. Labada dhinac ayaa la saaray bixinta diyada dadkii ay iska dileen, dib usoo celinta hantidii iyo hubkiii la kala qabsaday iyo arrimo kale. Dhanka kale, Maxamed Kaahin oo ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa halkaasi ka sheegay in tallaab adag laga qaadi doono cid walbo oo burisa go’aannada la gaaray, isaga oo dhanka kalena sheegay in aan hub lala soo geli karin deegaannada ay beelahan wada deggan yihiin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/FAARAX-DUBBAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Major General Trust Magoba – who now serves as a special advisor to the African Union office for Peace and Security – has raised concern at foreign interference on the continent. Source: Hiiraan Online
  25. Mas’uuliyiinta xagga ammaanka ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxay Faah faahinno dheeraad ah ay ka baxiyeen Duqeymo diyaarado dagaal ay ka geysteen deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan Gobolka Gedo, islamarkaana ka mid ah deegaannada ay maamulaan Al-shabaab. Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay duqeynta diyaaradaha in ay khasaaro ka soo gaartey xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al Shabaab. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaaasi ka dhacdey deegaanka Ceelcadde oo markii Labaad muddo Todobaad ah lala eegtay, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya duqeyntan u dambeysay in ay ku bur-bureen dhismayaal ku yaaley Ceelcadde. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Jubbaland-oo-Faah-Faahin-ka-baxisey-Duqeymo-Diyaaradeed-oo-ka-dhacay-Deegaanka-Ceelcade-ee-Gobolka-Gedo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com