Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,599
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka KG ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay weerar lagu qaaday Hooy ay degneed Haweeney u shaqeyneysay maamulka. Weerarka oo ahaa mid qalqal galiyay dadka deegaanka ayaa waxaa fuliyay Koox hubeysan kadib markii ay Bam gacmeedyo ku weerareen Hooy ay magaalada Baydhabo ka degan tahay guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Baay oo magaceeda lagu soo koobay Muraayo. Weerarka ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof, kuwaasi oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Baydhabo. Haweeneyda la weeraray ayaa waxaa la sheegay in ay badqabto, ciidamo ka tirsan booliska Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaan aanay jirin cid lagu soo qabtay. Weerarka Bam kadib ayaa waxa ay dadka deegaanka sheegen in la maqlaayay rasaas xoogan, waxaana Qaraxa ka dhashay khasaaro. Weerarka Bamka ayaa dadka deegaanka u muujiyay amni daro kusii kordheysa magaalada Baydhabo iyada lagu guda jiro abaabulka iyo diyaar garowga ku aadan doorashada la qorsheeyay inay dhacdo 17-ka November ee sanadkan. Haweeneyda la weeraray ayaa la sheegay inay u ololeyneysay musharax la tartamaaya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo dadka deriska la ah ay sheegen in maalmahaani ay marti galineysay Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira BMKG. Magaalada Baydbao ayaa waxaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato xaalada siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi, maadaama doorashada ay ku loolamayaan dhinacyo awoodooda ay ka muuqato degaanada Koonfur Galbeed oo kala ah madaxweyne Shariif Xasan oo doonaya inuu ku soo laabto hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Sheekh Muqtar Roobow oo wata saameyntiisa siyaasadeed iyo mida amni. Dhinaca kale, Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku wada sugan ciidamo kala duwan oo qaarkood ay wataan musharaxiin uu ka mid yahay Sheekh Muqtaar Roobow oo horey uga soo goostay Ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  2. Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday xalay duleedka magaalada Gaal-kacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wiil ayaa dil u geeystay adeerkii qabay hooyadii kadib markii adeerka uu masaafeeystay hooyadii. Dhacdadaan naxdinta leh ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Laanbaar oo dhaca duleedka magaalada Gaal-kacyo ee xarunta Gobolka Mudug dhanka Gal-Mudug. Ninka falka dilka ah geeystay ayaa ka hor inta aanu dilin adeerkii ugu yeeray martiqaad kadib martiqaadkana uu dilay. Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Dhoore waxaana uu kamid ahaa odoyaasha deegaankaasi. Sababta uu wiilkaasi adeerkiis hooyadii qabay u dilay ayaa lagu sheegay in uu ka xumaaday masaafada uu adeerkiis masaafeeystay hooyadiis. Lasoco Waxii kasoo kordha Puntland Post ayaa wata xireero ay la sameeyneeyso deegaanka uu falka ka dhacay wareeysi dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Nin Adeerkii Dilay kadib markii uu masaafeeystay Hooyadii Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho-[Puntland Post] Qoraal la soo dhigay bogga Twitter-ka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Soomaliya ee NISA ayaa lagu cadeeyay in howlgal qorsheysan oo laga sameeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde in lagu soo qabtay shabakad ka shaqeysata sameynta dollar-ka. Warka ka soo baxay hay,adda NISA ayaa lagu sheegay in labo kamid ah kooxdan gacanta lagu dhigay kuwa kalana lagu raad joogo. Kooxdan la qabtay ayey NISA ku sheegtay in ay xiriir la lahayeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in uu u fududeyn jiray galida garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, laakiin lama cadayn magaca Xildhibaanka oo xogtiisa lo gudbiyay NISA, sida ku cad qoraalka hay’addaha amniga. “Ciidamada ammaanka garoonka Aadan Cade ee Muqdisho waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-dambiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu daba jiraa”. Ma’aha markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigto rag sameey-nayay dollar been abuur ah oo dadka lagu khaldo, waxana arintan ku lug leh Xildhibaano ka tirsan dawlada Soomaliya oo ragan la shaqayn jiray sida lagu sheegay qoraalka. Cabdiqani Boos Puntland Post The post NISA oo qabatay rag ku shaqeysta dhaqida iyo farsameynta dollar-ka appeared first on Puntland Post.
  4. Ciidammada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Howlgalo kula wareegay deegaano hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan sida uu Warbaahinta dowladda u sheegay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Ibraahim Madoobe Nuur. “Howlgalka Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ay ka sameeyeen deegaano u dhow Degmada Jalalasi ee Gobalka Hiiraan waa mid balaaran waxaana Ciidamada ay si nabad galyo ah ula wareegeen deegaano ay Nabad diidka Al shabaab ku dhibaateyn jireen Shacabka oo ay ka mid yihiin Buurweyn, Dibileey, Faaxaale iyo deegaano kale”. Ciidankan oo ka baxay Degmada Jalalaqsi ayaa isku maray Deegaano dhowr ah, iyagoo aan dagaal kala kulmin Argagaxisada Al shabaab oo ka cararay goobaha ay Ciidammada gaareen. Howlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii Shacabka ku nool deegaanadaasi ay cabasho usoo gudbiyeen Ciidammada Xoogga Dalka iyagoo sheegay in Hanjabaadyo joogta ah ay kala kulmaan Al shabaab. “Howlgalkan waxaa door weyn ka qaatay dadka deegaanka gaar ahaan Dhalinyaro is abaabushay oo dagaalka lagula jiro Al shabaab ka qeyb qaadanaya, Jifileey, Buurweyn iyo Tuulooyinka yaryar oo ciidamada ay tageen shacabka way ka barakaceen ka dib markii Al shabaab ay Boob iyo dil u geysteen, waxaana Shacabka ka go’an inay iska dulqaadaan Argagaxisada iyagoo inoo soo gudbiya xogo dhameystiran”.ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi. Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ayaa dagaalo badan ka wada dhinacyo badan, oo Hiiraan, Shabeelooyinka iyo Jubbada hoose ay ku jiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Women suffer more from chronic depression in the EU member states than men, according to new data released by Eurostat for World Mental Health Day. Source: Hiiraan Online
  6. Kenyan security forces Wednesday intensified hunt for more than 20 militants who raided a local school in the country's border region, killing two teachers. Source: Hiiraan Online
  7. A section of elders from Garissa County are a worried lot over political instability in neighbouring war torn Somalia, saying it might extend to the country. Source: Hiiraan Online
  8. It was only six months ago that Saudi Arabia’s young crown prince was feted in Hollywood and Silicon Valley, Manhattan and Washington as a reformist monarch-in-waiting, already putting a modernist stamp on an intensely traditional — and fabulously wealthy — desert kingdom. Source: Hiiraan Online
  9. The battle to offer the world's longest non-stop flight steps up a gear on Thursday, when a new Singapore-to-New York service takes off. Source: Hiiraan Online
  10. Harriett Baldwin, the British Foreign Office development minister for Africa, has completed a tour of East African nations to announce development and humanitarian aid from the United Kingdom. Source: Hiiraan Online
  11. The crown prince of Saudi Arabia, Mohammed bin Salman, ordered an operation to lure Washington Post columnist Jamal Khashoggi back to Saudi Arabia from his home in Virginia and then detain him, according to U.S. intelligence intercepts of Saudi officials discussing the plan. Source: Hiiraan Online
  12. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed met on Wednesday with several hundred soldiers who had marched on his office to demand pay rises and were invited in to see him, his office and state media reported. Source: Hiiraan Online
  13. Mohammed bin Salman, the Crown Prince of Saudi Arabia, ordered that Washington Post contributor Jamal Khashoggi be lured to that country from his home in the U.S. and detained, the paper reported Wednesday evening. Source: Hiiraan Online
  14. The Somali national army took control of Gawaan village in Lower Jubba region in southern Somalia, military officials said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in Imaaraadka Carabta ay si buuxda u jebinayaan xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya. Warbixintan oo QM ay soo bandhigi doonto bisha November, ayaa waxaa qeyb ka mid ah arkay taleefishinka Al-Jazeera, oo ku warramay inay ku jireen xadgudubyo waa weyn oo Imaaraadka Carabta ay ku hayaan madax-bannaanida Soomaaliya. Waxyaabaha warbixinta ku qoran ee Al-Jazeera ay sheegtay ayaa waxaa ka mid ah in Imaaraadka Carabta ay Soomaaliya kusoo daabulayaan hub sharci-darro ah oo laga keenayo dalalka Serbia iyo Croatia ee bariga Yurub. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in saldhigga milatari ee Imaaraadka ka dhisayaan magaalada Berbera uu yahay mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo xayiraadda hubka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday saldhigaas, waxaase iska indha-tiray Imaaraadka oo la macaamilaya maamulka Somaliland ee caalamku aanu aqoonsaneyn. Waxaa sidoo kale Imaaraadka ay ku eedeysay warbixinta, inay maal-gelinayaan kooxda Al-Shabaab ayaga oo iibsanaya dhuxusha Soomaaliya, oo Al-Shabaab ay ka hesho lacag badan. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsiga dhuxusha uu yahay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan kooxda al-Shabaab, lagana soo xareeyo lacag dhan 7.5 milyan oo dollar, oo laga sameeyo baadda laga qaado baabuurta xamuulka ee dhuxusha sidda. “Dhammaan ficilladan waxay Shabaab usoo xareeyeen dhaqaale ay kusii wadi karto dagaalka” ayey tiri warbixinta kooxda UN Monitoring. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. New York (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in ilaha dhaqaalaha gudaha ee kooxda Al-Shabaab ay ka badan yihiin kana nidaamsan yihiin kan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsiga dhuxusha uu yahay mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan kooxda al-Shabaab, lagana soo xareeyo lacag dhan 7.5 milyan oo dollar, oo laga sameeyo baadda laga qaado baabuurta xamuulka ee dhuxusha sidda. Lacagta kasoo gasha dhuxusha ka sokow, Al-Shabaab ayaa sidoo kale malaayiin dollar sanadkii ka hesha lacagta ay ka qaado gaadiidka ay jidgooyooyinka u sameysteen ee sida dalaga beeraha iyo xoolaha. “Dhammaan ficilladan waxay Shabaab usoo xareeyeen dhaqaale ay kusii wadi karto dagaalka” ayey tiri warbixinta kooxda UN Monitoring. Jidgooyada ugu dakhliga badan al-Shabaab waa mid ku taalla meel 160 km u jirta Muqdisho, waxayna ku taalla waddada caaisimada ku xirta Baydhaba. Qof al-Shabaab kasoo goostay ayaa laga soo xigtay in jidgooyadaas ay maalinkii kasoo xarooto 30,000 oo dollar – 10 milyan oo dollar sanadkii. “Ayaga oo adeegsada xeelado la mid ah kuwa maafiyada, ayaa Shabaab waxay dadka saartaa canshuur, ayada oo fulinta lagu salleeyo rabshado iyo cabsi-gelin” ayay tiri warbixinta. Buug laga helay xisaabiye Shabaab ahaa oo la dilay ayaa faahfaahin ka bixiyey dakhliga Al-Shabaab uga soo xarooda iyo kan uga baxa gobolka Hiiraan, waxaana buugga uu muujiyey nidaam xisaabeed aad u horumarsan oo kooxdan ay adeegsato. Kooxda QM waxa ay sheegtay in habka canshuuraha al-Shabaab uu aad uga horumarsan yahay ugana tayo badan yahay kan dowladda Soomaaliya, ayada oo kooxdu adeegsato nidaam cad oo ku saleysan xisabatan dhab ah, halka dowladda Soomaaliya lacagta ay ciidankooda qaarkood ururiyaan aysan lahayn meel loo raaco. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay baaq ay dhawaan jeediyeen safiirada dalalka Denmark iyo Holland u jooga dalka Kenya, oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaalida. Safiirka Denmark ee Kenya Mette Knudsen iyo safiirka wadanka Holland ee Kenya Frans Makken, ayaa dhawaan ku baaqay in deg deg loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya islamarkaana la kulansiiyo madaxda Somaliland iyo Soomaaliya waxaanay hadalkan ka sheegeen magaalada Nayrobi. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa yidhi “Inagu Somaliland ahaan marnaba kamaynu bixin wada hadalada, Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, hore ayuu u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay Somaliya la hadasho, marka la helo jawi lagu wada hadlo, waxaana xaqiiqo ah in Somaliya ka leexatay jawigii labada dal ku wada hadli lahaayeen” Waxa uu intaas ku daray “Waxaa xaqiqo ah in Farmaajo uu yidhaahdo wada hadalada Somaliland diyaar ayaanu nahay, haddana uu xaqiiqada iska indho tirayo, mar walbana mawqifkayguna in aanu Somaliland iyo Somaliya ahaadan laba dal oo jaar ah oo kala madax banaan, maxaa yeelay markii hore ee aanu isku darsanay ee aanu midawnay laba dal baanu kala ahayn, haddana waanu kala baxnay, si kasta oo loo wada hadlana sinaba suurtagal ku noqon mayso in qadiyada iyo mawqifka Shacabka reer Somaliland laga noqdo, oo ah in Somaliland ahaato dal madax banaan, waxaana 97% Shacabka reer Somaliland u coddeeyeen in aanay rabin inay Somaliya la midobaan”. Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay socdaalka ay Somaliland ku timid Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Britain u qaabilsan Afrika ayaa yidhi “Cid kasta oo Somaliland marka hore fikir kale ka aaminsan, markay arkaan oo ay yimaadaan, ayey qiraan nidaamka, dhismaha, dimuqraadiyada, nabadgelyada, horumarka iyo kala dambaynta ka jira, waxaana dhaba in Wasiirul Dawlaha inoo timid, ay ogaatay horumarka balaabadhan ee dhan kasta leh ee dalkeena ka jirta, iyo kala duwanaasha aynu kala duwan nahay Somaliya, waxaana dhab ah in Somaliland dhabihii horumarka hayso, halka Somaliyana aynu ognahay xaalada ka jirta”. Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay walaaca Beesha Caalamka ee dib u dhaca ku yimaada Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilada ayaa ku jawaabay “Wax walba siday u dhacayaan ALLE ayaa og, qaybkana ALLE ayaa og, balse qorshuhu wuxuu ahaa in Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanku inay qabsoomaan Sannadka dambe bishiisa Saddexaad, ilaa haddana qorshihii waa sidii wax iska bedelayna ma jiro, dib u dhac ku yimidna ma jiro, haddii ay dib u dhac ku yimaadana ilama ah in isla sannadkaas ay dhaafi doonto, aniguna waxaan saddexda Xisbi kula talinayaa inay ka heshiiyaan oo is fahan ka gaadhaan arimaha Komishanka, iyo arimaha Doorashooyinka ee lagama maarmaanka ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  18. Tehran (Caasimada Online) – Abaanduulaha ciidamada mutadawiciinta Iran ee Basij, General Gholam –Hussein Gheib-Parvar waxa uu ka digay iskaashi ay Sacuudiga iyo Israel kala sameynayaan Mareykanka sidii Iran loogu qaadi lahaa dagaal dhaqaale. “Maanta waxaan wajahaynaa dagaal buuxa oo dunida nooga imaanaya waxaana si cad u muujiyey xushmad daradda Madaxweynaha Mareykanka iyo cadaawadda uu u qabo Iran,” waxaa sidaas yiri General Gheib-Parvar, xilli uu la hadlayey dad isugu soo baxay Tehran Salaasaddii. Waxa uu sheegay in Mareykanka uu taageero uga helayo dagaalkan labaddiisa hub ee gobolka [Sacuudiga iyo Israel], sidoo kale waxa uu sheegay in Sacuudiga iyo Israel dowladahooda ay lacago badan ku bixiyaan sidii ay Washington ugu gudbin lahaayeen xogo sirdoon ah oo ka dhan ah dowladda kacaanka Islaamiga ah. Mas’uuliyiinta Iran waxa ay dhawr oo hore uga digeen in CIA-da iyo Mossad oo garabsanaya dowlad gobolka ah ay dagaal saxaafadeed iyo mid Borobagaan ku bilaabeen Iran. “Saxaafadda iyo ol’olaha Borobagaandada hore ayuu u socday, laakiin hadda ayuu xoogeystay. Sida xogta aan helay sheegeyso, wardoonka Mareykanka iyo dowladda Yuhuudda – iyo taageerada dhaqaale ee dowladdaha deriska nala ah – waxa ay dhiseen qalab warbaahineed oo dagaal waxa ayna si joogta ah ugu mashquulsan yihiin sidii ay hawada saxaafadda bulshadeena uga wasakheyn lahaayeen,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dowladda kacaanka Islaamiga ah Ayatollah Sayyed Ali Khamenei bishii Sebteembar, waxa uu xilligaas Tehran kula hadlayey xubno ka mid ah golaha khubrada ee Iran. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  19. London (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa shaaca ka qaaday in Sacuudiga lagula xisaabtami doono kaalinta ay ku leedahay dilka weriyaha lagu magacaabo Jamal Khashoggi. Xoghayaha arrimaha dibeda Britain Jeremy Hunt ayaa sheegay in dowladiisa ay aad uga xun tahay falka foosha xun ee Sacuudiga uu kula dhaqmay Jamal Khashoggi oo ilaa iyo hadda lagu la’ yahay nolol iyo geeri. Wasiirka arimaha dibeda sacuudiga Adel al-Jubeir, iyo dhigiisa Britain Jeremy Hunt oo qadka taleefanka kuwada hadlay ayaa waxaa sacuudiga looga digay in nolosha iyo badqabka Jamal ay noqon doonto mid ku xirnaan doonta xiriirka labada dowladood. Qoraal lagu soo daabacay Twitter-ka Jeremy Hunt, ayaa waxaa lagu sheegay in Britain ay isha ku heyn doonto kiiska Weriyaha maqan, isla markaana ay kula xisaabtami doonto boqortooyada. Jeremy Hunt, ayaa ugu baaqay boqortooyada sacuudiga in ay jawaab cad ka bixiso maqnaashaha weriye Jamal Khashoggi oo la rumeysan yahay in goor hore la dilay. Haddalka Jeremy Hunt ayaa ahaa “Sacuudiga waa inay cadeysaa halka uu ku maqan yahay Jamal Khashoggi waa lagula xisaabtami doona go’aan mideysan ayaana laga qaadan doona arrinta dhacday” Sawirro laga soo saaray kaamirada qarsoon ee ku dhagan afafka hore Qunsuliyada ayaa waxaa lagu arkay Jamal Khashoggi oo markii ugu danbeysay booqasho ku tagay Qunsuliyada sacuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul todobaadkii la soo dhaafay. Dowlada sacuudiga oo qudheeda dareen qabta ayaa si adag u beenisay in wariyahan uu gacantooda ku jiro, waxa ayna baahisay in Jamal Khashoggi uu banaanka uga baxay Qunsuliyada. Geesta kale, Dowladaha reer Galbeedka ayaa ka mideysan fal celinta maqnaanshaha Jamal Khashoggi oo lagu la’ yahay nolol iyo geeri. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ayaa dhawaan warqad dalaba u gudbiyay Taliska Ciidamada AMISOM, taa oo lagu dalbanaayay ciidamo ka tirsan taliska oo suga amniga Xarunta Golaha. Dalabka Guddoonka oo horay u baxay March 24, 2018, ayaa iminka waxaa ka jawaab celshay Taliska AMISOM oo markii hore ka gaabsaday ka jawaabida warqada. Taliska oo ka falcelinaya dalabka ayaa iminka ciidamo aad u hubeysan isla markaana wata gaadiidka gaashaman geeyay Xarunta Golaha. Ciidamadan ayaa la dhigay dhamaan hareeraha xarunta iyo albaabka laga galo xarunta, waxaana ka dhinac shaqeeya ciidamo si aada u tababaran oo ka tirsan NISA. Ciidamada AMISOM oo qaba dareen gaara oo muujinaaya cabsida keentay dalabkooda ayaa gaadiidka Xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa shaqaalaha mariya baaritaano adag. Gaadiidka gaashaman qaarkood ayey ku jareen wadooyinka danbe ee laga soo galo xarunta sababo la xiriira cabsida ka jirta xarunta Golaha oo salka ku heysa weerar lagu qaado. Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa sheegay inay ka mahad celinayaan falcelinta Taliska AMISOM, waxa uuna carab ***** in dalabkooda uu ahaa in loo keeno ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaa soo oo loogu tala galay in ay suggaan Amniga xarunta Aqalka Sare. Xarunta Golaha Aqalka Sare ayaa ku dhinacyaal dhismaha Hay’adda Sirdoonka Somalia ee Maama Khadiija oo ah xarun aad loo adkeeyay amnigeeda. Si kastaba ha ahaatee, amniga xarunta oo aad loo adkeeyay ayaa waxaa iska kaashanaaya ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay weerar. Weerarkaasi ayaa waxaa loo adeegsaday Bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxaana lagu weeraray gudoomiyaha haweenka Gobolka Baay marwo Muraayo. Dableey hubeeysan ayaa gudoomiyaha weerar ku qaaday hooygeeda xili la hurdo waxaana ay iska caabin dableeydaasi kala kulmeen ilaalada gudoomiyaha. ilaa hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay weerarkaasi sababa xiliga oo habeen ah iyo ciidamo buux dhaafiyay halka ay wax ka dhaceen. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka dhaca dagaalo soo laa laabta oo u dhaxeeyo Al-Shabaab iyo Ciidamada Koonfur Galbeed oo gacan ka helaya kuwa AMISOM. Wixii ku soo kordha dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Weerar qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
  22. Wararka naga soo gaaraya deegaanka Haraare oo 40 KM dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Balan-bale ee Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku sumoobay in ka badan 30-ruux oo reer mii ah. Dadkaan oo ah reer mii ayaa waxa ay ku sumoobeen hilib geel ay cuneeyn iyaga oo isugu yimid meel alle bari ah. 1-ruux ayaa u geeriyooday suntaasi halka dad kale oo aad u badana lagu dabiibayo isbitaalada degmooyinka Balan-Bale iyo Guriceel ee Gobolka Gal-Gaduud. Gudoomiyaha Degmada Balan-Bale ee gobolka Gal-Gaduud Jaamac Xeyle Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay falkaasi iyo sida uu u dhacay, Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay ha’ayadaha samafalka iyo ganacsatada in ay caawiyaan dadkaasi la dhibaateeysan sunta. Hoos ka dhageeyso wareeysiga waxaa wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Jaamac-Xeyle-Maxamed-Gudoomiyaha-Degmada-Balanbale-PP-By-Cowke-1.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post In ka badan 30-ruux oo ku sumoobay Hilib ay Cuneeyn Gobolka Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post.
  23. Gudoomiyaha degmada Cadaado Cabdi Kariim Maxamuud Cilmi oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah ee Puntland Post ayaa sheegay in ay ka hortagayaan doorashada Madaxweynaha Gal-Mudug oo dhowaan ay sheegeen Garabka Cadaado in ay ka dhaceeyso magaaladaasi. Gudoomiyaha ayaa sheegay in aanay u dul qaadan doonin qala laaso ka dhaca magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka maamulka Gal-Mudug. Mar aan wax ka weeydiinay Gudoomiyaha masuuliyiintaasi oo wata ciidamo iyo ciidamadooda in ay isku dhacaan ayuu sheegay in masuuliyada arintaasi ay qaadeeyso cidii doorashadaasi qabato. Xubnaha madaxweyne ku xigeenka Gal-Mudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaankaasi iyo xildhibaano katirsan Gal-Mudug ayaa kulan ay ku yeesheen Cadaado waxa ay ku sheegeen in xilka ay ka qaadeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf. .Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga Gudoomiyaha waxaa wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Cabdi-kariin-Maxamed-Cilmi-PP-By-Cowke.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gudoomiyaha Cadaado” Waan Joojin Doonaa Doorashada Madaxweynaha Gal-Mudug” appeared first on Puntland Post.
  24. Labo ruux ayaa ku geeriyootay kadib markii uu ku soo dumay darbi ay dhisayeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Falkaasi ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Kaawo Godeey degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Waxaa halkaasi ku dhintay allaha u naxariistee Abshir Cabdulle iyo Cabdi Waaxid Maxamed mana jirto cid kale oo ku dhaawacantay. Warbaahinta Puntland Post ayaa arintaasi waxaa ay ka wareeystay Cismaan Maxamed Macoow oo la dhashay mid kamid ah Marxuumiinta dhintay waxaana wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke. Hoos ka Dhageeyso Wareeysiga https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Dad-ku-soo-dumay-dhismo-PP-By-Cowke.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Shaqaale ku Dhintay Dhismayo ay ka shaqeeynayeen Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda NISA ayaa caawa shaacisay in ciidamada ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde ay gacanta ku dhigeen koox ka shaqeysa lacag dhaqidda, arrintan oo si rasmi ah u shaacisay xogtii ay Caasimada Online daabacday 29-kii September. War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda NISA oo lsoo dhigay barta Twitter-ka hay’adda ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ay qabteen Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqidda iyo sameynta doollar been abuur ah. Shabakadda lacagta dhaqda ayaa laga qabtay laba ruux halka kuwo kalana lagu daba jiro, sida lagu sheegay warka kasoo baxay NISA. “Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqida iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa,”. Hay’adda Nabadsugidda ayaa sheegtay in shabakaddaas uu howlaha u sahlay mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia,waxana galka baarista ee shabakadda loo gudbiyay hay’adaha sharciga. “Waxaa hawlaha u sahlay, sida gudbinta garoonka Mudane ka tirsan golaha shacabka, Galka baarista ee shabakadan waxaa loo gudbinayaa hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si’ay uga qaadaan talaabada ku haboon,”. Ayey tiri NISA. Inkasta oo warkan ay NISA caawa shaacisay, sidoo kalena warbaahinta Soomaalida ka wada qaateen, haddana Caasimada Online waxay xogtay qortay 29-kii September. Halkan ka aqri warkii aan qornay xilligaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com