-
Content Count
206,603 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—The Norwegian Government announced a commitment of NOK 450 Million ($54.3 million) to support the reconstruction, reform and development process in Somalia. Channeled through the World Bank’s Multi Partner Fund (MPF), the contribution will provide resources through the Government’s systems to address the country’s most critical challenges on its path towards stability. The additional financing from Norway comes two weeks after the approval of Somalia’s first Country Partnership Framework (FY 2019-2022), and the first International Development Association (IDA) financing for government in more than 30 years. “This additional contribution from Norway signals our recognition of the considerable progress the Somali authorities have made in bringing the country together,” said Nikolai Astrup, Norway’s Minister of International Development. “This contribution reflects our confidence in the country’s institutions. The reform momentum is bringing tangible dividends to the country. This is the time to advance on the back of the gains we have collectively achieved and to sustain progress towards peace and stability” The MPF has been investing in intergovernmental fiscal reform through the Recurrent Cost and Reform Financing (RCRF) Project. This project brings the Federal Government and the Federal Member States together to discuss resource distribution, service delivery and financial reforms across the country. In September this year, the World Bank Group Executive Board approved the expansion of the RCRF project using IDA pre-arrears clearance grants. The RCRF project will therefore receive financing from both the MPF and IDA. The Norwegian contribution to the MPF will allow for a scale up in the resources going through the RCRF project, which include transfers to Federal Member States. “This is an important time in the World Bank’s engagement with Somalia. It is also an important time for Somalia’s engagement with the international community, including its neighbours,” said Hafez Ghanem, Vice President of the World Bank for Africa. “We welcome the significant support from Norway as Somalia pursues the path towards stability. This is the only means to achieve a reduction in the vulnerability and poverty of the Somali people”. The contribution from the Norwegian Government recognizes the key role of government in increasing domestic revenue and access to services in Somalia, in line with the MPF’s approach to using country systems and putting the government in the lead of the country’s development. The World Bank will partner closely with Norway throughout the implementation process and reform policy dialogue. The Multi Partner Fund works predominantly through Somali authorities and includes institution-building, economic growth and urban development activities. MPF is supported by the European Union (EU), United Kingdom’s Department for International Development (DfID), the German Federal Ministry for Economic Cooperation and Development, the Swedish International Development Cooperation (SIDA), the Royal Norwegian Embassy, Danish International Development Agency (DANIDA), the Swiss Agency for Development Co-operation (SDC), the Ministry of Foreign Affairs of Finland, United States Agency for International Development (USAID), Italy’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, and the World Bank’s State and Peacebuilding Fund (SPF). PRESS RELEASE
-
New York (Caasimada Online) – Somalia was elected to the United Nations’ top human rights body on Friday for a period of three years beginning January 1, 2019, getting 170 votes in the African States category. Somalia won the election as a new member of the United Nations Human Rights Council, with a strong effort made by the Permanent Representative of the Federal Republic of Somalia to the United Nations in New York, Ambassador Abukar Dahir Osman. The 193-member UN general assembly held elections for new members to the UN Human Rights Council. The 18 new members were elected by absolute majority through a secret ballot. Countries needed a minimum of 97 votes to get elected to the Council. Somalia was vying for a seat in the African States category. Along with Somalia, Burkina Faso, Cameroon, Eritrea and Togo. Somalia was overwhelmingly elected by 170 votes out of 193. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Xildhibaan Sharmaake Xasan Ganey oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in madaxweyne Waare ay la xisaabtan dhab ah la sameyn doonaan. Waxa uu sheegay mudanahan in madaxweynaha Hirshabelle uu ka meermeerayo inuu horyimaado xildhibaannada, iyadoo taasina horey u keentay in mooshin laga keeno. Xildhibaanka ayaa tilmaamay haddi uu madaxweyne Waare ka madax adeego inuu baarlamaanka u sheego qorshihiisa shaqo iyo wixii u qabsoomay in mar kale uu imaan doono mooshin, islamarkaana aan la aqbali doonin oday dhaqameed dambe oo ka hor istaaga mooshinkaasi. “Isla Xisaabtanka wuu socdaa waana sababta aan ugu yeernay madaxweynaha, muxuu ku diidan yahay inuu noo yimaado, madaxweyne Waare ha iska soo xaadariyo baarlamaanka, mar dambe kuma deyn doonno odoyaasha dhaqanka sidii hadda dhacday” ayuu yiri xildhibaanka. Dhowaan ayeey ahayd markii xildhibaannada Hirshabelle ay ka laabteen mooshinkii ay ka keeneen madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Senat-ka Maraykanka ayaa meelmariyay danjiraha cusub ee dowladdaasi u qaabilsanaan doona Soomaaliya Donald Yamamato. Mareykanka ayaa danjiraha cusub oo Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya u magacaabay Mr. Yamamato oo khibrad aad u badan u leh dhinaca dibloomaasiyadda. Madaxweyne Trump oo Yamamato Danjiraha Soomaaliya u magacaabay. Iyadoo aqalka sare ee Mareykanka uu magacaabiddiisa uu ku meelmariyey cod buuxa. Yamamato oo horay danjiranima uga soo shaqeeyey waddama badan oo qaaraddan Afrika ka tirsan, isaga oo noqday danjirihi ugu waaya aragnimada badnaa ee Soomaaliya loo magacaabo tani iyo inta ay Soomaaliya bur-brutay Mareykankana uu xiray Safaaraddiisi Muqdisho. Aqoonyahan Maxamed Maxamuud ayaa waeysi uu siiyey Goobjoog ku sheegay in Danjirahaan loo soo magacaabay Soomaaliya uu waxbadan ka badali karo siyaasadda dalka iyo is faham. Waxa uu sheegay inuu yahay Yamamato shaqsi fur furan oo siyaasada geeska afrika wax badan ka garanaya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSI-DANJIRE-CAAALIM.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
American pastor Andrew Brunson flew out of Turkey late Friday after a Turkish court convicted him of aiding terrorism but sentenced him only to time served. His release came one day after U.S. officials said a deal had been reached with Turkey’s government to secure his freedom. Source: Hiiraan Online
-
Maamulka Gobalka hiiraan ayaa sheegay in ay isku furi doonan wadada isku xirta magaaloyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burde, xilli AMISOMay iyana ka dhawaajiyay howlgal waddo furis ah. Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee maamulka gobolka Hiiraaan, C/raxiin Muxummad Taakooy ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid dhowaan la fulin doono, islamarkaana dadka lagasaari doono go’doonka. Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM u dhaqaaqeen sidii ay ula dagaallami lahaayeen Al-shabaab, islamarkaana u furii lahaayeen waddooyinka xiran. Dhanka kale, qoraal kasoo baxayAMISOM ayaa lagu sheegay in lagu furi doono waddooyinka ay xirteen Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, shacabkana loo fududeyn doono isku socodkooda. AMISOM ayaa sheegtay in howlgalladan ay yihiin kuwo sidoo kale lagu doonayo in lagu fududeeyo shacabka ku dhaqan deegaannada iyo degmooyinka go’doonsan in lagu gaarsiiyo gurmad Bini’aadannimo. Maalmahan dambe, ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo ballaaran waxay ka bilaabeen deegaanno ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne, gaarahaan xaafadda howlwadaag ee magaaladaasi ay ka dhacdo munaasabad ballaaran oo maamulka West-land ugu biirayo maamulka Hirshabelle. Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in munaasabaddan si gaar ah maanta loogu soo wareeejin doono ciidamadii uu haystay maamulkaasi, laguna dari doono ciidanka xoogga dalka. Muddooyinkaan dambe waxaa socdey dedaal badan oo lagu doonayey in maamulka West-land uu ku biiro Hirshabelle. West-land ayaa haysta ciidamo gaaraya 500, kuwaasi oo markii hore aan jirin cid ay si gaar ah uga tirsanaayeen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dadkii dhowaan ka barakacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa bilaabay iney dib ugu laabtaan guryahooda, kadib markii xaaladda magaaladaasi isbedal uu ku yimid. Xasan Cumar oo ah guddoomiyaha Marka ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in shacabka ay hadda intooda badan oo laabteen kuwa kalena la sugayo iney yimaadaan. “Ammaanka magaalada Marka aad ayuu u wanaagsna yahay, dadkii waxay bilaabeen iney kusoo noqdaan guryahooda, waxaana ay yihiin kuwo si cabsi la’aan ah u imaanaya…dadka waxay usoo laabanayaan waa in la heshiisiiyey maleeshiyaadkii magaalada ku dagaallami jiray sidoo kalena magaalada ay hayaan ciidanka xoogga dalka” ayuu yiri guddoomiyaha. Dhanka kale, guddoomiye Xasan ayaa sheegay in maamulkooda uu kaalin weyn ka qaadan doono dib u dhiska magaaladaasi oo ku burburay dagaalladii dhacay. Marka ayaa muddo badan ahayd furin dagaal, iyadoo xaafadaha qaar ee magaaladaasi ay mar hore isaga barakaceen shacabkii deganaa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgal ballaaran ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, iyaga oo kusoo qabtay howlgalkaasi rag hubeysan. Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, inuu arkay ciidanka oo wada 5 qof oo Labo ka mid ah yihiin kuwo hubeysan. Raggan la qabtay ayaa la sheegay in dhac ay ka geysan jireen degmada Dharkeenley, balse weli sharaakiisha Booliiska ee howlgalkaan sameeyeywax faah faahin ah ma aanay bixin. Maalmihii ugu dambeeyey, ciidamada Booliiska ayaa howlgalllo ammaan sugid ah ka waday magaalada Muqdisho. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Germany's Interior Ministry will extend migration controls at borders with Austria and Denmark for another six months. Denmark, Austria and France have also announced their intention to extend border controls. Source: Hiiraan Online
-
Washington’s newly named point man for Afghan peacemaking met Taliban representatives in the Gulf nation of Qatar on Friday, a person familiar with the gathering said, as the Trump administration stepped up efforts to cobble together a road map for talks aimed at ending the 17-year war in Afghanistan. Source: Hiiraan Online
-
Cyber attackers stole data from 29 million Facebook accounts using an automated program that moved from one friend to the next, Facebook Inc (FB.O) announced on Friday, as the social media company said its largest-ever data theft hit fewer than the 50 million profiles it initially reported. Source: Hiiraan Online
-
At this time last year Riyadh was gearing up to host a raft of leading figures from the world of business and banking at its inaugural Future Investment Initiative. Dubbed "Davos in the Desert" — in a nod to the yearly global economic forum and the kingdom's own lofty ambitions — the conference in the Saudi capital suggested a new era of openness and innovation under the young crown prince, Mohammed bin Salman. Source: Hiiraan Online
-
Al-Qaeda-linked Al-Shabaab rebels are profiting from the illegal trafficking of charcoal exports produced in Somalia and transiting through Iran, United Nations experts said in a report recently shared with the UN Security Council. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin dastuurka ay adeegsadaan maamullada Soomaaliya, sida ku cad warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii warbixinta ay sheegtay in Imaaraadka Carabta ay si buuxda ugu xadgudbayaan madax-bannaanida Soomaaliya. Warbixintan oo QM ay soo bandhigi doonto bisha November, ayaa waxaa qeyb ka mid ah arkay taleefishinka Al-Jazeera, waxaana lagu sheegay in saldhigga milatari ee Imaaraadka ka dhisayaan magaalada Berbera uu yahay mid sharci darro ah oo xadgudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya iyo xayiraadda hubka. Imaaraadka Carabta ayaa markii ay khubarada QM weydiiyeen sababta ay ugu xadgudbayaan Soomaaliya, ayaga oo dhisaya saldhigyo iyo dekado aysan ogleyn dowladda federaalka, waxay ku jawaabeen “Imaaraadka waxay heshiisyo la galeen maamullada ka jira Soomaaliya, si waafaqsan awoodaha dastuuriga ah ee dastuurka uu siinayo madax goboleedyada, si ay ugu guuleystaan amni, xasilooni iyo baraare” Imaaraadka ma sheegin dastuurka ay ka hadlayaan ee awoodaha siiyey madax goboleedyada, hase yeeshee waxaa cad inuu yahay kan goboleedyada, sababta oo ah dastuurka Soomaaliya waxaa awoodda saxiixa heshiisyada caalamiga ah leh kaliya madaxweynaha Jamhuuriyadda. Hoos ka eeg qodobka arrintaas ka hadlaya ee dastuurka. Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya (q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u diiday saldhiga Imaaraadka iyo dekadaha Berbera iyo Boosaaso, waxaase iska indha-tiray Imaaraadka oo la macaamilaya maamulka Somaliland iyo midka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Sida ay Caasimadda Online ku heshay xog lagu kalsoon yahay, kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa waxa ay bilowday in ay dhammaan ganacsatada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ka qaaddo lacagta canshuurta ee ay ugu yeeraan Zakada. Tallaabadan oo cabsi galisay bulshada iyo ganacsata Boosaaso ayaa timi kaddib markii saraakiisha Daacish ay bilaabeen In ay soo wacaan maamuleyaasha ganacsatada magaalada, iyaga oo ku amray in ay bilaabaan bixinta Zakada iyo Canshuurta. Ganacsade ku sugan magaalada Boosaaso oo u xog warramaya Caasimadda Online ayaa sheegay in Daacish la soo hadashay kaddibna ku wargaliyeen in looga baahan yahay bixinta Zakawaad-ka. Sida uu no xaqiijiyey ganacsadaha oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, sababo amni awgood, ma aha kaligii ee waxaa dhammaan la wada wacay ganacsata oo la siiyey isla amarkaas. Muddooyinkan dambe waxaa gobolka Bari ku xoogeysaneysay Daacish oo saldhigyo ka sameysatay deegaano ka tirsan gobolkaas. Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay dilal dhowr ah oo koxodan ay sheegtaya Waxaa Daacish hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin oo ka soo jeeda beesha Cali Saleeaan, Majeerteen, Daarood, oo ah beesha ugu badan ee degta magaalada. Kooxda Al-Shabaab oo Daacish ay ka go’day ayaa lacagta Zakada ama canshuurta ka qaadda dhammana ganacsatada dalka Soomaaliya, lacagtaas oo ay ku maal-geliyaan howl-galladooda. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya ay u magacowday dalka Ethiopia Cali Shariif Axmed ayaa warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo u gudbiyey wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu. Aqabalaadda dowladda Ethiopia ee safiirnimada Cali Shariif ayaa timid in ka badan shan bilood kadib markii xilkan loo magacaabay, ayada oo ay saameeyeen is-beddellada siyaasadeed ee Ethiopia ka dhacay. Safiirka cusub ayaa sida aan xog ku helnay kasoo jeeda beesha Sheekhaal ee Mogadishu Clan. Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, ayada oo wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia uu carabka ku adkeeyey inuu jiro damac ah in la xoojiyo xiriirka labada dalka, si loogu guuleysto himilooyinka dadka Soomaaliyeed iyo kuwa Ethiopia. Cali Shariif ayaa dhinaca kale ammaanay waxa uu gu yeeray xiriirka xooggan ee labada dal iyo rabitaankooda ah inay si wada jir ah u xoojiyaan xiriirka iyo wada-shaqeynta ay ka leeyihiin dhinacyo badan oo kale duwan. Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale laga sugayaa inay buuxiso dhowr safaaradood oo ka mid ah kuwa Soomaaliya oo aan wax safiiro ah lahayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa walaac weyn ka muujiyey qorsho uu Shariif Xasan ku doonayo inuu dib ugu dhigo Doorashada Koonfur Galbeed oo lagu ballansan yahayu 17 Bisha soo socoto. Musharixiinta oo ku midoobay Gole loogu magac daray Isbadel doonka Koonfur Galbeed ayaa Shariif Xasan ku eedeeyey inuu wado qorsho halis gelin doono Mustaqbalka Koonfur Galbeed oo ah inuu sameysto waqti kororsi taasoo lagu sheegay inay tahay wax aysan aqbali doonin dadweynaha Koonfur Galbeed.. Haddaba Halkaan hoose ka akhriso war Saxaafadeedka Ujeeddo: Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Golaha Isbedeldoonka ee KGS waxay walaac xoog leh ka muujinayaan dib u dhac iyo isdabamarin ku aadan qabashada doorashada taasoo keeni karta xasiloonidarro, is qabqabsi iyo kala shaki, madaama la dhaafay waqtigii la soo xuli lahaa guddiga doorashada. Dastuurka koonfur galbeed qodobkiisa 65aad faqradihiisa kala geddisanwaxay tilmaamayaan in la sameeyo guddi doorasho muddo 2 bilood ka hor inta aan waqtiga doorashada la gaarin.17ka November 2018 oo ah Mudada doorashada la cayimay waxaa ka haray wax ka yar 40cisho. Ilaa iyo hadana lama dhisin Guddi Doorasho, mana muuqato saansaan doorasho. Waxaan ka digeynaa in dhibaato ay dhacdo ama in la musuqmaasuqo doorashada. Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay xil iska saaraan kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa doorasho xor ah, xalaal ah oo dhacda waqtigii loogu talo galay. Sidoo kale waxaan ku baaqaynaa in guddiga doorashada oo uu soo jeedin doono Baarlamaanka Koonfur Galbeed noqdo guddi dhex dhaxaad ah oo lagatalo geliyey musharaxiinta, marka laysku waafaqana laga ansixiyo kulanka guud ee golaha Baarlamaanka KG. Si loo xaqiijiyo amniga isla markaa laga ilaaliyo doorashada musuqmaasuq, waxaan soo jeedinaynaa in goobta doorashada laga dhigo meel ka madaxbanaan maamulka KGS, sida meelaha hoos yimaada UNSOM isla markaana amaankiisa ay sugayaan AMISOM. Golaha Isbedeldoonka ee KGS waxay walaac xoog leh ka muujinayaan isku dayga siyaasadeed ee ay dowladda dhexe iyo maamulka KG ay ku beegsanayeen musharaxiintaqaar ka mid ah iyadoo loogu gol leeyahay in lagu marinhabaabiyo habraaca doorashada. Musharax kasta wuxuu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu u tartamo kursiga madaxtino eeKG haddii aanay jirin go’aan maxkamadeed oo ka reebaya. Dhammaan musharaxiina waa in ay helaan maamuus xasaanad leh, dhaqdhaqaaq madaxbanaan iyo amni sugan sida; soo gelida iyo ka bixida garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, in taageerayaasha iyo gawaaridooda loo fududeeyo soo dhoweynta iyo sagootinta musharaxiinta, sugida amniga goobaha olalaha doorashooyinka iwm. Waxaan ku boorinaynaa Ciidamada Amniga heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleediyo kuwa Amisom ina ay dardargeliyaan sugida amniga guud ee magaalada iyo gaar ahaan nabadgelyada musharaxiinta. In hantida iyo agabka KGS iyo hay’adda ee hoos yimaada oo ay ka mid yihiin hay’adaha amniga, idaacadda KGS, telefeshiinka KGS aan loo isticmaalin si gaar ah oo loogu ololaynayo musharax keliya si simanna loogu adeego dhamaan musharaxiinta. In maamulka KG ee waqtigiisa dhamaaday in uu u guto masuulidda ka saran ilaantina hantidda waqtiga kala guurka kana ilaaliyo dhac iyo boob. Waxaan codsanaynaa in Wasaaradda Arrimaha GudahaDFS, Guddiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Qaran, Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay la yimaadaan hab lagu xaqiijanayo inay doorasho xor ah, xalaal ah oo dimuqraadi ah ay ka dhacdo KGS. Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha kaaliya Dowlad Goboleedka KG inay si dhow oo mug leh ula socdaan habsami u socodka doorashada la filaayo inay qabsoonto 17 November 2018. Ugu dambeyntii waxaan dhammaan xilibaanada golaha barlamaanka KG iyo shacabka ay danahooda matalaan ugu baaqaynaa inay fiiro dheer iyo feejignaan u lahaadaan arrimaha taariikhiga ah ee doorashada KG. Wa Bilaahi Towfiiq. Xusen Xasan Cabdi Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Isbedeldoonka KGS Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
-
Waxaa isa soo taraya warar sheegaya in Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaadka yahay ee Puntland “Cabdiweli Maxamad Cali Gaas” xil ka qaadis ku sameeynayo malamaha soo socda Taliyaha ciidamada Puntland Siciid Dheere. Madaxweyne Gaas iyo Taliye Siciid Dheere ayaa xiriirkoodu shaqo wanaagaaneyn in muddo ah kadib markii ay isku khilafeen qaabka loo maamulay dagaal la sheegey in Puntland dib ugu qabsaneyso tuulada Tukaraq iyo degaano kale kaas oo fashil ku dhamadey. Warar laga helayo ilo kalsoon yahay ayaa sheegey in sababta Madaxweyne Gaas xilka uga qaadayo taliyaha ay tahay inuu dusha ka saaro eeda fashilka kaga yimid Ciidamada ku sugan Tukaraq inta uusan ku dhawaaqin musharaxnimada doorashada dhaceysa 2019. Taliye Siciid Dheere oo muddo ku soo dhexjirey hogaanka ciidamada Puntland ayaa waxaa uu yahay shaqsi aad u af -gaaban islamarkaana u hogaansan nidaamka dowladnimo ee ka jira Puntland. ” Dhowaan ayay ahayd markii guddi taakuleyn ah oo ay hurmuud u yihiin labada Wasiir ee aadka ugu dhow Madaxweyne Gaas ‘Indhaguran iyo Cabdirashiid’ ay ku eedeeyeen Siciid Dheere inuu si xun u maamuley taakuleynyta ciidanka- taasoo taliyuhu diidey.” Sidaas waxaa sheegey qof ka war-haya sida loo maamuley lacagahii taakuleynta Ciidamada ku sugan Jiida hore ee Tukaraq kuwasoo la lunsadey. Madaxweyne Gaas oo dakhliga Dowlada amrey in loo jaro howlgalka Tukaraq mudadii sanadka ku dhoweyd ay xiisadaan taagneyd ayaa dhinaca kale lacago colaada Tukaraq kaga qaatey Dowlada Federalka inta uusan go’in xiriirku. Wararka ayaa sheegeya in Maxaxweyne Gaas Dowlada Federaalka kaga qaatey xalinta xiisada Tukaraq ka taagan lacag ku dhow 4 milyan oo dollar halka dakhliga Dowlada uu ku bixinayey taakuleynta Ciidamada ku sugan Tukaraq. Madaxweyne Gaas ayaa aalaaba khilaafka madaxda maamulada iyo Dowlada Federaalka xalintiisa lacag siista taasoo aan soo galin khasnada maamulka Puntland. Dowlada Federaalka Wasaaradeeda maaliyada ayaa dhowaan maamulada waydiisatey xisaab celin la xiriirta sidii loo isticmaaley lacago la siiyey Maamul goboleedyada taasoo aysan Jawaab kasoo bixin halka dhinaca kale aan la xusin cadadka la siiyey inta uu leekaa. Lama oga sarkalka uu xilkaan u magacaabayo balse warar ayaa sheegaya in xubnaha doonaya in loo magacaabo taliyaha ciidamada Puntland ku sugan yihiin Magaalada Garowe. Isha: Garowe Online
-
Popular Contributors