-
Content Count
206,621 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Senatarada Dowlada Federalka Soomaaliya ku-matala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayagoo tixgelinaya xaladaha amni, siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaalaba, kulamo muddo u soo scodey ka dib, waxaa ay soo saareen qodobada soo socda: إنّا لله وإنّا إليهِ رَاجعُون، Senatarada waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan dadkii ku geeriyoodey qaraxyadii 13kii Octoober 2018 ka dhacay Magaalada Baydhabo waxayna u rajeynayaan inta ku dhaawacantay inuu Alle si deg deg ah u boogo dhayo. Waxayna Xukuumadda Federaalka ugu baaqayaan in gargaar ku filan oo degdeg ah lala gaaro dadka ay dhibaatada soo gaartey. Amniga: Iyadoo Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay isu diyaarineyso Doorashada Madaxweynaha ayaa Senatorada waxaa ay ugu baaqayaan dhamaan shacabka, musharaxiinta iyo hay’adaha amnigaba inay xil gaar ah iska saaraan amniga guud ee KG gaar ahaan magaalo madaxda KM ee Baydhabo. Waxaan si gaar ah ugu digaynaa musharixiinta oo dhan in aaney ayaga iyo taageerayaashoodaba ku kicin wax liddi ku ah amniga iyo deganaanshaha guud ee deegaanka. Doorashada: Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo waajib gaar ah ka saaran doorashada madaxweynaha waxaan kula dar-daarmeynaa inay guud ahaan doorashada u maamulaan si daahfurnaan leh isla-markaana hormuud ka noqdaan doorasho si xalaal ah u dhacda. Waxaana si gaar ah ugu baaqaynaa in la de-dejiyo magacaabista guddiga doorashada laguna qabto doorashada waqtigii loo qabtey. Fara-gelinta Doorashada: Senatorada waxaa ay ka digayaan cid kasta oo isku dayda inay faragelin ku sameyso doorashada Koonfur Galbeed, waana in dadka Koonfur Galbeed loo daayaa in ay doortaan cida ay masiirkooda ku aaminaayaan. Gaba-gabadii waxaa ay Senatarada ugu baaqayaan shacabka Koonfur Galbeed inay ilaashadaan Midnimada, Nabadda iyo xasiloonida deegaanka iskana ilaaliyaan in ayaga aan loo adeegsan bur-burinta xasiloonida deegaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Marka (Caasimada Online) – Wararka ka nagasoo gaaraya gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in tobaneeyo askari Yugaandheys ah lagu dilay weerar gaadma ah oo Al Shabaab qaadeen. War lagu qoray Warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Weerar wado gal ah ay ku dileen 15-katirsan Ciidamada Uganda ee ku howlgala Magaca AMISOM. Al-Shabaab waxa ay intaa ku dareen kahor inta aan dagaalka dhexmarin Ciidamada Uganda iyo Al-Shabaab, in ay weerareen Ciidamo katirsan Dowladda. “Ciidamada Al-Shabaab ayaa 15 askari oo katirsan Yugaandha ku dilay dagaal ka dhacay magaalada Marka, ciidamada AMISOM ayaa ku dhacay dabin kadib markii ay isku dayeen in ay dhabar jabin ku sameeyaan Ciidamada Shabaab oo xilligaas dagaal uga jiray xarumaha Ciidamada Dowladda ee gudaha magaalada Marka” ayaa lagu yiri war ay baahisay idaacadda Andalus. Askarta Uganda ayay sheegeen in ay gurmad siinayeen Ciidamada Soomaalida ee ku sugan Hareeraha Magaalada Marka oo ay saldhigyo ku leeyihiin. Ma jiro war kasoo baxay AMISOM oo ay ugu hadlayaan Sheegashada Shabaab ee ah in ay ka dileen Askari, sidoo kale ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka oo ay isla howlgalaan Ciidamada AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa Isniinta maanta ah amarro culus ka soo saaray shir mudda laba maalmood ah uga socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Shirka oo ku saabsanaa amniga iyo khilaafaadka bogcadaha dhulka,ayaa lagu go’aamiyay,in gebi ahaanba gaadiidka hubaysan laga mamnuucay magaalada Garoowe,marka laga reebo ciidanka amniga dowladda ee hawlgallada ku jira. Go’aannada kale ee shirka ka soo baxay ayaa waxa kamid ah,in Garoowe laga mamnuucay gawaarida aan taarikada lahayn iyo kuwa isticmaalaha bacaha madow ee daboolan,islamarkaana aan la ogolayn,in qof shacab ah hub ku dhex qaato magaaalada. Dhinaca kale guddiga ayaa amar ku bixiyay,in la banneeyo dhulka danta guud ah,sidoo kalena ay mamnuuc tahay in lagu habsado ama la calaamadiyo dhul cusub,waxaana wadayaasha gaadiidka cagafta loogu hanjabay ganaax, haddii ay calaamadiyaan dhul cusub. Ugu dambeyntii, guddiga ayaa maxkamadaha Garoowe ku amray, in aysan geli karin dacwadaha muranka dhulka oo sida guddigu sheegeen dowladda hoose loo xil saaray. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Maxkamadaha Garoowe oo laga mamnuucay xallinta muranka dhulka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markale taageero u muujisay dowladda Sacuudi Carabiya ka dib markii Caddaadis ay saareen Qaar ka mid ah dalalka Caalamka, sababo la xiriira weriyaha la la’yahay ee Sacuudiga Jamaal Khashoggi. Jamaal Khashoggi aayaa la arkay tan iyo saddexdii bishan October markaasi oo uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul, waxaana la tuhusan yahay in lagu dhex dilay halkaas. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale” ayuu lagu war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Dowladda Sucuudiga ayaa wajaheysaa Caddaadis ku aadan Wariye Jamaal oo lagu dhex dilay Qunsuliyada Sucuudiga ee Magaalada Istanbuul, waxaana dalalka reer galbeed ay ku tilmaameen tilaabada Sucuudiga mid ka baxsan Sharciga. Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu booqasho ku tagay magaalada Riyadh, waxaana uu kulamo la qaatay Boqorka Sucuudiga iyo Dhaxalsugaha Maxamed Bin Salmaan.
-
Qoraal ka soo baxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya taagereyso dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, go’aankan ay qaadatay Muqdisho waxaa uu ka hor imaanayaa Turkiga iyo Mareykanka, waxaa uu sidoo kale muujinayaa sida ay Soomaaliya u aragto arrinta Jamal Khashoggi. Qoraalkan oo koobnaa waxaa uu u qornaa sidan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale. Waxaana lagu soo gabagabeeyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”. Qoraalka Soomaaliya waxaa uu daba socdaa mid ay shalay qortay wakaaladda ku hadasha afka boqortooyada Sacuudiga ee SPA iyada oo soo xigatay mas’uul aaney magacaabin, “ Waxaa caddeyneysaa boqortooyada Sacuudiga inay iska diideyso handadaad iyo wiiqid kasta, ha ahaato in loogu caga jugleeyo cunaqabateyn dhaqaale, ama adeegsi cadaadis siyaasadeed ama xataa eedeymaha soo noqnoqda ee baadilka ah”, qoraalka waxaa kale oo ku jiray “haddii cid ay tallaabo qaado, boqortooyada waa ka jawaabi-doontaa, dhaqaalaha boqortooyada waxaa kaalin muhiim ah ugu jiraa dhaqaalaha caalamka”. Sacuudiga waxaa uu wajahayaa cadaadis caalami ah kadib dilka weriyaha Jamal Khashoggi, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxaa uu sheegay in la ciqaabi-doonno haddii ay ku cadaato inay dileen. Dhinaca kale shir caalami ahaa oo arrimaha maalgeshiga ku saabsanaa, oo ka dhici lahaa Sacuudiga October 23 ayaa waxaa ka baaqsaday shirkado iyo shakhsiyaad ay ka mid yihiin: Financial Times, Bloomberg, CNN, The New York Times, Economist, CNBC, Dara Khosrowshahi oo Uber ah, Bob Bakish oo ka socday Viacom, Steve Case oo ah AOL iyo madaxweynaha bangiga adduunka Jim Yong Kim. Go’aankan cusub ee Soomaaliya waxaa uu ka hor imaanayaa dhex-dhexaadnimadii, waayo Jamal Khashoggi waxaa lagu dilay Turkiga, waxaa hubaal ah in Turkiga aaney ku faraxsaneen talaabada Muqdisho. Siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa haye-raac u noqotay Sacuudiga, August 8, ee sanadkan, war saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu taageeray mowqifka Sacuudiga ee diidmada faragelinta Canada. Qoraalka ayaa u qornaa “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka. “Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.” Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowlada Soomaaliya ayaa markale la safatay islamarkaasina taageero u muujisay dowlada Sucuudiga oo wajaheysa cadaadisyo kaga imaanaya wadamada reer galbeedka. War-saxafadeed ku qoron afka carabiga oo ay soo saartay Wasaaradda arimaha dibada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay taageero u muujineyso Sucuudiga. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya” Dowlada Suduudiga ayaa la kulmeeysa dhaleeceeyn kaga imaaneeyso dibada kadib tuhunkii Wariye Jamaal Khashoggi oo kamid ahaa dadka ka soo horjeeyday Boqortooyada Sucuudiga oo lagu eedeeyay in ay dileen ciidamo gaar ah oo Sucuudiyaan ah. Hoos ka Aqriso warka ka soo baxay Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya Dhammaad Xasan Maxamed Samatar Cowke PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo taageertay Sucuudiga (War-saxaafadeed) appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka hadlay qorshooyinka ay Wasaaradiisa ku dooneyso inay ku xakameyso amniga magaalada Muqdisho. Wasiir Ducaale, oo ka hadlaayay amniga ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ilaa iyo xad ku guuleysatay amniga, hase yeeshee waxa uu sababta ugu weyn ku sheegay shacabka Muqdisho oo aan wali juhdi buuxa galin la shaqeynta Hay’adaha amniga. Amniga Muqdisho ayuu tilmaamay inay la wareegi doonaan dhalinyaro kasoo qalin jabiyay Jaamacado iyo Iskuulo, kuwaa oo uu carab ***** inay u baahan yihiin wada shaqeyn ay ka helaan shacabka Muqdisho. Dhalinyarada la ciidameeyay ee la wareegaya amniga ayuu sheegay in looga maarmi doono kuwa howlgabka ah, isagoo sababta ugu weyn ku sheegay in amniga Muqdisho ay ku haboon yihiin dhalinyaro fahmi karta shacabka intiisa kale. “Baahida aan u qabno sugida amniga waxa ay nagu khasbeysaa inaan amiga u gacan galino dhalinyaro Jaamiciyiin ah si ay u difaacdan dalkooda” “Dhalinyarada waxa ay fahmi doonaan la dhaqanka shacabka iyaga laga soo dhex xulay waayo xiligan Somalia waxa ay u baahan tahay in amnigeeda lagu wareejiyo dhalinyarada aqoonta leh, Somalia wey kasii gudbeysaa in dad aan aqoon laheyn ay sugaan amnigeeda” Wasiir Maxamed Abuukar Islow Ducaale,waxa uu tilmaamay in mar waliba ay ka feejigan yihiin inay dhacaan musiibooyin lamid ah kii Zoobe ama wax ku dhow, isagoo shacabka Muqdisho ugu baaqay inay sugtaan amnigooda. Sidoo kale, Ducaale ayaa dhalinyarada fursad usiiyay inay ka faa’iideystaan sida garabka loogu siinaayo difaaca dalkooda, waxa uuna carab ***** in amniga dalkooda ay iyaga u madax-banaan yihiin. Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaa xooga saareysa sida isbedel buuxa loogu sameyn lahaa amniga magaalada Muqdisho, waxa ayna sidoo kale tababaro siineysaa dhalinyarada ka qalin jabiyay Jaamacadaha iyo Iskuulada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliye ku xigeenka jabhadda Caarre ee ka horjeedda xukuumadda Muuse Biixi oo lagu magacaabo Gamaal Baaxad ayaa shalay galab dib ugu laabtay magaalada Qardho,kadib in mudda ah oo uu ku maqnaa degaanno ka tirsan gobolka Sanaag dhinaca Somaliland. Korneyl Baaxad iyo ciidamo uu wato ayaa waxaa meel ku dhow magaalada Qardho ku soo dhoweeyay hoggaamiyaha jabhadda Siciid Cawil Jaamac(Caarre) iyo saraakiil kale oo jabhaddaasi ka tirsan. Gamaal Baaxad oo warbixin siiyay taliyihiisa iyo xubnaha kale ee jabhadda ayaa sheegay in uu talis labaad ka sameeyay gobolka sanaag oo uu in mudda ah ku maqnaa,islamarkaana hawlgallo ciidan ku qaaday maamulka Muuse Biixi Cabdi,sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kale taliye Caarre oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maaliba-maalinta ka dambaysa jabhaddiisa ay ku biirayaan cutubyo cusub oo ka soo goostay ciidamada Somaliland,kuwaasoo ka soo cararaya cadaalad-darro iyo dulmi u sheegay in lagu hayo. Wuxuu intaasi raaciyay in jabhaddiisu ay ku fidsantahay lixda gobol ee Somaliland,ayna diyaar in ay dagaal ku qaaddo taliska Muuse Biixi isagoo yidhi”waxaad arki doontan Muuso guriga loogu daatay. Muuse siyaasadda ma yaqaan wuxuu yaqaanna qoriga,qorigana annagaa la garanayna haddii Alle yidhaahdo”. PUNTLAND POST The post Korneyl Caarre”waxaad arki doontan Muuso guriga loogu daatay” appeared first on Puntland Post.
-
Gobolka ay Soomaalida degto ee Minnesota ayaa la sheegayaa in labo hablood oo Soomaali ah oo la la’aa ilaa habeenkii Jimcaha meydkooda iyo baabuur ay wateen laga helay haro ku taalla magaalada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis. Weriyaha CBS ee Minnesota ayaa sheegay in Bushra Cabdi iyo Zenyab Cabdalla oo min 19 jir ay shaqada ka baxeen habeenkii jimcaha kadibna ay waceen 911 iyaga oo codsaday caawinaad. Qoyska labad gabdhood ayaa sheegay inay gabdhaha ku qornaayeen shaqo habeen, mid ayaa ka shaqeyn jirtay Shakopee halka midda kale ay shaqadeeda aheyd Chaska waa meel ka baxsan Minneapolis. Gabdhaha ayaa laga dhex helay biyo haro ah, waxaana goobta isugu soo baxay dad badan oo Soomaali ah oo aad u careysan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) oo kubad ku cayaaraya Xeebta magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweynaha ayaa ka garab cayaaraya Saraakiil ciidan, Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka iy dhalinyarad magaalada oo xiligaa usoo damaashad tagay Xeebta. Madaxweyne Farmaajo oo aan ka muuqan cabsi ayaa si xarago leh ula cayaaraya Saraakiisha iyo Shacabka, iydoo aan dadkaasi la dareensiin in laga ilaalinaayo Madaxweynaha shacabka. Madaxweyne Farmaajo oo Saraakiisha iyo Dhalinyarada la cayaaraya cayaarta loo yaqaan “Dhex ku jir”, ayaa waxaa muuqaneysa inuu adeegsanayo xirfad cayaar waxaana aad u yar in kubada uu wato lugta looga taabto. Madaxweyne Farmaajo oo lagu sifeeyo Madxaweyne Shacab ayaa aad usoo dhaweysta dadka dhalinyarada ah, waxa uuna mar waliba dhalinyarada qaabilsan amnigiisa ku canaantaa inay xoriyad siiyaan shacabka. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA KUBADA
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ku wajahan magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabelle. Wararka ay heleyso Goobjoog News, ayaa waxay sheegayaan in madaxda maamulka Hirshabelle iyo shacab badan ay haatan ku sugan yihiin garoonka diyaaradaha ee Jowhar si ay halkaasi ugu soo dhoweeyaan Ra’iisul wasaaraha. Mas’uuliyiin Hirshabelle ah oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in Kheyre u tagayo Jowhar fulinta qodobo ka mid ah heshiis la sheegay in Muqdisho ku gaareen dowladda federaalka iyo sidoo kale maamulka Hirshabelle, gaar ahaan madaxweynaha maamulkaasi. Waxa uu Kheyre dhagax dhig ku sameyn doonaa illaa Lix Mashruuc oo la sheegay in qodobadii Waare lagu qanciyey ka mid ahayd, markii uu ka laabanayey go’aankii xiriirka loogu hakiyey DFS ee dowlad goboleedyadu ku gaareen Kismaayo. Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo waxyar kadib halkaasi uu gaari doono Ra’iisul wasaaraha. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Riyadh (Caasimada Online)-Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalada Riyadh ee dalka boqortooyada waxaa khadka Teleefanka kuwada hadlay Boqor Salmaanka Sucuudiga iyo dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan. Boqor Salmaanka Sucuudiga, ayaa Madaxweynaha dalka Turkiga kala hadlay halka ay u mareyso baaritaanka kiiska suxufiga Jamaal Khashoggi oo lagu la’yahay nolol iyo geeri. Boqor Salmaan ayaa Erdogan u sheegay in waddankiisu u xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Turkiga, aynan dhici karin in cid kale ay waxyeeleyso xiriirkaasi wanaagsan ee soo jireenka ahi. Boqor Salmaanka Sucuudiga, ayaa Erdogan ka dalbaday inay wadaagan wixii macluumaad rasmi ah ee ku saleysan Jamaal Khashoggi, waxa uuna ogeysiiyay in dhankooda ay kawadan baaritaano lixaad leh. Boqor Salmaanka Sucuudiga waxa uu mar kale dhigiisa Turkiga Erdogan u cadeeyay inay saran tahay culeys xad-dhaaf ah oo ka dhashay arrinta Jamaal, balse dalkiisa uusan wax luga ku laheyn kiiska Khashoggi. Jaraa’idyadu waxa ay qoreen in Boqor Salmaanka Sucuudiga loo qabtay muddo ka yar labaatan cisho oo laga doonaayo in dowladiisa ay kusoo saarto natiijo lagu qanci karo hase yeeshee aanu jirin jawaab ay boqortooyadu u heyso kiiskaas. Dowladda Turkiga ee uu Hogaamiyo Erdogan ayaa Boqor Salmaanka Sucuudiga ku wargalisay inay sii kordhayan cadeymaha ay u hayaan in Jamaal lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee Istaanbuul. Balse Sucuudiga ayaa wali arrintaasi beeninaaya. Madaxweyne Erdogan ayaa tan iyo markii la waayay Jamaal ugu baaqayay Sucuudigu in ay runta ka sheegan arrinta weriyahani oo aad maqaalladiisa iyo wareysiyadiisuba ku dhaliili jiray xukuumadda Sucuudiga. Erdogan ayaa waxaa ka dagi’la beeninta Boqor Salmaan waxa uuna dhankiisa ka doonayaa in banaanka lasoo dhigo kiiska dilka Jamaal oo ah mid iska cad. Sidoo kale, Boqortooyada Sucuudiga ayaa wajahaya cadaadis caalami ah, waxaana waddamada Jarmalka, Britain, iyo Faransiisku ay ku baaqeen in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo arrinta weriyahaasi. Si kastaba ha ahaatee, dilka Jamaal Khashoggi ee wakhti danbe la xumaaday dowlada Sacuudiga ayaa muujinaya in Sacuudiga uu horay u dilay tirro Wariyayaal kale oo la la’yahay. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
-
Afgooye (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo dagaal qaraaran oo u dhexeeya ciidamada Xoogga iyo Xagjiriinta Somalia ee Al-Shabaab. Wararku waxa ay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid leysu adeegsanaayo Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay qasaaro kala duwan. Ciidamada Koonfur Galbed iyo kuwa Xoogga dalka Somaliya ayaa isku dayaya inay Shabaab ka difaacaan deegaanka oo qiyaastii 20 KM u jira Magaalada Baydhabo, waxaana soo baxaaya warar sheegaya in ciidamada dowlada ay gurmadka ugu badan ka helayaan Magaalada baydhaba iyo deegaano kale. Dagaalka ayaa waxaa ay Al-shabaab mudo saacad ah ka hor ku qaadeen saldhig ay Ciidamada ku leeyihiin deegaanka Deeynuunaay. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, waxaana ay wararka sheegayaan in askar dhaawac ah la geeyay Magaalada Baydhabo. Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka dagaalamaya duleedka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Baay. Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka weli uu socdo, islamarkaana ay muujinayaan cabsi ku aadan in dagaalka uu sii xoogeysto. Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan, balse saraakiisha Koonfur Galbeed waxay tilmaameen inay dib ka faah faahin doonaan. Sidoo kale, Al Shabaab ayaa dhawr mar weerar ku qaaday degaanka Deynuunay oo ay ku sugan yihiin Ciidan Millitari ah iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxayna arrintaasi dhibaato ku noqotay shacabka halkaasi degan, oo cabsi ka muujinaya weerarada Shabaab. Dhinaca kale, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalka uu waxyar ka qaboobay sidii hore isla markaana Al-Shabaab laga saaray gabi ahaan deegaanka Deynuunaa balse wali la maqlaayo rasaas. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
-
Maamulka gobalka hiiraan ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka gaabiyeen xuquuqda ciidanka Booliska. Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyaha gobalkaas ayaa xusay in boqolaal askari oo Booliis ah mushaar laga siiyo oo kaliya 60 askari. Sidoo kale, Dabageed ayaa sheegay in dowladda ay mashquul ku tahay gobollo kale oo uu sheegay in dowladda carqaladeeyaan, balse iyaga oo aan ka leexan ammarada dowladda hadane aan ciidanka Booliiska xaqooda la siin. “Dowladda waxa ay noo qabto iyo waxa ay noo hayaan waan aragnay, annaga waa inaan isku tashannaa” ayuu yiri Dabageed. Dhanka kale, Dabageed ayaa sheegay in madaxda ugu sarreysa DFS ay safarro ku tagaan gobollada kale ee dalka, balse aanay socodkooda ku badneyn gobolka Hiiraan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warka-Hiiraan-Eedeyna-Dowllada-dhexe-Gu-Dabageed-By-Ziyaad-Isniin-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahan Maxamed Caalim oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dowladda dhexe waajib ka saaran yahay ka hortagga wax walba oo qatar ku ah shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in madaxda dalka ay tahay in si dhab ah u qaadaan mas’uuliyadda shacabka, kana hortagaan wax walbo oo dhib ku ah shacabkaasi. “Madaxda dalka iyaga ayeey waajib ka saaran tahay badbaadinta shacabkooda, sababtoo ah iyaga ayaa u dhaartay” ayuu yiri Caalim. Sidoo kale, aqoonyahan Caalim ayaa sheegay in laamaha amniga dhankooda laga doonayo iney ku dedaalaan ka hortagga qaraxyada ayna sameeyaan feejignaan dheeraad ah. “Laamaha ammaanku waa dhankooda dedaal bixiyaan oo ay ka feejignaadaan waxyaabaha amniga wax u dhimaya, kana fekeraan sidii ay u yareen lahaayeen qaraxyada” ayuu yiri Caalim. Dowladda federaalka ayaa aad u adkeysay ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana magaalada lagu soo daadiyey ciidamo badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka haatan naga soo gaaraya deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo dagaal xooggan, kaasi oo u dhaxeeya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab. Goob jooge ku sugan Deynuunaay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Al-shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen deegaankaasi. Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, waxaana lasoo sheegayaa in dhaawacyo badan la geynayo magaalada Baydhabo oo 20 KM u jirta Deynuunaay. Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxa ay u weerareen deegaanno ku dhow magaalada Baydhabo, iyadoo welina aanu jirin wax war ah oo dagaalkan ay kasoo saareen dhinacyada is haya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Bahda caafimaadka magaalada Baydhabo ayaa xaqiijiyey in Sideed ka mid ah dadkii dhaawacyada kasoo gaaray Labo qarax oo maalin ka hor ka dhacay magaalada Baydhabo loo soo qaaday magaalada Muqdisho. Dadkan ayaa diyaarad gaar ah waxay shalay kasoo qaadday Baydhabo, waxaana la keenay magaalada Muqdisho. Waa dad qaba dhaawacyo xooggan kuwaasi oo wax looga qaban waayey isbitaallada ku yaalla magaalada Baydhabo. Dhanka kale, waxaa jira dad laga saaray isbitaallada Baydhabo, kadib markii ay xaaladooda wanaagsanaatay, loona sameeyey daweyn. Labo qarax oo ismiidaamin ah ayaa lala eegtay Hotel iyo maqaayad ku taalla magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ku dhintey in ka badan 10 qof, iyadoo 20 kalena dhaawacyo kasoo gaaray. Qaraxyadan ayaa dhacay xilli aad loo adkeeyey ammaanka magaalada Baydhabo, halkaasi oo la filayo in dhowaan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda gargaarka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay dhibaatadii ka dhalatay musiibada qaraxii Zoobe ee 14 October 2017 looga gudbay isku duubnida shacabka Soomaaliyeed. Ismaaciil Salaad Colow, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in qaraxii Zoobe ay shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba isaga soo gurmadeen. “Shacabka kaalin mug leh ayeey qaateen, waxay degdeg ku yimaadeen meelaha aan u furnay, waxaan ka wasaarad ahaan sameennay isku xirka shacabka iyo sidoo kale inaan ka shaqeynno sidii loogu gurman lahaa dadka dhaawaca ah” ayuu yiri agaasimaha. Sidoo kale, agaasime Ismaaciil ayaa sheegay in wasaaraddu ay sameysay guddiyo kala duwan kuwaasi oo qaarkood dadka la raadinayey dadkooda maqan, kuwo tirokoob ah iyo sidoo kale kuwo qaabilsan dhanka caafimaadka. Qaraxii Zoobe oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa ku geeriyootey in ka badan 600 qof oo Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The United Nations is warning that 13 million people in Yemen are facing starvation. Source: Hiiraan Online
-
The Saudi Foreign Ministry has strongly condemned the two terrorist bombings in the city of Baidoa in south-west Somalia. Source: Hiiraan Online
-
In colonial times, the old Africa hands used to talk of MMBA — "miles and miles of bloody Africa". Source: Hiiraan Online
-
Police in Nairobi have singled out Hassan Hodey, a Somali national from neighboring area of Damasa in Somalia as the mastermind behind last week’s attack at a secondary school in Mandera County in northern Kenya which killed two teachers. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors