-
Content Count
206,728 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
MOGADISHU (HOL) – Somali prime minister has suspended one his cabinet ministers after he was allegedly implicated in a fraud scheme involving manufacturing of counterfeit US currency. Source: Hiiraan Online
-
Kenyan Members of Parliament are set to vote on Wednesday for a change in the general elections date, from August to the third week of December. Source: Hiiraan Online
-
Siyaasi Mohamed A. (Faroole), xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News kaga warramay arrimaha doorashooyinka ee ku soo food leh dowladda Puntland. Waxaa uu ka dhawaajiyay walwal badan oo ay qabaan siyaasiyiinta iyo shacabka kaasi oo la xiriira in xukuumaddu qorsheyneyso “In ay dib u dhigto Doorashada”, arrintaas haddii ay dhacdo wuxuu tilmaamay siyaasi Maxamed Faroole in masuuliyadda wixii ka dhasha uu qaadayo madaxweynaha uu waqtiga ka sii dhammaanayo ee Cabdiwali Gaas Doorashada madaxweynaha Puntland oo loo madlan yahay Jan, 08, 2019-ka ayaa weli waxaana ka hadlin madaxweynaha Puntland inuu yahay musharrax madaxweyne iyo in kale. Arrinta soo xulista baarlamaanka cusub oo ka socota Puntland ayuu sheegay in ay jirto cabsi ah in musuqmaasuq ay lugaha la gasho oo xildhibaanno la soo saarto ay jiri karaan. Siyaasi Maxamed Faroole, wuxuu ku dhaliilay xukuumadda hadda talada heysa ee Puntland oo uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas, wuxuuna ku dhaliilay arrinta ammaanka oo ay ka gaabisay. Waxaa uu soo hadal qaaday falalka amni darro ee ka dhaca had iyo goor magaalo xeebeedka Boosaaso kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay muujinayaan heerka ammaan ee Puntland. Siyaasiga Maxamed A. Faroole ayaa soo noqday Agaasimaha ciidamada Badda Puntland ee loo soo gaabiyo (PMF), La taliye Madaxweynaha Puntland, aas-aasaha warsidaha Garowe Online , waxaana la dhihi karaa siyaasiga kaliya ee ka hor yimid maadxweyne Cabdiwali Gaas seddexdii sano ee ugu dambeeysay. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Siyaasiga Oo Dhammeystiran: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSIGA-SIYAASI-MAXAMED-FAROOLE-17-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa shaqadii ka joojiyay mid kamid ah wasiirradiisa. Ra’iisul wasaare Xasan Cali , ayaa shaqo joojintani ku sababeeyay arrimo dhowr ah oo ay mid tahay dowlad wanaag wuxuu ku sameeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya Maxamed Khaliif Diiriye Shaakuud. Waxaa sidoo kale wareegtada ka soo baxday xafiiska Raysal wasaaraha lagu sheegay in shaqo joojinta uu ku sameeyya wasiir xigeenkii wasaaradda ganacsiga kaddib codsi kaga yimid Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir. Wareetada waxaa akhrinaya agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/REYSUL-WASAARE-KHEYRE-OO-SHAQO-JOOJIN-KU-SAMEEYAY-WASIIR.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wali waxaa taagan khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo madaxtooyada Soomaaliya. Siyaasi Ciise Maxamuud Faarax oo xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa eedda dusha u saaray madaxda ugu sarreeysa dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in ay ka gaabiyeen in khilaafka kala dhaxeeya maamullada afarta ah ee Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland qaabkii lagu xallin lahaa ay la yimaadaan. Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay kala shaxaadeyso dowlad goboleedyadii sida in Hirshabeelle ay la soo wareegtay sida uu hadalka u dhigay. Caqadabaha arrintaas ka dhallan kara ayuu ku tilmaamay in aynaan ahayn wax sahlan loona baahan yahay in go’aamo wax ku ool ah ay Villa Somalia la timaado inta ay ka gudubto madaxweyne goboleed beddal si loogu guuleysto in dib loo yegleelo haykalkii dowladnimo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/SIYAASI-CIISE-MAXAMUUD-FAARAX-15-10-2018.mp3 Source: goobjoog.com
-
Dagaalka ayaa billowday markii ciidamada Kenya oo ku safrayay gaadiidka gaashaaman ay weerar gaadmo ah kala kulmeen Alshabaab. Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ay maqlayeen rasaas ka dhacaysa inta u dhaxeeysa Faafaxdhuun iyo Garileey oo Gedo ka tirsan. “Dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray ciidamada oo socda, waxaana ciidamada Kenya ay iska caabiyeen weerarkaasi” sidaas waxaa yiri ilwareedyo Gedo ku sugan. Saraakiisha Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa wali wax faahfaahin ah ka bixin weerarkaasi. Inta badan waxaa dhacda in markii ciidamada ay ku socdaalayaan wadooyinka isku xira magaalooyinka ay la kulmaan weerarro ama qaraxyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Askarta ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab kusoo qaadey magaalada Marka kahor booqashadii Madaxweyne Farmaajo 14-kii bishan October 2018-ka. Wuxuu sheegay in laba askari oo u dhashay dalka Uganda in ay ku geeriyoodeen weerar Alshabaab ku qaaday magaalada Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Ku xigeenka afhayeenka ciidanka millateriga Uganda ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dhowr askari oo weerarkaasi ku dhaawacmay. “Waxa aan kuu xaqiijinayaa in weerar gaadmo ah oo lagu qaadey ciidamadeenna ku sugan Marko lagu dilay labo Askari, waxaa sidoo kale jira dhowr askari oo dhaawac soo gaarey” ayuu yiri Akiiki. Intaas wuxuu ku daray “Waxaan ka sugaynaa howlgalka AMISOM ee Muqdisho macluumaad dheeri ah oo ku saabsan askarta la dilay iyo kuwa dhaawacmay, si aan ugu wargelinno qoysaskooda” Akiiki baa yiri sidaasi. Dowladda Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee ciidamo usoo diray Soomaaliya bishii March, 2007, waxaana ka jooga Askar lagu qiyaasay 6,500 kuwaasoo qeyb ka ah 22,000 oo Askari oo AMISOM ka kooban. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa maanta kulan wada jira la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Eretria, Cusmaan Saalax Maxamed iyo Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Workneh Gebeyehu. Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia oo isagu lahaa martigalinta iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Eriterea oo qeyb ka ahaa wafdiga ka socday Eriterea. Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa wafdiga dowladaha aanu saaxiibada nahay ee Eriteria iyo Ethiopia macluumaad kasiiyay isbedelada ay ku talaabeyso Somalia sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga, Horumarka iyo Siyaasada. Wasiirradu waxa ay ammaaneen horumarka ay dhawaaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dib u habaynta dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta siyaasadda. Waxa ay ka wadahadleen horumarinta qodobadii heshiiskii Seddax geesoodka ahaa ee iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka, waxa ayna xaqiijiyeen in ay ka go’antahay ayna si wada jir ah gacan uga gaysanayaan nabadadda, xasiloonida iyo horumarka gobalka geeska Afrika. Madaxdu waxa ay dib u milicsadeen horumarka gobalku uu ku tillaabsaday kadib saxiixa heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee dib u furidda xuduudda u dhexeysa Ethiopia iyo Ereteria, iyo dib u amba qaadidda duullimaadyada tooska ah ee caasimadaha sedaxda dal. Wasiirradu waxa ay ku celiyeen in Ereteria iyo Ethiopia ay sii wadayaan is garab istagga shacbabka iyo hoggaanka dawladda Federaalka Soomaaliya si looga mira dhaliyo rajada dib u soo kabashada Qarannimada Soomaaliyeed. Wafdiga ayaa booqashadooda maanta kor ugu qaadayay iskaashiga siyaasiga ah ee ka dhexeeya Seddaxda dawladood iyo sii wadidda hannaanka wada hadalka ee ka dambeeyay heshiiskii Seddax geesoodka ahaa ee Madaxda Eretria, Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen Asmara September 2018.
-
Ethiopian Airlines, ayaa lagu wadaa in ay dib u soo celiso duulimaadyadii Muqdisho bisha November muddo 40 sano ah kadib, arrintan oo imaaneysa 3 bil kadib markii ay dib u bilowday duulimaadyadii Eritrea. Diyaaraddan oo ku jirta kuwa ugu raaxada badan qaaradda Afrika ayaa sidaasi ku sheegtay war ay soo saartay talaadadii, waxayna si toos ah duulimaadyada u bilaaban-doonaan November 2. Maamulaha shirkadda waxaa uu sheegay in duulimaadyadan ay kaalin muhiim ah ka qaadan-doonaan xoojinta xiriirka labada shacab iyo kor u qaadista dhaqaalaha labada dal ee walaalaha ah”. Ethiopian Airlines , waa shirkadda ugu weyn, uguna waxsoo saar badan qaaradda Afrika, sanadka 2017/18 waxaa ay sameysay $2.7 billion. Iimaatinkeeda Soomaaliya waxaa lagu wadaa inay tartan la gasho Turkish Airlines oo in muddo aheyn diyaaradda caalamiga ah ee ugu horeysay ee ka shaqeyso gudaha Soomaaliya burburkii kadib, in badan qurbajoogta iyada ayey adeegsan jireen. Waxaa sidoo kale dhici karta in diyaaradda ay soo qaado “Qaadka” oo hadda ay Soomaaliya ka keensato dalka Kenya, markii hore waxaa ay geyn jirtay Somaliland. Dhankeeda, Soomaaliya waxaa ay ka faa’ideysan-doontaa suuqyada Itoobiya oo ay ku nool yihiin ilaa 100 million, kuwaas oo in badan baahi u qaba dalagga iyo kaluunka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Cusmaan oo ku magacdheer (Xildhibaan Faliije ) ayaa ka hadlay tacadiyo uu sheegay in maanta loogu dhex geystay magaalada Muqdisho. Xildhibaan Faliije, ayaa sheegay in tacadi maanta ay u geysteen ciidamo ka tirsan dowladda kuwaa oo uu tilmaamay inay ula dhaqmeen sida qof shacab ah. Waxa uu sheegay in tacadiyadaasi uu la kulmay xili uu kusii jeeday xarunta Golaha shacabka baarlamaanka Somalia oo uu ka dhici lahaa kulanka baarlamaanka. Waxa uu sheegay in ciidamada ay maanta kula dhaqaaqeen arrin aad u xun iyaga oo gaarayay in ka badan 10 xildhibaan. “Waxa ay nagu rideen rasaas waxa ayna noo diideen ciidamadu inaan u gudubno dhanka xarunta baarlamaanka oo aan ku laheyn fadhi”. “Waxan arrintaan u qaadanay shirqool ay noo dhigeen Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo waxaanu dareemeynaa inay wax ka ogaayen falkaas” Xildhibaan Faliije, waxa uu tilmaamay in maanta ay ku sigteen inay wada dagaalaman ciidamada waddooyinka xiray iyo kuwa ilaalada u ahaa Xildhibaano uu isaga ku jiray, isagoo eedaasi dusha k saaray Madaxda ugu sreysa dalka. Waxa uu yiri “Runtii waa arrin foolxun wixii maanta ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda u geysteen,hadii aan ciidamadeyda ku amri laheyn in ay gaariga ku laabtaan dagaal ayaa dhici lahaa,waxana laga soo abaabulay in nala rasaaseeyo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha” ayuu yiri Xildhibaanka. Sidoo kale, ciidamada dowlada oo si gaara u adkeynaayay amniga magaalada Muqdisho ayaa diiday in wixii gaadiid ahba aysan fuulin laamiyada, waxa ayna taasi sababtay in xitaa Xildhibaanada laga celsho isticmaalka waddooyinka. Si kastaba ha ahaatee, Wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa inta badan maanta waxa ay ahaayeen kuwo xiran,waxana taasi ay sababtay in xildhibaanada qaarkood ee Golaha Shacabka ay saameyn ku yeelato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaqo Joojin ku sameeyay Wasiir kuixgeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye . Shaqa joojinta, ayaa timid kadib markii uu dalab ka yimid Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir. “R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shaqa joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga kadib codsi uga yimid Xeer ilaaliyaha Qaranka”, SONNA ayaa sidaas shaacisay. Wararka qaar ayaa sheegaya in shaqo joojintan ay xiriir la leedahay gacan ku dhigista rag lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen dhaqida lacagta madow ee dollarka oo dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Wuxuu noqonayaa Wasiir kuxigeenkii 2-aad ee uu shaqo Joojin ku sameeyo Ra’iisul Wasaaraha dalka. Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa horay shaqada uga joojiyay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliya oo arrimo musuq maasuq ah lagu eedeeyay.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada ka joojiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Somalia, Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye [Shaakuud]. Wasiir ku xigeenka oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, ayaa Waxaa sababta shaqada looga joojiyay lagu sheegay codsi ka yimid Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir. Sidoo kale, Sababaha ugu weyn ee shaqo-joojinta wasiir ku-xigeenka ayaa lagu sheegayaa xildhibaankii dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay inuu hawlahooda u fududeynayay shabakad ku howlaneed dhaqista Doollarka been-abuurka ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Dhanka kale, Hay’adda NISA ayaa shabakada la qabtay waxay xilligaas ku sheegtay in xildhibaankan uu u sahlayay fududeynta hawsha ay wateen, iyadoo la filayo in sababtaas awgeed shaqada looga joojiyay. Wararka ayaa waxay sheegayaan in xeer-ilaailnta Qaranka ay billowday in ay su’aalo ka weydiinayso wasiir ku xigeenka shaqada laga oojiyay eedda loosoo jeediyay, iyadoo aan la ogeyn inta ay baaristu socon doonto. Ugu dambeyn, Waa Wasiirkii ugu horeeyay oo ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo shaqada looga joojiyo arrimo la xiriira ku lug lahaanshaha shabakad ku shaqeysan jirtay dhaqida Doollarka been abuurka ah. PUNTLAND POST The post RW Khayr oo Shaqadii ka joojiyay mid ka mid ah Wasiir ku-xigeennada Xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka ay ayaan darro weyn haysato, maalin walbana ay ka dhacaan waxyaabo amniga la xiriira oo dhibaatooyin ah loona geysto shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay mudanaha in sidoo kale ay dadka Soomaaliyeed dhibaato badan ku qabaan waddooyinkaan xiran, sidoo kalena shacabkii iyo xildhibaannadii gacanta loola tagay, oo ay ciidamada dowladda dhibaateynayaan. Magaalada Muqdisho ayuu sheegay iney u muuqato in loo ekeysiiyey mid furin dagaal ah, madaxda joogtana ay shacabka ka shakisan yihiin sidaasi darteedna shacabka loo arko sida kuwo cadow ah waa sida uu hadalka u dhigaye. “Madaxda dowladda waxay dagaal kula jiraan shacabka Muqdisho, oo ay ka shakisan yihiin, ganacsiga ka shakisan yihiin, umaddii oo idil ay ka shakisan yihiin. Waxaan ka xumahay in ciidamada loo adeegsado in la dhibaateeyo shacabka” ayuu yiri Fiqi. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ayaga oo guryahooda jiifa oo raaxeysanaya ay madax iyo afti shisheeye ah oo dalka imanaya ay kala muhiimsan yihiin shacabkii Soomaaliyeed ee dalka u dhashay. “Madaxweynaha ayaa meel aadaya, wasiir Ethiopian ah ayaa imanaya, ra’iisul wasaaraha ayaa shah cabaya, waxaas ayaa maalin kasta dadkii magaalada loo dhibaateynayaa” ayuu yiri Fiqi. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Fiqi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Fiqi.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ereteriya iyo Itoobiya . Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Mudane Osman Saleh oo ah wasiirka arimaha dibada ee Ereterea iyo Mudane Workneh Gebeyehu oo ah wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya. Wasiirada ayaa madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan sharafeed ay uga sideen Madaxweyne Isaias Afwerki Madaxweyne Ereteria iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ah Ra’isilwasaare Itoobiya. Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay arimo ku saabsan dhibaatooyin ka taagan wadamada geeska Afrika iyo arimo kale. Sidoo kale kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isilwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirada arimaha dibada iyo gudaha ee xukuumada federaalka Somalia Wasiirada arimaha dibada ee wadamada Ereterea iyo Ethiopia ayaa maanta soo gaaray Muqdisho oo si weeyn loogu soo dhoweeyay. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wasiirada arimaha dibada ee Itoobiya iyo Ereteria appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maanta waxaa magaalada Muqdiso soo gaaray Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo kulammo la qaatay madaxda ugu sareeya dalka, ugu dambeyna waxaa kulammadan laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah. Wasiirada yaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen inuu shirkoodu daba-joogo shir-madaxeedkii saddexda dowladood ay ku yeesheen Asamra, isla markaana ay heshiis ka gaareen dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda. Haddaba, AKHRISO War-saxaafadeedka lasoo saaray Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho maanta oo ah 17-ka Oktoobar, 2018-ka. Booqashadani waxay qayb ka tahay iskaashiga siyaasadeed ee u dhexeeya saddexda waddan iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray magaalada Asmara, bishii Sebteembar, 2018. Intii booqashadu socotay, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasiirradu waxay sidoo kale wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre. Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliyeen tallaabooyinka togan ee hore loo qaaday kaddib markii la gaaray heshiiska saddex-geesoodka ahaa, kuwaas oo ay kamid tahay dib u furista xuduudda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo celinta duullimaadyada tooska ah ee isaga kala goosha caasimadaha saddexda dal. Iyaga oo metelaya madaxdooda, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya waxay ku celiyeen taageeradooda xooggan ee ku wajahan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed. Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dadaallada dib loogu habaynayo waaxyaha dhaqaalaha iyo amniga iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed. Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay tixgelinayaan dadaallada dib u habayn ee ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyaga oo xusay kalsoonida kobcaysa ee Beesha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya. Wasiirradu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab istaagi doonaan shacabka Soomaaliya iyo hoggaankiisa maaddaama ay rajo fiican u yihiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Beesha Caalamka ugu baaqeen inay si midaysan u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan in la hirgeliyo isbeddelka lagama maarmaanka u ah soo kabashada Soomaaliya ee wakhtiga fog. Wasiirrada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso ee gudaha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Hoggaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay amniga, barwaaqada iyo xasilloonida gobolku, iyaga oo dib u adkeeyey dhawridda madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee saddexda dal. Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Ethiopia iyo Eritrea waxay ka mahad-celiyeen martisoorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socday. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Bayaankii kasoo baxay Booqashadii Wasiirrada A. Dibadda ee Itoobiya iyo Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Daah-furay Barnaaijka Waxbarashada dadka Waaweyn ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka barnaaijkani in uu yahay mid aqoonta bulshada kor loogu qaadayo, maadaama qorshuhu yahay in sanadka 2020 ay dalka ka dhacaan doorashooyin, isla markaana ay muhiim u tahay qorista iyo akhrintu codbixiyaha. “Si kor loogu qaado aqoonta iyo tayada bulshada ee dhinaca waxbarashada, gaar ahaan dadka waaweyn xiligan loo diyaar garoobayo doorashooyin qof iyo cod ah sanadka 2020 ahmiyad wayn ayuu ku fadhiyaa barnaamijkan waxbarashada dadka waaweyn ee Gobolka Banaadir”. Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah. Ugu dambeyn, Munaasabadda Daah-furka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu laga jeediyey khudbado kala duwan oo taabanaya ahmiyadda barnaaminka Waxbarashada dadka Waa-weyn. PUNTLAND POST The post YARIISOW: Barnaamijka Waxbarashada Dadka Waa-weyn Waa mid Sare loogu Qaadayo…. appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya Mudane Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, Soomaaliya 17kii Oktoobar, 2018. Booqashadani waxay qayb ka tahay iskaashiga dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya saddexda dal iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray magaalada Asmara, bishii Sebteembar, 2018. Intii booqashadu socotey, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kuwaas oo salaan uga siday Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy AhmEd. Sidoo kale Wasiirada waxay wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre. Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliyeen tallaabooyinka togan ee hore loo qaaday kaddib markii la gaaray heshiiska saddex-geesoodka ahaa, kuwaas oo ay kamid tahay dib u furista xuduudda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo celinta duullimaadyada tooska ah ee isaga kala goosha caasimadaha saddexda dal. Iyaga oo metelaya madaxdooda, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya waxay ku celiyeen taageeradooda xooggan ee ku wajahan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed. Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dadaallada dib loogu habaynayo waaxyaha dhaqaalaha iyo amniga iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed. Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay tixgelinayaan dadaallada dib u habayn ee ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyaga oo xusay kalsoonida kobcaysa ee Beesha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya. Wasiirradu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab istaagi doonaan shacabka Soomaaliya iyo hoggaankiisa maaddaama ay rajo fiican u yihiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Beesha Caalamka ugu baaqeen inay si midaysan u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan in la hirgeliyo isbeddelka lagama maarmaanka u ah soo kabashada Soomaaliya ee wakhtiga fog. Wasiirrada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso ee gudaha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Hoggaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay amniga, barwaaqada iyo xasilloonida gobolku, iyaga oo dib u adkeeyey dhawridda madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee saddexda dal. Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay ka mahadceliyeen martisoorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socdey.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi ayaa sheegay amniga caasimadda Muqdisho uu hoos tago dowladda Federaalka, isla mrkaana aanu gacanta ugu jirin maamulka gobolka Banaadir. Duqii hore ee Muqdisho oo ka hadlayey qarixii weynaa ee 14-ka Oktoobar ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, xilligaas oo uu ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in amniga caasimadda ay gacanta ku heyso dowladda dhexe, iyadana ay mas’uuliyadiisa qaadeyso, lana weydiinayo wixii ka dhaca. Taabit waxa uu intaas ku daray inuu marar badan sheegay, lana wadaagay madaxda sare in amniga caasimadda laga dhigo mid goboleed oo dadku degaanku leeyihiin, balse lagu gacan seeray. Taabit oo wareysi siiyay telefishanka TRT ee Turkiga ayaa caddeeyay inaan amniga Caasimadda la sugi karin inta laga dhigayo mid ay leeyihiin dadka degaanka, sida Hargeysa, Garowe iyo Boosaaso, loona baahan yahay in ciidamada amniga heer degmo iyo heer Gobol la xoojiyo, mas’uuliyadiisana lagu wareejiyo Gobolka Banaadir, taasoo uu marar badan hore u sheegay. Halkaan hoose ka daawo Caasimad Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Somali MP Mahad Salad says he has been fired on board by police soldiers, while heading to the country’s parliament headquarters in the capital of Mogadishu. Hon. Salad says he informed police soldiers his identities and where he was heading to, but said police soldiers opened bullets and ordered him to return back. Mahad Salad said he held talks with police boss, saying police boss had promised that he would take firm against the soldiers, who involved his case. Somali police and security forces have been deployed and being visible the main streets in the capital of Mogadishu, as the capital hosted high-level delegation from Ethiopia and Eritrea. The Foreign Affairs Ministers of Eritrea, Osman Saleh, and Workneh Gebeyehu, Ethiopia have on Wednesday arrived in Somali capital Mogadishu. The visit paid by Ethiopia and Eritrea’s delegation to Somali capital is seen as the latest sign of strengthening of relations across the Horn of Africa. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Senator Cabdi Axmed Dhuxulow(Dhagdheer) Iyo Senator Yusuf Geelle Ugaas(Dhagey) oo ka jawaabayey eedeyn uu shalay u soo jeediyey madaxweynaha Galmudig Axmed Geelle Xaaf ayaa qoraal ay warbaahinta soo gaarsiiyeen ku sheegay in war-saxaafadeedka Mr. Xaaf aanu waafaqsaneyn xaqiiqda dhabta ah ee jirta iyo shuruucda dalka, laguna marin habaabinayo shacabka Galmudug, iyaga oo intaasi raaciyey in war-saxaafadeedka uu si toos ah ugu xad-gudbey xasaanadda iyo sharafta mas’uuliyadeed ee aan mudneyn sida ku cad qod 78-aad ee dastuurka federaalka ah. Labada Senator oo sii hadlaya waxaa ay yiraahdeen “ waxaynu ka mid aheyn wafdi uu u diray golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya dowlad goboleedla Galmudug isaga oo gudanaya xilka dastuuriga ah ee ku qeexan qod 61aad(1) (3) ee dastuurka federaalka ah si ay kaalin dhex-dhexaadin ah uga qaataan khilaafka Galmudug iyo khilaafka u dhaxeeya dowlad goboleedka iyo xukuumadda federaalka ah”. Qoraal Senatorrada oo sii socda ayaa ku xusnaa “Marna ma aqbaleyno in xilka mas’uuliyadeed ee Senatorada golaha aqalka sare la siyaasadeeyo, waxaynu had iyo jeer u taagan nahay in aan dhamaeystiro kaalintii dhex-dhexaadin ee aynu ka wadnay xal u raadinta khilaafka ka dhex aloosan hey’adaha dastuuriga ah ee Galmudug. Ugu dambeyntii Senator Cabdi Axmed Dhuxulow(Dhegdheer) Iyo Senator Yusuf Geelle Ugaas(Dhagey waxaa ay qoraalkooda ku soo gabagabeeyeen “waxaynu ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Galmudug in ay ku xaliyaan wixii khilaaf ah ee jira wada hadal, isfaham iyo isu tanaasul iyo in mar kasta la ilaaliyo loona hoggaansamo dastuurka Galmudug, dastuurka federaalka ah iyo shuruucda kale ee dalka”. Qoraal-ka Senatorada waxaa uu jawaab u ahaa war-saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska madaxweyne Axmed Geelle Xaaf, kaas oo lagu sheegay in ay maalmahan ay bilaabatay abaabul hor leh oo looga gacan haatonayo xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ee hore inay tagaan magaalada Cadaado, ayagoo adeegsanaya qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirrada, baarlamaanka iyo senatarada federaalka ah sida: Wasiir Axmed Qoroor, Xildhibaan Xuseen Iidow, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow(Dhegdheer) Iyo Senator Yusuf Geelle Ugaas(Dhagey) ayagoo waqti iyo hanti gelinaya si ay u bur buriyaan heshiiskii ASJ iyo Galmudug, una abuuraan xiiso hor leh oo wax loogu dhimayo xasiloonida siyaasadeed iyo midda amni ee Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey idaacadda VOA, isaga oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo xisbi siyaasadeedkii uu dhowaan sameystay. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay arrimo badan, sida amniga, khilaafka maamul goboleedyada iyo qaabka ay u wajahday xiisadda Turkiga iyo Sacuudiga ee ka dhalatay weriyaha la la’yahay. Madaxweyen Xasan Sheekh ayaa sheegay in marka uu qiimeeyo dowladda Farmaajo ay dowladdiisa kaga liidato dhinaca sugidda amniga iyo qaabka ay u wajahday iyo sida ay ula macaamisho maamul goboleedyada, balse waxa uu sheegay inay kaga wanaagsan tahay kobcinta dakhliga dowladda usoo xarooda. Amniga Muqdisho ayuu sheegay inuu ku xiran yahay amniga gobollada ku xeeran, wuxuuna shaaca ka qaaday in ayada oo aan Al-Shabaab laga sifeyn labada Shabeelle, aysan Muqdisho ammaan noqon doonin. Mar uu ka hadlayey xisbiga uu dhowaan sameystay ee UPD, waxa uu sheegay inuu la mid yahay xisbiyada kale ee dalka laga sameeyey, islamarkaana ku dhawaaqista xisbi aanu macnaheedu ahayn inuu olole doorasho billaabay. “Dalka waxaa ka socda diiwaan-gelinta xisbiyada, qof walbana waxa uu la yimid weelkii uu wax ku shuban lahaa, markii Xasan Sheekh xisbi sameystay maxaa loo yiri olole ayuu billaabay, kuwii kaleba lama dhihinee” ayuu yiri Xasan Sheekh. Hoos ka dhageysoi wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/564fe025-7712-44ea-ad5e-0f4b0d965613_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ayaa ka jawaabay eedeyn dhawaan kaga timid maamulka Galmudug ,taasoo aheyd in ay xildhibaano kasoo horjeedda maamulka Galmudug ay ku daadgureynaayaan Magaalada Cadaado. Xildhibaanada waxa ay sheegeen in door dhexdhexaadin ah ay qaadanayaan Khilaafka Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug. Waxa ay beeniyeen in ay taageeraan Xildhibaanada ku sugan Magaalada Cadaado, waxaana ay ugu baaqeen Madaxda Galmudug in ay xaliyaan Khilaafka ka dhex taagan. Waraaqdaan ayaa imaaneyso Xilli Maamulka Galmudug garabka Dhuusamareeb uu shaaciyey magcyada Xildhibaano ay labadaan ku jireyn oo lagu eedeeyey inay qalalaaso siysaasadeed ka wadaan Galmudug. Maamulka Galmudug ayaa kusii socdid meel halis ah waxaana muuqato inaysan marnaba isla shaqeyn karin madaxda Seddexda ah ee ugu sareyso waxaana soo badanayo baaqyada ku aadan in Galmudug laga qabto oo loo magacaabo hoggaan kale oo cusub. Halkaan hoose ka akhriso Jawaabta kasoo baxday:
-
Bosaso[Puntland Post]-Qoryooley Foundation gaar ahaan kooxda caafimaadka ee wareega (Mobile Team) ayaa waxa ay baaris iyo daaweyn ka wadaan xeryaha baracakacayaasha ee magaalada Bosaso (IDP) Afartii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxa ay kooxda caafimaadka ee wareega (Mibile Team) waxa ay adeeg caafimaad oo isugu jiray baaris iyo daaweyn u sameeyey 104 qof oo isgu jiray rag, dumar, carruur iyo dad da’ah. Dhammmaan dadkaasi ayaa ahaa kuwa qabay baahiyaha gaar ah(Especiall Need) sida dhimirka, curyaamiintya xubnaha iyo sidoo kale dad qaba dhiig kar iyo sonkor. Mashruucaan ayaa waxaa fulinayey Dr.Qoryooley Foundation gaar haan kooxda caafimaadka ee wareega oo ka kooban laba koox(Kooxdii waxa ay ka koban tahay dhakhtar, kalkaaliye, sheybaariste, farmashiste, lojistigo iyo sakuuritiga. Mahruucana ayaa waxaa horey u daah-furay duqa degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan. xubnaha golaha deegaanka, issimada, cuqaal, gudoomiyeyaasha xaafadaha magaalada iyo gudoomiyeyaasha xeryaha barakacayaasha. Kooxda caafimaadka ee wareega ee Dr.Qoryooley Foundation ayaa aadi doona degmooyinka iyo tuulooyinka Puntland markii ay dhammeystaan qorsheyaasha mashruuca Bosaso, waxa ayna adeegyo caafimaad oo kale duwan u sameyn doonaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba (Especiall Needs) Dhammaan issimada iyo culimada ayaaa soo dhaweeyey mashruucan, iyagoo ALLE uga beryay in u jeedooyinkiisa lagu guleysto. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Qoryooley Foundation Oo Magaalada Bosaso Weli Ka Wada Howlo Caafimaad appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)–This month Nicholas “Fink” Haysom ended a two-and-a-half year tour as the UN Secretary-General’s Special Envoy for Sudan and South Sudan and moved to Mogadishu to take up the job of the UN Secretary-General’s Special Representative to Somalia. That might seem like going from the frying pan into the fire. But Haysom, (ever optimistic) is upbeat about the prospects of the country which will be his home (and his responsibility to help pacify) for the next few years. In a recent interview in New York Haysom said “my Somali interlocutors assert that Somalia is on a much more positive trajectory than South Sudan. Some analysts agree. Over the last two or three years they’ve made steady progress in establishing a government, in formulating a governance agenda; in conducting something like elections – or what he calls “a political event with electoral features” rather than an election. “They voted in a change of president. And they are making progress with the international financial institutions in regard to debt write-offs and gaining access to new concessionary loans. “And they are insisting that in their interactions with the world they not be treated as simply a failed state, that their incremental progress be recognised.” Haysom is not blind to the large challenges which Somalia still faces, not least the unfinished battle with the deadly al-Shabaab Islamist terrorist group. On 14 October the country commemorated the loss of 655 civilians exactly one year earlier in the IED blast in central Mogadishu- the largest destructive terror bomb blast in Africa. The fact that he rates its prospects as better than those of South Sudan perhaps says more about the uncertain fate of South Sudan than it does about the chances for Somalia. Even for South Sudan, though, Haysom is rather optimistic, though not without reservations. He recalls that he started his assignment as special envoy to the two Sudans on 1 July 2016 and on 16 July the second phase of the country’s civil war erupted in the capital Juba, in a deadly showdown between the forces of President Salva Kiir and those of his old enemy, Vice President Riek Machar. As he notes, Kiir’s armed forces pursued Machar right to the DRC border. “He set off for the border on foot,” and eventually made it into exile. Machar had only recently returned to Juba to take up his old position of vice president from which Kiir had fired him in 2013, helping to precipitate the first phase of the civil war in December 2013. On 12 September this year, just days before Haysom was to leave his post as special envoy for the Sudans, yet another peace agreement was signed between Kiir, Machar and a broader range of South Sudanese political leaders. This was the “Revitalised” Agreement on the Resolution of the Conflict in South Sudan. The original ARCISS as it is known, was signed by Kiir, Machar and others in August 2015. It envisaged a ceasefire, with Machar once again becoming vice president in a transitional government. It imploded soon after he returned to Juba. After Machar fled what he asserted was a determined attempt to kill him in July 2016, he eventually found his way to South Africa where Pretoria later agreed to requests from leaders in the Horn of Africa (under the Intergovernmental Authority on Development. [IGAD]) to keep him under de facto house arrest. IGAD and South Africa’s thinking was that it would be possible to negotiate an end to the civil war if only Machar were out of the equation. Haysom found this logic very puzzling. “For 18 months my office consistently pointed out that there couldn’t be a coherent peace process unless Machar participated. “This was not because of any partisan sympathy for Machar but because Conflict Resolution 101 requires the major protagonists (to participate in negotiations) – which is what South Africa has always insisted was a necessary approach to conflict resolution. “It was notable that when IGAD leaders finally accepted this, (and Machar was allowed to return from SA to participate in negotiations) they began to make rapid progress in the peace talks. “The second aspect of our approach has been to accept and to support the notion that the region (IGAD) should take the lead in finding a solution.” So Haysom says it is gratifying that as he leaves his post, after 15 months of negotiations conducted by IGAD, with Sudan and Uganda in the lead, the Revitalised ARCISS has been signed by Kiir, Machar and most of the other parties and a new framework for a transition has been launched. This provides for a pre-transition of 8 months and a comprehensive transitional road map of three years, leading to new elections. But he adds that “formidable challenges lie ahead” to make the peace agreement sustainable. Caution is well advised, considering that this is the third time that a government of national unity has been launched in a matter of a few years. Haysom identifies four main conditions for sustainability. The first is inclusivity, both in who participates but also in the way the agreement is implemented. All sectors in South Sudan must be embraced by the peace agreement. “The second issue is the security arrangements in which I think there are gaps, especially regarding how the cantonment exercise will work out,” Haysom says, referring to how soldiers from both sides are to be confined to their bases during the transition. Another security issue is which international forces will fill the security gap during the transition when the South Sudanese soldiers are cantoned, this has not been agreed yet. A third security question is whether all the parties have a shared understanding of how all the armed groups are to be merged into a unified army. “If they don’t have a meeting of the minds on how the assembling, separating and the unifying of armed forces will work out, it can be disastrous,” he says, citing Namibia and Zimbabwe as examples of where there were tragic misunderstandings. Another condition is financial propriety, Haysom says. “There had been widely condemned plunder of public funds previously and so most of the donors are not prepared to put up the money to fund this implementation unless there are steps taken to effect accountability for past misappropriation.” And the final issue is the enforceability of the agreement. The previous comprehensive peace agreement – of August 2015 -broke down in July 2016 because the government, among others could take the steps it wanted without any outside party insisting that they stuck to the agreement. “And the question which some South Sudanese are asking is what’s going to be different this time? “ I have cautioned, that the IGAD leadership, the leadership of the region, has to take a much stronger, even intrusive role, in enforcing the agreement.” Haysom had just told the Security Council that the first step is to demonstrate political intent, political will to make the guns fall silent- immediately and everywhere.” Sadly there have already been sporadic violations of the ceasefire though not enough, it seems, to wreck the deal. What gives Haysom greater hope for this peace agreement than for previous ones is the regional environment. “Across the Horn of Africa region, peace has broken out…”, he says. This has been prompted by new Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s rapprochement with his country’s old enemy and neighbour Eritrea. Haysom said this reconciliation had had knock-on effects beyond these two countries. “People have now begun to re-engage in regard to their interstate conflicts which the international community had been told were intractable; such as Djibouti-Eritrea, Ethiopia-Eritrea; Somalia and Eritrea.” The only caveat to his optimism is that the divisions in the Gulf (with Saudi Arabia and the United Arab Emirates pitted against Qatar) has spilled over into the Horn of Africa. This has been divisive as different Horn states or factions within states have been compelled to choose different sides in the Gulf stand-off. That’s also true in Somalia, which still faces significant challenges despite some progress towards stability over the last few years. These challenges include meeting its governance agenda which requires it to adopt a constitution and hold universal suffrage elections within the next two years. “For them to do that there has to be collaboration between the member states, the constituent parts of Somalia, and the Federal Government. And at the moment the relations between the two are frayed.” He noted that three weeks before the sub-national states had taken a decision not to work with the federal government. “Some of that is allegedly prompted by the rival sponsorship of the Federal government and the different states by rival Gulf countries.” When the Gulf schism happened, both sides expected Somalia to take their side but Somalia benefits from aid and support from both sides and asserted its neutrality. “There are elements in Somalia, in parliament and in the federal member states, which challenge that neutrality.” Haysom said Somalia needs to engage with the Gulf countries but they in turn must respect Somalia’s sovereignty. The federal government and the member states have to achieve their own consensus on how a federal Somalia will work, on the extent of autonomy of the member states and how to distribute government revenue among them. There are also other conflict issues to manage such as the tense relationship between Somalia and the breakaway state of Somaliland, and the longstanding border conflict between Somaliland and Puntland. At the same time, an “overriding issue is that Somalia is facing down Africa’s deadliest terrorist network (al-Shabaab) in an asymmetrical war.” Somalia is strongly supported by an African Union peacekeeping force, Amisom, in its fight against al-Shabaab and Amisom in turn is being supported by the UN logistically and financially by Western donors. Most observers agree that Amisom has generally done a good job, though Haysom suggests there are co-ordination challenges facing the Amisom components, the Somali forces and fragmented international supporters. There is now broad agreement that Amisom should be reconfigured as Somalia’s own security forces build up, Haysom said, noting that tensions had arisen from trying to force the pace of the Amisom drawdown when the country was not yet ready to provide for its own security. “Al-Shabaab has been pushed out of Mogadishu and most of the other cities. However much of the countryside is controlled by al-Shabaab and it is still able to penetrate the urban areas.” Haysom seems to agree with the AU complaint that Amisom needs greater technical military support to enable it to be more offensive. For a peacekeeping force, Amisom absorbs an extraordinarily high level of fatalities. The Somalis have made progress against al-Shabaab, Haysom summarises. They’ve made progress in building governance and more recently in the economy. But Somalia still has a way to go. It will continue to need international support for its progress to become irreversible Sources: Daily Maverick
-
Xalay waxaa garoonka Atatürk ee magaalada Istanbul ka dhoofay Qunsulkii Guud ee Sacuudiga u fadhiyay Isntabul Maxamed al-Cuteybi. Al-Cuteybi lama arag tan iyo markii ay soo baxday fadeexadda dilka wariye Jamaal Khashoggi 2dii bishan. Sirdoonka Turkida ma aysan qaban, waayo wuxuu heystaa xasaanadda diblomaasiyadeed. Wuxuuna raacay dayuurad gacansi oo ku jeeday Riyadh. Ka hor intuusan duulin ayey booliska baarayaasha Turkida galeen gurigii uu Isntabul ka degganaa al-Cuteybi, waxayna ka soo saareen albaab weyn oo beerta guriga ku dhex taalla laga geli jiray. Baarayaasha aya daneynaya in albaabka ay mariyaan sheybaarka si ay uga raadiyaan haraa caddeyn u noqon kara halka uu ku danbeeyay meydka wariye Jamaal Khashoggi. ERDOGAN OO HADLAY Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa saxaafadda la hadlay si uu xaaladihii ugu dambeeyay kiiska dilka wariyaha uga warbixiyo. Waxyaabaha Erdoğan shaaciyay waxaa ka mid ah;- – Dhismaha Qunsuliyadda waxaa lagu sameeyay dib u rinjiyeyn, gaar ahaan dabaqa labaad ee dhismaha lixda dabaq ka kooban oo ah halka lagu dilay wariyaha, kaddibna hilbihiisa lagu shiiday. – Rinjiga loo adeegsaday gidaarrada/derbiyada Qunsuliyadda waxaa ku jira kiimiko awood badan oo loola jeeday in lagu raadtiro dembiga dilka wariyaha. – Derbiyada qaarkood iyo sagxadda qolalka waa la xoqay, kaddibna la dhaqay. – Shaqaalaha nadaafadda ayaa iyaguna wada dhaqay dhamman dhismaha Qunsuliyadda si loo baabi’iyo gabbood falka meesha ka dhacay. – Sababta Sacuudiyiintu muddada toddobaadka ah u diidanaayeen in Qunsuliyadooda la baaro inay ahayd inay doonayeen in dhammaan caddeymaha la tirtiro. AQOONSIYADA KUWII DILKA FULIYAY Shaqo adag ayey qabteen sirdoonka Turkida, oo wada shaqeyn ka heley sirdoonnada kale sida UK iyo USA. Waxaa markii ugu horreysay la shaaciyey magacyada iyo baasaboorrada qaar ka mid ah 15kii nin ee falka dilka geystay. Waxaana ku jira nin professor ka ah Jaamacadda Naif Arab University ee Sacuudiga, isla markaana ka soo shaqeeyay mashaariic dhanka Xajka. MAGACYADA: 1-Saalax Maxamed al Tubeyqi: waa 47 jir. Waa macallin Jaamacadda Naif Arab University oo uu ka dhigo Culuumta Ammaanka, wuxuuna aad ugu dhow yahay qoyska Boqortooyada Sacuudiga iyo sirdoonka Sacuudiga. Al Tubeyqi wuxuu ku takhasusay baaritaanka iyo abla-ablaynta raadadka fal-demiyeedyada. Wuxuu ka soo shaqeeyay Beytka Alle ee Xaramka ee Maka al-Mukarrama. Waa ninkii sannadkii 2014 sameeyay sheybaar weyn oo ku kacay 2.5 milyan doolar oo loga hortagayo cuddurada faafa si loogu isticmaalo waqtiga Xajka. markii uu dilka wariyaha dhacay ee ay kooxdii kale safreen, Ptofessor al Tubeyqi wuxuu Istanbul sii joogay sagaal (9) saacadood oo kale si uu u dhameystiro shaqadiisa oo ahayd inuu raadtiro isla markaana baabi’iyo dhammaan cadeymaha dilka Khashoggi. Waxaa la aaminsan yahay inuu isagu ahaa qofkii ka dambeeyay dib u rijinyeynta Qunsuliyadda. 2- Maxamed Sacad al-Zahrani. Waa xubin ka mid ah askarta Ilaalada Boqortooyada (Royal Guard). Al Zahrani waxaa dhowr jeer lagu arkay shaashadaha telefishannada isagoo dhinac taagan Dhaxalsugaha Boqorka ahna wiilka Boqorka Maxamed bin Salmaan oo booqanaya dhowr goobood oo gudaha Sacuudiga ah. 3- Maher Cabdicasiis Mutreb. Muddo hadda laga joogo 10 sanno wuxuu ahaa Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Sacuudigu ku leeyahay London. Waxaa magaciisa xaqiijiyey Waaxda Arrimaha Dibedda Ingiriiska oo heysa liiska diblomaasiyiinta dalkeeda yimaada. Magaca Mutreb waxaa markii ugu horreysay laga dhex heley liis emailo la soo xaday oo ay faafisay shabakadda Wikileaks 2011-kii. Waxaana emailadaasi ku jirtay in Metreb ay Sirdoonka Sacuudiga u direen koorso sare oo waxbarasho dhanka amniga ah uuna ku soo qaatay Talyaaniga. Metreb wuxuu dhowr jeer safarro u raacay ina boqorka Maxamed bin Salmaan mar uu booqashooyin kala xilli duwan uu ku tegey Madrid, Paris, Houston, Boston iyo xarunta Qaramada Midoobay ee New York. 4- Naif Xasan S. Al Carifi. Waa shaqaale ka shaqeeya xafiiska ina boqor. Waxaa kaloo la sheegay inuu mar ka shaqeeyay safaaradda Sacuudiga ee Washington DC. 5- Seyf Sacad Q. Al Qahdhani. Waa xubin ka shaqeeya xafiiska ina Boqorka Maxamed bin Salmaan. Wuxuu kaloo ka shaqeeyay sirdoonka Sacuudiga, isagoo marna joogay safaaradda Sacuudiga ee Washington DC. Barta uu ku leeyahay Facebook iyo barta kale ee MenoM3ay ayaa lagu arkay sawirro uu soo dhigay isagoo isku sheegaya inuu yahay “Wajiga Boqortooyada iyo difaacaha Boqorka”. 6- Khalid Ca-Ciid Al Cuteybi. Waa sarkaal nabsdsugid oo aad ugu dhow ina Boqorka Maxamed bin Salmaan, waana nin uu aad ugu kalsoon yahay. Sirdoonka USA ayaa caddeeyay in markii Maxamed bin Salmaan uu booqday Mareykanka bishii Maarso 2018 wuxuu Al Cuteybi ka soo horreeyay ina Boqor saddex maalmood. Sirdoonka Turkida waxay sheegeen in Al Cuteybi uu ku jiray kooxdii 15ka ahayd ee arroornimadii Talaadada 2dii October ka soo degay garoonka Istanbul halkaasna laga heley farihiisa iyo baasaboorkiisa. Dowladda Sacuudiga waxay markii hore dadkan oo dhan ku sheegtay dalxiisayaal tamashle u tagay Istanbul. Laakiin hadda warar laga heley sirdoonka Mareykanka ayaa sheegaya in Boqortooyada daalimka ee Riyadh isku diyaarineyso qirashada dilka wariye Jamaal Khashoggi. W/Q: Abdalle Ahmed Mumin
-
Popular Contributors