Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,668
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xildhibaanno maanta meel looga dhacay xasaanaddooda, kadib markii qaarkood waddooyinka loo diiday iney maraan, halka xildhibaan Mahad Salaad isna rasaas lagu ridey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in marar badan iyadoo ay xildhibaannada howl u fadhiyaan la xiro jidadka, ayna dhacdo dhibaato ay soo gaarto xildhibaannada ama qaarkood ay qatar galaan. Ciidamada amniga ayuu u sheegay in mudanayaasha baarlamaanka wataan aqoonsi, laga doonayo iney ilaaliyaan xasaanaddooda, lana ilaaliyo sharaftooda iyo karaamadooda. Guddoomiye Mursal ayaa guddiyada amniga iyo difaaca ee golaha shacabka u saaray baaritaanka dhibaato maanta loo geystay xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ayna geysteen ciidamada ammaanka. Cidda dambiga gashay ayuu sheegay iney mudan tahay in la keeno laguna abaalmariyo waxa ay sameysay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Gudoomiyaha-Golaha-ShacabkaCiidamada-Wadooyinka-Jooga-Waxaan-Lee-Yahay-Xilid.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka ay ayaan darro weyn haysato, maalin walbana ay ka dhacaan waxyaabo amniga la xiriira oo dhibaatooyin ah loona geysto shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay mudanaha in sidoo kale ay dadka Soomaaliyeed dhibaato badan ku qabaan waddooyinkaan xiran, sidoo kalena shacabkii iyo xildhibaannadii gacanta loola tagay. Magaalada Muqdisho ayuu sheegay iney u muuqato in loo ekeysiiyey mid furin ah, madaxda joogtana ay shacabka ka shakisan yihiin sidaasi darteedna shacabka loo arko sida kuwo cadow ah waa sida uu hadalka u dhigaye. Xildhibaan Fiqi ayaa sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in ciidamada ammaanka loo adeegsado dhibaateynta shacabka iyo mas’uuliyiinta (Xildhibaannada). Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Xildhibaan-Axmed-Macalin-Fiqi-Magaalada-Muqdisho-waxaa-loo-ekeysiiyay-furin.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo ah guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa shaaciyey waqtiga kama dambeysta ah ee lagu dhowaaqayo guddiga doorashada madaxweynaha maamulkaasi. Maye ayaa ugu horreyn beeniyey warqad saakay illaa xalay lagu faafiyey baraha bulshada, taasi oo ku aadaneyn in la magacaabay guddiga doorashada K/galbeed. Wuxuu sheegay in warqaddaasi ay sameeyeen dad uu sheegay ineysan ka fekerin wax ka imaan kara waxa ay qoreen, islamarkaana ay muuqatay iney been abuur tahay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalinta Axadda ah 21-10-2018 si rasmi ah ugu dhowaaqi doonaan xubnaha guddiga doorashada madaxweynaha K/galbeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Kgalbeed.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laga hor istaagay ka qeeybgalka kulankii baarlamaanka ee maanta . Xildhibaanada ayaa askar katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya ay ka hor istaageen in fadhigii maanta ay ka qeeybgalaan. Xildhibaanadaan laga hor istaagay kulanka Baarlamaanka ayaa waxa ay kala yihiin Xildh. C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, Xildh. C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Xildh. Mahad Maxamad Salaad iyo Xildh. Axmed Macalin Fiqi. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayeey ugudbiyeen cabasho ay arintaasi ka muujinayaan islamarkaasina ay ku dalbanayaan in baaritaano lagu sameeyo. Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa isna fadhigii Baarlamaanka maanta ka sheegay in la dhoowro xasaanada mudanayaasha Baarlamaanka. Xildhibaanada maanta laga hor istaagay fadhiga Baarlamaanka ayaa waxa ay kamid yihiin xildhibaanada siyaasad ahaan dhaliishan siyaasada dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo. Hoos ka Dhageeyso Codka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-G.Baarlamaanka.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaano laga hor istaagay ka qeeybgalka kulanka Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad, oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ah ee ku jira xisbiga dhowaan la dhisay ee Midowga Nabadda iyo Hourmarka (UPD), ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay maanta ku rasaaseeyeen magaalada Muqdisho. Qoraal uu soo dhigay facebook, ayuu Mahad Salaad ku sharxay dhacdo maanta ku qabsatay Muqdisho. Hoos ka aqriso. haraf iyo karaamo ayaan u haynaa ciidamada qalabka sida, lkn waa in ay dhowraan xorriyada isku socodka shacabka ah iyo xasaanada dadka mas’uuliyiinta ah. Saakay 10:00 subaxnimo aniga oo u socda xarunta Golaha Shacabka ayaa ISGOYSKA SOOBE waxaa nagu celiyay ciidamo Boolis ah oo wadadu u xirneed. Kadibna waxay amar nagu siiyeen inaan KALA WAREEGNO (laabano). Waxaan u sheegay inaan Xildhibaan ahay, una socdo xarunteyda shaqo ee Golaha Shacabka. Waxayna nagu dhaheen amar ayaan qabnaa oo kuma sii daynayno. Waxaan ka codsaday in ay noogu yeeraan taliyehooda. Wuxuuna ii sheegay askarigii ila hadlayay in uu isagu meeshaan taliye ka yahay, amarna uu qabo uusana na sii daynayn! Kadibna qori ayuu inta nagu qabtay amar ku bixiyay inaan kala wareegno. Ciidamo ilaalo ah oo ila socday ayaa dagay oo ku yiri qof mas’uul ah ayaan wadnaa ee qoriga naga leexiya. Kadibna waxay bilaabeen ciidankii ila socday in ay qoryaha kula dhagaan. Gaariga ayaan kasoo dagay waxaanan ka codsaday in qoryaha askarta ay ka fuqaan iina ogolaadaan inaan la hadlo taliyehooda. Kadibna xabado ayaa nalugu riday. Mudo kadib ayaa waxaa noo yimid saraakiil boolis ah waxayna balan qaadeen in ay tilaabo ka qaadi doonaan askartii falkaan ka mas’uulka ahaa. Golaha Shacabka ayaa gudi usaaray mudo 48 saacadood ah in ay jawaab uga keenaan arintaan iyo arimo kale oo dhowr jeer soo laablaabtay oo lagula kacay Xildhibaanada. Sharaf iyo karaamo ayaan u haynaa ciidamada qalabka sida, waanan ku bogaadinaynaa mas’uuliyada amni ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u hayaan. Lkn waa in ay dhowraan xorriyada isku socodka shacabka ah iyo xasaanada dadka mas’uuliyiinta ah. Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
  6. Baydhabo (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online waxaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulk Koonfur Galbeed ka socdo olole mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas C/qaadir Shariif Sheekhuna. Mooshinkaan ayaa waxaa wado qaar badan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo Guddoomiyaha Baarlamaanka ku tilmaamay inuu yahay meesha ay ka socon la’dahay Koonfur Galbeed. Mooshinka ayaa waxaa ilaa hadda saxiixay 50 Xildhibaan oo ka tirsan maamulkaas, waxayna wararka sheegayaan inuu Guddoomiyaha Baarlamaanka ka biyo diidan yahay inuu qabto mooshinkaas. Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wado oo diiday in magaciisa la isticmaalo ayaa Shabakadda Caasimadda Oline u sheegay inay Mooshinka u dhiibi doonaan Guddoomiye ku xigeenka haddii uu diido inuu qabto Guddoomiye Cabdulqaadir. Xildhibanka la hadlay Caasimadda Online ayaa sababta mooshinka keentay inuu sheegay inuu Madaxweyne Shariif Xasan kala shaqeenayo sidii ay dib ugu dhici laheyd Doorashada la filayo inay dhacdo 17 Bisha soo socoto. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Baydhabo, wuxuuna halkaas ka wadaa olole kale oo lagu doonayo in mooshinkaas lagu kala furfuro. Mooshinkaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan Musharaxiinta Koonfur Galbeed ay muujiyeen walaac ku aadan Doorashada loo ballansan yahay inay ka dhacdo Koonfur Galbeed, waxayna Xildhibaanada ugu baaqeyn inay ka hor tagaan qorsho la doonayo in waqti kororsi loogu sameeyo Shariif Xasan. Shariif Xasan ayaa cadaadis xooggan kala kulmayo Musharaxiinta u tartamayo Koonfur Galbeed, waxayna wararka hoose sheegayaan inuusan Shariif Xasan taageero fiican ka heysan Xildhibaanada oo ku eedeeyey inuu mar kasta lunsado Mushaaraadkooda sidoo kalana uu ka jiifo wax u qabashada dadka Koonfur Galbeed. Wixii warar ah ee kasoo kordho Mooshinkaan kala soco Caasimadda Online Caasimad Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. MOGADISHU (Caasimada Online) – High level delegation led by Foreign Affairs Ministers of Eritrea and Ethiopia have on Wednesday arrived in Somali capital Mogadishu. The Ethiopia and Eritrea’s delegation were warmly welcomed by Somalia’s Foreign Affairs Minister Ahmed Isse Awad. Osman Saleh, Eritrea; and Workneh Gebeyehu, Ethiopia will hold high level talks with Somali leaders The visit paid by Ethiopia and Eritrea’s delegation to Somali capital is seen as the latest sign of strengthening of relations across the Horn of Africa. The last time the three ministers met was in Asmara after their leaders signed a tripartite cooperation agreement. The trio were dispatched to Djibouti to mediate in soured relations between Eritrea and Djibouti. Since the meeting between the ministers, Eritrean president Isaias Afwerki and Djibouti’s Ismail Omar Guelleh have met under the auspices of the Saudi king to begin efforts at resolving their decade-long disagreement. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  8. Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah oo joogay isgoyska Zoobe, ee KM5 ee magaalada Muqdisho ayaa saaka waddada ka xirtay Mahad Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka hor istaagay inuu shaqada aado. Xildhibaan Mahad Salaad oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in isaga oo marayey isgoyska KM5 qoryo lagu qabtay, markii uu isku sheegayna loogu jawaabay ‘agaasime ayaa celinay ee xildhibaan muxuu yahay”. Xildhibaanka waxaa uu intaasi raaciyey in muran kadib uu mid ciidamadii ka mid ahaa uu qoray kula dhagay mid ka mid ahaa ilaalada xildhibaanka, kadibna ay xabado halkaasi ka dhaceen, intaas kadibna ay saraakiil ciidamada ah u yimaadeen. “Saraakiishii timid waxaa ay noo sheegeen inay xeri-doonaan 2-bada askari, ninkii diiday in aan meesha marno iyo ninkii midka ilaadada ahaa qoriga kula dhagay, laakin waan ka war sugeynaa” sidaasi waxaa yiri, Xildhibaan Mahad Salaad. Golaha shacabka uu xildhibaan Mahad ku sii-jeeday waxaa uu maanta lahaa kulan caadi ah, ajendaha ayaa ahaa akhrinta hindise sharciyeedka bar-tilmaameedsiga cunaqabateynta hubka iyo qeybinta hindise sharciyeedka waxkabadalka sharciga hanti-dhowraha guud ee qaranka, akhrinta 2aad Dhinaca kale, waxaa saaka la xiray jidadka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, iyada oo gaadiidka loo diiday inay jidadka isticmaalaan, sababta ayaa aheyd imaatinka ay Muqdisho yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu iyo Eritrea Cusman Saleh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee maanta ka qeybgelayay kulanka 14aad ee Golaha shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in ay maanta handadaad iyo rasaas kala kulmeen ciidanka amaanka ee ay maanta u xiranyihiin inta badan Waddooyinka Muqdisho. Xildhibaannada maanta Golaha Baarlamaanka ka hor sheegay in handadaad iyo rasaas ay kala kulmeen Ciidanka waxaa ay kala yihiin; C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad Maxamad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi. Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominaya ayaa ciidamada ugu baaqay inay dhowraan xasaanada Xildhibaanada. Waxa uu ka codsaday guddiyada amniga iyo difaaca Golaha Shacabka inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan ishor-istaaga maanta lagu sameeyay Xilhibaanada Golaha Shacabka. Waxaa uu sidoo kale Guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha shacabka amray in ay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaannada maanta la kulmay handadaadda iyo Rasaasta ee dacwadda u gudbiyay Golaha shacabka. Kulanka maanta ayaa ku saabsanaa aqrinta 1aad ee Hindise sharciyeedka bartilmaameedsiga cuna qabateynta dhaqaalaha iyo, qeybinta hindise sharciyeedka wax ka beddelka sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ooo isna marayay aqrinta 2aad. Kulanka waxaa manta xaadiray 145 ka mid ah 276da Xildhibaan ee Golaha Shacabka Soomaaliya. Caasimad Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa beeniyay warqad been abuur ah oo laga faafiyay. Guddoomiye Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabo ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu magacaabay Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulkaas oo saaka soo baxday. Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in warqaddaasi ay tahay mid been abuur ah, islamarkaana aan ka soo bixin xafiiskiisa, isagoo in taas ku daray in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed. Warqadda saaka la faafiyay waxaa ku qornaa 15 Xildhibaan oo la sheegay in loo magacaabay Gudiga doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Warqada been abuurka ah ee la faafiyay Doorashada Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhici doonta 17-ka bisha soo socota ee November, wali laguma dhawaaqin Guddiga doorashada maamuli lahaa. Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sida sharci ah magacaabi lahaa guddigaas ayaa wali ka caga jiidaya, isagoo kamid ah musharaxiinta u tartamaya doorashada. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed Soomaaliya oo beenisay in ay magacowday Guddiga doorashada Madaxweynaha appeared first on Puntland Post.
  11. Waxaa Goordhoweyd garoonka Muqdisho ka soo dagay wafdi ka socdo dowladaha Ethopia iyo Ereteria kuwaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho. Wafdigaasi ayaa waxaa ay kala yihiin wasiirka arimaha Dibada Dalka Ereteria Cusmaan Saalax iyo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu. Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad ayaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdigaasi ka socdo dowladaha Ereteria iyo Ethopia. Wafdigaasi ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda sare ee dalka Soomaaliya sida madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Amaanka Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray inta badan wadooyinka Muqdisho. Filo faah faahin intaa ka badan insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wasiirada arimaha dibada Ethopia iyo Ereteria oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhaw soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia wafdi ka socda Dowladaha Eritrea iyo Ethiopia, waxaana si weyn u soo dhaweeyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Wafdiga ka kala socda dowladaha Eritrea iyo Ethiopia ayaa waxaa hoggaaminaayay Wasiirada Arrimaha Dibada labada dal Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Ertriea Cusmaan Saalax. Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxana xiran inta badan Wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, waxana wafdigaan la kulmi doonaan Madaxda Dowladda Soomaaliya. Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.
  13. Waxaa goordhow garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaartay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka jaarka nala ah ee Itoobiya iyo Eritrea. Dr Workneh Gebeyehu oo Itoobiya ka socda iyo Cusman Saleh oo Eritrea ah, waxaa soo dhoweeyey dhiggooda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad. Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay u geysteen Al-shabaab ayaa waxaa lagu dilay 60 ka tirsan xarakada, duqeynta waxaa ay ka dhacday Xarardheere, Mudug, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ay xalay soo saareen AFRICOM. Duqeynta ayaa la sheegayaa inay tahay middi ugu cusleyd tan iyo November 2017 kolkaas oo duqeyn ku dileen Mareykanka ilaa 100 Al-shabaab ah. Qoraal-ka taliska Mareykanka ee Afrika(AFRICOM) waxaa lagu sheegay oo kale in duqeynta ay hoos u dhigeyso awoodda Al-shabaab, inay gesytaan weerarro cusubs, in la wiiqo shabakadooda hoogaanka iyo in hoos loo dhigo sida ay xornimada ugu dhaq-dhaqaaqaan gobolka. “Dilka waxaan ku qiyaasnay ilaa 60 argigixo ah, waa tiradii ugu badneyd ilaa November 21, 2017, kolkaas oo duqeyn dhacday Al-shabaab looga dilay 100 argigixiso”, sidaasu waxaa qortay AFRICOM. Bishan keliya, Mareykanka waxaa ay duqeyn u gesyteen Al-shabaab ilaa 4 jeer, taasi oo keeneysa inay kor u dhaafaan tirade sanadkii hore oo gaartay 31 . Dhankooda, Al-shabaab waxaa ay sheegatay qarax ka dhacay Baydhabo, kaas oo ay ku dhinteen 20 qof. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Sanater u dhashay dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga laga doonayo in Siyaasada dalkeeda ay ka saarto dhaxalsugaha dalkaas Mohammed bin Salman. Seneter-ka mareykanka ee lagu magacaabo Lindsey Graham, ayaa sheegay in Bin Salmaan uu yahay shaqsi aan mudneyn inuu kasii mid noqdo maamulka boqortooyada ee hadda jira. Seneter Lindsey Graham, ayaa sheegay in Bin Salmaan uu lahaa qorshaha lagu khaarijiyay Jamaal Khashoggi, waxa uuna arrin aad u foolxun ku sheegay in Bin Salmaan uu kasii dhex shaqeeyo Aqalka looga arrimiyo Sacuudiga. Seneter Lindsey Graham, waxa uu tilmaamay in Bin Salmaan uu ku eedeysan yahay in uu sumcad u geysanayo sharafta dalkaas taasina looga badbaadi karo keliya in meesha laga tuuro. Graham,ayaa u sheegay warbaahinta Fox News in uusan u safri doonin sacuudiga,inta uu xilka hayo boqor Bin Salman oo uu cadeeyay inuu yahay gacan ku dhiigle, sida uu hadalka u dhigay. Seneter Lindsey Graham, ayaa sheegay hadii hadalkiisa la qaadanayo ay shacabka Sacuudig culeyska saran sidii ay ku badali lahaayen xukuumada hada jirta,isaga oo intaa raaciyay in ay jiraan shaqsiyaad badan oo talada kala wareegi kara boqorka sacuudiga. Sidoo kale, Seneter Lindsey Graham, ayaa dadka Sacuudiyaanka ah ku booriyay in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen hogaamiyeyaal ka wanaagsan boqorka oo xilka kala wareega. Sidoo kale, Seneter Lindsey Graham, ayaa boqor salmaan ku sheegay in wada Khaldan uu ku socdo boqorka,waxaana uu intaa ku daray in uusan sii wadi doonin dalkiisa la shaqeynta sacuudiga ilaa ay jirto ficilada xun ee lagu eedeynayo. Si kastaba ha ahaatee, arintaan ayaa imaaneysa iyadoo madaxweyne Donald Trump uu ku hanjabay cunaqabateyn iyo ciqaab ka dhan ah sacuudiga hadii lagu helo cadeymo muujinaya dilka saxafiga maqan ee Jamal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Shirkada diyaarada ee Ethopian Airline ayaa sheegtay in ay bilaabeyso duulimaadyo toos ah oo Muqdisho Addis Abbaba ah dhawaan. Qoraal ka soo baxay shirkada duulimaadyada ee Itoobiya ayey ku sheegtay in duulimaadka tooska ah ee isku xiri doono Muqdisho iyo Addis Ababa uu bilaaban doono 2-da Bisha soo socoto ee November haddii alle idmo. Shirkada Itoobiyaan Airline ayaa duulimaadyo 3 bari ah isaga kala gooshi doonto Muqdisho iyo Addis Ababa, sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxda diyaarada Itoobiyaaan Airline. Maalamaha Isniinta , Arbacada iyo Jimcaha ayuu duulimaadkaasi dhici doono. Hoos ka Aqriso warka ka soo baxay Ethiopian Airline Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ethiopian Airline oo bilaabeeysa duulimaadyo Toos ah Muqdisho iyo Addais Abbaba appeared first on Puntland Post.
  17. Baydhabo-[Puntland Post] Guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa goor-dhaweyd la magacaabay, si uu i diyaaro doorashada dhici doonta 17 bisha fooda nagu soo heysa ee November. War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Sheekhuna Maye, ayaa lagu shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ah Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kuwaasoo ah Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed. Hoos ka akhriso magacyada Guddiga doorashada K/Galbeed Cabdiqani Boos Puntland Post The post Guddiga Doorashada Maamulka K/Galbeed oo lagu dhawaaqay appeared first on Puntland Post.
  18. An Afghan election candidate was killed by a bomb planted under his office chair in the southern province of Helmand on Wednesday, officials said, with the Taliban claiming responsibility for the attack. Source: Hiiraan Online
  19. Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah ay soo gaaraan wafdi ka socdo dowladaha Ethiopia iyo Ereteria. Waxaa Muqdisho laga dareemayaa soo dhoweeynta wafdigaasi oo ka soo caga dhigan doono garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho saacadaha soo socdo. Wafdigaan ayaa dhinaca Ereteria waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi oo ay wehlinayaan xubno sar sare oo katirsan dowlada Ereteria. Dhinaca saraakiil iyo masuuliyiin sar sare oo katirsan dowlada Itoobiya ayaa iyaguna imaan doono magaaalda Muqdisho. Madaxdaasi ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan madaxda dalka ugu sareeyo sida madaxweynaha iyo Ra’isilwasaaraha iyo madaxda kale ee dowlada. Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goor hore oo saaka ah la sii xiray wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Faah faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Wafdi ka socda Dowladaha Ethiopia iyo Ereteria oo ku soo wajahan Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Maamulka Puntland ayaa sheegay in xadka ay ka baxeen tirada ajaaniibta ah ee ku qulquleysa deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi. Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Injineer C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in ajaaniibta ku sugan Puntland ay ku dhow yihiin iney ka bataan dadka Soomaaliyeed ee dhulka leh. Waxa uu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay deegaannada Puntland soo galeen ajaaniib ka badan 47 kun, isaga oo ka digey sii socoshada dadkaasi. Camey ayaa faray laamaha ammaanka iney ka shaqeeyaan sidii loola socon lahaa ajaaniibta sharci darrada ku galeysa deegaannada Puntland. Inta badan Puntland ajaaniibta gasha waxaa ugu badan muwaadiniinta u dhalatay dalka Itoobiya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Camey.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Garoowe (Caasimad Online)-Hogaamiye ku-xigeenka maamul gobaleedka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey, ayaa daboolka ka qaaday inay korortay tirada ajaaniibta dalka soo galeysa. Camey oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay inay sii lumeyso tirada diiwaanka ajaaniibta kusoo qulquleyso Somalia, gaar ahaan deegaanada Puntland. Hal sano gudaheeda ayuu sheegay Camey in ay degaanada Puntland yimaadeen tiro ajaaniib ah oo aad ufara badan. Waxa uu tilmaamay in kororka oo xad dhaafay ay keeneyso in ay ka bataan dadkii u dhashay dhulka hadii aan xad loo sameynin soo galootiga ajaanibta ah, sida uu hadalka u dhigay. Camey, oo ka duulaya kororka ajaaniibta ayaa Hay’adaha amniga ku amray inay qabsadan shaqooyinkooda oo si dhab ah ay u hawlgalaan si loo kala saaro ayuu yiri kuwa sharciyeysan iyo kuwa sharci darada ku jooga deegaanka. Waxa uu ajaaniibta qudhooda ugu baaqay in ay soo maran wadada sharciga ah si looga warqabo xaaladooda. Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa “Wadan la iska galo oo sida la doona la iska yeelo ma jiro, hada waxaa dowladda qasab ku noqotay inay kontoroosho dadka soo galootiga ah, wixii hore walaaltinimo ayay aheyd” “Waxaa muhiim ah in lala socdo dadka soo galaya dalka haddii ay wax gaaran waa la qeylinayaa, haddii xaaladu tahay caadi ma ogola sharciga ay nagula joogan” Geesta kale, Camey ayaa madaxda Gobolada iyo kuwa Hay’adaha amaanka ku amray inay si hufan u gutaan waajibaadkooda oo ay la socdan dhaqdhaqaaqa ajaaniibta. Caasimad Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  22. Xildhibaannada Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah waxay kulan ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku leeyihiin xaruntooda magaalada Muqdisho. Sida ay Goobjoog News heshay, ajendaha kulanka maanta waxaa ka mid ah aqrinta Koowaad ee hindise sharciyeedka bartilmaameydsiga cunaqabateynta dhaqaalaha. Xildhibaannada waxaa loo qeybin doonaa Hindise sharciyeedkan, waxaana la gudageli doonaa ka doodistiisa. Ammaanka xarunta golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo la filayo in kulankaan uu shir guddoomiye guddoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Koox hubeeysan ayaa magaalada Muqdisho waxa ay xalay ku toogteen mid kamid ahaa odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Allaha u naxariistee Maxamed Cali Feeldheer ayeey dableey hubeeysan ku dhexdileeyn goobtiisa ganacsi degmada Wadajir ee Muqdisho. Labo dhalinyaro ah oo ku hubeeysnaa bastoolado ayaa dishay allaha u naxariistee Nabadoonkaan oo kamid ah odoyaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Askar katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilkaasi ka dhacay kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay holwgalo ay ku baadigoobayaan kooxihii dilkaasi ka dambeeysay hayeeshee lama sheegin in la soo qabtay kooxihii dilkaasi ka dambeeyay. Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaasi iyaga oo la hadlayay warbaahinta afkooda ku hadasha ayeey sheegteen in iyagu ay dileen nabadoonkaasi. Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxa ka socdo dilalka loo geeysanayo odoyaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Hoos ka Dhageeyso codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Goobjooge-dil-Wadajir-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mid kamid ah ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu dilay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  24. Ethiopia’s prime minister has appointed women to half the posts in his cabinet and created a new ministry of peace in a sweeping reshuffle that will reinforce the momentum of his radical reform programme in the vast, strategically significant African country. Source: Hiiraan Online
  25. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa kulamo xalay uu la qaatay waxgaradka magaaladaasi kala hadlay arrimo dhowr ah. Kulamadii xalay ayaa waxyaabaha sida gaarka ah looga hadlay waxaa ka mid ah arrimaha ammaanka iyo sidoo loo dardargelin lahaa ka shaqeynta ammaanka magaaladaasi. Sidoo kale, madaxweyne Xaaf ayaa isla xalay la kulmay madaxda maamulka gobolka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo. Waxaa sidoo kale lagu wadaa in madaxweyne Xaaf uu kulamo la qaato maanta qeybaha kala duwan ee bulshada isaga oo kala hadli doono xasilinta Gaalkacyo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-CALI-CEYN-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com