-
Content Count
206,678 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud ayaa ku tilmaamay tallaabo lagu fududaaday go’aankii ay dowladda federaal-ka ah ka qaadtay khilaafka Sucuudiga, Turkiga iyo wadamda reer Galeedka u dhexeeya ee ku saabsan kiiska wariyaha ‘la dilay’. Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay war saxaafadeed ay si mug leh ugu garab istaagtay boqortooyada Sucuudi Carabiya, kaasi oo ay ku sheegtay In ay ka soo horjeeddo cid walba oo ku xad gudubta madax bannaanida Sucuudiga ama wax u dhinta daneheeda dhaqaale. Xassan Shikeh oo Wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in aysan habooneyn in lala kala safto Sacuudiga iyo Turkiga, midda kalena aysanba jirin duruuf dowladda ku kaliftay inay mowqif qaadato. Isaga oo ka hadlayey go’aankii dowladda waxa uu yiri: “Anigu ma garanaayo waxa ku kalifaayo in ay mawqifkaas qaadato dowladda, lsababta oo ah Sucuudiga iyo Turko iyagaa wada hadloohaayo, wada sameenoohaayo, ciidamadooda amniga iyo saraakiishooda isku keenay oo dambiga halla wada baaro dhahayo oo wado socdo, markaa anigu ma garaayo waxa ku kalifay dowladdeenna in ay mowqif qaadato, saxna ilama aha” Waxa uu intaas ku daray “Waa arrin aad u adag in Sacuudiga iyo Imaaraadka (Oo Uu ula jeedo Turikiga) la kala safataahu, waa arrin aad iyo aad u adag, laakiin hadanna aniga waxaa ii muuqda in laga laga maarmay, oo wax ku qasbaayo dowladda in ay Position-kaas qaadato aynan jirin, labada dalna ma u maleenaayo in mid dowladda inta cadaadis ku saaray dhahay inta maxaa saas u tiri inta saas dheh, laakiin dee xoogaa waxaan is leeyahay halkaas fudeedaa ka dhacay.” Xassan Shiekh Maxamuud oo dhawaan Muqdisho kaga dhawaqay xisbi mucaarad ah oo uu u noqday hoggaamiye., waxa uu sheegay in qof kasta uu ogyahay abaalka uu Turkiga u galay dadka Soomaaliyeed. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/564fe025-7712-44ea-ad5e-0f4b0d965613_48k.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa beddelay mowqifkiisii hore, wuxuuna billaabay inuu difaaco Sacuudiga oo lagu haysto dilka la tuhusan yahay ee suxufi Jamal Khashoggi, oo aan la arag tan iyo markii uu labadii bishan galay qunsuliyadda dalkaas ee Istanbul. Trump oo horey u sheegay inuu ciqaabi doono Sacuudiga, haddii dilka uu ku caddaado, ayaa hadda dhaliilay eedeynta soo kordheysa ee loo jeedinayo dalka Sacuudi Carabiya ee ku aaddan wariyihii la waayey ee Jamal Khashoggi. Madaxweynaha oo shalay wareysi siiyey wakaalada wararka ee Associated Press, ayaa sheegay in aadan danbiile ahayn, illaa dambi lagugu helo, isaga oo u duurxulayo dalka Sacuudiga eedda loo jeedinayo. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isaga oo ka hadlaya arrinta Sacuudiga loogu eedeynayo wariyihi boqortooyada mucaaradka ku ahaa ee la waayey 2-di bishan ka dib marki uu galey qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul Turkey, waxa uu barbardhigey eedeymihii isku-deyga kufsi ee lagu soo eedeyey garsoorihi uu isagu u xuley maxkamada sare ee Mareykanka, Brett Kavanuagh oo warbaahinta caalamka mudo haysatey. Wareysigan ayaa la sii daayey ka dib marki uu Wasiirka Arrimaha Dibada ee Mareykanka, Mike Pompe uu la kulmey boqorka Sacuudi Carabiya, Salman Bin Cabdicasiis iyo dhaxalsugaha dalkaas Maxamed Bin Salman, kuwaasi oo uu kala hadlayey arrinta Jamal Khashoggi. Trump oo ah nin is-beddel badan oo aan lahayn siyaasad fadhisa ayaa inta badan go’aanadiisa ku haga danahiisa gaarka ah, mana cadda waxa Sacuudiga u sheegeen wasiirkiisa arrimaha dibedda. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ethiopian Airlines, ayaa lagu wadaa in ay dib u soo celiso duulimaadyadii Muqdisho bisha November muddo 40 sano ah kadib, taasi oo billow u noqon doonta loolan adag oo Soomaaliya ku dhex maray ayada iyo shirkadda Turkish Airlines. Diyaaraddan oo ku jirta kuwa ugu raaxada badan qaaradda Afrika ayaa sidaasi ku sheegtay war ay soo saartay talaadadii, waxayna si toos ah duulimaadyada u bilaaban-doonaan November 2. Iimaatinkeeda Soomaaliya waxaa lagu wadaa inay tartan la gasho Turkish Airlines oo in muddo aheyn diyaaradda caalamiga ah ee ugu horeysay ee ka shaqeyso gudaha Soomaaliya burburkii kadib, in badan qurbajoogta iyada ayey adeegsan jireen. Waxaa sidoo kale la filayaa in imaanshaha Ethiopian Airlines ee Muqdisho ay shacabka ka caawiso inuu hoos u dhaco qiimaha ticket-ka, maadaama Turkish Airlines ay iminka wixii doonto dadka ka qaado, maadaama aan tartan lagula jirin. Maamulaha shirkadda waxaa uu sheegay in duulimaadyadan ay kaalin muhiim ah ka qaadan-doonaan xoojinta xiriirka labada shacab iyo kor u qaadista dhaqaalaha labada dal ee walaalaha ah”. Ethiopian Airlines , waa shirkadda ugu weyn, uguna waxsoo saar badan qaaradda Afrika, sanadka 2017/18 waxaa ay sameysay $2.7 billion. Waxaa sidoo kale dhici karta in diyaaradda ay soo qaado “Qaadka” oo hadda ay Soomaaliya ka keensato dalka Kenya, markii hore waxaa ay geyn jirtay Somaliland. Dhankeeda, Soomaaliya waxaa ay ka faa’ideysan-doontaa suuqyada Itoobiya oo ay ku nool yihiin ilaa 100 million, kuwaas oo in badan baahi u qaba dalagga iyo kaluunka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Somalia ay iminka ka gudubtay xiligii laga baqan jiray. Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inuu aad uga faraxsan yahay in xiligan Somalia ay dib ula soo laabaneyso kalsoonida wadamada saaxiibada la’ah Somalia. “Somalia waxa ay ka gudubtay xiligii laga baqan jiray waxa ay u gudubtay xili ay madaxda caalamka kusoo dhiiradan si nabad ahna ay ugu dhex mushaaxan” “In na lagu soo dhiirado waxaa sabab u ah in adduunka uu arkay inaan daacad u nahay dowladnimada, ogaada in Somalia ay isku filnaan gaareyso waa in la taageera dowlada” Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu tilmaamay in Somalia ay kasii hana qaadi doonto halka ay iminka taagan tahay waxa uuna ku baaqay in la garwaaqsado in Nabadu ay tahay mida keliya ee horumarka lagu gaari karo. Sidoo kale, waxa uu ballanqaaday in mudada ay xilka hayaan ay ka shaqeynayaan in Somalia ay keenaana madaxda adduunka si loo arko in dalka uu amni yahay isla markaana y Somalia u bisishahay dowladnimada. Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili magalada Muqdisho ay booqasho wada jira ku imaaden Wasiirada arrimaha dibadda Eriterea iyo Ethiopia oo aan horay u imaan jirin Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) - Ethiopian and Eritrean foreign ministers have hailed Somalia's security and economic reforms, terming it a critical step toward establishing a fully functional and effective state for the country which is recovering from decades of civil unrest. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray boqortooyada Britain, ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada London ee carriga dalkaasi Ingariiska. Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool London ayuu kala kulmay soo dhoweyntani, madaxweyne Xasan Sheekh. Waxaa uu ka hadlay dagaal ku salleysan dacaayadaha oo uu sheegay in aanan meel lagu gaaraynin. Ugu dambeeyn, wuxuu Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud bulshadii uu la hadlayay uu ka dalbaday in ay kala soo qeyb galaan xaflad xisbiga uu guddoomiyaha ka yahay qabanayo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Madaxweyne-xasan-sh-oo-lagu-soo-dhaweeyay-london.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) – Somali prime minister has suspended one his cabinet ministers after he was allegedly implicated in a fraud scheme involving manufacturing of counterfeit US currency. Source: Hiiraan Online
-
Kenyan Members of Parliament are set to vote on Wednesday for a change in the general elections date, from August to the third week of December. Source: Hiiraan Online
-
Siyaasi Mohamed A. (Faroole), xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Goobjoog News kaga warramay arrimaha doorashooyinka ee ku soo food leh dowladda Puntland. Waxaa uu ka dhawaajiyay walwal badan oo ay qabaan siyaasiyiinta iyo shacabka kaasi oo la xiriira in xukuumaddu qorsheyneyso “In ay dib u dhigto Doorashada”, arrintaas haddii ay dhacdo wuxuu tilmaamay siyaasi Maxamed Faroole in masuuliyadda wixii ka dhasha uu qaadayo madaxweynaha uu waqtiga ka sii dhammaanayo ee Cabdiwali Gaas Doorashada madaxweynaha Puntland oo loo madlan yahay Jan, 08, 2019-ka ayaa weli waxaana ka hadlin madaxweynaha Puntland inuu yahay musharrax madaxweyne iyo in kale. Arrinta soo xulista baarlamaanka cusub oo ka socota Puntland ayuu sheegay in ay jirto cabsi ah in musuqmaasuq ay lugaha la gasho oo xildhibaanno la soo saarto ay jiri karaan. Siyaasi Maxamed Faroole, wuxuu ku dhaliilay xukuumadda hadda talada heysa ee Puntland oo uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas, wuxuuna ku dhaliilay arrinta ammaanka oo ay ka gaabisay. Waxaa uu soo hadal qaaday falalka amni darro ee ka dhaca had iyo goor magaalo xeebeedka Boosaaso kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay muujinayaan heerka ammaan ee Puntland. Siyaasiga Maxamed A. Faroole ayaa soo noqday Agaasimaha ciidamada Badda Puntland ee loo soo gaabiyo (PMF), La taliye Madaxweynaha Puntland, aas-aasaha warsidaha Garowe Online , waxaana la dhihi karaa siyaasiga kaliya ee ka hor yimid maadxweyne Cabdiwali Gaas seddexdii sano ee ugu dambeeysay. Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Siyaasiga Oo Dhammeystiran: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSIGA-SIYAASI-MAXAMED-FAROOLE-17-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa shaqadii ka joojiyay mid kamid ah wasiirradiisa. Ra’iisul wasaare Xasan Cali , ayaa shaqo joojintani ku sababeeyay arrimo dhowr ah oo ay mid tahay dowlad wanaag wuxuu ku sameeyay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda ganacsiga Soomaaliya Maxamed Khaliif Diiriye Shaakuud. Waxaa sidoo kale wareegtada ka soo baxday xafiiska Raysal wasaaraha lagu sheegay in shaqo joojinta uu ku sameeyya wasiir xigeenkii wasaaradda ganacsiga kaddib codsi kaga yimid Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir. Wareetada waxaa akhrinaya agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/REYSUL-WASAARE-KHEYRE-OO-SHAQO-JOOJIN-KU-SAMEEYAY-WASIIR.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wali waxaa taagan khilaafka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada iyo madaxtooyada Soomaaliya. Siyaasi Ciise Maxamuud Faarax oo xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa eedda dusha u saaray madaxda ugu sarreeysa dowladda federaalka. Wuxuu sheegay in ay ka gaabiyeen in khilaafka kala dhaxeeya maamullada afarta ah ee Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland qaabkii lagu xallin lahaa ay la yimaadaan. Wuxuu sheegay in dowladda federaalka ay kala shaxaadeyso dowlad goboleedyadii sida in Hirshabeelle ay la soo wareegtay sida uu hadalka u dhigay. Caqadabaha arrintaas ka dhallan kara ayuu ku tilmaamay in aynaan ahayn wax sahlan loona baahan yahay in go’aamo wax ku ool ah ay Villa Somalia la timaado inta ay ka gudubto madaxweyne goboleed beddal si loogu guuleysto in dib loo yegleelo haykalkii dowladnimo. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/SIYAASI-CIISE-MAXAMUUD-FAARAX-15-10-2018.mp3 Source: goobjoog.com
-
Dagaalka ayaa billowday markii ciidamada Kenya oo ku safrayay gaadiidka gaashaaman ay weerar gaadmo ah kala kulmeen Alshabaab. Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ay maqlayeen rasaas ka dhacaysa inta u dhaxeeysa Faafaxdhuun iyo Garileey oo Gedo ka tirsan. “Dagaalyahanno hubeysan ayaa weeraray ciidamada oo socda, waxaana ciidamada Kenya ay iska caabiyeen weerarkaasi” sidaas waxaa yiri ilwareedyo Gedo ku sugan. Saraakiisha Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa wali wax faahfaahin ah ka bixin weerarkaasi. Inta badan waxaa dhacda in markii ciidamada ay ku socdaalayaan wadooyinka isku xira magaalooyinka ay la kulmaan weerarro ama qaraxyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Askarta ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo Al-Shabaab kusoo qaadey magaalada Marka kahor booqashadii Madaxweyne Farmaajo 14-kii bishan October 2018-ka. Wuxuu sheegay in laba askari oo u dhashay dalka Uganda in ay ku geeriyoodeen weerar Alshabaab ku qaaday magaalada Marko oo ah xarunta gobolka Shabeellaha Hoose. Ku xigeenka afhayeenka ciidanka millateriga Uganda ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dhowr askari oo weerarkaasi ku dhaawacmay. “Waxa aan kuu xaqiijinayaa in weerar gaadmo ah oo lagu qaadey ciidamadeenna ku sugan Marko lagu dilay labo Askari, waxaa sidoo kale jira dhowr askari oo dhaawac soo gaarey” ayuu yiri Akiiki. Intaas wuxuu ku daray “Waxaan ka sugaynaa howlgalka AMISOM ee Muqdisho macluumaad dheeri ah oo ku saabsan askarta la dilay iyo kuwa dhaawacmay, si aan ugu wargelinno qoysaskooda” Akiiki baa yiri sidaasi. Dowladda Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee ciidamo usoo diray Soomaaliya bishii March, 2007, waxaana ka jooga Askar lagu qiyaasay 6,500 kuwaasoo qeyb ka ah 22,000 oo Askari oo AMISOM ka kooban. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa maanta kulan wada jira la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Eretria, Cusmaan Saalax Maxamed iyo Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia, Workneh Gebeyehu. Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda Somalia oo isagu lahaa martigalinta iyo La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Eriterea oo qeyb ka ahaa wafdiga ka socday Eriterea. Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa wafdiga dowladaha aanu saaxiibada nahay ee Eriteria iyo Ethiopia macluumaad kasiiyay isbedelada ay ku talaabeyso Somalia sanadihii ugu danbeeyay gaar ahaan dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga, Horumarka iyo Siyaasada. Wasiirradu waxa ay ammaaneen horumarka ay dhawaaan dawladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dib u habaynta dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta siyaasadda. Waxa ay ka wadahadleen horumarinta qodobadii heshiiskii Seddax geesoodka ahaa ee iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka, waxa ayna xaqiijiyeen in ay ka go’antahay ayna si wada jir ah gacan uga gaysanayaan nabadadda, xasiloonida iyo horumarka gobalka geeska Afrika. Madaxdu waxa ay dib u milicsadeen horumarka gobalku uu ku tillaabsaday kadib saxiixa heshiiskii sedax geesoodka ahaa ee dib u furidda xuduudda u dhexeysa Ethiopia iyo Ereteria, iyo dib u amba qaadidda duullimaadyada tooska ah ee caasimadaha sedaxda dal. Wasiirradu waxa ay ku celiyeen in Ereteria iyo Ethiopia ay sii wadayaan is garab istagga shacbabka iyo hoggaanka dawladda Federaalka Soomaaliya si looga mira dhaliyo rajada dib u soo kabashada Qarannimada Soomaaliyeed. Wafdiga ayaa booqashadooda maanta kor ugu qaadayay iskaashiga siyaasiga ah ee ka dhexeeya Seddaxda dawladood iyo sii wadidda hannaanka wada hadalka ee ka dambeeyay heshiiskii Seddax geesoodka ahaa ee Madaxda Eretria, Ethiopia iyo Soomaaliya ay ku saxiixeen Asmara September 2018.
-
Ethiopian Airlines, ayaa lagu wadaa in ay dib u soo celiso duulimaadyadii Muqdisho bisha November muddo 40 sano ah kadib, arrintan oo imaaneysa 3 bil kadib markii ay dib u bilowday duulimaadyadii Eritrea. Diyaaraddan oo ku jirta kuwa ugu raaxada badan qaaradda Afrika ayaa sidaasi ku sheegtay war ay soo saartay talaadadii, waxayna si toos ah duulimaadyada u bilaaban-doonaan November 2. Maamulaha shirkadda waxaa uu sheegay in duulimaadyadan ay kaalin muhiim ah ka qaadan-doonaan xoojinta xiriirka labada shacab iyo kor u qaadista dhaqaalaha labada dal ee walaalaha ah”. Ethiopian Airlines , waa shirkadda ugu weyn, uguna waxsoo saar badan qaaradda Afrika, sanadka 2017/18 waxaa ay sameysay $2.7 billion. Iimaatinkeeda Soomaaliya waxaa lagu wadaa inay tartan la gasho Turkish Airlines oo in muddo aheyn diyaaradda caalamiga ah ee ugu horeysay ee ka shaqeyso gudaha Soomaaliya burburkii kadib, in badan qurbajoogta iyada ayey adeegsan jireen. Waxaa sidoo kale dhici karta in diyaaradda ay soo qaado “Qaadka” oo hadda ay Soomaaliya ka keensato dalka Kenya, markii hore waxaa ay geyn jirtay Somaliland. Dhankeeda, Soomaaliya waxaa ay ka faa’ideysan-doontaa suuqyada Itoobiya oo ay ku nool yihiin ilaa 100 million, kuwaas oo in badan baahi u qaba dalagga iyo kaluunka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Cusmaan oo ku magacdheer (Xildhibaan Faliije ) ayaa ka hadlay tacadiyo uu sheegay in maanta loogu dhex geystay magaalada Muqdisho. Xildhibaan Faliije, ayaa sheegay in tacadi maanta ay u geysteen ciidamo ka tirsan dowladda kuwaa oo uu tilmaamay inay ula dhaqmeen sida qof shacab ah. Waxa uu sheegay in tacadiyadaasi uu la kulmay xili uu kusii jeeday xarunta Golaha shacabka baarlamaanka Somalia oo uu ka dhici lahaa kulanka baarlamaanka. Waxa uu sheegay in ciidamada ay maanta kula dhaqaaqeen arrin aad u xun iyaga oo gaarayay in ka badan 10 xildhibaan. “Waxa ay nagu rideen rasaas waxa ayna noo diideen ciidamadu inaan u gudubno dhanka xarunta baarlamaanka oo aan ku laheyn fadhi”. “Waxan arrintaan u qaadanay shirqool ay noo dhigeen Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha oo waxaanu dareemeynaa inay wax ka ogaayen falkaas” Xildhibaan Faliije, waxa uu tilmaamay in maanta ay ku sigteen inay wada dagaalaman ciidamada waddooyinka xiray iyo kuwa ilaalada u ahaa Xildhibaano uu isaga ku jiray, isagoo eedaasi dusha k saaray Madaxda ugu sreysa dalka. Waxa uu yiri “Runtii waa arrin foolxun wixii maanta ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda u geysteen,hadii aan ciidamadeyda ku amri laheyn in ay gaariga ku laabtaan dagaal ayaa dhici lahaa,waxana laga soo abaabulay in nala rasaaseeyo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha” ayuu yiri Xildhibaanka. Sidoo kale, ciidamada dowlada oo si gaara u adkeynaayay amniga magaalada Muqdisho ayaa diiday in wixii gaadiid ahba aysan fuulin laamiyada, waxa ayna taasi sababtay in xitaa Xildhibaanada laga celsho isticmaalka waddooyinka. Si kastaba ha ahaatee, Wadooyinka Magalada Muqdisho ayaa inta badan maanta waxa ay ahaayeen kuwo xiran,waxana taasi ay sababtay in xildhibaanada qaarkood ee Golaha Shacabka ay saameyn ku yeelato. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaqo Joojin ku sameeyay Wasiir kuixgeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye . Shaqa joojinta, ayaa timid kadib markii uu dalab ka yimid Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir. “R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shaqa joojin ku sameeyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga kadib codsi uga yimid Xeer ilaaliyaha Qaranka”, SONNA ayaa sidaas shaacisay. Wararka qaar ayaa sheegaya in shaqo joojintan ay xiriir la leedahay gacan ku dhigista rag lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen dhaqida lacagta madow ee dollarka oo dhowaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho. Wuxuu noqonayaa Wasiir kuxigeenkii 2-aad ee uu shaqo Joojin ku sameeyo Ra’iisul Wasaaraha dalka. Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa horay shaqada uga joojiyay Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliya oo arrimo musuq maasuq ah lagu eedeeyay.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa shaqada ka joojiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha Somalia, Xildhibaan Maxamed Khaliif Diiriye [Shaakuud]. Wasiir ku xigeenka oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, ayaa Waxaa sababta shaqada looga joojiyay lagu sheegay codsi ka yimid Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Dr. Axmed Cali Daahir. Sidoo kale, Sababaha ugu weyn ee shaqo-joojinta wasiir ku-xigeenka ayaa lagu sheegayaa xildhibaankii dhawaan ay hay’adda NISA shaacisay inuu hawlahooda u fududeynayay shabakad ku howlaneed dhaqista Doollarka been-abuurka ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Dhanka kale, Hay’adda NISA ayaa shabakada la qabtay waxay xilligaas ku sheegtay in xildhibaankan uu u sahlayay fududeynta hawsha ay wateen, iyadoo la filayo in sababtaas awgeed shaqada looga joojiyay. Wararka ayaa waxay sheegayaan in xeer-ilaailnta Qaranka ay billowday in ay su’aalo ka weydiinayso wasiir ku xigeenka shaqada laga oojiyay eedda loosoo jeediyay, iyadoo aan la ogeyn inta ay baaristu socon doonto. Ugu dambeyn, Waa Wasiirkii ugu horeeyay oo ka tirsan Xukuumadda Kheyre oo shaqada looga joojiyo arrimo la xiriira ku lug lahaanshaha shabakad ku shaqeysan jirtay dhaqida Doollarka been abuurka ah. PUNTLAND POST The post RW Khayr oo Shaqadii ka joojiyay mid ka mid ah Wasiir ku-xigeennada Xukuumaddiisa appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dalka ay ayaan darro weyn haysato, maalin walbana ay ka dhacaan waxyaabo amniga la xiriira oo dhibaatooyin ah loona geysto shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay mudanaha in sidoo kale ay dadka Soomaaliyeed dhibaato badan ku qabaan waddooyinkaan xiran, sidoo kalena shacabkii iyo xildhibaannadii gacanta loola tagay, oo ay ciidamada dowladda dhibaateynayaan. Magaalada Muqdisho ayuu sheegay iney u muuqato in loo ekeysiiyey mid furin dagaal ah, madaxda joogtana ay shacabka ka shakisan yihiin sidaasi darteedna shacabka loo arko sida kuwo cadow ah waa sida uu hadalka u dhigaye. “Madaxda dowladda waxay dagaal kula jiraan shacabka Muqdisho, oo ay ka shakisan yihiin, ganacsiga ka shakisan yihiin, umaddii oo idil ay ka shakisan yihiin. Waxaan ka xumahay in ciidamada loo adeegsado in la dhibaateeyo shacabka” ayuu yiri Fiqi. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ayaga oo guryahooda jiifa oo raaxeysanaya ay madax iyo afti shisheeye ah oo dalka imanaya ay kala muhiimsan yihiin shacabkii Soomaaliyeed ee dalka u dhashay. “Madaxweynaha ayaa meel aadaya, wasiir Ethiopian ah ayaa imanaya, ra’iisul wasaaraha ayaa shah cabaya, waxaas ayaa maalin kasta dadkii magaalada loo dhibaateynayaa” ayuu yiri Fiqi. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Fiqi. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Fiqi.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ereteriya iyo Itoobiya . Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Mudane Osman Saleh oo ah wasiirka arimaha dibada ee Ereterea iyo Mudane Workneh Gebeyehu oo ah wasiirka arimaha dibada ee Itoobiya. Wasiirada ayaa madaxweyne Farmaajo u gudbiyay salaan sharafeed ay uga sideen Madaxweyne Isaias Afwerki Madaxweyne Ereteria iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ah Ra’isilwasaare Itoobiya. Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay arimo ku saabsan dhibaatooyin ka taagan wadamada geeska Afrika iyo arimo kale. Sidoo kale kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isilwasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirada arimaha dibada iyo gudaha ee xukuumada federaalka Somalia Wasiirada arimaha dibada ee wadamada Ereterea iyo Ethiopia ayaa maanta soo gaaray Muqdisho oo si weeyn loogu soo dhoweeyay. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay wasiirada arimaha dibada ee Itoobiya iyo Ereteria appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Maanta waxaa magaalada Muqdiso soo gaaray Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Eritrea, iyagoo kulammo la qaatay madaxda ugu sareeya dalka, ugu dambeyna waxaa kulammadan laga soo saaray war-murtiyeed wadajir ah. Wasiirada yaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen inuu shirkoodu daba-joogo shir-madaxeedkii saddexda dowladood ay ku yeesheen Asamra, isla markaana ay heshiis ka gaareen dhinacyada Dhaqaalaha, Amniga iyo Siyaasadda. Haddaba, AKHRISO War-saxaafadeedka lasoo saaray Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho maanta oo ah 17-ka Oktoobar, 2018-ka. Booqashadani waxay qayb ka tahay iskaashiga siyaasadeed ee u dhexeeya saddexda waddan iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray magaalada Asmara, bishii Sebteembar, 2018. Intii booqashadu socotay, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wasiirradu waxay sidoo kale wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre. Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliyeen tallaabooyinka togan ee hore loo qaaday kaddib markii la gaaray heshiiska saddex-geesoodka ahaa, kuwaas oo ay kamid tahay dib u furista xuduudda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo celinta duullimaadyada tooska ah ee isaga kala goosha caasimadaha saddexda dal. Iyaga oo metelaya madaxdooda, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya waxay ku celiyeen taageeradooda xooggan ee ku wajahan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed. Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dadaallada dib loogu habaynayo waaxyaha dhaqaalaha iyo amniga iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed. Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay tixgelinayaan dadaallada dib u habayn ee ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyaga oo xusay kalsoonida kobcaysa ee Beesha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya. Wasiirradu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab istaagi doonaan shacabka Soomaaliya iyo hoggaankiisa maaddaama ay rajo fiican u yihiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Beesha Caalamka ugu baaqeen inay si midaysan u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan in la hirgeliyo isbeddelka lagama maarmaanka u ah soo kabashada Soomaaliya ee wakhtiga fog. Wasiirrada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso ee gudaha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Hoggaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay amniga, barwaaqada iyo xasilloonida gobolku, iyaga oo dib u adkeeyey dhawridda madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee saddexda dal. Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Ethiopia iyo Eritrea waxay ka mahad-celiyeen martisoorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socday. PUNTLAND POST The post AKHRISO: Bayaankii kasoo baxay Booqashadii Wasiirrada A. Dibadda ee Itoobiya iyo Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Daah-furay Barnaaijka Waxbarashada dadka Waaweyn ee Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay ujeedka barnaaijkani in uu yahay mid aqoonta bulshada kor loogu qaadayo, maadaama qorshuhu yahay in sanadka 2020 ay dalka ka dhacaan doorashooyin, isla markaana ay muhiim u tahay qorista iyo akhrintu codbixiyaha. “Si kor loogu qaado aqoonta iyo tayada bulshada ee dhinaca waxbarashada, gaar ahaan dadka waaweyn xiligan loo diyaar garoobayo doorashooyin qof iyo cod ah sanadka 2020 ahmiyad wayn ayuu ku fadhiyaa barnaamijkan waxbarashada dadka waaweyn ee Gobolka Banaadir”. Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in kor loo qaado akhrinta iyo qorista afka hooyo iyo aqoonta dadka waaweyn ee waqtigu u saamixi waayay in ay maraan nidaamka waxbarashada aas-aasiga ah. Ugu dambeyn, Munaasabadda Daah-furka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed, masuuliyiin ka tirsan Maamulka iyo dadweyne kale, iyadoo intii ay socotay munaasabaddu laga jeediyey khudbado kala duwan oo taabanaya ahmiyadda barnaaminka Waxbarashada dadka Waa-weyn. PUNTLAND POST The post YARIISOW: Barnaamijka Waxbarashada Dadka Waa-weyn Waa mid Sare loogu Qaadayo…. appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya Mudane Osman Saleh Mohammed iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Itoobiya Mudane Workneh Gebeyehu ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho, Soomaaliya 17kii Oktoobar, 2018. Booqashadani waxay qayb ka tahay iskaashiga dibloomaasiyadeed ee u dhexeeya saddexda dal iyo wadahadallada muddooyinkii danbe socday kaddib heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee saddexda hoggaamiye ku dhexmaray magaalada Asmara, bishii Sebteembar, 2018. Intii booqashadu socotey, Wasiirrada waxaa qaabbilay Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxayna salaan ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kuwaas oo salaan uga siday Madaxweyne Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaare Abiy AhmEd. Sidoo kale Wasiirada waxay wadahadallo la yeesheen Ra’iiaul wasaare Xasan Cali Khayre. Intii ay wadahadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashu waxay isla soo qaadeen heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhigayey in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, waxayna dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Geeska Afrika. Hoggaamiyeyaashu waxay sidoo kale tixgeliyeen tallaabooyinka togan ee hore loo qaaday kaddib markii la gaaray heshiiska saddex-geesoodka ahaa, kuwaas oo ay kamid tahay dib u furista xuduudda Itoobiya iyo Ereteriya iyo dib u soo celinta duullimaadyada tooska ah ee isaga kala goosha caasimadaha saddexda dal. Iyaga oo metelaya madaxdooda, Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Ereteriya iyo Itoobiya waxay ku celiyeen taageeradooda xooggan ee ku wajahan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed. Wasiirradu waxay bogaadiyeen horumarka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dadaallada dib loogu habaynayo waaxyaha dhaqaalaha iyo amniga iyo guud ahaan horumarka laga sameeyey dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadeed. Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay tixgelinayaan dadaallada dib u habayn ee ummadda Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka, iyaga oo xusay kalsoonida kobcaysa ee Beesha Caalamku ku qabto hay’adaha Dowladda Soomaaliya. Wasiirradu waxay mar labaad sheegeen in Ereteriya iyo Itoobiya ay garab istaagi doonaan shacabka Soomaaliya iyo hoggaankiisa maaddaama ay rajo fiican u yihiin dib u soo kabashada qaranka. Waxay idil ahaan Beesha Caalamka ugu baaqeen inay si midaysan u taageeraan dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan in la hirgeliyo isbeddelka lagama maarmaanka u ah soo kabashada Soomaaliya ee wakhtiga fog. Wasiirrada Ereteriya iyo Itoobiya waxay dhammaan dhinacyada ay khusayso ee gudaha iyo dibedda ugu baaqayaan inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya. Hoggaamiyeyaashu waxay mar labaad hoosta ka xarriiqeen sida ay uga go’an tahay amniga, barwaaqada iyo xasilloonida gobolku, iyaga oo dib u adkeeyey dhawridda madaxbannaanida dhuleed iyo tan siyaasadeed ee saddexda dal. Ugu dambayntii, Wasiirrada Arrimaha Dibeddu waxay ka mahadceliyeen martisoorkii loo sameeyey iyaga iyo waftigii la socdey.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi ayaa sheegay amniga caasimadda Muqdisho uu hoos tago dowladda Federaalka, isla mrkaana aanu gacanta ugu jirin maamulka gobolka Banaadir. Duqii hore ee Muqdisho oo ka hadlayey qarixii weynaa ee 14-ka Oktoobar ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, xilligaas oo uu ahaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in amniga caasimadda ay gacanta ku heyso dowladda dhexe, iyadana ay mas’uuliyadiisa qaadeyso, lana weydiinayo wixii ka dhaca. Taabit waxa uu intaas ku daray inuu marar badan sheegay, lana wadaagay madaxda sare in amniga caasimadda laga dhigo mid goboleed oo dadku degaanku leeyihiin, balse lagu gacan seeray. Taabit oo wareysi siiyay telefishanka TRT ee Turkiga ayaa caddeeyay inaan amniga Caasimadda la sugi karin inta laga dhigayo mid ay leeyihiin dadka degaanka, sida Hargeysa, Garowe iyo Boosaaso, loona baahan yahay in ciidamada amniga heer degmo iyo heer Gobol la xoojiyo, mas’uuliyadiisana lagu wareejiyo Gobolka Banaadir, taasoo uu marar badan hore u sheegay. Halkaan hoose ka daawo Caasimad Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Somali MP Mahad Salad says he has been fired on board by police soldiers, while heading to the country’s parliament headquarters in the capital of Mogadishu. Hon. Salad says he informed police soldiers his identities and where he was heading to, but said police soldiers opened bullets and ordered him to return back. Mahad Salad said he held talks with police boss, saying police boss had promised that he would take firm against the soldiers, who involved his case. Somali police and security forces have been deployed and being visible the main streets in the capital of Mogadishu, as the capital hosted high-level delegation from Ethiopia and Eritrea. The Foreign Affairs Ministers of Eritrea, Osman Saleh, and Workneh Gebeyehu, Ethiopia have on Wednesday arrived in Somali capital Mogadishu. The visit paid by Ethiopia and Eritrea’s delegation to Somali capital is seen as the latest sign of strengthening of relations across the Horn of Africa. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Popular Contributors