Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,728
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. America’s wars in Yemen, Somalia, and Niger are not secret, but they manage to fly under the radar for months at a time, unless something goes dramatically well, or terribly wrong. Source: Hiiraan Online
  2. In this Africa Center roundtable, Somalia's National Security Advisor shares his vision for establishing a stable Somalia. Priority reforms include strengthening oversight of the security sector and improving security support to rural communities most vulnerable to Al Shabaab. Source: Hiiraan Online
  3. When Hibo Wardere was six, she was "cut". She had been cruelly bullied at school in Somalia by her peers, who called her "dirty" for not having had the procedure. So, she asked her mother if she could be cut in order to fit in. She had no idea that "cutting" was, in fact, female genital mutilation (FGM). Source: Hiiraan Online
  4. Somalia is not a place for web addicts. Even in the capital, Mogadishu, coverage is patchy, expensive and unpredictable. Things are slightly better in the north, but further afield, and anywhere the al-Shabaab militant group holds sway, there is no internet at all. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu burburiyay kartooman qamri oo la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada Booliska Gobolka Banaadir. Qamriga ayaa waxaa si wadajira burburintiisa uga qeybqaatay Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo kortoomada dulmariyay gaari. Qamrigan ayaa laga soo saaray Kunteenar kaa oo lagu dhexqabtay Dekada weyn ee Magalada Muqdisho. Khamrigaan ayaa gaarayay 905 kartoon,iyada oo isla maanta la burburiyay. Kartoomada Goobta lagu burburiyay ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Dhanka maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uga wakiil aheyd Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti Iyo Agaasimaha Caafimaadka Dowladda Hoose. Waxaa si lamida qamri kale loogu burburiyay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kuwaa oo lagu waday Boorsooyin saarnaa diyaarad.
  6. Abdi Addow likes to have oodkac for breakfast, the jerky-style beef cubes that Somalis usually eat with injera flatbread. Addow especially loves his mother’s serving, but since he doesn’t live with her in the Somali capital, he logs online and uses a third-party delivery service to bring it to him from her place. Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is dhaafsanayeen qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dalka. Carwadan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 60 shirkad, jaamacad, iyo hay’ado dawladeed oo ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada wuxuu ujeedkeedu ahaa inay fursad u helaan ay isku bartaan dhexdooda, isla markaana ay dadweynaha ku baraan waxa ay qabtaan. Kumannaan dhallinyaro u badan oo carwada ka soo qeybgalay ayaa fursad u helay inay la kulmaan madaxda shirkadaha iyo jaamacadaha iyo mas’uuliyiinta dawladda ee xiriirka la leh arrimaha Teknoolojiyada. Waxaa si gaar ah dhallinyarada u soo jiitay qalab lacag la’aan ah oo lagu guuleysanayay intii ay carwadu socotay oo ay bixinayeen inta badan shirkadaha ka soo qeyb galay, iyadoo ay xusid mudan tahay in jaamacadaha Plasma iyo Horseed iyo Machadka Isgaarsiinta Qaranku ay ku deeqeen 15 deeq waxbarasho oo la siinayay dhallinyarada, halka qabanqaabiyeyaasha carwada ay bixiyeen laptop cusub. Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay la daah furay cinwaanka (.me.so) oo loogu talo galay shakhsiyaadka, kaas oo si lacag la’aan ah ay ku guuleysteen dhallinyaro qorayaal ah si loogu dhiirrigeliyo inay wax qoraan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo xafladda xiritaanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ula dhacay tayada adeegyada iyo fikradaha la soo bandhigay. “Anaga dawlad ahaan waxaa nalaga doonayaa inaan abuurno jawi saamaxaya in dhallinyarada hal-abuurka leh ay ku aasaasaan fikrado shaqo-abuur u sameynaya naftooda iyo saaxiibadood,” ayuu yiri Guddoomiyuhu. Md Eng. Cabdi Cashuur, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, oo soo xiray carwada ayaa sheegay in carwadani ay muujisay awoodda, kala-duwanaanshaha iyo xiisaha bahda isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada sida ay u dhan yihiin. “Waxaan aragnay in carwadani ay bari-taareyso horumarka isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka maadaama ay siisay fursad lagu arko waxqabadkooda, Hadduu Alle idmo waxaan sii wadi doonnaa inaan abuurno fursado kale oo lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.
  8. London (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee dalalka Carabta iyo mowqifkii Soomaaliya ay ka qaadatay ee dhex-dhexaadnimo Wareysi u siiyey VOA ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in xiisadda noocan oo kale ah aan dhex-dhexaad laga noqon karin, islamarkaana meel kasta oo aad raacdo ay dhinac dan ugu jirto, taasina ay tahay waxa ay dowladda Soomaaliya sameysay. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu hadalkiisa ku muujiyey in dowladda Soomaaliya ay la safan tahay dowladda Qatar, oo ay cidleysay xulufada Sacuudiga. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa dhinaca kale dhaliilay qaabkii ay dowladda Soomaaliya ula macaamishay dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo sheegay in laga fiicnaa lacagtii malaayiinta dollar ahayd ee dowladda Soomaaliya ay Imaaraadka kaga qabsatay garoonka Aadan Cadde. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u wada baahan tahay Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, iyo si gaar ah Turkiga, ayna muhiim tahay in la wada wanaajiyo xiriirkooda. Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa ammaanay isbeddellada siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika, wuxuuna meesha ka saaray in dalalka Carabta ay saameyn ku leeyihiin. Hoos ka dhageyso wareysiga Xasan Sheekh https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Xasan-Sheekh.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa maanta shaaciyay in ay joojiyeen lacagihii ay ku bixin jireen Dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho kadib markii uu is casilay Gudoomiyaha Guddiga dib u dhiska Wadooyinka gobolka Banaadir Cabdulaahi Nuur Owdiini Kulan maanta Ganacsatada gobolka Banaadir ku yeesheen Suuqa Bakaaraha ayaa looga arinsaday is casilaada Gudoomiyihii Guddiga dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho iyo sida ay ganacsatada ka yeelayaan lacagihii ay bixin jireen. Cabdulaahi Nuur Owdiini ayaa sheegay in uu iska casilay Gudoomiyaha Guddiga dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho, waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo cidii ganacsatada gobolka xilkaasi uu baneeyay ay u dhiibtaan. Waxa uu sheegay Owdiini in faro galin kala kulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya uu sheegay in uu sadex mar isku dayay in uu bedelo koontadii Ganacsatada gobolka lacagaha ku shubi jireen. Cabdulaahi Nuur Owdiini ayaa cadeeyay in la joojiyay lacagihii loo qaadi jiray dib u dhiska Wadooyinka Muqdisho, waxa uuna ganacsatadii lacagaha dhiibi jirtay ku war galiyay in ay la socdaan in la joojiyay lacagaha ilaa laga helo gacan aamin ah. Ugu Dambeyn Ganacsatadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay joojiyeen lacagihii ay bixin jireen ayna ka xun yihiin in Guddigii la dhisay la siyaasadeeyay faro galina lagu sameeyay, waxa ayna cadeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacagihii ay bixin jireen hadii la helo gacan aamin ah .
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Kenya ayaa maanta saddex wiil oo walaalo ah ku dilay goblka Gedo xilli ay aad uga carreysnaayeen qarax miino oo la rumeysan yahay in maleeshiyada Al-Shabaab ay la beegsadeen. Dhacdadan ayaa ka dhacday tuullada Barmiil ee deegaanka Geriley oo 8 KM u jira xuduudda Kenya, gaar ahaan gobolka Wajeer, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Kenya ay soo galeen xaafadda kadibna ay mar qura toogteen saddexda wiil ee walaalaha ah, oo ahaa caruur. Waxa ay sidoo kale dhaawaceen afar qof oo kale. Falkan ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah baabuurtooda milatariga lala helay qarax miino oo isla xaafadda ka dhacay. Carruunta ay laayeen ciidamada Kenya ayaa xiliga la dilayay waxay la joogeen awoowgood iyo iyo ayeeyadooda oo ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay, sida ay goobjoogeyaal sheegeen. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Kenya ay dhaawaceen awoowaha iyo ayeeyada oo kala magacaaba Batuulo Maxamuud oo 60 sano jir ah iyo Hilowle Cabdullaahi Nuur. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  11. Kampala (PP) ─ Dowladda Uganda ayaa maanta sheegtay in laba ka mid ah askartooda lagu dilay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, intii uu Madaxweyne Farmaajo booqashada ku joogay degmadaas. Sarkaal u hadlay taliska ciidamada Uganda ee qaybta ka ah Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in ciidamadooda lagu dilay laguna dhaawacay weerar ay soo qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab. Ku-xigeenka Afhayeenka Ciidamada Uganda, Col. Deo Akiiki Asiimwe oo l hadlay warbaahinta Uganda ayaa sheegay in askartooda la dilay xilli ay ku jireen roondo lagu sugayay am iga madaxweyne Farmaajo oo xilliaas Marko ku sugnaa. “Weerar ay Al-shabaab soo qaaday intii uu Madaxweyne Farmaajo joogay degmada Marko ayaa waxaa lagu dilay laba ka mid ah askarteenna, sidoo kalena waxaa lagu dhaawacay tiro kale,” ayuu yiri Col. Asiimwe. Sidoo kale, Sarkaalka ayaa sheegay in dhaawacyad lagu daweynayo gudaha degmada Marko, balse maydadka la gaarsiiyay Muqdisho si loogu qaado dalka Uganda oo lagu aasi doono. Dhaka kale, Warar laga helayo Marko habeenkii uu Madaxweynuhu joogay ayaa sheegay in Al-shabaab ay dhawr jeer weerareen fariisinta ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Marko, si madaxweynaha iyo wafdigiisa khasaare ugu geystaan, balse uma suuro-gelin. Al-shabaab ayaa la sheegay inay isku dayeen dhawr jeer inay gudaha u gasho xarada oo uu ku sugnaa madaxweynaha, waxaana tani ay ahayd markii ugu horreysay oo khatar la geliyo madaxweyne Farmaajo oo safar ku jooga qaybo ka mid ah dalka. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin hadalka afhayeenka uu sheegay in askartooda khasaare loogu geystay degmada Marko intii uu safarka ku joogay Farmaajo, balse taas badalkeed ayay dowladdu sheegtay in madaxweynuhu heshiisiiyay laba beelood oo muddo sannado ah uu dagaal u dhexeeyay. PUNTLAND POST The post UGANDA: Askar ayaa Marko nooga dhimaatay intii uu Socdaalka ku joogay MD Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  12. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo maanta ka qeyb-galay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada ayaa xukuumadda Soomaaliya u soo-jeediyey inay hindise sharciyeedka doorashooyinka ansixiyaan todobaadka soo socda uuna u gudbo baarlamaanka federaalka ah, una daba-galaan, si doorasho uga dhacdo Soomaaliya 2020-ka. Madaxweyne Farmaajo oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Waxaan ka hadalnay inclusive politics oo ah siyaasadda loo dhanyahay, waxaan idiinka codsanayaa usbuuca soo socda in aad ansixisaan sharciga doorashooyinka, si annaga ay nooga dhammaato xukuumad ahaan, oo sanadkan dhammaandkiisa ay baarlamaanki u ansixiyaan si uusan waqti nooga lumin, in aan ku daba galno golaha shacabka, oo si doorasho loo qabto 2020-ka ay ansixiyaan sharcigaas”. Dhinaca kale, axsaabta siyaasadeed ee dalka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida uu madaxeyne Farmaajo u dedejinayo sharciga doorashooyinka iyada oo aan wadatashi laga sameyn dadka uu sharciga quseeyo, iyaga oo ku eedeeyey Farmaajo inuu xisbigiisa uga daneynayo sharcigan baxsadka ah. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan mas’uuliyiinta xisbiga Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo ka hadlayey sida fudud ee Farmaajo ula ordayo sharciga wuxuu yiri“Sharciga doorashada 2015/16 xisbiyadii aadka ugu ololeynayey ayaan ka mid aheyn, iyada oo gacanta lagu haayo, uu dhammaan yahay ayey dowladdu isbadashay, waxaan islaheen sharciga ugu horeeya oo marka wadatashi lala soo sameeyo dowlad goboleedyada iyo axsaabta ee baarlamaanka la keeni-doono ayuu noqon-doonaa, runtii madaxweynaha inuu yiraahdo degdeg haloo geeyo-xisbi marka la sameynayo, madaxweynuhu xisbigiigsa iyo howlihiisa isaga uu rabo ayuu mar walbo rabaa inuu nagu jaan-gooyo-laakin sharcigani waxaa ay aheyd in wadatashiguusu-maadaama doorashooyinku ay gobollada dalka ka dhacayaan, xaqna u leeyihiin in la gala tashado dowlad goboleedyada inta aan sharciyada la sameyn, dhan kalana xisbiyo siyaasadeed oo diwaan-geshan ay jiraan oo aragti ka leh sharcigan ama sugaya in madaxweynaha uu sidaas u soo farageliyo isaga oo xisbigiisii arrimhiisa ku jaan-goynaya ma ahan, laakin sharciga in la dedejiyo anigu waan qabaa, uu yimaado baarlamaanka, laakin ay ka horeyso inuu wadatashigiisa uu soo dhamaado”. Dhankiisa, waxaa isna arrinta sharciga ay xukuumadda ay ansixin-doonto todobaadka soo socda , fudeydka jira iyo wadatashi la’aanta ka hadlay guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale isaga oo yiri “Hadda ayaan warbaahinta ka arkay, madaxweynuhu inuu yiri sharciga doorashooyinka ha la keeno simitaanka soo socda, innagu waxaan xiriir leenahay guddiga doorashooyinka qaranka iyo wasaaradda arrimaha gudaha ilaa hadda xogheyaha joogtada ah ee wasaaradda oo aan la xiriireynay beryahan oo dhan waxaa uu naga balanqaaday inuu u keenni-doono wadatashi, sharuucda golaha wasiirrada iyo baarlamaanka lama geeyo iyada oo aan lageyn wadatashi…aragti ayaan ka leenahay, input badan ayaan rabnaa in aan gelino, waayo waa sharcigii hagayey xisbiyaga raba inay u tartanto doorashada qaranka, marka howl inaga na quseyso waaye”. Mr. Kamaal ayaa dhinaca kale ka hadlay saameynta sharciga “Qodobka 2aad, heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Baydhabo waxaa la isku raacay in la qaato “matalaada isku dheelitiran liiska xiran”, laakin ma lagu heshiin Satate constituency ama single constituency, arrintaas heshiis lagama gaarin, haddii la dhaho Satate constituency sharci si ayuu u qormaayaa, haddii la dhaho single constituency si kale ayuu u qormaa, sharciga marka la qoranaya, dowladda go’aan ay gaartay oo aysan aragti kale gelin, waa sharci baxsad ah, waxaan u sheegeynaa dowladduu inay soo celiso, wadatashi gesliso, innagana ay nagala hadasho”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. The UK’s secretary of state for international trade has pulled out of a conference in Saudi Arabia amid concern over the disappearance of the journalist Jamal Khashoggi. Source: Hiiraan Online
  14. Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudahiisa ma haystaan hab ay ku cawdaan kuna gudbiyaan cabashooyinkooda iyo rabitaankooda ku wajahan madaxda awooda iyo xukunka gacanta ku haya ee inta badan laga yaabo inay ku tuntaan xaquuqda shacabka Soomaaliyeed. Shacabku ha ahaadeen kuwa ku hoos nool meelaha ay ka taliyaan maamul goboleedyada ama ha ahaadeen kuwa ku hoos nool meelaha ay ka taliso dawladda Federaalka sida magaalada caasimadda ee Xamar iwm. Dawlad dhexe iyo mid hooseba dadka Soomaaliyeed ma haystaan hab ay ku cawdaan laguna maqlo cabashooyinkooda mana jiraan hay’addo madax banaan oo Soomaaliyeed oo arimaha cabashooyinka shacabka u taagan. Dawlad marka aan leenahay waxaan ka hadlayna qaybaha sida tooska ah u taabta nolosha shacabka ee ku wajahan nolol maalmeedka iyo meesha qofku degan yahay sida dawladaha hoose, booliska / ciidamada amaanka, maxkamadaha /goobaha cadaalada loo raadsado, baraha kontaroolada, wax kala iibsiga iyo helida adeegyada kala duwan ee shacabku baahida u qabaan ee joogtada ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, korontada, diiwaan-gelinta iwm. Dawladda mid hoose iyo mid dhexeba, heer maamul goboleed iyo heer federaalba dadka waxaa laga qaadaa canshuuro kala duwan oo farabadan, wax kasta oo nolosha shacabku u baahan tahayna ee aan kor ku soo sheegnay sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha waxay gacanta ugu jiraan ganacsato iyo hantiilayaal khaas ah kuwaas oo shacabka ka gada adeegyadaas iyada oo aysan jirin cid ka hubisa adeegyada muhiimka ah inay ku haboon yihiin kharashka shacabka qaybihiisa kala duwan laga qaado iyo in kale, iyo inay weliba yihiin kuwo raacsan hababka caalamka ee kala duwan (international standards) dhinac daawo, aqoon gudbin, tayo, nadaafad iwm. Dad badan oo Soomaaliyeed kuna kala nool dalka qaybihiisa kala duwan ayaan waxaan weydiiyey marar badan su’aasha ah; Maxaa u cabanweydeen oo tacadiyada kala duwan ee laydin geysto uga hadli weydeen sida kuwa maamul xumada, cadaalad darada, adeeg la’aanta, ixtiraam la’aanta iwm? inta badan jawaabta dadka shacabka waxay ku soo urureysa la yaab iyo garasho la’aan ku wajahan meesha iyo habka ugu haboon ee ay u caban karaan, in badanna maba garanayaan inay xaq u leeyihiin inay cawdaan ama dalbadaan waxa ay xaqa ugu leeyihiin dawladooda kuwa xakumana la xisaabtamaan maadaama ay iyagu yihiin kuwa ay dawladdu u shaqeyso bixiyana kharashka dawladu ku shaqeyso heer kastaba. Waxaan ognahay in dalkeena ay ka jiraan hay’addo dawli oo kala duwan una dhisan sida kuwa caalamka kale, tusaale, madaxweyne, golaha fulinta oo raisal sawaarre u sareeyo, golaha shacabka, maxkamado kala duwan, ciidamo amaan iwm. Waxaa kaloo jira maamulo kala duwan oo ay ka mid yihiin dawladaha hoose ee degmooyinka kala duwan ee dalka, madax maamul goboleedyo, baarlamaano maamul goboleedyo, hay’addo isku sheega inay yihiin daneeyaasha aan dawliga ahayn iwm. Bal aan isweydiinee akhristow wax u taagan wax ka qabashada dhibaha kala duwan ee shacabka haysta ma aragtay weli? Af-waa kane mee lagu aamey amayba amuurtu tahay!. Dhibaha shacabka haysta maxaa ka mid ah ee aan waxba laga qaban inta badan? Cadaalad daro baahsan kana jirta dhamaan dalka oo dhan taas oo salka ku haysa eex, quursi, awood sheegad iwm. Dalku malaha goobo laysku halayn karo oo dawladeed guud ahaan oo shacabku u xukun tagaan halkaas oo markaa ay ka filayaan cadaalad iyo xukun eex ka fog. Bal soo sheeg maxkamad maanta laysku halayn karo inay si sharciga waafaqsan u shaqeyso dalka Soomaaliya, dadkuna amaan u hayaan?.Waxaan ognahay in qofkasta oo dani qabsato uu ku mashquulo mudo badan, yaa ina adeer kay ah oo mas’uul ah, yaa garanaya taliyaha saldhiga, war ninka maxkamada jooga yaa yaqaan, war intee buu qaataa., war hebelow kaalay ikaxee oo ninka ii gee iwm. Cadaalad ay kaaga teedan tahay yaa hebel ah ma cadaalad baa? Boobka hantida dadweynaha guud ahaan dalka Soomaaliya haba ugu daraato xiligan meelaha ay ka taliyaan maamul goboleedyadu ee kala duwan. Boobka hantida waxaa kow ka ah qaadida canshuurta oo aan waxba lagu soo celin shacabka dhinacyada aan kor ku sheegnay ee caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo daryeelka dadka taagta daran, cadaalada iwm.Waxaa kaloo ka mid ah boobka hantida guud, dhulka ummada oo layska qaadanayo ayna qaadanayaan shacab awood qabiil sheeganaya iyo dawlad sheeganaysa awood xukun kulana wareegaysa dhul badan xaq daro iyo musuqmaasuq inta badana ay gacanta u galayaan rag iyo dumar aan sharci iyo xaq midna u lahayn inay hantidaa umadeed qaataan. Boobka sidoo kale ee hantiyaha kala duwan ee umadda sida baabuurta, qalabka, hubka, deeqaha caalamka kayimaada iyo kuwa kale oo farabadan. Amni xumo baahsan salkana ku haysa musuq maasuq iyo ciidamada amaanka oo u abaabulan hab qabiil kana shaqeeya sidii ay nolol maalmeedkooda ula soo bixi lahaayeen maadaama mushahar toos ah aysan helin iyo daryeel guud gaar ahaan goobaha maamulada dalka ka jiraan. Adeeg la’aan baahsan oo ka jirta dhinaca nadaafada, wacyi gelinta bulshada, horumarinta degmooyinka iwm, jahaynta iyo toosinta dhalinyarada, kobcinta dhaqaalaha, daryeelka shaqaalaha kala duwan ee dawli iyo mid khaas ahba, daryeelka deegaanka iwm. Dhamaan qodobadaan aan kor ku xusnay waa qaybo ka mid ah waxyaalaha laga rabo dawlad heer gobol iyo heer degmo iyo heer intaa ka sii sareeyaba inay ku hawlan tahay habeen iyo maalin kana shaqeeyaan sidii ay wax uga qaban lahayeen arimaha hortaagan horumarka si guud dadka iyo dalka Soomaaliya. Maanta waxaa hubaal ah in shacabka Soomaaliyeed ay dulman yihiin laguna tacadiyo si joogta ah xaquuqdooda noockasta ay tahay sidaa awgeedna ay tahay xaq iyo lagama maarmaan in shacabku cawdo oo ay ugu yaraan helaan meel ay ku cawdaan iyo cid dhegaysata iyaga oo aan loo caga jugleyn. Waxa dalka Soomaaliya maanta ka jira wuxuu u badan yahay Qawda maqashii waxna hawqaban, waayo maalin walba waxaa la sheegaa dimuqraadiyeen iyo metelaad shacab balse shacabka waxba uma soo noqdaan mana muuqato ilaa hada hab lagu bedeli karo nidaamkan khaldan, shacabkana siiya awood ay ku cawdaan danahoodana kaga hadlaan dhib la’aan. Waxa ugu badan ee dadka qaarkii sheegaan waxa weeye hala mudaharaado iyo hala kaco balse mudaharaad waxaa ka horeysa in qofku ama dadku heer degmo iyo heer kaleba ay cabasho gudbiyaan ayna helaan hab sahlan oo ay ku cawdaan kuna sheegaan waxa ay ka biyo diidsan yihiin isla markaasna aysan jirin hanjabaad iyo hadaa hadasho iska jir ayna sidoo kale jiraan laamo madax banaan oo Soomaaliyeed oo la socda cabashada dadka iyo kuwa loo cawday wixii caga jugleyn ahna waxka qabta maxkamadna soo taaga kuwa adeegsada caga jugleynta iyo waan ku yeeli. Ganacsiga iyo shacabka Ugu danbeyn waxaa shacabka sidoo kale fara ba’an ku haya marka dawladda laga soo tago ganacsatada iyaga oo leh albaab laga soo galo oo wax looga iibsado balse aan lahayn albaab shacabku ku dalbadaan xaqooda marka lagu xad gudbo. Dal-keena kama jiraan hay’adaha u dooda macaamiisha ee hubiya in ganacsatadu waxay dadka ka gadayaan ay waafaqsan yihiin nidaamka iyo in ay daryeelaan dalabaadka iyo cabashooyinka macaamiisha. Hay’adaha xaquuqda macmiilka way fara badan yihiin waxayna u kala baxaan kuwa dawli iyo kuwa bulsho ama iskood isu xilqaamay dhamaanna kawada shaqeeya ilaalinta macmiilka iyo xaqiisa. Soomaaliya waa jaantaa rogan dhinacaas marka laga eego, ganacsataduna waxay shacabka ku yiraahdaan intaa is….iyo war tag markii cabasho ama qof uu xaq raadinayo, mana jirto dawlad iyo meel kale oo ka qabata. Shacabka Soomaaliyeed dhinac dawli iyo dhinac kaleba waa afkaa juuqda gabay iyo Allow meel aan ku ciirsano hanoo waayin. Waxaan filayaa in qofkasta oo Soomaaliyeed uu dareen san yahay arimaha aan qoraalkan ku taabtay ayna tahay in loo wada guntado in la gaaro hab qofka Soomaaliyeed uu xaqiisa ku helo, fikir kiisa ku dhiibto isaga oo aan cidna ka cabsanayn lana sameeyo hay’adaha kala duwan ee ilaaliya xaquuqda qofka Soomaaliyeed ee aan arkayno inay maqan tahay ilaa hada. Siyaad Cali Yuusuf Garoowe, Puntand, Soomaaliya. The post Anigoo shacab ah, xagee iyo sidee u cawdaa? appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (PP) ─ Carwadii ugu horreysay ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa shalay gelinkii dambe lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, ka dib 2 maalmood oo la soo bandhigayay adeegyo, aqoon-isweydaarsiyo, iyo fikrado cusub oo ay is dhaafsanayeen qeybaha kala duwan eek a shaqeeya isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada dalka. Carwadan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 60 shirkad, jaamacad, iyo hay’adad dawladeed oo ka shaqeeya arrimaha isgaarsiinta iyo Teknolojiyada wuxuu ujeedkeedu ahaa inay fursad u helaan ay isku bartaan dhexdooda, isla markaana ay dadweynaha ku baraan waxa ay qabtaan. Kumannaan dhallinyaro u badan oo carwada ka soo qeybgalay ayaa fursad u helay ay kula kulmaan madaxda shirkadaha iyo jaamacadaha iyo mas’uuliyiinta dawladda ee xiriirka la leh arrimaha Teknoolojiyada. Waxaa si gaar ah dhallinyarada u soo jiitay qalab lacag la’aan ah oo lagu guuleysanayay intii ay carwadu socotay oo ay bixinayeen inta badan shirkadaha ka soo qeyb galay, iyadoo ay xusid mudan tahay in jaamacadaha Plasma iyo Horseed iyo Machadka Isgaarsiinta Qaranku ay ku deeqeen 15 deeq waxbarasho oo la siinayay dhallinyarada, halka qabanqaabiyeyaasha carwada ay bixiyeen laptop cusub. Waxaa sidoo kale markii ugu horreysay la daah furay cinwaanka (.me.so) oo loogu talo galay shakhsiyaadka, kaas oo si lacag la’aan ah ay ku guuleysteen dhallinyaro qorayaal ah si loogu dhiirrigeliyo inay wax qoraan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) oo xafladda xiritaanka ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ula dhacay tayada adeegyada iyo fikradaha la soo bandhigay. “Anaga dawlad ahaan waxaa nalaga doonayaa inaan abuurno jawi saamaxaya in dhallinyarada hal-abuurka leh ay ku aasaasaan fikrado shaqo-abuur u sameynaya naftooda iyo saaxiibadood,” ayuu yiri Guddoomiyuhu. Ugu dambeyn, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Somalia, Cabdi Cashuur oo soo xiray carwada ayaa sheegay in carwadani ay muujisay awoodda, kala-duwanaanshaha iyo xiisaha bahda isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada sida ay u dhan yihiin. “Waxaan aragnay in carwadani ay bari-taareyso horumarka isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka maadaama ay siisay fursad lagu arko waxqabadkooda. Hadduu Alle idmo waxaan sii wadi doonnaa inaan abuurno fursado kale oo lagu horumariyo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay. PUNTLAND POST The post Muqdisho oo lagu soo Gunaanaday Carwadii u horeysay ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (PP) ─ Madaxwaynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Somalia, isagoo ka jeediyay hadal u badnaa ammaan uu u soo jeediyay RW Khayre iyo Golihiisa wasiirrada. Kulanka Wasiirada ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinka ay qabtaan sida; tubaha horumarinta arrimaha bulshada, Amniga iyo cadaaladda, siyaasadda loo dhan-yahay iyo tubta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee u yaalla tubaha hawlaha lagu guulaystay qabashadooda. Madaxwayne Farmaajo ayaa Xukuumadda Khayre ku ammaanay shaqada ay qabtee oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo wanaagsan, isagoo sheegay inay wanaagsan taha wadashaqeynta madaxda Qaranku, taasoo sabab u ah buu yiri wanaajinta shaqada xukuumadda iyo taabbo-gelinta Qorshaha Qaranka. Sidoo kale, Madaxwayne Farmaajo ayaa Xukuumadda kula dardaarmay inay sii laba-jibbaaraan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed si buu yiri guul looga gaaro fulinta qorshayaasha Qaranka. Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Golaha wasiirrada Somalia inay toddobaadyad soo socda ansixiyaan sharciga doorashooyinka dalka si ay baarlamaaku ku ansixiyaan, isagoo xusay in haddii aan sidaas la sameyn uu waqti badan ka lumayo. “Waxaan codsanayaa in golaha wasiirradu dalka ay meel-mariyaan hindise-sharciyeedka doorashooyinka dalka, si aanu waqti inooga lumen ayna isla sharcigan u meel-mariyaan baarlamaanka bisha December ee sannadkan lagu jiro,” ayuu yiri Farmaajo oo u muuqday inuu arrintaan si aad ah ugu adkeynayo golaha wasiirrada. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay safarkii uu dhawaan ku tagay magaalada Marko, isgaoo sheegay in magaaldaas ay ku wanaagsan tahay dalxiiska, loona baahan yahay in wax laga qabto waxbarashada ilmaha ku nool magaaladaas oo uu sheegay inaysan haysan waxbarasho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo shir-gudoominayay Shirkii Maanta ee Golaha Wasiirrada Somalia appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaala hindise-sharciyeedka Macdanta iyo Batroolka oo muran badan uu ka dhashey, kana soo horjeesteen xildhibaanno badan kaidb markii ay so baxday arrin xasaasi ah. Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka ayaa ka war-helay in hindise-sharciyeedkan ay wax kasoo qoreen dad ajaaniib ah, oo uu u ugu weyn yahay sharci-yaqaan lagu magacaabo William Kosar, oo u dhashay dalka Canada. Ayada oo shidaalka la tuhunsan yahay inuu ka buuxo Soomaaliya ay isha ku hayaan dalal iyo shirkado badan oo caalami a, ayaa cabsida jirta waxay tahay in hindise-sharciyeedka shidaalka loo qoray hab shirkadahan ay ka faa’iideysan karaan awood badanna aan siineyn dowladda Soomaalya. Qaar ka mid a xildhibaannada ayaa dhinaca kale rumeysan in laga yaabo in qorista sharciga ayba si hoose ugu lug leeyihiin shirkado xiriir la leh khubarada dhinaca sharciga ee soo qortay hindisahan. Dowladda Soomaaliya waa ay beenisay inay sharciga qoreen ajaaniib, hase yeeshee waxay qiratay in lagala tashtay. Dhinaca kale William Kosar ayaa si rasmi a u qirtay inuu sharcigan asaga qoray. Arrintan ayaa dhalisay in dadka qaar ay is-weydiiyaan su’aalo ku saabsan in hindise sharciyeedka lagu kalsoonaan karo iyo in kale. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Macdantiyo Batrool-ka ee dowladda Somalia, Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal, ayaa si aad ah u difaacay hindisahan kadib wareysi uu siiyey idaacadda VOA. Hoose ka dhageyso wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Hilaal.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. MOGADISHU (Caasimada Online)—EU NAVFOR has completed an important focused operation along the north-eastern coast of Somalia, interacting with local authorities in Puntland’s former piracy hotpots of Hurdiyo and Eyl. 12-16 October 2018, ships and aircraft from Spain, Italy and Germany joined staff from the United Nations Food and Agriculture Organisation (UNFAO) embarked on board the EU NAVFOR flagship ESPS Castilla, in a concentrated, multi-agency effort to deliver positive change to this troubled region. In addition, personnel from the civilian organization EUCAP-Somalia were embarked on board the warship in order to deepen the capacity-building mission’s relationship with local security actors. EU NAVFOR promotes UN FAO programme working in support of Somali fishermenEU NAVFOR supported the implementation of a UNFAO project aimed to enhance the capacities of fishing communities in Puntland, Galmudug and Mogadishu. The EU-funded but FAO-implemented Coastal Communities Against Piracy (CCAP) project aims to provide training and support to artisanal fishermen along the coast of Somalia. The CCAP project is itself part of the EU Maritime Security Programme (MASE). During the course of the operation, EU NAVFOR assets facilitated access to villages along the Puntland coast and supported the training to local fishermen provided by UNFAO experts. Michael Savins, Head of the FAO-Somalia unit “Fish Consumption and Fleet Renewal” has been closely involved in the project designed to improve artisanal fishing capabilities. When asked about the operation, he said; “Working with EU NAVFOR to deliver this project to Somali communities has proven a great success and is the culmination of four years’ work. I’d like to thank the commitment and professionalism of our hosts on board ESPS Castilla, especially with such a challenging task”. He added, “we have learned so much from the communities we visited and I am delighted they engaged with us in such a positive manner”. Whilst ashore in Hurdiyo and Eyl, the Force Commander of EU NAVFOR, Spanish Rear Admiral Alfonso Perez De Nanclares, met local authorities to exchange views on the security situation at sea and ashore. He said, “Puntland is blessed with a long coastline; providing maritime security is essential to fully exploit the economic potential this offers. The authorities I met agreed that piracy and maritime criminal activities undermine this potential and that the best way to prevent this is to bring jobs to coastal communities”. He added “On this occasion, to take other international organizations like the UNFAO and EUCAP Somalia ashore with us showed that we can not only deliver the aims of our mission, but we can also better understand the needs of the communities ashore”. The CCAP is just one of the many projects that the EU is supporting to promote lasting solutions in the region. The EU has provided strong support in the maritime domain through security, capacity-building and through various economic development programmes. The mandate of EU NAVFOR was recently extended until December 2020. The operation will continue to deter, disrupt and repress piracy off the coast of Somalia, thus contributing to the free flow of commerce in sea lanes responsible for some €800 Bn annual trade to and from Europe. PRESS RELEASE
  19. Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed has said that some of the soldiers who entered the grounds of his office last week had wanted to kill him. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (Caasimada Online)—Ugandan military says two of its soldiers with African Union peacekeeping force were killed in ambush attack by Al Shabaab in Marka town, some 91km southwest of Somali capital Mogadishu. Lt. Col. Deo Akiiki, Uganda’s deputy military spokesperson, said two of its soldiers had been killed in the surprise attack on Sunday after the soldiers on petrol were ambushed by Al-Shabaab. Deo Akiiki says 11 Al-Shabaab militants were also killed in the cross fire exchange in the town. “The attack happened on Sunday night while our soldiers were on patrol, ahead of Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo’s visit to the region”, he said. A civilian also lost life in the cross fire exchange, according to Lt. Col. Deo Akiiki, Uganda’s deputy military spokesperson Uganda contributes some 6,500 soldiers to the 22,000 African Union peacekeeping force deployed to pacify the war-torn Horn of Africa country. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  21. MOGADISHU (Caasimada Online)—Somalia says 70 Al-Qaeda linked Al-Shabaab recruits were killed on Friday’s largest U.S. military airstrike near Harardhere town in central Somalia’s Mudug region. The strike hit a training camp in the town, killing 70 militants, including senior Al-Shabaab commanders, according to a statement obtained by Caasimada Online. The statement said the group’s fighters were being prepared to carry out suicide bombings on Somali and African Union bases while others were foot soldiers meant for complex attacks across central and southern Somalia. The latest airstrike was carried out on Friday near Harardhere town, killing 60 militants, according to the U.S. Africa Command. The Commando said, according to its assessment no civilians were injured or killed. The strike becomes such U.S. deadliest strike since one on Nov. 21, 2017, killed about 100 Al-Shabab fighters. The U.S. military has carried out at least 27 airstrikes, including drone strikes, this year against the al Qaeda-linked al-Shabaab that killed 160 Islamist fighters in Somalia. U.S. military says it killed four al Qaeda linked al-Shabab militants on Oct 14 in drone airstrike in southern Somalia. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  22. MOGADISHU (Caasimada Online) Somalia might not seem a good bet for e-commerce. It’s one of the world’s poorest countries and has been at war for a quarter century. There’s no functioning postal service and less than 2 percent of the population is connected to the internet. But Safiya Ahmed, a finance officer at Golden University, a private college in the capital Mogadishu, loves shopping online, because it saves time she would otherwise have to spend out on the city’s hectic streets. She shows off a blender in her office that she ordered over the web. “I do not get time to go shopping in person,” she said. “You do not get everything from online retailers because they are new. But they are developing every day, so we hope to find everything online soon.” Parts of the country are still plagued by al Qaeda-linked al Shabaab militants. But a degree of stability in the capital in recent years has begun to attract investment from locals and Somalis living abroad. Ahmed ordered her blender from Soomar, a company set up two years ago which now rings up sales of more than 25,000 items a month, offering an eclectic range of goods from fresh fish to electronics and office supplies. Customers can pay with accounts on their mobile phones, a convenience which the company’s boss, Mohamed Mohamud, said is the key to his success so far. “Many online businesses have come up in the last two years but Soomar is the only online business that offers mobile payments,” Mohamud said. Items ordered online – from the US$1,114 Apple MacBook Air to the US$6 chicken salad – are delivered by motorbike or car, a final leg of the journey that Mohamud acknowledges can be tricky in a country where maps are sketchy and roads in ruins. “The infrastructure of the main cities of Somalia and most of the roads were wrecked in the war, and our delivery cars and motorbikes struggle to get to a place,” Mohamud said. “We waste a lot of time to get the right directions to a client’s home and we spend money calling clients by mobile to find them.” Sources: REUTERS
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Maareeye ayaa su’aal ka keenay qorsheyaasha xukuumadda Soomaaliya ee uu ka mid yahay, isagoo dhex galay bandhgiii xukuumadda Ra’iisal wasaare Kheyre shirkii Golaha wasiirada ee uu kasoo qeyb galay Madaxweynaha. Kadib bandhigii Guddiyada Golaha Wasiirada ee madaxweynaha hortiisa ayuu Wasiir Maareeye farta taagay isagoo mugdi geliyay Bandhigga, isagoo markii hadalka la siiyey su’aal la keenay sababta qorsheyaasha xukuumadda loogu soo dari waayey wadahadalka Somaliland, taasoo uu ku adkeysatay in la’aanteed aanay waxba ka qabsoomeynin qorsheyaasha kale sida doorashada. Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa si degdeg ah hadalkii u qaatay oo u jawaabay Wasiir Maareeya isagoo sheegay in arrinta Somaliland ay tahay mid si gaara loo wajahayo, balse qorsheyaasha maanta lasoo bandhigay ay ahaayeen shaqo maalmeedka Golaha Wasiirada, wuxuuna Maareeye si toos ah ugu sheegay inay la wadaagayaan arrinta Somaliland. Arrintan ayaa indhaha ka jeedisay bandhigga weynaa Ra’iisal wasaare Kheyre iyo xukuumaadiisa, waxayna bannaanka soo dhigtay in qaar ka mida Golaha wasiirada aysan ka war heynin qorsheyaasha xukuumadda. Wasiirada kale ee xukuumadda ayaa hadaladoodu ahaayeen kuwo taageero iyo amaan ah oo madaxda sare loo jeediyey, waxaase si weyn uga duwanaa wasiir Maareeye opo jawigii goobta wax weyn ka bedelay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo xubin sare ka ah xisbiga mucaaradka ee madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ee UPD ayaa ka hor-yimid sharci golaha wasiirada Soomaaliya uu qorsheynayo inuu ansixiyo oo ku saabsan doorashooyinka dalka. Fiqi ayaa bartiisa soo dhigay qoraal jawaab u ah, codsi uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hor-dhigay golaha wasiirada oo ku saabsan in sharcigaas la anisixyo toddobaadka soo socda. Waxa uu sheegay inay qasab tahay in sharcigan ansixintiisa lagala tashado xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jira iyo maaml goboleedyada, maadaama uu saameynayo labadaba. Maamul goboleedyada ayaan iminka wax xiriir ah kala dhaxeyn dowladda dhexe. Hoos ka aqriso qoraalka uu xildhibaan Fiqi soo dhigay facebook. Sharci marka la Soo gudbinayo wuxuu maraa habraac la isla yaqaan kumana sii jiro marka sharcigaasi uu doorashooyin khuseeyo. Sharciga doorashooyinku waa sharci taabanaya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, waana sharciga sababta u noqon doona In nidaam doorashadii qabiilka ku salaysnaa looga gudbayo oo nidaam xisbiayadeed loo gudbayo, sidaas darteed sharcigan waa in laga talagaliyaa xisbiyada dalka ka jira iyo dawlad goboleedyada oo labaduba lafdhabar u ah in doorasho xor ah oo xalaal ah ay dalka ka dhacdo. Ayadoo dhanka kale si weyn aan u Soo dhoweynayno In sharciga doorashooyinka uu ka mid noqdo sharciyada hor-tabinta iyo mudnaanta leh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com