-
Content Count
206,763 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada Somaliland ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland iyo arrinta dekadda Berbera. Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in aynaan doonayn in loo wada hadlo laba dowladood oo kale, islamarkaana Somaliland ay u aqoonsato. Xildhibaan Axmed Nacnac ayaa daboolka ka qaaday in Somaliland aynaan jirin wax ay uga baahan tahay Soomaaliya, wuxuu soo hadal qaaday arrinta la xiriirta dhaqaalaha adduunyada ugu yaboohdo oo uu tilmaamay in dowladda federaalka ay ku guul dareysatay qorshe ay doonaysay in ay ku cunaqabateeyso. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrinta dekadda Berbera oo uu sheegay in shirkadda DP World wuxuuna tilmaamay in qorshahaasi horumarka ahi uu ka careysiiyay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSIGA-XILDHIBAAN-NACNAC-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha degaanka Faafaxdhuun ee gobolka Gedo Aadan Shuqul Nuunoow oo Goobjoog News uga warramay fal ciidanka Kenya ay ku xasuuqeen qoys deganaa meel aan ka fogayn degaankaasi ayaa sheegay in ay ka xun yihiin. Wuxuu sheegay in dhibaatada qoyskaasi ku dhacday ay ka xun yihiin haseyeeshee ay sababteeda leeyihiin Xarakada Alshabaab, oo qarax wadada u galiyay ciidanka Kenya. Guddoomiye Aadan Shuqul Nuunoow ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaanno la xiriira qaabka ay dhacdada u dhacday. Waxaa uu sheegay in baaritaannada kaddib ay sugayaan natiijada ka soo baxda. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/GUD-FAAFAXDHUUN-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Suldaan Maxamed Suldaan Xaaji Cabdi oo kamid ah ehelka qoyskaasi dhibtu soo gaartay ahna adeerka labada wiil ee dhintay ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in tacadigaasi ay ku kaceen ciidanka Kenya uu kamid yahay gaboodfallo ciidankaasi ay ka geystaan gobolka Gedo. Wuxuu sheegay in carruur aan qaan gaar ahayn ay dileen waalidkii dhalayna ay dhaawaceen oo iminka ay yihiin garaab xaaladdooda kuwaas oo isbitaal loagu dabiibayo yaalla. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo iyada dalka mas’uul ka ah ayaanan ka hadlin inta badan falalka xasuuqa ah ee ciidamada shisheeye u geysanayaan shacabka. Suldaan Maxamed ayaa tilmaamay in qaab xun ay ula dhaqmeen ciidanka Kenya. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/EHELKA-DADKA-LA-DILAY-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo soo jeediyay in dalka midnimadiisa ay qorshe ka lahaato dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa su’aal ka keenay qorshayaasha Xukuumadda oo maanta lagu soo bandhigay Kulan Golaha Wasiirada isugu yimaadeen, kaasoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankan si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka. Wasiir Maareeye ayaa dood ka keenay in aan lagu soo darin Tubta siyaasadda loo dhan yahay arrinta Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Mr Maareeye ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ay heystaan nabad muddo 30 sano ku dhow, isla markaana ay u dhibaateysan yihiin inay dowladdu gaarto oo ay helaan waxbarasho iyo shaqo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/COD-WASIIR-MAAREEYE-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Sida ay qoreen warbaahinta Turkiga, masaajid ku yaalla dalkaasi ayaa jiho khaldan ugu tukanayeen jamaacadiisu muddo ku dhow 40-sano, khaladka dhismaha masjidka waxaa dareemay imaam masaajidka ku cusub oo dhowaan la wareegay xilkiisa. Masaajidkan ayaa ku yaalla Sugoren ee gobolka Yalova ee galbeedka Turkiga, imaamku waxa uu tilmaamay in si khaldan loo dhisay mixraabka masaajidka, arrintaas oo ka dhigan in dadkii ku tukanayay ay muddo dheer kacbada ka leexsanaayeen xagal 33 darajo ah, waa sida ay qortay jariidada Daily Sabah ee dalka Turkiga ka soo baxda. Jariidada kale ee Hurriyet Daily News oo soo xiganeysa wakaaladda wararka ee Demiroren News Agency, ayaa sheegtay in imaanka cusub ee masaajidka Isa Kaya, sanadkii hore uun loosoo magacaabay masaajidka inuu imaam ka noqdo, markaa waxaa imaamka u soo baxday iney khaldan tahay halka laga dhisay mixraabka masjidka, arrintaas oo imaamka khasab uga dhigtay inuu raadiyo culumo kale si uu ugala tashado xaaladda masaajidka. Markii dambe waxaa la isla meeldhigay oo la wada qirtay in masaajidka mixraabkiisa meel khaldan laga dhisay sanadkii 1981, waa sida ay warbixinnada ku sheegeen warbaahinta Turkiga. Intii islamarkiiba mixraabka la dumin lahaa, ayaa si ku-meel gaar ah loo sameeyay calaamado dadka Qiblada saxda ah ku hagaya oo lagu muujiyay rooggii masaajidka. Imaamkan ayaa wakaaladda Demiroren u sheegay: “Xaaladda dadka waan u sharraxnay, badankood falcelintoodu wey wanaagsaneyd.”, engineer dhismo ayaa loo xilsaaray inuu masaajidka mixraab cusub u sameeyo. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Wadaadka Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo mar soo noqday Hoggaamiye Ku-xigeenkii hore ee Shabaab iminkana ah musharax u tartamaaya doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa wajahaaya culeysyo dhanka doorashada ah. Abuu Mansuur oo iminka ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa culeyska ugu badan kala kulmaaya dhinacyada Odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta ku dhow dhow. Kulamada ugu badan ee taageerada uu ku raadinayo Roobow, ayaa ka socda Hotelka Horyaal, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay uu kula kulmaayay Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda beeshiisa. Roobow Abuu Mansuur ayaa dhinacyada ku heebta ah ka waayay taageero rasmi ah kadib cadaadis la sheegay inuu kasoo wajahay dhanka Odayaasha dhaqanka.. Sababta ugu weyn ee hoos dhaca ku keenay ololaha Abuu Mansuur ayaa la sheegay inay tahay kadib markii Saraakiil ka tirsan kuwa la shaqeeya Roobow ay taleefoono ku handadeen Odayaasha Dhaqanka reer Koonfur Galbeed, iyagoo ku cadaadinaaya inay taageero u muujiyaan. Saraakiisha sida dhow ula shaqeeya Mukhtaar Roobow ayaa sabab u noqday in Abuu Mansuur uu waayo taageero badan oo uu ka sugaayay inuu ka helo Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed. Odayaasha dhaqanka oo dacwado ka gudbiyay Saraakiisha la shaqeeya Abuu Mansuur ayaa sheegay in Saraakiishu ay wali yihiin kuwo heysta habdhaqanka Jabhada Al-Shabaab ee duurka ay la joogi jireen. Abuu Mansuur oo u muuqda mid quus taagan ayaa lasoo sheegayaa in wali uu ku sugan yahay Hotelka Horyaal ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo xaalad murug siyaasadeed ay ku haysato. Waxaa xaaladaasi murugada leh u sabab ah weysmada Odayaal uu taageero waydiistay, sidoo kalena ma jirto hal Xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo isku aamini karo inuu kulan la qaato Roobow, maadaama ragga hareeraha ka jooga Roobow ay yihiin kuwa halis ah amni ahaan. Dhinaca kale, Abuu Mansuur ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhawaaqo is casilaad maadaama uu wajahaayo culeysyo dhanka Siyaasada ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ololaha doorasho ee uu wado Sheekh Muqtaar Roobow Cali [Abu-mansur] oo horey uga tirsanaan jiray Kooxda Al-shabaab. Xasan Sheekh, ayaa wuxuu sheegay illaa hadda inaysan caddeyn mawqifka Abu-mansur ee ku aaddan ka bixitaankiisa Al-shabaab, kaasoo ka mid ah xubnaha musharraxiinta ah ee u taagan hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed. Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa sheegay Muqtaar Roobow in laga doonayo dhawr siyaabood inuu ku qeexo sababaha uu kaga tagay Al-shabaab, si ay ummadda ugu caddaato mowqifkiisii hore iyo midkan cusub ee uu cagaha la galay. Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa xusay inaysan sax ahayn in hadda uu Sh. Abu-Mansuur isku soo taago doorasho, maadaama weli uusan caddeyn inuu ka tanaasulay fikirka argagixisinimada, wuxuu kaloo sheegay in illaa hadda ciidamadii uu watay ay ku jiraan duurka. “Waa jiraa qodob dastuuri ah oo ah inuu jago u tartami karo maadaama uu yahay muwaadin, wax ka reebi karana ma jirto, balse waxaan qabaa inaysan sax ahayn hadda inuu isku soo taago doorasho, mashruucii uu ku jiray weli ma dhameystirna, Sheekh Roobow weli ma caddeyn inuu ka soo hor-jeedo argagixisada. Waa jirtaa in Al-shabaab iyo isaga ay dirirsan yihiin, wax dhib ahna ma lahan, waayo dhexdooda ayay maalin ka dagalaamaan, Wiilashiisa weli duurka ayay ku jiraan, waxaan qabaa in hadda aysan wanaagsaneyn in uu xil isku soo sharraxo,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Ugu dambeyn, Hadalka Xasan Sheekh aya kusoo beegmaya iyadoo Sheekh Mukhtaar Roobow oo ahaa ku xigeenkii hoggaanka Al-shabaab iyo weliba af-hayeenkii hore ee kooxdaas, wuxuuna u taagan yahay inuu qabto xilka ugu sarreeya maamulka Koonfur-galbeed Somalia, inakstoo ay mas’uuliyiin kale oo fara badan ay kula tartamayaan xilka. DHAGEYSO: Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga hadlay Arrintan; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/DHAGEYSO_Xasan_Sheekh_Roobow_Doorasho.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay Musharraxnimada Sheekh Mutkhaar Roobow appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Baarayaasha dalka Turkiga ayaa ogaaday bartii rasmiga aheyd ee lagu dilay suxufi Jamal Khashoggi markii uu galay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga, sida ay shaageen ilo-wareedyo Turkish ah. Baarayaasha, oo adeegsanaya codka la duubay dilka Khashggi, ayaa sidoo kale xaqiijiyey in khabiirka jirka bani’aadamka ee Salah Muhammad al-Tubaigy, uu billaabay inuu cad cad u jaro jikra Khashoggi islamarkii la dilayba. Saraakiisha Turkiga ayaa la sheegay inaysan ku faraxsaneyn waqtiga aadka u dheer ee Sacuudiga ay ku qaadaneyso inay war rasmi ah kasoo saaraan kiiskan, sidaas darteedna ay xog xasaasi ah u dusinayaan saxaafadda. Dhinaca kale shaqaalaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa ka jawaabaya su’aalaha dacwad oogaha Turkiga, taasi oo qeyb ka ah baaritaanka kiiska Jamal Khashoggi. Ilaa 15 shaqaale ayaa maanta oo jimce ah la su’aalo weydiiyey, waxaana ka mid ah darawalka qunsulka Sacuudiga, farsamoyaqaano, xisaabiyeyaal iyo howl-wadeenada taleefonnada. Jamal Khashoggi, oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah, oo deganaa dalka Mareykanka, waxna ku qori jiray Washington Post, ayaan la arag tan iyo labadii October markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Booliiska dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyey madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar Cabdi Iley inuu isku dayey inuu xabsiga ka baxsado. Cabdi Iley ayaa la xiray kadib rabashadihii dalka Ethiopia ka dhacay bishii August. Booliska ayaa maanta maxkamadda federaalka Ethiopia, oo markii shanaad lasoo taagey Cabdi Iley, u sheegay inuu isku dayey inuu ka baxsado daaqadda xabsiga. “Sababo la xiriira walaac laga qabo ammaankiisa iyo caafimaadkiisa, waxaa lagu hayey xafiis gooni ah, si kastaba, waxa uu isku dayey inuu ka baxsado xafiiska, isaga oo jebiyey muraayadda dariishadda, isaga oo sidoo kalena ceejiyey mid ka mid ah ilaalada” ayey boolisku ay yiraahdeen. Si kastaba, Cabdi Iley ayaa falkaas ka hor beeniyey maxkamadda, isaga oo sheegay in warka kasoo baxay booliska uu yahay mid aan jirin, oo qorshaha laga leeyahay uu yahay in lagu baneysto in jirdil loo geysto islamarkaana sumcaddiisa la waxyeeleeyo. “Arrintan waa been, aniga shaqsi ahaan waxaa la igu hayaa cadaadis aad u weyn, waxaana la igu hayaa xabsi aan munaasab ahayn, laba mar ayaa nafteeda halis gashay oo nin maskaxda ka jiran oo lagu hayo qol igu dhegan uu iisoo jebiyey albaabka” ayuu yiri Cabdi Iley. Cabdi Iley ayaa sidoo kale maxkamadda ka horsheegay inuu caafimaad ahaan liito. Cabdi Iley ayaa dib maxkamadda loogu soo celin doonaa 29-ka bishan, kadib markii boolisku codsadeen 10 maalmood oo ay ku sameeyaan baaritaan dheeri ah, maxkamaduna ay ka ogolaatay. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay ololaha doorashada ee uu wado wadaadka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo horey uga tirsanaan jiray ururka Al Shabaab. Xasan Sheekh ayaa wuxuu sheegay ilaa hadda in aysan cadeyn mawqifka Roobow ee ku aadan ka bixista Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka mid ah xubnaha musharaxiinta ah ee u taagan xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay Muqtaar Roobow in laga doonayo dhawr siyaabood inuu ku qeexo sababaha uu kaga tagay Al Shabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay Xasan Sheekh sax in aysan aheyn in hada uu u soo istaago doorasho, maadaama weli uusan cadeyn inuu ka tanaasulay fikirka argagixisinimada, wuxuu kaloo sheegay in ilaa hadda ciidamadii uu watay ay weli duurka ku jiraan. “Qodob waa jiraa oo dastuuri ah ninkan waa muwaadin, wax ka reebaya doorasho ma jiraan, laakiin waxaan qabaa in aysan sax aheyn hada inuu u soo istaago doorasho, mashruucii uu ku jiray weli ma dhameystirna, Muqtaar weli ma cadeyn inuu ka soo horjeedo argagixisada, Shabaab iyo isaga inay is dirirsan yihiin wax dhib ah ma lahan, dhexdooda maalin walba ayay diriraan, wiilashiisa weli duurka ayay ku jiraan, waxaan qabaa in hada aysan wanaagsaneyn inuu isa soo sharaxo.”. ayuu yiri Xasan Sheekh. Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ahaa hoggaamiye kuxigeenkii Ururka Al Shabaab, sidoo kale wuxuu soo noqday afhayeenkii Al Shabaab, hadase wuxuu ka mid yahay musharaxiinta Koonfur Galbeed, inkastoo wasaaradda amniga war ay soo saartay ku sheegtay inuusan tartami karin wadaadkan, balse isaga weli waxa uu iska wataa ololahiisa doorasho. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Xasan-Sheekh-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
Sida ay qoreen warbaahinta Turkiga, masaajid ku yaalla dalkaasi ayaa jiho khaldan ugu tukanayeen jamaacadiisu muddo ku dhow 40-sano, khaladka dhismaha masjidka waxaa dareemay imaam masaajidka ku cusub oo dhowaan la wareegay xilkiisa. Masaajidkan ayaa ku yaalla Sugoren ee gobolka Yalova ee galbeedka Turkiga, imaamku waxa uu tilmaamay in si khaldan loo dhisay mixraabka masaajidka, arrintaas oo ka dhigan in dadkii ku tukanayay ay muddo dheer kacbada ka leexsanaayeen xagal 33 darajo ah, waa sida ay qortay jariidada Daily Sabah ee dalka Turkiga ka soo baxda. Jariidada kale ee Hurriyet Daily News oo soo xiganeysa wakaaladda wararka ee Demiroren News Agency, ayaa sheegtay in imaanka cusub ee masaajidka Isa Kaya, sanadkii hore uun loosoo magacaabay masaajidka inuu imaam ka noqdo, markaa waxaa imaamka u soo baxday iney khaldan tahay halka laga dhisay mixraabka masjidka, arrintaas oo imaamka khasab uga dhigtay inuu raadiyo culumo kale si uu ugala tashado xaaladda masaajidka. Markii dambe waxaa la isla meeldhigay oo la wada qirtay in masaajidka mixraabkiisa meel khaldan laga dhisay sanadkii 1981, waa sida ay warbixinnada ku sheegeen warbaahinta Turkiga. Intii islamarkiiba mixraabka la dumin lahaa, ayaa si ku-meel gaar ah loo sameeyay calaamado dadka Qiblada saxda ah ku hagaya oo lagu muujiyay rooggii masaajidka. Imaamkan ayaa wakaaladda Demiroren u sheegay: “Xaaladda dadka waan u sharraxnay, badankood falcelintoodu wey wanaagsaneyd.”, engineer dhismo ayaa loo xilsaaray inuu masaajidka mixraab cusub u sameeyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xeer qoys oo la sheegay in ay dhawaan diyaarisay dowladda Soomaaliya ayaa muran xoog leh ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan uga hadlay sharcigaas oo ay horay u saxiixday xukuumadda federaalka ee uu hor kacayo ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre. Hindise sharciyeedka ayaa hadda hor yaalla golaha shacabka ee baarlamaanka, kuwaasoo ka doodi doona ka dibna go’aan ka gaari doona ansixintiisa. Haddii baarlamaanka lagu meel mariyo waxaa u harsanaan doona inuu madaxweynaha qalinka ku duugo, si loo dhaqan galiyo. Arrimaha ugu waaweyn ee ay doodda ka taagantahay waxaa ka mid ah da’da qaan gaarka oo culumadu ay aaminsan yihiin inuu sharcigaasi ku micneeyay si ka duwan sida ay qabto shareecada Islaamka. Sidoo kale, xilliga ku haboon guurka gabdhaha ee uu xeerku qeexay ayuu ka taaganyahay muran kaas la mid ah. Da’da qaan gaarka ee shareecada islaamka caddeysay ayaa ah 15 sano, halka sharciga jinsiguna uu dhigayo iney tahay 18 sano. Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale qaba in da’da qaan gaarka ay tahay 18 sano. Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan qodobbo ku jira hindise sharciyeedkaas oo ay ku qeexeen mid meel uga dhacaya Kitaabka Quraanka iyo Sunnada Nabi Muxammad CSW. Waxaa shalay bayaan hor leh laga soo saaray shir ay qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasoo ay si weyn ugu dhaliileen sharciga cusub ee jinsiga – oo ay wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha u gudbisay golaha wasiirrada, oo qalinka ku duugay una sii gudbiyay aqalka baarlamaanka. War-saxaafadeedka laga soo saaray kulanka culumada oo ka dhacay masaajidka Sheekh Cali Suufi ayaa lagu akhriyay qodobbo ku jira xeerka oo si toos ah uga hor imaanaya ayaado quraan ah. Qormada bayaanka ayaa waxaa warbaahinta u soo koobay Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf: “Hindise sharciyeedka ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaankan – ee sugaya in Ia ansixiyo , wuxuu si toos ah uga hor imaanayaa shareecada islaamka ee ay umadda Soomaaliyeed dhammaantood aaminsanyihiin”. “Wuxuu uga hor imaanayaa dhaqanka suuban ee islaamka arrimo dhowr ah, sida inuu weerarayo guurkii rasuulkeenna Muxammad CSW, kuna tilmaamayaa xadgudub. Qodobka 27-aad ee xeerka oo ku saabsan guursi carruur, wuxuu u qoranyahay sidan: Qof kasta waxa uu galayaa faldambiyeed guursi carruur ah, haddii uu si ula kac ah u guursado carruur aan qaan gaar ahayn. Faqradda 3-aad ee qodobka 27-aad ayaa u qoran sidan: -Qof kasta oo gala faldamiyeedka ku xusan qodobkan waxaa lagu xukumayaa ciqaab xabsi oo aan ka yareyn 10 sano, kana badneyd 15 sano”. Qodobbada kale ee doodda culus ka dhex abuuray bulshada waxaa ka mid ah sida uu xeerka jinsiga u maareeyay arrimaha la xiriira xad gudubyada galmada. Sheekh Cabdiqaadir Yuusuf oo sii watay hadalkiisa ayaa yiri: “Qaanuunkan ma kala saarayo nikaax sharci ah iyo sineysi”. Arrintan ayuu ku sharraxay qodob ka mid ah hindise sharciyeedka oo dhigaya in uu ciqaab muteysanayo qof walba oo galmo la sameeya qof kale oo aan raalli ka ahayn. “Sharcigan wuxuu kufsi u yaqaannaa qof kasta oo oggolaansho la’aan xiriir jinsi la sameeya qof kale, xitaa haddii ay yihiin labo ruux oo uu guur ka dhexeeyo” ayuu yiri. Dhanka kale, Culumaa’udiinka ayaa sheegay in diiniyan ay bannaantahay guursiga gabdhaha aan qaan gaarin, balse dhaqanka gogosha uu ku xiranyahay awooddooda. Sida ku cad bayaankooda, gabadha ayaa la nikaaxin karaa iyadoo aan qaan gaarin, inkastoo markaas ka dib tixgelin la siinayo iney leedahay awood ku filan oo dhanka gogosha ah iyo in kale. Mid ka mid ah daliillada ay war saxaafadeedka ku soo bandhigeen culumaa’udiinka, oo ku qotoma qodobkaas ayaa ahayd in nabi Muxammad CSW uu Caa’isha ku guursaday da’da 9 sano. Iyadoo taas laga tix-raacayo ayay hindise sharciyeedka ku tilmaameen mid xad gudub ku ah Rasuulkii Alle, maadaama uu ka soo hor jeedo arrin uu isaga sameeyay. Markii uu dhammaaday kulanka ay shalay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayey war saxaafadeedkooda dowladda Soomaaliya iyo baarlamaanka uga codsadeen iney dib u eegaan hindise sharciyeedkaas, isla markaana ay ka saaraan qodobbada xad gudubka ku ah shareecada islaamka iyo dhaqanka suubban. Ugu dambeyn, Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa horey bayaan uga soo saaray sharcigan, waxayna sheegeen in sharciga wax dhimaal u yahay diinta Islaamka. Xigasho: BBC PUNTLAND POST The post Muran ka dhashay Xeerka Qosyka Somalia oo dhawaan ay saxiixday Xukuumadda RW Khayre appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—Somali migrants and other African refugees have arrived in Portugal after Aquarius rescue ship took them into Portugal, amid on-going rescue mission. Portugal has received at least 46 migrants from the Aquarius rescue ship for the past couple weeksin the last weeks, said, Rita Lemos, ADFP Foundation. Lemos said nine of them, from Somalia, are living in a social residence in Miranda do Corvo, a small village in the center of Portugal. “I chose to come here to Portugal”, said a Somali migrant, Aydarous Mohamed. Mohamed says he got everything in Portugal, such as health, food more others after his arrival. “Everything is really good! This house is good.” Filipa Soares in Portugal for Euronews said during 18 months these 18-year-old refugees from Somalia will benefit from help from the ADFP foundation in several provinces. “ADFP foundation is working within a framework from an agreement with the Immigration and Borders Service”, he said. “We have an agreement with the Immigration and Borders Service, in which they receive some kind of monetary aid”, he said. Fawzi Rasheed, refugee adds, “I have many friends here. I know everyone and everyone knows me. I consider this Foundation is my family.” Filipa Soares, Euronews says, “Miranda do Corvo, in the center of Portugal, has already received 68 migrants, but 24 didn’t want to stay, despite all the support they received, and they left for other European countries, namely Germany..” Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ayaa qorsheyneysa inay billowdo duulimaad toos ah oo ay ku tageyso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, maalmo kadib markii shirkadda kula loolanta gobolka ee Ethiopian Airlines ay shaacisay inay duulimaadyada Muqdisho billaabi doonto labada November. Guddoomiyaha Kenya Airways, Michael Joseph ayaa wargeyska the Star u sheegay in shirkadda ay billowday qorshe ay ugu duuleyso Muqdisho, balse waxa uu diiday inuu bixiyo faah-faahin intaas dheer. “Haa, waxaan eegeynaa suurta-galnimada arrintaas. Qorshaha wuxuu hadda marayaa marxalado billow ah, wuxuuna u baahan yahay wadaxaajood dheeri ah iyo hanaan” ayuu yiri Joseph. Wakiilo ka socda shirkadda Kenya Airways ayaa Muqdisho tegay toddobaadkan si ay usoo qiimeeyaan marinka, waxaana la filayaa inay Nairobi kusoo laabtaan oo ay go’aan gaaraan. Shirkadda Kenya Airways ayaa u duusha 54 garoon, oo 44 ka mid ah ay ku yaallaan qaaradda Afrika. Kenya Airways waxay duulimaadyo toos ah ku tegtaa Yurub, waxaana 28-ka bishan ay billaabi doontaa duulimaad toos ah oo Nairobi iyo New York ah, kaasi oo noqon doona midkeedii ugu horreeyey ee Mareykanka. Haddii ay billowdo duulimaad Muqdisho iyo Nairobi ah, waxaa ka faa’ideysan doona Soomaalida qurbaha ee tegaya Muqdisho, ayaga oo sii maraya Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso maamul goboleedyada dalka ka jira. Xasan Sheekh Ayaa sheegay in dowlada hadda jirta ay wado cadaadis ka dhan maamul goboleedyada islamarkaasina ay dooneeyso in ay faragalin ku sameeyso maamu goboleedyada dalka ka jira. Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay faragalinta ka deeyso maamul goboleedyada dalka ka jira si shaqadooda ay u qabsadaan. Qilaaf ayaa ka dhexjira dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka ka jira iyada oo dowlada ay heshiis rasmi ah la gashay maamul goboleedyada. Hoos ka Dhageeyso codka Xasan Sheekh. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Xasan-Sheekh.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xasan Sheekh ” Dowlada hadda jirto faragalinta haka deeyso maamul Goboleedyada” appeared first on Puntland Post.
-
ISTANBUL — The rulers of Saudi Arabia are considering blaming a top intelligence official close to Crown Prince Mohammed bin Salman for the killing of Jamal Khashoggi, three people with knowledge of the Saudi plans said Thursday. The plan to assign blame to Maj. Gen. Ahmed al-Assiri, a high-ranking adviser to the crown prince, would be an extraordinary recognition of the magnitude of international backlash to hit the kingdom since the disappearance of Mr. Khashoggi, a prominent Saudi dissident. A resident of Virginia and contributor to The Washington Post, Mr. Khashoggi was last seen entering the Saudi Consulate in Istanbul on Oct. 2. Blaming General Assiri could also provide a plausible explanation for the apparent killing and help deflect blame from the crown prince, who American intelligence agencies are increasingly convinced was behind Mr. Khashoggi’s disappearance. Turkish officials have said they possess evidence showing that 15 Saudi agents assassinated and dismembered Mr. Khashoggi in the consulate. Source: The New York Times
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The New York Times ayaa qoray in dowlada Sacuudiga ay u muuqaneyso in dilka Khashoggi ay dusha u saari doonto inuu ka dambeeyey S/gaas Axmed Al-assiri oo ah la-taliyaha gaarka ah ee dhaxalsugaha Bin Salmaan. Wargeysku waxa uu hoosta ka xariiqay in dilka Khashoggi uu yahay mid iska cad balse boqortooyada Sacuudiga ay dooneyso inay ka fiirsato sida ay u wajaheyso shaacinta dilka Jamaal Khashoggi oo dunidu ka gilgilatay. Waxa uu qoray The New York Times in S/gaas Axmed Al-assiri uu markiisii hore ahaan jiray Afhayeenkii Isbahaysiga Milliteri Sacuudiga ee duulaanka ku qaaday dalka Yemen sannadkii 2015-kii. Waxa uu intaa raaciyay in S/gaas Axmed Al-assiri uu dhaxalsuge Bin Salmaan ka heystay amar ah in nolosha lagu qabto ama la dilo suxufi Jamaal Khashoggi. Marka laga soo tago qoraalka maanta ee kusoo baxay Wargeyska The New York Times, Warbaahinta Turkiga waxay soo bandhigtay 15 ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga oo ka dambeeyey dilkaas. Sidoo kale, Sarkaal lagu magacaabo Mahir C/casiis Mutreb oo ka mid ah Ilaalada Khaaska ee Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa isagana ka mid ahaa xubnaha Sacuudiga ee ku lugta lahaa dilkaasi. Wargeyska the NYT waxa kale oo uu qoray in Jared Kushner oo ah Ergayga Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe inuu ka biyo diidsan in Dhaxal-sugaha Sacuudiga dhabarka loo saaro mas’uuliyada dilkaasi. Ergaygan Jared Kushner oo ay u dhaxdo gabadha Madaxweyne Trump ayaa saaxiib dhow la ah Dhaxal sugaha Sacuudiga Bin Salmaan, taa oo sabab u ah inuu difaaco Bin Salmaan. Dhinaca kale, Dowlada Sacuudiga oo qudheeda qirsan dilka Jamaal, ayaa hadana dooneysa in marka hore ay qaboojiso arrinta dilka, kadibna ay si xeeladeysan u shaaciso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo gaaray Kismaayo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Ayaa gaaray goordhow oo maanta Jimco ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Gen Indhaqarshe ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay magaalada magaalada Kismaayo waxaana soo dhoweeyntiisa ka qeeyb qaatay masuuliyiinta Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada cdowlada ee ku sugan Kismaayo, Taliye Indha qarshe ayaa lagu wadaa in uu gaaray furumaha hore ee dagaalka ciidamada ay ku leeyihiin deeganada maamulka Jubbaland. Gaarista taliyaha ciidamada Militariga Soomaaliya uu ku tagay Kismaayo ayaa ku soo beegmeeyso xili uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxda dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samater Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliyaha Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo gaaray Kismaayo appeared first on Puntland Post. -
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo shir gudoomiyey kulanka golihiisa xukuumadda ayaa warbixin ka dhageystay guddiga difaaca ee Puntland oo qaabilsanaa arrimaha ka socda gobalka Sool oo ay isku hayaan ciidamada Puntland iyo Somaliland, ayna is horfadhiyeen 10-kii bilood ee la soo dhaafay. Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Puntland ayaa lagu cadeeyey in madaxweyne Gaas uu ku amray taliyeyaasha iyo laamaha ammaanka in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, taas oo ku soo aadeysa xili ay dhaqaaqyo ciidan ka socdaan gobalka Sool. Wararka la helayo ayaa waxa ay shegayaan in madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu qorsheynayo weerar lagu qaado ciidamada Somaliland ee ku sugan degaanada gobolka Sool. Maalmaha ka haray doorashada Madaxtinimada Puntland ayay doonaysaa madaxtooyadu in ay dib u soo celiso gobalka Sool, waxaana ay rumeysan yihiin madaxweyne Gaas iyo kuxigeenkiisa Camey in ay taageero dheeraad ah ku helayaan. Falanqeeyayaasha siyaasadda Puntland ayaa rumeysan in isku dayada dagaal iyo ciidan ee hadda socda ay dhabaha u xaari karaan in hanaanka doorashooyinka ay wax iska bedelaan, gaar ahaan ugu yaraan gaabis ku yimaado. Loolan adag ayey hadda kala kulmayaan bulshada iyo musharaxiinta madaxda xilka haysaa, waxayna aad xooga u saarayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen xubnaha baarlamaanka ee imaanaya. Madaxweynaha Puntland ayaa lagu eedeynayaa in uu kufashilmay mudadii uu hayey xilka Madaxweyne-nimada, gaar ahaana dhinacyada dibu dhiska ciidamada, Shaqaalaha, Dhaqaalaha oo gaaray meeshii ugu xumeyd oo aysan xaquuqda shaqaaluhu helin ka badan Hal sanno iyo luminta maqaamka siyaasadeed ee mandiqadu ku lahayd dowladda Faderaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—At least three people have been killed and another one injured in airstrike carried out near the coastal town, some 500km south of Somali capital Mogadishu. The strike against Al-Qaeda linked Al-Shabaab group was conducted in Bulo-Haji area near the town, killing at least 3 children, a witness, who asked to be anonymous, said. He says a victim was taken into hospital. It is unclear, who carried out the airstrike in south of Somalia, but US military often carries out drone strike against Al-Shabaab in south and central Somalia. The latest airstrike was carried out last week near Harardhere town, killing 60 militants, according to the U.S. Africa Command. The strike becomes such U.S. deadliest strike since one on Nov. 21, 2017, killed about 100 Al-Shabab fighters. The U.S. military has carried out at least 27 airstrikes, including drone strikes, this year against the al Qaeda-linked al-Shabaab that killed 160 Islamist fighters in Somalia. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. The group is fighting to overthrow the internationally backed government of Somalia, but has also carried out attacks in neighboring Kenya. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Popular Contributors