-
Content Count
206,728 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Residents living along River Tana were told on Friday to prepare for possible floods in coming days. Source: Hiiraan Online
-
Cabdi Maxamuud Cumar oo isku dayay in uu xabsiga ka baxsado
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Booliska dalka Itoobiya ayaa maxkamadda Sare ee Itoobiya oo gacanta ku hayso dacwadda Madaxweynihi hore ee Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ku wargeliyey inuu isku dayay xabsiga inuu ka baxsado. Warkan oo aan ka soo xigannay Bogga FBC ayaa wuxuu sheegayaa Cabdi Maxamuud Cumar oo lagu soo eedeeyey rabshadihii 5-ta maalmood ka dhacay Magaalada Jigjiga oo ay dad badanna ku dhinteen hanti badanna ay ku burburtay inuu isaga ka dambeeyey ayay booliska Federaalka Itoobiya gacanta ku soo dhigeen. Haddaba Cabdi Maxamuud Cumar oo maanta ka muddeysnaa Maxkamadda sare ee Fedeeraalka Itoobiya oo maxkamadda la horkeenay ayaa waxay Boolisku sheegeen iyada oo amnigiisa iyo caafimaadkiisa loogu daneynayo in cabdi lagu xiray xabsi ku dhex yaalla xaruunta booliska. Hase ahaatee, Cabdi wuxuu soo jabiyey muraayadda daaqadda qolka uu ku jiray wuxuuna cunaha ku dhagay mid ka mid ah askarta ilaalada uga jirtay qolka uu ku xirnaa isaga oo tillaabadaasi uu qaaday uga dan lahaa inuu xabsiga sidaa uu kaga baxsado. Cabdi Maxamuud Cumar eedda iskudayga ka baxsashada xabsiga ee ay boolisku u soo jeediyeen mar ay maxkamadda wax ka weydiisay ayaa wuxuu ku jawaabay “inuusan falkaasi sameeynin eedduna ay tahay mid sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo isla markaana lagu doonayo in jirdilkiisa lagu banneysto”. Wuxuuna intaa ku daray “Waxa laga sheegay iney been tahay shaqsi ahaanna cadaadis aad u weyn lagu hayo. Xabsi aan munaasab ahayna lagu xiray, nin maskaxda ka jirran oo ku xiran qol isaga ku dhaggan kan uu isagu ku jiro inuu 2 mar albaabka uu ku soo jabiyey oo uu waxyeella u geysan gaaray xaaladdaasina ay ammaankiisa khatar aad u weyn ku hayso.” “Maalinna isaga oo suuli ku jira inuu nin macabiista ka mid ah uu soo weeraray” ayuu sida oo kale maxkamadda u sheegay. “Guud ahaanna xabsiga aan ku xiranahay ma aha mid munaasab ah isla-markaana caafimaad darro uu kala kulmay.” Dambi baaraha kiiska Cabdi gacanta ku hayana wuxuu maxkamadda horteeda uu ka sheegay “inuu Cabdi uu ku xiran yahay xabsiyada caadiga ah ee maxabiista caadiga ah lagu xiro, wax cadaadis oo si gaar ah isaga looga hayana uusan jirin. Wuxuuna dambi baaruhu intaa ku daray “boolisku wixi dhacay markay Cabdi kala hadleen oo rabshadda xabsiga ka dhacday inuu isagu sabab u ahaa inuu qirtay isla-markaana raalli gelin uu ka bixiyey.” Booliskuna waxay maxkamaddu weydiisteen “10 maalmood oo kale oo ay Kiiska Cabdi baaritaan dheeraad ah ugu soo sameeyaan in la siiyo.” Ugu dambeyn, maxkamadda oo codsiga booliska aqbashay waxay u muddeysay in cabdi Maxkamadda la keeno 29-ka bisha October. Xigasho BBC PUNTLAND POST The post Cabdi Maxamuud Cumar oo isku dayay in uu xabsiga ka baxsado appeared first on Puntland Post. -
The United Kingdom has officially addressed reports that it had at a point supported Ethiopia’s notorious paramilitary unit, the Liyu Police. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoray machadka daraasaadka amni ee Hiraal, Al-Shabaab waxa ay ku tiirsan tahay lacagaha Zakada iyo canshuuraha kale ee ay ka qaaddoo dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacday in lacagta yaraato, oo ay awoodi weyso inay bixiso mushaharka shaqaalaha aan sirdoonka [Amniyaat] ahayn, maadaama sirdoonka ay yihiin kooxda ugu muhiimsan uguna lacagta badan. Marka ay dhacdo xaalad saas ah, waaxda maaliyadda ee Al-Shabaab waxa ay qabaa’illada iyo ganacsatada ku nool meelaha ay maamusho ku amartaa inay bixiyaan ‘Infaaq’ Infaaq waa lacag mar soo dhac baad ah oo u dhaxeysa kumanaan illaa tobonaan kun oo dollar oo laga rabo qabiil kasta, iyo lacag u dhaxeysa boqol illaa boqolaal kun oo dollar oo ganacsatada lagu amro. ‘Infaaq’ waa mid ka mid ah lacagaha ay dadka ugu neceb yihiin ee Al-Shabaab ay ku amarto bixinteeda. Si aan la mid ahayn Zakada, oo mararka qaar loogu soo dhuunto waajibka diimeed, Infaaq waa dhaqan ku dhisan burcadnimo oo ay ku hoos nool yihiin dadka degan deegaanada ay kooxdan maamusho. Lacagtan ayaa waxaa loo soo rogaa gobol gobol, ayada oo ay ku xiran tahay hadba gobolka markaas dareemaya in miisaaniyaddiisa ay gabaabsi ku jirto. Si la mid ah Zakada, waxaa ururiya ciidamo gaar ah oo ay caawiyaan maamulayaasha deegaanka, oo ay ku jiraan odayaasha qabiilka. Xitaa darwalada mooto bajaajta waa laga qaadaa lacagtan. Arrintan ayaa sharxeysa sababta mararka qaar loo beegsado, oo kooxdan ay u disho dadka wada mooto bajaajta iyo xoolaleyda aan taageersaneyn Shabaab ee ku nool deegaanada aysan maamulin kooxda. Shaqaalaha Al-Shabaab ayaa xitaa marka ay kooxda ka waayaan, aan lacag ka heli karin ehalladooda ku sugan dibedaha, sababta oo ah Shabaab waxay tuhmeysaa in lacagtaas loogu soo diray inay wax jaajusaan, sidaas darteedna waa ay iska ilaaliyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Militariga General Cirfiid ayaa markii uu la wareegay xilka, waxa kulan uu la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay caqabad ku tahay xorreynta dalka. Hadalka taliyaha ayaa yimi kaddib markii uu Madaxweynaha ka dalbaday in uu u sharraxo sababta hortaagan ee ay tallaabo uga qaadi la’yihiin Al-Shabaab ama aysan u dar dar galin dagaalka looga soo horjeeddo kooxdaas. General Cirfiid ayaa ugu jawaabay Madaxweyaha in Xukumaddu ay sabab u tahay isaga oo ku yiri “Ciidamada waxa ay ku maqan yihiin wasiirada”. Taliyaha waxa uu hadalkaas ula jeeday ilaalada Wasiirada oo aad u tira badan kana mid ah ciidamada Militariga, kuwaas oo aad u yareeyey ama wiiqay cududda ciidan ee uu dalka haysto. Tusaale, Wasaaadaha dalka oo dhan waxaa ilaaliya ciidammo Militari ah oo aan tiradooda ka yareyn 20 haddii aysan ka badneyd, halka Wasiir walba ay si gaar ah u ilaalin ilaa iyo shan – lix kale oo uu isaga mushaar gaar ah siiyo. Hadalkaas markii uu dhaggeystay Madaxweynaha waxa uu Cirfiid ka dalbaday in uu yimaaddo shirka Golaha Wasiirada maalinta uu dhaco oo uu arrintaas ka hor sheego. Sida uu Caasimada Online ugu warramaya mas’uuliyiin ka ag dhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Taliye Cirfiid wuu horyimi Golaha waxa uuna ka hor jeediyey arrintaas dib u dhaca ku noqotay la dagaalanka Al-Shabaab iyo xorreynta dalka. General Cirfiid kaddib hadal jeedintiisii waxa uu kala dooran siiyey Wasiirada laba mid kood; 1 – in ay soo celiyaan ciidamada Militariga ah ee ilaaliya oo ay qortaan Boolis 2 – in Ciidamada ay haystaan ee Militariga ah looga dhigo Boolis oo Gaashaandhiggu qorto ciidamo hor leh oo u buuxiya booskooda. Wasiirada waxa ay iska dhigeen kuwo arrintaas ka garaabay balse waxba lagama fulin sida uu mas’uulka ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ugu warramaya Caasimada Online. Hase ahaatee, waxaa hadda arrintaas dar dar galiyey oo diiwaan galin iyo sixid ku wada ciidamada Militariga taliyaha cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha magacaabay Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe. Waxaa xusid iyadana mudan, on mudaneyaasha labada Gole ee Baarlamaanka ay ilaaliyeen ciidamo Militari ah taas oo sii badineysa ciidamada ka maqan Gaashaandhigga ee aan dagaalka dalka lagu xorreynayo loo adeegsan karin. Waxaa sidoo kale intaa dheer, in ciidamada Militariga ay ilaaliyaan xarrumo badan oo ay dowladda leedahay sida Bangiga dhexe iyo IWM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
GLENDALE, Ariz. (Reuters) - President Donald Trump said on Friday that Saudi Arabia’s explanation for how journalist Jamal Khashoggi died at its consulate in Istanbul was credible. Source: Hiiraan Online
-
Ilhan Dahir ’15 has traveled the world in pursuit of her studies and in service to others. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Somalia ay kala garan la’dahay mas’uulyada ka saran amniga Jubbooyinka iyo Khilaafka kala dhexeeya maamulka. Axmed Madoobe, oo xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay sugto amniga deegaanada Jubbooyinka iyadoo aan isku xirin Khilaafka jira iyo howlaha amniga. Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay mas’uul ka tahay amniga deegaanada Jubbooyinka iyo goobaha ay gacanta ku heyso Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in dowlada un wax laga weydiin doono ka hor inta aan la weydiin maamula Jubbaland. Axmed Madoobe oo ka hadlaayay kulanka uu la qaaday Indha Qarshe ayaa yiri “Dowlada maaha inay isku xirto xoreynta deegaanada Jubbooyinka oo qaar ay heystaan al-Shabaab iyo khilaafka nagala dhexeeya, runtii aad ayaan uga xunahay in leysku qabto laba arrin oo aan is laheyn” Axmed Madoobe, waxa uu Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Indha Qarshe u sheegay in Jubbaland ay dooneyso inay qaado dagaal toosa oo ay la gasho Al-Shabaab, sidoo kalane laga doonayo in taliska uu qaato kaalintiisa ciidan ee ku aadan la dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa Indha Qarshe u cadeeyay in Jubbaland ay ka gaashaman doonto Al-Shabaab, hase yeeshee Taliska ciidamada Xoogga laga doonayo muujinta kaalintooda, si Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Indha Qarshe oo wali wadahadal kula jira Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in dowlada Somalia uu ku dhiiri galiyo sida ay kaalin uga qaadan laheyd xoreynta deegaanada Jubbooyinka gaar ahaan qeybaha gacanta ugu jira Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Soomaaliya iyo beesha caalamka waxay qorsheynayaan in mar kale ay hirgeliyaan kalagguur. Markan, ujeedku waa in ciidamada Amisom laga wareejiyo sugidda amniga iyada oo lagu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya. Qorshehan kalagguurka wuxuu soo baxay sanadkan 2018. Wejigiisa koowaad, waxaa la qorsheeyay in lagu xaqiijiyo saddex ujeeddo: 1. In Garoonka Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya. 2. Sugidda amniga waddada iskuxirta baydhabo iyo Muqdisho. 3. In laqabto magaalada leego. Ujeedka hore waa la gaaray laakiin labada dambe weli lama xaqiijin. In Amisom laga qaado sugidda amniga dalka ma aha mid sahlan. Haddii aan lagu heshiin, waxay qaadanaysaa toban sano. Ugu dambayn, xilliga uu hirgelayo kalagguurka Soomaaliya waa in la tixgeliyaa afar arrimood. 1. DIFAAC GELINTA ALSHABAAB Alshabaabku wuxuu haystaa fursado siin kara in uu sii jiro sanado badan. Wuxuu dib u qabsaday qaybo ka mida koonfurta Soomaliya. Dagaalyahankiisu wuxuu cabsiggaliyaa dadka magaalada, wuxuu ku dhex jiraa ciidamada Soomaaliya. Wuxuu dadka ka dhex sameeyaa dhaqaale badan. Wuxuu weerar ku qaadaa ciidamada Soomaaliya iyo Amisom. Intii u dhexeysay Oktoobar 2017 ilaa April 2018, Alshabaabku wuxuu sheegtay afar boqol toban iyo siddeed weerar, oo isugu jira weeraro toos ah, qaraxyo, weeraro dabaggal, iyo dilal qorsheysan. Marka afar loo dhigo weeraradaas laba dhig waxaa lagu bartilmaamaystay ciidamada qaran Soomaaliya (SNA). In yar oo ka mida waxaa lagu qaaday Amisom. Alshabaabku wuxuu kordhiyay weerarada uu ku bartilmaamaydsado ciidamada Amisom iyo dowladda Soomaaliya ka dib markii ay yaraadayn hawlgaladii Amisom iyo ciidamada dowladda ay uga soo horjeedayn Alshabaab. Ka soo bilow sanadkii 2016, ciidamada amisom iyo ciidamada kummaandooska Soomaalida ee loo yaqaano Danab, iyaga oo is garabsanaya waxay weeraro ku qaadayn Alshabaab. Ka bilow 2017, waxaa jiray konton weeraro cirka ah ay qaadayn dorooniska (drones) maraykanka. Hawlgaladaas waxay keeneen guul, iyada oo sidaas ah haddana maysan joojin saamaynta Alshabaabku ku leeyahay shacabka. Muqdisho gudaheeda, ganacsatada waxaa lacag uga qaata Alshabaab. 2. XOOJINTA CIIDAMADA SOOMAALIYA Waxqabadka ciidamada Soomaaliya waa mid isku qasan. Waxaa jira horumaro ay sameeyeen ciidamada booliska federaalka iyo maamul gobolleedyada. Tani waa muhiim maxaayeelay halista ugu badan ay Soomaaliya wejihayso waxay u baahan tahay sharci xoojin (Law enforcement) ee uma baahna xoog militari. Dhanka kale, marka laga reebo DANAB, ciidamada qaranka Soomaaliya ma aha kuwa diyaarsan. Qiimayn la sameeyay sanadkii 2017, waxaa lagu sheegay in iskudhexyaac badan ka jiro qayb walba oo ka mida ciidanka, ka soo bilow amar qaadashada, iskusocodka, khalabka, kaabayaasha iyo asluubta (Dishibiliinka). Waxaa ka sii daran musuqa saraakiisha ciidanka iyo madaxda siyaasadda. Ciidanka Qaran Soomaaliya waa ciidan qaran laakiin magacuyaal ah. Awood uma laha in ay qaadaan weeraro ka dhan ah Alshabaab, dadka gaar waxay ka haystaan aragti taban. 3. DIBUGULAABASHADA AMISOM Qorsheha kalagguurka Soomaaliya wuxuu dhalinayaa in dib loogu laabto Amisom. Sida aan ku faahfaahiyay buuggayga “Fighting for Peace in Somalia: A history and analysis of the African Union Mission (AMISOM), 2007-2017.” Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka, labaduba waxay qiimayn ku sameeyeen awoodaha Amisom iyada oo hadafku ahaa in laga caawiyo doorkeeda cusub. Wixii horusocod ah waxay ku xiran tahay golaha amaanka iyo midowga Afrika. Caqabadaha haysta Amisom waxaa ka mida in aysan haysan ciidamo u tababaran fulinta weerarada degdeg ah iyo in aysan weli la falgelin shacabka sababo xaga luuqadda ah. Shaqada ugu muhiimsan ee Amisom qabatay waxaa la dhihi karaa: Kasaariska Alshabaab magaalooyinka waaweyn, furista iskusocodka waddooyinka (sida tan baydhabo ilaa Muqdisho), iyo in ay Alshabaab difaac gelisay. Iyada oo sidaas ah, haddana waxay wejihayaan caqabado badan. Dalalka ciidamadooda soo diray waxaa ka mida Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Ugaandha. Ujeedka wuxuu ahaa fulinta hawlgalo looga soo horjeedo Alshabaab iyada oo suurtaggal tahay in uu ka soo gaaro khasaaro. Tani waa mid cad waayo Amisom waxay samaysay hawlgalo badan, kaas oo ka dhashay khasaaro. Caqabadda labaad, tirada ciidamada Amisom ma aha kuwa meesha ka saari kara awoodda Alshabaab. Marka laga soo tego ciidamada militariga, waxaa kaloo jira toddoba boqol oo saraakiil boolis Amisom ah, waxay tababar siiyaan ciidamada booliska Soomaaliya. 4. ISKUDDUWIDDA BEESHA CAALAMKA Dadaalka caalamiga ah ee la rabo in lagu nabadeeyo Soomaaliya waxaa qayb ka ah in ka badan afartan dowladood iyo ururo badan. Qaybaha ugu muhiimsan hawlahooda waxaa ka mida ‘iskuddubarrid’ si loo rumeeyo malada ah suurtaggalnimada in lagu guulaysan karo nabadaynta dal ku sugan marxalad kalagguur ah-ka soo baxay colaad u socda nabad. Iyada oo aysan muuqan xaal nabadeed ku aaddan soo afjaridda colaadda Alshabaab. Maanta, beesha caalamka laba meelba dhib baa kaga furan: Tan koowaad, lacag fiican ma siiso ciidamada Amisom. Ka bilow bishii jannaayo 2016, nabad ilaaliyaasha Afrika waxay bilgoosad u helayn siddeed boqol oo doollar halka nabad ilaaliyaasha qaramada midowbe ay ka qaataan kun saddex boqol iyo konton doollar. Lacag yarida haysata Amisom waxay saamayn taban ku reebtay mooraalka iyo waxqabadkooda. Tan labaad, beesha caalamka waxaa looga fadhiyaa in ay la timaaddo qorshe cusub oo ku aaddan taageerada ciidamada Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga. Bangiyada in lacag loogu shubo dowlad sida ciidamada qaranka oo kale musuq badan waa mid halisteeda leh laakiin ugu yaraan waxay is-hortaagaan Alshabaab. Yeelkeeda, tobankii sano ee u dambeysay waxaa jiray dadaallo badan oo lagu bixiyay nabadda Soomaaliya balse shaqayn waayay. Waddada ugu macquulsan ee loo mari karo nabadaynta Soomaaliya waa su’aal ku taagan hoggaamiyaasha Soomaalida. WQ: Paul D. Williams Paul D. William wuxuu bare sare ka yahay jaamacadda George Washington. WT: Hassan Mudane Hassan Mudane wuxuu bare ka yahay jaamacadda City.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa xabsi la dhigay Wasiirkii hore ee cayaaraha Kenya Xasan Wario iyo Saraakiil la shaqeyneysay. Wasiirkii hore ayaa la sheegay in lala xiray Sarkaal ka tirsan xiriir cayaaraha oo lagu magacaabo Kipchoge Keino iyo laba xubnood oo kale. Wasiirkii hore iyo Saraakiisha oo markii leysku daro gaaraya Afar xubnood ayaa lagu eedeeyay inay boobeen dhaqaale loogu talo galay Wasaarada. Wasiirkani hore iyo Saraakiisha lala xiray oo waayadan la baadi goobayay ayaa is geeyay waaxda danbi baarista ee CID oo gal dacwadeed uu ka yiilay. Wasiir Wario oo hada ah safiirka Kenya u fadhiya Austria iyo xubno kale oo ka tirsan wasaarada cayaaraha ayaa wajahaya eedo musuq maasuq oo ay geysteen mudada ay xilka hayeen. Sidoo kale, xubnahaan ayaa dowlada Kenya ku eedeysay in ay lunsadeen 55 million oo loo qoondeeyay cayaartoyda dalkaas ee ka qeyb galay intii uu socday koobkii Olympic-da ee lagu qabtay magaalada Rio de Janeiro ee caasimada Brazil. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiintan ayaa lagu wadaa inay kasoo muuqdan maxkamada Kenya oo la sheegay in loo gudbiyay nusqooyin kamid ah dacwadooda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa dowlada Mareykanka ku eedeysay inay taageerto Kooxaha argagixisada ee ka dhisan dalka Suuriya. Safiir ku-xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka Iran Es’haq Al-e Habib, ayaa dowlada Mareykanka ku dhaliilay inay fangareyneyso Kooxaha argagixiso ee wali Saldhigyada ku leh Suuriya. Es’haq Al-e Habib, ayaa ugu baaqay dowlada Mareykanka in ay Joojiso taageerada ay siineyso kooxaha argagixisada ee ku sugan gudaha wadanka suuriya. Waxa uu Mr Es’haq Al-e Habib hadalkan ka sheegay shirka golaha amniga oo uu ka hadlaayay waxa uuna tibaaxay in ay sharci daro tahay,in Milatariga mareykanka uu ku sii sugnaado gudaha Suuriya,xilli ay socoto xal u raadinta qalalaasaha siyaasadeed ee sababay dagaalo socday sideedii sano ee la soo dhaafay. Es’haq Al-e Habib, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in dowlada Mareykanka ay baalmarto sharciyada adduunka waxa uuna soo jeediyay in arrintaasi ay Mareykanka wax ka bedesho. Es’haq Al-e Habib, oo ah Safiir ku-xigeenka ayaa Xukuumada washington ka dalbaday in ay joojiso maalgalinta kooxaha argagixisada ee dagaalka kula jira xukuumada Asad, iyadoo la doonaayo in taageeradaasi bedelkeeda la qaado talaabo ka wanaagsan. Sidoo kale, Mr Es’haq Al-e Habib ayaa dagaal yahanada ajaaniibta ah ee ku suga Suuriya ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan dalalka ay ka soo jeedaan,halka kuwa u dhashay Suuriya uu ku booriyay in ay isku dhiibaan dowlada. “Waa in kuwa shisheeye dib ugu laabtan dalalkooda si ay u helaan cafis, dagaalyahaanada kuwa u dhashay Suuriya waa in iyaguna ay isku dhiibaan dowlada si ay u helaan cafis, waayo waxaa khaldan jihada ay ku helayaan caawinaada” Dhinaca kale, Safiir ku-xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka Iran Es’haq Al-e Habib, ayaa ka digay in dowlada Mareykanka kusii fogaato taageerida Kooxaha argagixiso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada daneeya arimaha bulshada lagu wargelinayaa inuu hawada soo galay Website cajiib ah oo ka hadla dhammaan arrimaha bulshada noocyadooda kala duwan oo lagu magacaabo Www.aayaha.net. Website-ka Www.aayaha.net, oo ah mid waxyaabo badani ay ka kororsan karaan dhallinyarada iyo lamaanayaasha isjecel isla markaana ay qoraan inkabadan 5 wariye oo qibrad u leh arrimaha bulshada, ayaa waxa uu ka hadlaa arrimahan soo socda ee hoos ku qoran: 1- Arrimaha jacaylka 2- Kobcinta Qoyska 3- Caafimaadka 4- Sheekooyin jacayl, geeraaro jacayl iyo dhambaallada jacaylka 5- Talooyin jacayl 6-Casharro la xiriira nolosha sariirta ee lamaanayaasha. Www.aayaha.net, – waxaad sidoo kale ka heleeysaa talooyin caafimaad oo ku anfacaya. Qoraallada heesihii ugu dambeeyay ee ay dhallinyarada aadka u xiiseeyaan. Booqo oo goor walba ku xirnoow www.Aayaha.net, Hoyga Arrimaha Bulshada. Si aad u booqato halkan click sii
-
Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay in weriye Jamal Khashoggi uu dhintay. Dowladda ayaa shaaca ka qaaday caawa baaritaan ay ku haysay kiiska, waxaana ay sheegtay in Khashoggi oo 60 jir ah uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, labadii October. “Xeer ilaaliyaha Sacuudiga waxa uu sheegay in Khashoggi uu dhintay kadib markii uu dagaal dhex-maray isaga iyo dad ku sugnaa qunsuliyadda. 18 qof ayaa arrintan loo xiray” ayuu yiri taleefishinka qaranka Sacuudiga. Waxaa sidoo kale ay dowladdu sheegtay in boqor Salmaan uu ceyriyey ku-xigeenkii madaxa sirdoonka dalkaas Ahmed Assiri. Waxaa sidoo kale shaqada laga ceyriyey Saud al-Qahtani oo la taliye sare u ahaa dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan. Dowladda waxa ay sidoo kale sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono sirdoonka dalkaas kadib kiiskan. Jamal Khashoggi oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah oo ku noolaa Mareykanka ayaa si aad ah uga soo horjeeday boqortooyada, waxaana la la’aa 17 maalmood, ayada oo aan dib loo arag tan iyo markii uu galay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Saraakiisha Turkiga ayaa horey u sheegay in Khashoggi ay dileen oo ay hilibkiisa cad cad u jar jareen 15 wakiil oo Sacuudiyaan ah oo Turkiga u yimid inay dilaan. Meydkiisa weli meel laguma sheego. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
-
Madaxda dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa hadallo kale duwan ka jeedisay shirweyne ka dhacay magaaladani. Shirka oo lagaga hadlayay qorsheyaasha xukuumadda federaalka ayaa lagu soo hadal qaadin arrimo dhowr ah sida arrinta barakacayaasha. Danjire Maxamed Caalim oo kamkd ah dadka ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegaya in hoggaanka dalku aysan haynin dhabbihii saxda ahaa ee ahayd in dalka lagu hoggaamiyo. “Shirkii khamiistii dhacay waxaa iiga baxay in dowladda federaalka ay hor yaallaan duruufo adag, marka aynu aragno arrimaha bulshada waxay u baahan yihiin sharcigii lagu fulin lahaa, arrimaha amniga sharcigii lagu fulin lahaa ayay u baahan yihiin, cadaaladda sharci lagu fuliyo ayay u baahan tahay, marka haddii aynaan dowladi sharci lahayn hadalkeedu wuxuu u ekaanayaa hadal been ah” ayuu yiri Danjire Maxamed Caalim. Dhanka kale, Danjire Maxamed Caalim ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay muhiim tahay in ay caddeeyso wada shaqeeynta ay la leedahay baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa kaloo uu tilmaamay in Raysal wasaaraha iyo gollihiisa wasiirrada aynaan iska war heynin, marka la eego qaabka ay isugu jawaabayeen shirka gudahiisa. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/DANJIRE-MAXAMED-CAALIM-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo hadal jeedin ka sameeyay shirkii Khamiista ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa ku soo hadal qaaday arrimaha dibadda. Wuxuu sheegay madaxweynaha in siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ay tahay mid aanan fadhin islamarkaana ay muhiim tahay in tubta siyaasadda lagu soo daro ka hadalka arrimaha dibadda. Isbedalka wadamada gobolka ka dhacay ayuu sheegay in siyaasad lagu la jaan qaado loo baahan yahay, isagoo carrabaabay in dowladdiisa ay culeyso ka heysteen arrimaha Khaliijka oo khilaafkaasi siyaasadda gudaha ee dalka sameeyn aan yareyn ku yeeshay. Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa wasaaradda arrimaha dibadda faray in la timaado qorshe lagu diyaariyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. “Wadan kasta waa in aynu ka yeellanaa siyaasad gaar ah waxaana ka horreeya annaga danteeda” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/CODKA-MW-FARMAAJO-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada Somaliland ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland iyo arrinta dekadda Berbera. Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in aynaan doonayn in loo wada hadlo laba dowladood oo kale, islamarkaana Somaliland ay u aqoonsato. Xildhibaan Axmed Nacnac ayaa daboolka ka qaaday in Somaliland aynaan jirin wax ay uga baahan tahay Soomaaliya, wuxuu soo hadal qaaday arrinta la xiriirta dhaqaalaha adduunyada ugu yaboohdo oo uu tilmaamay in dowladda federaalka ay ku guul dareysatay qorshe ay doonaysay in ay ku cunaqabateeyso. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrinta dekadda Berbera oo uu sheegay in shirkadda DP World wuxuuna tilmaamay in qorshahaasi horumarka ahi uu ka careysiiyay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSIGA-XILDHIBAAN-NACNAC-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha degaanka Faafaxdhuun ee gobolka Gedo Aadan Shuqul Nuunoow oo Goobjoog News uga warramay fal ciidanka Kenya ay ku xasuuqeen qoys deganaa meel aan ka fogayn degaankaasi ayaa sheegay in ay ka xun yihiin. Wuxuu sheegay in dhibaatada qoyskaasi ku dhacday ay ka xun yihiin haseyeeshee ay sababteeda leeyihiin Xarakada Alshabaab, oo qarax wadada u galiyay ciidanka Kenya. Guddoomiye Aadan Shuqul Nuunoow ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaanno la xiriira qaabka ay dhacdada u dhacday. Waxaa uu sheegay in baaritaannada kaddib ay sugayaan natiijada ka soo baxda. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/GUD-FAAFAXDHUUN-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Suldaan Maxamed Suldaan Xaaji Cabdi oo kamid ah ehelka qoyskaasi dhibtu soo gaartay ahna adeerka labada wiil ee dhintay ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in tacadigaasi ay ku kaceen ciidanka Kenya uu kamid yahay gaboodfallo ciidankaasi ay ka geystaan gobolka Gedo. Wuxuu sheegay in carruur aan qaan gaar ahayn ay dileen waalidkii dhalayna ay dhaawaceen oo iminka ay yihiin garaab xaaladdooda kuwaas oo isbitaal loagu dabiibayo yaalla. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo iyada dalka mas’uul ka ah ayaanan ka hadlin inta badan falalka xasuuqa ah ee ciidamada shisheeye u geysanayaan shacabka. Suldaan Maxamed ayaa tilmaamay in qaab xun ay ula dhaqmeen ciidanka Kenya. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/EHELKA-DADKA-LA-DILAY-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo soo jeediyay in dalka midnimadiisa ay qorshe ka lahaato dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa su’aal ka keenay qorshayaasha Xukuumadda oo maanta lagu soo bandhigay Kulan Golaha Wasiirada isugu yimaadeen, kaasoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankan si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka. Wasiir Maareeye ayaa dood ka keenay in aan lagu soo darin Tubta siyaasadda loo dhan yahay arrinta Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Mr Maareeye ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ay heystaan nabad muddo 30 sano ku dhow, isla markaana ay u dhibaateysan yihiin inay dowladdu gaarto oo ay helaan waxbarasho iyo shaqo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/COD-WASIIR-MAAREEYE-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors