Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,768
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Parents in London’s Somali community are concerned for their sons’ welfare – and some have even sent their children out of the capital Source: Hiiraan Online
  2. The Mandera County is grappling with a measles outbreak that has left two people; a child and an elderly woman dead. Source: Hiiraan Online
  3. Ethiopia is adopting electronic electoral system in the next elections, according to the National Electoral Board of Ethiopia (NEBE), FBC reports. Source: Hiiraan Online
  4. Dunkin’ has apologized to a Somali woman after an employee called police on them for speaking their native language. Source: Hiiraan Online
  5. Saudi officials found to have been involved in the killing of a prominent journalist in Turkey should be targeted by new sanctions introduced by Theresa May in the wake of the Salisbury attack, MPs and campaigners said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  6. Years of instability and no formal banks have turned Somalia into a cashless society where mobile money is prevalent, but Somali innovators are now finding their way into the global e-commerce economy. Source: Hiiraan Online
  7. After more than two weeks of denials, Saudi Arabia on Saturday admitted that journalist Jamal Khashoggi was killed inside its consulate in the Turkish city of Istanbul. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday qorshe socda oo Soomaaliya oo dhan looga sifeynayo Al-Shabaab. Indho Qarshe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheyneyso in sanadka soo socda Al-Shabaab laga xoreeyo dalka oo dhan la iskuna furo waddooyinka muhiimka ah ee Gobollada dalka sida waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Kismaayo,Muqdisho iyo Baydhabo iyo waliba in la furo wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne. Waxa uu hadallkan ka sheegay markii uu shalay kormeeray Fariisimo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Dowlad Gobolleedka Jubbaland oo ku yaalo deegaanada Baarsanguuni, Buulagaduud iyo deegaano kale oo ka tirsan Jubbada Hoose. Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe ayaa ku dhiira geliyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland iney sii laba jibaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loogu guuleysto waqtiga ay dowladda qabsatay ee ah in 2019 laga xoreeyo dalka oo dhan. “Aad iyo aad waxaan idin kugu dhiira gelineynaa inaad iska dhicisaan nimankaasi, anaguna waxaan balan qaaddeynaa inaan idin ku taakuleyno sidii la isaga dhicin lahaa ama aqoon ha noqoto ama qalab ama wax walba oo aad Dowladda uga baahan tihiin,idinkana waajibaadkiina sidaasi oo kale baan idin ka rabnaa inaad u gudataan,aad baad u mahadsan tihiin waxaan isku ognahay guul iyo gobanimo,” ayuu yiri Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe. Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa ka dalbaday Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan Jubbaland iney soo diraan ragga ugu wanaagsan ee ugu geesinimada badan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland si tababar heerkiisu sareeyo loogu siiyo Xerada tababarka Turk-som ee magaalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka taliyaha ciidamada xoogga dalka kana Daawo Sawirrada.
  9. Dubai (Caasimada Online) – Shirkadda DP world ee gacanta ku haysa maamulka dekedda Berbera, ayaa isha ku haysa inay gacanta ku dhigto maamulka iyo gacan ku haynta dekedaha dalka Ereteriya, Sidaas waxa ku dhawaaqay agaasimaha fulinta ee DP world Suldaan Axmed Bin Suleman. Suldaan oo u waramay warbaahinta Bloomberg, ayaa sheegay in Ereteriya u muuqato inay saamayn iyo door muhiim ah yeelanayso, waxaanu sheegay in DP world aanay indhaha ku hayn oo keliya Ereteriya, laakiin ay ku jeeddo gobalka Geeska Afrika. “Waanu tagi doonaa halkaas [Ereteriya] sida cid kasta oo kaleba, haddii lana weydiisto maalgelin.” Ayuu yidhi Suldaan. Laakiin Wasiirka warfaafinta Ereteriya Yemane Gebremeskel ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo in dekedaha Casab iyo Musawac ee Ereteriya la dhigi doono suuqa qandaraasyada. Warbaahinta Bloomberg waxay soo hadal qaaday saldhiga milatari ee UAE ka dhisanayso Berbera, laakiin Suldaan ayaa sheegay inaanu saldhigaasi wax lug ah ku yeelan doonin qorsheyaasha maalgashi. “Waxa keliya ee uu Imaaraadka Carabtu sameeyaa waa in uu horumariyo xidhiidhada ganacsi, taas ayaa ah waxa noogu muhiimsan ee aanu dakhliga ka samaynayno” ayaa uu yidhi Sulayem. Isaga oo intaas ku sii daray, “Ma jiro ajande siyaasadeed oo uu Imaaraadka Carabtu ka leeyahay Afrika. Ajandahayagu waa ganacsiga” Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. Turkiga ayaa balan qaaday in uu soo bandhigi doono xaqiiqda dilka weriye Jamal Khashoggi, oo aanu marnaba aqbali doonin in sheeko been ah lagu daboolo wixii dhacay, kadib markii Sacuudiga uu markii ugu horeeysay aqbaly in Jamal lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga uu ku leeyhay magaalada Istanbul. Sacuudi Carabiya ayaa maalintii jimacaha ahayd sheegtay in Mr Khashoggi uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda. Saraakisha Turkiga ayaa markii hore sheegay in si kas ah gudaha qunsuliyadda loogu dilay kadibna meydkiisa la jarjaray. Bilowgii Toddobaadkaan ayaa saraakil Turki ah oo aan magacooda la shaacin ayaa warbaahinta u sheegay in ay hayaan codad iyo muuqaallo muujinaya dilka weriye Jamal Khashoggi. Boqortooyada Sacuudi ayaa waxa ay wajahaysay cadaadis aad u xooggan tan iyo intii la waayay Mr Khashoggi. Balse ugu damabeyntii waa ay qirteen in weriye Jamal Khashoggi. Muxuu yiri Turkiga? “Turkiga waxa ay soo bandhigi doonaan wax kastoo dhacay,” ayuu yiri Omer Celik sida ay sheegtay Anadolu wakaaladda wararka ee Anadolu. “Cidna ma dacweyneyno balse ma ogolaanayno in ay jiraan wax damboo la qariyo oo waan shaacinaynaa.” Turkiga ayaa haatan joojiyay eedeyntii uu Sacuudiga u soo jeedinayay ee dilka Khashoggi. Maxay sheegeen saraakiisha Sucuudiga? Bayaan kasoo baxay dacwad oogaha guud ee dowladda Sucuudiga ayaa lagu sheegay in dagaal uu qunsuyliyadda ku dhexmaray weriye Jamaal Kaashogji iyo dad halkaasi ay ku kulmeen ay dhalisay dhimashadiisa. Baaritaano ayaa hadda socdaa, bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 18 qof oo Sucuudiga u dhashay xabsiga la dhigay. Ragga shaqada laga ceeyriyay Janaraal Axmed Al Casiiri : Afhayeen sare oo boqortoyada u qaabilsanaa dagaalka Yemen. Janaraal Casiiri wuxuu 2017-kii BBC-da siiyay wareysi ku saabsan dagaalka yemen isaga oo difaacayay tallaabooyiinka Sucuudiga ee Yemen. Sacuud Al-Qaxddaani waa la taliyaha boqortooyada ahna la taliyaha gaarka ah ee dhaxal sugaha Maxamed bin Salmaan. Taarikh nololeedka Jamaal Kashgooji Sooyaalka xirfadeed ee Jamaal Kaashogji wuxu ka soo bilaabmay sannadihii ugu horeeyey xirfadiisa ee uu bilaabay weriyenimada, waayadaas oo ay saaxiibeen Usaama Bin Laadin, ilaa uu haatan noqday qof mucaarad ku ah Sucuudiga oo uu dalkana ka tagay. Intaan la waayin raq iyo ruux ba maalintii uu galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul, Kaashogji oo dalkiisa iskii uga tagay wuxu u dhexeeyey oo kolba mid joogayey dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga. Wuxu Sucuudiga ka tagay bishii Sebtember 2017 ka dib markii ay isa seegeen maamulka Boqortooyada. Dalalakaa dibadda ee uu joogay ayuu ka soo qori jiray aragtidiisa sida adag uu ugu dhaliilo maamulka Sucuudiga, oo waxa uu ku qori jiray wargeyska Maraykanka ka soo baxa ee Washington Post iyo sidoo kale boggiisa Twitter-ka ee aadka loola socdo oo ay ku xidhanyihiin in ka badan 1.6 milyan oo qof. Berigii uu Afghanistan tagay Ninkan 59 jirka ahi wuxu xirfadiisa weriyenimo ka bilaabay Sucuudiga sannadkii 1985-kii markuu jaamacad Maraykanka ku taal ka qalin jabiyey. Intii uu ka shaqaynayey wargeyska Al-Madina sanadihii sagaashameeyadii, wuxu aad waxa uga qoray mitidiintii Islaamiyiinta ahaa ee Afghanistan u tagey si ay halkaa ugula dagaalamaan Soviet-kii ku duulay. Wuxuu dhawr waraysi la yeeshay Usaama Bin Laadin oo uu sheegay in uu dhalinyaranimadiisii ku yaqaanay Sucuudiga. Berigaa Bin Laadin aad uma soo shaac bixin oo Galbeedka lagama aqoon inuu yahay hogaamiyaha Al-Qaacida. Kaashogji wuxu ugu tagay godadka buuraha Tora Bora, waxa kale oo uu ku waraystay Sudan sanadkii 1995-kii. Sannadkii 2011-kii oo muddo ka soo wareegtay markii uu Usaama waraystay, ayaa Khaashoqji laftiisa uu wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Der Spiegel ka waraystay xidhiidhkii isaga iyo Usaama Bin Laadin la haayeen. Kaashogji waxa uu waagaa qirtay in uu markii hore Bin Laadin la qabay in sifo aan dimuqraadi ahayn lagu dhex galo hannaanka siyaasadeed ama xeelado colaadeed la adeegsado si dunida Carbeed looga xoreeyo xukuumadaha musuqa ah. Isha: BBC Somali
  11. Jaangoynta Xildhibaananda matalaadda Baarlamaanka FS (PR CL) waxaa aasaas u ah tirada dadka ku nool dalka isla markaana ku saleysan sahankii la sameeyay 2014-kii 12,316,000 loo qaybiyay 275 kursi, oo noqonaysa 45,000 oo qof inuu matalayo halki xildhibaan ee ka mid ah golaha shacabka, xadeynta deegaan doorashada wadarta ah, (multi-Constituency) waxaa lagu saleeyaa in dalka loo qaybiyo, deegaan doorashooyin badan oo isku xiran, deegaan doorashada wadarta ah waxay udhigmaan goobaha ay dagan yihiin dadka ka badan tirada loo qoondeeyay matalaadda shacabka, shuruudaha helitaanka deegaan doorashada waxaa asal u ah tirada shacabka ku nool deegaan kasta marka ay gaaraan tirada qoodada matalaadda golaha shacabka. Soomaalida deggan Soomaaliya waxaa ay ku heshiisay in beelaha ay kawada dhex muuqdaan masraxa siyaasadda gaar ahaan qabiillada laga tirada badan yahay, sida ku heshiiskii Carta 2000 ee loogu magac daray 4.5, iyo qoondada dumarka si ay uhelaan matalaadda siyaasadda iyo xilalka dowliga, waxaa qasab ah in heshiiskan la dimoqraadiyeeyo si beelaha laga tirada badan yahay iyo dumarkaba xisbiyada siyaasadda uga helaan matalaad dhammeystiran, waa in aan qeexno qaabka ay ku helayaan matalaad ku salaysan boqoloyda qoondeysan, ee macnaheedu yahay in xisbi walba laga doonayo in musharixiintiisa ka dhex-muuqdaan beelaha laga tirada badan yahay iyo dumarka. Qoondada tirada kuraasta xildhibaannada deegaan Doorashada wadarta ah waxaa asal u ah heshiiska boqoleyda oo loo qoodeeyay beelaha laga tirada badan yahay iyo dumarka, annagoo ka duuleyna qaabka dhismeedka Baarlamaanka federaalka hadda jira ee ah 4.5, iyo tirada boqoleyda ah ay ku leeyihiin dadka laga tirada badan yahay iyo dumarkaba, waxaan fahmi karnaa qoondada laga doonayo tirada musharaxiinta xildhibaannada xisbiyada ee labadan kooxood, baarlamaanka federaalka xaalada hadda jirta wuxuu uqaybsan yahay, sida hoos ku qoran. Qaabka Baarlamanka FS Xildhibaannada Raga ah waa 70% una dhiganta 193 Xildhibaan. Xildhibaanada Dumarka ah waa 30% una- dhiganta 82 Xildhibaan Guud ahaan waa 193 + 82 = 275 Xildhibaan, marka aan uqaybino beelaha laga tirada badan yahay iyo beelaha tirada badan waxay kala noqonayaan sida soosocota. Beelaha tirada badan waa 89% una dhiganta 244 Xildhibaan. Beelaha laga tirada badan yahay waa 11% una dhiganta 31 Xildhibaan. Guud ahaana tirada 244 + 31 = 275 Xildhibaan. Xisaabta kor xusan waxaa ay iftiiminaysaa liiska musharaxiinta Xisbiyada laga doonayo in noqdaan sidan. Xisbi walbo waxaa laga doonayaa in liiska musharaxiintiisa tartanka doorashada uga qayb galaysa ay noqoto sidan: Beelaha Tirada Badan 89% (una dhiganta 62% Rag ah + 27% dumar ah). Beelaha Tirada Yar 11% (una dhiganta 7% rag ah+3% dumar ah) Shaxdan waxaan ka fahmaynaa in deegaan doorashooyinka Soomaaliya ay ku haboon tahay in loo qaybiyo 7 deegaan doorasho, Tusaale ahaan in halki maamul-goboleed uu noqdo hal deegaan doorasho, qoondada kuraasta xildhibaannada lagu saleeyo tirada dadka kunool maamul-goboleed walba sida hoos ku qeexan. Somaliland 78 xildhibaan Beelaha Tirada Badan Somaliland 69 xildhiban (48 xildhibaan rag ah, iyo 21 dumar ah) Beelaha Tirada Yar ee somaliland 9 xildhiban (6 xildhibaan rag ah, iyo 3 xildhibaan dumar ah) Puntland 24 xildhibaan Beelaha Tirada Badan puntland 21 xildhiban (14 xildhibaan rag ah, iyo 7 dumar ah) Beelaha Tirada Yar ee Puntland 3 xildhiban (2 xildhibaan rag ah, iyo 1 xildhibaan dumar ah) Gal-Mudug 29 xildhibaan Beelaha Tirada Badan Gal-Mudug 26 xildhiban (18 xildhibaan rag ah, iyo 6 dumar ah) Beelaha Tirada Yar ee Galmudug 3 xildhiban (2 xildhibaan rag ah, iyo 1 xildhibaan dumar ah) Hirshabelle 24 xildhibaan Beelaha Tirada Badan Hirshabelle 21 xildhiban (14 xildhibaan rag ah, iyo 7 dumar ah) Beelaha Tirada Yar Hir-Shabele 3 xildhiban (2 xildhibaan rag ah, iyo 1 xildhibaan dumar ah) Gobolka Banaadir 37 xildhibaan Beelaha Tirada Badan G/Banaadir 33 xildhiban (23 xildhibaan rag ah, iyo 10 dumar ah) Beelaha Tirada Yar Banaadir 5 xildhiban (3 Xildhibaan rag ah, iyo 2 xildhibaan dumar ah) Koonfur Galbeed 53 xildhibaan Beelaha Tirada Badan K/Galbeed 47 xildhiban (33 xildhibaan rag ah, iyo 14 dumar ah) Beelaha Tirada yar K/galbeed 6 xildhiban (4 xildhibaan rag ah, iyo 2 xildhibaan dumar ah) Jubbaland 30 xildhibaan Beelaha Tirada Badan Jubbaland 20 xildhiban (14 xildhibaan rag ah, iyo 6 dumar ah) Beelaha Tirada yar Jubbaland 10 xildhiban (6 xildhibaan rag ah, iyo 4 xildhibaan dumar ah) Deegaan Doorashada lagu xadeeyay maamul goboleedyada, waxaa ay muhiim u tahay in dadka ay soo doortaan xisbiyo si rasmi ah umatalada deegaannadooda isla markaana la xisaabtami karaan, Qoondada dumarka iyo qoondada beelaha laga tiro badan yahay, waxaa lugu cabirayaa tirada boqolleyda ah ee isku dheelli tiran ee Xisbiyada kaga qayb-galayso tartanka doorashada, iyo isku dheellitirka beelaha liiska Musharixiinta tartamaysa, Xisbiyada waxaa laga doonayaa in ay ku saleeyaan tirada liiska musharaxiinta tartamaysa tirada kuraasta loo qoondeeyay deegaan doorashada wadarta ah ee kor ku xusan. NIDAAMKA DOORASHADA SAAMI QAYBSIGA, KU DHISAN LIISKA XIRAN EE DEEGAAN DOORASHO WADARTA ISKU XIRAN AH, WUXUU NOQONAYAA 7 DEEGAAN DOORASHO KALA AH, (78+24+29+24+37+53+30=275). Xisbiyada ka qayb galaya tartanka deegaan doorashada maamul-goboleedyada lagu xadeeyay, waxay saami boqolley ah u helayaan kuraasta udhiganta codka ay ka heleen deegaan doorashada laxadeeyay oo kaliya, boqolley ah, marka latiriyo guud ahaan codadka ladhiibtay, haddii aan tusaleyno sida tirada codadka loogu beddelo kuraasta waxay noqonaysaa. Tirada dadka kunool Hirshabelle waa 1,036,721 Tirada dadka kaararka codeynta qaatay 319,467 Tirada Dadka sida rasmiga uga codeeysay Hirshabele, 287,569 Tirada Kuraasta loo tartamay 24 kursi Tirada Xisbiyada tartantay 3 Xisbi. 287,569/24 = 11,982. Xisbi kasta ee helaa cadad cod gaaraya 11,982 cod wuxu helayaa hal kursi. Xisbiga Qurac wuxuu helay 87,238 cod waxaa loo qaybinayaa 11,982 (87,238/11,982=7) Xisbiga Qurac wuxuu helay 7 kursi. Xisbiga Aqab wuxuu helay 158,446 cod, kuraasta saamigiisana waa 13 kursi ( 158,446/11,982=13). Xisbiga Qansax wuxuu helay 41,885 cod udhiganta 4 kursi (41,885/11,982=3.49). Xisbiga, Qurac 7 xildhibaan Xisbiga Aqab 13 xildhibaan Xisbiga Qansax 4 xildhibaan Wadarta kuraasta 24 = (7+13+4) Nidaamkan Doorashada ayaa ah midka ugu habboon ee Soomaaliya ku fiican marka laga fiiriyo dhinac walba iyo duruufaha siyaasadeed iyo amni ee dalka kajira, cadaaladna kudhisan yahay, dadkana fahmi karaan, xisbiyada badana fursad u siinanaya in ay utartamaan doorashada, waxaa kaloo adag in lamusuqo deegaan doorashooyinka,isla markaana dabagal lagu sameyn karo qaladaadka ku yimaada hannaanka farsamada doorashada. W/Q: Abdirahim Ahmed Dhagey Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dowlada Sacuudiga qiratay dilka Suxufiga maalmahaani la la’aa ee Jamal Khashoggi ayaa waxaa arrintaasi baaqyo kala duwan kasoo saaray wadamo dhowr ah. Wadamadan oo gaaraya ilaa Shan iyo toban dal ayaa si mideysan ugu baaqay in si deg deg ah loo maxkamadeeyo shaqsiyaadkii soo abaabulay dilka Jamal Khashoggi. Dilka Jamal Khashoggi, ayey wadamadani ku sheegen inuu noqon doono mid ay dowlada Sacuudiga ku weyso xiriirka kala dhexeeya. Jeremy Hunt oo ah Xoghayaha arimaha dibeda Britain ayaa sheegay in ay ka taxadarayaan talaabada xigta oo ay qaadayaan,waxaana uu ku celiyay in ay waajib tahay in lala xisaabtamo kuwii ka danbeeyay. Angela Merkel, oo iyana ah Hogaamiyaha Jarmalka ayaa sheegtay in aysan aqbali karin sheegashada sacuudiga,waxaana ay ku baaqday in la maxkamadeeyo shaqsiyaadka la baahiyay ee lahaa abaabulka iyo dilka qorsheysnaa ee Jamaal. Madaxweynaha mareykanka Donald Trump oo ka hadlay ayaa sheegay in uu filanayay markii hore sharaxaada sacuudiga,waxaana uu tilmaamay in aan la aqbali karin waxa ka dhacay gudaha qunsuliyada. Sidoo kale, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dowlada Sacuudiga ugu baaqay in maxkamad lasoo taago shaqsiyaadka lahaa abaabulka dilka Jamaal. Hay’aduhu waxa ay dilka Jamaal ku sifeeyen mid arxan daro leh loo geystay saxafigan waxaana ay dalbadeen in uu cadaalada helo wariyaha la dilay. Wadamada carbeed gaar ahaan kuwa xulufada la ah sacuudiga,sida imaaraadka ayaa si muuqata kaga hadlin dilka saxafigan,marka loo eegoo wadamada yurub iyo mareykanka. Dilka saxafigaan ayaa dowlada sacuudiga waxay sheegtay in loo xiray 18 ruux oo ku lug lahaa sida ay qortay majalada The Washington Post. Dhinaca kale, Dowlada Turkiga ayaa lagu wadaa inay soo bandhigto cadeymo rasmi ah oo muujinaaya qaabka uu u dhacay dilka Jamaal. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Riyadh (Caasimada Online) – Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa shaacisay inay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan uu khadka Telefoonka kula hadlay Boqor Salmaan Bin C/casiis. Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadleen natiijadda baaritaanka dilka AUN Jamaal Khashoggi oo la filayo in Turkiga uu isna si rasmi ah u shaaciyo. Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa waxa uu wada-hadalkooda ku soo beegmay iyadoo Dowladda Sacuudiga qiratay mas’uuliyadda dilka Jamaal Khashoggi oo gilgilay dunida. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa shaacisay in 18 qof loo diray arrintaasi, Lana hor keeni doono Sharciga. Sidoo kale, dareewalkii Qunsulkii Sacuudiga ee magaallada Istanbul, Maxamed Al-cuteyba ayaa la sheegay inuu gacan ka geystay helitaanka maydka Saxafigii la la’aa tan iyo bishan October 2-dii. Dhinaca kale, Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan iyo Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa isla fahmay arrinta dilka Jamaal, waxa ayna sidoo kale isla meeldhigeen hanaanka shaacinta natiijada ay dowlada Turkiga ka heshay baaritaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Beijing (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar shaki galinaaya nolosha madaxii hore ee Hay’ada booliska aduunka ee Interpol Meng Hongwei kadib markii lagu eedeeyay xadgudubyo. Madaxii hore ee Interpol Meng Hongwei ayaa la sheegay in dowlada Shiinaha ay ula dhaqantay qaab ka baxsan sharciga kadib markii ay waxyeelo u geysteen. Haweeneyda u dhaxda Meng Hongwei oo lagu magacaabo ms Grace Meng, ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay ninkeeda oo aysan ka heyn macluumaad dhab ah. Ms Grace Meng, waxa ay sheegtay in dowlada Shiinaha ay si fool-xun ula dhaqantay ninkeeda, balse waxa ay shaki galisay nolosha ninkeeda, xili ay wareysi siineysay Idaacada bbc. Ms Grace Meng, ayaa sheegtay in aysan xaqiijin karin in uu nool yahay ninkeeda iyo inkale, waxa ayna carabaawday in mar hore ay ugu wardanbeysay. Sidoo kale, ms Grace Meng waxa ay tilmaantay in Meng Hongwei laga waayay Xabsiyada Shiinaha, hase yeeshee aysan xaqiijin Karin halka uu ku danbeeyo nolol iyo geeri. Ms Grace ayaa sheegtay in caruurteeda ay uga sheekeyso,in aabahood uu aaday safar dheer soona laaban doono. Dhanka kale waxay wax laga xumaado ku tilmaantay qaabka sharci darada ah,oo dowlada shiinaha ay ula dhaqmeyso shaqsiyaadka la mid ah Meng. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. 1969-kii 21ka Octobar oo ku beegan maanta ayeey aheeyd maalintii ay Soomaaliya ubilaabatay dumquraadiyaddii kajirtay dalkeena laga afduubay lana galiyay in awood ciidan lagu maamulo dalka. Waxaa xirmay xurriyaddii hadalka,xurriyaddii xisbiyada iyo xurriyaddii is’doorasho,waxaa hirgalay hal awood oo loogu magac daray kacaankii aniga unbaa idiin taliya. Marka loo fiiriyo xagga wanaagga dalku wuxuu cagta saaray in uu noqdo dal leh cudud Millatari iyo mid amni. Dhnaka kale waxaa dalka ka dhacay danbiyo aad u waaweeyn sida ~Sinnaanta rag iyo dumar oo aheeyd mid ka hor imaanaysay Aayaadkii ilaaheey maadaama aynu nahay dad Islaam ah kuna dhawaaqay Hogaankii talada haayay,dilalkii wadareedka ee kadhacay deegaanka Jaziira,dilalkii aadka u xumaa ee wadaaddada iyo duullaankii lagu qaaday dadka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda goballada waqooyi ee hadda lamagac baxay Somaliland. Soomaaliya 21sano oo ay kacaankaa gacanta ku heeysay ayaa si lama filaana kooxo ku hishiisan in latuuro xukunkaa jiray oo aan hishiis ku aheeyn waxa ka dambeeyn kara ayaa hirgalay ,waxaana dhacay musiibooyin waa weeyn oo gaartay is’aamin darro aan illaa hadda wali uusan ka kabsan dalkeena. Aragtiyada laga qabo Kacaanka ayaa ah mid aad loogu kala aragti duwnaa saxnaantiisa iyo qaladaadkiisa taasoo iyadana taagan wali. Soomaaliya kacaankii kadib waxay yeelatay 6-5 doowladood oo laba kamida aysan aheeyn Dowlado kumeel gaar ah. Dalku wuxuu lahaa dastuur leeysku raacsanyahay oo lasameeyay 1960kii kaas oo qorayay Jamahuuriyadda Dimquraadiga Soomaaliyeed. Sanaddii 2000 ayaa waxaa dalka Djabuti lagu laalay dastuurkii 1960kii oo intii ka qeeyb gashay carta badankood isku raaceen in la badalo,waloow ay jireen dalal qayb ka ahaa in dastuurkaa Soomaalida ka guurto . Federal ayaa dalka soo wajahay kaasoo laga hormariyay qaanuunkii lagu hagi lahaa . *Waa aragtideeyda gaaban inta aan garaysanahay . Mahadsanidiin! W/Q: Hassan Abdikadir Mudey Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Golaha iskaashiga madax goboleedyada ayaa ka hor-yimid doorashadii maanta ka dhacday magaalada Cadaado ee xildhibaanada Gamudug ay Axmed Baasto ugu doorteen madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug. Qoraal ka kooban 7 qodob oo ay golaha soo saareen, hoos ka aqriso. WAR-MURTIYEED Garowe TAARIIKH; 20-Oct 2018 Kulan deg dega oo hor dhac ah oo ay Golaha Iskaashiga Dowlad Gobleedyadu maanta ku yeesheen Magaalo Madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxay ka soo saareen War-Murtiyeed ku aadan Warka waxba kama jiraanka ah ah ee koox fidmo wadayaal ah ka soo saareen Magaalada Caddaado. Goluhu wuxuu cod dheer ku beeninayaa warka lagu sheegay in Madaxweyne cusub loogu doortey Dowlad Goboleedka Galmudug kaas oo ay hormuud ka yahiin koox fidmo wadayaal ah oo fadhigoodu yahay Cadaado gacan dhaqaalana ka helaya dowlada dhexe kuwaas isu bahaystey burburinta Galmudug. Dhamaan Beelaha wada dhistey Maamulka Dowlad Goboleedka waxay soo gaarsiiyeen Golaha fariin cad oo ay shakiga kaga saarayaan muqadisnimada madaxweynanimada Mudane Ahmed Ducaale Xaaf, sidaas darteed Madaxweynaha dhabta ah ee sida rasmiga ah dadka rer Galmudug u doorteen ee la aqoonsanyahay uu yahay Ahmed Ducale Xaaf. Goluhu wuxuu Dadka Somaaliyeed, UN, urur Goboleedka IGAD, iyo beesha caalamka ku war galinyaaa in dowlada dhexe ay ku hayso dadka iyo deegaanka Galmudug dagaal joogta ah oo lagu burburinayo Maamulka ay dadka rer Galmudug soo dhisteen ee hogaamiyo Mudane Ahmed Ducaale Xaaf iyagoo adeegsanaya kooxo ka baayac mushtara Colaadaha. Waxaa nasiib daro iyo wax laga naxo ah in iyadoo dalku ku jiro marxalad adag oo amni, dhaqaale iyo bulshso hadana uu hogaankii dalku ka shaqeynayo burburinta waxii yaraa ee bulshadu sameysatey taas oo dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay meel uga soo wada jeedsadaan si looga hortago in dib loogu noqdo waxii sababay meesha uu dalku hada marayo. Goluhu wuxuu ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalata abaabulada colaadeed ee dowlada dhexe ka dhex hurinayso beelaha wada dhistey Maamulka Galmudug taas oo hada qarka u saaran in ay faraha ka baxdo. Wuxuu Goluhu ka xunyahay in dadaaladii ku aadanaa xal u heilida khaliifkii u dhaxeeyey dowlada dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah oo ay hormuudka ka ahaayeen Aqalka sare ay fashilmeen iyadoo Guluhu mar walba diyaar u ahaa hadana u yahay in khilafkaas si nabad ah oo ay danta dadka iyo dalka ku jirto lagu xaliyo. Tani waxay ka markhaati ka caysaa sida dowlada dhexe uga go’aantahay burburinta nidaamka federaalka. Goluhu Wuxu ugu baaqayaan Urur Goboleedka IGAD, UN iyo beesha caalamka in lasoo faragaliyo xaalada si looga baaqsado in taladu faraha ka baxdo madaama dadaalkii Aqalka sare fashilmay. Dhammaad
  17. Madaxweynayaasha dowladaha kala ah Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa caawa ku sugan magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland oo uu wehliyo madaxweyne Cabdiwali Gaas oo martida loo yahay. Madaxda ayaa kulamo gaar gaar ah ku qaadanaya aqalka madaxtooyada dowladda Puntland oo ay ku sugan yihiin. Kulamada soconaya ayaa lagaga hadlayaa xaaladda wadanka iyo khilaafka kala dhaxeeya madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweynayaasha dowladaha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa diyaarado u qaatay Garoowe halka Madaxweynaha dowladda Galmudug Axmed Ducaalle uu safar dhulka ah oo uu kaga baxay Gaalkacyo uu Garoowe ku tegay isagoo ay galbinayaan gaadiidka dagaalka. Shirka Garoowe ee gollaha iskaashiga waxaa qeyb ka ahayn madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo kal hore magaalada Muqdisho ka sheegay in uu la heshiiyay dowladda federaalka ee uu hoggaanka u hayo madaxweyne Maxamed Farmaajo. Waxaa weli taagan khilaafka madaxda Villa Somalia iyo dowladaha xubnaha ka ah marka laga reebo Hirshabeelle iyadoo khilaafkaasi siyaasadeed uu gaaray heerkii u hooseeyay. Waxaa iyana jirta waanwaan aqalka sare uu ka dhex wado dowladda iyo maamullada oo ku aaddan sidii loo qabiijin lahaa khilaafka laba kacleeyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. War qoraal ah oo kasoo baxay Guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sarre ayaa lagu faray Villa Soomaaliya inay jawaab kasoo bixiso qodobo, kuwaasi oo xudun u ah in xal laga gaaro khilaafka dowlada Federaalka ah iyo maamuladda. Guddoomiyaha gollaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta u akhriyay qoraalkaan ayaa ugu horeyn xusay in madaxda maamul goboleedyadda ay ka codsadeen inay joojiyaan kulamadooda, taasi oo ay ka ogolaadeen. Mudane Cabdi Xaashi ayaa intaas raaciyay hadalkiisa, in madaxda dowladda Federaalka ay ku guuldareysteen in ay soo gudbiyeen jawaab la xiriirta cabashooyinka maamullada iyo mowqifkooda dhex-dhaxaadinta Gollaha. “Labo jeer ayaan waydiisanay [maamuladda] wayna naga ogolaadeen. Markii ugu dambeysay waxay ahayd 19-kii bishaan, mana aan waydiisan, maadaama dowladii aanan laga haynin wax jawaab ah,” ayuu yiri Gudoomiye Xaashi. Illaa 22-ka bishaan ayuu sheegay in ay ka sugayaan madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo xukuumaddiisaba jawaab cad oo arrinta khilaafka ku saabsan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Aqalka-Sare-Oo-Madaxda-Dowlada-Uqabtay-In-Muddo-Saddex-Maalin-ah-Ku-Cadeeyaan.mp3 HOOS KA AKHRISO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Protesters seeking a referendum on the final Brexit deal have attended a rally which organisers say was the "biggest" demonstration of its kind. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network ) – Kadib kulan ay maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sarre, waxaa laga soo saarey war-saxaafadeed, kaasi oo uu warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Ugu horeyntii, Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in tirro labo jeer ay ka dalbadeen madaxda maamul goboleedyadda inay hakiyaan kulamo ay yeelan lahaayeen, taasi oo uu xusay in laga aqbalay. Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu ugu baaqay madaxwayne Farmaajo inuu muddo saddex cisho ah, oo ka bilaabaneysa 20 illaa iyo 22-ka bishaan October, uu ku cadeeyo mowqifkiisa ku wajahan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada oo sababay inay xiriirka u jaraan. Afhayeenka Aqalka Sarre ayaa sidoo kale madaxwaynaha qaranka ku tartarsiiyay inuu bidhaamiyo aragtiisa ku aadan doorka uu Golluhu ka qaadanayo dhex-dhaxaadinta dowlada iyo dowladnaha xubnaha ka ah iyo hadii uu diyaar u yahay dhex-dhaxaadinta Aqalka. Hadalka Gudomiyaha Aqalka Sarre ayaa imaanaya xili lagu wado inuu magaalada Garowe uga furmo madaxda dowlad goboleedyadda kulankoodii Afaraad tan iyo markii la sameeyay Madasha Iskaashiga maamulada sanadkii hore 2017. Kulanka oo ay kasoo muuqan doonan Madaxwaynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo mar sii horey iska xaadiriyay xarunta Puntland, ayaa waxaa nan ka qaybeli doonin hogaamiyaha HirShabelle, kaasi oo heshiis la gaarey dowladda dhexe. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/10/Aqalka-Sarre-oo-fariin-culus-udiray-Madaxwayne-Farmaajo.mp3 The post Aqalka Sarre oo fariin culus u diray Madaxwayne Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Senior military officers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) are meeting in Mogadishu to review security operations in the Horn of Africa country, ahead of an upcoming Concept of Operations (CONOPs) conference, to be held later this month. The CONOPs guides all AMISOM’s military operations. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. Guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa shirkiisa Jaraa’id kaga hadlay halka uu ku dambeeyay dhex dhexaadinta uu Golaha Aqalka Sare ka dhex waday Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul Goboleedyada. Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in 17kii Bishii hore ay wufuud u direen Dowlad Goboleedyada,isla markaana ay ka keeneen warbixino la xiriira cabashooyin ay ka qabaan dowladda una gudbiyeen Xukuumadda Federaalka. Guddoomiyuhu waxa uu cadeeyay in XFS aan weli laga helin wax jawaab ah,isla markaana ay qaadatay waqti dheer hase yeeshee aan weli wax go’aan ah ka soo bixin dhinaca Xukuumadda. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya ay la daahday Mudadii loogu tala galay in ay jawaab siiso Golaha Aqalka Sare. Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada laga dalbanaayo in ay bixiyaan jawaab deg deg ah si loo soo Afjaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya loo qabtay laga bilaabo maanta ilaa 22 Bishaan in uu bixiyo Jawaab ku aadan Cabashadda maamul goboleedyadda ee loo gudbiyay. Sidoo kale, Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in Golaha Aqalka Sare uu Go’aan ka soo saari doono Aragtidiisa Khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada hadii Madaxweynaha ama Xukuumadda ay ku guul dareestaan labada qodob aan kor ku soo sheegnay. Docda kale, Gudoomiyaha ayaa xusay in maamul goboleedyadda ay dhowr jeer ka codsadeen in ay dib u dhigaan Shirka maamul goboleedyadda,islamarkaana ay aqbaleen laakiin dowladda dhexe ay ku guuldaraysatay in ay jawaab Bixio. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Ontario’s Progressive Conservative government will table a bill next week that strips returning terrorists of their driver's licenses and benefits, Premier Doug Ford and MP Dave Smith confirmed on Twitter Source: Hiiraan Online
  24. Senior military officers from the African Union Mission in Somalia (AMISOM) are meeting in Mogadishu to review security operations in the Horn of Africa country, ahead of an upcoming Concept of Operations (CONOPs) conference, to be held later this month. The CONOPs guides all AMISOM’s military operations. Source: Hiiraan Online
  25. Rhamu market in Mandera County will re-open this Sunday after six years of closure. Source: Hiiraan Online