Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,765
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Caasimada Online)—Somalia’s regional leaders have convened to hold fourth forum of the council of Inter-State Cooperation [CIC] in Garowe, capital of Puntalnd. The CIC conference is set to discuss on the interests of the regional states, current political deadlock, 2020 election, and security, said, Puntland President Abduweli Mohamed. Mohamed says the CIC conference had brought together the leaders of Puntland, Galmudug, Southwest, and Jubbaland in Garowe town. Earlier last month, the regional leaders announced to have cut all ties with the central government in a likely setback to efforts to pacify the Horn of Africa country as it emerges from two decades of conflict. The leaders accused the Federal government of “interfering” regional issues and “failed” to manage security of the country, said in the memo. The move by the regional leaders seems a potentially political setback in Somalia, amid on-going efforts to make peace in the war-revaged country. However, UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  2. Koox hubeysan ayaa maanta waxa ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla magaalada Gaalkacyo, waxaana ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliiska Galmudug. Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in Hal qof uu ku dhintey weerarkan iyadoo sidoo kalena ku dhaawacmay qof kale. Weerarkan ayaa yimid kadib markii la sheegay muran soo kala dhexgalay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada halkaasi ku sugnaa. Saraakiil u hadashay Booliiska Galmudug ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan raggii weerarkaasi soo qaaday, laguna hayo saldhigga magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlayay Shirka Golaha iskaashiga ee Dowlad Gobaleedyada ee Ka soconaya magaalada Garoowe ayaa ka hadlay amniga, waxaa uuna sheegay in Dowlad Goboleedyada looga baahan yahay in ay sameystaan Ciidamo u gaar ah. Ciidamadan ayuu Sheegay Madaxweyne Xaaf sidee ay ula dagaalame lahaayeen Al-Shabaabka ku sugan Soomaaliya. Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta gaar ahaan deegaanaa galmudug ayuu aad ugu dheeraaday, waxaa uuna eedeyn u jeediyay Dowlada dhexe ee Soomaaliya. Garoowe ayaa waxaa ka soconaya Shirka ay leeyihiin Hogaamiyaasha Maamul Gobaleedyada dalka ka jira, kaasi oo yimid xilli Cadaado lagu doortay madaxweyne labaad ee Galmudug ay yeelatay. Golaha iskaashiga madax goboleedyada ayaa ka hor-yimid doorashadaas shalay dhacday magaalada Cadaado ee xildhibaanada Gamudug ay Axmed Baasto ugu doorteen madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  4. Guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha K/galbeed. Magacaabis kadib, xildhibaannada K/galbeed ayaa codka u qaaday xubnaha guddiga oo ka kooban 27, iyagoo ugu dambeyn meelmariyey. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
  5. Dowlad gobobeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magacowday Guddiga doorashada Madaxweynaha maamulkaas oo dhaci doonta 17-ka bisha soo socota ee November. Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekunaa Maye, ayaa ku dhawaaqay Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka kooban 27 xubnood. Gudigan oo maanta Xildhibaanada Koonfur Galbeed la horgeeyay ayaa lagu ansixiyey cod aqlabiyad leh, waxaana ogolaatay 93 Xildhibaan, halka 13 Xildhibaan ay diideen. 17-kii bishan October ayaa faafiyay warqad been abuur ah oo ku qornaayeen 18 Xildhibaan oo ka tirsan Baralamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo lagu sheegay Guddiga doorashada Madaxweynaha, balse waxaa isla maalintaas beeniyay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye. Agaasimihii hore ee NISA Xuseen Cusmaan Xuseen oo ay aad isugu dhowyihiin madaxda dowladda federaalka Soomaaliya oo kamid musharaxiinta u tartamaysa doorashada madaxtinmada Koonfur Galbeed ayaa ah shakhsiga aadka loogu saa-daalinaayo in uu ku guuleysto daarashadaas. Magacaabida Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ku soo aaday iyadoo Madaxweynihii maamulkaas Shariif Sheekh Xasan uu shirka madaxda dowlad goboleedyada uga qeyb galayo magaalada Garowe. Hoos ka akhriso digreedata magacaabida Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo magacowday Guddiga doorashada Madaxweynaha appeared first on Puntland Post.
  6. Baydhabo (Caasimadda Online) – C/Qaadir Shariif Sheekunaa, Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed oo ka kooban 27 xubnood. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Guddiggaan ka kooban 27 Xubnood,loogu tala galay qabashadda Doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo Bisha soo socota 17-keeda lagu wado inay dhacdo. Gudigan oo Xildhibaanada la horgeeyay, ayaa Xildhibaanada waxa ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad leh, waxaana ogolaatay 93 xildhibaan , halka 13 Xildhibaan ay diideen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ay mid yihiin qaar kamid ah Isimada Puntland ayaa maanta gaaray degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Boqor Burhaaan Boqor Muuse iyo Isimada la socda waxaa duleedka magaalada Badhan kusoo dhoweeyay qaar kamida Isimada gobolka Sanaag, cuqaal, nabadoono, ganacsato, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Puntland, maamulka gobolka Sanaag, kan degmada Badhan, iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Dhinaca kale Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Garaad Cali Shire ayaa Boqorka iyo isimadii la socdey kusoo dhoweeyay qasriga Suldaanka ee magaalada Badhan, waxaana suldaanka soo dhoweenta ku wehelinayey Garaad Cabdulaahi Cali Ciid iyo cuqaaal kale. Safarka Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo waftiga balaadhan oo uu hogaaminayo ee Badhan ayaa daarnaa xalinta iyo soo afjarida dhacdadii uu ku geeriyoodey Alle naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil oo 21 Sepember 2018 ku geeriyoodey degmada Badhan. PUNTLAND POST The post Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo Isimo uu hogaaminayo oo gaaray Badhan appeared first on Puntland Post.
  8. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS ayaa maanta heshiis ku saabsan sida loo fulinayo Barnaamijyada waxbarashada madaniga ah iyo wacyigelinta bulshada ee Arrimiha Dastuurka la saxiixatay hay’ado ku guulaystay fulinta barnaamijyadaas, islamarkaana u furtay kulan wacyi gelin ah oo ku saabsan sidii ay iskula jaanqaadi lahaayeen hay’adahan iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka si bulshada loogu wacyi geliyo dib-u-eegiata Dastuurka. Ugu horrayn, agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr oo kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad guu ka bixiyay muhiimadda heshiisyada ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadaha Ku guulaystay fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wacyi gelinta dadwaynaha si loo daadajiyo howlaha wacyi galinta islamarkaana qof kasta oo soomaali ah uu wax ka ogaado muhiimadda dastuurku u leeyahay iyo in uu la socdo halka uu marayo geedi socodka dib-u-eegista dastuurka. Agaasimaha ayaaa sheegay in ay muhiim tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu barto muhiimadda dastuurku u leeyahay bulshada isla markaana uu fahmo xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinku, si taas loo fuliyana wasaaraddu waxay u wakiilatay hay’adihii fulin lahaa arrintaas kuwaas oo ku soo baxay si daahfurnaan oo caddaalad ah. Sidoo kale agaasimaha ayaa xusay in hay’ad kasta oo ku guulaystay barnaamijkan iyo wasaaraddu ay isla qaadan doonaan kulan saddex maalin ah hay’addiiba oo ku saabsan sidii la iskula jaanqaadi lahaa islamarkaana farriin midaysan loogu gudbin lahaa bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan. Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha Dastuurka mudane Dr. Hussein Abdi Elmi oo goobjoog ka ahaa saxiixa Heshiisyada ayaa kula dardaarmay ha’adaha ku guulaystay in ay si wanaagsan u gutaan howshooda isla markaana ay iska ilaaliyaan wax kasta oo baabi’in kara heshiiska. Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa xusay in wasraaddu ay ka go’antahay in la daadajiyo barnaamijyada wacyigalita dastuurka iyadoo la raacayo istaraatiijiyadda ay wasaaraddu u dejisay. ” Hay’adaha ku guulaytsay fulinta barnaamijkaan waxaa looga baahanyahay daahfurnaan, wasaaradduna waxay ku samayn doontaa korjoogtayn iyo qiimayn sida ay u fulinayaan barnaamijyadaas” ayuu yiri wasiir Hussein. Ugu dambayn wasiir ku xigeenka ayaa si rasmi ah u furay kulanka oo ku saabsan isla jaanqaadidda hay’adaha ku guulaystay fulinta waxbarashada madaniga ah iyo wasaaradda arrimaha dastuurka. Gabagabadii waxaa heshiika kala saxiixday wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo hay’adaha kala ah IIDA-oo ku guulaysatay Bulshada Rayidka, Talo-wadaag iyo PUNSAA- Haweenka, IFIYE iyo Somali Youth Vision (SYV)-dhallinyarada, Horn Connect- Ololaha Wacyigalinta Warbaahinta iyo Somali Media Production Center oo ku guulaystay soo saarista video Documentary -ga. PUNTLAND POST The post Waa kuwee Hay’adaha ku guuleystay waxbarashada madaniga ah iyo wacyigelinta bulshada ee Dastuurka? appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii, waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka, Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke. Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21- sano. Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikhyo badan ayaa noo sheegay in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen. Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay inay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidlo ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo markii dambee gacantooda ku sababsaday….Siyaad Barre waa i xiray, xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, Kacaan-diid ayaan ahaa Adeer…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”. Waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose. Waxaa La Mamnuucay Axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay Nidaam adag oo dadka xakameeyo. Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ah ayey uga faa’ideysteen saraakiishii dalka inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijkan u sheegay Fanaanka Caanka ah ee Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Naji Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah. Marka hore Kacaanka waxaa uu la wareegay Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka qaranka iyo Xildhibaanada oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal. Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac habeenka Kacaanka ayaa lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka idaacadda, inta uu waddada sii socday, Saraakiishii wadday iyo kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax iyo erayo kale oo la mid ah. Markii la geeyay idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in uu Kacaan dalka dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan. Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii” Heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa la soo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas. Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”. Waxyaabaha lagu amray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo u soo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin waddada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan. Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda. Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda. Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka. Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale. Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay. Hadaba Maxaa Lagu Xasuustaa Jaalle Siyaad: September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta. October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State. May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay Scoula Polisaia”. January 21, 1971: Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga. Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 qof oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo lataliye, Muddo 22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey Buugaagta Dugsiga dhexe xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal iyo 21 Shibbane. Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh, Barnaamijkan oo guuleystay waxaa uu dadka baray in ay wax qori karaan, waxaa uu sidoo kale hoos u dhigay Umminimada. 1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika, Shirka Madaxeedka Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu. January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975. Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii ayaa isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga. July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay. April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group) ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray. Maxamed Siyaad Waxaa la dhihi jiray Guulwade, Jaalle Siyaad iyo ereyo kale oo ku tusinaya in uu dadka sareeyo, dadka waxaa looga dhigay in uu yahay aabaha guusha, Waxaa uu jeclaa in aabo u noqdo hor-umar kasta oo dalka ka dhacaya, dhismo kasta oo maanta dalka waxtar u leh dhismayaal dowladeed, Dekado iyo Airportiyo, Jidad, isbitaalo, Jaamacado, Warshado, afka la qoro, wax walba isagaa ayaa bilaabay isla markaana dhameeyay. Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay January 27, 1991-kiikadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC, Barre waxaa uu Magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nageiria halkaas uu ku sugnaa ilaa uu ka geeriyooday January 2, 1995 magaalada Lagos ee dalka Nigeria. Xigasho: Idaacadda Goobjoog
  10. Garoowe (Caasimdda Online) – Shirka Madaxda Maamul Gobaleedyada ayaa Goordhow ka furmay Magaalada Garoowe ee Gobalka Nugal. Madaxweynayaasha Maamulada ,Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Magaalada Garowe, halka Maamulka Hirshabelle uusan ka qeyb galeynin Shirka ka dhacaya Magaaladaasi. Shirka ayaa Maanta waxaa looga hadli doono Arimaha Dastuurka, siyaasada dalka, doorashada 2020 iyo qodobo kale sida uu warbaahinta u sheegay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas. Gaba gabada Shirka ayaa la filayaa in ay warmurtiyeed ka soo saaraan Madaxda Dowlad Gobaleedyada ee ku shiraya Magaalada Garoowe.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku celshay mowqifkiisa ah inuusan ku qanci doonin sida ay boqortooyada Sacuudiga uga hadashay arrinta dilka suxufiga Jamaal Kaashogji. Donald Trump, waxa uu sheegay inuu qabo dareen ah in dhaxalsugaha Sacuudiga Bin Salmaan uusan macluumaad buuxa ka heyn dilka Kaashogji, balse uu xukuumada kula xisaabtami doono. Wargeysyada oo xiganaayay nuqulo kamid ah haddalka Donald Trump ayaa ahaa “Kuma qanacsani warbixinta tan iyo inta laga helayo jawaab cad waxaanu sugeynaa jawaab celinta Sacuudiga” Donald Trump, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa ku daray inay suuragal tahay in cunabatayn dhanka hubka ah lagu soo roggo Sucuudiga. Donald Trump, waxa uu sheegay in go’aankaasi ay dhibaato weyn u horseedi karto Mareykanka oo ka badan midda Sucuudiga uu la kulmi karo, sida uu hadalka u dhigay. Dowlada Donald Trump ee Mareykanka ayaa goor hore sheegtay in haddii la xaqiijiyo in Sacuudiga ay ku lug leeyihiin dilka saxafigan ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan. Taa bedelkeeda Jaraa’idyada kasoo baxa dalka Sacuudiga oo xiganaaya madaxda Xukuumada Sacuudiga ayaa sheegay in weriye Jamaal Kaashogji uu geeriyooday kaddib markii uu ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda gudaheeda xilli uu halkaasi joogay. Dhinaca kale, Donald Trump ayaa qaab khaldan ku taageeraya dowlada Sacuudiga waxa uuna doonayaa in kiiska dilka uu ka weeceyi dhaxalsugaha dalkaas Bin Salmaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa lagu waddaa in uu Saaka ka furmo Magaalada Garowe ee maamulka Puntland. Shirka ayaa waxaa ka qeybgali doona Hogaamiyayaasha maamulada Jubbaland, Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed oo dhammaantooda ku sugan Magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Shirka waxaa ka maqan Hogaamiyaha maamulka Hir-Shabeelle oo horay u qaadacay shirarka ay yeelanayaan Dowlad Goboleedyada. Shirkan ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inuu qabsoomo 10-kii bishan waxaana magalada Garoowe ku sugan martida shirka. Shirka ayey madaxda maamul Goboleedyada waxa ay uga hadli doonaan xaalada dalka ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasada,waxaana lagu wadaa in gaba gabada shirka laga soo saaro qodobo. Shirka qodobada diirada lagu saari doono ayaa waxaa xitaa kamid noqon doona khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada kaa oo sii xoogeysanayay, tan iyo markii maamul goboleedyada ay hakiyeen wada shaqeyntii Federaalka. Shirkaan ayaa lagu waddaa in laga soo saaro go’aamo adag oo ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya. Dhinaca kale, dowlada Somalia ayaan aqoonsaneyn qodobada kasoo bixi doona shirka maadaama uu jiro khilaaf sababay kala irdhoobida. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay go’doomiyeen deegaanno dhowr ah oo ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Maleeshiyaadkan ayaa lasoo sheegayaa inay wataan hub iyo gaadiid badan kuwaa oo doonaya qalqal galinta degmada Qoryooley, sida ay sheegen mas’uuliyiinta maamulka. Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmadaasi Maxamed Cabdi Gaashaan ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay go’doon ku hayaan deegaano dhowr ah. Maxamed Cabdi Gaashaan, waxa uu tilmaamay in Al-shabaab ay deegaanadaasi qaar biyaha Wabiga kusoo fureen, sidoo kalena qaarkood ay diideen in la galo ama laga soo baxo. Waxa uu intaa raaciyay Guddoomiye ku-xigeenka in maleeshiyada Al-Shabaab ay kordhiyeen duulaanka iyo weerarada ay ka wadeen degmada Qoryooley iyo dhammaan deegaanada ku dhow dhow. Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda degmada Maxamed Cabdi Gaashaan, oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa yiri “Al-shabaab waxay go’doomiyeen deegaannadii looga imaanayey Qoryooley, waxay ka dhigeen kuwo ay Wabiga ku daayaan iyo kuwo ay ciidan dul dhigaan”. Waxa uu intaa raaciyay “Habeen hore wey nasoo weerareen waana iska caabinnay, waxaadna moodaa in dhankeena ay culeys soo saarayan” Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa xili ay maleeshiyada Al-shabaab ay horey u go’doomiyeen deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Sh/hoose, Baay iyo Bakool. Caasimada Online Xafiiska Afgooye Caasimada@live.com
  14. Kacaankii Soomaaliya waxaa uu dhacay October 21, 1969-kii, waxaa hor-kacayey Jaalle Mohamed Siyaad Barre iyo Golaha sare ee Kacaanka, Kacdoonkan oo aanu dhiig ku daadan ayaa yimid kadib markii la toogtay Madaxweynihii dalka C/rashiid Cali Sharma’arke. Madaxweyne Cabdirashid Sharma’arke ayaa waxaa toogtay Mid ka mid ah ilaaladiisa October 15, 1969, Sharma’arke waxaa uu xilligaas booqasho ku joogay magaalada Laas-Caanood ee waqooyiga dalka, 5 Maalin kadib dilka madaxweynaha waxaa dalka Afgambi ku qabsaday Jaalle Siyaad iyo golihii Towradda oo dalka Soomaaliya Xukumayey 21- sano. Alahu Naxariistee Cali Berdura oo ka tirsanaa 13-kii SYL, isla markaana aan ka qornay Taariikhyo badan ayaa noo sheegay in loo yeeray Leegada habeenkii Kacdoonka, waxaa lagu wargaliyay in dalka uu ka dhacayo Kacdoon aanu dhiig ku daadan, loona baahan yahay in ay taageeraan towradda barakeysan, iskana iloobaan Xisbiga SYL iyo dhamaan wixii dalka ka dhacay 9-kii sano ee SYL talada hayeen. Cali Berdura waxaa uu yiri”Haa, waxaa jirtay inay noo yeereen Maxamed Siyaad, Kulmiye, Gabayre iyo Caynanshe, waxay noo sheegeen in dalka ka dhacayo inqilaab aan dhiig ku daadan oo dalka ay isbedel ka samaynayaan… aniga meel cidlo ah ayaan ka istaagay waxaa u sheegay in taariiqda xusi doonto khiyaanada ay wadaan…waxaa igu xanaaqay Gabayre oo markii dambee gacantooda ku sababsaday….Siyaad Barre waa i xiray, xitaa lacag uu ii balan qaaday aniga ayaa diiday, Kacaan-diid ayaan ahaa Adeer…wax xil inaan qabto walgeey ma jeclayn, daacadnimo ayaan intaan kusoo gaaray adeer”. Waxaa habeenkaas xabsiga la dhigay Madax badan oo ay ugu horeeyaan Madaxdii hore ee SYL( Sheekh Mukhtaar oo ahaa guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo Madaxweynihii hore Aden Cadde) iyo rag kale, Golihii Wasiirada, Xildhibaano iyo qaar Xukunkii SYL waxaa lagu xiray Beerta Sheekh Za’id ee Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose. Waxaa La Mamnuucay Axsaabta, isu soo baxyada iyo xitaa shirarka gaar ah, waxaana dalka lagu soo rogay Nidaam adag oo dadka xakameeyo. Dhank Raadiyaha iyo fanka si aad ah ayey uga faa’ideysteen saraakiishii dalka inqilaabka ka dhigtay, sida uu Barnaamijkan u sheegay Fanaanka Caanka ah ee Axmed Naaji Sacad. Axmed Naaji ayaa nooga sheekeeyay wixii dhacay habeenkii dalka Kacaanka ka curtay ee October 21, 1969-kii, Naji Waxaa uu sheegay in uu xiligaas uu isaga gacanta ku hayey 4 fure oo ka tirsan Istuudiyaasha Radio Muqdishu sida 1-baad, 2-baad, 3-xaad iyo 4-raad, habeenkaas in uu Kacaan dhalanaayo kama warqabin ayuu intaa raaciyay, waxaa xusid mudan in xiligaas aanu dalka ka jirin wax Telefishin ah. Marka hore Kacaanka waxaa uu la wareegay Radio Muqdishu kadibna Baarlamaanka qaranka iyo Xildhibaanada oo la dhihi jiray xiligaas Dipitaalayaal. Axmed Naaji 3:00 Habeenimo ama 9-saac habeenka Kacaanka ayaa lagu soo garaacay guriga, Waxaana loo waday dhanka idaacadda, inta uu waddada sii socday, Saraakiishii wadday iyo kuwa wadada jooga waxay la isku afgaranaayey waa Qurac, Qansax iyo erayo kale oo la mid ah. Markii la geeyay idaacadda Axmed Naaji waxaa uu halkaas ugu tagay Fanaaniintii dalka intooda badan oo iyagan hurdo loo diiday sida Daleys iyo Cali Suglle, halkaas ayaa loogu sheegay dhamaantood in uu Kacaan dalka dhashay, loona baahan yahay in ay dadka wacyi galiyaan. Fanaaniinta ayaa halkaas ku qoray Heestii ugu horeysay ee Kacaanka lagu ayidaayo oo Miraheeda ay Sameeyeen Cali Sugulle iyo Axmed Naaji, waxaa miraheeda ka mid ahaa”Ocotober waa duruur hilaacday, Soomaalida u da’day oo ay ku diirsadeen, Xoogibaa dadaaloo Xukunkii dalka heystee, anagana waan ku raacnay, Hambalyadii” Heestaah oo ay xifdinayeen ilaa 6-da subaxnimo xiligaas oo Idaacadda soo gali jirtay, waxaa kaloo uu noo sheegay in Habeenkaas xitaa la soo afduubay wadaadkii Quraanka ku furi jiray Idaacadda ee Sheekh Maxamed halka Wariye lagu magacaabo Cabdullahi uu warka ku furay Idaacadda subaxdaas. Idaacadda halkii laga dhihi jiray”Halkani waa Radio Muqdishu Codka Jamhuuriyadda, Waxaa lagu badalay halkani waa Radio Muqdishu Codka Umadda Soomaaliyeed”. Waxyaabaha lagu amray Wariyaasha waxaa ka mid ahaa in maalintaas aanay shaqaalaha dowladda shaqo u soo bixi Karin, Waxaa kaloo Idaacadda laga sheegay in Police aanu socon Karin waddada oo Ciidanka Militariga kaliya socon karaan. Khudbaddii ugu horeysay ee Siyaad Barre ee idaacadda ka jeediyo waxaa uu uga hadlay dhowr arin sida in hantida qaranka la lunsaday, in cashuurihii jeebka lagu shubtay, waxaa uu sheegay in Musuqa uu hareeyay dhamaan madaxda dowladda. Jaalle Siyaad waxaa uu shacabka u sheegay in dalka uu qarka u saarnaa in uu burburo, dhaqaale iyo Siyaasad ahaan kaliya ma ahee xitaa in ay dalka ku soo food lahaa dhibaato taariikheed iyo mid qaran, arintan ay ku dhalisay in dalka ay inqilaab ka sameeyaan, isagoo intaa ku daray in aan laga aamusi Karin in Madaxweynihii dalka uu dilo Askari yar iyadoo halkaas ay joogaa madaxdii dalka sida Gudoomiyaha baarlamaanka, isagoo balan qaaday in ay ka hortagayaan nin jecleysiga, Musuqa iyo Qabyaaladda. Golaha Kacaanka waxaa uu laalay Dastuurka dalka, waxaa uu kala diray dhamaan hay’adihii dastuuriga ahaa ee dalka, Sida xukuumaddii, Baarlamaankii, Garsoorkii, xitaa waxaa uu dalka ka mamnuucay siyaasadihii iyagoo dhamaam awoodihii gacanta u galiyay Madaxweynaha dalka. Jaalle Maxamed Siyaad waxaa uu nonqday Afhayeenka iyo hogaamiyaha Kacaanka isagoo Xogheyayaal ka dhigtay dadkii afgabiga ay isla wadeen sida Jamaca Cali Qorshel, Maxamed Ceynaashe, Xuseen Kulmiye Afrax, Ibrahim Megag Samatar, Maxamud Cabdi Caraale, Salaad Gabeyre iyo rag kale. Dadkii iska diiday Kacaanka, waxaa loo bixiyay”Kacaan diid” taas oo dadka ku dhalisay cabsi badan, waayo qofkii lagu tuhmo Kacaan diid, Waxaa lagula kici jiray falal xun oo xariga ugu roon yahay. Hadaba Maxaa Lagu Xasuustaa Jaalle Siyaad: September 1970: Maxamed Siyaad Barre Waxaa uu soo saaray xeerka 54-raad kasoo oo dhigiisu ahaa in qofka la iska xero karo sabab la’aan iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaa xiligaas aad looga cabsan jiray hay’adda sirdoonka ee NSS-ta. October 20, 1970: Jaalle Siyaad Barre ayaa sheegay in Soomaaliya noqotay Socialist State. May 5, 1971: Siyaad Barre waxaa uu xiray raggii ugu sareeyay Kacaanka sida General Salad Gabeyre oo ahaa ku xigeenka Maxamed Siyaad iyo aabihii Kacaanka, Waxaa kaloo la xiray General Maxamed Ainanshe, Labada nin waxaa laga saaray Golaha sare ee Kacaanka, waxaa sidoo kale laga dhigay dhamaan garaadihii ay heysteen markii dambana waxaa labadooda lagu toogtay Scoula Polisaia”. January 21, 1971: Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qoraayo Soomaaliga. Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 qof oo ah xeeldheerayaal Afafka ah iyo labo lataliye, Muddo 22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey Buugaagta Dugsiga dhexe xarfaha higgaadda Af-Soomaaligu oo ka kooban 5 Shaqal iyo 21 Shibbane. Ololihii Hor-umarinta reer Miyiga, waa tilaabo kale uu Siyaad Barre iyo maamulkiisa ku guuleysteen in Macaliinta xiliga fasaxa loo diro miyiga si dadka wax u baraan, waxaa kaloo laga faa’ideystay ardayda, Fanaaniinta iyo cid kasta oo aqoon leh, Barnaamijkan oo guuleystay waxaa uu dadka baray in ay wax qori karaan, waxaa uu sidoo kale hoos u dhigay Umminimada. 1974: Soomaaliya waxaa ay ku biirtay ururka Jaamacadda sanadkii 1974-tii, isla sanadkaan Waxaa uu Madaxweyne Barre uu noqday Madaxweynaha Midowga Afrika, Shirka Madaxeedka Afrika ayaa lagu qabtay magaalada Muqdishu. January 11, 1975 Madaxweyne Maxamed Siyaad ayaa soo saaray Xeerla Qoyska(New Family Law) kaas uu ku simay dhaxalka raga iyo haweenka, isagoo laayey culimadii ka hor timid go’aankiisa 23 January 1975. Golihii sare ee Kacaanka, Waxaa 1976-dii ayaa isku badalay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed, iyagoo isku dayey in ay is waafijiyaan Diinta dalka oo Islaam aheyd iyo aragtidan Shuuciyadda iyo hantiwadaaga. July 1977: Waxaa uu dagaal dhex maray dalkeena iyo Xabishida, Waxaa lagu dagaalayey waa dhulka haatan loo yaqaano Kilinka Shanaad, inta aan la gaarin September 1977-kii, Ciidamada qalabka ee dalkeena waxaa ay gacanta ku dhigeen 90% dhulkaas maanta loogu yeero Ogaadeeniya ilaa markii dambe ay xabishida usoo hiiliyeen Ruushka iyo Cuba, Soomaaliyana halkaas ku jabtay. April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. May 1988, Dad badan ayaa lagu dilay magaalada Hargeisa, reer Hargeisa waxaa ay ugu yeeraan Xasuuq, dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay dhibkaas, ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona. May 15, 1990: Rag lagu qiyaasay 114 qof oo isgu jira Culimaa’udiin, Ganacsato iyo Siyaasiyiin oo loo yaqaanay (Manifesto Group) ayaa Maxamed Siyaad u soo jeediyay in xilka isaga dago taas oo ku gacan seyray. Maxamed Siyaad Waxaa la dhihi jiray Guulwade, Jaalle Siyaad iyo ereyo kale oo ku tusinaya in uu dadka sareeyo, dadka waxaa looga dhigay in uu yahay aabaha guusha, Waxaa uu jeclaa in aabo u noqdo hor-umar kasta oo dalka ka dhacaya, dhismo kasta oo maanta dalka waxtar u leh dhismayaal dowladeed, Dekado iyo Airportiyo, Jidad, isbitaalo, Jaamacado, Warshado, afka la qoro, wax walba isagaa ayaa bilaabay isla markaana dhameeyay. Ugu Dambeyntii Jaalle Maxamed Siyaad Waxaa uu dalka isaga baxay January 27, 1991-kiikadib markii Caasimadda Muqdisho kala wareegeen Jabhaddii USC, Barre waxaa uu Magangalyo siyaasadeed ka helay dalka Nageiria halkaas uu ku sugnaa ilaa uu ka geeriyooday January 2, 1995 magaalada Lagos ee dalka Nigeria. FG:- Taariikhdaan waxaa isku soo uruurisay Goobjoog News, mana banaana inaad qaadato Adiga oo aan dhowreyn xuquuqda qoraalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal uu ka furmo shirka golaha iskaashiga ee dowlad goboleedyada oo ay ka qeybgali doonaan Afar madaxweyne. Waxaa magaaladaasi ku sugan madaxda maamullada Jubbaland, K/galbeed, Galmudug iyo Puntland oo martigelineysa shirkan. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadli doono waxaa ka mid ah arrimaha ku aadan khilaafka ka dhaxeeye dowladda federaalka iyo maamulladan shirsan. Dhanka kale, shirkan waxaa ka qeybgaleyn madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo la heshiiyey dowladda federaalka ah, isaga oo sheegay madaxda shirreysan aanay ku shiri karin magaca golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland ayaa shalay waxaa uu soo kormeeray fariisimaha ciidamada xoogga, isaga oo sheegay in sanadka soo socda-2019- dalka laga xoreyn-doono Al-shabaab. Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Daahir (Indha-Qarshe) oo saxaafadda la hadlay waxaa uu yiri “Waxaa Qorsheysan in laga xoreeyo sanadka soo socda, Al-shabaab in dalka laga xoreeyo, aadbey u qorsheysantahay, meelo badan ayaa laga bilaabey, waddooyinkan dhaadheer in la furo, Muqdisho Kismaayo la furo, Muqdisho ilaa Baydhabo la furo, Muqdisho iyo Baladweyne la furo, aadbey u qorsheysan yihiin, qeybo badan waa la bilaabey waad ogtihiin, Baladweyne ilaa Buulaburte waa la furay, mar dhow waa soo gaareysaa Xamar,haddana waxaa ku xigta Baydhabo Muqdisho, waxaa ku xigta Kismaayo ilaa Muqdisho, weyna furmaayaan waddooyinkaas inshaa-allaah”. Taliyaha waxaa uu sidoo kale ka hadlay inay diyaariyeen akaademiyad lagu tababaro saraakiil xigeenka, si haddii uu sarkaalka wax u noqdo, loo heli karo qof kale oo u diyaarsan inuu hoggaanka qabto, wuxuuna taliyeyaasha kula dar-daarmay inay soo diraan dad karti leh, oo u diyaarsan hoggaan. Arrinta uu sheegayo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Daahir (Indha-Qarshe) waxaa ay ka khilaafsantahay qorshaha madaxweyne Farmaajo oo marar badan sheegay inuu Al-shabaab ku soo afjarayo 2 sano, tusaale ahaan mudane Farmaajo waxaa uu yiri April sanadkan “Xaqiiqdii Al-Shabaab dhibaato ayay dalkaan ku hayaan marwalba maatida ayay qarxinaayan,waxayna au baahan yihiin in loo midoobo,waxana idin sheegayaa anaga oo wadajirna in mudo laba sano gudahood ah aan ku soo afjari karno dagaalka aan kula jirno Al-Shabaab”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ayaa ka hadlay farqiga u dhaxeyn kara doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo 2020-ka iyo sidoo kale kuwii hore ee dalka ka dhacay. Qaarkood ayaa qaba aragti ah in aanay jiri doonin farqi weyn oo kala duwanaanshiyo ah. Nidaamka hadda socda ayeey sheegeen inaanu ka duwanaan doonin kii hore, waxayna tusaalooyin usoo qaateen halka uu hadda marayo amniga dalka iyosidoo kale deegaannada la filayo in doorashooyinka ay ka dhacaan. Dhaqangalka doorasho qof iyo cod ah ayeey sheegeen iney tahay mid aad u adag. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/koonaa-maamul-goboleedyada.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Maamulka gobolka Hiiraan ayaa cabsi ka muujiyey in fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle, maadaama la guda galay xilli roobeydka Deyrta. Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in xilli walbo la filan karo fatahaad uu Wabiga ka sameeyo gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne. Waxa uu sheegay Dabageed in ay kala hadleen hay’adaha samofalka ah in ay haatan usii diyaar garoobaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka kahor inta aanay fatahaadu dhicin. “Hay’adaha waxay gurmadka keenaan marka dhibaatadu dhacdo oo wax la qaban karo aanay jirin, hadda fatahaad ayaa laga baqaa oo xilli walbo ah, waxaana u sheegnay hay’adaha in dadka gurmadka loo sii bilaabo kahor inta aanu dhibaato soo gaarin” ayuuyiri guddoomiyaha. Wabiga Shabelle ayaa inta badan fatahaad ka sameeya sanad walba deegaannada uu dalka ka maro, waxaana fatahaadaasi ka dhashay dhibaatooyin badan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa lagu wadaa in maanta uu soo magacaabo guddiga doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi. Kulan lagu ballansan yahay iney isugu yimaadaan xildhibaannada K/galbeed ayuu kaga dhowaaqi doonaa guddoomiyaha xubnaha guddigan. Guddigan ayaa ka koobnaan doona oo kaliya xildhibaannada baarlamaanka K/galbeed, iyadoo magacaabis kadib ay xildhibaanna cod gelin doonaan. Waxaa jirta walaac ay qabaan qaarka mid ah musharraxiinta oo ku saabsan in guddiga lasoo magacaabayo yahay mid dhan ah oo aan loo dhammeyn. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa go’doomiyey deegaanno dhowr ah oo ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose. Maxamed Cabdi Gaashaan oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmadaasi ayaa Goobjoog News u sheegay in Al-shabaab ay deegaannadaasi qaar biyaha Wabiga kusoo fureen, sidoo kalena qaarkood ay diideen in la galo. Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka, in sidoo kale Al-shabaab ay kordhiyeen dagaallada ay kusoo qaadaan degmada Qoryooley, iyadoo weerarkii ugu dambeeyey uu dhacay habeen ka hor. “Nimanka Al-shabaab waxay go’doomiyeen deegaannadii looga imaanayey Qoryooley, waxay ka dhigeen kuwo ay Wabiga ku daayaan iyo kuwo ay ciidan dul dhigaan, habeen hore wey nasoo weerareen waana iska caabinnay, waxaadna moodaa in dhankeena ay culeys soo saarayaan” ayuu yiri Gaashaan. Al-shabaab ayaa horey u go’doomiyey deegaanno dhowr ah oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Sh/hoose, Baay iyo Bakool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Political leaders from Mandera have pledged to work with the national government to fix the terrorism menace that has negatively affected the county. Source: Hiiraan Online
  22. Turkey's agriculture and forestry minister has said construction of the "Ambouli Friendship Dam" in Djibouti is halfway through. Source: Hiiraan Online
  23. Parents in London’s Somali community are concerned for their sons’ welfare – and some have even sent their children out of the capital Source: Hiiraan Online
  24. The Mandera County is grappling with a measles outbreak that has left two people; a child and an elderly woman dead. Source: Hiiraan Online
  25. Ethiopia is adopting electronic electoral system in the next elections, according to the National Electoral Board of Ethiopia (NEBE), FBC reports. Source: Hiiraan Online