Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,763
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Sida lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaa xilkii lagaga qaaday guddoomiyihii degmada Baladweyne. Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cali Caadle ayaa xilka guddoomiyaha magaalada Baladweyne ka qaaday Maxamed Cismaan Qallaafoow, isagoo u magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim(Foodcadde). Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Sufuroow xilka laga xayuubiyay loona magacaabay Yuusuf Axmed Dabageed. HOOS KA AKHRISO: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wararka naga soo gaaraya degmada Xeraale ee gobolka Gal-Gaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo ay ku waxyeeloobeen caruur aad u da’yar. Qaraxaan ayaa ahaa miino dhulka ku aasneyd oo ay gar garaaceen caruur islamarkaasina ku qaraxday. 1 Wiil ayaa geeriyooday halka 3 kalena ay miinadaasi ku dhaawacmeen mid kamid ahna uu aad u liito xaaladiisa caafimaad. Mid kamid ah dadka ku sugan degmada Xeraale oo goordhow la hadlay Puntland post ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka dhacdadaasi ay u dhacday. Qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabtay falalka ceenkaan oo kale ah oo ay caruur ay ku waxyeeloobaan miinooyinka haraadiga ahaa ee dagaalada dalka ka dhacay ka haray. Hoos ka DhageeysoCodka Goobjoogaha Waxaa wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo katirsan PP. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Goob-Jooge-Xeraale-By-Cowke-.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax Miino oo Caruur ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay Gobolka Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Dowlada Somalia Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa maanta kulan la qaatay ehelada iyo Xildhibaanada ku matala Golaha Shacabka dad shalay dhimasho iyo dhaawac ka gaaray howlgal Ciidamada Dowladda ay ka sameeyeen Degmada Wadajir. Waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamada oo Jid-cakaaro hawlgal burburin dhismayaal sharci daro ka waday ay weerar kala kulmeen rag hubeysan oo ka mid ah dadka degan halkaasi. Wasiirka Amniga waxa uu sheegay inaanu ka warqabin howlgalkaasi khasaaraha geystay balse taa bedelkeeda waxa uu tilmaamay inuu sameynaayo baaritaano degdeg ah. Wasiir Ducaale, ayaa sheegay in aan la qaadan doonin in lagu xadgudbo dad shacab ah isla markaana aan lagu soo wargalin howlgalkaasi isaga oo mas’uul ka ah amniga. Ducaale, waxa uu sheegay inaanu aqbali doonin in magaciisa lagu dhibaato dad shacab ah, waxa uuna ku dhawaaqay in dowlada Somalia ay dhacdadaasi ku sameyn doonto baaritaano degdeg ah. Nuqul kamid ahaa haddalkiisa ayaa ahaa “Cadeymo ayaan radin doonaa gaal iyo muslim waxay qabaan qofka dhaawaca ah in la daaweeyo Shabaab xitaa hadii uu yahay, marka taas balan waaye talaabo ayaan ka qaadi doonaa, aniga oo amniga masuul ka ah marnaba ma rabo in magaceyga dad lagu dhibateeyo.” Arrintaani ayaa cirka gashay kadib markii raggii dhaawaca ahaa ee la dhigay isbitaalka Madiina ay la baxeen ciidamada ammaanka, waxayna taasi qasabtay in kulan deg deg ah ay yeeshaan wasiirka amniga iyo ehelada raggii dhibaatada ay soo gaartay. Dhinaca kale, amarka lagu weeraray dadkaasi ayaa la sheegay inuu bixiyay Taliyaha booliska qeybta gobolka Banaadir ninka lagu magacaabo Saadaq Joon. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. Garoowe (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa si kulul uga hadlay faragalin uu sheegay in dowlada Somalia ay ku heyso maamulkiisa. Hogaamiye Xaaf oo khudbad ka jeedinayay shirkii maanta u furmay Golaha Iskashiga ayaa sheegay inay muhiim tahay in dowlada Somalia ay faraha kala baxdo arrimaha Galmudug. Waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu yahay mid dhisan,isla markaana aysan jirin Galmudug kale, waxa uuna carab ***** ineysan qasnaan doonin Galmudug oo keliya. “Haddii la qaso Galmudug ama la ololiyo howlaheeda oo nalaga daba shaqeeyo dowladu ha ogaato inaanu degnaan doonin magaalada Xamar” Xaaf, waxa uu sheegay inuu ku talinayo in shirweyne loo qabto dowladna loo dhiso Galmudug,isaga oo dowladda Federaalka ku dhaliilay inay ku fashilantay Amniga dalka. Waxa uu mar kale yiri “Dowlada naga dhaafto dhibta waxaan u xaqiijinayaa in hadii ay Galmuudg Gubato Xamar nabad ma ahaaneyso” Sidoo kale, Xaaf ayaa tilmaamay in dowlada Somalia ay sabab u tahay qaska iyo dhibta ka dhex jira madaxda Galmudug, hase yeeshee waxa uu ku baaqay in nabadda loo ogolaado Galmudug. Haddalka Xaaf, ayaa u muuqda mid hanjabaad ku ah xasiloonida magaalada Muqdisho, balse waxa uu noqonayaa mid fasiraado kala duwan laga bixinaayo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa qoraal ay soo saartay maanta waxay ku sheegtay in gogoshii uu fidiyay Madaxweyne Farmaajo ay weli sideedii tahay, isla markaana dowladda Federaalka ah ay diyaar u tahay inay dhageysato kana garawdo wixii cabashooyin ah ee jira. Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa mar kale lagu sheegay in doorashooyinka baarlamaanada iyo madaxda dowlad-goboleedyada ay ku qabsoomaan xilligii loogu tala galay, una dhacaan si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka. Sidoo kale, qoraalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay laga dalbaday in Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumadda Khayre ay muddo saddex maalin ah uga jawaabaan baaqii ahaa inay la fariistaan maamullada dalka si loo soo af-jaro khilaafka u dhexeeya. Ugu dambeyn, qoraalka Wasaaradda oo ka kooban afar qodob oo muhiim ah ayaa waxaa ka mid ah. In Dowladda Federaalka ah iyadoo ixtirmaanaysa Dastuurka dalka u yaalla ay aamisan tahay in muran walba lagu dhameeyo wada-tashi. AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DF: PUNTLAND POST The post DFS oo qoraal xasaasi ah u dirtay dowlad goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  6. Seven years since Kenyan troops entered Somalia to combat Al-Shabaab militants, Mandera Town is yet to enjoy peace. Source: Hiiraan Online
  7. Twelve people have been killed since last week by a fierce tropical storm in Yemen’s eastern Mahra province, according to a local health official. Source: Hiiraan Online
  8. Garoowe (Caasimadda Online) – Sharif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo maanta ka hadlay furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in dhib laga abuuro Galmudug. Madaxweyne Sharif oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Galmudug in la dhibaateeyo sax ma aha, Galmudug sidii lagu dhisay waa la ogyahay oo is-jiid-jiidkii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay, wixii ka dhaxeeyey Puntland iyo Galmudug maalintaas, wixii maalintaas ka dhaxeeyey Ahlu sunna iyo Galmudug, haddii intaas inta la dhameeyey, dhibaato kale la abuuro, waa nasiib darro, waxaan ugu baaqeynaa in arrintaas laga waantoobo”. Dhinaca kale, Mr. Sharif mar uu ka hadlyey amniga wuxuu yiri “Dhinaca amniga waa la sheegay, in badan ayaan ku celcelinay, Shabaab dhibaatooyin badan ayuu dalku ku hayaa, marka waxaa noo muuqata in dowladda dhexe aysan arrinkaas dhibaato badan ku heynin Shabaab in lala diriro, haddii Shabaab lal diriri waayana umadda Soomaaliyeed dhibaato kama baxayaan’. Shirkan oo ka socda ayaa lagu wadaa inuu ka soo bixi-doono war-murtiyeed ka adag midkii Kismaayo, iyaga oo ka war sugaya sida ay dowladda uga jabaato fariinta aqalka sare. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  9. Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, C/Weli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka hadlayey furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, oo ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in xaaladda amniga aaney dhoweyn. Madaxweyne Gaas oo arrinkan ka hadlayo wuxuu yiri “Xaaladda Soomaaliya amniga ma dhowa, waxaa ay u baahantahay fikirka hadda jira ee nabad galyada in wax laga badalo, Suurtagal maanta ma aha in la yiraahdo Soomaaliya waxaa jiro 26 kun oo ciidan ah iyo inta oo kale ama ka badan oo AMISOM ah, wax ka yar 7,000 ama 6,000 oo wiilal, oo isleenahay waa laga tiro badanyahay, waa laga taageero badanyahay, waa laga shacbiyad badanyahay, oo awood heysan ay shido ay dalka ka wadaan, oo in badan oo ka mid ah gacanta ku hayaan”. Dhanka Doorashada waxaa uu sheegay in qaabka ay noqoneyso ay su’aalo badan ka taaganyihiin, loona baahanyahay in laga heshiiyo, horayna looga socdo isaga oo intaasi raaciyey “laakin sheeko hal dhinac ka socoto oo keliya, oo dhanka ay rabto u jeedsataa, ma soconeyso”. Shirka oo todobaadkan ka soconaya Puntland, waxaa kale oo looga hadli-doonaa qeybiga kheyraadka iyo arrimo kale oo muhiim u ah federaaleynta. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  10. Axmed Madoobe, madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo ka hadlay shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka socda Garoowe ayaa ku dheeraaday arrimaha amniga isaga oo sheegay in dowladda federaalka ah aaney u socon la dagaalanka Al-shabaab, oo laga yaabo inay wada hadal kula jirto. Mudane Madoobe oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Arrimaha amniga waxaan isleeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee shir walba laga hadlo, waa laga hadlaa amniga, waa la calaacalaa, waxbaa laga sheegaa, waxna kama socdaan, xogga waxaa igu yara cusub, dowladaha Soomaalidu marka hadda dowladdii Cabdillahi Yusuf qolada muqaawamada Djibouti loo xuubsiibanayey, hoosbaa wax laga guri jiray, malaha dowladdu waxbaa hoos laga guraayoo, qolada Shabaabku heshiisbaa ka soo socdoo, dagaalkaa la diidanyahay baan is leeyahay, armaan xilli kala guur ah ku jiraa oo innaga degdegeynaa ayaan is leeyahay….ma jiraa in lala dagaalamo waa maya, taasi waxaa ay keentay jidkii Maka Al-mukarama oo awal isaga la mari jiray in isaga meel walbo laga xiray isaga laftiisa lagu socon waayo, Mudane Axmed oo ka hadlayey doorashooyinka waxuu yiri “Arrinta doorashooyinka guddi malaha, dowldda dhexe keligeedna ma laha, waxaan ku heshiina ma jirto, waxaan ku heshiinay mabaa’iid, laakin wax la yiraa hal deegaan doorasho waxbo kama jiraan, ma aha wax ay cidi yeeri karto…ma gaari karaan, cid gooni kuma qanci karto Soomaaliya doorasho noocaas iyo noocaas ayaa dhaceyso, oo aan inta naga waxba ka ogeyn, Soomaaliya kama dhici kareyso, horay ugama soo dhicin, maantana kama dhacesyo, talada wadanka waa naga dhaxeysaa, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxaa uu ka hadlay sida ay hoggaan cusub ku dooran karaan “Waxaa ay ila tahay mas’uuliyadda la saaray waa garaneynaa, dowladdana waa ku boorineynaa inay dib u soo noqoto, ay timaado miiska wada tashiga, CIC dhismaheeduna waa shey muqadas ah, meel looga wareeganayo ma leh waa dastuuri, haddii ay intaa ka sii tagtana, wax ka weyn oo kale ayaa sii dooraneyaa may be inaan hoggaan sameysanno ayaa laga yabaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. MOGADISHU (Caasimada Online)—The President of Galmudug state of Somalia has asked to recruit especial regional states’ soldiers in their territories, amid rising attacks by Al-Shabaab in the horn of Africa war-torn nation. The President Ahmed Du’alle Gelle urged regional leaders to facilitate the recruitment program in Somali semi-autonomous regions. Sunday’s announcement was made after fourth forum of the council of Inter-State Cooperation [CIC] kicked off in Garowe, capital of Puntalnd. He said the new soldiers would fight against Al Qaeda linked Al Shabaab group battling the weak-western backed government of Somalia. It is unclear whether the Federal member States agreed latest request by Somalia’s Galmudug President. Mr. Gelle Meanwhile, he The Mr. Gelle accused the central government of creating political tension in Galmudug State, saying that the Federal government had failed to manage security of Somalia. Last month, Somalia’s state leaders accused central government of interfering regional issues and cut all working relationships with the Federal government, amid on-going political rifts. The country’s regional leaders also chose to boycott a National Security Council meeting scheduled for Sept. 17 and 18 in Somali capital Mogadishu. There was no immediate comment from the Federal government over the latest allegation. The accusation comes after fourth forum of the council of Inter-State Cooperation [CIC] in kicked off on Sunday in Garowe, capital of Puntalnd. The remarks come as Somali military announced to launch major joint military offensive against Al Qaeda linked Al Shabaab in south and central Somalia. The country has struggled with civil war for decades, and AMISOM has been active there since 2007. However, UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  12. Axmed Geelle Xaaf, madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayey shirka 4aad ee golaha dowlad goboleedyada uga socda Garoowe ayaa ku dheeraaday sida ay dowladda dhexe u hurineyso dhibaatada Galmudug, gaar ahaan waxa ka socda Cadaado. Madaxweyne Xaaf waxaa uu sidoo kale ku baaqay in dowlad goboleedyada ay sameystaan ciidamo u gaar ah, oo ay ka maarmaan ciidamada xoogga dalka, isaga oo arrintaasi ka hadlayo wuxuu yiri ” Waxaan aad iyo aad u soo dhoweynayaa, oo aan jeclaan lahaa in golaha iskaashigu uu sameysto ciidamo u gaar ah, oo innaga iyo Puntlad waan isku dhownahaye aan bilowno, Jubbaland iyo South west bilaabaan si aan uga maaranno ciidamada aan la gareyn meesha ay joogaan ee SNA la yiraaho”. Shirka oo todobaadkan ka soconaya Puntland, waxaa kale oo looga hadli-doonaa qeybiga kheyraadka iyo arrimo kale oo muhiim u ah federaaleynta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arirmaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ayaa qodobo xasaasi ah kasoo saartay Khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada. Wasaaradda ayaa caddeysay in kulankii uu Madaxweynaha ku baaqay inay isugu imaadaan Dowladda iyo Maamulada uu weli sidiisa yahay isla markaasna ay dowladda Diyaar u tahay xallinta Khilaafka taagan. Wasaaradda ayaa sidoo kale ku baaqday in sida Dastuurka uu qabo Khilaafkaan ay xal ka gaaraan Dowladda iyo Maamul Goboleedyada isla markaasna aan lo baahneyn Dowlado Shisheeyey. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada kasoo baxay Wasaaradda
  14. Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, C/Weli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka hadlayey furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, oo ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in xaaladda amniga aaney dhoweyn. Madaxweyne Gaas oo arrinkan ka hadlayo wuxuu yiri “Xaaladda Soomaaliya amniga ma dhowa, waxaa ay u baahantahay fikirka hadda jira ee nabad galyada in wax laga badalo, Suurtagal maanta ma aha in la yiraahdo Soomaaliya waxaa jiro 26 kun oo ciidan ah iyo inta oo kale ama ka badan oo AMISOM ah, wax ka yar 7,000 ama 6,000 oo wiilal, oo isleenahay waa laga tiro badanyahay, waa laga taageero badanyahay, waa laga shacbiyad badanyahay, oo awood heysan ay shido ay dalka ka wadaan, oo in badan oo ka mid ah gacanta ku hayaan”. Dhanka Doorashada waxaa uu sheegay in qaabka ay noqoneyso ay su’aalo badan ka taaganyihiin, loona baahanyahay in laga heshiiyo, horayna looga socdo isaga oo intaasi raaciyey “laakin sheeko hal dhinac ka socoto oo keliya, oo dhanka ay rabto u jeedsataa, ma soconeyso”. Shirka oo todobaadkan ka soconaya Puntland, waxaa kale oo looga hadli-doonaa qeybiga kheyraadka iyo arrimo kale oo muhiim u ah federaaleynta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Sharif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo maanta ka hadlay furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in dhib laga abuuro Galmudug. Madaxweyne Sharif oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Galmudug in la dhibaateeyo sax ma aha, Galmudug sidii lagu dhisay waa la ogyahay oo is-jiid-jiidkii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay, wixii ka dhaxeeyey Puntland iyo Galmudug maalintaas, wixii maalintaas ka dhaxeeyey Ahlu sunna iyo Galmudug, haddii intaas inta la dhameeyey, dhibaato kale la abuuro, waa nasiib darro, waxaan ugu baaqeynaa in arrintaas laga waantoobo”. Dhinaca kale, Mr. Sharif mar uu ka hadlyey amniga wuxuu yiri “Dhinaca amniga waa la sheegay, in badan ayaan ku celcelinay, Shabaab dhibaatooyin badan ayuu dalku ku hayaa, marka waxaa noo muuqata in dowladda dhexe aysan arrinkaas dhibaato badan ku heynin Shabaab in lala diriro, haddii Shabaab lal diriri waayana umadda Soomaaliyeed dhibaato kama baxayaan’. Shirkan oo ka socda ayaa lagu wadaa inuu ka soo bixi-doono war-murtiyeed ka adag midkii Kismaayo, iyaga oo ka war sugaya sida ay dowladda uga jabaato fariinta aqalka sare. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Waxa ay dadku isweydiinayaan sababta ay maamul goboleedyadu u gadoodsan yihiin isla markaana xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya. Si dadka Soomaaliyeed u fahmaan xaqiiqada ka danbaysa diidmada Dowlad Goboleedyada ee Dowladda Federaalka, waxaa lagama maarmaan ah inay ogaadaan arrimaha soo socda: 1) Dowlad Goboleedyadu waxay jecel yihiin inay u dhaqmaan sidii dowlad madaxbannaan! Dowlad Goboleedyadu waxay had iyo goor jecel yihiin inay u dhaqmaan sidii dowlad madaxbannaan oo si toos ah ula tacaamusha caalamka intiisa kale. Waxay baalmaraan oo ay ku tuntaan qodobbo dastuuri ah oo dhigaya in dowladda dhexe ay leedahay masuuliyadda xiriirka arrimaha dibedda. Dowladda Federaalku, iyada oo ka duulaysa qodobbadaas dastuuriga ah, isla markaana dhawraysa sharafta iyo madaxbannaanida Soomaaliya ayay ka shaqaysay sidii dowladaha caalamka loogu qancin lahaa inay joojiyaan la tacaamulka tooska ah ee maamul goboleedyada, taas beddelkeedana ay arrimaha Soomaaliya uga danbeeyaan dowladda dhexe. Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ha dowladaha sida tooska ah ula xiriiri jirey maamullada dalka, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa arrintan kala hadlay RW cusub ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ka dib booqashadii uu ku yimi magaalada Muqdisho. Arrintaas ayaa walaac iyo walbahaar ku abuurtay madaxda maamul goboleedyada, oo sidii uu Mudane Xaaf, Madaxweynaha Galmudug, hore u qirtay “U qadhaabsi tegi jirey” dalka dibeddiisa. 2) Maamul goboleedyadu waxay u barteen hannaan maaliyadeed oo fowdo ah! Maamul goboleedyadu waxay u barteen hannaan maaliyadeed oo fowdo ah inay kula tacaamulaan hay’adaha gargaarka bixiya iyo dowladaha lacagta ugu deeqa Soomaaliya. Dowladda Federaalka oo ka duulaysa midaynta hannaanka maaliyadeed ee waddanka ayaa fartay dhammaan hay’adaha iyo dowladaha deeqaha bixiya inay si toos ah ula xiriiraan dowladda dhexe, deeqahana ku soo hagaajiyaan. Dowladda ayaa dabadeed dajisay hannaan uu maamul goboleed kasta ku helayo saamiga uu ku leeyahay deeqaha uu waddanku helo. Arrintann ayaa ka caraysiisay madaxda maamul goboleedyada oo aan jeclayn in Soomaaliya ay yeelato dowlad dhexe oo ka soo baxda masuuliyadaha dastuuriga ah ee u yaalla. Taas beddelkeeda, madaxda maamul goboleedyadu waxay doorbidaan dowlad dhexe oo oo tamar daran isla kolkaasna aan awood u lahayn inay si buuxda u maamusho idil ahaan dalka. 3) Maamul goboleedyadu ma jecla isla xisaabtanka! Maamul goboleedyadu waxay la qabsadeen nidaam isla xisaabtan la’aan ah oo ay siday doonaan u maamulayaan deegaanka hoos yimaadda iyo sidoo kale deeqaha ka soo gaara dalka dibeddiisa. Dowladda dhexe, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda ayaa bilawday qorshe lagu dabagelayo deeqaha iyo lacagta la siiyo maamul goboleed kasta, waxayna madaxda maamul goboleedyada ka dalbatay inay xisaab celin u soo gudbayaan Wasaaradda, si loo ogaado lacagtii la siiyey meesha ay ku baxday. Madaxda maamul goboleedyada ayaa dabadeed sida fiinta uga qayliyey tallaabadan, maaddaama oo ay lacagaha la siiyo u maamulaan qaab aan sharciga waafaqsanayn oo uu ku dheehan yahay musuqmaasuq iyo isdabamarin! 4) Madaxda maamul goboleedyadu waxay doonayaan muddo kororsi! Waxa xusid mudan in badi madaxda maamul goboleedyada hadda gadoodsan sida Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ku jiraan muddooyinkii ugu danbeeyey ee muddo-xileedkooda, isla markaana looga baahan yahay inay dhawaan doorasho cusub galaan. Madaxda maamul goboleedyadani waxay xaqiiqsan yihiin in shacabka deegaamadoodu ay ka daaleen musuqmaasuqooda iyo maamul xumidooda, isla markaana ay adag tahay inay dib ugu soo laabtaan xukunka. Sidaasi awgeed, qaabka ugu sahlan ee ay kursiga ku sii haysan karaan waa inay muddo korodhsi sameeyaan. Si haddaba tani aanay u suurtagelin, waxay talo ku jaangooyeen inay dowladda dhexe la diriraan maaddaama oo aanay raalli ka ahayn damacoogan sharciga baalmarsan. La dagaalanka ay dowladda dhexe ku bilaabeen iyo xiriirka ay u jareen waxay qayb ka tahay fulinta ajendahoodan qarriban. 5) Maamul goboleedyadu waxay khalad fahmeen nidaamka Federaalka! Badanka waxaan maqalnaa madaxda maamul goboleedyada oo ku doodaya in dowladda dhexe ay ka soo horjeeddo nidaamka Federaalka, balse taas beddelkeeda, xaqiiqadu waxay tahay in maamul goboleedyadu ka dagaalamayaan in la helo dowlad dhexe oo guud ahaan dalka taladiisa looga danbeeyo. Sidoo kale, waxa xaqiiqo ah in maamul goboleedyadu khalad fahmeen nidaamka Federaalka ee uu waddanku qaatay, oo waxayba aaminsan yihiin inay u dhaqmi karaan sidii dowlad madaxbannaan oo aan hoos iman talada dowladda dhexe. Tusaale ahaan, dagaalka maamul goboleedyada ee ka dhanka ah dowladda dhexe waxa uu soo bilawday markii dowladda dhexe ay ka soo horjeesatey heshiis shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World ay la gashay maamullada Somaliland iyo Puntland. Dowladda dhexe waxay shirkaddan ku eedaysay inay baalmartay shuruucda waddanka u taalla, isla markaana aanay soo marin dowladda dhexe oo ay masuuliyaddeeda tahay gelidda heshiisyada noocan ah. Cabduwali Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa dabadeed bilaabay inuu dowladda dhexe mucaarado, wuxuuna markiiba u safray dalka Imaaraadka, ulana kulmay madaxda dalkaas iyo kuwa shirkadda labadaba. Sidaasi awgeed, maamul goboleedyadu ma doonayaan in dowladdu xoogaysato oo ay si buuxda u jaangoyso talada dalka! W/D: Cabaas Cali Xasan Filimside@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  17. Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee shirku uga furmay Garowe Maanta waxaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland ka furmay shirka madasha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Madaxweynayaashada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur galbeed. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa shirka furay, isagoo sheegay in ajandaha shirkan looga hadli doono ay kamid yihiin amniga dalka, doorashada Soomaaliya 2020, qeysiga kheyraadka badda iyo qeybsiga deeqada dibada. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay xaalada Galmudug iyo doorka Madaxweyne Xaaf ka qaatay nabada Puntland iyo Galmudug. Shirkan waxaan ka qeyb galin Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo horey uga tirsnaa Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyada, balse dhawaan heshiis la gaaray dowladda federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Khudbadii Madaxweyne Gaas ka jeediyay shirka dowlad goboleedyada ee Garowe appeared first on Puntland Post.
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” oo ah Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa aad ku dhaliilay Dowladda Soomaaliya in ay qaadi la’adahay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaa oo looga saarayo guud ahaan dalka. Axmed Madoobe ayaa sheegaya inay si hoose wax ugu socdaan dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab, taasina laga yaabo inay tahay sababta aysan dagaal ugu qaadeyn. Waxa uu sheegay in si la mid ah kooxdii Sheekh Shariif ee heshiiska la gashay dowladdii Cabdullaahi Yuusuf, ay dowladda Eritrea ka dhex shaqeyneyso dowladda federaalka iyo Al-Shabaab. Axmed Madoobe oo ka qeybgalaya Shirka Madaxda maamul goboleedyadda oo ka furmay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa isweydiiyay macquul ahaanshiyaha in dowladda Soomaaliya ay wadahal kula jirto Al shabab, oo ay garwadeen ka tahay Ertriea si lamida kooxihii la oran jiray Muqaawamada ee dalka soo maray.Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celcelisay in ay qorsheynayaan in ay qaadeyso weeraro ka dhan ah Al shabab, oo la doonayo in looga qabsado deegaanada iyo degmooyinka ay dalka kaga sugan yihiin. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe, oo ku sugan Kismaayo ayaa Sheegay in Sanad gudahiis ay ku qorsheynayaan Al-habaab in looga saaro degaanada iyo degmooyinka oo ay dalka ka joogaan. Hoos ka dhageyso Axmed Madoobe https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-Axmed-Madoobe.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. MOGADISHU (Caasimada Online) — About 56 Somali migrants in Eritrea have on Sunday returned home under a voluntary repatriation program organized by the United Nations International Organization for Migration and the European Union. Somalia’s Special Envoy for Migrants, Refugees and Children’ Right, Mariam Yasin said the migrants had spent several years in refugee camp in Eritrea while attempting to cross the South Sudan border. She says the latest assisted spontaneous return in cooperation with International Organization for Migration (IOM) and UN Refugee Agency (UNHCR) and Somalia brought 56 refugees to the capital of Mogadishu. Mariam said: “56 Somali sisters and brothers have landed at Mogadishu airport”. The #rescue operations in support to Somali stranded Migrants continue under the good leadership of @TheVillaSomalia & @SomaliPM 56 Somali sisters & brothers have landed in #AdenAbdulle airport now#WelcomeBackHome #NabadIyoNolol @IOM_Somalia @UNHCRSom@Tuuryare_Africa pic.twitter.com/bsMDKZSoVv — Somali Special Envoy (@MariamYassinHY) October 21, 2018 The UN Migration Agency (IOM) has earlier this month assisted 17 Somali migrants in returning voluntarily from Tanzania, where they had been detained as they embarked on an unsuccessful journey to South Africa. IOM’s intervention was made under the auspices of the EU-IOM Joint Initiative for Migrant Protection and Reintegration in the Horn of Africa. Hundreds of Somali migrants left to flee fighting at home, in the hope that they could find jobs and a better life abroad. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  20. KISMAYO (Caasimada Online)—Somalia’s army chief says its military will be preparing war on Al Qaeda linked Al Shabaab, amid rising deadly attacks in the capital of Mogadishu. The country’s army chief, Gen. Dahir Aden Elmi, said Somali military personnel will work to push Al-Shabaab fighters out of strongholds in south regions. Gen. Elmi said the military forces would launch a major operation to open the main roads linking to the capital Mogadishu and south regions in Somalia. “We will launch major joint military offensive against Al Shabaab. We’ll return the all rebel-held towns to the hands of government next year”, he said. “The army forces are now preparing to launch on war on the Al Qaeda linked group in the country”, he added. The army chief has been in Kismaayo for the last couple days. Al-Shabab has been driven out of many urban areas since 2011; however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. Somalia has been mired in violence and lawlessness since early 1990s when dictator Mohamed Siad Barre was toppled. Caasimada Online Kismayo News Desk Caasimada@live.com
  21. Tababarkan oo ku saabsan wacyi-gelinta iyo fahamsiinta Dastuurka ayaa Garoowe loogu qabtay 30 ka kamid ah shaqaalaha wasaaradda Dastuurka Arrimaha Federaalka iyo Dimuqoraaddiyeynta Puntland. Tababarka oo soconaya mudda laba maalmood ah ayaa waxaa iska’kaashanaya wasaaradda Dastuurka Puntland iyo hay’adda UNDP,waxaana inta uu socdo shaqaalaha loogu sharraxayaa casharro iyo macluumaad xambaarsan fahamka iyo barashada Dastuurka dalka. Agaasimaha Waaxda Dastuurka,Yuusuf Ibraahim Saalax oo faahfaahin ka bixiyay tababarka ayaa sheegay in lagu qaadanayo casharro ku saabsanFahamsiinta Dastuurka Soomaaliya ee haatan dib u-eegista iyo turxaan-bixintu ku socoto,si shaqaaluhu awood ugu yeeshaan in ay gobolada ka sameeyaan wacyi-gelinta Dastuurka. Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda Dastuurka Puntland,Cabdirashiid Maxamed Siciid oo halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in ay dadaal badan geliyeen qabsoomidda tababarkan,si kor loogu qaado aqoonta shaqaalaha wasaaradda,loona tayeeyo fahamkooda ku aaddan Dastuurka. Ugu dambyentii, wasiirk ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Puntland,Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil(Filibiin) ayaa shaqaalaha ku boorriyay in ay si fiican uga faa’idaystaan macluumaadka iyo aqoonta ay u gudbinayaan macallimiintu muddada uu socdo tababarkaan. PUNTLAND POST The post Tababar ku saabsan wacyi-gelinta Dastuurka oo Garoowe ka furmay appeared first on Puntland Post.
  22. Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Jubbaland Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta Khudbad dheer ka jeediyay shirka Madasha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya oo Garowe ka furmay ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku dheeraaday sida uu usii xumaanayo amniga dalka iyo gaar ahaan in la gabay masuuliyadii ka saarayd dowlada federaalka ah hogaaminta dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, isagoo cadeeyay in uu qabo tuhun ah in Al-Shabaab ay dowladu kula jirto gorgortan, taas oo meesha ka saartaysa ayuu yiri howlgaladii dalka lagaga xorayn lahaa. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in amnigu uu yahay ahmiyad gaar ah oo ay ahayd in laga wada shaqeeyo hadii la waayo taasna aysan xaalada wadanku horay u socon Karin, wuxuu xusay in dowladu ay xiitaa sugi ladahay amniga wadada Makka Almukkarama, taas oo xiitaa la kala xir xiray oo shacabku ay dhib badan ku qabaan sda uu sheegay, isagoo hoosta ka xariiqay in ay tahay in howlahaas dib loo eegi doono isla markaasna madashu ay go’aan kasoo saari doonto xaalada amaanka wadanka. Sidoo kale Axmed Madoobe Madaxweynaah Jubbaland ayaa sheegay in dhamaan heshiisyadii la galay aysan waxba ka fulin qaarkoodna ay dowlada federaalka ah isbadal ku samaysay, kuwaas oo kala ahaa heshiiyada qaybsiga khayraadka amniga iyo doorashooyinka. Isagoo arintaas ka hadlaya ayuu sheegay Axmed Madoobe in dowladda federaalka ay faafisay daacayado been ah oo ay ku sheegtay in madaxda dowlad goboleedyadu ay mudo xileedkooda kordhinayaan taas oo uu sheegay in ayna waxba kama jiraan tahay. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe wuxuu sheegay in doorashada Jubbaland ayna hal maalin daba maraynin wakhtigeeda isla markana ay sidaas oo kale yihiin dhamaan dowlad goboleedyada oo aysan jirin cid mudo kororsi samaynaysa wararka ay faafisay dowlada federaalka ahna ay qayb ka tahay dagaalka cad ee ay kula jirto hanaanka federaalisaka ah oo ay uga gol leedahay in shaqaaqooyin ay ka abuurto dowlad goboleedyada. Waxaa kale oo Madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in doorashada 2020 ayna qabsoomi karin waliba lagu hungoobi karo hanaankii qof iyo codka ahaa hadii dowlada federaalka ah ayna badalin wadada ay dalka ku wado oo burbur horseedi kara, sida uu sheegay. Madaxwayne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in hanaanka federaalka ah ee yahay nidaam daawo looga dhigayo dhibaatadii dalka ka dhacday isla markana guulo waa weyn laga gaaray taas oo ay tahay in aan indhaha la iska tirin umada Soomaaliyeed ayuu sheegay in ay u taalo in ay wado kale qaado marka ay dhamaadaan dhibabkii loo qaatay hanaanka federaalka ah oo anan wali gaarin isgoyska aan wado kale ku dooran lahayn. Madaxweynaha Jubbaland waxaa uu madaxda federaalka ah xusuusiyay in ay dowladnimada Soomaaliya tahay qori isku dhiib ninba uu meel gaarsiinayo oo aanay ahayn wax maanta uun bilowday dowladahii Soo maray dalka burburkii kadib ayuu sheegay in ay mudan yihiin in lagu amaano sida ay ugu soo dhabar adaygeen marxaladahii adkaa ee ay dalka soo dhaafiyeen. Khilaafka dowlad goboleedyada iyo federaalka ayuu sheegay in ay sal u yihiin qodobo masiiri ah sida amniga wadanka qaybsiga khayraadka doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka oo hadii aan laga heshiin ayuu yiri Axmed Madoobe in koox kali ah ayna siday doonto ka yeeli karin isla markana daraf qura ayna Soomaaliya aragtidooda iyo wixii ay jecel yihiin ku maamuli karin. Gaba gabadii Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) wuxuu sheegay in xaalada wadanka si guud loo qiimayn doono mudada shirkan uu socdo isla markana kadib la guda gali doono sidii dhamaan bulshada, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo culimadu u yeelan lahayeen shirar aayaha wadanka lagaga hadlayo. PUNTLAND POST The post Garowe: Axmed Madoobe oo weerar afka ah ku qaaday dowladda Federaalka appeared first on Puntland Post.
  23. Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa ka furmay shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ka qeybgalayaan Afar madaxweyne maamul. Furitaanka shirkan ayaa waxaa hadallo ka jeediyey madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan. Ugu horreyn madaxda ayaa wax laga xumaado ku sheegtay arrinta Galmudug oo dowladda ku eedeeyeen iney gadaal ka riixeyso khilaafka xoogeystay ee halkaasi ka jira. Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad xasaasi ah halkaasi ka jeediyey ayaa si gaar ah wuxuu kaga hadlay arrimo ay ka mid tahay doorashooyinka maamullada, khilaafka dowladda dhexe iyo arrimo kale. Wuxuu sheegay in aanu waxbo ka jirin hadallo kasoo yeeray dowladda oo ah iney doonayaan muddo kororsi, maamullada ayuu tilmaamay in doorashooyinka ku qaban doonaan waqtigii loogu talogalao. Waxa uu dhanka kale tilmaamay in dowladda ay ka dhego fureysatay xallinta tabashada maamul goboleedyada, wuxuuna tilmaamay in aan la huri doonin in la isugu yeero beesha caalamka, xildhibaannada, waxgaradka iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed oo dowladda loo dhigto gogol ballaaran. Madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan ayaa isna dhankiisa dowladda ku eedeeyey ineysan dhab ka ahayn dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab islamarkaana aanay culeys u arag dhibaatooyinka jira. Kulanka ayaa weli socda, waxaana madaxda maamul goboleedyada la filayaa in markii shirkooda uu soo dhammaado kasoo saaraan war-murtiyeed. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. MOGADISHU (Caasimada Online)—Somalia’s regional leaders have convened to hold fourth forum of the council of Inter-State Cooperation [CIC] in Garowe, capital of Puntalnd. The CIC conference is set to discuss on the interests of the regional states, current political deadlock, 2020 election, and security, said, Puntland President Abduweli Mohamed. Mohamed says the CIC conference had brought together the leaders of Puntland, Galmudug, Southwest, and Jubbaland in Garowe town. Earlier last month, the regional leaders announced to have cut all ties with the central government in a likely setback to efforts to pacify the Horn of Africa country as it emerges from two decades of conflict. The leaders accused the Federal government of “interfering” regional issues and “failed” to manage security of the country, said in the memo. The move by the regional leaders seems a potentially political setback in Somalia, amid on-going efforts to make peace in the war-revaged country. However, UN says the decision by the five regional presidents could embolden Al Shabaab and negate the gains made by the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  25. Koox hubeysan ayaa maanta waxa ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ku taalla magaalada Gaalkacyo, waxaana ku sugnaa ciidamo ka tirsan Booliiska Galmudug. Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News, in Hal qof uu ku dhintey weerarkan iyadoo sidoo kalena ku dhaawacmay qof kale. Weerarkan ayaa yimid kadib markii la sheegay muran soo kala dhexgalay ragga weerarka soo qaaday iyo ciidamada halkaasi ku sugnaa. Saraakiil u hadashay Booliiska Galmudug ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan raggii weerarkaasi soo qaaday, laguna hayo saldhigga magaaladaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com