-
Content Count
206,832 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
London (Caasimada Online) – Wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka Britain ayaa qoray in laga cabsi qabo in dowlada Sacuudiga ay dil toogasho ah ku fuliso 18-kii xubnood katirsan Sirdoonka dalkaas ee fuliyay howlgalkii lagu dilay saxafi Jamal Kashoggi. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Saraakiisha Turkiga ay soo bandhigeen in xubnahaasi ay ku lug leeyihiin dilka Saxafiga Jamal Kashoggi oo Bishan 2-da lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul. Wargeyska kale ee lagu magacaabo The Middle East ee kasoo baxa dalka Britain waxa uu qoray in baarayaasha Turkiga ay haatan ka walaacsan yihiin in dowlada Sacuudiga ay dil ku fuliso eedeysanayaasha ka hor inta aan fursad loo siin in su’aalo la weydiiyo. Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukunka degdega ah ee 18-ka xubnood Sirdoonka ah ee fuliyay dilka Jamal Kashoggi lagu micneeyay inay kasoo horjeedo in eedeysanayaasha wax laga weydiiyo qaabka uu dilka u dhacay, maadaama ay hayan macluumaad xaqiiqo ah. Mid kamida eedeysanayaasha oo ka tirsan ciidanka cirka ee Sacuudiga laguna magacaabo Mashcal Sacad Al-Bostanni ayaa horay u geeriyooday kadib markii uu galay shil gaari. Al-Bostanni, ayaa shilkaasi ku dhintay ka hor inta aan si qoto dheer loo baarin kiiska dilka Jamal Kashoggi oo markiisii hore ahaa mid ay dunidu aad ugu wareertay. Geesta kale, Dowlada Turkiga ayaa tan iyo dhacdadani qorsheyneysay in eedeysanayaasha 18-ka ah lagu soo wareejiyo si loogu Maxkamadeeyo gudaha Turkiga. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay federal tahay sanadkii 2004 tii dowladii lagu soo dhisay Embegati, waxay na ahayd wax ku cusub dhamaan gayiga soomaalida, wax faham ahna kama haysan waxa uu yahay federal iyo qaabka ugu haboon ee uu soomaaliya uga hanaqaadi karo isagoo an dhaawac u geysan midnimada iyo qaranimada soomaaliyeed. Hadaba labo iyo toban sano kadib oo soomaaliya federal ahayd wali madaxda iyo dadka soomaaliyeed way ku jahwareer san yihiin waxa uu federal yahay iyo qaabka uu u shaqeeyo taasina waa mida dhalisay qodobka qormadeenu ku saabsan tahay ee kala dambayn la’aanta iyo tartanka u dhexeeya dowlada Federaaliga iyo dowlad goboleedyada, in la fahmo mabaadi’da Federaaliga iyo qaabka uu u shaqeeyo waxa inakaga filan inaga oo dastuurka u laabana kuna dhaqana waxa ku qoran. MAXAA SABABAY LOOLANKA? In dowlada dhexe looga damayn waayo awoodihii u gaarka ahaa dowlad goboleed walbana isu arko mid madax banan oo wuxu rabo samaysan kara ciduu rabana heshiis la geli kara waxa keenay qodobada hoos ku xusan 1:- Dastuurki dalka oo noqday mid an lagu dhaqmin: Qodobka 51 aad faqrada afraad ee dastuurka Federaaliga soomaaliya wuxu lee yahay “Dhammaan heerarka Xukuumadda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey” hadaba markaan baaritaan dheer sameeyey waxa iisoo baxday in dowlada Federaaliga iyo kuwa dowlad goboleedyada ba midna aanu ixtiraamin dastuurka ee mid walba isa siiyay awood ka baxsan tii dastuurku siiyay,. Tusaala ahaan:- A) Qodobada dastuuriga ah ee dowlad goboleed yadu ku xad gudbeen:- Qodobka 54 aad ee dastuurka dalka waxa uu u qeexayaa “Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda;B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka. Afartaas awoodood ee dastuurku sida gaarka ah u siiyay dowlada Federaaliga sadex kamid ah waxa si cad ugu tuntay dowlad goboleedyada oo si isdaba joog ah an u aragno inay awoodahaas isa siiyaan taasina waxay noqonaysaa inay jabiyeen dastuurki dalka u yaalay waxana ka mid ah awoodaha ay sida sharci darradaha u isticmaalaan dowlad goboleed yadu: Arrimaha dibadda Galida heshiisyo caalami ah iyo ka qayb galida shirar an dowlada dhexe lala socod siin waa dabeecad joogto u noqotay dowlad goboleedyada qaar kamid ah, iyadoo dastuurku wixi quseeya arrimaha dibadda u xilsaaray dowlada Federaaliga in laga tilaabsado oo dowlad goboleedku isku dhereriyo dowlada Federaaliga ah isuna arko inu xaq u leeyahay shaqadas inuu qabto waa midka kamida fahan la’aanta soomaalida ka haysata waxa uu federalku yahay. Difaaca Qaranka Dowlad goboleedyada qaar ciidan ahaan waxay isu arkaan inay ka madax banana yihiin dowlada Federaaliga, mana saamayso hadi dowlada dhexe soo saarto amaro ku aadan ciidamada taliyayaasha ciidamadooduna waxay toos uga amar qaataan madaxweynaha dowlad goboleedka, dowladad goboleed yada qaar waxay leeyihiin nooc kasta ee ciidan dal lahaa sida police, nabad sugid, asluub, milatari/daraawiish iyo ciidanka badda intaaso dhami waxay ka shaqeeyaan danta dowlad goboleedka ee kama shaqeeyaan difaac qaran oo loo dhan yahay, ciidamadaasi waxa xaq u leh inay ka amar qaataan dowladda Federaaliga oo awoodaas dastuurku siiyay laakiin si sharci darro ah ay dowlad goboleedyada qaar ku qaateen. III. Siyaasada Lacagta. Soomaaliya ma leh bank dhexe oo lacagta kantaroola, waana shaqo loo ga fadhiyo in dowlada federalku qabato, booskaas banaana wax aka faa’idaystay dowlad goboleedyada qaar oo daabaca lacagta laga isticmaalo deegaanadooda qaarna waxay ba samaysteen lacag u gaar ah laakiin daabacaada iyo kantaroolka lacagta waa awood gaar ah oo dastuurku siiyay dowlada Federaaliga ah ayna tahay in looga danbeeyo. Qodobada kale ee dastuuriga ah oo dowlad goboleedyadu ku xad gudbeen waxa kamid ah Qodobka 50 aad faqrada kowaad qaybta e) waxay u qoran tahay sidaan “Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado” sido kale isla qodobkaas qaybta F) waxay u qorantahay sidan “Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin Karta” Qodobkaas wuxu qeexayaa in dakhli uruurinta iyo qaybinta kheyraadka dalka ay mas’uuliyadeeda leedahay dowladda Federaaliga laakiin hada gabi ahaan ba majiro maamul goboleed dakhli ku dara sanduuqa bankiga dhexe dowlad goboleed walbana wuxu isa siiyay awoodas oo ah mid an dastuurku siin. B) Awoodaha dastuuriga ah ee dowlada federalku ka gaabisay:- Qodobka 50 aad oo ka hadlaya mabaa di’da Federaaliga Faqradiisa kowaad qeybta D) waxay u qoran tahay sidan “Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah” Dowlada federalku waxay ka gaabisay mudadii ay jirtay inay dhamaan adeegyada xukuumada gaarsiiso guud ahaan deegaanada, sida dastuurka ku qeexanna maqnaanshaha adeegyadaasi waxay dhaawac ku yihiin midnimada. Dowlad goboleed yada qaar waxay ka cabanayaan in dowladu wixii nafac ah aysan iyada soo dhaafin oo ay kaliya rabto in dowlad goboleedku gacmo maran la hoos joogo taasina ay ku khasabtay inay iskood “Uqaraabtaan” waana mida keentay madama anay ka helin wax adeeg ah dowlada Federaaliga inaysan tix galin jiritaanka awoodeheeda. Qodobka 51 aad Faqrda 2aad qeybta C waxay qeexeysaa “In dowlada Federaaliga iyo dowlad goboleed yadu yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah” Dowlada Federaaliga ah waxa laga rabay inay dowlad goboleed yada kala shaqayso mashaariicda horumarinta ah sida beeraha, wadooyinka, ayraboorada iyo dekedaha laakiin waxa muuqata inay arimahaas ka gaabisay oo ku mashquushay xaaladaha bini aadamnimada iyo nabad galyada, maadaama dowlad goboleed yada qaar ay ka gudbeen heerkaas oo ay haystaan nabad galyo buuxda ayna u baahan yihiin mashaariic horumarineed dowladiina ay ku mashquushay qeybo kamida ah dalka oo nabad galyo la’aani ka jirto arinkaasi waxay sababtay in kaalinti dowlada Federaaliga ay dowlad goboleed yadu qaataan oo mashaariic horumarineed sida ayrabooro iyo dekedo iyo wadooyin la saxiixdaan dowlado ajnabi ah waana arin dastuuriyan khalad ah marka dhinac laga eego dhinaca kalena la is dhihi karo waa gar oo dowladii Federaaliga baa kaalinti dastuurku siiyay buuxin wayday. Qodobka 53 aad faqrada kowaad waxay qeexeysaa “Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah” isla qodobkaas faqrada labaad waxay qeexeysaa “Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeyadawladda xubinta ka ah dawladda federaalka, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka” Labada faqradood tan kowaad waxay amraysaa in dowlada federalku wada tashi kala samayso dowlad goboleedyada heshiis walba oo caalami ah halka faqrada labaad ay sheegeyso in marka heshiisku si gaara u quseeyo dowlad goboleed ay heshiiska wax ka saxiixaan wakiillo ka socda dowlad goboleedkaas. Hadaba ba dowlada soomaaliya waxay toos ugu fashilan inay fuliso qodobkaas dastuuriga ah iyadoo heshiis yada ay galayso u isticmaasha awood dheerada mana jiro heshiis lagala tashaday dowlad goboleed marka lagu daro kii turkiga iyo Qaraarkii dhexdhexaadnimada ee xasarada dowladaha khaliijka iyo kuwa kale ee dowlada federalku gashay waana qodob dastuuri ah oo dowladu ka tillaabsatay kaaso sahlay in dowlad goboleedyadu iyana markooda dastuurka ka tilaabsadaan mar hadii dowladii federaliga ahiba ay sidaa samaysay.. SIDEE LOO XALIN KARAA. Dastuurka oo lagu dhaqmo Sida an kor kusoo xusay loolankaan waxa base u ah dastuurkii qaranka oo an lagu dhaqmin dhinac walbana u adeegsaday si isaga u danaynaysa, waxa kaliya oo lagu xallin karaana waa in dastuurka lagu dhaqmo, dowlad goboleed yaduna ixtiraamaan awoodaha dowlada Federaaliga dastuurku siiyay sidoo kalena dowlada federalku ay san ku tagri filan awoodaha hoose ee dastuurku siiyay dowlad goboleed yada sida an kor kusoo xusay. Qodobka 51aad faqrada 2aad waxay qeexeysaa “Xukuumad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale” halka faqrada 4aad ay qeexeyso “Dhammaan heerarka Xukuumadda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey” faqrada hore waxay dowlada Federaaliga ku amraysa inaysan ku takri falin awoodeeda oo ay ixtiraamto awoodaha dowlad goboleed yada halka faqrada dame ay dowlad goboleedyada ku waajibinayso inaysan isa siin awood aan dastuurku siin waana xalka kaliya ee ay kuwada shaqeyn karaan dalkana lagu gaarsiin karo horumar iyo midnimo buuxda. Dhismaha Maxkamada dastuuriga ah:- Qodobka 109 faqrada 1aad qeybta D waxay qeexeysa awoodaha maxkamada dastuuriga ah waana sidan “In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada xubinta ka ah dawladda federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada federaalka dhexdooda” Maxkamada dastuuriga ahi waxay awood u leedahay inay soo dhex gasho go’aana ka gaarto khilaafaatka dhex mara dowlada goboleedyada iyo dowlada Federaaliga waana muhiim in la dhiso si loo yareeyo loolanka sii baahaya ee ay caadaysteen dowlad goboleed yada iyo khilaafaatka soo noqnoqday. Samaynta Guddiga isku xirka xukuumadaha:- Qodobka 111F ee dastuurka federaaliga faqrada kowaad waxay qeexeysaa “Waa in sharci Federaal ah lagu sameeyaa Guddi isku xirta xukuumaddaha” Gudigan shaqadiisu waxay noqonaysaa sida ku xusan isla qodobkaas faqrada 2aad qeybta B “Xalilinta wixii khilaafaad ku saabsan maamul ama siyaasadda ee awoodooda hoos yimaadda kuwaasoo soo kala dhexgeli kara Dawladda Federaalka iyo hal dawlad oo xubin ka ah Federaalka ama in ka badan Dawladdaha xubinta ka ah xukuummadaha Federaalka” Gudigan waxa si wadajir ah u magacaabaya raisal wasaaraha iyo dhamaan dowlad goboleedyada sida ku xusan dastuurka wuxu qayb weyn ka qaadanaya wada shaqaynta isagoo meesha ka saari doona loolanka iyo is aaminaad la’aanta hadda u dhexeysa dowladda Federaaliga ah iyo dowlad goboleed yada xubnaha ka ah. Gunaanad Maqaalkan dhamaantiis wuxu ku salaysan yahay dastuurka dowlada federaliga ee soomaaliya waxanan halkan kusoo koobay fahamkayga ku aadan dastuurka iyo qaabka lagu xallin karo is qabqabsiga iyo loolanka ka dhexeeya dowlada federiliga iyo dowlad goboleed yada xubnaha ka ah, caqabadaasoo an u arkay inay dhaawac weyn ku keeni karto qaranimada soomaaliya sidoo kale fogeyn karto hankii dadka soomaaliyeed ee aha inay mar un arkaan soomaaliya oo cageheeda isku taagtay sharafkay dunida kalahayd na soo ceshatay. Waxan ka codsanayaa qof walba oo ka agdhow madaxda ay qormadani quseyso inuu iga gaarsiiyo, gaar ahaan dowlada Federaaliga waxan ka rajeynayaa inay arinkaas xal buuxa ka gaarto. W/Q: Siyaasi Abdullahi Nur Ciid Email: Mrabdullahi.nur@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qasaaraha dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Dhummay oo dhacda koonfurta degmada Laascaanood ee Gobolka Sool. Dagaalkaasi ayaa waxaa uu geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. in ku dhow 30 ruux ayaa dagaalkaasi ku dhintay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ah dhinacyadii dagaalamayay. Dr Axmed Jaamac Ismaaciil oo kamid ah Aqoonyahanada ku dhaqan Degmada Laascaanood oo la hadlay goordhow oo caawa ah Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaasi iyo qasaaraha uu geeystay. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaaladaasi ayaa waxa ay sheegayaan in caawa dhinacyadaasi ay isku gabal dhacsadeen dagaalkuna uu si iskiis ah uu u joogsaday. Hoos ka Dhageeyso Codka Wareeysiga waxaana wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo PP-katirsan https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Dagaalka-Sool-By-Cowke.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wareeysi: Dagaalkii Gobolka Sool oo la isku gabaldhacsaday iyo qasaaraha oo sii kordhay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Dheere ayaa Wasiirka Wasaradda Dastuurka Soomaaliya ka codsaday in talooyinka Cullimada laga dhigo qodob dastuuri ah. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Bulshada Soomaaliyeed inay wadashaqeyso,isla markaana Dastuurka la geliyo qodob sheegaya in wadatasho Diineed loo baahan yahay. saga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwii la dagaalami jiray Gumeystaha,isaga oo tusaalo u soo qaaday Culimo farabadan oo Caanka ahaa dalka. Hadalkaan ayaa Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cali Dheere uu Maanta ka sheegay kulan looga hadlayay sida ay Amniga uga qeyb qaadan lahaayeen Cullimada Ahlusunna oo lagu qabtay Magalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka awqaafta Sheekh Cali Dheere https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Sheekh-Cali-Dheere-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (PP) ─ Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur-galbeed, ahna Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyadda, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa Dowladda Dhexe ee Somalia ku eedeeyay in saacaddihii lasoo dhaafay ciidan iyo hub ay geysay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay. Afhayeenka ayaa sheegay in diyaarad siday ciidan ay gaartay Baydhabo, isla markaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur-galbeed ka dhici doonta bisha soo socota. Sidoo kale, Dowladda Dhexe ayuu ugu baaqay inay ka qayb-qaadato Gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo toddobaadkii hore. C/llaahi Sh. Xasan ayaa sheegay inay kasoo hor-jeedaan golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ee loogu baaqayay inay golaha yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay madaxweyne Farmaajo. Dhaka kale, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la sheegay in Dowladda dhexe ee Somalia ay dabada ka riixayso wasiir ka tirsan xukuumadda kaasoo ay doonayso inuu noqdo hoggaaminaya xigi doona madaxweynaha xilka haya. Ugu dambeyn, Wasiirka la sheegay in Xukuumaddu Somalia ay waddo ayaa ah C/casiis Lafta Gareen oo ah wasiirka Tamarta iyo Biyaha, kaasoo xilka kula tartami doona tiro musharraxiin ah oo xilkan u taagan. PUTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay hub iyo ciidan geysay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Senator Lindsey Graham says he believes Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman was behind the killing of dissident journalist Jamal Khashoggi. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Saldhiga degmada Dharkeenley ayaa 25-kii bishii lasoo dhaafay ee Septmber u soo gudbiyay xafiiska xeer-ilaalinta ciidanka Qalabka Sida ee Somalia eed ka dhan ahayd, Cali Maxamuud Axmed, Cabdi Xaaji Bashiir, Axmed C/risaaq Axmed iyo C/fataax C/qaadir Axmed oo ka-wada tirsan ciidamada Asluubta Somalia, kuwaasoo ay soo gudbiyeen ciidamada deegaanka Garasbaaley oo sheegay inay dhac geysanayeen. Xafiiska xeer-ilaalinta, ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane Xabsiga Dhexe si loosoo dhameystirao dhamaan caddeymahooda. Bishan lixdeedii ayay xafiiska xeer-ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane, waxaana saddex cisha kaddib maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan. Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska saldhiga booliiska Dharkenley iyo ilaalada deeganka Garas-baaley. Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno caddeymo dheeri ah oo mar kale la isugu soo noqdo fadhiga maxkamadda. Sidoo kale, 18-kii bishan October ayaa mar kale la isugu soo noqday fadhiga maxkamadda, waxay xafiiska xeer-ilaalinta lasoo shir-tageen kaliya inay jirto in xilliyo kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deegaanka, balse xilliga la soo qabanayay afarta eedeysane aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen. Dhanka kale, Qareenka u dooday afarta eedeysane ayaa fadhiga maxkmada ka sheegay inay raggan ilaalo indha-indheyn ah ay ka hayeen fadhigooda, wuxuuna ku dooday inaysan jirin wax cadeymo ah oo lagu xukumi karo, sidaas awgeedna uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xuriyadooda. Ugu dambeyn, Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan, ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la siiyo xoriryadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay Col. Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST The post Maxkamad sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambiyo horay loogu soo eedeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Dhumay (Caasimadda Online) – Waxaa markale uu dagaal u dhexeeya beelaha Qayaad (Kheyr Cabdi) iyo Bahararsame oo ka wada tirsan Sool clan ku dhexmaray deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool iyo laba tuulo oo hoos yimaada sida; Xaaxi iyo Daanqoray. Sida ay Caasimadda Online ku heshay xog rasmi ah, dagaalka oo bilowday saaka hiirtii hore waxaa ku dhintay 30 qofood in ka badan oo labada dhinac ah halka dhaawaca uusan xisaab lahayn. Sida ay ilo xog ogaal ah oo deegaanka Dhumay ka qaxay oo ay Caasimadda Online la xiriirtay sheegeen, dagaalka waxaa qeyb ka ah maamulka Somaliland oo mid ka mid ah beelaha dhiiladda u dhexeyso garab siinaya waxaana la arkay ciidankooda oo dagaalka dhinac ka ah. Collaada u dhexeysa beelaha Bahararsame iyo Qayaad ayaa noqotay mid loo caal waayey oo hadda u muuqda in ay xalinteeda Isimada Sool clan ku fashilmeen. Dhawr bilood kahor ayuu dagaalka labadaas beelood u dhexeeya isla Dhumay ka qarxay halka sanadkii horena sidan oo kale loogu hoobtay. Lama oga ujeedada ka dambeysa inay Somaliland gadaal uga riixeyso dagaalka. Xaaladda deegaanka Dhumay hadda waa mid yara dagan hase ahaatee wax walba ayaa dhici kara mar walba. Caasimada Online Xafiiska Dhumay Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool. Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba beel oo walaalo ah islamarkaana wada dega deegaanka uu dagaalka ka dhacay. Qoraal uu soo saaray maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in colaadan ay tahay mid soo noq noqatay isla markaana ay abaabuleen Somaliland. Puntland ayaa sheegtay in Somaliland ay cadow ku tahay jiritaanka, nabadda iyo xasiloonida shacabka xigtada ah ee halkaasi wada dega. Puntland ayaa labada beelood ee colaada ay ka dhaxeyso waxa ay ugu baaqday inay si deg deg ah ku joojiyaan xiisada. Mas’uuliyiinta, culimada iyo dhammaan shacabka ayaa lagu booriyay inay ka qeyb qaataan sidii loo soo afjari lahaa colaada. Sidoo kale, qoraalka oo ah mid gaaban isla markaana ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay si mugleh uga qeyb qaadato daminta colaada degaanka Dhumay ee gobolka Sool.
-
Boqorka Sucuudiga oo ka tacsiyeeyay dilka Jamaal Khaashuqji
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Riyadh (Caasimadda Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa dilka Jamaal Khaashuqji ku sheegay “howlgal khaldamay”, iyagoo bixiyay macluumaad horleh oo sii huriyay carada caalamka, balse ka duwan kuwii horey uga soo yeeray. Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyr ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in “dilka” uu ahaa “khalad aad u weyn” wuxuuna beeniyay in dhaxal sugaha boqortooyada ee awoodda badan uu amray dilkaas. Sida ay tabinayso wakaaladda wararka ee Sucuudiga, Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa labaduba taleefoon kula hadlay wiilka uu dhalay Jamaal Khaashoqji oo Saalax lagu magacaabo, iyaga oo oga tacsiyeeyay dilka aabihiis loo geystay. Wariyahaas ayaa markii ugu dambeysay la arkayay isagoo sii galaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul. Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo cadaadis xooggan uu ku saarnaa iney meel ku sheegaan wariyahaas ayaa bixiyay hadallo iyo macluumaad iska hor imaanaya. Markii hore waxay sheegeen in 2dii Oktoobar uu si nabad ah uga baxay qunsuliyadda isagoo aan waxba la yeelin, balse maalintii Jimcaha ayey markii ugu horreysay qirteen inuu dhintay, iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay qudaha qunsuliyadda. Saraakiisha Turkiga ayaa aaminsan in Khaashuqji, oo ahaa suxufi caan ah oo dhaliili jiray dowladda Sucuudiga, ay dileen koox ka socotay sirdoonka Sucuudiga oo loogu tala galay, waxayna sheegeen iney caddeyn u hayaan arrintaas. Hadalka Caadil Al-Jubeyr uu ku xaqiijiyay dilka ayaa ah mid ka mid ah oraahyada sida tooska ah uga yimid saraakiisha Sucuudiga. “Waxaa naga go’an inaan soo saarno dhammaan xaqiiqooyinka waxaana naga go’an inaan ciqaabno kuwii mas’uulka ka ahaa dilkaas”, ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Shakhsiyaadka arrintan sameeyay waxay isticmaaleen awood aysan lahayn”. “Dabcan waxaa la sameeyay khalad aad u baaxad weyn, waxa xaaladda uga sii darayna waxay ahayd in khaladkaas la isku dayay in la daboolo”. Wuxuu sheegay in aysan ilaa hadda ogeyn halka uu jiro meydka, sidoo kalena ficilkaas uusan waxba ka ogeyn dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, oo loo arko inuu yahay shakhsiga ugu awoodda badan dalka Sucuudiga. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com -
Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya khilaafka ka dhex aloosan Madaxda maamulka Galmudug kaa oo kala fogeeyay mas’uuliyiinta maamulka oo iminka kala fadhiya xarumo ku kala yaala Dhuusomareeb iyo Cadaado. Khilaafka oo ah mid muuqda ayaa yimid kadib markii madaxda maamulka ay isku maandhaafeen fulinta qaar ka mid ah qodobo ka soo baxay heshiiskii Ahlu-Sunn Waljameeca iyo Galmudug. Khilaafka madaxda maamulka iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee taagan ayaa sababtay xil ka qaadis qaar ka mid ah xubnaha sare ee madaxda iyo doorashooyin lagu buuxinayo boosaskii la sheegay in laga qaaday. Khilaafka madaxda Galmudug ee hadda taagan waxa uu sababay in maamulka uu yeesho Laba Madaxweyne, Laba Madaxweyne ku-xigeen, Laba Guddoomiye baarlamaan iyo Laba Guddoomiye ku-xiigeen baarlamaan, taa oo ragaadisay dhamaan howlihii maamulka. Doorashooyinka khilaafka soo dadajiyay ee ka dhacay deegaanada maamulka ayaa waxaa kamid ahaa doorashada 14-ka bishan Dhuusamreeb ka dhacday ee lagu doortay guddoomiye baarlamaan, halka Cadaado xildhibaano ku kulmay ay iyaguna sheegeen in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha maamulka. 20-kii bishan xildhibaano ku shiray magaalada Cadaado ay madaxweyne u doorteen Axmed Maxamed Xasan Baasto oo soo dhaweyn weyn loo sameeyay kadib markii uu guul ka gaaray doorasho muddo kooban ku dhacday. Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa iminka u kala jabay 3 qeyb oo kala ah Mucaarad, Muxaafid iyo dhexdhexaad, balse waxa ay dhamaantooda ka siman yihiin in Siyaasada Galmudug ay sii qasnaato inta laga helaayo xal. Xildhibanada qaar oo kulamo kala duwan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa sheegay inay doorbidayaan in gabi ahaan maamulka la kala diro inta uu sii shaqeyn lahaa Xaaf oo isagu Siyaasada maamulka hoosgeeyay Puntland iyo Jubbaland. Beesha caalamka ayaa loo diiday inay faragaliso Khilaafyada u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Galmudug iyo Khilaafka gaarka ah ee ka dhexeeya madaxda maamulka oo dhinac ah. Si kastaba ha ahaatee, Siyaasadaha isdiidan ee kataagan Galmudug ayaa waxaa kaalin ka qaadanaya maamulada Puntland, Jubbalan, Koonfur Galbeed iyo Dowlada Somalia oo la sheegay inay leedahay abaabulka doorashooyinka iska soo horjeeda. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Puntland oo Somaliland ku eedaysay kicinta colaadda Dhummay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Puntland ayaa Somaliland ku eedaysay kicinta dagaal u dhexeeya laba beelood oo saaka dib uga qarxay tuulada Dhummay ee koonfurta gobolka Sool. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale baaq-nabadeed loogu diray beelaha halkaasi ku dagaallamaya,waxaana qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland xukuumaddu ka codsatay in laga qeyb qaato joojinta colaaddaas. Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay,in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaalka halkaasi ka dhacay,sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararku waxay sheegayan in malayshiyaadkii dagaaallamay ay weli is-hor fadhiyaan,lagana cabsi qabo in mar kale dagaal dhex maro. PUNTLAND POST The post Puntland oo Somaliland ku eedaysay kicinta colaadda Dhummay appeared first on Puntland Post. -
Garowoe (Caasimada Online) – Wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii la soo dhaafay ay ciidan iyo hub geysay Magaalada Baydhabo. Mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan, Waxaa uu intaasi raaciyey in diyaarad siday ciidan ay gaartay Magaalada Baydhabo, islamarkaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta Bisha soo socota. Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo todobaadkii hore. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo. Waxaa maanta Baydhabo gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isaga oo lagu wado inuu isku sharaxo jagada madaxweynimada maamulkaasi oo dhici-doona 17-ka bisha soo socota. Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ma aha keliya xildhibaan iyo wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah, ee waxaa wadato xukuumadda, Baydhabo waxaa uu u tagay sidii uu meesha uga saari lahaa Sharif Xasan, madaxweynaha dowlad goboleedkaas. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii la soo dhaafay ay ciidan iyo hub geysay Magaalada Baydhabo. Cabdullaahi Sheekh Xasan oo arrintaas ka hadlaya “Shalay Baydhabo waxaa ay geeyeen baabuurta loo yaqaano pullet ee aaney xabadda karin iyo ciidamo ilaa kontameeyo ah, oo xamar laga soo daabulay, maanta kuwoo kale ayey ku soo waddaa inay geyso”. Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo todobaadkii hore. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo. Dhinaca kale Cabdullaahi Sheekh Xasan , waxaa uu sheegay inay jirto siyaasad iyo amniga loo dhan yahay oo ay ku mideysan yihiin dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, oo halkaas lagu go’aamiyo siyaasadda iyo amniga. “in wada shaqeynta hakad ku yimaado waxaa ka mid ahaa in dowladda wixii hora loogu heshiiyey ay caksigooda isticmaasho, haddii lagu heshiiyey in Al-shabaab lala diriro oo waddooyinka la furo in Al-shabaab ay siiso hubkii qaranka loogu talo-galay, haddii lagu heshiiyey in wadanka siyaasadiisa hoos loo dejiyo, oo dastuurka la geeyo iyo tuulooyinka wuxuu dhaafi la’yahay Xamar, uu iska noqday mashuurc, oo ay isku deydo inay dalka dastuur u samryso’ ayuu raaciyey. Waxaa maanta Baydhabo gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isaga oo lagu wado inuu isku sharaxo jagada madaxweynimada maamulkaasi oo dhici-doona 17-ka bisha soo socota. Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ma aha keliya xildhibaan iyo wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah, ee waxaa wadato xukuumadda, Baydhabo waxaa uu u tagay sidii uu meesha uga saari lahaa Sharif Xasan, madaxweynaha dowlad goboleedkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa magacaabay afar Wasiiru dowle oo xubin ka noqonaya Golihiisa Wasiirrada ee ka kooban 20ka Xubnood. Afarta wasiiru dowle ayaa kala ah wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta,waxaana loo magacaabay Eyob Tekalign Tolina, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Nabadda oo loo magacaabay Zeynu Jemal, oo sidoo kalena ah Taliyaha Booliska Federaalka Itoobiya. Waxaa kale oo la magacaabay Misganu Arga, oo ahaa Danjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyay Qadar,waxaana laga dhigay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warshadaha iyo ganacsiga, sidoo kale Prof C/waasac Cabdullahi Bade ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Cilmiga. C/Waasac waxaa uu hadda yahay kaaliye sare oo ka tirsan Jaamacadda Adis ababa University,waxaana uu aad u dhaliili jiray Cabdi Maxamuud Cumar,madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa Caasimada@live.com
-
Somali-American, hijab-wearing model Halima Aden is set to touch down in Dubai as she will be launching the Max Mara capsule collection in The Dubai Mall on Monday night. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka dastuurka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga maamul goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in saacaddihii la soo dhaafay ay ciidan iyo hub geysay Magaalada Baydhabo. Mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan, Waxaa uu intaasi raaciyey in diyaarad siday ciidan ay gaartay Magaalada Baydhabo, islamarkaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur Galbeed ka dhici doonta Bisha soo socota. Dowladda dhexe ayuu ugu baaqay in ay ka qeyb qaadato gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baydhabo todobaadkii hore. Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay kasoo horjeedaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee loogu baaqayay in golaha ay yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay Madaxweyne Farmaajo. Waxaa maanta Baydhabo gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) isaga oo lagu wado inuu isku sharaxo jagada madaxweynimada maamulkaasi oo dhici-doona 17-ka bisha soo socota. Cabdi casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ma aha keliya xildhibaan iyo wasiir ka tirsan dowladda federaalka ah, ee waxaa wadato xukuumadda, Baydhabo waxaa uu u tagay sidii uu meesha uga saari lahaa Sharif Xasan, madaxweynaha dowlad goboleedkaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudig Adel al-Jubeir ayaa sheegay in la ciqaabi doono mas’uuliyiintii ka danbeysay dilka Suxufiga Jamal Khashoggi, oo uu sheegay inaan meydkiisa la hayn. Wasiirka oo wareysi siinaayay warbaahinta Fox News ayaa sheegay inay baahinayaan dhammaan xaqiiqda dilka Jamal Khashoggi oo uu sheegay inay ka dhalatay culeysyo. Wasiir Adel al-Jubeir, waxa kaloo uu sheegay in Xeer Ilaaliyaha Sacuudiga uu been ku tilmaamay in Saxafigaas uu ka baxay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul. Wasiirka waxa uu beeniyay in xubno ku dhow dhow boqor Bin Salman ay ku lug leeyihiin dilka Suxufiga, waxa uuna carabka ku dhuftay inuusan jirin qof ka tirsan Hoggaanka Sacuudiga oo uu ku jiro Bin Salman uusan ku lug laheen qadiyada dilkaas. Waxa uu kaloo xusay Wasiirka in Bin Salman uu diyaar u yahay in la baaro lana ciqaabo mas’uuliyiinta ka danbeysay dilka Jamal Khashoggi, iyadoo lasoo bandhigayo xaqiiqda dhabta ah ee dilka. Wasiir Adel al-Jubeir, ayaa sidoo kale sheegay inaysan garankarin halka lagu duugay Meydka Suxufi Jamal Khashoggi oo mar hore laga saaray Qunsuliyada. Si kastaba ha ahaatee, haddalka Wasiir Adel al-Jubeir ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Turkiga uu ballanqaaday inuusan qarin doonin natiijada kasoo baxda baaritaanka dilka Saxafiga. Xigasho: Fox News
-
ADDIS ABABA (Caasimada Online) – Ethiopia signed a peace deal on Sunday with Ogaden National Liberation Front (ONLF) rebels from its Somali Region, whom it had previously outlawed as a “terrorist group,” officials said. The ONLF launched its bid for secession of the Somali Region, also known as Ogaden, in eastern Ethiopia in 1984. In 2007, Ethiopian forces launched a large-scale offensive against the group after the rebels killed 74 people in an attack on a Chinese-run oil facility. Earlier this year, parliament removed the ONLF from a list of banned movements as part of a reform drive being led by Prime Minister Abiy Ahmed, who has extended an olive branch to opponents. The ONLF declared a ceasefire in August. The agreement, seen by Reuters, stipulates that both sides would end hostilities and that the ONLF would “pursue its political obligations through peaceful means”. The two sides will now form a joint committee to discuss the root causes of the conflict, the agreement said. The Ogaden region contains four trillion cubic feet of gas and oil deposits, the government says. China’s POLY-GCL Petroleum has been developing two gas fields there since 2013. Abiy, who took office in April, is presiding over a push to shake the Horn of Africa nation of 100 million people from decades of security-obsessed rule. He has acknowledged and condemned widespread abuses by the security forces, likening the situation to state terrorism, and he has worked to forge peace with Eritrea, with which Addis Ababa has been locked in a military standoff since a 1998-2000 border war in which 80,000 people are thought to have died. Sources: REUTERS
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Manta gaaray Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen),iyad aoo siwyen loogu soo dhaweeyay. Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacbaka ayaa safarkiisa ku wehliya,waxaana saacadaha nasoo aadan uu ku dhawaaqi doonaa inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed. C/casiis Lafta Gareen ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana lagu wadaa inuu Baydhabo kaga dhawaaqo Musharaxnimadiisa. Wararka ayaa sheegaya in socdaalkiisa ay ku wehliyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo saaka ka raacay magaalada Muqdisho. Diyaarad siday gawaarida aan xabadaha karin iyo Ilaaladiisa ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo, waxaa la filayaa inuu noqdo Musharaxa ugu culus. Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr C/casiis Lafta Gareen uu noqon doono Musharaxa ay taageereyso Madaxtooyada iyo Xukuumadda, si uu loolan ula galo Madaxweyne Shariif Xasan. Haddii uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Musharaxnimadiisa, wuxuu lumin doonaa Kursigiisa Xildhibaannimo iyo xilka Wasiir uu ka haayo Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. C/casiis Lafta Gareen ayaa lagu xusuustaa qamaarkiisa siyaasadeed, kaddib markii uu iska casilay Xil Wasiir kuxigeen ah, iskuna sharxay Guddoomiye Baarlamaan, waxaana uu ka tanaasulay doorashada wareegii labaad, kaddib gorgortan lagula galay in la siiyo Xil Wasiir.
-
Laascaanood ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo G/ Sool ayaa sheegaya in maanta dagaaal u dhexeeyay maleeshiyo Beeleed uu ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolkaasi. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Sidoo kale Warar ay heshay Idaacadda Shabelle ayaa ku warranaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland ay la safteen mid ka mid ah Beelahaasi. Xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana socda dadaallo nabadeed oo looga hortago dagaalkaasi. Xiisada u dhexeysa labadan Beeleed ayaa muddo dheer soo jirtay, waxaana ay salka ku heysa arrimo la xariira dhul daaqsimeen iyo aanooyiin Qabiil. The post Dagaal Beeleed xoogan Oo ka dhacay gobolka Sool appeared first on Shabelle. View the full article
-
Saldhiga degmada Dharkeenley ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeyn ka dhan ah dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdi xaaji Bashiir, Axmed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifataax Cabdulqaadir Axmed oo ka wada tirsan Ciidamada Asluubta kuwaasi oo ay soo gudbiyeen ciidanka degaanka Garasbaaley oo sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe Garsuge ahaan si ay u soo dhammeystiraan caddeymaha kiiska. 6-dii bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane, waxaana saddex cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Booliiska Dharkeenley iyo Ilaalada deganka Garasbaaley. Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdo fadhiga Maxkamadda. 18-ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka degaanka hasa-ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen. Qareenka u dooday afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeymo ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda. Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors