-
Content Count
206,765 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey beelo wada deggan gobolka Sool ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay wuxuu ka dhacay deegaanka Dumaar ee gobolka Sool. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhinte 35 qof, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Xiisad ayaa weli ka jirta deegaankii lagu dagaallamay, iyadoo laga baqayo in dagaallo kale ay dhacaan. Dhanka kale, waxaa socda dedaallo badan oo ay wadaan waxgaradka gobolka Sool oo ay ku doonayaan in dagaalkan lagu damiyo. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka Talaadada saaka ah ka imaanaya degaanka Dhummay ee gobolka Sool oo shalay dagaal culus ku dhexmaray laba beelood ayaa sheegaya in uu kordhay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka magaalada Laascaanood ayaa Puntland post u xaqiijiyay in khasaaraha dagaalkii shalay uu kordhay ilaa 59 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca in ka badan 90 kale. wararku waxay kaloo sheegayaan in khasaaruhu intaas ka sii badan karo,maadaama dagaalka xooggiisu ka dhacay dhulka miyiga ah oo aan xog sugan laga heli karin. Xaaladda degaannadii shalay lagu dagaallamay ayaa saaka deggan,waxaana socda dadaal ay wadaan cuqaasha iyo isimada gobolka Sool oo lagu kala qaadayo malayshiyaadkii diriray oo weli halkaasi isku’ hor fadhiya. Wixii kasoo cusboonaada kala soco:Puntland Post The post Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Dhummay appeared first on Puntland Post.
-
Australia's government on Tuesday unveiled sanctions against five officers in Myanmar's powerful military who are accused of overseeing barbaric violence against members of the Rohingya ethnic group. Source: Hiiraan Online
-
About 500 Marsabit and Isiolo teachers have protested against their transfer to what they call “conflict-plagued Mandera”. Source: Hiiraan Online
-
Shalay iyo maanta waxaa xiran dhammaan suuqyadii lagu iibinayey Hilibka Ariga, kadib cabasho ay muujiyeen dadkii ka ganacsanayey hilibkaasi. Qaar ka mid ah ganacsatadan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in sababta aanay Ari u qalin tahay canshuurta oo lagu kordhiyey. Waxa ay tilmaameen in markii hore laga qaadi jirey neefkii ariga lacag dhan 20-kun oo shilin Soomaali ah, balse hadda lagu soo rogay lacag dhan 30 kun oo shilin Soomaali ah. Dhammaantood waxa ay sheegeen in inta wax laga bedalayo lacagtan dheeraadka ah aanay Hilib Ari keeni doonin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Leaders from Northeastern unanimously agreed on Monday that terrorism can’t be ended with guns and called for amnesty for youth in al Shabaab. Source: Hiiraan Online
-
Many African and Asian countries have banned the recruitment of domestic workers for countries in the Middle East who subscribe to the “kafala” system. Source: Hiiraan Online
-
World's longest sea crossing: Hong Kong-Zhuhai bridge opens
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Chinese President Xi Jinping has officially opened the world's longest sea crossing bridge, nine years after construction first began. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Telefashinka CNN-ka ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa waxa uu soo bandhigay muuqaalka Kaamirada qarsoon (CCTV), kaasi oo muujinaya Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Sacuudiga oo ku labisan dharka Saxafigii la dilay ee Jamal Kashoggi. Muuqaalkaas ayaa waxaa ka muuqda Mustafa Maxamed Al-Madani oo hogaaminaayay 15-ka xubnood Sirdoonka Sacuudiga ee dilka geystay , kaasi oo kasii baxaaya albaabka danbe ee Qunsuliyada Sacuudiga ee Istaanbuul. Sarkaalkaas oo 57 Jir ah isla markaana da’ahaan, dhirir ahaan iyo qaab ahaan u ekaa Jamal Kashoggi oo 59 jira, ayaa Sarkaalkaas lagu arkayaa muuqaalka isagoo sameystay Gar been abuur ah kuna labistay dharka iyo indha gashiga suxufiga la dilay ee Jamal Kashoggi. Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa u sheegay Telefeshinka CNN in Mustafa Maxamed Al-Madani uu ku labisnaa dharkii uu horay u xirnaa Saxafiga la dilay, isla markaana uu isku muuqaal ekeysiiyay Jamal Kashoggi oo kasii baxaaya dhismaha Qunsuliyada. Muuqaalka waxaa kaloo laga arkayaa Sarkaalkaas oo uu la socday mid kale oo Bac Madow ku waday qeyb kamid ah Hilibka Saxafiga la dilay ee Jamal Kashoggi. Muuqaalka waxaa kaloo ka muuqda iyadoo Sarkaalkaasi uu galayo Masjid caana oo lagu magacaabo (Blue Mosque), halkaas oo uu kaga sii gudbay suuliga, isagoo ku siibay dharka Jamaal ee uu lahaa. Muuqaalka ayaa waxaa kaloo lagu arkayaa Sarkaalkaas oo dilka kadib la qadeynaya saaxiibkii iyo isagoo kasoo baxaaya Hoteelka, halkaa oo muuqaalka laga arkayay isagoo dhoola cadeynaaya isla markaana qoslaya. Warbaahinta dowlada Turkiga ee TRT ayaa soo bandhigay iyadoo ay Saraakiisha amaanka baarayan goob la dhigta gawaarida oo ku taala deegaanka Sultangazi ee magaalada Istanbuul halkaas oo lagu arkay gaari laga lahaa Qunsuliyada Sacuudiga oo dhiig leh. Sidoo kale, Baarayaasha Turkiga waxa ay heleen gaari laga leeyahay Qunsuliyada kaa oo looga tagay isgoos ku yaala magaalada Istanbuul. Illo aan la magacaabin oo ka tirsan dowlada Turkiga ayaa u sheegay Wargeyska Yeni Safak inay hayaan macluumaad ku aadan in dhaxalsugaha Sacuudiga uu muddo 4 jeer wacay Qunsuliyada kadib dilka Saxafiga. Baarayaasha Turkiga waxa ay wali wadan sida ay baaritaan ugu sameyn lahaayen deegaan ku yaala Keymaha Istanbuul halkaa oo la rumeysan yahay in loo qaaday Meydka Saxafiga Jamal Kashoggi. Source: CNN
-
Shir jaraa’id oo uu Isniintii Aqalka Sare ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu madaxda dowladda u qabtay saddex maalmood oo ay uga soo jawaabaan cabashooyinkii loo gudbiyey ee dowlad Gobolleedyada. Sida ay Caasimada Online hore u daabacday, Aqalka Sare waxaa laga qabay tuhun ah in aysan daacad ka ahayn xalinta khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Maamul Gobolleedyada oo ilaa iyo bishii Oktober ee sanadkii hore soo jiitamayey. Dhinac ka rarnaanta Aqalka Sare waxaa tusaale ka bixinaya sidii ay markii horeba go’aan aysan cidna kala tashan ugu qaataan in ay galaan hawsha u garnaqidda dhinacyada is haya iyo waliba in guddoonka Aqalka sare ay ku jiraan xubno caan ah oo mucaarad ku ah madaxda hadda hoggaanka haysa. Qodobo xaqiijinaya in Aqalka Sare dhinac u xaglinayo WAXAAN MATALNAA MAAMUL GOBOLLEEDYADA Shirkii jaraa’id ee uu shalay qabtay Golahaas ku cusub dowladnimada Soomaaliya, waxaa ka muuqatay in ay quus ka joogaan dhex dhexaadinta ay sheegeen in ay ku jiraan iyaga oo u bareeray in ay caddeystaan in u taagnida ka shaqeynta danaha M/Gobolleedyada. Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ah guddomiyaha Aqalka Sare oo isagu aqrinayey ayaa yiri sidan “Maadama Aqalka Sare Matalo maamul Gobolleedyada!” Ma xubo hadalkaas, oo waxaa dhab ah in hadafkii loo aas aasay sidaas ahaa, hase ahaatee, ma ahaa mid mudan in ay ku hadlaan xilli ay sheegayaan in ay shaqo dhex dhexaadin ku jiraan? Cidda aad adigu matasho garta maku niqi kartaa? ISKU KOOBIDDA DHEXDHEXAADINTA Aqalka Sare kama fekerin in loo baahnaa doorka isu soo dhaweynta iyo u kala dabqaadidda dhinacyada is haya in ay ku soo daraan hay’addo kale iyo waliba shaqsiyaad sida; Culumaa u diinka, duubabka dhaqanka iyo dhallinyrada. Wixii daacad laga haya waxaa waajib ah in loo dhammaado! Xattaa maku fekri waayeen in ay sameeyaan ugu yaraan, guddi ka kooban laba Gole oo isku dhaf ah!? ISKA INDHA TIRIDDA GARDARADA DOWLAD GOBOLLEEDYADA Aqalka Sare waxa uu si bareer ah isaga indha tirayaa gardaada Dowlad Gobolleedyada oo qaarkood sida Puntland iyo Jubbaland u bartay ka macaashka dibin daabyenta dowladnima Soomaaliyeed. Waxaa yaab leh, in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ogaadeen dhagarta afarta hoggaamiye ee hadda ku shirsan Garowe, waxaa marag ma doonta ah soo dhaweyn la’aantii ay kala kulmeen Garowe iyo sidii shacabkii jidadka taagnaa markii shalay la galbinayey ay ugu dhawaaqeen ereyo looga soo horjeedo sida; Dooni Meyno dowladnimo diid, HA DHACAAN, iyo IWM. Waxaa iyaduna yaab leh, oo xaqiijineysa dhinac u janjeeridda Aqalka Sare sida ay isaga indha tirayaan in khilaafka hadda jira ay abuureen Dowlad Gobolleedyada oo aan diyaar u ahayn; Isla xisaabtan, la shaqeynta dowladda dhexe, rabitaanka fowdo nidaam maaliyadeed oo fowdo ah, u hanqal taagidda xukun dheereysi iyo fahan la’aan ka haysata nidaamka Federal-ka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Waxaan maal mahaan ka daawadey baraha bulshada wareysiyo dhowr ah oo uu Madaxweynahii hore Xasan Sheekh kaga hadley waxa ku kalifey in xukumadii badashey isaga mudo yar (18) bilood gudahood uu xisbiyadii mucaaradka ahaa isku duba-rito, si xukuumada Nabad Iyo Nolol loo wiiqo iyo sababta waqti aan wali doorasho dhaweyn u door bidey in mar kale si deg deg ah siyaasada wadanka uga soo dhex muuqdo? halka madaxweynahii isaga ka horeeyey uu siiyey waqti ilaa doorashada dambe la soo gaadhey. Su’aalahaas iyo oraah-yadaasi waxey qayb ka ahaayeen wixii wareysigiisa iiga baxey. Marka laga yimaado hanka siyaasadeed ee Xasan Sheekh iyo in uu yahey qof muwaadin xaqna u leh in xilka wadanka mar kale haweeysto, hadana taariikhdii waxqabad ay Xasan Sheekh (Track Record) intuu xilka hayey iyo marxaladaha siyaasadeed ay wadanku soo marey wali xasuusta dadka Soomaaliyeed ayee ka qoyan tahey. Daraasaad kooban aan ku sameeyey damaca iyo xisbiga Xasan Sheekh gudoomiyaha ka yahey xiligaan (MNH) iyo siyaasiyiinta aan ku cusbeyn masraxa siyaasada wadanka ee ka dhex muuqda ayaa waxaan ku milsaaleeyey sheekadaan. Hada kahor ayaa nin reer-miyi ah oo safar ah reer soo martiyey waqti fiid ah, ninku wuxuu sitey buraashad iyo sali ama sujaayad laga sameeyey coos iyo mayrax loona yaqaaney waqtigaas (Xalaaf) Sidii dhaqanka Soomaaliga aheyd ayaa loo soor-yeeyey, neef ari ayaa isla markiiba dhegta dhiiga loo darey bariis iyo caano waa loo diyaariyey. Subaxdii ayuu jarmaadey si meeshii uu doonaayey u gaaro waqti hore, balse waqti ay qoraxdii ku kululaatey kala badhkana marayo marka laga fiidhsho masaafada socodkiisa halka uu rabo in uu caawa gaadho iyo reerkii uu xaley la hoydey, ayuu ninkii safarka ahaa durbadiiba go’aansadey in caawa gaadhi karin reerka uu kusocdo balse ay tahey in uu dib ugu laabto reerkii xaley martigeliyey maadaama ay tahey cida kaliya ay ugu dhow. Markii uu reerkii ku soo dhawaadey ayuu saligii xalaafka ahaa geed kusoo qariyey si aan loo fahmin in uu yahey ninkii xaley reerka soo martiyey. Jihadii uu xaley reerka kaga yimi, jiho kale ayuu ka soo galey waqtigii oo kale. Reerkii ayuu bariisimeeyey codka hadalka isagoo yara badalaya Kuna wargeliyey in uu marti yahey, dabcan reerkii kuma farxin in hadana caawa uu nin kale usoo martiyo xaalada reerka oo aan xoolo badan heysan awgeyd. Ardaaga reerka ayaa go’gal loo dhigey shaah iyo biyo-weyso ah ayaa gabadh yar loogu dhiibey. Odeygii iyo islaantii reerka oo waqtigaas ku mashquulsanaa xoolahii yaraa xareyntooda ayaa ka shoorayey bal wixii ay ninka socotada ah caawa siin la haayeeyn. Gabadhii yareyd ee loogu dhiibey shaaha ayaa garatey ninkii oo mar kaliya qaylo afka furatey oo tidhi “Hooyoo iyo aaboo ninku waa ninkii xaley noo martiyey” Inta aysan wali hadlin labadii waalid ay gabadha yar dhaleyn ayuu ninkii kor u qayliyey oo yidhi “Hadaan Ahey Ninkii Xaley/shaley idiin Martiyey Aawey Xalaafkii Aan Sitey” Hadaba ma is tidhi akhristoow Xasan Sheekh qudhiisu xalaafkii ayuu soo qarsadey ee waa isla Xasan Sheekhii shaley aan iska hor leexiney. W/Q: Asadnaa Suudi asadnaa@gmail.com Falaanqeeye siyaasadda Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo axaddii ka falcelinayey hadallo uu shirka Garoowe uga socda hoggaamiyeyaasha xilalkoodu dhammaaday ee dowlad Gobolleedada ka sheegay ayaa qish weyn siiyey shacabka iyo indheer garadka Galmudug. Guuleed waxa uu ka jawaabayey Gaas oo maamulkii Galmudug ee uu isaga madaxweynaha ka ahaa ku eedeeyey in ay hurin jireen colaadihii u dhexeeyey Garowe iyo Dhuusomareeb. Hase ahaatee, Jawaabtii Cabdikariin Guuleed waxaa ay u dirtay shacab weynaha Galmudug saddexdan qodob ee xasaasiga ah, haddii ay wax fahamayaan. 1 – Dhagarta Cabdiweli Cali Gaas Hoggaamiyihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu bannaanka soo dhigay dhagarta Gaas, waxa uuna xaqiijiyey sida ay Galmudug mar walba uga dhawrsaneysay collaad ay la gasho bulsho Soomaaliyeed halka Gaas isna sheegay in Galmudug lahayd abaabulka dagaalka. Waxa uu sidoo kale tusay laba wejiilenimada Gaas, oo mar oran jiray ‘Galmudug ma aqoonsani’, maantana ku danaysanaya si uu cadaadiska ugu kordhiyo dowladda federaalka, maadaama asaga waqtigiisu dhammaad yahay. 2 – In Puntland hadda hoggaanka u hayso Galmudug Hadalka Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa ku jirtay “Xilligii maamulkeyga, Galmudug siyaasadeeda wey u madax bannaaneyd”, – waxaa hadalkaas laga dhadhansan karaa in maanta Galmudug aysan xor ahayn oo Garoowe looga taliyo. Xaaf iyo maamulkiisa kuma shaqeynayaan dantooda siyaasadeed. Golahan iskaashiga waxaa dhistay Cabdi Weli Gaas, oo ujeedkiisu yahay inuu kula dagalaamo dowladda dhexe, ilaa haddana ma cad wax dan ah oo Galmudug ugu jiraa. Xitaa waxaa golahan dhaqaale looga qaataa Imaaraadka Carabta, mana cadda in Galmudug wax kasoo gaaraan. Xaaf kuma shaqeeyo tiisa, balse waa mid Cabdi Weli Gaas ku adeegtao, Puntland waxay hadda hogaanka u haysaa Galmudug. 3 – Liidnimada/Dhoohnaanta Xaaf Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu sidoo kale qishay ama caddeeyey sida Xaaf u yahay mid siyaasad ahaan aad u liita, oo aan dantiisa aqoon. Hoggaamiyihii hore ayaa u muujiyey shacabka Galmudug in Madaxweynahooda ahayn qof kale miisana siyaasadeed oo uu noqday ‘Dhaan dambeer raacday,”- maadama uu kolba waxa ay yeeriyaan Gaas iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Maamulada isaga oo ahaan ka eegin danta Galmudug u hoggaansama. Xaaf ma ahan nin dantiisa yaqaan, wuxuu madax ka yahay maamul beelo badan ay ku jiraan, oo uusan lahayn awood ciidan iyo mid dhaqaale, oo uu ku maamulo. Waxa uu ku daysanayaa Puntland oo ah meel ha beel u xoreysan tahay, oo sidoo kalena maamulkeedu dhisnaa 20 sano. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
London (Caasimada Online) – Wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka Britain ayaa qoray in laga cabsi qabo in dowlada Sacuudiga ay dil toogasho ah ku fuliso 18-kii xubnood katirsan Sirdoonka dalkaas ee fuliyay howlgalkii lagu dilay saxafi Jamal Kashoggi. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Saraakiisha Turkiga ay soo bandhigeen in xubnahaasi ay ku lug leeyihiin dilka Saxafiga Jamal Kashoggi oo Bishan 2-da lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul. Wargeyska kale ee lagu magacaabo The Middle East ee kasoo baxa dalka Britain waxa uu qoray in baarayaasha Turkiga ay haatan ka walaacsan yihiin in dowlada Sacuudiga ay dil ku fuliso eedeysanayaasha ka hor inta aan fursad loo siin in su’aalo la weydiiyo. Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukunka degdega ah ee 18-ka xubnood Sirdoonka ah ee fuliyay dilka Jamal Kashoggi lagu micneeyay inay kasoo horjeedo in eedeysanayaasha wax laga weydiiyo qaabka uu dilka u dhacay, maadaama ay hayan macluumaad xaqiiqo ah. Mid kamida eedeysanayaasha oo ka tirsan ciidanka cirka ee Sacuudiga laguna magacaabo Mashcal Sacad Al-Bostanni ayaa horay u geeriyooday kadib markii uu galay shil gaari. Al-Bostanni, ayaa shilkaasi ku dhintay ka hor inta aan si qoto dheer loo baarin kiiska dilka Jamal Kashoggi oo markiisii hore ahaa mid ay dunidu aad ugu wareertay. Geesta kale, Dowlada Turkiga ayaa tan iyo dhacdadani qorsheyneysay in eedeysanayaasha 18-ka ah lagu soo wareejiyo si loogu Maxkamadeeyo gudaha Turkiga. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
-
Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay federal tahay sanadkii 2004 tii dowladii lagu soo dhisay Embegati, waxay na ahayd wax ku cusub dhamaan gayiga soomaalida, wax faham ahna kama haysan waxa uu yahay federal iyo qaabka ugu haboon ee uu soomaaliya uga hanaqaadi karo isagoo an dhaawac u geysan midnimada iyo qaranimada soomaaliyeed. Hadaba labo iyo toban sano kadib oo soomaaliya federal ahayd wali madaxda iyo dadka soomaaliyeed way ku jahwareer san yihiin waxa uu federal yahay iyo qaabka uu u shaqeeyo taasina waa mida dhalisay qodobka qormadeenu ku saabsan tahay ee kala dambayn la’aanta iyo tartanka u dhexeeya dowlada Federaaliga iyo dowlad goboleedyada, in la fahmo mabaadi’da Federaaliga iyo qaabka uu u shaqeeyo waxa inakaga filan inaga oo dastuurka u laabana kuna dhaqana waxa ku qoran. MAXAA SABABAY LOOLANKA? In dowlada dhexe looga damayn waayo awoodihii u gaarka ahaa dowlad goboleed walbana isu arko mid madax banan oo wuxu rabo samaysan kara ciduu rabana heshiis la geli kara waxa keenay qodobada hoos ku xusan 1:- Dastuurki dalka oo noqday mid an lagu dhaqmin: Qodobka 51 aad faqrada afraad ee dastuurka Federaaliga soomaaliya wuxu lee yahay “Dhammaan heerarka Xukuumadda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey” hadaba markaan baaritaan dheer sameeyey waxa iisoo baxday in dowlada Federaaliga iyo kuwa dowlad goboleedyada ba midna aanu ixtiraamin dastuurka ee mid walba isa siiyay awood ka baxsan tii dastuurku siiyay,. Tusaala ahaan:- A) Qodobada dastuuriga ah ee dowlad goboleed yadu ku xad gudbeen:- Qodobka 54 aad ee dastuurka dalka waxa uu u qeexayaa “Awood-qaybsiga siyaasadeed iyo dhaqaale waxaa ka wada xaajoon doona Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha ka mid noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya marka laga reebo: A) Arrimaha Dibadda;B) Difaaca Qaranka; C)Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo D) Siyaasadda Lacagta, oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso Xukuumadda Federaalka. Afartaas awoodood ee dastuurku sida gaarka ah u siiyay dowlada Federaaliga sadex kamid ah waxa si cad ugu tuntay dowlad goboleedyada oo si isdaba joog ah an u aragno inay awoodahaas isa siiyaan taasina waxay noqonaysaa inay jabiyeen dastuurki dalka u yaalay waxana ka mid ah awoodaha ay sida sharci darradaha u isticmaalaan dowlad goboleed yadu: Arrimaha dibadda Galida heshiisyo caalami ah iyo ka qayb galida shirar an dowlada dhexe lala socod siin waa dabeecad joogto u noqotay dowlad goboleedyada qaar kamid ah, iyadoo dastuurku wixi quseeya arrimaha dibadda u xilsaaray dowlada Federaaliga in laga tilaabsado oo dowlad goboleedku isku dhereriyo dowlada Federaaliga ah isuna arko inu xaq u leeyahay shaqadas inuu qabto waa midka kamida fahan la’aanta soomaalida ka haysata waxa uu federalku yahay. Difaaca Qaranka Dowlad goboleedyada qaar ciidan ahaan waxay isu arkaan inay ka madax banana yihiin dowlada Federaaliga, mana saamayso hadi dowlada dhexe soo saarto amaro ku aadan ciidamada taliyayaasha ciidamadooduna waxay toos uga amar qaataan madaxweynaha dowlad goboleedka, dowladad goboleed yada qaar waxay leeyihiin nooc kasta ee ciidan dal lahaa sida police, nabad sugid, asluub, milatari/daraawiish iyo ciidanka badda intaaso dhami waxay ka shaqeeyaan danta dowlad goboleedka ee kama shaqeeyaan difaac qaran oo loo dhan yahay, ciidamadaasi waxa xaq u leh inay ka amar qaataan dowladda Federaaliga oo awoodaas dastuurku siiyay laakiin si sharci darro ah ay dowlad goboleedyada qaar ku qaateen. III. Siyaasada Lacagta. Soomaaliya ma leh bank dhexe oo lacagta kantaroola, waana shaqo loo ga fadhiyo in dowlada federalku qabato, booskaas banaana wax aka faa’idaystay dowlad goboleedyada qaar oo daabaca lacagta laga isticmaalo deegaanadooda qaarna waxay ba samaysteen lacag u gaar ah laakiin daabacaada iyo kantaroolka lacagta waa awood gaar ah oo dastuurku siiyay dowlada Federaaliga ah ayna tahay in looga danbeeyo. Qodobada kale ee dastuuriga ah oo dowlad goboleedyadu ku xad gudbeen waxa kamid ah Qodobka 50 aad faqrada kowaad qaybta e) waxay u qoran tahay sidaan “Khayraadka dalka oo si caddaalad ah loo qaybsado” sido kale isla qodobkaas qaybta F) waxay u qorantahay sidan “Dakhli-ururinta oo loo xilsaaro hadba heer xukuumadeedka sida ugu wax-ku-oolsan u fulin Karta” Qodobkaas wuxu qeexayaa in dakhli uruurinta iyo qaybinta kheyraadka dalka ay mas’uuliyadeeda leedahay dowladda Federaaliga laakiin hada gabi ahaan ba majiro maamul goboleed dakhli ku dara sanduuqa bankiga dhexe dowlad goboleed walbana wuxu isa siiyay awoodas oo ah mid an dastuurku siin. B) Awoodaha dastuuriga ah ee dowlada federalku ka gaabisay:- Qodobka 50 aad oo ka hadlaya mabaa di’da Federaaliga Faqradiisa kowaad qeybta D) waxay u qoran tahay sidan “Si uu u jiro dareen midnimo qaran, degaan kasta oo ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waa inuu helaa adeegyo iyo waxqabad xukuumadeed oo isku mid ah” Dowlada federalku waxay ka gaabisay mudadii ay jirtay inay dhamaan adeegyada xukuumada gaarsiiso guud ahaan deegaanada, sida dastuurka ku qeexanna maqnaanshaha adeegyadaasi waxay dhaawac ku yihiin midnimada. Dowlad goboleed yada qaar waxay ka cabanayaan in dowladu wixii nafac ah aysan iyada soo dhaafin oo ay kaliya rabto in dowlad goboleedku gacmo maran la hoos joogo taasina ay ku khasabtay inay iskood “Uqaraabtaan” waana mida keentay madama anay ka helin wax adeeg ah dowlada Federaaliga inaysan tix galin jiritaanka awoodeheeda. Qodobka 51 aad Faqrda 2aad qeybta C waxay qeexeysaa “In dowlada Federaaliga iyo dowlad goboleed yadu yeeshaan siyaasado u adeegaya qorshaynta iyo hirgelinta mashaariic hormarineed oo wadajir ah” Dowlada Federaaliga ah waxa laga rabay inay dowlad goboleed yada kala shaqayso mashaariicda horumarinta ah sida beeraha, wadooyinka, ayraboorada iyo dekedaha laakiin waxa muuqata inay arimahaas ka gaabisay oo ku mashquushay xaaladaha bini aadamnimada iyo nabad galyada, maadaama dowlad goboleed yada qaar ay ka gudbeen heerkaas oo ay haystaan nabad galyo buuxda ayna u baahan yihiin mashaariic horumarineed dowladiina ay ku mashquushay qeybo kamida ah dalka oo nabad galyo la’aani ka jirto arinkaasi waxay sababtay in kaalinti dowlada Federaaliga ay dowlad goboleed yadu qaataan oo mashaariic horumarineed sida ayrabooro iyo dekedo iyo wadooyin la saxiixdaan dowlado ajnabi ah waana arin dastuuriyan khalad ah marka dhinac laga eego dhinaca kalena la is dhihi karo waa gar oo dowladii Federaaliga baa kaalinti dastuurku siiyay buuxin wayday. Qodobka 53 aad faqrada kowaad waxay qeexeysaa “Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah” isla qodobkaas faqrada labaad waxay qeexeysaa “Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ahaan u saamaynayaan danaha khuseeyadawladda xubinta ka ah dawladda federaalka, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka” Labada faqradood tan kowaad waxay amraysaa in dowlada federalku wada tashi kala samayso dowlad goboleedyada heshiis walba oo caalami ah halka faqrada labaad ay sheegeyso in marka heshiisku si gaara u quseeyo dowlad goboleed ay heshiiska wax ka saxiixaan wakiillo ka socda dowlad goboleedkaas. Hadaba ba dowlada soomaaliya waxay toos ugu fashilan inay fuliso qodobkaas dastuuriga ah iyadoo heshiis yada ay galayso u isticmaasha awood dheerada mana jiro heshiis lagala tashaday dowlad goboleed marka lagu daro kii turkiga iyo Qaraarkii dhexdhexaadnimada ee xasarada dowladaha khaliijka iyo kuwa kale ee dowlada federalku gashay waana qodob dastuuri ah oo dowladu ka tillaabsatay kaaso sahlay in dowlad goboleedyadu iyana markooda dastuurka ka tilaabsadaan mar hadii dowladii federaliga ahiba ay sidaa samaysay.. SIDEE LOO XALIN KARAA. Dastuurka oo lagu dhaqmo Sida an kor kusoo xusay loolankaan waxa base u ah dastuurkii qaranka oo an lagu dhaqmin dhinac walbana u adeegsaday si isaga u danaynaysa, waxa kaliya oo lagu xallin karaana waa in dastuurka lagu dhaqmo, dowlad goboleed yaduna ixtiraamaan awoodaha dowlada Federaaliga dastuurku siiyay sidoo kalena dowlada federalku ay san ku tagri filan awoodaha hoose ee dastuurku siiyay dowlad goboleed yada sida an kor kusoo xusay. Qodobka 51aad faqrada 2aad waxay qeexeysaa “Xukuumad kasta waa in ay ixtiraamtaa, ilaalisaana xadka awoodaha ay leedahay iyo awoodaha ay leeyihiin Dawladaha kale” halka faqrada 4aad ay qeexeyso “Dhammaan heerarka Xukuumadda waxaa waajib ku ah inay u hoggaansanaadaan Dastuurka dalka, ayada oo aan heerna isa siinayn awood ka baxsan kuwa Dastuurku siiyey” faqrada hore waxay dowlada Federaaliga ku amraysa inaysan ku takri falin awoodeeda oo ay ixtiraamto awoodaha dowlad goboleed yada halka faqrada dame ay dowlad goboleedyada ku waajibinayso inaysan isa siin awood aan dastuurku siin waana xalka kaliya ee ay kuwada shaqeyn karaan dalkana lagu gaarsiin karo horumar iyo midnimo buuxda. Dhismaha Maxkamada dastuuriga ah:- Qodobka 109 faqrada 1aad qeybta D waxay qeexeysa awoodaha maxkamada dastuuriga ah waana sidan “In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyada xubinta ka ah dawladda federaalka ah iyo Dawlad goboleedyada federaalka dhexdooda” Maxkamada dastuuriga ahi waxay awood u leedahay inay soo dhex gasho go’aana ka gaarto khilaafaatka dhex mara dowlada goboleedyada iyo dowlada Federaaliga waana muhiim in la dhiso si loo yareeyo loolanka sii baahaya ee ay caadaysteen dowlad goboleed yada iyo khilaafaatka soo noqnoqday. Samaynta Guddiga isku xirka xukuumadaha:- Qodobka 111F ee dastuurka federaaliga faqrada kowaad waxay qeexeysaa “Waa in sharci Federaal ah lagu sameeyaa Guddi isku xirta xukuumaddaha” Gudigan shaqadiisu waxay noqonaysaa sida ku xusan isla qodobkaas faqrada 2aad qeybta B “Xalilinta wixii khilaafaad ku saabsan maamul ama siyaasadda ee awoodooda hoos yimaadda kuwaasoo soo kala dhexgeli kara Dawladda Federaalka iyo hal dawlad oo xubin ka ah Federaalka ama in ka badan Dawladdaha xubinta ka ah xukuummadaha Federaalka” Gudigan waxa si wadajir ah u magacaabaya raisal wasaaraha iyo dhamaan dowlad goboleedyada sida ku xusan dastuurka wuxu qayb weyn ka qaadanaya wada shaqaynta isagoo meesha ka saari doona loolanka iyo is aaminaad la’aanta hadda u dhexeysa dowladda Federaaliga ah iyo dowlad goboleed yada xubnaha ka ah. Gunaanad Maqaalkan dhamaantiis wuxu ku salaysan yahay dastuurka dowlada federaliga ee soomaaliya waxanan halkan kusoo koobay fahamkayga ku aadan dastuurka iyo qaabka lagu xallin karo is qabqabsiga iyo loolanka ka dhexeeya dowlada federiliga iyo dowlad goboleed yada xubnaha ka ah, caqabadaasoo an u arkay inay dhaawac weyn ku keeni karto qaranimada soomaaliya sidoo kale fogeyn karto hankii dadka soomaaliyeed ee aha inay mar un arkaan soomaaliya oo cageheeda isku taagtay sharafkay dunida kalahayd na soo ceshatay. Waxan ka codsanayaa qof walba oo ka agdhow madaxda ay qormadani quseyso inuu iga gaarsiiyo, gaar ahaan dowlada Federaaliga waxan ka rajeynayaa inay arinkaas xal buuxa ka gaarto. W/Q: Siyaasi Abdullahi Nur Ciid Email: Mrabdullahi.nur@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qasaaraha dagaalo culus oo ka dhacay deegaanka Dhummay oo dhacda koonfurta degmada Laascaanood ee Gobolka Sool. Dagaalkaasi ayaa waxaa uu geeystay qasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay. in ku dhow 30 ruux ayaa dagaalkaasi ku dhintay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ah dhinacyadii dagaalamayay. Dr Axmed Jaamac Ismaaciil oo kamid ah Aqoonyahanada ku dhaqan Degmada Laascaanood oo la hadlay goordhow oo caawa ah Puntland Post ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalkaasi iyo qasaaraha uu geeystay. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaaladaasi ayaa waxa ay sheegayaan in caawa dhinacyadaasi ay isku gabal dhacsadeen dagaalkuna uu si iskiis ah uu u joogsaday. Hoos ka Dhageeyso Codka Wareeysiga waxaana wareeystay Xasan Maxamed Samatar Cowke oo PP-katirsan https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Dagaalka-Sool-By-Cowke.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Wareeysi: Dagaalkii Gobolka Sool oo la isku gabaldhacsaday iyo qasaaraha oo sii kordhay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Dheere ayaa Wasiirka Wasaradda Dastuurka Soomaaliya ka codsaday in talooyinka Cullimada laga dhigo qodob dastuuri ah. Waxa uu sheegay in loo baahan yahay Bulshada Soomaaliyeed inay wadashaqeyso,isla markaana Dastuurka la geliyo qodob sheegaya in wadatasho Diineed loo baahan yahay. saga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Culumada Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwii la dagaalami jiray Gumeystaha,isaga oo tusaalo u soo qaaday Culimo farabadan oo Caanka ahaa dalka. Hadalkaan ayaa Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cali Dheere uu Maanta ka sheegay kulan looga hadlayay sida ay Amniga uga qeyb qaadan lahaayeen Cullimada Ahlusunna oo lagu qabtay Magalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka awqaafta Sheekh Cali Dheere https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Sheekh-Cali-Dheere-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (PP) ─ Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur-galbeed, ahna Afhayeenka Golaha Iskaashiga Dowlad-goboleedyadda, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa Dowladda Dhexe ee Somalia ku eedeeyay in saacaddihii lasoo dhaafay ciidan iyo hub ay geysay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay. Afhayeenka ayaa sheegay in diyaarad siday ciidan ay gaartay Baydhabo, isla markaana lagu doonaayo in lagu carqaladeeyo doorashadda Koonfur-galbeed ka dhici doonta bisha soo socota. Sidoo kale, Dowladda Dhexe ayuu ugu baaqay inay ka qayb-qaadato Gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo toddobaadkii hore. C/llaahi Sh. Xasan ayaa sheegay inay kasoo hor-jeedaan golaha iskaashiga Dowlad-goboleedyadda warkii shalay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ee loogu baaqayay inay golaha yimaadan gogoshii uu horay u fidiyay madaxweyne Farmaajo. Dhaka kale, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la sheegay in Dowladda dhexe ee Somalia ay dabada ka riixayso wasiir ka tirsan xukuumadda kaasoo ay doonayso inuu noqdo hoggaaminaya xigi doona madaxweynaha xilka haya. Ugu dambeyn, Wasiirka la sheegay in Xukuumaddu Somalia ay waddo ayaa ah C/casiis Lafta Gareen oo ah wasiirka Tamarta iyo Biyaha, kaasoo xilka kula tartami doona tiro musharraxiin ah oo xilkan u taagan. PUTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay inay hub iyo ciidan geysay Magaalada Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Senator Lindsey Graham says he believes Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman was behind the killing of dissident journalist Jamal Khashoggi. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (PP) ─ Saldhiga degmada Dharkeenley ayaa 25-kii bishii lasoo dhaafay ee Septmber u soo gudbiyay xafiiska xeer-ilaalinta ciidanka Qalabka Sida ee Somalia eed ka dhan ahayd, Cali Maxamuud Axmed, Cabdi Xaaji Bashiir, Axmed C/risaaq Axmed iyo C/fataax C/qaadir Axmed oo ka-wada tirsan ciidamada Asluubta Somalia, kuwaasoo ay soo gudbiyeen ciidamada deegaanka Garasbaaley oo sheegay inay dhac geysanayeen. Xafiiska xeer-ilaalinta, ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane Xabsiga Dhexe si loosoo dhameystirao dhamaan caddeymahooda. Bishan lixdeedii ayay xafiiska xeer-ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane, waxaana saddex cisha kaddib maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan. Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska saldhiga booliiska Dharkenley iyo ilaalada deeganka Garas-baaley. Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno caddeymo dheeri ah oo mar kale la isugu soo noqdo fadhiga maxkamadda. Sidoo kale, 18-kii bishan October ayaa mar kale la isugu soo noqday fadhiga maxkamadda, waxay xafiiska xeer-ilaalinta lasoo shir-tageen kaliya inay jirto in xilliyo kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deegaanka, balse xilliga la soo qabanayay afarta eedeysane aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen. Dhanka kale, Qareenka u dooday afarta eedeysane ayaa fadhiga maxkmada ka sheegay inay raggan ilaalo indha-indheyn ah ay ka hayeen fadhigooda, wuxuuna ku dooday inaysan jirin wax cadeymo ah oo lagu xukumi karo, sidaas awgeedna uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xuriyadooda. Ugu dambeyn, Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan, ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in la siiyo xoriryadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay Col. Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida. PUNTLAND POST The post Maxkamad sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambiyo horay loogu soo eedeeyay appeared first on Puntland Post.
-
Dhumay (Caasimadda Online) – Waxaa markale uu dagaal u dhexeeya beelaha Qayaad (Kheyr Cabdi) iyo Bahararsame oo ka wada tirsan Sool clan ku dhexmaray deegaanka Dhumay ee Koonfurta Gobolka Sool iyo laba tuulo oo hoos yimaada sida; Xaaxi iyo Daanqoray. Sida ay Caasimadda Online ku heshay xog rasmi ah, dagaalka oo bilowday saaka hiirtii hore waxaa ku dhintay 30 qofood in ka badan oo labada dhinac ah halka dhaawaca uusan xisaab lahayn. Sida ay ilo xog ogaal ah oo deegaanka Dhumay ka qaxay oo ay Caasimadda Online la xiriirtay sheegeen, dagaalka waxaa qeyb ka ah maamulka Somaliland oo mid ka mid ah beelaha dhiiladda u dhexeyso garab siinaya waxaana la arkay ciidankooda oo dagaalka dhinac ka ah. Collaada u dhexeysa beelaha Bahararsame iyo Qayaad ayaa noqotay mid loo caal waayey oo hadda u muuqda in ay xalinteeda Isimada Sool clan ku fashilmeen. Dhawr bilood kahor ayuu dagaalka labadaas beelood u dhexeeya isla Dhumay ka qarxay halka sanadkii horena sidan oo kale loogu hoobtay. Lama oga ujeedada ka dambeysa inay Somaliland gadaal uga riixeyso dagaalka. Xaaladda deegaanka Dhumay hadda waa mid yara dagan hase ahaatee wax walba ayaa dhici kara mar walba. Caasimada Online Xafiiska Dhumay Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Dhumay ee gobolka Sool. Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba beel oo walaalo ah islamarkaana wada dega deegaanka uu dagaalka ka dhacay. Qoraal uu soo saaray maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in colaadan ay tahay mid soo noq noqatay isla markaana ay abaabuleen Somaliland. Puntland ayaa sheegtay in Somaliland ay cadow ku tahay jiritaanka, nabadda iyo xasiloonida shacabka xigtada ah ee halkaasi wada dega. Puntland ayaa labada beelood ee colaada ay ka dhaxeyso waxa ay ugu baaqday inay si deg deg ah ku joojiyaan xiisada. Mas’uuliyiinta, culimada iyo dhammaan shacabka ayaa lagu booriyay inay ka qeyb qaataan sidii loo soo afjari lahaa colaada. Sidoo kale, qoraalka oo ah mid gaaban isla markaana ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay si mugleh uga qeyb qaadato daminta colaada degaanka Dhumay ee gobolka Sool.
-
Boqorka Sucuudiga oo ka tacsiyeeyay dilka Jamaal Khaashuqji
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Riyadh (Caasimadda Online) – Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa dilka Jamaal Khaashuqji ku sheegay “howlgal khaldamay”, iyagoo bixiyay macluumaad horleh oo sii huriyay carada caalamka, balse ka duwan kuwii horey uga soo yeeray. Wasiirka arrimaha dibadda Caadil Al-Jubeyr ayaa warbaahinta Fox News u sheegay in “dilka” uu ahaa “khalad aad u weyn” wuxuuna beeniyay in dhaxal sugaha boqortooyada ee awoodda badan uu amray dilkaas. Sida ay tabinayso wakaaladda wararka ee Sucuudiga, Boqor Salmaan iyo wiilkiisa ayaa labaduba taleefoon kula hadlay wiilka uu dhalay Jamaal Khaashoqji oo Saalax lagu magacaabo, iyaga oo oga tacsiyeeyay dilka aabihiis loo geystay. Wariyahaas ayaa markii ugu dambeysay la arkayay isagoo sii galaya Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istambul. Mas’uuliyiinta Sucuudiga oo cadaadis xooggan uu ku saarnaa iney meel ku sheegaan wariyahaas ayaa bixiyay hadallo iyo macluumaad iska hor imaanaya. Markii hore waxay sheegeen in 2dii Oktoobar uu si nabad ah uga baxay qunsuliyadda isagoo aan waxba la yeelin, balse maalintii Jimcaha ayey markii ugu horreysay qirteen inuu dhintay, iyagoo sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay qudaha qunsuliyadda. Saraakiisha Turkiga ayaa aaminsan in Khaashuqji, oo ahaa suxufi caan ah oo dhaliili jiray dowladda Sucuudiga, ay dileen koox ka socotay sirdoonka Sucuudiga oo loogu tala galay, waxayna sheegeen iney caddeyn u hayaan arrintaas. Hadalka Caadil Al-Jubeyr uu ku xaqiijiyay dilka ayaa ah mid ka mid ah oraahyada sida tooska ah uga yimid saraakiisha Sucuudiga. “Waxaa naga go’an inaan soo saarno dhammaan xaqiiqooyinka waxaana naga go’an inaan ciqaabno kuwii mas’uulka ka ahaa dilkaas”, ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay: “Shakhsiyaadka arrintan sameeyay waxay isticmaaleen awood aysan lahayn”. “Dabcan waxaa la sameeyay khalad aad u baaxad weyn, waxa xaaladda uga sii darayna waxay ahayd in khaladkaas la isku dayay in la daboolo”. Wuxuu sheegay in aysan ilaa hadda ogeyn halka uu jiro meydka, sidoo kalena ficilkaas uusan waxba ka ogeyn dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salmaan, oo loo arko inuu yahay shakhsiga ugu awoodda badan dalka Sucuudiga. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com -
Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaya khilaafka ka dhex aloosan Madaxda maamulka Galmudug kaa oo kala fogeeyay mas’uuliyiinta maamulka oo iminka kala fadhiya xarumo ku kala yaala Dhuusomareeb iyo Cadaado. Khilaafka oo ah mid muuqda ayaa yimid kadib markii madaxda maamulka ay isku maandhaafeen fulinta qaar ka mid ah qodobo ka soo baxay heshiiskii Ahlu-Sunn Waljameeca iyo Galmudug. Khilaafka madaxda maamulka iyo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee taagan ayaa sababtay xil ka qaadis qaar ka mid ah xubnaha sare ee madaxda iyo doorashooyin lagu buuxinayo boosaskii la sheegay in laga qaaday. Khilaafka madaxda Galmudug ee hadda taagan waxa uu sababay in maamulka uu yeesho Laba Madaxweyne, Laba Madaxweyne ku-xigeen, Laba Guddoomiye baarlamaan iyo Laba Guddoomiye ku-xiigeen baarlamaan, taa oo ragaadisay dhamaan howlihii maamulka. Doorashooyinka khilaafka soo dadajiyay ee ka dhacay deegaanada maamulka ayaa waxaa kamid ahaa doorashada 14-ka bishan Dhuusamreeb ka dhacday ee lagu doortay guddoomiye baarlamaan, halka Cadaado xildhibaano ku kulmay ay iyaguna sheegeen in ay kalsoonidii kala laabteen madaxweynaha maamulka. 20-kii bishan xildhibaano ku shiray magaalada Cadaado ay madaxweyne u doorteen Axmed Maxamed Xasan Baasto oo soo dhaweyn weyn loo sameeyay kadib markii uu guul ka gaaray doorasho muddo kooban ku dhacday. Xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa iminka u kala jabay 3 qeyb oo kala ah Mucaarad, Muxaafid iyo dhexdhexaad, balse waxa ay dhamaantooda ka siman yihiin in Siyaasada Galmudug ay sii qasnaato inta laga helaayo xal. Xildhibanada qaar oo kulamo kala duwan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa sheegay inay doorbidayaan in gabi ahaan maamulka la kala diro inta uu sii shaqeyn lahaa Xaaf oo isagu Siyaasada maamulka hoosgeeyay Puntland iyo Jubbaland. Beesha caalamka ayaa loo diiday inay faragaliso Khilaafyada u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Galmudug iyo Khilaafka gaarka ah ee ka dhexeeya madaxda maamulka oo dhinac ah. Si kastaba ha ahaatee, Siyaasadaha isdiidan ee kataagan Galmudug ayaa waxaa kaalin ka qaadanaya maamulada Puntland, Jubbalan, Koonfur Galbeed iyo Dowlada Somalia oo la sheegay inay leedahay abaabulka doorashooyinka iska soo horjeeda. Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
-
Puntland oo Somaliland ku eedaysay kicinta colaadda Dhummay
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Puntland ayaa Somaliland ku eedaysay kicinta dagaal u dhexeeya laba beelood oo saaka dib uga qarxay tuulada Dhummay ee koonfurta gobolka Sool. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale baaq-nabadeed loogu diray beelaha halkaasi ku dagaallamaya,waxaana qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland xukuumaddu ka codsatay in laga qeyb qaato joojinta colaaddaas. Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay,in ka badan 30 kalena waa ku dhaawacantay dagaalka halkaasi ka dhacay,sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararku waxay sheegayan in malayshiyaadkii dagaaallamay ay weli is-hor fadhiyaan,lagana cabsi qabo in mar kale dagaal dhex maro. PUNTLAND POST The post Puntland oo Somaliland ku eedaysay kicinta colaadda Dhummay appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors