Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,768
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Caasimada Online)—Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has appointed ministerial level committee to work with the country’s Upper House to resolve internal political concerns by the regional state-members. In a statement by PM Khaire’s office said a new committee of four ministers would work with Somalia’s Upper House senate in resolving political standoff between the Central government and its members. Last month, the leaders of five Somali states [Puntland, Galmudug, Southwest, HirShabelle, and Jubbaland] announced to suspended relations with the central government, citing a lack of political and security progress in Somalia. The five leaders demanded third-party mediation in talks on the current political crisis, but the call was rejected by the government of Somalia. Somalia’s Ministry of Interior and Reconciliation Affairs said in a statement that the country’s President Farmajo’s doors are still open and ready to listen to their grievances by regional state members. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada Online
  2. MOGADISHU (Caasimada Online)—Somalia’s regional state leaders have warned that the country could lapse into anarchy after their 4th forum of the council of Inter-State Cooperation [CIC] concluded in Garowe, capital of Puntalnd . The state leaders agreed to prevent any alleged obstacle attempts by central government, ahead of the presidential vote of Southwest in Baidoa town, some 250km southwest of Somali capital Mogadishu. The spokesman of Council of Inter-State Cooperation [CIC] Abdullahi Sheikh Hassan accused of Villa Somalia of dispatching pro-candidates to Baidoa town, sponsoring their campaigns by using the “public funds” to win the regional presidential election of Southwest state. Hassan says a cargo plane carrying bulletproof vehicles and weapons for pro-candidates landed at airport in Baidoa town. “This is unfortunately as the Federal government to improve its influence and preparing political conflict in Southwest state election by using the “public funds”, he said. The remarks came after Somalia’s Minister of Energy and Water, Abdiaziz Hassan Mohamed, popularly known as [Lafta Gareen] with bulletproof vehicles and weapons landed at airport arrived in Baidoa, a town about 250km southwest of the capital of Mogadishu. There was no immediate comment from Somali authorities over the latest allegations. However, attention in recent days has turned to Baidoa, the interim capital of South West state, as high-level al-Shabab defector Mukhtar Robow and pro-government candidates also seek the regional presidency. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  3. Soomaaliya waxaa la qorsheeyay in doorasho ka dhacdo dhammaadka sanadka 2020, taas oo nooceeda lagu sheegay nidaamka matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran (proportional representation-closed list) ama PR. Habkan doorasho waxaa ku heshiiyay Golaha amniga Qaranka Soomaaliya oo ka kooban madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir shirkii magaalada Baydhabo ka dhacay 3-5 Juun 2018, wuxuuna ahaa heshiis aan xog badan laga siin shacabka. Muxuu yahay nidaamka PR ee qaadatay Soomaaliya 2020 Nidaamka matalaadda isku dheelitiran ee nooca liiska xiran (PR), waa nidaam xisbi ah oo la doorto Baarlamaan, waxaana wax lagu doortaan dalal badan oo dunida kamid ah oo qaarkood ay ka jiraan qalalaase iyo kuwo horey maray, balse kan ay hadda qaadatay Soomaaliya 2020 waa ka duwan yahay kuwaas, sida ay ogaatay PUNTLAND POST. Waa nidaam ku salaysnaan doona nidaamkii hore qabiiliga ee afar iyo bar (4.5), waxaana beeluhu sidii hore u qeybsan doonaan 275 Xildhibaan oo ay ku tartami doonaan dhowr xisbi, waxaana xisbiga hela kuraasta ugu badan uu ku guuleysan doonaa doorashada, waxaana si toosa Madaxweyne u noqon doona qofkii ay xisbigaasi u wateen musharaxa Madaxweynaha. Iyadoo nidaamka la qaatay sidaas yahay, ayaa haddana waxaa ku jirta khiyaano ah in la rabo lagu saleeyo doorshado deegaan qof iyo cod ah, waxaana 275 kursi oo ay ku tartamayaan xisbiyo u codeyn doono meelaha nadaba ah tiro dad ah oo qiyaastii u dhexeysa 100 ilaa 1000 qof, halka meelaha aan amniga ahayn iyo Somaliland ay kursi kasta u codeyn doonaan tiro dad ah oo qiyaastii aan ka badnayn 50 ilaa 100 qof, waxayna doorashadan ay aad ugu ekeen doontaa doorashadao hore 2017 oo loogu magacdaray “doorasho dadban” oo ku salaysnayd nidaam beeleedka 4.5. Sidoo kale nidaamka doorasho ee Soomaaliya qaadatay 2020 ayaa Golaha aqalka sare ee Baarlaamka oo ah 54 kursi, uu ku saleysnaan doonaa 18-ka gobol ee Soomaaliya. Dowlad goboleedyada oo dafiray heshiiskii doorashada ee Baydhabo Golaha amniga Qaranka Soomaaliya ee madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, iyagoo ku heshiiyay doorshado noocaas ah in ay dalka ka dhacdo 2020 ayaa hadda waxaa jira khilaaf xoogan oo hadda u dhexeeya labada dhinac oo sameeyay heshiiskaas. Maalin ka hor Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shirka Garowe uga socda madaxda dowlad goboleedyada ka sheegay in heshiiski Baydhabo ee doorashooyinka uu ahaa mid mabda’a ee aysan ahayn mid heshiis laga gaarey, isagoo intaas raaciyay in cid gooni ah aysan go’aan ka gaari karin doorashada 2020. Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa horey u dhaliilay shaqada ay wato Xaliimo Yarey oo ah Guddoomiyaha Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya. Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khamiistii la soo dhaafay Golaha Wasiirada ka codsadey in khamiista dambe la meel mariyo xeerka doorashada, si loogu gudbiyo Baarlamaanka oo la dardargeliyo doorashada 2020 ee lagu heshiiyay shirkii Baydhabo. Shuruud ku xiran Doorashada 2020 Waxaa horey u jiray heshiisyo ay wada galeen Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la galay 2012 iyo 2016, waxayna qeexayeen in nidaam beeleedka 4.5 aan mar dambe lagu soo noqon. Heshiisyadii Garowe 1 iyo Garowe 2 ee 24 December, 2011 iyo 17 February, 2012 ayaa Puntland iyo dowladii dowladdii KMG ahayd ku kula saxiixdeen heshiis si cad u qeexayay in nadaamka 4.5 ku eg yahay doorashadii 2012, waxaana saxiixay madaxda dowladdii KMG ah, laba maamul goboleed oo markaas dalka ka jiray oo Puntland iyo Galmudug ahaa iyo Ahlu Sunna wal Jameeca, waxaana wax ka saxiixay Qaramada Midoobay. Heshiiskii Garowe 2, 17 February, 2012 Heshiiskaas waxaa lagu jebiyay shirkii Wadatashiga Qaran ee madaxdii dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu ku yeesheen Muqdisho bishii Janaayo 2016, kaas oo lagu go’aamiyay qaabka ay u dhacayso doorshadii dadbanayd ee lagu saleeyay nidaamnka 4.5, waxaana go’aankaas xiligaas ka hortimid Puntland oo xasuusan heshiiskii 2012, wuxuuna Madaxweyne Gaas xiligaas sheegay in dowladdiisu aysan aqbali karin in mar kale lagu laabto nidaamka beeleedka 4.5. Go’aankii diidmada ee Puntland Janaayo 2016 ka qaatay nidaam beeleedka 4.5, waxaa si weyn ugu taageeray xiligaas siyaasiyiinta iyo shacabka, waxayna muddo diidanayd Puntland nidaamkaas, balse gorgortan dowladdii federaalka iyo beesha caalamku la gashay ayay ugu dambeyn Puntland ku qaadatay nidaam beeleedka 4.5. heshiiskii Garowe 3 April 2016 Heshiis ay dowladda Federaalka iyo Puntland ku kala saxiideen Garowe 3 April 2016 ayaa lagu heshiiyay afar qodob oo mid kamid ah uu qeexayay in nidaam beeleedka 4.5 aan mar dambe lagu dhaqmi doonin wixii ka dambeeya 2016, heshiiskaas waxaa hirgalintiisa damaanad qaad buuxa ka ahaa urur goboleedka IGAD, halka ay markhaati ka ahaayeen Qaramada Midoobay, ururka Midowga Afrika, Ururka Midowga Yurub iyo dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya. Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo xiligaas Puntland u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in aanay saxiixin 4.5 balse ay saxiixeen inaa dalka dib loogu celin hannaanka 4.5 wixii ka dambeeya 2016-ka. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Codka-Madaxweynaha-ee-Heshiiska.mp3 Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii dowladda federaalka ee xiligaas Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo dhanka federaalka u saxiixay heshiiska ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid faa’iido wayn u leh guud ahaan umada Soomaaliyeed, Xukuumadan mida xigtana ay imaanayaan Baarlamaan ku yimid rabitaanka shacabka, sidoo kale ayuu sheegay in Puntland ay tiir dhexaad u tahay umada Soomaaliyeed tanaasulka ay samaysana uu yahay gunaanadka nidaamka doorashada Soomaaliya in mar dambe lagu saleeyo 4.5. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/R.wasaare-Cumar-Cabdirashiid.mp3 Waa hab-dhaqan siyaasadeed oo lagu yaqaano madaxda Soomaalida in aysan fulin heshiisyadii horey loo galay, iyagoo ka fakara nidaam ay mar kale dib ugu soo noqdaan, waxaana hadda dadka siyaasada Soomaaliya ka faallooda sheegaan in madaxda dowladda federaalku wado qorshe ay ku hogaaminayso nidaamka doorasho ee 2020, si ay talada dalka mar labaad ugu soo noqdaan. Sdoo kale Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo kamid ah Golaha amniga Qaranka Soomaaliya ee shirkii Baydgabo ku heshiiyay nidaamka doorasho 2020 ee aan kor ku soo sheegnay, horey uga mid ahaa saxiixayaashii heshiisyadii Puntland iyo federaalka, ayaa la aqoon u jeedada uu uga hor iman waayay nidaamkan iyo waxa uu ku qaatay midna. Xagee ka yimid nidaam beeleedka 4.5 Nidaam beeleedka ku salaysan 4.5 waxay Soomaalidu qaadatay shrikii Carta 2000, waxaana la sheegaa in nidaamkaas uu yimid Madaxweynihii hore ee Itoobiya Meles Zenaw oo xiligaas Ismaaciil Cumar Geele Madaxweynaha Jabuuti ka cosday in Soomaalida si siman wax loogu qeybiyo, isla markaana ay Jabuuti meel marisay. Meles Zenaw waxaa la sheegay in xiligaas uu beelaha Soomaaliya qaar kamid ah ka lahaa dano gaara, waxaana gobolada qaar joogay ciidamda Itoobiya oo gacan siinayay maleeshiyo beeleedyo. Laga soo billaabo Baarlamaankii lagu dhisay Carta 2000, lagu xijiyo kii lagu dhisay Kenya 2004 oo haddana lagu kabay mid kale shirkii Jabuuti 2009, kii lagu dhisay Muqdisho 2012 iyo kan hadda jira ee ee la dhisay 2016 dhamaantood waxay ku salaysan yihiin afar qabiil oo kuraasta u qeyb saday si siman iyo qabaa’il la isu geeyay oo la siiyay kala bar kuraasta afarta qabiil mid kasta oo kamid ahi uu qaatay. Nidaam beeleedka 4.5 waxaa ku dulman beelo badan oo Soomaaliyeed, halka beelo kalana ay ku wataan sad bursi dheeri ah, mana ahan mid caddaalad ku salaysan. PUNTLAND POST GAROWE The post Doorashada Soomaaliya 2020 iyo khiyaamada loo dhigayo Puntland appeared first on Puntland Post.
  4. Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaq Nabadeed loogu diray Beelaha Walaalaha ah ee ku dirirsan deegaanada Dhumay, Dharkayngeenyo iyo Nawaaxigeeda, Waxayna tacsi u dirayaan eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dirirta sokeeye. Madaxwaynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqayaan Garaadada, Madaxdhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya. Waxaa ayaan darro ah in ay soo noqnoqoto aafadan ragaadisay nabadda iyo xasilooninada deegaanada Gobalka Sool. Dowladda Federaalku waxa ay ka qaadan doontaa doorka uga aaddan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa deegaanadaas, Sidoo kale Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaruhu waxa ay farayaan Hay’addaha gargaarka dowladda in ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa ku waxyeeloobay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaannaddas. Dowladda Federaalku waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan umadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida oo aasaas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Dowlada Soomaaliya oo ku baaqday in la Joojiyo Dagaalka Sool appeared first on Puntland Post.
  5. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca dalka iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga suganyihiin calooshood u shaqeestayaasha, arxanlaawayaasha, diin-laawayaasha ah ee gumaada caruuta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa ku celiyay in dawladda Soomaaliya ay garab taagantahay ciidanka xoogga dalka ayna u dhamaystirayso dhammaan agabka ay u baahanyihiin si ay gacanta ugu dhigaan dalka oo dhan loona soo af-jaro ficillada gurracan ee ay wadaaan kooxda ku shaqaysa aragtida loo soo dhiibay ee lacagta iyo dhaqaalaha badan ka sameeysa daadinta dhiigga birimagaydada. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ah ay ka been sheegayaan diinta, diinteennuna aysan ogolayn in caruur la dilo ama qarax lagu soo xiro, waxa uuna intaa raaciyay in hadii ay dhab ka tahay diinta ay sheeganayaan ay iyagu is qarxin lahaayeen ama caruurtoodda ay qaraxyada u adeegsan lahaayeen. Ra’iisul wasaaaraha ayaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku ammaanay dawrkooda iyo kaalinta ay uga jiraan ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin cidda kaliya ee dhiigeeda ku bixisay ilaalinta calanka iyo ciidda Soomaaliyeed. Wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo munaasabadda joogay ayuu ra’iisul wasaaruhu faray in tayanta ciidanka iyo isla-xisaabtanka muhiimmad gaar ah la siiyo, isaga oo saraakiisha kale ee ciidanka usoo jeediyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran wiilasha iyo gabdhaha ciidanka ah ee soo go’aansaday in dhiigooda u huraan badbaadinta qarannimada, habeen iyo maalinna u taagan soo af-jaridda cadawga ummadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Ra’isilwasaare Kheyre oo amar siiyay wasiirka Gaashaandhiga appeared first on Puntland Post.
  6. Warar ay BBC ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in ku xigeenkii kooxda dawladda islaamiga (Daacish) ee Soomaaliya, Mahad Macallin, lagu khaarajiyey magaalada Muqdisho. Isha ugu weyn ee warka ay BBC ka heshay ayaa ah dad ehel la ah Mahad oo sheegay in lagu dilay Muqdisho muddo iminka todobaad laga joogo. “Waxaa dilay rag hubaysan oo meydkiisa soo dhigay xeebta Liido, ka dibna telefoon nagu soo wacay oo nagu wargeliyey in aan meydka doonano” ayey yiraahdeen dadkaas ka mid ah ehelada Mahad Macallin. Waxay intaa ku dareen in meydkiisa oo aan la garan laga qaaday xeebta Liido, ka dibna la geeyey isbitaal magaalada ku yaalla muddo ka dibna la aasay. Isla arrintaas waxaa xaqiijiyey ilo ka tirsan sirdoonka maamul goboleedka Puntland oo sheegay in taariikhda dilka Mahad ay tahay mid waafaqsan xogta ay BBC siiyeen eheladiisa. “dilkiisa ka dambeeyey nin ka mid ah saraakiisha sare ee Daacish oo ciidan ka daba diray markii uu ogaaday in Mahad Macallin uu Muqdisho aaday. Ujeedada ayaa ahayd in Mahad uu ku dilo Muqdisho, ka dibna u kaalintiisa galo” ayey yiraahdeen ilahaas ka tirsan sirdoonka Puntland. Mahad Macallin iyo ninka lagu edeynayo dilkiisa ayaa labadaba ka tirsan jufada hogaamiyaha Daacishta Soomaaliya, Sheekh Cabdulqaadir Muumin. Xuquuqda warbixinta: BBC Somali The post Ku xigeenkii Daacish ee Puntland oo la dilay appeared first on Puntland Post.
  7. Wasaaradda dastuurka dowladda Puntland ayaa tababar ku saabsan maamulka,maaliyadda iyo xisaabaadka u furtay 30 kamid ah shaqaalaheeda,si kor loogu qaado habsami-usocodka iyo horumarinta shaqada wasaaradda. Tababarkan ay oo socon doona mudda laba maalmood ah ayaa waxaa iska’kaashanaya wasaaradda Dastuurka dowladda Puntland iyo hay’adda UNDP,sida uu sheegay agaasime Yuusuf Saalax oo ka warbixiyay. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wasaaraddu tababarro u qabanayso dhammaan shaqaalaha wasaaradda ee ku sugan gobolada,si loo tayeeyo xirfadooda ku aaddan maamulka iyo maaliyadda,islamarkaana is-beddel la taaban karo loogu sameeyo horumarinta shaqada wasaaradda. Dhinaca kale agaasime Yuusuf Saalax ayaa shaqaalaha tababarka qaadanaya ku boorriyay in ay ka faa’idaystaan cashaarrada ku saabsan horumarinta maamulka ee ay ku qaadanayan tababarkaan oo qeyb ka ah dadaalka tayaynta shaqaalaha ee ay waddo wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federaalka iyo Dimuqoraaddiyeynta Puntland. Waa tababarkii labaad ee wasaaraddu shaqaalaheeda siiso mudda todobaad gudihiis ah,iyadoo maalmo ka hor tababar ku saabsan wacyi-gelinta Dastuurka u qabatay shaqaalaha. PUNTLAND POST The post wasaaradda Dastuurka Puntland oo tababar u furtay shaqaalaheeda appeared first on Puntland Post.
  8. MOGADISHU (Caasimada Online)—African Union peacekeeping forces have on Tuesday re-captured key areas from Al-Shabaab in south and central Somalia. The joint operation was carried out in Hiran and Middle Shabelle regions. Heavily armed peacekeeping forces from Burundi and Djibouti seized Burane, Dhin, Garas, Fidow, Maqudale, Kaliga and Shina areas in south and central Somalia. The operation was conducted, in a bid to open the main high-way linking Jowhar town and Bulo-burde town in Hiran region, according to Somali military. In 2014, Somali army forces, along with African Union forces captured Fidow area, a major Al Shabaab stronghold in central Somalia. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  9. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan astaamo xooggan oo muujinaya in dilka suxufigii Sacuudiga ee Jamal Khashoggi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana loo fuliyey ‘si aad u fool xun” Isaga oo xubno ka tirsan xisbigiisa AKP kula hadlayey baarlamanka, ayaa Erdogan waxa uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn sheesgashada Sacuudiga ah ee ah in xubno ka tirsan sirdoonka dalkaas oo kaliya ay ka dambeeyaan dilka. Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay diyaarinta qorshaha dilka billaabeen dabayaaqadii bishii September ka hor inta aan Khashoggi la dilin labadii October. Hadalkiisa ayaa waxa uu burinayaa kan Sacuudiga ee ahaa in Jamal Khashoggii uu ku geeriyooday dagaal si lama filaan ah uga dhacay qunsuliyadda. Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale dalbaday in 18-ka qof ee Sacuudiga ay sheegeen in dilka loo xiray, lagu maxkamadeeyo magaalada Istanbul, oo dilka uu ka dhacay. Erdogan ayaa sheegay inuusan wax shaki ah ka qabin daacadnimada boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis, isaga oo aan sharaxaad bixin. Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale sheegay in weli aan la aqoon halka uu jiro meydka Jamal Khashoggi, wuxuuna Sacuudiga ka dalbaday inay shaaca ka qaadaan qof Turkish ah oo la shaqeeya, oo meydka qaaday. Erdogan ayaan khudbaddiisa ku magacaabin Maxamed Bin Salman, oo qaar ka mid ah sharci dejiyayaasha Mareykanka ay dilka ku eedeeyeen, hase yeeshee waxa uu sheegay in Turkey aysan soo xiri doonin baaritaanka kiiska dhimashada Khashoggi, illaa dhammaan su’alaaha taagan laga jawaabo. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  10. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca dalka iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga suganyihiin Al-Shabaab. Ra’iisul wasaaraha ayaa ku celiyay in dawladda Soomaaliya ay garab taagantahay ciidanka xoogga dalka ayna u dhamaystirayso dhammaan agabka ay u baahanyihiin si ay gacanta ugu dhigaan dalka oo dhan . Ra’iisul wasaaaraha ayaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku ammaanay dawrkooda iyo kaalinta ay uga jiraan ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin cidda kaliya ee dhiigeeda ku bixisay ilaalinta calanka iyo ciida Soomaaliyeed. Wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo munaasabadda joogay ayuu ra’iisul wasaaruhu faray in tayanta ciidanka iyo isla xisaabtanka muhiimmad gaar ah la siiyo, isaga oo saraakiisha kale ee ciidanka usoo jeediyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran wiilasha iyo gabdhaha ciidanka ah ee soo go’aansaday in dhiigooda u huraan badbaadinta qarannimada, habeen iyo maalinna u taagan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa waxay maanta la wareegeen deeganno ka mid ah gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidankan oo ka kala tagay Hiiraan iyo deegaanno kale oo Sh/dhexe ah ay la wareegeen deegaanka Fiidow oo muddo maamulayeen Al-shabaab iyo deegaanno kale oo ku dhow. Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaal kooban oo ay la galeen Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay ciidanka qabsadeen deegaanno kale oo ku dhow deegaanka Fiidow. Fiidow ayaa qiyaastii 50-km u jiraa degmada Jowhar, waxaana ciidanka howlgalka ku qabsaday isugu jiraan xoogga dalka AMISOM, gaar ahaan ciidanka ka socda Itoobiya iyo Jabuuti. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Jowhar (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan AMISOM oo isugu jira Burundi iyo Jabuutiyaan oo ay wehliyaan ciidan ka tirsan Xoogga dalka ayaa la wareegay deegaano u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Sida wararku sheegayaan Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Burundi ayaa ka kala yimid labo jiho oo kala ah degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan iyo deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay. Ciidamadan huwanta ayaa deegaanada ay la wareegaan waxaa ka mid ah deegaanka Fiidow oo ku taal Xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana magaalada Jowhar u jirtaa illaa 50KM. Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa xaqiijiyay inay la wareegeen deegaanada Dhiin Garas, Fiidow, Maquudaale, Killiga Shiinaha iyo tuulooyin kale. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan intii ay howlgalka ku guda jireen la kulmeen qaraxyo miino oo wadada lagu aasay. Howlgalkan ayaa qorshihiisa yahay sidii la isugu furi lahaa wadada isku xirta Jowhar iyo Buulo Burde. Deegaanka Fiidow ayaa sanadkii 2014 ay la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka, hase ahaatee waxay isaga soo baxeen dhamaadkii sanadkii 2015, waxaana xilligaas la wareegay Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@live.com
  13. Is qab-qabsi ku saabsan bedel ayaa sababay in ay murmaan Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale iyo Dhibane Yuusuf Daahir Cali, waxaana eedeysane Axmed Cali Cawaale uu ku furay dhowr xabadood taasi oo mid kamid ah sababtay in dhaawac uu ka soo gaaro Yuusuf Daahir Cali oo ahaa taliyihiisii. Axmed Cali Cawaale ayaa loo gudbiyay hey’adda dambi baarista Boliiska (CID) kadib markii uu dhaawac sababay in lugta laga gooyay uu u geystay taliyihiisii Yuusuf Daahir Cali oo ay ka wada tisanaayeen Ciidamada Boliiska 23-ka bishii lixaad ee sanadkan. Hey’adda dambi baarista Boliska CID ayaa in muddo ah heysay eedeysanaha iyadoo ka war sugeysa natiijada dhaawacca oo muddo kadib sababay in lugta laga jaro dhibanaha dhaawaca uu soo gaaray. 13-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Side, waxa ayna isla xilligaas weydiisteen Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuge ahaan. Xafiiska ayaa isku howlay sii wadidda baarista, waxa ayna 04ta bishan ay codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda ka dhanka ah Axmed Cali Cawaale oo loo heysto dhaawac sababay in lugta laga jaro taliyihiisii, waxa ayna Maxkamadda aqbashay in loo fariisto kiiska dacwadda shan cisha kadib. 09ka bishan ayaa markii ugu horreysay loo fariistay dacwadda, waxaana dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada kadib ay Maxkamadda ka dalbatay Xafiiska Xeer Ilaalinta in la soo dhameystiro cadeymaha kiiska oo ku filnaan waayay fadhiga hore. 18ka bishan ayaa markale loo ballamay eedda dacwadda ka dhanka ah Dable Boliis Axmed Cali Cawaale, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ay horkeeneen fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, ciidamadii ay kawada tirsanayeen ciidanka Boliiska oo ku marag furay, warqadda dhaawac muujinta iyo qorigii uu dhibka ku geystay. Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa isna codsaday in ay bixiyaan magta dhibanaha, waxa uu sidoo kale codsaday in loo naxariisto eedeysanaha oo uu ku dooday in ay kaga fakatay xabadda. Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajda koowaad. Source: goobjoog.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Guddi Wasiir ah oo ka kooban afar xubnood kuwaasoo Aqalka sare kala shaqeeya xalinta cabashooyinka maamul Goboleedyada. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo jawaab u ahaa war saxaafadeedkii Aqalka Sare uu kaga dalbaday Xukuumadda inay caddeeyaan mowqifkooda cabashada maamul goboleedyada iyo khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka. Gudigaan uu Ra’iisul Wasaaraha Magacabay ayaa yimid kadib markii Aqalka Sare ay Xukuumadda ka dalbadeen in mudo saddex Cisho ah uga soo jawaabto mowqifkooda khailaafka dowladda iyo maamul goboleedyada. Hoos Ka Akhriso Akhriso Magacaabista Guddiga
  15. Sanadkii 2010, ayaa siyaasadda Soomaaliya lagu bartay Xasan Sheekh Maxamuud, kalkaas oo uu sameeyay xisbi la oran jirey Nabadda iyo Horumarka ee PDP, doorashadii madaxtinimada dalka 2012 ayuu si laga filaan ah u noqday madaxweynaha Soomaaliya. Muddadii afarta sano aheyd oo uu dalka majaraha u hayay, ayaana dadka Soomaliyeed si weyn u barteen shakhsiyadda Xasan Sheekh Maxamuud, damqasho la’aan, mayil adeeg, kooxeysi, musuq maasuq iyo talada oo la isku soo koobo. Afartii sano ee dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa, Xasan Sheekh Maxamuud, arrinta sida weyn loogu xasuusto ayaa waxaa kamid aheyd in mushaxaarka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada uu doorasho ku galay isla markaana uu ku hungoobay. Dadka la socda arrimaha Xasan Sheekh, waxaa kale oo ay sheegaan in xaasaskiisa muddadii uu xilka hayay ay hanti boob aad u bahsan ay geysteen ayagoo isticmaalaya magaciisa taasina dhaxalsiisay in guri kasta oo magaalada laga dhisayo dadka ay u nisbeeyaan in ay xaasaskiisa ay dhisanayaan. Arrimahaas iyo kuwo kale ayaa loo aaneeyaa in ay sabab u ahaayeen guul daradii ka soo gaartay doorashadii 8 February oo Farmaajo lagu duubay, taas oo daliil u ah in sumcadiisa siyaasadeed ay aad u hooseyso. Dhismaha Lixdii gobol Markii shacabka Koofur Galbeed ee dega lixda gobol; Jubada hoose, Jubada dhex, Gedo, Bakool, Shabeelaha hoose iyo Bay ay go’aansadeen in ay sameystaan maamul kamid noqoneya federaalka dalka ka hana qaaday, dowladdii uu madaxa ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uul ka aheyd in la hor istaago rabitaanka ummaddaas. Muddo bilo ah ergo dal iyo dibad ka kala timid, ayaa Baydhabo fadhisay, isla markaana ku howlanaa dhismaha maamulkaas, iyadoo ilaahay ka sokow taageerada shacabka goboladaas lagu dhisay maamulkii lixda gobolka. Dowladdii Xasan Sheekh ayaa maamul gacan ku rimis ah isla markaana juujuub ah u soo waariday magaalada Baydhabo, kaas oo sadex gobol ah, halka sadexdii kale Xasan Sheekh iyo teamkiisa ay u saxiixeen nin xoog ku qabsaday deegaanka, taas oo ka soo hor jeeda nidaamka federaalka oo ah in qof kasta talada deegaankiisa uu isaga leeyahay. Been abuur Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan hadal been abuur ah isla markaana u muuqday mid ula kac ah meel ugu dhacay sharafta qof muwaadinka musharax madaxweynaha Koofur Galbeed, Mukhtaar Roobow Cali, oo uu ku sheegay in uusan wali ka tanaasulin Al-shabaabnimada isla markaana aan kala cadeyn mowqifka Roobow ee Alshabaab. Mukhtaar Roobow Cali, ayaa meel fagaare ah oo dhammaan saxaafadda gudaha iyo dibadda xaadir yihiin ka sheegay in Alshabaab isaga baxay muddo dhowr sano ka hor ah isla markaana aanu kamid aheyn kooxdaas, waxaana Roobow u markhaati kacay isla kooxda Xasan Sheekh uu ku tilmaamay in Roobow uu wali kamid yahay ee Alshabaab. Maxaa ku kalifay been abuurka? Xasan Sheekh, waxaa uu hadda dhistay xisbi siyaasideed, waxaana haya hunguri xukun doonimo ah doorashada qorsheysan 2020/21, maadaama doorashadaas lagu saleyn doono deegaan doorashada Koofur Galbeed ayaana kamid ah meelaha uu rabo in uu ka kaluumeysto isagoo adeegsanaya magac u yaal deegaanka ka soo jeeda. Taageerada Roobow ee xawliga ku socoto ayaa cabsi gelisay damaca siyaasiga ee Xasan Sheekh, maadaama Roobow aanu ku ogeyn in uu fulinayo ajendahiisa guracan, sidaa awged waxaa uu doorbiday in uu sumcad dil ku sameeyo isagoo isticmaalaya hadal been abuur ah oo raqiis ah. Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo madaxweynaha jamhuuriyadda soo noqday lagama filaneynin in uu ku hadlo hadalo daciifnimo ka muuqata isla markaana muwaadin Soomaali ah ugu gefayo, waxayna dadka Soomaaliyeed fahamayaan xaqiiqada Xasan Sheekh iyo sida aan sinaba loogu aamini doonin xil umadeed. Dacwad maxkamadeed Maadaama, Xasan Sheekh Maxamuud uu ka been abuurtay Mukhtaar Roobow, waxaa u furan Roobow in uu maxkamadda la tiigsado, isla markaana uu istaahilo in la soo golo joojiyo, maxaa yeelay waxaa uu sameeyay waa sumcad dil qorsheysan oo lagu soo beegay xil xasaasi ah. Dastuurka KMG ayaa damaanad qaadaya in muwaadinta sharaftiisa lagu xadgudbi Karin ciddii sameysana ay tahay dambiile. Sidaa darteedna Xasan Sheekh uu hadda yahay eedeysane. Sanad iyo dheeraad, ayaa laga joogaa markii Robow uu dowladda ku soo biirey, Xasan Sheekh muddadaas muxuu la aamusanaa? Ma ogeyn miyaa in Roobow dowladda la heshiiyay? Jawaabta waxaa ay tahay intaas uu ogaa laakiin damaciisa siyaasiga ah ayuu ka dhawaajiyay xilligan, oo lagu sifeyn karo wakhti xeero iyo fandhaal kala dhaceen. Waxa u furan Xasan Sheekh Haddii maan fiyow oo Soomaalinomo iyo islaanimo ay ku jirto leeyahay, waxaa u furan in uu raali gelin deg deg ah sameeyo isla markaana cafis weydiisto shacabka iyo musharaxooda Mukhtaar Roobow, maadaama dadka Koofur Galbeed ay yihiin kuwo is cafinta iyo isa saamaxa ku wanaagsan waxaa rajaynaa in odeyga ay ka wareersan tahay aanu la tirsan doonin. Waxa la gudboon shacabka Koofur Galbeed Sida muuqata waa weerar qaawan oo huwan dano qabiil iyo mid siyaasadeed oo ka dhan ah danaha shacabka dega Koofur Galbeed, waxa la gudboon in ay ka dhiidhiyaan filada daan daansiga ah oo lagu majaxaabinayo rabitaankooda iyadoo la adeegsanayo warar kutiro kuteen ah oo loogu gol leeyahay in hoos loogu dhigo sharafta siyaasiyiinta wata ajendaha lagu horumarinayo dadka iyo deegaanada Koofur Galbeed. Siyaasiyiinta uu Xasan Sheekh, kamid yahay waxaa ay rabaan in deegaanada Koofur Galbeed uusan ka soo bixin qof lid ku ah rabitaankooda siyaasadeed, haddaba, maadaama sidaa tahay shacabka Koofur Galbeed gaar ahaan taageeriyaasha Mukhtaar Roobow ka tusaan in ay yihiin dad masiirkooda siyaasadeed, mid deegaan iyo dhaqan dhaqaaale ayaga ka aramin kara xilli kasta iyo meel kasta. Dadkii u gefay reer Koofur Galbeed C/weli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa dhowaan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ka sheegay in kooxda Daacish ee deegaanadaas ka dagaalanta ay ka yimaadeen magaalooyinka Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba ayagoo sida uu ku sifeeyay wata kabo dacas ah. Markii warkaas ku baahay warbaahinta bulshada falcelin baaxad leh ka dib, C/weli waxaa uu ku qasbanaaday in uu af labadii dhawaaqo isla markaana raali gelin bixiyo. Dhowaan, wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda, Maxamuud Xayir, fadhiya golaha shacabka Soomaaliya ayuu hadal jees jees ah ka yiri isagoo quursanaya luuqada Maayga. Durba hadal heynta arrintaas ayaa mar qura baraha bulshada qabsatay, 24 saac gudahood waxaa uu ku ku dhawaaqay in uu ka raali gelinayo hadalkaas dadka ku hadlay luuqada Maayga isagoo ka jilcan maalintii hore. Waxaa qoray: Nuur Xuseen Maxamed Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. MOGADISHU (Caasimada Online)–The announcement by Somalia’s Federal Member States in September that they’ve suspended cooperation with the Federal Government of Somalia has thrown the country into internal crisis. Amid numerous complaints, the member states are unhappy with resource and power allocation within Somalia’s federal structure. They also accuse President Mohamed Abdullahi Mohamed’s administration in Mogadishu of a lack of cooperation, and even outright interference in their local affairs. While the dispute has played out differently in each of the member states, the ramifications have been most profound in Galmudug. Internal divisions in the Galmudug Interim Administration have been elevated by the dispute, with factions taking opposing sides in the debate. The roots of Galmudug’s crisis are complex, but the current rift stems from mediations last year between the Galmudug Interim Administration and Ahlu Sunna Wal Jama (ASWJ), held under the auspices of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD). In December 2017, a 14-point agreement was signed that integrated ASWJ into the Galmudug Interim Administration, uniting a state administration that had been divided since its formation in 2014-15. The integration of ASWJ proceeded in a positive manner, but it also created new divisions. Member states are unhappy with resource and power allocation within Somalia’s federal structure The December agreement was based on a power-sharing arrangement, enticing ASWJ in part by allowing its leader Sheikh Mohammed Shakir to become chief minister. ASWJ also secured other key positions, while the state assembly and security outfits were expanded to include ASWJ members. But an IGAD representative involved in the mediation process told the Institute for Security Studies in Mogadishu that the creation of the chief minister position was the key dynamic, and ‘is how we unlocked it [the negotiations]’. This was an important development, as ASWJ had previously rejected the Galmudug Interim Administration’s formation, feeling marginalised by the process. Given the military strength of the ASWJ’s position on the ground, it was imperative to come to an understanding in order to unite the administration, especially after previous integration agreements had floundered. While the ASWJ-Galmudug Interim Administration reconciliation was a positive story, it produced new losers in the administration concerned about diluting their status in the new arrangement. This has led Galmudug to be dividedbetween a faction in Adado, worried about becoming marginalised as the Galmudug Interim Administration was temporarily based here, and a second in Dhusamareb, the presumptive new capital following the ASWJ agreement. Power-sharing arrangements underpinned by zero-sum thinking have clear limitations for Somalia A series of attempted no-confidence motions have flown back and forth between Galmudug’s Speaker of Parliament Ali Gacal Asir, who has remained in Adado, and its President Ahmed Dualle Haaf, now based in Dhusamareb and supported by the ASWJ. The Adado faction even went ahead with plans to elect a new Galmudug Interim Administration leader on 20 October, further adding confusion to the status of the administration. The dispute has been exacerbated in the context of the Federal Government of Somalia-Federal Member States divide. Haaf was one of the member states leaders supporting the suspension of cooperation with the government in Mogadishu. His vice president, aligned with the Adado faction, criticised the decision. Since then, the member states have strongly accused the government of meddling in the Galmudug dispute in support of the Adado faction, in order to weaken, if not secure the outright removal of, Haaf. This has escalated the Galmudug Interim Administration divisions to a national level, with trust so low that Haaf recently rejected Mogadishu’s offer to mediate again. This echoed demands from other member states that a third party intermediary was needed before any future discussions with Mogadishu. The showdown has paralysed Galmudug, and in many ways overshadowed what was previously considered a success story in terms of managing local political constituencies. It illustrates one of the unfortunate realities underpinning current political bargaining in much of Somalia – a zero-sum mindset regarding resource access, meaning that bringing new entrants into the system is equated with losses for others. Somalia’s showdown has paralysed Galmudug, overshadowing what has been considered a success story Former United Nations Special Representative for Somalia Michael Keating aptly summarised this dynamic when reflecting on his tenure in Somalia, noting that ‘for 20 to 30 years there’s been intense competition for power and influence and control, including for resources and revenue, over a pie that big’. His advice is for Somali leaders to shift from contesting the existing limited resources and instead focus on growing the overall pie through economic development and security improvements, so there is ultimately more to go around. This is sound advice that could immediately apply in the Galmudug context and beyond. All the more so given that initial results regarding the ASWJ’s integration had been promising for the Galmudug Interim Administration. IGAD Special Envoy to Somalia Dr Mohamed Ali Guyo attended an event marking the implementation of the agreement in January. He later noted to the ISS the high degree of unity and outreach each side had conducted with their respective constituencies over the previous month, aspects not apparent during previous deals. Unfortunately the unity in Galmudug proved short-lived, as the success of the ASWJ integration ultimately reduced the size of the pie for others in the administration. Therein lies the crux of the country’s political disputes – both within the Galmudug Interim Administration and between member states and the federal government. But it is also potentially the solution. Instead of disruptive competition, Somali actors should rather focus on the tough task of growing the pie, as power-sharing arrangements underpinned by zero-sum thinking have clear limitations. Expanding overall stakes can allow the accommodation of divergent parties in a more sustainable way, ensuring that they are all part of something growing with shared benefits, rather than something stagnant with limited resources to allocate Sources: Issafrica
  17. Xildhibaan Farxiyo Axmed Xasan oo ka tirsan aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa iska fogeysay inay qeyb ka tahay ama ogtahay xildhibaanno saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa kale oo ay aad u cambaareyneysaa xildhibaan golaha ka tirsan oo liiska ku daray magaceeda iyo saxiixeeda. Marwo Farxiyo oo la soo xiriirtay Goobjoog News ayaa tiri “Aniga oo ah Xildhibaan Farxiyo Axmed Xasan ma saxiixin, qofna iguma matalo, waayo waxaan ahay xildhibaan qaran, garanaya waajibka i saaran, isla markaana mas’uul ka ah dalka, dadka iyo diinta”. Xildhibaan Farxiyo oo sii-hadleysa waxaa ay tiri “ Aniga kutlad ayaan ka tirsanahay, wax ay ii sheegeen ma jirto, wax aan saxiixay ma jirto, magaceyga iyo qalinkeyga aniga ayaa xor u ah”. Mooshinka ka dhan ah madaxweyne Farmaajo ayaa ka socda caasimadda Muqdisho, waxaa la hadal-hayaa inuu yahay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, maamulka Farmaajo ayaa lagu eedeynayaa inuu ku guul-dareystay arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha loo dhanyahay, waxaana bilow taagan howlihii aasaasiga u ahaa 2020-ka sida: Fedeleynta, Dhameystirka dastuurka, sharciyada iyo qaabka doorashooyinka, dhismaha ciidamada xoogga dalka, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo tallaabooyinkii looga baahnaa dowladnimada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Garoowe (Caasimada Online)-Madaxda Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada ee ku shirsan magaalada Garoowe ayaa ka digay in dowlada Somalia ay horseed u noqoto amni daro ka dhacda deegaanada Koonfur Galbeed. Madaxdu waxa ay sheegen in dowlada Dhexe aan looga aamusi doonin faragalin ay ku sameyso doorashada ka qabsoomi doonta magaalada Baydhabo. Afhayeenka Golaha Iskaashiga Maamul Gobaleedyada ahna wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Xasan oo wareysi siinaayay Idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Golaha ay isku raaceen in la hor istaago caqabad waliba oo dowlada Dhexe ay ku waajaheyso doorashada guud ahaan maamulada, gaar ahaan tan Koonfur Galbeed. Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay inay ka warhayaan Hubka iyo Lacagta faraha badan ee dowlada Somalia ay geysay magaalada Baydhabo ee Gobalka bay, waxa uuna nasiib darro ku sheegay in dowlada ay dhinac ka noqoto doorashada. “Dowladu waxa ay Hubka iyo Lacagta ugu talo gashay inay ku qasto amniga iyo degnaanshaha deegaanada Koonfur Galbeed, wixii halkaa ka dhacaa inta lagu guda jiro doorashada Koonfur Galbeed waxaa dusha saran doona dowlada”. Dowladu ayuu sheegay Afhayeenka in Carqaladeyn ay ku wado doorashada ka dhacaysa Magaalada Baydhabo Bisha soo socota, isagoona dowlada dhexe ka dalbaday in arrimhaasi ay joojiso. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in dowlada Dhexe ay wado qalalaaso badan oo ay dooneyso inay ka dhex abuurto doorashada iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed. Dhinaca kale, waxaa marba marka xigta aad loo adkeynayaa amaanka Magaalada Baydhabo, waxaana magaaadaasi ku sugan Musharixiin aad u fara badan, kuwaasi oo doonaya in ay xil ka qabtaan Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in bilo ka hor inta aan Jamaal Khashoggi lagu dilin Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul uu casuumaad ka helay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Mareykanka Amiir Khalid Bin Salmaan. Amiir Khalid oo ay wada dhasheen dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa casuumaadiisa Jamaal Khashoggi ula gol lahaa sida uu uga dhaadhicin lahaa dib ugu laabashada dalka Sacuudiga. Ujeedooyinka qarsoona ee Safiir Khalid ayaa ahaa in Jamaal Khashoggi uu lugihiisa ku tago Sacuudiga sidaana lagu khaarijiyo, waxa uuna shirqoolka ahaa mid uu albaabada usoo furay Amiir Khalid. Seddex qof oo ka war hayay kulanka oo la hadlay muuqaal baahiyaha NBC , ayaa sheegay in kulanka Khalid Bin Salman iyo Jamaal Khashoggi ay dhaceen dabayaaqadii sanadkii hore ama bilowga sanadkan. Safaarada Sacuudiga ee Mareykanka ayaa dhankeeda ka xaqiijisay inuu dhacay kulankaas u dhexeeyay Bin Salman iyo Jamaal Khashoggi, waxa uuna qorshuhu ahaa sida Jamaal Khashoggi dib loogu celin lahaa magaalada Riyadh. Saacado kadib Madaxweyne Rejjab Thayib Erdogan ayaa la filayaa inuu ku dhawaqo natiijada Isaga oo horay u balan qaaday in maalinta talaadada ah ee maanta ku began uu si rasmi ah u soo bandhigi doonan natiijada dilka Jamal Khashoggi. Geesta kale, afhayeenka Madaxtooyad Turkiga oo lagu magacaabo Ibrahim Kalin ayaa sheegay in arinta natiijada ama dilka Khashoggi uusan aheyn mid khuseeya Turkiga ama Sacuudiga, balse uu yahay arrin caalami ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Garoowe (Caasimada Online)-Magaalada Garowe waxaa ka socda shir maalinkii Saddexaad galay ee u dhexeeya Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka oo isugu tagay halkaasi. Shirkan galay maalintii seddexaad ayaa waxaa qabsoomidiisa lahaa Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas), iyadoo mas’uuliyiinta kale ay soo dhaweeyen. Hogaamiyayaasha uu shirka u dhexeeyo ayaa kala ah Hogaamiyaha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo qaarkood ay ku soo wajahan yihiin doorashooyin iyo qaarkood oo culeysaad siyaasadeed kala kulmay dowladda. Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in shirkaasi la soo geba gabeeyo,isla markaana ay maamul Goboleedyada ka soo saaran war-murtiyeed ku saabsan qodobadii ay ku heshiiyeen. Warar hordhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in qodobada ay ka mid noqon doonaan warkii ka soo baxay wasaaradda arrimaha Gudaha,doorashooyinka Koonfur Galbeed oo ay sheegen in dowladda Somalia Ciidamo geysay Magalada Baydhabo iyo qodobo kale. Qodobada la filaayo inuu kusoo baxo war-murtiyeedka ayaa waxaa kamid noqon doona go’aanka cad ee maamulada kaga aadan faragalin lagu sameeyo doorashooyinka maamulada oo ay ugu soo horeyso Koonfur Galbeed. Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa sheegay in xalay Garowe ay kulamo gaar gaar ah ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada, waxayna kulankooda diirada ku saareen sida ay isugu waafaqi lahaayeen qodobada ku jira war-murtiyeedka shirka. Sida uu qorshaha yahay kulankan ayaa maanta la soo gaba gabeyn doonaa, madaxdan lama oga waxyaabaha dhabta ah ee shirkoodan ay ka soo saari doonaan, balse sida looga bartay waxay soo saari doonaan war-murtiyeed ay ku cadeyn doonaan waxyaabaha ay isku fahmeen. Si kastaba ha ahaatee, Markii ugu horeysay shirkan waxa aan ka qeyb galeynin madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dowladda federaalka la gaaray heshiis, waxaana ugu dambeysay shirkii kan ka horeeyay ee lagu qabtay magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  21. Life for people with mental health conditions can be difficult even after undergoing treatment but Anwar Adan Farah, 54, learnt technical skills in hospital that have improved his life.Farah was admitted in 2012 at Sahan Mental Hospital, a private hospital in Hargeisa, capital of Somaliland. Source: Hiiraan Online
  22. About 500 Marsabit and Isiolo teachers have protested against their transfer to what they call “conflict-plagued Mandera”. Source: Hiiraan Online
  23. Dagaal culus ayaa haatan dib uga qarxay tuulada Dhummay iyo nawaaxigeeda oo ay shalay ku dagaallameen malayshiyaad ka kala tirsan laba beelood oo wada-dega koonfurta gobolka Sool. Dadka ku sugan dhulka miyiga ah ee ku teedsan tuulada Dhummay ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan dhawaaqa hub culus oo ka yeedhaya jiidda uu dagaalku ka socdo ee nawaaxiga degaaankaasi. Sidoo kale gurmad ciidan ayaa kala gaaraya labada dhinac,waxaana adag in la ogaado khasaaraha ilaa iyo hadda ka dhashay dagaalka saaka dib u qarxay. Dhinaca kale khasaaraha dagaalkii shalay ayaa sii kordhayaa,sida ay sheegayaan ilo-kala duwan oo ay kamid yihiin shaqaalaha caafimaadka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Ilaa 59 ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen dagaalkii shalay,halka in ka badan 90 kale ku dhaawacmeen. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Dagaal culus oo dib uga qarxay tuulada Dhummay iyo nawaaxigeeda appeared first on Puntland Post.
  24. Waxaa ay dunida maanta indhaha ku heysaa labo arrin oo ka dhaceysa bariga dhexe, gaar ahaan boqortooyada Sacuudiga iyo Turkiga, labada arrin waxaa ka dhaxeeya xiriir aad u adag. (1). Davos -ta Saxaraha: Shirkan Maalgeshiga Sacuudiga ee looga yaqaano Davos -ta Saxaraha ama “Davos in the Desert’, waxaa lagu wadaa inay ka qeyb-galaan 120 qof oo hadli-doona iyo 140 hey’adood oo caalami ah, waxaana xoogga lagu saari-doonaa 3 arrin: isballada maalgeshiga, Tekonolojiydda si ay u noqon karto fursad shaqo iyo in kor loo qaado awoodsiinta dadka, haddaba dunida waxa ay indhaha ku heysaa guusha iyo guul-darrada shirka maanta. Waayo shirkan “Davos -ta Saxaraha:, arrinta Jamal Khashoggi darteed waxaa ka baaqsaday shirkado iyo shakhsiyaad ay ka mid yihiin: Financial Times, Bloomberg, CNN, The New York Times, Economist, CNBC, Dara Khosrowshahi oo Uber ah, Bob Bakish oo ka socday Viacom, Steve Case oo ah AOL iyo madaxweynaha bangiga adduunka Jim Yong Kim. (2). Hadalka Erdoğan: Maanta waxaa dalka Turkiga ka dhacay shir uu ku hadli-doono madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, sida qorshaha yahay, waxaa uu Erdoğan sheegi-doonaa sheekada dilkii saxafiga Jamal Khashoggi billow ilaa dhammaad, arrintan oo saameyn ku leh xiriirka Turkiga iyo Sacuudiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Over 1,000 families displaced by fighting in southern Somalia’s Middle Shabelle region are in need of food and other emergency supplies, according to local officials. Source: Hiiraan Online