-
Content Count
208,017 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Jabuuti)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uga qeyb galayaan shirka Maayarada dalalka Islaamka. Guddoomiyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey dhiggiisa magaalada Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas Maxamed Cali Nuur. Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti soo dhaweynta walaaltino ee loo sameeyey. Isagoo ku bogaadiyey taageerada joogtada ah ee mar walba la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed. Duqa Muqdisho ayaa waxaa socdaalka ku weheliya Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa. Source
-
(SLT-Australia)-Soomaalida ku nool dalka Australia ayaa cambaareeyay weerar uu geystey muwaadin Somali-Australian ah kaasoo uu ku dhintey hal ruux labo kalana ay ku dhaawacmeen. Weerarkan oo uu geystay Xasan Khalif Shire Cali oo 30 sano jir ah ayaa Booliska Australia ay rasaas ku fureen kadib markii uu diiday inuu iska dhigo mindi uu ku hubeysnaa oo uu ku weeraray dad ku sugnaa Bourke Street Mall shalay waxana uu ku dhintey isbitaalka. Sharma’arke Faarax oo ku hadlayay magaca Soomaalida ku nool Australia ayaa sheegay in dhammaan dadka asalkoodu yahay Afrika ay aad uga naxeen weerarkan ayna ka xun yihiin. Soomaalida ku nool magaalada Victoria ayaa iyaguna soo saaray qoraal ay ku sheegayaan inaysan argagaxiso meelna ku lahayn dhexdooda. “Dadka Somali-Australians ah waa dad nabada jecel,argagaxisanimduna waa cudur waana inaan sameynaa wax walba oo aan ku cirib tiri karno.”ayaa lagu sheegay qoraalka ay soo saareen. Kooxdan ayaa ugu baaqday dhammaan dadka Australia inay u midoobaan ka hortagida argagaxisada. Weerarka uu geystey muwaadinkan asalkiisu Yahay Soomaali oo Booliska Australiyana ay sheegeen in la xayiray baasaboorkiisa sanadkii 2015 ayaa ururka IS uu sheegtay inuu ka dambeeyay. Booliska Australia ayaa sheegay in weerarka shalay ka dhacay magaalada Melbourne uu ninka geystey uu doonayay in dad badan uu dilo isagoo ka soo buuxiyay qalabka gaaska cuntada lagu karsado gaarigiisii balse ay qarxi waayeen markii uu ku dhuftay baabuurka darbi. Ninka weerarka geystey Xasan Khalif Shire Cali ayaa laga xayirey baasaboorkiisa sanadkii 2015 kadib markii la ogaaday inuu qorsheynayay inuu u safro dalka Siiriya. Qoyska Xasan Shire Cali ayaa yimid dalka Australia sanadkii 1990kii waxana Boolisku sheegeen in hore uu u galay dambiyo ah isticmaalka maandooriyaha xashiishada iyo tuuganimo. Xasan Khalif Shire ayaa walaalkii Cali Khalif waxa uu sugayaa maxkmadeyn iyadoo la qaadi doono dacwadiisa sanadka soo socda waxaana lagu eedeeynayaa inuu qorsheynayay in uu weerar qarax ah geysto. Source
-
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa xiisad ka dhalatay Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska dowlad goboleedka Galmudug oo Xalay lagu dilay Magaalada Hobyo ee Gobolkaasi Mudug. Dilka askariga ayaa waxaa geystay koox hubaysan oo malayshiya-beeleed ah,sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku sugan degmada Hobyo,waxaana arrintaasi ka dhashay xiisad u dhexaysa laba beelood. Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada amniga dowlad goboleedka Galmudug ay baaritaan ka wadaan xaafadaha degmada Hobyo,si loo soo qabto kooxdii dilka geystay ee xiisadda colaadeed abuurtay. Weli ma jiro wax war ah oo maamulka Galmudu uu ka soo saaray xiisadda halkaasi ka taagan saaka oo Axad ah. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Hobyo appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Tehran)-Boqolaal ah haweenka dalka Iiraan ayaa loo ogolaaday in ay ka qaybgalaan daawashada ciyaarta kama dambeysta ah ee horyaalka dalalka Eeshiya oo ka dhacday magaalada Tehran. Wakaalada wararka ee dalka Iiraan ee Isna ayaa baahisay warka ku saabsan in haweenkaasi loo ogoladay ka qeyb galka ciyaarta. Tallaabadani ayaa loo arkaa mid suuragal ka dhigaysa soo afjarida mamnuucida dowladda Iiraan ay ku soo rogtay in haweenka ay ciyaaraha goob fagaaro ah ku daawadaan oo garoomada ay tagaan. In ka badan 35 sano ayay dalkaasi Iiraan mamnuuc ka ahayd in haweenka ay ka qeyb galaan ciyaaraha waawayn. Waxa la sheegay in inta badan haweenka ciyaartan ka qayb galay ay qaraabo ahaayeen ciyaatooyda ama ay xubno ka ahaayeen ciyaartooyda kooxaha haweenka. Haweenka ayaa ka qaybgalay daawashada ciyaar dhex maraysay kooxda reer Iiraan ee Persepolis iyo koox ka socotay Japan oo lagu magacaabo Kashima Antlers. Xiriirka kubadda cagta aduunka ee Fifa ayaa waxa ay ka shaqaynayaan sidii ay Iiraan mamnuucidaasi u qaadi lahayd. Bishii aanu soo dhaafnay 100 haween ah ayaa loo ogolaaday in ay daawadaan ciyaar saaxibtinimo oo u dhaxeysay Iran iyo Bolivia,balse xannibaadaha ayaa markiiba dib loo soo celiyay. Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage caption. Bishii March ee sanadkan 35 hablood ayaa la xiray ka dib markii ay isku dayeen in ay ka qeyb galaan ciyaar u dhaxeeysay kooxaha Persepolis iyo Esteqlal. Madaxwaynaha Fifa, Gianni Infantino, iyo wasiirka ciyaaraha ee Iiraan Masoud Soltanifar ayaa sidoo kale ka mid ah dadkii ka qayb galay daawashada ciyaartaasi. Haweenka iyo gabdhaha ree Iiraan ayay dhif iyo nadir tahay in loo ogolaado in ay ka qayb galaan daawasahda ciyaaraha ragga. Mamnuuciddan ayaa la soo rogay sanaddii 1979 xilligaasi oo uu dalkaasi ka cirtay kacaanak Islaamiga ah. Balse haweenka taageerayaasah ah ee ka yimid dalalka klae ayaa loo ogolaanayay in ay ka qayb galaan qaar ka mid ah ciyaaraha. Source
-
(SLT-Tanzaniya)-Madaxwaynaha dalka Tanzaniya John Magufuli, ayaa xilka ka qaaday wasiirada beeraha iyo ganacsiga waxa uuna ku hanjabay in uu militariga uu daadgureyn doono taasi oo looga gol leeyahay in lagu xaliyo dhibaatada haysata beeraleyda dalaga Cashew nuts loo yaqaano. Dhoofinta dalagan ayaa ka mid ah waxyaabaha uu qarashaadka badan ka so galo dalka Tanzaniya ,balse sanadkan waxaa halis galiyay dalagani ka dib muran ka dhashay qiimaha mirahani. Madaxweynaha dalka Tanzania ayaa tallabo adag qaaday si uu xaqiijiyo in kumanaan beeraleey ah ay dalagooda ugu iibsadan qiimo wanagsan. Dhanka kale dawladda ayaa iyadana faa’iido dhanka lacagaha qalaad ah ka hesho marka dalka dibadiisa loo iib geeyo dalaggan loo yaqaan cashew nuts-ka. Muddo toddobaadyo ahba Beeraleeyda ayaa diidanaa in ay iibiyaan dalaggooda sababtoo ah waxa ay ka cabanayeen hoos u dhac ku yimi qiimaha dalagga. Madaxweynaha dalka Tanzania john Magufuli ayaa marka hore xilka ka xayuubiyay laba wasiir oo sida la sheegay ku guul dareesytay in ay soo afjaraan dhibaatada hoos u dhaca qiimaha dalagga. Marka labaadna waxaa uu eed dusha gaga tuuray ganacsatada isku dayaya in ay hoos u dhigaan qiimaha dalagga ay kaga soo iibsanayaan beeraleeyda waxa uuna amar ku bixiyay in laga bilaabo Isniinta lagu kordhiyo lacag dhan 1.3 doolar kiilihiiba. Haddii ay diidaan qiimahaasina waxa uu sheegaya in 70 gaari oo ah kuwa milatariga uu diri doono kadibna ay soo rari doonaan dhamaan dalagga taas oo ay dawladdu iibsan doono badalkii ganacsatada. Source
-
Cadaado ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalooyinka Cadaado iyo Hobyo oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dilka koowaad ayaa ka dhacay magaalada Hobyo, kaas oo loo geytsay Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska maamulka Galmudug, xilli uu ku sii jeeday saldhigga magaaladaasi. Maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen Askarigaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Sidoo kale wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta Baarlamaanka Galmudug ayaa ku warramaya in xalay halkaasi lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan 21-aad ee ka howlgasha gudaha magaaladaasi. Koox hubeysan ayaa la sheegay in bartamaha Cadaado ay ku dishay Askarigaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeen, sida ay Shabelle u xaqiijyeen dad Goobjoogayaal ah. Xiriiro aan la sameynaya saraakiil kaq tirsan maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegaan in ay haatan wadaan baaritaano ku aadan dilalkaasi. Ammaanka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid xasilooneen, iyadoona falal ammaan dari ay ka dhacayeen deegaanada maamulkaasi. The post Kooxo hubeysan Oo siyaabo kala duwan dilal uga geystay Galmudug appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Musharraxiinta u taagan qabashada xilka Madxaweyne K/ Galbeed ayaa walaac xoogan ka muujiyay in dib u dhac uu ku yimaado doorashada maamulkaasi. Musharraxiintan oo kulan gaar ah la qaatay guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kala hadlay arrimaha doorashada, gaar ahaan sidii ay ugu dhici laheyd xilligii loogu talagalay. Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Shariif Sheekuna Maye ayaa ku qanciyay Musharraxiinta in aysan dib u dhac ku imaan doonin doorashada. Waxaana uu tilmaamay in sida ugu dhaqsiyaha loo dhameys tiri doono guddiga doorashada, si ay u qaban qaabiyaan doorashadaasi. Doorashada ayaa la filayaa in ay qabsoonto 17-ka bishan November oo ay ka harsan tahay kaliya Lix Maalin. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Koonfur-Galbeed-1-1.mp3 The post Musharraxiinta K/ Galbeed Oo walaac ka muujiyay doorashada maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Weerrada ay Mareykanku qaadaan ee ka dhanka ah xarakada Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay sii badanayaan iyada oo aaney taasi hoos u dhigin awooddii kooxda. Sanadkan, ciidamada Mareykanka waxaa ay duqeeyeen goobo Al-shabaab deggan yihiin ilaa 29 jeer, waa isla tiradii ay geysteen sanadkii hore, laakin waxa la sheegayaa in taasi aaney waxbo ka badalin weeraradii Al-shabaab ama awoodooda. Sida ay qortay The Guardian, Mareykanka waxaa ay duqeeyeen Mudug iyo meelo kale, iyaga oo halkaasi ku dilay dagaal-yahanno badan. Dhinaca kale, Nabad-galyo la’aanta ka jirta Soomaaliya waxa ay sababtay inay dad badan barakacaan, keliya bishii August kadib waxaa barakacay in ka badan 34,000 oo qof, sababaha ugu badan waa dagaallada, abaarta ama xataa fatahaadda. In ka badan 2.6 million ayaa barakac ku ah gudaha Soomaaliya, waxaana maal-gelin toos ah loo la’yahay hey’adaha gargaarka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Raysal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay in Geeska Afrika mustaqbalka uu yeelan doono hal Madaxweyne, halka haatan ay ka jiraan ilaa iyo sadax Madaxweyne . Hadalkan ayuu waxa uu ka sheegay munaasibad lagu furayay isbitaal magaalada Bahir Dar ee dalka Itoobiya. Xiliga uu hadalkan jeedinayay ayaa waxaa dhinacyadiisa tagnaa Madaxweyne yaasha Soomaaliya iyo Eriteriya . Abey ma sheegin goorta loo cayimay in ay midoobaan dalalkan, balse waxaa uu kusoo koobay mustaqbalka. Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa wargayska uu kasoo xigtay khudbad uu ka jeediyay magaalada Gondar in taariikhda Geeska Afrika ay isbadashay. “Hadda waxa aynu u gudbaynaa wada shaqayn dhanka gobolka, horumarinta dhaqaalaha iyo inaan xaqiijino iyo la dagaalanka faqriga Sawiro. Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Jabuuti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uga qeyb galayaan shirka Maayarada dalalka Islaamka. Guddoomiyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyey dhiggiisa magaalada Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas Maxamed Cali Nuur. Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti soo dhaweynta walaaltino ee loo sameeyey. Isagoo ku bogaadiyey taageerada joogtada ah ee mar walba la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed. Duqa Muqdisho ayaa waxaa socdaalka ku weheliya Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa. The post Yariisow Oo Jabuuti kaga qeyb galaya Shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-111118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Beeraleyda magaalada Jowhar ee Shabeella Dhexe ayaa bilaabay tacabka bariiska ,kadib markii ay ka soo kabteen fatahaadaha Wabiga Shabelle ee magaladaas saameeyay. Waxa ay shegeen in aysan jirin cid ka caawisay in markale dib ay u beertaan beerahooda, balse iyaga kaliya ay isku howleen sidii ay tacabkooda usii wadan lahaayeen. Waxa ay shegeen in maamulka degmaadaas, kan gobolka iyo maamulka Hirshabelle intaba aysan xil iska saareyn sidii beeraleeyda ay u dhiiro-gelin lahaayeen. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/TACABKA-DALAGA-BARIISKA-JOWHAR-OO-DIB-USOO-LAABTAY_ALLConverter_1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ayaa sheegay in ay cabasho xooggan ka yihiin Koronto la’aan baahsan oo ka jirta magaaladaasi. Waxa ay sheegeen in Koronta magaalada aysan isku haleyn wanaagsan lahayn oo xilliga ay doonto iska baxayso. Qaar ka mid ah dadkan ayaa sheegay in iyadoo isbitaallada qaliinno ay ka socdaan ay korontadu baxdo, taasina ay dhibaato badan keento. “Korontada waa ay iska baxdaa iyadoo xitaa isbitaallada ay qalliin ka socdaan, sidoo kale xilli lagu tashan karo malahan, sidaasi darteed waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha Somaliland in uu arrintaan wax ka qabto: sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah shacabka Bebera. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland C/wali Cali Gaas ayaa markii ugu horaysay waxa uu ka hadlay iscasilaadii Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka. Waxa uu sheegay in waxa ay isku hayaan dowladda iyo maamul goboleedyada sidii loo qaybsan lahaa awooda dalka maadaama Soomalaiya uu ka jiri nidaamka Fadaraaliisamka . Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jirto isfahan daro ka jirta dhanka ma,baadiida , dowladduna ay baalmartay Dastuurkii dalka uyaalay. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda fadaraalka Soomaaliya ay ku doodayso in mas,uuliyada ay iyadu leedahay . Madaxweyne gaas Source
-
Maamulka Jubbada hoose ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan xaaladda bini’aadannimo ee ka jirta degaanka Buulo-gaduud ee gobalkaas. Masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha Jubbada hoose, iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degaankaas ayaa kulan la qaatay qeybaha bulsahda si loo ogaado baahiyaha ay qabaan. Shacabka qaarkood oo hadlay waxay sheegeen iney u baahan yihiin gar-gaar caafimaad, waxbarasho iyo sidoo kale cunto ku filan. C/rashiid C/laahi Gooni, guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose oo shacabkaasi la hadlay ayaa sheegay iney heli doonaan dhammaan adeegyada ay u baahan yihiin oo ay ugu horreeyaan caafimaadka iyo waxbarashada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Yuusufkii Maaliyadda: soo dhawoow madaxwayne maanta waad soo dheeraatee. Muuse: adeer in aan maaliyadda qufullo baan doonayay oo aan kuugu imi! Yuusuf: oo adeer iminkana adiga uun baan cod kaaga gartay ee ma cid in aan ka furro ayaad moodaysaa. Maalin oo dhan sidaad iigu sheegtay baan u handaraabaa. Muuse: adeer handaraabkii quful ka maarmi maayo maanta. Yuusuf: aniga ayaa hadda quful ku dhag siinaya madaxwayne . Muuse: may adeer waxba haku siin ee ka soo bax meesha uun, mid yar oo aan adeer u ahay baa habeenkii dhex seexanaya subixiina furaha ii keenayee, inta uu soo qufullee. Yuusuf: markaa maxaa ii naf ah madaxwayne ? Muuse: guddida wax barshada Qaranka ku biir. Yuusuf: oo kuwaasi maba maqal ee xaggay jooggaan madaxwayne? Muuse: hadaba Yuusufow adeer hana warreerin oo sida Jeegaanta hannoola garnaqsan ee meesha soo dhaaf adiga ayaanu kuu taaganahaye, dhowar meelood baanu isu maraynaa oo quful u baahan'e Qaran News
-
Muuse Biixi Madaxweyne Sannad Ku Waayay Kalsoinidi Shacabka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo sannad madaxa ka jarayaa intuu Xukunka hayay ayaa gabi ahaan kal soonidi shacabka lumiyay. In kasta oo uu ololihi ku galay inuu go’aan adag yeelan doono hadana ficilada uu qaaday intuu xilka haya ayaa noqday midba mid ku ilow, waxaanay shacabku baraha bulshada ku falaynayeen su’aasha ugu badan oo ahayd “Yuu la tashadaa yaase la taliya “? Bilawgiiba waxay shacabka rer Somaliland qawad simay Mucaarid iyo muxaafid ka muujiyeen Xukuumaddii uu soo dhisay oo ahayd mid ka hosaysa filashadii laga nawilaayay, sidoo Kale Cadaaladda uu wax ku qaybiyay ayaa ahayd mid waali ah oo ka kanaan ummaddu ka muujisay. Marka laysku daro Xilalka uu beeshiisa u magacaabay iyo kuwii magacawnaa ee uu daayay taas oo ummadda Somaliland ee Amalka ka qabay inay helaan Dawlad wanaag ay candhuuftoodi dib u liqeen. Wuxuu aha xogogaal si dhaw ula socday ka caa kufkii Somaliland soo martay iyo wixii khaladaad soo dhacay taas oo la filaayay inay caawin doonto nasiib darro wuu garab maray rajayntaas, isagoo ka doorbiday kasbashada bulshada uu Madaxweynaha u yahay hananka qaybi oo xukun, taas u qaybisay in degaankiisa laga tageero oo ay xitaa ka amuusan siyaasiyiintii dhuunta u galay xukuumadihii kala danbeeyay, halka bulshadii kalena qaylo ooda ka qaadeen. Isku shaandhayntii uu sameeyay ee u danbaysay ayaa iyana fajac iyo dhabanahays wixii hore ilaw ah ummaddu kaga dareen celisay kadib markii uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee Wasaaradda Maaliyadana beeshiisa ugu dara dheeliga ka jiray Xilalkii hore. Geesta kale Madaxtooyada oo ahayd muraayada bulshadu ka dheehato wada lahaanshaha wuxuu ku koobay ilaa Shaqaale Hosaadkii dad ka soo jeeda jufadiisa taas oo dhalisay in siyaasad hoose (Local) ah Dalka lagu hago. Si kasta oo ay noqotayba wuxuy Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi hoos maray xitaa filashadii Dadka aan tageersanayn ka filayeen. Qaran News
-
Dr Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) MW Puntland Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa mar kale ka kadlay khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac uu salka ku hayo isfaham-darro ka jirta mabaa’diida laga aaminsanyahay nidaamka Federaalka iyo mas’uuliyadaha ay kala yeelanayan xukuumadda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. “Issue-ga ugu weyn oo sida anigu aan qiyaasi karo la isku’ hayaa waxa weeye isfaham-darro ka jirta dhanka mabaa’diida laga aaminsanyahay Federaalismka oo ah dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadu awoodaha see loo qaybsanayaa? Resource see loo qaybsanayaa,dhismaha dowladnimo ee Federaalismka qofba wuxuu ka aaminsanyahay” ayuu yiri mudane Gaas. Sidoo kale madaxweynaha ayaa dowladda Federaalku ku eedeeyay,in ay mar walba ku celi-celiso in ay bixisay mushaharkii ciidamada iyo shaqaalaha dowladda ,balse taasi ay ku koobantahay magaalada Xamar oo keliyah ee uusan jirin mushahar ay siiso ciidamada iyo shaqaalaha dowlad goboleedyada. Mar la weydiiyay in dowlad goboleedyadu ay fara-marooqsanayaa awoodihii dowladda Federaalka ee arrimaha Debadda,maadaama ay heshiisyo la soo galaan dalal kale iyo shirkado kale? Ayuu sheegay in taasi uu qabo nidaamka Federaalismka,isagoo tusaale u soo qaatay in gobornatoorayaasha Maraykanku ay heshiisyo debadda ah soo galaan. Dhinaca kale wareysigan oo VOA-du la yeelatay madaxweyne Gaas ayaa lagu weydiiyay ra’yigiisa ku aaddan is-casilaaddii Shariif Xasaan iyo in la wiiqay awooddii golaha iskaashiga? Waxa uuna dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay hab musuq maasuq ah u fara-gelisay doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya,islamarkaana hantidii umadda loo isticmaalay fara-gelintaasi. Mudane Gaas wuxuu sheegay in Villa Somalia ay baraha bulshada ku qorto”musuq maasuq baan la dagaallanaa” balse sida uu sheegay muquq maasuq baahsan lagu sameeyay doorashadii Koonfur Galbeed,kadib markii xildhibaannadii maamulkaasi loo daabulay magaalada Muqdisho oo lagu laaluushay hantidii Qaranka,si ay u doortaan masharrax gaar ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo ka hadlay is-casilaadi Shariif iyo Khilaafka Federaalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyadii maalintii jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac dad badan oo rayid ah kasoo gaaray weerarka, masuuliyadiisa ay sheegteen Al Shabaab. Weerarka oo ku bilowday Qarax lagu dhuftay Albaabka xiga dhanka xarunta Dambi Baarista, ayaa sababay dhimashada dadka shacabka ah, balse waxaa dhibaatada ugu badan geystay gaariga Labaad ee lagu aadiyay albaabka dambe ee xiga dhanka wadada Aadan Garoonka diyaaradaha. Weerarkii shalay ayaa burburiyay dhismayaal badan oo ku yaala agagaara hotelka, waxaana durba ka bilowday halkaasi dayactir ay dadka sameynayeen. Waxyaabo badan ayaa laga bartay weerarkii seddexda qarax ee shalay kadhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah:- 1 – Jawaab deg deg ah: Sida Deg dega ah ee loo toogtay dadkii isku dayay inay gudaha u galaan dhismaha Hotelka waxay muujisay horumar la sameeyey. Waxaa arintaan ay u muuqataa cashar horey looga bartay weeraradii kala duwanaa ee ka dhacay hoteelada magaalada Muqdisho. Weeraro badan oo ka dhacay Hoteelada magaalada Muqdisho ayaa ku bilowday weerar qarax gaari loo adeegsaday, waxaana kadib xigay rag hubeysan oo gudaha u gali jiray hoteelada, balse difaac adag oo la dhigay afaafka hotel-ka iyo ilaalada oo feejignaa ayaa sababay in la toogto kooxaha hubeysan. 2 – Dharka Ciidanka: Dareeska ay xirnaayeen kooxaha hubeysan ayaa abuuray shaki badan oo ahaa sida kooxaha hubeysan ay ku heleen dharkii ugu dambeeyay ee ciidamada amaanka ay isticmaalaan, waxaana laga bartay inay jiraan gacan seddexaad oo fududeysa helitaanka agabka dowladda. 3 – Qaraxyada xiga: Qaraxyada shalay dhacay waxaa dhibaatada ugu badan geystay labadii qarax ee u dambeeyay oo kooxaha hubeysan ay horey kaga fakareen goobta iyo goorta ay qarxeen, gaariga Labaad ayaa qaraxa koowaad kadib, waxaa ruuxii waday uu ula cararay albaabka Labaad ee Hotelka, isaga oo doonayay in halkaasi ay ku mashquulaan dadka ilaalada ah. Waxaase Gaariga seddexaad uu ahaa mid goobta lagu diyaariyay, si marka dadka isku yimaadaan loo qarxiyo, waxaana labada qarax ee dambe ay ahaayeen kuwo waxyeelada ugu badan geystay. 4 – Tacsiada Kheyre: Fariinta Tacsida ah ee uu soo dhigay Ra’iisul wasaare Kheyre Bartiisa Twitter oo shacab badan ay ka jawaabeen ayaa muujisay in dhibaatada ka dhacda Caalamka ay durba ka jawaabaan madaxda dowladda halka dhacdooyinka gudaha ka dhaca aysan u muuqan kuwa daneeya. Afhayeenka baarlamaanka ayaa kaliya tacsi ka diray weerarkii shalay, halka saraakiishii ciidamada qalabka siday seddex saac kadib weerarka ay barahooda Bulshada soo dhigeen inay ka qeyb galeen xafladda furitaanka Diyaaradda Ethiopia Airline, xitaa iyaga oo aan tacsi kasoo saarin weerarka, maadaama ay iyaga amaanka masuul ka ahaayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dr Cabdicasiis Sheekh Yuusuf Ibraahim, oo horey ugab tirsanaa baarlamanka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay dhisitaanka ciidanka badda oo dowladda Itoobiya ay si weyn u qorsheyneyso iminka. Itoobiya waxay wadaa dadaal ballaaran oo ku aadan sidii ay u dhisan lahayd ciidan badeed oo xoog badan awoodna u leh in badda ay ka howlgalaan gaar ahaan badda cas iyo badweynta hindiya oo u dhow. Cabdicasiis ayaa soo dhoweeyay kulanka seddex geesoodka ah ee madaxweyneyaasha Farmaajo, Afawerki iyo Raysal wasaare Abiy ay ku yeelanayaan Itoobiya, wuxuuna sheegay in dalalka deriska ah ay iska kaashadaan ganacsiga, nabadgalyada iyo arrimaha kale ee nolosha bulshada ku saleysan ay muhiim tahay balse walwal uu ka qabo ciidanka badeed. “Walwalka aan qabo waxaa weeye, in dalkeenna oo 15 Malyan lagu sheego dadkiisa ay si xoog ah oo siyaasadi ku jirto ay u qaadato Itoobiya oo 100 Malyan ah ciidan ahaan ama shacab ahaan waana sida ay hadda howsha ku socoto” ayuu yiri Dr Cabdicasiis Sheekh Yuusuf. Ugu dambeeyn, wuxuu soo jeediyay in Soomaalida ay ka feejignaato arrintaasi oo uu ku sifeeyay mid lagu degdegayo, dhowr arrimood buu u sababaynayaa. HOOS KA DHAGEYSO Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraxyadii Maalintii Jimcaha ahaa lala beegsaday Hotel Sahafi ee Magaalada Muqdisho ayaa keenay cabsi cusub oo soo wajahday Hoteelada u yaalo Jidka Makka Al-Mukarama iyo Xeebta Liido. Hotelada ku yaallo xayndaabka wadada Maka Al-Mukarama ayaa lagu soo kordhiyay illaalo hor leh, taasi oo muujinaysa inay ku jiraan xaalad feejignaan dhanka ammaanka ku saabsan, maadaama ay ka cabsi qabaan inay weeraro kala kulmaan Shabaab. Wadada Maka Al-Mukarama iyo Xeebta Liido oo badi ay ku yaallaan Hotelo waqti nasiino lagu qaato oo masuuliyiinta dowladda ay tagaan, ayaa shalay lagu arkaayay ciidamo dheeraad ah oo aan aheyn kuwa dowladda, balse ah illaalada Hotelka oo la kordhiyay. Hotelada qaar ayaa durba bilaabay inay sii laba jibaaraan caro tuurka ku xayndaaban, si haddii weerar gaadiid loogu soo qaado ay u yaraato khasaaraha maaliyadeed ee ka soo gaari kara weerarkaasi. Halista ugu badan ee ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxa ay ka jirtaa Hotelada ku yaallo Magaalada oo beegsi u noqday Al Shabaab, kadib markii Jimcihii saddex gaadiid oo qaraxyo ay ka buuxaan ay ku weerareen kaliya hal Hotel oo ku yaallo bartamaha Magaalada. Ilo wareedyo ayaa sheegaya Hotelada qaar ee aysan weerarin Al Shabaab inay bixiyaan qarash aad u badan, taasi oo u sahleysa inaysan weerar kala kulmin dhanka Ururka Al Shabaab. Ururka Al-Shabaab ayaa Hoteelada qaar ka qaadato lacag baad ah waxayna ku war geliyaan inaysan soo weerari doonin. Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa ah mid dayacan, waxaana Al-Shabaab u suurta gashay inay hal maalin seddex qarax ka fuliyaan Magaalada Muqdisho inkastoo uu fashilmay weerarkii ay ku qaadeen Hotelka kadib markii banaanka lagu toogtay dhammaan dadleydii weerarka soo qaaday. Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay dadaaladii ay ku sugeysay Amniga Muqdisho kadib markii ay arrintaas cabasho kasoo gudbiyeen shacabka Muqdisho oo sheegay inay dhib ku qabaan baarista ay ciidamada ka sameenayeen Gudaha Magaalada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa noqotay magaalo ay ka dhacaan qaraxyada ugu badan oo sababa dhimasho iyo dhaawac soo gaarta dadka la bartilmaameydsado iyo Shacab badan. Saraakiishii hore ee ciidamada Xooga dalka ayaa sheegay in Qaraxyada badan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho inay sabab u tahay is dhigashada ay sameynayaan dadka masuulka ka ah laamaha amaanka. G/Sare Khaliif Idiris Cismaan, oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidamada xooga dalka ayaa soo jeediyey qorshe cajiib oo ah in ammaanka Muqdisho uusan ku xirneyn gudaha magaalada, balse uu yahay banaankeeda. Waxa sheegay in amaanka magaalada Muqdisho kaliya aan laga xaqiijin karin gudaha magaalada balse loo baahan yahay in banaanka laga xaqiijiyo, oo marka hore laga xoreeyo Shabaab deegaanada Muqdisho duleedkeeda ku yaalla. Wuxuu sheegay in ciidamada amaanka waajib ka saaran yahay xaqiijinta amaanka Soomaaliya gaar ahaan difaaca dadka shacabka ah, isaga oo sheegay in kaliya ciidamada ay kusoo aruureen inay difaac noqdaan oo aysan weerar aheyn. G/ Sare Khaliif, wuxuu sheegat in muhiimada Koowaad ay tahay in su’aal la iska weydiiyo sida gaadiidka ay kusoo gaareen Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho, kadibna ay soo baxeyso in qaraxyada lagu farsameeyay gudaha magaalada ama in banaanka uu ka yimid. Haddii taasi la ogaado, ayuu sheegay inay sahlanaan doonto helida xogaha kale ee la xiriira halka gaadiid lagu diyaariyo iyo sida ay kaga soo gudbaan goobaha ay joogaan ciidamada, kadibna amaanka la xaqiijin doono. Saraakiisha ciidamada iyo askarta joogto goobaha ilaalada ama halka lagu baaro gaadiidka ayuu soo jeediyay in wax badan laga weydiiyo sida gaari qarax wado kusoo dhaafo halka ay joogaan, kadibna la ogaan doono xaqiiqooyin badan. Ugu dambeyn wuxuu sheegay in loo baahan in ciidamada ay heystaan aalado casri ah oo lagu ogaan karo gaariga qaraxa wada iyo midka aanan wadin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maanta markaan ku arkay sawirka kore bogga caasimada.com waan rumaysan waayay. Abuu Mansuur wuxuu la sawiran yahay safiirka dowladda Ingriiska u qaabilsan Soomaaliya. Sida sawirka ka muuqato, safiirka waxaa ka muuqdo cabsi wajigiisuna wax farxad ah ma saarna. Dhinaca kale, Abuu Mansuur, waxaa ka muuqdo farxad iyo dhoolla-caddayn lagu muujinayo raalli ahaansho iyo soo dhaweyn. Sawirka ayaan aad u eegay muddo, waan wayneeyay oo yareeyay, waan soo dhaweeyay oo aan fogeeyay. Waxaan isku dayay inaan akhriyo waxa sheekh Mukhtaar qosolkaan ka keenay. Waxaa i horyimid isagoo aaminsan qofki sidaasi gaal ugu qoslaa inuu murtad yahay xukunkiisuna qoor-goyn yahay. Waxaa isoo muuqday isagoo qori jeeniqaarsan oo leh “wax ka yar inaan Islaam Alaska geyno nama deeqaan”. Waxaa isoo baxay sawirkiisi isagoo qori horyaallo oo inta canug shan jir ah AK47 u dhiibay leh waa wiilkayga oo aan jihaadka u diyaariyay. Waxaa isoo baxay isagoo horkacayo caruur aan qaangaarin oo inta dagaal galiyay meydkoodi uu bannaan kaga yimid. Waxaan is iri, markuu intaas oo dhib ah gaysanayay muxuu rabay? ma kurisgaan, xukun iyo darajo iyo jako mise imaanka ayaa ka run ahaa? Haddii uu aminay inuu horay u khaldanaa muxuu uga xishoon waayay inuu wuxuu sanadka ka hor u arkayay gaalnimo uu isagu maanta u tafaxayto? Waxaa markiiba igu soo dhacay Hong Xiuquan oo ah tusaalaha ugu fiican ee aan ka baran karno sida ruux kursi doon ah aysan waxba u xirin iyo sida bulsho wayta hadba iyo jeer ay u hodaan. Hong wuxuu ku dhashay dalka Shiinaha kowdi Janaayo 1814’ki. Qoyskiisu wuxuu ahaa ree tuulo sabool ah oo beero tabcado. Hong wuxuu lasoo baxay firfircooni iyo ragganimo yaraantiisaba. Wuxuu jeclaaday waxbarashada waalidkiisna waxay u hureen waxay heli kareen oo dhan si inta wax u barto baladka u galo iyaguna gadaal oogu baxsadaan. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu marki uu iskoolka hoose dhammeeeyo uu ku baaso imtixaanka dowladda. Waqtigaas dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee doonayo inay dowladda u shaqeeyaan waxaa laga qaadi jiray imtixaan aad u adag qof aan ku baasinna xil sare iyo mid hoose toona ma qaban jirin. Hong imtixaanki waa uu ku dhacay. Dhowr jeer ayuu ku noqday waase baasi waayay. Qoyskiisi waa sii wadi waayeen inay waxbarasho kusii hayaan ilaa uu ka baaso sidaa awgeed waxay ku yiraahdeen soo laabo aad beerta noo tabacdide taasoo Hong murjisay. Xariiftan ka dib meel ayuu ka helay deeq waxbarasho taasoo u suuragalisay inuu qaato shahaado uu macallin ku noqdo laakiinse imtixaanki dowladda waa uu hollin waayay. Hong qalbigiisa kama bixin inuu dalkiisa madax sare ka noqdo jid uu marana waa uu waayay. wayadaas waxaa aad u faafayay masiixiyadda oo guumaystihi ree Yurub furaha ay dadka ku qabsadaan u ahayd. Waayadaas waxaa Shiinaha gaaray wadaaddo ka socday kaniisado oo masiixiyadda faafinayay. Hong waxaa u muuqatay fursad qaali ah oo dadkiisa ku hoggaamin karo maqaam sarana uu ku gaari karo. Waxaa uu sheegtay inuu yahay NABI CIISE WALAALKI ka yar loona soo diray badbaadinta Shiinaha. Dabcan sheegashadiisa ree Yurub ma rumayn mana soo dhaweyn oo diintoodi ayay xadgudub ku ahayd laakiin malaayiin dadkiisi ah ayaa rumeeyay kaas ayuuna qasadkiisu ahaa. Hong wuxuu gobolkiisi ka yabyabtay boqortooyo uu ku hoggaamiyo dadka uu nabiga u noqday. Boqortooyadi Shiinaha ayaa arrintaas ka carootay dagaal ayaana sidaasi ku qarxay. Dagaalki maalintaas curtay wuxuu noqday dagaalki ugu dheeraa ee dhaco qarnigi 19aad. Wuxuu socday 14 sano oo xariir. Waxaa ku dhintay dad lagu qiyaaso 20 ilaa 70 milyan oo qof. Qiyaasaha qaar ayaa gaarsiiyo 100 milyan. Tiro intaas aad ooga badan ayaa ku barakacday. Dadka isaga u dirirayay waxay u dagaalamyeen faafinta diintoodi masiixiga ee cusub taasoo sida iyagu u arkayeen Nabi Ciise walaalki ula yimid isagoo noolna dhex joogo. Waxay hureen naf iyo maal waxayna goobaha dagaalka ka dhigeen wacdarooyin taariikhda galay. Laakiin isagu waa uu ogaa inuu Hong yahay oo uusan ahayn nabi iyo Ciise walaalkii toona. Hadafkiisu wuxuu ahaa inuu mansab iyo maqaam sare helo waa uuna gaaray taariikhdana waxaa loogu qoray mid ka mid ah labaatanki qof ee Shiinaha ugu saamaynta badnaa. Haa isagu waa uu gaaray hadafkiisi laakiin tobonnaanka milyan ee u dhintay maxay gaareen? ma ogaayeen hadafkiisa runta ah haddise ay ogaan lahaayeen maxay fali lahaayeen? Arrintaan Hong kuma eka ee wajigiisu waa kan dhabta ah ee ragga xukun doonka ah. Haddii imtixanki horaba uu ku baasi lahaa barasaab iyo guddomiye dagmo isagoo ku qanacsan inuu dhiman lahaa laga yaabo, ama si nabad ah ayuu ku gaari lahaa maqaam sare. Markise uu waayay sidii nabadda ahayd wuxuu isticmaalay siduu islahaa waxbaad ku heli kartaa. Inta badan dadka hoggaamiyo kacdoonnada waa un sidaas. Waxaase farxad ah in Abuu Mansuur ku hormaray xabbad wax ku dooniddi haddana uu go’aansaday inuu si nabad ah wax ku raadsado. Waxaanse ogayn haddii uu waayo meesha uu ka bus kicin doono! Taariikhu way soo noqnoqon Hong oo kalana dhammaan maayo. Waligeed koox iyo shaqsiyaad kursi doon ah oo daahirka daacad ooga ek waa jiri shacab dhaga la’ oo qayladi yeertaba u dhintana wuu jiri doona. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: ishire86@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ayaa markaan yeeshay xiriir wanaagsan, waxii ka dambeeyay isbadalkii ka dhashay geeska Africa oo Ethiopia ay hormuudka u aheyd. Masuuliyiinta seddexdaasi wadan ayaa kulamo looga hadlayo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya ku yeeshay dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliya oo wasiiro ay ka yimaadeen dalalkaasi. In madaxda Jabuuti ay ka maqnaadaan Shirirkaasi ayaa noqon karta Caqabad dowladda Soomaaliya ay kala kulanto heshiisyada qaar ee dhexmaraya madaxda Eritrea, Somalia iyo Ethiopia, maadaama Jabuuti xurguf ay kala dhaxeyso Eritrea. Jabuuti ayaa walaal koowaad ka dhiganeyso Dowladda Soomaaliya, waxaana horey ay kaga carootay Soomaaliya, ka hor inta aan dhedhexaadinta laga dhex bilaabin Eritrea iyo dowladda Jabuuti. Dadka Falanqeeya Siyaasadda Geeska Africa ayaa sheegaya in qalalaaso uu ka dhalan karo kulamada madaxda Seddex dal ay leeyihiin kuwaasi oo isdaba joog noqday, waxaana ka maqan dalal badan oo Bariga Africa ku yaala. Qorshaha ugu weyn ayaa ah in seddexda dowladood ay dadaal ugu jiraan in cunaqabateynta Hubka laga qaado Eritrea, waxayna taasi sii fogeyn kartaa dowladda Jabuuti oo muddo 10 sano dagaal kula jirtay Eritrea oo xuduud dhuleed ay isku heystaan. Ka maqnaanshaha dalalka Saaxiibada la ah seddexda dowladood ee shirarkooda ayaa noqon karta inay go’aano kale qaataan masuuliyiinta dalalka IGAD ay kawada tirsan yihiin seddexda dowladood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors