-
Content Count
206,879 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in puntland aysan diidaneen qeybgalka shirka dowlada dhaxe ay ugu baaqday Maamul-Goboleedyada, balse waxaa uu tilmaamay in dhaw jeer oo hore shirar ay Muqdisho u yimaadeen, islamarkaana aan wax qodobo ah ka soo baxay shirarka lagu qabtay Muqdisho. Cabdi Weli Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hada xal raadin ay wadaan Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in mar walba ay diyaar u yihiin in la soo afjaro khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada. Wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee fadhigeeda yahay Muqdisho ayuu sheegay inay ka war sugayaan dhex dhexaadinta iyo howsha uu wado Aqalka Sare, isagoo mar kale calaamad su’aal geliyay inay Muqdisho imaanayaan iyo in kale, “Dowlad goboleedyada waxay u taagan yihiin nidaamka dowliga ee Federaalismka in la ilaaliyo, dhul badan ayay mas’uul ka yihiin waa in lagu ixtiraamo oo lagyla shaqeeyo, waxyaabaha ka socda Koofur Galbeed iyo Galmudug waxaa moodaa in aysan sax aheyn, oo aan nidaamkii la rabay aan loo maareyn”ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Mar la weydiiyay su’aal aheyd waxa ay ku diidan yihiin martiqaadka loo fidiyay ayuu sheegay in aanay diidaneyn casuumaada, balse dhowr jeer la wada hadlay go’aamo horay loo gaarayna aanay waxba ka fulin. “Dhowr jeer oo horay shirar la isugu yimid go’aamo la gaaray, go’aamadaas waxba kama hirgelin, marka waxay noqotay in la isu imaado oo wada hadlo, hadana go’aamo kale la gaaro, hadana la fulin waayo waqtina sidaas ku dhamaado, waxay tareysa ma jirto oo aan aheyn in daraf saddexaad la helo”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Waxaa uu sheegay inay wanaagsan tahay in la wada hadlo oo la heshiiyo, balse loo baahan yahay in si dhab ah loo wada hadlo cida doonta daraf sadexaad ha gasho, isagoo xusay in shuruudooda aanay aheyn kaliya faragelin shisheeye. “Faragelin shisheeye muhiim ma ahan, meel aan uga hadalnay ma jirto, hada Aqalka Sare oo matal dowlad goboleedyada oo dad Soomaaliyeed ah nidaamka Federaalka saldhig u ah ayaa waan waanta galay, waana soo dhoweynay, haddii ay dhankaas ka ogoleysiinayaan in la heshiiyo wax dhibaato ah kuma jirto anaga diyaar ayaa u nahay howshaas inay dhex dhexaadin ka noqdaan”ayuu yiri C/weli Gaas. Mar la weydiiyay inay Muqdisho u imaanayaan gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha ayuu sheegay in go’aankii horay uga soo baxay uu sidiisa yahay, wax laga laabtay aanay jirin, howsha dhex dhexaadinta ay Aqalka Sare ku jiraan, ayna ka war dhowrayaan. War saxaafadeed ka soo baxay xalay Villa Soomaaliya oo ku qornaa hadalo dabacsanaan iyo tanaasul ayaa maamul goboleedyada lagu martiqaaday shir wadatashi ah oo lagu dhammeynayo tabashooyinka ay qabaan, iyadoo markii labaad ay tahay Madaxweynaha uu shir ugu baaqo maamul goboleedyada. Lama oga go’aanka Maamul goboleedyada ka qaadan doonaan baaqa cusub ee Madaxweynea Farmaajo, iyadoo shirkii bishii September uu isugu yeeray ay ku gacan seyreen, iyagoo shuruudo ku xiray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareysi-Cabdiwali-Gaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidanka Booliiska Puntland,Sarreeye Guuto Cabdullaahi Shire Dool. Digreeto ku suntan 28 October 2018 oo Axadda maanta ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa taliyaha ciidanka Booliiska loogu magacaabay,Sarreeye Guuto Muxiyadiin Axmed Muuse oo sidoo kale ah taliyaha la-dagaallanka Daroogada iyo Argagixisada ee Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo shalay soo saaray ilaa afar digreeto oo ku socota saraakiisha ciidadamada,waxaana shaqada laga rukhseeyay saraakiil ka kala tirsanaa Daraawiishta iyo Booliiska,kuwaaasoo lagu eedeeyay falal liddi’ ku ah jiritaanka Puntland iyo anshaxa ciidannimo. Sidoo kale ciidanka Daraawiishta ayaa loo magacaabay taliye cusub,kadib markii taliyihii hore ee Daraawiishta Gen Siciid Dheere uu shaaciyay in uu tartan u galayo doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Taliye cusub oo loo magacaabay Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa taliye cusub u magacaabay ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland. Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 28 October 2018 ee ku beegan maanta oo Axad ah ayaa taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland loogu magacaabay,Sarreeye Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen. Taliyaha la magacaabay ayaa beddelaya Gen Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo xilkan hayay,balse saaka ku dhawaaqay in uu u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Gaas oo taliye cusub u magacaabay ciidanka Daraawiishta appeared first on Puntland Post.
-
Kenya's Abraham Kiptum is the new World half Marathon record holder. Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Hay’adahadeeda amaanka ka war heleen in al-Shabab ay qorsheynayaan weerarro ka dhaca xarumo waaweyn oo ku yaalla Magaaladaas. Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa sheegay in Ragga ka tirsan Al-shabab ee qorsheynaya weerarkaas uu hoggaaminayo Ahmed Harith Mahmoud, kaas oo saaxiib dhow la ah Ahmed Iman Ali, oo ka tirsan hoggaanka sare ee Al-shabab una dhashay Kenya. Ciidamada la dagaallanka Argagixisada ee Nairobi ayaa heegan sare la geliyay waxaana ay sugayaan amaanka magaalada. Meelaha Hay’adaha sirdoonka heleen in la weerarayo waxaa ka ka mid ah dhismaha Times Tower,Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyo meelo kale oo bartamaha Nairobi ka mid ah. Ciidamada ayaa helay Warqad ay ku qoran yihiin goobaha la doonaayay in la weeraro, waxaana halkaasi la geeyay Ciidamo dheeraad ah. Joseph Boinnet Taliyaha Booliska Kenya , ayaa sheegay in warqadda la helay ee xogtan ay ku qoran tahay ay been abuur noqon karto laakiin haddana aysan dhayil saneyn Hay’adaha ammaanka. Meelaha Hay’adaha Sirdoonka heleen in la weerarayo waxaa ka ka mid ah dhismaha Times Tower, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyo meelo kale oo bartamaha Nairobi ka mid ah Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in warqaddaasi dhab noqon karto, iyada oo laga hortagayana Ciidamo badan la geeyay dhismayaasha la beegsanayo. Weerarka ayuu sheegay in la qorsheynayo 28ka Bishan October oo ku beegan maanta oo Axad ah ilaa 4ta November inta u dhaxeysana la fulinayo haddiiba ay sax tahay. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in warqaddaasi dhab noqon karto,iyada oo laga hortagayana Ciidamo badan la geeyay dhismayaasha la beegsanayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Gen Siciid Dheere oo ku dhawaaqaya musharraxnimo Garoowe 28 October 2018 Taliyaha ciidamada difaaca dowladda Puntland,Sarreeye guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqay in uu u sharraxanyahay doorashada madaxweynaha Puntland ee 2019. Sarreeye guud Siciid Dheere ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ku faahfaahiyay damaciisa siyaasadeed ee ku aaddan qabashada xilka madaxweynaha Puntland iyo waxyaabaha ku dhaliyay in uu u tartamo xilkaasi. “Markaan arkay,sarreyntii sharciga oo hoos u dhacday, markaan arkay dhaqaalaha dalka meesha uu marayo,markaan arkay amniga dalku meesha uu marayo,markaan arkay ciidowga Puntland oo daafaha dalka ka soo fidaya,waxaan go’aansaday in aan shacabka Puntland u caddeeyo in aan ahay musharrax jagada madaxweynanimada Puntland”ayuu yiri Siciid Dheere. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu fahamsanyahay baahida shacabka Puntland haatan u qabaan hoggaamiye ku maamula midnimo,caddaalad iyo sinnaan,islamarkaana soo celin kara,sarreyntii sharciga iyo sugidda amniga degaannada Puntland. “Waxaan garwaaqsaday in baahi weyn loo qabo hoggaamiye ku dhaqa shacabka reer Puntland midnimo,caddaalad iyo sinnaan” ayuu raaciyay Generaalka oo shaacinayay musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha Puntland. Musharraxa oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray in uu shakhsi ahaan waaya-aragnimo dheer u leeyahay arrimaha dalka oo uu sheegay mudda ka badan 40 sano in uu ku soo jiray halgan ku salaysan difaaca Puntland iyo Soomaaliyaba,sidaasi darteedna uu wax badan u qaban karo shacabkiisa. Dhinaca kale Siciid Dheere ayaa sheegay in uu kamid ahaa raga fara’ku-tiriska ah ee ka nool as’aasayaashii Puntland,islamarkaana uusan weligiisa dalka ka bixin oo dhib iyo dheefba la qabay shacabkiisa,uuna mudda in badan qorraxda u taagnaa ilaalinta iyo difaaca Puntland. Mar wax laga weydiiyay in uu xilka ciidamada iska’casilay,maadaama uu siyaasad galay? Ayuu ku jawaabay”xilka horta anigu isma casilin,waayo? Umaddeydu waa iscasilay in ay maqasho waa uga tudhay”. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Sarreeye Guud Siciid Dheere oo isu’ sharraxay xilka madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taaganyahay doorashada madaxtinnimada Puntland ee sanadka soo socda, Gen. Siciid Dheere ayaa go’aanka qaatay isaga oo weli ah Taliyaha guud Ee Daraawiishta Puntland. Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri “Waxaa waayadan dambe dhankeyga ku soo badanayey talo iiga imaaneysa bulshada Puntland qeybaha kala duwan isimmada, cuqaasha, aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, taladaas oo ah in aan ka mid noqdo mas’uuliyiinta u tartameysa hoggaanka Puntland sanadka 2019-ka. Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa Sababaha uu isu soo sharaxay waxaa uu ku sheegay sarreynta sharciga oo hoos u dhacday, isaga oo intaasi raaciyey “ markaan arkey dhaqaalaha dalka meesha uu marayo, markaan arkey amniga dalka meesha uu marayo, markan arkey arrimaha bulshada dhan dhaqan iyo dadweynaha, markan arkey cawadga Puntland oo daafaha deegaannada ka soo fidaya, markaan arkey colaadaha ka dhex aloosan beelo ka mid ah deegaanka, waxaan garwaaqsaday in baahi weyn loo qabo hoggaamiye ku dhaqa shacabka reer Puntand midnimo, cadaalad iyo sinnaan”. Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), waxaa uu ugu dambeyntii sheegay inuu doonayo inuu reer Puntland uga faa’ideeyo khibradiisa 40 sano iyo inuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee ka nool aasaasayaashii Puntland. Waxaa xusid mudan in Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) uu weli yahay Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland, taasi oo su’aalo ka keeni karto dhex-dhexaadnimada ciidanka, oo lagu yaqaano inay ka fogaadaan siyaasadda, isla markaana ilaaliyaan danaha dalka, dadka iyo diinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaaneyso Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si weyn ugu eedeeyay dowladda Federaalka Somalia inay faragelin ku heyso doorashada maamulkaasi. Shariif Xasan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aymagaalada Baydhabo ku soo daadgureyneyso diyaarado sida baabuur aan xabada karin iyo xubno ay u soo magacawday inay madax ka noqdaan maamulka K/Galbeed, taasoo sharci darro ah sida uu yiri. Wuxuu sheegay in dadka reer Koofur Galbeed ay yaqaanaan dadka dooranayaan iyo sida ay wax u dooranayaan, isagoo dowladda Soomaaliya ku sheegay inay qas ka wado degaanada K/Galbeed. Musharaxa xilka Madaxweynaha ee C/casiis Lafta-gareen oo Shalay xaflad ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa u jawaabay Shariif Xasan isagoo sheegay in Shariif Xasan uu doonayo inuu keligiis Baydhaba u wato baabuurta aanay rasaastu karin, wuxuuna u tilmaamay in baabuurtaasi lagu iibiyo magaalada Muqdisho, isaguna uu hore u lahaa. C/casiis Lafta-gareen ayaa ku eedeeyay Shariif Xasan inuu ka xun yahay in dad la yimid oo wata Gadiidka oo u wato oo kale inaysan imaan Baydhaba. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka degan, kaddib iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay gelinkii dambe dhex maray Ciidamo ka wada tirsan Jubbaland, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac. Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland Saciid Joogsade ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee ku lug lahaa is rasaaseynta gacanta lagu dhigay, isla markaana ay yihiin Maxkamad Sugayaal. Saciid Joogsade ayaa sheegay in kooxahan oo gaarayay 11 ruux ay ahaayeen kuwo qalqal gelinayay ammaanka Kismaayo, sidoo kalena ay dileen Nabadoon caan ah oo ku howlanaa xal u helida xaalada ka jirtay magaalada. Ugu yaraan afar ruux oo uu ku jiro Nabadoonka ku howlanaa xalinta xiisadii taagneyd ayaa ku geeriyooday, halka askari kale uu ku dhaawacmay. Ciidamada Jubbaland ayaa guri ay ku sugnaayeen Ciidamada gadoodsanaa ku duqeeyay, waxaana shalay xaalada magaalada Kismaayo ay noqotay mid qalqal iyo cabsi ku reebtay dadka deegaanka, markii ay maqleen madaafiic. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay halka ay Somalia heegsaneyso ka hor inta aan la gaarin xiliga doorashada. Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay is dhinac taageyso wadamad kale ee saaxiibada la’ah marka loo eego dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Horumarka iyo bilicda. Wuxuu tilmaamay in rajada Somalia ay tahay mid muddo laba sano ah ay ku gaari doonto halka uu hankeedu yahay waxa uuna carab ***** in taasi ay tusaale u tahay shirarka heerka caalami oo Somalia ay marti galineyso. Ujeedka muuqda ee shirarka heerka caalami oo Somalia ay marti galineyso ayuu ku qeexay laba arrin oo kala ah: 1-In Somalia ay adduunka ka iibiso hankeeda ku aadan inay diyaar u tahay in wadamada dhigeeda ah ay la qeybsato wax walba. 2-In wadamada saaxiibada ah ay tusto in Somlia ay amni tahay, isla markaana ay kasii baxeyso burburka iyo xasil darada ayna u qalanto marti galinta shirarka heerka caalami. Ra’isul wasaare, Kheyre waxa uu cadeeyay in Somalia ay maslaxad weyn u aragto inay marti galiso shirarka ay qabtaan wadamada dhigeeda ah, wuxuuna carab ***** in Somalia markii hore laga aaminsanaa faker xun. Sidoo kale, Umadda Soomaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin keliya kuwa magaca dalkooda kor u qaadi kara, taa oo lagu gaari karo isgarabsi iyo wada shaqeyn lala sameeyo dowlada. Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Farmaajo tan iyo markii la doortay ay marti galisay shirar waaweyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Digreeto kasoo baxday xafiiska Hoggaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa lagu ruqseeyay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo booliska Puntland. Saraakiishan ayaa xilalkooda ku waayay ka dhinac noqoshada Khilaafka u dhexeeya maamulka iyo Dowlada Dhexe, waxa ayna ruqseentoodu timid kadib markii ay qabteen shir Jaraa’id oo ay ku shaaciyeen inaanu taageersaneen shirarka Garoowe ee lagu garaafeynayo dowlada Dhexe iyo waxyaabo kale. Ruqseynta Saraakiisha ayaa waxaa ka hadlay G/sare Axmed Cabdullaahi Samatar (Layli) kaas oo horey mar u soo noqday taliyihii booliska gobolka Nugaal basle haatan ka tirsanaa Booliiska Puntland. G/Sare Layli oo ruqseynta kadib baraha soo dhigay Muuqaal uu uga hadlaayo ruqseyntiisa ayaa sheegay in C/weli Gaas uusan awood sharci u laheyn inuu ka dhigo darajooyinka. G/Sare Layli, ayaa sheegay in C/weli Gaas aysan ku taageereynin haddii uu galo khaladaad dhanka shaqada ah waxa uuna caadeeyay inuusan u dhiman doonin xil uu waayay. HOOS KA DAAWO HADDALKA G/SARE LAYLI RUQSEYNTA KADIB:
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka DDSI uu xabsi dhigay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka kadib markii lagu eedeeyay falal lid ku ah maamulka oo ay kamid tahay faafinta dhaliilaha Madaxweyne Mustaf. Xildhibaanada ayaa waxaa xarigooda ka danbeeyay ciidamo ka tirsan maamulka oo iyagu kala soo baxay hooy ay kaga sugnaayen magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDSI. Xildhibaanada la xiray ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaanad Nasra Xasan iyo kuwo kale oo qeyb ka ahaa falka xariga. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DDSI ayaa waxa ay sheegen in hada ay wadaan dadaalo lagu sii deynayo Xildhibaanada ay xireen ciidamada amaanka ee dowlada deegaanka Soomaalida. Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka DDSI Mustafe Maxamed Cumar, ayaa laga dalbaday in ay ilaaliyaan sharciga, islamarkaana aan lagu xadgudbin Xildhibaanada oo leh xasaanad. Dhinaca kale, Xildhibaanada la xiray ayaa la sheegay in deegaan ahaan ay kasoo jeedan Magaalada Shillaabo. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
-
Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka baaqday shirkii shalay sabtidii ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka(OIC) sabab lagu sheegay inuu ka dhiidhiyey warqaddii ay dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ee dilka saxafiga Jamal Khashoggi . Ilo sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in wasiir Mevlut Cavusoglu uu marka hore aqbalay ka soo qeyb-galka shirka balse markii ay Villa Somalia taageertay Sacuudiga uu ka laabtay go’aankii imaatinka Muqdisho. Warqad ay heshay Goobjoog News oo soo baxday October 15, 2018, loona diray xogheynta ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ku qorneyd in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu tagayo shirka Muqdisho ee October 27, 2018. Go’aanka wasiirka Turkiga waxaa uu beeninayaa hadalka Wasiirka arrimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad kaas oo shalay sheegay inuu Mevlut Cavusoglu u baaqday sabab la xiriirta shir ku saabsan Suuriya, uu isaga shir guddoominayey. October 15, 2018, Dowladda Federaalka ah ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay iney diideyso in dhib la gaarsiiyo Sacuudiga, Qoraalkan oo koobnaa waxaa uu u qornaa sidan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale. Waxaana lagu soo gabagabeeyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka Teleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenyatta ayaa si qoto dheer uga wadahadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaale iyo amniga ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu khadka kula hadlaayay dhigiisa soo hadalqaaday dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay. Hoggaamiyayaasha labada dal ayaa inta uu wadahadalka socday isku afgartay in lasii wado xiriirka iyo wada shaqeynta isla markaana la adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Hoggaamiyayaasha waxay sidoo kale ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal. Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhigiisa uga mahadceliyay aqbalaada iyo tixgalinta uu dalkiisa u haya Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa ka aragti dhiibtey shirkii 25-kii bishan magaaladaasi ugu soo dhammaaday madaxda dowlad goboleedyada. Inta badan shacabkan oo la hadalay Goobjoog waxay sheegeen in shirkan uu ahaa mid loo baahnaa, madaxda dowlad goboleedyadana ka tashadeen aayaha gobollada ay maamulaan. Qaarkood ayaa sheegay in shirkan u arkaan mid lagu carqaladeynayo dowladda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warbixinta-Rayiga-Shacabka-Shirkii-Garowe-GOOBJOOR-27-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu kala hadlay iskaashiga dhaqaale iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal. Agaasimha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu lasoo qaaday dhigiisa dalka Kenya dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay. Labada Madaxweynaha ayaa isku afgartay in lasii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxay sidoo kale, ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Mudane Uhuru Kenyatta kaalinta ay Dowladda Kenya ka qaadanayso nabadgalyada gobolka iyo adkeynta xiriirka labada dal oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo wajahday qoysaskii dhowaan ka barakacay dagaalladii xooganaa ee ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool. Wariyaheena Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in dadkan ay hadda soo wajahday xaalad cunno la’aan, biyo la’aan iyo sidoo kale inaanay haysan meelo ay degaan. Dadkaan ayaan helin gurmad muddo 7-aad ah, sababta ugu weyn ee aanay gargaarka u helin ayaa ah in aanay jirin meello loo maro deegaannada ay dadkaan tageen maadaama waddooyinkii la mari lahaa ay weli isku horfadhiyaan maleeshiyaadkii dagaallamay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/FAARAX-DUBAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jig Jig ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu xeray xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulkaasi. Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in xildhibaanad Nasra Xasan ay ka kaxeeysteen hooygeeda magaalada Jig Jiga. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga xariga Xildhibaanadaasi katirsan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa ugu baaqay madaxweyne Mustafa Cagjar in uu dhowro xasaanada xildhibaanada xildhibaanadaasina uu xabsiga ka sii daayo. Faah Faahinta dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Xildhibaan katirsan DDSI oo lagu Xeray Jig Jiga appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay saakay howlgallo ballaaran oo aammaanka lagu sugayo ka wadaan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Wararka aan helnay waxay sheegayaan in howlgalladan ay si gaar ah ula xiriiraan sida la sheegay baadigoobka rag ka shalay ka qeybqaatay dagaal kooban oo ka dhacay magaaladaasi. Ciidamada Jubbaland ayaa shalay waxay gacanta ku dhigeen rag hubeysan oo la sheegay iney horey uga mid ahaayeen ciidanka Jubbaland. Saraakiisha ammaanka ayaa ka gaabsaday iney faah faahin ka bixiyaan howlgalladan socda iyo sidoo kale tirada raggii shalay ay ciidamada qabteen. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa xalay xarunta maamulka Gobolka Banaadir casho sharaf ugu sameeyay madaxdii ka socotay dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka. Casho sharaftaasi ayaa waxaa ka soo qeeybgalay wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad. Gudoomiye Yariisoow oo halkaasi ka hadlay ayaa caasimada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafuudaasi ka qeeybgashay Shirkii kooxda Xiriirka Soomaaliya ee wadamada iskaashiga Islaamka. “Muqdisho waxay astaan hiigsi u ahaan jirtay Caasimadaha Afrika, waqtigan oo dalkeennu ka soo kabanayo burburkii soo gaaray, waxay Caasimaddu sameynaysaa horumaro kala duwan oo dhammaantiin aad markhaati ka tihiin, kaasoo inoo suuragaliyey shirkan iyo shirarkii horey loogu qabtay”. ayuu yiri gudoomiye Yariisoow Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo halkaasi qudbad ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimada shirkaasi uu lahaa. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Duqa Muqdisho oo Casuumaad u sameeyay Madaxdii ka qeeybgashay shirkii OIC appeared first on Puntland Post.
-
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa shir loogu yeeray madaxda dowlad goboleedyada. Waxaa qoraalkan lagu sheegay in dowladda ay ka garaabeyso tabashada dowlad goboleedyada, diyaarna u tahay isku tanaasul iyo wadahadal dhab ah. Qoraalka ayaa sidan u qornaa: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Alshabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan Dowlad Goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka. Madaxweyne Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar. DHAMMAAD Source: goobjoog.com
-
Sanado badan kadib, maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in mushaarkooda ay helaan ciidamada Booliiska magaalada B/weyne oo xuquuqdooda ay ka maqneyd. Waxaa magaalada B/weyne ka socota munaasabad ballaaran oo lagu doonayo in ciidankaan lagu siiyo Mushaarkooda. Lacagta la siinayo ciidamadan ma ahan mid ka timid dowladda dhexe, hase ahaatee waxaa laga bixinayaa canshuuraha uu maamulka gobolka Hiiraan qaado. Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ah guddoomiyaha gobolkaasi ayaa sheegay in lacagaha la siin doono ciidamadan ay canshuur ahaan u bixiyeen shacabka B/weyne. Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in aanay cid kale ku tashan doonin, oo reeer Hiiraan waajib ka saaran yahay in ciidankooda taakuleeyaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
The government has launched a measles campaign in Mandera County following an outbreak of the disease in the region. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors