Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,901
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The European Union Naval Force say they have blown up an abandoned boat from which pirates had attempted to hijack a Hong Kong-flagged ship on the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
  2. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Koonfur Galbeed, ayaa kulan degdeg ahaa iusgu yeeray la-taliyayaashiisa dhinaca amniga iyo xubno isaga ku dhow. Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa looga wada xaajooday amniga Baydhabo iyo Ciidmaada faraha badan ee magaalka ku soo qul qulayay maalmihii u danbeeyay, Kuwaasoo qaarkood ay wataan Dadka kursiga kula loolamaya. Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa kulanka kaidb qaaday tilaabo ay aad ula yaabeen Shacabka iyo Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo, taasoo dadka qaarba ay u fasirteen iney soo dadajineyso shakiga la xiriira in Shariifka ku soo bixi waayo doorashada. Shariifka, ayaa shaqada ka eryay dhamaan askarta iyo saraakiisha ilaalada ka heysay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo. Dadka ku dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, ayaa sheegaya in arintan la xirirto kala shaki soo kala dhex galay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ilaaladiisa, maadaama uu ka soo hor jeedsaday Taliyihii booliska Koonfur Galbeed iyo Saraakiil kale. Xubnaha la hadlay Caasimada Online, ayaa sidoo kale ku waramaya in Shariif Xasan uu u cabsaday amaankiisa, Isagoo maalmahanba ku cataabayay erayo ku aadan suura galnimada in la bartilmaameedsado, Taasoo ay aad ula yaabay dadka la jooga. Ciidamada iyo Saraakiisha laga saaray Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la geeyay xero ku taala gudaha Baydhabo, kuwaasoo loo sheegay iney meesha ku xareysnaadaan inta dib looga yeerayo. Ciidamada iyo saraakiisha la wareegay amaanka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa badankood ah dadka ku heyb/Qabiil ah Shariifka, Kuwaasoo joojiyay dhaq dhaqaaqii badnaa ee ka jiray Madaxtooyada. Ciidamadan, ayaa sidoo kale albaabka Madaxtooyada ka celiyay Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano la balan sanaa Shariif Xasan, Kuwaasoo loo sheegay in aqoon buuran aan loo leheyn, Isbadal dhinaca amniga ahna uu ka dhacay Madaxtooyada. Shariif Xasan, ayaa fahansan in wax walba isbadali karaan maalmahan yar ee ka harsan doorahsada, Isagoo shaki ka muujiyay in ilaaladiisii hore loo soo maro, Kuwaasoo xanibi kara howlaha uu ka hayay gudaha Madaxtooyada, maadaama aan cidi soo geli karin. Lama oga sida uu xaal noqon doono maalmahan, waxaase maalinba maalinta ka danbeysa cirka sii galaya walaaca Shariif Xasan Sheekh Aadan ee la xiriirta inuu dib ugu soo laabto kursiga uu isaga fadhiyay sanadaha dheer ee aanu wax badanna ku qaban. Baydhabo, ayaa marti galineysa bisha danbe 17-keeda doorashada Madaxweynaha, Waxaana wax soo dooranaya Xildhibaanada Koonfur Galbeed, kuwaasoo codadkooda siinaya Musharaxa ay ka dhex xulanayaan ku dhowaad 10-ka Musharax ee kursiga u loolamaya. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  3. Is-beddelka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay waxa uu noqday mid sare u qaaday dhawrista xuquuqul insaanka, ayada oo tacaddiyadii badnaa ee maamulkii ka talin jiray magaalada ee Cabdi Iley lasoo afjaray. Jigjiga oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu horreeya marka ay timaado ku tumashada xuquuqul Insaanka ayaa noqotay mid ka mida kuwa ka faa’ideystay hoggaanka is bedelay ee Itoobiya iyo imaatinka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Cabdi Iley oo ahaa shaqsigii mas’uulka ka ahaa ddaqankii waxashnimada ahaa ee ka mid noqday nolol maalmeedka shacabka Jigjiga iyo dhammaan gobolada Soomaali Galbeed ayaa ugu dambeyn xabsi galay oo uu ilaa iyo hadda liinta ku cabbaa. Yeelkeede, saameyntii dulmilow Iley, kuma koobneyd Soomaali Galbeed balse waxa ay soo gaadhay gobollada Jumhuuridda Soomaaliya sida kuwa Waqooyi oo uu dad ku laalay, qaar ku xidhay halka gobolada dhexe ay sidoo kale dulmaneyaal u noqdeen xukunkii tacaddiga badnaa ee Iley. Waxaa dulmiga u adeegsan jiray ciidamada Liyu Police oo uu ku gumaaday boqolaal kun oo Soomaali ah meel walba oo ay degan tahay. Hase ahaatee, haddii Jigjiga maanta ka nabad qabto dhibaatadii ay Iley iyo Liyu Police ku hayyeen, Kismaayo ayey ku harsan tahay mushaakilaadka raadkii Iley iyo ciidamadiisa waxuushta ah. Ciidamada Kismaayo ku sugan ee u qoran Axmed Madoobe, waaa kuwo naqshadooda laga soo koobiyey Liyu Poilice-ka Soomaali Galbeed. Hab dhaqankooda iyo sida ay ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu dameeyeen xubnaha beesha Cawlyahan ee Ogaadeen, waa mid aan ka qarsooneyn dadka ku dhaqan Kismaayo. Qofka aan Kismaayo joogin ee looga sheekeeyo in ciidamada tacadiga ka geysta magaaladaas in ay yihiin Liyu Police ama kuwo shabaha waxa ay moodi karaan in HAYB/ISKU QABIIL ahaan loogu anaanayo arintaas maadama Liyu Police ay ahaayeen Ogaadeen sooc ah iyo hoggaamiyehoodii hadda xiran iyo Axmed Madoobe balse sawirada hoose ayaa xaqiiqada ku taabsiin doona. Liyu Police waxa ay caan ku yihiin in qoorta la surto macawiis ama cimaamada! Hadda fiiri sawirada laga soo qaaday ciimadii dhawaan xasuuqa Kismaayo ka geystay iyo qaabka ay u labisan yihiin! Kaliya ma ahan in sawiradan iyo hab labiska ay ciidamada Kismaayo ee Axmed Madoobe ka dhigayaan Liyu Police, balse waxa ugu darran ee sidaas ka dhigaya ayaa ah dhaqankooda iyo dhibaatada ay ku hayaan dhammaan dadka kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe. Haddii ay Jigjiga xorowday, dhabtii Kismaayo ayaa maanta u baahan xornimo. W/Q: Mahad Cabdullaahi Diini Nairobi, Kenya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Kaddib markii shakay lagu dhawaaqay miisaaniyadda dowladda federal-ka ee 2019, waxaa muuqday is bedel weyn iyo guulo la taaban karo oo laga gaaray sare u qaadista dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dowladda ay soo xareyso. Lamabrka 340, oo iha inta milyan ee miisaaniyadda 2019 ay tahay ayaa ah astaan muujineysa guulaha dowladda madaxweyne Farmaajo ay ku tallaabsatay intii ay dalka maamuleysay. Xukumadda Federal-ka ah ee la baxday magaca Nabad iyo Nolol ayaa sameysay laba miisaaniyadood intii ay dalka mamaulkiisa gacanta ku haysay waxa ayna kala yihiin sida soo socota Labadii miisaaniyadood ee ugu dambeeyey dowladdii Xassan Shikeh 1 – $246m (2016) 2 – $260m (2017) Labada miisaaniyadda ee xukuumadda Nabad iyo Nolo. 1 – $274M (2018) 2 – $340M (2019) Labada miisaaniyadood waxaa u dhexeeya farqi gaaraya $66m. Dhinaca kale, haddii aan la barbardhigno farqiga u dhexeeya labadii miisaaniyadood ee ka horreeyey waxaa ku soo baxay – $260-%246 waa $16m! Labada miisaaniyadood ee dambe iyo labada miisaanoyadood ee hore marka aad si gaar ah isha ula raacdo waxaa kuu soo baxaya in koritaanka dhaqaalaha ee dalka iyo koboca miisaaniyadda in ay xawaare ku socota dowladda marka la eego dowladda hadda ee Nabad iyo Nolol. Sidoo kale waxaa halkaas ku cad, in ay is waafaqeen hadallada dowladda ah ee ay In dakhliga gudaha ka soo xerooda uu aad u kordhay, taas oo ay si cad uga muuqato miisaaniyadda shalay lagu dhawaaqay. Dakhliga dowladda waxaa si muuqata kordhiyey laba arrin, oo midda koowaad ay tahay horumarka xagga dhaqaale ee dalka ka jira. Dhaqaalaha dalka oo kordha waa dhaqaalaha dowladda oo kordhay, maadaama dowladda wa ka hesho oo ay canshuurto ganacsiga. Arrinta labaad ayaa ah in dowladda ay si aad ah ula dagaashay ugana hortagtay musuq-maasuqa, ayada oo malaayiin dollar oo laga dhici jiray dekedda Muqdisho iyo wasaaradaha dowladda ay xukuumadda xakameysay. Labada arrinba waxay muujinayaan dowlad ay daacad ka tahay wax qabad. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. In badan waxay kooxaha mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta iyo madaxda maamul goboleeyadu dowladda ku eedeeyeen inay xoogga saartay baraha bulshada. Taageerayaasha badan ee dowladdu ku leedahay baraha bulshada ayaa lagu tilmaamay kuwo lagu bixiyay lacag badan. Waxaa eedaha lagu daray in shacabki Soomaaliyeedba ay kasoo qaadday inta ooga sacab tunto Faysbuugga. Haddaba eeddaasu ma saxbaa dowladduse ma ku saxantahay inay ku tiirsanaato baraha bulshada si ay u ogaato rabitaanka shacabka? Waxaa qabaa inay sax tahay arrintaas. Bulsho walba oo dal ku nool waxay ka koobantahay saddex un. Koox siyaasadda ku jirta ama talo ha hayso ama mucaarad ha noqoto. Koox ree balad ah oo ku xiran idaacadaha lana socoto waxa dalka ka socdo sidaas darteedna wixii soo kordha wax ka yiraahda iyagoo isticmaalayo kannaalo kala duwan sida wargaysyada iyo baraha bulshada. Kooxda seddexaad waa dadka meesha uu u badan yahay. Waa shacab weynaha aan waxba ka ogayn waxa socda. Waxaa dhici karto ianysanba kala jeclayn cidda talada dalka hayso, waxaa dhici karta inaysan war u ahayn waxa dalka ka socda oo aysan marin (access) u haysan warbaahinta iyo baraha bulshada sida dadka miyiga iyo tuullyinka fog fog ku nool. Dowlad walba oo jirta iyo mucaaradka doonayo inuu talada kala wareego wuxuu xoogga saaraa hanashada aragtida dadka u dhuun daloola waxa dalka ka socda. Dadkaas oo ku teegeera waa tubta lagu gaaro kursiga dalka ugu sarreeyo. Haddii aad talada hayso waa dadka aragtidooda aad ku qiimayn karto in la rabo iyo in la nacay maamulkaada. Waddamada dadka codkiisa madaxda lagu noqda, baraha bulshada ayay dadaal badan iyo qarashba ku bixiyaan dadka tartanka ugu jira hoggaanka dalka iyo kuwa talada hayaba. Tusaale sanadki hore doorashadi ka dhacday dalka Ingiriiska xisbiga shaqaalaha oo tartarnka ku jiray wuxuu ku bixiyay faysbuugga hal miyal oo gini (qiyaasti hal milyan iyo labo boqol oo kun oo doolar). Sidoo kale xisbiga talada hayay ayaa isna caddad intaas ka badan ku bixiyay faysbuugga si uu dadka ooga gado siyaasaddiisa dibna loogu doorto. Waddamada aysan cidna u baahnayn codka shacabka naftoodu kama maarmaan idaacadaha iyo baraha bulshada. Dalalka Carabta ayaa lacag aan xisaab lahayn ku bixiyo baraha bulshada si ay sawir qurxan ooga bixiyaan maamulladooda shacabkooda iyo bulshooyin kalana u indha sarcaadiyaan. Tusaale, dowladda Sacuudiga ayaa malaayiin doolar siisay shirkado xayaysiin oo fadhigoodu yahay Ingirriska si ay indhaha shacabka caalamka ooga jeediyaan ceebta kasoo gaartay dilkii wariye Jamaal Khashooki sida uu qoray wargayska The Guradian. Warbixintaas waxaa lagu sheegay in hal muuqaal oo soconayo 15 daqiiqo kasoo lagu soo xayaysiinayay dalxiiska Sacuudi Carabiya uu soo jiitay malaayiin dad ah waqti yar gudahiis. Dunida casriga ah, baraha bulshadu waa meesha ugu dhaqsaha badan ee dadka warka lagu gaarsiiyo. Tusaale qarixii ka dhacay magaalada Boston ee dalka Maraykanka, dhowr ilbiriqsi un ka dib marki uu dhacay waxaa lagu faafiyay Tiwiterka. Idaacaddii ugu hooraysay waxay isla warkaas baahisay 15 daqiiqo ka dib markuu dhacay. Waqtiga ay idaacaduhu billaabeen baahinta warkaas, malaayiin qof oo ku nool dunida dacalladeeda ayaa mar hore kala socotay baraha bulshada. Arrintaan waxay keentay in idaacaadaha dunida ugu afka dheer, inta aysan warka ay helaan kasoo dayn taleefishinnada iyo raadiyayaasha hawada ku jiro ay kusoo qoraan baraha bulshada sida tiwiterka iyo faysbuugga. Dalkeennu miyuu dunida kale ka duwan yahay? Waxaa aaminsanahay inuusan ka duwanayn balse uu ka mid yahay dalalka ugu mudan isticmaalka baraha bulshada marki la doonayo sara u qaadidda sumcadda dalka iyo soo jiidasahada shacabka. Waayo dadka soomaaliyeed waa dad soo jeeda si aad ahna ugu xiran idaacadaha iyo baraha bulshada. waa xaqiiq in dadka intiisa badan uusan marin u lahayn internetka, laakiin kuwaas maahan yoolka loo socdo. Yoolka waa dadka eegayo dhaqdhaqayada dowlada iyo dhinaca ay u socoto siyaasaddeeda. Dadkaasu waa dadka ku xiran baraha bulshada. Sidoo kale, dadka ku xiran baraha bulshada waxay ka turjumayaan rabitaanka ama nacitaanka bulshada guud. Haddii inta badan dadka ku xiran baraha bulshadu ay diidaan arrin waxay ka dhigan tahay in bulshadu arrinkaas kasoo horjeeddo sidaa darteed in la tixgaliyo xalna loo helo muhiim ayay noqon. Sababta in fahmo maahan mid u baahan cilmi iyo aqoon durugsan ee mid iska cad. Waayo ma dhici karto in lagu doodo inta faysbuug ku xiran waa dad gooni ama hal faker aaminsan ama hal beel ah ama hal deegaan kasoo jeedda. Maadaama, dadkaan yihiin dad kala da’ ah, kala deegaan ah, kala aqoon ah, kala aragti ah waxay si buuxdo u matalaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Maxay mucaaradku arrintaas ceeb ooga dhigayaan? Mucaaradku waa labo. Kooxda kurisga doonayso sida C C Shakuur iyo Fiqhi iyo kuwa la mid ah. Kooxdaan eedayntaasu waxay ka tahay weerer iska caadi oo lagu yaqaan mucaaradka waana mid lagu tilmaami karo labo wajiilaynta siyaasiyiinta dunida, waayo iyaga ayaaba dowladda ooga badan inay baraha bulshada taageero ka raadiyaan ama aragtidooda kula wadaagaan bulshada guud. Uma arko inay ku khaldan yihiin isticmaalka weerarka noocaan ah waayo meel walbaoo ay u arkaan inay kaga guulaysan karaan dadka talada hayo inay gacanta galiyaan waa lagu yaqaan mucaraad oo dhan, khaladna maahan hadduusan hagardaamo dalka wax u dhimayso la socon. Kooxda laabaad waa madaxda maamul goboleedyada. Kooxdaan waxay u badan yihiin odayaal siyaasadda aan tacliin usoo marin. Sidoo kale, sida waayeelka kale ee dunida ku nool, waxaa ku adag isticmaalka baraha bulshada iy guud ahaan Internetka. Waxay fahmi karaan maahan dagaalka baraha bulshada iyo sida ay u sahlan tahay in lagu hanto aragtida dad weynaha. Ma fahmi karaan saamaynta ay leeyihiin farriimaha ay dowladdu marinayso faysbuugga. Ma fahmi karaan khalgiga tiro dhaafay dadka Faysbuugga ka taageero dowladda iyo sida hadba dhinac loogu jiheeyo. Waxayba fahmi la’yihiin waxa dowladdu muhiimmada u siinayso baraha bulshada oo ay iyaga ula hadli la’dahay. Waxaanba u muuqan in yoolka xukuumaddu yahay hanashada shacabka taageersan madaxda maamul goboleedyada. Waxaysaba ogayn in farriimaha la marinayo baraha bulshada ay ka xoog badan yihiin in iyaga lala kulmo ama la qanciyo. Dhowrka wasiir ee ree magaalka ah ee ku jira maamul gobaleedyadu waa ay yaqaannaan muhiimmada baraha bulshada waqti badan ayayna galiyaan diridda farrimaha ay rabaan inay bulshada gaaraan. War iyo dhammaantii dowladdu kuma khaldana inay ka shidaal qaadato baraha bulshada. Waxaa sax ah inay qiimayso rabitaanka shacabka iyadoo ku tiirsan baraha bulshada iyo meelaha uu dad weynuhu kusuoo bandhigo aragtidiisa. Taasi kama dhigna inaysan qancin shaqsiyaadka wax tabayanaya ee meelaha haysto magaca uu rabo ha watee. Waxaa muhiim ah inay labadaba isku garab wato si loo gaaro waxa u roon dalka iyo dadka. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. Kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka oo 27-Okt-2018 ka dhacay magaalada Muqdisho waxa uu kadhigan yahay tallaabo fiican oo ay qaadday siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana suuragal ah in dhaqaaqa siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 5tii sano ee ugu dambeysay ay sabab u ahaayeen dadaaladii is xigxigay ee ay wasaaradda arrimaha dibaddu kuhirgelisay xiriirka wax wadaqabsiga iyo kala macaashka kudhisan, kaas oo weji cusub u yeelay muuqaalka diblomaasiyadda ee Soomaaliya. Sida lagu qoray webka www.oic-oci.org kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamku waxa uu ahaa mid heer wasaaradeed ah oo ay kaqaybgaleen wakiilada 16 dowladood oo xubno ka ah Ururka iskaashiga Islaamka. Sida lagu sheegay bogga www.oic-oci.org waxa kulakaas xoogga lagu saaray lafagur kusaabsan habka ugu wanaagsan uguna sahlan ee lagu xoojin karo dhinacyada dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya, xaqiijinta siyaasad deggan, Joogtenya nabadgelyada, horumarka iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kasheegay furitaankii kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC in qabashada iyo taabbagelinta Soomaaliya ee kulankaas ay dalliil cadiyo tusaale u tahay isbeddelka wanaagsan ee sameysay, isaga oo sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay si dhab ah uga shaqeyneyso dib u habaynta dhammaan hay’adaha dowladda. Danjire Hishaam Yuusuf Kaaliyaha guud ee arrimaha bani’aadminiada ee OIC oo ku hadlayey magaca xog-hayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka Dr Yuusuf Axmed ayaa kasheegay kulanaka kooxda xiriirka Soomaaliya uu tusaale u yahay sida ay OIC uga go’an tahay taageeradadadaalka shacabka Soomalaiyeed iyo xkuumadduba ugu jiraan dhismaha mustaqbal wanaagsan oo uu yeesha dalka Soomaaliya. Guusha siyaasadeed ee Soomaaliya ka macaashtay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa ah in gunnaanadkii kulanka uu ka soo baxay warmurtiyeed ugu yeeray dowladaha xubaha ka ah OIC in ay ka taageeraan jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya dhinacyada kaladuwan ee horumarka. Soomaaliya waxa ay xubin firfircoon ka ahayd asaaskii ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana Kudhowdaan 50 sano akhor sanadkii 1969-kii lagu qabtay magaalada Muqdisho kulankii OIC, taas oo kadhignayd in Soomaaliya ka ciyaareysay dunida Muslimka kaalin weyn oo siyaasi ah, sidaas oo kalana waxa qayb muhiim ah ka ahayd ururkii midnimada Afrika oo maanta ah midowga Afrika. 2016, waxa agaalada Muqdisho kadhacay kulamo is xigxigay oo heer qaaradeed iyo heer goboleed ah kuwaas oo uu qayb ka ahaa kulamada midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweyne Trump ayaa darsaya tirro ficilo ah (Different options) oo ay kaga jawaabi lahaayen falkii ay dowlada Sacuudiga ku dileen Jamaal Khashoggi. Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa hadalkaasi sheegtay mar wax laga weydiiyay qorshayaasha maamulka uu kaga fal celinaayo dilka Saxafiga Sacuudiyanka ah. Sarah Sanders, waxay sheegtay in la uruuriyay dhammaan xogihii mukhaabaradka isla markaana uu maamulka Mareykanka haatan miisaamayo kala xulashada dhowr ficil. “Maamulka wuxuu garwaaqsanayaa talaabada aan horay u qaadi doono iyadoo aasaas looga dhigayo warbixintii madaxweyne Trump loo soo gudbiyay asbuucii hore” ayey tiri Xoghayaha. Mar wax laga weydiiyay inay agaasimaha Sirdoonka Mareykanka ay dhageysatay codadka Saraakiisha Turkiga sheegen ayey ka gaabsatay inay xaqiijiso ama beyniso nooca Sirdoonka ee loo gudbiyay Gina Haspel. Haddal kasoo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in go’aan qaadashadaasi ay ka danbeysay kadib markii agaasimaha mukhaabaraadka Mareykanka Gina Haspel ay dhawaan Madaxweyne Trump u gudbisay cadeymaha dilka Jamaal. Haddalka kasoo baxay Aqalka cad laguma faafin talaabooyinka miiska saran iyo heerka uu gaarsiisan yahay fulinta go’aankaas. Agaasime Gina Haspel, waxa ay dhawaan booqasho gaaban ku tagtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaa oo ay kula kulantay Saraakiil dowlada Turkiga u qaabilsan baaritaanka dilka Jamaal oo ay ka heshay muuqaalo iyo codad muujinaaya dilka Jamaal. Tifaftiraha Telefeshinka CNN ee arrimaha diblumaasiyada caalamiga Nic Robertson ayaa sheegay in Madaxweyne Trump keliya uu soo afjari karo xiisada ismari’waaga ee ka dhalatay dilka Jamaal. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump waxa uu horay u sheegay in dowlada Sacuudiga uusan kusoo rogi Karin cunaqabateyn maadaama hubka ugu badan ay ka iibsadan. Xigasho: CNN + Anadol
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Shil gaari oo ka dhacay Gobolka Amxaarada ee waqooyiga Ethiopia ayaa waxa uu horseeday in ciidanka ay gacanta ku dhigaan Hub farabadan oo sharci darro ah. Warbaahinta maxaliga Ethiopia ayaa sheegtay in gaari booyadle shidaal waday Hub oo kasoo ambabaxay dalka Sudan kuna soo jeeday waqooyiga Ethiopia uu qalibmay xili uu la dhuumanaayay Hubka. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska isgaarsiinta dowlad Goboleedka amxarida ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen 97 qoryaha AK47 iyo 1,291 oo bistoolado ah, kuwaasi oo lagu soo qariyay haanta shidaalka. Waxaa kaloo lagu sheegay war-saxaafadeedka in Hubkaasi la doonaayay in lagu qalqal galiyo amniga Ethiopia oo iminka aad u wanaagsan. Tahriibinta Hubka waxay si guud caadi uga tahay Waqooyi galbeed Ethiopia si ay isugu difaacan iyo inay u adeegsadan dagaalada deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, tahriibinta hubka Ethiopia waxaa kaloo isticmaala danbiilayaasha si ay ugu geystaan dhac iyo inay u adeegsadan dagaalka looga soo horjeedo dowlada. Xigasho: Xinhua
  9. MOGADISHU, Oct. 29 (Xinhua) -- Somalia's cabinet on Monday approved a budget of 340 million U.S. dollars for the 2018/2019 financial year which is 65 million dollars more than the previous fiscal year Source: Hiiraan Online
  10. The Ottawa police’s homicide squad is investigating after a man in his early 20s was found dead following an early morning shooting in Mechanicsville. Source: Hiiraan Online
  11. KISMAYO (Caasimada Online) – With his first planned trip to a regional centre coinciding with tensions between the federal and state governments, the new United Nations envoy to Somalia encouraged Somalis to work together to find their own solutions to their problems. The Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Nicholas Haysom, visited Kismayo, the capital of Jubaland, a Federal Member State in the country’s south, with his counterpart from the African Union (AU), the Special Representative of the Chairperson of the AU Commission, Francisco Madeira. “I’m aware that Somalia is not Mogadishu, Mogadishu is not Somalia – it’s necessary for me to visit the regions to see my own staff, but also to see how people live across the breadth and length of Somalia,” Mr. Haysom said. “I’m also coming here at a difficult moment in the relationship between the Federal States and Federal Government, and I’m here with my colleague from the African Union, Ambassador Francisco Madeira, to really encourage all of the different parts and levels of Somali political life to work together,” he added in a joint press encounter with Mr. Madeira and Jubaland’s President Ahmed Mohamed Islam Madobe. Working together “We are convinced that Somalia needs all of its people to work together and to find a solution as to how to work together,” Mr. Haysom said. “We say in my part of the world – I come from southern Africa – that the doctor cannot take medicine on behalf of the patient. What we can do is to encourage the patient to take their medicine and find a solution which the Somalis themselves must find.” Earlier, the UN and AU officials had met with President Madobe, and heard first-hand his views on the recent tensions. “We had a long discussion about wide ranging issues in Somalia, for example, the conflict between the FGS [Federal Government of Somalia] and Federal State Members. We shared with him our view on how the conflict can be resolved. We also stated that Somalia needs true and durable solutions to the problems facing it,” President Madobe said in the joint press encounter. He also welcomed the new UN Special Representative, noting his previous service in countries such as Afghanistan, Iraq and Sudan. “It was a good day for the people of Jubaland that the new UN envoy to Somalia visited us today,” President Madobe added. “He has vast knowledge about conflict and countries that have experienced war like Somalia.” In his comments to the media, Ambassador Madeira flagged the importance of hearing directly from those involved in the recent tensions. “I want to thank President Madobe because he has been very open with us; he spoke with us and he told us his feelings,” the AU official said. “This will help us to see how we can be of better use to Somalia, to its people and the Federal Member States.” PRESS RELEASE
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan xildhibaanada BFS ayaa si caro leh uga hadlay habdhaqan xun oo uu dheegay inay leeyihiin qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada qaar ay garan la’yihiin shaqooyinka loo igmay, waxa uuna carab ***** inay faragalin ku hayan howlaha Dowlada Dhexe ee ku aadan maamul Goboleedyada. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, waxa uu sheegay in arrin nasiib darro ah ay tahay in Xildhibaano gabay howshooda ay Dowlada Dhexe uga hormaran shaqooyinkeeda dhanka maamulada. Xildhibaanka oo dhaliilsan faragalin uu sheegay in Xildhibaanada qaar ay ku hayaan howlaha Dowlada ayaa ku baaqay in xasaanada mudanayaasha gabay howshooda. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa soo jeediyay in Xildhibaanada dhaliilaya Dowlada Dhexe laga qaado Xasaanada maadaama ay gafeen isla markaana dhaliilo aan xaqiiq aheyn u jeediyeen dowlada. Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in xildhibaanada aqalka sare iyo golaha sahacabka ee kasoo jeedo maamulka Koonfur Galbeed ee shalay ku shiray magaalada Muqdisho ay la yimaadaan cadeymo muuqdo oo muujinaya in dhowladda dhexe ay faragelin ku heyso doorashada Maamulkaasi. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, oo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsaday in xildhibaanada dowladda dhexe ku eedeeyay in hub ay u dirtay Koonfur Galbeed dad lagu dilay in maxkamada lala tiigsado ayna la yimaadaan cadaymaha ay haayaan. “Haddalka ay Xildhibaanadu ku dhaliileen dowlada Dhexe maaha mid sahlan waayo waxa ay sheegen in Hub ay dowlada u dirtay Koonfur Galbeed lagu leynaayo shacabka, waa in Xildhibaanada noocas ah maxkamad lala tiigsadaa” “Dowladu xaq bey u leedahay inay maxkamad la tiigsato Xildhibaanada jeediyay dhaliisha aan cadeymaha loo heyn waa in laga qaadaa Xasaanada” Haddalka Idiris Cabdi Dhakhtar, ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ay dowlada Dhexe ku eedeeyen inay faragalin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU News Agency ayaa sheegay inuu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga, Sacuud Al-macjab uu waaberigii hore ee maanta (Isniinta) ka degay Garoonka Diyaaradaha Atatürk ee magaallada Istanbul, isagoo la socday Diyaarad Khaas ah. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Turkiga, Carfaan Faydaan iyo dhigiisa Sacuudiga waxay Kulan xasaasi ah ku leeyihiin Xarunta Dhexe ee Xeer-ilaalinta Turkiga ee magaallada Istanbul. Labada Mas’uul waxay ka wada arrinsanayaan heerka uu marayo Baaritaanka dilkii Jamaal Khashoggi. Waxay kaloo booqasho ku tegi doonaan dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee ku taalla Istanbul, dalkaasi oo bishan October 2-dii lagu dilay Saxafigaas. Booqashada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa ku soo beegmaysaa iyadoo uu Madaxweyne Erdogan ka codsaday Madaxda Sacuudiga inay Dowladda Turkiga ku soo wareejiyaan 18-kii xubnood ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga ee sida xun u dilay AUN Jamaal Khashoggi. Xigasho: Anadolu news Agency W/turjumay Usataad Nuradin
  14. JOHANNESBURG, Oct 29 (Reuters) - UK-based off-grid power company BBOXX is looking to enter two new African markets in partnership with France’s EDF Group next year as it capitalises on growing interest in the sector from large energy companies, its chief executive said on Monday. Source: Hiiraan Online
  15. The maiden Kenya Airways direct flight from Nairobi to New York ended shortly after 2pm on Monday, with a touchdown at John F. Kennedy International Airport (JFK Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo maanta hortagay xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowladda dalbatay in deeqaha laga joojiyo maamulka Somaliland iyo qodobo kale. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan dalbanin in deeqaha caalamka siiyo Somaliland laga joojiyo, balse ay albaab walba u garaacdo in deeqaha loo kordhiyo. Waxa uu sheegay in warqadda uu qoray wasiirka qorsheynta Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan si qaldan loo fasiray, oo aysan ahayn mid deeqaha looga jarayo Somaliland, hase yeeshee dowladda federaalka ay u doodo Somaliland. “Somaliland waxaa ku nool dad Soomaaliyeed, oo naga mudan taageero iyo gacan qabasho, mana cunaqabteyneyno” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somalia. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ay jiraan dalal fara-badan oo dowladda federaalka ka soo codsaday inay qunsuliyado ka furtaan Somaliland ayna ka ogolaadeen. Dalalkaas ayaa waxaa ka mid ah dalka Kenya, sida uu sheegay wasiirka, oo intas ku daray in dal walba oo ka codsada inuu qunsuliyad ka furto Somaliland ay ka aqbalaan, oo aysan wax dhib ah u arag. Hoos ka dhageyso codka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Cod-1-Caddow-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.co
  17. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wakiilka Midowga Afrika Ambassador Fransisco Madeira iyo xubno kale. Wafdigan ayaa shir la qaatay Madaxweynaha iyo qaar kamid ah xubnaha golaha wasiirada iyadoo kulankaas diirada lagu saaray arimo kala duwan oo ay kamid yihiin xal u helista khilaafka u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah kaas oo mudo soo jiitamayay iyo tageerada ay Bulshada caalamku siiso Soomaaliya. Gaba gabada kulanka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahad celiyay booqashada ay masuuliyiintan Jubbaland ku yimaadeen iyo dadaalka ay ugu jiraan in xal loo helo xaaladaha taagan si gaar ah Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhexdhexaadinta labada dhinac ayna qasab ahayn in Beesha Caalamku ay noqoto cida dhexdhexaadinta samaynaysa oo ay noqon karaan Aqalka sare oo hada dadaalka qayb ka ah. Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in dhamaan Warqadaha ay soo saarto Dowlada dhexe ee isugu jira marti qaadyo ama arimo kale oo lagu sheegay xisaab celin aan lasoo marsiin habka rasmiga ah ee xiriirka Dowliga ah oo ay ku arkaan oo kaliyah baraha Bulshada. Dhanka kale, Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Madoobe] wuxuu sheegay inuu rajaynayo in wada hadal iyo isku tanaasul wax walba lagu dhameeyo oo la is afgarto. Ugu dambeyn, Nicholas Haysom iyo Fransisco Madeira ayaa dhankooda si wadajir ah u bogaadiyay hormarka iyo dadaalka kasocda jubbaland gaar ahaan nabadgalyada iyo sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Kooxda Al-Shabaab waxaa kale oo ay sheegeen in ay mari doonan dhamaan dowlad goboleedyda iyaga oo dhaysan doona sida xal rasmi ah loogu heli karo khilaafka jira. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kula kulmay Wakiiladda Q/M iyo Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
  18. Bosaso[Puntland Post]Bangiga Amal ayaa xaflad lacag wareerin ah u sameeyey in kabadan 20 dumarkaganacsigayaryar kuhaysta Bosaso, xafladan lacagta lagu wareejinaayay ayaa lagu qabtaya hoolka Amal Palaza ee Xarunta Amal Bank, Bosaso. Bangiga Amal oo ujeedooyinkiisa ayka mid tahay horumarinta bulshada; siweyna uga dhex muuqda adeegyada bulshada iyo hormarka guud ayaa kaqeyb qaadanayey horumarinta ganacsiga yaryar oo ugu horeeyo ganacsiga dumarku.Maalgelintaan fufud ayaa ganacsatada lagu siinayaa amaah oo anay faa,ido la socon.[Qardu Xasan]. Barnaamijkan ayaa waxa iska kaashanaya Bangiga Amal iyo Bangiga dhexe ee Dawlada. Ugu horan Maamulaha Bangiga Amal ee gobalka Bari,iyo Sanaag Bari Dr,Maxamed Faahiye Ciise ayaa ka hadlay goobta ayaa ku dheeradaya sida ahmiyada xafladan waxan uu xusay in Amal ay markasta u heelan tahay hormarka ganacsiga iyo hormarinta bulshada Madaxa hormarinta bulshada ee gobalada Bari,iyo Sanaag Bari ee Bangiga Amal Jaamaca Ciise Maxamed ayaa sida oo kale sheegaya in barnaamijakan aya la socoto tababaro joogto ah iyo la talin si ay ganacsatadu ay hab fiican ugu maamushan ganacsigooda. Maxamed Cabdi Waabari gudoomiye ku-Xigeenka rugta ganacsiga Puntland ayaa dhankiisa waxa uu la dardaarmay haweenkii la siiyay maalgalinta waxana uu sheegaya in loo bahan yahay in sida ay tahaya ay uga faa,idaystan. Haweenka loo sameeyey maalgelinta ayaa soodhaweeyey, waxaayna sheegeeen in barnaamijka uuyahay mid haweenka kudhiiri gelinaya in ganacsigooda ay sii hormariyaan. Bahda Amal Group oo uu katirsanyahay Amal Bank ayaa intabadan taageera hormarada ganacsiga ,arimaha waxabarsahada ,iyo Caafimaadka waxaan bogaadiyay bulshada. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Bangiga Amal oo Lacag ku wareejiyey 20 dumar ah oo Ganacsatada Yar-Yar ah appeared first on Puntland Post.
  19. Garoowe (Caasimadda Online) – Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa Warbaahinta Caasimadda u xaqiijiyey in fal anshax darro ah lagula kacay hobolada Kooxda Waabari Puntland, kaddib markii uu xilka ka qaaday Madaxweyne Cabdiweli Gaas Guddoomiyihii kooxdaas Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in subuxnimadii saaka la dul dhigay Kooxda Waaberi amar deg deg ah oo dhigaya in Muddo 24-saac ah ay ku baneeyaan guryaha hooyga iyo xafiisyada u ah ee ay ka degan yihiin Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo ku taala dhismihii hore ee Madaxtooyada Puntland. Hobolada Waaberi ayaa lagu amray in ay qalabkooda ka urursadaan xarunta ay degen yihiin, haddii kalena bannaanka lagu soo daadin doono markii ay dhammaato mudada 24-saac ah ee loo qabtay. Amarkaan ayaa la sheegay in uu ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, iyadoona Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland iyo Kuxigeen-kiisuba ay u sheegeen Guddoomiyaha Kooxda Waaberi sida ay uga xun yihiin dhacdadaan, maadaama ay kaalin weyn kasoo qaateen Puntland mudan yihiinna maamuus iyo waji ka duwan kan haatan lagula kacay. Madaxtooyada Puntland ayaa wadda abaabul ka dhan ah masuul kasta oo ka aragti duwanaada mowqifkeeda ka dhan ah Dowladda Dhexe, iyadoo go’aamadaas inta badan ay ka soo horjeesteen masuuliyiinta xilka laga qaaday oo intooda badan ay muddo kasoo shaqeynayeen Puntland.. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  20. NAIROBI, Oct 29 (Reuters) - Kenya's central bank sold dollars on Monday after the shilling weakened due to demand from the energy and manufacturing sector amid negative market Source: Hiiraan Online
  21. ADDIS ABABA, Oct. 29 (Xinhua) -- A traffic accident in Ethiopia's northern Amhara regional state has led to the seizure of a huge number of illicit arms, local media reported on Monday. Source: Hiiraan Online
  22. Baydhabo (Caasimada Online) – Loolanka Murashaxiinta Madaxtinimada Koonfur-Galbeed ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey, waxaana dadka reer Baydhabo ay si weyn u hadal hayaan sida xaal noqon karo maalmaha yare e haray. Hadal heynta ugu badan ayaa sidoo kale ah in qaar ka mid ah musharaxiinta, gaar ahaan kuwa taageerada ka haysta dowladda federaalka ay haystaan dhaqaale xooggan oo ay ku qal-qal gelin karaan Shariif Xasan. Inkasta oo weli aysan caddeyn cid badin karta, ayaa haddana olalaha Shariif Xasan, wuxuu dareemayaa culeeska dowladda federaalka iyo dhaqaalaha musharaxiinta ay wadato oo codad badan ka leexin kara. Dhinaca kale, Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa ka digay faragalin ay sheegeen in dowladda federaalka ah ee soomaaliya ay ku hayso doorashooyinaka lagu wado in bisha dambe ay ka dhacaan Baydabo. Odayaasha oo maanta kulan ku yeesha Baydhabo, ayaa sidoo kale ku baaqay in la sugo aminiga, kana digay banaanbaxyada keeni kara xasilooni darrida. Dadka ka faalooda siyaasadda ayaa sheegaya in xubnihii ka tirsanaa baarlmaanka dowladda federaalka ah ee Muqdisho ku qabtay shirka jaraaid ee ay ku taageerayeen Madaxweyne Shariif Xasan, iyo hadala odayaasha ay tahay mid muujinaysa culeyska isa soo taraya ee uu wajahayo. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  23. Far-right congressman Jair Bolsonaro has won Brazil's presidential election, raising fears of a rollback of civil rights and free speech. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (PP) ─ Golaha wasiirrada Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019 oo dhan US$ 340,060149 (Sedax Boqol iyo Afartan Milyan, Lixdan Kun Boqol iyo Afartan iyo Sagaal Doolar). Wasiirka maaliyadda XFS, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sheegay in kulanka golaha oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre si aqlabiyad leh loogu meel mariyay miisaaniyadda sanadka 2019 oo ka badan Miisaaniyaddii sannadka dhammaadka ah ee 2018 oo ahayd 274.6 Milyan. Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in ilaha laga helayo dhaqaalaha miisaaniyada loo qorsheeyay 2019 ay ugu wayntahay dakhliga gudaha laga soo aruuriyo, waxa uuna u mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed oo dawladda kala shaqeeyay canshuur aruurinta si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale. “Waxa aan ku faraxsanahay in golaha wasiirradu ay ansixiyaan miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2019. Miisaaniyaddennu waxa ay gaartay $340 Milyan. Horumarkani waa natiijadii ka dhalatay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Xukuumadda ayaa miisaaniyadda ay maanta ansixisay u gudbinaysaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya si uu u meel mariyo. FAAHFAAHIN DHEERAAD AH: Meelaha laga filayo Dakhliga Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) waxa ay ka filaysaa gudaha dalka, 44.2% (124.6 Milyan) waxa ka filaysaa deeqaha dawladda lagu caawiyo. Dakhliga Gudaha; Dakhliga gudaha laga filayo ayaa isugu jiraa canshuur lasoo aruuriyay iyo qayb aan canshuur ahayn. Canshuuraha waxaa laga filayaa 135.2 Milyan iyada oo dakhliga aan canshuuriga ahayn la filayo uu yahay 54.7 Milyan oo dollar. Deeqaha Dowladda la siiyo; Deeqaha dawladda la siiyo wax ay isugu jiraan deego laba dhinac ah iyo deeqo dhinacya badan, waxaana 30 Milyan oo kamid ah la filaayaa in ay ka timaaddo deeqda laba dhinac la ah, 120.2 Milyan ee kalana waxa ay ka imaanaysaa deeqaha dhinacyada badan. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirrada Somalia Maanta oo Meel-mariyay Miisaaniyadda Dawladda ee 2019-ka appeared first on Puntland Post.
  25. Much of the country has little or no access to medical services and in the most remote villages traditional birth attendants handle all deliveries. Conditions are often unsanitary and birth attendants don’t have the capacity to deal with complications that may arise Source: Hiiraan Online