Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,901
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MOGADISHU (Caasimada Online)—At least six civilian people have been killed by unknown gunmen on Tuesday near Somali capital Mogadishu. The victims were shot and killed after gunmen waylaid a vehicle in which they were travelling at Lafole area near Mogadishu, a witness told Caasimada Online. The killers reportedly escaped from the crime scene uncaught. Caasimada Online learned that Tuesday’s killing links to long-standing vendetta between the two sub-clans. He says three people from same family members were among the victims. The dead bodies were taken back into Afgoye town, some 30km south of Somali capital Mogadishu. Somali has been without a central authority since the overthrow of the late ruler Mohamed Siyad Barre in 1991 when the country plunged into chaos and lawlessness. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  2. Afgooye (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in lix qof oo rayid ah lagu dilay deegaanka Lafoole ee gobolka Shabeellada Hoose, kuna yaalla duleedka magaalada Muqdisho. Dad ku sugan Lafoole ayaa Caasimada Online u sheegay in lixdan qof lagala degay gaariga ay saarnaayeen oo ahaa nooca raaxada. Koox hubeesan, oo wejiga duubtay ayaa la sheegay inay joojiyeen gaariiga ay saarnaayeen lixda qof oo dhammaantood rag ahaa, kadibna kala degeen oo ay wada toogteen. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dhacdadan ay la xiriirto aano qabiil oo u dhaxeysa laba beel oo wada dega Shabeellada Hoose, oo maalmahan dad iska dilayey. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saddex ka mid ah ragga la dilay ay ahaayeen walaalo. Dadkii dhacdadan ku geeriyooday, ayaa sida ay wararka sheegayaa, dib loogu celiyay degmada Afgooye. Wararka arrintan la xiriira ayaa isa soo taraya, naga filo faah-faahin dhowaan Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Wararka hadda naga soo gaaraya deegaanka Xaawo Cabdi ee dhaca duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goordhow lagu dilay dad saarnaa gaari. Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in ku dhowaad 6-ruux ay dhinteen tiro intaasi ka badana ay dhaawacmeen kadib markii dableey hubeeysan ay rasaas ku fureen dad saarnaa gaari nooca raaxada ah. Lixdaasi ruux ayaa 3-kamid ah waxa ay ahaayeen walaalo sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah. Dadka la rasaaseeyay ayaa ka yimid degmada Afgooye oo 30-KM u jirta Muqdisho iyaga oo ku soo wajahnaa Muqdisho. lama oga cida falkaasi ka dambeeysay iyo dadka la dilay waxa ay yihiin . Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dad Goordhow lagu dilay Duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  4. Bu’aale (Caasimada Online) – Maleeshiya ururka Al-Shabaab ayaa deegaanada Jubbada Dhexe ka billaabay tallaabooyin ay isugu yeerayaan qabaa’ilka, ayaga oo hor-dhigaya dalabyo culus, oo beelaha ay aad u dhibsadeen. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Al-Shabaab ay ku amreen in Qabiil Qabiil ay dadku isku qaybiyaan ka dibna ay keenaan Hanti waxa ay heestaan. “Qabiil kasta waxaa la balaminayaa maalin gaar ah, waxaana laga rabaa Xoolo hadii ay heestaan ama Beeralay hadii ay yihiin dalagyadii u soo baxay inay keenaan oo siiyaan Al-Shabaab” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Culeyska ugu daran ayaa haatan wuxuu saaranyahay, Ganacsatada Beeralayda iyo Xoola Dhaqatada ku nool qaar ka mid ah deegaanada Gobalka Jubbada Dhexe. Al-Shabaab waxa ay ku tiirsan tahay lacagaha Zakada iyo canshuuraha kale ee ay ka qaaddoo dadka Soomaaliyeed, hase yeeshee mararka qaar waxaa dhacday in lacagta yaraato, oo ay awoodi weyso inay bixiso mushaharka shaqaalaha. Marka ay dhacdo xaalad saas ah, waaxda maaliyadda ee Al-Shabaab waxa ay qabaa’illada iyo ganacsatada ku nool meelaha ay maamusho ku amartaa inay bixiyaan ‘Infaaq’. Halkan ka aqri qormo sharxeysa Infaaq. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  5. MOGADISHU (Caasimada Online) — Somalia tops the list for the fourth year in a row and two countries rejoin the list of offenders, including Afghanistan where a suicide attacker targeted a group of journalists in Kabul, killing nine. Colombia also reappeared on the ranks after alleged drug traffickers kidnapped an Ecuadoran news crew near the border and murdered them in Colombian territory. Both nations had fallen off the index in recent years as violent conflict receded. In the past decade, at least 324 journalists have been silenced through murder worldwide and in 85 percent of these cases no perpetrators have been convicted. It is an emboldening message to those who seek to censor and control the media through violence. More than three quarters (82 percent) of these cases took place in the 14 countries that CPJ included on the index this year. All 14 countries have featured on the index multiple times since CPJ began to compile it in 2008, and half have appeared every year. The majority of victims are local journalists. The list includes states where instability caused by conflict and violence by armed groups has fueled impunity, as well as countries where journalists covering corruption, crime, politics, business, and human rights have been targeted and the suspects have the means and influence to circumvent justice through political influence, wealth or intimidation. The Impunity Index is published annually to mark the International Day to End Impunity for Crimes against Journalists on November 2. It calculates the number of unsolved murders over a 10-year period as a percentage of each country’s population. For this edition, CPJ analyzed journalist murders in every nation that took place between September 1, 2008 and August 31, 2018. Countries with five or more unsolved cases for the period are included. As a measure of political will to address impunity, CPJ noted which states participated in the UNESCO’s impunity accountability mechanism. Each year, this mechanism requests information on the status of investigations into killed journalists. The following interactive chart is a list of the countries with the worst records in prosecuting those who murder journalists in direct retaliation for their work. The countries are ranked by their impunity rating, from highest to lowest. PRESS RELEASE
  6. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shalay gelinkii damabe ayuu maalmo kadib dib ugu laabtay Magalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf),waxaana uu ugu baaqay Shacabka Dhuusamareeb inay u diyaar garoobaan Shirweynaha Qaran ee ka dhacaya Magaaladaas. Hayeeshee iyada oo taasi ay jirto ayaa waxaa xalay war-Saxaafadeed soo saaray Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxa uu ku sheegay in ay aqoonsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay Sheekh Shaakir in markii uu arkay xaalada dalka ay laga maarmaan u noqotay in la badbaadiyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in uu soo dhaweynayo gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaao ee ahaa inay Shir Wadatashi ah isugu yimaadaana Madaxda Dowlad Goboleedyada kaa soo ka dhacaya Magalada Muqdisho balse Dowlad Goboleedyada kale ay diideen. Warqadaan xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ayaa u muuqata mid abuurtay khilaaf Cuusb iyo khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan. Khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka Galmudug ayaa sababay in Xildhibaanada Maamulkaas ay kala dagaan Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb,waxana Madaxweyne Xaaf uu ku sugnaa Dhuusamareeb balse haatan ay u muuqato in uu waayay taageeradii uu ku lahaa Magaaladaas. Xaaf oo meel cidlaa kusoo dhacay: Qoraalka kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir ayaa cadaadiska kusii badin doono Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kaasoo horey usoo lumiyey Magaalada Cadaado. Xaaf ayaa hadda wajahayo jahwareer siyaasadeed, wuxuuna ku qasbanaan doonaa inuu heshiis la galo Dowladda Dhexe maadaama uu horey awoodda Galmudug u dhiibay Ahlu Sunna oo ciidan ahaana iyo maamul ahaanba maamusho Dhuusamareeb oo ah Caasimadda Galmudug. Dowladda Soomaaliya ayaa dhabarjabin culus la heshay Madaxweyne Xaaf oo muddo badan ku maqnaa Magaalada Garoowe, waxayna tallaabadaan u egtahay inay tahay middii looga takhalusi lahaa Madaxweyne Xaaf oo taageero ka heysto madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Koonfur galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in qaar ka tirsan shaqaalaha safaarada Soomaalida ee dibadda aaney 9 bil mushaar qaadan, arrinkaas oo ka hor imaaneysa hadallada ay suuq-geeyaan ra’isul wasaare Xasan Kheyre iyo xukuumadda oo marar badan ay cod-dheer ku sheegeen in aaney ku baaqan wax mushaar ah intii ay xafiiska joogeen. Mudane Cawad oo arrinkan ka hadlayey wuxuu yiri “Safaaradaheenna oo ay tahay inay qof kasta u adeegaan, qaarkood waxaa laga yabaa 9 bilood inaysan mushaar qaadan, annagu isaga kiin sheekeyn-meyno”. Dhinaca kale, Cawad wuxuu aqalka sare ka codsaday inay ka taageeraan Budget-ka ay wasaaradda ku leedahay miisaaniyadda sanadka cusub “Budget-ka Wasaaraddu waa micno darro, hadda Budget cusub baan soo jeedinay, waxaan la qeybsanay guddiga arrimaha dibadda, waxaan rajeynneynaa inaad taageertaan, oo na garab istaagtaan, kabacdina nagula xisaabtantaan” Axmed Ciise Cawad, waxaa uu wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegay inay tahay kaabadda isku xirta Soomaaliya iyo caalamka, albaabka dalalka iyo hey’adaha dowliga ahi kasoo galaan dalka, kalana soo xiriiraan dowladda Soomaaliya, wasaaradda hagta safaaradaha, ergooyinka iyo qunsuliyadaha iyo inay si hab sami leh caalamka ugu bandhigto danaha Soomaaliya, si Soomaaliya ay u kasbato saxiibo cusub, oo ay sidaas ku abuuraan maalgeshi iyo horumar. Arrimaha kale uu wasiirku sheegay inay wasaaraddu qabato waxaa ka mid ah: xaqiijinta qaranimada dalka, gacan ka geysashada si deegaannada gobolku nabad u noqon lahaa, balaarinta baaxadda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya iyo u khidmeynta muwadiniinta Soomaaliyeed ee dibadda ku nool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay duqeyn xalay ka dhacday degaanka Ceel-dheer oo qiyaastii 60 Km galbeedk kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,sida ay sheegtay wakaaladda SONNA . Weriye ka tirsan warbaahinta dowladda Soomaaliya oo ku sugan gobolka Hiiraan ayaa wakaaladda wararka SONNA ka soo xigatay in malayshiyaadka Al-shabaab ay shacabka u diideen in ay u soo dhowaadan halka la duqeeyay ama degaanka ay ka baxaan,si aan loo ogaan khasaaraha gaaray. Warbixinta ay daabacday wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA si cad looguma sheegin cidda duqeyntaasi geysatay,balse keliyah waxaa lagu xusay in dalalka Soomaaliya ka caawiya dagaalka Al-shabaab ay ka war heleen shirar malayshiyaadka uga socday degaanka Ceel-dheer,kadibna la duqeeyay. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegay in degaanka Ceel-dheer ee gobolkaasi Hiiraan ay Al-shabaab ku uruuriyaan xoolaha ay ka dhacaan shacabka ku nool bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POS The post Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in duqeyn lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  9. Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay sida uu u xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska. Cawad oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Waad ka war heysaanbaan u maleynayaa xiriirka dalalka dariska waa soo xoogsanayaa, aad ayaan isugu soo dhowaaneynaa, waxaad ka arkeysaan isu socodka badan, Soomaaliya markii ugu horeysay waxaa ay horey uga jirtaa isu soo dhoweynta gobolka, waxaad arkeysaan kala yaacii dalalka qarakood ay nagu sameyn jiree iyo buuqii inuusam jirin, oo hadda Itoobiya, Eretrea, Djibouti iyo Kenya kulligood ixtiraamayaan qarannimada Soomaaliyeed, madaxweyneheennu booqashadii uu Eretrea ku tagay, booqashooyinkii kala duwanaa iyo heshiisyadii aan saxiixnay waxa ay ahaayeen kuwoo adduunka oo dhan soo dhoweeyey, dalalka dibadda ama Yurub ha ahaadeen ama jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, ama Mareykanka waxaa ay noo sheegaan waxa ugu weyn aan qabanay inay aheyd in dalalka dariska aan isku soo dhowaney”. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad waxaa Senatorrada u sheegay in Abiy Axmed sheegay in Farmaajo uga muhiimsanyahay Trump“Ra’isul wasaaraha Itoobiya wuxuu yiri, Farmaajo ayaa iiga muhiimsan madaxweynaha Mareykanka Trump, waayo Trump waxyar buu ii dhimi karaa ama isiin karaa, laakin Soomaaliya ama waa isla dageynaa ama waa isla koreynaa, marka wuxuu yiri, Soomaaliya ayaa aad iiga muhiimsan, annaguna sidaas ayaan u aragnaa”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Boqorka sacuudiga, Salmaan Bin Cabdul Casiis,ayaa sheegay in dhacdada dilka Jamaal Khashoggi uu yahay mid khuseeya wadamada Sacuudiga iyo Turkiga. Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis, waxa uu tilmaamay inay jiran wadamo dhowra oo ka faa’iideysanaya muranka labada dal, waxa uuna ku baaqay in arrinta Jamaal Khashoggi loo dayo Sacuudiga iyo Turkiga. Waxa uu sheegay Boqorka mar uu la hadlaayay warbaahinta maxaliga in dowladiisa ay ogoshahay in Turkiga ay ku qanciso xaqiiqda dilka Jamaal Khashoggi, hase yeeshee uu dareemayo inay jiran gacmo kale oo sii xoojinayo xiisada ka dhalatay dilka suxufiga. “Ma qaadan doono in gacan seddexaad ay soo faragaliso arrinta dilka Jamaal Khashoggi,waxaa howshaasi loo xilsaaray khubaro labada dal ah iyaga ayaana looga danbeyn doona howshaasi” Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis, waxa uu intaa raaciyay in dowladiisa ay horay u khirtay qaabka dilka, hase yeeshee xiligaani waxa horyaal ay tahay keliya in xal laga gaaro dilka iyo in si wada jira loo soo bandhigo natiijada baaritaanka dilka Jamaal Khashoggi. Sidoo kale, Salmaan Bin Cabdul Casiis, ayaa wadamada kale ee lugta kula jira arrinta Jamaal ugu baaqay inaysan ka hordhicin baaritaanka socda si looga fogaado khilaaf dhexmara wadamada saaxiibada ah ee Sacuudiga iyo Turkiga. Haddalkan ayaa muujinaya in dowlada Sacuudiga ay culeys xad dhaafa ka qaaday dilka Jamaal Khashoggi oo iminka laga hadal hayo dunnida oo idil. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Hatice Cengiz oo aheyd Xaaskii Jamaal Khashoggi ayaa hadalkaas ka sheegtay isku soo bax loogu baroor diiqayey Saxafigaasi oo lagu qabtay Caasimada London ee Britain. Isku soo baxa ayaa waxaa qeyb ka ahaa Siyaasiyiin, Suxufiyiin iyo dad u dooda xuquuqda suxufiyiinta oo aad uga carooday dilka Jamaal Khashoggi. “Jamaal wuu ogaa inay waajibkiisa tahay inuu noqdo codka dadka aan codka laheyn” ayey u sheegtay dadkii ka qeybgalay baroordiiqda. Hatice Cengiz, waxay kaloo sheegtay inay dooneyso inay mar kale ogaato halka uu yaalo Meydka Seygeeda, waxayna carabka ku adkeysay in maamulayaasha Sacuudiga ay yaqaanaan halka uu yaalo Meydka. Waxay kaloo Sacuudiga ka codsatay inay kasoo jawaaban codsiga. Dhinaca kale, Wareysi ay Hatice Cengiz siisay Reuters waxay sheegtay inay waajib tahay in lasoo wareejiyo mas’uul kasta oo ku lug lahaa fulinta iyo amarka lagu dilay Seygeeda isla markaana la horkeeno cadaalada si loo ciqaabo. Dhinaca kale, waxay kaloo sheegtay in dilka Seygeeda uu ka dhacay Qunsuliyada isla markaana dowlada Sacuudiga ay ogtahay wixii ka dhacay halkaas. Xigasho. AlJazeera + Reuters Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan shaqaale ka tirsan dowlada oo aan qaadan wax mushaar ah. Wasiir Cawad, ayaa sheegay in shaqaalaha aan qaadan mushaarka ay kamid yihiin kuwa ka howlgala safaaradaha Somalia ay ku leedahay caalamka qaarkood. Waxa uu Wasiir Cawad tilmaamay in mudada ay ogyihiin ilaa iyo hadda ay tahay 9 Bil oo mushaar la’aan ah, taasina ay tahay caqabad heysata dowlada aawgeed. Sababta aysan shaqaalahaasi 9 Bil u qaadan Mushaarka ayuu sheegay inay tahay in wasaaraddiisa ay ku yartahay qoondada miisaaniyada la siiyay taasna ay keentay in mushaar la’aan ay ku dhacdo shaqaalaha ka shaqeeya safaardaha qaar. Isagoo sii wata haddalkiisa ayuu Wasiir Cawad intaa ku daray in dhibaatooyinka haysta shaqaalaha safaardaha ay la qabaan shaqaalaha kale ee ka shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya. “Wax waliba waanu la socnaa balse waxaanu dooneynaa in la muujiyo dulqaad iyo howlkarnimo sida ay hadda wax yihiin waa laga baxaya anaguna dadaal ayaan muujineynaa” Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa shalay ansixiyey miisaaniyad sanadeedka 2019-ka taaso 23% ka badan miisaniyadda sanadka sii dhamanaya ee 2018-ka. Dhinaca kale, hadalka wasiirka arimaha dibadda ayaa waxa uu kusoo adayaa xili Madaxda dowladda ay inta badan sheegaan in shaqaalaha kala duwan ee dowladda la siiyay mushaaroodkooda, waxaana dhibta ugu badan ee mushaar la’aanta ka cawda shaqaalaha Hay’adda NISA iyo Militeriga. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in hanjabaado kala duwan ay la kulmaan shaqaalaha BFS xiliyada lagu guda jiro mooshinada ka dhanka ah Guddoonka Golaha Shacabka. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah BFS ayaa mar uu ka hadlaayay kulankii shalay ka dhacay xarunta sheegay inuu soo jeedinayo in dib u habeen lagu sameeyo qodobada qaar. Xildhibaan Daahir waxa uu sheegay in qodobada qaar ay caqabad ku yihiin shaqaalaha Golaha waxa uuna tilmaamay in Guddoonka ay cadaadis iyo hanjabaado kula kacaan shaqaalaha xarunta xiliyada laga soo gudbiyo Mooshinka. Jeesow waxa uu dalbaday in isbedel lagu sameeyo qodobo ka mid ah Xeer hoosaadka oo ay ka mid yihiin in mas’uulka Mooshin laga keenaa uusan fariisan karin Xafiiska wixii shaqa ahna uu sii wadayo mas’uulka kale ee ku xiga. “Mooshinka laga keeno Guddoonka waxa ay caqabad ku tahay shaqaalaha mas’uul waliba markii laga keeno Mooshinka waxa uu awaamiir adag duldhiga shaqaalaha xarunta” “Shaqaalaha waxa ay ku qasbanaanayan inay qaatan amarka oo ay xariiqaan wixii loo yeeriyo iyaga oo ka cabsanaaya in la eryo, marka uu arrin sidaa yahay waxaan qabaa in mas’uulkii laga keena Mooshin uusan u shaqo tagi Karin golaha si aan loo cadaadin shaqaalaha howsha noo haya” Dhinaca kale, Xildhibaan Jeesoow ayaa shaaciyay in shaqaale badan la handaday intii lagu guda jiray Mooshino badan oo laga keenay Gudoonka Golaha Shacabka taas oo sabab u noqotay in kuwa badan oo Shaqaalahaas ka mid ah dalka ay iskaga tageen, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Ardayga la dilay Yaxye Cabdirisaaq Xaaji Wiil arday ah oo magaciisa lagu sheegay Yaxye Cabdirisaaq Xaaji ayaa xalay lagu dilay magaalada Garoowe Dilka ardayga ayaa sida la sheegay waxaa geystay rag ku lebbisan dharka tuutaha ah ee ciidamada Puntland,kuwaasoo taleefonnadii ka furtay wiilka la dilay iyo gabar la socotay. Wiilka ardayga ah ayaa dhiganayay jaamacadda Boosaaso University faraceeda magaalada Garoowe,gaar ahaanna kulliyadda Caafimaadka,sida laga soo xigtay eheladiisa. Ciidanka amniga ayaa markiiba gacanta ku soo dhigay raggii dilkaasi geystay,sida uu Puntland post u xaqiijiyay taliyaha saldhiga dhexe ee Garoowe Dhamme Maxamuud Muuse Bile(Fardafuul). Taliyaha ayaa intaasi raaciyay in ragga la qabtay ay yihiin askar ka tirsan Booliiska oo ka baxay saldhiga dhexe ee Garoowe. Dhacdadaan ayaa ku soo beegmatay xilli magaalada Garoowe ay ka nasatay kooxaha shacabka dhaca u geysta oo qaarkood hubaysan yihiin,kadib hawlgallo joogta ah oo ay sameeyeen laamaha amniga gobolka Nugaal. PUNTLAND POST The post Garoowe:Ciidanka amniga oo qabtay askar dil geysatay appeared first on Puntland Post.
  15. QAYBTII KOOBAAD. Waxaa la yiraahdaa hoggaamintu waa waxa loogu hadal haynta badan yahay hadana loogu fahanka daran yahay, maxaa yeelay waxay si mug leh xiriir ula leedahay masiirka aadanaha. Siday doontaba ha ahaatee mid ka mida kuwa ugu wanaagsan ee lagu qeexo hoggaaminta ayaa ah inay tahay saamayn ama influence uu hoggaamiyuhu ku yeesho la hoggaamiyaha. Hoggaamiyuhu waa cid walba oo awood u leh inay kaa raarido ama kaa dhaadhiciso hadaf mucayana oo la hiigsanayo, deedna kugu hoggaamisa hilinka ugu wanaagsan ee looga mira dhalin karo hadaf kaas. Hadaynu si kale u dhignana waa cid walba oo ku saamaysa kaana dhaadhicisa afkaartooda deedna kugu jihaysa hilinkaas. Haddaba si ay saamaynta hoggaamiyuhu maxsuul wanaagsan u dhasho waa in hoggaamiyuhu ahaadaa aftahan balaaqo leh gudbina kara fariinta uu xambaarsan yahay. Waana inuu yahay burjiile( charismatic) wax soo jiidan kara iyo bulshay dad la dhaqan leh oo isku wadi kara qaybaha kala duwan ee ay ka koobnaan doonto bulshada uu hoggaamin doono. Hoggaamiye walba oo wax saameeyaayi wuxuu kasbadaa la hoggaamiyayaal raciyad u noqda, la hoggaamiyayaashu inta badan ma eegaan darajada hoggaamineed ee uu leeyahay hoggaamiyuhu mana tixgaliyaan aqoontiisa iyo nasabka uu ka soo jeedo toona ee waxay mar walba isha ku hayaan afcaashiisa, akhlaaqdiisa, amaanadiisa, kartidiisa iyo go’aan qaadashadiisa. Hoggaamiyaha looma shardiyo inuu ahaado mid leh aqoon sare, muhiimna maahan inuu wato shahaado sare laakiin taas badalkeeda waxaa lagama maarmaana inuu noqdo waayo arag leh garaad sare. John Maxwell oo ah mid ka mida ruug cadaayada ugu waawayn ee cilmigaan looga dambeeyo waxa uu yiraahdaa waxaa jira afar khuraafo oo dadku ku khaldamaan marka laga hadlayo hoggaaminta waxaana ugu horeeya aqoonta. Wuxuu yiri aqoonyahan waliba hoggaamiye ma noqdo. Darajo iyo awood kasta oo aad ku hesho xil laguu dhiibay ama laguu doortayna hoggaamiye kuma noqotid ee doorashada ama magacaabistu waa albaabka ugu horeeya ee uu imtixaanku kaaaga bilowdo. SOOMAALIDII HORE IYO HAGGAAMINTA Soomaalidii hore si wanaagsan ayay u fahan sanaayeen nuxurka ay hoggaamintu u lahayd nolashooda, si fiican ayayna u garowsanaayeen hoggaamini inaysa marnaba saamayn (influence) ka soo harin. Sidaas daraadeed waxay dooran jireen hoggaamiyayaal ku haboon daruuftooda. Hogaamiye dhaqameed In kasta oo hoggaamiye dhaqameedku ahaa madaxa ugu sareeya ee ay beelwayntu lahayd uuna ahaa marjaca ugu dambeeya ee loo noqdo iyo guddoon ridaha beesha haddana mid walba oo kamida waxaa lagu dooran jirey sifo isaga u gooniya oo uu wax ku saameeyo. Tusaale ahaan Garaad waxaa lagu dooran jirey tuhun lagu tuhmayo inuu leeyahay xikmad iyo abwaanimo uu wax ku kala dareerin karo kolka ay xaajadu adkaato. Islaan, Iimaan, Beeldaaje iyo malaaqna waxaa lagu dooran jirey karaamo iyo duco la rajeynayey inay reeraha ugu kaalmayn doonaan. Boqor oo ah maro dhexda lagu xiran jirey astaana u ahayd cid haysata mood magaalo iyo maal miyi labadaba xilli ayba yarayd cid dhar qaadan jirtay, ayay u badan tahay in lagu dooran jirey haysashada uu haystey hanti ama xoolo uu wax ku maareeyo kolka loo baahdo. Ugaas oo sida ka muuqata dhismaha erayga ay ku jirto magaca gaas oo ah cutub ciidana ayaa waxaa laga yaaba in lagu dooran jirey khibradda iyo waaya aragnimadiisa dagaal ee uu lahaa. Magacyadani waxay si waafiya inoogu sheegayaan in soomaalidii hore ay aad ugu xeel dheerayd qaab xulashada hoggaanka. Indheer-Garad Sidoo kalena waxaa jirey hoggaamiyayaal indheer-garada oo iyaguna talada wax ku lahaa waxa kaliya ee ay martabadaas ku gaareena ay ahay sida fudud ee ay bulshada u saamayn jireen. Waxayna ahaayeen gabyaagii iyo suugaanleydii soomaaliyeed oo mid waliba oo ka midihi beeshiisa afhayeenka u ahaa. Waxay awood u lahaayeen inay huriyaan colaad farha looga gubto ama ay ka hor tagaan kuwo soo fool leh. Salaan Carabeey iyo tixdiisii caanka ahayd ee War tolow colka jooja ee uu ku kala dareeriyay laba beelood oo qarka u saarnaa dagaal lagu halaagsamo ayaa tusaale wanaagsana. “kolkii cuurar dhintaanoo cutub wayni cidlaataa lays canaanan hadhowe war tolow colka jooja” Dhanka kalana Faarax Nuur oo ahaa gabyaa aragti dheer iyo hoggaamiye gunnima diida kana gilgishay caddaalad daro muddo dheer reerkiisu qabeen ayaa waxa ugu weyn ee uu reerihiisa gobanimada ku gaarsiiyey ay ahayd saamayntii uu gabaygiisu ku yeeshay. Isaga oo canaananaya si ay u hoggaansamaana waa kii lahaa “haddaan Arab sidaas yeela iyo waano kala quustay, sow inaan dantay waarriyaa igu wanaag maahan” Kolkii uu ku furay kobtii uu la rabayna waa kii uga tagay dardaarankiisii caanka noqday ee ahaa “lix meeshaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaaada, haddii luqunta laydin ka jaro lugaha meermeersha”. HOGAANKII XORNIMADA DHALIYEY Dhalinyaradii soomaaliyeed ee xornimada dhaliyey laga soo bilaabo aasaasayaashii xisbigii leegada illaa hurmoodkii dawladnimada waxay ahaa yeen dhalin ay koobnayd aqoontooda maadigaa haddana waxay unkeen oo dhidibada u taageen qaran dhan oo dhismay. Waxayna sidoo kale amaamudeen dawlad gaamurtay oo tusaale laga dhigan jiray xilligeedii. Waxay soo saareen hoggaamiyayaal ku caan baxay karti iyo hufnaan sidii raysal wasaare Cabdirsaaq Xaaji Xuseen ama kuwa kale oo loo qiray dulqaad iyo daacadnimo sidii madaxwayne Aadan Cabdulle Cusmaan. Maysan ahayn aqoon yahanno shahaadooyin waa wayn sita oo inyar-garada, ee waxay ahaayeen caqli-yahano indheer-garada oo ku gaashaaman waayo-aragnimo, han, hufnaan, karti, amaano, sariigasho, akhlaaq, hawl-karrnimo, af-tahannimo, daacadnimo, iyo dulqaad. Haddii aad doonayso inaad xaqiiqsato taariikhdii hoggaannimo ee ay lahaayeen raggaas aynu kor ku xusnay iyo sidii loo arkayey xilligii ay talinayeen Gaar ahaan aragtidii ay ka qabeen dawladihii shisheeye ee ay la macaamilayeen kolkii ay talada hayeen, ha ahaadeen kuwo waawayn iyo kuwo yar yarba’e, akhri kitaabka Africa’s First Democracy ee uu qoray Professor Abdi Samatar. Waxaad ogaan doontaa in sifooyinka aynu kor ku tilmaanay iyo raggaani ay is lahaayeen. Lasoco qaybta labaad oo ka hadli doonta hoggaanka maanta. Qalinkii: Mohamed Ahmed Elmi The post Hoggaanka Soomaalida: Sidaad isu Doorataan ayaad isu Doorisaan appeared first on Puntland Post.
  16. Cadaado (Caasimada Online)-Iyadoo uu wali khilaaf xoogan ka dhextaagan yahay dowlada Dhexe iyo maamulka Galmudug ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Sheekh Shaakir oo soo saaray qoraal ku aadan khilaafka labada dhinac ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo gogosha uu mar labaad fidiyay madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo). Sheekh Shaakir, ayaa sheegay in gogoshaasi ay tahay mid lagu doonayo in lagu daweeyo khilaafyada jira sidaa aawgeedna uusan garankarin sabab uu kaga hor imaado. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay midoobaan, islamarkaana muujiyan tanaasul, iyada oo la xusuusanayo weerarkii Soomaalida badan ay ku dhimatay ee 14-kii October 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe.
  17. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa soo dhoweeyay gogosha uu madaxweyne Farmaajo mar kale u fidiyay golaha islaashiga dowlad goboleedyada,si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac. Sheikh Shaakir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Galmudug aqoonsantahay jiritaanka dowlada Federaalka Soomaaliya,uuna ku baaqayo in wada-hadal lagu xalliyo khilaafka xukuumadda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada. Sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in uu shakhsi ahaan mas’uuliyad iska’ saarayo xal u helidda khilaafka u dhexeeya labada dhinac,isagoo madaxda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xasuusiyay qaraxii lagu hoobtay ee Soobe 14 October 2017 iyo muhiimadda ay leedahay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Sheikh Shaakir oo soo dhoweeyay gogosha uu fidiyay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  18. Waxaa hakad galay howlihii shaqo ee garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay galeen biyo badan, roobab ka da’ay magaaladaasi. Saraakiil ku sugan Garoonkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in wax duulimaad ah aanu jirin, iyadoo aan la ogeyn xilliga sida rasmiga ah ay duulimaadyadan dib ugu billaaban doonaan. Dayactir wanagsan ma uusan helin garoonka magaalada B/weyne , balse maamulka gobalka Hiiraan dhankiisa waxa uu sheegay in guddi ay u sameyn doonaan garoonkan si dhismihiisa looga qeyb qaato sida ugu dhaqsiyaha badan… Xilli walbo oo uu roob ka da’o garoonka B/weyne waxaa sidan oo kale hakad u gala dhammaan duulimaadyadii magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Maamulka degmada walaweyn ee gobolka Shabellaha hoose ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo xiisado colaadeed oo degmadaas ka jira. Yuusuf Maxamed, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulkaas ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa dagaal u dhexeeya Laba meleshiye beeleed oo wada daga degmadaas. Dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsin Labada dhinac ay isku qabteen, walow weli aan si rasmi ah loo kala dhex-gelin dhinacyada dirirtu ka dhaxeeyso. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, mana jirto weli xal rasmi ah oo laga gaaray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-MUUSE-CABAAS-AFGOOYE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. BAIDOA (HOL) - Officials and elders in the Southwestern State accused Somali government of using its resources to interfere in the region’s upcoming election process in favor of certain candidates allied to it, a charge dismissed by the government. Source: Hiiraan Online
  21. The nomadic nature of communities in Mandera county is hampering immunisation coverage exposing children below the age of five to measles, polio and pneumonia. Source: Hiiraan Online
  22. The European Union Naval Force say they have blown up an abandoned boat from which pirates had attempted to hijack a Hong Kong-flagged ship on the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
  23. PARIS (AP) — French President Emmanuel Macron has expressed support for Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s ambitious reforms and diplomatic peace efforts. Source: Hiiraan Online
  24. Leicester, England (CNN)No words can soothe heartbreak, which is why Leicester has fallen silent. It is a city stunned, a city grieving. Source: Hiiraan Online
  25. Following months of sleepless nights and a huge personal investment, Abdukadir Mohamed Salad, the owner of the first milk processing plant in Mogadishu in 25 years, is now relishing his growing success. Source: Hiiraan Online