-
Content Count
206,901 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warrankii ugu dambeeyey ayaa ku dhacay Madaxwynaha ay taladu ka qalloocatay ee maamulka Galmudug kaddib markii uu madaxa xukumadda Sheekh Axmed Shaakir soo saaray war-saxaafadeed uu ku garab istaagay dowladda dhexe. Xaaf oo markii horeba ceeldheer ku sii riday masiirka Galmudug kaddib markii uu ku xirtay Axmed Madoobe iyo Gaas oo iyagu heesta maamullo turuqa aastay oo aan looga daba hadlin ayaa waxaa iminka muuqata in waayihiisa Galmudug gebi’ahaanba soo gabagaboobay. Guul-darrada lama filaan ah ee Xaaf ku habsatay waxaa sababay inuu fahmi waayey maqaamkiisa iyo farqiga u dhaxeeya isaga iyo kuwa uu ku xirtay ee bohosha ka tuuray. Farqiga u dhaxeeya Xaaf iyo kuwa xulufada la noqday. Gaas Hoggaamiye Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu maamulaa gobollo nidaamkoda dowliga ah ka horreeyey midka Federaal-ka ah ee Kenya lagu soo dhisay. Waxa uu halkiisii kasii ambaqaaday DHAQANKII Puntland ee majaxaabinta ama qabbaan (Ransom) u haysashada dowladnimada Soomaaliya, ogow, inta badan Puntland hoggaamiyeheedu muranka sad bursi uu la galo Federaal-ka waxba ugama hallaabaan! Madoobe Horjoogaha Kismaayo waxa uu dib u casriyeeyey qabqalenimadii marba uu qof ku haysan jiray magaalada Kismaayo. Waxa uu xeyn-daab Ogaadeen galiyey magaaladaas Soomaali oo dhan u siman yihiin. Waxaa u jooga ciidamo Kenyan ah oo kula shiraakoobay dhoofinta dhuxusha kuwaas oo awood u siiyey in uu wiiqo dowladnimada Soomaaliya. Madoobe qudhiisa waxa uu u bartay ka macaashka muranka iyo sad bursiga uu la galo dowladda dhexe. Fahanka Waare! Madaxweynaha Hirshabeelle Waare, oo qudhiisa ay markii hore ka waaleen Madoobe iyo Gaas ayaa markii dambe si miir qab ah u fahmay dabinka ay wataan raggaas danahooda gaarka ah ku hiifay madaxa dowladda Federal-ka ah. Waare, oo og inuu madaxweyne ka yahay maamul taba-darran, oo qabaa’ilo badan ka kooban, ayna salan tahay in si fudud xilka looga tuuro, ayaa la heshiiyey dowladda, waanaka macaashay oo maanta maamulkiisa curdunka ah waa mid is haysta oo cagta saaray waddada. Xaaf, maanta waa nin dhintay oo socda! Sida muuqata, dowladdaayaa dhinaca Ahlu-Sunna ka martay Xaaf, si deg deg ahna meel cidlo usoo joojisay Xaaf, oo hadda ay u furan tahay kaliya inuu meesha ka baxo ama isu dhiibo dowladda. Cadaado waxaa ka dhisan maamul leh Madaxweyne, Dhuusamareeb waxaa gacanta ku haya Sheekh Axmed Shaakir oo si cad u taageeray dowladda dhexe – Su’aasha ayaa ah, Xaaf ma Kismaayo ayuu magangaliyo u doonan mise Garowe! W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
GAROOWE: Garoowe oo ahayd xaruntii heshiiskii GAROOWE KOW IYO LABO, maanta geed iyo geddi kale ayey ku galgalaneysaa. Ma Gaas ayaa ugu wacan? Mooji. Si walba, reer Bari way ka wareegtay Burhaantii bajinta iyo boqnogoynta, in kasta oo kan hadda lagu jiraa yahay; halgan awood qaybsi iyo wadaag maamul. Dan in ay u tahay ayaa suuragal ah, ee ha is ku mashquulaan. Saddaxdii ma soo dhaafi doontaa madaxnimada Puntaland? Aan dhawrno. DUSMO REEB: Dusmo reeb, in kasta oo ay xilligii ka la guurka qayb ka ahayd awood qaybiga, talo jeedinta iyo taabbagelinta Road Map-kii, balse, ay dhumisay waa dhexe, haddana, hadda waxay ku soo laabatay kaalin qaadashadii iyo kasmaamulkii, ee maxaa xigi doona? Damac iyo doonis waa halkeedii, maqaamka magaaladaa iyo muujinteeda muunad waxay i la tahay, in aan laga hormarin dhawr kursi ama dhadhamo kimis. Anigu waxaan dhawrayaa shirka NABADEED, ee maamulladu ku dhawaaqeen, oo Dusmo reeb ka dhici doona. Xusuusin; shirkii dhismama Galmudug iyo nabadaynta beelaba Dusmo reeb ayuu ka dhacay 2015, iyadoon shisheeye iyo dawlad midna shilin iyo shuqul ku yeelan. Weli in dadkii iyo dareenkaa nool yahay waan quuddarraynaa. CADAADO: “Cadaado cidi kaa ma xigto” hal ku dheggii ahaa, oo hormar iyo haybad u soo jiiday magaalada, waxaa caabuqiyey: “Cadaado Casir iyo Carrabeey ayey u cammiran tahay!” Ayaandarradu waxay tahay, marka reer Cadaado u dhaqmeen sida beelaha ay ka soo jeedaan Formaajo iyo Kheyrre, oo aysan ka la har iyo yeelan is celin. Tan ka sii daran baa ah, marka magac-dilka magaaladaa ay u wada duuban yihiin badi kuwii xalalka siyaasadeed ku metelayey, oo magacdhawgooda lagu dambaababayo. Waan is lahaa, waayo’aragnimo ku filan hele, mase muuqato, wax dhaafsiisaan Cadaado iyo reer Cadaado! KISMAAYO: Kismaayo oo aan khariiradda siyaasadeed iyo khaafiyadda sed-helid ku jirin xilligaa, maanta waxay hormuud u tahay diidmada la la hortaagan yahay hororka afarta Xaafad ee Xamar ku taalla xukuma iyo laamiga Maka Al Mukarrama. Axmad Madoobe, si walba oo looga duwan yahay, waa uga duwan yahay madaxdii hore iyo kuwan madax falluuqaqaba waxyaabo lagu heli karo ama lagu hanan karo hoggaan -boobba ha ahaadee!- laguna hanan karo taageero ku dhisan talo miisaamaan. BAYDHABO: Baydhabo hore ugu ma jirin si degaanaysan, oo ma jirin maamul metela, halkaana waxay ka la mid eheed Kismaayo, balse, siyaasad ahaan ayey uga duwaneed, oo metelaad xooggan ayey leheed. Shariif Sheekh Aadan, oo wasiir maaliyad noqday iyo guddoomiye Barlamaan, ayaa dhextaal u ahaa awoodda xilliyadaa. Sidoo kale waxaa joogay Aadan Madoobe iyo Xoogsade. Hadda weli waa dhextaal, oo is diidka taagan, dhanka ay u ciirto ayaa miisaanka siyaasadeed culayskiisu u liicayaa, in kasta oo loollan adag ka taagan yahay doorashada bisha november dhici doonta. Midda baraarugga u baahan ayaa ah, reer Baydhabo, in ay ka digtoonaadaan, in jidkii Jawaari la mariyey, ee MAYDKA la keensaday aan maamulkooda loo marin. Tuug ku dhaca dadkana kaa dhiciya, ayaa ka fiican nacas lagugu dhaco magaciisa iyo maqaamkiisa! BELEDWEYN IYO JAWHAR: shalay maabka metelaad waa ka maqnaayeen, oo maamul degaan oo adag ama metelaad siyaasadeed oo magac ama muquunin mid ku muuqata labadaba ma helin, oo waxaad ka garee, in uu ahaa maamulkii ugu dambeeyey, oo ay dhistey dawladdii Xasan Sheekh, oo weliba dhib badan iyo is mariwaa adag laga maray. Maanta waxaad mooddaa, in weli ay sidii tahay ama u egtahay; BALADWEYN BAL KU MA TAAL! Oo run ahaan xaalad laga xumaado ah, maxaa yeelay, 2010 – 2018 waxaad mooddaa, in degaannadaa iyo magaalooyinkaa aan dadkoodu waa ku kordhin. MUQDISHO: shalay madaxdeeda ayaa weerar lagu ahaa, oo marba meel laga doocinayey, iyada oo weliba marxalad amni iyo siyaasadeed adag ku jirtay. Dafalaqsi iyo farafarayn mid ay tahay, waxoogaa dheeri ah laga dhacsay. Labadii mar ee doorashada la qabtayna, iyadoon qofna danteeda iyo duruufteeda fiirin, ayaa lagu durduriyey, weliba kuwii magac beel ama degaan loogu xaglin lahaa ama is xijin lahaa, maxaa yeelay, MAQAAMKA MUQDISHO, oo uu baarlamaanku xalal ka soo saaray, ay eheed, in la ka la doorto, midna la ma fiirin, ee waxaa lagu illoobay qasnaddii la geliyey ama miiskii la dulsaaray. Ewel haddii madaxda Muqdisho horor lagu ahaa, oo wax badan laga ritay, maanta iyagii ayaa horor ah, oo magaalooyinkii kale iyo maamulladii laga celcelinayaa, oo ay hore isugu dayeen, in ay qaarkood is ku dayaan dumintiisa, sida Galmudug, balse, Suldaan uu dharbaaxo siyaasadeed iyo dhabarjab ku riday, maadaama ay moodeen, in sidii Hirshabeelle ay uga farxalan doonaa, markaa ka dibna Koofur Galbeed, Jubbaland iyo maxaa ka reebaa Somaliland ku sii xijin karaan. Midda hubban, oon halacsi u baahnayn waxay tahay, in hororka magaalooyinka hadba mooshin ama maqasho ka ridaya, qofka ama qolada ku fiirsata iyada oo awoodda, in ay si uun uga dhiciso, in ay wareegta ama wiiftadu meeshooda ugu imaanayso sugid la’aan, oo salka la isu wada rujin doono, ee ha ku sirmin maqalka wanaagsan iyo maqaallada wacan, ee magac suubban lagu sheego, iyadoo boholo la qodayo, balaayana la abuurayo. BAM! F.G: Hargaysa waan ka reebayaa, oo buugga Xersi iyo Tuka-Raq ayaa ugu filan dhulgeriir iyo dhegxumo, kaba muhimsane guddoominta Muuse iyo gebidhaclaysntiisa ayaan u daayey. REER WOQOOYIYOOW; MUUSE WAA KAAS! Dirirta beelaha keliya ha joojiyo, oo ha dhexdhigo nabad keenta nolo. W/Q: Bashiir M. Xersi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyihii ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin ayaa riday qish weyn oo muujinaya hagardaamada ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Ciidamo aad u tiro badan ayaa labada dal ee jaarka la ah Soomaaliya jooga gudaha dalka iyaga oo aan ku soo galin amarka dowladda Soomaaliya. Kenya waxa ay xoog ku soo gashay 2011 iyada oo sheeegeysa in ay Shabaab ka difaaceyso dalkeeda hawlgal ay ugu magacdartay ‘Linda Inchi’ ama difaaca dalka. Hase ahaatee, difaaca Kenya ayaa soo gaaray goboladda Jubbooyinka oo dhan, taas oo ah arrin lagu qoslo, markii dambena waxa ay ku biireen ciidamada AMISON! Sidaas oo kale, Itoobiyaanka oo dalka ka baxay 2009-kii ayaa iyagana ku soo laabtay amar la’aan dowladdii Xassan Sheekh, gaar ahaan gobolka Hiiraan iyo waliba Bay iyo Bakool. Intii ay dalka joogeen, labadaas ciidan ee kuwada biiray AMISON, ma jirto dagaal muuqda oo ay ku qaadeen Al Shabaab waxa ayna hawlgalkooda ku soo koobeen joogidda magaalooyin iyo is difaacid oo qura! Faarax Macallin oo ah siyaasi cod dheer oo ka falcelinaya maqaalka laga qoray dibin daabyada Itoobiya iyo Kenya oo lagu daabacay Website-ka thenewstatesman.com ayaa yiri- “Haddii ayni u aadnay Soomaaliya (Jubbaland) 7 sano kahor in aan meesha ka saarno cabsida Al-Shabaab ee dalkeena Kenya, waxaan u baahannahay in aan dagaalka ula tagno xarumaha Al-Shabaab maadama aan haysanno hub kuwooda ka fiican. Dhanka kale, haddii aan u tagnay wiiqidda Muqdisho waxaa soo bixi doona cabsida maqaalkan.” Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Marka (Caasimada Online) – Musharax xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya talihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shalay gaaray Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Xuseen Cismaan xuseen ayaa Magaalada Marka ka bilaabay ololaha Barnaamijka isxilqaan oo uu horay amar ugu bixiyay in dalka lagu dhiso Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Marka waxaa gooyay Geedka loo yaqaano(Geed Yahuudka),waxan adag in dadka iyo Gaadiidka ay isaga kala goosahaan. Dadka degmaa Marka ayaa bilaabay inay qaataan baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa isxilqaan dalkaaga ku dhiso,waxana barnaamijkaas Galabta kala qeyb galay Musharax xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya talihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen. Qaar ka mid ah dadkii ka qyeb qaadanayay ololaha Isxilqaan ee Magalada Marka ayaa musharaxa waxa ay uga mahad celiyeen sida uu u garab istaagay. Waxa ay ka dalbadeen inuu garab ku siiyo dib u soo celinta bilicdii degmada Marka si looga gudbo dhibaatooyinkii ay soo martay,iyaga oo taageere u muujiyay maadaama uu yahay musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The United Nations senior envoy in Somalia has called on Somalis to pursue homegrown solutions to their problems amid tensions between the federal and regional state governments. Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay faragalin ku sameyneyso arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada, xilli qaar kamid ah maamulladu ay galayaan doorashooyinka madaxtinimada. Siyaasi Ciise Maxamuud oo kamid ah siyaasiyiinta ka faalooda siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee Puntland ku soo food leh. Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in ay faragalin ku heyso doorashooyinka dowlad goboleedyada oo ay doonayso in baarlamaan iyada daacad u ah ay ka soo baxaan gobollada sida uu hadalka u dhigay. Si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay Puntland oo uu sheegay in arrintaasi ay ka jirto, waxaana uu sheegay in ay ogsoon yihiin faragalinta ka soconaysa gudaha Puntland. “Dowladda federaalka ahi waqtigeedu waxay ku dhuminaysaa in ay beddasho baarlamaannada dowlad goboleedyada” ayuu yiri Siyaasi Ciise Maxamuud. Wuxuu intaas raaciyay in madaxda Villa Somalia aynaan ka war heynin in aysan ahayn dowlad xooggan oo dalkoo dhan heysa, islamarkaana awood ciidan oo dadka ay ku maquuniso aysan lahayn. Dhanka kale, waxaan wax ka weydiinnay khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedtyada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/SIYAASI-CIISE-MAXAMUUD-29-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamo Itoobiyaan oo ka baxay gobolka Hiiraan ay fariisimo ka sameysteen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa warkaasi waxaa gaashaanka ku dhuftay xukuumadda Galmudug. Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed oo waereysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ahaayeen ciidamo ay ka war qabeen. Wuxuu meesha ka saaray in fariisin ciidan ay ka sameeysteen degmada Guriceel, haseyeeshee wuxuu qiray in dhowr saac ay ku hakadeen degmada iyagoo sii maray degmada Balanbal. Wasiir xigeenka amniga Galmudug Mahad Xasan ayaa intaas ku daray in ay ka gudbeen xuduudka oo ay Itoobiya gudaha u galeen. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Wasiir-ku-xigeenka-galmudug-30-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay saameyn ay nolosha magaalada Baladweyne ku yeesheen roobab maalmihii dambe ku hooray magaaladaasi. Sheekh Xuseen Cismaan ayaa daboolka ka qaaday in qoysas danyar ah oo magaalada iyo hareeraheeda deggan ay yihiin kuwa ugu horreeya ee saameeyeen biyaha ka yimid roobabkani. Garoonkii diyaaradaha magaalada Baladweyne ayay sidoo kale saameeyeen roobabka xilliga deyrta ee ku da’ay magaaladaasi. Dhanka kale, wuxuu ka dhawaajiyay in ay jirto walaac ay ka qabaan fatahaad wabiga Shabeelle uu mar kale ku sameeyo magaaladaasi. Arrintaasi wuxuu u sababeeyay in ay dhici karto haddii roobabka ka da’aya magaalada Baladweyne ay sii lixaadsadaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSI-GUD-XIGEENKA-HIIRAAN-30-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso 6-ruux oo dableey hubeeysan ay ku dileen duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi oo dhaca duleedka Muqdisho kadib markii dadkaasi oo gaari saarnaa lagala dagay kadibna la dilay. Dadkaasi la dilaya ayaa waxa ay ka yimaadeen degmada Wanla-weyn ee gobolka Sh/hoose. Masuuliyiinta Gobolka Sh/hoose oo aan la xariirnay ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu falkaasi u dhacay waxaana Puntland Post uga waramay Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Sh/hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadkaasi aana qabiil loogu dilay islamarkaasina ay wadaan baaritaano arintaasi la xariirta. Hoos ka dhageeyso Codka waxaa wareeystay Wariye Xasan Maxamed Samatar Cowke oo katirsan PP. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Cowke-Cabdifitaax-Xaaji-Sh-Hoose.mp3 The post Faah Faahin: 6 Odoyaal Dhaqameed oo lagu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada AMISOM ayaa beeniyay in ciidammo Itoobiyaan ah oo marayay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan miino dhulka lagu aasay lala beegsaday ayna uga dhinteen 30-askari. AMISOM ayaa sheegtay in ciidanka oo kolonyo ahaa ay afar askari oo kaliya uga dhaawacmeen weerarkaas, ayna dhaawacyadoodu ahaayeen kuwo aad u fudud lana daaweeyay, iyagoo aanay jirin faahfaahin intaas ka badan oo la bixiyay. Sidoo kale, Taliska AMISOM ayaa intaas ku daray in Ciidamada weerarka lala beegsaday ay marayeen deegaank Ceel-gaal, ayna ahayeen kuwo dalkooda dib ugu laabanayay ayna ka tallaabeen xadka ay leeyihiin Somalia iyo dalka ay ka socdeen ee Itoobiya. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in weerar la beegsadeen ciidammo Itoobiyaan ah ayna dileen 30-askari, kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan gaarsiiyeen. Dhanka kale, Ciidammo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay maanta gaareen degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud, halkaasoo ay fariisimo kala duwan ka sameysteen, lamana oga ujeedka ka dambeysa tallaabadan. Ugu dmabeyn, Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa waxay ka hawl-galaan bartamaha Somalia, sida Hiiraan iyo Galguduud, halkaasoo ay kala kulmeen dhawr jeer weerarro ay la beegsatay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo ka Hadlay Weerar Ciidamo AMISOM ah lagula eegtay Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inaysan jirin musharax ka mid ah kuwa ku loollamaya hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia oo ay si gaar ah u taageersan yihiin. Qoraalka ayaa lagu xusay inay taageerayaan dhammaan musharraxiinta u tartamaya maamulka Koonfur-galbeed, isla markaana ay soo dhaweynayaan cid walba oo ku guuleysata doorashada oo dhici doonta 17-ka November ee 2018-ka. Sidoo kale, Qoraalkan oo kasoo baxay Xafiiska u Qeybsan Soomaaliya ee Xukuumadda Wanshigton ayaa lagu sheegay inuu soo dhaweynayo guddiga doorashada Madaxweynaha ee maamulka Koonfur-galbeed Somalia ee Toddobaadkii hore looga dhawaaqay Baydhabo. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan la isla dhex-marayay in mid ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ay wataan Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, balse Dowladda Somalia ayaa weli ka hadlin arrintaan. Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed iyo Dowladda Federaalka ah oo ka dalbaday dowladda Somalia inay fara-gelin ka dayso doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Baydhabo. Ugu dambeyn, Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa ka socda ololaha doorashada Madaxweynaha Koonfur-galbeed, iyadoo musharaxiintana ay ka mid yihiin musharixiin xilal hore uga soo qabtay Dowladda Federaalka iyo musharax xil sare ka soo qabtay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo si Taxadar leh uga hadashay Doorashada Maamulka Koonfur-galbeed appeared first on Puntland Post.
-
Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaa ay gaareen ciidamo kasoo jeeda dalka Ethiopia. Ciidamadan ayaa lasoo sheegayaa inay watan gaadiid dagaal iyo hub xoogan waxa ayna fariisimo ka dhigteen duleedka Degmada. Gaadiidka ay wataan ciidamadan ayaa waxaa ku jira nooca looyaqan beebaha iyo kuwo kale oo lagu daabulo ciidamada. Gaadiidka ay wataan ayaa waxaa kamid ahaa nooca xambaara booyadaha biyaha iyo shidaalka kuwaa oo la rumeysan yahay inay ku qaatan biyaha iyo shidaalka. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay yihiin kuwo aad u xoogan isla markaana ay dhufeysyo ka sameysteen dhul duleedka ka ah degmada. Warar madax-banaan ayaa sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay duulan ku qaadan deegaanada la dajiyay ciidamada inta lagu guda jiro khilaafyada dowlada Dhexe iyo maamulka. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil isugu jirta Ethiopian iyo kuwa Soomaali ah waxaana la garan la’ yahay waxa uu yahay qorshahooda. Weli lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamo Ethiopian ah ay xiligan tagaan degmada Guriceel oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Gudiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku go’aamiyey qaabka ay u dhici laheyd doorashada maamulkaasi. Inta uu kulanka socday Gudiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bandhigay hab raaca loo dooran lahaa maaxweynaha maamulkaasi. Guddiga ayaa Jawdwalkaani doorashada soo saaray xili dhawaanahaan gudiga maamulkaasi aad looga dhowr sugaayey in ay soo saaran Jadwalka. Halkaan hoose ka akhriso jawdalka ay soo saareen Gudiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia:-
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay sida uu u xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska. Cawad oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Waad ka war heysaanbaan u maleynayaa xiriirka dalalka dariska waa soo xoogsanayaa, aad ayaan isugu soo dhowaaneynaa, waxaad ka arkeysaan isu socodka badan, Soomaaliya markii ugu horeysay waxaa ay horey uga jirtaa isu soo dhoweynta gobolka, waxaad arkeysaan kala yaacii dalalka qarakood ay nagu sameyn jiree iyo buuqii inuusam jirin, oo hadda Itoobiya, Eretrea, Djibouti iyo Kenya kulligood ixtiraamayaan qarannimada Soomaaliyeed” Waxa uu intaas ku daray “Madaxweyneheennu booqashadii uu Eretrea ku tagay, booqashooyinkii kala duwanaa iyo heshiisyadii aan saxiixnay waxa ay ahaayeen kuwoo adduunka oo dhan soo dhoweeyey, dalalka dibadda ama Yurub ha ahaadeen ama jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, ama Mareykanka waxaa ay noo sheegaan waxa ugu weyn aan qabanay inay aheyd in dalalka dariska aan isku soo dhowaney”. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad waxaa Senatorrada u sheegay in Abiy Axmed sheegay in Farmaajo uga muhiimsan yahay Donald Trump. “Ra’isul wasaaraha Itoobiya wuxuu yiri, Farmaajo ayaa iiga muhiimsan madaxweynaha Mareykanka Trump, waayo Trump waxyar buu ii dhimi karaa ama isiin karaa, laakin Soomaaliya ama waa isla dageynaa ama waa isla koreynaa, marka wuxuu yiri, Soomaaliya ayaa aad iiga muhiimsan, annaguna sidaas ayaan u aragnaa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimadda Online)- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka codsaday dacwad oogaha guud ee Sucuudiga inuu baaritan ku sameeyo ciddii uu kasoo fulay amarka ah in la dilo weriye Jamaal Kaashogji. Erdogan wuxuu sheegay in dacwad oogaha Sucuudiga laga doonayo inuu shaaca ka qaado ciddii soo dirtay 15-ka qof ee lagu tuhunsan yahay inay Jamaal Khaashogji ku dileen gudaha qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul. Hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xilli dacwad oogaha guud ee Sucuudiga uu booqasho ku tegayo qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay Istanbul. Dilka weriyaha kaddib, Sucuudiga wuxuu xabsiga dhigay dad lagu tuhunsan yahay dilka iyo sidoo kale waxaa shaqada laga ceeyriyay saraakiil sar sare. Balse mas’uuliyiinta Sucuudiga waxay beeniyeen in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu wax ka ogaa dilka Jamaal Khaashogji. Caasimada Online Xafiiska Ankara Caasimada@live.com
-
NAIROBI (Caasimada Online) — The normal-looking campaign rally in Somalia’s capital this month was anything but. Dozens of people in T-shirts bearing the smiling candidate’s image and “Security and Justice” were praising the former No. 2 leader of Africa’s deadliest Islamic extremist group, the al-Qaida-linked al-Shabab, who until recently was the target of a $5 million U.S. reward. Stunned, Somalia’s federal government is in an awkward spot. If Mukhtar Robow’s campaign for a regional presidency goes forward, observers say the man who once praised Osama bin Laden and tried to impose an Islamic state has a good chance at winning next month’s election. Ever since surprising Somalis by defecting to a delighted government last year, the former al-Shabab spokesman and founding father has not been shy. Robow openly discussed his break with hardliners that led him to quit the extremist group — “I disagreed with their creed, which does not serve Islamic religion,” he said — and the threats that pushed him to defect after years of living in the safety of his clan. Then he donated blood in a show of support after Somalia’s deadliest attack, the October 2017 truck bombing in Mogadishu that killed over 500 people. Now the lanky, bearded Robow, al-Shabab’s highest-profile defector, seeks to lead his native Southwest region despite a sharp “no” from the federal government. The interior ministry says he’s ineligible to run because he remains under international sanctions. The problem, observers say, is that Somalia’s federal government is in such a state that no one knows who has the authority to decide who can be a candidate. The presidency did not respond to questions. The United Nations mission in Somalia, which provides electoral support, would not comment. “Who has the last call on who runs? Nobody knows,” Hussein Sheikh-Ali, a former national security adviser and chair of the Hiraal Institute who has known Robow for years, told The Associated Press. On top of that, relations between Somalia’s federal government and its regional ones are so bad that cooperation is almost severed, victim of the wary politics in the Horn of Africa nation recovering from decades of warlord-led fighting and devastating al-Shabab attacks. Over the weekend, Southwest residents and some members of parliament protested what they called the federal government’s meddling in the vote. While Robow told the AP he couldn’t comment, there’s no sign of him backing out of the race, even as al-Shabab calls him an apostate. When the group this month bombed Baidoa, the Southwest’s interim capital, he quickly appeared at a local hospital to visit victims and condemn the attacks. Despite his dark history that includes recruiting many local young men into al-Shabab, some in the Southwest reserve goodwill for Robow after he spared several government officials from certain execution when the extremist group overran Baidoa in 2009. “That has contributed to change his people’s perception toward him, so they owe him a bit,” regional lawmaker Ahmed Nur Adam told the AP. “He’s already changed himself for the better, so forget his past identity,” said Ali Ahmed Isaq, a local traditional elder. “So, just like other politicians with a dreadful past such as warlords who are now politicians, nothing can deny him any leadership role.” Worried about Robow’s popularity, the federal government has sent at least one high-level official to try to persuade him to step aside. “I was asked to relinquish my candidacy but I’m telling you that … I will be running for president,” Robow told supporters this month. “With the help of God, we will win and peace will win.” Now the government is backing its own candidate with money, armored vehicles and security forces. “I guess you could say it is a positive story to see a former high-ranking al-Shabab official participating in a system he spent many years trying to destroy,” Omar Mahmood, a researcher with the Institute for Security Studies, told the AP. “But there is also the other side of it, the lack of having to answer for his time as a jihadist.” Some Somalis, haunted by memories of Robow praising al-Shabab attacks and the executions of government supporters, said he should be held accountable for the beheadings and other killings under his command. Others are alarmed that he would severely curtail women’s rights and other social freedoms if elected. “He may do a better job in terms of security, but I think it’s too early for him to consider such a high-level position before adopting some more moderate and nonviolent views,” said a Somali intelligence official who requested anonymity because he was not authorized to speak to the media. However, in the first sign of possible tolerance toward women, Robow has urged his constituency to welcome other candidates including women, and he asked for forgiveness for his past while promising security. “We shall reopen roads on which women are raped and people are harassed,” he said during a speech in Baidoa last week. “Notwithstanding my previous views, I owe you a lot for this huge welcome,” he added, to applause. The election drama is a major test of Somalia’s U.S.-backed efforts to encourage fighters to leave al-Shabab in the belief that every defection exposes weakness in the extremist group, which still controls large parts of the rural south and central regions, including the Southwest. “It doesn’t help that Somali law and institutions are still very much evolving and the amnesty program for ex-al-Shabab members is a bit unclear,” Mahmood said. Some low- and mid-level defectors go to rehabilitation centers while others end up on trial. Robow has received other arrangements, including security. Questions remain about his defection, which occurred soon after the U.S. quietly cancelled the $5 million offer under its “Rewards for Justice” program. That led al-Shabab to believe Robow had made a deal with the Americans, Sheikh-Ali said. The U.S. mission to Somalia did not respond to questions but tweeted on Tuesday that it looks forward to a “credible vote” next month and “We support the process but never any specific candidate.” However, Robow is still under U.S. sanctions imposed in 2008 when he was named a “specially designated global terrorist.” He has never gone completely through Somalia’s defection process, which would include the federal government negotiating with international bodies to clear him from sanctions, Sheikh-Ali said. “Unfortunately, he was thinking everything was fine and that’s when he decided to run,” he said. Startled, international bodies pressured Somalia and “the government woke up and said, ‘You cannot run.’” There likely isn’t time for Robow to be cleared before the Nov. 17 election, Sheikh-Ali said. He sees this as a disappointment. Somalia has a tradition of being accommodating, he said. After all, the current president of the Jubaland region was once part of insurgent group Hizbul Islam, which tried to overthrow the federal government. On Monday the new U.N. envoy to Somalia, Nicholas Haysom, greeted the Jubaland leader with a handshake and smile. “The Robow case is really jeopardizing any chance of another al-Shabab leader to consider defecting to the government side,” said Sheikh-Ali, who advocates dialogue with the extremist group. “Somalia needs peace.” Sources: AP
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ee la filayo inay Baydhabo ka dhacdo 17-ka bishan. Qoraal kasoo baxay howl-galka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Washington ay soo dhoweeneyso aasaaska Guddiga Doorashada ee Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo xulashada kooxda hogaamineysa. “Waxaan rajeyneynaa in November 17 ay dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo taas oo ka turjumeysa codka shacabka Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri qoraalka. Dowladda Mareykanka ayaa dhinaca kale sheegtay in marka ay timaado musharaxiinta dhowrka ah ee ku loolamaya xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, aysan jirin cid ay si gaar ah u taageerayaan. “Weynu taageereynaa geeddi-socodka, laakiin marnaba ma taageereyno musharax gaar ah” ayaa lagu yiri qoraalka. Ma cadda sababta Mareykanka u sheegeen inaysan cidna taageereyn, ayada oo aysanba jirin wax tuhunno ama warar ah oo arrintaas ku saabsan. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa taageereysa qaar ka mid ah musharaxiinta, waxaana suurto-gal ah in warkan uu ayada ku socdo. @US2SOMALIA wuxuu soo dhaweynayaa aasaaska Guddiga Doorashada ee Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo xulashada kooxda hogaamineysa. Waxaan rajeyneynaa in Nov 17 ay dhacdo doorasho lagu kalsoonaan karo taas oo ka turjumeysa codka shacabka SWS. — U.S. Mission-Somalia (@US2SOMALIA) October 30, 2018 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—A UN-backed African Union peacekeeping mission in Somalia known as ‘AMISOM’ has denied to have lost 30 soldiers in bomb explosion. In a series tweets, AMISOM refuted reports 30 of its soldiers were killed in roadside bomb attack on its convoy near Baladweyne town, some 335km north of Somali capital Mogadishu. The mission said four Ethiopian soldiers with African Union peacekeeping force were only slightly injured in bomb explosion claimed by Al Qaeda linked Al-Shabaab. “AMISOM would like to refute reports appearing in the section of the press that 30 of its soldiers were killed in the IED attack that targeted its convoy in Hiran region”, the mission said. It added: “the correct position is that only four of its soldiers incurred slight injuries and were treated at Beledweyne Level II Hospital”. The African Union in Somalia urges the public to be wary of false reports and continue working closely with the security forces to bring lasting peace and security in the nation. The bomb attack was claimed by Al Shabaab. The group says it has killed at least 30 African Union soldiers following the landmine explosion. The group has been driven out of many urban areas since 2011, however it still controls territory in rural areas and carries out gun attacks and bombings on military and civilian targets. The African Union has a combined contribution of roughly 22,000 personnel to fight against the Al-Qaeda inspired group in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online)—The militant group al-Shabaab has stepped up extorting from starving communities as the al Qaeda inspired group in Somalia endures financial pressures and an apparent crisis of morale. The group called on clans in areas of Middle Juba region, southern Somalia to pay for pretty much everything, according a local resident, who asked to be anonymous. The group collects millions of dollars in Zakat/taxes, road fees and special funds called ‘Infaaq’ from businesses, traders, trucks, fuel, other goods, farms and everything else in Somalia, according to state media. The money goes mainly to support the group’s members, and for the training, recruiting, weapons, and equipment required to sustain the Somali insurgency and wage jihad in Somalia. The Al-Qaeda linked Shabaab was pushed out of the Somali capital in 2011 — and subsequently other towns and cities — by soldiers from the African Union Mission in Somalia. Somalia has been mired in violence and lawlessness since early 1990s when dictator Mohamed Siad Barre was toppled. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu diley Shan qof oo la socday gaari yar. Rag hubeysan oo indhaha soo xirtay ayaa la sheegay in ay joojiyeen gaarigan oo ka yimid degmada Wanlaweyn kuna soo socday magaalada Muqdisho. Waxa ay soo dejiyeen dhammaan dadkii saarnaa gaarigaasi, waxay fasaxeen darawalkii gaariga wadey, waxaana ay toogteen Shantii qof ee kale. Mukhtaar Nuur Geesey oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Lafoole ayaa u sheegay Goobjoog in ay baxsadeen raggii dilkaasi fuliyey ayna ku raad joogaan. Geesey ayaa sheegay in tani ay la xiriirto dagaal beeleed ka dhacay degma Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Mukhtaar-Nuur-Geeseey-Guddoomiye-ku-xigeenka-Lafoole.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay iney kala dhexgaleen beello walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose. Maxamed Ibraahim Barre, guddoomiyaha gobolkaasi ayaa u sheegay Goobjoog in hadda ay xabaddu joogsatay, xaaladuna tahay mid deggan. Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in sidoo kale ay ku dedaaleen in ciidamada dowladda la kala dhex dhigo maleeshiyaadkii dagaallamay. Ugu dambeyn, guddoomiye Barre ayaa ugu baaqay beelahan ku dagaallamay gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan degmada Wanlweyn iyo nawaaxigeeda in nabadda ay qaataan oo ay ka fogaadaan wax walbo oo dhiig ku daadan karo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Guddoomiyaha-gobolka-Shabellaha-Hoose-Maxamed-Ibraahim-Barre.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Aqoonyahan C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo ay ka maqan tahay talada aqoonyahanka. Waxa uu sheegay in madaxweynaha laga doonayey inuu aqoonyahannada taladooda dhageysto islamarkaana ka talobixiya marxaladaha kala duwan ee dalka. Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha ay ku hareersan yihiin Qurbejoog uu sheegay in aanay waxbo kala socon xaaladda dalka. Dhanka kale, Daqare ayaa wareysigan uu siiyey Goobjoog kaga hadlay arrimaha ku aadan khilaafka dowlad goboleedyada iyo sidoo kale DFS, wuxuuna sheegay in madaxweynaha xaq u leeyahay inuu isugu yeero madaxda dowlad goboleedyada. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Craxmaan-Daqare.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxgaradka K/galbeed ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarreysa dowladda federaalka in farogelin ku hayaan doorashada la filayo iney ka dhacdo Baydhabo. Malaaq Cali C/raxmaan oo ka mid ah waxgaradkan ayaa u sheegay Goobjoog , in madaxda dowladda federaalka wataan musharraxiin gaar ah oo ay doonayaan iney kusoo baxaan xilka madaxweynaha K/galbeed. Waxa uu si gaar ah u sheegay in madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay farogelintan wadaan, isaga oo ku baaqay in K/galbeed dadkeeda loo madax baneeyo doorashadan. Dhanka kale, Malaaq Shiino ayaa sheegay in dowladda ay mar hore ka waayeen Kaalmo, balse hadda ay dooneyso in qalalaasyo ay ka abuurto magaalada Baydhabo waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Wareysi-Malaaq-Shiino.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, isagoo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ee shirkii Garowe. C/xakiin Camey ayaa madaxda maamul Goboleedyada dusha u saray inay sabab u yihiin khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka, isagoo sheegay in wixii ka soo baxay Shirkii Garowe uu ahaa go’aano aan laga fiirsan. “Go’aamaadasi waxaan u arkaa riyo maalmeed aan suuragal ahayn, qof kastoo Soomaali ah wuu la yaabay, iyagana uma aha suuragal, dalkana suuragal kama aha, khaladka waa loo wada jeedaa wuxuu ahaa go’aan aan laga fiirsan…” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wareysi siiyey mid ka mida idaacadaha Muqdisho. C/xakiin Camey ayaa hambalyo u diray Saraakiisha ciidamada iyo Culimada Puntalnd oo ka hor yimid go’aanadii maamul Goboleedyada ku gaareen magaalada Garowe, wuxuuna sidoo kale hambalyo u diray Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir oo soo dhoweeyay baaqii madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Popular Contributors