-
Content Count
206,901 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xisbiyada curdunka ah ee dalka ka billowday waxaa saaran culeysyo fara badan oo dhan kasta ah, marka laga eego qibrad-yarida nidaamka axsaabta ee guud ahaan dalka kajirta, caqabadaha xilligan ay dareemayaan xisbiyada waxaa ugu horreeya buuxinta shuruudaha sidii ay ku noqon lahaayeen xisbiyo qaran, sida diiwaan-galinta 10,000 qof oo taageerayaasha xisbi walba ah iyo xafiisyo in ay kuleeyihiin 9 gobol oo kamid ah 18-ka gobol ee dalku leeyahay iyo $1,000 (kun doolar) oo ah qidmadda diiwaangalinta xisbiga, waxaa shuruudahan kasii dhib badan shuruudaha kaqayb-galka doorashada ay ugu weyn tahay isu-dheelitirka liiska musharaxiinta beelaha iyo tirada musharaxiinta ee gaaraysa 275 musharax iyo 275 kuxigeenka, musharaxiinta marka loo baahdo in la buuxiyo kursi xubinta musharaxa baneeyo sabab kasta haku timaado’e. Waxaa ugu adag caqabadaha xisbiyada kala kulmayaan isu-dheelitirka liiska musharaxiinta iyo qoondada dumarka, keenista musharaxiinta 275-ka ah ee ka qaybgaleysa tartanka doorashada iyo 275-ka kursi-buuxiye, musharaxiinta helistooda ay adag tahay waxaa ugu horreeya musharaxiinta kasoo jeedda Somaliland, waxaa ka mid ah dadka kasoo jeeda deegaannada somaliland ayaa ah tirada ugu yar ee kunool goobaha ay maamusho dowladda FS, tusaale ahaan haddii ay dhacdo in 5 xisbi oo kaliya xaq uyeeshaan ka qaybgalka doorashada 2020-ka, waxaa xisbi walba laga doonayaa inuu la yimaado 61 musharax oo reer Somaliland ah iyo 61 Kursi-buuxiye iyo 11 Senator 11 Kursi-buuxiye, tirada guudna waxaa ay noqoneysaa, 61+61+11+11= 144 musharax oo Somaliland ah ayaa laga doonayaa xisbi walba, guud ahaan 5-ta xisbi waxaa laga doonayaa 720 = (5×144) Musharax oo ka soo jeedda deegaannada Somaliland. Mushkiladda kale ee Xisbiyada lakulmayaan waxaa kamid ah sida musharaxiinta loogu tixayo liiska 275-ka musharax ee ka kooban 30 xirmo, isla markaana halki xirmo ay noqonayso 9 qof kuna salaysan 4.5, sharcigan wuxuu xisbiyada farayaa isu-dheelitirka beelaha oo macnaheedu tahay isdhexgelinta beelaha ee liiska musharaxiinta sagaalleyda ah, tusaale ahaan (2 Darod, 2, Dir/isaq, 2 Mogadishu Clan, 2 Digil/Mirifle iyo 1, Beelaha Kale) tusaale haddii beesha XY 2 xubin kuleedahay baarlamaanka hadda jira, liiska sagaalleyda ah ee ugu horreeya, waxay ku leedahay 1 xubin, liiska kuxiga waxaa kasoo galaya xubin katimid beelaha kale ee kamidka ah beelweynta ay ka wada tirsan yihiin ee (Beesha shanaad). Liiska xubnaha musharaxiinta waxaa asal unoqonaya isu-dheelitirka beelaha si ay u helaan fursad isku mid ah beelaha, haddii 2 xisbi iskumid kanoqdaan liiska beelaha musharaxiinta, mudnaanta xulista iyo ansixinta musharaxiinta xisbiyada soo guuleystay waxaa lasiinayaa xisbiga ugu codadka badan tartanka doorashada, xisbiga kuxiga ayaa loo samaynayaa xulista iyo ansixinta musharaxiintiisa wuxuuna soo buuxin doonaa kuraasta beelaha kale ee aanan kahelin xubintooda ee liiska xisbiga isaga kahoreeyay, xisbiga kusiixiga ayaa sii buuxin doona beelaha kale ee ku qaday ama aan metelaad ku helin labada liis ee ka horreysay illaa beel walba ay ka hesho xubinteeda liisaska xisbiyada. Caqabadaha Xisbiyada wajahayaan waxaa kamid ah qancinta musharaxiinta sida loogu kala horreysiinayo liiska, musharaxa fursadda 1,aad lasiin doono iyo musharaxa lagu qorayo liiska xubinta 275,aad ee musharaxiinta xisbiga usharaxan, xisbiyada kama fursan doonaan in ay isku khilaafan talada iyo qofka go,aaminaya sida musharaxiinta ugu kala horreynayaan liiska xisbiga, waxaa kaloo xisbiyada usii dheer in musharax walba laga doonayo $2,000 (Laba kun doolar) oo macnaheedu tahay 275 x $2,000 = $550,000, (shan boqol iyo konton kun oo doolar) in ay kusoo shubaan sanduuqa lacagta ee guddiga doorashooyinka qaranka, lacagtani waxaa ay tahay qidmadda diiwaan galinta musharaxiinta sida ku qoran qodobka 24,aad faqradiisa 4,aad. Caqabadaha liiska musharaxiinta iyo Qarashaka aadka ubadan waxaa xisbiyada looga yareyn karaa, marka liiska musharaxiinta 275-ka xunbood ah umadax banaan yihiin xisbiyada, tirada musharaxiinta ay doonaan usoo sharaxdaan ugu yaraan 27 musharax iyo ugu badnaan 275 musharax. W/Q: Cabdiraxim Dhagey, Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Wixii fikrado ah ku soo hagaaji: info@goobjoog.com Source: goobjoog.com
-
Magaalada Muqdisho waxaa ka amba baxay kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed oo labadii tobaad lasoo dhaafay ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho ka samaysay caasimada waxayna la ciyaareyn kooxaha kala ah Elman, Heegan, Dekedda iyo Horseed,iyagoo soo bandhigeyn farsamooyin aad loogu riyaaqay Kaliya ma aysan ciyaarin kulamadii loo qorsheeyay ee saaxiibtinimo waxa ay ka qeyb qaateyn olalaha is xilqaan oo dib loogu dhisay dalka,iyagoo ka qeyb qaatay dhismaha tiyaatarka qaranka iyo naadafaada garoonka Stadium Muqdisho oo ay dowlada la wareegtay bishii August ee sanadkan 2018 Feysal Axmed Xasan oo ka mid ahaa ciyaartooyda qurbajoogta ayaa loogu yeeray waajibaad xulka qaranka, kooxda xafidanaysa horyaalka Somali Premier League ee Dekedda iyadana waxa ay la wareegtay ciyaaryahan Qadar oo weerarka ugu ciyaaray qurbajoogta Sidoo kale waxaa jiray dhowr xirfadlayaal oo iyagana loogu wacay safka xulka,balse arimo farsamo ayay ugu baaqdeyn waxayna sida wajir u sheegeyn in ay jecel yihiin malataada dalkooda hooyo ee Soomaaliya arintan waxaa soo dhaweeyay macalimiinta,maamulka iyo qaar ka mid ah ciyaartooyda,iyagoo horomar u rajeeyay xirfadlayaasha ku kala beeray naadiga Dekedda iyo xulka qaranka Inta aysan ka baxin garoonka Aadan Cadde ayay la hadleyn Goobjoog News iyagoo sheegay in safarkooda kowaad ee Soomaaliya uu ahaa mid xiiso gooni ximbaarsan,balse sanadaha soo aadan ay badindoonaan safarada ceeynka oo kale si dhalinyarada qurbaha ko koray ay u arkaan horomarka ka jira dalka ay iyaga milkiiliyada u lee yihiin Waasarada ciyaaraha iyo dhalinyarada dowlada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada da’daalo ku aadan in la balaariyo booqashada kooxaha qurbajoogta waxayna arinta go’gol xaar u tahay horomarinta isboortiga wadanka sida ay qabaan bahada ciyaaraha Halkaan Ka Daawo Warbixinta Bixitaanka Kooxda Qurbajoogta Source: goobjoog.com
-
Cheaper internet is on its way after a 5,400 km cable system linking Djibouti, Mogadishu and Mombasa undersea cable was launched. Source: Hiiraan Online
-
Magaaladda Garoowe waxaa lagu soo gabagabaeeyay Shir looga hadlayay diyaarinta hanaanka dib-u-heshiisiinta Qaran, kaasi oo socday muddo labo maalmood ah. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga waxaa ka qaybgalay xubno ka kala socday Hay’adaha dowliga ee Puntland iyo bulshadda rayidka ee Puntland, waxaa kaloo ka qaybgalay khubro ku takhakhustay xalinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta. Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Maxamed Cali Nuur Jubba oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in ujeedku yahay in la ururiyo fikradaha iyo talooyinka ku aadan dib-u-heshiista, ee ay hayaan howlwadeenadda hay’adaha dowladda iyo bulshadda rayidka ee Puntland. “ Hay’adaha dowladda iyo Bulshada rayidka ah waanu la kulanay, waxaanuna ka helnay fikrado iyo talo soo jeedino kal duwan iyo qaabka loo abaari karo hanaanka dib-u-heshiisiinta iyo sidii wadatashi guud looga yeelan lahaa halka loo marayo” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay “ Mar haddii laga hadlay dib-u-heshiisiin, maxaa laga heshiinayaa, waxa laga heshiinaya ma aha labo reer oo is laayay, markii haddii dowladii dhexe ee Somaliya burburtay waxaa loo baahan yahay hanaan ku aadan dib-u-heshiista la iswafajiy, dabcan waxaa samaysmay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaal ah. waxaanu u baahan nahay aarada dadka reer Puntland ee xasilinta dalka” ayuu yiri Wuxuu u mahadceliyay hay’adda Finland Church Aid (FCA) oo ka taageertay wasaaradda arrimaha gudaha qabashada shirka wadatashiga ah ee diyaarinta hanaanka dib-u-heshisiinta Qaran. Wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa dadaal ugu jirta sidii loo diyaarin lahaa hannaan dhamaystiran oo dib-u-heshiisiinayd oo wax lagaga qabto khilaafyada bulsho iyo siyaasadeed ee ka jira degaamadda Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay maamulka Puntland. PUNTLAND POST The post Shirweyne ku saabsan Dib u-heshiisiinta oo Garoowe ku soo xidhmay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay magaalada Muqdisho. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxay ku wajahan yihiin dalka Suudaanta Koofureed, halkaasi oo ay kaga qeyb galayaan xafladda dhameystirka heshiiska Dhinacyada isku haya dalkaasi. Wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ka sagootiyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ay maalmaha soo socdo ku sugnanayaan dalkaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Sudan waxaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la qaato madaxda ka qeyb galaysa munaasabada ka dhacaysa Suudaanta Koofureed. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Jubaland oo ka digtay fara-gelin lagu sameeyo doorashadeeda
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada maamulkiisa ayaa sheegay in ay mudnaanta kowaad siinayan xasiloonida iyo amnigaJubaland Wasiirka ayaa si faahfaahsan uga hadley inaysan ciidamadu qabiil iyo siyaasad midna shaqo ku laheyn ilaalinta amanka dalka iyo dadka ay shaqadoodu tahay waajibna ka saaranyahay. Sidookale wasiirka ayaa sheegey in aysan Jubbaland ka dhici karin sida hadda ka dhacdey magaalada Baydhabo oo ay dhawaan doorasho ka dhici doonto taas oo ay Dowladda federaalka ahi gaysey musharaxiin wata gaadiid iyo ciidan u gaar ah. Wasiirka ayaa sheegey in qofkasta oo isu soo sharaxaya xilka madaxtinimada Jubbaland uu xor u yahay inuu imaado lakin kaligiis oo aysan ciidan iyo wax khalkhal galinaya amniga la socon u kasoo dego garoonka lana soo dhaweynayo. wasiirka ayaa sheegey haddii la isku dayo tan Baydhabo ka dhacdey oo kale in garoonka laga celin doono musharaxiinta noocaas u dhaqma amniga iyo xasiloonida Jubbaland-na aan looga indha qarsan karin shakhsi usoo diyaar garoobey khalkhal galinta amniga gobolka. PUNTLAND POST The post Jubaland oo ka digtay fara-gelin lagu sameeyo doorashadeeda appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho-[Puntland Post]-Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ka amba baxay magaalada Muqdisho,isago ku sii jeeda Dalka Suudaanta Koonfureed. Sida ay qortay Wakaalada wararka SONNA wafdiga Madaxweynaha ayaa ka qeyb geli doona munaasabadda lagu dhameystirayo heshiiska ay gaareen dhinacyada isku hayay dalkaas. Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya hogaamiyaal ka socda Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD,kuwaasi oo si dhow ula socday xaaladaha murugeysan ee ka taagnaa Dalkaasi Suudaanta Koonfureed. Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa kamid ah wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana dalkaasi kunool kumanaan Soomaali ah,kuwaasi oo ganacsi waaweyn ku leh dalkaasi. Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweynaha Soomaliya oo Saaka u amba baxay Suudaanta Koonfureed appeared first on Puntland Post.
-
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney wax ka qaban doonaan burburka waddooyinka magaalada B/weyne, kadib roobab xooggan oo ka da’ay magaaladaasi. Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Goobjoog News, iney wadaan dedaal badan oo ku aadan wax ka qabashada waddoyinkan burbursan. Sidoo kale, waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in ay dib u habeyn ku sameyn doonaan meelaha ay biyaha kasoo galaan garoonka diyaaradaha magaalada B/weyne. B/weyne ayaa waddooyinka qaar waxay yihiin kuwo burbursan, iyadoo taasi ay dhibaato ku noqotay gaadiidkii marayey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Sheekh-Xuseen-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Soomaaliya ayaa gashay kaalinta ugu dambeysa ee dalka 54aad ee qiyaas dowlad wanaagga ee loo sameeyey qaaradda Afrika, sidaasi waxaa lagu sheegay cilmi-baarista Mo Ibrahim 2018 Index of African Governance. Dhinacyada laga eegay sidoo kale waxaa ka mid ah: Bad-qabka iyo sharciga iyo kala dambeynta oo aan ka galnay dalka ugu dambeeya 54, xuquuqul insaanka oo aan helnay kaalinta 53aad, oo waxaa naga liito uun sida la sheegay dalka Eretrea, fursadaha dhaqaale iyo horumarka Aadanaha waa meesha ugu hooseysa qaaradda 54, sidaasi ayey ku noqotay dalka ugu liita qaaradda Afrika. Inkasta oo Soomaaliya lagu sheegay dal soo hagaagaya hadana taasi waxba sooma kordhin markii ay gashay dalka ugu hooseeya dhan walba. “Hey’adaha ugu muhiimsan dowladda, uma hormarayaan si dhaqso ah, si ula jaan-qaadaan baahida dhalinyarada Afrikaanka ah, kuwaas oo hadda ah qeybta ugu badan qaaradda Afrika” waxaa sidaasi yiri, Mo Ibrahim oo ah in Suudaanes ah oo heysta dhalashada Ingiriiska. Mo Ibrahim ayaa daraasaddan si joogta u sameyn jirtay tan 2007-dii, waxaana inta badan sugta dalalka ku yaalo qaaradda Afrika, iyaga oo kala socda halka ay taaganyihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Suldaan Cabdi Cali oo ka mid ah waxgaradka K/galbeed, gaar ahaan kasoo jeeda gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay iney ka shaqeyso midnimada shacabka K/galbeed. Waxa uu sheegay in dowladda waxa kaliya laga doonayo ay tahay iney ka shaqeyso rabitaanka iyo danaha shacabka K/galbeed. Dowladda ayuu ugu baaqay iney farogelinta ka deyso doorashada K/galbeed, islamarkaana wax walbo ay kor un kala socoto. Shacabka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose ayuu sheegay iney u baahan yihiin amni iyo sidoo kale iney si xornimo ah ku shaqeystaan, taasina lagu heli karo iyadoo DFS ay mashquulka ka deyso K/galbeed. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREEYSI-DULDAAN-CABDI-CALI-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka xoogga dalka, kuwa K/galbeed iyo ciidanka Itoobiya ayaa dib ula wareegay deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay, halkaasi oo Todobaad kahor qabsadeen Al-shabaab. Ciidamadan oo aad u badan ayaa howlgal ay sameeyeen waxay dib ula wareegeen deegaankan, waxaana xaaladda deegaankaasi tahay mid deggan. Ciidamada la wareegay deegaankan ayaa la sheegay iney sameysteen fariisimo dhowr ah, iyadoo ammaanka deegaankana ay sugayaan. Jeneraal Ibraahim Yarow oo ah taliyaha qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta in Al-shabaab dhexdooda ay dad isaga dileen deegaanka Daynuunay, dibna looga qabsaday deegaankaasi. Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada aanay ku ekaan doonin oo kaliya deegaanka Deynuunay oo ay aadi doonaan deegaanno kale. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warka-Baydhaab-Daynuunay.mp322222.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Since becoming president, Donald Trump has often criticised Nordic countries. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergaygii Hore ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Michael Keating, ayaa loo magacaabay xil cusub, kadib markii uu waayay xilkii uu ka hayay Somalia horaantii October. Mr Keating, ayaa lasoo shaqeeyay dowladda Soomaaliya, waxaana hadda loo magacaabay agaasimaha Machadka Nabadda ee Qaaramada Yurub. iyadoo Machadkaasi uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay ku faraxsan yihiin xilka loo dhiibay Keating. Michael Keating, ayaa xilkaasi kala wareegaya Martin Griffiths oo hadda ahaa agaasimaha machadka Nabadda ee Qaaradda Yurub, waxaana la shaaciyay inuu xilka qaban doono 5 November. Agaasimaha hadda ka tagaya xilka Agaasinka Machadka Nabadda ee Yurub, ayaa isagana loo magacaabay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Yemen, oo colaado ay halakeeyeen. Mac-hadkan oo uu fadhigiisu yahay Brussels, ayaa waxaa uu leeyahay 31 shaqaale joogto ah, waxaana Keating sugeysa in uu maamulo miisaaniyadda sanad laha ah ee Mac-hadka oo gaareysa Sagaal Milyan oo Yuro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbalad ayaa digniin adag usii diray dadka uu sheegay inay ku mashquulsan yihiin carqaladeynta doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. C/rashiid Xasan Janan, Wasiirka Amniga ee Jubbaland ayaa digniin adag u diray qof kasta oo isku mashquulineysa carqaladeynta doorashada Jubbaland, isagoo fariintiisa laga dheehan karay inay toos u taabaneyso madaxda dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in Wasiir, Oday dhaqameed, Xildhibaan iyo cid walbaa oo la timaado faragelinta doorashada Jubbaland aysan ugu dulqaadan doonin, waxaana uu sheegay inay leeyihiin labo cadow oo kala ah mid ay yaqaanaan iyo mid aysan aqoon. “Wasiir ayaan ahay, xildhibaan ayaan ahay, Taliye ayaan ahay, Oday dhaqameed ayaan ahay, ha yiraahdo wuxuu doono ha sheegto, darajo kasto ha sheegto, hadduu isku dayo inuu Liin ku dhiijiyo waxaan muddo ka shaqeyney walaahi kama yeeleyno, Ciddii Liin ku dhiijiso, Waxaan rabnaa Kashii lagu dhufto inay waligeed ummada ka sheekeyso”ayuu yiri wasiirka amniga ee Jubbaland. Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka warhayaan in madaxda dowladda ay doonayaan inay carqaladeeyso doorashada Jubbaland sida uu hadalka u dhigay, isaga oo tusaale usoo qaatay gaadiidka aan xabada karin ee laga dajiyay magaalada Baydhabo iyo wasiirada ku sugan magaalada Baydhabo. Sidoo kale wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan musharax walbaa oo wanaag la yimaado, isaga oo sheegay inaaney jirin cid sidii Boqortooyo xilka isaga dhaganaan karta oo uu kala jeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Dhawaan ayaa la filayaa inay doorasho ka dhacdo deegaanada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
-
The Turkish government has inaugurated the gleaming world’s largest airport on Monday, a magnificent project which fulfills president Erdogan’s dream of making Turkey a global player. But Somalia has not been represented at the ceremony attended by most of Turkey’s major partners, sources told Hiiraan Online on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan qarsoodi ahaa oo Baydhabo ku dhexmaray Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Koofur Galbeed iyo xubnaha ugu muhiimsan ee Guddiga doorashada Koofur Galbeed, kuwaasoo la soo magacaabay 21kii Bishan. Shariifka oo dalbaday kulankan, waxaa kaalin ka qaatay isku imaatinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo laftiisa hardan ugu jira inuu dib ugu soo laabto kursiga Doorashada Madaxweynaha kadib. Shariifka ayaa guddigan u sameeyay balanqaadyo isugu jirta lacago iyo xilal, taasoo ay aqbaleen inta badan xubnihii kulanka fadhiyay, waloow qaarkood ay shaki geliyeen dhaqan galka balanta Shariifka, iyagoo soo xasuusiyay balamo hore oo uu u dhigay taasoo aan meel laga soo qaadin. Qorshe ka kooban ilaa iyo 5 Qodob ayuu miiska soo saaray Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ugu muhiimsan in tartanka doorashada laga hor istaago inta badan raga ugu cad-cad tartanka dhacaya bisha danbe. Shariifka, ayaa Guddiga doorashada u soo jeediyay iney dib u dhigaan waqtiga doorashada ilaa iyo bilowga Sanada cusub ee 2018, Guddiga ayuu u sheegay in malamahan aan sameyn wax qaban qaabo doorasho ah, Balse diyaar garowgooda ay bilaabaan oo kaliya Bisha December ee sanadan. Guddiga ayaa u muuqda iney hada qaateen qoodbkaas, maadaama aaney jirin wax dhaq dhaqaaqyo ah oo ay sameeyeen tan iyo markii la magacaabay guddigan. Shariifka, ayaa sidoo kale doonaya in doorashada lagu qbato Gudaha Xarunta Madaxtooyada ee Baydhabo, maadaama dhaq dhaqaaqeeda uu xadidi karo, wax kastana ay ugu dhici karaan sida uu isaga daneynayo. Waxaa kaloo jiri qorshe dhinacyo badan leh oo uu Ku doonayo inuu doorashada kaga hor istaago Musharixiinta beesha Digil ah, Gudoomiye Maye, ayuu u soo jeediyay in guddiga aysan ku soo darin dadka tartamaya maadaama isaga oo digil ah uu ku fadhiyo Kursiga Gudoomiyaha baarlamaanka. Hadey taasi dhacdo, waxaan tartameynin Taliyihii hore ee Nabad Sugida Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo musharaxa kale ee Xasan Macalin. Amarrada uu siiyay Madaxweyne Shariif Xasan guddiga doorahsada, ayaa waxaa kamid ah in doorahsada ka hor istaagaan inuu tartamo qof ka soo mid noqday urur diimeedyadii dalka ka jiray, Qodobaaksna waxa uu qabanayaa Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) oo mar soo noqday Kuxigeenkii Hogaamiyaha Al-Shabaab. Shariifka ayaa durba dayactir iyo qlaabeyn ku bilaabay Dhismaha Xarunta Wasaarada Qorsheynta ee Maamulka Koofur Galbeed, halkaas oo uu doonayo iney ka dhacdo doorahada, Xaruntan waxey ku dhex taalaa Madaxtooyada Baydhabo. Guddiga doorashada, ayaa indhaha uun ka daawanaya tilaabooyinka uu qaadayo Madaxweynaha Sharaxan, Iyadoo qaarkood ay inoo sheegeen iney dareemayaan cabsi la xiriirta in la dhibaateeyo hadii ay si cad isaga diidaan fariimaha ka soo yeeraya Shariifka. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay cidda ay ahaayeen dadkii shalay lixda ruux ku dishay duleedka magaalada Muqdisho. Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay inay hayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan dadkii ka dambeeyay dilkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, waxaana Maamulka ay sheegeen in gacanta lagu dhigay dadkaasi qaar kamid ah. C/Fataax Xaaji Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen wadaha Gaariga lagu hor jaray gaariga dadweynaha Shacabka ah ay la socdeen, isaga oo sheegay in laamaha amaanka loo gacan geliyay si baaritaan loogu sameeyo. Wuxuu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen Maleeshiyaad u hubeysan qaab beeleed kuwaasi oo aargoosi ahaan u dilay shacabka gaariga saarnaa, oo seddex kamid ah ay walaalo ahaayeen. Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka dalbaday maamulka Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaataan baaritaanka lagu sameynayo dadka falka dilka geystay, waxaana dadkaasi lagu xerey saldhiga degmada Afgooye, walow markii dambe Muqdisho loosoo wareejiyay. Dadka ay kasoo jeedaan dadkii lagu laayay duleedka magaalada Muqdisho, ayuu ka dalbaday inay xaalada dajiyaan oo ay ka war sugaan baaritaanka laamaha amaanka ay wadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan. Al-Shabaab Tan iyo sanadkii 2006, kooxda seef la boodka ah ee Alshabab waxay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin u geysteen, nabadda, dib-u dhiska dowladnimada, xoriyadda iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. Alshabab ayaa u dhaqanta si bahalnimo, naxariis darro iyo jaahilnimo ku dheehan. Waxay caadaysteen inay dilaan cid kasta oo aan aaminsaneyn fikirkooda xagjirnimada ah isla markaana ay abuuraan jawi dalka ka dhigaayo meel aan la maamuli karin. Hab-dhaqanka iyo fikirka xagjirka ah ee ay Alshabab qaadatay, waxay keentay in dalka ay soo galaan ciidamo faran badan oo ajnabi ah, hay’ado sirdoon ah iyo shirkado calooshood u shaqeysteyaal ah, taasoo dhaawacday xoriyaddii iyo madaxbanaanidii dalka. Haddaba, iyadoo qofkasta oo soomaali ah uu ogsoon yahay dhibaatada ay Alshabab u keentay dalka, waxaan ku soo koobi karnaa dhibaatadooda: Amni darro joogto ah: waxay xilli kasta ku mashquulsan yihiin sidii ay u abuuri lahayeen dhibaato amni oo aan si fudud looga soo kabsan karin. Waxay abuureen jawi keenaya inaan si fudud loogu guuleysan soo celinta amigii iyo kala dambeyntii luntay. Waxay u sahleen cidkasta oo rabta inay abuurto qas iyo jahawareer amni, in ay isticmaasho magaca Alshabab dhibaato weyna u geysato nafta iyo hantida dadka. Dhaawac siyaasadeed: markasta oo Alshabab geystato dhibaato amni, waxay dhaawac weyn ku tahay dowladnimo iyo nabad ka hana qaadda Soomaaliya. Arrintaan ayaa noqota marmarsiiyo ay faragelin kaga timaaddo dalal aan dooneyn Soomaaliya in ay ka dhalato dowlad awood u leh hanashada maamulka dalkeeda, soona celin karta sharaftii luntay ee dadka Soomaaliya. Burbur dhaqaale: qaraxyada iyo weerada ismiidaaminta ah ee ay kooxdan seef la boodka fuliyaan, ayaa sababa burbur xoog leh oo soo gaara hantida qaranka iyo midda dadka shacabka oo laga yaabo inaaney lahayn awood ay kaga kabtaan ama dib ugu yagleelaan. Waxaa wax laga naxo ah in khasaaraha dhaqaale ee ay keenaan dadka naftooda halliga ay dhacaan iyadoo aysan jirin cid isweydiisa iyo cid mas’uuliyadooda qaadata . Waxay noqotay arrin caadi ah in dadka dhiiggooda iyo hantitoodaba ay Alshabaab iyo kuwa ay isku hadafka yihiin baneystaan. Dhimashada: weerarada bahalnimada iyo cadaawadda ku dhisan ee ay geeystaan kooxaha isqarxiya ayaa markasta galaafta nafta dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Tusaale, waxaa loo soo qaadan karaa dhacdadii murugada iyo xanuunka badneyn ee 14 Oktoober, 2017, ee ka dhacday isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho iyo kuwa kaloo badan oo lagu xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Dhaawac maskaxeed/nafsi ah: qaraxyada iyo dilalka arxan darada ah ee ay geeystaan kooxaha xagjirka ayaa waxay sababaan dhaawacyo jireed iyo kuwo maskaxeed ama nafsi oo saameyn joogta ku yeeshay nolosha boqollaal kun oo qof. Waxaa nasiib darra ah inaan cidina ka war qabin dhaawacyada maskaxeed ee ay reebaan qaraxyada,weerarada is-miidaaminta iyo qaarajinta isugu jira. Waxay dhaawacyada maskaxeed keenaan in waxba laga qaban waayo dad badan oo ay nolosha ka quustaan. Dhaawacyada maskaxeed ayaa waxay inta badan soo gaaraan dadkii goob joogga ka ahaa markii xasuuqa la geystay iyo ehelada dadkii la xasuuqay. Dadka qaba dhaawacyada maskaxeed ama nafsiga ah ee la il-daran naxdinta, welwel joogta ah, isla hadal/isku-buuq, quusta iyo rajo xumadda ayaa ku soo badanaya dalka gaar ahaan dhulka amni xumadu daashatay. Dhaqan burburin: kooxda Alshabab waxay keentay in aaanan waxba la ixtiraamin oo cidkasta dhiigeeda, maalkeeda iyo sharafkeeda la baneysto. Dhaqanka soomaaliyeed ee suuban wuxuu dhowraa waxa loo yiqaano “Bir-mageydo” oo ah in dilka lagala xishoodo dadka nugulka ah (caruurta, haweenka, waayeelks IWM) iyo dadka xurmadleyda ah sida culimadda diinta, oday-dhaqameedyada, gabyaaga, aqoon yahanka, dadka samafalka ka shaqeeya IWM. waxay keeneen inaan waxba laga xishoon cidna aan la badbaadin. Arrintaan waxay naafeysay hab-dhaqankii bulshada, iyadoo sii fogeeyeysay xallinta dhibaatooyinkii dhacay. Dowlad la’aan: Falsafadda iyo aragtida siyaasadeed ee kooxdaan ayaa ah inay kala gooyaan xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo shacabka. Waxay qasab ka dhigaan inaan qofna ka hadli karin waxa ka socda deegaanka uu ku nool yahay ee ku mashquulo naftiisa iyo sida uu ku badbaadi karo keliya. Ma jirto meel aduunka ka mid ah oo qofku si sharaf leh ugu noolaan karo dowlad la’aan iyo xorriyad la’aan. Kooxahaan seef la boodka ah waxay dadka ku qasbayaan inaan go’aan iyo talo lagu yeelan dadka madaxda u noqonayo, sida ay kuu maamulayaan iyo sida aad ula xisaabtami lahayd. Waxay dadkii ku abuureen cabsi iyo argagax xad-dhaaf ah taasoo ku kalliftay inaan qofna iyaga waxba ka sheegi karin waxna u sheegi karin. Cibaado yaraan: Kooxahan xagjirka ah, waxay bartimaameedsanadaan cid walba uu ay u arkaan inaaney ku feker ahayn. Xoogdaani waxay dad ka ugaartaan masaajidyada ilaahay lagu caabudo. Maadaama gobihii ilaahay lagu caabudaayey lagu baxsan waayey, dad badan ayaa naftooda uga baqay inay cibaadada Alle ku gudaan masaajidyada. Waxay natiijada arrintaani noqotay in dadka masaajidyada ku cibaadeysanaya ay yaraadaan ama ay hub masaajidka la soo dhex galaan. Waxaa wax lala yaabo in dadka dhibaatadaan abuuray ay sheeganayaan inay arrimo diineed ka shaqaynayaan. Cunaqabateyn iyo Barakac: maadamaa dalka ay inta badan soo wajacdo masiibooyinka sida abaaro iyo daadad, waxaa badata baahida ay dadka iyo deegaanada dhibaatadu ka habsatay ay qabaan taageero meel kale laga keenay. Alshabab oo inta ay haysato khatar amni oo ka imaaney xooggaga la dagaalamaaya ayaa waxay qaataan talaabo kasta oo keenaysa inaan dadka baahan wax caawimo la gaarsiin Karin. Arrintaan ayaa waxay keentaa barakac iyo qaxootimo. Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa abaartii dhacday sanadkii 2011, xilligaas oo dad badan oo ku noolaa gobolada koonfureed ay u barakaceen xeryaha qaxootiga ee dhinaca Kenya iyo Ethiopia ku yaalo….la soco qeybta xigta oo ku saabsan qaswadeyaal iyo danleey, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Popular Contributors