-
Content Count
206,923 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxa xukuumada Gal-Mudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay in uu soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Xaaf. Sh Shaaakir ayaa sheegay in aanay jirin xiligaan qilaaf u dhaxeeyo madaxda Gal-Mudug isaga oo sheegay in madaxda Gal-Mudug ay tahay mid mideeysan. Waxa uu sheegay in uu ku dhaqmayo heshiiskii Ahlusunno iyo Gal-Mudug ay ku saxiixdeen magaalada Djabuuti ee caasimada dalka Djabuuti. Tan iyo markii Madaxda Xukuumada Gal-Mudug uu soo saaray warqad uu ku soo dhoweeynayo shirkii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo waxaa soo ifbaxayay qilaaf la sheegay in uu soo kala dhaxgalay. Hoos ka Dhageeyso codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Shaakir.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxa Xukuumada Gal-Mudug ” Majiro Khilaaf madaxda Gal-Mudug u dhaxeeyo” appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online)– Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey illaa seddex qosob oo xasaasi ah. Guddiga ayaa soo saaray shuruudo horudhac ah oo la xiriira doorashada madaxtnimada ee la qorsheeyey in 17-ka bishan ay ka dhacdo magaalada Baydhaba. Guddiga ayaa maanta si cad u sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara. Waxaa kale oo ay guddigu ay sheegeen in qofka noqonaya madaxweynaha Koonfur Galbeed ay qasab tahay uu helo codad gaaraya (Saddex meelood labo meel), 2/3, tirada Xildhibaannada Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa Musharrax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ka dalbaday in uu soo gudbiyo warqadaha is casilaadda xilka wasiirnimo uu ka hayo dowladda federaalka ah. Hadalka kasoo baxay guddiga doorashada ayaa meesha ka saaraya isku daygii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doneysay inay uga hor-tagto musharaxnimada Mukhtaar Roobow. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Afar maalin ka hor ciidamada Midowga Yurub ay qarxiyeen dooni mareysay inta u dhaxeya Xarardheere iyo Degmada Hobyo, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Milkiilahii doontaasi. Maxamuud Abuukar Xasan oo ah Ganacsade Soomaaliyeed, ayaa sheegay inuu yahay milkiilaha doonida ay qarxiyeen ciidamada la dagaalanka kooxaha Burcad badeeda ee Midowga Yurub. Maxamuud Abuukar, ayaa warbaahinta u sheegay in doonidaasi ay ku xirneyd dekad Macmal ah oo ku taala duleedka degmada Hobyo ee gobolka Mudug, kadibna ay burburiyeen ciidamada Midowga Yurub. Midowga Yurub waxay sheegeen in doonidaasi ay aheyd mid ay lahaayeen kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, ayna ka hortageen in maraakiibta ganacsiga lagu dhibaateeyo. “Doon aan leeyahay oo kuwa waaweyn ah ayaa waxaa afar habeen ka hor waxaa Marsada Faax oo u dhow Hobyo, noogu yimid diyaarado iyo doomo, leyr ayay nagu daareen, kadib qoryo ayay nagu qabteen, kadib doonta ayay fuuleen weyna baareen, sababtana nooma sheegin, kadib shaqaalaha ayay baareen” “Kadib waxay dhaheen doonta waan ka shakinay, weyna qarxiyeen waxayna sheegeen inay doon burcad badeed qarxiyeen, taasina waa been anigaa ahaa milkiilaha doonta”ayuu yiri Maxamuud Abuukar. Hoos u dhac weyn ayaa ka jira weerarada ay geysan jireen kooxaha Burcad badeeda Soomaalida tan iyo sanadkii 2012, waxaase wali xeebaha dalka Soomaaliya ku sugan ciidamada ka socdo dalal dhowr ah oo la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay Wadada Maka almukarama ee magaalada Muqdisho. Wararka horudhaca ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari la dhigay wadada, gaar ahaan intabu dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Sayidka. Qof goobjooge ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo ah nuuca Soomaalida u taqaano gaari qooqan. Illaa iyo hadda si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo xilli hore ay tahay. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo xiray wadada sida dad goobjoog ay sheegayaan. Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku qulqulaya goobta qaraxu uu ka dhacay si ay ugu gurmadaan dhibbanayaasha. Wadada Maka almukarama ayaa ah kan ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxaa wadada adeegsada mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shacabka, waxaana wadadaas caan ku tahay ganacsiga. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Michael Keating ayaa loo magacaabay maamulka machad Yurub ah oo ka shaqeeya arrimaha nabadda. Michael Keating oo shaqada la wareegi-doona 5ta November 2018, waxaa uu badalayaa Mr. Martin Griffiths. The European Institute of Peace(EIP) waa machad nabadda ka shaqeeya oo ku yaallo magaalada Brussels, shaqaalaha joogtada ah waxaa ay gaarayaan 31 qof, miisaaniyadiisa waa 9 Milyan oo euros. Machadka waxaa uu la sheeqeeyaa xukuumadaha, bulshada rayidka, waxaa ay olog yihiin midowga Yurub iyo dalalka Yurub, waxaa uu dhiirigeliyaa wada hadallada aan tooska aheyn, waxaa ay sidoo kale faraha la galaan xalinta khilaafaadka iyo dhexdhexaadintooda. 2026- ilaa September 2018, Michael Keating waxaa uu ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya, isaga oo muddada uu joogay wax badan ka qabtay arrimaha Soomaaliya. Inta aanu Soomaaliya iman, waxaa uu UNKa kala soo shaqeeyay Kabul, Lilongwe, Jerusalem, New York iyo Geneva. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Aroornimadii hore ee Subaxdii Axadda Nofembay 1, 2015, rag hubeysan ayaa weerar toos ah ku galay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Weerarka tooska waxaa ka horeeyay baabuur lagu qarxiyey albaabka hotelka iyo mid ka dambeeyay oo meel aan albaabka ka fogeyn lagu qarxiyey. Weerarka oo qaatay ku dhowaad maalin ayaa ugu dambeyntii saraakiisha amniga ee Dowladda ku dhawaaqeen in la soo afjaray lana dilay kooxdii hubeysneyd ee weerartay hotelka oo tiradooda 5 lagu sheegay. Weerarkaasi oo ka mid ahaa weeraradii hotelada badan lagu qaaday, dad badanna ku dhinteen, waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Dad ka badan 20 ayaa la xaqiijiyey inay weerarkaasi ku dhinteen. Waxaa ka mid ahaa AUN Jeneral Cabdikariim Dhegabadan oo horey xilka Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka u soo noqday. Waxaan si gaar ah u xusuustaa sawirqaade Mustaf Shafaana oo la shaqeynayey Al-Jazeera TV iyo idaacadda Shabeelle oo qaraxa baabuurkii labaad ku geeriyooday. Jeneraal Dhagabadab ayaa ka hor inta aysan dilin kooxdii Hotelka weerartay waxa uu si adag ula dagaalamay raggaasi hubaysan isaga oo qori ak47 ah kula dagaalaamay, balse markii dambe rasaasta ay ka dhamaatay. Isbitaalka Madiina oo markaa dhaawaca ugu badan la geeyay waxay sheegeen 27 dhaawac ah gelinkii hore ee maalinta. Mulkiilihii hotelka Cabdirashiid Ilqeyte iyo ugu yaraan hal xildhibaan ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkaasi. W/Q: Abdalle Ahmed Mumin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii madaxda maamul goboleedyada ay shirkii ay ugu yeertay kaga qeyb gali lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana dadaaladaasi kusoo biiray QM iyo Midowga Africa. Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in halkaasi ay kulan ku yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali. Kulankaasi ayaa waxay inta badan diiradda ku saareen sidii Xaaf u aqbali lahaa inuu ka qeyb galo shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday maamul goboleedyada iyo sidii labadooda ay shirkaasi kaga qeyb gali lahaayeen. Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Xaaf uu aqbalay ka qeyb galka shirka Muqdisho, labadoodana ay imaan doonaan magaalada Muqdisho, balse waxaa jiro arrimo u baahan in xal laga gaaro. Haddii labada masuul ay ka qeyb galaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee dhexmaraya dowladda iyo maamul goboleedyada, waxaa xal laga gaari doonaa madaxweynaha lagu doortay magaalada Cadaado iyo Guddoonka baarlamaanka ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb, iyadoo labadoodaba ay dadkooda dhinac ka raaci doonaan. Waxaa muuqaneyso in markii seddexaad heshiis ay gaari doonan guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isku dhinac ah iyo madaxweyne Xaaf oo marar badan is qabtay lana heshiisiiyay. Beesha Caalamka ayaa la kulantay madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, kuwaasi oo dhamaantood laga doonayo inay ka qeyb galaan shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Wax garad garaaya illaa 30 oo iskugu jira cuqaal, ganacsato iyo siyaasiyiin uuna hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamida isimada ugu magaca dheer Soomaaliya ayaa u ambabaxay degaanka Dhumay ee Gobalka Sool oo ay dhawaan ku dagaalameen labba beellood oo walaalo ah. Waftigan ballaaran ee uu hogaaminaayo Islaan Ciise ayey wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST sheegayaan inay halkaas u aadeen sidii ay u dhex geli lahaayeen beellahan walaalaha ee isku hor fadhiya degaamadii ay dhawaan dagaallada dadka badan ku dhunteen ka dhaceen. Ergadan ka ambabaxday Gobalka Nugaal ayaa lagu wadaa inay kulamo deg-dega la yeeshaan beelLaha isku horfadhiya degamadaas si loo baajiyo in mar kale uu dhiig daato, waxaana la rajaynaayaa inay xal wanaagsan ka garaan collaadan soo noq-noqtay inta ay ku sugan yihiin Gobalka Sool. Dhawaan ayey ahayd markii ay dagaalo kharaar oo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof ay labadaas beellood ku dhex mareen degaanka Dhumay ee gobalka Sool waana markii ugu horaysay oo wafti noocaana uu gaaro degaanka ay collaadu ka dhacday tan iyo markii ay dagaaladani dhaceen si loo baajiyo in mar kale dhiig daato. PUNTLAND POST The post Wax garad uu hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo u ambabaxay degaanka Dhumay Gobalka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray wafdi ka socday Q.Midoobe iyo Ururka Midowga Afrika, Wafdigan caalamiga ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii uu u indha indheyn lahaa qaabka ay u socoto qaban qaabada doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed. Nicholas Haysom oo ay Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa kulan albaabadu u xiranyihiin laqaatay dhammaan musharrixiinta utaagan xilka madaxweynaha Koonfur galbeed waxaana kamid ahaa Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur. Wafdiga ka socday caalamka ayaa si rasmi ah u aqbalay musharaxnimada Mukhtaar Rooboow oo dowladda Federaalka ay horay uga joojisay in uu tartanka ka qeyb galo sida ay sheegayaan siyaasiyiin ku sugan magaalada Baydhabo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Rooboow uu kulamo laqaatay Nicholas Haysom uuna uballan qaaday in uu la shaqeyn doono haddii uu kusoo baxo xilka madaxtinimada Koonfur galbeed. Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in qaar kamid ah hay’ada Q.Midoobe ay gadaal ka riixayaan musharaxnimada Rooboow waxaana jira xifaaltan dhanka siyaasadda oo uu Afhayeenkii hore ee Al Shabaab kala kulmayo siyaasiyiin deegaanka ah oo ay wadato DF-ka. Doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed ayaa lafilayaa in ay qabsoonto 17,Novembar 2018 oo ay naga xigto 16 maalmood. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuusan Roobow doorashadaas ka qeybgeli karin iyadoo fulineyso heshiisyo caalami ah oo ay gashay. Dowladda Soomaaliya oo dhawaan Magaalada Baydhabo kula kulantay Roobow ayaa lasoo sheegayaa inay go’aankeeda ka laabatay inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin. Roobow Abuu Mansuur ayaa wado loolan adag oo dhanka Doorashada ah, wuxuuna ku jiraa Liiska Musharixiinta loo saadaalinayo inay xilkaas qaban doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Aweys Cali Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay iyagoo dhac u geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Cabdi-caziiz ee gobalka Banaadir. Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyara ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolal maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan, waxa ay sidoo kale dhac u geysteen gabar wadatay Teleefanada gacanta iyadoo u adeeg doona-neysay suuqa. Dadka ay dhaceen waxaa sidoo kale kamid ahaa laba wiil oo xeebta liido ka baadi goobayay meyd qof ka maqan oo ay weysanaayeen kuwaasi oo ay ka qaateen laba teleefoon oo ay wateen. sidoo kale waxa ay isla xilligaas dhac u geysteen mid kamid ah ciidamada amniga oo xilligaas u socday shaqadiisa amniga balse aan hub wadan iyo dharka ciidamada, waxa ayna taasi dhalisay in uu baadi goob u galo kuwii dhaca u geystay oo uu kula kulmay iyagoo joogo xeebta liido. Hey’adaha dambi baarista ayaa eedeysanayaasha ku soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada kadib markii ay kala wareegeen Saldhiga Boliiska degmada Cabdi-caziiz, waxa uuna xafiiska weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo labada eedeysane xabsiga dhexe si gar-suge ahaan ah 13-ka bishii sagaalaad. Baaritaana dheer oo xafiisku sameeyay ayay ku ogaadeen In labada eedeysane ay horay u galaan dambiya kala duwan, waxaana horey ugu dhacay xukunno iyagoo midi maqana yahay xilligaas. Aweys ayaa sheegay in uu dil geystay balse ay si gaar ah u macaamileen reerihii dhibka kala dhexeeyay falkaasi oo ka dhacay degmada Kaaran halka Ayaanle lala soo qabtay afar eedeysane oo ay kuwada eedeysanaayeen dil balse loo qeybiyay in ay bixiyaan magta marxuumkii geeriyooday ayay horey Maxkamadda ugu xukuntay. 22-ka bishan ayay Codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada in la muddeeyo dacwad qaadista labada eedeysane oo ay sheegeen in ay ku filantahay caddeymaha ay uhayaan kiiska. Garsoorayaasha ayaa aqbalay soo jeedinta xeer ilaalinta, waxaa loo ballamay in la isugu yimaado Maxkamadda 25-kii bishan, waxa la dhageystay dhinacyada dacwadda sida xeer ilaalinta iyo Qareenada u doodayay labada eedeysane. Xeer ilaalinta ayaa fadhiga Maxkamadda hor-keenay afar dhibane oo loo siiyay fursad in ay ka hadlaan goobta, qaar kamid ah agabkii ay dhaceen labada eedeysane oo laga helay xaafad ay ku keydsadeen oo ku taal degmada Kaaraan, baarihii kiiska iyo qiraalka eedeysanayaasha iyo hubkii ay dhacca ku geysteen, halka Qareenada ay ku doodeen in loo fududeeyo loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo, waxa ay sidoo kale weydiisteen in Maxkamadda aysan u fiirin dambiyadii ay horey u galeen maadaama aan hada loo fadhin dacwadooda . Garsoorayaasha ayaa la tashi dhexdooda ah kadib go’aan ku gaaray Aweys Cali Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa. Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online)-Wakiilada Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday kulamo ay la qaadanayaan madaxda maamul goboleedyada oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya. Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle oo heshiis la ah dowladda Soomaaliya, madaxweynaha Jubbaland oo mucaarad ah iyo madaxweynaha Koofur Galbeed. Arrinta keentay khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa waxay tahay kadib markii la isku fahmi waayay siyaasadda maamulka dhaqaalaha caalamka ay bixiyaan iyo cunaqabateynta maamulada laga saaray xiriirkoodii dalalka deriska la ah Somalia. Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/Welli Gaas waxaa heysta Culeesyo kaga imaanayaan doorashooyinkooda isku xig xiga ee dhacaya bilaha soo socdo, waxaana masuul kastaa uu doonayaa inuu dagaal u galo soo laabashadiisa. Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ayaa u muuqdo kuwo aqbalay wadahal ay la galaan dowladda Soomaaliya, kadib balanqaadyo loo sameeyay, waxaana aad looga baqayaa culeeska siyaasadeed ee Shariif Xasan Heysta inuu sababo inuu xilkiisa waayo. Axmed Madoobe ayaa u muuqdo mid rajo weyn ka qabo inuu soo laabto, sababtoo ah waxaa jiro Hanjabaado wasiirkiisa amniga uu jeediyay Shalay, taasi oo si cad u muujisay in marnaba aysan aqbaleyn shaqsi dhaqaalo lagu bixiyo inuu ka tartamo magaalada Kismaayo. C/Welli Gaas ayaa heysta Fursad u horseedi karta inuu dib usoo laabto, taasi oo ah inuu saaxiib dhow ka dhigto hogaanka sare ee dalka, maadaama marar badana arrimo siyaasadeed ay isku qabteen. Culeesyada Gaas ka heysto madaxweyne ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidamada iyo fulin la’aanta balanqaayadii uu sameeyay ka hor doorashadiisii ayaa horseedi kara in musharixiin kale uu culees kala kulmo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo xog ogaal ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in kulan gaar ah uu xalay dhex maray guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaanada Koofur Galbeed oo shalay kusoo laabtay magaalada Muqdisho. Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Koofur Galbeed iyo doorashada maalmo kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xildhibaanada ayaa Guddoomiye Maxamed Mursal C/raxmaan u gudbiyay xaaladda ka taagan magaalada Baydhabo iyo rajada ay ka qabaan doorasho nadiif ah oo ka dhacda magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaanada Koofur Galbeed kula dardaarmay inay doortaan ruuxa ay u arkaan inuu u wanaagsan yahay shacabka deegaanada Koofur Galbeed oo aysan dantooda kaliya eegan. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa dareemaya culees siyaasadeed oo kaga imaanaya dowladda Soomaaliya, waxaana magaalada Baydhabo ku sugan musharixiin la tuhunsan yahay inay taageero dhaqaalo ka helayaan dowladda Somalia. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa la adkeeyay waxaana maalmo kadib la filayaa inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha, haddii aan wax laga badalin qorshaha doorashada Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
OTTAWA (HOL) – The United Nations High Commission for refugees is seeking a greater global commitment in helping educate over a million children living in refugee camps in the horn of Africa who are out of school to help them build them a better future, it’s envoy for the region said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
Puntland Post-Madaxweynaha dawlada Soomaaliya ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay kula la qaataya jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Jubba ee Caasimadda Suudaanta Koonfureed ayaa eed dhusha uga tuuraya Madaxda Maamulgobaleedyada Soomaliya. Farmaajo waxaa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha maamulada ay ku fashilmeen in adeegyadda muhiimka ah ay buslahadooda ay garsiyaan taa badalkeedana ay ka dhigteen in ay ku mashquulan Siyaasada arimaha dibada ay hor boodan. Waxaa uu sidoo kale xusay in Madaxweynayaasha maamulada sidiiso kale ay doonayaan in ay la kulmaan Madaxda Caalamka ,taasina aysan aheyn muhiim . Cabdiqani Boos Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo dhaliilay Madaxda dowlad goboleedyadda dalka. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan, waxa uu soo hadal qaaday arrimo ku aadan maamul goboleedyada, isaga oo sheegay hadal ay maamullada kaga sii fogaan karaan dowladda federaalka. Ugu horreyn Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maamullada waajib ka saaran yahay wax u qabashada dadka ku dhaqan deegaannada maamul walbo uu ka taliyo. “Maamul goboleedka waxaa u soo haray in addeeggii ay gaarsiiyaan, haddii ay tahay waxbarasho, haddii ay tahay caafimaad, in dadka ay mas’uulka u yihiin ka warqabaan iyo haday tahay ceelal inay u sameeyaan iyo canshuuraha inay uruuriyaan, anigu waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ah ee dunida ka jira waa noocaas” Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in maamul goboleedyada doonayaan iney badiyaan socdaalka arrimaha dibadda oo ay la fariistaan madax kala duwan. “Laakin maamul goboleedka haddii uu yiraahdo siyaasad arrimo dibadeed ayaan leeyahay oo gaar ah oo waxaan rabaa socodka inaan badiyo oo meelo badan tagtago, su’aasha taalla waxay tahay haddii aad la fariisato madaxweyne Salva Kiir adiga iyo Salva Kiir maxaa idin ka dhaxeeya?.maxaad kala saxiixan kartaan?..ileen adigu dowlad goboleed baad tahaye, marka haddii aad soo raadsato Salva Kiir iyo madaxweynayaasha gobolka ama Ra’iisul wasaarayaasha waxaad muujineysaa dalkaaga inuu kala daadsan yahay, dalkaaga inuu fowdo yahay”. Hadalka madaxweyne Farmnaajo ayaa imaanaya xilli uu jiro khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale dowlad goboleedyada. Dhowaan ayeey ahayd markii madaxweynaha uu ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada iney yimaadaan Muqdisho si loo xaliyo tabashadooda. Halkaan hoose ka dhageyso codka madaxweynaha https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Farmaajo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaya kulamo kala duwan oo ay leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka maamulkaasi, siyaasiyiin iyo sidoo kale kulamo kale oo ay leeyihiin guddiga doorashada madaxweynaha K/galbeed. Maanta ayaa lagu wadaa in magaaladaasi ay ku kulmaan xubnaha guddiga doorashada oo ka hadli doona arrimo doorashooyinka quseeya. Guddigan ayaa isla meel dhigi doona arrinta ku aadan shuruudaha xubnaha musharraxiinta u ah doorashada madaxweynaha K/galbeed. Waxaa jirta walaac ay maalmahan dambe qabeen qaar ka mid ah musharraxiinta isu soo taagay xilka madaxweynaha K/galbeed, kadib markii la sheegay in Baydhabo gaareen musharraxiin ay taageereyso dowladda federaalka Soomaaliya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay garwadeen ka ahaayeen. Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ahaa Madaxweynayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koonfurta Suudaan, kaas oo looga gol lahaa xal u helista khilaafka dalkaas. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabbaal degayo heshiiskii nabadeed ee la gaaray ayaa xusay dhibaatada dagaalka sokeeye, isaga oo si faahfaahsan uga sheekeeyey burburka Soomaaliya ka soo gaaray iyo sida ay haatan shacabka Soomaaliyeed uga soo kabanayaan. Madaxweynaha ayaa dul istaagay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku salaysan daris-wanaagga iyo in ay dadaal ku bixiso nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Madaxda dalka Koonfurta Suudaan in ay ilaashadan heshiiskan nabadeed, kana shaqeeyaan sidii ay uga miradhalin lahaayeen himilooyinka shacabkooda. Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku lahayd xal u helista colaadaha sokeeye ee dalkaas. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gaaray magaalada Jubba ee caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka qayb galay munaasabad loogu dabbaaldegayo heshiiska nabadeed ee dalkaas oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay garwadeen ka ahaayeen. Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ahaa Madaxweynayaashii markhaatiga ka ahaa heshiiskii nabadeed ee bishii September magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dhinacyada Koonfurta Suudaan, kaas oo looga gol lahaa xal u helista khilaafka dalkaas. Madaxweynaha Soomaaliya oo hadal ka jeediyey munaasabadda loogu dabbaal degayo heshiiskii nabadeed ee la gaaray ayaa xusay dhibaatada dagaalka sokeeye, isaga oo si faahfaahsan uga sheekeeyey burburka Soomaaliya ka soo gaaray iyo sida ay haatan shacabka Soomaaliyeed uga soo kabanayaan. Madaxweynaha ayaa dul istaagay aragtida Soomaaliya ee ku salaysan daris-wanaagga iyo in ay dadaal ku bixiso nabadeynta Gobolka Geeska Afrika, si loo xoojiyo iskaashiga, wax-wada-qabsiga iyo horumarka shucuubta walaalaha ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Madaxda dalka Koonfurta Suudaan in ay ilaashadan heshiiskan nabadeed, kana shaqeeyaan sidii ay uga miradhalin lahaayeen himilooyinka shacabkooda. Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan munaasabaddan waxa ay u soo dirtay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loo xuso doorka dibloomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku lahayd xal u helista colaadaha sokeeye ee dalkaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo ka qayb galay dhammaystirka Heshiiska Nabadda K Suudaan appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howlgallo ballaaran ka sameeyeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Howlgalkaan ayaa ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayey, waxaana horkacayey mas’uuliyiin sare oo maamulka gobolka Banaadir ah. Ulajeedka howlgalkaan ayaa ahaa sidii loo sugi lahaa meelaha laga soo galo magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ay baarayeen gaadiidka iyo sidoo kale dadweynaha. Lama soo sheegin weli cid ay ciidanka DFS ku qabteen howlgalkaan, hase ahaatee ciidanka DFS ayaa wadey howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wefdigii Beesha Caalamka ee Khamiista maanta ah imaan lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa dib u dhacay ilaa Sabtida,sida ay xaqiijiyeen ilo xog’ogaal ah. Wefdiga ay hoggaaminayam wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya Francisco Madiera ayaa sida warar ku sheegayan hadda lqgu qanciyay in ay ku hormaraan dhinaca Galmudug oo ay awal diiddanaayeen. Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ee ay hormuudka u yihiin Haysom iyo Madiera ayaa awal diiddanaa in ay la kulman dhinacyada isku’ hayaa dowlad goboleedka Galmudug,maadaama dhinac walba sheeganayo in isagu uu Galmudug metalo. Hase yeeshee wefdiga ayaa markii dambe ku qancay in ay Galmudug u safraan,waxaana la filaya in ay kulamo kala duwan la yeeshaan dhinacyada halkaasi isku’ khilaafsan ay kala soo hadlaan xali u helidda khilaafka dhexdooda ah iyo kan Federaalka labadaba. Dhinaca kale xubnahaasi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee ay hoggaaminayan wakiilada u qaabilsan Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay Sabtida soo gaaran magaalada Garoowe. Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Garoowe ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in socdaalka wefdiga Beesha Caalamku ay Garoowe ku imaanayan uu salka ku hayo xal u helidda khilaafka u dhexeeya xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo golaha iskaashiga dowlad goboledyada. Wefdiga ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaadan doona madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda,waxaana inta badan kulankaasi diiradda lagu saaraya xal u helista khilaafka Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada. Sidoo kale qodobada la isla’ soo qaadi doono ayaa waxaa kamid ah arrimaha doorashooyinka ku soo wajahan Puntland,xidhiidhka Puntland iyo Beesha Caalamka iyo qodoba kale. PUNTLAND POST The post Socdaalkii wefdiga Beesha Caalamka ee Puntland oo dib u dhacay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo boqolaal Jaaliyadda Soomaaliyeed kula hadlayay magaalada Jubba ayaa sheegay waxyaabaha ugu weyn ee ay isku qabteen maamulada dalka. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in maamulada dalka ay doonayaan inay iyaga yeeshaan siyaasad arrimo dibadeed oo u gaar ah, taasina aysan aheyn wax soconaya maadaama dastuurka uusan u ogolaaneyn. Sidoo kale wuxuu sheegay in marka laga hadlayo nidaamka saxda ah ee Federaalka marnaba aysan suuro gal aheyn in siyaasad arrimo dibadeed ay yeeshaan mamul goboleedyada oo shaqooyin kale ay u yaalaan. “Dowlad goboleedyada waxaa laga doonayaa inay adeegyada hoose dadweynaha gaarsiiyaan, waxaa usoo haray inay canshuuraha arruuriyaan, waxbarashada ka shaqeeyaan iyo arimaha kale, waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ee saxda ah”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi, ayaa sheegay in marka maamulada ay ku fakaraan inay sameeyaan siyaasad arrimo dibadeed oo u gaar ah, inay la micno tahay inay doonayaan in socdaalka badiyaan, sida uu hadalka u dhigay. “Laakiin maamul goboleedka hadduu yiraahdo siyaasad arrimo dibadeed ayaan leeyahay oo gaar ah, taasi macnaheeda waxa waaye waxaan doonayaa socodka inaan badiyo oo meelo badan tago ayey rabaan, Waxaan ka wadaa haddii madaxweyne Dowlad goboleed uu la kulmo Salva Kiir, maxaa ka dhaxeeyo , ileen adigu dowlad goboleed ayaa tahaye”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Waxaa jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana hadda Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ay wadaan dadaalo ay ku xalinayaan khilaafkaasi. Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Cod-Farmaajo.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors