Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,923
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Istanbul (Caasimada Online) – Masuuliyiinta dowladda Turkey ayaa baaraya suurta galnimada in meydka Wariye Jamaal Khaashuqji lagu burburiyay Aashito, kadib markii lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, sida Wargeyska Washington Post uu daabacay. Saraakiil sar sare oo ka tirsan Turkiga ayaa wargeyska u sheegay in Cadeymo ay ka heleen beerta ku taala banaanka Qunsuluyadda ay ka taageertay inay ogaadaan in meydka Jamaal la dhigay meel u dhow halka lagu dilay, kadibna aan la aasin oo lagu baabi’iyay aashito. Markii ugu dambeysay ee la arkay Jamaal waxay aheyd 2 October xiligaasi oo uu galayay qunsuliyadda, balse masuuluyiinta Sacuudiga ayaa qiray in Jamaal uu u dhintay murun dhexmaray isaga iyo shaqaalaha, walow markii dambe Turkiga uu xogo kale banaanka keenay. Ilaa iyo hadda lama helin meyd wariyaha oo muddo bil ah la weysan yahay. Dacwad oogaha Turkiga Irfan Fidan ayaa Arbacadii shaaciyay sharaxaad ku aadan waxa baarayasha dambigaasi ka aamisan yihiin waxii ku dhacayKhaashuqji, waxaana la aamisan yahay in wariyaha la ceejiyay markii uu qunsuliyadda galay, iyadoo qorshaha uu ahaa mid horey loosii diyaariyay. Dilka Wariyaha u dhashay Sacuudiga ayaa dhaliyay walaaca caalami ah, waxaana uu aad u dhaleeceyn jiray wariyaha xukunta boqortooyada Sacuudiga. Marka hore Sacuudiga ayaa sheegay in Wariyaha uu kabaxay albaabka dambe ee qunsuliyadda, waxaana 19 bishii October ay Sheegeen war kaasi ka duwan oo ahaa inuu ku dhintay gudaha Qunsuliyadda. Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee CIA Gina Haspel ayaa u safray Turkey todobaadkii hore si uu dib ugu eego cadeymaha kiiskaasi la xiriira, waxaana uu xog ka siiyay madaxweyne Trump, waxaana aqalka cad uu shaaciyay in la sugayo Jawaabta Trump Isniinta uu ka bixiyo Kiiskaasi. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@lice.com
  2. Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheikh Aadan, uu luminayo kalsoonida xildhibaanada Koofur Galbeed. Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii sida xogta aan ku heleyno madaxweyne Shariif Xasan uu ku amray xildhibaanada Koofur Galbeed inaysan la kulmi karin musharixiinta kale ee ku sugan magaalada Baydhabo. Xildhibaanadan ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana taasi ay dhalisay in Shariif Xasan uu Dareemo in culees uu kaga yimaado musharixiinta uu la tartamayo. Xildhibaanada Qaarkood ayaa diiday amarka madaxweyne Shariif Xasan, waxaana 15 kamid ah ay yimaadeen magaalada Muqdisho si ay wadatashi ula sameeyaan xildhibaanada Federalka ee kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed. Xildhibaano badan ayaa ku mideysan in markale aysan dib usoo dooran madaxweyne Shariif Xasan, laakiin waxaa Shariifka lagu yaqaanaa ciyaarta siyaasadda Somalia, taasi oo markale u sahli karta inuu soo laabto. Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan Musharixiin badan oo dooneysa inay ka guuleystaan Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana fursadda cidda noqoneyso madaxweynaha Koofur Galbeed ay hortaalaa xildhibaanada Koofur Galbeed. Habeen Hore ayaa madaxweyne Shariif Xasan oo dareemay culees waxaa uu badalaad ku sameeyay dhamaan ciidamadii ka howlgalayay madaxtooyada, waxaana uu ku badalay ciidamo ay isku heyb yihiin. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib Khilaaf xoogan oo shalay ka dhashay shaqo joojin lagu sameeyay duqa degmada Beledweyne, ayaa waxaa arintaasi soo kala dhex galay wasiirka arrimaha gudaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle. Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo saaray warsaxaafadeed ayaa xilka ka qaaday duqii degmada Beledweyne oo shalay sheegay in weerar lagu qaaday xafiiskiisa. Wareegto kasoo baxaday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha ee DG HirShabeelle Waxaa Xilkii looga qaaday Duqii Degmada Baladweyne, Waxaana Xilkaas loo Magacaabay Md Khadar Xasan Afrax. Duqa Degmada Beledweyne Cali C/qaadir Faarax, ayaa ka carooday kadib markii shalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu ku eedeeyay inuu lunsaday Hanti dadweyne, waxaana uu isaga oo saxaafadda la hadlayay uu sheegay in madaxda Hirshabeelle looga baahan inay arinta ka hadlaan.
  4. Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan. Faragelin Shisheeye Tan iyo xiligii uu dhacay dagaalkii 1977dii ee dhex maray dowladdii Soomaaliya Iyo Ethiopia, waxaa dalka maalinba maalinta ka dambeeysa ku sii badanaayey faragelin kaga imaanayso dalal shisheeye ee doonaaya inay saameyn ku yeeshaan arrimaha aminga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo bulshada. Si dalkasta u gaaro danta iyo ujeedada uu leeyahay, wuxuu sameysta saaxiibbo soomaali ah oo u fuliya danahooda iyo istaraatiijadooda. Faragelinta dalalka shisheeye waxay qeybta ugu weyn ka ahayd burburintii dowladnimada iyo soo bixitaankii hogaamiye kooxyadii iyo ururo diineedyo kala dhantaalay manhajkii Shaaficiyada ee dadka soomaaliyeed haysteen. Haddaba iyadoo la wada ogsoon yahay dhibaatooyinka faragelinta shisheeye u geysteen nabadda iyo dowladnimada soomaaliya, waxaan halkaan si kooban ku soo bandhigeynaa qaar ka mid ah saameeyntii ay ku yeesheen degenaansha iyo dib yagleelidda dowladnimada. Burburin iyo Iska Horkeenid: faragelinta shisheeye waxay keentay in ay soo ay ifbaxaan ururro beeledyo hubeysan oo aan lahayn wax hadaf iyo himillo dowladnimo ah. Si loo burburiyo shacabka soomaaliyeed ee isku isirka, diinta, luuqada iyo inta badan dhaqanka ah, waxay faragelinta shisheeye keentay in beel-beel iyo jilib-jilib laysaga horkeeno dadkii walaalaha ahaa ee danta iyo deegaanku ka dhexeeysay. Arrintaan ayaa keentay fowdo iyo sharci la’aam ku baahday dhamaan dalka iyo in qabyaaladdu gashay meelkasta oo noloshada bulshada ah. Waxaan qofkasta qasab ku noqotay inuu qabiil iyo qabyaalad maciin bido, taasoo meeshii ka saartay dowladnimadii, kala dambeyntii iyo asluubtii bulshada. Dhibaatadaan ayaa waxay keentay cuqdad iyo kala aamin bax soo kala dhexgalay shacabka iyo beelaha soomaaliyeed, waana mid ka mid caqabadaha ugu waa weyn ay dowladda soomaaliyeed manta wajahayso. Qab-qable Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay inay soo baxaan qab-qableyaal arxan laaweyaal ah, kuwaasoo midkasta uu doonaayey inuu awood helo si uu dalka madax ugu noqdo. Qab-qableyaalkii waxay dalka ka dhigeen meel galgalin ah oo aaney ka jirin wax nabad iyo nolol ah. Faragelinta shisheeye waxay keentay in qab-qableyaalkii lagu marti-qaado shirar aan waxba ka soo baxayn, iyadoo shir kasta uu dhali jiray qab-qableyaal hor leh oo taageerro ka helaayo dowlado iyo shirkado shisheeye. Dowladdii ku-meel gaar ahayd ee lagu soo dhisay magaaladda Carta ee dalka Jabuuti oo ahayd dowladdii ugu wanaagsaneyd ee ay ku jireen dadkii ugu aqoonta, waayo-aragnimada iyo wadaniyadda wanaagsanaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed aad u taageersanaayeen, waxaa hor-istaagay qab-qableyaal u adeegaya dowlado iyo dano shisheeye. Federaal Beeleedyo: faragelinta shisheeye waxay keentay in dadka soomaaliyeed loo yeeriyo nooca dowladnimo ee ay u baahan yihiin iyadoo aan la tixgelineyn dhaqankooda iyo duruufahood siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale. Waxaa dadka soomaaliyeed lagu sanduleeyey in ay qaataan nidaamka is-maamul goboleed qabiil ku dhisan. Faragelinta shisheeye waxay keentay in la abuuro dowladdo leh madaxweyneyaal, baarlamaan iyo sharci dejin oo ay xukumaan dad uusan dadweynuhu ama shacabku soo dooran. Nidaamkaan ayaa wuxuu sii kordhiyey kala qeybsanaanta dowladda iyo in hogaamiye maamul-beeledyadu ay ku xirnaadaan dowlado shisheeye oo iyaga taladooda qaata. Dowladaha qaar ayaa waxay si aan qarsoodi lahayn u siiyaan Madaxweyne beeleedyada taageerro dhaqaale, mid milateri iyo siyaasadeed, iyagoo is bareer ah u curyaaminaayo in la helo dowlad leh karti iyo awood ay dalka ku samata-bixiso. Boobka Hantida Qaranka: faragelinta shisheeye waxay keentay in hantidii qaranka la boobo loona qaado dalal kale. Waxaa si aan kala har lahayn loo iibsaday ama loo boobay xoolihii iyo duurjoogtii dalka. Waxaa si aan la qiyaasi karin loo boobaa kheyraadka badda ee dalka iyadoo maraakiib waa weyn oo dalal shisheeye calankooda sita ay jillaabtaan wax kasta, taasoo xaalufin ku keentay meelo badan oo ka mid dhul-badeedka dalka. Waxaa kale oo la boobaa macaadinta iyo kheyraadka kale ee dalka. Sidoo kale, waxaa la lunsaday lana dhoofsaday dhaxal-taariikheedkii dalka iyo astaamihii soo yaalka ahaa ee dhaxalka iyo dhigaalka u ahaa ummadda Soomaaliyeed sida taallooyin, buugaag iyo raadad qaddiim ah. Tartan iyo Handadaad: maadaama dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay dhowrka dal ee dunida ugu qanisan marka la eego halku uu juquraafi ahaan aduunka ugu yaalo oo ah meel istaraateji ah iyo khayraadka dihin ee ceegaaga bad iyo beriba, Soomaaliya waxaa la degey tartan iyo loolan ka dhex jira dowladdo iyo shirkado caalami ah. Dowladaha reer galbeedka iyo shirkadahooda waa weyn ayaa inta badan waxay keenaan ama huriyaa colaada iyo khilaafka aan dhamaad lahayn ee dalka ka jirta. Madaxda soomaaliyeed ayaa markasta la kulma handaad iyo cabsi-gelin aan dhamaad lahayn oo ka imaaneysa dowladdo ilaalsanaayo kheyraadka dalka laakiin aan dan iyo muraad ka lahayn xal u helidda dhibaatooyinka burburiyey/hortaagan dowladnimada. Dowladahaan ayaa sheega inay lacago fara badan u bixiyeen wax loogu yeero kaalmo Bani-aadanimo ama humanitarian Aid, taasoo loo dhiibo hay’adaha UNka iyo NGO caalamiga isla markaana aaney ka soo bixin wax la taaban karo. Xaaladdaan ayaa dowladda soomaaliyeed ka dhigtay mid daciif ah oo ku nool gacmo hoorsi. Deegaan iyo Nolol burburin: faragelinta shisheeye waxay keentay in dowladdo iyo shirkado wakiilka ah dowladooda ama kooxo burcad ay dhulka iyo xeebaha dalka ku aasaan sunta nukleerka iyo dareere-warshadeedyada iyadoo aan la tixgelineyn saameeynta caafimaad iyo deegaan ee suntaas ama kiimikadaasi keeni karto. Waxaa kale oo la baabi’iyey bay’addii iyo degaankii iyadoo dhirtii laga shidaayo dhuxul dibedda loo iib geeyo. Gubidda dhirta qaarkeed u baahan yihiin ugu 50 sano si ay u soo baxaan una koraan ayaa waxay keentay xaalufin iyo isbedelku ku miyid cimiladii iyo noloshii xoolaha iyo xoolo-dhaqatada. Saameynta deegaan burburinta ayaa waxay keeni doona dhibaatooyin ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed muddo badan la daalaa dhacdaan, isla markaana caqab ku noqota nolosha jiilashada soo socda…la soco qeybta xigta oo ku saabsan jabhado beeleed, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa go’doon galaya degmada Dalxiiska gobolka Banaadir oo ah degmada CabdiCasiis oo dadweyne badan ay u dalxiis tagaan maalin kastaa xeebteeda Liido. Waxii ka dambeeyay markii dowladda Imaaraatka Carabta ay xarun safaaradeed iyo mid Caafimaad ka furtay kasoo horjeedka saldhiga degmada Cabdi Casiis, waxaa ciriiri noqday wadaddii loo mari jiray degmada Cabdi Casiis. Dadweynaha iyo gadiidka kale ayaa adeegsan jiray wadada hormarta KM0, balse waxii ka dambeeyay markii qarax uu ka dhacay hotelka Dorbin waxaa gabi ahaanba la xeray wadadaasi. Taasi waxay dhalisay in dadweynaha loo ogolaado inay adeegsadaan wadada ka timaada dhanka degmada Shangaani ee hormarta taliska ciidamada Taraafikada, kadibna ku dhacda kaalinta shidaalka ee ku dhow saldhiga degmada CabdiCasiis, halkaasi oo fariisin ciidan laga sameeyay si loogu hubiyo gaadiidka dowladda ee maraya Laamiga KM0. Iyadoo wadadaasi ay dadweynaha ciriiri badan kala kulmi jireen, maadaama loo adeegsanayay Gelid iyo bixid, burbur xooganna uu kamuuqday ayaa haddana roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho, waxay sababeen inay halkaasi biyo badan Fariistaan. Biyaha Roobka ayaa sababay in gaadiidka Bajaajta iyo kuwa dadweynaha ay adeegsan kari waayay, sabab la xiriirta burburka iyo biyaha oo badan oo waxyeelo sababi kara. Waa wadada kaliya ee la adeegsado marka loo socdo xeebta Liido oo aad ka timaada dhanka degmooyinka Shibis, Xamarweyne,Shangaani ilaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Gaadiidka halkaasi isticmaala ee dadweynaha waxaa bil walbaa laga qaadaa Canshuur badan, balse lama oga halka lacagtaasi la marsiiyo. Wadayaasha Gaadiidka Bajaajta ayaa bilaabay iney wareeg dheer usoo maraan xeebta Liido, iyaga oo Marka ay yimaadaan Isgoyska Jubba u leexda dhanka Maanabooliyo, kadibna sii mara Nasiib Buundo iyaga oo kasoo dhacaya dhanka Isgoyska Mirinaayo oo ciidamada Fadhiyo ay dhibaato kale kala kulmaan. Waxaana taasi ay horseeday in dhaqaalaha lagu kordhiyo dadweynaha adeegsanaya Bajaajta. Haddii aan Halka waddo ee dadweynaha u furan si xeebta Liido u gaaraan aan wax laga qaban, waxaa istaagi dooni Gabi ahaanha Dalxiiska Xeebta Liido, Caasimada Online Xafiiska Muqdish Caasimada@live.com
  6. Guddoomiye Axmad Madoobe waxaan rabaa inaan xasuusiyo in Kismaayo ay tahay GAROOB ay soo fureen ama laga fasaqay niman badan iyadoo mid walibana waqti kooban uu la noolaa. Maanta haddii aad adiga reerki la wareegtay marna ha u maleyn inaad weligaa joogi doonto wax kasta ood isku daydo ama xirfad kasta ood adeegsato, waayoo dhashi ay ka tageen kuwi kaa horeeyay ayaa meeshi buuxa si looga takhalusana ma sahlana.Ogaaw wixi aad ismoodo ma ahid wixii laguu maleeyana ma wada ahid, waxaanse kaala tali lahaa in islaweynida aad ka tanasusho aadan adigu is-arag aadna isna-mahadin..aqoontaada ku kororso xikmadi Carabiga ahayd oo dheheysa NINKI ISAGA IS-ARKA IYADOON DADKU ARAG DADKU MA ARKAAN. Dhibaatada maanta idin heysata haddaad tihiin Madaxda Gobollada waa doorashada soo socota oo nin waliba dareemay inuu xaalku ku xun yahay. Arrintina waxay gaartay heer aad dibadda kaalmo ka radsataan, ha ahaadeen dowladaha deriska nala ah iyo beesha caalamka, kaddib markii dadki gobollada degganaa ay idin karaahiyeysteen. Adigana si gaar ah lagu dhaliilay, kaddib markii aad dhirti gobolka oo dhan xaalufisay ood dhuxul ka shidatay, waxayna taasi markhaati ka tahay inaadan gobolkaan wax dan ah aadan ka lahayn nolosha dadka iyo duunyada ku dhaqan midna. Waxaad gaartay cimrigi howl-gebka oo la yiraahdo RETIREMENT AGE xilligaasoo culumada ku takhasustay Cilmi –Nafsiga isku raaceen inuu qofku shaqada ka fadhiisto, haddii aan laga maarminna laga dhigo la-taliye hadba lala tashado marka khibrad iyo waaya-aragnimo loo baahdo. Taasu micnaheeda waxay tahay inuusan qofkaani qaban Karin howl la xariirta go’aan qaadasho iyo fulin amar ama talo ku saleysan masiirka dadka iyo dalka…marna ha u maleyn in haddii aad madaxa madoobeysato in da’adu soo yaraatay. dhibaatada murugta xambaarsan oo culeyska weyn kugu heysa ogaaw waxay horseedaa cimri deg-deg iyo caaqibo xumo kuu horseeda inuu iimaanka kaa baxo ood la mid naqato Shariif xasan iyo C/weli Gaas. Shariif Xasan marna ma aaminsana in ruux aan isaga ahayn uu Koofur-Galbeed Maamule ka naqan karo, haddey dhacdana naftiisa ayaa loo yaabaa!!! Go’aanada aad ku gaarteen Garoowe waxay horseedeen in dadweyinhi gobolllada ku noolaa ay idinka soo horjeestaan. Taasoo laga yaabo inay dalka oo dhan sameyn xun ku yeelato, nabaduna ay faraha ka baxdo haddaan si deg-deg ah looga hortegin . Mid kasta oo idinka mid ah meeshuu tegi lahaa waa soo diyaarsaday haddii Somaliya lagu kala guuro!!!. Ogaada in C/weli Gaas oo kale ay dowladdu soo adeegsan karto, laakin culeyska xilka ay xambaarsan tahay awgii ayaa u diiday inay u dhaqanto sida adinka oo kale oo xilki aad dadka u qaadeen iyo shaarkii masu’uliyada aad geed soo saarteen waan ku soo illawdeen. Nin kasta oo idinka mid ah wuxuu ku jiraa godkiisi aa biyo ugu soo galeen markaasaa la idin siiyay koombo dabada ka duleesha oo la yiri biyaha iska bixiya.Nasiib darro, biyihi waa soo badanaayaan, bal aan sugno meesha ay ku dambeyso!!! Gunaanadka waa “joke” laga sameeyay idinka oo kale: laba nin oo waalan ayaa ka soo baxsaday Isbitaal waxayna soo xadeen baabuur. Iyagoo socda ayaa waxa gacanta u taagay 4 nin oo baabuurti ay wateen ka burburtay…makaaseey soo qaadeen… Xoogaa marki la socday waxay la yaabeen xowliga uu ku socdo babuurka oo ahayd mid waalli ah,markaasey la hadleen midki kale oy dheheen “ u sheeg saaxibkaa xowliga tartiibi dheh” Markassuu u jawaabay “ USSSSS, aamusa shufeerka waa hurdaa ee ha toosinina”!!! W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – 17-November 2014-kii, 396-(Saddex boqo,l lixdan iyo sagaal)-Ergo ayaa codkooda dhiibtay si ay u doortaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u Shararaxnaa Xilka Madaxweynaha Sedex Gobolka ayaa xiligaa helay 373-Cod. Federaaleynta dalka oo curdin ahayd iyo Aragtida Sedexda Gobol oo mucaarado xoogan wajaheysay ayaa loo sababeyay in ergo la soo xulay ay doortaan Madaxweynaha K/Galbeed. Waxa uu ugu horreeyay ee loo baahnaa ayaa ahaa dib-u-heshiisiin, dhameystirka maamulka-oo loo sameeyo baarlamaan iyo gole-fulineed-iyo Amniga oo astaan ay u ahayd caasimadda oo uusan maamulka tegi Karin. Afar sano kadib iyo KGS: Afar Sano oo uu xilka hayay Shariif Xasan Sheekh Aadan, Koonfur Galbeed waxa ay ka mid noqotay Maamul Goboleedyada Dalka kajira,haba taag darnaado maamulka’e waxaa dhismay Baarlamaan ka kooban 149 Xildhibaan, Golihii Wasiirada iyo hay’adaha kala duwan ee Maamulkan, waloow howshii looga baahnaa aysan qabsoomin afartii sano ee ku jaango’nayd Muddo-xileedka Madaxweyne Shariif Xasan. Dadka qaarse waa hubaal inay la dhacsan yihiin hannaanka maamulka hadda, oo aan xiriir la lahayn dowladda dhexe. Si kastase wali dadweynaha codkooda ma dhiibanayaan sabab guud awgeed taasoo ah duruufaha Amniga iyo wadiiqooyinkii wadan lagu gaari lahaa oo aan la soo diyaarin. Maxaa ka socda Baydhaba? Markii Ugu horeysay Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa 17-Bishan November dooran doono Hogaamiyaha Cusub ee K/Galbeed, in kabadan 10 Musharax ayaa ilaa iyo hadda la ogyahay inay u taagan yihiin xilka ugu sarreeya dowlad-goboleedka. Afarta Murshax ee ugu hadalheynta badan ayaa kala ah:- Shariif Xasan Aadan- Madaxweynaha Waqtiga kasii dhamaanayo. Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur- Hoggaamiye ku-xigeenkii Al-shabab. C/casiis Lafta Gareen- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Federalka. Xuseen Cismaan Cismaan- Taliyihii NISA. Loolanka Doorashada Koonfur Galbeed waa mid adag,marka aad si hoose u eegtidna waxaa muuqanaya in tartanka doorashada uu u dhaxeeyo labo garab. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya in uu iska caabiyo Musharixiin la rumeysan yahay in ay baritaareyso ama ay garab taagan tahay Xukuumada Kheyre ayaa xulafo siyaasadeed la noqday Musharixiin saameyn weyn ku leh Koonfur Galbeed. Shariifka ayaa isbaheysi la ah Musharixiin ay kamid yihiin: Mukhtaar Rooboow, Ibraahim Fargeeti, Aadan Saransoor Ibraahim Macalin Nuur iyo kuwo kale. Musharixiinta la aaminsan yahay in ay yihiin garabka gacanta ka helaya Muqdisho: C/casiis lafta gareen. Xuseen Cismaan Xuseen. Aamina Mursal. Hadalheynta shacabka baydhabo ayaa ah in Musharixiintan ay olole adag oo ay lacag culusna wehliso la soo galeen magaalada. Dhaqdhaqaadyada doorashadana wax weyn ayey ka badaleen inkastoo siyaasada Somali lacag qaadashadu ay dhaqan u tahay, hadane rajada Musharixiinta waa boqolkiiba konton iyaga oo cash isticmaalaya ayeysan kalsoonida xildhibaanka lagu qabi karo ahayn mid weyn. kulamo gaar gaar ah ayey la qaateen xildhibaannada, kulankiina lacag badan ayaa lagu bixinayay taasoo ahayd ‘Billow iyo Isbarasho’. Isku-dayga Xukuumada lagu eedeenayo ee faragalinta doorashada hadii ay sax tahay waxaa loo badaniyaa in musharixiinta taageerada Muqdisho heysto ay guuleystaan. Mukhtaar Rooboow: Marka aad baydhabo joogto Mukhtaar Rooboow ayaa ah magaca carrabka dadweynaha ku soo noqnoqanaya, isagoo taageero mug leh ka heysta bulshada. Taageerada Roobow ayaa kaliya lagu mataali karaa mid uu 2009 heystay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee dowladdii KGM ahayd. Mukhtaar oo ay dowladda dhexe mar shaki gelisay sugnaanta murashaxnimadiisa ayaa haddii uu guuleysto la rumeysan yahay inuu wax badan ka qaban doono dhinaca Amniga, wallow uusan waaya-aragnimo siyaasadeed uusan lahayn. Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo: Shariif Xasan Sheekh aadan Hogaamiye mudo siyaasada Somalida ku soo jiray waliba nasiib u hela guusha, iminka waxa uu wajahayaa loollan loo arki karo kii ugu adkaa ee uu abid galo, balse odayaasha iyo xildhibaanada ayaa la aamini karaa in ay jaal la yihiin taas oo iyada keeni karta in mar kale kalsoonida uu helo. Cabdi-casiis Lafta gareen : Oo sannadkan uun ku guuldarreystay kursiga guddoomiyaha golaha shacabka ayaa olelihiisa diiradda ku saaray inuu soo jiito dhallinyarada. Waxaana baraha bulshada lagu arkayay dhallinyaro aad ula dhacsan murashaxan, waxa uu yahay hoggaamiye haddii uu guleysto la aaminsan yahay inuu bah la noqonayo dowladda dhexe. Xuseen Cismaan: Taliyihii hore ee NISA-Hay’adda Sirdoonka iyo Amaanka Qaranka-oo dhawaantan xil culus uga tegay hanashada jagada madaxweynaha ayaa la filayaa inuu isbedel la yimaado. Aamina Mursal: Murashaxa kaliya ee dumarka ah ayaan loo badineyn inay wareegyada dambe soo gaarto, haddiiba ay tartanto, sida laga bartay saaxada siyaasadda Soomaliya oo aysan haweenku xattaa waligood u tartamin xil madaxweyne. Waxa ayse astaan u tahay sida dumarka ugu diyaar garoobeen hoggaaminta wadanka. Si kastaba ha ahaatee, Murashaxa ku guuleysta ayaa wajahaya Caqabado dhowr, waxaana kow ka ah Amni-darrada oo astaan u noqon karta halka maamulkiisa uu ku sii shaqeeyo maadaama magaalo-madaxda oo ah Baraawe uusan wali gaarin oo uu si KMG ah ugu shaqeeyo Baydhaba. Dhisidda kalsoonida shacabka, daadajinta maamulka dowliga ah, hagaajinta adeegyada guud iyo wax-ka-bedelidda xiriirka xun ee kala dhaxeeya dowladda federaalka ayaa ah guulaha loo baahan yahay. W/Q: Saleymaan Raage
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya xeebaha magaalada Berbera ayaa sheegaya in ciidamada badda Somaliland ay gacanta ku dhigeen kaluumeysato ajaaniib ah oo si sharci daro ah ku kaluumeysanaysay. Saraakiisha ciidamada badda Somaliland ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadooda ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen xeebaha Karin ee duleedka magaalada Berbera, islamarkaana ay qabtee 22 kaluumeysato ajaaniib ah. Kaluumeysataan ayaa saraakiisha waxay sheegeen inay u dhasheen dalka Yemen, waxaana marar badan xeebaha Somaliland lagu qabtay kaluumeysato u dhashay dalka Yemen. Taliyaha ciidamada Xeebaha Berbera Haaruun Saciid Cali, oo saxaafadda la hadlay ayaa cadeeyay in Kaluumeysataan ay wajihi doonaan maxkamad ayna hadda ku xiran yihiin saldhiga magaalada Berbera. Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay inay qabteen labo dooni oo ay lahaayen kaluumeysataan, isaga oo u digay ajaaniibta kale ee ku howlan inay si sharci daro ah kaga kaluumeystaan xeebaha Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. In my humble view, national leaders by nature must possess the foresight and ability to articulate a vision to strategically solve critical challenges facing their own respective societies. I’m sure many people are fully aware of how much Source: Hiiraan Online
  10. Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ” ILAAHOW CEEB ASTUR “ Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa weli aaminsan in Somalia tahay meel bahalo galeen ah. Madaxweyne Museveni oo ka qeyb galay dhaqan gelinta heshiiskii nabada ee la dhex dhigay Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Riek Machar ayaa bartiisa uu ku leeyahay Twitter ku tibaaxay weerahan : ” Shisheeyuhu waxay donayaan in ay South Sudaan ka dhigaan meel bahalo galeen ah sida Somalia iyo Liibiya. Isagoo u mahadnaqay madaxda reer South Sudan ee heshiiska gaaray, isagoo u balan qaaday taageerada Dawlada Uganda. Lakiin nasiib xumo Madaxweyne Yoweri Museveni wuxuu iloobay in Madaxweyne Farmaajo iyo Xukumadiisu jogaan goobta heshiiska lagu saxeexay, isuna qabaan in ay qayb ka yihiin Madaxda Gobolka ee doorka ka ciyaaray nabadeynta South Sudan. ” ISU QABE, AAN LOO QABIN OO QAADAN “
  11. Nicholas Haysom UN envoy to Somalia Nicholas Haysom was busy in Baidoa this week – with AfricanUnion’s Amb F Madeira, he met South West State’s Pres. Sharif Hassan Sheikh Aden, the Speaker of Parliament and various presidential candidates. Kadib booqashadiisii Baydhabo ee toddobaadkaan – halkaas oo uu dhageystay aragtiyada kala duwan ee Madaxweyne Shariif Xassan Sheekh Aadan, Afhayeenka baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed iyo murashaxiinta madaxtinimada Sidoo kale ergayga Qarmada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom, waxa uu markale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo doorasho lagu kalsoonaan karo oo ka dhacda Koofur Galbeed, isagoo xaqiijiyay in Qaramada Midoobay aysan murashax gooni ah taageereynin. Waxaa kale oo uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan murashaxiinta Koofur Galbeed ay helaan fursad caddaalad ah oo ay doorashada uga qeybgalaan, iyo in la helo hannaan doorashada looga ilaaliyo xadgudub, ha ahaato dhaqaale, cadaadis ama rabshado. Halkan ka daawo kulankii Nicholas Haysom uu la yeeshay Madaxweyne Shariif Xasan iyo Musharixiinta Konfur Galbeed http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/11/45073455_326461698186821_8814240809516793856_n.mp4
  12. Ethiopia swore in its first female Supreme Court chief on Thursday, part of a wave of appointments of women to top government positions backed by Ethiopia's new Prime Minister Abiy Ahmed. Source: Hiiraan Online
  13. Golaha Iskaashiga dowlad Gobolleedyad waxa ay xiriirkii wada shaqeyneed ee kala dhexeysay dowladda Federaal-ka ah ku hakiyeen kulan ay Kismaayo ku yeesheen horraantii bishii hore. Hase ahaatee, waxaa khilaafka labada dhinac u dhexeeya cirka sii galiyey jawaabtii ay dowladda Federaal-ka ah ka bixisay qodob ka mid ah nuxurkii war-murtiyeedkii ay soo saareen, oo ay ku dalbadeen in haddii iyaga iyo dowladda dhexe loo gar qaadayo la helo damaanadda DARAF saddexaad ah. Maalmo kaddib, Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa ganafka ku dhufty dalabka Maamul Gobolleedyada isaga oo si cad u sheegay in la soo dhaafay waqtigii shisheeye wax ka goyn jiray siyaasadda iyo masiirka umadda Soomaaliyeed. Iyada oo ay halkaas xaajo joogto, kulan kale oo ay Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada ku yesheen Garowe, waxa ay ka soo saareen qodobo ka xasaasi sanaa kuwii Kismaayo, oo ay ka mid ahaayeen sameynta ciidamo afar kun ah oo isku dhaf ah, iyo wali shirweyne ay bishan u qoondeeyeen in ay ku qabsadaan Dhuusomareeb. Intaas waxaa socday dadaallo uu Aqalka Sare waday, kaas oo kaddib Shirkii Kismaayo sameeyey gudiyo ku kala baxa Maamul Gobolleedyada, oo soo qiimeeya halka sarartu ka quruntay kaddibna raadiya xal. Dadaalada Aqalka Sare waxa uu u muuqday mid fashil ku socday, hase ahaatee, Arbacadii ayey maamul gobolleedyada iyagu dalbadeen in Aqalka Sare galo hawsha oo loo gar naqo dowladda! Hadaba maxaa is bedelay? Is bedelka ku yimi go’aankii Maamul Gobolleedyada waxaa loo aaneyn karaa lama mid; 1 – In ay ku soo dheceen jidkii saxda ahaa oo ay danta qaranka u hiileen. 2 – In laga adkaaday oo ay is dhiibeen 1 – DANTA QARAN Go’aanadii ka soo baxay shirkii Kismaayo, qodobkii ugu weynaa ee ay ku waayeen taageerada shacaka, waxa uu ahaa midka dhigayey dhexdhexaadinta iyo damaanadda DARAFKA saddexaad. Waxaa muuqata in hoggaamiyeyaasha Maamulada ay dareemeen kulka dareenka shacabka oo ay meesha ka saareen qodobkaas, ayna ugu dambeyn garteen in danta qaranka ay ku jirto in Soomaalida ayagu heshiiyaan. 2 – IS-DHIIBiD Waa xaqiiqo in labada dhinacba qodobada qaar ay isku haystaan mid walba ku saxan yahay, sida in dowladda looga gar leeyahay tabashooyinka qaar ee ay qabaan Maamulada, hase yeeshee, inta badan waxyaabaha salka u ah khilaafka waxa ay u muuqdaan in aysan ahayn kuwa la gaarsiin karo heerka ay hoggaamiyayaasha maamulada gaarsiiyeen. Shirkii ugu dambeeyey ee Garowe waxa uu xaqiijiyey in Maamulada aysan meesha ku hayn qodobo muhiim ah oo ay la gola yimaadaan, waaxaana caddeyn u ahaa war-saxaafadeedkii ay soo saareen oo lagu qoray waxyaabo bulshada oo dhan ka yaabiyey sida isku dhafka ciidamada iwm. Gunaanad, marka dhinac walba laga fiiriyo go’aankii ugu dambeeyey ee ay Maamul Gobolleedyadu ku aqbaleen in xalinta khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe noqdo mid maxali ah, waxa uu noqonaa kii ugu saxnaa ee ay qaataan marka loo eego kulamadoodii badnaa ee ay marba dhinac ku shirayeen. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Cabdirxmaan Cabdishakuur Warsame Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta u waramaaya Idaacad BBC lanteeda afka Somaaliga ayaa sheegay hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey South Sudan waxa uu ahaa mid mid Daan-daansi iyo Dagaal ka muuqdo, isla markaana kulankii iyo gogoshii uu ugu baaqay Madaxda Maamul Goboleedadu waa waxba kama jiraan iyo hadal aan xaqiiq aheyn. Sidoo kale Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa barta uu ku leeyahay Facebook soo dhigay qoraal uu ku muujiyey in Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay in uu wax ka qabtåo hawlihii loo igmaday, lakiin nasiib xumo uu ka qeyb galay oo marqaati ka noqday heshiis nin isagoo kale aha waa (Salva Kiir Madaxweynaha South Sudaan ) oo labo sano ka hor sidaan oo kale buur fuulay; laakiin waaqaca uu ku qasbay in uu dhulka u soo dego oo ninkii (Riek Machar ) ay is hayeen la heshiiyo. Halkan ka akhriso Qoraalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Faceboon : Haddii ciidanka, dakhliga, garsoorka iyo shaqaalaha rayadka ay gobollada dalka ku kala firirsan yihiin. Haddii inta badan amniga dalka uu ku tiirsan yahay 22-kun oo askar shisheeye ah; kuwaas oo aan toos kaaga amar qaadan, iyaguna aan kala amar qaadan ee caasimadaha dalalkooda toos uga amar qaata. Haddii lagaa rabo in aad Al-Shabaab meel saarto oo aad isku duubni, awood ciidan, fikir diineed, falsafad siyaasadeed iyo aragti qaran ku maquuniso ama kula heshiiso; taasina ay kaaga baahan tahay dadaal, dood, hadal deeqsiin iyo dad soo jiidasho leh. Haddii dastuurka dalkaagu qabyo yahay, doorasho qof iyo cod ah in aad qabato lagaa rabo. Haddii aysan misaaniyadda dalkaaga dhammayn xafiiska xeer ilaaliyaha dawladda deriskaaga ah ee Kenya. Haddii aad marqaati ka tahay heshiis nin (Salva Kiir) labo sano ka hor sidaan oo kale buur fuulay; laakiin waaqaca uu ku qasbay in uu dhulka u soo dego oo ninkii (Riek Machar ) ay is hayeen la heshiiyo. Haddii adigoo intaasoo idil og aad buur dheer saarantahay oo markii aad hoos u eegto intii talada kula lahayd kula yaryaradaan , iyaguna markii ay kor kuu eegaan adigoo buurta dhaladeeda saaran wax yar aad la tahay. Tolow waa su’aale sideed xal ku gaari kartaa? mise kolkii aad soo xiiqdo ayaad mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen “haddaan soo xasilay na oran doontaa”?? Halkan ka dhegeyso Wareysigii Mudan C/raxmaan C/Shakuur maanta uu siiyey BBC laanta afka somaaliga
  15. Garowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ee dhawaan uu shaqada uu ka ceyriyay madaxweyne C/Welli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay dhawaan soo saarayaan warqad dacwo ah oo ka dhan ah Gaas. Saraakiishaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Gaas, ay ka gudbiyaan dacwad ay ku cadeynayaan dhibaatooyinka uu ka geystay deegaanada Puntland, sida ay sheegeen. Waxay sheegeen in Maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta qaranka ay u gudbin doonaan dacwadooda ka dhanka ah madaxweynaha maamulka Puntland C.Welli Maxamed Cali Gaas. Saraakiisha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay soo farageliso xiisadda u dhaxeysa iyaga iyo madaxweyne Gaas, taasi oo dhalisay inay xilalkooda waayaan. Warqadda ay soo saareen saraakiisha ciidamada Putland ayaa waxay sheegeen inay ku wargeliyeen madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Aqalka Sare, madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin kale. Khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Gaas iyo saraakiisha Ciidamada ayaa ka dhashay markii saraakiisha ay ka biyo diideen go’aan madax maamul goboleedyada ay ku gaareen magaalada Garowe oo ay kaga horjeesteen dowlada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Addis Ababa (PP) ─ Haweeneydii ugu horreysay ayaa loo magacabay inay madax ka noqoto maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaas, taasoo macnaheedu yahay inay tahay madaxa garsoorka Itoobiya oo dhan, taasoo ka dhigaysa in Xukuumadda Itoobiya ay awood badan siisay haweenka. Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah xilka cusub u dhaariyay Meaza Ashenafi, waxaana tallaabadan soo dhaweeyay inta badan xubnaha ku jira baarlamaanka iyo xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo ku tilmaamay in tani ay isbedel ku keeni doonto garsoorka Itoobiya. Magacaabidda Meaza Ashenafi ayaa imaanaysa kaddib laba todobaad kaddib markii ra’iisul wasaaraha Itooiya Abiy Ahmed uu 10 haween ah u magacaabay xilal sare oo wasiirnimo ah, sidoo kalena madaxweyne dalkaas loo doortay haweeney khabiirad ah. Haweeneydan oo ahayd aasaasihii ururka qareennada haweenka Itoobiya, ayaa waxay xilliyadii dambe shaqadeedu ahayd la taliye xuquuqda haweenka ee xafiiska Qaramada Midoobay ee ku yaalla magaalada Addis Ababa. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa u sheegay qareennada Itoobiya in tani ay ka dhigan tahay hagaajinta cadaaladda Itoobiya, si loo helo dalabyada kaga imaanaya shacabka, gaar ahaan helidda cadaalad, dimuqraadiyad iyo sidoo kale hagaajinta isbedellada dalka. “Waxaan magacaabay Ashenafi anigoo aaminsan inay aqoon dheeraad ah u leedahay arrimaha sharciga, waxaana magacaabiddan ay ku timid si heer caalami ah,” ayuu yiri Abiy Ahmed. Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa si aqlabiyad ah leh ku meel-mariyay magacaabidda haweeneydan oo aqoon sare u leh sharciga. Iyadoo dastuurka Itoobiya uu qabo in hay’adaha garsoorka dalkaas ay yihiin kuwo ka madax-bannaan xukuumadda. Dhanka kale, Toddobaadkii lasoo dhafay ayay ahayd markii madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya loo dhaariyay Sahle-Work Zewde oo ah haweeneydii ugu horreysay oo madaxweyne ka noqoto dalkan ku yaalla Bariga Afrika. Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare ka noqday dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed waxaa dhacay isbedello waaweyn, waxaana ka mid ah in xukuumadda awood badan laga siiyay haweenka iyo in lasoo afjaray colaaddii dalkaas kala dhexeysa dalka ay dariska yihiin ee Eritrea, taasoo soo jiitamaysay 20-sanadood. Ugu dambeyn, Inkastoo Abiy Ahmed uu dadaal badan sameeyay haddana weli waxaa ka socda dalka Itoobiya rabshado dhaliyay dhibaatooyin intooda badan ku dhacay shacabka dalkaas, waxaana sannadkan dhacay dagaallo ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof. PUNTLAND POST The post Haweeneydii u Horreysay oo loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  17. Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman described slain journalist Jamal Khashoggi as a dangerous Islamist days after his disappearance in a phone call with President Trump’s son-in-law Jared Kushner and national security adviser John Bolton Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka Urur Gobaleedka IGAD ee u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Maxamed Cali guy iyo Gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho. Masuuliyiinta ayaa waxaa ay ka wadahadleen Xiisada u dhexeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, Xaalada Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo Khilaafka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ka jira Dalka. Ergayga Gaarka ah ee Urur Gobaleedka IGAD ayaa waxaa uu amaanay door wanaagsan ee aqalka sare ay ka qaadanayaan xal u raadinta Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ee Ka jira dalka. Cali Maxamed Jaamac Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid aad xasaasi u ah, islamarkaana uu soo dhaweeyay wakiilka dadaalka ay wadaan Aqalka Sare, kaasi oo ku aadan in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab oo ka dagaalama Somalia ayaa bishii lasoo dhaafay waxay dileen ku dhawaad 10 ruux oo ajaaniib ah kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa bishii lasoo dhaafay ee October labo jeer sameeyay toogasho wadareed, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Sirdoonka Kenya oo kaashanaya Hay’addaha CIA iyo MI6 oo dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska laga leeyahay. Al SHabaab ayaa toogashadaasi labada jeer ku sameeyay dagaalyahano Ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamayay, waxaana badankood la sheegay inay Kenyan ahaayeen, sida warbixinta lagu sheegay. Sidoo kale waxaa ku jiray dadkaasi Soomaali u dhalatay dalka Kenya iyo Cawaale Axmed Maxamed oo la sheegay inuu yahay Dagaalyahan Soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska. Al-shabab ayaa Raggaas ku eedeeyay in ay u basaasayeen Hay’adaha sirdoonka ee waddamada ay dhalashada ka heystaan, laakiin ay iska dhigayeen inay yihiin dagaalyahano daacad u ah Jihaadka. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ragga la toogtay ay da’dooda u dhaxeysay 22 ilaa 36 jir,waxaana qeybta 1aad la toogtay 10kii October halka qeybta labaad la toogtay 12kii October laguna hor dilay boqolaal dadka Degmada Saakow ka tirsan. Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in xubno Kenyaan ah oo ka baxsaday Al-shabaab ay xaqiijiyeen in weerarrada isqarxinta ah iyo Ciidamada lugta ee dagaalka gala badanaa Al-shabaab u adeegsato dadka ajannabiga ah si loo yareeyo saameynta ay ku dhex yeelan karaan Ururka loona hubiyo heerka daacadnimadooda. Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in tobanka qof ee la toogtay ay AL-shabaab ku eedeeyeen in ay la shaqeeyeen Hay’adaha sirdoonka Dowladda Federaalka ah,Kenya, Ingiriiska iyo Mareykanka,islamarkaana mas’uul ka ahaayeen duqeyn loo geystay madax sare oo ka tirsan Al-shabab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Ha’adaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ku soo bandhigay saldhiga degmada Hodan ee Muqdisho koox ay sheegeen in ay lacago sharci daro ah ay ka qaadanayeen barakacayaal degan Muqdisho. Kooxdaasi oo gaareeysa 10 -ruux ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay isaga dhigayeen dadka barakacayaasha ah in ay ka socdaan Ha’adaha gargaarka islamarkaasina ay sawiro ka qaadaan sidaasina ay lacago uga qaateen. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Carab iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Cabdifataax Bashiir Cali ayaa warbaahinta u soo bandhigay. Masuuliyiintaasi ayaa waxa ay sheegeen in tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay lacago ka qaataan dadka barakacayaasha ah. Shacabka ayeey ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan dadka sameeynaya falalka ceenkaan oo kale ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Hay’adaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Koox lacago sharci daro ah ka qaadanayay Barakacayaal appeared first on Puntland Post.
  21. The United Nations refugee agency is asking Canada to resettle more refugees from the Horn of Africa, emphasizing the needs of particularly vulnerable Somalis displaced by a decades-long conflict in the war-torn country. Source: Hiiraan Online
  22. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta ka hadlay xiriirka isaga iyo madaxweynaha Galmudug, xilli wararka qaar ay sheegeen inuu khilaaf soo kala dhex-galay. Sheekh Maxamed Shaakir oo maanta dadweyne fara badan kula hadlayay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuusan jirin khilaafka la sheegay in isaga uu kala dhaxeeyo madaxweyne Xaaf. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu yahay hoggaamiyaha Galmudug, islamarkaana go’aamadda uu soo saaro ay qaadan doonaan, kana dambeyn doonaan. “Waxaan idin sheegayaa in been abuur uu yahay khilaafka ay soo hadal qaadeen warbaahinta qaar, Galmudug hal madaxweyne iyo hal Dastuur ayay leedahay, go’aamada Xaaf ayaanu ku shaqeyn doonaa”. ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir. Weli waxaa xal buuxa laga gaarin khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug oo sababay in Galmudug ay laba u qeybsanto oo ay ka kala arrimiyaan Dhuusamareeb iyo Cadaado. Kadib markii warqad ka soo baxday xafiiska Sheekh Shaakir lagu soo dhaweeyay gogol uu madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay madaxda maamul goboleedyada, ayaa lagu warramay in laga yaabo inuu kal furtay Xaaf, kuna biiray dhinacyada taageersan dowladda. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Sheekh-Shaakir.mp3Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb Caasimada@live.com
  23. Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta si buuxda u taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee todobaadkii hore ka qabsoomay magaalada Garoowe,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland. War-murtiyeedka shirka Khamiislaha ee golaha wasiirada Puntland ayaa sidoo kale lagu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka ku maammulayso,kaasoo sida qoraalka ku xusan lagu tilmaamay mid baal-marsan shuruucda dalka. Dhinaca kale shirka ayaa lagu meel-mariyay siyaasadaha shaqada &shaqaalaha iyo horumarinta dhalinyarada,kuwaasoo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland,sida war-murtiyeedka ku qoran. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Puntland oo taageeray shirkii GIDG appeared first on Puntland Post.
  24. NOVEMBER 1, 2018 (GAROOWE): Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, waxaa maanta soo gaaray si diirranna loogu soo dhoweeyey Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye oo ah musharrax u taagan xilka madaxwaynaha Puntland sannadka 2019. Boqollaal dadwayne ah oo ruxayey caleemo qoyan iyo calannada Puntland iyo Soomaaliya, kuna dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ka turjumaya sida ay u taageersan yihiin Ololaha Karti iyo Hufnaan, ayaa musharraxa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Intaas kaddib, waxaa musharraxa loo soo galbiyey dhanka Fagaaraha Barxadda, halkaasoo uu kula hadlay boqollaal kamid ah dadwaynaha ku dhaqan Garoowe. Musharraxa ayaa ka mahadceliyey sida diirran ee loo soo dhoweeyey, isagoo xusay in marnaba aanu hilmaami doonin taageerada ay reer Garoowe u muujiyeen. “Waxaan doonayaa marka u horraysa inaan u mahadceliyo bulshada reer Puntland oo aad noogu soo dhoweeeyey magaalada Garoowe. Gaar ahaan dadka deggen magaaladan aad iyo aad baan ugaga mahad celinayaa” Injineer Jebiye ayaa yiri isagoo sii raaciyey “Midda labaad waxaan u mahad celinayaa si khaas ah ciidanka qalabka sida oo runtii aminiga si xad dhaaf ah u sugay aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa.” Ugu dambeyntii wuxuu musharraxu shir-jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka deggen yahay Garoowe, isagoo si kooban uga warbixiyey qorsheyaashiisa siyaasadeed iyo ujeedada uu xilligan dalka dib ugu soo laabtay. Musharrax Jebiye wuxuu sheegay in sababta uu dalka u yimid tahay sidii uu kulammo wadatashi ah ula qaadan lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana uu wax badan uga ogaan lahaan xaaladda dhabta ah ee dadka iyo dalku ku sugan yihiin. Mar uu ka hadlayey arrimaha uu diirradda saari doono haddii xilka madaxwaynaha loo doorto, wuxuu sheega in a ugu muhiimsan yihiin: hirgelinta nidaamka doorashada dimuqraadiga ah ee ‘hal qof,hal cod’, tayeynta waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada loo sameynayo. Si gaar ah wuxuu ugu nuuxnuuxsaday hirgelinta nidaamka doorashada dimuqraadiga ah ee ‘hal qof,hal cod’, isagoo sheegay in muwaadin kasta oo reer Puntland ahi uu xaq u leeyahay in uu doorto cidda madaxda u noqonasa iyo waliba in laga tala geliyo go’aan kasta oo masiiri ah oo noloshiisa saameyn ku leh. Dhanka kale, Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu baaq u diray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoo ku boorriyey in ay xal ka gaaraan khilaafaadka siyaasiga ah ee dhexdooda ka aloosan, maadaama danta dalka iyo dadkuba ku jirto midnimada iyo wadashaqaynta labada dhinac. Taas isaga oo sharraxaya waxaa Jebiye hadalladiisii kamid ahaa “Miiska wadahadalka inay tagaan ayaan ugu baaqayaa oo ay ka wada hadlaan wixii dhexdooda yaalla, umadda maslaxaddeeda ayaa ka wayn wax kasta oo laysku hayo.” Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu muddada uu Garoowe ku sugan yahay kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan madaxda dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada. The post Musharrax Jebiye oo si weyn magaalada Garoowe loogu soo dhoweeyey appeared first on Puntland Post.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidanka Booliska degmada Cabdi Casiis ayaa sheegay in dumarka lagu faraxumeeyo hotellada xeebta kuyaal islamarkaana ciidamada Booliska ay dumar ilma wacalla ah sida ka aruuriyaan liido si aysan badda ugu ridin. Saraakiisha Booliska degmada Cabdi Casiis waxay sheegayaan in ay qabteen tobanaan dumar uurleh kuwaas oo damcay in ay ku dhalaan xeebta kadibna ilmaha aaba la’aanta ah ku daadiyaan badda!. Taliyaha oo Hoteel kuyaal degmada Cabdi Casiis kula hadlayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si qota dheer uga hadlay falalka anshax xumo ee kajira magaalada Muqdisho, wuxuu carrabaabay in marka lagaaro gelinka dambe ee maalin kasta ay xeebta tagaan gabdho kuwaas oo jirkooda ka ganacsanaya waxayna latumayaan rag ubadan qurba joog. Wuxuu sharraxaad ka bixiyay goobaha ugu xun ee dumarka jirkooda uga ganacsadaan wuxuuna carabaabay laba Hoteel iyo baarar kuyaal Liido “ciidamada Booliska marwalba xeebta Liido waxay ka aruuriyaan dumar Uur leh oo ilma wacalla ah sida kuwaas oo doonaya in marka ay umulaan ilmaha ku daadiyaan badda taasina waa dambi weyn” ayuu yiri Taliyaha. Dhacdooyinka yaabka leh ee uu ka sheekeeyay waxaa kamid ah in gabdho yaryar lageeyo maqaayadaha Liido kadibna lasiiyo maandooriyayaal ay kamid yihiin shiishad xashiish leh iyo waxa loo yaqaan Taabuugga kadibna marka ay miir daboolmaan xummaan idilkeed lagu sameeyo. Taliyaha Booliska degmada Cabdi Casiis ayaa waalidiinta Muqdisho ku eedeeyay in ay dayaceen gabdhahooda oo marka ay jaamacadaha iyo iskuullada udiraan aan dabagal ku sameyn taas oo keentay in gabdho badan oo waxbarasho lagu ogaa ay aadaan xeebta Liido halkaasna lagu faraxumeeyo oo ay uur xaaraan ah qaadaan. Yariisoow oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa bishii lasoo dhaafay amray in Hotellada Liido la xiro marka lagaaro lix saac habeennimo arrinkaas oo qeyb weyn kasii qaadanaya faafinta fasahaadka. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Taliyaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com