Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,923
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The World Health Organization (WHO) is stepping up measures to contain cholera outbreak in Somalia amid decline in the number of cases and deaths in the past month. Source: Hiiraan Online
  2. Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa maanta soo bandhigay shuruudaha laga rabo qofka u tartamaya madaxweynenimada koonfur galbeed. Shuuradaha waxaa ka mid ahaa: 1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah. 2 – Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka. 3 – Da’diisu in aysan ka yaraneyn 40 sano. 4 – Leh aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas. 5 – Dhimirkiisu dhan yahay. 6 – Gelin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay. 7 – Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay 8 – Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka) oo dib loo celineyn laguna shubayo xisaabta guddiga doorashada. 9 – Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada. 10 – Waxaa kale oo laga rabaa: Inuu qeybiyo 200 oo nuqul oo barnaamijkiisa ah, Inuu barmaajikiisa ka hor sheego kulanka guud ee baarlamaanka Koonfur galbeed. Inuu gudbiyo Dokomenti cadeynaya inuu buuxiyey shuruudda. Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
  3. Somali journalists have appealed to the government for efforts to end impunity and violence against media workers after the murder of three colleagues in 2018. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) oo kormeeray xarumaha Maxakamadda Ciidammada Qalabka Sida, Maxkamadaha heer Gobol ee darajada koowaad iyo Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay mira dhal noqdeen tallaabooyinka wada jirka ah ee loo qaaday xal-u-helista murannada dhulka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hirgelinta xafiisyada adeegyada ee degmooyinka ay u fududeeyeen bulshada in ay si sharciyeysan ula kala wareegeen hantida maguurtada ah, isagoona ka digay dukimiintiyada ku saabsan arrinkan ee ay soo saaraan xafiisyada gaarka loo leeyahay (Nootaayo). Isla markaana caddaaladda la horkeeni doonno cid walba oo lagu helo dukimiinti aan sharci ahayn. “Waxaan ka hirgelinnay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir xafiisyada bixinta adeegyada bulshada, taas oo aan uga golleenahay in muwaadin kasta uu helo dukumiintiga uu doonayo oo sharciyadeysan, dhawraayana mulkiiyaddiisa iyo xaqa uu leeyahay, taas oo horey ay uga jirtay dhibaato weyn iyo muranno joogta ah.” Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Guddoonka Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida in xal waaro loo helo fara gelinta aan sharciga ahayn ee ciidanka qaar ay ku sameeyaan murannada dhulka iyo muhiimadda ay leedahay in sharciga la hor keeno cid kasta oo ku tagri fasha awoodda dawladnimo. “Marar badan ayaa waxaa dhacay falal la xiriira askar isugu gacan qaadday dhul iyo hanti ay ahayd in ay si sharciga wafaaqsan dacwadahooda u soo gudbiyaan Maxkamaddaha, taas waa mid aan la qaadan karin oo aan meel uga soo wada jeesan doonno. Sidoo kale waxaa naga go’an dib u soo celinta hantida guud cid kasta oo haysata, maadama ay tahay hanti loogu tala galay u adeegidda bulshada.” Guddoonka Maxkadda Gobolka Banaadir ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka dadaalka ay ku bixinayaa xal-u-helista tabashooyinka iyo murannada la xiriira hantida maguurtada ah iyo sidii loo taabbo gelin lahaa hannaan cadaalad oo ay helaan bulshada Gobolku. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac, iyagoo kormeer ku sameeyey xafiisyada ay ku shaqeeyaan Maxkamaduhu. PUNTLAND POST The post Kulamo ku Saabsan Xal-u-helidda Muranada dhulalka oo lagu Qabtay Magaalada Xamar appeared first on Puntland Post.
  5. Guddiga doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa maanta soo bandhigay shuruudaha laga rabo qofka u tartamaya madaxweynenimada koonfur galbeed. Shuuradaha Waxaa Ka Mid Ahaa: 1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah. 2- Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka. 3- Da’diisu in aysan ka yaraneyn 40 sano. 4-Leh aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas. 5- Dhimirkiisu dhan yahay. 6- Gelin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay. 7- Inuusan haynin wax xil ah oo loo magacaabay 8- Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka) oo dib loo celineyn laguna shubayo xisaabta guddiga doorashada. 9- Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada. Waxaa kale oo laga rabaa: Inuu qeybiyo 200 oo nuqul oo barnaamijkiisa ah, Inuu barmaajikiisa ka hor sheego kulanka guud ee baarlamaanka Koonfur galbeed. Inuu gudbiyo Dokomenti cadeynaya inuu buuxiyey shuruudda Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay hub laga daabulayay Suuqa weyn ee Bakaaraha, kaasi oo loo waday gobolka Shabeelaha Hoose, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen. Hubkaan ayaa sida xogta aan ku heleyno waxaa uu ku wajahnaa mid kamid ah beelaha ku dagaalamay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana waday gudoomiyaha degmadaasi ee maamulka Koonfur Galbeed. Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax (Kaladire) oo kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda degmada Wanlaweyn, kana tirsan maamulka HirShabeelle, ayaa sheegay in ciidamada amaanka dowladda ay ka hortageen in hubkaasi u gacan galaa mid kamid ah maleeshiyaadka ku dagaalama degmadaasi. Xildhibaanka ayaa sheegay in hubkaasi uu gacan ka geysan lahaa hurinta colaad beeleedyada maalmahaan ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wuxuu guddoomiyaha degmada ku eedeeyay inuu ka dambeeyo colaada u dhaxeyso labo maleeshiyaad oo wada daga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabelaha Hoose. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-kaladire.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa u hanjabay mucaaradka dowladda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin madax hore iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya. Yariisow oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya anaan laga aqbali doonin in ay xag xagtaan Dowladda sida uu hadalka u dhigay. Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in Mucaaradka looga baahanyahay in aysan ahaan kaliya Mucaarad buunbuuninaya amni daradda dalka, ee looga baahanyahay in ay ahaaaan mucaarad taladooda ku darsada dowladda si loo saxo meelaha wax ka qaldanyihiin. “Siyaasigii khas wade ah hala soo safto kooxda argagixisada ah ma aqbali doono in dhexdeena uu khaska ka wado oo uu dowladda xagxagto, ha noqon mucaarad kaliya ka hadla dhanka xun iyo amni daraddo in ay dalka ka jirto” ayuu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisoo). Waxa uu ugu dambeyntiina sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aynan dhag jalaq u siin hadalada mucaaradka iskana kaashadeyn sidii ay amniga kala shaqeen lahaayeen Ciidamada amaanka. Hadalka Yariisow ayaa dad badan u arkaan inuu ka adkeysanayo xilkiisa, kuna qancinayo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Yariisow ayaa marar badan ku hadlay hadallo u muuqda inaysan isaga kasoo bixin, balse loo soo dhiibay. Yariisow ayaa xilka loo dhiibay kadib markii meesha laga saaray guddoomiye Thaabit, oo diiday inuu noqdo qof loo meeriyo sida uu u shaqeynayo. Si kastaba, Yariisow ayaa xilkaasi qaatay, isaga oo diyaar u ah inuu noqdo guddoomiye magac u yaal ah oo ku shaqeeya maskaxda Xasan Cali Kheyre. Si kastaba, hadalkiisii ugu dambeeyey ayaa u horseedi kara dhibaato siyaasadeed iyo in looga yeero xarunta baarlamanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Guddiga doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo saaray shuruudaha looga baahanyahay musharrixiinta u tartamaya xalka madaxweynaha. Shuruudaha guddigu soo saaray oo ka kooban sagaal qodob ayaa waxaa kamid ah in shakhsiga u tartamaya xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed uusan lahayn xaas ajnebi ah iyo in uusan gelin dembiyo culus oo maxkamdi xukuntay. Sidoo kale shuruudaha waxaa ku xusan in qofka musharrax ah uusan wax xil ah hore u hayn iyo in uu ogolaado una hoggaansamo hab-raaca guddiga doorashada KFG,islamarkaana bixiyo lacagta curaarta ah oo dhan$20 kun oo Dollar musharraxa ragga ah halka musharraxa haweenka ah laga rabo $10 kun oo Dollar. Dhinaca kale guddigu wuxuu soo bandhigay jadwalka doorashada madaxweynaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed: Shuruudaha musharraxiinta xilka madaxweynha oo la shaaciyay appeared first on Puntland Post.
  9. Washington DC (Caasimada Online) – Amiirka dhaxalsuga ah ee dalka Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, ayaa waxa uu Mareykanka u sheegay in qoraaga la dilay Jamaal Khaashuqji uu u arkayay inuu ahaa Islaami halis ah. Khaashuqji, oo ahaa muwaadin Sucuudiga u dhashay kana shaqeynayay warbaahinta Mareykanka, ayaa waxaa si weyn loogu yaqaanay inuu dhaliilo maamulayaasha dalkiisa. Maxamed bin Salmaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu arrintaasi taleefoonka ugu sheegay Aqalka Cad kaddib markii Khaashuqji la waayay taas oo ka horraysay inta uusan Sucuudigu qiran inuu ninkaasi dilay. Maydkiisa ayaanan weli gacan lagu hayn, hasayeeshee Turkiga, Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya ayaa dhammaantood waxa ay isku raaceen in lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishii Oktoobar. Wicitaanka taleefanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa 9-kii bishii Oktoobar, todobaad kaddib markii la waayay Khaashuqji. Sababta uu hadalkaasi u sheegay ayaa lagu sheegay in ay tahay ilaalinta Xulufadda Mareykanka iyo Sacuudiga. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  10. Baydhaba (Casimada Online) – Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa ka hadlay cadaadiska maalmihii ugu dambeeyay uu ka dareemayay dhanka dowladda Soomaaliya iyo kalsoonida uu qabo. Shariif Xasan Shiikh Aadan, ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay ay jireen culeesyo kaga imaanayay dhanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana musharixiinta qaar ay taageero ka helayaan dhanka dowladda. Shariif Xasan, wuxuu si cad u sheegay inuu ku kalsoon yahay xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed, uuna ku rajo weyn yahay in markale xildhibaanada u dhibaan hogaaminta Koofur Galbeed. Xildhibaanada Koofur Galbeed ayuu u diray fariin ah in looga baahan yahay inay badbaadiyaan Koofur Galbeed, isaga oo sheegay inuu ka doonayo in markale isaga ay dib usoo doortaan. Wuxuu sheegay in intii uu hayay xilka madaxweynaha Koofur Galbeed inuu wax badan u qabtay shacabka deegaanada Koofur Galbeed, uuna ka shaqeyn jiray danta shacabka Koofur Galbeed. Shariif Xasan ayaa qarka u saaran in uusan kusoo laaban kursiga Madaxtinimadda Koonfur Galbeed, ka dib markii Magaalada Baydhabo ay tageen Siyaasiyiin taageero ka helaya dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwo Shacabku taageersan yihiin. 17 Bishaan ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo magaalada Baydhabo, waxaana dhamaan musharixiinta loo ogolaaday inay tartami karaan, kadib markii kulamo kala duwan ay qaateen xubnaha Guddiga doorashooyinka Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  11. Guddigii isimada Puntland ee loo xil saaray xallinta dhacdadii uu ku dhintay suldaan Xassan Cali Jibriil ayaa maanta shaaciyay in si rasmi ah loo xalliyay arrintaasi. Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag oo ay soo qayb galeen cuqaal,waxgarad,isimo,culimaa’uddiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa go’aanka looga dhawaaqay. Guddigu waxay sheegeen in beesha Aadan Saciid ee East Sanaag Clan ay dil iyo diya’ba ka cafiyeen Maxamuud Cismaan Sugulle oo ah ninka uu gacantiisa ku dhintay Suldaankii beesha Aadan Siciid suldaan Xassan Cali Jibriil. Halkaan ka akhriso go’aannada guddigu soo saareen PUNTLAND POST The post Dhacdadii uu ku dhintay suldaan Xassan Cali Jibriil oo xal rasmi ah laga gaaray appeared first on Puntland Post.
  12. The federal government has launched a campaign to "communicate" the benefits of immigration and push back against what the minister in charge of the file calls "anti-immigrant, anti-refugee rhetoric." Source: Hiiraan Online
  13. Excessive protein consumption, a Toronto registered dietitian said, could hinder you from a balanced diet and increase risk for chronic illnesses like kidney disease. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Heysom ayaa war qoraal ah kasoo saaray doorashada 15 maalin kadib la filayo inay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Qoraalka ayuu ku sheegay in doorashadaasi ay ka filayaan inay u dhacdo si xor ah oo xalaal ah, islamarkaana aysan ku jirin faragelin siyaasadeed oo lagu sameeyo doorashada Koofur Galbeed. Wuxuu Qoraalka ku sheegay in loo baahan yahay in dhamaan musharixiinta ay helaan fursad loo siman yahay oo ay doorashada kaga qeyb gali karaan, islamarkaana aan lala kala safan musharixiinta qaar. Seddex arin ayuu sheegay in loo baahan yahay inaysan ka dhicin doorashada Koofur Galbeed ka dhaceyso 17 Bishan, kuwaasi oo kala ah:- Xad Gudub Dhaqaalo: Wuxuu ka digay in doorashada Koofur Galbeed lagu sameeyo xad gudub dhaqaalo, islamarkaana musharixiinta qaar lagu taageero dhaqaalo ay ku heli karaan codadka xildhibaanada. Arintaan waxaa horey walaac kaga muujiyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tagay magaalada Baydhabo, kuwaasi oo sheegay inay jiraan shaqsiyaad dhaqaalo badan lagu bixinayo si ay halkaasi kaga soo baxaan. Cadaadis: Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay in cadaadis la saaro musharixiinta tartameyso si aysan u helin codadka xildhibaanada, waxaana taasi horey kaga digay musharixiinta qaar. Rabshado: Ugu dambeyn Nicholas Haysom ayaa ka digay in doorashada Koofur Galbeed ay ka dhacaan rabshado horseedi kara natiijo xumo, waxaana walaacaasi uu xoogeystay waxii ka dambeeyay markii Shariif Xasan uu ciidamo badan geeyay madaxtooyada uuna badalay ciidamadii hore. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, laakiin musharax walbaa wuxuu wataa ciidamo ku beel ah oo u gaar ah, taasi oo horseedi karta in rabshado ay dhacaan. Waxaa magaalada Baydhabo ka socdo diyaar garowgii u dambeeyay oo ay sameynayan musharixiinta Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah baarlamaanka dalka Kenya, ayaa wareysi uu Siiyay BBC-da Wuxuu kaga hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka. Xildhibaan Aadan Barre, ayaa ugu horeyn ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka inay ka shaqeeyaan mideynta dalka iy in la dhameeyo khilaafyada iyo isjiidjiidka siyaasadeed ee dalka. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu aad kaga xun yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iy maamul goboleedyada, waxaana uu cadeeyay in xasiloonida iyo nabad galyada Soomaaliya ay dan ugu jiro dhamaan dadka ku nool geeska Africa. Wuxuu kula taliyay madaxda dowladda iyo maamulada dalka inay u dhimriyaan shacabka Soomaaliyeed oo ay heshiiyaan, maadaama Khilaafka dhibaato uu ku keeni karo geedi socodka nabadda Soomaaliya. Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada ayaa sababay in labo jeer madaxda maamulada ay ka biyo diidaan gogol nabadeed oo dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday. Hadalkiisa ayaa waxa uu imanayaa xildhibaanka xilli kala qeybsanaan baahsan ay ka dhex jirto madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo madaxda maamul goboledyada dalka, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay hawada isu marinayay hadalo aad u adag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay magaalada Jubba ee uu ku weeraray madaxda maamul goboleedyada. C/raxmaan Cabdi Shakuur, ayaa si adag kaga jawaabay hadalkaasi, kadib wareysi uu siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, waxaana uu daandaansi ku tilmaamay hadalkii madaxweynaha uu ku weeraray madaxda maamulada. Wuxuu sheegay in ujeedada uu u tagay magaalada Jubba iyo khudbadda xanafta leh aysan is laheyn, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sheegay in dhawaan madaxweynaha uu soo saaray qoraal uu maamulada ugu dhawaanayo, balse hadda uu sii fogeeyay. “Khudbad daan daansi iyo dagaal uu ka muuqdo , Madaxweynaha asigaa dhowr maalin ka hor sheegay inuu gogol u fidiyay madaxda maamul goboleedyad oo ku baaqayo in shir la isugu yimaado wixii tabasho ah uu garawsan yahay, sida dad badan tuhunsan yahay martiqaadkiisa iyo fariinta xalay uu dirayay wey kala fog yihiin”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale xusay in hadalka Madaxweynaha uusan aheyn mid ku haboon Xaalada ay Soomaaliya Maanta ku jirto. “Waxaa rabaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha kulankii ugu dambeeyay ee Brussels ka dhacay Beesha caalamka ayaa isugu yeertay isaga iyo Madaxda Maamul goboleedyad,a wax laga hadlayo waa arrimo Soomaaliya ku saabsan, looma yeerin Madaxweynaha keligiis, ayagana waa loo yeeray wuu ogyahay Madaxweynaha waaqica horyaala in dalkaan ku jiro marxalad dib u heshiisiin, marka aniga hadalka Madaxweynaha ilama ahan mid nabad iyo dib u heshiisiin oo isu soo dhowaansho raadinaya”ayuu yiri”ayuu yiri markale Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Miisaaniyadda cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya u ansixisay sanadka 2019-ka waa US$ 340,060149, ilaa 94 milyan oo dolar ayaa ku siyaaday miisaaniyadda wixii ka dambeeyey doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee February 8, 2017. In kasta oo ay muhiim tahay halka laga keenayo dakhliga miisaaniyadda hadana inta badan waxaa la fiiriyaa Shaqaalaha iyo mushaarkooda, lacagta loo qoondeeyey horumarka dalka iyo dadka, waana labada meel ee uu aad uga liito maamulka hadda jira. Shaqaalaha rayidka ee dowladda federaalka ah oo ka kooban heerarka A, B, C iyo D, waxaa ay qeyb muhiim ah ka yihiin miisaaniyadaha dowladda Soomaaliya, waxaa la yaab leh in shaqaalaha joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay tiro ahaan gaarayaan 5,526 oo ah tirada uu ka tagay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud 2016-kii. Xukuumadda nabad iyo nolol 2badii sano oo ay joogtay kuma kordhin shaqaalaha rayidka ah xataa hal qof, waxaa ay qoratay oo keliya shaqaalo KMG ah, oo ku nool gunno ay ka helaan meelaha ay u shaqeeyaan, kuwaas oo qeybo badan oo ka mid ah lagu dhibo, mana laha meel ay u dacwoodaan, mar haddii aysan aheyn shaqaale joogta ah. 2012-kii, Markii uu xafiiska yimid madaxweyne Xasan Sheekh waxaa aad u yaraa shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya, miisaaniyaddii ugu horeysay ee baarlamaan ansixiyo buburkii kadib waxaa ansixisay dowladda Xasan Sheekh, Miisaaniyadda oo gaareysay 114,355,852 wuxuu shaqaalaha rayidka gaarsiiyey ilaa 3060, oo 2901 ka mid ah ay yihiin shaqaalaha qoran oo rasmi ah, sidaas ayaana sanad walba loogu daray shaqaale cusub ilaa ay gaareen 2016-kii 5,526, tiradaas oo weli sideedii ah. Shaqaalahaas aan tiradooda soo sheegnay ilaa iyo hadda waa sidoodii iyaga oo kala leh heerarkan Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, (D) 502, waxaana muuqata in maamulka Farmaajo uu ku guuldareystay qorashada shaqaaleysiinta. Qeybo ka mid ah tiradaas yar ee u diiwaan-geshan shaqaalaha joogtada ah xataa ma helin xuquuqdoodii muddo 9 bil ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad. Xaqiiq kale oo aan la inkiri karin ayaa ah in mashruuca ay gunnada ku qaataan shaqaalaha KMG ah ee ay qoratay dowladda Farmaajo laga bixiyo barnaamijka Recurrent Costs and Reform Financing Project, kaas oo ah mashruuc uu bangiga adduunka ogolaaday markii ugu horeysay xiligii dowladdii Xasan Sheekh July 1 ilaa December 31, 2014, waxay aheyd sidoo kale markii ugu horeysay ee bangiga adduunka iyo IMF-ta la shaqeeyaan dowlad Soomaaliyeed, horumarkii la smaeeyey wixii xilligaas ka dambeeyey ayaa keentay in arbacadii ay labada dhinac kala saxiixdaan $80 Million. ilaa hadda xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre waxaa ay jawaab u la’dahay sababta ay u qoran la’dahay shaqaale cusub iyo sababta ay shaqaalaha KMG ah uga biilaan mashruuc loogu talo-galay in lagu shaqaaleeyo khubarada, dadka awood siinta ku shaqada leh, kuwaas oo ay aheyd in dowladda Soomaaliya qaabab kale uga faa’ideysato!! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. The AU has awarded medals to a contingent of troops from the Burundi National Defense Force (BNDF), in recognition of their contribution in furthering the mandate of the mission in Somalia. Source: Hiiraan Online
  19. A haunted look in the eyes of Amal Hussain, an emaciated seven-year-old lying silently on a hospital bed in northern Yemen, seemed to sum up the dire circumstances of her war-torn country. Source: Hiiraan Online
  20. A Japanese Airlines pilot has pleaded guilty to being almost 10 times over the limit just ahead of a flight from London to Tokyo. A bus driver taking him to the plane alerted the authorities. Source: Hiiraan Online
  21. The Somali government has signed $80m grant deal with the World Bank (WB). Source: Hiiraan Online
  22. (Reuters) - Media mogul Oprah Winfrey lent her star power on Thursday to Georgia Democrat Stacey Abrams, who is vying to become the first female black governor in the United States, while saying she has no political aspirations of her own. Source: Hiiraan Online
  23. SAUDI ARABIA’s dispatch of a 15-member team to Turkey to attack journalist Jamal Khashoggi added to a global trend of autocratic states reaching out to kill or kidnap exiled dissidents. Russia and China have been pioneers of the practice and for the most part have gotten away with it; that has encouraged others. Source: Hiiraan Online
  24. Brazil would become the third country to have an embassy in Jerusalem, after the US and Guatemala Source: Hiiraan Online
  25. Africa’s wealthiest and largest airline will have its first flight to Somalia’s capital in over 40 years today. Source: Hiiraan Online