-
Content Count
206,923 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nicholas Haysom oo haatan ku jira socdaalka wada hadallo lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac uu caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya. Nicholas Haysom waxaa uu intaasi ku daray in ay wadaan dadaallo lagu dhisayo dowladnimada Soomaaliya, lana doonayo inay mar kale cagaheeda isku taagto, laakin khilaafkan uu arrimahaas caqabad ku yahay. Ergeyga UN-ka Nicholas Haysom iyo midka Afrika Francisco Madeira ayaa todobaadkii tagay waxaa ay bilaabeen kulamo ay la yeesheen aqalka sare iyo maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle, iyaga oo iska xil saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladd dhexe iyo dowlad goboleedyada. Dowlad gobleedyada ayaa aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inay qeyb ka noqdaan xalka isla markaana dhexdhexaadiyaan iyaga iyo dowladda dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha xisbiga Wadajir, Kamaal Guutaale ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo uu yahay shaqsi kala hadlay, sidoo kalena uu sameeyey balan ka baxyo. Waxa uu tilmaamay in madaxweynaha waxyaabihii uu ballanqaaday ka mid hayad dib u dhiska meelaha qaraxyada ku burburaan, dadka soo sheega Al-shabaab oo lacago la siin doono, balse aanu waxbo ka qaban. Sidoo kale, waxa uu sheegay in madaxweynaha dadka uu xilalka u dhiibto ay tahay dad kasoo horjeeda waxyaabihii uu sheegayey. Dhanka kale, Kamaal waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hub badan geeyey magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAREEYSI-KAMAAL-GUUTAALE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, ayaa shaaciyay inuu wanaagsan yahay xiriirka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, sidii loo doortay madaxweyne Farmaajo. Somalia iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya dacwad dhanka Badda ah oo ay furtay dowladii ka horeysay tan hadda dhisan, waxaana xildhibaan Aadan Barre uu sheegay in laga wanaagsanaa in dacwadda horey maxkamad lala aado. Wuxuu sheegay in dowladdaha aduunka ay isku qaban karaan dhanka xuduuda badda iyo dhulka, laakiin wuxuu sheegay in loo baahnaa in lagu xaliyo hanaan diblumaasiyadeed. Xuduuda u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ayuu sheegay inay tahay mid cad oo muru uusan ka imaan karin, balse hadda waxaa jiro murun badeed u dhaxeeya dowladaha Somalia iyo Kenya. “Somalia iyo Kenya maanta mey noqonin dad jiiraan ama ah deris ah, Intaan aan garanayo badda Somalia iyo Kenya meel ayay isaga imaanayeen, xuduuda Kenya ama dhul iyo bad ha ahaado, waa mid sida maalin iyo habeen loo kala garto isaga cad” “Wadanka Somalia iyagaa dacwadda aaday waana soo dhaweyneynaa, waxaana diyaar u nahay inaan hab diblumaasiyadeed u xalino, murunka badda ee labada dowladood u dhaxeeyo”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale. Xildhibaanka ayaa sheegay inay wali diyaar u yihiin in hanaan diblumaasiyadeed loo xaliyo khilaafka dhanka badda ee u dhaxeeya labada dowladood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Putland ayaa digniin u diray musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ee la tartameysa madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo C/Welli Maxamed Cali Gaas. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xersi Qarjab oo warbahinta la hadlayay ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn musharax gaadiid badan la yimaadan magaalada Garowe inta olalaha doorashada lagu jiro. Wasiir Qarjab, ayaa sheegay inay iyaga masuul ka noqonayaan amaanka musharaxa doonaya inuu la tartamo C/Welli Gaas, balse aysan aqbaleyn musharax ciidamo beeshiisa ah la taga magaalada Garowe. Musharixiinta ayuu ugu baaqay inay ilaaliyaan xeerarka u degsan maamulka Puntland, isagoo sidoo kale ka digay in musharixiinta ciidamo badan yeeshaan, taasi oo uu ku micneeyay in amniga wax u dhimi karaan. “Ninkastaa oo musharax waa lasoo dhawenayaa, amnigiisa dowladda masuul ka ah, waardiyahiisa gaarka ah waa loo ogol yahay, laakiin baabuur isdaba yaacayo oo reerahiisa daba yaacayaan lama ogola, halkaan reera xukumi maayaan, waan idin soo dhaweyneynaa laakiin saxmad lama ogola” Taasi badalkeeda wasiirka warfaafinta ayaa ugu baaqay inay ka qeyb qaataan ilaalinta amaanka xuduudaha,waxaana uu sheegay inaysan aqbaleyn in musharax dhaqaalo soo qaatay inuu wax ka badalo amaanka deegaanada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in ay deegaanno ka mid ah gobolkaasi ka bilaabi doonaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Isbaarooyinka. C/fitaax Cumar oo ah guddoomiye ku dhaanka maamulka Sh/hoose ayaa u sheegay Goobjoog, iney soo gaartay cabasho badan oo ay soo gudbiyeen dadka shacabka ah. Waxa uu sidoo kale sheegay guddoomiye ku xigeenka in meelaha ay yaalaan jidgooyinka ee lagu dhibaateeyo shacabka ay sida ugu dhaqsiyaha badan cagta ku marin doonaan. Shacabka ku dhaqan gobolka Shabellaha Hoose ayuu ka codsaday iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga sifeeyo gobolkaasi kooxaha shacabka dhiba. “Howlgallo ka dhan ah kooxaha dadka jidka u gala ee isbaarooyinka dhigta ayaan dhowaan bilaabeynaa, waxaana ka bilaabi doonaan guud ahaan gobolka, shacabka waxaan rabnaa iney gacan siiyaan ciidamada ammaanka” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka. Rag hubeysan, kuna labisan dareeska ciidanka ayaa mararka qaar dhibaato u geysta shacabka ku safraya waddooyinka gobolka Shabellaha Hoose. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxgaradka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ugu baaqay Puntland iyo Somaliland iney kaalin ka qaataan sidii lagu dhammeyn lahaa colaadda gobolka Sool. Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in dagaal sii socdaa aanu waxbo soo kordhineyn. Waxa uu sheegay garaadka in sidoo kale la doonayo iney Somaliland iyo Puntland ay dhankooda ka shaqeeyaan sidii xiisadaha jira loo qaboojin lahaa. “Somaliland iyo Puntalnd waxaa haboon iney xalliyaan colaaddan soo noqnoqotay, waxaana waajib ka saaran yahay cid walbo oo Soomaali ah” ayuu yiri Garaadka. Beello walaalo ah ayaa ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolka Sool, iyadoo weli aanay jirin xal rasmi ah oo laga gaaray dagaalladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanadii ugu badnaa ee ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa kusugan magaalada Muqdisho oo seddexdii maalin ee ugu dambeysay ay soo gaarayeen. Inka badan 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana seddexdii habeen ee u dambeysay ay kulamo la qaadanayeen guddoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ka tirsan. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kulanka xildhibaanada loogu farmuuqayay musharaxa ay dooranayaan, waxaana shaki badan uu ka dhashay cidda bixisay dhaqaalaha badan ee xildhibaanada looga keenay magaalada Baydhabo. Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaanadaan loo gacan geliyay dhaqaalo cadadkiisa wali Caasimada Online aysan xaqiijin, taasi oo hordhac aheyd si ay u doortaan musharaxa dowladda dooneyso inuu kusoo baxo doorashada. Qaar kamid ah xildhibaanada oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen kulamo ay kaga hadlayaan waxyaabaha u dan ah shacabka Koofur Galbeed. Magaalada Baydhabo waxaa ka socdo kulano gaar gaar ah oo ay yeelanayaan xildhibaanada tirada yar ee kusugan magaalada, waxaana ay kaga tashanayaan doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Waa Markii ugu horey oo xildhibaano maamul goboleed oo tiridaasi gaaraya yimaadaan magaalada Muqdisho xili doorasho ay dhaceyso. Shariif Xasan ayaa dareemayaa culees badan oo kaga imaanaya dhanka dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
"He's toast". "He's toxic". "He's my hero". "We love him". Opinions are clearly divided on the man they call MBS - Saudi Arabia's controversial Crown Prince Mohammed bin Salman. Source: Hiiraan Online
-
A former al-Shabab commander has been cleared to run for public office in Somalia in this month's regional election. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladda SoomaaliyaXasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay isku qabteen ra’iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay. Isaga oo ku hadlayay Luqadda English-ka ayuu mid mid u sharaxay waxyaabaha keenay inay isla shaqeyn waayaan seddexdii ra’iisul wasaare ee uu magacaabay inta uu hayay xilka madaxweynaha Soomaaliya. Ra’iisul wasaarihiisii ugu horeeyay Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayuu sheegay inay wada shaqeyn waayeen kadib markii uu qiimeeyay muddada sanadaha ah ee horyaala iyo shaqooyinka laga rabay oo badan, ayna suurogal noqon weysay inay isla fahmaan howlaha horyaalay, laakiin waxa uu qiray in Saacid uu ahaa nin daacad ah. Ra’iisul wasaarihiisii Labaad Cabdiwali Axmed Maxamed ayuu sheegay inuu ahaa ruux awood u lahaa qabashada shaqooyinka loo xilsaaray, balse uusan aqbalsaneyn kala sareyta awoodaha Hayadaha dowladda, uuna is-biday awood gaar ah. Wuxuu Saacid ku amaanay wanaaga uu lahaa iyo Daacidnimada ka muuqatay, laakiin culeesyo badan oo jiray ay sababeen inay wada shaqeeyaan. “Ra’iisul wasaarihii xigay Nasiib daro, wuxuu lahaa awooda, laakiin waxaan dhihi lahaa inkastoo awood u lahaa shaqada wuxuu ahaa qof aan ixtiraamin kala duwanaanshaha awoodaha Hay’adaha dowladda oo Somalia ay leedahay”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud. Kadib waxaa yimid ra’iisul wasaarihii seddexaad oo ahaa Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, wuxuuna sheegay inuu ahaa ruux aqbali karo howlaha horyaala ayna isku fahmeen inay wax wada qabtaan mudadii u harsaneyd. Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa magacaabay seddex ra’iisul wasaare, waxaana dowladda ku xigta ay balanqaatay inay ku dadaali doonaan inay iska dhameysan doonaan ra’iisul wasaarihii la magacaabay bishii Febraayo ee sanadkii 2017. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo hore u soo noqday Wasiirkii arrimaha gudaha Somaliya iyo Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, ayaa wada olole saf ballaaran leh oo ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf). Sida ana xogta ku helnay, Cabdi Samad, ayaa ah shaqsiga Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ku cadaadiyay, inuu la safto dowladda dhexe, kana soo hor jeesto mowqifka Madaxweyne Xaaf. Ninkan, waxaa dhalay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax waana Gudoomiyaha guud ee Ahlu-Suna Wal Jamaaca, iyadoo aan jiri karin shaqsi ka hor iman kara rabitaanka wiilkiisa. Madaxa Xukuumada Galmudug, ayaa talaadadii ka hor ka soo horjeestay in la hakiyo xiriirka dowladda dhexe iyo Galmudug, wuxuuna taageeray gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), taasoo uu isugu yeeray maamul goboleedyada dalka ka jira. Cabdi Samad Macalin Maxamuud oo la rumeysan yahay inuu yahay ruuxa go’aanada Siyaasada ee Ahlu-Suna iska leh, ayaa khadka tilifoonka kula hadlay Sheekh Shaakir, wuxuuna u sheegay inuu meel iska dhigo qodobada ka soo baxay shirkii 24-ka bishan ku soo dhamaaday Garoowe ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada. Cabdi Samad Macalin, ayaa wararku sheegayaan inuu saaxiib dhow la yahay xukuumadda Soomaaliya. Xukuumadda ayaa lagu warramayaa inay Cabdi Samad u ballan-qaaday in hadii uu ku guuleysto dagaalkan ka dhanka ah Madaxweyne Xaaf, lagu abaal-marin doono xil wasiir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ahna wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Somalia, Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ka hadashay masuuliyadda baarlamaanka ka saaran meel marinta sharciyada dalka. Khadiijo Diiriye, ayaa sheegtay hadal ku aadan in sharciyadda iska yaala xafiiska madaxweynaha ay keeni karaan mooshin xildhibaanada ka diyaariyaan madaxweynaha Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. Hadalka waxay jeedisay xili ay sharaxaad ka bixineysay muddada loo baahan yahay in xafiiska madaxweynaha ay yaalaan sharciyadda u baahan saxiixa u dambeeya ee madaxweynaha dalka. Khadiijo Diiriye, ayaa sheegtay in sharciyadda iska yaala xaafiiska Madaxweynaha ee aan wali lagu soo saarin Faafinta rasmiga ah ee dalka ay ka dhalan karaan dambiyo ay ka mid yihiin Mooshin laga keeno Madaxweyne Farmaajo, waxayna sheegtay in xildhibaanada looga baahan yahay la xisaabtam arrintaas loo galo. Xildhibaan Khadiijo, ayaa saaxiib dhow la ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo, waxaana hadalkaan ay sharaxaad dheeri ah kaga bixineysay waxyaabaha ka dhalan kara sharciyada iska yaala xafiiska madaxweynaha. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray warar soo baxayay oo ku aadan in xildhibaanada qaar ay wadaan mooshin ka dhan madaxweynaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, ayaa heysta dhowr Fursadood oo uu ku noqon karo madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed, kadib doorashada 17 Bishaan ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Wuxuu shaaciyay waxyaabaha uu qaban doono haddii loo doorto madaxweynaha Koofur Galbeed, waxaana uu sheegay inuu xooga saari doono iskuulada wax lagu barto iyo goobaha diinta lagu faafiyo. Fursadda koowaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha koofur Galbeed ayaa ah Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Shariif Xasan, oo sababi kara in labada dhinac “Shariif Xasan iyo Musharaxa DF taageersan tahay” aysan heli fursaddaha codadka xildhibaanada. Waxay taasi siin kartaa Fursad uu ku heli karo codadka ugu badan, maadaama Shariif Xasan uusan heysan taageero badan, Xildhibaanadana ay dhaqaalo qaadan karaan kadibna dooran karaan Musharax ay talo ku yeelan karaan go’aanadiisa. Fursadda labaad ee Roobow uu ku noqon karo madaxweynaha Koofur Galbeed, ayaa ah inuu kasoo jeedo Beesha Mirifle gaar ahaan Leysaan, Xildhibaanada Leysaan ayaa horey u taageersanaa Shariif Xasan oo Abti ay u yihiin, maadaama ay yaraayeen musharixiinta beeshaasi kasoo jeedo oo codadkooda ay siin karaan. Maadaama hadda ay heystaan nin kasoo jeedo Leysaan oo taageero badan heysta, waxay taasi keeni kartaa in xildhibaanadii horey ugu codeyn jiray Shariif Xasan inay codkooda siiyaan Muktaar Roobow, waxaana ay heystaan tiro xildhibaano ah. Arinta seddexaad ee keeni karta in Roobow madaxweyne noqdo ayaa ah, inuu horey u balan qaaday in Goobta dhibaatada ugu badan ay ka jirto Koofur Galbeed oo ah Shabeelaha Hoose inuu wax badan ka qaban doono isbaarooyinka qabiileed ee yaala Shabeelaha Hoose iyo Al Shabaab. Balanqaadkaasi ayaa u sahli kara iyo xildhibaanada ugu badan ee Digil inay taageeraan oo codkooda ay siiyaan, maadaama uu lasoo shaqeeyay Al Shabaab, uuna yaqaano xogo badan iyo hanaanka loola dagaalamo, maadaama Al Shabaab ay dhibaato badan ku hayaan Shabeelaha Hoose. Wuxuu sidoo kale heli karaa taageerada beelaha kala duwan ee Koofur Galbeed oo doonaya in deegaanadooda ay noqdaan goobo nabdoon, waxaana xildhibaanada qaar ay u balanqaadeen taageero badan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo kordhay labo dhacdo oo mid kamid ah walaac badan ku abuuray dhalinyarada iyo dadka Garka iska jari jiray. Askarta cusub ee lagu daadiyay waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo ay la socdaan dad dhar ah ayaa bilaabay inay timaha ka jaraan dhalinyarada sida xun tinta u jarta oo aad ugu badnaa magaalada Muqdisho. Askartaan ayaa sidoo kale u diga dadka gerka iska xiira ee Shaarbaha deysta, waxaana dad badan ay isweydiinayaan dadka amarka siiyay dhalinyarada sidaasi sameyneysa iyo ujeedada laga leeyahay. Dhalinyarada ayaa inta badan lagu qabtaa Bakaaraha iyo degmada Waaberi, halkaasi gaadiidka ugu badan ee dadweynaha ay adeegsadaan, waxaana ciidamada ay amraan in dhalinyarada sida xun timaha u jarta ay kasoo dagaan gaadiidka. Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhaya dadka iska dhigaya inay lugaha la’yihiin, kuwaasi oo dadweynaha tuugsanaya, waxaana la arkay kuwo mararka qaar ka cararaya maqribadii goobta ay joogeen. Dhacdooyinkaan ayaa ku badan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana hadda muuqata in isgoyska Km4 iyo meelo kale lagu arkayo dad sidaasi ku dawarsanaya, waxaana qaarkood ay kuu sheegayaan inay shaqo la’aanta ku sababtay inay sidaasi sameeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dad badan oo ila soo xidhiidhay ayaa igu dhiirigaliyey qoraallada aan u bixiyey Odhaah-siyaasadeedka Maanta in aan ku soo daabaco mareegta WardheerNews, si uu qoraalka u gaadho dad badan. Waanan qaatay. Abiy Axmed, RW Itoboya, oo awoodda dalka ugu sarreysa si fudud ku helay waxa uu ilaa hadda ina tusay in uu noqon karo “IS-BADAL KEENE.” ama waxa afka qalaad lagu yidhaa ‘REFORMER,” Intuu RW Abiy talada la wareegay waxyaabo aad loogu qushuuco ayuu ina tusay: awooddii TPLF oo la dhimay, maxaabis la siidaayey, kooxihii hubaysnaa (OLF, GINBOT 7, TPDM, ONLF) oo soo galay waddanka, collaadii Eriteriya oo la soo afjaray, tirada wasiirrada dawladda dhexe oo la dhimay (28 laga dhigay 20), iyo Cabdi M. Cumar dawladdiisii oo noqotay ta kaliya ee Abiy afgambiyey. Cabdi Muxumed Cumar dhib xad-dhaaf ah ayuu dadkiisa ku hayay, waxuuna noqday “Loma ooyaan” dambiyo uu geystay iyo kuwo aanu geysan intaba lagu soo oogay. Dhibta uu Soomaali u geystay ayaan marnaba la hilmaami karin. Waxaan ka daalacan kartaan caddaynta ay diyaarisay Hay’adda Human Right Watch. Dood macquul ah waa laga keeni karaa sababta Deeganka Soomaalida oo kaliya afgambigu uga dhacay. Waxaanse innaba doodi ka taagnayn in tacadigii iyo xadgudubka ka jiray Deeganak Soomaalida uu ahaa wax aan adduunka lagu arag. Dawladdan cusub ee uu soo dhisay bishan Okotober horraanteedii iyo badhtamaheedii tallaabooyin aad loogu qushuuco ayuu qaadday. Boosas muhiimad leh ayuu u qoondeeyay haweenka Itoobiya. Marwo Sahle-Work Zewde, 68 jir kana soo jeedda qowmiyadda Amxaarada ayuu Madaxweyne ka dhigay (Waa markii ugu horreysay ee haweeney ka noqota madaxweyne dalka Itoobiya oo ku caan baxay nidaam iyo mamul xumo. Intaa waxa dheer in golaha wasiirrada kala badh(50%) uu u magacaabay haween; wasaarado muhiim ah sida Difaaca (Aisha Mohameed – Canfar) iyo Mufria Kamal (Nabadaynta iyo Sirdonoka – Koonfur) iyo qaar kale. Gole ka kooban 20 wasiir iyo 55 Wasiru-Dawlo iyo Wasiir-xigeeno ayuu RW Abiy soo dhammaystiray. Waxaa aad la isla dhexmarey saami qaybsigan iyo waxa Soomaali ka soo gaadhey. Sida la isku raacay, Soomaali qaybta ay ka heshay saami qaybsigan wax lagu qanci karo ma aha. Waxa, haddaba, isweydiin mudan waxa uu RW Abiy u arki la’yahay Soomaalida isla markaana aanu sharfin? Taariikhdu markay ahayd 1921kii, waxa Ingiriisku ka adkaaday, isagoo kaashanaya Soomaali askar ah, Daraawiishtiii iyo Hoggaankii halganka gobinimadoonka waday. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waxa uu u qaxay gobolka Caruusi. Markii uu Dhaxal Suge Xayle Selaase maqlay in Sayidkii jabay isla markaana Duumo ku cuntay miyiga Caruusi, fariin ayuu diray: “Sayidow kaalay oo aan heshiino, Gobolkan Harargeena oo ah kan ugu qiimo badan ee dalkan boqortooyada waxaan kaaga dhigi Ras, ama Amir.” Fariintan ka hor waxaa Ras ka ahaa gobolka Hararge Ras Mokenen oo ahaa Xayle Selaase Aabihiis. Fiiro xurmada Xayle uu siiyey Sayidka, laakiinse uu Sayidku ka diiday! Sharfta ayuu ka raacay Sayid Maxamed Cabdile Xasan Sidoo kale taariikhdu markay ahayd 1947kii, waxa uu Xayle Selaasie ka qayb galay heshiiskii soo afjaray Dagaalkii Adduunka ee Labaad (WWII) oo ka dhacay magaalada Paris ee Faransiska. Boqor Xayla Selaasie waxa uu sii kaxaystay Afar oday. Sheeikh Al-Ahzara oo Soomaali ahaa ayaa afartaas oday ka mid ahaa. Waxa Boqorku rabay in uu adduunka tuso in Itoobiya ay tahay dal dadkiisuu qowmiyado kala duwan yihihiin. Soomaali badani waxay qabaan in aanu R/W Abiy Soomaalida cisaynin. Soomaali hal wasiir kama badsan karto miyaa? Meles iyo Xalyle Mariamba hal wasiir ayey u oggolaayeen Soomaalida. Sidoo kale, Mengistuna hal wasiir ayuu siinjiray. Boqor Xayle Sellase qudhiisuna intaa ayuun buu u oggolaa Soomaalida. R/W Abiy waxaad moodaa in ay Soomaalidu xaashida Qoomiyaduhu ugu qoranyihiin halka ugu hooseysa kaga jirto. Markii uu Mareykanka yimid, inta badan hadalladiisa magaca Soomaali ku ma jirin. Intuu illoobo ayaa gadaal looga sheegi jiray. Tan kale, markii uu ka hadlay Jabhadaha soo xerooday ee nabadda qaatay, ONLF wuu ka tagay ama maanu xasuusan. Isla markaas waxaad moodaa in uu sheegay magacda jabhado aan laba aqoon sida tan la yidhii dhinaca Tigreega ayey ka dagaalantaa. Qoraa la odhan jiray Ralph Ellison oo ahaa nin u dhashay Mareykanka Modow (African American) ayaa buug qoray la yidhaa “The Invisible Man,” ama “Ninka aan La Ariki Karin.” Waxa uu buuggu tibaaxayaa sida ay u adag tahay in qofka madow la arko ama la sharfi karo inkasta uu sameeyo wax alla waxii laga rabay. Sidoo kale, Soomaalida Itobiya ku hoos jirtaa, waxa kasta oy samayso, R/W Abiy kari waa in uu arko. Waxa uu kari waayey in Soomaalidu dhulka ugu baaxad weyn leedahay arko; waxa uu arki kari waayey in tacadiga ugu badani soo gaadhay Soomaali; waxa uu iska indhasaabay in Soomaalidu tahay qowmiyadda saddexaad ee ugu tirade badan; waxa laga dhaadhicin kari waayey ama maskaxdiisu sawiri kari wayday in ONLF kawada cimri dheertahay OLF, Ginbot 7 iyo Jabhadda Tigrey ee dhawaan billoowday in ay ka hortimaad TPLF. Waxa uu iska indha saabay in khayraadka ugu badan (petroleum iyo natural gas) ay ku jiraan dhulka Soomaalida. Cadduur dhawdhawdu uma dhacsana, R/W Abiyna diid in uu arko Soomaali. Waxaad moddaa in sidii Meles oo kale qabo. Sayid Khaliifa oo ahaa Suudaani Suxufi ah ayaa Mele waydiiyey su’aal ah “maxaad Soomaalida ugu yareysay Saami qabsiga dawladdaada iyagaaba soo kifaaxee.” Meles waxa uu ku jawaabay “Soomaalidu waa xoolo dhaqato oo maamulka ma taqaan.’ Xilligiaasi waxay ahayd 1991kii. 2018ka, tolow maxay wax isku badali waayeen? Maxaa Soomali loo arki la’yahay ooy u noqdeen sidii Ralph Ellison ku tilmaamay Mareykanka Modow, oo ah “The Invisible Man,’ ama “Ninka aan La’arki karin?” Faysal C. Roble, Los Angeles, California Email: faisalroble19@gmail.com Wardheernews.com
-
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab ka bixiyey khudbad uu xalay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u jeediyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Sudan. Madaxweynaha oo arbacadii u safray magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Sudan ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ku dhaliilay siyaasiyiinta danleyda ah ee uu ku tilmaamay in ay dib u dhac u keenayaan dalka. Madaxweyanaha oo u kala qaaday qeybo kala duwan siyaasiyiinta Soomaalida ayaa waxaa ugu muhiimsanaa laba: 1 – Kuwo siyaasadda u soo gala in ay dhaqaale ka sameeyaan oo haddii ay xilka waayaan adeegsadaa xasaasiyad qabiil iyo kuwo ku faanaya in ay ajnabi wataan oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dalka dullinimo u horseedaya. Xildhibaan Fiqi oo u muuqday mid ka jawaabaya hadaladdii Madaxweynaha ayaa bartiisa Faceboob soo dhigay qoraalkan hoose: Fiqi:- Waqti iyo hanti ugu yaraan wax badan u fadhin lahaa dalkeena iyo dadkeena ayuu madaxweynuhu ku bixinayaa socdaalkiisa u danbeeyey ee dalka Koofurta Sudan, ujeedaduna sida la sheegayo waa in kooxaha talada dalka Koofurta Suudaan isku haya lagu heshiisiiyo, arrin xun maahan gobol ahaan. “Balse in madaxweynuhu halkaas ka soo diro fariimo xanaf leh oo muujinaya inuusan heshiis la ahayn siyaasiyiinta iyo maamulada dalkiisa ka jira, iyo ujeedada safarkiisu ma ahan wax isqabanaya , waana arrin tilamaan cad ka bixinaysa fahamka hogaanka dalkeenu halka uu joogo iyo in mas’uuliyaddii ka saarnayd isku haynta dadka iyo ka shaqaynta dib u heshiisiintooda in ay uga muhiimsanaatay socdaallo umado kale ku heshiinayaan iyo ficillo sii kala fogaynaya dadkooda oo ay qaadayaan. Madaxweynaha waxaa la gudboon in xaaladda dalku uu ku sugan yahay uu qiimeeyo, sacabka dad hool lagu soo aruurshay, sawirada dacaayada ah oo lacago lagu baxsho daabacadooda iyo post-yada facebook-ga ee ammaanta iyo marin habaabinta u badan aysan ahayn kuwo ka turjumaya waxa dalka ka jira ee dhabta ah.” Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waxa uu ka mid yahay xildhibaanadii la dhacsanaa Madaxeyne Farmaajo oo siiyey codkooda doorashadii bilowgii sanadkii 2017 balse markii dambe ku biiray kooxaha mucaaradsan dowladda. Sidoo kale, Fiqi waxa uu qeyb ka noqday xisbiga Midowga Nabadda Iyo Horumarka oo ay ku mideysan yihiin Daljir, Dhaamujadiid iyo kudladda Horusocod. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta Fariin u diray siyaasiyiinta dhaliilsan dowladda Soomaaliya iyo amaanka magaalada Muqdisho. Saacado kadib markii Fariintaasi uu diray Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa bartiisa Facebook jawaab soo dhigay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo si weyn u mucaaradsan dowladda Soomaaliya. Intaasi Kadib Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa Jawaab kale oo Adag siiyay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, oo ka mid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa galabta waxa uu magaalada Baydhabo kulan kula qaatay Aqoonyahanada iyo Ardayda Jaamacadaha Baydhabo. Khudbad dheer oo uu ka jeediyay kulanka, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha amniga iyo siyaasadiisa ku aadan waxqabadkiisa hadii uu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed. In kastoo oouu ka hadlay dhinaca Amniga, ayaa khudbadiisa waxa uu ku dabaqay hadba dadka kulanka uu la qaadanayay, waxaana uu sheegay in Goobo Diinta iyo Culuumta kale ee Maadiga lagu barto uu ka hirgelin doono deegaanada Koonfur Galbeed. “Waxaan balan qaadayaa in Koonfur Galbeed ay noqoto meel cilmiga loo soo doonto, runtii waxaan badin doonaa oo aan hirgelin doonaa Jaamacado farabadan iyo Goobo kale oo Culuumta maadiga lagu barto” ayuu yiri Mukhtaar Rooboow. Mukhtaar Rooboow ayaa ka mid ah musharixinta tobanka ku dhow ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxana maalmahaan uu wadaa kulamo uu ku soo jiidanayo bulshada Magaalada Baydhabo. Guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa shalay sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors