Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    206,923
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Madaarka Garoowe & Xoggo kale oo xasaasiya Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ciidamo ka gadooday Mushaar la’aan ayaa goor dhaw la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ee General Maxamed Abshir. Ciidankaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo baxeen furinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Col. Sumaysane oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee furinta dagaalka Tukaraq ku jiray. Xaaladda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa kacsan, ciidamada ayaana gudaha u galay Garoonka, inkastoo aanan la soo sheegin rasaas ay rideen ciidanka. Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku fashilanay bixinta Mushaaraadka Ciidamada oo muddooyinkii dambe ciidamo kala duwan ay ka cabanayeen. Qaran News
  2. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliaya Ambassador Nicholas Haysom. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, waxaana ay weftiga Ambassador Nicholas Haysom la qaateen kulan gaar ah, isla markaana Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa markii kulankii soo gebageboobay si wadajira ula hadlay Warbaahinta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn kusoo dhoweeyey Wakiilka qaramada midoobey Soomaaliya u qaabilsan iyo weftiga uu hogaaminayey Puntland, iyadoona Madaxweynuhu uu tilmaamay in ay tahay booqashadiisii ugu horaysey tan iyo intii la magacaabay wakiilku uu ku yimaado Puntland, isla markaana ay ka Puntland ahaan wanaag u tahay imaanshaha wakiilka iyo weftigiisa. “ Waxaa sharaf weyn noo ah inay nooyimaadan wefti uu hogaaminayo Wakiilka Cusub ee qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo ku-xigeenkiisa Mr. Rai Zenenga, Ambassador Nicholas Haysom, wakiilku waa cusub yahay sida aad la socotaan waa boqashadiisii ugu horaysey ee uu ku yimaado Puntland, waan ku faraxsannahay booqashadii ugu horaysey inuu noogu yimaado, kulankayaga maantana waxaan ka wadahadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya ee cakiran, kala aragti duwanaanshaha DFS iyo maamullada dalka, arrimaha amaanka, siyaasadda iyo tageerada beesha caamku ay siiso Soomaaliya iyo wixii feker ah oo aanu ka qabno xal u helidda mushkiladdaha Soomaaliya oo amnigu ugu horeeyo, wada shaqaynta Soomaaliya iyo beesha caalamka’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Dhinaca kale Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom ayaa dhankiisa xusay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyaha Puntland markiisii ugu horaysey, waaxa uu tilmaamay inay isaga iyo Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kaleba ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wanaajinta wada shaqaynta dowladda Dhexe iyo maamullada dalka. “Waaxan ku faraxsanahay inaan markii ugu horaysey imaado Puntland, waaxaan ka wada hadalnay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta beesha caalamka iyo Soomaaliya, caqabada ka dhexjira dowladda dhexe iyo dowladdaha Xubnaha ka ah, xasiloonida, nabadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha” ayuu yiri Ambassador Nicholas Haysom. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qado sharaf ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo weftiga uu hogaaminayey. PUNTLANDPOST The post Warbixin:- Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Gaas iyo Mr Nicholas Haysom? appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay tirakoobka falal-dambiyeedyadii sannadkan (2018) ka dhacay guud ahaan Somaliland iyo tirada dilalka ka dhacay. Ilaa 19,664 dhacdo ayaa la sheegay inay ka dhaceen guud ahaan Somaliland sannadkan 2018-ka, kuwaasi 61 kamid ah ay yihiin Dil, halka 101 kamid ah dambiyadaasna ay yihiin Kufsiyo. Falalka dilka ayaa loo qabtay 55 eedaysane halka la raadinayo 5 ruux oo kale, sidoo kale falalka kufsiga ayaa loo qabtay 87 eedaysane hase ahaatee waxaa ku eedaysan falalka kufsiga 105 ruux kuwaasi oo uu ku jiro kufsi wadareed. Falalka kufsiyada ayaa hoos u dhacay marka la barbar dhigo sannadkii hore iyadoo ay sannadkii hore dhaceen 108 kufsi sida ay boolisku sheegeen. Dhinaca kale, boolisku waxay sheegeen in sannadkan ay Somaliland ka dhaceen 3,457 shil kuwaasi oo ay ku dhinteen 161 ruux waxaana ku dhaawacmay 2,255 ruux. Booliska Somaliland ayaa xusayay sannad guuradii 25aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ciidamo ka gadooday Mushaar la’aan ayaa goor dhaw la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ee General Maxamed Abshir. Ciidankaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo baxeen furinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Col. Sumaysane oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee furinta dagaalka Tukaraq ku jiray. Xaaladda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa kacsan, ciidamada ayaana gudaha u galay Garoonka, inkastoo aanan la soo sheegin rasaas ay rideen ciidanka. Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku fashilanay bixinta Mushaaraadka Ciidamada oo muddooyinkii dambe ciidamo kala duwan ay ka cabanayeen. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  5. Baydhabo (Caasimadda Online) – Ololaha Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa marayo meel xasaasi ah, waxaana isbadal ku imaaday filashadii laga qabay doorashada iyo cidda kusoo bixi doonto. Sida ay Caasimadda Online ogaatay waxaa jiro musharixiin dhawr ah oo ka quustay u tartamidda Kursiga Koonfur Galbeed maadaama ay soo meesha soo galeen Musharixiin awood leh oo ay wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya. Musharixiinta ku dhow inay ka tanaasulaan u tartamidda kursigaan ayaa waxaa kamid ah Maxamed Aadan Fargeeti oo horey usoo noqday Wasirka Maaliyadda. Fargeeti oo markii hore kamid ah Musharixiinta ugu cad cad doorashada ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda ku jiro xaalad walwal ah kadib markii ay ballanta uga baxeyn Xildhibaan iyo Musharixiin markii hore ku dhiiragelinayey inuu isku soo taago xilkaan. Fargeeti oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu Axadda Berri ah u dhoofo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, waxaana laga yaabaa inuu halkaas kaga dhawaaqo inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa maadaama uu kalsooni ka waayey Xildhibaanadada. Sidoo kale musharax Xuseen Calool kuus ayaa isna wajahayo cadaadis weyn, mana jirto kalsooni buuxda oo uu ku qabo inuu xilkaas u tartamo inkastoo ay wadato Dowladda Soomaaliya. Xuseen Calool Kuus ayaa ah dooqa labaad ee Musharixiinta Dowladda ay wadato, waxaana kaalinta koowaad kasoo galay Cabdicasiis Lafta Gareen oo ah Siyaasi si weyn ugu xiran Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay Magaalada Baydhabo ka dhacdo 17 Bishaan waxaana xilkaas u taagan illa 8 Musharax oo ay ku jirto hal haween ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa maanta muddo Afar sano iyo Bar kadib ku fariistay Kursiga Xildhibaanada ay ku fariistaan ee golaha Shacabka isaga oo Xildhibaan ah. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaanan lix bilood xaadirin kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka, waxaana uu ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu tagay kadib iscasilaadiisii Bishii April ee sanadkan. Jawaari, ayaa ka qeyb galay kalfadhiga Afaraad kulankiisa 21 aad oo arrimo badan looga hadlayay, waxaana socdo kulamada looga hadlayo wax ka badalka xeer hoosaadkii uu ku dhaqi jiray golaha Shacabka. Guddoomiyaha xilka kala wareegay Jawaari ayaa dhawaan digniin u diray xildhibaanada fasax la’aanta isaga maqnaa dalka Dibadiisa, isagoo u qabtay inay muddo kooban dib ugu soo laabtaan dalka kana qeyb galaan kulamada baarlamaanka. Imaanshihiisa ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamanka Koonfur Galbeed, oo dowladda ay u yeertay, kuwaas oo qeyb ka ah olole looga adkaanayo Shariif Xasan. Ma cadda weli in Jawaari qeyb ka yahay ololaha, balse waxaa jira warar Muqdisho aad looga hadal hayo oo sheegaya inuu la safan yahay Cabdi Casiis Lafta-Gareen oo dowladda ay wadato, inkastooo aan la xaqiijin karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sida xilligan lagu xalin karo karo khilaafka ka dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Dadkan qaarkood ayaa u sheegay Goobjoog in muhiim ay tahay in loo midoobo danta dalka, la iskana ilaaliyo wax walbo oo kala fogeyn kara Labada dhinac. Sidoo kale, shacabka ayaa sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay iney xaliso tabashada dowlad goboleedyada, bedalkii ay ku dhowaaqi lahayd hadallo sii fogeeya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/VOX-POP.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay ka wadahadleen arrimo badan. Kulanka kadib, madaxweyne Gaas ayaa sheegay in waxyaabaha laga wadahadlay ay ka mid tahay khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Sidoo kale, Gaas ayaa sheegay iney ka wada hadleen Nicholas Haysom arrimaha ammaanka sidii loo dardargelin lahaa howlaha amni ee dalka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Warbixinta-Waiilka-Qaramada-Midoobay-Soomaliya-iyo-Gaas-3-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Weydow iyo Macaani ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in miinadan ay haleeshay gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidankaan la socdeen, waxaana halkaasi ku dhintey Saddex ka mid ah askartii gaarigaasi la socotay, iyadoo sidoo kale ay dhaawacmeen Labo kale. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo wada howlgallo ballaaran. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Bosaso[Puntland Post]-Mid kamid ah beelaha Dega Puntland ayaa si rasmi ah u shaciyay Magacyada Xubnaha u matalaya Golaha wakiilada ee Puntland 2019. Nabadoonada ayaana kulanka ku soo bandhigay Magacyada shaqsiyaadkaasi oo kala ah Dr Yaasiin Cartan Mxamed iyo General Cabdi Cismaan Firdhiye. Waxa sida oo kale kulanka laga soo jeediyay hadlo u badan dardaaran kaas oo xildhibaanada beeshu ay kula dar daarmayeen in ay umada u shaqeeyan iyagoona Ale uga baryay in uu u fududeeyo xilkan ay qadeen. The post Mid kamid ah beelaha Dega Puntland ayaa si rasmi ah u shaciyay Magacyada Xubnaha u matalaya xildhibaanad ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askartaan ayuu qabsaday qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, xilli Kolonyada ciidanka ay ku soo socdeen Magaalada Muqdisho gudaheeda. Afar ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid qof shacab ah uu yahay, halka saddex kalena ay yihiin ciidan la socday gaari cabdi bile ah, kadib markii qarax lagula eegtay deegaanka Waydoow ee duleedka Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in saddex askari oo Alpha Group ay dhinteen, sidoo kalena laga cabsi qabo rasaasta ay fureen ciidanka dad inay ku dhinteen. Ciidanka qaraxan lala eegtay oo ka tirsan Alpha Group ayaa u soo socday Muqdisho, kadib markii ay ka yimaadeen Gobolka Shabellaha hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen gaadiid loo maleynayo in ay sidaan hub. Saraakiisha Cadaado ayaa sheegay in gaadiidkan oo ah ilaa 6 gaadiidka Xamuulka lagu qabtay halka laga soo galo magaalada Cadaado. Wariye Xasan Axmed Qasaaro oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in gaadiidkaasi iminka ay baaritaano ku wadaan ciidamada amaanka, isaga oo sheegay in ay jiraan warar sheegaya in gaadiidkaan ay u socdeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Hoos ka dhageyso wareysi aan la yeeshay wariyaha Cadaado ku sugan. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-Cadaado.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gadiid loo maleynayo in ay hub sidaan oo lagu qabtay Cadaado appeared first on Puntland Post.
  13. Wasaarada Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha ee dowlada Puntland, ayaa sheegtay inay ku guulaysatey diyaarinta siyaasadaha xeerarka iyo habraacyada maamulka shaqaalaha dawladda Puntland iyo sidoo kale diyaarinta siyaasada horuumarinta dhalinyarada. Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, Axmed Cabdalla Tigaana ayaa sheegay inay xeerarkaan dhammaantood mareen golayaasha kala duwan ee dawladda Puntland, ayna bilaabanayso fulintooda iyo baahinta siyaasadaha iyo xeerarka maamul. Tigaana, ayaa u mahad celiyay dhamaan shaqaalaha wasaaradda oo muujiyey dedaal iyo hufnaan aqooneed taas oo u horseeday guulaha wasaaradu gaashey. Waxaa si gaar ah agaasimuhu ugu mahad celiyay wasiirka iyo wasiir kuxigeenka sida kalsoonida leh oo ay u maareeyeen hawlahan shaqo awood buuxda iyo kalsoonina ku bixiyeen in la hir geliyo howshaan adag ee juhdiga badan lagu bixiyay.. Puntlandi.com
  14. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya haddana ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka soo muuqday fadhigii Baarlamaanka ee ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankii Baarlamaanka ayaa ahaa kii kulanka 21-aad kalfadhigiisii-4aad ee uu shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ajendaha kulanka aya ah aqrinta koowaad mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka ( dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda iyo sii wadista dooda iyo ansixinta xeer hoosaadka golaha shacabka. Proff Jawaari ayaan ka soo muuqan kulamada Baarlamaanka tan iyo markii uu xilkaasi iska casilay 9-kii Apr , 2018 . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Jawaari oo Kulankii Baarlamaanka muddo kadib ka soo muuqday. appeared first on Puntland Post.
  15. Ciidanka xeebaha dalka Japan ayaa baadigoob xooggan ugu jira raadinta jasiirad ku luntay ag-agaarka xeebaha waqooyi, kadib markii ay qarsoontay iyadoo aaney cidina dareemin, arrintan oo keenaysa isbedel ku yimaadda khariidada dalka Japan. Jasiiraddan ayaa muhiimad istiraatiijiyadeed u leh dalka Japan, waxey ku dhex qarsoontay biyaha hoostiisa badda Okhotsk, dhanka waqooyi ee gobolka Hokkaido ee xuduudda Japan iyo Ruushka. Jasiiradda “Esanbe Hanakita Kojima“, waxey ka mid ahayd 158 jasiiradood oo dalka Japan ku yaalla oo aaney cidina daganeyn, xukuumadda Japan ayaa diiwaangelisay 4-sano ka hor si ay calaamad ugu noqoto xuduuda goboleedka badda ee ay dalka Ruushka la leeyihiin. Qaanuunka dowladiga ah ayaa sheegaya in jasiiradaha ay suuraggal tahay in loo diiwaangeliyo calaamadeynta xuduud goboleedka, waa marka ay muuqato, arrintan oo baqdin gelinaysa dalka Japan, halka biyaha goboleedka uu sii nuqsaamayo. Dadka deegaanka ugu dhow ee Sarufutsu, kuma aaney baraarugin jasiiraddan iney indhaha ka qarsoontay, taas oo kiiloomitir barkii u jirta deegaankooda. Cilmibaare Japanese ah oo la yiraahdo Hiroshi Shimizu ayaa khatarta ka dhawaajiyay mar uu booqnayay deegaan ka dhowaa jasiiradda oo safar dhanka badda uu ku bixinayay, isagaana wargeliyay dowladda dalkiisa inuu la’yahay halkii ay ka xigtay Jasiiradda “Esanbe Hanakita Kojima“. Dowladda ayaana xilli dambe ogaatay inaan jasiiradda la hayn oo ay indhaha ka qarsoontay isla markaana halkii ay ku taallay xitaa aan la hayn. Jasiiraddan ayaa waxaa baadi goob ugu jira oo raadinaya ciidanka xeebaha badda, si loo xadeeyo halkii ay ku taallay, si ay uga ilaashadaan xuduud goboleedka badda ee dalkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta ka soo qeyb-galay kulanka golaha shacabka. Xildhibaan Cabdi Shire cayaarjecel oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhoweeyey isaga oo intaasi raaciyey inuu mudanyahay in la soo dhoweeyey, oo wuxuu ku shaeegay “Qaamuus”. Kulanka oo ay goobjoog yihiin 156 xildhibaan ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Ajendaha kulanka aya ah aqrinta koowaad mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka ( dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda iyo sii wadista dooda iyo ansixinta xeer hoosaadka golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Baydhabo (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ka socoto diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee olaha doorashada maamulkaan, taasi oo loo madal-san yahay 17-ka bishaan. Guddiga doorashadda oo shalay kulamay waxay soo saareen shuruudaha laga doonayo murashax kasta oo ay kamid tahay bixinta lacag diiwaan-gelinta ah ragga laga rabo 20 kun oo dollar, halka dumarku laga doonayo 10 kun oo dollar. Sida laga soo xigtay qoraal uu Guddigu soo saarey, murashaxkasta waxaa looga baahan yahay in Fadhiga lagu dooranayo Madaxwaynaha xiga ee Koonfur Galbeed uu ka hor-jeedo 200 nuqul oo kamid ah barnaamijkiia siyaasadeed. Murashaxiinta ayaa waxaa ku jira labo xubin oo taageero ka helaya Villa Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah; Wasiirka Tamarta mudane Lafta-gareen, oo aan wali is-casilin iyo Taliyihii hore ee NISA, Xuseen Calool Kuus. Si lamid ah waxaa doorashada ka qaybgalaya Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa aas-aasayaaha kooxda Al-Shabaab, iyo Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaaday ee Shariif Xasan oo dib udoorasho rajaynaya. Dadka ka faalooda siyaasada ayaa rumeysan in doorashada Koonfur Galbeed ay go’aan ka gaari karto mustaqbalka Madasha Iskaashia Dowlad goboleedyadda oo uu haatan Gudoomiye ka yahay Shariif Xasan. Sababta ayey ku doodeen in hadii Shariifka uu kusoo baxo doorashada ay ka dhigan inuu sii jiri karo Gollaha iyo olalahiisa ka dhanka ah Villa Soomaaliya, balse ay ku xiran tahay inay doorashada kusoo baxaan Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe oo culeys wajahay dhankooda. Balse, hadii Madaxwayne Shariif looga guuleysto doorashada oo uu kusoo baxo murashax ay wadato Villa Soomaaliya waxay ka dhigan tahay inay waayeen hogaamiyaasha maamulada xubin muhiim u ahaa, maadaama Shariifka uu saamey ku leeyahay go’aamada Gollaha. Wararka laga helayo Baydhabo waxay sheegayaan in Murashaxiinta ay wadaan kulamo ay kalsoonida ua raadinayaan Xilldhibaanada, iyaga oo sameysanaya Isbaheysiyo ay rabaan inay ku galaan doorashada. Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa yimid Muqdisho si ay kulan ula yeesheen Afhayeenka Gollaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, iyaga oo kawada hadlay arrimo ku xeeran doorashooyinka. Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in kulan qarsoodi ay yeesheen Murashax Roobow Iyo Shariif Xasan, taasi oo dhalisay in la meel-mariyo Afhayeenkii hore ee Shabaab, inkasta oo aan la hubin hadii ay isbaheysi sameysteen. Xigasho: Garoowe Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  18. Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamada amaanka ee degmadaasi ay gacanta ku dhigeen lix gaari Candho-meed ah oo ku wajahnaa degmada Dhuusomareeb. Gaadiidkaasi oo ku xayiran duleedka degmada Cadaado ayaa waxaa wararka ay sheegayaan inay saaran yihiin Kunteenaro hub ay ka buuxaan, sida wararka soo baxaya ay sheegayaan Ma jiro masuul ku sugan magaalada Cadaado oo arintaan xaqiijiyay, balse gaadiidkaan ayaa ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ku wajahnaa magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud. Arintaan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxaana socdo sidii loo xaqiijin lahaa in gaadiidka waxa saaran yihiin hub iyo inkale. Lama oga halka gaadiidka ay hubka kasoo qaadeen iyo cidda uu rasmi ahaan ugu socday hubkaasi, waxaana madaxda magaalada Cadaado ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeri ah bixiyaan ka hor baaritaanka inta uusan dhamaan. Warar Caasimada Online heshay ayaa sheeaya in gaadiidka sidoo kale ay saaran yihiin dhar ciidan, ay ka yimaadeen dhanka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah Caasimada Online Xafiiska Cadaado Caasimada@live.com
  19. Ergeyga Gaarka ah Ee Qaramada Midoobeey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Nichalas Haysom ayaa waxa uu ka digay Xasarada Siyaasadeed Ee ka dhex Aloosan Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada ay Caqabad ku noqoto Caawimaadii Soomaaliya lasiin jiray. Xafiiska UNSOM waxa uu ku baaqay in la dedajiyo dhameynta Xiisadaasi,si loo bad baadiyo Dadka Soomaaliyeed iyo Dalka Dib usoo kabashada ku jira. “Waa Maxay Xilligaan waxa keeni kara in la is khilaafo,Siyaasada waa la iskaga hor imaan karaa,balse maahan inay gaarto heerkaan oo kale,ayuu yiri Danjire Haysom”. Waxa uu ugu baaqay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Xubnaha Maamul Gobolleedyada Horboodaya Ee Dawlada Dhexe hoos yimaada inay xal raadinta socota udhego nuglaadaan. Isagoo ka hadlayey Baydhabo ayuu sheegay in ay wadaan wada hadal ay la qaadanayaan Madaxda Dawlad Gobolleedyada loona dhageysto Tabashada ay qabaan kadibna ay Dawlada Federaalka ay la kulmi doonaan Xubnaha ugu sareeya si xal waara loo gaaro. Waxa uu Nicholas Haysom ku taliyey ka hor Doorashada Bishaan ka dhaceysa Kala barkeeda Magaalada Baydhabo in la heshiiyo si qalbi furnaan loo tartamo oo dalka loo bad baadiyo iyo Dalkaba. Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la kulmay Nicholas Haysom iyo fransisco Madiera waxa ay kawada hadleen Arimaha Doorashada 17 Bishaan dhaceysa iyo Khilaafka ka dhaxeeya Dawlada Federaalka Soomaaliya,balse aan la shaacin wixii la isku afgartay. Ugu dambeyn Xafiiska Qaramada Midoobeey Ee Arimaha Soomaaliya UNSOM waxa uu ku cel celinayaa in Xal laga gaaro Muranka Siyaasadeed Ee Madaxda Dawlada Dhexe iyo Maamul Gobolleedyada ka dhex taagan,si loo sii ambaqaado Siyaasad hufan iyo Duulaanka Xarakada Al Shabaab Lagu Xoreynayo oo sii socda. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post QM “Khilaafka Dowlada iyo maamul goboleedyada caqabad ayey ku noqotay caawinadii Soomaaliya la siin jiray” appeared first on Puntland Post.
  20. Ciidamada Daraashiinta dowlad goboleedka Jubaland oo kaashanaya cutubyo ka tirsan Xoogga dalka ayaa maalmahan hawlgallo ka wada degaanno hoosyimaada degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose. Hawlgallada ayaa lagu baacsanayaa malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan tuulooyin iyo degaanno hoostaga degmadaasi Jamaame,waxaana la soo sheegaya in khasaare kala gaaray labada dhinac,inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin khasaarahaasi. Wakaaladda Wararka SONNA oo xiganaysa saraakiil ciidan ayaa saaka soo werisay in ilaa 12 ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab lagu dilay meel u dhow degaanka Araare oo kamid ah meelaha hawlgalku ka socdo. Sidoo kale wakaaladdu waxay intaasi ku dartay in saanad ciidan laga furtay Al-shabaab,hase yeeshee ma sheegin khasaaraha gaaray dhinaca ciidamada militariga Soomaaliya iyo Jubaland. Ciidamada xoogga dalka oo ay wehliyaan Daraawiishta Jubbaland ayaa ku wajahan degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay Al-shabaab mudda sannado ah ka talinaysay. PUNTLAND POST The post Hawlgallo ka socda nawaaxiga degmada Jamaame ee Jubada hoose appeared first on Puntland Post.
  21. Baydhabo (Caasimadda Online) – Caadiyan siyaasi u carareya mansab siyaasadeed hadal macaanidu waa xeeladda helitaanka hiwaayadiisa, laakiin qormadan gaaban waxaa ugu gol leeyahay in aan tilmaamo fahamkeyga khudbadii Mukhtaar Roobow uu u jeediyay dadweynihii u badnaa dhalinyarada Baydhabo. Siyaasiyiinta ku jir olole, khubadbadahooda waxaa ka buuxa ereyo macaan oo ay kamid yihiin; balan qaad, yabooh iyo qorshiyaal inta badan loogu talo gelin in la fuliyo laakiin lagu dabanayo maskaxda codbixiyeyaasha, waxaana dhibaato ku noqota sidii u fulin lahaayeen balamihii ay qaadeen ka hor helitaanka mansabkaas siyaasadeed ama jagadaas. Dhibaatada ka dhalata balan qaadyo been ah oo ay sameeyeen xilliga ololaha doorashada ayaa maanta caqabad ku ah siyaasiyiin badan oo xilal kala duwan haya ama soo qabtay Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka, taasina waxaa keeni karto labo arrimood; in uu siyaasiga xil doonka ahi uusan wax badan kala socon deegaanka uu xilka ka raadinayo uu waxyaabo badan ku fududaayo ama in uu kast u sameeyo oo ay ka tahay aad ku gaartid dantaada. Hadal gaaban oo u jeedo leh ayuu Mukhtaar Roobow u mariyay dadkii halkaas ku sugnaa, iigama muuqan balan qaadyo mucziyo ah ama waali ah, marka aan sidaa leeyahay waxa u jeedaa Roobow waxaa uu diiradda saaray mowduuca waxbarashada maadaama uu la hadlaayay bahda waxbarashada. Taasi ayaana I bidhaamisay in uu yahay hoggaamiye hadal yaqaan ah. Diiradda Intii uu la hadlaayay dadkii goobta joogay waxaa uu khudbadiisa ku kooban waxbarashada iyo waxaa uu ka damacsan yahay, marka uu ku guuleysto xilka madaxweyne ee Koofur Galbeed, isagoo sheegay in uu arday iyo macalinba yahay isla markaana qorshihiisu yahay kobcinta iyo baraarinta waxbarashada deegaanada Koofur Galbeed. Waxaa uu tilmaamay in waxbarashadu tahay waxa keliya lagu gaaro horumar adduun iyo aakhiro ayna ka go’an tahay u adeegida iyo adeegsiya aqoonta, in la sameyn doono maktabad weyn oo laga heli karo duruusta Diiniga iyo tan maadiga iyo tayeynta waxbarashada sare ama jaamacadaha magaalada Baydhabo. Aqoonta iyo xukunka Mukhtaar Roobow, waxaa uu balan qaaday marka la doorto in uu u yeeri doono dhammaan aqoonyahnada reer Koofur Galbeed dal iyo dibad meel kasta oo ay joogaan isla markaana dowladdiisa ay hogaamin doonaan dad aqoon yahno ah oo ummaddu aaminsan tahay kuna kalsoon tahay. Waxaa uu xusay in qof kasta kaalintiisa ka ciyaari doono dowladda uu yegleeli doono marka la doorto, “qofkii qalin wax ku tari kara waa rabnaa, qofkii qori ku dagaalami kara waa rabnaa qofkii talo ama qorshe wax ku difaaci karana waa diyaar,” ayaa hadaladiisa kamid ahaa Roobow. Waxayna tahay arrin xiiso badan sababtana waxaa weeye, maamulka Koofur Galbeed iminka haya ayaan looga baran soo dhoweynta aqoonyahnada, Roobow wuxuu fahamsan yahay qiimaha aqoonta iyo cilmiga, haddii balantaas ka dhameeyo waa hubanti in uu guuleysan doono hogaankiisa. Libanta dadka kale Intii uu hadlayay waxaa ka muuqatay kalsooni iyo isla weyni la’aan, waxaa uu u mahad naqay dadkii magaalada Baydhabo ka bilaabay iskuulaadka wax laga barto iyo jaamacadaha, waxaa uu magac ***** shakhsiyaadka arrintaas ka dambeeyay, waana arrin muujinayso ahmiyadda uu siinayo in dadka bulshada ka tilmaaman loogu mahadceliyo wax ka qabadkooda, taas oo ah wax siyaasiyiinta Soomaalida badankooda looga baran. Roobow marna ma isticmaalin ereyga aniga ee waxaa uu carrabkiisa ku soo laa laabanayay ereyga ah “anaga haddii aan guuleysano” oo laga dhadhansan karo in haddii uu guuleysto la micno tahay guusha bulshada isla markaana uu rabo dadka in ay sidaa u fahmaan. Waxaa uu si aan la leex leexad laheyn, u codsaday in garabkiisa la taagnaado, isagoo tusaale u soo qaatay Ayadii SUURATUL MAA’IDA ee reer Banii Israa’iil Nabi Muuse CS ay ku dhaheen Muusow adiga iyo Rabigaaga baxa oo soo dagaalama anaga halkaan ayaa fadhineynaa, taas oo aan aheyn dhaqanka wanaagsan oo bulshada madaxdeeda la hor tagi karto. Sidoo kale, Roobow, waxaa uu u muujiyay dadka lahaansho in ay dareemaan in dalkooda ilaashan karaan madaxdooda toosin karaan haddii khalad jiro isla markaana qof hogaamiyaha ah laga rabo aragti jaheyn karta bulshada oo lagula shaqeyn karo. Waxaa kale oo aad uga muuqatay hadalkiisa in kurtiisanaanta ALLE ay fure u tahay gaaritaanka yoolka labada daarood, waana waxa looga baahan yahay in qofka hoggaamiyaha ahi uu bulshadisa u jaheeyo waddada saxda ah keeni kartana guul deg deg ah. Hadal deeqsiin Mukhtaar Roobow, waa nin aad ugu wanaagsan jeedinta khubadbado aan lagu caajisin, badanaa ma jeediyo ereyo meel ugu qoran, waxaa uu adeegsadaa xikmado iyo maahmaahyo oo uu ugu duur xulayo u jeedadiisa si loo fahmo waxa uu dadka kala hadlayo. Waxaa kale oo aad u yaqaanaa fahaamsan yahayna dhaqanka dadka Soomaaliyeed taasi ayaana u sahasha in uu markasta isticmaalo tusaalooyin kala duwan oo u jeedada hadalkiisa iftiiminaya, waxaa uu mararka qaar aad ugu qoshliyaa dadka uu u khudbadaynayo marka uu ereyo kaftan ah ku laro hadalkiisa. Roobow, waxaa uu durba muujiyay in uu la shaqeynayo marka la doorto qof aan isaga aheyn, waxaana uu ku kaftamay “ Aniga ma ahi Yaasiin anan ku jirin aqbal ma ahan” “haddii aan ku guuldareysto isla markaana la doorto qof ummadda dad u ah waan la shaqeynaynaa” ayuu yiri. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  22. Maamulka Isboortiga Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay ciyaartooyda loo soo xulay in ay matalaan Gobolka Banaadir tartanka kubbadda cagta maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2018 oo aan wali la shaacin waqtiga iyo goobta lagu qabanayo Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ciyaartoyda iyo macallimiinta hogaamin doonta kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ayaa sheegay in maamulka Gobolka diyaar ula yahay xaquuqda iyo wax kasta ay u baahanyihiin xirfadlayaasha sanadka nasiibka u yeeshay in matalaan calanka iyo shacabka maamulka Gobolka Banaadir “Waxaa idin saran waajib adag sababtoo ah sanadkan ma qaadan karno in aan ku harno heerka Groupy-ada waayo labadii sano ee nasoo dhaaftay ayaa sidaas samaynay,balse sanadkan waxaan rajaynaa in aan ka farxino shacabka gobolka Banaadir”sidaas waxaa Goobjoog News u sheegay gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Xaaji Yabarow Wiish Macalimiinta sanadkan horkacaysa Gobolka Banaadir waxa ay kala yihiin Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon), Cabdullahi Aweys Laash iyo Maxamed Abuukar Nuur Cabdi Wali Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) waa tababaraha kooxda Horseed,horayna waxa uu usoo maamulay kooxaha Elman iyo Dekedda,isagoo sanadkan iyo kii hore fiinalaha koobka jeneraal daa’uud soo gaaray,isagoo kala tababarayay naadiyada Elman iyo Horseed Cabdullahi Aweys Laash waxa uu ka mid yahay tababarayaasha ugu wanaagsan ee lagu arkay tartanka kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir afartii sano lasoo dhaafay horomar wacan ka sameeyay,sanadii 2014 ayuu koobka degmooyin u qaaday degmada Boondheere oo kolkaa fiinalah la dheeshay degmada Waaberi oo iminka ah horyaalka degmooyinka G.Banaadir Tababare Cabdullahi Laash waa qurbajoog waxa uu ka yimid dalka Mareykanka,isagoo sanad kasta inta u dhaxaysa bisha May ilaa December dalka u yimaado in uu caawiyo isboortiga gudaha sanadkan 2018 kooxda degmada Shibis ayuu soo gaarsiiyay heerka fiinalka ciyaaraha degmooyinka afartano sano ka dib,iyadoo bulshada reer Shibis ayay ugu Mahad celiyo darajada uu kooxdooda keenay Maxamed Abuukar Nuur waa layliyaha degmada Waaberi u sahlay labadii sano lasoo dhaafay in ay hantaan koobka degmooyinka,iyagoo ka guulaystay kooxaha Hodan iyo Shibis dadka qaar ayaa qaba saddex Macalin uu is raacay in wax badan ka badali doonaa Gobolka Banaadir “Waxa ay inoo tahay sharaf sida wanaagsan ay maamulka Gobolka Banaadir noogu dhiibney kooxda ayaa anaga si wadajir u rajaynaynaa in aan soo bandhigo wax wanaagsan oo ka farxiya maamulka,iyo taageerayaasha tirada badan ee Gobolka” waxaa sidaas inoogu waramay tababarayaasha laylinaya kooxda Gobolka Banaadir ee isku diyaarinaysa ciyaaraha Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2018 Tartanka kubbadda cagta Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo labadii sano lasoo dhaafay caasimada Muqdisho lagu qabtay ayay kooxda Gobolka dhaafi waasay heerka rubac dhamaadka ama (Semi-Finaalka),balse ifaalada iyo rajada ah ayaa ah in olalahan ay tiigsadaan meel wacan W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)- Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulada dalka Soomaaliya ayaa muddadii uu jiray wuxuu sababay inuu Yaraado wada shaqeynta dhexdooda ah. Wakiilka Ergayga Gaarka ah ee QM u Qaabilsan Soomaaliya oo qeyb ka ah dadaalada la doonayo in lagu heshiisiiyo dowladda iyo maamulada dalka ayaa sheegay in khilaafka uu sababay inuu saameeyo horumarka dalka. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka Soomaaliya iyo sidii si wadajir ah la iskula meel dhigi lahaa hanaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacaya sanadka 2021. Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo matala dowlad goboleedyada ayaa dhankiisa wada dadaalada lagu dhexdhexaadinayo dowladda Soomaaliya, waxaana la ogeyn sida xaalka uu noqon doono. Madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland iyo Koofur Galbeed oo culeesyo doorasho ay heystaan ayaa qiil kasii dhiganaya khilaafka dowladda kala dhaxeeya, waxayna taasi horseeday in musharixiin badan lagu tuhmo in dhanka dowladda ka socdaan. Ergeyga UN-ka Nicholas Haysom iyo midka Afrika Francisco Madeira ayaa todobaadkii tagay waxaa ay bilaabeen kulamo ay la yeesheen aqalka sare iyo maamullada Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle, iyaga oo iska xil saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka dowladd dhexe iyo dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com