-
Content Count
206,923 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Puntland waa maamul goboleedka ugu faca weyn Soomaaliya, ugu dhaqaalaha badan uguna nidaamka wanaagsan. Qofka Puntland maamulaya waxaa uu gacanta ku haya nidaam dhisan oo u baahan in lasoo hormariyo. Shacabka reer Puntland waxaa ay doonayan in la dhiso xisbiyo siyaasadeed iyo in ay iyagu codkooda toos u dhiibtaan oo ay doortaan hogaamiyahooda. Qofka loo doorto madaxtinimada Puntlad waxaa uu xafiiska jooga muddo 5 sanno ah. Puntland ma’ahan sida ay dadka qaarkii u arkaan. Waa maamul ay wali si dadban u ilaaliyan isimada dhaqanka. Bisha Janaayo ee sanadka soo aadan 2019, waxaa Puntland ka dhacaya doorasho madaxweyne, waxaana ilaa hada socda hardan xoogleh ,iyadoo durba lasoo calaamadeeyay labada musharax ee ugu cadcad. Madaxweynaha tallada haya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa doonaya inuu soo noqdo markale, waxaa la aaminsan yahay inuu dhowr shaqo oo muhiim ah qabtay intii uu xafiiska joogay laakiin marka la eego waxyaabihii uu balan qaaday xiligiisii ololaha 30% xitaa ma qaban. Balse, aragti aruurinta warbaahinta madaxabanaan ayaa Gaas ka dhigeysa mid markale ku cadcad inuu soo baxo waxaana loo sababeynaa saddex arimood. 1-Imaarate-ka oo bixinaya qarashka lagu dooranaayo. 2-Cumar Cabdirashiid oo gadaal ka taageeraya. 3-Gacanta uu ku lee yahay xulista xildhibaanada. Cabdi Faarax Siciid Juxa waa ninka labaad ee ugu cadcad doorashada madaxtinimada ee Puntland, waa wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, madaxii waxbarashada ee xafiiska EU ee Soomaaliya iyo saxafi hore. Arragti aruurinta warbaahinta madaxabanaan ayaa Juxa ka dhigeysa ninka ugu adag ee wajihi kara Cabdiweli Gaas ,dhowr arrimood ayaa loo sababeynaya inuu Juxa yahay qofka ugu dhow ee badali kara Cabdiweli. 1- Rabitaanka Shacabka Puntland. 2-Ardaydii uu waxbarashada u diray oo xildhibaano u sharaxan. 3-Aragtidiisa siyaasadeed oo cad. 4-Xogogalnimadiisa Puntland iyo Dowlada dhexe. 5-Ganacsatada oo isaga taageersan. 6-Inuu Puntland gaarsiinaayo doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale musharaaxiinta Siiciid Cabdulaahi Deni, Faarax Cali Shire iyo Jabiye ayaa ka mid ah shanta musharax ee ilaa hada la aaminsan yahay inuu midkood noqon doona madaxweynaha xiga ee Puntland. Caasimada Online Xafiiska-Garoowe Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir C/kariin Cali Kaar oo horey saxaafada uga shaqeyn jiray. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiye C/raxmaan Yariisow uu xilkaasi u magacaabay ruux kamid ah shaqaalaha gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Mahad Cabdi Caraale. Mahad Caraale, ayaa sanadihii u dambeeyay kamid ahaa shaqaalaha gobolka Banaadir, waana ruux dhalinyaro ah oo firfircoon. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horey xilalka uga qaaday guddoomiyaashii Degmooyinka Daayniile, Shangaani iyo Waaberi, waxaana degmooyinka qaar wali haya guddoomiyaashii la shaqeyn jiray Thaabid Cabdi. Guddoomiye kasta oo loo soo magacaabo Gobolka Banaadir ayaa xilalka ka qaado Guddoomiyaashii hore degmooyinka u hayey wuxuuna meesha keensadaan Guddoomiye ay saaxiibo yihiin. Tan iyo markii Yariisow Xilkaan loo magacaabay wuxuu xilkii ka qaaday dhawr guddoomiye iyadoo aan mararka qaar la xusin sababta xilka looga qaado iyo dambiga ay galeen. Caasimada Online Xafiisa Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib Markii madaxweynaha Soomaaliya uu magaalada Jubba ee dalka Sudan ka sheegay in dowlad goboleedyada ay faragelin ku hayaan siyaasadda arrimaha dibadda ayna doonayaan inay siyaasada ku lug yeeshaan ayaa arintaasi waxaa ka jawaabay dowlad goboleedyada. Wasiirka Dastuurka Koofur Galbeed ahna Afhayeenka golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada Cabdullaahi Sheikh Xasan oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku ixtiraamaan siyaasadda arrimaha dibadda. Afhayeenka, ayaa cadeeyay in dowlad goboleedyada kaliya arrimaha dhismayaasha waddooyinka iyo horumarinta deegaanadooda kala hadli karaan dowladaha caalamka ee doonaya inay dhisaan deegaanada dowlad goboleedyada. Balse wuxuu sheegay inaysan jirin haddana dhaceynin in dowlad goboleedyada masiirka ummada Soomaaliyeed ay kala hadlaan madaxda caalamka, sida uu hadalka u dhigay. “Siyaasadda arrimaha dibadda sida dastuurka noogu qoran, nafteeda waxay u baahan tahay inaan isla fahano, Laakiinse waxaan jirin wax ogolaanaya arrimaha dibadda dal kale in lagala hadlo maamul goboleed, horana uma dhicin haddana ma dhaceyso”. “Haddii loola jeedo Gargaarka, Horumarinta, dhismayaasha waddooyinka, Caafimaadka waxyaabahaasi oo kale wey dhici karaan in dowlad goboleedyada loo dhiso, laakiin wax shacabka Soomaaliyeed guud ahaan quseeyo dowlad goboleed lagalama hadli karo” ayuu yiri Cabdullaahi Sheikh Xasan. Khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa xoogeystay waxii ka dambeeyay markii aad lasoo xerxeray dhaqdhaqaaqii dibadda ee ay sameyn jireen madaxda dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno deegaanada Galmudug ayaa sheegaya inay socdaan dadaalo dib u heshiisiin ah oo madaxda dhaqanka iyo xubno ka tirsan aqalka sare ay wadaan. Shirkaan dib u heshiisiinta oo horey u baaqday ayaa waxaa la filayaa in 7 Bishaan uu qabsoomo, waxaana dadaalkaasi doorweyn ka ciyaaraya odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanada aqalka sare ee kasoo jeeda Galmudug. Shirkaan ayaa ka dhacaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug seddex maalin kadib, sida qorshaha uu yahay sida uu saxaafadda u sheegay Suldaan C.Naasir Jaamac oo kamid ah salaadiinta gobolka Mudug. Wuxuu sheegay in shirkaasi ay rajeynayaan inay kasoo baxaan natiijo farxad geliso shacabka Galmudug, maadaama marar badan khilaaf uu hareereeyay. Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa sababay in doorashooyin ay ka kala dhacaan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb, sidoo kale wuxuu khilaafka sababay in shaqooyinka maamulkaasi ay joogsadaan. “Gogoshaan waxaan u dhigeynaa in Galmudug Xalkeeda la helo, waana muhiim in la helo xal waara oo mid bulsho iyo mid siyaasadeed ahba, bulsho walbaa marka maamul ay dhisato waxaa wacan inay wanaagiisa ka shaqeeyaan” ayuu yiri Suldaanka. Haddii shirkaasi ay ku heshiiyaan madaxweynaha Galmudug, Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka, waxaa meesha ka bixi doono madaxweynaha lagu doortay Cadaado iyo guddoonka baarlamaanka ee Dhuusomareeb lagu doortay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
C/raxmaan C/laahi Macallin oo ah wasiirka qorsheynta ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay iney adaan qorshe ay ugu talogaleen in lagu tababaro shaqaalaha wasaaradaha ee maamulkaasi. Waxa uu sheegay in hadda tababaro buuxda la siiyey agaasimayaasha guud ee xafiisyada madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo wasaaradaha Hirshabelle. Tababaradan ayuu ku tilmaamay iney tahay mid sare loogu qaadayo tayeenta maamulka hoose, ayna sii wadi doonaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WASIIRKA-QORSHEYNTA-HIRSHABEELLE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkmada Gobolka Banaadir ayaa xukuno ku riday qaar kamid ah shaqaalaha dowlada oo lagu helay musuq maasuq. 8 kamid ah shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa xukuno kala duwan lagu riday. Maxkmada ayaa xukun ku riday madixii canshuuraha Dekeda Muqdisho Axmed Cabdullaahi Samow iyada oo ku xukuntay 3 Sano oo xarig ah. Sidoo kale maxkmada ayaa 7 kamid ah shaqaalaha dekedda Muqdisho ku riday min 3 Sano oo xarig ah. Dhamaan dadkaasi ayeey maxkamadu ku heshay in ay ku dhaqaaqeen musuq maasuq islamarkaasina hay’adaha amaanka ay gacanta ku soo dhigeen. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxii Canshuuradaha Dekadda Muqdisho oo Xukun lagu riday appeared first on Puntland Post.
-
Maanta oo Axad ah ayaa waxaa si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay qabashada araajida musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa la filayaa in musharraxiinta ay ka faa’ideystaan mudada loo qabtay iney isku diiwaangeliyaan, maadaama doorashada madaxweynaha K/galbeed ay kaabiga soo hayso. Shuruudaha musharraxiinta laga doonayo waxaa ka mid ah iney iska soo casilaan haddii ay xilal kale hayaan, iyadoo la ogyahay inuu musharraxiinta ka mid yahay wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso warbixin uu soo diray wariyaheena C/qaadir War-cadde. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WARKA-WARCADDE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Allaha u naxariistee waxaa habeenkii xalay ahaa magaalada Muqdisho ku geeriyoodey wariye C/risaaq Aadan Qoslaaye oo ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu magaca dheer. Qoslaaye ayaa la sheegay in uu naqaska ku xirmay, kadibna loola cararay Isbitaal, balse uu halkaasi ku dhintey, sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah ehladiisa. Allaha u naxariistee Meydka Wariye Qoslaaye ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho. Qoslaaye ayaa horey uga soo howlgalay waraabhinnada kuwa maqalka iyo sidoo kale kuwa la iska arko intaba, wuxuuna haatan ka howlgalayey Talefishinka Kalsan. Bahda Goobjoog waxay tacsi u dirayaan dhammaan ehlada iyo qaraabada uu ka baxay C/risaaq Qoslaaye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow oo saaray amar cusub ayaa ku amray dadka degen xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga baxaan. Eng C/raxmaan Yariisow, ayaa muddo labo todobaad ah u qabtay dadka degen xarunta Jaamacadda, waxaana uu sheegay haddii ay ku bixi waayaan muddada loo qabtay in ciidamada booliska gobolka ay ka saari doonaan. Waxaa warqada kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir lagu sheegay in dhawaan xarunta Jaamacada Gaheyr lagu bilaabi doono dhismo si loo soo celiyo Jaamaacada isla mar ahaantaasna dhisida xaruntaani ay hormuud ka ahaan doonto wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka. Amar midkaan lamid ah aya horaan sidaan oo kale dhowr mar oo kala duwan lagu bixiyay in dadka dagay xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga guuraan balse ma uusan dhaqan gelin. Laakiin markaan waxay u muuqataa in amarkaan uu dhaqan geli doono maadama taliska Booliska Gobolka Banaadir la faray in ay ka saaran dadka degan xarunta Jaamacada wixii ka dambeeya mudada loo qabtay. Dhismayaal badan oo dowladda ay laheyd ayaa waxaa degaansaday shacabka Soomaaliyeed, waxii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The European Union said Saturday that it has recalled its chief representative in Tanzania to Brussels for discussions, following reports he had been asked to leave by the government. Source: Hiiraan Online
-
As a child living in poverty in Mexico, he peddled fruit just to eat. A lifetime later, as the world's most wanted drug lord, his empire was so vast he commanded a fleet of submarines to move his wares. Source: Hiiraan Online
-
Britain's foreign secretary Jeremy Hunt is preparing for a massive expansion of the country's diplomatic network, with more than 1,000 extra staff at home and abroad, as part of a review of its global ambitions for the post-Brexit era. The plans include a new embassy in Djibouti. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii xalay kasoo baxay hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka NISA, ee lagu sheegay in la hakiyey qandaraasyo uu bixiyey. NISA ayaa sheegtay qandaraasyada la hakiyey loo gudbiyey hanti-dhowrka guud ee qaranka, si’ uu u baaro uguna gudbiyo hey’adaha ay khuseyso, kuwaas oo kadib qaadi doona tallaabo ka dhan ah. Qoraal uu soo dhigay twitter-ka ayuu xildhibaan Cabdirisaaq ku cadeeyay in munaasab aanu eheyn in dib loo soo faago arrintan, maadaama uu laba sano ka hor xilka iska wareejiyay. “NISA oo mas’uul xil horay u hayay si daahfurana xilkaas ugu wareejiyay Masuulkii xilka kala wareegay in aay dacaayad raqiis ah baraha bulshada soo dhigaan 2 sano ka dib iyado loga gol leeyahay in la isku cabsi geliyo. Waxaa nasiib darro ah in NISA iskubedeshay NSStii kaligitaliska” ayuu yiri Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Xildhibaan C/risaaq Cumar oo katirsan Guddiga amniga ee Golaha Shacabka, ayaa ka mid ah xildhibaanada aadka u dhaliila dowladda Somaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan NISA, ayaa Caasimada Online u sheegay in qanadaraasyada la hakiyey ay yihiin kuwa raashinka ee hay’adda NISA, kuwaas la siiyey shirkad uu wasiirka wax ka leeyahay. Sida ay sheegeen xubno ka tirsan NISA, oo codsaday inaan la magacaabin, qandaraaska ayaa bishii ku kacaya 300 oo kun oo dollar, wuxuuna socday muddo saddex sano, oo kasoo billaabata intii Cabdirisaaq Cumar uu ahaa wasiirka amniga Soomaaliya ilaa waqtigan, oo la hakiyey qandaraasyada. Baaritaanka NISA ay sameysay ee lagu hakiyey qandaraaska, ayaa waxaa lagu ogaaday in muddadaas ay hay’adda uga baxday qandaraaska lacag 10 milyan oo dollar ah. Shirkadda qandaraaska la siiyey, ayaa waxa ay NISA ogaatay, sida ay sheegtay, inay si wadajir ah u leeyihiin wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar iyo nin seedigiis ah. Cabdirisaaq Cumar, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa haysta xasaanad buuxda, mana cadda tallaabada laga qaadi karo, marka hanti-dhowraha guud uu soo dhameeyo baaritaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayey kulanka golaha shacabka ayaa codsaday in xukuumadda federaalka ah Soomaaliya ay la timaado qorshe sanadeed la mid ah miisaaniyadda, si loogula xisaabtamo sanad walbo dhammaadkiisa. Xildhibaan Fiqi, oo arrintaasi ka hadlayey wuxuu yiri “Barmaamijka xukuumadda sanadkii hore si degdeg ah ayaa lagu keenay, warqadu runtii nuxurkoodu aad u liito, aad u yaryar, oo aan ka tarjumeyn caqabadaha iyo shaqooyinka laga rabo xukuumad Soomaaliyeed, marka waxaan ku dari lahaa, in sanad walbo qorshaha cusub ama barnaamijka sanadkaas la joogo..’ Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waxaa uu soo-jeediyey inay sanadka soo socda ee 2019-ka ka bilaabaan xukuumadda soo gudbinta qorshaha “ Tusaale, 2019-ka ayaa noo bilaabaneysa, qorshaha xukuumadda ee sanadka 2019-ka in la keeno sanadkaas, si sanadkan aakhirkiisa xukuumadda loogula xisaabtamo ay u cadaadaan”. Ugu dambeyntii, waxaa uu Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ka digay in duubduub wax walbo loo qaato, taasina ay sahli karto in xukuumadda iska qabato wax cusub oo aan lagu ballamin. “Laakin sidii hore haddii ay tahay si duubduub ah ayaa loo keenay, makala go’neyn, tafasil mala heyn, wax cusub oo aan ku qorneyn, oo tiro badanna waa socdaan hadda oo ka duwan wixii la soo gudbiyey, marka in qorshaha si miisaaniyadda loo sarifaayo, oo sanad sanad looga dhigaayo, in qorshaha xukuumadda ee sanadkaasna la soo raacsiiyo. Arrinta uu xildhibaanka ka hadlayo ee xukuumadda inay lahaado barnaamij sanadeed la ogyahay waxaa ay ka jirtaa dunida inteeda kale, laakin xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ay xildhibaannada u qeybisay qorshe 4 sano ah oo dheer, oo aaney muuqan wax ka qabashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeenka Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa si cad u muujiyey mawqifka dowladiisa ay ka qabto khilaafka Soomaalida u dhexeeya. Ducaale oo wareysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira labada dowladood ee jaarka ah, oo ay ka mid ahaayeen amniga, khilaafka badda iyo xiriirka xumaaday ee dowladda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Mar la weydiiyey sida uu u arka khilaafka soo kala dhexgalay dowladda Federal-ka iyo Maamul Gobolleedyada waxa uu Aadan Barre Ducaale sheegay in mabaa’diida dowladda Kenya ay ku dhisan tahay tahay in ay xushmeeyaan dowladda dhexe ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Sidoo kale, Aadan Barre Ducaale waxa uu sheegay in maadama uu yahay siyaasi Soomaali ah uu jecel yahay in Soomaalida is xalliyaan oo ay maamul gobolleedyada la shaqeeyaan dowladda Muqdisho ka dhisan. Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada waxa uu soo jiitamayey muddo bilo ah waxa uuna hadda gaaray meeshii ugu xumeyd. Hase ahaatee, waxaa socda dadaalo lagu xallinayo oo uu wado Aqalka Sare ee Soomaaliya. Hadalka Aadan Barre ayaa imanaya ayadoo warar ay sheegayaan in dowladda Kenya laga yaabo inay madax goboleedyada Soomaaliya ka joojiso shirarka ka dhanka ah dowladda dhexe, oo ay ku qabsadaan magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii jimcihii, hadal ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu ku weeraray Siyaasiyiinta mucaaradsan dowladda Federalka Somaliya, ayaa hadalkaasi waxaa jawaab celin ka bixiyay Siyaasiyiintii weerarka afka lagu qaaday. Xildhibaan hore Cabdi Jabriil Yuusuf ayaa sheegay hadalka Gudoomiye Yariisow uu sheegay inuu ahaa mid loo soo dhiibay, islamarkaana uu ugu guulwadeynaayo dowladda Somaliya. Wuxuu sheegay Duqa Muqdisho in ayaandaro wayn ay ku tahay inuu u gafo Siyaasiyiinta dhaliilsan dowladda Federalka Somaliya, wuxuuna intaasi ku daray marnaba in aan la caburin karin Siyaasiyiinta. “Siyaasiyiinta lama caburin karo, waa ayaandaro wayn hadalka ka soo yeeray Gudoomiye Yariisow, waan dhageystay waxaan leeyahay waa hadal laguu soo dhiibay ee shaqadaada ka adkaaw Gudoomiye.” Ayuu yiri Xildhibaan hore Cabdi Barre. Hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa noqday mid saameyn dhaliyay, kadib markii Xildhibaano kala duwan ay ka soo hadleen oo ay ka jawaabeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni, oo talo siinayay hoggaanka dalka Koofurta Suudan ayaa hadal gef ah ka sheegay dalalka Soomaaliya iyo Liibiya. Mr Museveni oo ka hadlayay Magaalada Jubba ee Xarunta Koofurta Suudaan ayaa sheegay in dadka Shisheeyaha ah ay doonayaan in ay Koofurta Suudaan ka dhigaan meel bahallo galeen ah sida Soomaaliya iyo Liibiya. Yoweri Museveni, ayaa hadalkan ku qoray boggiisa Twitter-ka waxaana fal celin aad u qallsafsan uu kala kulmay inta badan dadkii aragtida ka dhiibtay hadalkiisa. Waxaa uu farriintiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ugu mahad naqayo Madaxda Koofurta Suudaan go’aanka ay qaateen iyo sida ay u diideen danaha shisheeyaha sida uu yiri. Inta badan dadkii wax ka sheegayay Museveni ayaa isaga talo ahaan ku siinayay in uu marka hore xafiiska u banneeyo dhallinyarada Uganda,waxaana kuwa Soomaalida ah weydiinayeen inta Madaxweyne ee uu la kulmay inta uu xafiiska fadhiyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Popular Contributors