-
Content Count
206,923 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisaabiyaha Guud ee dowladda marwo Faadumo Cusmaan Faarax marka laga soo tago inay been abuur, marin habaabin, qas iyo xad-gudub maaliyadeed ku eedeysay xafiiska wasiirka maaliyadda ee JFS hadana waxaa ay sheegtay inay howlahooda kala madaxbannaan yihiin wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska xisaabiyaha guud , iyada oo intaas raacisay in shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud aaney ka mid aheyn kuwa wasaaradda maaliyadda, isla markaana aanu wasiirka magacaabi karin. Haddaba, Caasimada Online waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa in sida ku qoran website-ka wasaaradda maaliyadda, lagana heli karo ciddii booqata in xafiiska xisaabiyaha guud ku jira qeybaha ama hey’adaha hoos taga wasaaradda maaliyadda, isla markaana uu ka amar-qaato wasiirka maaliyadda, lana xisaabtamo. Sida aad ku arki-doontaa shaxda hoggaanka wasaaradda maaliyadda, xafiiska xisaabiyaha guud waa qeyb ka mid ah xafiisyada wasaaradda maaliyadda, isla markaana ay qasab tahay inuu amro, lana xisaabtamo. Haa, waxaa la xisaabtamaayo xisaabiyaha guud ee qaranka wasiirka maaliyadda, waa sida ku qoran website-ka wasaaradda maaliyadda iyo shaxda maamul ee wasaaradda. Isla Website-ka waxaa ku qoran sida ay isu hoos tagaan iyo sida loo kala sareeyo ama habka xogta la isu siiyo amarradana ay maraan. Arrinta website-ka wasaaradda maaliyadda ku qoran waxaa ay ka hor imaaneysaa warka ay sheegtay xisaabiyaha guud ee Faadumo Cusmaan Faarax iyo sida ay dad badan aamisan yihiin oo ah in xisaabiyaha guud uu la xisaabtami karo dhammaan wasaaradaha oo ay ku jirto wasaaradda maaliyadda. Haddaba, waxaa su’aal ka taagantahay haddii ay labada xafiis kala madaxbannaanyihiin, maxaa keenay in wasiirka maaliyadda uu is hoos-geeyo? Haddii aysan kala madaxbannaaneen maxaa keenay muranka?! Waxaa xusid mudan in hey’adaha madaxabannaan uu ku jiro xafiiska hanti-dhowrka balse aanu ku jirin xafiiska xisaabiyaha, arrintaas oo u baahan in dood dheer laga galo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
In coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. forces conducted a collective self-defense airstrike targeting al-Shabaab militants in the vicinity of Araara, Somalia, on November 3, 2018. We currently assess this airstrike killed four (4) militants. We currently assess no civilians were injured or killed in this airstrike. The airstrike was conducted after armed militants were maneuvering to attack partner forces during a patrol. No U.S. service members were present on the ground during this Somali-led operation. U.S. forces will continue to use all authorized and appropriate measures to protect U.S. citizens and to disable terrorist threats. This includes partnering with AMISOM and Somali National Security Forces (SNSF) in combined counterterrorism operations and targeting terrorists, their training camps, and their safe havens throughout Somalia and the region. The post US carried out airstrike in Somalia, kills at least 4 Al-Shabab fighters appeared first on Shabelle. View the full article
-
Galkacayo (Sh.M.Network) – Madaxwaynaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] oo uu wehliyo madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug. Ujeedka socdaalka madaxda ayaa waxaa lagu sheegay inay halkaasi kulan ay kula leeyihiin ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, mudane Nicholas Haysom. Nicholas Haysom iyo masuuliyiinta Galmudug ayaa kawada hadli doona arrimo ku saabsan is-marin-waaga siyaasadeed ee maamulkaan la degay iyo khilaafka dowlad goboleedyadda iyo dowlada dhexe. Wakiilka gaarka ah ee xoghyaha guud ee Jamciyadda qurumaha ka dhaxeyso ayaa horey ula soo kulmay hogaamiyaasha dowlad goboleedyadda qaarkood, isaga oo kala soo hadlay arrimahaani. Maamulka Galmudug ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay oo uu Nicholas Haysom la kulmo madaxdiisa, waxaana la filayaa inuu aakhiritaanka socdaalkiisa caasimadaha maamulada uu kasoo saaro warbixin dhameystiran. The post Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo gaarey Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lala eegtay xubno ka tirsan Al Shabaab, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday dowladda Mareykanka. Warbixin kasoo baxday Taliska AFRICOM oo ah taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka ARAARE ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo xubno ka tirsan Al Shabaab ay ku sugnaayeen. Afar xubnood oo ka tirsan Al Shabaab kuna sugnaa deegaanka duqeynta ka dhacday ayaa la sheegay inay dhinteen, sida lagu daabacay warbixinta kaso baxday Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa. Warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) aya lagu xusay iney qiimaynayaan in weerarkaasi ay dad rayid ah ku dhinteen ama ku dhaawacmeen iyo in kale. Duqeynta kadib ayaa ciidamada Al Shabaab waxaa la sheegay inay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo ay doonayeen inay ku weeraraan ciidamo taageero ka hela dowladda Mareykanka oo gobolka ku sugan Ma jiro wax khasaaro ah oo ka soo gaaray ciidamada Mareykanka howlgalkan oo ay hormuud ka ahaayeen Soomaalida sida bayaanka ku xusan. Ugu dambeyn Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeyn doonaan difaacidda Muwaadiniinta Mareykanka ee kusugan Somalia iyo la dagaalanka Al Shabaab iyaga oo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga Joogtada ah ee Aqalka sare Barlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu qodobo ay kasoo saarey kulankiisa afaraad oo qayb ka ah Kal-fadhiga afaraad oo ay maanta oo Axad ah ku yeesheen xaruntooda Muqdisho. Mudanayaasha waxaa ay ku sheegeen qoraalka in ay ka walaacsan yihiin faragalin lagu sameeyo Doorashooyinka ka dhacaya qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka gaar ahaan doorashadda 17-ka bishaan la rajeynayo in ay ka qabsoonto deeganada maamulka Koonfur Galbeed. Bayaanka ay soo saaren Gudiga Joogtada ah ayaa lagu yiri “xubnaha Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare waxaa ay adkaynayaan in shacabka Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ay xaq u leeyihiin in ay si xor ah u doortaan hogaanka ay rabaan. Sidoo kale, murashaxiinta u tartamaya hogaanka maamulka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa loogu baaqay in ay u loolamaan si cadaalad iyo hufnaan ah, iyaga oo raacaya dasuurka heer maamul iyo mid Federaal, si lamid ah shuruucda doorashooyinka iyo kuwa kale ee dalka udegan. Xoghayaha Golaha Aqalka sare Cali Maxamed Jaamac ayaa saxaafada u aqriyay qodobadda ay ka soo saareen fadhigooda maanta, kaasi oo qayb ka ah kulamo is-dabajoog ah oo mudooyinkii dambe ay yeelanayeen. Baaqan Gudiga Joogtada ah ee Aqalka Sarre ayaa imaanaya xili ay doorashooyin madaxtinimo kusoo fooleeyihiin qaar kamid ah maamul goboleedyadda dalka sida Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana maalmihii dambe gudaha deeganada maamuladaasi kasoo baxayay hadalo hoose oo ku aadan faragalin doorasho iyo in murashaxiintu ay isku eedeynayaan arimo shucaac ku furi kara doorashooyinka dowlad goboleedyaddaasi ka qabsoomaya. Hoos riix si aad udhageysato codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Aqalka-sarre.mp3 The post Aqalka sare oo ka digay faragelinta doorashada Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
The UN Migration Agency has begun providing life-saving health care to two Somali towns previously inaccessible because of war and conflict. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineyna warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-04112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
“Waa lagu digtaa ruux hadduu, kuu darnaan jiraye Bal dayaay wadaadkii wakaa, sii dabayshadaye” Cali Aadan Gorayo (Cali-Dhuux) Maqaalkan xuska iyo xurmada ah, oo aan qaybaha ugu badan ka xiganayo qormo uu hore u diyaariyay una faafiyay Eng Maxamed Beddel, waxa aynu ku suntaynnaa waxqabadka iyo waxyeellada dhallinyaro ay xukuumaddii hore u samaysatay dadka Hargeysa/Sallaxley/Balli-mataan, oo caan ku ah “Jin-dagaagay”. Si gaar ah waxa aan maanta u soo gudbin doonaa faallo ku saabsan Maamulihii Madaarka Cigaal Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil. Kaas oo maanta la dhaafiyay xeradii uu tagri-falka, xadgudubka, dhaca iyo boobka la dhex soognaa. Waxa loo beddelay Madaarka Berbera oo ay xukuumadda Somaliland ka kiraysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, taas oo ka dhigan tababarkii ciidan ee Saybeeriya la isugu madallufin jiray. Sannadkii 2011ka ayuu noqday hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland. Sida xeerku dhigayo laguma qaadan imtixaan, aqoon iyo shaqo la xayaysiiyay midnaba. Qof-jeclaysi iyo qaraaba-kiil ayaa lagu doortay. Waxa u ergeeyay nin adeerkii oo ay muddo dheer golaha wakiillada ku wada jireen Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi. Durbadiiba waxa uu noqday adeege ku wanaagsan wargudbinta, iska dhaadhicinta, raxlaynta iyo summadaha ay jecel yihiin madaxda xilka ka hayaa. Markii uu socday dib-u-dhiska madaarku (2011-2013) waxa uu shaqaalaha joogtada ah ee madaarka Cigaal sida kuwa korontada ku odhan jiray “Ii soo sheeg marka wasiirku soo laabto gelinka dambe”, isla qacda uu xogtaas helo ayuu gegada iman jiray. Waxa uu markaas iska dhigayay nin shaqada daacad u ah oo labada gelinba adeega, isaga oo aan qaadan gunno dheeraad ah. Meelihii kowaad ee uu ka adeegay waxa ka mid ahaa kamaradaha ilaalada gegada CCTV, halkaas oo uu uga sii gudbay madaxa nabadgelyada. Ugu dambaynna badhtamihii 2013ka ayaa loo xulay Maamulaha Madaarka Cigaal. Milicsiga Dhalashadiisa iyo Geeddigii Waxbarashada. Sannadkii 1988kii ayuu ku dhashay Uubaale oo Koonfur kaga beegan Madaarka Cigaal ee Hargeysa. Yaraantiisii waxa uu ku koray nolosha miyiga, wuxuuna kaalin ka qaatay raacista xoolaha nool siiba maqasha iyo adhiga. Markaas ma uu helin fursad uu ku bilaabo waxbarasho toos ah. Waxa uu joogi jiray xaafado ay xigaal yihiin, maadaama oo qoyskoodu ahaa xoolo-dhaqato. Maanso la sheegay in uu tiriyay waxa ka mid ahaa: “Dheri reer u karayaa Dhuuni ii ahaan jiray Dhaaxa’e dul saar baan Ku dhammaystay noloshii” Isaga oo da’ ahaan nin weyn ah ayaa uu ka yimi deegaanka Uubaale oo ay qoyskoodu reer miyi ahaan u degganaayeen, kaddibna waxa la qoray dugsiga Qudhacdheer. Maadaama oo uu ka weynaa ardayda lodkiisa ah, waa uu sii wadi kari waayay aqoonta dugsiga hoose/dhexe. Sida awr la fadhiyo orgi ayuu noqday. Waxa loo boodsiiyay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali kaas oo uu 2006dii kaga mid noqday waxa loo yaqaanno “Indha-caddaynta”. Waayadaas waxa ay wasaaradda waxbarashadu qaadi jirtay imtixaan loo yaqaanno “Half GC” kaas oo ay mari jireena ardayda ka gudbaysa fasalka 2aad ee dugsiga sare. Maadaama oo aanay aqoontiisu dhisnayn, waxa uu geli kari waayay jirrabkaas. Sidaas awgeed ayuu hadda mar kale u baalmaray geeddiga aqooneed. Jaamacadda Hargeysa ayuu sifo leexsan ku galay. Kulliyadda ICT ayuu arday ka noqday. Halkaasna waxa uu kala kulmay caqabad kale. Maaddooyinka adag ee xisaabtu ka mid tahay waxa u geli jiray arday lodkiisa ah ama kuwo aan dhigan jaamacadda Hargeysa. Isaga oo taxanihiisa waxbarasho sidaas yahay, la-yaab malaha in aynu aragno isaga oo aqoondarro ku caayaya Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud, waayo waxa uu ahaa gardarro garab og. Isaga oo taxanihiisa cilmigu sidaas yahay ayuu metelaa bulsho wada waayo-arag iyo wax-aqoon ah. Hadimada Maamulaha Madaarka Cigaal Waxyaabaha lagu xasuusto Maamulaha Madaarka Cigaal Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxa ka mid ah: 1. Waxa uu door ka qaatay musuqii baahsanaa ee ka dhacay wasaaradda duulista. Caddaymaha arrinkaas maragga u ah waxa ka mid ah bangalaha uu ka dhistay dhinaca bari ee Scandinavian Hotel ee magaalada Hargeysa. Miyaa uu mushaharkiisu dhisi karaa guriga aan sawirkiisa soo bandhigay? 2. Waxa uu ka mid ahaa dadkii doorka ka qaatay in dhul 13KM ah laga qaado deegaanka Masallaha. Kaas oo madaarka lagu ballaadhiyay. Maxamed Yuusuf waxa uu cagta hoosteeda geliyay dadkii rabay in dhulkooda loo qiimeeyo ama dhul beddel loo sameeyo. Marka laga yimaaddo ragga, waxa uu xidhxidhay dumar dumaashi u ah oo inaadeerkii qabo. Dadkaas waxa ka mid ah xaaska Shanfool Xaashi Guuleed oo abti ruma u ah Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi. “Aniga i xidhaye, maxaa dumaashidaa kuu geeyay?” ayuu ku garnaqsaday Shanfool Xaashi oo ah Guddoomiyaha Beeralayda Uubaale. Dadkaas waxa lagu eedeeyay in ay jarjareen siligga madaarka, eeddaasna wax caddayn ah looma helin. Muddo ku dhaw 20 cisho ayay liinta ku cabbayeen rugta madaarka. 3. Waxa uu ka mid ahaa adeegayaashii dartood loo beddelay Wasiirradii ka dambeeyay Maxamuud Xaashi sida Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Cumar Maxamed Faarax. Markii ay xilka wasaaradda duulista hayeen wax ka yar afar bilood ayaa mid kastaba laga beddelay kobtaas. Waxaana sabab u ahaa khilaaf soo dhex galay iyaga iyo diraneyaal wasaaradda lagu sii beertay. 4. Kaalin weyn ayuu ka qaatay isku-dirka xukuumadda iyo dadka deegaanka. Lama tirin karo inta jeer ee uu sharci-darro ku xidhay dad aan waxba galabsan, sirdoonka uu ku wareejiyay ama xorriyaddooda loo celiyay iyada oo aan daw la marin. Saw kama war haysaan gacan-ka-hadalkii, feedhkii iyo duudsigii uu ku sameeyay Majaajilaystaha caanka ah ee Ajakis oo ka shaqeeya Universal TV “Nin dheer oo madaw, malakul-mawd aa mooddo, acuudu billah ayuu lee ahaa” ayuu Ajakis yidhi. 5. Intii uu xilkan hayay waxa uu galay ganacsiyo door ah oo ay ka mid yihiin furitaanka sarrifle ku yaalla madaarka Cigaal iyo in hab xeerka baalmarsan loo dhoofiyo dad u socdaalaya dhul aan ammaankiisu sugnayn. Nin weyn oo muddo dheer ka tirsanaa Wasaaradda Duulista, gaar ahaanna ka shaqayn jiray madaarka Berbera oo ay xigaal yihiin Maamulaha Madaarka Hargeysa ayaa lagu yidhi “Maxaad xil u doonan weyday?”. Wuxuu yidhi “Shaqooyinka uu Maxamed Yuusuf qabto ayaanan qaban karin”. Siciid Maxamuud Gahayr Qaran News
-
Shir uu maanta isgu yimid gudiga joogtada ah Aqalka Sare ee Dawlada Federaalka Somaaliyeed ayaa laga soo saaray war saxaafadeed looga soo horjeedo faragelinta lagu hayo doorashada Madaxtinimo ee Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Konfur Galbeed. Halkan ka akhriso War Saxaafadeedka Aqalka Sare : Halkan ka daawo warsaxaafadeedka Aqalka Sare http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2018/11/45567823_341500059733952_9044032237141491712_n.mp4
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa diyaarinaya qaraar cunaqabataynta lagaga qaadayo dawladda Ereteriya kadib markii reer Galbeedku bedelay mawqifkooda. Heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya ayaa fure u ah qorshaha cusub waxaanay cunaqabataynta hubku saarnaan doonta Somalia sida qaraarka cusub dhigayo. Dawladda Ingiriiska ayaa Khamiistii golaha u qaybisay qaraar ku baaqaya in Ereteriya laga qaado cuno qabataynta Hubka iyo dhammaan xariyaadda dhanka socdaalka, hantida laga xannibay iyo dhammaan cuno qabataynaha lagu bartilmaameedsaday Ereteriya sida uu dhigayo qaraarka Ingiriisku u ololanayo oo ay aragtay wakaaladda wararka ee AFP. Qaraarka ayaa loo codayn doona 14-ka bishan November, waxaana lagu rajo weyn yahay in la meel marin doono sida laga soo xigtay ilo diblamaasiyadeed. Maraykanka iyo Ingiriiska oo heshiiska Ereteriya iyo Itoobiya kadib dalbanayay in Asmara hagaajiso xorriyatul qawlka iyo xuquuqal iisaanka ayaa haddana mawqifkooda bedelay, islamarkaana ogolaaday in cuno qabataynta la qaado. Ereteriya waxa cuno qabataynta la saaray sanadkii 2009 kadib markii lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha ka dagaallama Soomaaliya, hase ahaatee waxa qaraarka lagu sheegay in Kooxda la socodka cuno qabataynta u qaabilsan Qaramada Midoobay aanay keenin wax caddayn ah oo ku saabsan in Ereteriya taageerto argagixisada. Dawladda Ereteriya ayaa eedahaasi dafirtay waxaanu wasiirkeeda arrimaha dibaddu bishii September kulanka guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in cuno qabatayntu curyaamisay dalkiisa iyada oo aanay wax sharci ah ku salaysnayn waxaana cuno qabatayntu buraysa isla maalinta loo codeeyo qaraarka sida ku xusan qaraarkan cusub. Dawladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku wehelinaysa baaqa ah in cuno qabataynta laga qaado Ereteriya intii isbedelku ka dhacay Geeska Afrika laakiin, sida uu dhigayo qaraarka cusub waxa Soomaaliya sii saarnaan doonta cuno qabataynta hubka. Dawladda Jabuuti ayaa hore si weyn uga soo hor jeedsatay in cuno qabataynta hubka laga qaado Ereteriya iyada oo ay u dhexeyso colaad dhanka xuduudka ah. Hase ahaatee qaraarkan ayaa Ereteriya iyo Jabuuti ku boorrinayo in la sii wado wada hadallada bilawday bishii September oo madaxda labada dal ku kulmeen Sucuudiga. Waxa xusid mudan in dawladda Ingiriiska oo qaraarkan dabada ka riixaysa la filayo in ay dhawaan xoojiso cilaaqaadka ay la leedahay Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa boggiisa twitter-ka ku sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Ingiriisku sheegay in ay si dhakhso ah safaarad uga furan doonan Jabuuti. Wasiirku waxa uu sheegay in ay taasi ku timid siyaasadda arrimaha dibadda Jabuuti oo furfuran. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in si Wadajir ah halkaasi ay maanta u gaareen madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda Galmudug. Labada masuul ayaa u gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug inay la kulmaan wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo maalmihii ugu dambeysay la kulmayay madaxda dowlad goboleedyada. Nicholas Heysom ayaa la kulmay madaxda Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Somaliland, waxaana kaliya u harsan madaxda maamulka Galmudug. Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda ayaa Diyaarad ku tegay Gaalkacyo,iyaga oo halkaasi u tegay la kulanka Ergeyga QM oo wada xal u raadinta khilaafka Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada. Dhawaan ayaa la filayaa in magaalada Gaalkacyo lagu qabto shir dib u heshiisiin ah oo loo qabanayo madaxda maamul goboleedyada.
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku taliyey in la tixgeliyo go’aankii Maxkamadda sare ee 2005, ee ahaa in Doorashada Wakiillada ee dambe in lagu galo saami qaybsi iyo in tirikoob la sameeyo. Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Markii la qabanaayey Doorashada Golaha Wakiillada ee 2005, ayaa wakhtigaas waxay Maxkamadda Dastuuriga ahi ay go’aamisay in Doorashada dambe ee Golaha Wakiillada in lagu galo iyada oo la sameeyey tirikoob, imikana si ay Doorashadu inoogu qabsoonto, waxa haboon in la sameeyo tirikoobkaas iyo saami qaybsi, waana in sideeda loo fuliyaa go’aankaas Maxkamadda sare ay go’aamisay, haddii aanu nahay Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Salel iyo Awdal mawqifkaygu waa in la sameeyaa Tikikoobkii iyo Saami qaybsigii kuraasta Barlamaanka, waana in la fuliyaa go’aankii Maxkamadda sare ee 2005, waana ayaan daro weyn haddii la dhaqan galin waayo go’aanka Maxkamadda sare” Xildhibaan Aareeye mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Xisbiyadu Mucaaradku haddii ay ku kalsoonaan waayeen Komishanka, xaq bay ku taagan yihiin, mar haddii ay cadaalad daro ku tuhmeen oo ay yidhaahdeen kuma kalsoonaan karno, xaq bay u leeyihiin in laga bedelo, madaama ay diidan yihiin” Source
-
Muqdisho (PP) ─ Gudiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia oo maanta shir saacado socday ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa waxay ka digeen inaan wax faragelin ah lagu sameynin doorashooyinka dhawaan kuso wajahan maamul goboleedyadda dalka qaarkood. Xoghayaha Aqalka Sare, Cali Maxamed Jaamac oo Warbaahinta la hadlay shirka kaddib, ayaa sheegay inay ka digayaan inaan fara-gelin lagu sameyn Doorashada maamul-goboleedyada dalka, gaar ahaan midda bishaan ka dhici doonta Koonfur-galbeed. Sidoo kale, Wuxuu ugu baaqay musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha ee maamulka Koonfur-galbeed inay u hoggaansamaan shuruucda u dagsan maamulka Koonfur-galbeed iyo tan guud ee dalka. Doorashada Koonfur-galbeed ayaa dhici doonta 17-ka bishaan November ee lagu jiro, waxaana jiray cabashooyin fara badan oo kasoo yeeraha shacabka iyo waxgaradka maamulkaas, kuwaasoo Dowladda Federaalka ah uga digay in fara-gelinta ay ka dayso doorashada. Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa lagu eedeeyay inay fara-gelinno aan loo meel-dayin ku hayso maamul-goboleedyada dalka, gaar ahaan xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka maamulladaas. DHAGEYSO: Warbixinta Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee BFS; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/DHAGEYSO_Warbxinta_Aqalka_Sare.mp3 PUNTLAND POST The post Golaha Aqalka Sare oo ka digay in fara-gelin lagu sameeyo Doorashooyinka Maamullada appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta daah-furay kulan sannadeedka Golaha Wasiirrada ee dar-dar gelinta qorshayaasha Qaranka oo looga tashanayo geeddi-socodka qorshe hawleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019-ka. Shirka oo loo Qorsheeyay inuu socdo maanta iyo berri ayaa waxaa maanta dib loogu eegayay qorshooyinkii Wasaaradaha ee Sannadka dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka soo socda. Wasiirradii kulanka ka hadlay ayaa dhammaantood waxay soo gudbiyeen waxqabadkoodii sannadkan gaba-gabada ah iyo Qorshayaasha u degsan sannadka nagu soo fool leh. Dhanka kale, Wasiirrada aan fursadda u helin in ay maanta soo gudbiyaan waxqabadkooda sanadkan iyo qorshayaasna sannadka dambe ayaa lagu wadaa inay berri ka hadlaan kulanka. Ugu dabmeyn, Kulankaan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay isugu yimaadaan golaha wasiirrada xukuumadda uu horkacayo Xasan Cali Khayre, iyadoo la filayo inay maalinta berri ah ay kasoo saaraan warbixin dhameystiran. PUNTLAND POST The post Shirka Sannadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – La dagaalanka Musuq Maasuqa waa balanqaadyada ugu badan ee ay sameeyaan Musharixiinta marka ay doonayaan qabashada xilka hogaanka sare ee dalka, waana waxa ragaadiyay Soomaaliya. Soomaaliya ayaa dhowr jeeda kaalmaha hore ka gashay dalalka ugu Musuq maasuqa badan caalamka, waxaana niyad jab dareema marka warbixinadaa lasoo saaro shacabka Soomaaliyeed. Xukuumadda Xasan Cali Kheyre, waxay horey u shaacisay inay la dagaalameyso Musuq maasuqa, waxaana loo xiray masuuliyiin dhowr ah oo ugu dambeyn xabsi sanado ah qaarkood lagu xukumay. Arintaan ayaa ka dhigan digniin loo jeedinayo dadka doonaya inay musuq maasuqaan hantida dadweynaha, laakiin waxaa wali la aaminsan yahay inay jiraan shaqsiyaad dowlada ka tirsan oo Musuq maasuq sameeya. Xafiisyo badan ayuu wali ka jiraa Musuq maasuqa haba loo kala badnaadee, balse talaabadan maxkamadda gobolka Banaadir ay ku xukuntay sagaal ruux oo eedeysanayaal ahaa ayaa noqoneysa mid bilow u noqon kartaa la dagaalanka Musuq maasuqa dalka hareeyay. Dhibaatada wali Soomaaliya ka taagan oo Qabiilka uu ugu horeeya ayaa keeni karta in Musuq maasuqa uusan ka dhamaan Somalia, maadaama shaqsiyaadka arrimahaasi ku kaca ay qabiilka isku haleeyaan. Hay’aha la xisaabtanka Musuqa oo aan awood buuxda laheyn ayaa sidoo kale keeni kara in guulo waaweyn aan laga gaarin musuq maasuqa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horraysay tariikhda Somaliland intii ay xorriyadeeda la soo noqotay waxay Ugu yeedheen Gobolada Waqooyi ee Soomaliya, sida lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay. Kaas oo Soomali ahaan u dhignaa sidan : Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa manta gaadhay Gobolada Waqooyi magaalada Hargeysa, intii uu halkaa ku sugnaa ayuu la kulmay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Abdi oo uu kala hadlay arrima dhawr ah oo ay ka mid yihiin xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Soomaaliya, ammaanka iyo horumarka gobolka iyo khilaafka dhawaanahaan kala dhexeeyay dariskeeda Puntaland ee ku saabsan xaaladda Tukaraq. Hoos ka akhriso War-saxafadeedkii Qaramada Midoobay oo ku qoran luuqada Ingiriisiga. Source
-
Xisaabiyaha Guud ee dowladda marwo Faadumo Cusmaan Faarax marka laga soo tago inay been abuur, marin habaabin, qas iyo xad-gudub maaliyadeed ku eedeysay xafiiska wasiirka maaliyadda ee JFS hadana waxaa ay sheegtay inay howlahooda kala madaxbannaan yihiin wasaaradda maaliyadda iyo xafiiska xisaabiyaha guud , iyada oo intaas raacisay in shaqaalaha xafiiska xisaabiyaha guud aaney ka mid aheyn kuwa wasaaradda maaliyadda, isla markaana aanu wasiirka magacaabi karin. Hadda Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda la wadaageysaa in sida ku qoran website-ka wasaaradda maaliyadda, lagana heli karo ciddii booqata in xafiiska xisaabiyaha guud ku jira qeybaha ama hey’adaha hoos taga wasaaradda maaliyadda, isla markaana uu ka amar-qaato wasiirka maaliyadda, lana xisaabtamo. Sida aad ku arki-doontaa shaxda hoggaanka wasaaradda maaliyadda, xafiiska xisaabiyaha guud waa qeyb ka mid ah xafiisyada wasaaradda maaliyadda, isla markaana ay qasab tahay inuu amro, lana xisaabtamo, haa, waxaa la xisaabtamaayo xisaabiyaha guud ee qaranka wasiirka maaliyadda, waa sida ku qoran website-ka wasaaradda maaliyadda iyo shaxda maamul ee wasaaradda. Isla Website-ka waxaa ku qoran sida ay isu hoos tagaan iyo sida loo kala sareeyo ama habka xogta la isu siiyo amarradana ay maraan. Arrinta website-ka wasaaradda maaliyadda ku qoran waxaa ay ka hor imaaneysaa warka ay sheegtay xisaabiyaha guud ee Faadumo Cusmaan Faarax iyo sida ay dad badan aamisan yihiin oo ah in xisaabiyaha guud uu la xisaabtami karo dhammaan wasaaradaha oo ay ku jirto wasaaradda maaliyadda. Haddaba, waxaa su’aal ka taagantahay haddii ay labada xafiis kala madaxbannaanyihiin, maxaa keenay in wasiirka maaliyadda uu is hoos-geeyo? Haddii aysan kala madaxbannaaneen maxaa keenay muranka?! Waxaa xusid mudan in hey’adaha madaxabannaan uu ku jiro xafiiska hanti-dhowrka balse aanu ku jirin xafiiska xisaabiyaha, arrintaas oo u baahan in dood dheer laga galo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa digniin culus kasoo saaray Doorashooyinka ka dhici rabo Maamul Goboleedyada ka jiro Soomaaliya. Guddiga joogtada ah ayaa ka digay in faragelin lagu sameeyo Doorashooyinka, gaar ahaan midda 17 Bishaan ka dhici doonto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed. Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ayaa si cad u sheegay in shacabka Maamul Goboleedyada ay xaq u leeyihiin inay doortaan cidda ay rabaan iyadoo aan faragelin lagu sameyn. Guddiga ayaa walwel ka muujiyey in faragelin lagu sameeyo Doorashada Koonfur Galbeed ka dhici doonto, wuxuuna Guddiga musharixiinta faray inay u hoggaansamaan Shuruucda Dastuurka Dalka iyo Midka Maamul Goboleedyada. Shacabka Koonfur Galbeed ayuu guddiga ugu baaqay inay muujiyaan hufnaan Doorasho iyo in laga shaqeeyo midnimada iyo Xasiloonida deegaanadaas. Haddaba halkaan hoose ka akhriso qodobada kasoo baxay Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Oslo) Mahad Abiib oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan Dalka Norway sharciga wayna ay kala noqotay Dawladda Dalkaasi ayaa sheegay inuu go´aansaday inuu dib ugu noqdo Waddankiisi Hooyo. Wuxuuna u mahadceliyay dadkii garab istaagay xiliyadii adkaa ee uu soo maray mudadii ay socotay maxkamada u dhaxeysay isaga iyo dowlada Norway. Abiib ayaa labo isbuuc kahor markii labaad kasoo muuqday maxkamada Oslo, isaga oo racfaan ka gudbiyay go´aankii ay kiiskiisa ka gaartay maxkamada Oslo. Maxkamada racfaanka Oslo ayaan wali go´aan ka gaarin kiiska dacwada racfaanka Mahad Abiib, laakiin Abiib ayaa sheegay inuu go´aansaday inuu Norway isaga tago, uuna ku noqdo dalkiisii, dhinac walba oo ay dacwada racfaanku u dhacdaba. Mahad iyo kiiskiisa ayaa labadii sano ee ugu danbeeyay dhinaca kale u rogay sharciyada quseeya kala noqoshada dhalashada Norway. Waxaana dartiis iyo dagaalka uu la galay dowlada Norway, lagu badalay ilaa shan qodob oo ku saabsan xeerka soo galootiga dastuurka Norway. Source
-
(SLT-Riyad) Khalid Bin Talaal oo kamid ah qoyska boqortooyada Sucuudiga oo horraan loo xidhay inuu kasoo horjeeday hawlgalka ka dhan musuq maasuqa ayaa lagu soo warramaya in xabsiga laga soo daayay. Qoyska Khaalid bin Talaal waxay baraha bulshada soo geliyeen sawirro muujinaya dhaxal sugaha oo salaamaya eheladiisa. Dhaxal sugahan ayaa ah wiilka uu dhalay boqorka Salmaan walalkiis. Al Waliid oo la dhashay Khaalid wuxuu kamid ahaa tiro dad ah oo kamid ah qoyska reer boqor iyo mas’uuliyiin sar sare oo lagu eedeyay musuq maasuq kuwaaso xabsiga la dhigay sannadkii tagey. Arrintani ayaa imaaneysa xilli uu cadaadis caalami ah saaran yahay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan oo ku aadan dilkii loo geystay Jamaal Khaashuqji. Dadka ka faalooda siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in mas’uuliyiinta Sucuudiga ay isku dayayaan inay dejiyaan qalalaasaha ka dhex taagaan qoyska si ay dhexdooda garab siyaasadeed isaga helaan. Sawirro ay baraha bulshada soo geliyeen qoyska Khaalid ayaa muujinaya isaga oo la joogo wiilkiisa oo muddo sannoyin ah kooma ku jiray. Dowladda Sucuudiga war rasmi ah kama aysan soo saarin sii deeynta Talaal. Wargeyska Wall Street ayaa ku warramay in Khaalid Talaal uu xirnaa 11 bilood kaddib markii la sheegay inuu kasoo horjeeday howlgalkii sannadkii tagey lagu xiray 200 qof oo isugu jiro qoyska boqortooyda, wasiiro iyo ganacsato kaddib lagu eedeeyay musuq maasuq. Waxaana lagu xiray huteelo ku yaalla magaalada Riyaadh. Dadka falanqeeyo siyaasadda Sucuudiga ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ahaa isku day dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan uu ku xoojinayo awoodda. Dabayaaqadii bishii January, dacwad oogaha guud ee Sucuuda wuxuu sheegay in kabadan 100 bilyan oo doolar laga helay dadkii musuq maasuqa loo haystay. Somalilamdtoday/Hargaysa/Office Source
-
Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka JFS oo maanta yeeshay kulanka 4aad, kalfadhiga 4aad ayaa baaq ka soo saarey doorashooyinka dowlad goboleedyada gaar ahaan tan ka dhaceysa dowlad goboleedka Koonfur galbeed. Qoraal-ka aqalka sare ayaa u qornaa: Waxa uu maanta Kalfadhiga 4 aad kulankiisa 4 aad ee 04 Nov. 2018 ku guddoonsaday soo saarida baaq leh qodobbada soo socdo: Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu adkeynayaa in Shacabka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay xaq u leeyihiin in ay u doortaan madaxdooda si xor ah oo caddalad ah. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare wuxuu welwel ka muujinayaa isla markaana ka digayaa in lagu sameeyo faro-gelin dhammaan dooshooyinka Dowlad Goboleedyada oo ay ugu soo horreyso doorashada Koonfur Galbeed. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu ugu baaqayaa musharrixiinta madaxtinimo ee Dowlad Goboleedka Koonfur in ay ilaaliyaan una hoggaansamaan Dastuurka Federaalka, Dastuurka Dowlad Goboleedka, Shuruucda kale ee Dalka, ayna raacaan tilmaamaha Guddiga Dooroshooyinka Dowlad Goboleedka. Guddiga Joogtada ah Golaha Aqalka Sare waxa uu ugu baaqayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka deegaannada Koonfur Galbeed in la wada ilaaliyo hufnaanta dooroshooyinka Dowlad Goboleedka, midnimada iyo xasiloonida deegannadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors